-
Content Count
210,539 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) will enhance its use of modern technology during the transition period to ensure gains made in securing the country are not eroded. The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Simon Mulongo, said Somalia’s stabilization process had reached a critical stage that needed more investment in modern technology, mainly force multipliers and enablers, to ensure no security gaps occur during the draw down phase. Last year, the United Nations Security Council authorized conditions-based withdrawal of AMISOM troops and handover of security responsibility to Somali national security forces. The AU Mission has already withdrawn 1000 troops and more withdrawals are expected next year. “AMISOM is in a setting that’s very complex. It’s operating in an environment that’s very sophisticated. It requires improved and new ways of thinking and acting. It requires improved capacity to secure the forces when they’re moving and when in their bases,” said the DSRCC during a recent workshop on the use of technology as a force multiplier, held in Mogadishu. The two-day workshop discussed how technology can be applied to address logistical challenges faced in the battlefield and was attended by senior officials from UNSOS and AMISOM together with police and military focal point officers from the six Sectors. Mr. Mulongo noted that the technology employed as force enablers and multipliers should be sustainable if they are to make a difference in the war against Al-Shabaab, especially during the transition period. The director of United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), Amadu Kamara, called for a coherent approach in the war against Al-Shabaab and pledged the UN agency’s continued support to AMISOM in its efforts to secure Somalia. “The value of technology has to be within the context of a well-planned, thought-out and coherent approach to how we want to wage this battle and I think this is just a small beginning and I pledge the support of UNSOS within budgetary constraints and the realities of the fiscal to make sure that we give full support to help our noble and valiant AMISOM colleagues wage a winning battle,” the UNSOS director added. His sentiments were echoed by the director of Information Communications and Technology Division (ICTD) at the UN headquarters, Anthony O’Mullane, who said he was in Mogadishu to understand the challenges AMISOM faces and the best technology to recommend. The workshop also discussed the gaps associated with force protection and force projection capabilities and how they can be prevented.
-
Wasiirka beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay casbida laga qabo fatahaad uu iminka sameeyo wabiga Shabeelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dadka beeraleeyda ah ee ku nool labadaasi gobol ayaa maalmihii dambe qabay cabsi la xiriirta inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle. Wasiirka beeraha Hirshabeelle Xasan Muudeey ayaa sheegay in cabsida sidii loo malaynayay aynaan ahayn islamarkaana dadaallo lagaga hortago ay socdaan haddiiba ay dhacdo inuu fatahaad sameeyo wabiga. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WASIIRKA-BEERAHA-HIRSHABEELLE-16-09-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha degmada Afmadoow Maxamed Dhaqane Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qoysas ka soo laabtay xeryaha qaxootiga wadanka Kenya sida Xagardheer, Dhadhaab iyo IFO ay gaareen dhowaan degmadaasi. Sidoo kale waxaa iyana jirta qoysas colaado awgood kaga barakay degmooyin ka tirsan Jubbada Dhexe oo gaaray isla degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in xaalado dhanka nolosha ah ay heystaan dadkaasi islamarkaana ay ka cabsi ka qabaan in xanuunno ka dillaacaan meelaha ay deegaansadeen. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYAHA-AFMADOOW-16-09-2018-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Leaders from Ethiopia and Eritrea signed a “peace agreement” on Sunday during a summit in Saudi Arabia, yet another sign of warming ties between two nations that have face decades of war and unease. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho lagu doonayo in looga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado magaalada Muqdisho. Dowlada ayaa sheegtay in Hubkaasi sharci darada ah uu kaalin weyn ka qaatan qalqalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho. Wasaarada Amniga Qaranka ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in laga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu iibiyo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Wasaaradu waxa ay sheegtay in goobaha Hubka lagu iibiyo ay kusii kordhayan magaalada Muqdisho sidaa aawgeed ay qaadi doonto talaabo looga hortagayo hubka sharci darada ah. Suuqyada lagu kala iibsado Hubka ayaa waxaa si wada jira Hub uga iibsada ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku jooga magaalada Muqdisho. Dhalinyarada ka baxay ciidanimada dowlada ayaa sidoo kale Hubkooda u iibgeeya Suuqyada, waxaana xusid mudan in hubka ugu badan ee laga helo Suuqyada ay kala yihiin AK47, PKM, BAM, SABANO iyo Rasaas kuwaa oo badankooda si qarsoodi ah looga soo dajiyo Dekadda Muqdisho. Sidoo kale, Wasaarada Amniga ayaa rumeysan in suuqyo badan oo qarsoodi ah ay ku yaalan goobo aan cayineen hase yeeshee ay muhiim tahay in laga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhalankara Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado suuqyada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Suuqa cirtoogte ayaa kamid ah Suuqyada wali sida sharci darada ah hubka looga kala iibsado waana qeyb kamid ah amni darada ka jirta magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Baarlamaanka Maamulka Glamudug ayaa u qyabsamay aba garab, iyadoo garab ka mid ah ay ku shirsan yihiin magaalada Cadaado, halka garabka kale uu ku shirsan yahay magaalada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo horkacaya garabka ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa magacaabay guddi ka kooban 11-xubnood oo la sheegay inay soo diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug. Xildihbaannada Dhuuso-mareeb ku shirsan ayaa waxay maalin ka hor xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku sugnaa xilligaas magaalada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu dhibaato ku yahay maamulka Galmudug iyo hab-sami u socodka hawlaha kala duwan ee baarlamaanka maamulkaas. Sidoo kale, Guddoomiye Casir ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii maamulkaas uu ku shaqeyn jiray, iyagoo sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf]. Mudanayaasha ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa waxay sheegeen in berri oo Isniin ah ay qaban doonaan kulan ay uga doodayaan mooshin ay sheegeen in laga keenay madaxweyne ku xigeenka maamukaas, ayna codka u qaadi doonaan mooshinka. Dhanka kale, Xildhibaannada ku shirsan magaalada Cadaado ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna magacaabeen guddi doorasho oo ay sheegeen in ay kasoo shaqeyn doonaan doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug oo aysan sheegin xilliga la qaban doono. Waxaa kaloo Guddoomiye Casir oo la sheegay in xilka laga qaaday uu isla maanta u sheegay saxaafada inuu qabtay mooshin laga keenay guddoomiye ku xigeenka maamulkaas, Xareed Cali Xareed oo Dhuuso-mareeb ku sugan. Tallaabooyinkan ayaa waxay muujinayaan sida uu u sii kala fogaanayo maamulka Galmudug oo la sheegayo inay la kala safan yihiin madaxda ugu sarreysa dalka, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu dhex-galo oo lagu qaboojiyo muranka u dhexeeya, inkastoo xiisadda jirta ay haatan gaartay meel aad u sarreysa oo wax ka qabashadeeda la sheegay inay aad u adag tahay. Wararka kale ee hoose ee ay helayso shabakadda Puntland Post ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre inuu dhexda u xirto xallinta khilaafka ka taagan maamulka Galmudug. Ugu damben, Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka iyo madaxda Galmudug uu soo dhex-galay khilaaf dhanka awoodda ah, waxaase tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo khilaaf heerkan gaaray uu soo dhex-galay mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Galmudug, lamana oga halka uu sal-dhigan doono khilaafkan. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kala Jabay iyo Guddiyo lagu kala magacaabay… appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Xildhibaanada maamulkaas ayaa usoo bandhigay codsi iyo damac ay la yaabeen in badan oo ka tirsan xildhibaanada. Axmed Madoobe oo isugu yeeray Xildhibaanada siyaasadiisa taageersanaa ayaa ka codsaday in loo sameeyo muddoo kordhin. Markii uu Axmed Madoobe soo bandhigay codsigiisa, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa arrintaas ka dooday waxaana kasoo baxay go’aan diidmo ah. Baarlamaanka ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inaysan socon karin waqti kororsi isla markasna ay doorashada ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Doodada Xildhibaanada oo aheyd mid aad u kulul ayaa waxaa codsigiisa taageeray Xildhibaano gaarayo ilaa 10 Xildhibaan oo u badnaa kuwa aad ugu dhow Axmed Madoobe beel ahaan iyo siyaasad ahaan. Axmed Madoobe ayaa codsigiisa ku adkeystay wuxuuna dhawr jeer ka codsaday Xildhibaanada inay arrintaan u ansixiyaan isla markaasna kulan arrintaas loogu codeenayo la isugu imaado. Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo in la diiday codsigii Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa ugu hanjabay Xildhibaanada qaar inuu tallaabo ka qaadi doono wuxuuna kulanka ku sigtay in gacanta la isku qaado. Axmed Madoobe ayaa horey Magaalada Kismaayo uga mamnuucay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo saxaafadda usoo bandhigay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirto iyo musuq maasuq uu Axmed Madoobe wado. Axmed Madoobe oo asalkiisii hore ahaa nin ka tirsanaa A-Shabaab ayaa si awood ah ku qabsaday Jubbaland waxayna ficiladiisa u egyihiin sida kuwa AL-Shabaab oo kale. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug, oo xiisad xooggan ay ka dhex taagneyd maalmihii dhowaa. Kulanka oo wakhti qatay ayaa waxaa looga dooday Mooshinka laga keenay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaanada ayaa isla kulanka ku go’aamiyay in maalinta Berri ah codka kalsoonida loo qaado Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaanada ayaa sidoo kale isla kulanka Mooshin uga gudbiyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed. Xareed Cali Xareed, ayaa waxaa Mooshinka ka gudbiyay Xildhibaano gaaraya ilaa 55 kuwaa oo doonaya in mooshinka Madaxweyne ku xigeenka kadib la qaado kan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka Xareed. Xildhibaanada ayaa gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka waxa ay ku eedeeyeen jabinta dastuurka Galmudug, dhawris la’aanta xeer hoosaadka iyo burburinta sharafta golaha baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxaa la dhisay Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama xilkii horay looga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir. Guddiggaan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana ay ka shaqeyn doonaan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, xaalada Galmudug ayaa u muuqaneysa mid kasii dareysa waxaana gudaha asbuucan laga cabsi qabaa in Galmudug ay noqoto madax la’aan. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Wafdi ka socda aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, kaasoo halkaasi loogu diray xal u helidda khilaafyada ka dhex jira dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Puntland ay kamid tahay. Waxaa wafdiga oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay guddoomiyaha guddigaasi Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka kale tirsan labada gole ee Puntland. Guddoomiyaha gollaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wafdiga aqalka sare uga socda. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay howshooda ku guuleysan doonaan oo ah dhexdhexaadinta Puntland iyo xukuumadda Muqdisho. Guddoomiyaha guddigani Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo aqalka sare uu u magaacay Puntland oo ahkamdi ah qorshe guddiyo gollaha Senate-ka uu ugu kale diray dowlad goboleedyada shanta ah ee dlaka. Senator Faroole wuxuu sheegay in guddigu uu u socdo qorshe gaar ah oo dastuuriya islamarkaana howshooda ay qabsan doonaan. Xubnaha guddiga Senaate-ka ee Puntland ka degay ayaa kale ah: Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) – Guddoomiyaha Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc) Siciido Xasan Cusmaan Xuseen Sheekh Maxamuud Cismaan Axmed Macow Mustaf Maxamed Qodax Bootaan Barre Samatar Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere Farxaan Cali Xuseen Hodan Maxamuud Cusmaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf Shukri Adam Maxamed Sida qorshaha uu yahay waxay kulamo kula qaadan doonaan magaalada Garoowe intii ay ku sugan yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas), wasiirradiisa, baarlamaanka iyo sidoo kale qeybaha kale duwan ee Bulshada gaar ahaan inta ay quseyso arrinta ay u socdaan. Guddigaan ayaa markii ay howshooda kulamada ah u soo dhammaato warbixin buuxda u gudbin doonaan Aqalka sare si go’aan looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamullada, oo hadda meel xun gaaray. Dhanka kale, guddiyo kale ayaa la filayaa inay ka degaan caasimadaha dowlad goboleedyada kale sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay guddiyo uu u kala dirayo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah xukuumadda federaalka si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo maamullada. Halkaan Ka Dhageyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUD-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Halkaan Ka Dhageyso Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FAROOLE-.mp3 Hoos Ka Daawo Sawirrada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jeddah (Caasimada Online) – Dalalka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah, halkaasi oo loogu qabtay munaasabad uu goobjoog ka ahaayeen boqor Salman Bin Cabdulcaziiz iyo wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman. Waxa sidoo kale munaasabadda joogay xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres iyo wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan, kuwaasi oo dhammaantood daawanayey ayada ay heshiiska qalinka ku duugeen ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki. Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Abdulaziz bin Saud bin Nayef, wasiirka arrimaha dibedda Adel Al-Jubair iyo wakiilka boqortooyada Sacuudiga ee QM Abdullah Al-Maalami, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay xafladda Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu soo geba gebeeyey colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay Ethiopia iyo Eritrea, ayada oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay lahaayeen fikraddii ka dambeysay in labadan dal la isku soo dhoweeyo. Kadib saxiixa heshiiska, ayaa waxaa labada hogaamiye la guddoonsiiyey biladda boqortooyada Sacuudiga ee lagu magacaabo Order of King Abdulaziz.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali PM Hassan Ali Khaire has paid a visit on Sunday to wounded lawmaker, who was hospitalized at Erdogan hospital runs by Turkey in the capital of Mogadishu. Khaire accompanied by and some his ministers and other lawmakers met with MP Mohamed Mursal Borow, after he was injured in bom explosives fitted into his car that exploded near National Theater in the capital. Mr. Khaire has strongly condemned the attack claimed by Al Shabaab, which seriously injured Hon. Borow and killed his driver on Saturday night, while driving near Presidental Palace in Mogadishu. He expressed his condolences to the families and colleagues Borow’s driver. Somali PM wished the injured lawmaker Mohamed Mursal Borow a full and speedy recovery. The bomb attack was claimed by Al-Qaeda linked Al Shabaab group. Al-Shabab, which is fighting to overthrow Somalia’s government, routinely stages attacks. The group was pushed out of Mogadishu in 2011 by Somali troops backed by African Union soldiers. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Farole oo Garowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigiisa Madaxweynihii hore dowladda Puntland,ahna xubinka ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole) oo shalay loo magacaabay,guddoomiyaha guddi uu aqalka sare u saaray,in ay xog-uruurin ka sameeyaan khilaafka madaxda Puntland iyo Federaalka,ayaa maanta Garoowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigaasi oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho. Mudane. Faroole ayaa madax u ah,guddi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,kana soo jeeda degaannada Puntland,kuwaasoo loo xilsaaray in ay baaritaan xog uruurin ah ka sameeyaan,tabashooyinka ay madaxda Puntland ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya,si loo xalliyo khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa labada dhinac. Sidoo kale waxaa guddiga weheliya laba xubnood oo lagu sheegay(hawl wadeenno). Guddoomiyaha guddiga aqalka sare u magaacaabay,xog-uruurinta khilaafka Puntland iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(faroole) oo garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay,senator-ada ka yimid magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in wefdigan u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Puntland iyo Federaalka. Faroole wuxuu sheegay in ay jiraan khilaafaad kale oo aan ahayn,muranka dhexeeya golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aannadii ka soo baxay shirka Kismaayo ee xiriirka loogu jaray Federaalka. “War la qabaa xiiso ma leh,xoogaa waad ogtihiin khilaaf in uu jiro,dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah;golaha iskaashiga,shirkii Kismaayo 4-tii ilaa 8-dii,weesooyin baa qubtay,khilaafyo kalena waa jiraan oo maamulada qaar gudahooda ah oo maanta halkaan intaan joognay aan isla-sheeg-sheegaynnay. Mar haddii doorashooyinku soo dhowaadana hadde kuwa kale waa iska jiraan oo dab la iska shid-shido”ayuu yiri Faroole. Ugu dambeyntii, Guddiga xubnaha aqalka sare ee Puntland loo soo diray,ayaa sida Faroole sheegay inta ay Puntland joogan u kuur-geli doona arrimaha;siyaasadda,amniga,Federaalismka iyo arrimaha bulshada,si lamid ah guddiyada kale ee loo diray dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Faroole oo sheegay in meelaha qaar dab laga shidayo appeared first on Puntland Post.
