-
Content Count
210,704 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sanadkii 1983-kii shirkadda Saarberg-Interplan ayaa mashruuc biyo-ballaarrin ka hirgelisay Muqdisho. Tuubbooyin waaweyn bay Jidka Soddonka soo dhigtay, si waddada qayb ka mid ah loo qodo. Marnaba hawshaasi may saamaynin socodka babuurta. Faa’iidadii laga helay mashruuca waxay ahayd: Muqdisho ayaa xal u heshay biyo-yaraantii; wuxuu kale oo mashruucu fududeeyay in dadku biyo gashado. Waqtigaas Soomaaliya waxay lahayd hal hay’ad oo u xilsaarnayd biyaha ( Wakaaladda Biyaha). Lacagta mashruuca waxaa bixiyay dalkii la oran jiray Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka Galbeed. Dadka dhulka hadda loo yaqaanno Buntland ( Puntland) ku nool may helin fursadahaas horumarineed waagaas; dowladdii jirtay horumarinta Galguduud iyo gobollada waqooyiga ka xiga waxay u aragtay waqti-lumis. Sababta aan u dulmaray taarikhdan waa inaan isdultaago go’aanka GIZ (GTZ) ay ku joojisay taageerada ay siin jirtay mashruucyada lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Buntland, gaar ahaan waddooyinka. Puntland Focus Group, oo ku bahoobay tartanka Madaxtinimada Buntland, ayaa warqad ay soo saareen xubnaha kooxdu, waxay muujiyeen inay ka xun yihiin maamulxumada keentay GIZ inay joojiso taageeradii ay siin jirtay Buntland daahfurnaan la’aan ( lack of transparency ) awgeed. Dadkii loo xilsaaray hawsha dhisidda waddooyinka Buntland way ku guuldarraysteen inay xisaab-celin sameeyaan. Taas macnaheedu waa: lacagtii loogu talagalay mashruuca, waxaa lunsaday dad aysan weli dowladda Buntland la xisaabtamin. Waxaan ku raacsanahay Puntland Focus Group in GIZ aysan mudnayn dhaleecayn ama in laga abaal-dhaco taageerada ay siisay Soomaalida waqtigan adag. Waxaa muuqata in musuqmaasuqa Buntland uu xargo-goostay. Markii hore nin madax ah ama dadka ku dhowdhow uun baa boobi jiray hantida dadweynaha; hadda lunsadeyaashu waxay u soo dhigteen taageerada hay’adaha horumarintu siiyaan Buntland. Ma baaqyo siyaasiyiin soo saaraan baa joojin kara musuqmaasuqa burburin kara Buntland? Sidee wax looga qaban karaa maamul musuqmaasuq ku caanbaxay haddii dabaqadda siyaasadeed ee Buntland aysan lahayn dhaqan isla-xisaabtan iyo musuqmaasuq-diid? In maanta hay’adda horumarinta Jarmalku si toos ah u taageerto Buntland waa guul dadka Soomaaliyeed oo u soo hoyatay; in musuqmaasuq-ka-naaxeyaal ay lunsadaan taageerada Soomaalidu hesho waa ayaan-darro ka xun dayacii dowladdii militarigu ku haysay gobollada dad badani u yaqaanneen Gaari-waa. Buntland dhexdeeda dadku wuu ka sheekaystaa siyaasiyiinta ka naaxay boobka hantida dadweynaha; ganacsatada laga naasnuujiyay qasnadda dowladda Buntland. Gaas: Miyuu muddan yahay in dib loo soo doorto? Jaamacad ka mid ah jaamacadaha Buntland ayaa soo saartay cilmi-baaris ku saabsan musuqmaasuqa Buntland. Talooyinkii ku jiray warbixinta jaamacadda may noqonin kuwo dowladda Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ku dhaqantay. Sidee bay dowlad tirakoobi wayday ciidammada, ula dagaallami kartaa musuqmaasuq? Buntland waa maamul beeleed hadba madaxweynaha jooga uu maamulo lacagta Buntland ugu soo xeroota canshuur ahaan, ama lacagta taageerada horumarineed ay ku hesho. Madaxtooyadu waa meesha kaliya oo uu madaxweyne si sharci-darro ah uga hodmin karo qoyskiisa iyo dadka ay wax isu yihiin ama siyaasad ahaan ku dhowdhow. Dhaqankan siyaasadeed waa macnaha Buntland federaalisamku la leeyahay Nuur Salaad, oo geeriyooday dhowr sano ka hor marna ahaa taliyihii ciidanka booliska Buntland, wuxuu Daljir Raadiyo uga warramay dibindaabyadii dad badani la rabeen mashruucii lagu dhisayay waddada Boosaaso iyo dekedda maanta Buntland ay ku tiirsan tahay. Wuxuu sheegay in dowladdii militarigu u xilsaartay isaga nabadgelyada mashruuca. Wuxuu Nuur u istaagay ilaalinta hantida shirkaddii dhisaysay waddada waayo burcad siyaasad baa isu bahaysatay curyaaminta mashruuca. Lunsiga hantida dadweynaha Buntland waxaa dheer lunsiga kheyraadka badda: waxaa jira maraakiib ay maamulladii hore shatiyo kalluumaysi. ka gadeen si ka baxsan sharciga. Siyaasiyiinta Buntland way isku raacsan yihiin in aan laga hadlin danaha siyaasi kasta ku leeyahay maraakiibta haysta shatiyada Garoowe laga bixiyay. Waxaa xusid mudan in bixinta shatiga kalluumaysi uu la kowsaday maamulkii kowaad ee Buntlad. Waa ayaan-darro siyaasiyiin aan isku raacsanayn la dagaallanka musuqmaasuqa inay maanta ka hadlayaan musuqmaasuq. Dadka Buntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida dowladdu u maamusho hantida dadweynaha. Markii uu xilka la wareegayay Md. Faarax Cali Shire, oo ahaa wasiir-kii hore ee Maaliyadda xilgii Madaxweyne Faroole, oo hadda isu sharraxay xilka madaxweynenimada ee Buntland, wuxuu sheegay inuusan la wareegaynin dayn lagu leeyahay dowladdii hore ( dhegyso codka la socda maqaalka Horseedmedia) . Miyay dowladdii uu Faarax ka tirsanaa deyn ku wareejisay maamulka Gaas? Miyay weligood siyaasiyiintu la wadaageen dadweynaha Buntland xog ku saabsan sida loo maamulo lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga iyo shirkadaha shatiyada kalluumaysi la siiyay? Habka siyaasadeed ee Buntland waa mid