-
Content Count
206,342 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan. Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan. “Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan,” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale, Wasiirku ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka. “Fursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama aanu dhiseyno hay’ad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururrada iyo hay’adaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka Qayb-galeysa Shirka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo is arag ah oo labada Madaxweyne ay yeesheen, tan iyo markii 16 bishii February ee sanadkii hore ay xilka isku wareejiyeen. Labada Madaxweyne ayaa kulanka xaalada uu dalku marayo, caqabadaha siyaasadeed ee dalka iyo inay iska yeeshaan mustaqbalka iyo horumarka dalka. Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Page-kiisa Facebook ayaa lagu yiri. “Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna”. Wararka la helayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeyn arimaha Siyaasadda, amaanka iyo Arimo kale.
-
Djibouti president attends President Erdoğan’s inauguration
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
By Ahmed Abdi Ankara—Djibouti President Ismaïl Omar Guelleh attended Monday the inauguration of the Turkish President Recep Tayyip Erdoğan amid showing a support to President Erdoğan and his 81-million nation. The level of Djibouti’s cooperation with Ankara on health, education and higher education, agriculture, commerce and the economy as well as geothermal energy, is a win-win approach, according to a report of Djibouti’s daily press, The Nation. President Guelleh will discuss his Turkish counterpart the enhancement of geothermal energy in part of the nation’s economic growth and investment. The President of the Republic-led a large Djibouti delegation at the inauguration of Turkish President Recep Tayyip Erdoğan on July 9, including the minister of Economic and finance, Ilyas Moussa Dawaleh. Djibouti commissioned $3.5 billion Chinese-built free trade zone last Friday. “It is … a zone of hope for thousands of young job-seekers,” Djibouti President Ismaïl Omar Guelleh said at the inauguration ceremony, which was also attended by the presidents of Rwanda, Somalia, Ethiopia and Sudan. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xoogan ayaa ka taagan sidii xajka Soomaaliya lagu aadi lahaa kadib markii shaqsiyaad awood leh oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay billaabeen olole wax looga beddelayo shirkadihii dadka xajka u qaadi jiray. Dowladda Soomaaliya oo fulineysa codsiga shaqsiyaadkan ayaa codsi u dirtay dowladda Sacuudiga, ayada oo doonaysa in ruqsad ogolaasho ah la siiyo shirkada Ocean oo dhowaan la aaas-aasay, meeshana looga saaro shirkadihii hore sida Jubba Airways iyo Daallo. Shirkaddan ayaa waxaa saami ku leh rag aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Siyaad Maxamuud Shire, Cabdi Shakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan iyo Cabairizaaq Shoole, oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada. Dowlada Sacuudi ayaa diiday inay ruqsad siiyo shirkadaha ay wataan raggan, waxeyna ku soo jawaabtay in dowladda Sacuudiga ay ogashahay kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo, oo muddo waday howshan. Arrintan ayaa sidoo kale saameysay wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta oo shaqadiisa ku waayey, kadib markii uu ka horyimid qorshaha ka dhanka ah shirkadaha Jubba iyo Daallo. Tallaabadan ayaa loo arkay mid magaca ka dhaawaceysa dowladda, ayada oo u kala xaglineysa laba ganacsi oo ay kala leyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, balse qabiil lagu kala doorbiday.
-
HARGEISA– Somaliland President, His Excellency Musa Bihi Abdi met in his office on Tuesday with Hon. Ismail Hure Bubaa who has abandoned his federals ideology and member of Somaliland’s main opposition (Wadani) party. Accordng to a press statement issued from the office of the president said that the meeting ended in mutual understanding. They have agreed that they will work together when it comes to the interest of the nation and its development. Mr. Bubaa served cabinet ministers in successive governments in Somalia as he was a fervent believer of federalism ideology.
