Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,023
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uusan xiriirka u jarin DFS. Shariif Xasan waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la kala saaro “xiriir u jaris iyo hakin wada shaqeen”. Waxa uu sheegay inay ku dhawaaqen kaliya hakat ku imaaday wada shaqeynta uu maamulkiisa la lahaa dowlada Dhexe ee Somalia, balse aanu jarin xiriirka. “Dadku waxaa isaga khaldan xiriir la jaro iyo wada shaqeyn hakat gasha, anagu waxaan hakinay wada shaqeynta aan la laheyn dowlada ee ma aanan u jarin xiriirka” Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay keliya in dowladda dhexe ay la shaqeyn waayeen, taasina ay keentay in ay joojiyaan keliya wadashaqeyntii ay la lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Nuqulo coda oo ay baahisay Idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay in Shariif Xasan uu wax kama jiraan ka dhigay inay xiriirka u jareen Dowlada Somalia. Nuqulada ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan hakinay xiriirkii wada shaqeynta balse ma aanu sheegin in xiriirka aan u jarnay dowlada Dhexe” Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa tabanaaya faragalin waxa uuna muujinayaa in kalsooni daro ay ka heysato dhanka doorashada, maadaama uu walaac ka qabo in dowlada Somalia ay ku sameyn doonto faragalin. Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in dadaal xoogan ay ku bixiso sida ay kusoo celin laheyd maamul Goboleedyada oo iyagu is biday inay ka maarman dowlada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Maamulka ka arrimaha Kismaayo ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe, balse aan anigu ugu yeero horjooge, sheekadiisu wey soo dhaaftay ‘Alam Tara”, oo hadda waxa uu marayaa meel aan talo iyo toosan midnaba wax loogu tari karin. Sida wasiirka qorsheynta maamulkaas ku eg dekedda iyo madaarka Kismaayo uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxa uu Axmed Madoobe qaadacay ka soo qeybgalka shirka suluxa ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Baaqa madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii madaxweyneyaasha maamullada ee aan u aqaan horjoogeyaasha shir maalmo ugu socdaya oo ay ku sheegeen in ay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe joojiyeen. Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yey la shaqeynayaan markaa? Axmed Madoobe oo la ogyahay sida uu Kismaayo ku yimi iyo sooyaalkiisa ayaa fursad loo siiyey in uu dhiso maamulka Jubbaland oo ka kooban Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbada Hoose, hase ahaatee, waxa uu muddo shan sano ku dhaw dhaafi la’yahay dekedda Kismaayo iyo madaarkeeda! Baaqayga dowladda Waxaan rabaa in aan ku booriyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ficiladda gurracan ee Madoobe soo dhaafay heerkii loogu dulqaadan lahaa, oo haddii madaxda iyo shacabkaba ilaalinayen dadnta guud balse kooxdiisu ka doorbiday fowdo iyo kala dambeyn la’aan, in aan halkaas loo dhaafin! Dowladda sidoo kale waa in ay qaado tallaabooyin adag oo ay maamulka Jubbaland ee uu curyaamiyey ninka isula baxay madaxweynaha balse leh hab dhaqankii Barre Hiirale iyo Moorgan ka hor leexiyo bulshada jecel dowladnimada iyo in qarankii Soomaaliya dib cagahiisa isugu taago. Xaqiiqda ayaa ah in Axmed Madoobe, iskaba daa beelaha kale ee dega Jubaland, uusan haysna taageerada beesha uu ka dhashay, uuna mooday inuu Soomaaliya oo dhan maamulo, isaga ooh al xaafad ku siman. Haddii dowladda sharaftay oo ay gaarsiisay maqam uusan gaarin, isna uu ugu abaal-dhacay jees-jees, ma furna xal aan ahayn in meesha laga saaro. W/Q: Xuseen Yusuf (Xuseen Seylici) Minneapolis, Minnesota, USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Garowe (Caasimada Online) – Kooxda Puntland Focus Group, oo ah isbaheysi ay leeyihiin musharaxiinta madaxweyne ee maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah mashruuc uu Jarmalka ka fulinayey Puntland, kaasi oo lagu dhisayey waddo isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo, balse la joojiyey, musuq-maasuq dartiis. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA: Puntland Focus Group [PFG] waxay si dhow ula socotaa warbixintii ay soo saartay Safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Kenya, taariikhdu markay ahayd 06-09-18. Warbixintaas ayaa ku saabsan in ay si buuxda uga baxday heshiiskii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee ay GIZ kula jirtay Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), sababo mugdi iyo musuq shaqada la xiriira darteed. Sidaa awgeed, 1. PFG waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in mashruucii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee halbowlaha u ahaa dhaqaalaha iyo isu socodka Puntland iyo Soomaaliba uu musuq-maasuq dartiis u joogsadey. Mashruucaas oo laga soo shaqaynayey in ka badan toban sano ayaa gacanta Madaxweyne Cabdiweli GAAS ku burburay musuq-maasuq darteed. 2. PFG waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loola xisaabtamo, sharcigana loo horkeeno ciddii ka damaysay fadeexaddan qaawan ee lagu weeraray tiirarka dhaqaalaha Puntland. 3. Waxaan Dawladda Jarmalka iyo Hay’adda GIZ ka codsanaynaa inay wixii kaharay lacagtii dhismaha wadada XARFO-JALAM hakiyaan oo aan meel kale loo duwin inta ay dhacayso doorashada Puntland ee January 8, 2019 ee loo helayo hogaan cusub oo saxa khaladka dhacay. Majiro mashruuc uga muhiimsan reer Puntland dhismaha wadada XARFO-JALAM oo lacagtani geli karto. 4. Waxaan si weyn ugu mahad-celinaynaa Dawladda Jarmalka oo taageero balaaran oo dhinacyo badan taabanaysa siisa Puntland, waxaanna rajaynaynaa inaysan dhacdadaan xumi marna saamayn ku yeelan mashaariicda kale ee socota ama qorshaysan. 5. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Cabdiweli GAAS iyo xukuumadiisa sii socota “inaysan marna dhaleecayn caalwaa ah” u soo jeedin Dawladda Jarmalka iyo GIZ si looga fogaado waxyeello u timaadda xiriirka iskaashi ee mustaqbalka. Xubnaha Puntland Focus Group: Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale) Cali Xaaji Warsame Faarax Cali Shire Jamiila Saciid Muuse Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Khalif Ciise Mudan Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) Saciid Cabdullahi Deni Dr Maxamed Salaad Qoryooley Warar dheeraad ah la xiriir; Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Af-Hayeenka Puntland Focus Group, Email: dhollowaa2013@gmail.com: Telka Gacanta: (Australia) +61416547736 – DHAMAAD –
  4. San Francisco (Caasimada Online) – Facebook iyo Twitter waxa ay tirtireen kumanaan dhigaal, bogag iyo akoonno iyaga oo ka jawaabaya dalabyo uga yimi wasaaradda cadaaladda ee Israel, sidaas waxaa warisay aracaddii Qudus Press. “Waan ku guuleysannay yoolkeennii maadama 70 boqolkiiba dalabyadeenii ahaa [Tirtiridda waxyaabihii ku qornaa Facebook iyo Twitter] la fuliyey,” waxaa sidaas tiri wasiirka cadaaladda ee Israel Ayelet Shaked, sida laga soo xiganayo jaraa’idka Yuhuudda ee Yedioth Ahronoth. Sidoo kale waxa ay ku dartay: “Waxaan ku guuleysannay in aan tirtirno waxyaabihii ku baaqayey kicinta ee baraha bulshada iyo xasaradaha dhammaan guud ahaan Internet-ka”. “La dagaalanka kicinta iyo waxyaabaha ceebka ah ee ay xambaarsan yihiin waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada waan ka hortageynaa” ayey tiri Shaked, oo intaas ku dartay “Wada shaqeyntii ay la lahayd Facebook, Twitter iyo Google Israel ee ku saabsanaa waxyaabaha kicinta iyo xasaradaha ee ay Falastiiniyiinta soo dhigto Internet-ka waa taagan tahay” Shaked waxa ay sheegtay in marka kicinta Internet-ka hoos u dhacdo ay weerarada Israel hoos u dhacaan. “Taas waxa ay caddeyn u tahay in uu xiriir toos ah ka dhexeeyo kicinta Internet-ka iyo xasaradaha Israel,” ayey tiri. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  5. Qaybta 5-aad, Halkan ka aqri qeybtii hore Haddii lala kulmo musiibo, waxaa habbon in ka hortaggeeda lagu saleeyo dhowr marxaladood (phases) oo kala horreeya. Tallabada ugu horreysa waa in la xakameeyaa kaddibna lagu dhaqaaqaa baaris nooca musiibada, sida wax u dhaceen, khasaaraha laga dhaxlay iyo in laga xaajoodo sidaanay dib dambe u dhicin. Tusaale, musiibo daad ama fatahaad iyo, waxaa habboon in marka hore lagu dhaqaaqo in la xakameeyo si looga hortago in khasaaruhu sii ballaarto. Kaddib, waxaa lama huraan ah in la tirakoobo khasaaraha ay gaysteen ugu dambeenna xal loogu helo sidii looga gaashaaman lahaa inaany dib dambe u dhicin. Haddab, waxaa laysku raacay in hay’adda sirdoonka ay shaqadeeda si hufan ugu gudan kartaa iyadoo xoogga saarto uruurinta macaluumaad isugu jira mid xuuraan (Intelligence) iyo mid Lid-Xuuraan (Counter Intelligence), iyadoo kaashanaysa ilaha tirada badan (sources) ee ay hay’adaha wardoonku ka helaan wararka. Taasi waxay ku suurtoobi kartaa in culeys la saaro inay adeegayaal ku yeelato qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda, ganaacsatada, dadweynaha, hay’adaha bulshada rayidka ah, ciidammada, siyaasiyiinta, odeyaasha dhaqammada, culimaada, hay’adaha waxbarashada iyo kuwo kaloo tiro badano oo aan halkan ku soo koobi karin. Waxaan ogsoonahay in 80%, hay’adaha sirdoonku ay wararka muhiimka ah ka helaan ilaha aan kor ku soo sheegay. Tusaale ahaan, NSS-tu waxaa adeegayaal u ahaa xubno ka tirsan dhammaan ilaha aan kor ku soo sheegnay oo run ahaantii door weyn ka soo qaatay horumarka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Waxaan hubaa in dad badan ayan i rumaysanayn haddii aan iraahdo xubnahaas adeegayaalka ah ay ku jireen wasiirro, wasiir ku-xigeenno, saraakiil iyo sarakkil xigeenno,odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin kala duwan, bareyaal wax ka dhigayey heerarka kala duwan ee waxbarashada. Xubnahaas oo dhan waxay NSS-ta ku lahaayeen galal si gaar ah loo xafidayay si loo asturo shaqsiyadooda (Privacy) oo ka mid ah tiirarka asaasiga u ah hay’ad sirdoon, waayo mar haddii mas’uuliyadeeda tahay inay ilaaliso wax kasta oo wax u dhimaya nabadgelyada, waa inay marka hore teeda ku dadaashaa. Qofkii tiisa daryelaa tu kale ku dara. Hay’adda Sirdoonku marna kuma milmi karto siyaasadda, waayo waa hay’ad farsamo (technocratic), sida ciidammada kale oo hawshoodu la jaaanqaadi karaan dawlad kasta oo dalka hoggaanka u qabato. Marnaba waa khalad in loola macaamilo sidii hay’ad siyaasadeed, mana ma aha mid u baahan in loo tilmaamo hannaanka siyasadeed ee dawladda, waayo mas’uuliyaddeeda waa mid qayaxan oo aan marnaba is beddelayn mana u baahno inay ku dhex milmaan shakhsiyaad habeenkii ku seexdo faleebbo qabyaaladeed. Cidna ma inkiri karto in Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed tan iyo burburkii Dawladdii Dhexe ay weli ku jirto ay ku dhacday god halaq galeen ah ilaa haddana ku sii socoto. Anigu waxaa talo iga ah in musiibada ku habsatay Nabad Sugidda Soomaaliyeed looga hortegi karo iyadoo la adeegsado tusaalooyinka aan kor ku soo xusay. Waa maxay musiibada ku dhacday iyo khasaaraha ay gaysatay? Musiibooyinka waa badan yihiin, hase yeeshee waxaa ugu daran burburka guud ee dalka ka dhacay sababayna in ciidankii xirfadda u laha sirdoonka kala firdhay oo intooda badan qurbaha u haajiray, lana garan waayay in laysku uruuriyo kaddibna la hawlgeliyo. Faa’iidooyin badan ayaa laga dhaxli lahaa hawlgelintooda, waayo uma baahna tababar iyo in loo tilmaamo hawsha ay qabanayaan intii la hawlgelin lahaa dad aan iyaga laftooda la hubin daacadnimadooda iyo waddaniyaddooda laguna xulay habab gurracan oo ah kuwa maanta Soomaaliya heerkaas gaarsiiyey. Guri, asaas la’aan lama taagi karo, saqaf aan la hubinin tayadiisa lama dugsan karo. Sidaa awgeed, xalku wuxuu ku jiraa in marka hore la fahmaa hawsha hay’ad sirdoon, ilayn waxaan u soo taagnayn in ay lahayd ciidan leh lebbis watayna hubka noocyadiida kala duwan. Tan labaad, waa in loo xulaa shakhsiyaad khibrad u leh hawsha ay qabanayaan. Anigu, marna igama sugaysaan inaan dhaleeceeyo hannaanka siyadeed ee dawladda, hase yeeshee waxaa waajib igu ah isla markaana damiirkaygu ii saamaxayn inaan indhaha ka qarsado haddii ay soo if baxaan tallaabooyin gurracan oo wax u dhimayo magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed…La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal ay dowlada Somalia ka dhexwado dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo isku haya dhul iyo Maxaabiis. Wadahadalka ay dowlada Somalia ka dhexwado labada dal ayaa iminka gaaray heerkii ugu danbeeyay waxaana socda kala qorashada qodobada Heshiisyada. Wasiirka arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo arrintan ka hadlaayay ayaa sheegay in inta badan leysku fahmay wadahadalka kala dhexeeya Eriterea. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in wadahadalka uu iminka maraayo meeshii ugu danbeysay isla markaana ay harsan yihiin keliya qodobo kooban. Waxa uu tilmaamay in dhawaan la kala saxiixan doono Heshiiska isla markaana ay wada kulmi doonaan labada Madaxweyne si ay isu gacan qaadan. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadaneyso heshiisiinta Eriterea iyo Jabuuti, waxa uuna tilmaamay in heer gabagabo uu marayo wadahadalka. Waxa uu Farmaajo tilmaamay in heshiis rasmi ah dhawaan laga gaari doono khilaafka labada dal, Soomaaliyana ay qaadan doonto kaalinteeda rasmiga ah. Heshiisyada ay isku afgarteen labada dal ayaa waxaa kamid ah in Jabuuti dib loogu celsho dhul baaxad weyn oo ay ka heysato Eriterea iyo in leysku celsho Maxaabiis ay kala heystaan labada wadan. Dowlada Somalia ayaa laheyd wadahadalka miro dhalay waxaana garab ku siiyay dowlada Ethiopia oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Eriterea. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in kulan wada jira leysugu geeyo Madaxweynayaasha Eriterea iyo Jabuuti si ay heshiis u wada gaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa Goobjoog News wareysi uu siiyay kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca siyaasadda, isagoo ku dheeraaday khilaafyada iminka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee shanta ah. Wuxuu sheegay in madaxda hadda joogta Madaxtooyada Soomaaliya aynaan daacad ka ahayn in wadanka horay looga dhaqaajiyo halka uu iminka joogo, oo laga saaro marxaladaha qalafsan oo ay horreeyaan caqabadaha amniga iyo siyaasadaha iska soo horjeeda. “Wallaahay waxaa isleeyahay horta Ilaaheey waxaan ka baryayaa in umadda Soomaaliyeed wixii kheyr ah inuu tuso, in madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha waxaa la rabaa inay iska dhaadhiciyaan laba waxyaabood oo muhiim ah inay sameeyaan war waqtiga aad joogtaan waa wax iska yar midda labaadna waxaa weeye waxaa loo baahan yahay Soomaaliya wax walba kama qaban karaan arrin oo muhiim ah, wali waa cakiran tahay wali Shabaab baa heysta qeybo kamid ah ciidamadii AMISOM baa jooga marka waa inay qodobo sheegaan oo ay dhahaan intaan iyo intaan baa qabanaynaa oo dowlad goboleedyadana ay kala shaqeeyaan, waxaase muuqata in qolo kasta ay dhinac wax u wadato” ayuu yiri siyaasi Ciise Maxamuud Faarax. Madaxda ugu sarreeya dalka ayuu ugu baaqay inay xaaladda cagaha dhulka u dhigaan. Xukuumadda Muqdisho ayuu ku dhaliilay in ay tahay mid Villa Somalia uun ku eg oo aysan jirin tabar iyo taag gobollada kale ah isagoo sheegay in dalka intiisa badan ay dowlad goboleedyada gacanta ku hayaan. Sidoo kale,waxaan wax ka weydiinnay caqabadaha ay ku sababi karaan isla gudaha maamullada Puntland iyo Galmudug oo maadxweynayaasha maamulladaasi ku xigeennadooda ay ku gacan-seyreen qodobadii shirkii Kismaayo laga soo saaray sabtidii la soo dhaafay. HALKAN KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-FAARAX-10-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Jigjiga (Caasimada Onlien) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar “Cabdi Iley” iyo xaaskiisa ayaa shaaca ka qaaday in maanta si xun loo jir-dilay, uuna ku sugan yahay xaalad illaa hadda aan la ogeyn nolol iyo geeri. Hooyo Deeb Mahad Colow ayaa sheegtay in ayada iyo afar qof, oo xaaskiisa ay ka mid tahay, oo cunno u qaaday Cabdi Iley ay ugu tageen gurigii lagu hayey, islamarkaana ay arkeen isaga oo la jir-dilayo, oo si xooggan loo garaacayo. Waxa ay sheegtay in laga soo tuuray 30 jaran-jaro, islamarkaana aad looga garaacay madaxa, uuna ku qeylinayey “Tol la’aayeey, tol la’aayeey” kadibna lagu tuuray meel god ah, isaga oo meyd u muuqda. Waxa ay sidoo kale sheegtay in illaa sideed nin ay si xun dhulka ugu jiidayeen, kuwaas oo sidoo kale eryaday ayada iyo qofkii la socday. Waxa ay intaas ku dartay in ayada xitaa ay dhulka ku tureen. Hooyo Deeb Mahad Colow waxa ay shaaca ka qaaday in Cabdi Iley uu muuqda meyd, islamarkaana aysan hubin inuu dhintay iyo inuu nool yahay. “Xitaa waa naga diideen inay meydka na siiyaan” Hoos ka dhageyso wareysiga Hooyo Deeb.
