Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,330
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali terror group al-Shabaab, known for deadly attacks on thousands of people across east Africa, has banned plastic bags because of the threat they pose to the environment. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga hor yimid wareegto maamulka G/Banaadir ku laalay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo Beerihii dowladda Hoose ee Muqdisho, isagoo jawaab culus u diray madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya kasoo gudubtay xiligii kacaameynta oo aysan habooneyn in loo soo jiidoa dib udhac iyo dowlad la’aan, wuxuuna is weydiiyay waxay ku kala duwan yihiin heshiisyadii ay saxiixeen Tarsan, Muungaab, Yuusuf Jimcaale iyo kuwa uu saxiixay Xasan Abshir ee dowladii Siyaad Barre. “Waxaa is-weydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!…” ayuu yiri Mahad Salaad Wuxuu intaas ku daray: “Ujeedu haddii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!” Wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku hungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu hungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina..” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The 31st summit of the African Union wrapped up late Monday in Mauritania’s capital with advisory decisions on Libya, Somalia and South Sudan. Source: Hiiraan Online
  4. China's embassy in Washington has issued a security advisory to Chinese nationals traveling to the United States, the latest such warning as trade tensions escalate between the two countries. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Sedexaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose. Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen, Qeybta sedexaad waxaa kusoo qaadanay 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden Haddaba Waxaana Maanta qeybta Afaraad oo ah qeybta ugu dambeyso kusoo qaadan doonaa Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda. Beesha Mogadishu Clan ayaa mar kale qaadatay aqbaliyadda Mas’uuliyiinta ugu sareyso qeybta Jabhadda Al-Shabaab ee ka dagaalanto duurka waxayna qaadatay 57% oo ah in ka badan 30 xubin. Beesha Daarood ayaa sida caadada aheyd ku jirto qaalinta labaad, waxayna qaadatay 15%, halka markii ugu horeysay ay isku qoondo qaateen Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle kuwaas oo qaatay min 13% halka Beelaha Shanaad ay qaateen 2%. Halkaan hoose ka arag sawirka muujinayo habka loo qeybsaday mas’uuliyiinta ugu sareyso Jabhadda Al-Shabaab. Haddii ay ku dhaaftay warbixinadi hore halkaan hoose ka akhriso: 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen (Yaa u badan) 27-ka xubin ee amniyaadka Al-Shabaab ugu sarreeya & sida ay u kala qeybsadeen beelaha Soomaalida (Aqri) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka. Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay. Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda. Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado. Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.” DHAMMAAD
  7. Baabili (Caasimadda Online) – Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili. Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo ay ka wada-hadleen Horumarinta Dekadaha Soomaaliya. Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Somalia, Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan Dekeda Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo. Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo. Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya. Ugu dambeyn, Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan. PUNTLAND POST The post Wafdi Qiimeyn ku sameyn doona Dekedaha Soomaaliya oo Maanta soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir; Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras; Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa. Wuxuu Soo Saaray Xeerkan: Qodobka 1-aad: Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho; Qodobka 2-aad: Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo; Qodobka 3-aad: Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo shaaciyay in la Baabi’iyay Heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Xamar appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka. Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay. Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda. Isagoo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado. Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.” PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka Warbixisay Dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
