-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo hub kala nooca leysu adeegsaday ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan maamulka Galmudug, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan. Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba askari, waxaana ku dhaawacmay Seddex kale kuwaa oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada cadaado. Saakay ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa dagaalkii xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in mar kale ay wax dhacaan. Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Wakiilka sii baxaya ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo wareysi siiyey barnaamijka GMT ee BBC News, isla markaana ka hadlayey doorashada 2020-ka ayaa sheegay in haddiiba qof iyo cod ah ka dhici karto Somaliland ay sidoo kale ka dhici karto Soomaaliya. Mar la weydiiyey inuu ku dhahay inay qasab tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya 2020-ka, waxaa uu yiri “Marka hore, aniga ma aha waxaa sidaasi dhahaya, Soomaalida ayaa sidaa leh” isaga oo intaa raaciyey “in ay tahay caqabad jirta, Somaliland dadka waa diiwaan-geshan yihiin, doorasho baarlamaan ayaa ka dhacday, madaxweyne ayey doorteen, marka haddii ay Somaliland ay sameysay, waa isla dadkii, Soomaaliyana waa sameyn kartaa, waa la sameyn kartaa. Michael Keating oo sii hadlaya “Arrimaha in la hadlayo ay tahay, su’aasha waa haddii nidaamka doorasho uu ka soo bixi karo, natiijadii loo baahnaa, oo loo arko xaq ah, waa in aan bilowno in aan ka shaqeyno, wax kasta oo doorasho looga baahdlo, hadda inay dhaceyso ayaan aaminnay, waxaa u baahantahay guddi doorasho oo waxtar leh, cod-biixyeyaasha oo la diiwaan-geliyo, nidaam maxkamadeed, arrimahaas oo dhan waa in la shaqeysiiyo. Michael Keating waxaa uu joogay shirkii London iyo shirar kale oo lagu gorfeeyey, la iskuna raacay doorashada qof iyo cod ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Googjoog News Source: goobjoog.com
-
Mid kamid ah waxgaradka Puntland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Samatar ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in wax wanaagsan ay tahay in madaxweynaha Puntland uu booqasho ku tago gobolka Sanaag. Madaxweyne DR Cabdiwali Cali Gaas ayaa booqasho maanta ku gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasoo madaxweynaha uu kaga qeyb galay mashruuc lagu furayay Jaamacad degaankaasi laga hirgaliyay oo lagu magacaabo Maakhir University. Nabadoonka ayaa maamullada Puntland iyo Somaliland u jeediyay in ay nabadda ka shaqeeyaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/NABADOON-PUNTLAND-19-09-2018.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/NABADOON-PUNTLAND-19-09-2018.mp3 Source: goobjoog.com
-
The 80-km stretch of road between the Liboi border point and the Dadaab Refugee Camp in Garissa County is as dusty and bumpy as it is fraught with the risk of attacks by Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
-
The conflict between Somali herders and the local Giriama community over pasture in Ganze, Kilifi County, is turning ugly by the day. Source: Hiiraan Online
-
A 2014- born Somali child was found dead inside his room with a stab wound to his heart. According to security sources, the child’s mother, after finding her child dead inside his room, called the Operations Room of Ministry of Interior and reported the incident. Source: Hiiraan Online
-