fududeeya musuqmaasuqa. Awoodda oo dhan waxay gacanta u gashaa madaxweynaha oo maamusha barlamaanka. Haddii aysan dabaqadda siyaasadeed ee Buntland meel uga soo wada jeesan la dagaallanka musuqmaasuqa, baaqyada kooxuhu soo saaran kama duwana maaweelo aan xiise loo hayn. W/Q: Liibaan Axmad Email: Libahm@icloud.com Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ujeedo: Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Lr78 / 2018). Inaga oo ah ummad Islam oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee aynu ka midnahay, dagaalkaas oo midabbo badan leh, ujeedadiisuna tahay in ummada iyo diinteeda islaamka ah lakala fogeeyo lana burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee ku salaysnaa islaamnimada. Hadaba dagaalkaas waxa loo marayaa wadooyin kala duwan waxaana lagu bixinayaa dhaqaale iyo dadaal laxaad leh, dagaalkaa muuqaaladiisa waxa ka mid ah in ummada laga dilo xishoodka iyo anshaxa suuban iyada oo dhegahooda laga badinayo maqalka arimo la xadhiidha dhaqan xumada, oo aan ka jirin gayigooda, waxa kale oo ka mid ah in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka ummadaha aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadi iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankii ummadan ee ku dhisnaa islaamnimada, iyada oo la ogsoonyahay in ummad walba xeerarkeeda iyo dhaqamadeedu ku salaysanyihiin wax ay rumaysantahay. Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) xeerkaas oo ay ka biyo diideen in badan oo ka mid ah labada gole ee Baar- lamaanka iyo guurtida hase ahaatee aan loo joojin , shacabkuna ay ka muujiyeen inuu yahay xeer khilaafsan diintooda, dhaqankooda suuban, meel ka dhacna ku ah islaamnimadooda iyo sharaftooda. Hadaba markaanu xeerkan u eegnay si cilmiyaysan oo ku miisaaman shareecada islaamka oo ka fog caadifad iyo laablakac waxa noo soo baxday inuu yahay xeer xanbaarsan gefef iyo qaladaad diineed iyo dhaqanba , ujeedada looga gol leeyahayna tahay in umadda lagu furo albaabka dhaqan xumada, iyada oo loogu gabanayo daryeelka nugulka ummada iyo ladagaalanka xadgudubyada jinsiga. Sidaa awgeed waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya khaladaadka xeerkan waajibinaya in la buriyo lagana toobadkeeno : 1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad). Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi: 2 – Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta). 3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b) 4 – Xeerkani wuxuu laalay ciqaabtii shareecadu u dejisay qofka Sinaysta , si khasab ah ama qofka kale la ogol yahay ciqaabtaas oo ah: A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo). B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay. J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida. Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) . 5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad . Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay . 6 – Xeerkani wuxuu faldanbiyeed ka dhigayaa galmada iyo fara kaciyaarka dhex mara labada lamaane ee is qaba hadii ay u dhacdo si aan midkood raali ku ahayn , waayo wuxuu fal danbiyeed ka dhigay galmo iyo fara kaciyaar kasta oo ku dhacda ogolaansho la ‘aan, isaga oo aan kala qaadin ta dhexmarta lamaanayaasha is qaba iyo ta dhex marta dadka aan xalaasha isu ahayn , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecadu fal danbiyeed ka dhigtay hadii labada lamaane midkood kasoo bixi waayo galmada ka kele xaq ugu leeyahay iyada oo aanu haysan wax cudur daar ah oo shareecadu tix galisay ( eeg qodobka 8 aad faqrada koowaad ) 7 – Xeerkani wuxuu si duuduuban oo aan kala qaadis lahayn faldanbiyeed uga dhigay in qof loo guuriyo iyada oo aan ogolaansho laga hayn taas oo macnaheedu yahay hadii waligu uu guuriyo gabadh aan qaan gaadhin inuu ku kacay faldanbiyeed uu ciqaab ku mutaysanayo, waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay , iyada oo aynu ognahay in shareecadu ogoshahay in loo guurin karo qof yar ama waalan hadii dantiisu ku jirto . ( eeg qodobka 9 aad ). 8 – xeerkani wuxuu yidhi waxa caruur looga jeedaa qof da’diisu ka yartahay 18 jir sida ku cad boga erey bixinta , taas oo macnaheedu yahay in qofka ka yar 18 jir aanu qaan gaadh ahayn , iyada oo la ogyahay in shereecadu qaan gaadhka iyo ka gudubka axkaamta caruurnimo ku xadaysay in uu dhamaysto 15 sano oo dayax tirsi ah, sida ku cad xadiiska ibnu cumar, mad-habka shaaficiyaduna dhigayso , sidoo kale xeerkani wuxuu meesha ka saaray calaamadaha kale ee qaan gaadhka ee ay ka mid tahay: Inuu qofku arko biyaha taranka ama dhiigga caadada ku waas oo la heli karo inta aanay u dhamaan 15 sanadood . Arintana waxa ka dhalanaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in laga rido waajibaadkii qofka qaan gaadhka ah shareecadu saartay , lana marin ciqaabta ka dhalata fal danbiyeedyada uu galo iyo in la lumiyo xuquuq uu yeelan lahaa marka uu qaan gaadho sida masuuliyada ka saaran naftiisa maalkiisa iyo cida kale ee uu masuul ka noqon lahaa. 