  9. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si cad u muujisay cidda leh mudnaanta xallinta khilaafka xuduudeed ee Jabuuti iyo Eritrea, oo dhowaan horumar laga sameeyey sidii xal looga gaari lahaa. Qoraal la soo dhigay Twitter-ka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ay leeyihiin mudnaanta so afjaraddii xasaraddaas mudadda taagneyd ee u dhexeysay labada dal ee jaarka ah. “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullahi ayaa dejiyey xal u helidda murankii xuduudeed ee mudadda dheer u dhexeeyey Eritrea iyo Jibuuti.” Warkan ayaa soo baxaya xilli dhawaan shir saddex geesood oo ah oo magaalada Asmara uga furmay lagu go’aamiyey in qorshaha nabadeynta ee gobolka laga soo qeybgaliyo Jabuuti. Dhinaca kale, Xildhiaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo la socday wafdigii Soomaaliya uga qeybgalay shirkaas saddex geesood ah ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya lahaa soo jeedinta in Jabuuti aan laga reebin himilada ah in gobolka Geeska Africa nabad lagu soo dabaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale. Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha Siteembarr soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto. Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”. Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda. Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD. Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan. 22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti. Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World. Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. ISHA BBC Somali
  11. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay eedeymo culus ugu soo jeediyay xukuumadda Muqdisho. Madaxweyne Waare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in amniga caasimadda iyo kuwa dowlad goboleedyadaba uu faraha ka baxay, islmarkaana dowladda ay kuw argaliyeen balse ay dhag jalaq u siinin. Wuxuu kaloo Villa Somalia ku dhaliilay in burburin iyo dhibaato ku heyso sida labada dowlad goboleed ee dariska ah oo kala ah midka uu isagu hoggaamiyo ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga oo is weydiiyay su’aal aheyd wax kaliya labadaas dowladood loo bartilmaameedsanayo. ‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin shanta maamul gobolleed ee dalka ka jira, waxaa moodaa in dowladdu si gaar ah u bartilmaameedsaneyso labadan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, dowladda waxaa leeyahay waa la arki doonaa Hirshabeelle iyo Galmudug haddii ay Ari yihiin’’ ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Hoggaamiyaha Hirshabeelle Waare oo soo hadal qaaday maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in guddoomiye kasta uu fiirsanayo mushaarkiisa iyo sidii uu shaqada u sii joogi lahaa. Wuxuu meesha ka saaray in xoriyatul qowlka dowladda dastuurkeeda ku qoran uusan wax miisaan ah lahayn, isagoo tusaale u soo qaadanaya guddoomiyihii degmada Xamarweyne oo eedeymo uu jeediyay xukuumadda federaalka xabsiga loo dhigay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/codka-waare-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax dhibaato ah ay dhex yaallaan dowladda dhexe iyo Hirshabeelle. Guddoomiyaha gollaha wakiillada dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in xukuumadda dhexe iyo iyaga wax dhibaato ah aysan ka dhex jirin. Hadalkani ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle eedeymo culus ay u dhiteeyeen xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Gud.-Baarlamaanka-Hirshabeelle-Wax-dhibaata-ah-oo-Hirshabeelle-iyo-DF-oo-dhaxyaala-ma-jiraan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Farmaajo ee gollaha amniga qaranka. Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Qorshaynta ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka dhawaajiyay in Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uusan imaan doonin magaaladani Muqdisho islamarkaana uu ka qeyb gali doonin shirka Gollaha Amniga Qaranka oo uu Madaxwayne Maxamed Farmaajo ku baaqay fiidnimadii sabtida ahayd ee la soo dhaafay. Sida qorshaha uu yahay shirka oo la doonayo in uu ka dhaco maagaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay in uu ka qabsoomayo magaaladani 17-ka illaa iyo 18-ka bishani aynu ku guda jirno ee September 2018, sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia. Baaqaasi Madaxwaynaha dowladda federaalka Farmaajo ayaa yimid saacado yar kaddib markii warsaxaafadeed laga soo saaray baxay Shirkii Magaaladda Kismaayo ugu gabagaboobay Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda, kaasoo ay ku sheegeen inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda kala dhaxaysay. Wasiirka qorsheynta Jubbaland Aadan Aw-Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu ku shaaciyay in marnaba maamulkiisa uusan shirkaan kasoo qaybgeli doono, maadaama ay joojiyeen xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federaalka. “Inkasta oo Gollaha Iskaashiga maamuladda uu ku dadaalayo in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo lala yeeshaan Xukuumaddayada Federaalka oo raadineysa xal xeeldheer oo la xidhiidha hannaanka ku-meel-gaadhka ah ee waddanka, lama filayo inaan ka soo qaybgalno shirka Golaha Ammaanka Qaranka ee soo socota, sida lagu xayeysiiyay barta Twitter-ka ee xafiiska Madaxwaynaha,” ayuu uqornaa qoraalka Wasiirka. Mudane Aw Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay inuu si cad daboolka uu uga qaadayo in maamulkiisa uu ka sugayo Madaxtooyadda Soomaaliya inay jawaab cad ay kasoo bixiso gabi ahaanba War-muriyeedka Shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamuladda iyo dhaliilaha loogu jeediyey. “Waxaan haatan ka sugeynaa Villa Soomaaliya inay si qoto dheer uga hadlasho, ayna meelayso digniinta khatarta ah ee lagu sheegay War-murtiyeedka Shirka Saddexaad ee Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda,” ayuu raaciyay. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu noqonayaa maamul goboleedkii ugu horeeeyay ee ka tirsan Gollaha Iskaashiga dowladaha xubinta ka ah xukuumadda federaalka, kaasoo ka horyimid shirka uu ku baaqay Madaxwaynaha, lamana ogga mowqifka kuwa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay qaraxyada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ay ku shaqeeyaan. Subaxnimadii Isniinta 10-09-2018 ayay ahayd weerarkii ugu dambeeyay markii lagu qaaday xarunta maamulka degmada Hodan. “Runtii aad beey ii dhibeysaa inay caado noqotay kalmad kasta oo ayaantay la billaabayo in tacsi lagu billaabo, waxay nuxurka ka qaadaysaa tacsidii, waxay baabi’inaysaa dareenkii uu qabay beni’aadamku uu qabay waxay ka dhigaysaa wax caadiya musiibo maalin kasta dhacaysa, haddamna in laga tacsiyeeyo waa ku qasbanahay dhibaato kasta oo shacabkeenna ku dhacda, aad baa uga tiiraanyeeysanahay dhacdadii labaad oo degmada Hodan maanta ka dhacday” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweyne Maxamed Waare ayaa daboolka ka qaaday in ay muhiim tahay in la helo cid lagu la xisaabtami karayo masuuliyadda qaraxyada dhacaya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/waare-iyo-Qaraxii-Maanta.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa heshiis is faham ah magaalada Nairobi kula saxiixatay Xarunta Caalamiga ah ee Qiimaynta iyo Horumarint ee lagu magcaabo ICED taas oo waddamo badan caalamka ah ka hawl-gasha. Heshiiska oo ah mid looga gollahaa iskaashi dhex mara labada dhinaca oo la xiriira tayay iyo khibrad is weydaarsi ayaa dhanka Puntland waxa laysla qaatay in wax laga qabto tayaynta shaqaalaha Waaxda Qiimaynta iyo Kormeerka ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo sidookale sidii loo dejin lahaa hannaan daah furan oo ku salaysan xog is weydaarsi. Sidoo kale waxaa laysla qaatay in lawada diyaariyo Manhajka barashada Daraasaadka Kormeerka iyo Qiimaynta si loo waafajiyo baahida rasmiga ah ee Waddanka ka jirta iyo sidoo kale in Wasaaradda iyo Xaruntu ay yeeshaan kulamo is dabo joog ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dhinac. The post Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo heshiis la gashay Hay’ado Caalami ah appeared first on Puntland Post.
  16. Washington DC (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa xiray xafiiskii [safaaraddii] Falastiin ee Washington iyada oo uga gol leh in ay cadaadis hoggaanka Falastiiniyiinta ku saafta ka tanaasulidda ololaha Israel ka dhanka ah ee ay geysay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, International Criminal Court (ICC). Mas’uul sare oo ka tirsan Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xafiiskiisa go’aankaas lagu soo wargaliyey iyada oo loogu daray in Mareykanku uu tallaabadan u qaaday in uu ku Israel dambiyadeeda ku badbaadiyo. Si kastaba qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in safaaradda loo ogolaaday inuu ahaa in looga shaqeeyo nabad dhex marta Israel iyo Falastiin, taasi oo Falastiiniyiinta ay ku guul-darreysteen. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Falastiiniyiinta ay diideen qorshihii nabadda baraga dhexe ee madaxweyne Trump, ayaga oo aan xitaa arkin. Qorshahaas ayaa waxaa qeyb ka ah in magaalada Qudus ay tahay magaalo Yahuudeed oo anaay Falastiiniyiinta sheegan karin, sida la tuhunsan yahay. Maamulka Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel. “Waxaan ku celinayaa in xuquuda dadka Falastiin aysan iib ahayn, iyo in aynaan isu dhiibi doonin hanjabaada iyo guul guulka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Saeb Erekat, oo ah diblomaasi sare oo Falastiini ah. “Sida ay tahay, waxaan sii wadi doonnaa in aan maxkamadda dambiyadda caalamiga ah in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameyso dabiyada Israel,” ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Washington DC Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (PP) ─ Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kal-fadhiga afaraad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga sare ee Aqalka sare ayaa ka baaqsaday furitaankii Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, iyadoo la filayay in Labada Aqal oo wadajir ah in Kalfadhigooda 4aad la furi doono, balse Madaxweynuhu uu furay kaliya kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka. Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha murugsan ee siyaasadeedamni iyo mida nidaamka Federaalka oo sii xumaanaya ee uu dalku marayo, waxaana Guddigu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin iyo dadaalo xaldoon ah oo uu Aqalka Sare u marayo matalaadiisa dastuuriga. AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay Aqalka sare ee Baarlamaanka FS. PUNTLAND POST The post Aqalka sare ee Baarlamaanka oo bayaan kasoo saaray sababtii ay uga baaqdeen… appeared first on Puntland Post.
