Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliye ka tirsan ciidamada Somaliland ee Taleex ku sugan ayaa maanta la dilay, iyada oo Somalilandna ay ciidamada maamulka Puntland ku eedeeysay inay ka dambeeyeen dilka taliyahaas, Gaashaanle Sare - Saleebaan Cabdi Caatey Read More
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo goordhow qabtay Shir Jaraa’id ayaa sheegay in gebi ahaanba lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha. Wasiir Daahir waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana uu tilmaamay in Caafimaad dibadda ah loo qaadi doona dadkii maanta ay waxyeelado soo gaartay ee aan dalka wax looga qabankarin. Waxa uu Wasiirku sheegay in dadka dhintay ay u badnaayen shaqaalihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo tirro kale oo shacab ah, sidda uu sheegay Wasiir Daahir Geele. Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri “Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa ayaa kor u dhaafaya 14, halka dhaawacana uu intaa kasii badan yahay. Sidoo kale, Hay’ada Aamin Ambulance, waxey sheegtay in Intii uu socday samata bixinta ay qaadeen 21 Qof oo dhaawacyo kala duwan qabay kuwaasoo ay ula carareen Goobaha Caafimaadka si xaaladooda loola Tacaalo, Dadka dhaawacmay ayaa isugu jiray dad waxyeelo ka soo gaartay Labadii Qarax ee dhacday iyo Dad ku waxyeeloobay Rasaastii la maqlayay. Waxa ay sidoo kale Aamin Ambulance sheegtay iney Qaadeen Meydadka 12 Qof oo Ku sugnaa Goobta uu weerarka dhacay, waxa ayna intaa raaciyeen inay suuragal tahay in tirada Meydka uu intaa kasii bato. Dhinaca kale, Goobta la weeraray Waxaa markeedii hore si Caadi ah udaganaa Wasaarada arimaha Gudaha, iyadoo Sanadii hore ay la soo dagtay Wasaarada Amniga, Waxeyna sidoo kale Xarun u eheyd Qeybta War laliska Ciidanka Booliska ee Tilifoonka 888. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa lagu beeniyay qoraal uu dhawaan soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta uu ku sheegay in Shirakadaha Isgaarsiinta kala tashtay sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka. Waxa ay cadeeyeen Shirkadaha soo saaray War Saxaafadeedkan in aan wax wada tashi ah lagala sameyn sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, waxa ayna sheegeen in Wasiirka dhagaha ka fureestay talooyin iyo baaqyo ay horey ugu jeediyeen . Moqdisho, Luulyo 07, 2018 Kadib markii uu Wasiirka Boostada, IsgaarsiintaTeknoolojida uu shir saxaafadeed qabtay taariikhdu markay ahayd 3dii Luulyo 2018, isagoo ka hadlaya dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maamulkeeda Sare (Board of Directors) waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ee kor ku xusan cadaynayaan in ay ayaan darro tahay sida Wasiirku uu wali ugu adkaysanyo tillaabadii khaladka ahayd ee uu ku magacaabay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka. War saxaafadeedka Wasiirku ayuu ku sheegay in magacaabidda guddigaas uu u maray waddadii saxda ahayd, uuna la tashaday dhinacyada uu sharcigu dhigay kala ah dawladda, dhinacyada Isgaarsiinta (Sectorka) iyo bulshada rayidka ah & bahda garyaqaanada. Arrinkaas waa waxba kama jiraan, Shirkadaha Isgaarsiintuna waxay mar kale cadeynayaan in aan wax wadatashi ah lala yeelan. Wasiirkana waxaa looga baahan yahay in uu keeno caddaymaha uu sheegtay in uu hayo ee muujinaya in wadatashi dhacay. Waxa wax aad loola yaabo ah in Wasiirku sheego in uu diyaar u yahay in wixii khalad ah la xaliyo sida uu war-‐saxaafadeedka ku sheegay isla markaana uu dhagaha ka furaysto: 1-Talo soo jeedintii toosneyd ee Wasiiru dawlaha oo ahayd in wixii khaldan si wadajir ah loo saxo oo miis la soo wada fariisto. Cabshada iyo qaylo dhaanta baahsan ee ka timid dhammaan Sharikadaha Isgarsiinta marka laga reebo dhawrka uu mugdiga kula heshiiyay. Waxaa marag ma doonto ah oo aan caddeymo waafi ah u haynaa in