9 – Xeerkani wuxuu ka dhigay qofka sharci daro ku xidhan ee khiyaarkiisa kula sinaystay qof kale mid khasban oo ka mid ah dadka aan ogolaanshaha bixin Karin , sidoo kale wuxuu ka dhigay qof khasban oo aan ogolaansho bixin karin qofka khiyaarkiisa kula sinaystay qof ka meeqaan iyo awood sareeya . iyada oo aynu ogsoonahay in qofka qaan gaadhka ah ee miyirkiis iyo maankiisa qaaba uu ogolaansho bixin karo mar hadii aanu khasbanayn , inuu xidhanyahay ama laga meeqaan sareeyaana ka dhigi mayso mid khasban .( eeg qodobka 1aad ee erey bixinta ). 10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ). Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegatay dhaqana u ah gaalada manta joogta ee aynu aragno . 11 – Xeerkani wuxuu kala duwayaa ciqaabta kufsiyada iyo xadgudubyada jinsi ee ka dhaca qaybaha bulshada ee kala duwan sida madaxda dadka da’ada ah iyo kuwa meeqaamka bulshada dhexdeeda ku leh iyo kuwa kale ee bulshada ka mid ah ,si khilaafsan shareecada islaamka , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecada islaamku aanay ku dhisin xadka sinada dabaqadaha bulshada ee qofku ka tirsanyahay marka laga reebo xornimada iyo adoon nimada . ( eeg qodobka 7 aad faqradiisa 1 aad ) ( qodobka 10 aad faqradihiis 1 aad 2 aad 3 aad). 12 – Xeerkani wuxuu meesha ka saaray oo aanu soo hadal qaadinba dhamaan cadaymihii shareecadu u dhigtay sugida qofku inuu sinaysatay ama wax kufsaday sida qiraal iyo markhaatiyaal looga qaateen ah . ( eeg qodobada khuseeya cadaymaha ee ku hoos jira qodobka 32 aad ). 13 – xeerkani wuxuu dhigayaa si loo go’aansado xukun lagu rido danbiilaha in ay tix galiso, ama ku xisaabtanto xogta uu dhibanuhu afka ka sheego ama laga qoro ee tilmaamaysa dhaawaca ama dhibta kasoo gaadhay fal danbiyeedka loo gaystay . eeg (qodobka 37 aad faqradiisa 1 aad). Taas oo macnaheedu noqonayo in muduciga sheegashadiisa maxkamadu ku go’aan qaadan karto iyada oo aan qiraal iyo cadayn toona lahayn taasina waxay khilaafsantay xadiiskii nabiga 14 – Xeerkani wuxuu sheegayaa in la ciqaabayo caruurta iyo dadka waalan haday gaystaan fal kufsi ama xadgudub jinsi hase ahaatee ciqaabka loo khafiifinayo eeg (qodobka 35 aad xarfihiisa b iyo j ). Taasina waxay khilaafsantay shareecada islaamka oo sheegtay in qalinka laga qaaday qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin wax ciqaab ahna aanay lahayn , wixii wax yeelo ah ee ay gaystaana waa la mag*****aa . 15 – Xeerkani wuxuu laalay oo uu buriyay xeerkasta oo kale ama qodobkasta oo sharci oo kasoo horjeeda am aan waafaqsanayn xeerkan wuxuuna ku andacooday in lagu badalay qodobada xeerkan . eeg (qodobka 45 aad faqradiisa 2 aad), Taas oo macnaheedu yahay in xeerkani buriyay laalayna axkaamtii shareecda ee ku saabsanayd xadka sinada,kufsiga, xadgudubyada jinsi cadaymahooda iyo dustuurka jsl ee dhigaya in xeerkasta oo shareecada ka hor imanayaa yahay waxba kama jiraan . 16 – Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan lagu qeexin qaybta erey bixinta sida ( sharci )( ogolaansho ) sharcigu ma ka islaamkaa? mise waa ka gaalada?, ogolaanshaha maxaa astaan u ah oo uu ku sugmi karaa? . 17 – foolxumooyinka xeerkan : 1- Xeerkani wuxuu ka qayb qaadanayaa faafitaanka sinada marhadii aanu fal danbi u arag wax ciqaabana u sheegin marka laysla ogolyhay. 2- Wuxuu meesha ka saarayaa ciqaabyadii shareecadu u dajisay sinada iyo kufsiga . 3- Wuxuu ka qayb qaadanayaa duminta qoyska iyo iska horkeenkiisa . 4- Wuxuu sababayaa iska hor imaadka iyo isku dhaca bulshada. 5- Wuxuu meel kadhac ku yahay sharafta dadka . 6- Wuxuu fasaxayaa anshax xumada is qaawintu ka mid tahay . 7- Wuxuu luminayaa xuquuqda dadka qaaarkood sida waalidka iyo dad qaangaadh ah oo uu ula dhaqmayo sida caruurta . 8- Wuxuu dhigayaa ciqaabyo aan isu miisaanayn caqli iyo sharci midna aan ku salaysnayn . 9- Waxa ka muuqda is burin sida marka uu ka hadlayo qofka caruur loo aqoonsanayo . 10- Xeerkani wuxuu sheegay ciqaabyo kali ah mana sheegin fal danbiyeedyadaa wixii lagaga hor tagi lahaa gebi ahaan ba. 11- Xeerkani wuxuu meesha ka saaray wixii islaax ah ( heshiis ) ee dhex mara dhibgaystaha iyo qof ka dhibanha ah, iyadoo la ogsoon yahay in shariicadu ogoshahay in qofka dhibana ahi cafis iyo saamaxaad bixin karo. Geba gebo iyo gunaanad : Waxaanu ku talinaynaa oo soo jeedinaynaa in xeerkaa shariicada islaamka iyo dhaqankeena kasoo horjeeda meesha laga oo la laalo shariicadana lagu soo dabaalo.. Waad mahadsantihiin. Waxa soo saaray bayaan kan culimada hoos ku xusan: 1. Sh:c/laahi Cabdi Cali “Makkaawi”. 2. Sh:c/laahi xasan xaashi “Barbaraawi”. 3. Sh:c/razaaq xuseen cali “Albaani”. 4. Sh: Muuse maxamed C/raxamaan “Tarax” . 5. Sh.yaasiin Ibraahim C/raxmaan. 6. Dr.c/rasaaq Axmed Maxamuud. 7. Sh:Axmad Iid c/salaam Aadan “ Axmed Iid”. 8. Sh.Axmed C/qaadir Axmed. 9. Sh: faysal yuusuf cilmi. 10. Sh: Rashiid Maxamuud Cige. Allah Mahad leh.