Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,677
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Doorashooyinka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Degmooyinka ay Shacabka dooranayaan. Mr Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadaan ay tijaabo u noqoneyso doorashooyinka Golaha deegaanka oo iyana shacabka la filayo in ay soo doortaan. Muddooyinkii dambe ayaa la arkay qorshayaal maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka ay ku dar dar gelinayaan Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona Ciidamo Boolis ah la geeyay dhammaan waaxaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana dadka qaar qabaan in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka soo reynayo , marka loo eego xilliyadii hore oo dilalka iyo qaraxyadii dhici jiray. The post Maamulka Gobolka Banaadir oo qabanaya doorashooyin ay shacabka codeynayaan. appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Puntland Post-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo laga dalbaday in uu Baneeyo Xilka appeared first on Puntland Post.
  3. Ceel Afweyn( Sh. M. Network):-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa ku soo warramaya in Saacadihii la soo dhaafay Dagaal khasaaro sababay uu ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo uu hor kacayo Sarkaal lagu Magacaabo Caraale oo dhawaan ka goostay maamulka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulkaas ee ku sugan degmada Ceel Afweyn. Ma Cadda Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay balse ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay Magaalada Ceel Afweyn ay ku sugnaayeen Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Maamulka Somaliland kuwaas oo waan waan ka dhex waday Sarkaalka Gadooday iyo maamulka Somaliland taas oo ku aadan sidii isaga iyo Ciidamadiisa dib loogu soo celin lahaa Maamulka. Wafdigaan ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo waxgaradka degmadaasi Ceel Afweyn ,walow aysan muuqan , Natiijo la taaban karo oo ka soo baxday dadaaladooda. Weli waxaa xiisad xoogan laga dareemayaa degmada Ceel Afweyn walow dhinacooda dadaallo xoogan wadaan Wasiirada gaaray degmadaasi. The post Dagaaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ceel Afweyn appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan. Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. SHIINAHA: Saaxiib kal furan Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus). Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku noqotay dabin deyn. KADEED DEYN Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn. Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000 kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya. Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha. Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn. Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha. DALALKA GOBOLKA Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182 milyan. Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm. Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin badan. WQ: Xassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Ceel-afweyn)-Ciidamo ka tirsan jabhadda uu hoggaamiye kornayle Mahad Siciid Jaamac Caarre oo wata afar-gaadiidka dagaalka ah, ayaa rasaas culus ku gaaraacay xaafadaha dhinaca Waqooyi ee degmeda Ceel-afwayn oo ku yaalla guriga gobolka oo la sheegay in ay ku suganyihiin xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Sida uu xaqiijiyay weriye kusugan Ceel-afwayn, wasiirrada waxaa kamida wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Boos Mire Maxamed shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo masuuliyiin kale. Ciidamada millateiga Somaliland, ayaa wararku sheegayaan in ay dhinaca Koonfureed uga Saareen magaalada. waxaana ciidamadu rasaasta isku waydaarsanayaan dhicana koonfureed ee magaalada sida hadda uu xaqiijiyay weiye ku sugan Ceel-afwayn. Source
  6. (SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Image captionTrump iyo Maxamed Bin Salman Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Source
