-
Content Count
206,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa— Ethiopian Foreign Minister, Dr. Workeneh Gebeyehu on Thursday received the delegation headed by his Somaliland counterpart, Dr. Sa’ad Ali Shire who is on official visit to Ethiopia. Somaliland’s FM was flanked by Ethiopian head of mission, Hon. Ahmed Egal and and attache on trade to diplomatic office in Ethiopia, Mr. Abdirahman Abdi. Both ministers have stressed the need to enhance existing bilateral ties on the areas of security, trade and education. They also exchanged views on the general situation of the Horn of Africa and the unfolding political changes to the region. It is agreed during the one hour talks that Ethiopia, Somaliland must boost the cooperation and the realization of the Berbera port agreement where Ethiopia is part and parcel of the deal since the takeover of the port by Dubai ports world. The FM of Somaliland is on working tour to certain African countries including Ghana, Senegal and Mauritania and attended the African Union Summit. Somaliland is a broke away from Somalia in 1991 but it has not been official recognized as an independent country by the int’l community.
-
The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) is seeking an expanded mandate to tackle piracy-linked crimes such as terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaaradaha aan buuxin sharuudaha looga baahan yahay aysan ka shaqo geli garin Garoonka Diyaaraha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka oo maanta booqasho ku tegay Garoonka Muqdisho ayaa la sheegay inuu kormeerkiisy ahaa si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dega iyo kuwa ka duula Garoonka Aadan cadde iyo bedqabka isticmaalka hawada dalka, isagoo amarkan siiyay maamulka Garoonka. Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka. Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin karin Garoonka. ’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye. Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka. “Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12- 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan bedqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiirka. Amarka Wasiirka ayaan la ogeyn shirkadaha loola jeedo iyadoo ay socoto xiisad ka dhalatau arrinta xajka, isla markaana qorshe ay xukuumadda Soomaaliya u dhigtay xajkana sanadkan uu ku dhow yahay inuu fashilmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa goordhow qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa. Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaaafda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano buurka oo ah Goob aad u masqhuul badan. Qof ka mid ah dadka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureyn rasaas farabadan,isla markaana ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo shacab ah. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka jirta Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata. Shaqaaqada ayaa ku bilaabatay rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 4 kale. Intaasi kadib ayaa dadweyne careysan waxay bilaabeyn Banaanbax fowda wata, waxaana daqiiqado kadib la maqlay Dhawaaqa ugu yaraan 3 qarax oo ah Nuuca dhulka la geliyo kuwaas oo la sheegay in lala damacsanaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM. Qaraxyada ayaa mid ka mid ah waxa uu haleelay Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ilaa hadda halkaasi ku gubanya sida ay sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee dadka shacabka ah rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu Gaari ka gubtay kadib markii ay Qore Saban ah ku dhuftayn Ciidamo nabad Sugid ah. Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shacabka Banaanbaxya oo dhinac ah iyo Milatariga Soomaaliya ee rasaasta furay ayaa la sheegay iney shaqaaqada u dhaxeyso halka Ciidamada AMISMO uu haleelay Qaraxyo dhulka ku aasnaa xili ay marayeen meel u dhaw halka ay shaqaaqada ka socoto. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda Banaanbaxa istaagay balse ay jirto xiisad u dhaxeysa Milatariga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo isku khilaafsan dadkii shacabka ahaa ee Milatarigu ku dileen Suuqa Xoolaha, falkaan ayaa la sheegay inuu yahay markii Labaad oo ay sameeyaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya Bishaan Gadaheed. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbineynaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshihii xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Xajka sanadkan ay xujeyda Soomaalida helaan qiime jaban iyo shirkado kala duwan oo laga baxo shirkadii keligeed heysatay leynkaasi ayaa qarka u saaran inuu fashilmo ama ugu yaraan dib u dhac ku yimaado sanad kale. Qorshaha Xukuumadda ayaa ahaa in saddex shirkadood oo kale ay qeyb ka noqdaan daabulka xujeyda sanadkan, qiimahana xajkana uu noqdo $3300 aya waxaa ka hor yimid shuruudaha u yaalla qeybta xajka ee Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan lacago dabaaji ah oo laga doonayo diyaaradaha xujeyda qaada. Shirkadda Jubba oo heysatay leynka Xajka iyo Daallo oo ku shirko kula ah ayaa wada qabashada iyo soo saarida dokukentiga Xajka, waxayna dadka ka qaadayaan qiimihii hore oo ah $3800, iyadoo faracyada shirkadaha ku leeyihiin magaalada Muqdisho qiimaha gaarsiiyeen $3900 iyo lacag ka badan mararka qaarkood. Shirkadaha kale ee xukuumaddu siisay inay dhinacooda ka qaadaan xujeyda (Freedom Airlines, Ocean iyo African) ayaan heysan fasax ay ku tagaan Sacuudiga, waxayna la yimaadeen qorshe kale oo ah inay diyaarado kale adeegsadaan, taasoo shaki weyn gelisay xujeyda u xilan lahaa qiimaha $3300 ee ay shirkadadahaasi qaadayaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin go’aankii hore iyo isbedelka ku yimid, waxaana sidoo kale xiisadan ay galaafatay wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xasan Macalin Xuseen oo xilka looga qaaday muranka ka taagan arrimaha xajka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Reforms have so far been the foundation of Abiy’s government since taking office on April 2. But analysts say Abiy is facing stiff opposition within his ruling coalition. Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed marks 100 days in office. Since taking office on April 2, he’s been pushing quickly for political reforms. Ahmed’s plans appear to be popular but not without criticism from some from the ruling party. TRT
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Jabhada Xoreynta Gobalka Ogaden ee ONLF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay kaalin hormuud uga qaadan la heed isbedelada cusub ee ka socda dalka Ethiopia kadib markii laga qaaday Sumadii Arga-gaxisada lana sii daayay Maxaabiistii ku xirneed magaca ONLF, lagana dalbay in ay hubka dhigaan kana qeyb-qaataan Siyaasada cusub ee Ethiopia. Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan: 1-ONLF Siyaasada ma ku matali-doontaa Magaca Somaaliya iyo Halgankii dheeraa ee soo dhex maray Somaaliya iyo Ethiopia! Mise waxa ay ku matali-doonaan Gobal gaar ah iyo Beel gaar ah? 2-Magaca ONLF oo beddelay Jabhadii Xoreynta Somaali Galbeed WSLF Siyaasada ma ku matali-doonan dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Somaali Galbeed? 3-ONLF maxey kaga duwantahay Jabhaddii SNM ee ku bilaabatay Wadaniyad iyo Somaalinimo kuna dhamaatay Gobalaysi iyo Beelaysi 1991?. 4-Mirihii halgankii Taariikhda dheer socday ma ku dhamaanayaa jagooyin la siiyo Madaxda ONLF mise waa sii soconayaa? 5-Kaalintee ayey ka qaadan-doontaa ONLF xiriirka dawladda Somaaliya iyo Ethiopia kaalin Posative ah mise mid Negative ah?. 6-ONLF ma gudi-doontaa abaalkii Somaaliya u gashay mise waxa ay ka mid noqon-doontaa Siyaasada Ethiopia ee ku aadan Somaaliya? 7-Qalbi-dhagax oo helay taageerada Somaali badan ahna Muwaadin labada dal ee Somaaliya iyo Ethiopia kee baa kaw u ah? Waxna ma ka bedeli-doonaa xiriirka labada dal? Mise waxa uu la safan-doonaa Ethiopia kaliya? Waxaan wada ognahay markii la sii daayey Qalbi-dhagax ONLF waxa ay Libinta sii daynta siisay Ethiopia mana xusin dadaalkii iyo qayla-dhaantii dadka Somaaliyeed iyo Barlamaanka labada Aqal! Bedel-keedana waxa ay eed u jeediyeen dawladda Somaaliya! Halka Qalbi-dhagax iyo dadkii Somaaliyeed ee soo dhaweeyay ay aad u amaaneen una bogaadiyeen RW Abiy Ahmed iyo Beeshiisa Oromada! Halka ay ka eedeeyeen Booqashadiisii uu Muqdisho tegay iyo Is fahamkii labada dawladood! Hadaba waxaa suurta gal ah in ONLF bedesho maamulkii ka haray Tegreega ee Gobalka Somaalida Zoonka 5 aad! Waxaana dhici kara in Madaxweyne Cabdi M. Cumar lagu bedelo Mujaahid Qalbi-dhagax ama Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kadibna ay noqdaan buundada isku xirta Somaaliya iyo Ethiopia ee Somaaliya maxay ka filan kartaa????. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo Xarun u ah Maamulka Hir Shabeelle. Gudoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxda maamulka Hir Shabelle kuwaasi oo wafdiga gudoomiyaha garoonka kaga hortagay wafdiga gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudoomiyaha ayaa ka qeeybgalaya maanta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hir Shabelle. Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo badan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
