-
Content Count
210,589 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay amar duldhigay Hay’adaha amaanka maamulka. Hogaamiye Cabdiweli Gaas, ayaa Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku amray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,maadaama ay jirto Cabsi ku aadan in Shabaab iyo Daacish ay Puntland weerar kusoo qaadaan. Gaas, waxa uu Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku wargaliyay inay suuragal tahay in deegaanada maamulka ay ka dhacaan weeraro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ku qalqal galinayaan dadka deegaanka. Gaas, waxa uu laamaha Amniga maamulka Puntland u sheegay in ay muhiim tahay in adkeeyaan Amniga gobolka Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro iyo dilal qorsheysan. Waxa uu sheegay inay sii kordhayaan maleeshiyaadka ku sugan deegaanada maamulka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga feejignaado duulaan ay maleeshiyada ku qaadan goobo muhiim ah. Hogaamiye Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso, waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan. Si kastaba ha ahaatee, ammaanka magaalada Boosaaso ayaa faraha ka baxay bilihii lasoo dhaafay ka dib markii halkaasi siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad iyo Ganacsato. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay ra’iisal was are ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ee kulanka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu jiray qorshe socday muddo, oo ahaa inay kulmaan Farmaajo iyo Muuse Biixi, islamarkana kala booqdaan magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho ee labadooda caasimad. “Mar walba way naga go’an tahay inaan la hadalno Somaliland, qorsho waxaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Si kastaba, Sacad Cali Shire ayaa taas ku gacan seeray, wuxuuna sheegay in marnaba aysan kulmi dooni madaxweyne Soomaaliyeed iyo madaxweyne Somaliland, isaga oo sababtuna ku sheegay in marka hore Soomaaliya laga doonayo inay Somaliland u aqoonsato dal. “Arrinta Soomaaliya waa ay ka duwan tahay midda dalalka kale ee jaarka nala ah, waayo Soomaaliya waa dal aan ogoleyn jiritaankeena” ayuu yiri Sacad Cali Shire. Hoos ka daawo wareysiga Sacad Cali Shire ee Saab Tv.
-
An executive order for presidential signature would instruct federal antitrust and law enforcement agencies to investigate Alphabet’s Google, Facebook and other social media companies Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay maalmo ka hor dil fool xun oo loo geystay nin shaqeynayey Garaash ku yaalla degmada Yaaqshiid oo nolosha lagu gubay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen lix qof oo isugu jiray rag iyo dumar. Marxuumka oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa loo dilay sababo la xiriira wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar ka dhalatay mid ka mid ah beelaha dega Muqdisho. Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega. “Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur. Arintan ayaa waxaa ka dhalatay caro weyn iyo hadal heyn badan iyadoo ay aad uga xumaadeen qeybaha bulshada oo ku baaqay in la soo xiro dadkii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah. Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Haddaba hoos ka daawo warbixin laga diyaariyey dhacdadan murugada leh iyo wiilka iyo gabadha is-guursaday oo hadlay.
-
Ian has promised to avenge a deadly attack on a military parade in Ahvaz that killed 25 people. Source: Hiiraan Online
-
A section of Wajir ward representatives have protested over unexplained two-months pay delay for county staff. Source: Hiiraan Online
-
At least 677 migrants were held on Saturday across Turkey, according to security sources. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan ayaa la sheegay inuu iibsaday kursiga uu iska casilay Ex-xildhibaan Daahir Cali Faarax oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inuu jiro qorshaha uu wasiir Jamaal kursiga ku imaanayo isaga oo intaasi raaciyey inay sidoo kale jiraan wasiirro kale oo raadinaya inay kuraas ka iibsadaan xildhibaannada golaha shacabka. Xildhibaankii is-casilay ee Daahir Cali Faarax waxaa uu noqday qunsul ka noqday dalka Djibouti. Xiriir aan la sameynay uddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka nooma suuro-gelin inaan helno wax jawaab ah, guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ku jirtaa imtixaan adag, oo haddii ay ka gudbi weyso imtixaanka kuraastan la buuxiyo, waxaa adag inay dadka Soomaaliyeed iyo axsaabta dalka aaminaan doorashada 2020-ka. Dhinaca