Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,297
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Caynaba) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo gaadhay Magaaladda Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ayaa hadal uu ka jeediyay halkaas Wuxuu Sheegay In ciddii nabad gelyo loogu taagwaayo Inuu Edbin doono waa siduu hadalka u dhigaye. Hoos ka DAAWO Source
  2. Tan iyo intii uu Maxamed Bin Salmaan (MBS); Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu ku dhawaaqay in “faafinta wahaabiyadu ay ku timid wakhtigii dagaalkii qaboobaa codsi ka yimid saaxiibbada sucuudiga ”waxaan aad u xiisaynayey inaan fahmo cilaaqaada ka dhexeeya dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah gaar ahaan midka u nasab sheegta salafiga iyo danaha siyaasadeed ee dowladda Sucuudiga. Waxaan ogahay in hadalkaas ka soo yeeray dhaxal-sugaha siyaabo kala duwan looga falceliyey. Dadka qaarkood waxay si fudud ugu doodeen inuusan wiilkan yar matalin Sucuudiga amaba uusan hadalkani waxba u dhimaynin doorka sooyaalka ah ee ay Sucuudigu ku leeyihiin u khidmaynta Islaamka. Aragtidan ayey qabaan dadka ay ku weyntahay muhimadda doorka ay dowladda Sucuudigu ku leedahay dhowridda Sunniyiinta amaba sida ay jecelyihiin ilaalinta manhajka saxda ah ee salafiyada. Dadka qaarkood waxay isla markiiba la boodeen inuu wiilkan yari si ku talogal la’aan ah ugu dhawaaqay mowqifka awalba u caddaa iyaga laakiin ay dowladda Sucuudigu ku qarinaysay ceeryaamada diin isku qarinta ee ay horboodaan culimo-lakoodka dowladda u shaqeeya. Haddaba, waxaan jeclahay in qormadan kooban aan ku eegno xiriirka ka dhexeeya dowladda sucuudiga iyo xarakaadka salafiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada diiniga ah ee ay ka wadaan dacallada dunida oo ay ku jiraan kacdoonnada hubeysan ee ay wadaan ururo lagu sifeyn karo Salifiyiin hase ahaatee aan la mid ahayn salafiyada ay ictiraafsan tahay dowladda sucuudigu. Waxaan yaraha milicsanaynaa taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa awoodda dowladda Sucuudiga iyo salafiyada ama “wahaabiyada” sida ay dadka qaar u yaqaaniin. Bilowgii “Isbahaysiga” Reer Sacuud iyo Aala Sheekha Waxaa la sheegay in kadib markii Sh. Mohamed Bin Abdulwahab uu si qiiro leh ugu istaagay soo noolaynta towxiidka saafiga ah “in cibaadada ilaahay loo kali yeelo” iyo la dagaalanka shirkiga, qubuuriyiinta iyo raafidada uu la kulmay iska caabbin badan oo kaga timid dhinaca culimadii wakhtigaas joogtay iyo waliba madaxdhaqameeddkii u talinayey qabaa’ishii Carabta oo uu ku jiro sheekhii qabiiladiisa oo la oran jiray Cusman ibnu Mucamar. Sanadku markuu ahaa 1156 hijriga oo ku aadan sanadkii 1744-kii miilaadiga ayey heshiis laba geesood ah ku galeen amiirkii magaalada dirciya Mohamed ibn Saud oo ay ku kala sixiixdeen heshiiska saldhigga u ah isbahaysiga reer Aala Sacuud iyo reer Aala Sheekh. Miisaanka Awood Qeybsiga Reer Sacuud iyo Reer Aala Sheekh Taariikhda laga qoray isbahaysigan waxay tibaaxaysaa in Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahab uu si mug leh uga qeyb qaadan jiray dhinaca siyaasadda, dagaalka, iyo arrimaha diintaba, islamarahaantaana saameyn weyn uu ku lahaa qaab socodka nidaamkii u dhisnaa iyo hab dhaqameedka uu lahaa. Wuxuu sheekhu sugay in caqiidada towxiidku ay noqoto mid ay qaadato dowladda Sucuudigu iyo waliba mad-habka Xambaliga ee ilaa maanta sida rasmi ah loogaga dhaqmo Boqortooyada Sucuudiga. Haseyeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay in culimadii dhaxashay doorkii Sh. Maxamed ibnu Cabdulwahaab aysan adkaysanin doorkaas oo markii dambe lagu soo reebay door ku kooban diinta furuucdeeda gaar ahaan wixii aan taabanaynin arrimaha awoodda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha dibadda. Middaas beddelkeedii ayey Aala sucuud ku guulaysteen in culimadu ay difaacaan sharciyada xukunka Aala Sucuud ee markii dambe u xuubsiibtay boqortooyada ay iska dhaxlaan qoyska reer Aala Sacuud kaliya. Labada Xaramyn ee Barakaysan iyo Huwanaanta Diinta Dalka Sucuudiga waxaa ku yaala labada masjid ee ugu fadliga badan dhul lagu cibaadaysto. Maka waa qiblada muslimiinta oo ilaahay ku adoonsaday qof kast oo muslim ah meel kasta oo adduunka uu ka joogo lagu amray inuu u soo tudkado. Arkaanta islaamak waxaa ka mid ah gudashada xajka oo qof kasta waajib ku ah inuu guto hal mar cimrigiisa. Arrimahan oo dhan waxay mar kasta siinayeen boqortooyada Sucuudiga sharciyad iyo aqbalid ay muslimiintu ogolaanayaan xukunkooda iyadoo mararka qaarkood dambi loo arkayo in laga hadlo gabbood-fallada iyo tacadiyada ay ku kaceen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo xukumay dalka sucuudiga. Iyadoo haddaba dowladda Sucuudigu ay ka faa’iidaysanayso shicaarkaas islaamka ayey waxay mar kasta reer Aala Sheekh iyo culimadooda ku dhiiri galinayeen inay aragtida salafiga ku faafiyaan waddamada u badan muslimiinta dhaqaale badanna ku bixiyeen. Hase ahaatee mar kast faafinta dacwadaas waxaa Boqortooyada ugu lammaanaa inay ku fushadaan danahooda siyaasiga ah iyo kuwa xulufadooda muslim iyo gaalo waxay doonaanba ha ahaadaane. Labo tusaale oo kooban waxaan ku soo qaadanaynaa dowladda Sucuudigu doorkii ay ku lahayd sameynta iyo faafinta labada koox-diimeed ee kala jooga labada daraf ee shishe ee iska soo