Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online)-Jug culus ayaa waxaa mar qura laga wada maqlay magaalada Qardho ee maamulka Puntland kaa oo la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Jugta Qaraxa ayaa inta badan waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan. Qaraxa ayaa si gaara uga dhex dhacay geerish ku yaalla magaalada Qardho, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad Shan ruux oo kamid aheyd shaqaalaha Garaashka. Dadka dhaawacmay oo ka mid ahaa shaqaalaha garaashka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka wey ee magalada Qardho si halkaasi loogu dabiibo. Gaariga ayaa lasoo warinayaa in lagu diyaariyay Garaashka, hase yeeshee uu qarxay ka hor inta aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa. Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Qardho oo goobta gaaray ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxa. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilihii ugu danbeyay ay magaalada Qardho saldhig u noqoneysay madaxda DFS ee socdaalka ku gaara deegaanada maamulka iyo madaxda Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Pioneering technology will help eliminate landmines across Africa and Asia helping the world’s most vulnerable communities access safe land. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)- DFS ayaa qoraal kooban u dirtay Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlada ee ku shirsan magaalada Kismaayo. Dowlada ayaa qoraalka ku codsatay in maamulada ay keenaan xisaab-celin ku aaddan Isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada. Qoraalka warqadan oo si gaara uga soo baxday Xafiiska Wasiirka maaliyadda oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii DFS gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda. Qoraalka waxaa sidoo kale maamulada lagu weydiistay in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray dowladda. Sidoo kale, Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”. Qoraalka waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”. Sidoo kale, Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”. Talaabadan ay qaaday dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho. Docda kale, waxaa adkan karta sida ay ku suuroobeyso xisaabcelinta DFS ay dalbatay in la keeno, xili saamayn ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.
  4. Puntland Post-Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu xilalkii uga qaaday taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa. Wareegtada oo ku taariikheysan 1/9/2018 ayaa lagu sheegay in xilalkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali Aweys iyo ku xigeenkiisa Cabduqaadir Maxamuud Owbakar. Sidoo kale waxaa Wareegtada Taliyaha Cusub ee Nabadsugida Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabey Colaad Cabdulaahi Cismaan. Hoos Ka Akhriso sababta keentay xilka qaadista iyo Magacaabista. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Xilka ka Qaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  5. Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah. Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood. “Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu. Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dedaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolka. Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea. Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay. Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaarista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan. Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  6. The government of Somalia in association with the World Bank launched the flagship infrastructure project in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia announced on Friday it will host Arab Foreign Ministers’ next session in Somali capital Mogadishu. The meeting of the League’s Council will be held early 2019 in Mogadishu, a major boost for Somali diplomacy, said in a memo obtained by Caasimada Online. Somali Foreign Ministry’s Twitter feed said that Somalia would assume the chairmanship of Arab Foreign Ministers Council. The move allows Somalia to host the next session of Arab Foreign Ministers Council set to take place early 2019 in the capital of Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. MOGADISHU (Caasimada Online) – Djibouti President Ismail Omar Guelleh has welcomed the normalization of its strained ties with Eritrea, after Foreign Ministers of Eritrea, Ethiopia and