  7. (SLT-Muqdisho)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen ciidamada Maraykanka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegtay in duqeynta ay ka dhacday degaanka Caad ee Gobalka Mudug laguna dilay illaa 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan sidoo kale qiimeyneynaa oo aan baareynaa in dad rayid ah aysan wax ku noqon duqeyntan.”ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka kooban oo ka soo baxay Africom ayaa lagu xusay inay gacan ka heleyaan ciidamada dowlada Federalka ayna joogteyn doonaan sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda ururka Alshabaab. Shalay ayey aheyd markii taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen iney 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo doraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray. Source
  8. Wanlaweyn ( Sh.M.Network):-Ugu Yaraan 2 Askari ayaa ku Geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Qarax Miino loo adeegsaday oo xalay Saqdii dhexe lagula beegsaday degmada Wanlaweyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia. Ilo wareedyo ku sugan meesha wax ka dhaceen ayaa ku soo warramaya in Qaraxaasi lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 6aad ee Military-ga Somalia. Waxaana la sheegay in Qaraxa uu haleelay Gaari Dagaal oo Nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaanno ah. Dadka waxyeeladu ka soo gaartay ayaa wararka qaar sheegayaan In uu ku jiray Taliyaha Guutada 6aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed. Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Military-ga Soomaaliya ka soo saareen weerarkaasi la sheegay in uu khasaaraha dhimasho iyo dhaawac intaba kala kulmeen. Kolonyada la weeraray ayaa ka soo ambabaxay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. The post Faah Faahin:- Qarax Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Ceel-Afweyn-[Puntland Post]-Wararka Warbaahinta Puntland Post ka soo gaadhay Magaalada Ceel Afweyn waxaa ay sheegayaan in Ciidamo uu wato Korneyl Caare ay xalay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Ceel Afweyn isla markaana ay ku sugan yahiin ciidamada ka tirsan Soomliland . Puntland Post oo la hadashay mid ka mid ah dadka deegaankasi waxa uu u sheegaya in Korneyl Caare uu ku amray ciidamada saldhiga joogay in ay hubka dhigaan islamarkaasna ay saf galaan sidaasn uu hubkii uga uruursaday. Wararka ayaa intaas ku daraya in marki danbe ay rasaas is weydaarsadeen Ciidankaa Jabhada Caare iyo ciidan saldhiga ka maqnaa oo mardanbe iyagu goobta soo gaadhay. Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili ay degmada Ceel-Afweyn ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Maamulka Soomaliland kuwaas oo la sheegay inay gogol xaadh ay u yahiin Madaxweyne Muuse Biixe Cabdi oo la filaayo inuu Ceel Afweyn Gaadho. Ilaa hada ma jir wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaliland Cabdiqani Boos Puntland Post The post Degmada Ceel Afweyn oo Xalay dagaal ku dhexmary Ciidamo u wato Korneyl Caare iyo ciidamo ka tirsan Soomaliland. appeared first on Puntland Post.
  10. Marka ( Sh.M.Network):-Dagaalkaan oo u dhexeeyay Ciidamada DF Somalia iyo Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Saaka deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ilo deegaanka ah ay ku soo warrameen Dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al Shabaab ayaa Saaka ka dhacay deegaanka Gendershe oo dhaca Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Marka. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar xoogan ku ekeeyeen deegaankaasi Gandershe oo Fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo diiday in Codkooda iyo Magacyadooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa xusay in ay iska caabiyeen Al Shabaab oo saaka soo weeraray Fariisimahooda ayna baacsadeen sida ay hadalka u dhigeen. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo wariyay in ay jiraan Khasaaro labada dhinac soo kala gaaray walow aysan cayimin. Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmaya xilli Saacadihii aan ka soo gudubnay sidoo kale Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen deegaanka Jilib Marka oo aan ka fogeen deegaanka Gendershe ee saaka dagaalku uu ka dhacay. The post Ciidamada DF Somalia iyo Al Shabaab oo saaka ku dagaalamay G.Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay talaabadii magaalada Addis Ababa looga yeeray qunsulkii Ethiopia u fadhin jiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa si cad u sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Ethiopia qunsulka dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in warbaahin cadow ku ah Somaliland ay faafisay warar been abuur ah oo ah inuu dhamaanayo xiriirka Somaliland iyo Ethiopia, markii haddii qunsulka dib loo celiyay. “Xiriirka Somaliland iyo Ethiopia waa sidiisii,waxaana ay ka mid tahay isbeddelka hanaanka Diblomaasiyadeed in beddelkiisii la soo magacaabo ayaan rajeyneynaa, wax saameyn ahna naguma yeelan doono” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cismaan. Warbaahinta Soomaalida ayaa Todobaadkan qortay in qunsulka la beddelay ay la xiriirto heshiiskii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaalada Baxardaar kula saxiixatay Itoobiya iyo Eritrea,kaas oo dhowrayay midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Kadib isfahamkii dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa culeesyo badan uusoo wajahay Dowlad goboleedyada dalka, waxaana Somaliland ay kamid noqotay maamulada waayay dhaqdhaqaaqyo badan iyo saameyn ay ku lahaayeen Ethiopia. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-221118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay agagaarka goob ay xaflad aroos ka dhaceysa caasimadda dalka Afqanistaan ee Kabul, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi. Waxaa lagu soo warramaya in 60 qof ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay degmada PD15, dadka dhaawaca ah waxaa loo qaaday isbitaallada aggaasi. Ila hadda lama ogo waxaa dhaliyay qaraxa. Si kastaba ha ahaate,Ururka Taalbaan iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ayaa marar badan weeraro ka gaystay dalka Afqanistaan. Source
  14. (SLT-Moscow)-Booliska adduunka ee Interpol ayaa Kim Jong-yang u doortay inuu noqdo madaxweynaha Interpol kaddib markii laga hor yimid nin u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u istcmaalay laanta ha’yaddan u qaabilsan xiridda dadka. Kim oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxaa uu ku guulaystay codad gadhayo 194, waxayna arrintani ka dambeeysay markii dalalka xubnaha ka ah Interpol ay kulankooda sanadlaha ah ku yeesheen magaalada Dubai. Wuxuu ka guuleystay Alexander Prokopchuk oo Ruushka u dhashay kaaso la filayay inuu guulaysto. Waxaa jiray walaac ah in Alexander Prokopchuk uu ha’yadda u adeegsan karo in uu ku bartilmaameedsado dadka dhaleeceeyo madaxweynaha Ruushka Putin. Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Alexander Prokopchuk uu sii ahaan doono madaxweyne ku-xigeenka Interpol. Doorashada booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa imaaneysaa xilli la waayay madaxweynihii hore ee Interpol, Meng Hongwei kasoo la waayay markii bishii Septembar uu booqasho ku tagey Shiinaha. Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in loo xiray si baaritanno lagu sameeyo eedeymo loo haysto oo ah laaluush. Source
  15. (SLT-Benishangul Gumuz)-Saddex ardey ah ayaa ku dhintay jaamacad ku taalla dalka Itoobiya kaddib markii rabshado ay salaasadii ka dhaceen gudaha jaamacadda, sida ay ku warrantay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi. Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Benishangul Gumuz waxaa ku dhaawacmay 34 ardey, sida ay sheegtay Hirut Woldemariam oo ah wasiiradda sayniska iyo waxbarashada sare ee dalkaasi. Waxay ku eedeysay in dhibaatadan ay ka dambeeyeen ciidammo ay ku sheegtay inay kasoo horjeedaan isbaddallada ka socda Itoobiya. Hirut waxay sheegtay inay jireen isku dayo ah lagu carqaladeynayo waxbarshada jaamacadda isla markaasna lagu hurinayay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha gudaha jaamacadda. Waxay intaasi ku dartay in la sameeyay koox gaar ah si ay uga shaqeeyaan soo celinta nabadda. Bishii Oktoobar ayay ahayd markii dagaallo u dhexeeya bulshooyinka dego Itoobiya ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 70,000 qof ay dagaallada ka barakaceen. Source