horjeeda ee salafiyada. Salafiyah Jihaadiyah Waxaa la ogsoon yahay billowgii 80-naadkii markii uu Ruuskhu qabsaday Afghanistan in dowladaha reer Galbeedku dadaal badan ugu jireen sidii loo hor istaagi lahaa isbalaadhinta Midowgii Sofiyeetka. Waxaa markaas si xowli ah wali adduunka uga jiray dagaalkii qaboobaa oo u dhaxeeyey xulafadii reer Galbeedka oo uu hoggaaminayey Maraykanku iyo Midowgii Sofiyeetka oo markaas ku tartamayey hoggaanka caalamka. Sida uu qirayo hadda dhaxal-sugaha Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, waxay dolwadda Sucuudigu qeyb weyn ka ahayd sidii loo abaabuli lahaa dhalinyaro Muslimiin ah oo Jihaad kaga hortagta shuuciyada ku soo duushay waddanka muslimka ah ee Afganistan. Sida uu ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol) buuggiisa kobaca islaamiyiinta Soomaaliya, Taliyihii sirdoonka ee Sucuudiga wakhtigaas Amiir Turki Al-feysal oo boqor fahad adeer u ahaa ayaa mas’uul ka ahaa tababarka la siinayo dhalinyarada carbeed (Mujaahidiinul-carab) iyadoo loo diyaarinayey sidii ay midowgii sofiyeetka uga saari lahaayeen Afganistan. Amiir Turki oo hayey talada sirdoonka sucuudiga in ka badan 20 sano ayaa la sheegaa in ay xiriir hoose lahaayeen Islaamiyiinta iyadoo xilkan laga qaaday 10 maalmood ka hor inta aysan dhicin qaraxyadii Sebtember 11, sanadkii 2001-dii. Dagaalka Afghanistaan ayaa la sheegaa inay si toos ah u maalgelinayeen dowladaha reer Galbeedka oo uu hoggaaminayo Maraykanku loona sii marin jiray sirdoonka Sucuudiga iyo kan Pakistan oo labaduba olog la ahaa bahweynta reer Galbeedka iyagoo markaas ka duulayey danaha dowladahooda ee aan marna u dan iyo heelo midna ka lahayn dan islaam iyo midda reer Afghanistaan toona. Markii Ruushku jabay reer Galbeedka iyo xulafadoodii ay ka mid ahaayeen Sucuudiga iyo Pakistan waxay ka alaaba uruursadeen saaxadii dagaalka, waxaana meel cidlo ah lagaga tagay dhalinyaradii lagu yiri jihaada oo islaamka u dhinta. Waxaaba intaas kaaga sii daran waxaa laga mamnuucay inay waddamadoodii ku noqdaan oo si nabad ah ugu noolaadaan iyagoo laga cabsanayo inay aqoonta dagaalka iyo xeeladihiisa ay soo barteen ku waxyeeleeyaan dowladahoodii. Sidaas ayaa waxaa ku samaysantay Al-Qacida oo u aragtay in ballankii lagaga baxay markii lagu dan gaadhay. Xiriirka ka dhexeeyey sirdoonka dowladda Sucuudiga, iyo kuwa dalalka kale ee Carabta marna meesha kama bixin oo dowladuhu si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada abuurmaya waxay mar kasta hubinayeen inay dad ku dhex lahaadaan dhammaan ururada jihaadiga sheegta iyadoo inta badan hoggaanku uu matalayo danaha dowladaha carbeed ee dhaqaalahooda siiya. Dowladda sucuudigu marna kalama lug bixin dacminta dhaqdhaqaaqyada jihaadiga ah iyadoo marna u sii marisa dad ay ugu yeedho muxsiniin marna si toos ah sirdoonkeedu u siiyo iyadoo markasta ka turjumaysa ilaalinta iyo horumarinta danaha dalka Sucuudiga. La soco qaybta xigta Insha Allah W.Q: Aqbal Aabi Wardheernews.com
  3. (SL-T Burco) Iyadoo ay Xukuumadda Muuse Biixi hadda sannad jirsatay ayaa waxa isasoo taraya masuuliyiinta iskooda shaqada uga cararaya ee iska casilaya. waxaana muddadaasi hadda sanadka ah ee uu Madaxweyne Biix Hogaanka dalka hayay Xukuumaddiisa iska casilay sadex masuul oo xilal sare ka hayay, waxaanay arintaasi Bulshada ku abuurtay wal wal horleh iyo walaac horleh. Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ka mid ahayd masuuliyiintii Shidhka ugu jiray Xukuumadii hore ee Siilaanyo islamarkaana ahayd Agaasimihii guud ee Wasaaraddii Madaxtooyadda ee wakhtigaasi ayuu Madaxweyne Biixi markii uu talada dalka ku guulaystay u magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Tayada Somaliland, waxaanay iyadoon Xilkaasi la wareegin February 25, 2018 ku dhawaaqday inay iska casishay iyadoo sheegtay inaan waxba lagala tashina islamarkaana aanu meeqaamka kursigaasi leeyahay ahayn mid u cuntama, iyadoo sheegtay inay hiigsanayso halkii ay joogtay meel ka saraysa,taasi oo bulshada u muujisay inaan Booskaasi magacaabistiisa waxba laga waydiin,waxaanay noqotay masuulkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Muuse Biixi iska casilay ama diiday xil loo igmaday. April 11, 2018 waxaa isaguna Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iska casilay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdi Cali Jaamac kaasi oo noqday Masuulkii labaad ee iska casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Agaasime Cabdi Cali ayaa sheegay inuu Arimo layaableh kala kulmay Madaxweyne Muuse Biixi taasi oo sababtay inuu gabi ahaanba iskaga huleelo Xukuumadda, oo uu iska casilo. Waxa uu ka sheekeeyay qisas dhex maray isaga iyo Madaxweynaha isagoo bartiisa Facebookga qoraal kooban oo uu kaga warbixiyay iscasilaadiisa ku qaadaa dhigay hadalo ay is waydaarasadeen Madaxweynaha. Waxa arinta Agaasimahaasi dhawr todobaad lagu faaqidayay baraha Xidhiidhka Bulshashada isagoo markii dambena bilaabay qoraalo taxane ah oo uu kaga sheekaynayay uurkutalooyinkii ku suntanaan Iscasilaadiisa iyo dhacdooyinkii ku lamaan ee aakhirkii gayaysiiyay inuu xilkii uu hayay iskaga huleelo oo uu iska casilo. Masuulkii saddexaad ayaa Shalay iska Casilay Xukuumadda Muuse Biixi. Masuulkan oo ah Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Laki) ayaa ka mid ahaa Waftiga Madaxweynaha ee shalay ku sugnaa Magaaalada Burco waxaanu si rasmi u sheegay inuu xilkaasi iska Casilay. Masuulkan ayaa ku sababeeyay inuu shaqada uga tagay “Nidaamka dawliga ah ee dalka ka jiraa Waa mid askariya oo aanay ka muuqan dhaqan kii dawladnimada lagu yaqaanay, waxaa gacanta ku haya koox ciil qabayaala oo qofkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin”. Ayaa hadalkiisa ka mid ahayd. Isku soo wada duuboo waxa isasoo taraya masuuliyiinta saluugsan hanaanka hogaamineed ee dalka islamarkaana ka tirsan Xukuumadda, kuwaasi oo aan wali wax go’aan ah qaadan balse ay suurtagal tahay inay iyaguna iscasilaan. Source