Somalia travelled to Djibouti on Thursaday. President Guelle thanked his Eritrean President Isaias Afwerki for the initiative to restore the strained relations since 2008. “Djibouti is ready for reconciliation and normalization of its ties with Eritrea”, he said. Mr. Guelle also appreciated Ethiopia and Somalia for their role in bringing together Eritrea and Djibouti. Eritrea’s Foreign Minister Osman Saleh conveyed President Isaias’s greetings to President Ismael Omar Guelleh and underlined that “this is the season for peace in the Horn of Africa and this peace should be inclusive to all”. The joint high-level committee is composed of Mr. Osman Saleh, Foreign Minister of Eritrea, Dr. Workneh Gebeyehu, Foreign Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and the Foreign Minister of the Federal Republic of Somalia, Mr. Ahmed Isse Awad. The visit of the joint committee is the first initiative of the High-Level committee established by the three countries at the tripartite summit and Joint Declaration on Comprehensive Cooperation between Ethiopia, Somalia and Eritrea. Both parties have agreed that both countries will conduct meetings and visits in the future. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  9. MOGADISHU (Caasimada Online) – Roadside bomb explosion has targeted Ugandan military forces with African Union peacekeeping forces in south of Somalia. Friday’s bomb explosion went off in Janaale town, some 94 km from Somali capital Mogadishu, a witness said. He told Caasimada Online that the blast had partially destroyed an armored personnel carrier It remains unknown how many soldiers killed in the blast. Friday’s bomb attack on African Union forces’ vehicle was claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab. The group says it had killed several soldiers with African Union peacekeeping force in Somalia in the Friday’s roadside bomb explosion. There was no comment from African Union mission over the claims. Al-Shabab, which is fighting to overthrow Somalia’s government, routinely targets AU forces stationed in the country. The group was pushed out of Mogadishu in 2011 by Somali troops backed by AMISOM soldiers. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. Baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta ansixiyay in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State”. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu sidaasi codsaday Madaxweyne Mustaf. Calanka iyo magaca ayaa lagu aasaasay dowlad deegaanka 1993-dii, laakin dib ayaa laga badalay wixii 2005tii ka dambeeyey. Wararkan oo Faahfaahsan kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladda dhexe marti-geliso shirka wasiirada arrimaha dibedda ururka Jaamacadda Carabta, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka. Shirkaas ayaa la filayaa in horaanta sanadka 2019 uu qabsoomo, sida ay shaacisya wasaaradda. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay kusoo aaday qabashada hoggaanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibedda Jaamacadda Carabta, oo ay qaban doonto sanadka soo socda. “Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151-aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka ayw asaaradda soo dhigtay barta twitter-ka #Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda #Muqdisho. pic.twitter.com/0tlUNbxAzr — Public Diplomacy (@PPRMOFA) September 7, 2018 Tallaabadan ayaa ah guul-weyn oo dibomaasiyeed oo usoo hoyatay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow), ayaa mar kale ka hadlay miro dhal la’aanta amar uu dhawaan kasoo saaray wareejinta darjiinooyinka. Eng Yariisow, oo amarkaasi ka hadlaayay ayaa ku goodiyay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo waliba oo u sahli karta la wareegida darjiinooyinka. Eng Yariisow, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu awood u adeegsan doono cid waliba oo ka meermeereysa wareejinta darjiinooyinka. Waxa uu Eng Yariisow sheegay inaan wali laga fal celin amarkiisa hore waxa uuna carab ***** inay adeegsan doonaan qorshooyin ay kula soo wareegayan. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in wakhtigii Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu qabtay Ganacsatada inay ku soo wareejiyaan darjiinooyinka uu dhamaaday,isla markaana ay ku waajibeyso qaadista talaabo waliba oo lagu dhaqan galinayo amarkii hore. Nuqul kamid ah haddalka Eng Yariisow ayaa aha “Waxan rabnaa in qof walba oo muwaadin ah heysta dhulka danta Guud inuu soo wareejiyo,goobihii darjiinooyinka waqtigii aan u qabanay waa la soo dhaafay” “Wakhtiga wuu idiin dhamaaday hada waxan wadnaa qorsho ah dadka si dowladnima ah u wareejiya aan ka qaadno kuwii diidana aan xoog u adeegsano” ayuu yiri guddoomiye Yariisow. Saddexdii bishii la soo dhaafay ee July ayaa Wareegto uu soo saray duqa Muqdisho waxa uu baabi’iyey heshiisyadii lagu bixiyey darjiinoyinka,isaga oo u qabtay mudo 30 Maalmood ah inay ku soo wareejiyaan balse aan wali la dhaqan gelin amarkiisa. Haddalka Eng Yariisow, ayaa u muuqda mid ay dowlada Somalia ku dooneyso in awood ciidan ay u adeegsato Ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee xooga ku heysta darjiinooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Jabuuti (Caasimada Online) – Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eritrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro. Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay. Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eritrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti. Madaxweyne Geelle ayaa ka maqnaa heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay ku saxiixdeen magaalada Asmara arbacadii, hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dooneyso in Jabuuti aan meel cidlo ah looga dhaqaaqin, oo laga qeyb-galiyo dadaallada socda, ayada oo marka hore la xalinayo xiisadda kala dhaxeysa Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (Caasimada Online) —The Federal Government of Somalia (FGS) and the World Bank launched the flagship infrastructure project in Somalia. The Somali Urban Resilience Project (SURP), worth US$ 9 million, will be the country’s first national test case for municipal infrastructure delivery. “The World Bank’s role in Somalia is about working with and through government and building the capacity of the authorities to spearhead reform and development,” said Hugh Riddell, World Bank Country Representative for Somalia. “The SURP will allow us to build on the initial work in urban resilience and to expand this agenda across the country.” SURP is a national urban resilience project that aims to pilot the use of country systems at the sub-national level and strengthen municipal governments’ capacity. Initial interventions will begin in Mogadishu and Garowe, and will expand to Kismayo and Baidoa. These cities were chosen as they experience rapid and large influxes of returnees and Internally Displaced Persons. The Somali Urban Investment Planning Project prepared the ground for this larger-scale, World Bank supported infrastructure project. “SURP signals the importance of supporting urban resilience, and places regional and municipal authorities in the forefront of the urban agenda,” said Eng. Abdirahman Omar Osman (Yariisow), Mayor of Mogadishu. “SURP would also create jobs by financing basic rehabilitation of infrastructure.” Somalia faced its worst drought in decades in 2017, and its worst flooding in over sixty years in 2018. The recurring risk of overwhelming loss of lives and livelihoods signals a need to link humanitarian assistance to medium- to longer-term development planning through strong government systems, the private sector, and civil society. The project follows the commitment by the German Government to allocate EUR 23.4 million via KfW Development Bank to support the rehabilitation of urban infrastructure in Somalia in January 2018. “Germany recognizes the result of World Bank collaboration with Somali authorities through the Multi Partner Fund, and sees its intervention in urban infrastructure crucial for the development of Somalia,” said Andreas Holtkotte, Regional Director of KfW. “The contribution will strengthen municipal planning and implementation capacity to improve access to basic infrastructure.” The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development (BMZ), the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State- and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda Dibadda ee Somalia, Eriterea iyo Ethiopia oo ka socda magaalada Jabouti ee dalka Jabuuti. Kulanka wadamadani oo bilowday maalinimadii shalay ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Kulamada socda ayaa waxaa xal loogu raadinayaa xasarada ka dhex oogan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo kala heysta dhulal iyo maxaabiis. Colaadda labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Asmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah. Qoraal lagu daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahya Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo looga hadlaayay xalinta muranka labada dal, ayaa waxaa lagu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdan iyo isu soo dhawaashaha labada dowladood. Nuqul kamid ah qoraalka lagu daabacay Bogga Wasiirka ayaa u qornaa “Muddo dheer ayay kala maqnaayeen dowladaha Eritrea iyo Jibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda mudada fog ay ugu danbeysay” “Talaabo fiican ayey labada dal horay u qaaden waxan ku rajo weynahay inay kasoo baxaan qodobo rajo abuuri kara”. Yemane Gebremeskal oo isna ah Wasiirka Warfaafinta wadanka Eritrea, ayaa qoraal uu kusoo daabacay Boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea. Cusmaan Saalax, oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea, ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay heshiis taariikhi ah la gaarto dowlada Jabuuti. Wasiir Cusmaan waxa uu intaa raaciyay in maslaxada labada dal ay tahay in xal loo helo muranka ka dhex oogan isla markaana loo gudbo wada shaqeyn iyo abuurida xiriir wanaagsan. Sidoo kale, Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ah Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea. Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed mar labaad ugu tagayaan madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Si kastaba ha ahaatee, kulanka u dhexeeyay Wasiirada ayaa muujinaaya isku soo dhawaanshi iyo in labada dalba ay diyaar u yihiin inay wada qaatan Heshiis dhaxal gal ah. Natiijada wadahadalka ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii ay kusoo idlaato Isfahan, waxaana lagu wadaa la filayaa in labada dalba ay dib isugu celiyaan dhulalka iyo maxaabiista ay kala heystaan. Geesta kale, kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Bosaso[Puntland Post]-Xaaji Maxamad Salaad oo ku magac dheer Qoryooley, kana mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadley dagaalada ka dhacay deegaanka Dhumey oo ka tirsan gobolka Sool. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartey, waxaana uu xusuusiyey foolxumada ay leedahay dhiig la daadiyo, dhibaatada ka dhalata mid adduun iyo mid aakhiro. Baaqa uu soo saarey Musharax Madaxweyne ee PuntlandMudane Qoryooley ayaa u qaybsanaa saddex waxaana uu baaqa u horeeya u direy beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la’aan ah dagaalka loo joojiyo, wixii dhacay waa dhaceen ee la badbaadiyo nafta kale ee aan dagaaladaas ku dhimanaya , heshiis waarana laga gaaro. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa sidoo kale baaq u direy maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas soo noqnoqotay in caqli, xoog iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, waxaana uu tusaale u soo qaatey in fidnada halkaas ka dhacaysa hadii aan la qaban oo loo gurman ay meelo badan saameyn karto. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaqiisa saddexaad u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, wuxuu xasuusiyey in qurba-joogto ay door muhim ah ka ciyaaraan horumarka dalka, hatana laga doonayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loojojin lahaa, inaysan lacag ay leeyihiin ku bixin hurinta colaada dadka walaalaha ah isku dilayaan, laakiin ay ka qayb-qaataan maslaxadda iyo Nabadaynta. Xaaji Maxamad Salaad ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka ugu sareeya ee madaxtinimada Puntland 2019. The post Musharax Xaaji Maxamed Salaad Qoryooley oo Baaq u Diray beelaha ku dagaalamay Gobalka Sool. appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka, waxayna kawada-hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale. Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga hadleen sidii Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri lahaayeen xoreynta dalka, tababarka ciidanka , is-dhaafsiga qibadaha dhanka ciidamada iyo Qodobbo kale. Jen. Aadan Cilmi ayaa Dowladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerida, tababarada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo weerarada ay Al-shabaab la beegsanayaan. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbaday in Al-shabaab si deg-deg ah looga saaro dalka oo dhan, taas beddelkeedana waxay keentay in Dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xooggan, kasoo dalka looga saarayo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan,” ayuu yiri Jen. Indha-qarshe. Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkiisa ku dara in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu u baahan iskaashi joogto ah, isagoo xusay inuu hub in looga adkaan doono Al-shabaab dagaal wadajir ah oo lagu qaado. Xukuumadda Washington ayaa ka mid ah dalalka sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno fara badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, inkastoo Mareykanka uu xilliyadii u dambeeyay la daba-joogay duqeymo cirka ah oo lagu curyaaminayo kooxda si loo wiiqo awooddooda. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo laga codsaday in Millateriga Somalia uu ka Caawiyo Dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u mamnuucday in deegaanadeeda lagu iibiyo Sokorta laga qaado Somalia ee loo iibgeeyo dalkaas. Dowlada oo soo saartay amar lagu mamnuucayo iibgeynta Sokorta laga soo dajiyo dekadaha maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in sharci lala tiigsan doono Ganacsatada ama cidii lagu arkaa iibgeynta Sokorta Dadka Soomaalida ee ku nool degaanada u dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeelatay howlgalada ka dhanka ah sokorta sharci darada. Shacabkan ayaa intooda badan ku tiirsanaa sokorta raqiista ah oo ay gataan Gobolada Jubooyinka taasi oo ganacsi iyo in ay guryaha u isticmaalaan ay ka dhigan Jireen, hase yeeshee waxaa iminka meesha ka baxeysa ka faa’iideysiga Sokortaasi laga digay. Saraakiisha ciidamada xuduuda Kenya ayaa kordhiyay baaritaanada iyadoo sheegay in aysan aqbali doonin in sokor uga timid dhanka Soomaaliya la keeno gudaha Kenya. Dhanka kale mid ka mid ah gaawaarileyda ka shaqeyn jirtay soo gudbinta sokorta oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tilmaamay in ganacsato qaar ay la heshiiyeen saraakiisha ciidamada si buu yiri xooga loo saaro in aysan sokor ka soo gudbin soomaaliya maadama ay dhibaato ku tahay ganacsigooda. Dowlada kenya ayaa mas,uuliyiin ka tirsan horay waxay isugu qabsadeen hanaanka ay u socoto howlgalka ka dhanka ah sokorta sharci darada,waxaana horay loogu eedeyay in ay qeyb ka yihiin ka ganacsiga sokorta xisbiga haya talada dalka kenya ee Jubule. Arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku nool degaanada u dhow xuduuda kuwaasi oo markii hore ku tiirsanaa sokorta kaga timaada soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Tehran (PP) ─ Shir saddex geesood ah oo diiradda lagu saarayo colaada dabada dheeraaday ee Waddanka Suuriya ayaa maanta galinka dambe ka dhacaya dalka Iraan. Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Ruushka Vladimir Putin iyo Iiraan Hassan Rauhani, waxaana lagu saari doonaa diiradda colaadda ka taagan Suuriya iyo sidii dhaqso ah loogu heli lahaa. Ciidamada Suuriya oo ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ayaa isku diyaarinaya dagaal culus oo ay ku qaadaan gobolka Idlib oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay xoogagga mucaaradka ka talioyaan. Waddanka Turkiga ayaa walaac xooggan ka mujinaya in dagaalkaan uu u xaaro dhabbaha qaxooti cusub oo badan, sababtoo ah gobolka idlib wuxuu la leeyahay soohdin Turkiga, Wuxuuna Turkiga ka cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan waddanikiisa qaxootigaas. Dhanka kale, Maamulka Mareykanka yaa sheegay inay hayaan cadeeymo ah in Dowladda Suuriya ay isu diyaarinayso in hubka kiimikada ay u isticmaasho dagaalka doonayso in ay ku qaaddo gobolka Idlib. Suuriya ayaa waxaa ka jiray colaado ka billowday mucaaradka iyo Dowladda Suuriya ayaa socda muddo toddoba sannado ah, iyadoo inta badan shacabka dalka Suuriya ay ka barakaceen deegaannadoodii, halka malaayiin kalena ay ku naf-waayeen, kuwa kale ay ku curyaameen. Ugu dambeyn, Shirka saddexdan madaxweyne ayaa gogol xaar u noqonaya sidii looga shaqeyn lahaa xasilloonida suuriya iyo sidoo kooxaha argagaxisada ah looga saari lahaa dalkaas. PUNTLAND POST The post Kulan Gaar ah oo looga Hadlayo Xaaladda Guud ee Suuriya oo Maanta ka dhacaya Iiraan appeared first on Puntland Post.
  20. Rio de Janeiro (PP) ─ Weeraryahanka Kooxda Kubadda Cagta ee Paris Saint-Germain, Neymar Da Silva JR, ayaa loo magacaabay kabtanka xulka Qaranka Brazil, isagoo wixii hadda ka dambeeya hoggaamin doona xulka dalksiisa. Neymar JR ayaa aaminsan in hor-kicista xulka Jaalleyaasha ay tahay mid isaga u fiican, isla markaana u kordhin doona magic iyo maamuus dheeri ah oo aanu horay u haysan. Tababare Tite, ayaa Neymar magacaabay kantan-kiisa rasmiga ah, iyadoo Koobkii Adduunka xulka Brazil uusan lahayn kabtan rasmi ah. Xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Thiago Silva, Joao Miranda, Casemiro iyo Marcelo ayaa xirtay marada xushmadda ee xulka Selecao, dhacdadii Koobka Adduunka oo ay ugaga hareen wareegga Siddeed Dhammaadka. Kullanka maaliyadda cusub ay isticmaalayaan isla markaasna ay caawa la ciyaarayaan USA ayuu Neymar hooggaamin doonaa xulka Brazil. 26-jirkan iyo macallinkiisa Tite ayaa saxaafadda horteeda kasoo muuqday, waxaana Neymar uu werriyeyaasha u sheegay inuu aqbalay inuu noqdo Captain-ka rasmiga ah ee Brazil. “Waan aqbalay markale, waayo, wax badan ayaan soo bartay, haddane waa baran doonaa, masuuliyaddaan waa mid aniga ii wanaagsan” ayuu yiri Neymar. Ugu dambeyn, Xulka dalka Brazil ayaa wuxuu ka mid yahay xululka ugu awodda badan caalmaka, marka loo eego dhanka kubadda cagta, iyadoo ay u cayaarana laacibiin magic ah oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan Dunida oo dhan. PUNTLAND POST The post Laacib ka cayaara Qaaradda Yurub oo Kabtan looga dhigay Xulka Kubadda Cagta ee Brazil appeared first on Puntland Post.
  21. Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro. Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay. Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eretrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH: 4 OKTOOBAR 2018 TAARIIKHDA SOO SAARISTA: 5 SEBTEEMBAR 2018 MAGACA jEGADA: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA HEERKA: NO-D QAYBTA: QAYBTA XUQUUQDA AADANAHA IYO ILAALINTA GOOBTA: MUQDISHO MUDDADA HESHIISKA: HAL (01) SANO OO GO’AN LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN: UNSOM/HRPG / 036/2018/SM Ogeysiis Khaas ah Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Codsadaha ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta. Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan. Qaabeynta hay’adda iyo Kala-sarreynta: Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Muqdisho. Xil-hayaha waxaa saldhig u noqon doonaa Muqdisho waxaana uu hoos imaan doonaa Mas’uulka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ama Madaxa Qaybta Xuquuqda Aadanaha. Mas’uuliyadaha: Mas’uulka Xuquuqda Aadanaha waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda: In uu qaabeeyo uuna hoggaamiyo barnaamijyada karti-dhiska uuna taageero farsamo ah oo ku aaddan hirgelinta ballan-qaadyada xuquuqda aadanaha siiyo guddiga ka kooban wasaaradaha kala duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Wsaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale guddiyada baarlamanka ee ay khuseyso (Xuquuqda Aadanaha iyo Amniga); In uu dejiyo xeeladaha uuna kala kaashado hay’adaha dowladda si loo horumariyo u hoggaansanaanta Siyaasadda ku Dhaqanka Xuquuqda Aadanaha (HRDDP) iyada oo loo marayo taageero ku wajahan qiimeynta halista, la socodka, falanqeyn iyo warbixin ku saabsan hirgelinta, oo ay ka mid tahay iyada oo loo eegayo xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadda iyo carruurta ku sugan goobaha ay ka socdaan colaadaha hubeysan. In uu ku taageerro hay’adaha qaranka isku dubaridka iyo qiimeynta hawlaha la xiriira hirgelinta iyo dabagalka talooyinka ay soo bandhigeen Guddiyada Heshiisyada ee QM, Habraacyada Gaarka ah iyo nidaamyada kale ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM. In uu qaabeeyo, isku dubarido isla markana hirgeliyo dadaallada karti-dhiska lala sameynayo la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin kuwa taakuleynayo dhismaha hay’adaha dowladda iyo dib-u-habeynta hay’adaha, si loo waafajiyo xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah isla markana ay u oofiyaan ballan-qaadyada shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. In uu qaabeeyo, bixiyo, isku dubarido isla markaana qiimeyn ku sameeyo barnaamijyada tababarka xuquuqda aadanaha ee loogu talogalay mas’uuliyiinta qaran, wakiilladda bulshada rayidka, hay’adaha aan dowliga ahayn ee u qaabilsan xuquuqda aadanaha, Hay’adaha Dowliga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo la-hawlgalayaasha kale ee qaranka. In uu gacan ka geysto dejinta xeeladaha ol’olaha, in uu ol’oleeyo uuna kala taliyo hay’adaha munaasabka ah oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta dowladda, Kooxda QM ee Dalka (UNCT) iyo Kooxda Gargaarka Bani’aaddamnimada ee Dalka (HCT), iyo madaxda sare ee Xafiiska Guddoomiyaha u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) istaratiijiyadaha sida ugu wanaagsan lagu ilaalin karo laguna horumarin karo xuquuqdaha aadanaha iyo nidaamyada lagu joojiyo ciqaab la’aanta iyo xalka xadgudubyada xuquuqda aadanaha. In uu sameeyo uuna joogteeyo xiriir lala yeesho hay’adaha qaranka, bulshada rayidka, hay’adaha QM, Sanduuqyada, iyo Barnaamijyada u xilsaaran