-
Content Count
215,397 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulamo siyaasadeed, ayaa la sheegay inay u bilaabmeen madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, xilligi uu Madaxweyne Biixi safar ku marayo gobalada bari ee dalka. Kulamadan oo aanay warbaahintu la socon islamarkaana aan weli isu rogin kuwo rasmi ah, ayaa waxay ku bilaabmeen sida ay warar soo baxay sheegayaan kuwo dhex maray labadii murashax mucaarad ee xisbiyadan Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo toddobaadkan dalka ku soo laabtay. Waxa ay wararku sheegayaan inay ka tashanayaan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo ay ugu horayso qorshaha Waddani iyo UCID uga meel yaala haddii dib u dhac ku yimaado doorashada golaha wakiilada oo u muuqata inay dib uga dhacayso wakhtigii loo qoondeeyay ee ahaa March 2019. Waxaanay wararku intaas ku darayaan in dhawaan ay shirar balaadhan oo rasmi ahi u furmayaan labadan xisbi si ay mawqif midaysan uga qaataan xaaladaha siyaasadeed iyo haddii uu dib u dhac rasmi ahi ku yimaado doorashadaas golaha wakiilada. Kulamadan ayaa imanaya xilli ay aad u kala durkeen Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradku islamarkaana uu istaagay xidhiidhkii ka dhexeeyay madaxtooyada iyo madaxda mucaaradku. Madaxweyne Biixi ayaa eeddo u jeediyay mucaaradka, isagoo ku eedeeyay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro inaanu weli ku qancin natiijadii doorashada. Cirro ayaa eeddaas iska difaacay, waxaanu sheegay inuu dhawr goor oo uu la kulmay Madaxweyne Biixi uu ugu yeedhay “Madaxweyne”, taas oo uu sheegay inay muujinayso inuu aqoonsanyahay inuu Muuse yahay Madaxweynaha dalka, waxaanu ku hanjabay inaanu kulan dambe la yeelan doonin Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Muuse iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa iyaguna aad u kala fogaaday. Geeska Qaran News
-
Guddigii aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u xil saaray khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah ayaa soo saaray qoraal dheer oo inta badan ay xoogga ku saareen kaalinta hey’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada mid weliba uu leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku xushmeeyo adeegga cid weliba qaranka u heyso. Guddiga waxaa uu soo saaray go’aan qeyb ka ah xalka iyaga oo sidoo kale sheegay inay daba-socon-doonaa hirgelinta go’aanka. Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah. Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada: 1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka. 2. Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. 3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka. 4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka. 5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. 6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. 7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran 8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe Cabashooyinka u gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka(SNA), qeybta Puntland xagga mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka. Jubbaland: Taageeridda ciidamada daraawiishta ee Jubbaland, tayeytooda iyo kala howl-gelidda amniga guud ee Jubbaland. Koonfur Galbeed: kala shaqeynta sugidda amniga gaar ahaan Muqdisho-Baydhabo. Galmudug: La dhisidda ciidanka maamul Galamudug iyo la xoreynta dagaannada ay amni-darrida ku hayaan Al-shabaab Ugu dambeyntii, Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada. Guddiga waxaa uu sidoo kale go’aankiisa ku saleeyey heerka dowlad goboleedyada ay mas’uuliyadoodu tahay fulinta adeegyada dadka u baahanyihiin meelaha ka baxsan caasimadda iyo mas’uuliyadda dowladda dhexe ee “u taagnaanta iyo matalaadda qarannimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Speaking during Sustainable Blue Economy Conference, co-hosted by Kenya, Canada, and Japan in Nairobi, Somali President Abdullahi Farmajo has called upon fellow African leaders to take a leading role in ending illegal fishing vessels in African waters. The President shared challenges facing his country