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda xiriirka kubada cagta ee Soomaaliyeed ayaa si balaaran waxaa loogu amaanay horumarka baaxad wayn oo ay ka sameeyeen xaga ciyaaraha gudaha iyo dibadda ee wadanka. Xoghayaha xiriirka, Jamaal Xaashi Tuure, oo maanta qeyb ka ahaa martida Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay, ayaa sheegay in madaxda xiriirka oo uu ugu horeeyo gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ay guulo soo hooyeen. Tuure oo fahfaahinaya guulaha ayaa ku tilmaamay in la nidaamiyay ciyaaraha heer Qaran, isaga oo tibaaxay inay haatan hiigsanyaan heer maamul goboleed si looga aas-aaso xiriiro kala duwan Xaliimo Sacdiyo Sheekh Cumar, oo ah waayajoog hore islamarkaana ku xeel dheer arimaha ciyaaraha ayaa dhankeeda sheegtay in gudoomiyaha xiriirka uu dhabarka u xirtay horumarinta Sportiga dalka xili dhibaatooyin badan ay ka jireen. Wasaaradda Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayay Xaliimo si lamid ah ku bogaadisay kaalinta ay ka qaadatay dhisitaanka tuulada Sportiga ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo dayactir lagu bilaabay. Xaliimo oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tilmaamtay garoonka marka uu dhismo uu xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed uu ku marti qaadi doono wadamo kale si ay ula dheelaan kulamo. Cabdi Qani Saciid [Carab] ayaa la aaminsan yahay in ciyaaraha Soomaaliya soo gaarsiiyay heerka uu maanta marayo, waana tan keentay in markale loo doorto gudoomiye xilka sii haynayo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho Muqdisho ka qabsoontay. The post Khuburo soo dhaweysay dadaalada horumarineed C/qani Saciid Carab appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri] oo u waramaayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare. Guddiga ayuu daboolka ka qaaday Mr Jaabiri inuu qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed. “Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed helo Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka,” ayuu yiri. Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa cod dheer ku qeexay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin. Isaga oo sii hadlaya Wasiiro Dowlaha Waxbrashadda ayuu ku daray hadalkiisa: “Taasna waxay tahay mid aan dhamaanteen kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas. Wasaaradda Waxbarashadda xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa xili ay dhowaan soo bandhigtay waxbarasho bilaash ah. The post Shuruucdii Waxbarashada dalka oo dib loosoo celinayo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan markii saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalo xoogan ku dhex-mareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dhanka kale, Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu guulo ka sheegtay dagaaladdaasi. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, gudoomiye ku xigeenka gobolka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyay in rag ka tirsan xoogaga Al-Shabaab lagu dilay dagaaladaasi. Gudoomiy ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in degaanada ay ka dhaceen dagaaladda ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoog dalka, ayna baaqi kusii ahaan doonan. Ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa maalmihii udambeeyay dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen degaano iyo degmooyin dhaca duleedka magaalada Marka ee gobolkaasi. The post Xaalada degaanadii lagu dagaalamay ee Sh/Hoose oo degan appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay qabteen gabar ay sheegeen in ay sun siisay ayeydeed. Hay’adaha dambi baarista maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gabadha da’adeeda ay tahay 15-sano jir, laguna magacaabo Naciimo Bashiir. Waxa ay sheegeen in falkaan ay xalay fiidkii ka geysatay deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo, iyada oo sumaysay ayeydeed hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen guri. Gudoomiyaha deegaanka Goobweyn, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ayeyada la oran jiray Dahabo Maxamed, ciidamada dambi baaristana ay gacanta ku hayaan kiiskaan, si ay u ogaadaan waxyaabaha Naciimo ku sababay in ay sun siiso ayeydeed. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in sunta la siiyay ayeyada dhimatay ay aheyd tan beeraha oo Naciimo ay kasoo iibsatay dukaan ku yaalla deegaanka Goobweyn. Dhacdooyinka nuucaan ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah oo ka dhaca Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa baarista ciidamada dambi baarista Jubbaland ay kasoo saaraan kiiskaan.