  11. The very last batch of aviation personnel, previously placed at the FISS office in Nairobi, arrived in Mogadishu, Saturday, June 30. This group of 27 members, including a few Kenyan key officers, landed at Mogadishu’s Adan Adde International Airport, at mid-morning, and were driven to their new quarters within the Halane compound. Among the arrivals, and those who were already stationed at the Somalian airport, are a good number of officers trained for Somaliland aviation. In the absence of a formidable – or credible – voice countermanding or challenging the ICAO-Somalia arrangements, Somalilanders had no choice but to go with their Somalian teammates. They were told before that they either signed the relocation papers or be terminated immediately. Somaliland did not protest. None of its successive ministers surreptitiously meeting their counterparts on a number of unannounced trips to Nairobi even made an attempt to meet with Somalilander personnel stationed at the FISS office, let alone stand up for their rights – or safety. Only a day after the latest and final arrivals, Al Shabaab rained mortar shells at the AMISOM command post where the AU troops’ command is located within the Halane compound. The government of Somaliland, in the person of the national Aviation Director, appear to be a silent, junior partner in the transfer of airspace management to Mogadishu without putting up any fight to claim what is rightfully Somaliland’s as was agreed in Turkey, and set forth by the Istanbul II Communique. The director reveals at this latest conference that he had reached an unspecified, unpublished number of agreements with the Somalian side in the presence of UNSOM officers, thus, violating the spirit and pace of national-level talks between Somalia and Somaliland at the head of which the airspace issue prominently figured. Mogadishu has already written to major airline operators such as Ethiopian, FlyDubai and Air Arabia, asking them to comply with Somalia’s licensing directives. Neither of these three, it is worth mentioning, operated in Mogadishu or at any of the other Somalian airfields. The airlines had agreements with Somaliland, alone. Rumor has it that high officials representing the airlines are presently in Mogadishu to process necessary permissions, another manifestation of Somaliland’s inacapability to protect its friendsin need. The Director, where he should have been looking out for Somaliland interests in the matter, still completely denies that Somalia transferred Somalia/Somaliland airspace management, equipment and personnel to Mogadishu. In fact, the Director is so awed by the Somalian minister he refers to him in front of a large presence of media practitioners as ‘His Excellency the Minister’ – a fact that drew the wrath of Somalilanders, who questioned Mr. Rodol’s priorities and, in fact, loyalty. Somalia, as concerns airspace management and control, holds all the cards. There is pretty little Somaliland can do to e ert influence on it except take it up to international platforms for arbitration and/or possible adjudication – eventually. Somtribune
  12. UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH: 03 AGOSTO 2018 TAARIIKHDA SOO SAARISTA: 04 LUULYO 218 MAGACA jEGADA: KAALIYAHA SARKAALKA XUQUUQDA AADANAHA HEERKA: NO-B QAYBTA: QAYBTA XUQUUQDA AADANAHA IYO ILAALINTA GOOBTA: BELEDWEYNE MUDDADA HESHIISKA: HAL (01) OO GO’AN LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN: UNSOM/HRPM/032/2018/SM Ogeysiis Khaas ah Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Codsadaha ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta. Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan. Qaabeynta hay’adda iyo Kala-sarreynta: Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doonaa Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha P-4 Mas’uuliyadaha: Kaaliyaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda: In uu HRPG ka hirgeliyo heer qeyb/goob, uu la socdo, dabaggalo, isla markana uu gudbiyo warbixin ku aaddan xad-gudubyada iyo tacaddiga xuquuqda aadanaha; In uu fuliyo ol’ole isla markana uu tababarrada iyo karti-dhiska dhinaca xuquuqda aadana u ballaariyo hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga si loo xoojiyo u hoggaansanaanta si waafaqsan shuruudaha ku xusan HRDPP, gaar ahaan sare u qaadidda awoodda ay maamul goboleedyada u leeyihiin in ay ku horumariyaan la xisaabtankooda iyo ilaalintooda, ayna baaritaanno madax bannaan ka sameeyaan dhacdooyinka marka ay awoodaan; In uu ka qaybqaato diyaarinta qiimeynta halista HRDPP iyo ogaanshaha tallaabooyinka lagu yareynayo marka loo eego codsiyada ku aaddan taageerro oo ay soo gudbiyaan ciidamada ammaanka ku sugan goobta; In uu sare u qaado awoodda loo leeyahay in la bixiyo diginin hore iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago waxna laga qabto xad-gudubyada ay geystaan ciidamada ammaanka; In uu fuliyo waajibaadyada kale ee loo xil-saaro. Kartida: Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka. Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka. Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo hawlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa u qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda hawlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha ay asaga iyo waaxdiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah. Aqoonta: Waxbarasho: Shahaado sare ee jaamacadda (Master-ka ama wax u dhigma) oo dhinaca sharciga, sayniska siyaasadda, xiriirka caalamiga, sayniska bulshada, ama wax la mid ah. Shahaado heerka koowaad oo ay wehliso labo sano oo khibrad wax ku ool ah waa la aqbali karaa booska shahaado sare. Khibrad: Ugu yaraan sanad oo khibrad wax ku ool ah dhinaca xuquuqda aadana ama shaqo la xiriira. Xirfadaha la doonayo:. Khibrad ku aaddan la shaqeynta heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, agabyada iyo hannaanada. Waayo aragnimo hore oo la xiriira kormeerka iyo ka warbixinta iyo/ama karti-dhiska ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Khibrad dhinaca falanqeynta macluumaad aad u ballaaran, oo ay ka mid yihiin ilaha furan. Ugu yaraan lix bilood oo khibrad wanaagsan laga haayo goobaha shaqada. Luuqad: Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay. Aqoonta luuqadaha Ingiriiska ama Faraansiiska (hadal iyo qoraalba) ayaa loo baahan yahay. Aqoonta luuqadda maxalliga ah waa mid habboon. Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida. Macluumaad Dheeraad ah: Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo. Sida loo gudbiyo codsiga: Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 02 Agosto 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Email: recruitment-unsoa@un.org Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka. Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga looguna talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta. Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi. QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)
  13. Public Private Partnership are supposed to implement government’s development programmes. This leads to the availability of economic power, quality of work, and higher productivity. These words imply that private sector replaces with the public in doing the services that the government is supposed to provide. Public Private Partnership has positive effect on employee performance, skills, attitudes and morale. It also improves the economy growth of the country. On the other hand, the public funding is saved to facilitate the government to invest its money in other sectors of the economy. By the way, in the developing countries, the government is lacking resources, knowledge and management of large scale production actions. Public investment opportunity is available where the government is unable to do it alone in terms of financial weaknesses. In contrast with private sector’ management skills, involvement, and financial capacity of the private sector are much higher than the government. At this, public private partnership makes easier to make advances to economy sector. The aim of the partnership is to reduce the costs that government sustains and to improve the productivity of the economy sector by operating with the experience and investment from the private sector. This shows that collaboration between the government and private sector can generate more profits than when the government is offering public services alone. Public Private Partnership in the production sector can respond to the needs of food security and protect the environment in the rural area. High levels of investment are required to strengthen or develop opportunities for example in the agricultural sector in order to achieve sustainable development making it possible to get rid of the poverty. Therefore, the government of Somaliland should raise the budget allocated for the production sectors to increase local production. Investors should also be facilitated to cooperate with the government in the agricultural sector to achieve our goal of self-sufficiency. All the necessary policies and legal framework for these activities should be in place before any interventions with the private sector is to be carried out. If adopted Public Private Partnership