-
El Afweyn– A high level delegation led by the deputy president is in El Afweyn. Hon. Abdirahman Abdilahi Ismail has paid an inspection tour to Erigavo-Buroa road which nearing completion. The workers on duty briefed the VP and his flanked delegates. The engineers have told the VP that the construction of the road is underway in different parts of Gar Adag to Erigavo. The minister for sports Hon. Bos Mire said that the completion of the road will be a historic accomplishment for Somaliland as he spoke of the difficulty that traffic used to have in the past. VP pledged that the government will do their utmost to connect regions in Somaliland. The VP and his flanked delegates paid a short visit to the water well which El Afweyn is well known for. He urged residents to observe peace and to work towards the preservation of national unity. There are 66 delegates currently staying in El Afweyn in a bid to end the inter clan fighting between the two clans.
-
Brussels, 10 July 2018 Political relations The EU, together with Somali authorities and international key partners, is engaged in Somalia through an integrated approach based on active diplomacy, support for political change, improving security, development assistance and humanitarian aid. For the period 2015-2020, the cooperation of the EU and the Member States amounts to more than €3.5 billion, and includes development aid, humanitarian aid and peacekeeping operations. In line with the New Deal principles for fragile states and the Somali Compact (2013-2016) endorsed at the 2013 EU-Somalia summit in Brussels and guiding the relationship between Somalia and the international community, Somalia undertook several reform efforts. With the end of the Somali Compact and with the newly elected President Farmajo and a new Somali government in place, the London Somalia Conference in May 2017, set the new framework for relations between Somalia and the international community. The meeting agreed on the Security Pact – based on the Somali agreed National Security Architecture and setting out the vision of Somali-led security institutions and forces and international support, and endorsed the New Partnership for Somalia, in support of the National Development Plan – the first in 30 years. Peace and security The EU plays a significant role in supporting Somalia’s efforts to become a peaceful, stable and democratic country and to take progressive ownership over its own national security. Through the three EU security and defence missions, the EU is contributing to capacity building within the Somali Security Sector: The Military Training Mission (EUTM), which directly supports the build-up of the Somali National Army through training, advising and mentoring activities EU Operation ATALANTA has made a significant contribution to deterring/repressing acts of piracy through continuous at sea presence and contributing to prevent other international crimes through information exchange with partners. It lead to a reduction in piracy: in 2011, 174 merchant vessels were attacked and 25 ships pirated with 736 seafarers held hostage. In 2013, 7 ships were attacked, none pirated. In 2014 two ships were attacked. There were no attacks in 2015 and one in 2016. In March 2017 a ship was pirated and held for 4 days. EUCAP Somalia, which aims to improve Somalia’s maritime security capacities. The EU is committed to remaining an important partner of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and supports its current reconfiguration to align with the Somali Transition Plan. The EU is one of AMISOM’s main financial contributors, having committed more than €1.73 billion for AMISOM over the period March 2007 to December 2018. Over the past ten years, AMISOM enabled Somalia’s considerable peacebuilding and state-building progress and it will continue to play an important role throughout the transition process which should lead to the gradual hand-over of security responsibilities to the Somali security institutions, as laid down in the Transition Plan. Development cooperation The EU is one of Somalia’s key development partners, providing comprehensive support to the country in different areas such as stabilisation, state building, security, basic services and job creation. The EU supports the country in achieving its development goals with €286 million for the period 2014-2020. It reflects the priorities identified by the Somali Compact: state-building and peace-building (€100 million); food security and building resilience (€86 million); education (€60 million); measure in favour of civil society (€14 million); and support measures (€26 million). This funding is complemented by other allocations from the EU budget such as the EU Trust Fund for Africa, covering specific issues such as: democracy and human rights, boosting local government, training, food security, and energy and water supplies. To help Somalia expand its trade the EU’s National Indicative Programme is being deployed to improve productivity in the agricultural, livestock and fisheries sector. Programme interventions also seek to support growth by nurturing Somalia’s private sector and business environment. Humanitarian aid The EU has supported humanitarian aid operations in Somalia since 1994. The assistance is essential as the country has been struggling with internal conflict and natural disasters for decades. In 2017, the EU, together with other donors, provided flexible and early funding enabling to successfully avert the famine looming in Somalia. The EU indeed mobilised considerable funding for the drought response, totalling €119 million for that year. These funds allowed partners to provide life-saving aid to persons in the regions hardest hit by the water and food shortages, as well as disease outbreaks. The EU prioritised the delivery of cash assistance to respond to most vulnerable people’s basic needs, proving to be an effective and dignified way of giving assistance. Together, the European Union and its Member States currently provide approximately 60% of all humanitarian aid in Somalia. Economic relations The EU is committed to helping Somalia develop a strong, sustainable economy which can support the country’s state and peace-building processes. Relations in this area are guided by the Somali Compact, New Deal process and the National Indicative Programme. Objectives, priorities and actions are also closely linked to the Somali government’s Economic Recovery Plan. EU engagement therefore aims to revitalise and expand the Somali economy with a focus on improving livelihoods, generating employment, and encouraging inclusive growth. Special attention will be paid to improving economic opportunities for women and young people, ensuring they have greater access to profitable, income-generating activities.
-
HARGEISA– Somaliland government has warned all media outlets not to disseminate news that has not been issued by the commission tasked to resolve the animosity in El Afweyn. According to a press statement from the information & national guidance ministry issued on Tuesday stated clearly that all citizens and practicing journalists must do their utmost to refrain from publishing news stories that will stir up racial hatred against the two brotherly clans that waged war against each other. It is said that this would likely have a negative consequence on the ongoing efforts to bring peace among the ethnic clans that skirmished in El Afwein. Somaliland over the past decades is praised for its peace loving community which is keen to live side by side in peace and stability with its neighbor. The press release urges all independent media to play a lion’s share when it comes to the ongoing efforts to make a lasting peace among the warring clans in El Afweyn. It is also urged media outlets to refrain from disseminating news on military secrets unless the defense forces issue a press statement as there are laws that forbid that media to publish private military news. The press statement urges all media outlets in Somaliland to do their utmost to stop spreading news particularly the war in Tuka Raq between Somaliland and Puntland. The media can publish stories issued by military spokesman.
-
Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo. Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis. Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga. Hadalkii la qoonsaday? Xil ka tagistiisa ma ahayn mid kadis ku dhacday, waxayse ahayd arrin la filan karay kadib markii hadalo siyaabo kala duwan loo fasirtay uu warbaahinta ka sheegay Cabdicasiis Xildhibaan. Isaga oo meel fagaaro ka hadlayay, lana hadlayay dhalinyaro caasimadda ku sugan, ayuu Cabdicasiis su’aal galiyay sida dowladda uga go’antahay sugista amniga “Sidee suurtogal ku noqotey in baabuurkaasi meesha soo gaaro?, la isma weeydiinayo” ayuu yiri Cabdicasiis oo ka hadlayay qarixii ka dhacay xarunta Otto Otto ee ay dadka ku dhinteen. Halkaasi kuma uusan sii ekeyn hadalka, waa uu sii waday, wuxuuna yiri “Waxaan ka imid goob ka xasiloon, goob ka gaadiid qurxoon, ma rumeynaysaan afhayeenkii wasaaradda amniga ayaan ahay, 11 bilood wax mushaar ah maanan qaadanin, waxaan u shaqaynayaa, nafteydana u hurayaa in ay dadkayga badbaadaan”. Biilka Boqoradda Ingiriiska Cabdicasiis Xildhibaan waxa uu heystaa dhalashada dalka Ingiriiska, halkaas oo uu u degenyahay reerkiisa, wuxuuna yiri “Waxaan ahay aabbe, 10 carruur ah ayaa ii joogta, midka ugu yarna uu labo jir yahay, waxaan rabaa in ay ogaadaan asalkayga meesha uu kasoo jeedo, dal in ay leeyihiin, maanta uma baahna Soomaaliya, haddii aan dhinto xitaa boqorada (Ingiriiska) ayaa bixinaysa biilma ilmahayga”. Hadal loo fasirtay in uu ugu duurxulayay mas’uuliyiintadowladda federaalka ayaa ahaa “Tuugo boorsooyin wata haddii aad doorataan maalin kasta oo idinka adeeganaysa, canshuurta idinka qaadaysa, uusana jirin wax adeeg dadweyne ah 30 sano ee lasoo dhaafay, aniga afhayeenka amniga ayaan ahay, ima weeydiinaysaan sida uu qaraxa ku dhacay, aniga subax kasta waan idin soo hortaagnahay, hoggaamiye kii xishoodo waaye, haddii ay guuldaro timaado waa in uu yiraahdaa hawshii aan ummadda u hayay waan ka tagay, weli ma aragteen mid is casilaya”. Cabdicasiis Xildhibaan aragti ayuu ka qabaa mas’uuliyiinta uu isaga ka midka yahay ee baasaboorada ajniga heysta, ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri “Aniga qabiil ma ahi, beri haddii ay xabad dhacdo garoonka ayaan ka baxayaa, baasaboor