-
Content Count
210,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay in dalka laga qaado xayiraadda saaran ee dhanka hubka ah. Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in xayiraaddan oo la qaado ay sahleyso in Soomaaliya hesho awood ciidan iyo in laga adkaado waxa loogu yeero argagaxisada. Dhanka kale, wasiirka ayaa ku amaanay doorka AMISOM ee ku aadan nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kaalin weyn ka qaataan howlaha lagu xasilinayo dalka. Waxa uu sheegay iney yihiin geesiyaal naftooda u huray badbaadada Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in ay sii socdaan howlgallada Midowga Africa ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Flash1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Sept. 28 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Friday awarded 30 police officers deployed in Somalia to boost stabilization efforts for their distinguished service. Source: Hiiraan Online
-
Dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, si gaar ahna u hoostaga degmada Balcad. Saakay ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo, iyadoo ciidanka xoogga dalka isku diyaarinayaan iney dib ugu laabtaan deegaannadaasi. Al-shabaab ayaa dadka meel fagaare ah kula hadlay shalay, waxayna u sheegeen iney iyaga la shaqeeyaan. Waxaa jira dad isaga barakacay deegaannada ay Al-shabaab qabsadeen, kuwaasi oo ka baqayey in waxyeello ay soo gaarto. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Sh/dhexe ayaa sheegay in dib ugu laabanayaan dhammaan deegaannadan oo shalay ciidanku si iskood ah isaga soo baxeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cismaan-Cabdalla.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya (AP) — The first Kenyan feature film to premiere at the Cannes Film Festival has received overwhelming audience support since a court temporarily lifted a ban imposed by censors over the film’s gay content, a lawyer said Friday. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS (AP) -- The Latest on the U.N. General Assembly (all times local): Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka. Dhallinyaro ku hubeysnaa Mindiyo (Tooreey) ayaa haweeneydaan weeraray xilli ay meel waddo ah mareysay, kadibna gaarsiiyey dhaawac halis ah. Sida ay dadka deegaanka sheegeen, dhaawicii soo gaaray haweeneydan ayeey ugu geeriyootey isla xalay isbitaalka magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dhowr qof oo arrintan lagu tuhunsan yahay. Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo batay rag dadka ku dhaca Mindiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopian Jews have taken to the streets many times, demanding equality before the law in Israel. In 2015 protests took place against discrimination. But do the activists think anything has changed between now and then? Source: Hiiraan Online
-
Getting a TV job in the immediate aftermath of the 9/11 terror attacks in the US with a name like Ubah Mohamed was not easy. Source: Hiiraan Online
-
U.S. and Canadian negotiators could wrap up a Nafta deal as soon as Saturday in their bid to avoid a fight that imperils $500 billion in annual trade, said people familiar with the talks said. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's foreign minister is telling the U.N. General Assembly that his young government has made significant strides in fighting violent al-Shabab militants, and called on the world body to lift its long-standing arms embargo. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa Tibor Nagy, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen, kana codsadeen labada qodob oo kala ah Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya, iyo in Soomaaliya laga qaado xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka saaran dalka Mareykanka. Wasiirku waxa uu sheegay inay Mareykanka u sheegeen inay Soomaaliya muhiim u tahay inay aqoonsadaan baasabaoorka Soomaaliya si la mid ah Waddanka Norway oo dhawaan aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga. Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinaca Amniga, haba ugu weynaatee tababarka ciidamada iyo sidoo kale fulinta weeraro cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamo Mareykanka oo kooban ayaa ku sugan Muqdisho iyo garoonka Balidoogle ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay ku caawiyaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya, si weeraro qorsheysan loola beegsado horjoogeyaasha Al-Shabaab. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Codka-Cawad.mp3Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan 300 oo caruur yaryar u qortay dgaalayahanno ahaan, 10 malamood ka hor, ayaga oo kuwa kalena raadinaya, sida ay sheegeyso xog aan helnay Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Shabaabka ay 300 oo caruur ah ka qafaasheen ama ka ururiyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, 10-kii maalmood ee tagay, ayada oo kooxda ay ku jirto olole xooggan oo ay ku xoojineyso ciidanka u dagaalama. Caruurta la qafaashay ayaa la sheegay inay da’doodu u dhaxeysaa sagaal iyo 16 jir. Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay oo u badan shaqaalaha arrimaha bani’aadannimada ayaa ku warramay in dadka la qafaashay ay qeyb ka yihiin ugu yaraan 2,500 oo dagaalyahan oo u qorsheysan Shabaabka inay qortaan 30-ka malmood ee soo socda. Al-Shabaab ayaa weydiisay dadweynaha ku nool deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose inay 30-ka malamood ee soo socda gudahood ku keenaan caruurta dhiman ee ay dagaalyahanno ahaanta u rabaan. Dadka deegaankaa ayaa sheegay inaysan jirin wax ay sameyn karaan oo aan ka ahayn inay u hogaansamaan amarka iyo dalabka Shabaab, haddii kale noloshooda ay halis galeyso. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa horey u shaacisay in Shabaabka ay caruur u qortaan dagaalyahanno ahaan. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan. Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika. Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysal wasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, “Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland. Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, “Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku. Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Abaare 1976, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu golihii dhexe ee gacaanka ka ansixiyey in dib loo soo celiyo Wasaaraddii Arrimaha Gudaha balse magaceeda loo bedelo Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo horumarinta Miyiga. Wasaaradda markii hore waxaa madax ka ahaa Jaamac Maxamed Qaalib balse markii 1975kii meesha laa saaray loo bedelay Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada. Hase ahaatee, Madaxweyne Siyaad Barre AUN oo dareemay culeyskii ay ka haysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa goostay in uu soo celiyo dibna ugu magacaabo General Qaalib,balse iyada oo magac kale huwan. Bilowgiiba, Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu bilaabay dardar galinta hawlaha Wasaaradda isaga oo goostay in mashaariic laga fuliyo degmooyinka dalka. Waqtigaas degmooyinka waxa ay u kala qeybsanaayeen saddex qeybood oo kala darajo ah; A,B, C. A – Waxa ay soo saari jireen wax ka badan inta ay ku dabaraan dhaqaalaha uga baxa hawlaha degmada B – Waxa ay ku filnaayeen in ay iyaga uun is maareeyaan C –Iyagaa la kabi jiray Maxaa kala qabsaday gudoomiyihii degmada Buurhakaba, MD Siyaad Barre (AUN) iyo Wasiirkii Dowladaha Hoose & Horumarinta Miyiga? Buurhakaba waxa ay ku jirtay degmooyinkii A-da ahaa ee uu dakhligii ka soo xeroon jiray aad u badnaa. Wasiir Jaamac oo taas ka duulaya waxa uu tegay degmada isaga oo doonayey in uu ka jawaabo baahidihii biyo la’aanta ahayd ee ka jirtay. Degmada xilligaas waxaa ka jirtay biyo la’aan aad u ba’an oo bulshada waxa ay meelo fog fog biyo uga soo dhaansan jireen Dameerro. Taas oo ay jirto, waxaa xilligaas sanado ka horreeyey isaga oo boqasho ku tagay WAR u sameeyey Xuseen Kulmiye Afrax (AUN) balse markii uu Jaamac Qaalib tagay waxaa ka buuxay dhoobo. Wasiir Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu go’aansaday in uu dhoobo qaado, ballaariyo oo uu jay ku shubo WARTA balse waxaa ka diiday gudoomiyihii DEGMADA oo lagu magacaabi jiray SANDHEERE oo u sheegay in bulshada degmada ay rabaan in loo sameeyo SHINEEMO! Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo u sheegay in uu been sheegayo ee uu isagu doonayo SHINEEMADA! Iyada oo ay halkaas sheekadu joogto, waxaa Buurhakaba soo maray Madaxweyne Siyaad Barre oo u socda Baydhabo balse intuu uu bulshada salaamayey ayuu SANDHEERE u sheegay in dadweynaha doonayaan SHINEEMO kana codsanayaan in uu dhagax dhigio! Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu dhagax dhigay Shineemadii waxa uuna sii watay safarkiisii! Maxaa xigay? Gudoomiyihii degmada waxa uu taar u soo diray Jaamac Maxamed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in la soo daayo lacagta lagu dhisi lahaa Shineemada! Markan isaga oo is bidaya awood maadaama Madaxweynaha dhagax dhigay! Hase ahaatee, Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo ku sii socday barnaamijkiisii hore ee ahaa hagaajinta WARTA. Maxaa dhacay? Gudoomiyihii oo xanaaqsan waxa uu warqad dacwad ah u soo qoray Madaxweyne Siyaad Barre isaga oo u sheegay in Jaamac Qaalib diiday dhisidda Shineemadii uu isagu dhagax dhigay! Madaxweyne Siyaad Barre (AUN) waxa uu waqrad ay ku qoran tahay laba sadar u soo qoray Jaamac Maxaed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in uu uga soo warbixiyo sida ay xaaladdu tahay. Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu ugu jawaabay warqad saddex bog ah oo uu ku faahfaahiyey sidii ay wax u jireen! Muxuu xaal ku dambeeyey? Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu wacay gudoomihii degmada Buurhakaba waxa uuna ku amray in uu ku socdo qorshaha Wasaaradda! Waxaan soo xigtay oo iiga sheekeeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa barahaygii Jaamacadda ee Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya. W/Q: Mohamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yusuf Garaad Cumar ayaa xujeystay mudaneyaasha baarlamaanka dowladda Federaal-ka ee Soomaaliya isaga oo hadal qabsanaya gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Aadan Barre Ducaale ayaa ku faanay waxqabadkiisa mudaddii uu ahaa xildhibaanka magaalada Gaarisa oo uu sheegay in uu is bedel weyn oo dhinaca waxbarashada ah ka sameeyey magaalada, kuna soo kordhiyey isbeddelo badan. Ducaale oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Markii la i dooranaayay magaalada Gaarisa waxay lahayd 5 madaaris oo Thanaawi ah [yacni Dugsi Sare]. Maanta 36 madaaris ayaa ka dhisan”. Yusuf Garaad oo taas daba socda ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkaas waxa uuna raaciyey: “Waa ayo Xildhibaanka Soomaaliya ee la tartami kara oo magaaladiisa intaa ku kaalay? Fadlan gacanta taag”. Xujada Yusuf Garaad ayaa laga dhadhansan karaa in uu ku dhiirigalinayo xildhibaanada Soomaaliya iyada oo ay farriitu u muuqato “Fadhiga ka kaca!” …Mudane Aden Barre Ducaale: “…Markii la i dooranaayay magaalada Gaarisa waxay lahayd 5 madaaris oo Thanaawi ah [yacni Dugsi Sare]. Maanta 36 madaaris ayaa ka dhisan”. Waa ayo Xildhibaanka Soomaaliya ee la tartami kara oo magaaladiisa intaa ku kaalay? Fadlan gacanta taag. pic.twitter.com/KFeCaF8jz5 — Yusuf Garaad (@ygaraad) September 26, 2018
