-
Content Count
206,330 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera. Danjire Mike, oo uu u waramay wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, aragtida dawladda Maraykanka ee heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world ee ah saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee 19%. Waxa uu safiirka Maraykanka ahi yidhi “Runtii arrintaas aragti kama lihin. Itoobiya waa in ay garato, waxa macno u samaynaya danaheeda gaarka ah, iyo xidhiidhada ay la yeelanayso gobalka. Laakiin, arrintu ma’aha wax u yaalla in ay dawladda Maraykanku mawqif gaar ah ka yeelato.” Safiirkan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Maraykanku la dhacsantahay talaaboyinka isbedel ee uu ilaa hadda qaaday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in Maraykanku sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto sidii loo sii wadi lahaa wada hadalka nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa howlo hub kala soo dagis kawada Dekadaha waaweyn ee dalka, gaar ahaan Dekadda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Maleeshiyaadkan ayaa la rumeysan yahay inay ku xiran yihiin ganacsato caana oo alaabo kala soo daga Dekadda kuwaa oo macaamiil dhow la ah maamulka Dekadda Muqdisho. Ganacsatada ugu badan ee xiriirka uu kala dhexeeyo maleeshiyada ayaa ah kuwa alaabaha kasoo rarta dalalka Imaaraadka iyo Yemen, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dekadaha dalalkaasi ay horay uga soo raraan Hubka ku socda Al-Shabaab. Doonyaha ganacsi ee Hubka u wada Al-Shabaab ayaa intooda badan la xaqiijiyay in Dekadda Muqdisho ay kusoo xirtaan inta u dhexeysa xiliyada Salaada casir ilaa saqda dhexe si loo dadajiyo dajinta Hubka, maadaama xiligaasi ay aad u yar yihiin howlwadeenada Dekadda. Sarkaal ka tirsan Booliska Dekadda oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa sababo amni ayaa inoo xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay howshooda ka wataan Dekadda. Waxa uu Sarkaalkan tilmaamay in Hubka ugu badan ee Al-Shabaab ay soo dajiyaan Ganacsato caan ah oo dhaqaale ku bixiya maamulka, waxa uuna intaa raaciyay inay jiraan Ganacsato dhowr ah oo loo qabtay howshaasi balse aan lasoo taagin Maxkamad. “Haddii uu jiro maamul lama sii dayeen Ganacsato badan oo loo qabtay Hub ay u sideen Al-Shabaab iyo Qamri sharci daro ah oo ay kasoo dajiyeen Dekadda” “Wey jirtaa wada shaqeyn Ganacsatada kala dhexeysa maamulka Dekadda aniga waxaan dekadda ka shaqeynaayay ku dhawaad Siddeed sano inta aan joogay waan qaban jirnay Hubka balse ma aragno cid loo xiray iyo hub ay la wareegto dowlada” Sarkaalkan waxa uu sheegay in amni darada ugu badan ay qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dowlada u dhiibato maamulka Dekadaha iyo Garoomada maadaama uu tilmaamay inay yihiin goobaha ugu badan ee laga soo dajiyo wayaabaha sharci darada ah” Sidoo kale, waxa uu sheegay in Hubka noocyadooda kala duwan ay Al-Shabaabka kala soo dagaan Dekadaha macmalka ah sida Hobyo, Ceel-cadde iyo kuwa Puntland. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay ka fiirsato shaqsiyaadka ay u dhiibaneyso xilka ee dhibta amni darro u horseedi kara magaalada Muqdisho oo iminka kasoo hagaageysa halkii ay horay u taagneyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Imaaraat-ka carabta ayaa la xaqiijiyay inay soo kireysatay duuliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal u dhashay dalka South Africa. Dowlada Imaaraat-ka ayaa duuliyayaashaasi u adeegsaneysa duqeynta ciidamada Xuutiyiinta ee dalka Yeman kadib la wareegidooda madaarka Berbera ee Somaliland. Duuliyayaasha Imaaraat-ka ay kasoo kireysatay dalka shirkad laga leeyahay dalka South Africa ayaa tirro ahaan dhan 4 duuliye kuwaa oo laga howlgalin doona Saldhiga Berbera iyo kan Isbaheysiga Sacuudiga ee ku yaala dalka Yemen. Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha ayaa si rasmi ah uga howlgali doona Saldhiga Berbera, balse waxa ay hadda si KMG ah uga sii shaqeyn doonaan Saldhiga isbaheysiga ee Yemen. Duuliyayaasha calooshood u shaqeystayaasha oo ay soo kireysatay Imaaraadka ayaa waxaa la socda ciidamo gaara oo ay leedahay shirkadda Saracen International ee laga leeyahay dalka Koonfur Afrika. Imaaraat-ka ay Saracen qandaraas ku siisay diyaarinta ciidamo iyo duliyeyaal calooshood u shaqeysteyaal ah oo ay u adeegsadaan dagaalka Yeman ka socda, waxa ayna wargeysyadu qoreen in shirkada Saracen ay wareejisay duuliyayaasha iyo ciidamada. Dowlada Imaaraadka carabta ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyn doonto qeyb kamid ah Saldhiga Berbera oo si hordhac ah loo hagaajiyay, waxa uuna ujeedku yahay in dalkeeda ay kasoo fogeyso dhibaatada uga imaankarta Xuutiyiinta. Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa horaantii bishii September 2016-kii Imaaraadka u saxiixday heshiis u saamaxaya inay saldhig Milatari ku yeelato Berbera. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa warqad cabasho ah u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warqadan oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa waxay Jubbaland uga cabaneysaa go’aanno kasoo baxay dhawaan Taliska Ciidamada Xoogga dalka, oo ku saabsan arrimaha Ciidamada iyo amniga deegaanada maamulkaasi. Jubbaland ayaa ka cabanaysa qodobada soo socda; 1 – In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA, 2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland, 3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab, 4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhgooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen, 5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye, 6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab, 7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay dalalka Ciidamada ugu deeqay Howlgalka AMISOM taageeradooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo kaalintooda la dagaalanka Al-Shabaab. Xigasho: Garowe Online
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Wafti milatari oo ka socda dalka Imaaraadkaa Carabta ayaa ku sugan Israel, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay ku joogaan, sida ay ku warrameen warbaahinta Israel. “Ciidamada cirka Israel waxa ay dhowaan marti-geliyeen wafti milatari oo ka socda Imaaraadka, si ay u eegaan habka ay u shaqeeyaan diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo” Waxaa sidaas ku warramay taleefishinka 124 ee Israel, oo soo xigtay saraakiil Israeli ah. “Wafti ka socday dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale goobjoog ka ah kulamada” sida uu sheegay il-wareedka. Sida uu sheegay taleefishinka 124 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isku dayeysa inay diyaaradaha F-35 kasoo iibsato Mareykanka, xilli uu jiro isbaheysi cusub oo Israel iyo dalalka Khaliijka sameysanayaan oo ka dhan ah Iran. Dowladda Imaaraadka Carabta weli ma aysan xaqiijin booqashada saraakiisheeda ay ku joogaan dhulka Yahuuda ay xooga ku haysato, ayada oo jirto in Imaaraadka xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah uusan la lahayn Israel. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey Yahuuda, ayada oo xitaa ay beddeleen qadiyadoodii Falastiiniyiinta iyo Qudus, oo hadda ay u muuqdaan inay dhinaca Yahuuda la safteen. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladiisu ay ahmiyad gaara siin doonto akhlaaqda Saraakiisha iyo ciidamada u bareeray difaaca Qaranka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay adag tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto dowlada iyo Sarkaal aan daacad u aheyn Qaranka, waxa uuna farta ku goday in Askariga uu akhlaaq xumada ka dhexlo Sarkaalka u taliya. “Waan la socnaa in Askariga uu akhlaaqda fiican iyo tan xunba uu ka dhexlo sarkaalka u taliya, sidaa darted ma wada shaqeyn doono sarkaal iyo askari aan u diyaarsaneyn akhlaqda iyo difaaca dalka” “Ma jirto sabab uu dowlada ugu shaqeynkaro sarkaal iyo askari aan daacad u aheyn Qaranka, askariga wanaagsan waa in danihiisa uu ka hormariyaa mida gaar ahaaned” Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in askari waliba ay daacad ka tahay difaaca Qaranka, waxa uuna carab ***** in dalka uu yahay mid kasoo kabanaaya burbur una baahan in lagu dhaqo daacad. Sidoo kale, Kheyre ayaa ka digay in la arko Saraakiisha iyo askar ku xadgudbeysa shacabka, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid ka dhalankarta ciqaab. Dhinaca kale, Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan khaasa uu la qaatay saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tukaraq (Caasimada Online) – Deegaanka Tukaraq oo katirsan gobalka Sool waxaa wada maamula Puntland iyo Somaliland , waxaana deegaanka Tukaraq in Muddo ah ku dagaalamaya Ciidamada laba dhinac kuwaa oo sidoo kale isku hub aruursanaya islamarkaana xili walba dagaal diyaar u ah. Tan iyo markii dib u soo cusboonaaday dagaalka labada dhinac waxaa ka dhashay khasaaro naf iyo maalbo leh oo soo kala gaaray ciidamada Puntland iyo Somaliland waxaana meesha ka marneyn dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamay. Waxaa jirtay waa waan nabadeed oo ay garwadeen ka aheyd Beesha Caalamka balse la ogyahay in colaadii sii xumaatay iyadoo la xasuusti Markii danjirha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambassador Micheal Keating uu la kulmay Madaxda Labada Maamul inuu dagaalka dib u bilowday. Sababaha ugu weyn ee colaada loo xalin la’yahay ayaa ah in aysan is hor fariisan madaxda labada maamul oo la ogyahay in natiijooyin wanaagsan ay ka soo bixi la haayeen hadii Madaxwyenaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ay kulan gaar ah ka yeelan la haayeen dagaalka ka dhex aloosan, gaar ahaan muran dhuleedka u dhaxeeya. Dagaalka Tukaraq waxaa sidoo kale in xal laga gaaro ku hor gudban hadalada ka soo yeera Mas’uuiyiinta kala duwan ee Puntland iyo Somaliland gaar ahaan saraakiisha iyo Madaxda Ciidanka oo sii hurinaya colaada Tukaraq. Aamusnaanta culumada Soomaaliyeed oo iyagu lagu yaqiinay iney calanka Nabadda u dooraan dhincyada dagaalama ayaan weli ka hadlin dagaalka Tukaraq. In La soo afjaro dagaal u dhaxeeye laba maamul wey fududahay hadii loo tanaasulo nabadda iyo wada noolaashaha.
-
Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax. Sarkaalkaan ayaa caawa kasoo duulay Garoonka Boley ee magaalada Addis Ababa waxaana Nairobi kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Kenya. Xildhibaanada ka tirsan BFS ee soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Fiqi oo qeyb weyn ka ah Xildhibaanada mucaaradka ee dowlada Somalia. Siyaasiyiinta ka qeybqaatay soo dhaweynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Faarax Macalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ONLF. Qalbi-Dhagax ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Nairobi u gacan qaaday qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweeyay waxaana intaa kadib loo dhaadhiciyay Hoteel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka oo uu kusii nagaan doono maalmaha fooda nagu soo haya. Qalbi-Dhagax ayaa nasiinadiisa kadib lagu wadaa inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana xusid mudan in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Somalia kuwaa oo daneynaaya la kulanka Qalbi-Dhagax. Ma cada in Qalbi-Dhagax uu booqashada Nairobi kadib u safri doono magaalada Muqdisho, walow uu horay u sheegay inuu gaari doono Muqdisho.