  8. Kismaayo (Sh.M.Network) – Dhacdaan oo laga soo wariyay degaanka Goob-weyn oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa waxaa ku lug-yeeshay Gabar da’deeda lagu qiyaasay 15-sano jir. Wararka ayaa sheegaya in Gabadha oo lagu magacaabo Naciimo Bashiir ay dishay Ayeedadeed dhashay Hooyadeed, taasi oo magaceeda lagu tilmaamay Dahabo Maxamed, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Sida uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha deegaanka Goob-wyen mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta, Gabdha ayaa sunta waxay ugu dartay Ayeedeed Cuntadii Cashada. Lama ogga sababta ku kaliftay inay Naciimo sameyso falkaan, balse dadka degaanka ayaa war-fidiyeenka ugu sharaxay inay timid markii la canaanatay kahor inta aanan la gaarin waqtiga Cashadda. Sunta ay u adeegsatay dilka oo ay fahfaahinu soo jeedinayaan inay ahayd nooca loogu talagalay Cayayaanka ayaa waxay kasoo iibsatay goobo ganacsi oo ku yaala tuulada laga soo sheegay dhacdadani argagax leh. Hay’addaha amniga maamulka Jubbaland oo meesha ay wax ka dhaceen tagay ayaa soo qaaday meydka xili ay gacanta kusoo dhigeen Gabdha, oo aanan la ogayn talaabadda xigta oo ay ka qaadi doonan. Shacabka ku dhaqan degaanka Goobwayn ee gobolka Jubbadda Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya ayaa waxay si wayn waxay uhadalhayaan dhacdani oo ku noqotay mid layaab leh. The post Gabar Ayeedadeed Sun ku dishay gobolka J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-23112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SL-T Burco) Madxawayne Gaas Ayaa Cabsi Ka Muujiyey Safarka Madaxwayne Biixi Ku Marayo Gobolada Bariga Somaliland, Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markale kahadlay faa’iidada Soomaalida ay ka helayaan isbadalka Geeska Africa ee maalmahaan socday. Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in isbadalka geeska ay Soomaalida ka faa’iidi doonaan wax badan, maadaama sida uu sheegay ay yihiin dad ku dheereeya arimaha ganacsiga gobolka. Farmaajo ayaa sheegay in dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda marar badan ay tababareen ciidamada dowladda, laakiin hadda iyaga ay ku tababari doonaan arimaha ganacsiga oo uu sheegay in Soomaalida kaga horeyso dalalka kale ee Africa. Farmaajo ayaa xusay in arinta kale ee ugu weyn Isbedallada Geeska Afrika ay Soomaaliya ka faa’iidi doonto ay tahay in si wanaagsan loola dhaqmo oo la tixgaliyo Hormarkooda iyo madaxbanaanidooda. “Hadda qaabka ay wax u socdaan ayaa ah in la is ixtiraamo, Marar badan Kenya iyo Ethiopia ciidamo waa inoo tababareen laakiin hadda annaga ayaa tababareyno, waxaan ku tababareynaa ganacsiga oo aan kaga horeyno dalalka kale ee Africa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Isbadalada Geeska Africa ayaa wata saameyntooda dadban, balse isdhexgalka bulshada ayaa la rumeysan yihiin in wax badan oo isbadal ah u horseedi doono shacabka dalalka Geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-23112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa muujiyey cabsi wayn oo ay ka qabaan in Xildhibaanada Puntland ee iman doona ay noqdaan kuwo tayadooda shaqsiyadeed iyo mid aqooneedba ay aad u hoosayso. Siyaasi ruugcadaa ah oo la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri” Markaan eegey qaabka wax u socdaan iyo Shaqsiyaadka u ordaya iney Xildhibaano ay noqdaan waxaan dareemayaa Siyaasad xumo iyo daneysi shaqsiyadeed inuu jiro. Dadka hada raadinaya Xildhibaannimada Waa dad qaarkood aan waxba lagu aamini karin oo Dabada ay kasoo riixayaan Dad kale, qaarkood maba xishoonayaan oo Doolar bay jidka la taagan yihiin ,ma dadkasaa lagu aamini karaa masiirka umada Puntland. Isimada Xalaasha ah ee Puntland waa iney ka foojignaadaan, fiiragaarana u yeeshaan Dadka ay usoo xulayaan iney Matalaan Shacabka ayna ogaadaan in Hal xaaraan ahi aysan dhalayn Nirig xalaala. Hadii ay Xildhibaanada cusub ee Puntland noqdaan Shaqsiyaad Calooshood u shaqaystayaal ah, oo qaarkood aan waxna aqriyin waxna qorin , qaarkoodna ay yihiin Dad aan ujeed Siyaasadeed aan lahayn, qaarkoodna ay yihiin “Oraah aan waayadaan dabe Maqlayay oo ah “Adeer Ciyaalkaan ku korsanayaa”. Isimada Soo jireenka ah ee Puntland oo iyagu ah shaqsiyaadka leh Saxiixa ugu dambeeya ee Xildhibaanka Beeshiisa,waa in Isim walbaa uu lashiraa Gacanyarayaashiisa (Nabadoonada soo xulaya Xildhibaanada) Halkaasna lagu dhaariyo Masuul Beeleed walba oo Xildhibaan Soo xulaya. Waa in dhaartaas noqotaa -in uusan laaluush ka qaadan Dadka u tartamaya Xildhibaanimada, -In uusan shaqsiga lasoo xulayo lagu soo xulaa kartidiisa,Aqoontiisa iyo magaca iyo maamuusta ui Bulshada ku dhex leeyahay. -Iney ka fogaadaan Qawlaysatada lasoo tuuray ee iska ordeysa, kuwasoo la arko oo qura markii neef la qalanayo. Maxaa loo dhaariyaa oo qura Masuuliyiinta lasoo doorto,Waa in marka hore la dhaariyaa Dadka soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka, oo aasaaska u ah Jogaanka iyo Mustaqbalka Bulshada, Markaas ayay Hasha Xalasha ahi ay dhalaysaa Nirig Xalaal ah. Puntlandi.com Garowe Source
