-
Content Count
210,539 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cabsi xoogan ay soo food saartay Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Somalia kadib Qaraxii lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow. Qaraxa lagu dhaawacay Xildhibaan Booroow ayaa shaki iyo walaac u abuuray Inta badan Xildhibaanada waxaana soo baxaaya shaki laga qabo in Qaraxii gaariga loogu xiray Booroow ay wax ka ogaayen Ilaaladiisa oo aan wax khasaaro ah soo gaarin. Ka hor inta aan Qaraxa gaariga loogu xirin Xildhibaan Booroow ayaa waxaa la xaqiijiyay in fasax saacado ah ay qaaten laba kamid ah ilaalada Xildhibaanka kuwaa oo la tuhunsan yahay inay waxbadan kala socdeen Qaraxa oo dhajis ahaa. Qaraxa Booroow kadib Xildhibaanada qaar ayaa la sheegay inay bedel ku sameeyem Ilaaladooda taa oo muujineysa in shaki weyn uu ka dhex curtay Xildhibaanada iyo Ilaaladooda gaar ka ah. Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa ka feejigan dayacaada gaadiidkooda waxa uuna shakigani soo bilowday tan iyo wixii ka danbeeyay digniinta kasoo baxday Hogaamiyaha Hir-Shabelle Waare oo sheegay in Xildhibaanada ay adkeeyan amnigooda. Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa xoojineysa digniinta Hogaamiye Waare, waxaana xusid mudan in Xildhibaanada qaar ay si KMG ah u hakiyeen isticmaalka gaadiidkooda sababo la xiriira in Qarax loogu dhex qariyo gudaha gaariga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan Madaxda maamul Goboleedka Galmudug iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka. Khilaafka gaaray heer xil ka qaadis lagu sameeyo mas’uuliyiinta qaar ayaa waxaa si kulul uga hadlay Hogaamiyihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed. Guuleed, ayaa ka digay xaaladda qalalaase ee ka taagan Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay mudan tahay in laga dhaafo xiisadaha joogtada noqotay. Cabdikariin Xuseen Guuleed, xiisada Galmudug uga hadlay qoraal uu soo dhigay boggiisa waxa uuna tilmaamay in khilaafka uu yahay mid boholo ku hogaaminaya masiirka Galmudug. Waxa uu Guuleed sheegay inay adag tahay in indhaha laga daawado xiisada magac dilay Galmudug, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo degnaanshi siyaasadeed. Guuleed waxa uu aad u dhaliilay hal ku dhiga ka caan baxay Galmudug ee ah (Waan ridnay iyo Mooshin ayaa ka yaala”. Qoraalka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dheer ayaa u qornaa sida tan:- WAA RIDAY IYO WAA RIDAY XAL MA KEENEYSE GALMUDUG SIDA HA LOO DHAAMO. Waxaan shaki ku jirin in aan wada ogsoon nahay dhibaatada laga soo maray dhismaha iyo yagleelidda dowlad gobaleedyada guud ahaan, gaar ahaana kan Galmudug oo ka mid ahaa kuwii ugu sii dhibka badnaa dhismahiisa iyo dhidibo u aasidiisa. Haddaba anigoo ka mid ah dadka ay lexjeclada gaarka ah ka heyso jiritaanka maamulkaas, midnimadiisa iyo horumarkiisa, waxaan u soo jeedinayaa mas,uuliinta labada dhinac ee Galmudug inay tanaasul muujiyaan una turaan maamulka iyo bulshada u heyb sheegata, isuguna yimaadan wadahal ayagoo garwaaqsanaya in waariday iyo waariday aysan cidna xal u keenaynin, maamulka oo ku burbura ma ahee. Sidoo kale dowladda dhexe iyo waxgaradka reer Galmudugna waxaan u soo jeedin lahaa in maamulka la badbaadiyo xaaladda khatarteeda la dareemo, meelna la isugu keeno mas,uuliinta labada dhinac ayadoo saldhig looga dhigayo heshiiskii Djibouti oo qodabadiisi la isla fahmo, si sax ahna loo wada fuliyo iyo xeerarka iyo sharciyada u yaala Galmudug iyo dalkaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kampala- Hindiyo Abdulkadir, 18, and her family fled Somalia for Uganda nearly 11 years ago, following political instability back home. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad looga murugooday islamarkaasina dadku ay aad u hadal hayaan. Dhacdadaan ayaa aheyd in nin dhowaan ka yimid qurbaha uu xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Madiino Taajir uu dil u geeystay. Dhacdadaan ayaa dhacday habeenkii jimcaha uu soo galayay 13-kii Bishaan aan ku jirno ee September. Ninkaan ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday tooreey uu dhinaca sare ee Jirkeeda dhowr Jeer kaga dhuftay. Waxa ay wada noolaayeen wax ka yar 15- Maalmood isaga oo dhowaan ka yimid qurbaha kana soo doontay qoyska ay ka dhalatay gabadha uu dilay. Xasan Taajir oo ah walaalka marxuumada oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka sheekeeyay dhacdaan naxdinta leh iyo sida ay u dhacday. Hoos ka daawo Muuqaalka oo aan ka soo xiganay Idaacada Mustaqbal ee Muqdisho https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Fal-Naxdin-leh.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Nin Qurbaha ka yimid oo xaaskiisii ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Muudeey ayaa Booqday Dhaawaca Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo xalay ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray. Kheyre iyo Gudoomiye Mursal Ayaa warbixino ka dhageeystay Taqaatiirta gacanta ku heeysto Dhaawaca Xildhibaan Booroow. Madaxda ayaa alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo xildhibaanka dhaawaciisana uu ka caafiyo. Dhaawaca Xildhibaanka ayaa lagu dabeebayaa Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku heeysto Dowlada Turkiga. Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) ayaa kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Hoos Ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post RW Kheyre iyo Gudoomiye Mursal oo Booqday Dhaawaca Xildhibaan Booroow appeared first on Puntland Post.
-
Sacuudiga ayaa maanta martgelineysa heshiis lagu soo af-jarayo xiisadda Itoobiya iyo iyo Eritrea, taas oo socotay in ka badan 20 sano. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk oo haatan ku sugan Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay saxiixaan heshiiskan uu in muddo ah Sacuudiga ka shaqeynayey. Waxaa Sidoo kale kulanka jooga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, guddoomiyaha guddiyada Midowga Afrika Musa Faki Maxamed iyo mas’uuliyiin kale. Dhinaca kale, Sacuudiga waxaa uu wadaa dadaal kale oo lagu heshiisiinayo dalalka Eritrea iyo Djibouti kuwaas oo iyagana ka dhex jiro muran xagga xadka ah. Wararkan, Kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax habeenimadii xalay lagu dhawacay Xildhibaan Maxamed Mursal booroow. Xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo Qaraxa ku waayay qaar kamid ah xubnihiisa ayaa la soo sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso. Xubnaha uu Xildhibaanka ku waayay Qaraxa ayaa waxaa kamid ah gacantiisa Bidix oo go’day iyo dhaawacyo kale oo kasoo gaaray oogada jirka. Xildhibaan Maxamed Mursal booroow, ayaa waxaa isbitaalka ku booqday Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo siyaasad ahaan ay isku dhawayen. Dhaawaca xildhibaanka ayaa xooggiisa ah qeybta dambe ee jirkiisa waxaana iminka la dhigay isbitaalka digfeer ee maagalada muqdisho, iyadoo warar soo baxaayana ay sheegayan in loo qaadi doono dalka dibadiisa. Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed, waxaa la sheegay inuu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii dalka soo maray. Waxaa Ra’isul wasaare Kheyre wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, waxa ayna sheegen in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka. Dhaqaatiirta isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay soo hagaageyso in kastoo xildhibaanaka uu dhaawac culus soo gaaray. Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay darawalkii waday gaariga Xildhibaanka oo isna u dhintay dhiigbax. Dhinaca kale, Qaraxan ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xili maalma ka hor madaxweynaha maamulka Hirsghabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digay xildhibaanada barlamaanka soomaaliya in ay feejignaadaan, isagoona ka deeriyay amniga magaalada muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press, ciidamada Itoobiya oo duqeyn ka geystay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 70 ka tirsan Al-shabaab. Fana Broadcasting Corporate oo ah warbaahin ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyntan ay dhacday si looga hortago weerar ay Al-shabaab la damacsanaayeen ciidamada Itoobiya oo safar ahaa inay dhexda u galaan. Qoraalka waxaa kale oo lagu sheegay in la burburiyey 2 gaari, oo ay ka buuxeen hub iyo saanad kale, lama sheegin goorta iyo goobta uu weerarka dhacay. Brig. Gen. Yilma Merdassa oo ka tirsan ciidamada oo cirka waxaa uu leeyahay “Waan gaarnay 100% hadafkii aan qorshahan ka laheyn”. Duqeyntan ay dhulka Soomaalida ka geysteen Itoobiya, weli kama jawaabin dowladda Soomaaliya, sanadkan keliya Mareykanka waxaa ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 22 weerar oo duqeyn cirka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan has put himself in charge of a $40-billion state wealth fund that he said failed to reach the "desired" goals. His son-in-law, Finance Minister Berat Albayrak, serves as deputy. Source: Hiiraan Online
-
President Barack Obama received 65,000 letters each week and he set about trying to answer 10 of them each day. Source: Hiiraan Online
-
Garissa women rep. dismiss rumours that polio jab is unsafe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garissa women representative, Ms. Annab Gure has dismissed rumours circulating in the area that that polio jabs being administered to children in counties bordering Somalia and Ethiopia were not safe to children. Source: Hiiraan Online -