ayaan wataa, adiga ma dhoofi kartaa?, marka nin baasaboor kale wata ha yeelina in uu idin soo hor istaago, maslaxada ummaddani kuma jirto”. Madaxda ugu saraysa dowladda oo ay ka midyihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa haysta baasabooro dalal kale ah. Lama oga in hadalkaasi qayaxan ee Afhayeenka la qoonsaday iyo in kale , sidaasina xilka looga qaaday, mise ahan afhayeenkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado. Ninkii xilkaas kaga horeeyay Axmed Carab ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii uu u dulqaadan waayay xil gudasho la’aanta laamaha amniga, balse wasaaradda amniga ayaa xilligaas sheegtay in ay xilkii ka qaadday Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab). Amniga Caasimadda Xil ka tagista afhayeenka, ahaana la taliyaha wasaaradda ayaa waxa ay toosh ku ifinaysaa amniga caasimadda, halkaas oo dowladda federaalka la tacaalayso sidii ay u joojin lahayn falal amni daro oo soo noqnoqday, kana midyihiin qaraxyada ismiidaaminta ah oo kii ugu dambeeyay uu dhacay maalmo ka hor. Waxaa magaalada ka hawlgala ciidamo lagu magacaabo xasilinta caasimadda, waxaana madax ka ah Prof Yaxye Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed, waxaana loo xil saaray in magaalada Muqdisho ay kusoo celiyaan amniga iyo kala dambeynta. Inkasta oo lagu amaanay in ay qabteen hawlo badan, qaraxyadiina hoos u dhaceen, haddane weli si dhab ah looguma guuleysan in si rasmi ah loo joojiyo, waxaana dhaca falal amni daro iyada oo weliba ay shacabka ka cabanayaan waddooyin laga xiray, kuwaas oo ay dowladda ku fasirtay in arrimo amni sugis dartood loo xiray. Xigasho: BBC Somali
-
Ankara (Caasimada Online) – Dhaarinta Madaxwene Recep Tayyip Erdogan kadib, dalka Turkiga waxaa uu galay marxalad cusub, waxaa uu noqday Nidaam Madaxweyne, waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017. Dhaarinta kadib, Madaxwene Recep Tayyip Erdogan waxaa uu magacaabay xubnaha cusub ee golihiisa fulinta. Liiska Waaxda Fulinta: Madaxweyne ku-xigeenka: Fuat Oktay Wasiirka Cadaaladda: Abdülhamit Gül Wasiirka arrimaha dibadda: Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirka arrimaha gudaha: Süleyman Soylu Wasiirka Difaaca: Hulusi Akar Wasiirka Maaliyadda: Berat Albayrak Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka: Fatih Dönmez Wasiirka Warshadaha: Mustafa Varank Wasiirka Ganacsiga: Ruhsar Pekcan Wasiirka Deegaanka: Murat Kurum Wasiirka Waxbarashada: Ziya Selçuk Wasiirka Caafimaadka: Fahrettin Koca Wasiirka Gaadiidka: Cahit Turan Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska: Mehmet Ersoy Wasiirka shaqda iyo Qoyska: Zehra Zümrüt Selçuk Wasiirka Beeraha: Bekir Pakdemirli Wasiirka Dhalinyrada iyo Sportiga: Mehmet Muharrem Kasapoğlu Liiskan cusub ee Wasiirrada waxaa ay xilka la wareegi-doonaan July 10., 2018. 3 Arrin Oo Laga Wal-wal Qabo: Madaxwene Recep Tayyip Erdogan, keliya awoodihiisa kuma koobna fulinta ee waxaa ay u gudbayaan sharci-dejinta iyo garsoorka, taasi oo keeni karta inuu isticmaalo awoodo saa’id ah. Madaxwernaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu xilka la wareegay iyada oo shaqada laga ceyriyay 18,600 qof oo shaqaalaha dowladda ah Dadka shaqada laga diray waxaa kale oo ku jira, 9,000 oo Booliis ah, 6,000 oo ciidamada qalabka sida ah, waxaa kale oo la xiray 3 waregeys, hal Telefeshin iyo 12 jamciyad. Waxa kale oo su’aalo badan laga keenay magacaabista uu wiil sodihiisa ah uu u mgacaabay wasiirka maliyadda.