not only will raise the market for our products but the quality of our products and the economy of the sector. However, Public private partnerships should be designed in a way that the two partners assign tasks and responsibility and also share the risks to minimize the damage. The combination of resources and capacities of both public and private partnerships must be managed through well-defined rules, regulations, policies and legal framework. The best option for the government is to enter into contract with private company as contract creates certain obligations that are to be fulfilled by the parties who entered into the agreement. One should predict the risks that might have been associated with partnership and measures should be available to deal with violations of the contract. There must be a law and policy that addresses the collaboration between the partners. And that partners should implement partnership in accordance with the rules and regulations of the country. Anyone who violates the rules and regulations laid for the partnership programme must be dealt with the law. Therefore, we need to reform our civil justice system to make on a par with the developing countries courts and only then both parties can trust with the system. The above mentioned factors are the bases upon which partnership with the private sector can grow and develop. Thanks Abdirahman Ibrahim Abdilahi Contact: Abdirahman270@gmail.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir eek u aadan in la burburiyey dhammaan heshiisyadii ay gashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadan Darjiinada danta guud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay hadda usoo baxday xantii uga horay uga maqli jiray Villa Somalia iyo Aragtida Madaxweyne Farmaajo ee ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo. Wuxuu sheegay inay dowladda Farmaajo ku socoto wadadii kalitalisnimada isla markaasna aragtidaan camal ay horey u socon weysay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook Maanta markii aan dhagaystay Warka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa ii soo baxay dhabta xantii aan horay uga maqli jiray Villa Somalia. Aragtida Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo. Si taas loo meel mariyana ay tahay in 1- La qarameeyo (nationalize) shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha iyo Maaliyada iwm. 2- In lala wareego dhismayaalka danta guud ee dawladihii isaga ka horeeyey ay bixiyeen ama heshiis kiro mudo dheer ah ku galeen, kuwaasoo ay haatan ka dhisan yihiin kaalimo shidaal, hoteelo iyo jardiinooyin beero nasasho iyo ganacsi kale oo waawayn. Waxay ilo xog-ogaal ahi ii sheegeen in Farmaajo uu kala dooran siiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu is casilo ama burburiyo jardiinooyinka ay horay u bixiyeen dawladihii hore. Su’aashu waxay tahay xagee laga soo bilaabayaa sharciga iyo bixinta dhulka danta guud ee ay dawladu bixisay ama kiraysay? Ma Dawladii la doortay ee rayadka ahayd, ma tii xukunka xoogtay ee miliateriga ahayd? Mise kuwii ku meelgaarka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo u danbeeyo. Madaxweynaha ama Gudoomiyaha xiligaas jooga miyaa go’aanka iska leh? Mise go’aanadii iyo sharcigii dawladihii ka horeeyey wuu jiraa. Fikirka dawladnimo ee ku dhisan in ganacsiga ay dawlada gacanta ku hayso, in Baarlamaanka iyo lamaaha fulinta ay isku gacan ku jiraan, in ciidanka nabadsugida loo adeegsado jaasuusida, daba galka iyo fadeexaynta siyaasiyiinta, waa mid horay loo soo tijaabiyey dalka meel u gaynayo ma laha, mana filaayo in dib u heshiisiinta dalkani u baahan yahay ay wax wayn ka tarayso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Somaliland’s Ministry of Education and her Communication and Technology counterpart held a meeting in Hargeisa to stop examination candidates from cheating using the social media platform. According to information reaching Somaliland News Agency (Solna) the ministry of education had to the this drastic approach following the start of Somaliland National Examination for Primary and Secondary School. The ministry had to do something because of prevalence of social media has made cheating in examinations much easier. The Somaliland National Examination and Certification Board chairman Mr.Daud Ahmed Farah has promised to eradicate cheating in national exams. A source close to Solnanews.com confirmed that Mr.Daud was behind the move to close down social media during the time of examination. SOLNA