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool deegaanka Balbaleyti oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmayaan qowmiyaddii kale ay la deggaan deegaankaasi. Dadkani ayaa sheegaya in qoysas badan oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi isla markaana loo diiday in ay halkaasi ka baxaan, iyadoo sida ay sheegayaan ay jiraan dhibaatooyin kale oo loo geysanayo, ayna xaaladda ku adag tahay. Mid ka mid ah soomaalida halkaasi ku xayiran ayaa sheegay in xilligaan ay dareemayaan culeys farabadan,sida inaysan heysan xurid,xoolahooda la dhacay iyo in laga hos-istaagay inay Ganacsadaan. Waxa uu sheegay in hadda ay sigaar ah u joogaan Goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada federaalka Itoobiya,isla markaana meelna ay uga bixi karin. Xiisadaha iyo dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada ayaa ha mid mudo farabadan soo jiitameyey,isla markaana bilihii u dambeysay uu ahaa mid sii xoogeysatay. Bulshada Soomaalida ee ku dhibaateysan deegaanka Balbalayti oo maamul ahan hoos tago Oromada waxay codsanayaan: In si kasta oo naloogu soo gurman karo gurmad bani aadaminimo oo degdeg ah na loo fidiyo. Iney xukumadda cusub gaar ahaanna Madaxweyne Mustafe Cumar uu maamulka Oromada nagala hadlo maadaamaa inaan si nabad ah ku dagganaano Balbalayti noo diideen sidi wadda aan marno ay noogu banneyn lahaayeen inuu nagala hadlo. Umadda Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa iney noo soo duceeyaan sidi uu ilaahey inaga oo nabad qabno meeshan aan ku dhibaateysannahay nooga saari lahaa iyo wixi kale ee karaankooda oo ay noo qaban karaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Mid-ka-mid-ah-dadka.mp3
-
This is part of an upcoming book I am working on. I thought it may be useful to present it today in view of the ongoing discussion on National Assets and the signing of contracts with foreign parties and the maneuverings of politicians as they come and Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowladda Somalia ay ka taageereyso hiisgiga sanada 2040-ka. Dowlada Qadar ayaa tilmaantay in Somalia ayaa kasii gudbeyso marxaladii adkeyd iyo burburka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in lagasii gaashanto hiigsiga Somalia ee 2040-ka. Wasiirka Qorsheynta Qadar Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit oo qaabilay wafdi uu hogaaminaayay dhigiisa Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qadar ay ku khasban tahay in Somalia ay ka garabsiiso hiigsiga fog. Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit, waxa uu sheegay in Somalia ay u gudubtay heerka fog oo ay ku sameysan laheyd qorshooyinka mustaqbalka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay muhiim u tahay inay hesho dal kala shaqeeya hiigsiga 2040-ka. Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit iyo Jamaal Maxamed Xasan ay kulankooda iskaashiga labada dal ee yoolka Soomaaliya ee 2040-ka ku qeexay in Qadar aan looga maarmi doonin in Somalia ay ku jiheyso hiigsiga fog. Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku wareejiyay hanaanka hiigsiga Qadar ee 2030-ka iyo waxyaabaha ka qabsoomay ilaa hadda si Somalia ay ugu dayato. Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ballan qaaday in Somalia ay ka taageereyso dhamaan dhinacyada dowladda,Arrimaha Bulshada iyo horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sidoo kale, Wasiir Jamaal ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya iyo kaalinta ay ku leedahay ka qeybqaadashada horumarinta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa muujineysa sida ay ugu heelan tahay Somalia oo goor sii horeysay ku garab istaagtay khilaafka iyo duulaan Siyaasadeedka xulafada Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo uu booqasho ku joog, ayaa u gafay oo aad u liiday dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, sida ku cad muuqaal laga duubay baraha bulshada lagu baahiyey. “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo qaba kaba dacas ah inuu dalkayga iigu yimaado, iguna xukumo ma aqbali karo mana dhici doont” ayuu yiri Cabdi Weli Gaas, oo sida muuqata liidaya dadka dega gobollada Baay iyo Bakool. Inkasta oo uusan Gaas sharxin waxa uu ula jeedo hadlakiisa, haddana waxaa loo qaatay inuu ula jeedo xubnaha Shabaab ee deegaanada Puntland ku sugan. Hadalka Gaas, ayaa waxaa aad u dhaliilay qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, oo qoraallo jawaab ah soo dhigay facebook, waxaana ka mid ah xubno ku jira dowladda Soomaaliya Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Aadam Isaaq ayaa yiri “Wax la aqbali karo ma aha cunsuriyada iyo kala saarida uu ku kacay Cabdi weli gaas. Ogoow wiilka ka yimid xudur iyo buur-hakaba ma aha ajinabi, mana uusan aadin wadan kale. Hubaal shacabka sharfoon ee Puntland lama qabaan erayada gafka ah. Ninkii kala saar lahaaw, Ninkii kala sooc wadoow, Ninkii si xun u fekeroow. Gaas ku baranay. Hoos ka daawo Gaas.
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa maanta booqday qabuurta Daarood Ismaaciil iyo xaaskiisii Doonbiro Dir oo ku aasan deegaanka Haylaan ee gobolkaas. Booqashada Madaxweyne Gaas ee qabuurta Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa ku wehelinayey qaar kamida golihiisa wasiirada, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, nabadoono iyo qaar kamida waxagardka Sanaag. Madaxweynaha Puntland ayaa markii hore booqday qabriga Daarood Ismaaciil, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamida culumada gacanta ku haysa qabriga, iyagoo uga xog waramay xalada deegaanka. sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa booqday qabriga Doonbiro Dir oo ku aasan meel ku dhow kan Daarood. Allaha una-xariistee Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa ka farcamay qaar kamida Soomaalida ku nool daafaha dunida. PUNTLAND POST The post Gaas oo booqday qabriga Daarood Ismaaciil appeared first on Puntland Post.