-
Madaxweynaha Jubbaland Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa digreeto uu soo saaray isku shaan-dheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha wasiirada Jubbaland, waxayna ka kooban yihiin xubnaha isbadelka lagu sameeyay iyo kuwa cusub 11 xubnood. 1- Maxamed Yusuf Cumar ayaa loo magacaabay wasiirka garsoorka, caddaalada iyo arrimaha diinta. 2- Aadan Ibraahim Aw-xirsi ayaa loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah. 3- Eng. Ismaaciil Axmed Garas ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta. 4- Cismaan Xuseen Feyruus ayaa loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha. 5- Cabdinuur Cali Aadan ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha. 6-Dr. Mursal Maxamed Khaliif ayaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka. 7- Eng. Cabdi Xuseen Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta tiknoolajiyada iyo isgaarsiinta. 8- Caydiid Suleybaan Xaashi ayaa loo magacaabay wasiirka deegaanka iyo dalxiiska. 9- Cumar Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka. 10- Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa. 11- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha. Hoos ka akhariso digreetada laga magacaabay wasiirada Jubbaland PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbalan oo isku shaan-dheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Caawa isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, iyadoo Wasiiradii hore qaarkood ay waayeen xilkooda. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu sheegay in wadatashi uu la sameeyey ku-xigeenadiisa kadib uu magacaabay tirro Wasiiro ah, halka qaarna uu xilka ka qaaday. HOOS KA AKHRISO ISKU SHAAN DHEYNTA
-
Supporters of Halima Aden say they could not be happier to see the Somali-American continuing to break new ground as the first model to wear a hijab on runways and in magazines. Twenty-year-old Halima Aden is making her mark as a Somali-American model who has made it a point of keeping true to her roots in her work as a cover girl and now ambassador for humanitarian organisation UNICEF. Aden’s family fled their home during Somalia’s civil war, relocating to the Kakuma refugee camp in Kenya. She remained there for seven years before heading to the United States and settling in St. Cloud, Minnesota, with her mother and younger brother. From the start, Aden says she was determined to have a better life, taking on two jobs by the age of 16. Landing a modelling contract happened by chance when she decided to enter the Miss Minnesota pageant as a 19-year-old. Her decision to wear a hijab in the pageant received publicity and photos soon went viral. Halima Aden interacts with baby Jayse Waisanen. Star Tribune The photo was taken while she advocating against the string of mall stabbings involving a Somali man. A chance photo of her with a baby named Jayse playing with her hijab was posted on a state senator’s social media account, and it went viral. Soon the story switched focus from the anti-violence protest to being about Halima’s journey as the first contestant wearing a hijab in the Miss Minnesota pageant 2016. She later decided to also wear a burkini for the swimsuit segment of the competition. Soon CR Fashion Book was knocking on the door for cover magazine shoot and a contract with international modelling agency IMG soon followed. READ MORE In a world first, refugee camp hosts TEDx event She said setting her own terms, including the condition of wearing a hijab in her modelling work, was a key focus for her as she negotiated the modelling contract. In the past 18 months as a model, the first to wear a hijab on the runway, she has been on nine covers. Two years ago, she struggled to find a picture of somebody wearing a hijab inside the magazine, let alone on the cover. “When I got that opportunity to sign with IMG models, I made sure I wasn’t conforming,” she told American television program, CBS This Morning. Halima Aden is the first model wearing a hijab to be featured on the cover of US Teen Vogue. Supplied Seven months into her modelling career she was still working as a housekeeper. Aden said remembering where she came from has been a touchstone for all her work including those assignments when she graces the cover of Vogue Arabia, Allure and Glamour. “Growing up, I never saw magazine articles painting Muslim women in a positive light,” she said in an interview with Teen Vogue. “In fact, if I saw an article about someone who looked like me, it would be the complete opposite.” She went back to Kakuma camp recently to take part in the first ever TEDx event at a refugee camp. Her journey home for the first time in 13 years is documented in a video by Teen Vogue. She says while her family did not have much in material possessions in the camp, they had each other. “Kakuma doesn’t have much, but we had little beetles and insects,” she said. “I remember this one time I was chasing some kind of critter and it led me somewhere I’d never even been before. To the edge of Turkana County. That’s how far I ventured out, but I always made it home.” As for her work being an ambassador for UNICEF, Aden said it is like things are coming full circle. She got a chance at a new life