-
People working in the trucking industry say a shortage of drivers is looming larger than ever and freight and logistics companies say they can't fill positions as fast as baby boomers are leaving them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo. Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya. Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:- War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin. Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan. Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The road leading to Hagadera in the Dadaab Refugee Complex is wide, straight and dusty. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyay hawl-galka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta. “Waxaan kula dardaarmayaa bulshada gobolka Banaadir inay hubiyaan dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah. Ugu dabmeyn, Duqa Muqdisho ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu hawl-geliyey shatiyada been abuurka ah. PUNTLAND POST The post Maamulka G/Banaadir oo billaabay ololaha ka hortaga dukumiintiyada been-abuurka ah appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 2000 oo Neef oo lo’ah ayaa maanta laga dhoofiyey marsada wey nee magaalada kismaayo, xoolahan oo in mudo ah lagu xannaanaynayay maxjarka xoolaha Jubba ayaa loo dhoofiyey dalka Cummaan. Tiro afar jeer oo laga dhoofiyey lo’da dekadda magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay tahay tiradii ugu badnayd. Cabdilaahi fanax waa Maareeyaha Maxjarka kismaayo waxa uu sheegayaa inay ku dadaaleen suuq u helida xoolaha dalka, isagoona sheegay in dalalka carbata intooda badan ay u dhoofin doonaan. Xoolaha Soomaaliya oo la sheego inaysan caafimaad ahaan u wanaagsanayn taasoo mararka qaar keenta in dalalalkii loo dhoofiyery ay dib isaga soo celiyaan, laakin maareeyuhu wuxuu sheegayaa inay hubiyeen isla markaana ay muddo daryeelayeen. Maxjarka xoolaha Juba oo sanadkii hore uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha Jubbaland kadib markii la dayactiray maadaama uu kamid ahaa meelihii ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ayaa La aaminsanayahay inuu meesha ka saari karo walaaca xoolalaydu ay ka qabaan Meel ay ugu helaan xoolahooda suuq wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas. Kulanka ayaa marka hore waxa ay Xildhibaanada uga doodeen mooshinkii ay ka keeneen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,iyaga oo halkaasi ku soo bandhigay waxyaabaha ay ku eedeynayaan. Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagaga dhawaaqo Codka kalsoonida kala noqoshadda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama xilkii horay looga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir. Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 11 xubnood ayaa soo diyaarin doona qaabka ay u dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug. Xaaladda Galmudugy ayaa noqotay mid cakiran waxaana laga yaabaa inay yeelato laba madaxweyne iyo Labo Guddoomiye Baarlamaanka marka loo fiiriyo sida uu hadda xaalku yahay. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadda Galmudug inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin inay dowladda qeyb ka tahay oo ay la safan tahay garab ka mid ah kuwa isku haayo Maamulka. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Jabhadda ONLF ayaa rajo ka muujisey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shir ay magaalada Asmara kula leeyihiin dowladda Itoobiya. C/qaadir Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ayaa u sheegay idaacadda Goobjoog ee magaalada in hadda la gaaray xilligii isbedallada ee dalka Itoobiya. Waxaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uu ka qabsoomo heshiis u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ururka Jabhadda ONLF kaasi oo la doonyo in lagu dhameeyo dagaalka labada dhinac. Kulan ay 5 July magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur. Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii ka dambeeya 5 July aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7. Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo. Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3
-
Jabhadda ONLF ayaa rajo ka muujisey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shir ay magaalada Asmara kula leeyihiin dowladda Itoobiya. C/qaadir Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda la gaaray xilligii isbedallada ee dalka Itoobiya. Waxaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uu ka qabsoomo heshiis u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ururka Jabhadda ONLF kaasi oo la doonyo in lagu dhameeyo dagaalka labada dhinac. Kulan ay 5 July magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur. Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii ka dambeeya 5 July aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7. Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo. Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Afhayeenka-ONLF-Cabduqaadir-Cadaani-Hirmooge.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Shidaal uga imaan jiray dalka Itoobiya, kasoo la keeni jiray degaano ka tirsan maamulka Somaliland. Somaliland waxa ay sheegtay in ay la wareegtay Haamaha Shidaalka, islamarkaana isbedel Ballaaran lagu sameyn doono dhaqaallaha degaanada maamulka Somaliland. Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa amray in aan shiidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle ee xad la leh dalka Itoobiya, oo Somaliland y shidaalka meelo kale oo dhaqaale ahaan u wanaagsan ayada. Amarkaan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay Maadaama ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq. Dhinaca kale dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa amarkan ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga soomaaliland waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu cunaqabateynayo, islamarkaana ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Magalada Bali-gubadle ayaa waxaa Maalin walba shidaal farabadan uu uga imaan jiray dalka Itoobiya, balse laga mamnuucay, waxana tallaabada ay Soomaaliland qaaday weli ka hadlin dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa la wariyey in Sucuudiga ay Israel ka soo iibsadeen difaacca gantaalada, taas oo muujineysa heshiiska ay labada dal gaareen, sidaas waxaa laga soo xiganayaa dhawr ilo diblomaasiyadeed ah oo ay soo xigatay Khaleej Online. Sucuudiga kaliya siyaasadda kalama heshiin Israel, sidaas waxaa laga soo xiganayaa ilo wareedyo, laakiin waxa ay dooneysaa heer ay si aan gambasho lahayn ay uga soo iibsato hubso casri ah. Xiriirka Israel iyo Sucuudiga waxa uu hadda marayaa heerkii ugu wanaagsanaa abid. Wasiirka difaaca Israel, General Gadi Eisenkot, dhawaan wareysi uu siiyey Saudi Elaph oo ah wargeys fadhigiisu yahay Birtain ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay in ay Sacuudiga la wadaagto sirdoonka si ay uga hortagaan saameynta Iran. Waxaa intaa dheer, sarkaal sare oo uga tirsanaa ciidanka Israel ayaa dhawaan laba kulan la yeeshay laba amiir oo reer Sucuudi ah aadna caan u ah, kuwaas oo xaqiijiyey in Israel aysan hadda wixii ka dambeeya cadaw u ahayd Sacuudi Careebiya. Ila wareedyadu waxa ay xaqiijiyeen in dhawaan Sacuudiga ugu qanciyey arintaas isaga oo u maray dhex dhexaadin xoog badan oo Mareykanka ah xilli kulanka seddex geysoodka ah ee sida sirta ah loogu qabtay Washington lagu qanciyey Israel in ay ka iibiso Iron Dome System (Habka looga hortago gantaalaha). Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Upper House of Federal Parliament has sent a delegation to headquarters of Puntland to mediate in the political crisis between regional states and the central government. The first delegation from the country’s Upper House departed from the airport in Somali capital Mogadishu to the headquarters of Puntland, according to source. The Senate’s standing committee led by Hon. Abdirahman Farole flew to Garowe town to defuse the escalating standoff in Somalia, a country now struggling with instability and poverty The Upper House’s efforts is seen as a significant step towards to defuse the latest political stalemate in Somalia. Last week, in a statement by Upper House has urged all regional leaders to stop current tension, calling for giving enough a chance to the mediation efforts. The row comes after regional leaders announced to have suspended all working relationships with the weak-western backed central government. In a bid to end the ongoing row, Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed invited all his regional leaders to join in an urgent meeting in Mogadishu that will be discussed on security, relations and war on Al-Shabaab and ISIL groups in Somalia. The latest ongoing political row is said to be threatening to derail the progress achieved by the Somali government battling with the deadliest Islamist group of Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com