  14. Iyadoo Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynanimada Puntland ee Janaayo 2019 inta badan wali qabaan walwal ku aadan qaabka uu u socdo qaban qaabada Doorashada ayaa hadana waxay Madaxweynaha ka codsadeen inuu dhakhso u magacaabo Gudiga saldhiga u ah Doorashada oo ah Gudiga Khilaafaad bixinta Soo xulida Xildhibaanada kasoo MadXweynuhu soo magacaabo. Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa inuu dhakhso usoo magacaabo Gudiga Doorashada uuna soo magcaabida Gudigaas uu ka tala galiyo Musharixiinta.”. Doorashadii hore ee 2014 Muran xoogan ayaa ka dhashay Soo magacaabida gudigaan kadib markii uu Madaxweynihii wakhtigaas Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu magacaabey Gudiga, Waxaana gaashaanka ku dhuftey oo ka horyimid gudigii uu Magacaabay Faroole Musharixiintii wakhtigaas oo uu hor kacayay Madaxweyne prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Musharax ahaa wakhtigaas, Musharixiintu waxay sheegeen inuusan sharci u haysan Madaxweyne Faroole in uu isagu jeebkiisa kalasoo baxo Gudiga Doorashada ee loo bahan yahay inuu kala tashado Musharixiinta kale. Taasna Faroole wuu diidey oo wuxuu ku adkeystay Gudigii uu magacaabay oo 8 xubnood ka koobnaa. Aakhirkii is jiidjiid wakhti qaatay kadib heshiis ayaa laga gaaray Madaxweynihii xiligaas Dr.Faroole wuxuu aqbalay sharuudo ay soo jeediyeen Musharixiintu oo ahaa in Gudigu uu ka madax banaanaado Madaxtooyada ayna wixii talabixinta ah ay la xiriiraan Isimada soo jireenka ah ayna Isimadu u noqdaan Marjaca Gudiga. Waxaa hada muuqata 5 sano kadib in Musharixiinta hada tartamaya ay iyana qabaan walaacaas oo kale laakiin Madaxweyne Gaas oo horey Ugadiiday Madaxweynihii ka horeeyey Dr.Faroole inuu kaligiis magacaabo gudiga Khilaafaadka, Muxuu yeeli doonaa hada. Puntlandi.com Bosaso Source
  15. (SLT-Burco) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeeray suuqyada ganacsi ee Magaaladda Burco . Hoos ka DAAWO Source
  16. Qoor-weynta Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ku Hungoobay Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Ay Isugu Diyaariyeen Inay Kula Gar-Naqsadaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Halka Ay Xaajadu Ka Qalloocatay!! Xogo Wargeyska Foore ka helay dhaq dhaqaaqyaddii siyaasadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi sameeyay intii uu ku sugnaa Magaalada Burco ayaa daaha ka fayday inuu si gaar ah iskugu diyaariyay inuu kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeesho Guddiyo la sheegay inay iska soo saareen Beelaha dega Galbeedka iyo Bariga Magaalada Burco, waxaanay wararku sheegayaan inaanay kulamadaasi gabi ahaanba aanay sidii la rabay u qabsoomin oo ay wada baaqdeen,waxaana kulamadaasi intooda badan ay ka qabsoomin waayeen dhinaca Madaxweynaha oo aan sidii hogaamiyayaashii hore isku diyaarin balse dadka u qaabilayay uun si guud. Warar lagu kalsoon yahay ayaa iftiimiyay in Beesha Galbeedka BURCO degta oo si weyn uga qayb qaadatay soo dhawayntii Reer Burco ku qaabileen Waftiga Madaxweynaha ay habeen hore u balansanaayeen inay Kulan gaar ah oo balaadhan la qaataan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse warar hoose ayaa Wargeyka Foore u xaqiijiyay inuu Kulankaasi baaqday kadib markii ay Gudidii Beeshaasi ka biyo diiday hanaanka uu Madaxweynuhu u qaabilay, iyagoo sida la sheegay Gudidaasi doonayay inay si gaar ah ula kulmaan Madaxweynaha. Wararkan ayaa intaasi ku daray inuu gabi ahaanba Kulankaasi baaqday islamarkaana aanay jirin wakhti dambe oo laga balamay. Sida ay tilmaamayaan Xogo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Magaaladda Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer oo illaa xalay uu Waftiga Madaxweynuhu ku sugnaa ayaa iftiimiyay in gaar ahaan Gudidii ay iska soo xuleen Galbeedka Burco ee ay Madaxweynaha Habeen hore kulanka u balansanaayeen ay ka dalbadeen Madaxweynaha inay isku keliyaystaan oo uu iska reebo Wasiiraddiisa, arintaasi oo sida la sheegay uu Madaxweynuhu ka diiday islamarkaana uu u sheegay inay iska dhaafaan wasiiradda oo ay sheegtaan danahooda islamarkaana ay soo hor fadhiistaan, waxaanay arintaasi keentay inuu kulankaasi baaqdo kadib markii ay Kooxdii Gudida ahayd ay ku adkaatay inay ka hor garnaqsadaan Madaxweynaha oo ay la joogaan Wasiiraddiisu. Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah kooxdaasi u hagayay balse waxaa timid arin qancin wayday Gudidii ay soo wakiisheen Deegaanka Galbeedka Burco. Source:Wergeyska Foore Source