Guddiga Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid gacan ku rimis ah oo dhismihiisa uu Wasiirku la kaashaday hal shirkad oo kaliya. Sidaas darted waxaa noo muuqda in dhismaha guddigaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay oo u adeegaya dhinacyo gaar ah, taasna waa mid aad uga fog ujeeddadii laga lahaa guddigaas oo ahayd in uu noqdo guddi dhexdhexaad ah ilaaliya danaha qaranka & bulshada isla markaana uu si siman ugu shaqeeyo una dhex dhexaadiyo sharikadaha ku tartamaya adeegga isgaarsiinta. Shirkadaha Isgaarsiinta waxay aad ugu xunyihiin jahawareerka sharciyeed ee uu abuuray Wasiirka ee ku aadan Sharciga Isgaarsiinta, isagoo qoraaladiisa iyo War-‐ saxaafadeedka ku xusay kuna soo celceliya in ay kala duwan yihiin nuqulkii sharcigii Isgaarsiinta ee ku soo baxay Faafinta Rasmiga ah iyo kii ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana iska fogeeyay mas`uuliyada sixitaanka khaladka jira, isagoo sheegay in ay u taalo xafiisyo kale!! Shirkadaha Isgaarsiinta waxay dareensan yihiin ahmiyada Sharciga Isgaarsiinta iyo dadaaladii loo soo galay hirgalintiisa, waxaana ka digayaan in aanan mugdi la galin jiritaankiisa sharcinimo iyadoo dano gaar ah la leeyahay. Ugu dambayn annaga oo ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee kor magacyadoodu ku xusan yihiin waxaan talo ahaan u soo jeedinaynaa in Wasiirku uu u hoggansamo sharciga, qaatana talooyinkii ay soo jeediyeen dhamaan dhinacyada ay khusayso arintan ee uu ugu horeeyo: Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka
  4. HARGEISA– The Vice President of Somaliland received in his office on Saturday a high level delegation from African Field Epidemiology Network “AFENET” headed by Mr. Dr.Simon Antera. The network is an association that brings together some members from the African continent which is aimed at combating communicable diseases. Somaliland has been included into AFENET and it will be the 31st country to become a member of the umbrella. Dr. Hasan Ismail Yusuf, Somaliland’s health minister has said that his ministry is spearheading a campaign to become a member of all regional associations formed in order to make progress in terms of health sector. VP has thanked the visiting delegation to Somaliland and its inclusion into AFENET. The VP has stressed that SL needs the assistance from their African counterparts.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow si rasmi ah loo soo afjaray dagaalkii ka dhex socday gudaha Xarunta Wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumada Somalia, kadib markii ay weerar ku qaaden maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia oo maleeshiyaadka ka dabagalay xarunta ayaa toogasho ku dilay Saddex nin oo ka tirsanaa Shabaab galay xarunta. Saraakiisha ku baxay weerarka waxa ay sheegeen ragga weerarka soo qaday inay ka koobnaayen Shan ruux. Waxa ay sheegen in mid ka mid ahaa ragaasi uu kaxeynaayay gaariga qaraxa lagu fuliyay, halka ruuxa kalena uu isku qarxiyay irida hore ee dhismaha Wasaaradahan. Ciidamada dowladda oo gudaha u galay dhismaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga, ayaa u suuragashay inay toogtaan tirada kale ee ka dhex dagaalameysay gudaha Xarunta. Maleeshiyaadka la toogtay maydkooda ayaa wuxuu yaalla Barxadda hore ee Wasaaraddahan, waxaana jooga goobta Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Sidoo kale, banaanka Wasaarada waxaa tuban meydad dhowr ah oo ay ku jiraan dad shacab oo howlo ka watay Wasaarada. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay Shaqaale ka tirsan Wasaarada, Askar iyo dad shacab ah oo xiliga weerarka howlo u dhex joogay Wasaarada. Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku faanay in weerarka ay ku dileen shaqaale badan oo ka tirsanaa Wasaarada, hase yeeshee waxaa aad u yaraa khasaaraha.
  6. A least nine people were killed in an attack on Somalia’s interior ministry and security forces continued to battle gunmen inside, police said Saturday, as the al-Shabab extremist group claimed responsibility. Gunfire could be heard amid reports that a number of people, mostly government workers, were trapped in the ministry on what had been a normal business day. More than 10 people were wounded and the death toll could rise, Col. Ahmed Mohamed said. Witnesses said some ministry staffers died or were injured while leaping from windows or walls in an effort to escape. The attack began in the morning when a suicide car bomber detonated at the gate of the interior ministry, which is close to the presidential palace and the headquarters of parliament, police Capt. Mohamed Hussein told The Associated Press. Three gunmen were believed to be holed up inside the ministry, Hussein said as shooting could be heard in the background. The compound also holds Somalia’s security ministry. Ambulance sirens echoed across the area as soldiers opened fire to disperse bystanders and motorists. The Somalia-based al-Shabab, an arm of al-Qaida, often targets high-profile areas of the capital. It was blamed for the October truck bombing that killed more than 500 people in the deadliest attack in the country’s history. The ongoing threat from what has become the deadliest Islamic extremist group in sub-Saharan Africa has hurt efforts to strengthen Somalia’s fragile government and stabilize the long-chaotic Horn of Africa nation. The United States under the Trump administration has stepped up military efforts in Somalia, including dozens of drone strikes, against al-Shabab and a small presence of fighters linked to the Islamic State group. At least two U.S. military personnel have been killed. The U.S. military and others in the international community have expressed concern about the plan for Somalia’s security forces to take over the country’s security from a multinational African Union force over the next few years, saying the local troops are not yet ready. Source: AP
  7. LASANOD– Police Commissioner, Brigadier General Abdilahi Fadal Iman paid a working visit to Lasanod, Sool’s provincial capital yesterday. The mission of the Police Commissioner is to assess the security in Sool province and to meet with regional police officers to beef up security in the region. The police commissioner is flanked by senior Somaliland police officers who will hold meetings with regional police officers in order to tighten security. Mr. Fadal speaking to local media said that it is one of his obligations to inspect police officers in every region in Somaliland are conducting their national duties well. The police commissioner and his delegates were greeted by Sool’s regional governor upon reaching Lasanod.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkii Alshabaab,ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha,taasi oo ku taala meel u dhow isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa soo bad baadiyay dad ku sugnaa goobtaasi markii uu weerarka dhacayay,haatan xaaladda ayaa ku soo noqotay caadi,waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay. Ma jirto war rasmi ah oo ku aadan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay jiraan khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaartay askar, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada iyo dad kale oo wadada marayay. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda. Xiliga uu weerarkan dhacayay xarunta wasaaradda kuma aysan sugney Wasiirrada labada Wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo Amniga, hasse ahaatee waxaa si caadi ah u socday howlaha Wasaaradda. Xarunta la weeraray oo loo yaqaano Oto Oto waxaa deganaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Amniga Gudaha oo sanad ka hor loo soo raray, waxayna sidoo kale aheyd xarunta War la liska Booliska ee taleefanka loo yaqaano 888. Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dhaawacyo ay ka mid yihiin Askartii ku sugneyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Irideeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Qaran burburkii Jamhuuriyadii Soomaalida ee 1991, Dadka Soomaaliyeed ee degan Gudaha JamhuuriyaddaWaxaa ay dhibaatooyin badan kala dhaxleen Dagaaladii sokeeyo oo ahaa kuwo aad loogu hoobtey,Colaadaas kumadhisneyn mabaadiiiyo Diintoona. Dagaaladda dhaxmarey dadka Soomaaliyeed ee walaalaha waxaa ay gaareen heerki ugu xumaa oo xitaa dad xidid iyo xigaalo ah ay isla noolaan waayaan, taasoo sababtey in dad walaalo ah ay ku kala noolaadaan magaaloonyin ama gobalo deris ah oo qabiilkoodu ama qaraabadoodu ay ku xooganyihiin. In kastoo odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed badankood aysan ku guuleysan gebi ahaan in aay dalka nabadeeyaan hadana waxaa jira gobalada qaar oo ay odayaashoodda ka shaqeeyeen xasiloonida deegaankooda iyo nabad kuwada noolaashada dadkooda. Kaalinta dowaladda ee dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxaa bilaabeya llah u naxariistee Madaxweyne CabdullaahiYuusufAxmed oo la oran karo wuxuu ahaa nin aad u garanaya dhibaatooyinka Colaada iyo Dagaalka iyo weliba waxyaabaha laga dhaxli karo maadaama uu mudo dheer kusoo dhixjirey jabhadenimo iyo mucaaradnimo wakhti dheer qaadatey. Sanadkii 2007 shirkii Dib u heshiinta Qaran oo ay Muqdisho marti-gelisey waxaa uu ahaa shirka keliya oo ay dadka Soomaalliyeed oo dhan kazoo qeybgaleen, mana jirin beel ka maqan ooa an ergo iyo odey dhaqameed ka joogin shirkaas, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamedoo ahaa Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiinta wuxuu sheegey in wajigii koowaad ee shirka dib heshiinta qaran uu guuleeystey, loona baahan yahay in la siiwado si loo soo afjaro colaadaha dhexyaala dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Sida ay qabto Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeedba waxaa had iyo jeer aad u wanaagsan in laga shaqeeyo masaalixda iyo suluxa ama dib u heshiisiinta, hadii ay dhibaato dhexmarto dadka walaalaha ah, waxaa jira ayaa doqur’aanka kariinka ah iyo axaadiis laga soo weriyey Nabigeena Muxammad NNKH, waana arinta ugu weyn oo ay u xilsaaranyihiin odeyaasha dhaqan iyo culimaddaDiinta, sijoogto ah. Golaha Fulinta Dowladda Soomaaliya Waxaa ay leeyihiin hay’ado amaWasaaradda Qaabilsan Dib u heshiisiinta Dadka Walaalaha ah ee Soomaaliyeed, Waxaa marag ma doonto ah in Dowladda dhexe iyohay’adda JimciyaddaQuruumaha ka Dhaxeysa ay kharash xoogleh ku bixiyaan dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, lamanahayo shaqadaas muhiimka ah, mana jirto la xisaabtankii laga rabey in ay la yimaadaan gudiyadda baarlamaanka ee u xilsaaran la xisaabtanka laanta fulinta eeDowladda amaXukuumadda. Waajibaadka rasmiga ah ee Xukuumadda Federalka ayaa ah in ay sixoog badan uga shaqeyso dib u heshiisiinta iyo masaalixda dadkaSoomaaliyeed eeDhibaatadda ay kala gaartey, Ummadda Soomaaliyeed waxay baahiweyn u qabtaan in ay hesho sulux iyo isku keened balaaran, maadaama la kala fogaadey mudo ku dhow 28 sano qaran burburkii ka dib. Hase ahaatee mar walba dhibaatada jirta waxaa u nugul Soomaalida degan gudahaJamhuuriyadda, halka kuwa dhibaatada wadana ay u badanyihiin MadaxdaXukuumadda, badankoodna waaSoomaalida QurbahaDegan, marar badan ayaan la sheekeytey madaxda qurbajoog ah ee haysta Jinsiyadaha Shisheeyaha, badankoodnawaxay aaminsanyihiin in la kala adkaado oo awood la isku adeegdsado, iyadoo la isticmaalayo CiidankaDowladda, canshuuraha dadweynaha iyoXilalka. Siyaasiyiinta ka soo horjeeda XukuumaddaWaxaa lagu Tilmaamikaraa, Qof Waalan oo xoog badan gacantana kuheysta mindidheer oo afleh, halka taageerayasha Xukuumadana lagutilmaami karo Dayuurad Boeing ah oo Duuliye la’aan ah, mana jirto aqliiyo aragti looga hortegi karo dhibaatadda ka imaankarta labadaas koox, mana jirto isutanasul Soomaalinimo iyo barnaamij siyaasadeed ay Dowladu ugu talo gashey dadka aan soo sheegey. Sida aan kawada war qabno waxa tan iyo markii xukuumadda hadda jirta ay talada dalka la wareegtay caado u noqotay in ay