  16. Weerarkii saddexad oo ay Mareykanku ka fuliyan gudaha Soomaaliya todobbaad gudahiisa ayey sheegeen inay ku dileen 7 Al-shabaab ah, taas oo 2 maalin gudaheed tirda guud ka dhigeysa 44, weerarrada waxa ay ka dhaceen deegaanno ku dhow Camaara iyo Caad, Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Qoraal ay soo saareen AFRICOM arbacadii ayey ku sheegeen inay dileen 7 ka tirsan Al-shabaab, duqeyn ka dhacday Quy Cad ee Xarardheere, Mudug. Weerarkan waxaa uu daba socday, labo kale oo isla gobolka ka dhacday, kuwaas oo lagu dilay 37 ka tirsan Al-shabaab. Mareykanka ayaa si joogta ah u duqeeya xarumaha Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo la Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Mr. Farmaajo wuxuu horay ula kulmay ra’isul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay u yeelan-lahaayeen iskaashi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa si xawli ah u wada ol’olihiisa doorashada ee madaxtinimada maamulkaas, isaga oo booqanaya deegaano badan, kuna deeqay lacag kumaan dollar ah. Musharaxan oo sidoo kale bulshada Puntland iyo kuwo Soomaaliyeed oo dhan uga yaabiyey gaariga aan xabadda karin ee uu maalinta cad kala dagay Garowe, ayaa laba su’aalood la iska weydiinayey, oo mid ka mid ah ay tahay inay wadato dowladda federaalka. Dhawr wareysi oo lala yeeshay ayuu Jabiye ku sheegay in uu yahay siyaasi milyaneer ah oo ay aflagaado ku tahay in lagu sheegi dowlad ayaa wadata! Hase ahaatee, baaritaan ay Caasimadda Online sameysay ayey ku soo xaqiijisay in isaga iyo dowladda xiriir ka dhexeeyo, balse uusan buurneyn! Sida ay ilo ku dhaw dhaw dhaq dhaqaaqiisa ol’ole u sheegeen Caasimada Online, Jabiye ma jirin wax aqoon ah ama saaxiibtinimo kala dhexeysay madaxa sare ee dowladda, hase ahaatee, uu isagu Muqdisho ugu yimi iskuna baray. Ka hor inta uusan shaacin Jabiye waxa uu hoggaanka sare ee dalka kula kulmay Muqdisho oo uu sheegay in uu yahay musharax diyaarsan, ahna jifida sanadkan xaqqa u leh xilkaas oo uu la shaqeyn doono haddii la doorto. Madaxa dowladda waxa ay u sheegeen in ay taageerayaan balse ay shuruud uga dhigayaan in xoogga ay galinayaan hadba ku xirnaan doonto dhaq dhaqaaqiisa iyo firdircoonida uu muujiyo. Sidoo kale Jabiye waxa uu wacad ku maray in uu diyaar u yahay ugu yaraan in uu shaqsi ahaan doorashada ku khasaariyo saddex Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Muddo lix maalin ah ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo dib u dhac uu ku yimid 17-kii bishaan November. Marka la eego muddada harsan iyo howlaha la doonayo in la qabto ayaa ah kuwo aan is keeni kareyn, waxaana jirta cabsi kale oo laga qabo in dib u dhac uu ku yimaada doorashada Koofur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in muddo shan maalin ah kulamo aan loo kala kicin inay qaadanayeen ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, Guddiga doorashada iyo masuuliyiin matalaysa dowladda Soomaaliya oo Baydhabo ku sugan. Kulamadaasi ayaa qaarkood la isku fahmi waayay, waxaana jiro cadaadis dowladda Soomaaliya ay saareyso guddiga doorashada, iyadoo laga baqayo in guddiga markale ay iscasilaan. Sida qorshaha uu yahay waxaa maanta la bilaabayaa inay isdiiwaan geliyaan Musharixiinta Koofur galbeed, haddii ay sidaasi dhici weysanaya waxaa sii xoogeysan kara walaaca laga qabo dib u dhaca doorashada. Musharixiinta qaar oo guddiga loo farmuuqay ayaa laga doonayaa inay ka reebaan doorashada Koofur Galbeed, waana tan ugu weyn ee keentay in shaqada ay sii socon weyso tan iyo markii Shariif Xasan uu booska baneeyay. Wali lama diiwaan gelin musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana muuqata inuu soo baxayo walaaca musharixiinta qaar ay qabeen oo ahaa in doorashada la gaarsiin rabo ilaa sanadka 2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa xalay weeraray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo dhawaan maamulka degmada fariin digniin ah ugu diray Xaasaska Al Shabaab ee degmadaasi degen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in Al Shabaab ay ku dileen degmada Nabadoon magaciisa lagu Koobay Dhaqane. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in nabadoonka Al Shabaab ay ugu galeen gurigiisa islamarkaana ay ku gowraceen qolkiisa, sida dadka deegaanka ay warbaahinta Muqdisho u sheegeen. Sidoo kale waxaa soo baxaya in labo wiil oo uu dhalay nabadoonka ay kaxeysteen Al Shabaab, iyadoo loo malaynayo in bartilmaameydka weerarka uu ahaa guriga Nabadoonka, sida xogaha la helayo ay sheegayaan. Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay degmada muddo saacado ah, iyadoo saaka la arkayo ciidamada oo dib ugu laabtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xaaladda degmada ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay cabsi aheyd, iyadoo AL Shabaab ay hareereeyeen magaalada, kadib amar kasoo baxay maamulka degmada Beledxaawo loogu digay xaasaska Al Shabaab inay degmada Isaga baxaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sanad walbaa laga kaxeeyaa dalka Soomaali si qarsoodi ah, kuwaasi oo loo sheegaa inay fursado ka helayaan dalal Qatar ay kamid tahay. Dhalinyarada ayaa marka hore dalalka ay tagayaan lagu geeyaa inay banaan yihiin fursado shaqo, waxaana horaantii sanadkaan dhalinyaro badan lagu kaxeeyay inay Qatar ka jirto fursad ay ku noqonayaan ciidamo boolis ah oo ilaalinaya amaanka ciyaaraha adduunka ee sanadkan 2022. Qaar kamid ah dhalinyaradaasi ayaa ka sheekeeyay inay qorshahaasi mid aan aheyn ay la kulmeen markii la geeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaana ay sheegeen in loo tababaray inay militari noqon doonaan. Fursadaha shaqo la’aaneed ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa sababa in dalal badan ay dhalinyaro ka kaxeystaan dalka, iyaga oo suuqa soo gelinaya inay jiraan fursado shaqo oo dhaqaalo badan lagu helayo. Dhalinyarada ayaa marka la siiyo tababarka ciidan ee militari waxaa loo adeegsadaa xasaradaha ka jira dalalka Africa iyo Bariga dhexe, sida ay sheegeen qaar kamid ah dhalinyaradaasi oo saxaafadda la hadlay. Waxaa Afar bilood ka hor jiray qorshe Suuqa lasoo geliyay oo dhalinyarada looga qaadanayay min 5000 oo doolar , iyada oo dhalinyarada loo sheegayo in Australia ay geel ku ilaalin doonaan sanadkiina ay heli doonaan dhaqaalo badan, balse ilaa iyo hadda ma jiro ruux ku baxay iyadoo dhalinyaro badan oo Uganda Joogta dhaqaalo looga qaatay. Warbixin muuqaal ah hoos ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Jabuuti (Caasimada Online) – Warar aan la xaqiijin oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu ku biiray dabaylaha ka socda gobalka Geeska Afrika ee salka ku haya kulamada dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya. Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, oo isagu wada isbedelka ka socda Geeska Afrika, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wada qayb galeen shirkii Madaxda Afrika. Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele uu ku biiray wax ay ugu yeedheen isu soo dhawaanshaha iyo is dhex galka gobalka Geeska Afrika ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya oo aanu dalkiisu qayb ka ahayn. Laakiin lama hayo war cad oo ay dawladda Djibouti ku sheegtay inay ku biirtay wadamadan oo ay ka qayb galayso shirka dambe oo la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho ee Soomaaliya. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu u hawlgalo sidii loo xalin lahaa colaadda Ereteriya iyo Djibouti oo aan weli si rasmi ah loo dhammayn. Waxa ay warbaahinta Itoobiya baahisay sawir ay wada socdaan Madaxweyne Geele iyo Raysal wasaare Dr. Abiy Axmed oo labaduba dhoola cadaynaya. Balse dadka siyaasadda diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan inay weli kala durugsanyihiin Djibouti iyo dalalka Gobalka ee ay Itoobiya hor boodayso. Si kastaba ha ahaate maalmaha soo socda ayay kala cadaan doontaa in Djibouti ka mid noqotay isbahaysigaas oo ay dantu ku khasabtay inay ku biirto si aaanay u gelin go’doonkii ay Ereteriya ku jirtay tobanka sannadood oo kale. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Lixda dal ee Khaliifka ayaa tartan ugu jira in waddan walbaa uu noqdo mid xiriir toos ah la sameeya maamulka Yahuuda Israel, waxaa sidaas shaaciyay ilo xog ogaal ah. Madaxweynaha Hay’addaha Isfahamka Jinsiyadeed ee Israel, Marc Schneier ayaa shaaca ka qaaday in wadamadaasi ka tirsan Khaliijka inay tartankaasi ugu jiraan sidii midkood u noqon lahaa wadan xiriir diblomaasi la sameysta Israel. “Waxaan aaminsanahay in la arki doono, sameynta xiriirka toos ka ah ee Baxreyn, kuwa kalana wey ku raaci doonaan” sidaasi waxaa yiri Marc Schneier oo ah baadari Yahuud ah, isaga oo ku saleeyay hadalkiisa kadib booqashadiisii Sacuudiga, Cumaan, Baxreyn, Qatar iyo Imaaraatka Carabta 15 kii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu intaasi ku daray in hanjabaadii Iran ay sababtay in isbadal uu ku yimaado wixii laga aamisanaa Israel, isaga oo sheegay in dalalkaasi ay u muuqdaan kuwa ugu horeeya ee xiriir diblomaasi la sameyn doono Yahuuda. Sida uu leeyahay Marc Schneier oo Mareykanka ku dhashay, Boqorka Qatar maamula iyo hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in isku dhafka Hantida ama dhaqaalaha Khaliijka iyo aqoonta Yahuuda ay dhalin karto inay gobolka u badasho goobta ugu wanaagsan dunida. Wuxuu sheegay in xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Israel iyo lixda wadan ee Khaliijka uu bilaaban doono sanadka 2019, taasi oo ka dambeysay xaalada nabadeed ee Dhulka Falastiiniyiinta. Marka laga reebo Masar iyo Jordan oo heshiis Nabadeed la galay Israel, waxaa loo malaynayaa inaysan xiriir toos ah yeelan doonin wadamada kale ee Carabta iyo Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in xildhibaanada Jubbaland ee ku jira Dowladda Federaal ay ka shaqeyn doonaan horumarinta deegaanka. Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin faragelin ka lagu sameeyo deegaanada Jubbaland, gaar ahaan xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayuu dalbaday inay wanaagsan tahay in la dhameeyo si looga wada shaqeeyo horumarka deegaanka. Mar uu ka hadlay faragelin dowladda ku sameyn karto doorashada Jubbaland ee soo socota ayuu sheegay inaysan aqbali doonin oo iyaga ay difaac adag u noqon doonaan sidii aysan faragelin u dhici laheyn. Axmed Madoobe, ayuu sheegay inuu yahay hogaamiyaha Jubbaland loona baahan yahay in looga dambeeyo dhaqdhaqaaq walbaa oo laga sameynayo deegaanada Jubbaland. “Ma aqbaleyn faragelin meel kale kaga imaaneyso Jubbaland xiligan iyo xili karaba, haddii uu mugdiga dowladda iyo Jubbaland jirana, waxaa wanaagsan in horumarka dalka laga shaqeeyo”ayuu yiri Xildhibaan Xidig. Dhawaan waxaa la filayaa in doorasho ay ka qabsoonto magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  25. Beri hore waxaa jiray Taariikhda Geeska Afrika ayay ku qeexantahay damaca laxaadka leh ee Itobiya u hayso Badda iyo Barriga Soomaalida. Hadal uu barta Twitarka soo dhigay Jeneralka ciidamada Itoobiyia, Jeneral Berhanu Jula, ayaa hoosta ka xariiqay in aanay innaba Itoobiya u dulqaadan karin dalal meelo fog ka imanaya oo badaha jaarkeeda siday rabaan wax uga qabsanaya. Waxa uu intaa raaciyey “Itoobiy oo 100 milyoon ku noolyihiin sinaba bad la’aan kuma jiri karto.” Taariikh ahaan iyo xiligan xaadirka ah Itoobiya marna kama’ay gaabsan damaceeda ku aadan Soomaaliya iyo arliga Soomaaliyeedba. Hadalka Janaraalku waxa uu ku soo aaday xilli uu Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo u socday Bahirdhar Forum (11/9/2018) iyo Ra’iiasul Wasaare Abiy Axmed oo dhawaan kaga dhex dhawaaqay Villa Soomaaliya in labada dal midoobayaan. Bahir Daar oo ah magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Amxaarada, waxa ku kulmay saddexda Hoggaamiye ee Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eriteriya. Halkaas ayuu si fudud R/W Itobiya uga dhawaaqay in aay surto galtahay in