Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,648
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Taabid Cabdi wuxuu sheegay in duulaanka lagu qaaday Hormuud uu niyad jabinaayo ganacsiga xorta ah, uuna sababi karo dhibaato baahsan hadii aaney shacabka iyo Dowladu si wadajir ah u garab istaagin shirkada Hormuud Telecom. Hoos ka akhriso qoraalka Taabid Cabdi Maxamed:- Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado. Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furaya lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed. Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas. Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan. Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo hay’addaha amniga usoo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom. Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa. Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan. Mahad-badan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wali waxa ay howlgalo kawadaan deegaano dhaca duleedka degmada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay kadib markii saacadihii la soo dhaafay uu dagaal kharaar ku dhexmaray Deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolka xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka. Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa ku tilmaamay ujeedka howlgalada mid la’isugu furayo wadooyin hoostaga magaalooyinka Marko iyo Gandershe ee gobolkaasi. Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan bilaaway guluf balaaran iyo howlgalo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo wali ka socda deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka shabellaha hoose. The post Ciidanka DFS oo howlgalo kawada Shabellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Koofur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso. Xildhibaan Aadan Madoobe , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku leedahay doorashada Koofur Galbeed, waxaana uu ka digay in haddii faragelinta sii socoto aysan halkaasi ka dhici doonin wax lagu wada qanacsan yahay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo dulqaadan badan oo aan dooneyn in wax lagu qasbay ay hogaamiyaan, taasina ay caqabad noqon doonto haddii ay dhacdo. Isaga iyo xildhibaano kale ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana marar badan ay dhaliileen hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado. “Waxaan dareemeynaa jajuub, Soomaaliya Jajuub kama soconayo, dastuur ayaa jira oo lagu heshiiyay, dhibaato in halkaan laga abuurana ma dooneyno, Shacabka waxay rabaan ayaa halkaan ka soconayo, kama socon doonaan waxa dowladda rabto”ayuu yiri Aadan Madoobe. Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaa ka socdo ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed oo lagu balansan yahay 5 Bisha soo socoto ee December. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico. Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta. “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan. The post MD Farmaajo oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale, wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta. “Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan,” ayuu yiri wasiirka. The post Wasiir oo ka warbixiyay shir looga hadlay Isgaarsiinta dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-23112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka badan 20,000 oo askari, waxaana dalalka ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Somalia kamid ah Kenya, Uganda iyo Ethiopia, waxayna Somalia soo galeen sanadkii 2007 si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Howlgalka ciidamadaan ay u joogaan Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in lasoo dhameeyo, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana la wareegaya masuuliyadda amaan ee dalka, laakiin ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa laga digayaa. Khuburada dhanka amaanka ayaa ka digaya in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegayaan inay abuuri karto xasarad Al Shabaab u sahleyso inay dib usoo noolaadaan , iyadoo ciidamada meletariga aysan awood u laheyn buuxinta booska AMISOM. Midowga Yurub ayaa laf dhabar u ahaa AMISOM waxaana bil kastaa ay siinayeen AMISOM €700,000, iyadoo markii dambe loo kordhiyay oo la gaarsiiyay 25 Milyan oo Yuuro si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Dalalka Caalamka ee taageerada AMISOM ayaa la socda halista ka dhalan karta bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, waxayna qabaan in la diyaariyo ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay u ciyaaraan doorka ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah. “Uma malaynayo inay buuxin karaan booska AMISOM” Sidaasi waxaa yiri Patrick Mutahi, oo ka tirsan Xarunta xuquuqda aadanaha iyo cilmi baarista iyo quburo Soomaaliyeed. “Booliska Soomaaliya iyo ciidanka kale, waxaa xaqiiqo ah inay tabar daran yihiin awood ahaan, Sidaasi si lamid ahna Al Shabaab waxay ka faa’ideysan doonaan Fursadda waxayna sii wadi doonaan weeraradooda”ayuu Mr Mutahi kusii daray. Qiimeyn lagu sameeyay ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in 30% aysan heysan hubka aasaasiga ah ee lagu dagaalamo, waxaana qabiilada ay kasoo jeedaan ay ka helaan hubka ay adeegsadaan, taasina waxaa la sheegaa inay caqabad kale noqon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Dadka Mareykanka waxaa ay shiinaha u arkaan inuu yahay dal khatar ku ah jiritaanka dowladda Mareykanka, waxaa arrintaas hor socda Trump. Dhaqaale ahaan: Dhaqaalaha Shiinuhu waa dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu baaxadda weyn, waxaana la filayaa in booska koowaad uu kala wareego Mareykanka marka la gaaro 2050. Tallaabooyinka ay Shiinuhu dhanka horumarinta dhaqaalaha u qaadeen waxaa ugu horreeya, waa wadada (Xariirta) ee cusub, waa waddo ganacsiyeed barri iyo badba leh oo isku xiraysa in ka badan 65 dowladood oo Yurub iyo Afrika ba leh, taas oo u adeegi doonta in ka badan 70% dadka dunida ku nool. kharashka ku bixi doona ee lagu dhawaaqay waa (hal-tirilyan oo dolar) kun billion oo dolar, waxaana hal ku dhig u ah (guntin qura iyo hal waddo), waa udub dhaxaadka Suuqa Caalamka oo dhanka bariga u guuraya. Cilmi ahaan: Kharashaadka Shiinuhu ay ku bixiyaan cilmi-baarista aad ayay u korortay 30-jibaar inta u dhaxeysay 1995 ilaa 2013, waxey hadda noqotay dowladda ugu horreysa ee dhanka cilmi-baarista uguna wax-soosaarka badan, culumada Sayniska ee Shiinuhu markii ugu horreysay waxey Cloning ku sameeyeen Daanyeer markii ugu horreysay taariikhda. sidaas oo kale; waxey hawada sare u direen daxayax gacmeed dhanka xiriirka ah oo adkaynaya ammaanka xiriirka taleefoon oo aan cidina ku dhageysan karin. Sidaas oo kale, Shiinuhu waxey doonayaan iney adduuyada uga horumaraan, xiriirka makhluuqaadka cirka ku nool ee suuraggalka ay tahay iney aadanaha la soo xiriiraan. Waxey Shiinuhu dhiseen Telskoobka ugu baaxadda weyn adduunka oo ku kacay qiimo dhan 180-milayn oo dolar, kaas oo lagu sahminayo hawada sare. Siyaasad ahaan: Shiinuhu waxey xiriir fiican la leeyihiin dalalka ay Mareykanka cadowga yihiin, sida; Ruushka iyo Iiraan. Hoggaamiyaha K/waqooyi Kim Jong-un inta aanuu Trump la kulmin, safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ku baxo waxa uu ku gaaray dalka Shiinaha. Dhanka golaha Ammaanka Shiinuhu codka diidmada Qayaxan ee (veto power) waxey adeegsadeen 6-jeer, qaarkood waxey ahaayeen kuwo ka dhan ah go’aanno uu Mareykanku gadaal ka riixayo, halka kuwo kalena lagu horistaagay go’aanno lagu cambaarayanayay xukuumadda Suuriya. Ciidan ahaan: Mareykanka ayaa Shiinaha kaga sarreeya awoodda ciidanka iyo miisayaaniyaddiisa, halka Shiinuhu ay leeyihiin ciidanka ugu badan ee ay dowladi leedahay. Laakiin Shiinuhu kuma tiirsana tirada ciidankooda oo kaliya, waa sida ay tahay qorshaha Madaxweyne Xi Jinping, ciidanka Shiinaha waxaa u qorsheysan inuu noqdo kan ugu awoodda badan adduunka marka la gaaro 2050. Shiinuhu qorshahooda wey ku guuleysan karaan oo hadafkooda wey gaari karaan, waa marka ah hubkooda horumarin ku sameeyaan, diiyaaradaha codka ka dheereeya 5 jeer ay horumarin ku sii sameeyaan, xiriirka Quantitative communication ee aan cidina jabsan karin, madaafiicda Electromagnetism ee meelaha fog wax ka toogta ee awoodda burbur ee aadka u sarreysa leh ee Shuunuhu ay hadda haystaan. Kadib markii ay Shiinuhu ku guuleysteen iney si wanaagsan mustaqbalkooda u qorsheeyaan, Shiinuhu ma noqon doonaan dowladda ugu awoodd badan Aduunka? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Somaliland ay aqbaleen afar qodob oo caalamka ay usoo jeediyeen. Afarta Qodob ayaa u muuqdo kuwo wadamada IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay doonayaan in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee Tukaraq iyo murunada gobolka Sool. Qodoba Afarta gaaraya ee ay isla qaateen labada maamul ayaa kala ah:- In xabadda la joojiyo, lana qaato nabadda oo lasameeyo aagag ka caaga ciidamada labada dhinac. In la ogolaado in gargaarka aadanuhu uu gaaro dadka ku barakacay dagaaladan ee gobalka Sool. In maxaabiista dagaalka lasii daayo si loo abuuro jawi wada hadal Taliyaasha ciidamadda. In lasii wado dadaalada la xariira nabadda, gaar ahaana kulamada dhaqanka iyo dhalinyaradda si colaaddan xal rasmi ah looga gaaro. Laakiin Wararka dadka deegaanka ay warbaahinta la wadaageen ayaa ah in dhinaca Somaliland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen in Afti laga qaado dadka deegaanka maadaama labada dhinac ay aamisan yihiin inay gobolka leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diidamada ugu badan ay ka timid dhanka Somaliland, waxaana arintaasi ay kordhin kartaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) ayaa soo geba-gabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico. Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka ka soo baxay Villa Somalia “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad ay horseed ka yihiin saraakiil ka gadooday maamulka Muse Biixi ee Somaliland ayaa habeenkii arbacada xoog kula wareegtay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. General Caarre oo ah hoggaamiyaha Jabhaddan ayaa hore wacad ugu maray in uu deegaanada West Burco Clan, gaar ahaan Habar Yoonis ka saaro taliska Muuse Biixi. Hadaba, maxaa laga baran karaa dhaq dhaqaaqa cusub ee Jabhadda Caarre? Caarre waxa uu muujiyey habacsanaanta iyo kala daadsanaanta maamulka Somaliland oo markii horeba mucaarad hubeysan kala kulmayey bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyo waliba Awdal. Tan iyo markii uu Muuse Biixi oo horey uga tirsanaa jabhaddii SNM la wareegay talada Somaliland waxaa soo kordhayey tabashada dadka reer Somaliland ay ka sheegayaan taliskiisa. Sidoo kale xisbiyada mucaarad ah ayeysan jirin mid xiriir la leh Muuse oo la daala dhacaya Somaliland. Dhawaan ayey ahayd markii uu Faysal Cali Waraabe ka xarig furtay xukumadda Biixi isaga oo sheegay in uu ficil (Dagaal) waxa ku tusi doono. Hadda dagaalka ka soo cusboonaaaday Sanaag, xilli ay furmo ka furnaaneeyeen Tukaraq, waxaa lagu soo kobi karaa Somaliland waxa ay u baahan tahay badbaado, laga badbaadiyo Muuse Biixi. W/Q: Guuleed Axmed Baashe Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ka dalbatay dalka Suudaan in door weyn uu ka qaato dadaalada lagu heshiisiinayo Qatar iyo Xulufada Sacuudiga, sidaasina waxaa shaaciyay sarkaal sare oo katirsan dowladda Qatar. Masuulka u hadlay dowladda Qatar oo ka hadlay xaaladda jirta ayaa sheegay in Xukuumadda Qatar ay ku wargelisay dowladda Sudan halka ay ka taagan yihiin wadahadal ay la galaan Imaaraatka Carabta. Sida uu sheegayna, Masuuliyiinta Qatar ma doonayaan soo celinta xiriirka ay horey u jareen Imaaraatka bishii June ee sanadkii 2017, “Ma dooneyno inaan xiriirka soo celino ha ahaato hadda ama mustaqbalka, maxaa yeelay Qatar waxay aamisan tahay in Imaaraat-ka uu yahay waxa ka dambeeya xiisadda dhalatay”. Wuxuu sheegay in xukuumadda Doxa aysan waxba u arag in dib loo bilaabo Mustaqbalka xiriirkii kala dhaxeeyay Sacuudiga, laakiin ay sugayaan inta laga dhameynayo kiiska Dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay Istanbul. Sanadkii 2017 ayaa dowladaha uu hogaaminayo Sacuudiga waxay xiriirka u jareen dowladda yar ee Qatar, waxaana ay ku eedeeyay falal ay kamid tahay taageerada argagixisada. Waxaa Muuqata in Qatar ay u dhowdahay inay mustaqbalka soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Sacuudiga, balse aysan marnaba soo ceshan doonin xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraatka maadaama ay aamisan yihiin inay dhibaatada dhan ka dambeeyeen. Suudaan ayaanan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonto maadaama Qatar ay u cadeysay Mowqifka ay ka qabto inay xiriir la sameyso markale Imaaraatka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo maalmihii ugu dambeeyay Safar ku joogay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkey. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaalada Istanbul maanta kula kulmo madaxweynaha Turkey Mr Erdogan, iyaga oo ka wada hadli doono taageerada Turkey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa. Xiriirka Turkey iyo Soomaaliya ayaa mugdi u gali rabay kiiska Wariye Jamaal Kashoqji, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ay soo saartay warsaxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga. Arimahaasi ayay labada masuul ka wada hadli doonaan iyo isbadalka lagu sameeyay safiirkii Turkey ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay madaxda dalka Talyaaniga oo muddooyinkaan uu wadahadalo kula lahaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Saldhiga la weeraray oo laga arkay dab weyn iyo holac Dabley hubaysan ayaa gelinkii dambe ee xalay weerar culus ku qaaday saldhiga wadnaha ee koonfurta magaalada Laascaanood,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Shacabka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo sheegaya in ay xalay gelinkii dambe hurdada ka toosisay rasaas xooggan oo ku hoobanaysa saldhiga koonfureed ee magaalada. Dableyda weerarka qaadday oo aan la aqoonsan ayaa sidoo kale bumbooyin ku tuuray saldhiga ka hor inta aysan rasaasta bilaabin,sida ay Puntland Post u sheegeen dad ku sugnaa xaafadaha deriska la’ ah saldhigaasi. Goobjoogaashu waxay sheegeen in weerarka oo bilowday abbaare 3:15am uu socday mudda saacad ah,islamarkaana rasaastu ay ka dhacaysay hal dhimac,balse waxay intaasi raaciyeen in aysan weli wax faahfaahin ah ka hayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Hase yeeshee sawir mobile-ka gacanta lagu qaaday ayaa muujinaya dab weyn oo ka holcaya saldhigii weerarka lagu qaaday,kaasoo inta badan laga arkay gudaha magaalada Laascaanood. Somaliland weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka,iyadoo ay haatan xilli hore oo aroornima tahay. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Weerar culus oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. London (Caasimada Online) – Mac-hadka Global Firepower oo ka faallooda awoodda ciidamada iyo dagaalka ayaa daabacay warbixintiisa sanadlaha ah oo ku saabsan 12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan sanadka 2018, sida lagu sheegay warbixinta mac-hadka xoogga ciidanka waddamada sanadkan ugu horeeye adduunka waxa lagu qiyaasay kartida ciidanka, Qalabka iyo miisaaniyadda ku baxda sanadkii, iyada oo waddan walba la fiirinayey horumarka uu ciidankiisu ka gaaray dhinaca adeegsiga Teknolajiyadda. Warbixinta Global Firepower ayaa lagu xusay in kala hormareynta dhinaca ciidanka ee waddamada loo cuskaday 55 walxood oo loo aqoonsaday in ay yihiin walxaha rogroga awoodda ama port-index ee waddan walba. Mac-hadka ayaa sheegay in habka la raacay si loo kala hormariyo awoodda ciidamadu uu u ogolaanayo dhammaan dowladaha yaryar haddii ay horumar fiican ka gaaraan dhanka Teknolajiyadda in ay la tartamaan dowladaha dhul ahaan bedka weyn ku fadhiya balse horumarkoodu yaryahay ama liitaba. Warbixinta ayaa lagu sheegay in nidaamka kala hormarinta ee loo adeegsaday ciidamada sanadkan 2018 ugu xoogga badan adduunku uusan ku xirnayn ama uusan muhiimad siin tirada hubka ee wadda walbaa hayto balse taas beddelkeeda waxa uu muhiimad siiyey nuucyada hubka uu waddanku haysto, tusaale ahaan lahaanshaha 100 Miino uma dhiganto qiimaha iyo tabaha 10 markab oo kuwa diyaaradaha xambaara ah. 136 dowladood ayaa warbixintu ku sheegtay in ay ku jiraan 10 ka waddan ee ciidamadoodu ugu xoogga badan yihiin adduunka, Masar oo kujirtay kaalinta 10aad ayaa hadda u dhacday kaalinta 12aad, waxa ayna booska 10aad ee ciidamada ugu xoogga badan soo gashay sanadkii 2017. Warbixinta Global Firepower ayaa lagu sheegay in aan muhiimad gaar ahaaneed la siin hubka awoodda Nukliyeerka, balse awoodda la islayaqaan ee saameysaa hubkaas la fiiriyey sida sameyska dhulka, sahlanaanta sahayda, ilaha rabbi sameega ah ee waddanku leeyahay iyo waxsoosaarka gudaha ah oo kalasaarid kama dambeys ah kuyeelan doonta natiijada kamadambeysta ah. Waxa kale uu sheegay mac-hadku in aanay weli dhammaan doodad kusaabsan waddamada aan xeebta lahayn sidaas awgeedna ay kamqan yihiin ciidamada badda oo kaalin weyn ku leh awoodda ciidan ee la qiimeynayo.Global Firepower ayaa shaaciyey 12ka ciidan ee adduunka ugu xoogga badan iyada oo lagu dhisayo awodda ciidan ee dowlad kasta lana adeegsanayo walxaha lagu qiimeeyo awoodda iyo kartida ciidanka sida Fulinta iyo guulaha uu ka gaaro howlgalka Kartida iyo awoodda ciidan ee uu leeyahay Farsamada sameynta diyaaradaha iyo Gaadiidka dagaalka Kooxaha Ciidanka badda. Ciidamada keydka ee tababaran6. Ilha dhaqaale ee ciidanku leeyahay Kheyraadka dadeed ee uu haysto Taxa sida ay u kala horreeyaan 12 ciidan ee sanadka 2018 ugu awoodda badan adduunkaIsha:Global Firepower + Aljazeera W/T Axmed C. Guutaale, Mustaqbal Radio
  16. Paris (Caasimada Online) – Hay’ada u dooda xaquuqul Insaanka oo fadhigeedu yahay dalka France ayaa bilowday dacwad maxkamadeed ka dhan ah hogaamiyaha Imaaraatiga Amiir Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo lagu eedeeyey danbiyada ka dhacay dalka Yemen. Kooxda dacwada soo diyaariyey oo lagu magacabaa AIDL (The Alliance for the Defence of Rights and Freedoms) ayaa ka hadlaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalka ka socda Yemen oo ay ku jiraan duqeynta, jirdilka iyo gabadoo-falada kale ee ka dhanka ah shacabka Yemen. Dacwada ayaa loo gudbiyey maxkamada magaalada Paris ee dalka France xili uu magaaladaasi booqanayo Amiirka Imaaraatiga. Kiiskan ayaa waxaa ku lifaaqan warbixintii ay horey usoo diyaariyeen Guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay u saartay baaritaanka danbiyada ka dhacay dalka Yemen, kuwaasi oo horey uga hadlay danbiyo badan oo ka dhacay xabsiyo ku yaal koonfurta Yemen oo ay maamulaan ciidamada Imaaraatia iyo maleeshiyaadka iyaga ka amar qaata. Ururada Xaquuqul Insaanka ayaa sidan oo kale dacwad tan lamid ah uga gudbiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan xili uu booqanayey dalka France. Waxaa la filayaa in dacwadan dhageysigeeda ay qaadan doonto muddo sanad ah. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dastuurka dalka ayaa bishii May ee sanadkaan shaaciyay in ka hor sanadka 2019 si xoog leh looga shaqeyn doono Dhameystirka Dastuurka dalka. Kadib madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa usoo jeediyay wasaaradda Dastuurka inay ka hor sanadka 2019 ka shaqeeyaan waxyaabaha Farsamada ah ee Dastuurka uu u baahan yahay. Wasiirka Dastuurka dalka C/raxmaan Xoosh Jabriil, wuxuu sheegay in waqti ay qaadaneyso dhameystirka Dastuurka, laakiin hadda howlaha ugu badan ay soo qabteen. Wasiir Xoosh Wuxuu sheegay in hadda la dhameeyay dib u eegista Shan cutub oo Dastuurka ka tirsan kuwaasi oo ah Cutubka koowaad ilaa midka Shanaad, haddana la bilaabi doono kuwa haray. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa door weyn ku yeeshay dib u dhaca ku yimid dib u eegista Dastuurka gaar ahaanna qodobada Siyaasadeed ee kala cadeynaya waxa dowladda dhexe leedahay iyo waxa dowlad goboleedyada leeyihiin. Arinta Khilaafka ayuu sheegay inay tahay Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu sheegay in haddii laga gudbi lahaa mar hore gabo gabo uu ku dhawaan lahaa dastuurka. Dastuurka ayaa waxaa uu aasaas u yahay doorashada dalka ka dhaceyso, maadaaa uu kala cadeynayo awoodaha, hanaanka loo codeynayo iyo Sharuucda dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhaartay In haddii Muuse Biixi Somaliland oo nafi ku jirto uu hubo in Lagu Soo gaadhayo uu Finland qaban laha, lakiin uu ka baqaayo Inay Somaliland ku burburto gacanta Muuse Biixi Cabdi . Hoos ka DAAWO. Source
  19. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii Hore ee Kaluumaysiga iyo Warfaafinta Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Cabdillaahi Cismaan Geeljire ayaa Sheegay In doorashooyinkii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacay Sannadkii hore ay ahayd tii Ugu xumayd ee la galo. Hoos ka DAAWO . Source
  20. Telesom and its CEO are Recognized by the World before Somaliland. Today, November 15th, 2018 at the AfricaCom Award, in South Africa, where all Telecommunication companies across Africa and the World has attended to choose the CEO of the Year 2018. At this Ceremony of AfricaCom Award Hon Abdikarim Mohamed Iid has been appointed as The CEO of the Year. What this means is an Acknowledgement of a great achievement, great leadership and un-disputable acceptance of the Number One CEO in Africa as Hon Abdikarim M Iid for the year 2018. Those of us who live in Somaliland and its surroundings remember the process the Telecommunication in Somaliland has go through over the years, especially Telesom. Telesom company was always committed to provide an excellent service for their customers and never failed to deliver and maintained the rank of Number One Telecommunication company in the Somaliland. The management of Telecom has overcome many difficulties over the years, from being banned to use the Satellites which brought all their international calls, Internets access and all other means of international connections to a halt. Even the Local Telcom Operators disconnect the private lines of Telesom’s CEO, with the intention of bringing Telesom down. Eventual, Telesom bought most of these Telcom companies and owns them along with their properties now. The different Administrations of Somaliland Governments had their share of positive and negative impact on Telesom’s past. We must never forget the peace, law and order that Somaliland enjoys had a major impact on the success of Telesom, which of course we thank to our Lord and salute the governments of Somaliland for their role. What is truly unconceivable is why Somaliland and its government does not appreciate its success stories? The strangest thing is, while the Whole World recognizes and shows its appreciation of the Great achievements that Telesom has made with their talented and wise management, the government of Somaliland looks the other way. The Government of Somaliland needs to know, that Telesom is: – The largest employer in Somaliland after the government. – It pays the largest amount of tax that anyone company pays the government. – Telesom has the largest number of local shareholders in comparison to any One company in Somaliland. It provides one of the largest Capital Investments into the economy, through Salaam Bank. Telesom brought Somaliland into the World Map like no any other organization has, with Bill Gate recommending Telesom as an example for other companies to follow. Telesom is the larges contributor to the social development of Somaliland. Telesom operates in every Region, City and districts of Somaliland. Telesom provide Telecom Network across the country, which not only provides Data and Voices, but Zaad System which enables everyone to transfer funds to any location in Somaliland or the World. Those are the tip of the iceberg to the positive contributions that Telesom and their associate bring to this country and its people. Government protect their companies, provides them with incentives and encourages them to succeed. For example, the India Government has excepted all taxes from TATA Company for their success in creating large number of new jobs ever year. All the above and more contributes to the development of the country and the government of Somaliland ability to run the country smoothly. In contrast to the India Government, the different Administrations of Somaliland at different times has imposed the following without considering the ramifications of their actions, not to mention those actions being illegal: Law was Passed, which granted one company the exclusive right to provide Viber Optic in Somaliland alone. (Monopoly) Passing a law that grants one of competitors of Telesom the exclusive right to dig trenches to bury their wires alone. (Monopoly) Riyal’s Administration has tried to introduce an equipment that was supposed to spying on Telesom. (This has failed) The current