Minister of Development Planning and Statistics H E Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit met with a delegation from the Ministry of Planning, Investment and Economic Development of the Federal Republic of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Ephraim Halevy, the former head of Mossad, Israel’s secret service agency, has voiced concerns over the risks that China’s growing presence in Israel pose to national security. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government said this week that it was ready to send troops to help with security and enhance peace in South Sudan, where officials and opposition groups recently signed an agreement to end a five-year civil war. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa weerar toddobaadkii tagey ciidamada Gaashana ee sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo Mareykanku sheegeen inay ku dileen xubno Shabaab ah balse la xaqiijiyey in Shabaabku guul ka gaareen. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay aad uga carreysan yihiin in Shabaabka ay ka war-heleen weerarka ka hor inta aan la soo qaadin, taasi oo weerarka fashilisay. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowr askari oo ka mid ah ciidamada gaashaan weerarka lagu dilay, sidoo kalena lagu dhaawacay askari Mareykan ah, halka qalab badanna lagu furtay. Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka uu rumeysan yahay in xubno sare oo ka mid ah hay’adda NISA ay bixiyeen xogta weerarka, taasi oo u sahashay Shabaabka inay iska caabiyaan. Weerarka ayaa la sheegay inay ogaayeen oo kaliya xubno kooban oo sare oo ka mid ah NISA. Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay qasab ku noqotay inay dhar cusub iminka usoo dirayaan ciidamada Gaashaan, maadaama Shabaabka haystaan dharkii hore, taasi oo u sahli karta inay weeraro fuliyaan ayaga oo iska soo dhigaya ciidanka. Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa horey u xaqiijiyey in xubno bixiya sirta sirdoonka Soomaaliya ay ku dhex-jiraan NISA, ayna adkaan doonto in laga adkaado Shabaab inta ay taasi jirto. Hoos ka arag dharka iyo qalabka ay qabsadeen Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxayay xalay kadib markii shalay uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle. Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia. Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan. Waare oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle Waxa uu sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn. Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO XILDHIBAAN CABDIRASHIID: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-19-09-2018.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Kheyre ayaa isku day uu ku ceeban lahaa xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, mucaaradka ay isaga ceeb ka raacday shalay. Isaga oo ka hadlaya kulankii shalay ee golaha ayuu yiri ” Ninkii [Fiqi] isaga 18 bilood ah taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka la wareeray madaxtooyada dalka, Maxkamada dalka ugu sareeysa, Golaha Baarlamanka, la dilay 13 Xildhibaan, ayaa indho-adeeygiisa inta halkan soo istaagay doraad ku doodaya hal Xildhibaan oo naga dhaawacmay” Si kastaba baaritaan iyo dib u eegis lagu sameeyey taariikhda ayaa waxaa caddaatay in Xuseen Iidow uu ka been sheegay taariikhda, islamarkaana dhammaan markii ay dhaceen weeraradaas uusan Fiqi hayn xilka agaasimahda NISA. Xarunta Golaha Shacabka markii la weerarayay May 2014 ayay aheyd, waxaana Taliyaha NISA ahaa Bashiir Goobe, Ahmed Moallim Fiqi wuxuu is casilay 2013 March. Sidoo kale xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku yaallaan maxkamadaha dalka, sida Maxkamadda Sare waxaa la weeraray April 2013, bil kaddib markii uu is casilay Fiqi. Sidoo kale xarunta Madaxtooyada waxaa la weeraray July 2014, labada jeer ee Madaxtooyada la galay waxaa dalka Taliyaha Nabadsugida ka ahaa Jen. Bashiir Goobe. Dhinaca kale Fiqi ayaa facebook soo dhigay qoraaal uu arirntan kaga jawaabayo, wuxuun ku yiri “Xildhibaan Xuseen Iidow waa ka xumahay in uu isku dayo in uu taariikhda horteena ku qaldo si ula kac ah asagoo qalad hadda jira oo dhanka amniga ah raba inuu daboolo. Xilka taliyaha nabadsugidda waxaan iska casilay 23/03/2013. Qaraxyada uu rabo inuu fashilka amni ee hadda jira ku daboolana waxey dhaceen waqtigaas ka dib, anigoon ahayn Taliye, marka walaalkay Xuseen