saddexdan dal hal madaxweyne yeelan doonaan. Inkasta oo ishardiga Abisiiniya iyo ummadda Soomaaliyeed facweyn yahay, haddana waxa labadan bulsho foodda isgeliyeen qarnigii 16aad. Waxa xiligaa billaabmay dagaalkii waddaniga iyo diiniga isugu jiray ee uu dhinaca Soomaalida hoggaaminayey Axmed Guray. Itobiya waxa iyana hoggaaminayey Libna-dhingil oo ku dhintay dagaalladaas. Buugga facaweyn ee Fatuxul Xabasha, oo hadda Afka Ingirisiga uu ku turjumay Richard Pankharista, waxa uu si balaadhan uga sheekaynayaa dagaalladii Soomaalidu ku qaadeen, kuna jabiyeed Abasiiniya (mar kale ayaan nakhtiimi doonaa buuggan). Inkasta oonay dagaallada ka dheexeeya Abasiiniya iyo Soomaalidu marna joogsan ilaa xiliyadaas, haddana xiliyo iyo dagaallo khaas ah ayaa fiiro gaar ah mudan. Dagaalladan badankooda waxay ku tilmaaman yihiin weerar Abasiiniya waddo, iyo isdifaaca Soomaalidu isku dayeyso. Dhammaadkii qaringii 19aad iyo horraantii qarnigaa 20aad, weeraro isdabajoog ah ayey Itoobiya ku haysay Soomaalida. Waxaa weeraradaas oo Soomaalidu maal iyo nafba ku weyday si ballaadhan uga soo waramay Major Sweyn. Warbixin uu qoray Majarku 1890dii (Severn Trips to Somaliland), waxa uu si faahfaahsan u soo gudbinayaa dilka, dhaca iyo kufsiga ay Abasiiniya askerteeda u geysanaysay xiligaas bulshada Soomaalida, gaar ahaan agagaarka Siti, Jigjiga, Xarshin, iyo Hawd. Waxa kale uu ka waramayaa miciin la’aanta Soomaalidu dareemaysay iyo Dawladda Biritayn oo ku guuldarraysatay in xasuuqaas uga miciinto Soomaalida. Waxaan innaba la hilmaami karin xasuuqii Banka Geri ee 1948-1956. Waxa hadda xasuuqaas loo yaqaan xiligii Kanooniga – waa hubkii cuslaa ee banka Tuliguuleed Amxaaradu la dhacday bulshada Soomaaliyeed. Xili aan xasuuqaaas ka fogeyn waxa uu Dajasmaj Afworke dab iyo holac laxaad leh ku furay Qorraxay. Dagaallo isdaba joog ah ayuu Olal Diinle lagalay Amxaarada 1940kii si uu u difaaco Gobollada Shabeelle iyo Bariga Soomaali Galbeed. Intaas waxa raca xasuuqii ay Itoobiya ka geysatay Ayshaca 1963, iyo waliba dabqabasiintii reeraha daggan agagaarka Ina Guuxa 1964. Weerarada taariikhiga ah ee Abasiniya ku hayso Soomaalida oon halkan lagu soo koobi karin waxa sal u ah saddex sababood: (1) Abasiiniya oo mad-habka Kiristanka ay haysato oo ah mid mayal adag; (2) Dhulka oo Abisiiniya ku yar iyo tirada dadkeeda oo badan, halka Soomaalidu dhul ballaadhan, dad tiro yar, iyo bad baaxad leh leedahay; (2) Dhulka Abasiiniya oo qabow badan, (Dhaga agar), halka dhulka Soomaalidu diirimaad yahay (Qola agar) isla markaana si fudud ugu tallaalanyahay waddamada Khaliijka iyo Indiyaba (strategic land that is easily accessible to the rest of the world). Damaca Itoobiya ee Dhulka Soomaalida Boqor Menilik II ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyey damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda iyo Beriga Soomaalida. Taariikhdu markay ahay 1880dii, markii reer Yurubku kala qaybsanayeen dhulka Soomaalida, Boqorku damaciisa ku aaddan dhulka Soomaalida illaa tan iyo Banaadir ayuu ku andacooday, isaga oo sheegay in Itoobiya leedahay arliga buuraha iyo Banaadir u dhexeeya. Ilaa xiligaasna Itoobiya aayar aayar ayey ku soo siqaysay kuna guulaysatay in ay dhul badan oo Soomaaliyeed qabsato. Waxa ugu dambeeyey Hawd iyo dhulkii kaydka ahaa (Reserve Area) oo lagu wareejiyey Itoobiya 1954. Si muran aanu uga iman Itoobiya waxay ku doodday markii dagaalkii adduunka labaad dhammaaday in qaybtii Soomaaliya ee Talyaanigu guumaysanayey iyada lagu wareejiyo. Tarikhiyahanka Itoobiya waxay aaminsanyihiin in Boqor Xayle Selaase ogaa in aanu helayn Soomalida Koonfureed ee Talyaanigu haystay, laakiin ay gorgortan ka ahayd si Hawd iyo Reserved Area aan looga daba iman. Sidaasaanay u dhacday. Itoobiya caan ayey ku tahay sida heshiiska loo saxeexo dabadeedna sida iyadu jeceshahay ay u macnaysato. Waxa arrintaas daliil u ah heshiiskii Wichale ee Minilik II Talyaaniga la galay May 2, 1889. Markuu Minilik II ogaaday in uu qaldamay oo dhulka hadda la yidhaa Eriteriya lacag adag ku badashay, 1893 wuu dafiray wuuna ka baxay. Waxa Minilik ku