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa isku dayaysa inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Africa Intelligence. Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya. 21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay. Fahad Yaasin, ayaa Daily Nation uu sheegay, inuu sheegtay inuu Mandera ku dhashay 19-kii July 1978-kii, halka kaarkiisa aqoonsiga Soomaaliga uu caddeynayo inuu Soomaaliya ku dhashay. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana kaarkiisa kibaandhaha waxaa ku qoran inuu dhashay Apri, 5, 1978-kii, waxaana lasoo saaray 2001. Wargeyska Africa Intelligence ayaa qoraya in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ka dhaadhicinayo dhiggiisa Kenya in xukuumadda Soomaaliya loo ogolaado inay arrintan ayada la macaamisho, hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi uu diidan yahay inuu joojiyo baaritaanka. Wargeyska ayaa sheegay in Fred Matiangi uu amray in Fahad la xiro haddii uu soo caga dhigo dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya weli si shaacsan ugama hadlin arrntan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Waayahan dambe, waxay warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal hayeen xurguf uu ku lug leeyahay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Cabdalla Cabdalla, oo maalin ka hor laga xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidan. Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa waxa uu yahay khilaafla u dhexeeya Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA. Maxay isku haayaan Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka NISA? Wareysi uu Cabdalla Cabdalla siiyay VOA markii xilka laga qaaday ka dib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday. Mas’uulkan muddo dhowr sano ah ayuu u shaqeynayay NISA. Inkasta oo dowladdu aysan sheegin sababta xilka looga qaaday, ayaa haddana Cabdalla Cabdalla iyo Taliye kuxigeenkii kale ee hay’adda (NISA) Cabdiqadir Maxamad Nuur, oo Jaamac ku magac-dheer, waxaa labadaba la casilay ka dib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen. Waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya. Jaamac waxaa loo magacaabay inuu la taliye u noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka, laba maalmood markii xilka laga qaaday. Sidaa darteed, warbaahinta lama hadlin, wax eed ahna ma jeedin. Cabdalla Cabdalla iyo warbaahinta Xil ka qaadista ka dib, Cabdalla Cabdalla waxaa uu ka hadlay warbaahinta, waxaana uu si qota dheer uga hadlay xaaladda hay’adda NISA, isagoo xitaa sheegay in xafiiskiisa la jabsaday. Cabdalla ma ahayn nin warbaahinta la hadla, laakinse wareysi uu siiyay VOA ayuu ku sheegay in 18-kii ee la soo dhaafay uu ku dadaalay in “madaxweynaha aan la dhumin oo aan la go’doomin,oo xaq u yeesho waxa waddanka ka jira”. Sirta Dowladda Dunida inteeda kale, sirdoonka waa hay’adda ugu muhiimsan dalka, taasoo ka shaqeysa amniga waddanka. Jen Maxamad Ibraahim Guubir, oo ka tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay “dembi qaran tahay” in mas’uul sare oo ka tirsan hay’adaha nabadsugidda uu warbaahinta kala hadlo waxyaabo aan loo igman. Waxaa uu intaasi ku daray Jen Guubar in madaxda amniga ay maraan dhaar ah inay xafidi doonaan sirta qaranka, hadii ay ka baxaana, ay micnaheedu tahay inay ka baxeen “ballantii ay qaadeen”. Darajo ka qaadista Ka dib muranka dheer ee u dhexeeyay Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu darajadii ciidan ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla. Jen Guubir oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa sheegay in madaxweynaha uusan darajada ciidan iskii u xayuubin Karin. Guubir wuxuu kaloo sheegay inay ahayd in guddi qaran loo saaro howshan. Waxaa uu leeyahay “in kasta oo ay khalad tahay in taliye hore oo amni uu sirta dowladda kala hadlo warbaahinta, aysan haddana sax ahayn in si fudud darajo ciidan lagu xayuubiyo. Waxay in guddi qaran uu go’aankaasi gaaro, baaritaan qoto dheer ka dib”. Khilaafkan meeshiisii ugu sarraysay gaaray ee keenay in darajo xayuubinta mooyee xataa laga saaro sarkaalkaas xubinnimadii NISA ayaa loo aanaynayaa laba sababood. Mid waxay salka ku haysaa xil ka qaadidda, lamana shaacin. Inkastoo sababo iyo magacyo shakhsiyaad kale oo xilal haya la isla dhex marayo, haddana xaqiiqda waxaa og inta uu khilaafku u dhaxeeyo. Tan labaad ee loo jeedo ayaa ah hadalkii uu warbaahinta siiyey Cabdalla Cabdalla. Marka laga yimaado doodda ah in aan laga hadli karin sirta amni ee dalka, haddana waxaa jira xuquuqo u ogolaanaya qofka inuu hadli karo, waxaase jira xuduudo celinaya. Xuduudahaas miyuu ka gudbay Cabdalla Cabdalla oo ma isagaa khaldan, mise dawladdu way ku fududaatay oo ayadaa ka khaldan? Waa laba su’aal oo aan jawaabtood au daynayno wakhtiga iyo dadka xog-ogaalka ah. Isha: BBC