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay. Kulankaan oo ahaa mid khaas ah ayaan la ogeyn waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadlay iyo xalka khilaafka labada dowladood. Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale, gaar ahana Arimaha Khaliijka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa garab weyn ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada oo la siiyey lacag aad u badan si ay uga hor imaadaan dowladda dhexe iyo go’aanada ka dhanka ah Imaaraadka Carabta. Dhawaan ayaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre gaaro dalka Imaaraadka Carabta si loo soo afjaro Khilaafkaan soo socday waqti badan.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi ka socdo Dowladda Qatar iyo Hey’ad maalgashi laga leeyahay dalkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafidigaan ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka Muqdisho, wuxuuna yahay qorshahooda si ay uga qeyb noqon lahaayeen loolanka loogu jiro maalgashiga Dekadaha Soomaaliya. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay wafdigaan ayaa booqan doono Dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo Hobyo si ay u qiimeeyaan isla markaasna ay maalgashi Caalami ahugu sameyn lahaayeen. Sidoo kale waxaa jiro Dekado kale oo ay Qatar qorsheneyso inay la wareegto, waxaana circa isku sii shareeri doono Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo hadda marayo meel xun. Dowladda Qatar ayaa loolan adag oo dhanka Qaaradda Africa ah kula jirto dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkey kuwaas oo labaduba saameyn ku leh dalka Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dekado badan kula heshiisay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro iyo Maamulka Somaliland. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Itoobiya kula heshiisay inay maalgeshi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo aan ilaa hadda magacyadooda la sheegin waxaana lala yaaban yahay sida ay isku qaban doonaan heshiisyadaan dhinacyada ka socdo. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la kulmay cadaadis aad u weyn ayaa doonayo inuu helo xasaanad si uu usii wato mucaaradnimadiisa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho lagu xiray kadib markii ay gurigiisa weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isaga tagay Muqdishi, waxayna dowladda ka kansanshay kulan loogu qaban lahaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isku dayey qorsho yaab badan oo ku aadan sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Kursiga Beesha C/raxmaan C/shakuur waxaa ku fadhiya Ganacsade weyn oo lacag badan ku bixiyey kursiga si uu xasaanad ugu helo, kaasoo ah xildhibaan Siciid Nuur Gariish, waxaana in muddo ah socday sidii loogu qancin lahaa inuu saayasiga beesha ku wareejiyo kursiga. Milkiilaha Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airweys Siciid Nuur Giriish ayaa la sheegay inuu diiday qorshahan, iyadoo ay cadaadis weyn saareen odayaasha beesha iyo waxgaradka, iyadoo ay adag tahay inuu aqbalo arrintan. Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku saabsan haddii kursigu bannaanaado inuu ka qeyb noqdo musharax ay wataan madaxda dowladda federaalka kuna dagaalamaan inuu ku soo baxo kursigaasi, taasoo ah khatar kale oo heysata damaca xildhibaanimo ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Arrimahan oo dhan waxay qorshaha C/raxmaan C/shakuur ka dhigeen mid ay adag tahay inuu shaqeeyo, waxaana sii adkaanaya fursadaha uu heysto si uu uga mid noqdo xildhaabana Baarlamaanka Federaalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku sugan Yurub, wuxuuna doonayaa inuu laba jibaaro qorshaha uu kaga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo iyada mar u adeegsaday howlgal Militari oo keenay in Maxkamad la saaro. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku qasban inuu sugto doorashada soo socoto si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu la kulmi doono cadaadis ku aadan kursiga Beeshiisa maadaama ganacsadahaan uu yahay nin lacag badan ku bixin karo si uu u difaacdo booskiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka. Eng Yarisow ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin,isla markaana dib loogala noqday heshiisyadii lagu bixiyey dhulalka darjiinooyinka iyo Beeraha. Sababaha loo baabi’iyey heshiisyadaas ayuu ku sheegay in markii heshiisyada la gelayey aan loo marin tartan furan,sidaasna ay sharcidarro ku noqdeen. Waxa uu ku amray Ganacsatada in ay dib maamulka ugu soo celiyaan goobaha danta guud sida darjiinada iyo Beeraha,oo uu sheegay in ay yihiin kuwo kor u qaadaya bilicda Caasimadda,mudo 30 Maalmood ahna ay ku soo wareejiyaan. Waxa uu sheegay in cid alaala iyo cidii cabasho qabta ay la soo xiriirto balse ciddii ka soo horjeesata amarkaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Akhriso Wareegtada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir; Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras; Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa. Wuxuu Soo Saaray Xeerkan: Qodobka 1aad. Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho; Qodobka 2aad. Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo; Qodobka 3aad. Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta Kenya lagu diyaarinaayo kulan khaasa oo dhexmara Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan BFS iyo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xildhibaanada doonaya qaabilaada Qalbi Dhagax uu horboodi doono Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ah uga soo horjeeda dowlada Somalia. Xildhibaanada wehlin doona Axmed Fiqi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Todobo Xildhibaan oo mucaarad ah, waxaana kamid noqon doona Xildhibaan Saabir. Mudanayaashan oo aad uga soo horjeeda dhiibista iyo xariga Qalbi Dhagax ayaa xiriir toosa iyo mid hooseba la sameeyay Madaxda ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi si loogu cayimo wakhti ay kula kulmaan Qalbi Dhagax oo laga sugaayo magaalada Nairobi. Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in la kulanka Qalbi Dhagax ay uga faa’iideysan doonaan laba arrin midkood: 1-In Xildhibaanada mucaaradka ay Qalbi Dhagax u adeegsadan duulaan Siyaasadeedka kala dhexeeya dowlada Somalia. 2-In mucaaradka ay Qalbi Dhagax la wadaagan shirar ay naceeb ugu abuurayaan DFS, iyadoo si guud loo soo bandhigi doono muuqaal wada jir ah oo looga hali doono in DF ay ka fogaato talaabooyinka lamidka ah kan lagula kacay Sarkaalka ONLF. Mucaaradka dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in xiligaan ay Siyaasadooda gaarka ah u adeegsadan qadiyada Qalbi Dhagax oo aad loo hadal hayo. Warar hoose ayaa sheegaya in iminka Xildhibaano ku sugan magaalada Nairobi ay kulamo la yeesheen Saraakiil ka tirsan ONLF kuwaa oo kala hadlay in meel lagu xiro waxa loogu yeeray gafka ay DFS ka gashay Qalbi Dhagax. Sidoo kale, warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa aad u buun-buunineysa arrinta Qalbi Dhagax iyo qeyla dhaanta waayadan kasoo yeereysay mucaaradka Dowlada, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid ay kaalin dhaqaale ka qaadan doonto dowlada Imaaraadka oo inta ugu badan mucaaradka dowlada ku bixisa dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, Qalbi Dhagax ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono talaabada lagu doonayo in deysmadiisa loo maro dhaliilaha mucaaradka uu ku hayo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii June ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo dhaca tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Dilalka bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay Mas’uuliyiin, Saraakiil, Askar iyo Shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi, Wartanabadda, Howlwadaag, Kaaraan iyo Xamarweyne ee Gobolka Banaadir kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Kiiska dilalka dhacay Bishii June ee noo diiwaan gashan ayaa dhan 29 dil, waxaana xusid mudan inay jira dilal kale oo aan la diiwaan galin sida Tooreeyo leysku dilay. HOOS KA AKHRISO DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII JUNE 2018 1- June 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada xili uu ku sugnaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa bakaaraha. 2- June 2, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Suuqa bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Bosteejadda Baydhabo ku dilay Askari ka tirsanaa Booliska oo ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa. 3- Jun 2, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa darawal gaari BL ah ku dilay degmada Kaaraan kadib markii ay murmeen. 4- Jun 2, 2018, Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa agagaarka Isgoyska Tarabuunka ku dilay Gabar Magaceeda lagu sheegay Maandeeq Salaad oo arday aheyd. 5- Jun 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay ruux dhalinyaro ahaa. 6- Jun 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku toogtay wiil kamid ahaa dhalinyarada xaafada oo la sheegay inuu la socon jiray dhalinyaro u shaqeyneysay Dowlada. 7- Jun 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan suuqa Bakaaraha ku dileyn Ruux la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada la shaqeysa Gaadiidka BL—ka ee ka shaqeeya Isgooska Bakaaraha. 8- Jun 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay wiil dhalinyaro ahaa, kaa oo la sheegay inaanu xiriir la laheyn shaqo Dowladeed. 