sibareer ah ugu duusho siyaasiyiinta ka fekerka duwan, waa arrin siifogeyneysa in dadka walaalaha ah ay isku soo dhawaadan. Waxaa dowladda looga fadhiyay sida ay ballan qaaday intii aan la dooran ka hor, in ay xoogga saari doonto dib u heshiisiin dhexmarta dadka walaalaha ah ee kala irdhoobay. Ballantaas bedelkeedi waxaa xukuumadda hadda jirta ay sameysay ficillo caksi ku ah dib u heshiisiintaas oo hadaanan dhaqso looga hortagin keeni karta in dib loogu laabto dagaallo sokeeye iyo colaado horleh. Waxa lagu haya shacabka Gobolka Banaadir ee ah shacabka keliya ee bixiya canshuurta dowladda tacadiyo isugujira dil, jidgooyo, maamul xumo iyo cadaadis siyaasadeed. Shacabka Soomaaliyeed oo lagu bartay dad dulqaad badan ayaa waxaa dhici karta in ay lumiyaan dulqaadkooda haddii aanay dowladda xal u helin tacadiyada farahabadan eelagu hayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisha degen. Tan iyo bilowgiis anadkii 2017, waxaa magaalada Muqdisho dilal qorsheysan lagudilay dad ka badan 200 oo qof, taasoo ay dheertahay shacabka ay galaafteen kooxda Shabaab oo iyaga caado ka dhigtay dilka shacabka. Xukuumadda waxa ay sugi la’dahay ammaanka wax ka yar 20 KM oo square ah, waxaa intaa dheer in shacabka iyo garab raratada laga xirto jidadkii ay kuraadsan lahaayeen nolol maalmeedkooda. Aragtida saliimka ah waxay sheegeysaa in mar walba dadkaaga aad ugu shaqeysid daacadnimo, waxaa la wada ogsoon yahay in xilalka Dowladda loo wada dhaartey hadii aduunka la isku xisaabin waayo waxaa qof walba u dambeysa la xisaabtan rasmiga ah ee aakhiro kaasoo aan laga dhuuman karin, beena la sheegi karin. Waxaan nafteyda iyo tiinaba kula dardaarmayaa inaan ka fogaano wax walba oo keeni kara colaada iyo kala fogaashaha, wiiqi karana wadanoolaan shaha, walaaltinimadu waxayku jirtaa naxariista iyo iskutanasulka. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Somaliland Non-State Actors Forum(SONSAF) this week (July 3, 2018) held its Fifth General Assembly in which they elected a new chair and new Board of Directors during a meeting held the Ambassador Hotel, Hargeisa. The meeting brought together 60 delegates from Somaliland Non-State Actors Forum and 40 delegates from the civil society organizations business groups, traditional leaders, professional associations, religious leaders and members of the public. Hon Awale Ibrahim Shirwac, the Minister of National Planning and Development, officially opening the meeting, commended members of the Somaliland Non State Actors Forum (SONSAF) for exercising total civility while electing their new Board Members including Chairperson, Vice Chairman, Treasury and secretariat and at the same time urged them to continue to operate as a bridge between the community and the government by advocating on the issues affecting the society such as service delivery and to give voice to vulnerable groups. The outgoing chairperson of Somaliland Non-State Actors Forum, Mr. Mustafe Saad Dhimbil speaking during the event gave an in-depth briefing on the role of the network which was founded in 2005 and its achievements since then. He further pledged to avail his cooperation and full support to the incoming team. The Minister of Employment and Social Affairs, Madam Hinda Jama Gaani, thanked the Somaliland Non-State Actors Forum for their crucial role in advocating for the inclusion of women and marginalized groups in the decision of making process of the country. Speaking during the takeover of the chairmanship of the civil society network leadership, Hon Anwar Abdurrahman Warsame said that he and his incoming team first priority will to take SONSAF to a whole new different level within a period of two years and he also called upon other members of the network to put their differences aside and instead strategize on some of the issues which are hindering their activities. Hon Anwar Abdurrahman Warsame has been working with Somaliland civil society for more than 20 years and has experience and background in CSOs and a member SONSAF of since its establishment back in 2005.
  11. Somali forces watch a vehicle demolished by twin blast in Mogadishu on Saturday, July, 7, 208. At least nine people have been killed and many others injured in an ongoing attack at Somalia’s interior ministry as security forces continued battling militants holed up inside, Somali officials say.(AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)Photo: AP/Press Association Images At least nine people are dead and more than 10 wounded in an ongoing extremist attack on Somalia’s interior ministry, police have said. Colonel Ahmed Mohamed said the death toll could rise as security forces battle several gunmen holed up inside. A number of people, mostly government workers, are said to be trapped in the ministry on what had been a normal business day. The al-Shabab extremist group, an arm of al Qaida, has claimed responsibility for the attack in Mogadishu that police said began with a suicide car bombing at the gate of the ministry. Three gunmen were believed to be holed up inside the ministry, police said. Ambulance sirens echoed across the area as soldiers opened fire to disperse bystanders and motorists. Somalia-based al-Shabab, an arm of al Qaida, often targets high-profile areas of the capital. It was blamed for the October truck bombing that killed more than 500 people in the deadliest attack in the country’s history. The threat from what has become the deadliest Islamic extremist group in sub-Saharan Africa has hurt efforts to strengthen Somalia’s fragile government and stabilise the long-chaotic Horn of Africa nation. The US under the Trump administration has stepped up military efforts in Somalia, including dozens of drone strikes, against al-Shabab and a small presence of fighters linked to the Islamic State group. At least two US military personnel have been killed. ITV
  12. HARGEISA– Puntland militia ambushed and gunned down Taleh regional commander for Somaliland’s Armed forces Lieutenant Colonel Sulieman Abdi Ateye.nTaleh regional mayor also was wounded in the ambush attack conducted by pro Puntland militia soldiers. Somaliland’s Water resources minister. Hon. Suleiman Ali Kore has confirmed the death regional commander of the defense forces and that Taleh mayor, has sustained injurious over the ambush. He announced that this was a well planned and executed plot intended to assassinate Somaliland Taleh regional officials. The minister has said that the officials were in Somaliland territory distributing food aid and medical supplies to needy families in the region. The water affairs minister has asserted that Haysimo regional mayor is in critical situation as he is suffering from broken bones and gunshot wounds. It is confirmed that the unidentified militia soldiers have chased Haysimo regional governor for 30 km while firing bullets on him but he escaped unharmed. The minister has spoken against the barbaric assassinations targeting Somaliland officials in Haysimo while he reminded that the residents in Haysimo won’t forget the previous killing and abduction conducted by pro Puntland militia forces. Somaliland will take the right action said that minister.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin iyo mid toosa oo maanta lagu qaaray Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo ku taal isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa Waaxyaha Wasaarada, Askar iyo shaqaale kale oo ka tirsan Wasaarada. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa Maxamed Axmed Ilkacase oo mar soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Sidoo kale Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaarada iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda uu ku dhaawacmay kaas oo lagu Magacaabo Siyaad. Inta badan Xarunta ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada NISA oo ku sugan qeybaha sare iyo banaanka Wasaarada waxaana dhacaaya rasaas aan sidaa usii badneyn. Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in waxyeelada shaqaalaha Wasaarada ay intaa kasii badato waxaana weli socda gurmad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. A least nine people were killed in an attack on Somalia's interior ministry and security forces continued to battle gunmen inside, police said Saturday, as the al-Shabab extremist group claimed responsibility. Source: Hiiraan Online
  15. The government of Kenya said that it will open 16 diplomatic offices to certain African states. The minister for foreign affairs of Kenya, Ms. Monica Juma has officially announced on Thursday that it will open consular office in Hargeisa, the capital of Somaliland. The foreign secretary said that her country will also establish diplomatic ties with Djibouti. Kenya is also keen to open a consular office in the port city of Kismayo, Somalia. Miraa Khat traders in Kenya have urged Kenyan govt to establish diplomatic ties to Somaliland so that their Khat should be exported to markets in Somaliland where most of its populace are addicted to the consumption of Khat. Khat consumed domestically in Somaliland is imported from Ethiopia.