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaday in dowladiisu ay Barnaamijka lagu magacaabo Isxilqaan ku dhiseyso ku dhawaad 6 Xarumood oo muhiim ah. Madaxweyne Farmaajo oo maanta Khudbad ka jeedinaayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladiisa ay ku guuleysatay qorshaha lagu dhisaayo 6-da Xarumood. Farmaajo waxa uu ujeedka barnaamijkaasi ku sheegay mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka uga qeyb qaadanayan si loo soo celsho bilicda. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Somalia ay xooga saareyso sida lagu soo nooleyn lahaa dhismayaasha goobaha muhiimka u ah dowlada, waxa uuna cod dheer ku sheegay goobaha la dhisayo, cidda ka qeybgaleysa iyo xilliga ay shaqooyinkaas qabsoomayaan. Waxa uu shaaciyay 6-da xarumood ee muhiimka ah isla markaana lagu dhisaayo Barnaamijkan is xilqaam kuwaa oo kala ah:- 1-Xarunta Madxafka qaranka 2-Xarunta Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha 3-Xarunta Maktabadda qaranka 4-Xaruntii dhexe ee Xisbiga 5-Muqdisho Istaadiyoom 6-Cisbitaalka Banaadir Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”. Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda, bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan 26 bishii Juun ee sanadkan kaasi oo iminka laga soo xareeyay dhaqaale xoogan oo kaafinkara dhismaha xarumahaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Bosaso[Puntland Post]-Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweyey musharax Madaxweyne Faarax Cali Shire oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019. Waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Maamulka Gobalka Bari,qaar ka mid aha Saraakiisha ciidamadda dawlada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Dadweynihii soo dhaweeyey musharaxa ayaa waxa ay uga hortageen Garoonka diyaaraaha Bosaso ,waxaana halkaasi uu musharaxa ugu gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyay magaalada. Musharax Faarax Cali Shire ayaa waxa uu la hadlay dad weynihii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay magaalada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono bulshada inta uu joogo Bosaso. Soo dhaweynta loo sameeyey Musharax Madaxweyne Puntland Faarax Cali ayaa si weyn looga dareemay magaalada Bosaso waxaana la filayaa in uu shir gaar ah la yeesho waxgaradka,nabadoonada, haweenka iyo qeybaha bulshda ku dhaqan magaalada Bosaso. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharax Faarax Cali Shire oo Bosaso lagu soo dhaweeyey appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla. “Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka. “Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika. “Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis. “Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla. “Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka. “Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika. “Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis. “Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.” Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  24. Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan Maanta ku yeeshay xarunta aqalka sare Kulanka oo uu shir guddomiyay Guddomiyaha Golahan Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa laga soo saaray War murtiyeed. Qodobada ku jiray War-murtiyeedka waxaa ka mid ahaa in uu u furmi waayay kalfadhiga 4-aad sababo amni iyo kuwo farsamo awgeed. Dhinaca kale guddiga ayaa intaas raaciyay in ay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee golaha aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Jowhar (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka ka jira deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilmaamay mid ay ku riyoodeen. Dhawaan ayay aheyd markii War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ay sheegeen in ay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya. ”Warka ka soo baxay Shirkii Kismaayo waa mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka ka jira Galmudug,waana mid aan waxba ka jirin oo riyo ah, Wixii ka soo baxay shirkaas leyskalama tashan mana na meteli karaan,waxana codsaneynaa in ilgaar ah lagu haayo Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed aya isna waxa uu sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma. “Dowladdu waa jir, dowlad gobolleedyaduna waa xubin. Xubin iyo jirna kalama maarmaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo sirasia ah u furay kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com