9- Jun 4, 2018, Waxaa xaafada Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir lagu gooracay mid kamid ah dadka deegaanka oo da’diisa lagu sheegay 30 Jir balse aan la helin magaciisa saxda ah. 10- Jun 4, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 11- Jun 4, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Waaxda Seddexaad ee Degmada Dharkiinley ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa Dowlada kadib markii uu diiday inuu dhigo Hub uu sitay. 12-Jun 5, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay nin lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow oo kamid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. 13– Jun 6, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa degmada Xamarweyne si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 14- Jun 6, 2018,Dabley ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaaafadda Cali Shire ku dilay Nabadoon Xuseen Jimcaale Geedi oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanadii dalka soo maray. 15- Jun 7, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Oodweyne nawaaxiga Isbitaalka Kaamil ku dilay nin dhac bareera geysanaayay. 16- Jun 12, 2018, Askari ka tirsan dowlada Federaalka ayaa Wadada Warshadaha ee magalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano isgoyska EVECO ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ah. 17- Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa ku dilay Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay), oo kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Sacabka ee Baarlamaanka Somalia. 18-Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada howlwadaag gaar ahaan xaafada Shanta geed ku dilay gudoomiyhii Waaxda Saqaawudiin ee Degmada Jabloos. 18- Jun 15, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Xasilinta ayaa ku dhintay Miino ku Qaraxday xili uu ku sugnaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile. 19-Jun 18, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Kaaraan ku dilay Cabdullaahi Jeyte oo kamid ahaa dhalinyarada deegaanka. 20-Jun 18, 2018,Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa si bareera Degmada kaaran ugu dilay Xasan Jeyte oo ay murmeen askariga. 21-Jun 18, 2018, Waxaa garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu dilay Xuseen Jeyte oo ay wada murmeen askari ay qaraabo ahaayen. 22- Jun 19, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa NISA ayaa Askari kale ku dilay degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.Marxuumka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada. 23- Jun 26, 2018, Koox ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafada Suuq Yaaraha ee degmada Xamar Jajab ku dilay nin ka mid ahaa Odayaasha degmada, kaasi oo si weyn looga garanayay degmada Xamar Jajab, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow. 24- June 27, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho. 25- June 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay ganacsade lahaa goob dharka lagu tolo oo ku taalla Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho. 26-Jun 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska afarta darjiin ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada. 27-Jun 29, 2018, Kooxo ku bubeysnaa bastoolada ayaa eeryada Isgoyska afarta darjiin ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay inuu kamid ahaa ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga ee XD. 28- June 30, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ku dilay Cabdirashiid Daahir Xasan oo ahaa wiil dhalinyar ah. 29- Jun 30, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Dharkenley ee G/Banaadir ku diley Nabadoon Ibraahin Cali Xasan oo kamid ahaa ergadii Magaalada Baydhabo kusoo dooratay xildhibaanada BFS. Dilalka dhacay bishii June ee 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Irish rock star Bono warned Monday that the United Nations and other international institutions including the European Union and NATO are under threat — and nations must work together to ensure their continued existence. Source: Hiiraan Online