The General Director of Ministry of Foreign Affairs and international cooperation, Mr. Abdinasir Ahmed Hersi has received a delegation led by deputy chairman of CMA CGM, Mr. Stephen CourQuin, a French container transportation and shipping company, a leading worldwide shipping group. Somaliland representative in Djibouti, Ambassador Abdifatah was in attendance as well. During their visit, the delegation will explore investment opportunities in the country. The Director General, Mr. Abdinasir A. Hersi, thanked the delegation for their visit. And stated that Somaliland is ready and open for business.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia. Madaxweyne Trump ayaa Danjire u magacaabay Donald Yukio Yamamoto oo horay uga soo shaqeeyay dalal dhowr ah. Danjiraha cusub ee uu soo magacaabay Trump laguna magacaabo Donald Yukio Yamamoto ayaa da’diisa lagu sheegay 65-jir waxa uuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii. Waxa uu danjirahaani mar soo noqday Madaxa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika. Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii. Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii. Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire KMG ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii. Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya. Sidoo kale Magacaabida danjirahaani ayaa timid iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd. Dhinaca kale, Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo lagu wado inuu ka shaqo galo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa khibrad fog u leh danaha Mareykanka ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
BERBERA–The Somaliland agency in charge of quality control uncovered faulty wheat flour which was imported from overseas. This was disclosed by Mr. Muse Yusuf, head of quality control and said that his agency has intercepted a vessel which docked at Berbera port carrying expired wheat. The agency chairman said that once investigations were done it became quite clear that it was unsuitable for human consumption as far as our safety d health food standards are concerned. The chairman said that they gave the firm two choices either to hand over the faulty floor so that it will be burnt or to load it back to vessel and they chose the second. Mr. Musa has said that his authority sent the vessel back and they wrote an official letter to the company that imported the faulty flour reprimanding that they have to comply with food safety standards and must refrain from bringing expired food items in Somaliland.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladaha Mareynkanka iyo Kenya, ayaa Arbaco shalay ku baaqay in la kordhiyo dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo Somalia iyo South Sudan, iyagoona sheegay in amnigu uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha. Labadan xukuumadood, ayaa si gaar ah u sheegeen inay muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaallama Soomaaliya. Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenya iyo Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan [AFRICOM], Thomas Waldhauser ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada waddan. Uhuru Kenyatta oo kulan la yeeshay Waldhauser ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahnayn iyo is-aaminaad la’aanta taageerayaasha Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar. “Waxaan ka taageeraynaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu ka yiri Kenyatta xaaladda South Sudan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi. Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Somalia, taasoo uu ku xusay iay ahmiyad weyn u leedahay nabadeynta Soomaaliya. Kenyatta ayaa hadalkiisa ku daray in Somalia ay hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo ka jiray labaatan sannadood ka badan. Dhanka kale, Thomas Waldhauser ayaa isna hoosta-ka-xariiqay baahida loo qabo in Somalia ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isagoo intaa ku daray in xasillooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay fara-gelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka. “Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta aan siinayno Somalia, tan iyo inta xukuumadda federaalka ahi ay diyaar–garoobayso inay awooddeeda xoojiso,” ayuu Waldhauser. Ugu dambeyn, Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qayb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Kenya oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Donald Trump on Wednesday announced his ambassador picks for Somalia and Nicaragua, aiming to reduce the number of vacant ambassador positions. Trump nominated Donald Yamamoto to be the ambassador to Somalia and Kevin Sullivan to be the ambassador to Nicaragua. Yamamoto heads the Bureau of African Affairs within the State Department. He served as the U.S. ambassador to Ethiopia from 2006-2009 and Djibouti from 2000-2003. Sullivan represents the U.S. in the Organization of American States (OAS), the body that promotes solidarity among the 35 independent states of the Americas. Both countries have seen recent U.S. political action. The Trump administration this year stepped up ongoing American military intervention in Somalia. The move follows violent clashes between the government and Al Shabaab, an Al Qaeda-aligned Islamist group. Meanwhile, the State Department last week sanctioned three Nicaraguan individuals whom officials accused of human rights abuses. State Department officials threatened to take further action as long as government-sanctioned violence against protesters continues in the region. Trump has left a notable number of ambassador positions open since taking office. More than half of foreign posts remain vacant. The Hill
-
Lasanod–Khatumo yesterday held the 9th conference in Lasanod, Sool’s provincial capital. The delegates and Khatumo leaders were in attendance. Hon. Ali Khalif Galeyr, Khatumo leader was chairing the meeting and was flanked by parliament speaker, Mohamud Omar and other leaders. Delegates from at home and abroad where also participating the gathering. Mr. Galeyr has spoken of the ongoing dialogue that Khatumo engaged with Somaliland and said that the talks are bearing fruit. He reiterated that Puntland has nothing to offer to residents in Sanaag, Sool and Ayn and added that a common mutual understanding will be reached between Somaliland and Khatumo to have their share in government representation which is based on justice and equality for all citizens. He has asserted that Puntland is not in control Sool, Sanaag and Ayn which he said is unacceptable in the short and long run. He said that it is a wishful thinking that politics and clan affiliation can go together which he meant to send a clear message that the dream of ruling Sool, Sanaag and Ayn regions under Puntland’s control is out of the question which is impossible to happen. Finally, Mr. Galeyr called on clans fighting in El Afwein and its outskirts to stop the killings and observe peace and security. This is the first time that Khatumo held its meeting in Lasanod since its inception in Taleh in 2013.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in dhibaato ay soo food saartay ciidamadii ay horay u tababari jirtay dowlada Imaaraadka ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho. Illo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in ciidamada ka haray kuwa shaqada ka tagay eryinta Imaaraadka kadib ay iminka iibinayaan Hubkooda. Ciidamadan oo aan qaadan mushaar ku filan ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada lagu kala iibsado Hubka kuwaa oo suuq geynaaya qoryihii ay siisay dowlda Imaaraadka. Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in iibinta Hubka loo xiray ku dhawaad Sagaal askari, oo ku andacoonaya in dowlada Somalia ay kala kulmeen mushaar aan joogto aheyn iyo lacag yari, maadaama ay mushaar fiican qaadan jireen. Sarkaalkan ayaa sheegay in askartaasi ay caan ku ahaayen qoriga nooca loo yaqaan “Cali shucaac” ay iminka isaga iibinayaan dhaqaale xumid soo foodsaartay. Askartaan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Hubka ee Cirtoogte, Zoobe iyo dhabarka danbe ee dhismihii ay ka guurtay Wasaarada Amniga kuna dhow taalada daljirka daahsoon. Hubka ay iib geynayaan askartan ayaa qalqal amni ku haya magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in lagu kala iibsanaayo dhaqaale aad u yar, maadaama dowlada Imaaraadka ay u fasaxday qoryaha. Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa horay suuqyada magaalada ugu fasaxday ku dhawaad laba kunteenar oo ay ku jiraan hubka noocyadooda kala duwan. Geesta kale, dowlada Somalia gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaan ka feejigneyn halista ka dhalankarta Hubka ay iibinayaan ciidamada uu kala diray imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniino dhanka amaanka ah oo ku socda muwaadiniinteeda u socdaala Somalia. Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa waxaa muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay u dalxiis tagaan Somalia sababo la xiriira dhanka ammaanka. Waxaa qoraalka lagu sheegay in socdaalkooda Somalia ay suuragal tahay inay la kawsadaan dhibaato amni darro sida weeraro, dilal iyo afduub. Digniinta loo diray muwaadiniinta ayaa ah mid ku socta guud ahaan Gobolada Somalia oo ay ka mid yihiin deegaanada Somaliland iyo Puntland. Sidoo kale, waxaa looga digay in ay ka agdhawaadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, halkaasi oo ay sheegeen in ay ka dhici karaan weeraro Argagixiso ah, sida hadalka loo dhigay. Qoraalka waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka kuwooda ku sugan Somalia loogu baaqay inay ka baxaan oo ay aadan wadamada nabdoon. Dhinaca kale, digniintan ayaa imaaneysa, xilli Al Shabaab Sabtidii ay weerar ku qaaden xarunta Otto Otto oo ay dagan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso[Puntland