because of UNICEF, and now she has the opportunity to return the favour. “They always reminded me as a kid that I was not forgotten. I didn’t know what life outside of a camp looked like,” she said. “I couldn’t even imagine it. UNICEF was [my world]. Before I could sign my own name, when I was literally doing ‘x’ for my name, I could spell UNICEF.” Changing the face of modelling, Aden has quickly built a fan base. The supporters include those who say they have a new role model to look up to. @muslimgirl said on Twitter she could not contain her joy to see the front cover of Teen Vogue. Twitter Ads info and privacy Sarbina Hersi Issa on Twitter said she was touched to see words like ‘oonsi’ (Somali incense) mentioned in Aden’s personal story. Twitter Ads info and privacy The love continued on Aden’s Facebook page where high school friends and neighbours said they could not be prouder. “You’re an amazing voice and role model,” Cathie Helminick posted. “I am so proud of you! You make my heart sing! Sue Woods Peterka wrote. Aden said she found the best way to break stereotypes is to just be “your authentic self”. “People will come up to me and be like, wow, I did not know we had this much in common. That just shows you how much we don’t really have Muslim women in the spotlight,” she told Time Magazine last month. “We don’t really showcase all these incredible women who are doing positive things and who are a part of your community. We should all strive for inclusivity and to invite people who are different from us to hear our stories and to listen to theirs.” SBS
-
A team of Qatari cyclists has joined the competitions of the Global Biking Initiative (GBI) Europe, which kicked off in Sweden and will continue for a week, passing through Denmark and ending in Hamburg in Germany, covering a distance of 750 kilometers. Source: Hiiraan Online
-
HARGEISA– The Minister of Sports, Hon. Boss Mire and flanked by minister of council coordination, Hon. Mohamed Adan on Wednesday handed over 28 football teams to soccer jerseys. The local teams are expected to contest provincial soccer competition which is due to start in Hargeisa, Somaliland capital. The tournament is organized by Somaliland Football Association. The project is funded by UNFPA which supports Somaliland youth development project.
-
HARGEISA– The Vice-President of Somaliland Hon. Abdirahman Abdilahi Ismail alias “Sayli’i” has visited special needs school in Hargeisa on Wednesday where children with blindness, deafness and those with mental retardation go for studying. More than 200 students with physical disabilities are currently studying in the school. The mission behind the VP’s visit to the school was to assess the current needs of the school. Ms. Khadra, the school director has received the deputy president upon arriving at the school premises and has briefed him on the challenges that it faced and the the achievement it has made since its inception. School director has expressed thanks to the government of Somaliland for its support. Ms. Khadra has said that students with mental illness are in the school. The school director has called on the government to double its efforts in supporting the needs of the school. Somaliland’s vice president, Hon. Abdirahman has pledged to increase the support that the government provides to the special needs school.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan. Wasiirka ayaa la sheegay in gaari uu la socday isla markaana sii galaayay hooygiisa lagu dhuftay gaari kale oo markii hore ku diyaarsanaa agagaarka Wasaradii hore ee Amniga Gudaha. Gaariga lagu dhuftay kan Wasiirkii howlaha guud ayaa la sheegay inuu ahaa gaari raaxo, waxaana intaa kadib xigay rasaas ooda looga qaaday Wasiirkii howlaha guud. Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Wasiirka gaarigaasi loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo falka ku dhufashada iyo rasaastuba ay ku bilaabatay xili uu ku xaroonaayay Hooygiisa oo ku yaalla agagaarka Wasaaradii hore Amniga ee ku dhow taalada Daljirka daahsoon. Intaa kadib ilaalada la soctay gaariga Wasiirkii howlaha guud ayaa iska caabiyay Kooxda isku dayday inay khaarijiso Eng. Saalax Sheekh Cismaan. Ciidamo ka tirsan Booliska oo ku baxay falkaasi ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ku dhintay hal qof, halka laba kale oo shacab ahaa uu soo gaaray dhawac. Sidoo kale, Wasiir Saalax ayaan weli ka hadal weerarka lagu doonaayay in lagu khaarijiyo, waxa ayna Saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee halkaa gaaray sheegen in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Eng. Saalax Sheekh Cismaan. Dhinaca kale, waxaa xilkaani Wasiirnimo horay looga dishay Wasiir Siraaji, waxaana xusid mudan in dilka iyo weerarka ceynkaani ah uu yahay mid aysan turxan bixin dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HARGEISA–Somaliland government has revoked the licenses of six local non-governmental organizations which have been completely banned from working in the country by the minister in charge of national planning and development. The organizations are namely the Somaliland Lifeline Organization, Juba Foundation, Active in Development Aid, Somali Relief and Development Action, Agency for Peace and Development, and Himilo organization for Development. According to the planning ministry circular stated that the above organizations have been suspended from working with in Somaliland after that they have been deviated from their missions. The press statement did not further illicit if the suspended NGO’s were operating in Somaliland in undercover. The Press Statement in Somali language:-