  17. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in CIA-du aanay ku eedayn Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan inuu amray dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Khaashuqji ayaa waxaa qunsuliyadda uu Sucuudiga ku leeyahay Istanbul lagu dilay 2-dii bishii Oktoobar. Saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay warbaahinta dalkaasi u sheegeen in howlgalka noocaas ah la fuliyo uu u baahnaa in amiirku uu ansixiyo. “War kama dambays ah maysan soo saarin,” Mr Trump ayaa yidhi mar ay weriyayaashu wax ka waydiiyeen qiimeynta CIA-da. “Si gaar ah ayey wax u dareemayaan. Warbixinta waan hayaa, wax dhameystiranna maysan soo saarin, ma garan karo haddii qof un ay suuroobayso inuu soo helo in amiirka dhaxalsugaha ah uu sameeyay arrinta,” ayuu yidhi. Madaxweynaha ayaa dilka kaddib waxa uu ku celceliyay muhiimadda Sucuudi Carabiya ay u leedahay Mareykanka. Bilowgii todobaadkan, Mr Trump ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku tilmaamayo in Amiirka dhaxalsugaha ah “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Bayaanka uu Mr Trump ayuu ku sheegay: “Waxaa suuragal ah inuu Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa dhacdadaas musiibada aheyd – waa suuragal inuu ogaa iyo inuusanba ogeyn!” 17-kii Nofeembar, Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa waxa ay weriyayaasha u sheegtay in Mr Trump uu kalsooni ku qabo in CIA-da kaddib markii uu wadahallo ku aaddan dilkii Jamaal Khaashuqji uu la yeeshay Agaasimaha hay’addaasi Gina Haspel iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo. Ilo wareedyo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ayaa xilligaa waxa ay sheegeen in aanan la hayn wax caddeyn ah oo amiirka dhaxalsugaha ah ku xiriirinaya inuu bixiyay amarka dilka, hasayeeshee saraakiisha ayaa rumaysan in fulinta dilkaasi loo baahnaa ogolaanshihiisa. Sacuudi Carabiya ayaa waxa eedayntaasi ugu yeertay mid aanan waxba ka jirin, waxa ayna ku adkaysatay in amiirka dhaxalsugaha ah uusan waxba ka ogeyn qorshaha lagu dilay Jamaal Khaashuqji. Source
  18. (SLT-Abudhabi)Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa xalay socdaalkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan iyo markii 2-dii bishii Oktoobar la dilay suxufigii Jamal khashoqgi kaasoo ka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul. Mohamed Bin Salman ayaa safar ku maraya dhowr dal oo carbeed isagoo lugtii koowaad ee socdaalkiisa ku tegay dalka Imaaraadka Carabta. Mohamed Bin Salman oo si weyn loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii saxafigii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi ayaa waxaa saarnaa cadaadis aad u weyn oo siyaasadeed, iyadoo sumcada uu ku lahaa caalamka ay hoos u dhacday, balse safarkan ayaa loo arkaa mid uu ku muujinayo inuu weli si buuxda gacanta ugu hayo maamulka Sacuudiga awood balaarana leeyahay. Waxaa garoonka Abu Dhabi ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, waxaana lagu wadaa inuu tago dalal kale oo carbeed oo sacuudiga saaxiib dhow la ah. Source
  19. (SLT- Mulhouse)Afar ruux oo isku qoys ah ayaa la xidhay ka dib markii wiil sagaal jir ah uu u dhintay jir dil loogu gaystay gurigooda oo ku yaalla magaalada bariga Faransiiska ku taalla ee Mulhouse. Ilo booliiska ka tirsan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wiilku uu diiday in uu ka shaqeeyo laylis ka dibna ul budh lala dhacay. Gabadh ay walaalo yihiin wiilka dhintay, wiilkii ka wayn iyo gabadh kale ayaa guriga joogay marka ay arrintaasi dhacaysay. Inkastoo aysan hooyadii meesha joogin haddana xabsi ayaa la dhigay, oo waxay ka warhaysay waxa meesha ka socda, sida ay wararku sheegayaan. Dhimashada wiilkan ayaa dhacday saacadihii hore Axadda, tacsi ayaana looga dhigay magaalada Mulhouse, dadka deegaanka oo mudaaharaadayana waxay ku dul wareegeen guriga waalidka dhalay wiilka yare ee dhintay. Wixii markii hore ay waalidku sheegeen in wiilku eersaday iyo dhaawacyo lagu arkay maydkiisa oo baaritaan lagu sameeyay ayaa booliisku ku qaaday in ay baaritaannada sii wadaan, sida uu qoray webtise wax ka qora arrimaha hidesidaha oo la dhoho Alsace DNA. Inkastoo uu wadnahu istaagay wiilka haddana khuburo