  16. Two explosions occurred near Somalia's interior ministry and security forces were battling gunmen inside, police said Saturday, as the al-Shabab extremist group claimed responsibility for the ongoing attack in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo Hubeysan ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo midda Amniga oo ku shaqeeyo hal xarun. Haddaba Caasimadda Online ayaa soo ogaatay Xaaladda Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye. Sida ay shaqaale ka tirsan Wasaaradda noo xaqiijiyeen Wasiirka ayaa Wasaaradda ka maqnaa waqtiga uu dhacayey Qaraxa. Sidoo kale waxaa Wasaaradda Amniga ku sugnaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maxamuud Boonow. Sida ay wararkii ugu dambeeyey Sheegayaan Wasiir Boonow ayaa laga saaray Xarunta Wasaaradda gaar ahaan qeybta dambe. Sodoo kale shaqaale badan ayaa xarunta laga saaray inkastoo ay jiraan kuwa kale oo dhibaato ay kasoo gaartay qaraxaas. Qaraxa labaad ayaa khasaaro xoog leh geystay, waxaana weli la heyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Rasaasta laga maqlayey wasaaradda ayaa hadda xoogaa yaraatay, waxayna u muuqataa in Wasaaradda ay la wareegeen Ciidamada Dowladda. lama ogo haddii la dilay ciidamadii weerarka soo qaaday iyo haddii ay weli ku jiraan, wixii soo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal wali ka dhex socda Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia. Dagaalka xoogiisa ayaa hadda ka socda dabaqa dhexe ee Wasaarada, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Nabadsugida qeybta Xasilinta ay goordhow gudaha u galeen Xarunta Wasaarada. Ciidamada oo adeegsanaaya jaran-jarooyin ayaa la wareegay qeybta ugu sareysa dhismaha Wasaarada waxaana dhismaha laga dhexmaqlayaa Bamgacmoodyo ay adeegsanayaan maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaaya xarunta. Maleeshiyaadka dagaalamaaya ayaa xiran jaakadaha ismiidaaminta waxa ayna ciidamada isku dayayaan inay toogtan maleeshiyada kahor inta aysan u dhawaan. Sidoo kale, ciidamada ayaa daaqadaha dhismaha Wasaarada kasoo saaraya shaqaalaha qaar ee wali ku dhex jira Wasaarada waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinaayo shaqaalaha ku go’doonsan xarunta. Banaanka Wasaarada ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Meydadka Askar ka tirsan dowlada kuwaa oo la socday mas’uuliyiin, halka qaarna ay yihiin ciidamada ilaalada xarunta oo ku baxay qaraxii koowaad. Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxa ayna ciidamadu wadaan dadaal lagu soo afmeerayo dagaalka ka dhexsocda xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso weerar dableey hubeeysan ay ku qaadeen xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Muqdisho. Weerarkaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha oo ku taala Isgooyska Sayidka ee Muqdisho. Dableyda ayaa markii hore waxa ay ay gaari qaraxa ku dhufteen albaabka xarunta wasaarada Arimaha Gudaha. Dhowr nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaarada Arimaha Gudaha kuwaasi oo ay la dagaalamayaan Askarta dowlada Soomaaliya. Ciidamada Dowlada ayaa dadka ku go’doosan xaruntaasi iminka soo bad baadinaya. Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma ogo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faahfaahin: Weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgal isugu jira qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo ka socda bartamaha magaalada Muqdisho. Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen dhismaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka. “Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha murtadiinta ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ay maqlayaan jugta qaraxyo is xigxiga iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo. Weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli amaanka Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyey waxaana lama filaan noqotay in la weeraro wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal meel aad loo ilaaliyo. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in la maqlayo rasaas inkastoo ay sidii hore ka yaraatay lamana ogi haddii Maleeshiyadii meesha gashay laga saaray. Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal xarunta 888 ama Oto Oto ayaa sheegayo inay socoto rasaas culus oo u dhaxeyso ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta badan shaqaalihii wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa badbaaday kadib markii ay ka boodeen qeybta dambe ee wasaaradda. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Ilkase isla markaasna ahaan jiray xogheyntii Odawaa ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa jiro gabar ka tirsaneyd wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dabaqa iska soo tuurtay isla markaasna sidaas ku geeriyootay. Waxaa jiro dhaawac kale oo soo gaaray Shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha mana jirto ilaa hadda tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhacay Wasaaradda.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow la maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhegan isgoyska Sayidka. Warakii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inuu dagaal culus dhex marayo ciidamadi gudaha u galay iyo kuwa ka tirsan dowladda Soomaaliya. Jidadka Makka Al-Mukarama ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan qaraxyo kale, waxaana lama filaan noqotay in la galo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah meel aad loo ilaaliyo isla markaasna aan loo ogoleyn baabuur aan aheyn kuwa dowladda. Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid deganeyd bilihii la soo dhaafay, iyadoo bishii Ramadaan aanay magaalada ka dhicin qaraxyadii dhici jiray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada. Uurada qaraxa ayaa cirka isku-shareertay,waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaasta. Wuxuu warar ah ee kusoo kordha waa indinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
  23. Two suicide bombers detonated explosives-laden vehicles at the gate of Somali Interior Ministry headquarters as gunmen fought their way inside. Source: Hiiraan Online
  24. Qarax maqalkiisa si aad ah looga maqlay Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas ay is weeydaarsanayeen kooxihii qaraxa geeystay iyo askarta ciidamada. Faah Faahinta qaraxa dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa kulan khaasa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku qaatay Siyaasiga mucaaradka ku ah dowlada Somalia Abdirahman Abdishakur Warsame iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax. Kulanka khaaska ah ee labada mas’uul oo qaatay ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa si gaara looga hadlay qorshooyinka uu Siyaasiga ku doonaayo in lagu jaanrogo siyaasada Somalia. CC Shakuur ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in garabka mucaaradka ay aad u daneynayaan shaqsiyaadka miisaanka ku dhex leh dalka, maadaama ay ku xiran yihiin bulsho badan. CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in dhammaan mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ay ku garabsiinaya sida uu ku gaari lahaa hankiisa Siyaasadeed, waxa uuna sidoo kale usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida Xisbigiisa. “Waan xiiseynaa shaqsiyaadka kulamidka ah waxaan fursad kuu siineynaa inaad nagu soo biirto si aan u xoojino hanka siyaasada” “Xisbiga wadajir waxa uu kasoo dhexmuujin doona siyaasiyiinta kale waxaasi oo dhan waxa ay imaan doonaan midowgeena kadib waa inaad nala eegtaa dalabkeena ku aadan inaad nala midowdo” CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u sheegay inuu yahay Soomaali xor u ah ku biirida jiho waliba, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu ka jawaabo dalabyada mucaaradka, waxa uuna sidoo kale uga digay inuu u socdaalo magaalada Muqdisho. CC waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in Dowlada Somalia ee hadda jirta aan leysku aaminikarin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu kusii nagado magaalada Nairobi oo uusan gaarin Muqdisho. Sidoo kale, CC Shakuur ayaa qalbi-Dhagax ku wargaliyay in dhammaan xisbiyada iyo dhinacyada mucaaradka dowlada u sameyn doonaan casuumaad gaara si loo falanqeeyo wax kabedelka Siyaasada Somalia. Dhinaca kale, Xisbiyada mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ayaa xooga saaraya sida uu uga mid noqon lahaa Qalbi-Dhagax oo waayadan kusoo caanbaxay xarigiisa Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com