Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,589
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas. Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shalay oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay. Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.” Madaxweynaha Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa inta uusan hadalkaas oran waxa uu yiri “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.” “Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala ayagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas. Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yiri “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye.” “Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xiray dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yiri Idiris Takhtar Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.” Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeeray, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga. Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaa kuma aanay ekaan ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay: Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay: Dhanka kale isla baraha bulshada ay ku wada xiriirto waxaa ka bilowday dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ee sababay in hadallada kulkul ay hawada isu mariyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada Puntland iyo Koonfur Galbeed. Waxaa ka mid ah dadka arrintaas waday weriye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo si gaar ah ula hadlayay labada wasiir ku xigeen ee warfaafineed ee Federaalka iyo Puntland, waxa uu bartiisa ku soo qoray farriintan: Isha: BBC Somali
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Intelligence have resolved to strengthen collaboration on information gathering and sharing to counter threats posed by terrorist group, Al-Shabaab. The resolution was made at the end of a three-day intelligence information sharing conference organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UK Mission Support Team (UK MST). The conference, attended by senior intelligence officers from AMISOM and Somali national security agencies, sought to forge closer working ties among security agencies in the country. Intelligence officers gather critical information that informs security decisions taken by AMISOM and the Somali government. Speaking at the end of the workshop, Col. Naboth Mwesigwa, the AMISOM Chief Military Intelligence Officer (CMIO), urged intelligence agencies in the country to work together by sharing critical information. “Let us aim at working together in terms of sharing information, collaborating, and coordination so that we help our commanders to carry out operations,” Col. Mwesigwa stated. The participants were told that though Somalia faces numerous challenges, the collective effort by security agencies can help to transform the country and restore lasting peace and security. Col. Mwesigwa cited terrorism as one of the threats to global security, which intelligence officers must fight against. Participants were told that the lethality of the Improvised Explosive Devices (IEDs) has been on a decline due better intelligence gathering and training on bomb handling. Other topics discussed included the provision of regular security updates in AMISOMs area of responsibility and how to overcome challenges faced in intelligence gathering. Also present at the conference was the Director of Military Intelligence in the Somali National Army (SNA), Brig. General Abdullwahab Omar.
  3. Five years after al-Shabab fighters burst into a luxury shopping mall in Kenya's capital, hurling grenades and starting a days-long siege that left 67 people dead, analysts say the Somalia-based extremist group has been pushed down Africa's east coast as far as Mozambique as its regional threat expands. Source: Hiiraan Online
  4. The death toll in a ferry capsize in Lake Victoria climbed to more than 100 on Friday, as Tanzanian rescue workers pressed on with searches to find scores of more people feared drowned. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha iyo khilaafyada, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku tahay Amniga Dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall. Warbixinta ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘Al-shabaab shan sano kaddib Weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika’, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab beddeshay Xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarrada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya. Tan iyo sannadkii 2015-kii, Al-shabaab waxay xoogga saartay sidii ay uga qoran lahayd dhallinyaro badan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada Waqooyiga iyo Bartamaha dalka Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa masiixiyiin, laakiinse qaatay diinta Islaamka. Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan Soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, siiba Qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh waddanka Kenya. Dhanka kale, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddday Westgate Mall oo ah suuq laga adeegto oo ku yaalla Magaalada Nairobi oo dhacay 21-kii bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxaana ku dhintay 71-qof oo 62 ka mid ah ay ahaayeen rayid, shan kalena ay ahaayeen ciidanka Kenya halka afarta hartay ay ahaayeen raggii weerarka qaaday. Ugu dambeyn, Ku dhawaad 200-ruux ayaa lasoo wariyay inay dhaawacyo kasoo gaareen toogasho iyo dagaal dhex-maray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa ee xaruntaas weeraray. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (Caasimada Online) – Plans to relocate the 450 Burundian soldiers currently stationed at the Mogadishu Military Academy are already underway. The relocation is part of the condition-based transition plan agreed between the peacekeeping force, the Federal Government of Somalia, United Nations and development partners. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, toured three locations within the Mission area to identify a suitable site to construct a transit camp for the soldiers before they vacate the Academy next month. “We are identifying land to put up facilities for our transiting personnel before they go to their respective headquarters in the Sectors. The facilities will serve the Burundians when they arrive or rotate out and other contingents on transit that might need a place near the Mission or Force headquarters,” said Ambassador Madeira, who was accompanied by AMISOM civil engineer, Andrew Alele. He noted that the AU Mission will move its properties currently at the Military Academy to the Mission area before handing over the institution. Engineer Alele said the transit camp will be ready by the end of October 2018 to ensure a smooth handover. “We should have the transit camp ready before the next rotation of the Burundian troops. We will start building this camp as soon as possible. We are going to have discussions with UNSOS (United Nations Support Office in Somalia) once AMISOM Mission decides the way forward,” the AMISOM Mission Civil Engineer added. Engineer Alele said the transit camp will have basic amenities including accommodation and ablution blocks, adequate for the 450 Burundi soldiers. AMISOM has already moved soldiers and police officers who were located at the national stadium to Jazeera II camp next to the Mission area. PRESS RELEASE
  7. Dil noociisa oo kale uusan waayadan soo marin Soomaaliya ayaa laga soo sheegay magaalada Muqdisho, kaasoo loo gaystay allah u naxariistee marxuum ka soo jeeda beesha Jareer weyne oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax. Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa BBC u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega. “Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur. Wuxuu intaa ku daray in la xiray dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakinse “odayaashii dhinaca abtiyaasha” ay wacad ku mareen in “talaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xarigaas”. Talaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan “dad gaaraya 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin” ayuu yiri. Wuxuu intaa raaciyey in “baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay”. Laakinse ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey. Arrintan ayaa tan iyo shalay aad looga hadal hayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ayadoo la soo dhigay sawirro aad looga naxo oo muujinaya jirka marxuumka oo gubtay. Nuur wuxuu BBC u sheegay in meydka Axmed Mukhtaar Saalax aan ilaa hadda la duugin, “ilaa iyo inta sharciga laga hor keenayo dadkii dilkiisa ka dambeeyey”. Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Hore ayaa waxaa u dhacay in dad loo dilay sababo la xiriira guur ay is guursadeen qabaa’il aan hore isu guursan jirin, laakin in meyd ama qof nool la gubo ayaa ah arrin ugub ah oo aan meelna ka soo galin diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Inkastoo uu Nuur Maki Muunye sheegay in dad loo xirxiray, haddana nooma suurto galin in aan Booliska helno, si aan uga xaqiijinno in ay jiraan dad loo qabtay kiiskan.
  8. Muqdisho (PP) ─ Kooxo dalbey ah ayaa ku dhex-dilay fasal ay wax ku baranaysay gabar dhalliyaro ah oo lagu magaaabi jiray Aamino Xasan Xuseen, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah eek a dambeysa dilka gabadhan. Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO loo yaqaan, gaar ahaan xarunteeda xaafadda Baar-ubax ee degmada Hawl-wadaag, waxaana dilkan uu dhacay duhurnimadii maanta. Goobjoogayaal ku suganaa Jaamacadda UNISO ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda dilka geystay ay si toos ah u abbaareen fasalka ay gabadhani wax ku baranaysay ayna iyada oo keliya toogteen, waxaana ay u muuqataa inay ahaayeen rag watay macluumaad dhameystiran. “Dilku wuxuu dhacay markii laga soo laabtay nasasho ay ardaydu ku qaateen dibadda fasalladooda, kooxaha hubeysanna waxay si toos ah u toogteen Aamino, iyagoo dhawr xabbadood ku dhuftay illaa ay goobta ku naf-baxaysay,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen oo aragagaxsan. Qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in gabadhan la dilay ay baranaysay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isla markaana aysan garanayn sababta loo dilay. Sidoo kale Maamulka iyo Ardayda ayaa sheegay in gabadhu ay ku jirtay sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda, isla markaana aysan weligood ku arag wax dihbaato ah ama dad ay is-haystaan. Ciidammo ka tirsan kwua Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaa tagay Jaamacadda uu dilku ka dhex-dhacay, waxayna sameeyeen baaritaanno ku aaddan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen. Dhanka kale, Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo 18-kii bishan aan ku jirno uu askari ilaalo u ahaa Jen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay gabar 9-jir ahayd oo dhiganeysay Dugsiga Hoose ee Iskuulka Hoyga Xamar, iyadoo saaran gaariga iskuulka. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay afar ruux u xirtay dilka gabadha yar ee sagaal jirka ahayd, balse waxaa laga doonayaa inay sidoo kale tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo kooxihii maanta geystay dilka loo geystay gabadha ardayadda ahayd. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Gabar Ardayad ahayd ku dhex dilay Jaamacad ay wax ka baranaysay appeared first on Puntland Post.