to overcome constant violations of Somali territorial water bodies by foreign vessels. “ The main challenge we face in our environment include illegal fishing vessels, damping of dangerous waste and charcoal burning,” The President said. Mr. Farmajo explained the significant strategic and economic importance of the Somali coast and his government’s plans to take advantage of the resources in the waters in the near future. “ My government has acknowledged that the unexplored resources in my country can help end poverty, lack of electricity and shortage of water, if utilized well” The President of the Federal Republic of Somalia is among several African heads of states attending three days Blue Economy and the 2030 Agenda for Sustainable Development Conference. The leaders at the meeting are expected to make a commitment and pledges to the blue economy concept. The post Farmajo calls for ending illegal fishing vessels in African waters appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa. Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda. Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaan weli wax war ah kasoo saarin in la dhameeyey Khilaafkaan iyo in kale, inkastoo Faroole uu yahay Mas’uulkii uu Aqalka Sare u saaray xallinta khilaafkaan mudada badan soo jiray. Dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhexmaro kulan Maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo lagu shaacin doono kulankii ugu horreyay ee yeeshaan labadda dhinac tan iyo markii uu bilowday Khilaafka. Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah. Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada: 1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka. 2. Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. 3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka. 4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka. 5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. 6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. 7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran 8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa haatan waxa uu ka soconayaa deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Wararka ay Goobjoog News heleyso ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaannada Hees iyo Madhooy oo hoostaga degmada Matabaan ee bariga gobolka Hiiraan. Dagaalkan ayaa bilwoday kadib markii ay Al-shabaab jidka u galeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ka baxay magaalada B/weyne kuna sii jeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo weli rasaas xooggan la maqlayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Nicholas Haysom, strongly condemned today’s terrorist attacks in the city of Galkayo and the Somali capital that killed a prominent cleric and a number of other civilians. Al-Shabaab has claimed responsibility for the early morning assault on a compound belonging to the cleric Abdiweli Ali Elmi in the southern portion of Galkayo town. Media accounts reported that the cleric had received threats on his life from the jihadist movement in the past. A car bomb was reportedly detonated in a busy market in the Wadajir district of Mogadishu in the early afternoon, and a suspect has been arrested by Somali security forces. “Today’s attacks on civilians in Mogadishu and Galkayo demonstrate the disregard of violent extremists for the sanctity of human life,” said Mr. Haysom. “No legitimate political agenda can be advanced through the indiscriminate killing of innocent men, women and children, and the United Nations stands with the people and government of Somalia in their rejection of terrorism. We extend our condolences to the families and friends of the deceased, and we wish the wounded a full recovery from their injuries.” The post UN envoy for Somalia slams bomb attacks in Mogadishu and Galkayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waa safarkoodii Saddexaad ay wadankooda ku imaanaya kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia Waxayna booqashadoodii sanadihii lasoo dhaafay ay wax badan ka badashay fikirka iyo rajada qurbajooga soomaaliyeed, ka dib markii ay la wadaageyn fariimihii iyo sawiradii ay ka qaadeyn goobihii kala gedisanaa ay booqdeyn,iyadoo dhinaca kale ay dhiiri gelin ay u samaysay in qurbajoog badan ay yimaadeyn. Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Australia DR Xuseen Xarakow ayaa ka warbixiyay safarkadii saddexaad oo ay dalka ku imaanayaan iyo waxyaalaha uu sanadkan kaga badalan yahay labadii sano hore. Qurbajoogta iyo bahda ciyaaraha gudaha ayaa isku raacay in kooxda Melbourne ay wax badan ka badashay xiisaha loo qabo xirfadyahanada ku koray qurbaha,iyadoo dhinac kale ay keentay xiriir dhaxmara naadiyada ka dhisan dalka iyo kuwa qurbajoogta Soomaaliyeed isla markaan badashay nolasha ciyaaryahanada ka dheela gudaha oo mar un ku hamiya ku noolaashiyaha dalal badan oo yurub. Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne horayna ugu soo ciyaaray kooxda Muqdisho iyo Gobolka Banaadir ayaa sharxaad ka bixiyay xirfadlayaasha uu sanadkan soo wado iyo ciyaaraha kala duwan ay kooxdiisa ku dheelayso magaalooyinka waaweyn ee wadanka. Kaliya sanadkan uma imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxa ay caawinaad u sameyndoono muwaadiniin badan oo dalka ku dhibaataysan tusaale ahaan waxa ay qaliin u sameyndoonaan booqaal qof oo indha fiiqis ah iyo haweenka isku-furanka waxaana howshan isku xilsaaray koox gabdha oo safarka qeybka ah sanadkan. Axmed Maxamuud ooah gudoomiyaha dhalinyarada iyo isku dib ridka safarka Melbourne ayaa bogaadiyay arintan,isagoo sheegay in sanadkasta ay diyaar u yihiin imaatinka dalkooda sidoo kalne safaradooda sanadaha ina soo aadan ay kusoo kordhindoonaan aragtiyo cusub oo faa’ido u leh wadanka. Kooxdan safarkooda kaliya kuma eka Gobolka Banaadir waxa ay kale oo booqandoonaan degaanada Jubaland iyo Koonfurgalbeeda waxaa iminka ka socdo diyaar xoogan oo aadan soo dhaweyntayda. Halkan ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Soomaaliya 2018 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Kulamo siyaasadeed, ayaa la sheegay inay u bilaabmeen madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, xilligi uu Madaxweyne Biixi safar ku marayo gobalada bari ee dalka. Kulamadan oo aanay warbaahintu la socon islamarkaana aan weli isu rogin kuwo rasmi ah, ayaa waxay ku bilaabmeen sida ay warar soo baxay sheegayaan kuwo dhex maray labadii murashax mucaarad ee xisbiyadan Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo toddobaadkan dalka ku soo laabtay. Waxa ay wararku sheegayaan inay ka tashanayaan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo ay ugu horayso qorshaha Waddani iyo UCID uga meel yaala haddii dib u dhac ku yimaado doorashada golaha wakiilada oo u muuqata inay dib uga dhacayso wakhtigii loo qoondeeyay ee ahaa March 2019. Waxaanay wararku intaas ku darayaan in dhawaan ay shirar balaadhan oo rasmi ahi u furmayaan labadan xisbi si ay mawqif midaysan uga qaataan xaaladaha siyaasadeed iyo haddii uu dib u dhac rasmi ahi ku yimaado doorashadaas golaha wakiilada. Kulamadan ayaa imanaya xilli ay aad u kala durkeen Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradku islamarkaana uu istaagay xidhiidhkii ka dhexeeyay madaxtooyada iyo madaxda mucaaradku. Madaxweyne Biixi ayaa eeddo u jeediyay mucaaradka, isagoo ku eedeeyay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro inaanu weli ku qancin natiijadii doorashada. Cirro ayaa eeddaas iska difaacay, waxaanu sheegay inuu dhawr goor oo uu la kulmay Madaxweyne Biixi uu ugu yeedhay “Madaxweyne”, taas oo uu sheegay inay muujinayso inuu aqoonsanyahay inuu Muuse yahay Madaxweynaha dalka, waxaanu ku hanjabay inaanu kulan dambe la yeelan doonin Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Muuse iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa iyaguna aad u kala fogaaday. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Inta badan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuu weerarka afka ah ku qaadaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo uu ku eedeeyo weerar iyo cadaawad ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland. Laakiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, ayaan ka jawaabin eedaha Madaxweyne Biixi, isagoon si toos ah goobaha uu ka hadlayo aan ku soo hadal qaadin eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyo iyo weliba wax khuseeya arrimaha Somaliland. Sannadkan sii dhammaanaya, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu eeddo tiro badan u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cuslaayeen inuu ka dambeeyo weerarka ay maleeshiyaadka Puntland dhawrka goor kus oo qaadeen ciidamada Somaliland ee Tuko-raq degen. Eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyay Mr. Farmaajo waxa ugu dambeeyay khudbadii uu ka jeediyay toddobaadkan magaalada Caynaba. oo uu ku eedeeyay inuu qori dab leh kula wareegayo Soomaaliya, waxaanu sidoo kale ku eedeeyay cuqad iyo cadho uu Farmaajo u hayo Somaliland. Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi “Puntland waxba nama dhex yaalaan dadka Puntland-na waxaanu u naqaanaa dad gob ah oo talo qabeen oo madax ah oo aan dadka ku ciir ciirin, qoladan dhalinarada ah ee imika xukunka haysa wasiirada ahi, bal sidii awoowyaashood iyo boqoradu ay u dhaqmi jireen haw dhaqmeen oo miyirka ha soo celiyeen, gacan nabad ah ayaanu u fidinaynaa Puntland.“ Madaxweyne Biixi oo hadalka sii wataa wuxuu yidhi “Cida aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika waa dawlada uu hogamaiyo Farmaajo, waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah inuu Somaliya mideeyo oo Xamar u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dabaal degtay ee la yidhi maskax fayow oo horumar ah ayuu la imanayaa waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Kismaayo ayuu ku duulayaa Farmaajo,Baydhabo ayuu ku duulayaa oo qaylada ka taagan aad maqlaysaan, waxa aad maqlaysaa ta ka taagan Dhuusa-mareeb iyo cadaadlay, waxa aad arkaysaa Gaalkacayo oo qaybsan waxaad arkaysaa Puntland oo sida ay uga cabaynayso aad maqlayseen, intaas marka uu la dagaalamay waxa uu yidhi Berbera waa inaan la dagaalamaa oo caalamku ila qabtaa, waar ninkan Soomaali magaalo magaalo ula dagaalamaya ayaanu leenahay allow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahanay inaan u caqli celino, hadii loo caqli celin waayana layska qabto.” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyo oo marka miisaankooda la eego ah kuwo culus kama bixiyo wax jawaab ah. Tusaale ahaan toddobaadkan iyo toddobaadkii ka horeeyay wuxuu jeediyay khudbado kala duwan. Wuxuu toddobaadkii hore iska soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo kulamadii uu la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ereteriya, toddobaadkana wuxuu khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliya ee degen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halka uu shalayna khudbad ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Saddexdaas jeer ee uu Mr. Farmaajo hadlay, marna ma soo hadal qaadin eedaha uu Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay iyo weliba arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Dadka siyaasadda falanqeeya ee aqoonta u leh Mr. Farmaajo ayaa aaminsan inuu go’aansaday inaanu soo hadal qaadin eedaha Madaxweyne Biixi balse uu si hoose u wato dagaalkii ka dhanka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Waxa kale oo ay dadkan siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in ay Madaxweyne Bixii ka keenayaan eedahan badan ee uu u jeedinayo Farmaajo ka dib markii uu dareemay ama helay xoggo ku saabsan dagaalkaas Farmaajo ee ka dhanka ah qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka oo u muuqdo kuwa dib u dhac ku imanayo, waxaanu sheegay inay dalka dhibaato ku tahay dib u dhaca Doorashooyinkan, waxaanu xusay in Golayaasha Deegaanku xilkii loo igmaday ee ay umadda u hayeen inay ka gaabiyeen, halka uu tilmaamay in Barlamaankuna uu ka cago jiidayo xeerkii Doorashada ee lagu soo dooran lahaa inay sameeyaan. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxeynaha iyo wada hadalada Somaliya ee uu joojiyey, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Khasaare weyn ayaa ku jita Doorashooyinka Barlamaanka iyo Deegaanka ee dib u dhacaya, maxaa yeelay Golayaashii Deegaanka shaqooyinkii ay qaban lahaayeen wey lumiyeen, oo xilkii loo igmaday ee ay umadda u hayeen kamay soo bixin, Barlamaanka qudhoodii ayaa iyana cagaha jiidaya, oo waxay ahayd inay is dhaafiyaan hawsha kaga xidhan Doorashadoodada, balse ma rabaan inay is dhaafiyaan, imikana waxaa haboon in laga wada hawl galo sida ugu haboon ee Doorashooyinkan loo diyaari lahaa, si aanay mar kale dib u dhac ugu iman, maxa yeelay Barlamaankuna dhaxal kumay helin inay ku sii fadhiyaan kuraasta, Golayaasha Deegaankuna xilkii loo igmaday wey lumiyeen, dad baa han leh ,oo doonaya inay isa soo sharaxaan, balse haddii ay kolba dib u sii dhacaan Doorashooyinku maaha arin haboon” Mar uu ka hadlaayey Safarka Madaxweynaha ayaa yidhi“ Inuu Madaxweynuhu meel kasta oo dalka ah inuu maro waa arin aad u wanagsan, waana ku bogaadinayaa, dadkuna si fiican bay ugu jawaabeen, una soo dhaweeyeen, Madaxweynuhu inuu gaadho Gobolada Barri, aad baan ugu faraxsan nahay, waliba meelihii ay Ciidamadu deganayeen, maxa yeelay Ciidamada ayey dhiirigalin u tahay, si fiicana hawshan uu u maamulayo, Mucaarad iyo Muxaafidba waan ku hambalyeynayaa sidii loo soo wada dhaweeyey Madaxweynaha” Dr Cumar Shubay mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya ee uu Madaxeynuhu joojiyey ayaa yidhi “Wadan aan ku doonayn la iskuma qasbo, waxaa la wada hadlaa marka ay labada dhinac is ogol yihiin, balse iyada oo dhib lagugu hayo cidna lama hadli kartid, Madaxewynuhuna waxaan qabaa inuu ku saxsan yahay inuu joojiyo wada hadalada Somaliya, marka ay tixgelin iyo qiimayni jirto ayaa wada hadalka uu imanaya” Source
-
Doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed oo dhaceysa 5-ta bisha soo socota, waxaa isugu soo haray 6 murashax oo kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur, Ibraahim Macalin Nuur, Ambassador Sayid Axmed iyo Aadan Saran Soor. Xildhibaannada koonfur galbeed tiro ahaan waa 149, 6-dan murashax waxaa ay raadinayaan kalsoonida xildhibaannadaas, waxaana kala xulashada qeyb ka noqon-doonta ajendaha mid weliba uu wato iyo taageerada uu ka heysto gobolka. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa taariikhda raggaas iyo qof walba inta laga yaqaanno: 1. Xuseen Cusmaan Xuseen: Ajendihiisa iyo sababta uu u tarmayo weli kama hadlin, laakin waaxaa uu ahaa taliye iyo wasiir aad ugu dhow xukuumadda Federaalka ah. Waxaa khibraddiisa shaqo ka mid ahaa: Taliyaha NISA(2018), wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka(2017-2018), Xildhibaan golaha shacabka ah(2004-2016), wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha(2006-2007), wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga(2004). 2. Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo iska casilay jago muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. 3. Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur: Sheekh Roobow Abuu Mansuur, waxaa uu reer Baydhabo u sheegay in ajendihiisa ugu weyn uu yahay amniga iyo inuu gobolkaas ka saari-doono Al-shabaab. Sheekh Mukhtaar, waxaa uu ka baxay xarakada Al-shabaab, dowladda federaalkana isku dhiibay August 2018-kii, xilligaas waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada. Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag, iyaga oo madaxiisa dul dhigay $5 Milyan. Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow”. Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan. Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool. 3dii sano ee ugu dambeysay, inta aanu isku soo dhiibin dowladda, waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo. 4. Ibraahim Macalin Nuur: Ma aha shakhsi siyaasadda lagu yaqaan, waa Sama fale, waxaa uu wax uu dhisay Isbitaalka Bay-how ee magaalada Baydhabo, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 5. Ambassador Sayid Axmed: Muddo dheer ayuu safiir ahaa, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalalka Tanzania iyo Uganda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 6, Aadan Saran Soor: Waxaa uu ka mud ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan(2010), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha (2015), kooxdii ARS( 2007-2009), wuxuu aad u diidanaa dowladdii Cabdullahi Yusuf, oo marar badan isku dhaceen Aaden Madoobe, dhismaha dowladda Cabdullahi Yusuf ka hor wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee jbahaddii RRA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed ahna guddoomiyaha baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa beeniyay Faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed, islamarkaana arintaasi ay tahay mid laga bad badiyay, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaasi u daray in hadda Koofur Galbeed ay isku filan tahay, maadaama uu ka jiro guddi doorasho, golle wasiiro oo shaqeynaya, baarlamaanka iyo madaxweyne KMG ah oo xilka ku wareejinayo madaxweynaha la doortay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, Koofur Galbeedna ay kamid tahay meelaha ay masuulka ka tahay. Balse wuxuu sheegay in sidaasi oo ay masuul uga tahay haddana inaysan wax faragelin ah ku sameyn arrimaha doorashada Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah magaalada Baydhabo ka dhacaya doorashada madaxweynaha. Waxaa uu meesha ka saaray eedaha la xiriira in dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Koofur Galbeed ,waxaana uu xusay in wixii farsamo ah ee ay dowladda dhexe uga baahdaan weydiisan doonaan haddase ay iyagu isku filanyihiin. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riddey (Akhriso)
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun xabsi ah ku riddey nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana isku ekeeysiiyey ciidanka dowladda. Hoos ka akhriso: Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013. Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose . Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero ay ula baxeen Cuteybah. Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow. Waxa uu raaciyay in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir 20-may 2018. Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka. 12-11 ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali. Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay 1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com -
Maareeyihii garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, Ibraahim Maxamed Cali Calashow ayaa xalay waxa uu magaaladaasi ku toogtay xaaskiisa. Marxuumadda ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiila Xasan Sheekh Cali, waxay ahayd 32 sano jir, walibana waxay lahayd Uur. Aasiyo Sheekh Cali, waa eedada Jamiila, Goobjoog News ayeey u sheegtay in sababta dilka ay ka dambeysay muran soo kala dhex-galay Ibraahim iyo Jamiila. Waxa uu ku dhuftay dhowr Xabadood oo uu ka ridey Bistooladiisa, sida ay Aasiyo inoo sheegtay, isagiina ciidamada ammaanka Jowhar ayaa gacanta ku dhigey, waxaana uu ku xiran yahay saldhigga magaalada Jowhar. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WARKA-NIN-XAASKIISA-KU-DILAY-MAGAALADA-JOWHAR.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ka dhaco shir looga hadlayo ammaanka dalka. Shirkan waxaa ka qeybgali doona safiirada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ciidan. Ammaanka magaalada B/weyne ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo badan la dhigay inta u dhaxeysa garoonka magaaladaasi iyo gudaha B/weyne. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Hirshabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay saakay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Maamulaha mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmadaasi. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in rag dhallinyaro ah ay u yimaadeen maamulahan xilli uu shaqadiisa caadiga ah ku jirey, waxaana la tilmaamay in dhowr xabad ay madaxa kaga dhufteen. Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdalla, waxaana la ogeyn sababta loo diley iyo sidoo kale cidda dilkaasi ka dambeysay. Xilliga dilkan uu dhacayey waxaa fasallada si caadi ah ugu jiray ardayda iyo macallimiinta, waxaana socotey xiisadaha iskuulka. Dilalka sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqnoqday meello ka mid ah dalka, iyadoo Muqdisho Bishii hore lagu diley maamule iskuul iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu ammaanay in aanu ka cabsanin in uu kursiga kaydka galiyo ciyaartoydiisa. Waxaa sidaas qaba Ian Wright oo ah laacib horay ugu soo dheelay kooxda Arsenal, wuxuuna sheegay in tababare Emery uu leeyahay waxyaabo badan oo uu ku ammaanan yahay, go’aammada uu qaatana ay ku salaysan yihiin waxa danta u ah kooxda Arsenal. Tababaraha Arsenal ayaan safin Mesut Ozil ciyaartii ay Axaddii Bournemouth la dheeleen, taas oo Arsenal ay ku badisay 2-1. Arsenal oo saddex jeer oo isku xigta barbarro gashay ayaan safin Ozil ciyaartii u dambaysay ee ay badiyeen, inkastoo soddon jirkaasi uu yahay ciyaaryahanka ugu mushahaar qaalisan kooxda isaga oo toddobaad kaste qaata 350,000 oo gini. Kooxda Newcastle ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay guushii saddexaad ee xidhiidh ah iyadoo ka badisay kooxda Burnley. Newcastle oo ka faa’iidaysatay habacsanaantii difaaca kooxdan ayaa hadda sidaas ku gashay kaalinta 13 ee shaxda kala horraynta Premier League-ga. Ciyaartaasina waxay ku soo dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday Newcastle. Natiijadaas ayaana u horseedaysa in Burnley ay gasho kaalinta 17, iyada oo hal dhibic ka sarraysa khadka cas ee saddexda koox ee ugu liidata Horyaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday ruux la sheegay inuu ka tirsanaa Al Shabaab balse uu isku ekeysiin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Cali Maxamed Cabdullaahi oo Al Shabaab ku biiray Shan sano ka hor ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho, balse uu isku ekeysiiyay ciidamada dowladda. Cali ayaa la sheegay in lagu qabtay isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir Bishii Shanaad ee sanadkaan, waxaana xiligaasi uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada xooga oo loosoo tilmaamay dilkiisa. Sababta uu u doortay amniyaadka Al Shabaab ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka. Qoraal kasoo baxay maxkamadda xukuntay Cali aya u qornaa Sidan:- Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay 1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar. Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana odhan jirey Jamiilo Sh. Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. Sarkaalka dilka geystey ayaa la sheegay in ay ciidamadu soo qabteen xabsigana la dhigey. Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Networki )-War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Haysom ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo wuxuushnimo ah oo ay geysteen kooxo uu ugu yeeray Argagixiso. Mr Haysom ayaa xusay in weeraradaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in QM ay ka soo horjeedo falalka ceynkani oo kale ah, islamarkaana ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxa uu Taci u diray dhammaan ehalladii ay dadkoodu waxyeaalado ka soo gaartay weeraradaasi. Qaraxyadani oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post QM Oo cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Zimbabwe)-Hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka wayn dalka Zimbabwe ayaa diiday in uu taageerayaashiisa ku dhiirigaliyay in ay dhigaan mudaaharaadkii rabshadaha watay ee doorashada ka dib dhacay kaas oo horseeday in ay lix ruux dhintaan bishii Agoosto. Nelson Chamisa ayaa madaxweyne Emmerson Mnangangwa ku ku dhaliilay go’aanka uu milatariga ku adeegsaday si ay rabshadaha u joojiyaan. Toddobo ruux oo baadhitaan ku sameeya arrintaas ayaana bishii Sabtembar la sameeyay si ay baadhitaan ugu sameeyaan dilkaas. Nelson Chamisa ayaa sheegay in xisbiga uu hogaaminayo uusan ku baaqin dibedbaxyo koowdii bishi siddeedaad ee sannadkan. waxaa uuna sidoo kale sheegay in lix ka mid ah dadkii la toogtay aysan xubin ka ahayn xisbigiisa. Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe Zimbabwe: tirinta codadkii doorashada oo la bilaabay Xisbiga MDC ayaa ugu baaqay guddiga baaritaanka sameynaya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee koonfur Afrika inay xaqiiqada dhabta ah ka sal gaaran. Cid doonaysa ma jirto inay qaadato masuuliyadda wixii maalinkaas dhacay, taliyaha cidammada Zimbabwe ayaase qirtay in askarta ay rasaas fureen balse waxaa uu meesha ka saaray inay dibad baxayasha bartilmaamedsadeen. Dibedbaxyadda ayaa dhacay ka dib markii guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi dhamaadkii bishii toddobaad. Doorashadii ka dhacday dalkaasi oo aheyd middii ugu horraysay ee uusan ka qayb galin madaxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe ayaa rabshadihii ka dhahsay waxaa ku dhintay dhawr qof. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka ay kula wareegayso dawladda federaalka Soomaaliya, tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya si qorshaha kala guurka loogu dhaqan geliyo hannaankii horay loogu qorsheeyay. Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay, waxa uuna ku ammaanay hoggaanka dalka horumarka muuqda ee laga gaaray sugidda amniga iyo hanaanka siyaasadda dalka. Amb. Mohamed Idriss Farah ayaa sheegay in u jeedada booqashadoodu ay tahay qiimaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee mas’uuliyadda amniga dalka si taxadar leh loogu wareejinayo ciidanka amniga Soomaaliya. “Waxa aan uga mahadcelinayaa midawga Afrika garab istaaggooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan Soomaaliya. Ciidamo isugu jira rag iyo haween ka socda midawga Afrika ayaa naftooda ku waayay halkaan iyaga oo Soomaaliya difaacaya. Dalalkiinna ayaa la idinku soo weearay hase yeeshee kama labalabanya in aad nasii taageertaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wafdiga si qota dheer uga warbixiyay tubaha dawladda ee Soomaaliya u horseedaya nabad iyo barwaaqo, waxa uuna adkeeyay in si looga run sheego qaybta amniga iyo qorshaha kala guurka ay tahay muhiim tahay in wax badan la qabto. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo. The post R/wasaare Kheyre Oo kulan la qaatay Wafdiga Midowga Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdish)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shalay shir guddoomiyay shir ka dhacay Xarunta Xalane oo looga hadlayay tubta Amniga iyo Cadaaladda ee ay u qorsheysay dawladda Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, AMISOM, UNSOM iyo Saraakiil ciidan oo ka kala socday Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay dadaal badna u gashay sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa hey’adaha amniga dalka, ayna ka go’an tahay in la helo amni la isku haleyn karo. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maalgelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto uu wax ka shir guddoomiyo, kaddib markii todobaadkii hore laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga. Source
-
Jowhar (PP) ─ Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar, Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) ayaa la sheegay inuu xalay xafadda Hanti-wadaag uu ku dilay xaaskiisa oo Xaamilo ahayd. Shacabka xaafadda la daggan ayaa xaqiijiyay in haweeneyda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali Ibraahim, ayna muddo wada-joogeen maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar. Dadka deegaanka ayaa xusay in Maareeye Cali Dheere uu dilka xaaskiisa u adeegsaday rasaas, isla markaana uu madaxa kaga dhuftay dhawr xabbo oo sababay inay isla goobta lagu toogtay ku geeriyooto. Sidoo kale, Ehelada Marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay Gabadhooda oo Xaamilo ahayd, uuna dilay ninkii ay u dhaxday, iyagoo sheegay inaysan ogeyn sababta uu maareeyuhu u dilay xaaskiisa oo uur u lahayd. Dhanka kale, Ciidamada Booliska Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan-ku-dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Jowhar, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen saacadaha soo socda. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo mas’uul jago sar ka haya maamulka HirShabele uu dil u geysto xaaskiisa lamana oga go’aanka kama dambeysta ah ee laga qaadan doono maareeya xalay dilay xaaskiisa, arrintan oo aad uga fajanisay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay toogtay xaaskiisa oo xaamilo ahayd appeared first on Puntland Post.