taariikhda iska sax. Hoosta waxa hadda ka dhacayana Allaha kugu soo duwo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah warbaahinta uga shaaciyey in dowlad gobolleedkiisa iyo dowlada Federal-ka ah ay soo afjareen mad madowgii u dhexeeyey, oo ay hadda heshiis buuxa iyo wada shaqeyn isku afgarteen. Arrintan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan golaha iskaashiga maamul gobolleedyada ay Kismaayo uga dhawaaqeen in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda Federal-ka Soomaaliya, iyaga oo u cuskaday qodobo badan oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ballamo ay dowladda uga baxday. Hase ahaatee, heshiiska Waare uu la galay dowladda maxuu muujinayaa? Kaddib markii ay bulshadu aqrisay nuxurkii iyo qodobadii ay maamul gobolleedyadu ugu mar marsiiyoodeen dowladda waxaa isa soo taray carada shacabka iyo sida ay uga dhiidhinayaan shirkii Kismaayo. Waxaa taas barbar socday baaqyo dowladda uga imaanayey shacabka oo ahaa in aan waqti la’ isugu lumin madax gobolleedyada intooda badan uu dhammaaday muddo xileekoodii. Taas, oo ay jirto, markii uu Waare mawqifkiisa bedelay kana soo baxay xeyn-daabkii golaha iskhaashatada dowlad gobolleedyada waxaa caddaatay in shirkii Kismaayo ahaa mid ay koox gaar ah wadatay oo aysan awalba isku dan ahayn dowlad gobolleedyada. Tusaale, waxaa jirtay xogo sheegayey in hoggaamiyaha maamulka Kismaayo ee Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay lahaayeen hindisaha shirkaas iyaga oo dareemayey cadaadis ol’ole oo si xoog leh uga socda deegaanadooda maadama ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin. Sidoo kale, Waare wuxuu sheegay inuu ka baxay heshiis ahaa inaan lala heshiin dowladda dhexe, haddii maamul goboleedyada daacad ka ahayd tabashadooda, maxay tahay sababta ay u yiraahdeen yaan lala heshiin dowladda? Maxayse u oran maamulkii cabashadiisa ay dowladda wax ka qabato hala heshiiyo. Waxaa meesha ka cad in isbaheysigan ay wataan dad gaar ah, oo ujeedkoodu yahay carqaladeyn kaliya, oo aysan jirin wax kale. Waxa hadda la sugo waa sida ay yeelaan madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Axmed, oo iyagana u muuqda sidii Waare in lagu daneysanayo. W/Q: Jabriil Xuseen Wehliye Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Warar soo baxayay maanta xilliga hore markii uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle. Arrintaan caawa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia. Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan. Xildhibaanka ayaa carrabka ku dhuftay in heshiiska Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe aysan garwadeen ka ahayn dowladda Qatar oo kamid ah dalalka saameeynta ku leh siyaasadda Soomaaliya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-19-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kamid ah kuwii geystay dilka gabadh ardayad ahayd oo shalay rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ugu geeriyootay magaalada Muqdisho. Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad 9 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka 9aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho ayaa shalay u geeriyootay rasaas ay rideen askar ka tirsan dowladda xilli wadada ay ahayd mid aad u mashquul badan. Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa sheegay in eedeysanayaal gaaraya afar oo kamid ah askartii rasaasta furay ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Taliyaha-Ciidanka-Booliska-Soomaaliyeed-Bashiir-Cabdi-Maxamed-AMERICO-ayaa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saakow (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay inay duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay ku dhaawacday Xasan Yacquub oo mar soo noqday afhayeenka Kooxdaan Argagixisada ah. Dowladda ayaa sheegtay inay duqeynta la beegsatay 37 Sarkaal oo Shabaab ah meel ay ku shirayeen balse Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinayo in duqeyntaas lala beegsaday Isbitaal iyo Kuleej ay ardayda wax ku bartaan. Xalay saqdii dhexe ayay diyaarado dagaal waxay duqeymo ba’an ugeysteen xarumo rayid ah oo kuyaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe Koonfurta dalka Soomaaliya. Duqeymaha ayaa lagu kala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro. Wariye ku sugan Saakoow ayaa soo sheegay in burbur xooggan uu gaaray dhismayaasha ay diyaaradaha dagaal beegsadeen, duqeynta ka dhacday isbitaalka guud ee magaalada wax khasaara nafeed ah kama dhalan balse duqeynta ku dhacday Kolleejka carruurta lagu xanaaneeyoa waxna lagu baro waxaa ku dhintay sedax carruur ah. Saaka markii uu waagu Baryay ayay boqolaal qof waxay gaareen goobaha la duqeeyay iyagoona Kolleejka kasoo daabulay Meydadka sedaxda carruurta ah ee dhimatay, isbitaalka guud ee degmada Saakoow ayaa maalin walba adeegyo caafimaad u fidin jiray boqolaal qof waana isbitaal Maxalli ah oo dabooli jiray baahida caafimaad ee dadka ku dhaqan gudaha magaalada iyo deegaannada hoos yimaada. Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaallada ay diyaaradaha shisheeye ku garaacayeen xarumaha shacabka magaalada Saakoow, inta badan duqeymaha ka dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa geysta dowladaha Mareykanka iyo Kenya. Madaxda DFS oo aan badanaa lala socodsiinin duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kenya ka geystaan wadanka ayaa dhowr jeer ku hor fadeexoobay dadka Soomaaliyeed kadib markii ay dusha u riteen mas’uuliyadda duqeymo ay dowladaha AMISOM iyo kuwa kale ku laayeen dad shacab ah sida weerarkii Bariire ee lagu xasuuqay dadkii Beeraleyda ahaa taas oo ay DFS ku sheegtay in lagu beegsaday dad ka tirsan Al-Shabaab. Si la mid ah dowladda ayaan Maanta sheegtay inay duqeyntaas lala beegsaday Al-Shabaab waxayna noqoneysaa arrin ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda. Halkaan hoose ka daawo Sawirada waxaana ku jiro kuwa naxdin leh looma ogolo inay fiiriyaan Ilmaha ka yar 15 Jir.
-
Warar iminka ka soo gaaraya Goobjoog News magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil halkaas ka geysatay. Dilka ayaa ka dhacay degaan duleedka kaga yaalla magaalada oo magaciisa lagu sheegay Baardheere, waxaana lagu dilay nin oday ah oo halkaas laga yaqaanay. Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani odayga ah uu ku sii jeeday degaan kale oo isla gobolka Hiiraan ah. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baladweyne wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin. Xalay ayay ahayd markii gudaha magaalada Baladweyne ay dableey hubeeysan ay ku toogatay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalkla Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta soo xiray doodii ku saabsaneyd amniga kadib dhaliilo amni daro oo isbiirsaday. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo katirsan golaha Shacabka BFS, ayaa kamid ahaa Xildhibaanada sida adag maanta uga hadlay amni darada la sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab si nabadgelyo leh ay maleeshiyaadkooda iyo saraakiishooda isaga joogaan magaalada Muqdisho. “Waanu la socnaa in Al-Shabaab badan ay ku dhex noolyihiin magaalada Muqdisho, tani waxa ay diirada ka lumineysaa rajadii laga lahaa hagaajinta amniga Muqdisho” Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aysan u diyarsaneyn wax ka qabahsada arintaasi, maadaama ay dano iyada u gaar ah uga mashquulsantahay, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan meelna lagu sheegin hub farabadan oo Sucuudiga ugu yaboohday Somaliya. Nuqul kamida hadalkiisa ayaa ahaa “Aawa Kunteenarradii hubka ahaa ee dowladda Sacuudiga soomaaliya siisay,maamul goboleedyada waa loo diiday,waxan ka cabsi qabaa in si hoose loo iibiyey” Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Al-Shabaab waxay usoo dalxiis Tagaan magaalada Muqdisho, markii ay waayeen caburin kaga timaada