Somalia could be split into six regions after five regional federal states announced that they would no longer co-operate with Mogadishu until their grievances about insecurity, sharing of natural resources and the interference by the central government in their affairs are addressed. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan ah Sacuudiga oo ku saabsan in ay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Qacida ay Mareykanka ku qaaday September 11, 2011, ayaa hareeyey qorshaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan. Sacuudiga waxa uu wadaa dib isu qaabeyn, iyaga oo doonaya in ay ka koraan ku tiirsanaanta dhaqaalahooda ku tiirsan shidaalka, sidoo kalena ay bulshadooda u qaabeeyaan dhex dhexaadnimo, halka hoggaakooda kali taliska ah ay ka dhigaan kuwo is beddel doon ah. Hase yeeshee qorshahaas ayaa wajahaya halis ka imanaysa Mareykanka. 2016kii, golaha Senate-ka Mareykanka ee xilligii madaxweyne Barack Obama waxay soo saareen sharcigii cadaaladda ee ka dhanka ahaa maalgaliyeyaasha argagixisada ee loo bixiyey JASTA, kaas oo ahaa sharci u ogolaanayaa sharci yaqaanada madaniga ah in ay maxkamada Mareykanka dacwado uga furaan dadka ay argagixisadu wax yeeleeyeen, iyaga oo dacwad ku soo oogi kara dalalka madaxa banaan. Sharcigaas waxa uu albaabada u furay qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay weerarkii September 11, si ay dawad ugu soo oogaam Sacuudi Careebiya oo ay qabaan in ay door ku lahayd weraradaas. Marka laga yimaado magaca ka xumaaday Sacuudiga, hadana dacwadda maxkamadda taal waxa ay halis ku tahay danaha dhaqaale ee uu Sucuudiga ku doonayo in 5% ay ku iibiso shirkadda shidaalka ee Saudi Aramaco. Hase ahaatee, xilli uu Sucuudiga ku doodayo in aysan wax xiriir ah la lahayn maleeshiyaadka Al Qaacida, hadana xaakimka maxkamadda Yew York, George Daniels waxa uu fasaxay in dacwadda ka dhanka ah dowladda Sucuudiga la dhageysto. Andrew Maloney oo ah qareenka qoysaska dacweynaya Sacuudiga ayaa sheegay inay hadda ururinayaan caddeymo ka dhana ah Sacuudiga iyo dhinacyada kale ee la tuhunsan yahay. Haddii Sacuudiga ay diidaan inay la shaqeeyaan dacwad-oogayaasha, waxaa lagu eedeyn doonaa inay ka baxsadeen caddaaladda, taasi oo keeni karta in cunaqabateyn la saaro hantida Sacuudiga ee Mareykanka Madaxda Sacuudiga iyo Maxamed Bin Salman waxa ay aad ugu dhow yihiin oon ay saaxiib la yihiin madaxweyne Donald Trump, hase yeeshee siyaasaddu wax saameyn ah kuma yeelan karto kiiskan dacwadeed, sababtoo ah nidaamka cadaaladda Mareykanka oo ah mid madax banaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo. Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya. Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:- War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin. Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan. Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhaqan gelinayso taariko cusub oo ay qaadanayaan dhammaan gaadidka ka howlgala Somaliland. Wasaaradda gaadidka ayaa shaaca ka qaaday in la baddalayo taarikadii hore isla markaasna ay gaadidlayda ay ku rakiban doonaan baabuurtooda taarikadan cusub. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Cabdillaahi Abokor oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiska Hargeysa ayaa sheegay in sababta loogu dhawaaqay taarikadan cusub ay tahay in ciidammada waddooyinka Somaliland ay ku adkaatay inay akhriyaan lambarada iyo xarfaha ku qoran taarikada marka ay howlgallada ammaanka ay samaynayaan maadama ay badnaayeen xarfaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in kaddib markii ay sameeyeen daraasad dhaqaale ay usoo baxday inay baddalaan taarikada. Cabdillaahi Abokor wuxuu ka dhawaajiyay in taarikada laga saaray lambaradii carabiga ahaa ayna u daayeen lambarada laatinka. “Waxaanu ka saarnay lambaradii carabiga ahaa, sababtuna waxaa weeyaan in 22-ka dal ee Jaamacatul carab 14 kamid ahi waxay isticmaalaan laatiin, carab ma isticmaalaan, annaga oo cabbirkii eegeynaa waxayna markaa garannay in laga saaro lambarkii carabiga ahaa oo laatin qura ah lagu daayo, sababtuna lambarkuna wuu waynaanaya, markii hore waxaa laga arki jiray wax ka yar 100, imika qorshuhu uu yahay ilaa 800 miitar,in haddii gaarigaasi uu wax gaystay si fiicaan ciidammada nabadgelyda waddooyinka ay u arki karaan” ayuu yiri waasiirka gaadidka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadkan gudahiisa ay gaadidlayda ay qaadan doonaan taarikadan. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli bilooyinkii ugu dambeysay ay ka jireen Somaliland dhacdooyin lagu xaday baaburta. Ciidanka booliiska ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku guuleystay markaasi inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway, ayaa mar kale sheegay in dowlada Somalia ay dhibaatooyin ku heyso maamulka. Masagaway, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay faragalin adag ku heyso maamulka, waxa uuna tilmaamay in Mooshinada iyo xil ka qaadista ay iyada ka danbeyso. Masagaway, oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragalinta dowlada ay gaartay heer wafdi aan lagala tashan ay usoo dirto Galmudug. Waxa uu Wasiirku tilmaamay in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Wasiir Masagaway ayaa shacabka magaalada Cadaado ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, maadaama uu yiri ay faragalin kala kulmayaan dowlada. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf Siyaasadeed uu maamulka kala dhexeeyo dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo qura ayaa ka harsan xiligii lagu balamay in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmayo shirka degdega ee Madaxweynaha Somalia uu isugu yeeray madaxda maamulada dalka. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada dhexe iyo maamulada ayaa u muuqda inuu dib u dhac ku imaan doono maadaama Jawaabaha kasoo baxaaya madaxda maamulada ay muujinayaan qabsoomid la’aanta shirka la filaayo. Seddex kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada oo u diyaar garoobaya doorasho ayey dani ugu jirtaa in ay muujiyan go’aan ad adeeg leh, maadaama ay cabsi ka qabaan in lagu faragaliyo doorashada ay doonayaan in mar kale ay ku hantan xilka. Shakiga dib u dhac ku imaada doorashada ayaa ah in khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada uu yahay mid marba marka xigta cirka isku sii shareeraya. Qorshaha shirka ayaa ah inuu qabsoomo 17-ilaa 18 bishan, iyadoo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ay qabaan in uusan jirin isku soo dhawaasho u dhaxeeysa dowlada iyo maamul goboleedyada. Khilaafka oo labadii bil ee ugu danbeysay taagnaa ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay qodobada laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee ku soo idlaaday Magaalada kismaayo. Madaxda dowladda weli kama hadlin khilaafka, marka laga soo tago in warqad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Hogaamiyaasha maamul goboledyada,si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Amniga qaranka. Sidoo kale, walaac ayaa laga qabaa in shirka uu dib uga dhaco xiliga lagu balamo, waxaana xusid mudan in Madaxda maamul Goboleedyada la casuumay ay soo saaren digniino ku aadan in mas’uul ka tirsan uusan ka qeybgali Karin shirka. Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa laga yaaba inay kasoo dabcaan go’aankooda ku aadan diidmada ka qeybgalka shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Surpassing countries with a longstanding civil strife such as Syria, Yemen and, the Democratic Republic of the Congo; Ethiopia’s latest figures on internally displaced people for the first half of 2018 has reached new heights. Source: Hiiraan Online
-
Doctors from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are conducting the operations in partnership with the international cleft lip charity, Smile Train, and Washington-based Company, Bancroft Global Development. Source: Hiiraan Online
-
Dowlada Sucuudiga ayaa wada Qorshe lagu nabadeeynayo Wadamada Dariska Ah ee Itoobiya iyo Ereteria oo Muddo Colaad baahsan ay ka dhaxeeysay. Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameeystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga. Waxaa durba halkaasi Goordhow oo caawa ah ah tagay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Cumar Afarwaaqi Madaxweynaha Dalka Erateria. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in ay madaxdaasi kala saxiixdaan in ku dhow 30-Sano oo colaad ay dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretirea. Madashaasi lagu dhameeystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay Qaar kamid ah wadamada Afrika. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Soomaaliya aan shirkaasi lagu casuumin. Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado Dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameeyneeyso Qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay. Dhowaan Madaxweynaha Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay ka qeeybgalay shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaaliya oo laga reebay ka qeeybgalka Shirka Nabadeeynta Itoobiyo&Ereteria appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray Goordhow oo caawa ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga la qarxiyay oo loo yaqaano Hi-lux uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo gaariga la qarxiyay watay ayaa ku dhaawacmay waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay wadihii gaariga xildhibaanka. Ha’aydaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaano ku aadan qaabka qaraxa gaariga xildhibaanka loogu soo xeray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Qarax Gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.