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa sheegaya in dabley hubeysnaa oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ay gowraceen dhalinyaro Soomaali ah. Dableyda hubeysnaa ayaa gowracay 5 Soomaali ah waxaana lasoo sheegayaa in falka gowraca uu ka dhacay tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Ethiopia. Shanta ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysnaa oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud. Nabadoon Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in falkaani gowraca ah uu sii hurinaayo colaada ka dhexeysa Soomaalida iyo Oromada. Waxa uu sheegay Nabadoonka in wali uu socdo dagaalka Soomaalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan. Sidoo kale, Oromada ayaa la xaqiijiyay inay diideen in goobta laga qaado meydadka Shanta Soomaalida oo weli yaala Tuulada lagu gowracay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii xoogeysanaaya colaada Soomaalida kala dhexeysa Qowmiyada Oromada waxaana adag in xal loo helo dagaalka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Wasaarada Duulista hawada Iyo gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Ha’ada Duulista iyo hawada Yuusuf Jeelle. Wasiir Oomaar ayaa Digreeto uu soo saaray Goordhow shaqada kaga joojiyay Maareeyaha iyada oo si KMG ah loogu dhiibay ku Xigeenkiisa. Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeeysa Shaqo joojintaan lagu sameeyay Yuusuf Jeelle. Shalay ayaa waxaa xilka laga qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Federaalka Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in is qab qabsi ku aadan Diyaaradaha xajka ay sabab u tahay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta lagu sameeyay mudanayaashaasi inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Duulista oo Shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Hay’ada Duulista appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaarayo shabakadsa Caasimada Online ayaa sheegayo in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf Jaalle. Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Mr Yuusuf Jaalle. Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay salka ku heyso is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha iyo qorsha la rabo in lagu soo nooleeyo Somali Airlines oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada La soco faahfaahinta oo dhameystiran wax yar kadib.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia ayaa ku goodiyay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dishay ku dhawaad labaatan qof ayna ku dhaawacday tiro intaas ka badan. AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in weerarkii lagu qaaday maalin ka hor xarunta wasaaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Somalia ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu wiiqo amniga guud ee ka jira dalka. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay inay AMISOM qaadi doonto Weerar ay ugu aar-gudayaan shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka lagu qaaday xarunta Otto-Otto ee Muqdisho. AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka Soomaaliyeed aysan ku nijad-jabin dhacdooyinka kala duwan ee ay kooxdan geysanayso. Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Otto-Otto uu muujinayo in Al-shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasilloonida iyo horumarka ka jira Somalia iyo sidoo kale dallaka gobolka. “Hawl-galka AMISOM wuxuu ka xun yahay falalka naxariis darrada ah ee ay Al-shabaab geystaan, waxaanu qaadaynaa tallaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xag-jirka,” ayaa lagu yiri warbixinta AMISOM. Ugu dambeyn, Taliska ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo sheegay inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Otto-Otto appeared first on Puntland Post.