dootamay in heshiiska Afka Faransiska ku qorani aanu khusayn, laakiin qaybta Amxariga ku qoran oo kaliya uu ictiraafsanyahay. Taasna Itobiya sida ay rabtay u micnaysatay. Sidoo kale, Boqor Xayle Selaasi hashiiskii isaga iyo Ingriisku kala saxeexdeen in Hawd iyo Resrve area aanu shuqul kulahayn 1950kii, wuu dafiray. Mar uu ka cawday dawladda Ingriiskana, waxa uu kaga dacwooday in Ingriisku si qaldan u micnaystay heshiiskii ka dhexeeyey labada dhinac. Xiligan Xaadirka ah iyo Arrimaha xaasaasiga ah Waxa hadda xaasaasi ah in Itoobiya rabto in Badda Soomaaliya isticmaasho. Soomaaliya marka la leeyahay waa inta loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadderna isticmaal waabay dhaaftay oo waxa la taaganyahay xili R/W Itoobiya carrabka ku dhuftay dhowr jeer in Itoobiya iyo Soomaaliya midoobi doonaan. Shirkii madaxda Itoobiya, Eritiriya iyo Soomaaliya kuyeesheen Bahir Dhar, R/W Itoobiya waxa uu si cad u sheegay in ay saddexda dal yeelan doonaan hal madaxweyne. Arritaas waxa ka horreeyey isaga oo Villa Soomaaliya dhexdeeda kaga dhawaaqay in Soomaliya iyo Itoobiya ay hal dal noqon doonaan. Bishii May ee ina soo dhaaftay waxa Itoobiya ay heshiis hadda aan wax ka soo qaad lahayn la saxeexatay Somaliland. Heshiiskaasi waxa uu ahaa mid saddex geesood ah (Soomaliland, Itobiya, iyo Dubai World), kuna aaddanaa dekedda Berbera. Tan iyo xiligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad balaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. In Soomaaliya iyo Itoobiya la mideeyo waxa si xooggan looga hadlay kadib dagaalkii 1977kii. Mengistu iyo Siyaad Barre ayuu Fidel Kastro isugu keenay Cadan. Inkastoo meelo badan la isku afgartay, waxa kaliya oo laga gudbi kari waayey xagga farsamada iyo sidii israacu u dhicilahaa. Soomaali Galbeed ma waxay marka hore ku biiraysaa Soomaaliya, dabadeedna isku biirku dhacayaa, mise sida labada dal hadda yihiin ayaa la isugu darayaa. Xiligi Meles waxa Maxamed Ibrahim Cigaal (AHN) si cad u codsaday in Somaliland iyo Itoobiya midoobaan. Males oo arrintaas aad ugu farxay ayaa haddana saluugay xaalka Soomaaliya ku sugantahay. Waxaanu Meles ku taliyey in la sugo xiliga Soomaaliya hagaagto, dabadeedna laga fakiro in Soomaaliya oo mid ah iyo Itobiya la mideeyo. Midaynta Itoobiya iyo Soomaaliya ee hadda Mudane Farmaajo iyo Abiy wadaani ma’aha markii ugu horeysay, laga mana yaabo in ay noqoto markii ugu dambeysay. Arrinta isku darka ee R/W Abiy dhowrka jeer ka hadlay, MW Farmaajana ka gaabsaday laba arimood ayaan ka baran karnaa: 1. Boqol iyo konton sano dabedeed waxa Itobiya u caddaatay in aanay xoog iyo weerar ku qabsan karin badaha Soomaaliyeed. Banaadir jabkii kaga dhacay Meles 2007dii cashar lama ilaawaan ah ayuu ahaa. 2. Waxa Itobiya ka go’an in aanay ku sii jir karin go’doonka ka haysta xagga badda, sidaas darteedna gar iyo gar la’aan ay marin u hesho badaha Soomaalida. Wada hadallada ku aaddan midaynta Soomaaliya iyo Itoobiya waxa hada uun yimd maha laakiin mudo ayaa la hadal hayey. Ma hindisaa mise waa wax waaqici ah? Wali ma kala cadda. In Geeska Afrika ka gudbo dagaal iyo is boob waa arrin la soo dhaweyn karo. In dhinacyada kala duwani wax wada qabsadaani Iyana waa arin xiligeedii la joogo. Waxaase lama huraan ah in marka hore laga munaaqashooda arrimaha taariikhiga ah een wali laga heeshiin. Arimo badan oo buste la saarayo ayaa jira. Midaynta dadyawga Geeska Afrika ku nool ma waxay noqonaysaa mid qowmiyadaha ku salaysan sida Soomaali (27 milyuun), Oromo (40 Milyuun), Amxaro (25 Milyuun), Tigrian (Eriteria iyo Tigray (10 Milyuun), iyo Koonfur Itoobiya (15 Milyuun)? Mise mid ku salaysan xadka gumeysugu ka tagay 1954? Mise waxa la isku raaci saddex geesoo ah Kushitic (Soomaali iyo Oromo), Omotic (Koonfur, Benishangul), iyo Semitic (Amhara, Tigrey, iyo Eriteria). In la midooba waxay keeni kartaa in lawada najaxo, nabaduna xoogaysato. Waxase marka hore la rabaa in qaabkii loo midayn lahaa (Frame work for unification) ummadahan kala duwan een is aaminsanayn loo qeexo. W/Q: Faysal Cabdi Rooble Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid