Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,023
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe. Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday. War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) – UN Secretary-General António Guterres has welcomed Thursday’s meeting to resolve border conflicts between Djibouti and Eritrea. The talks were aimed at mediating both countries after foreign ministers of Eritrea, Ethiopia and Somalia arrived in Djibouti capital. The meeting held on 6 September in Djibouti, resulted in the signing of a cooperation agreement between Eritrea, Ethiopia and Somalia. UN chief Guterres says the latest efforts to restore peace and stability in the region was a positive example for the Horn and beyond. “We welcome all agreements reached among the four Ministers to work together to restore peace and stability in the region”, he said. Guterres urged all Horn of African leaders to work hard in restoration of peace and othe overall security of the region. UN has, however, reiterated its readiness to support all countries in the Horn of Africa region in consolidating the recent remarkable gains. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. Kaalinta Soomaaliya ee Bariga Afrika aya u muuqata mid xiiso leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu muujiyay ugu yaraan in Soomaaliya ay tahay dal aan looga maarmin go’aamada masiiriga ah ee dalalka ku yaala bariga Africa. Inkastoo Farmaajo lagu dhaliili karo inuusan mudnaan siinin cabashada iyo is faham darada isaga iyo maamul goboleedyada, hadana taasi kama dhigna iney wanaagsan tahay inuu dayaco doorka shariifka ah ee Soomaaliya ku leedahay gobalka Geeska Afrika. Farmaajo oo mar walba ku cel celiya inuu raadinayo soo celinta sharafkii iyo milgihii ay Soomaaliya ku laheyd aduunka ayaa casbashadii Jabuuti u sarifay xal raadin. Dhowaan Jabuuti waxey muujisay iney ka xuntahay isu soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Eritrea balse taa badalkeeda waxey Villa Soomaaliya sheegtay iney gacata midig ku xalineyso khilaafka Jabuuti iyo Eritrea oo muran dhuleed uu ka dhaxeeyo. Safarkii uu wasiirka Arimaha dibbada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku tagay Jabuuti si looga wada hadlo xal u helida mandiqada gaar ahaan xurgufta Jabuuti iyo Eritrea wuxuu bilay heybadii Soomaaliya. Jabuuti waxey hada arki kartaa in Soomaaliya aaney cadaw ka raacin. Gobalka Geeska Afrika wuxuu wajahaya is badalo xoogan waana muhiim in taas ay si dhab ah ula jaan qaado Soomaaliya. Safarkii deg degta ahaa ee uu madaxwene Farmaajo ku tagay Asmara wuxuu fasirayay in aaney macquul aheyn in talaabo la qaado Soomaaliya la’aanteed. Muddo yar ka hor, dalalka gobalku waxaa ay gaari jireen go’aamo waa weyn iyadoo aan wax tix galin ah laga siinin Soomaaliya oo aduunka kaga taala meel muhiim ah. Bulshada Soomaalidu waxey arrintaan u aragtaa in la aqbalay miisaanka uu dalkeennu lee yahay. Inkastoo Farmaajo iyo dowladiisu ay qaladaad badan ku kaceen intii ay xafiiska joogeen, hadana waxaa lama huraan ah in lagu bogaadiyo sida ay xil isaga saareen ineysan lumin fursadaha siyaasadeed ee ku xeeran isbdalada ka socda bariga Afrika. Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. MOGADISHU (Caasimada Online) – Two Djiboutian soldiers with African Union peacekeeping force have been killed in roadside bomb explosion in central Somalia. The blast targeted African Union soldiers on patrol late on Saturday in Buloburde town, some 465km away from Somali capital Mogadishu. Two soldiers from Djibouti contingent were killed and several others injured in the bomb attack, Radio Kulmiye reported. In statement aired by Radio Andulus, an Al Shabaab mouthpeice, said the blast killed 2 African Union soldiers and two other government troops lef injured. Neither African Union mission nor government officials commented on the latest bomb attack claimes by Al Shabaabn The attacks by Al-Qaeda linked Al-Shabaab against members of the Djibouti army soldiers in Somalia have been growing for the past months. Last month, a soldier was killed and two others injured in roadside bomb explosion targeting an armored personnel carrier with Djibouti-an soldiers in Jalalaqsi town, some 369 km away from Somali capital Mogadishu. The group has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  5. Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay duqii degmada Buulo-burde iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub. Wasaaradda ayaa dalbatay in lala shaqeeyo duqa cusub ee loo soo magacaabay degmada Buulo-burde. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday duqii degmada Buulo Burde kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Rooble waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow Caale oo noqnaya duqa cusub ee Buulo-burde. Hay’adaha amniga ayaa dhammaan waxaa la faray iyo Madaxda degmada in ay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee loo magacaabay duqa degmada Buulo-burde. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The US has imposed sanctions against a Kenyan accused of running a worldwide financial network in support of Islamic State in Iraq and Syria (Isis) a terrorist organisation. Source: Hiiraan Online
  7. At least 17 people died in South Sudan on Sunday when a small aircraft carrying passengers from Juba International Airport to the city of Yirol crashed, State information Minister Taban Abel told Reuters. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (Caaasimada Online) – At least three people, including a local government soldier have been sustained injuries in bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The blast left 3 people injured on Sunday at Sinai market in the capital, after bomb explosives fitted under handcart exploded, a witness said. The victims were at the market at the time the bomb blast, he said. He says the victims had been taken into hospital for medical treatment. There was no immediate claim of responsibility for the Friday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. The group has been waging insurgency more than 10 years in Somalia. However, Al-Shabaab, which once controlled Mogadishu capital in 2011, wants to tople the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  9. MOGADISHU (Caasimada Online) -The recent amnesty has seen leaders of many terrorist groups defect to the government and help in nation building A few days ago, Eritrea and Djibouti agreed to normalise their ties, opening a new chapter in their previously frosty relations. This followed yet another milestone: a summit in Asmara that brought together the leaders of Somalia, Ethiopia and Eritrea in an effort to broker peace. The meeting shows the resolve of Somalia to put regional peace and stability as the cornerstone of our diplomacy. Leaders have agreed to break from a conflict-riddled past. Since President Mohamed Abdullahi Farmajo and I took office, the government has made tremendous progress at home and abroad. Our government, through Foreign Minister Ahmed Isse Awad, is spearheading talks to end a border row between Eritrea and Djibouti. The Asmara talks were meant to solidify the gains made in separate talks between the leaders of the three countries. PEACE DEAL Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf and his Eritrean counterpart Osman Saleh have saluted Somalia’s efforts. For decades, the two nations have had a dispute over the region of Doumeira. Several initiatives to end the hostilities have been futile. In 2010, Qatar made laudable efforts to broker a peace deal. The latest development is just among the diplomatic engagements Somalia has undertaken. Two months ago, President Farmajo reached out to Ethiopian PM Abiy Ahmed. They confounded political allies and naysayers, but have solidified the cordial relations between our nations. The Asmara talks herald a new diplomacy dawn. Somalia is increasingly aiming to reclaim its place in the community of prosperous nations. We endeavour to play a crucial role in global peace and security. SECURITY Next year, Somalia will assume the chairmanship of the Arab Foreign Ministers Council, allowing us to host the council session in 2019 in Mogadishu and informing the world that we are ready for business. Our government aims to seize the wind of change blowing across the Horn of Africa to advance its security interests and help find solutions to African problems. In Asmara, we signalled the direction we are steering our diplomacy as a peaceful nation in a stable region. Our quest for success abroad is informed by gains at home, especially on the security front. Terrorists that turned our country into a haven are on the back foot. Somalia owes a huge debt to our neighbours, including Kenya, for helping fight terrorism. TERRORISM