kale, waxaan la xiriirnay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan laakin kama helin wax jawaab ah. Xukuumadda Xasan Kheyre oo hadda golaha shacabka ugu jiraan ilaa 50 wasiir ayaa ku talo jirta inay hesho tiro fiican oo ay uga bad-baadi karto mooshin. Khamiistii, guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay boos buuxinta kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland. Kursigan uu 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax, waxaa la faray odayaasha dhaqanka ee ku jiray 135-ta inay keenaan 51 ergo doorasho, muddo 7 cesho ah oo ka bilaabaneysa 22-ka bishan. Murashaxiinta ayaa sidoo kale lagu war-geliyey inay araajidad keensadaan inta u dhaxeysa 22-ka bushan ilaa 29-ka. Waa Kuma Amb. Jamaal Maxamed Xasan: Amb. Jamaal Maxamed Xasan:, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, waxaa uu ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Waxaa shakhsi 3 sano ku jira siyaasadda, tan iyo intii loo magacaabay jagadan wasiirrnimo March 21, 2017 waxaa uu ka mid ahaa gacan yarayaasha ugu dhow ra’isul wasaare Kheyre. Mr. Jamaal waxaa uu heystaa dhalashada Canada, isla dalkaas ayuu wax ku soo bartay, waxaa uu sidoo kale xiriirka caalamiga ah ka dhigtay jaamacadda Moi ee dalka Kenya. Amb. Jamaal Maxamed Xasan: shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in uu la taliye safaaradda Mareykanka ee Naibobi uga ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaa uu noqday Aug 6, 2015-tii safiirka Soomaaliya ee Kenya isaga oo badalay Maxamed Nuur Americo, hadda waa Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, wuxuuna iibsanayaa kursi golaha shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Somali regional state in Ethiopia has officially announced the closure of its main prison facility, located in the capital, Jijiga. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Dawladda Britain ayaa sheegtay inaanay wakhtigan aqoonsanayn in dalkeeda lagu galo Baasaboorka dalka Soomaaliya. Caroline Nokes, oo ah Wasiirka socdaalka ee Ingiriiska oo toddobaadkan dhammaaday su’aalo lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiyay su’aal ahayd sababta ay dawladda UK dadka Soomaaliya ugu ogolaan weyday inay Baasaaboorka Soomaaliya ku tagaan Ingiriiska. Caroline, waxay sheegtay inaanu Ingiriisku wakhti xaadirkan aqoonsanayn Baasaaboor Soomaaliga, waxaanay ku jawaabtay wasiiradu “Ingiriisku hadda ma aqoonsana in Baasaaboorka Soomaaliya loogu socdaalo dalka Ingiriiska. Hase yeeshee, waxaanu dejinay talaabooyin lagu hubinayo in dadka sita Baasaaboorka Soomaaliga ee leh degenaanshaha sharciga ah ee isha bu’da laga sawiro ee UK in loo ogolyahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska.” Waxay wasiiradu sheegtay inay qorshahan ku wargeliyeen diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan, “Waxaanan ku wargelinayn duulimaadyada caalamiga ah hab macaamilkan, waxaanan la wadaagnay xogtan wakiilada bulshada Soomaalida.” Ayay tidhi. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku qasbanaan doono inuu qeyb ka noqdo maamulada u hogaansami doona dowlada Federaalka ah ee Somalia. Sanator Qeybdiid oo kamid ahaa Wafdigii ka socday Aqalka sare ee loo diray Galmudug ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug ay dhan waliba ka tuseen ahmiyada ay leedahay isku tanaasulka, waxa uuna carab ***** inay qabaan rajo ku aadan isku soo dhawaanshaha dowlada iyo Galmudug. Qeybdiid waxa uu sheegay in iminkaba uusan jirin kala fogaansho balse uu jiro Isfahan yari ka dhex jira dowlada iyo maamulada hase yeeshee xal degdeg ah laga gaarayo. “Anagu madaxda Galmudug waan u sheegnay sida ay waxyihiin waxaanu isla garanay in lasoo afmeero khilaafka maamulka kala dhexeeya dowlada, Galmudugna wey aqbashay” Waxa uu intaa raaciyay “Galmudug wadada ayey kusoo jirtaa waa laga war sugayaa isbedelka ay la imaan doonto weyna ku khasbanaan doontaa inay garato tanaasulka” Qeybdiid, ayaa carab ***** inay muhiim tahay in dowlada Dhexe qudheeda ay xaliso tabashooyinka maamulada, inkastoo uu tilmaamay in shirka loo qabanaayo Galmudug lagu soo afmeeri doono khilaafka maamulka dhex diisa iyo kan kala dhexeeya dowlada. Sidoo kale, Qeybdiid ayaa meesha ka saaray in mar akle uu soo laaban doono khilaafka isagoo dhanka kale sheegay in dowlada Dhexe ay isku soo dhaweyn doonto madaxda Galmudug. Docda kale, Sanator Qeybdiid ayaa sheegay in Galmudug ay qaadatay inay la midowdo Dowlada Dhexe, isla markaana dalbatay in xal loo helo tabashooyinkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyihii ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa ku tilmaamay Amxaarada iyo Tigreyga doqomo isaga oo ku nuux nuuxsaday in ay ahaayeen guumesteyaal. Macallin waxa uu farta ku fiiqay in qarniyo ay Amxaarada iyo Tigreega oo la’isku yiraahdo “Abyssinian Stock” ahaayeen kuwo guumeysta qowmiyadaha kale ee dalka la wadaaga. Get educated on simple facts triple pinheads. The centuries old Abbysinian dynasty enslaved the Oromos, Afar, Banishangul, Gumuz, Gambela, Southern nationalities etc etc. The first time a member of the lesser communities has accessed real power & you think they will backtrack!!! — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 21, 2018 Isaga oo dareenkiisa ku cabbiraya xiisaha ka jira Itoobiya iminka ayuu Twitter-kiisa soo dhigay farriin kulul oo uu ku bidhaaminayo cabsida haysa Amxaarada iyo Tigreega. “Waa inaad aqoon u yeelataan xaqiiqooyinka fud fudud, saddexdiina doqomaha ah. Qarniyadii boqortooyooyinka Abbysinia waxa ay guumeysteen Oromada, Canfarta, Banishangul, Gumuz, Gamblea, qabiilda Koonfurta iyo iwm. Markii ugu horreeysay ee qowmiyadaha yar yar heleen awoodda dhabta, markaa ma waxaad moodaan in ay aargoosi sameenayaan!!!”, ayuu yiri Faarax Macallin. Itoobiya waxa ay yeelatay Raisul Wasaarihii ugu horreeyey ee ka soo jeeda qowmiyadda Oromada kaddib markii uu Dr Abiy Ahmed loo magacaabay xilgaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku helnay kulan maalmo qaatay ayaa waxa uu dhexmaray Khubaro ka kala tirsan Hay’adda NISA iyo Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia, waxaana kulanka lagu gaaray heshiis muhiim oo la xiriira wadaaga xogta sirdoonka. Kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ahaa mid looga arrinsanayay sida ugu fudud ee Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa Somalia, ayaa waxaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno lagu wiiqi karo awoodda Al-Shabaab. Qorshaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Taliska Ciidanka AMISOM, la iskula wadaago xogta sirdoonka, sidoo kalena ay guud ahaan ciidamada labada dhinac lahaadaan iska warqab buuxa. Khubaradu waxa ay isla garteen inay muhiim tahay in howlaha lagu dhinac wado sida ugu sahlan ee loo uruurin karo xogaha dhinaca amaanka ah, iyadoo si joogta ah loo wadaagayo xogaha. Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa soo uruurisa xogaha ay ku howlgalaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Militariga. Sidoo kale, madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Naboth Mwesigwa, ayaa Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ka codsaday in ay xogaha muhiimka ah isla socodsiiyaan si cadowga loo wiiqo. Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu sheegay in ay hoos u dhaceen weerarrada dhinaca Miinooyinka ah gudaha Soomaaliya kaddib markii la helay isku xir fiican oo dhinaca sirdoonka ah iyo tababarro dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka m shaqeynayso qorshooyin dib loogu bilaabayo wada-hadallada maamulka Somaliland. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi. Arrintaas waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland DR Sacad Cali Shire. Wuxuu sheegay wasiirku in bishii February ee sanadkan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmeen Jabuuti, kadibna wadahadalka dib loo furayo. Wuxuu sheegay in wadamada gobolkani oo heshiisyo ka gaaray colaado u dhaxeeyay sanado badan ay ka duwan tahay qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiirka ayaa ka hadlay waxa hortaagan in ay wada hadallo yeeshaan dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland. Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaadya in bulshada caalamka uga dacwootay maamulka Puntland kaddib markii dhowaan uu booqasho ku yimid magaalada Baran ee gobolka Sanaag madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-WASIIR-SACAD-22-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) – Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has canceled his planned trip to New York this week as the horn of Africa nation faces political crisis pitting the central government and regional states, diplomat said. Source: Hiiraan Online
-
Jabhadda Caarre Waxaa maanta oo sabti ahayd galinkii dambe markii ugu horreysay dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caarre. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka buuraleyda ee Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay xog ku heshay PUNTLAND POST, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen garab kamid ah Jabhadda Caarre oo uu hogaamiyo Kornel Jamaal Ducaale Maxamed (Baaxad) oo ku sugnaa maalmihii udambeeyay deegaanka Hal-dhaadan ee gobolka Sanaag. Midig Korneyl Caarre, bidix Koreyl Baaxad Jabhadda Korneyl Caarre ayaa war qaraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in ay dharbaaxo xanuun kulul ku dhufatay ciidamada Somaliland oo soo weeraray, aysana soo gaarin wax khasaare ah. Sidoo kale Jabhadda Korneyl Caarre ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalkaas, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray, inkastoo aan si dhameystiran loo xaqiijin karin, sidoo kale waxaan la xaqiijin karin cidda hadda ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay. Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo dhawaan ka hadlay garabka Jabhadda Caarre ee ku sugan deegaanka Hal-dhaadan ayaa sheegay in uusan agtooda wax weyn ka ahayn Korneyl Baaxad oo ay si fudud u soo qaban karaan, balse ay u turayaan. Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo sheegtay in ay la dagaalami doonto wax ay ku sheegtay cadaalad daro ka jirta Somaliland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaysa. Puntland oo marar badan ku eedeysay Somaliland in ay gacan saar la leedahay Al-shabaabka Galgala, ayaa dhawaan Jabhadda Korneyl Caarre saldhig ciidan ka siisay meel u dhow magaalada Qardho. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu xukuumadda Muqdisho dusha u saaray masuuliyadda wada hadalladii labadii dhinac. Wuxuu sheegay xildhibaanku in Somaliland ay soo jeedisay in loo wada hadlo sidii laba dowladood oo siman, arrintaas ay ka dhaga fureysatay madaxtooyada Soomaaliya. Xildhibaan Axmed Diiriye oo soo hadal qaaday hakadka ku yimid wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa xusay in la isku afgartay in laga wareejiyo dalka Turkiga oo ay u arkaan mid aan dhexdhexaad ahayn. Waxaa kaloo uu iska fogeeyay in Somaliland ay shuruudo adag ku xirtay wada hadalladii Dowladda federaalka iyo Somaliland. Wada hadalladani oo dhowr jeer ka qabsoomay dalalka kala ah Turkiga, Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa wali waxaa lagu guuleysan in ay ka soo baxaan heshiis dhammeystiran. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-NACNAC-22-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha booliska federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ka warramay dhibaatooyin amni darro oo caasimadda ku soo kordhay maalmahani. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay dadaallo uu sheegay in ciidamada ammaanku ay kaga horgayaan weerarro dilal u badan oo ka dhacayay maalmahani magaalada Muqdisho. Taliye Bashir waxaa kale uu sheegay in meel walba oo magaalada kamid ah ay joogaan Booliska, arrintaas iminka aan jirin. Waxaa uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in laamaha ammaanku ay wadaan dadaallo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga caasimaddani. Isagoo intaas ku daray in shacabka magaalada laga doonayo in ciidamada ay kala shaqeeyaan nabadgalyada sidii loo xaqiijin lahaa. Hadalka taliyaha booliska Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli amaanka magaalada Muqdisho su’aallo la iska waydiinayo, kaddib markii silsilado dilal qorsheysan ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen, oo uu ugu dambeeyay mid lagu khaariyay Gabar Ardayad ah shalay subax. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/TALIYAHA-BOOLISKA-BY-CALI-AADAN-MUUMIN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaraxyo isxigxigay oo ka dhashay baabuur lagu xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay isgoyska dabka waxaana gaariga qarxay lagu sheegay inuu lahaa Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim oo ah barre Soomaaliyeed, kana faallooda dhaqaalaha. Aqoonyahanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu ku geeriyooday walaalkiis Cumar Caamir Xaaji Ibraahim hal qof kale uu dhaawacmay. “Gaariga dabka ku qarxay, wuxuu ahaa gaarigeeyga, kursigeeyga ayaana lagu xiray qaraxa, waxaana xilligaas saarnaa walaalkeeyga oo aniga ii soo socday, Allaha u naxariistee walaalkeeyga ayaa gaariga qarxay ku geeriyooday” ayuu yiri Proff Yaxye Caamir. Dhanka kale, qaraxa labaad ayaa ka dhacay isla wadada Makka Almukarrama dhabarkeeda dambe waxaana la arkayay uuro iyo qiiq madoow oo cirka isku shareeray. Laamaha amniga dowladda ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin qaraxyadani magaalada Muqdisho laga maqlay. Qarxayadani ayaa noqonaya culeysyo ku sii siyaada ammaanka magaaladani, waloow taliska boolisku maanta ay sheegeen in ay wadaan howlgallo amni darrada wax lagaga qabanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com