  9. MOGADISHU (Caasimada Online)–Roadside bomb explosion targeting an armored personnel carrier, has killed at least two Kenyan military soldiers on board in south of Somalia. The explosion ripped through Kenyan military convoy while travelling near Gariley area in Gedo region, leaving two soldiers dead, a witness said. He says four other soldiers were also injured in the blast. “It is an IED blast targeted an armored vehicle carrying Kenyan military soldiers. Two of them were killed and 4 others injured”, he said. The bomb attack was claimed by Al-Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. The group says it has been responsible for landmine explosion targeted Kenyan military convoy, killing several soldiers in the attack. There was no immediate comment from Kenyan military over the claims. In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab. Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. MOGADISHU (Caasimada Online) – Unknown gunmen have shot and killed a female student at University headquarters in Somali capital Mogadishu. The victim, whose name has been released as Amina Hussein Hassan, was gunned down by men armed with pistols inside her classroom at University of Somalia. Hassan reportedly died on the scene, according to a classmate, who asked to be anonymous. He says the killers fled from the crime scene uncaught. The motive for the murder remains unclear. Somali security soldiers arrived at the area and launched an operation over the killing. No arrests have been made so far. There was no immediate claim of responsibility for the assassination. Friday’s incident comes days after a 9-years-old school girl was shot and killed on board in gun fire opened by a government soldier in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa maanta si ukul uga hadlay dhibaatooyinka amni-darro ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Jeneraal Bariise, waxa uu sheegay in mararka qarkood falalka amni-darro ay dad u qabtaan Ciidamada Booliska balse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya, oo ka tirsan booliska, kadibna sii daynaya. “Runtii waxaad arkeysaa markii ciidamada booliska gacanta ku soo dhigaan rag falal amni-darro ka gaysta Muqdisho, inay dadkaas ka daba imaanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ha ahaadaan saaraakiil ciidan, iyo kuwo kale, iyaga oo qofkaas difaacaya” ayuu yiri Taliye Bariise. Hadalka Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli dilalka loo geysanayo ciidamada dowladda iyo dad shacab ah ay maalmahan ku soo bateen magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa manta gudaha u galay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), kadibna waxay tageen mid ka mid ah fasallada, halkaasna waxay ku toogteen gabar ka mid ahayd ardayda oo lagu magacaabay Aamina Xuseen Xasan. Sidoo kale waxaa shalay magaalada lagu dilay kadibna lagu gubay nin kasoo jeeday beesha Jareerweyne, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar kasoo jeedda beelaha isku arkay inay dadka ka sareeyaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Taliye-Bariise.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay faragalin la sheegay inay ka cabanayaan Madaxda maamulka Goboleedyada dalka. Xukuumada ayaa sheegtay in cabashada kasoo yeereysa maamulada ay tahay mid ku timid sixitaan lagu hayo khaladaad is biirsaday. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlaayay faragalinta ay ka cabanayaan maamulada ayaa sheegay in tabashooyinkaasi lagu xalin doono dadaalo ay wadaan. Khadar waxa uu sheegay in dalaalada ay wadaan uu yahay mid ay ku doonayan sidii looga gudbi lahaa khilaafka labada dhinac. Madaxda maamulada ayuu sheegay in laga doonayo inay kala saaran tabashooyinkooda iyo ka qeybgalka shirarka looga arrinsanaayo masiirka dalka. Khadar waxa uu madaxda maamulada u diray fariin ah iney yimaadaan Muqdisho, si ay u ajiibaan baaqii Madaxweyne Farmaajo. Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka, ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira iney faragelin ku hayaan Maamul goboleedyada, taasoo qeyb ka eheyd war saxaafadeedka ay soo saareen golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ee ku shiray Kismaayo. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Wixii tuhun ah iyo turxaan bixin ah diyaar beynu u nahay, dhaqanka Somaliyeedna bey qeyb ka tahay, weynu sameyn doonaana, wax faragelin ah oo dowladda federaalka ay ku heyso ma jiro Maamul gooleedyada”. Si Kastaba, 17-kii Bishan, waxaa baaqday shirkii golaha amniga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), kadib markii ay iska diideen ka qeybgalkiisa Hogaanka Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil Deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaa maanta lagu dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo caan ka ahaa deegaankaas. AUN Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa sida aan xog ku helnay u socday magaalada Badhan, waxaana dilkiisu ka dhacay bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland Dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku soo aadaya, iyadoo Badhan uu maalintii saddexaad ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhamaan ku xukuumadiisa. Dilka Marxuum Suldaan Xasan Cali Jirbriil waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweyne Gaas iyo Suldaanka guud ee Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. PUNTLAND POST The post Hadaaftimo oo lagu dilay Suldaan caan ah appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda. Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal. Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday. Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan lama oga waxa ay aheyd marka laga reebo inay dhiganeysay Jaamacadda. Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsi, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan. Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Waxaa Goordhow lagu dhex dilay jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho gabar ardey aheyd oo ku jirtay fasalka, taas oo ah arrin cusub. Aamina Xuseen Xasan, ayaa lagu dhex toogtay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda xaafadda Baar-ubax halkaas oo ay dhigan jirtay kuliyadda shareecada. Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa u gudaha u gashay Jaamacadda kadib waxaa ay toogteen gabdhan. Inkasta oo ciidamada dowladda ay goobta gaareen, hadana waxaa la sheegayaa in dableyda ay baxsadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. “Waxaan soo miyir saday iyadoo laga arrinsanyo meeshii la igu aasi lahaa” ayuu yiri Xasan Axmed oo dib u milic sannado badan oo uu xoriyaddiisa ku waayay in looga shakiyay in uu ONLF taageero. Xasan Axmed isaga oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayuu ka warbixiyay waxa uu kala kulmay toban sano oo uu Xabsi ku jiray ayuu sheegay in uu 21 jir ahaa marka la xiray haddana sida carruurta gacmaha la qabto marka uu soconayo. Maamuulkii dhawaan xilka laga qaaday ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa uga shakiyay Xasan in uu ka tirsanaa jabhaddaha hubeysan ee ONLF, inkastoo uu sheegay in uusan shuqul ku lahayn oo uu ku hawlanaa barashada culuunta caafimaadka oo uu koleej Jigjiga ku yaalla ka baranayay. Xasan wuxuu ka mid ahaa boqolaal dhallinyaro ah oo muddo sannado ah lagu hayay xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Itoobiya. Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer jeel Ogaadeen ay ka dhaceen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XASAN AXMED OO DHAMEYSTIRAN
  17. Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo in 200 oo qof ay ku dhinteen markab ku quusay badda yar ee “Lake Victoria”. Wararka qaar ayaa sheegaya in markabka ay saarnaayeen ilaa 400 oo qof, tiradaas oo ka badan inta loogu talo-galay. In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale lagu warramayaa in la bad-baadiyey, oo 32 ka mid ah ayey xaaladooda khatar ku jirto. Dadka dhintay waxaa ku jira naaquudihii iyo shaqaalaha Markabka, waxaa kale oo la waayey qabalkii lagula socon lahaa khasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare . Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya. Dhanka kale, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ka tirsan wafdiga Aqalka Sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka Golaha Aqalka Sare waxay la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka. Senator Samsam Ibraahim cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka iyo ururka haweenka Jubbaland,waxayna kala hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan. Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Rightwing government wants to make handshake mandatory in naturalisation ceremonies Source: Hiiraan Online
  21. The Somalia-based Al-Shabaab militant group remains a potent threat to security in the region, although its capacity to stage regular attacks in urban areas has been degraded. Source: Hiiraan Online
  22. In Ethiopia, prime minister Ahmed Abiy’s political party, the Oromo People Development Organisation (OPDO) has rebranded, changing its name and logo as it seeks to position itself in the changing political space in Oromia region and at the national level. Source: Hiiraan Online
  23. UKIP have admitted there are "similarities" between the party's new stance towards Muslim migrants and the policies of US President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  24. After making the rounds of the film festival circuit, Minneapolis filmmaker Norah Shapiro will bring her documentary, "Time for Ilhan," to Walker Art Center for five screenings Sept. 21-29. Source: Hiiraan Online
  25. Every night for more than 35 years, Yussuf Mume Saleh has ventured outside the walls of the ancient city of Harar, Ethiopia, to feed his beloved spotted hyenas. For Jessica Beshir, a filmmaker who grew up in Harar, visions of Saleh and the delicately-cultivated bond he shares with these wild—and often dangerous—animals are embedded in her childhood nostalgia. Source: Hiiraan Online