-
Ugandan pop star turned opposition MP Robert Kyagulanyi was taken away by security officers upon arrival at the country's international airport Thursday, his wife Barbie told AFP. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo aad looga naxay ayaa maanta waxa ay ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaasi oo nin lagu dilay kadibna lagu gubay. Ehelada Ninkaas oo lagu magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeyeen qaabka ninkaasi loo dilay kadibna loo gubey. Ninka oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar ka doontay waalidiinteeda, waxaana siiyey aabaheed balse sida la sheegay waxaa u diiday gabadha hooyadeed iyo walaalaheed, kuwaas oo maanta ku weeraray garaashkii uu joogay. Waxaa ehelada ninkaas ay sheegeen in hooyada dhashay gabadha wiilka la siiyey iyo walaalaheed ay weerareen, isla markaana markii hore ay ku dhufteen waran, intaasi kadibna ay dhaawac soo gaarey kadib ay dab qabadsiiyeen, sidaasina uu ku dhintay. Dhacdadaan maanta ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka badanaa lagula kaco dadka laga tirade badan yahay ee jeclaada gabdhaha ka dhashay qabiilada awoodda ku leh Soomaaliya. Dadkii falkan gaystay Ayaan weli wax tallaabo ah aysan ka qaadin dowladda, mana jiro wax war ah oo dowladda kasoo baxay. Sawirrada ninkan laga gubay oo aad loo wareejinayo baraha bulshada, islamarkaana ay heshay Caasimada Online, ayaan usoo gudbin karin akhristayaasha, sababo al xiriira inaan xaqiiqdii la eegi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyey mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Mooshinkaan ayaa ah mid loogu yeerayo Ra’isulwasaaraha si wax looga waydiiyo Su’aalo ku saabsan Amniga Muqdisho maadaama seddexdii Maalin ee ugu dambeysay ay socotay dood culus oo uu dhaxeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya loogana hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo lagu tilmaamay inuu yahay mid faraha ka baxay. Inta la xaqiijiyey illaa 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshinka lagu dalbanayo inuu Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka, waxaana gacanta laga saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal. Sida ay xaqiijinayaan illo wareedyo lagu kalsoonaan karo Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa dalbaday in la siiyo waqti ay kaga soo baaraan dagaan oo loogu soo daro soo jeedintaas ajandaha Baarlamaanka. Qodobka 72-aad ee Xeer hoosaadka Golaha shacabka ayaa qabo in 10 Xildhibaan soo jeedin karaan u yeerid Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan uu Guddiyada difaaca iyo amniga gudaha ee Golaha shacabka Soomaaliya ku amray in ay Golaha horkeenaan warbixin ku saabsan amaanka dalka. Hadalkan ayaa yimid kaddib markii la soo gaba qabeeyay dood ku saabsaneyd amaanka Muqdisho oo ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay lahaayeen Golaha shacabka Soomaaliya. 50 XIldhibaan oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay khudbado amaanka ku saabsanaa ka jeediyay Golaha shacabka ayaa eedeyn dusha uga tuuray Xukuumadda Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre. Xubno ka mid ah Labada Guddi ee loo diray Warbixinta oo ka mid ahaa kuwii khudbadaha ka qeybqaatay ayaa Guddoonka laftiisa ku dhaliilay in isaga oo aan iyaga weydiin warbixinnada ay hayaan uu goluhu u fasaxay in ay ka hadlaan amaanka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo saartay warsaxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban kaasi oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, laguna sheegay in “Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland” Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. WAR-SAXAAFADEED: 20/09/2018 Golaha wasiirradda Somaliland oo soo saaray qodobbo ku wajahan faro-gelinta Soomaaliya ay ku hayso Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, sidoo kalena ansixiyey xeerar muhiima. Kal-fadhigii 21-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2018, waxa lagaga dooday faro-gelinta ay Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxaana lagu ansixiyey xeerar muhiim ah. Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Jamhuuriyadda Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen. Dhinaca kale shirkii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay fadhiyeen 27-wasiir, waxa lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah. Xeerka kaabista iyo wax-ka-beddelka, xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr-23), xeerkaas oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Garyaqaanka Guud ay iska kaashadeen diyaarintiisa, goluhuna wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyey, sidaasina goluhu ku ansixyey. Xeerka Hawl-gabka iyo xaq-siinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr xx/2018). Xeerkan oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah mid looga gol leeyahay in ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland helaan daryeel ciidannimo oo sharci ku qotoma, waxana golaha hor keentay wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, goluhuna waxa uu ku ansxiyey duuduub. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas. Hase yeeshee George Musamali oo ah agaasimaha Xarunta Mareynta Halisaha ee Afrika ayaa arrintan ku tilmaamay cayaar lagu samaynayo maskaxda dadka. “Sawirka IGAD ay bixineyso ayaa ah inay muujiso inay xasilisay Soomaaliya, waxay ku cayaarayaan maskaxda dadka, oo ay u sheeegayaan in xasiloonida Soomaaliya ay joogto heer ay ciidamadeeda u diri karto dalal kale, balse taasi waa fikrad qaldan, wax ay ahaataba waxaa cad in Al-Shabaab weli ku baashaaleyso Soomaaliya” ayuu yiri Musamali. “Soomaaliya diyaar uma ah inay ciidamo gayso meel ka baxsan xuduudaheeda. Xaqiiqda ayaa ah, inayba tahay in la xoojiyo ciidamada hadda joogo Soomaaliya ee Midowga Afrika, islamarkaana si wanaagsan loo qalabeeyo, si ay ula tacaalaan dhibaatooyinka ka dhex jira Soomaaliya, ee ma ahan in ciidamo laga qaado Soomaaliya, gudaha ayaa looga baahan yahay”. Ayuu yiri Musamali. IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur sudan. Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay. Xigasho: VOA
-
Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Shir ay maanta Hargeysa ku yeesheen xukuumadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo ku xi geenkiisa ayaa looga hadlay safarka Madaxweyne Gaas ee gobolka Sanaag. Xukuumadda Somaliland ayaa safarka Madaxweyne Cabdiwali Gaas ee gobolka Sanaag ku eedeesay xukuumadda Soomaaliya oo ay sheegtay in ay food-saare ka soo dhiganayso Puntland, waxayna intaas ku dartay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay in dagaal lagu qaado Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa shirkaas ku sheegtay in ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda Tukaraq la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho ay wada-hadlaan Somaliland iyo Puntland. Sidaan oo kale shalay Madaxweyne ku xigaaneka Somaliland iyo xisbiyada mucaanadku ayaa shir ay qabteen ku cambaareeyay safarka Madaxweyne Gaas ku marayo gobolka Sanaag. Puntland iyo Somaliland ayaa inta badan ku murma gacan ku heynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, wuxuuna mid walbaa cambaareeyaa marka madax ka tirsan kan kale ay booqdaan goboladaas. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Somaliland Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxayna kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federaal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay. Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen. PUNTLAND POST The post Somaliland oo safarka Madaxweyne Gaas ee Sanaag ku eedeysay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay boos buuxinta kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland. Kursigan uu 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax, waxaa la faray odayaasha dhaqanka ee ku jiray 135-ta inay keenaan 51 ergo doorasho, muddo 7 cesho ah oo ka bilaabaneysa 22-ka bishan. Murashaxiinta ayaa sidoo kale lagu war-geliyey inay araajidad keensadaan inta u dhaxeysa 22-ka bushan ilaa 29-ka. Akhriso, Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa xalay waxa ay israsaaseyn ku dhexmartay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ammaanka. Israsaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado. Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadkan uu ku dhintay Hal askari, halka ay ku dhaawacmeen Laba kale oo ka mid ah dhinacyada wada dagaalamay ee ka wada tirsan maamul goboleedka Galmudug. Ciidamada dagaalka qabsaday ayaa waxay ka imaadeen Magaalada Gaalkacyo waxaana isku dayey inay celiyaan ciidamo kale oo ku sugnaa Koontaroolka laga soo galo Xarunta Baarlamaanka Galmudug. Halka uu dagaalkaan ka dhacay ayaa ah hadda mid dagan sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dadka dagan Magaalada Cadaado waxaana ciidamadii u socday Dhuusamareeb u suurta gashay inay sii wataan safarkooda. Dagaalkaan ayaa salka ku hayo Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Galmudug kadib markii uu loolan siyaasadeed ka bilowday Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb. Ciidamada Galmudug ayaa dhankooda u kala jabay sida uu u kala jabay Baarlamaanka Galmudug waxayna siyaasadda siyaasadeed ee Galmudug qarka u saaran tahay inay isku badasho gacan ka hadal ama dagaal toos ah. Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna. Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed. Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey. Maxay ka tiri Dowladda Federaalka ah? Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday dhinacyada Maamulka Galmudug in ay joojiyaan khilaafka xalna ka gaaraan muranka u dhaxeeya. Maamul Goboleedyada maxey ka yiraahdeen Khilaafka Galmudug? Khilaafka Galmudug waxaa ka hadlay Maamul Goboleedyada waxaana ay ka digeen faragelin qaawan oo ay sheegeen in Dowladda dhexe ku heyso maamulka. Maamul Goboleedyada War-saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay faragelinta ka joojiso Galmudug,islamarkaana Ciidamada qaranka aan loo adeegsan arrimaha ka jira Galmudug. Aqalka sare muxuu ka yiri khilaafkan?. Goalaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada u saaray Guddiyo kala duwan. Saddex ka mid ah Guddiyadaas waxaa ay gaareen Garowe,Kismaayo iyo Baydhaba,waxaana ay Goluhu ku baaqeen in la joojiyo mooshinnada ka socda Galmudug. Marka laga aragti qaato Khilaafka Galmudug,qofka kaliya ee hadda xilka haya waa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo khilaafkan sheedda kala socda maaddaama uu u dhaxeeyo Galmudugtii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay waxaa uu maanta shirka golaha wasiirrada ku qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Shirkan oo saacado socday, waxaa la sheegayaa in lagu ansixiyey xeerka ganacsiga ee dowladda Puntland oo ay wasaarada ganacsiga dowladda goboleedka Puntland soo hor dhigtay golaha wasiirrada Puntland. Madaxweyne Gaas, inta uu halkaasi joogay waxaa uu soo kormeeray xarumaha dowladda ee degmada iyo goobta ay ka socoto wajiga 2aad ee dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo. Sanaag waxaa ay ka mid yahay gobollada ay isku heystaan Puntland iyo Somaliland, labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya Tukaraq oo ka tirsan Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Al-shabaab ayaa qarax khasaare ka dhashay waxaa ay u geysteen gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo marayey gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lambar 60 iyo degaanka Shaleembood Qaraxa oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo ka mid ah kolonyo ciidanka Millatariga ah. Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay ku dhinteen labo askari halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalka degmada Afgooye. Dhinaca kale, Al-shabaab waxaa oo sheegatay weerarka waxaa ay khasaaraha ku sheegeen 3 sarkaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa. Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta. “Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo. Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka. Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa. Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar. Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.
-
Dad tiro ahaan aan la xaqiijin ayaa ku dhintay halka 26 kale ku dhaawacmeen dagaal labo beel ku dhex maray deegaanka Dac-dheer oo ka tirsan Galmuduug balse ku yaallo dhanka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Weriyaha Goobjoog News ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay kadib markii beel horay u daganeyd dhulka ay qixiyeen Liyuu Booliis, kuna wareejiyeen beel kale, hadda ay oo Liyuu police baxeenna ay labada beel isku qabteen cidda iska leh. Dhimashada aad ayey u badantahay laakin tiro ahaan ma sheegin, laakin waxaa uu soo tabiyey in 11 dhaawac la geeyey Cadaado halka Cabud-waaq loo qaadey 15 dhaawac ah. Labada beelood ee dagaalka uu dhexmaray ayaa waxa ay sidii kale isku heystaan dhul daaqsimeed iyo ceel biyood, waa beelo weligood sidan ahaa. Ilaa hadda ma jirto, cid dhex gashay ama xal soo dhow, waxaana tani ay keeni-doontaa in dagaalka uu soo laabto goorwalba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– The US military has denied to have carried out an airstrike against Al Qaeda linked Al Shabaab group in southwest of Somalia. The U.S. Africa Command, which has carried out more than 20 airstrikes in Somalia this year, said it has not carried out a strike there since Sept. 11. said in a memo. The strike was targeted major hospital and nearby training school in Sakow, a town in Middle Juba region controlling under Al Shabaab. Somali military says the strike targeted senior Al Shabaab group’s commanders and fighters in the town, killing at least 12 militants. Hassan Yacqub, a senior militants’ commander was among those who were injured in the bombing. In a statement aired by Radio Andulus, an Al-Shabaab mouthpiece, said the strike hit major hospital and nearby training school in Sakow, leaving 3 children dead. The group also released photos of destroyed hospital building and a traning school in the town, while accusing US military of being behind the air raid. The US has carried out a growing number of drone strikes in the Horn of Africa nation in coordination with Somalia’s government. Most are against al-Shabaab but a small number have targeted Islamic State group-affiliated fighters in the Puntland region in the north. The US carried out more than 30 drone strikes last year in Somalia after President Donald Trump approved expanded military efforts against al-Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan tarmuusyada shaaha iyagoo sheegaayo in ay ku jiraan saddex kaniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka qaar ayaa jejibiyay tarmuusyadooda iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqoyi bari Kenya. Ka gudub Facebook daabacaad W.Q Abuu Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Abuu Wasirka wasaarada caafimaadka ee Ismaamulka Garissa Axmed Nadir Cumar oo BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax cudur ah oo laga qaadaayo tarmuusyada. Waxa uu sheegay in dadweynaha ay xaq u leyihin inay caafimaadkooda ilaashadaan, balse waxaa uu leeyahay wax walbo oo dalka Kenya soo galaaya baritaan ayaa lagu sameeyaa. Weriyaha BBC ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah dadka markii ay tarmuusyadooda jabinayeen, waxayna u sheegeen in hadda wixii ka dambeeyo aysan adeegsan doonin tarmuus balse jalmad ama kirli ay isticmaali donaan. ”Waxaan arkay gabdho deriskeyga ah oo tarmuusyadooda jabiyay oo sheegaya in ay ku arkeen saddex kaniin oo cudurka kansarka laga qaado, aniga keyga hadda ayaan jabin rabaa oo waxaan fiirin rabaa waxa ku jiro, saaka shaah kuma shubanin” sidaasi waxaa tiri Xariiro Xassan oo magaalada Garisso ku nool. Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegaya in ula jeedada flaska loo soo geliyay kaniiniga ay tahay in “iyaga lagu laayo”, waxayna ku doodayaan in cudurka Kansarka uusan xilliyadii hore jirin oo haddana soo batay. Xariiro Xassan ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu saaka ku yiri ” Hooyo wixii hadda ka dambeeyo, shaaha waan iska dhaafayaa, subixii canjeerada waxaan ku cabi doonaa biyo”. Hadda dadka qaar ayaa baraha buulshada soo dhigaaya sawirro muujinaayo iyagoo shaaha ka shubanaaya jalmad ama kirli. Si kastaba ha’ahaatee, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa ku baaqaya in ay dadka is dajiyaan madaama uusan waxaasi oo dhan waxbo ka jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland, xukuumadda iyo xisbiyada ayaa ku heshiiyey inay guddi u saaran is mari waaga ka taagan doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Syalici, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali ayaa si wada jir ah u sheegay inay ku heshiiyeen gudi xisbiyada iyo xukuumada ka kooban oo lafa gura arimaha ismariwaagu ka taagan yahay, sida oo kale waxa ay sheegeen in la magacaabay guddi kale oo arimaha siyaasada ee dalka iyo mandaqada wada jir uga kulma kuwaas oo ah madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada. Sida uu warbaahinta u sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, waxaa la isla gartay 2 qodob. Qodobka koowaad oo ah kii doorashooyinka waxa laysla gartay in dib loo hawl galiyo saddexdii gudi ee sadexda xisbi qaran ka socda oo dib u bilaabi doona wada hadalkoodii iyo inay ka wada hadlaan waxii caqabad ah ee ku gadaaman doorashooyinkaas. Qodobka labaad arimaha siyaasadeed ee mandaqada iyo guud ahana caalamkaba ku soo kordhay iyo dalka sidii horumar loo gaadhsiin lahaa iyadana waxa u balamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi aya au balamay axada soo socota, qarankuna waa talo la wada leeyahay maalinba ninkii loo doortaa ha hoggaamiyo haddana waxa inoo dhaqan ah inaan talo isku mid ah oo dalka lagu dhisaayo laga wada tashado.” Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiis waxa uu yidhi“Maanta waa cusub ayaa inoo bilaabmay, baryahan waan kala fogayn waydinkii naanaysta bixiyay ee yidhi handaraab, handaraabkii maanta waa uu burburay oo furihii ayaa la helay, sidaas uu madaxweyne ku xgeenku sheegay waxaanu isla eegnay arimo badan oo ina hortaagan sidaas ayaa loo kala qaaday oo doorashadu waxay suurto gali kartaa haddii aanay ciladi jirin oo haayaduu aanay shaqayn laakiin jawi aanay doorasho ku dhici karin lagama hadli karo doorasho, markaas in dildilaacii doorashada la kabo gacmaa lays qabsado iyo agabkii iyo diyaar garawgii doorashada in lays garab wado ayaa abada gudi loo sameeyay.” Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahai Cirro ayaa isaguna dhankiisa sheegay waxyaabaha lagu heshiiyay“Laba arimood ayaa laga hadlay oo ajandugu ahaa mid waxa uu ahaa doorashada midna waxa uu ahaa siyaadada ama gudaha ha ahaato ama dibada, qodobka hore ee ah doorashooyinka waxa laysla gartay in xisbi waliba uu lix xubnood soo xulo dabadeedna la gorfeeyo oo laga wada hadlo arimaha doorashada khuseeya, qodobka ku saabsan siyaasadana waxa laysla gartay kulankii ugu horeeyay ama is bedelada socda ha nqoto, gudaha iyo dibadaba waxii siyaasad ku saabsan in madaxweynaha labada guddoomiye iyo laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah ka socda axada laysu yimaado oo laga wada hadlo arimaha khuseeya qaranka, labadaas arimood ayaa laysla soo qaatay waxbana maanta lama gudo galin laakiin waa loo balamay in arimahaas la gudo galo.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali lawmaker has accused country’s National Intelligence and Security Agency (NISA) of sacking at least 200 security soldiers over unknown reason. Hon. Mo’alim Ali slammed the latest decision to have fired the soldiers in what he said were on their way to eradicate Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. “We learned that 200 security soldiers from NISA were fired without reason. The fired soldiers have now no jobs to fend themselves”, he said. He says it would be major problem if the fired soldiers share the information with Al Qaeda linked Al Shabaab battling the weak-western backed government of Somalia. There was no immediate comment from the country’s Intelligence over the latest allegations. Caasimada Online Mogadishu News Online Caasimada@live.com