Post]-Bankiga Amal oo kamid ah banki-yada ugu waa weyn dalka kana shaqeeya horumarinta adeegyada guud ee bulshada ayaa tababar u qabtay shaqaalo waaxeeydo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ka howlgala magaalada Boosaaso. Tababarkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu qabtay shaqaalaha waaxyaha Suuq-geynta iyo iibka shirkadaha ganacsi ee, waxaan ujeedka tababarkan uu ahaa kor u qaadida xirfaddaha ganacsi gaar ahaan Suuq-geyn iyo iibinta. Howl-wadeenada ka faa’ideystay tababarkaan ayaa waxa ay gaareen 65 howl-wadeen kuwaasoo ka kala socday in ka badan 50 shirkadood oo ku yaala Boosaaso. Tabarkaan oo qabsoomay 10 kii bisha 7-aad ee 2018-ka ayaa waxa lagu tababaray ka soo qetb-galayaasha mowduucyada kala ah ; Xirfadda Suuq-geynta, iibka iyo Daryeelka macaamiisha. Hal-abuurka fursadaha ganacsiga iyo u toog-heynta khataraha ganacsi. Bangiyada Islaam-ka iyo Adeeg-yada ay qabtaan. Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii daahfurey Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Maxamed Faahiye Ciise, isagoona si faahfaasan uga hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay la tababarayaasha iyo guud ahaanba bulshada. Dhankooda kasoo qeyb galayaasha tababarka ayaa boogaadiyey kaalinta Bankiga Amal uu ka qaato had iyo jeer horumarinta adeegyada bulshada iyo tababarida xirfadlayaasha waxaana howl-wadeena ay bankiga Amal uga mahad celiyeen tababarkan ay u qabteen ,iyagoona ka codsaday in bankiga uu soo celiyo tababarada noocan oo kale ah. Ugu dambeyntii waxaa tababarka soo xiray Madaxa horumarinta ganacsiga Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud oo isna si faahfaahsan uga hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato, diyaarna u yahay inuu markasta garab istaago ganacsiga. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Bangiga Amal oo Tababar u qabtay howl-wadeenada Shirkadaha ganacsi ee Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada waxaa la badbaadiyay Rakaab la socday diyarad ku dhacday buurta Mount Jumbo ee gobolka Alaska ee dalka Maraykanka. Diyaaradan ayaa waxaa dadkii la socday badbaadiyay ilaalada xeebaha ee Maraykanka kuwaa oo tiro ahaan lagu sheegay 11 ruux. Saraakiisha ilaalada oo dhacdada kadib ay xigteen wargeysyada ayaa sheegay in shilka uusan qof ku dhiman balse dhawr ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markay diyaaradoodii dhacday. Dhicitaanka diyaarada kadib waxaa la xaqiijiyay in buurta laga howlgaliyay ilaa iyo labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, iyagoo ku guuleysta samatobixinta dadka la badbaadiyay. Waxa ay wararku intaa kusii darayaan in Rakaabkii diyaaradda la socday laga helay meel dhulka ka saraysa 609 mitir, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Maraykanka.
-
US to cut military aid for Africa’s fight against terrorism
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The US is set to scale back aid to African military units fighting terrorism, as it realigns its defence strategy to compete with more traditional threats from China and Russia. Source: Hiiraan Online -
Odayaal wax garada oo kasoo kicitimay Soomaaliland ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan inay odayaashaasi Garowe u yimaadeen sidii wada hadal nabadeed looga geli lahaa xiisada colaadeed ee ka aloosan Gobalka Sool. Wax garadkan oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa durbaba Garowe ka bilaabay kulamo ay la qaadanayaan wax garadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan isimadu. Sida ay xaqiijinayaan warar ay helayso PUNTLAND POST waxay odayaashani magaalada Garowe kula kulmeen qaar kamida isimada Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase. Inkastoo ay horay u guul daraysteen isku dayo kala duwan oo ay wadeen beeshaa caalamka, wadamada deriska iyo qaar kamida culimada labada degaan oo lagu baajinaayey dhiig mar kale ku daata gobalka Sool hadana lama oga waxa isku-dayga odayaashani kaga bedelaan doono kuwii hore, wuxuuse imaanshahoodu Puntland kusoo adayaa xili si aada looga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka qarxo degaanada la isku hor fadhiyo. PUNTLAND POST The post Odayaal kasoo kicitimay Soomaaliland oo soo gaaray magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Qatar Charity (QC) has implemented a number of health projects in Somalia during the first half of 2018. Source: Hiiraan Online
-
One-hundred and twelve Djiboutian soldiers joined the ranks of the Djiboutian Army’s Rapid Intervention Battalion (RIB) following a graduation ceremony on 28 June. Source: Hiiraan Online
-
President Uhuru Kenyatta sees mistrust among leaders in South Sudan and Somalia as the biggest hurdle to a lasting peace in warring Somalia and South Sudan. Source: Hiiraan Online