taakulayn, iyo bah-wadaagta kale ee habboon si loogu wargeliyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee goobta hawlgalka, isla markaana uu bixiyo talo ku saabsan arrimaha la xiriira xeeladaha iyo siyaasadaha si loogu dhowro laguna horumariyo xuquuqda aadanaha. In uu gacan ka geysto dadaallada Ilaalinta Dadka Rayidka (PoC) ee dhinaca qiimeynta, calaamadeynta iyo ka warbixinta halista, digniinta hore si looga hortago waxna laga qabto xadgudubyada ay geystaan ciidamada ammaanka, iyo in uu sare u qaado awoodda ay dowlad goboleedyada u leeyihiin horumarinta isla xisaabtankooda iyo ilaalinta. In uu guddoomiyo iyo/ama uu ka qayb qaato kooxaha maxalliga ah ee munaasabka ah, uuna ka qaybgalo wadahadalka lala yeelanayo kooxaha kale si loo xaqiijiyo ka mid yeelidda xuquuqda aadanaha. In uu qabto waajibaadyada kale ee loo xilsaaro. Kartida: Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka. Wada-Shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda. Qorsheynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo yoolal cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo agab ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo tallaabooyinka sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan. Xukmid/Go’aan gaarid: In uu garto arrimaha ugu muhiimsan markii lagu jiro xaalado adag, iyo in uu si degdeg ah u galo arrinta ugu muhiimsan; In uu uruuriyo xogta muhiimka ah ka hor inta uu go’aan gaarin; In uu tixgeliyo saameynta togan iyo kuwa xun ee go’aanka ka hor inta uu gaarin; In uu go’aannada gaaro isaga oo tixgelinayo saameynta ay ku yeelanayaan dadka kale iyo Hay’adda; In uu soo jeediyo tallaabooyinka la qaadi lahaa ama uu bixiyo talooyin ku saleysan dhammaan macluumaadka la haayo; In uu isku barbardhigo malaha iyo dhabta; In uu xaqiijiyo in tallaabooyinka la soo jeediyay ay dabooli doonaan baahiyada loo qabo go’aanka; In uu go’aamo adag la yimaado haddii loo baahdo. Aqoonta: Waxbarasho: Shahaado sare ee jaamacadda (Master-ka ama wax u dhigma) oo dhinaca Sayniska Siyaasadda, Maareynta ama Horumarinta, ama wax la mid ah. Shahaado heerka koowaad oo ay wehliso labo sano oo khibrad wax ku ool ah waa loo aqbali karaa booska shahaaddada sare. Tababar xirfadeed ee dhinaca qorshaynta, la-socodka iyo qiimeynta, fududeynta iyo/ama isku duwidda waa muhiim. Khibrad: Ugu yaraan afar sano oo khibrad wax ku ool ah oo dhinaca xuquuqda aadanaha ama wax la xiriira, kuwaas oo ugu yaraan hal sano oo ka mid ah lagu bixiyay dhinaca xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Ugu yaraan hal sano oo khibrad ah ee dhinaca nidaamyada caadiga ee hawlgalka goobta ee QM (oo ay ku jiraan nabad-ilaalin, hawlgallada siyaasadeed iyo hay’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada) ama hay’ad calami ah ama hay’ad aan dowli ahayn oo la mid ah oo ka hawlgala meelaha ay ka socdaan colaado ama ka soo kabsanaya colaad ayaa loo baahan karaa. Khibrad la xiriira la socodka iyo ka soo warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Khibrad ku aaddan u ol’oleynta xuquuqda aadanaha iyo/ama ku aaddan qaabeynta iyo maareynta barnaamijyada karti-dhiska iyo/ama qabashada baaritaannadda xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Luuqad: Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay. Aqoon wanaagsan ee dhinaca luuqadaha Ingiriiska ama Faraansiiska (hadal iyo qoraalba) ayaa loo baahan yahay. Aqoonta luuqadaha kale ee Qaramada Midoobay waa mid habboon. Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida. Macluumaad Dheeraad ah: Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo. Sida loo gudbiyo codsiga: Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 04 Oktoobar 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Email: recruitment-unsoa@un.org Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka. Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda/ama Shahaado, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta. Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi. QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)
  23. An airliner from Mogadishu has been stopped from landing at Jomo Kenyatta International Airport. Source: Hiiraan Online
  24. Al Shabaab has increasingly been persecuting Kenyan fighters over spying allegations, attempted desertions and pledging allegiance to the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  25. Ten South Sudanese soldiers have been convicted of rape and murder committed during a raid on a hotel in Juba two years ago. Source: Hiiraan Online