Our government has declared amnesty, which has seen leaders of terrorist organisations join us to rebuild the nation. The diaspora has moved in with significant investments. Ours is a functioning government. We have paid civil servants and our security forces are motivated to work hard. We have also restored good relations with the global community. The International Monetary Fund has hailed reforms in our revenue generation. In the first quarter of 2018, the government raised $42.5 million domestically, the highest ever in a single quarter. We are firmly on the path to debt relief. The government’s watchword is accountability, with unrelenting fight against corruption. Somalia is in a position to tap into its resources for the benefit of its people. Mr Khaire is Prime Minister, Federal Republic of Somalia
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii la sheegay inuu booqasho ku tagay ْXarunta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyey jidka Makka Al-Mukarama, waxaana gabi ahaanba la xiray jidkaas oo loo diiday inay isticmaalaan Gawaarida. Dadweynaha Muqdisho qeybahooda kala duwan ayaa ku xayirmay xaafadaha iyo meelaha Ganacsiga kadib markii loo diiday inay jidka Makka AL-Mukarama isticmaalaan. Gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ayaa gebi ahaanba loo diiday jidkaas waxaana la arkayey dadweyne badan oo ku lugeenayo jidakaas. Jidka ayaa waxaa loo xiray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna mid kamid ah dadkii jidka loo diiday inay isticmaalaan Caasimadda Online u sheegay sidaan: ” Jidka Makka Al-Mukarama wuxuu saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la yaab leh inuu watay 20 gawaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa aan xabadda karin sidaas oo ay tahayna waxaa loo xiray jidka” ayuu yiri ” Habeenkii lix saac marka uu jidka firaaqo noqday dadkana ay wada jiiftaan ayuu Kheyre dhuulatus ku sameeyaa Jidadka Muqdisho, haddana waa kaas jidadka naga xiray, aaway amnigii uu ku faanayey inay dowladiisa Muqdisho u keentay” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  11. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa maqaal uu ku qoray Wargayska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray siyaasadda geeska Afrika ku daabacay, kaas oo uu cinwaan ugu dhigay “ Dabaysha is beddealaysa ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabbo ganacsi u furtay Soomaaliya”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dedaalladii ay xukuumaddu samaysay ay ka mid yihiin inay isa soo dhiibaan qaar ka mid ah horjoogayaashii Kooxda Al-Shabaab , kuwaas oo ka qayb qaadayanaya dhismaha Qaranka. “Maalmo ka hor heshiis gaareen Jabuuti iyo Eretrea, taas oo horseedeysa in ay dib u wanaajiyaan xiriirkoodii horay u xumaa, isagoo xusay in ay taasi daba socotay guulihii laga gaaray kulamadii ay Magaalada Asmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea” ayuu yiri mudane Khayre R/wasaaraha ayaa sheegay in kulankii halkaasi ka dhacay uu astaan u yahay sida xalka ka gaarista arrimaha Soomaaliya ay muhiim ugu tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka, wuxuuna intaa raaciyay inay madaxdu ku heshiiyeen in laga gudbo waxyaabihii horay u dhacay. Mudane, Kheyre ayaa sheegay tan iyo markii ay isaga iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka qabteen in ay dowladda Soomaaliya gaadhay horumar wayn oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah. Dhammaystirka wada xaajoodka Jabuuti iyo Eretrea ayuu sheegay R/wasaaruhu in ay u xilsaareen inuu dhammeeyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si loo soo afjaro muranka dhanka xudduudaha ah ee Labadaasi dal. Wadahadalada ka dhacay Asmara ayuu sheegay mudane Khayre in loogu tala galay in lagu xoojiyo guulaha laga gaaray wadahadalada kala duwan ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha Saddexda dal. Dhanka kale ra’isalwasaare Khayre Mar uu ka hadlayay howlaha nabadeed ee ka socda geeska Afrika wuxuu sheegay in dowladaha Jabuuti iyo Eretariyaba ay si diirran u soo dhaweeyaan dadaalada lagu heshiisiinayo labada dal ee dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay. Tobannaan sano labadaas dal waxaa ka dhaxeeyay muran la xiriira gobolka Doumeira. Waxaana jiray dadaallo aan lagu guulaysan oo la doonayay in colaadaas lagu xaliyo, waxaana ka mid ahaa kii ay dowladda Qatar ee sanadkii 2010kii. Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu yiri Ra’iisalwasaare Xasan Cali khayre laba bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxayna ka wadahadleen adkaynta iskaashiga siyaadeed iyo sidii dhidibadda loogu taagi lahaa xiriirka labada dal. Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo dublamaasiyadeed. Soomaaliyana waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii. Waxaan dadaal muhim ah galinaynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka dunidda, ayuu sidoo kale yiri Ra’iisal wasaare khayre. Ammaanka:- Ra’iisalwasaare Khayre wuxuu xusay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay qabashada guddoonka golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa ayuu yiri in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho horaanta 2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaar u nahay.”dowladeednu waxay dooneeysaa in ay la qabsato dabeeysha isbadalka ee Geeska Africa si ay u horumarinno Amaanka gacanna uga gaysanno in xal loo helo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka jira Africa,intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.ayuu yiri Ra’iialwasaare Khayre. Agagixisadda Mudane Xasan Cali Khayre mar uu ka hadlayay sida dowlada Soomaaliya dadaalka xoogga leh ugu bixinayso in dalka laga ciribtiro argagixisaa waxaa uu yiri “dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo horseeday in hogaamiyayaal horay uga tirsanaa argagixisadda ay ka soo baxeen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay. Dowlad shaqayneeysa ayaan maanta leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka, si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan. Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn, waxaana tusaale wanaagsan u ah sida yididiilada leh ee hayadda Lacagta duida IMF-ta u soo dhawaysay isbadaladda kobcinta dhaqaalaha ee aan wadno. Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhakhli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badnayd. Waxaan ku joognaa wadadii daynta nalooga cafin lahaa. Hal hayska Dowladda Soomaaliya waa isla xisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa,Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda. Waxaa maqaalkan soo daabacay Wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa, kadib waraysi uu la yeeshay Ra’iisul wasaare khayre kaasi uu kaga hadlayay Xaladda Soomaaliya iyo Dabaysha Isbadaladda wadata ee ka socota Geeska Afrika.
  12. Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Afghanistan ayaa Maanta oo Axad ah sheegay in ugu yaraan 9 ka tirsan Ciidamada Ammaanka la dilay, halka 6 kalena ay soo gaartay waxyeello kadib weerar hubeysan oo lala beegsaday bar Koontarool oo ku taalla gobolka Heart ee galbeedka waddanka. Afhayeen u hadlay gobana tooraha gobolka oo lagu Magacaabo Jeylaani Farhadi ayaa sheegay in koox hubeysan ay soo weerartay gelinkii dambe Sabtida bar kontarool,taasi oo keenat in uu dhaco iska horimaad kadibna ay dhinteen 9 ka mid ah ciidamada ammaanka halka ay waxyeello soo gaartay 6 kale, waxaa uu intaas ku daray in 10 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay halka sidoo kale laga dhaawacay 5 ka mid ah. Jeylaani waxaa uu caddeeyay in weerarkan ay fuliyeen dhaqdhaqaaqa Taliban oo awood ku leh gobolka sida caadada ahna waxaa ay qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada amniga iyo Mas’uuliyiinta dowladda. Bishii Agoosto ee tagtay Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Gani ayaa ku dhawaaqay xabad joojin lala galo Taliban inta lagu guda jiro Munaasibadda Ciidul Adxa mudadeedana ay aheyd 3 bilood. Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta gaar ahaan Sacuudiga ayaa waxaa ay wadaan dadaallo ay iskugu keenayaan dowladda iyo dhaqdhaqaaqa Tilaban Miiska wadahadalka , si looga wada xaajoodo khilaafka siyaasadeed kaasi oo socday muddo sanado ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dadweyne aad u badan ayaa maanta waxa ay dibadbax ballaaran ka dhigeen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxaana ay kasoo horjeedeen shirkii shalay magaalada Kismaayo ugu soo dhammaaday madaxda dowlad goboleedyada. Dibadbaxani waxaa soo qaban qaabiyey xubno ka kala socday ururada dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux. Aaden Cabdille Aaden oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka degmada Garbahaarey oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay dibad baxani ujeedadiisu ahayd sida shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ay uga xun yahiin go’aannadii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada. “Ma dooneyno Dowlad diid,ma dooneyno Qaran dumis,haddii xariirka dowlada aan jarno xageen aadeynaa ma kenyaa,mise Ethopia,Dowlada Soomaaliya Xariirka looma jari karo,Cidii u jartana anaga waan ka Goosaneynaa” ayuu sheegay Aadan Cabdille in dadku sidaasi ku hadaaqayeen. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shalay ku dhowaaqay iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Dibad-Bax-looga-soo-hojeedo-Goaankii-Madaxda-Maamul-Goboleedyada-oo-ka-dhacay-Garbahaarey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray. Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla. Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida. Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geestay khasaaro kala duwan. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banadir ayaa waxaa loo adeegsaday gaari gacan. Qaraxa loo adeegsaday gaari gacanka ayaa la xaqiijiyay in la dhigay goob aad u mashquul badneyd waxa uuna geystay dhaawac iyo burbur goobo ganacsi. Qaraxan oo ka dhacay qaybta Khudaarta ee Suuqa Siinaay ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof, waxaana socda baaritaano ay wadan ciidamadii goobta ka ag dhawaa. Goob joogayaal ayaa sheegay in markii hore ay garan waayen waxa dhacay balse markii ay goobta gaareen ciidamada la xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay gaari gacanka. Sidoo kale, Qaraxan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo noociisa loo adeegsado gaari gacan waxaana aad ula yaabay dadkii ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay. Hay’adaha amaanka dowlada ayaan wali ka hadal Qaraxa noocaasi ah ee loo adeegsaday gaariga waxaana aad u hadal haya dadka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa isaga oo ku sugan gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in dowlad goboleedyada xaq u leeyihiin iney xiriirka ka jartaan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay ka gaabisay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin gacan siinta maamullada, xoreynta deegaanada gacantooda ka maqan iyo arrimo kale. Sidoo kale, waxa uu sheegay admiral Khaliif in maamul goboleedyada ay marar badan isku dayeen iney helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda federaalka balse ay ka waayeen. “Dowlad goboleedyada xaq ayeey u leeyihiin iney xiriirka u jaraan dowladda federaalka sababtoo ah wey ku daaleen, waxaana ay ka heleen farogelin gudaha ah iyo sidoo inaan la helin wadasahqeyntii loo baahnaa” ayuu yiri Amdiralka. Sabtidii shalay, war-murtiyeed laga soo saaray shirkii u dhaxeeyey madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in hakad lagu geliyey xiriirkii u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dhammeystirka heshiiskii Gaalkacyo ee ay horey u gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulkan, C/xuseen Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan sugayaan waqtiga la dhammeystiri doono heshiiskan. Waxa uu tilmaamay in heshiiskan oo la dhammeytiro ay ka dhiggan tahay in shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan kuwa gobolka Mudug is fahmaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waxyaabaha ugu weyn ee heshiiskaasi laga sugayo ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan garsoorka, dhulalka la kala qabsaday iyo arrimo kale. Dowladda dhexe ayaa Todobaakii tagey sheegtay in la dhammeystiri doono heshiiskii Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Cabdi-Xuseen-Maxamed-Guddoomiye-ku-xigeenka-amniga-iyo-siyaasadda-gobolka-Mudug-ee-Galmudug.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubbad (Daqare) oo ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dambi qaran ay tahay go’aankii ay ku dhowaaqeen madaxda dowlad goboleedyada oo ah iney hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Sharci ahaan ayuu sheegay in madaxdan ay muteysan karaan in laga gudbiyo dacwo islamarkaana xabsiga la dhigo waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu sidoo kale sheegay Daqare in dowlad goboleedyada tabashadooda qaar ay saxan tahay, balse ay waddo qaldan u mareen xallinta wixii ay ka cabanayeen. Dowladda dhexe ayuu dhankeeda sheegay in waajib ka saaran yahay sixidda waxyaabaha ay tabanayaan maamullada. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Craxmaan-DaqareSSSS.mp3-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka dhexwado falal ka dhan ah gaadiidleyda. Maleeshiyada oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM, ayaa maalmihii ugu danbeysay bilaabay in gaadiidka raaxada ay ka furtan taarikada. Maleeshiyada ayaa si gaara u daneysa gaadiidka shaqaalaha dowlada kuwooda lagu galo xarumaha waaweyn, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay ku xirtaan gaadiid kale isla markana ay u adeegsadan falal amni darro. Al-Shabaab ayaa taarikooyinka ay ka furan gaadiidka u isticmaala ismiidaaminta iyo gaadiidka kale oo ay ku geystan weerarada tooska ah. Taarikooyinka ugu badan oo hadda ay isticmaalan ayaa u badan nooca ugu danbeeya, waxa ayna arrintaani walaac gaara ku abuurtay dhalinyarada u shaqeysa dowlada ee gaadiidkooda uu dayacan yahay. Hay’adaha amniga dowlada Somalia ayaan inta badan la socon gaadiidka ay ku dhuuntaan Al-Shabaab iyo taarikooyinka ku xiran oo si joogta ah loo bedelo. Lama oga waxa ay noqon doonto fal celinta dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka, waxaana xusid mudan in weeraro dhowra oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu geystay gaadiid lagu soo xiray taarikooyin laga isticmaala gobolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  20. Wararka ka imaanaya Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare geystay. Gaari gacan la sheegay in lagu soo xirey Miino ayaa la dhigay goob ay canshuur ku qaadayeen ciidamada dowladda hoose ee Xamar. Goob jooge ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo ka mid ah ciidamadan, iyo ruux shacab ah oo halkaasi marayey. Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi oo howlgallo wada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar [Cag-jar], ayaa ciidanka Liyu Police-ka ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka marka fulinayaan hawlaha loo igmaday. Mudane Cag-jar, ayaa ciidamada Liyu booliska iyo Booliska caadiga ah kula dardaarmay inay dhawraan sharciga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha guud ahaan shacabka. ”Waa inaad fulisaan dar-daarankeennii ahaa in xuquuqda insaanka la dhawro oo shaqooyinkiinna aad shacabka ka farxisaan, haddii aad shacabka oo dhan dhawrtaan waxaad heli doontaan darajooyin iyo abaal-gudyo kale oo aad ku faraxdaan,” ayuu yiri madaxweyne Cag-jar. Sidoo kale, Wuxuu ugu baaqay ciidamadan inay iska ilaaliyaan tallaabo kasta oo xad-gudub u horseedi karto shacabka, ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan-wanaagga marka ay hawshooda gudanayaan. Madaxweynaha DDSI, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda, wuxuuna yiri. “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada, wada-shaqeynta iyo hawlaha kaleba waa inaan u raacno sida sharcigu qorayo.” Dhanka kale, Madaxweyne Caj-jar ayaa sheegay in Tabbabarkii ay qaateen Ciidamada Booliska iyo Liyu Booliska ay wax ka beddeli doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan. Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay xilli uu ka qayb-galayay xaflad lagu dallacsiinayay Qaar ka mid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidanka Liyu booliska Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya. Ugu dambeyn, Tabbabarada loosoo gaba-gabeeyay Ciidanka Liyuu Booliska DDSI ayay mas’uuliyiintu sheegeen in looga gol-leeyahay in ciidamada ay la jaan-qaadaan is-beddellada ka socda Itoobiya oo dhan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Mustafe Cag-jar oo si adag ula Dar-daarmay ciidamada Liyuu Booliiska DDSI appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,” ayaa lagu sheegay wareegtada. Ugu dambeyn, Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia. PUNTLAND POST The post Taliye Ku-xigeenkii hore ee Nabad-sugidda DF oo laga qaaday darajoojinkii ciidan, iyadoo… appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fuliyey qorshaha dib-u-soo-celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo. Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda. “Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.” Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud. Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa caawa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan. Ugu dambeyn, Guddoomiye Yariisoow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in uu burburiyo jardiinooyin horay loo dhistay appeared first on Puntland Post.