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxa golaha aqlabiyada Barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee Gobolka W/Bari Kenya Aden Bare Ducaale, ayaa qaadacay qorsho uu mucaaradka Kenya ku doonayo in lagu bedelo Dastuurka Kenya. Qorshahani oo ah afti loo qaadayo Dastuurka ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Mudanayaal ka tirsan xisbul xaakimka haya talada Kenya oo uu Hoggaaminaayo Aden Bare Ducaale. Aden Bare Ducaale, oo ka goosa heysta Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in qorshaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Aftida ay tahay mid u taalla madaxweyne Kenyatta. Aden Bare Ducaale ayaa yiri “Dastuur afti loo qaadayo ma jirto dalka waxa uu leeyahay Madaxweyne isaga ayey howshaasi go’aan ka gaaristeeda u taal”. Aden Bare Ducaale, waxa uu carab ***** in qorshaha Xildhibaanada Mucaaradka uu yahay mid lagu doonaayo in la jaanrogo Dastuurka, waxa uuna tilmaamay in arrinkaasi uu yahay mid daba socda olole uu daah furay hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way Allaince Ekuru Aukot oo uu afti uga aruurinayo muwaadiniinta kenya. Sidoo kale, hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way ayaa waxyaabaha sida gaarka ah u doonayo ah in laga yareeyo kuraasta badan ee barlamaanka iyo kuwa aqalka hoose ee dowlad degaaneedyada oo uu sheegay in aysan dani ugu Jirin hormarka kenya. Si kastab aha ahaatee, Xildhibaanada Mucaaradka Kenya iyo Madaxdooda ayaa ku daah furay magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu ee bartamaha Kenya mashruuca aftida laga qaadayo Kenyanka waxaana Hoggaamiyaha xisbiga Third Way Ekuru Aukot, wallow aan la saadaalinkarin sida uu ku hirgali doono. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falastiin ayaa markii ugu horeysay Dacwad heer caalami ah ka gudbisay dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Donald Trump. Dacwadani oo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa loo gudbiyay Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka. Falastiin ayaa dacwadeeda ku qeexday go’aanka safaarada mareykanka uu ku leeyahay Israel looga soo raray magaalada Tel Aviv. Qoraal uusoo saray garsooraha Maxkamada caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ ayaa dowlada falastiin waxay ku sheegtay talaabada Mareykanka uu safardiisa ugu raray magaalada Jerusalem ay tahay mid aan fadhin. Dacwada falastiin ay ka gudbisay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu qeexay in ay jabineyso xiriirka caalamiga ah ee diblumaasiyada oo lagu saxiixay magaalada Vienna sanadkii 196. Sidoo kale, Dacwada ay gudbisay falastiin ee gaartay Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in xukuumada washington ay ku xadgudubtay madax banaanida. Dhinaca kale, Madaxda Falastiiniinta ayaa Maxkamada ka dalbaday in si dhaqsi ah ay ugu dhawaaqdo in sharci daro ay tahay talaabada ay dowlada Mareykanka uu safaaradiisa ugu raray magaalada Jerusalem ee dhulka Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee ciidamada Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa is fahan ka gaaray khilaaf muddooyinkii dambe ka dhexeeyay oo la xiriiiray xaalada gobolka Sool, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Muddooyinkii dambe waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Gen. Siciid Dheere, kaas oo salka ku yahay xaalada gobolka Sool iyo ciidamada mudada dheer heeganka ku jira ee fadhiya Tukaraq oo ay ku jiraan kuwo ay soo u ruuriyeen qabaa’ilada Puntland markii dowladdu ka codsatay taageero. Sida ay ogaatay PUNTLAND POST Gen. Siciid Dheere ayaa ogaysiiyay madaxweyne Gaas in tuusan aadin safarkii Sanaag in uu ka tagayo xilka taliyenimo, isagoo ku sababeeyay in ku jiro han siyaasdeed oo ah in uu u tartami doono doorashada madaxtinimada Puntland 2019, basle MadaxweGaas oo mudadii dheerayd oo ciidamadu fadhiyeen Tukaraq aan amar dagaal siin ay ka hor yimid arrintaas, isagoo ka codsaday in uu xilka sii hayo sida uu sheegay inta uu xoreynayo magaalada Laascaano oo muddo 12 sano ah ka maqnayd gacanta Puntland. Gen. Siciid Dheere ayaa u arkayay in xiligan kala guurka ah aysan macquul ahayn in Puntland dagaal la gashao Somaliland, Madaxweyne Gaas-na uu lumiyay fursad uu ku xoreyn-karay gobolka Sool. Arrintan oo Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere ay muddo isku diidanaayeen, waxaa markii dambe soo dhexgalay isimo ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Garaase, kuwaas oo kulan ay la qaateen u kala dab qaaday. Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay in uu xilka siihayo, halka Madaxweyne Gaas uu isku xiray shuruud ah in dhawaan uu bixin doono amar ah dagaal lagu qabanayo Laascaanood, isagoo sida la sheegay qabsaday muddo 45 cisho ka yar. Sida dastuurku qabo Madaxweynaha Puntland ayaa ah Taliyaha guud ee ciidamad, balse Gen. Siciid Dheere ayaa si hab-maamuus ah ugu magacaaban xilkaas tan iyo 2009, markaas oo uu ka degay taliya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Gen. Siciid Dheere oo ah khabiir dagaal, guulo waaweyna ka soo hoyiyay dagaalo badan oo uu hogaamiye ka ahaa tan iyo intuu ciidamada ku jiray, ayaa Madaxweyne Gaas u arkaa in haddii uusan wadan guul ka gaari-karin dagaal uu la galo Somaliland. Gen. Siciid Dheere- Galgala Gen. Siciid Dheere ayaa mudada aan kor ku soo sheegnay kadib ka tegi doona xilka uu hayo, wuxuuna ku dhaqaaqi doonaa in uu yahay Musharax u tartamaya doorashada Puntland ee Janaayo 2019 ,halka Madaxweyne Gaas uu magacaabi doono Taliye cususb, haddii uu ku guuleysto qorshihiisa Sool iyo haddii kalaba. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo xil-hayntiisa ay ka dhiman tahay wax ka yar boqol maalmood ayaa hadda qorshihiisa kowaad ka dhigaya dagaal uu la galo Somaliland, taas oo sababi karta in doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyaay Janaayo 2019 ay dib dhacdo. Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa tan iyo 8-dii Janaayo 2018, ka aloos-nayd colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, kadib markii Somaliland soo weerartay tuulada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid DHeere oo xal ka gaaray arrin ay isku khilaaf sanaayeen appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga Hospital Named After Meles Zenawi Changing Its Name
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Reflecting the changing times, a referral hospital in Jigjiga city, the capital of Somali regional state, is dropping its former name and assuming a new one. The hospital in question is Meles Zenawi Memorial Referral Hospital located in Jigjiga, Somali regional state of Ethiopia. Source: Hiiraan Online -
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho, waxaana lagu soo eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho. Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna aqriyay Eedda loo haysto sagaalka eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha. Intaa kadib waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasi oo soo bandhigay difaacooda sharci. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ka soo saari doonto Qaraar, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.
-
Hi Dadka ka faalooda arrimaha ciidanka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamada dowladda ee tuulooyinka dalka ay caqabad ku noqon karto dadaaladda Shabaab looga saarayo meelaha wali maamulkooda kusoo hoosjira. Alshabaab ayaa maanta si nabad ah ula wareegay degaanno hoostaga degmada Balcad oo magaaladani Muqdisho jihada waqooyi kaga beegan 30 KM. Col. Shariif Rooboow oo kamid ah saraakiishii hore ee xoogga dalka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in tallaabada Xarakada Alshabaab ay ku wareegeen degaanno hoostaga Balcad ay wax weyn u dhimi karto ammaanka magaalada Muqdisho. “Saameyn weyn ayay ku yeelanaysa ammaanka magaalada Muqdisho sababtoo ah ammaanka oo sii xumaa ayay Alshabaab la wareegayaan degaanno kale” ayuu yiri Col Shariif Rooboow. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/COL-SHARIIF-ROOBOOW-29-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Iyadoo saacaihii hore ee maanta ay soo baxayeen warar sheegaya in Alshabaab ay la wareegeen degaanno dhowr ah oo hoos yimaado degmada Hobyo ayaa arrintaa waxaa beeniyay guddoomiyaha degmadaasi. Guddoomiyaha magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali oo ku magac dheer Fat ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in wararkaasi meel laga soo xigtay aynaan garanaynin. Wuxuu sheegay in ay jiraan degaanno Alshabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan oo Hobyo iyo Xarardheere hoostaga balse wararka sheegaya in Hobyo ay gacantooda ka baxday ayuu ganafka ku dhuftay guddoomiyaha. Xaaladda magaalada xeebeebta ah oo dhacda bartamaha Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay islamarkaana wax dhib ah uusan ka jirin. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYAHA-HOBYO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliye ku xegeenkii Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligan aysan sax aheyn in qal-qal iyo kala shaki laga dhex abuuro taliska Nabad Sugidda, waxaana uu tilmaamay in tallaabadaasi ay fursad siinayso Alshabaab. ‘’isqab-qabsigani waa midka kaliya ee xagal daacinaya nidaamka sir doonka Soomaaliya maadaama dhexdoodii ay isku noqdeen hogaanka nabad sugiddda, waana muhiim in la helo istaraatiijiyad Ammaanka lagula socdo’’ sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya. Dhanka kale taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in Soomaaliya aanay xilligaan u diyaarsaneyn iney isaga baxaan ciidamada AMISOM. Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog in weli aanay jirin ciidan Soomaaliyeed oo u diyaar ah iney la wareegaan ammaanka dalka ‘’AMISOM way sii joogaysaa waayo markaad fiiriso qariiradda laga sameeyey Febraayo 2017 inta meelood ee Alshabaab ay joogeen iyo hadda Xaalku sida uu yahay farqi weyn ayaa u dhexeeya, beesha Caalamku kuma kalsoona in Ciidamada Soomaaliya hada lagu haleeyo Ammaanka wadankooda’’ sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya. Warka Taliye ku xegeenkii Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan waxa uu imaanaya xilli dowladda Ingiriiska ay dalbatay in la kordhiyo dhaqaalaha la siiyo Ciidamadda AMISOM si ay u sii joogaan wadanka oo ay u gacan siiyaan Dowladda Federalka. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Dhan: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Ismaacil-Daahir-Cismaan-Taliye-ku-xigeenkii-hore-ee-NISA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan dalka ay kusii kordhayaan dadka isticmaala daroogada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed. Sheekh Cali Wajiis, ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in lagu beero qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isticmaalka maandooriyaha uu yahay mid xadka ka baxay isla markaana Somalia ay gaartay heer ay dibadaha u dhoofiso. Waxa uu tilmaamay in daroogooyinka lagu beero Somalia ay badi yihiin kuwo ka baxa jiinka webiga kuwaa oo miraha kasoo go’a loo dhoofiyo dalka dibadiisa, halka qaarna lagu isticmaalo gudaha dalka. “Dooroogada ka baxda Somalia waa noocyo kala duwan marka ay soo go’do ayaa la qalajiyaa kadibna waxaa loo dhoofiyaa dibadda” “Waxaa lagu beeraa Gobolada dhan gaar ahaan hareeraha Wabiyada dalka mara waxaana gurta dad ku shaqeysta” Wuxuu tilmaamay Sheekha in dekadaha dalka mar walba la isku dayo in laga soo dajiyo daroogada oo markii la qabto la gubo, kuwaa oo uu cadeeyay inay ka halis badan tahay kuwa dalka laga dhoofiyo. Wadaadka waxa uu carab ***** in gudaha magaalada Muqdisho ay ku yaalan goobo badan lagu iibiyo daroogada qeybahooda kala duwan kuwaa oo loo iibtago, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa dowlada Dhexe ugu baaqay inay ka hortagto daroogada sida caadiga ah loogu kala iibsado gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxa uu ka digay in dowlada Somalia ay indhaha ka qabsato daroogada laga dhoofiyo garoomada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com