-
Center for policy analysis released report on Sources of campaign financing in 2017 Somaliland presidential election. INTRODUCTION The linkage between money and politics is a powerful one, with implications for democracy, especially in new democracies. Political parties financing laws and regulations, through which political parties and candidates for office declare their funding sources, are among the main instruments for transparency. The relationships between party financing and corruption are so significant that to ignore party funding is simply to open wide the donor for corruption (Okechukwu Eme, 2014). Looking in to the case of Somaliland, one realizes that there is much that needed to be done. In contemporary Somaliland political history, political financing is both necessity and a problem. There are no strong laws and regulations regarding the party and political financing in Somaliland. It is obvious that some of the political parties are owned by certain clans. The patriotic or ideological values among the parties have limited value within the party. Now, Somaliland democratization process is in a crossroad, which need re-evaluation, about what is wrong and the majority weaknesses of the democratic process which is 16 years old. Click here more- Sources of campaign financing in 2017 presidential election
-
The president of Somaliland His Excellency Musa Bihi Abdi has expressed his views on the historic and comprehensive peace accord between Ethiopia and Eritrea which ended the worst hostilities between two neighboring countries in the African continent which has been raging for 20 years. The president said that Somaliland welcomes the peace deal and sends a congratulatory gesture to both Ethiopia and Eritrea which has rekindled their friendship and ceased the animosities while they chose peace. Hon. Musa said that this is a historic agreement which deserves to be emulated as this will further consolidate the tranquility in the region.
-
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa ka hadlay Wadooyinka Xiran oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab. Shariif Xasan Ayaa sheegay in AMISOM ay ku guul dareeysteen in ay isku furaan wadooyinkaasi Al-Shabaab ay xireen. “Aad iyo Aad ayeey u mahadsan yihiin Ciidamada AMISOM dadaal badan ayay noo sameeyeen gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ciidamo farabadan noo tababaray,balse weey ku fashilmeen oo kuma guuleysan in ay furaan wadooyinka deegaanada koonfur Galbeed oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen laakin waxan rajeynayaa in lagu guuleysan doono ” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan. Al-Shabaab ayaa ku sugan Deegaano badan oo Koonfur Galbeed ah iyagoo kala xiray wadooyinka muhiimka ee Degmooyinka ay ciidamada Koonfur Galbeed ay ku suganyihiin. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shariif Xasan” AMISOM waa ku Fashilantay isku Furida wadooyinka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay fashilmeen ciidamada AMISOM. Shariif Xasan, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hana waayen amniga dalka gaar ahaan deegaanada maamulkiisa. Waxa uu Shariif sheegay in ciidamada AMISOM ay isku furi la’yihiin xitaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo go’an, waxa uuna cadeeyay in wadadaasi ay dhibaatooyin badan ka jiraan, AMISOM-na ay joojisay isticmaalka wadada. Shariif Xasan waxa uu intaa raaciyay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay muhiim u tahay shacabka Koonfur Galbeed, hase yeeshee ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ugu fashilmeen furista wadadaasi. Sidoo kale, waxa uu Hoggaamiyaha ugu baaqay dowladda federaalka iney ka shaqeyso furista iyo nabadeynta wadadaasi, waxa uuna ku celcelshay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo. Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer AMISOM la faray inay furto wadada hase yeeshee aysan ka bixin wax jawaab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ugu goodinaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia. Qoraalka taliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay jawaab waafiya ka bixin doonaan weerarka dhiiga ku daatay oo Al-Shabaab ay ku qaaden xarunta Otto Otto oo saldhig u ah Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga. Waxaa lagu sheegay in AMISOM ay qaadi doonto weerar loogu aar gudi doono shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka Otto Otto. AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinka kala duwan. Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto inuu muujinayo in Shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasiloonida Somalia iyo horumarka dalalka Geeska Afrika. Nuqul kamid ah qoraalka AMISOM ayaa ahaa “AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” Geesta kale, Taliska ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Britain's colourful foreign secretary Boris Johnson resigned on Monday, apparently in protest at the government's Brexit plans, ditching an international summit to walk out after months of publicly challenging the prime minister. Source: Hiiraan Online
-
Istanbuul (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo. Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa. Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba. Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbuul Caasimada@live.com
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan has named his son-in-law as the country's finance minister after being sworn in to another five-year term. Source: Hiiraan Online
-
The government does not know the capacity of the Mandera Town Military airstrip, Transport secretary James Macharia has said, calling to question the safety of aircraft using the runway. Source: Hiiraan Online