-
The Somali National Army (SNA) killed at least 20 al-Shabab militants in a fierce fighting in Somali's southern village of Muse Haji on Tuesday evening, army officials said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
A town in southern Somalia has banned men and women dancing together at weddings, a local radio station is reporting. Source: Hiiraan Online
-
Chinese state owned enterprise Poly Group is working with another Chinese company, Golden Concord Group, to develop oil and gas projects in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow garoonka Bole ee magaalada Addis ababa ka dhoofay Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax). Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), ayaa waxaa magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia kala dhoofay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kaalin ku lahaan deysmadiisa. Qalbi-Dhagax,ayaa waxaa wehlinaayay ku dhawaad lix xubnoo oo Seddex kamid ah ay ahaayen Ganacsato gacan ka geystay deesmadiisa, waxa uuna kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Markii Xabsiga laga siidaayey Qalbi Dhagax ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayaa in uu magangalyo ka helay dowladda Kenya,waxaana haatan magaalada ay degan tahay Soomaalida ee Islii ka socda diyaar garoowgii u dambeeyey ee soo dhaweyntiisa. Gaari cod baahiye ku xiran yahay oo uu sawir Qalbi Dhagax ku dhegan yahay oo dhex wareegaya xaafada Islii ayaa dadweynaha ugu baaqaya inay isugu soo baxaan soo dhaweynta Qalbi Dhagax. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Qlabi Dhagax uu la ahdli doono dadka isu diyaarinaya soo dhaweyntiisa, isagoo faahfaahin doona qabashadiisii, sida loo sii daayay iyo waxa uqorsheysan maadaama dib uu uhelay Xoriyadiisa.
-
A Nairobi court has found out that a Somali national accused by a Kenyan politician of assault has a case to answer. Magistrate Eunice Kimaiyo sitting at Makadara Law Court yesterday ruled that Jamal Mohammed has a case to answer in causing grievous harm. At the same time Kimaiyo acquitted Jamal of the charges of being illegally in the country on the grounds that the prosecution failed to table enough evidence in court. The prosecution called five key witnesses who testified before the closure of their case, both the prosecution and the defense tabled their oral submissions. Jamal had requested the court to withdraw the charges claiming that the complainant Hussein Mohammed had not produced an X-RAY report to court which would be used as evidence. The accused said that Hussein’s witnesses gave contradictory information to court regarding the incident. He said that the investigators did not conduct an identification parade after the arrest of Jamal Mohammed. Hussein Mohammed who testified in the case said that Jamal attempted to kill him on September 17 at Eastleigh 7th street in Kamukunji. He said that Jamal used his boots and stepped on him where he fell down. The accused later removed the knife and stabbed him on the neck. “Two days after the incident the accused called me and said that he wanted to apologise for what he did to me,” said Hussein. Hussein told the court that Jamal assaulted him because he wanted to be paid Sh337,000 the cost he incurred after they sold a machine they had bought together and subdivided the profit. He also told the court that he was introduced to Jamal by his brother and that he did not know him before. The court also heard that the accused surrendered himself to the police station two days after the incident where he was arrested immediately. He is said to have had assaulted Hussein outside a Mosque at Eastleigh 7th street in Kamukunji area. Jamal had told the court that the witnesses who testified in court did not identify the hood that they claim he was wearing at the time of the attack. He said that the case cannot stand because the P3 form at Pangani Police Station was very categorical because he did not sign. The complainant said that it was not in doubt that the witnesses identified the person who committed the offence since it was around 9pm and the street lights were on. Hussein also added that since the accused surrendered himself to the police there was no need for identification. He added that he needed to undergo physiotherapy because he was seriously injured by Jamal. The politician said the allegations by the defense that charges are defective cannot stand because Jamal did not show the court how it was defective. Jamal denied all the charges and was released on a Kenyan surety bond of Sh300, 000. Police said the accused after committing the offence disappeared from his hotel room and only surrendered before police after he knew he was wanted and could not travel out of the country. The matter will be heard on July 13, 2018. Source: – Standard Digital