  23. Baydhabo (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsi la dhigay Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Nuur Xasan Buule. Taliyaha ayaa lasoo sheegayaa in ciidamo badan oo isku dhaf ah ay hooygiisa kala baxeen kadib amar kasoo baxay maamulka Gobolka Koonfur Galbeed ee Somalia. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Somalia oo ka hadlaayay xariga Taliyaha ayaa sheegay in lala xiray dhowr askari oo xiliga xariga isku dayay inay bad-baadiyaan Taliyaha. Cali Xasan Ibraahim Cali Dheere, oo ah Taliyaha Booliska degmada Waajid isla markaana ka hadlaayay xariga ayaa sheegay in Taliyaha Xarigiisa uu yahay mid xabsi guri ah. Cali Xasan, waxa uu intaa ku daray in sababta xariga Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid uu yahay in loo heysto isku dhac dhexmaray Ciidamo uu watay iyo ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed oo ku guda jiray howlgal roondo ah. “Kiiska xariga Taliyaha waxa uu iminka gaaray meel fog,waayo rasaasta ay rideen ciidamadiisa waxa ay geysteen dhibaato’’ Isku dhaca loo xiray Taliyaha Nabad-sugida degmada Waajid ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 Askari halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana falkaasi lagu sheegay mid aad u xun. Dhinaca kale, talaabada lagu xiray Taliyaha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  24. Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa xalay Magaalada Garoowe kusoo bandhigay daahfurka wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo kadhacay hoolka Jaamacad Bariga Afrika ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kala duwan gaar ahaan bulshada kasoo jeeda gobalada Sanaag iyo Haylaan. Guddiga dhismaha waddada ayaa Madaxweynaha uga xog-bixiyey meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxaa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu. Guddiga ayaa sheegay in dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ay hada soo geba-geboowday wajigeedii koobaad ee wadada oo dherarkeedu yahay 90 km, shaqada laga qabtayna ay tahay simitaan iyo kushubid jay iyo caratuur, waxaana loo gudbay wajiga labaad oo ah dhigitaankii daamurka oo loo keenay qalab casri ah oo lagu dhiso wadooyinka wadamada horumaray. Sidoo kale Dhismaha waddada Ceel-daahir, Ceerigaabo kharashka lagu dhisayo ayaa kayimid iskaa-shiga shacabka iyo Dowladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”. Guddiga ayaa sheegay in dhismaha wadada qaybta hartay ay ku baxayso lacag badan waxaana ay ka codsadeen shacabka Puntland Gaar ahaan shacabka Gobalada Sanaag iyo Haylaan inay soo dadajiyaan qoondada kaga soo aaday wadada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mahad balaaran u jeediyey jaamacadda Bariga Africa iyo guddiga wadada Ceel-daahir iyo Cirgaabo’’dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladdaan si gaar ah ayey ii taabanaysaa ka soo qayb galkeedu, Mahad dhammaanteed Alle ayey u sugaantay marka laga yimaado haddii cid ammaan leedahay waxaa iska leh guddiga wadada oo uu shiikh Maxamuud gudoomiye u yahay’’ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dadka reer Puntland waajib iyo xujo ku tahay dhismaha wadadaas oo fure u noqon karta hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala’’haddii ay fashilanto wadada Ceel-dahir iyo cirgaabo wadooyin kale oo inoo dhismaya ma jiraan marka aan tijaabino awoodeena oo wadada ha laga qayb-qaato’’ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas. Madaxweynaha ayaa waxaa uu fariin u diray qurba joogta waxaana uu ka codsaday in lacagaha ay dalxiiska ku aadaan ku bixisaayaan dhismaha wadadaas muhiimka u ah hooyooyinka foosha ah, guusha wadadaas laga gaadhaa waxay fure u tahay guulo badan oo soo socda haddaan ku guulaysano Ceel-Daahir-Cirgaabo mashruuca ku-xigaa wuxuu noqonayaa Kalabaydh ilaa Baargaal. Sawirro. PuntlandPost.net The post (SAWIRRO)GUDDIGA DHISMAHA WADADA CEELDAAHIR-CEERI GAABO OO SOO BANDHIGAY WAJIGA LABAAD DHISMAHA WADADAASI appeared first on Puntland Post.
  25. Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan laga sii daayay xabsi ku yaala Dalka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay cida Itoobiya u gacan galisay. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay i gacan galisay Itoobiya isaga oo sheegay in Ha’ada NISA ay ka soo qabatay Magaalada Gaalkacyo iyaga oo ku xiray Godka Jilicoow. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax ka ogaa Xirintaankaasi iyo gacan u galintiisa Itoobiya. “Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen,mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen” ayuu yiri Qalbi dhagax. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Ra’isilwasaare Itoobiya ay sabab u aheyd in la sii daayay isaga oo sheegay in aanay jirin cid kale oo sii deeyntiisa ka dambeeysay. Dhowaan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in codsi ay u dirtay Ra’isilwasaare Itoobiya Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/COd-C.kariim-Sheeq-Muuse-Qalbi-Dhagax.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qalbi Dhagax” Xarigeeyga waxaa ka dambeeysay Dowlada Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.