baaritaanno ku sameeya maydadka ayaa sheegay in wiilku uu eersaday wax lagu dhuftay, sida uu website-kaasi sheegay. Booliiska ayaa laga soo xigtay in shay lagu dhuftay wiilka. Hooyadii ayaa guriga ka maqnayd oo safar ganacsi ah jirtay balse si joogto ah ayay u dhiiri galin jirtay in la ciqaabo, iyada oo arrintaas ku sababaysay in uusan rabin in uu ka shaqeeyo laylis-yada loo soo diro, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Afar ruux oo qoyska ka tirsan ayaa Khamiistii la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Mulhouse, waxayna ka soo hor muuqan doonaan dacwad ooge ka hor inta aan maxkamad loo gudbinin. Inkastoo dilka looga shakisan yahay wiil ka wayn oo 19 jir ah haddana baaritaannada ayaa lagu doonayaa in ay daaha ka rogaan waxyaabo badan oo masiibadan la xiriirta. Dilka wiilkan yar ayaa imanaysa wakhti baarlamaanka Faransiisku uu ka doodayo in la mamnuuco in carruurta qacan qaad lagu ciqaabo. Source
  20. Dekada Garacad oo Maalmahaan si rasmi ah uu dhismeheeda wajiga kowaaad uu u bilaabanayo ayaa waxaa iyana durba bilowday iibsiga Qandaraasyada Dekada. Qurba joogta Reer Puntland ayaa loosoo bandhigay iney Saamiyo ka iibsadaan Dekada,Iibsigaas wuxuu kaloo sahlayaa in Dekada dhismeheedu uu sahlanaado lana dardar galiyo. iibsiga Saamiga ayaa wuxuu hada ka bilowday Dalalka Yurub iyadoo qiimaha ugu yar ee lagu iibsan karo Saamiga uu yahay 3500 USD, ama kooxdii saami wada iibsanaysa 75.000 USD oo ah qiimaha ugu sareeya, Dabcan dhinaca kalena Qiimuhu wuxuu ku xiran yahay Saamiga uu qofku iibsanayo intuu baaxad le’egyahay. Qubarada dhisaysa Dekada ayaa waxay hada ku Sugan yihiin Garacad waxayna dhowaan sirasmi ah u bilaabayaan Dhismaha iyadoo dhismaha Dekada Garacad uu yahay Mashruuc ay hirgalinayaan Shacabka Reer Puntland iyagoon wax gacan ah ka helin gacan shisheeheye iyo Xukuumadaha Dalka ka jir midnaba. Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa gacanta ugu wayn ee Maalgalinta Dekada ka geysanaya iyadoo lagu rajo wayn yahay in Qandaraasyada ay Qurba joogtu iibsanayaan uu noqdo Gacant labaad ee Maalgalinaya Dekada,amaba lagaba yaabee iney Qurba joogto noqdaan Maalgaliyaasha ugu weyn Dekada. Gudiga Dhismaha Dekada ayaa maalmahaan waxay wadaan dardar galinta dhismaha Dekada iyagoo gudiyo hoosaadyo ka sameeyey Wadamo dhowra oo ay ka mid yihiin UK, Sweden, Denmark iyo Magaalooyinka Minneapolis ,Seattle ee Dalka Maraykanka. Dowlada Puntland oo horey u balan qaaday iney qayb ka geysanayso Dhismaha Dekada ama ay Mashaariic Caalami ah uga raadinayso wadamada Deeqaha bixiya ayaan ilaa hada wax wara ama dhaqaale ah aan laga hayn. Source
  21. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka Turkiga, iyada oo ujeedku yahay sida la sheegay inuu la kulmo dhiggiisa Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan. Turkiga waa dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo, isaga oo bixin-doon: 30,000,000, waxaana xusid mudan inuu sanadkii horena ahaa dalka keliya ee sidaasi sameeyey. Marka kabidda miisaaniyadda laga soo tago, Ankara waa dalka keliya ee mashaariic horumarineed iyo maalgeshi ka fuliyey gudaha Soomaaliya. Farmaajo waxaa uu ka yimid dalka Talyaaniga halkaas uu ku tagay booqasho 3 maalin aheyd, isaga oo gabagabadii booqashadiisa hadlaya wuxuu yiri “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu xidhi doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, sidoo kale na uu joojin doono xidhiidhka ganacsi ee dalkiisa kala dhaxeeya Mexico, haddii qulqulka muhaajiriinta ka soo jeeda badhtamaha Amerika ay horseedo kala dambeyn la’aan. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku amray ciidammada Mareykanka ee jooga xadka Mexico inay adeegsadaan xoog, haddii loo baahdo. Dowladda Mareykanka ayaa maalintii isniinti bilawday inay ka arrinsato sidii bara kontorool loogu sameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta. ” Waxaa aanu xidhi doona waa dhamaan xuduudaha Mexico uma suurtagaleyso inay baabuurtooda u iib geeyan Mareykanka ” waxaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay Trump. Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico. Dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay ka soo cacareen faqri, colaado iyo dhibaatooyinka taagan dalalka ay ka soo jeedaan oo o kala ah Honduras, Guatemala iyo El Salvador.. Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa ciidaamo gaaraya 5,800 u dirtay xadka Mexico, iyadoo na qulqulka muhaajiriinta ku tilmaamtay dad duulaan ku ah Mareykanka. ” Haddii xaaladda muhaajiriinta ay gaarto heer ay wax ka qaban weyno, ama ay dadku dhibaato soo gaareyso, waxaan xiri doonaa halka laga soo galo dalka in muddo ah, ilaa iyo inta ay xaaladda ka hagaageyso” waxaa sidaasi yiri madaxweyne Trump. Hadalka Trump ee ah in haddii laga maarmi waayo la adeegsan doono xoog ayaa yimid kadib markii wasiirka difaaca ee Mareykanka, JamesMattis uu sheegay in ciidammada jooga xuduuda laga qaadi doono hubka. Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda baratmaha qaaradda Amerika ayaa sooo gaaray magaalo ku taala xuduudda Mexico oo la yiraahdo Tijuana, kadib markii ay ka soo tallaabeen qeybo badan oo kamid ah dalkaasi iyo dalal kale. 2,750 kamid ah dadkan ayaa qaab qaxootinimo ah isaga dhiibay magaaladaasi, halkaa oo laga siiyay guryo ay degaan. Duqa magaalada Tijuana ayaa sheegay in muhaajiriin kale oo gaaraya toban kun ay rajeynayaan inay soo gaaraan magaaladiisa maalmaha soo socda. Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka digtay in qofkii lagu hela inuu si sharci darro ah kusoo galay Mareykanka la xiri doono, dibna loogu celi doona dalkiisa, hasyeshee dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay yihiin dad noolal raadis ah, ayna doonayaan in msutaqbal wanaagsan ka helaan Mareykanka, halka qaar na ay doonayaan inay la midoobaan eheladooda oo Mareykanka ku nool Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)- Xisbiyadda Mucaaradka ee Somaliland ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku aadanaa wadahadalka Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Xisbiga Wadani ayaa sheegay in wadahadalada labada dhinac ay joogsan karaan haddii hogaanka Soomaaliya ay sida maamul goboleed ula macaamilaan maamulka Somaliland, sida masuul u hadlay xisbiga uu sheegay. Cabdullaahi Axmed Maxamed oo xubin ka ah xisbiga Wadani, ayaa sheegay in wadahadalada ay socon doonaan marka Dowladda Soomaaliya ay sida dowlad kale ula macaamiisho Somaliland. Dowladihii ka horeeyay dowladda hadda jirta “Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh” ayuu sheegay inay si wanaagsan ula dhaqmi jireen Somaliland marka ay timaado wadahadalka labada dhinac. “Haddii labo wadan oo kale aan u wada hadleyno wadahadalka wuu soconayaa, laakiin Farmaajo iyo saaxiibadiisa waxay aamisan yihiin in sida maamul loola dhaqmo Somaliland, haddii Shariif iyo Xasan Sheikh sidey wax u wadeen ay u wadaan Qoladan Farmaajo waan wada hadleynaa, laakiin haddii sida dowlad goboleed ay noola dhaqmaan kama yeeleyno”ayuu Yiri Cabdullaahi Axmed. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa culees kala kulantay dowlad goboleedyada dalka, kadib markii ay kasoo xireen albaabadii dowladaha deriska ee ay aadi jireen marka ay doonaan inay cadaadis saaraan dadka hogaanka haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Sh.M.Network) – Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ka hor-yimid go’aankii uu Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku hakiyay wadahadalka ay la galayaan dowlada dhexe ee Soomaaliya. Waraabe ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in wadaxaajoodka uu muhiim u yahay maamulkiisa, isaga oo ku nuux-nuux saday in Muuse Biixi uusan joojin karin geedi-u-socodka wadahadaladda oo muddo soo socday. Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka ay ku galeen wadahadalka uu ahaa mid loo dhan yahay, isaga oo tilmaamay in mar kasta loo baahan yahay inay isla og-yihiin xisbiyada degaanadaas ka jira. Hadalkaan ayuu Faysal Cali Waraabe ka sheegay kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, wuxuuna waji soo xoojinayaa khilaaf udhaxeeyay bilooyinkii dambe xisbiga talada haya iyo kuwa mucaaradka. The post Faysal Waraabe oo kahor yimid go’aankii Muuse Biixi ee DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Taabid Cabdi wuxuu sheegay in duulaanka lagu qaaday Hormuud uu niyad jabinaayo ganacsiga xorta ah, uuna sababi karo dhibaato baahsan hadii aaney shacabka iyo Dowladu si wadajir ah u garab istaagin shirkada Hormuud Telecom. Hoos ka akhriso qoraalka Taabid Cabdi Maxamed:- Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado. Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furaya lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed. Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas. Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan. Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo hay’addaha amniga usoo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom. Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa. Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan. Mahad-badan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com