dhanka dowladda”. Waxa uu Xildhibaanku shaki galiyay in dowlada Somalia ay daacad ka tahay wax ka qabashada amni daro uu sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, waxaan haddalka Xildhibaanka iyo Xildhibaanada kale wali ka hadal Xukuumada Somalia oo dhaliisha ugu badan ay ku fooraarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay wada-gaareen madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo soo afjaray khilaafkii labada dhinac ka dhex taagnaa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem uu ka shaqeeyay heshiiska labada dhinac, islamarkaana Waare uu heshiiska dowladda dhexe ku beddeshay saddex waxyaabo oo kale. Sida aan xogta ku helnay maamulka HirShabelle, ayaa loo ballan-qaaday in bil walba uu saami aan la shaacin inta uu la eg yahay ku yeelan doono dakhliga kasoo xarooda dekedda Muqdisho. Arrintan ayaa ka mid ahayd waxyaabaha Waare uu kula dagaashanaa dowladda, isaga oo sheegay in dowladda dhexe hor-istaagtay inuu furto dekadda Ceel-Macaan ee duleedka Muqdisho, sidaas darteedna uusaan maamulkiisa haysan dekad dhaqaale uu kasoo galo, sida maamullada Puntland iyo Jubaland. Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in HirShabelle ay wax ka hesho dhammaan deeqaha dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka, ayada oo dowladda dhexe loo soo marsiinayo balse uu damaanadaas qaaday safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem. Dhinaca kale dowladda ayaa ogolaatay inay dib u furto mushaharka ciidamada HirShabelle, kuwaasi oo waayey lacagtooda kadib markii ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ay horey dowladda u kala dirtay. Saddexdan taageere dhaqaale, ayaa dhammaantood waxaa damaanad qaaday safiir Hassan Hamza Asad Hashem, waxaana ay qeyb ka tahay dadaal ay Qatar dooneyso inay maamul goboleedyada uga soo furto dowladda Imaaraadka Carabta, oo ay dhammaantood ku wada xiran yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagaga hadlay warkii maanta saxaafadda uu Muqdisho ugu sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxda dowladaha kale ah Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa qoraalkani soo saaray. Mawqifka GIDG ee Warmurtiyeedka ku taariikhaysan 19/09/2018 ee ka soo baxay Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle. Goluhu wuxuu si buuxda u garawsan yahay in ay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle u madax-bannaan tahay ka tashiga tashiga iyo go’aan ka gaaridda masiirka dawladdeeda iyo kan umaddeeda. Goluhu wuxuu mar kale halkan ku caddaynayaa in is-afgaran-waaga ka dhexeeya GIDG iyo Dawladda Federaalka ahi uu yahay mid guud oo ku saabsan qaddiyado waaweyn oo ku tacalluqa Amniga Guud ee Qaranka, Federaalaynta Dalka, Dhawridda, Dib-‐u-Eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliyeed, Khayraad/Awood Qaybsiga, Hannaanka Caddaaladda iyo kuwo kale oo la xiriira. Heshiiska” ay Hirshabeelle la gashay Dawladda Federaalka ahi aanu khusayn Golaha maadaama ay qaddiyadaha kor ku xusan ee uu muranku ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin kuwo heer qaran ah oo ay lagama maarmaan tahay in xal wadareed wadahadal ku yimid lagu dhameeyo. Heshiiska Hirshabelle ay la gashey Dowlada dhexe waxba kama badali doonto Mowqifkii iyo go’aamadii Golaha ee ku qeexnaa Warmurtiyeedyadii Golaha ee soo baxay 8 iyo 14 bishan Sabtember 2018 waxaana badali kara oo kali ah heshiis labada dhiac ka gaaraan arrimaha la isku hayo. Goluhu wuxuu Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mar kale ku boorrinayaa in ay si dhab ah oo waayeelnimo leh ugu soo jeestaan xallinta qaddiyadaha taagan. Ugu dambayn, Goluhu wuxuu u arkaa in wadaxaajood dhab ahi uu yahay dariiqa kaliya ee furan ee lagu gaari karo jawi siyaasadeed deggan oo suuraggeliya in lagu guuleysto sugidda amniga iyosoo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed. ——————– Dhammaad ————————– Goobjoog News Source: goobjoog.com