Administration is trying to duplicate the above mission and its already known before it happens. A law is passed which puts restrictions on the operations of the Zaad, according to the Government it was the Zaad that has created inflation. The law is implemented, but the inflation has worsened, because Zaad maintains Account, just like regular banks. All the above and more has only made Telesom stronger and extremely competent, with ability to combat any given situation. With all that injustices, Telesom has always remained neutral to all the different Political Parties and affiliations, imagine if they sided with one? But the sad part is the system that was to protect its own companies and people, who are working hard to undermine them. Conclusion: The authorities in Somaliland should go back to their drawing boards, they have many pressing issues to address, from poverty, unemployment, droughts, lack of infrastructure, lack of Services that governments are expected to provide to their citizens, Security Issues, Inflation, economic down fall to the lack of wise Foreign Policies. For a healthy and prosperous country, its Government requires simply to have an open and honest dialogue with the private sector and clarify any issues that the Administration might have with any particular company. This would build trust and harmony on both sides. To initiate the above, the administration needs to recruit people that understands the dynamics of the economy and speaks the language of the business community. Of course, a lot of other factors need to be introduced to turn the economy around, but this would be a major step at the right direction. Any other way would be waste of time and might lead to unnecessary disasters. It’s ever Government’s duty to protects its people and organizations at all costs, especially the business organizations, which are the backbone of every Nation and every economy. May God Lead us at the right direction. Mohamed Wardi Ibrahim As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  21. Waxeynu Wada ogeyn dhaliisha Madaxweyne Biixi iyo Dhaliisha Dul Taagneyd Mudo Sanad Maalmo Dhiman oo Xukuumadiisa Jirtey taas oo Tabashooyinka laga tirsanayey, ay hordhac u ahaayeen Sadbursiimadii Jeegaanta iyo Isgaashaan buureysigeeda Waxa Layaab leh in Dareen Badani kasoo Noqdey Socdaalka Gobolada Bariga Somaliland ee Madaxweyne Biixi gaar ahaana Ficilada lama Filaanka ah ee Burco iyo Oodweyne,oo Gobanimo Badani ka Muuqatey. Haddaba Waxa muuqata Dareemada kasoo noqdey Socdaalkan iyo Ficillka Gobanimada iyo Soo Dhaweynta Diiran ah ee Qolyihii Habarmagaade kusoo Dhaweeyeen, taas oo aaney marnaba jeclaysan sida ka muuqata ama dareen ahaan laga arkayo Beesha Bariga Burco Sababtoo, ah Maadaama ay Xiligan Ceelweynaha Burco la Sheegtaan Waxa Dareenku Dibada usoo Wada Baxey Kadib Markii Madaxweyne Biixi gaadhey Deegaanka Degmada Oodweyne oo ah Ubucdii Beesha Habaryoonis oo halkaa Sil Diiran oo Gobanimo leh loogu Soo Dhaweeyay in Mar kaliya Jeegaanta bahdeeda Miyigu dareen Kakan iyo Diidmo Laga dareemayo in ay jidhka iska galiyeen Siweyn oo aan Qarsoomeyn jidhka iskaga galiyeen Xaqiiqdii Marka Gees Kasta laga eegana Macnoyaal badan oo Dad badani fahmayaan ayay Yeelaneysaa Gaar ahaana Waxgaradka iyo Dadka la Socda Guud ahaanba Siyaasadaha Somaliland ay u Fahmayaan, haddii Sidaa Qaawan ay Beesha Bariga Burco u dhaqanto Marar badan waxey Talaabbada Noocani Fashilaad ku Noqoneysaa Siyaasadahooda Docgaabka ah ee Khiyaamada Ku Dhisan. Gabagabadii Wey Muuqataa Socdaalka Madaxweyne Biixi ee Burco iyo Oodweyne Dareenada Kasoo Baxey taas oo aan Loo Baahneyn in Dadka Qaarkii Sii Damcaan in Hawlaha Somaliland ku Koobnaadaan Arimihii kala Fogeynta Shacbiga Somaliland ee Jeegaanta ku Calaamadsanaa Madaxweynaha Laf ahaantiisana Waxaa looga baahan yahey, in uu Tixgaliyo Qodobadii Kasoo Baxey Shirkii Buurta gacanLibaax si Maamulkiisu Isbadel ugu Talaabsado kana Gudbo Xanaftii ka Dhalatey Doorashadii Dalka Kasoo Qabsoontey arinta Komishankana Xal ka Gaadho, Tabashada Jabhada laf ahaanteedana Dhaqdhaqaaqii Maamuladii ka horeeyay Tabashadooda kusoo Afjaro. Beesha Bariga Burcana Waxaan Kula Talin lahaa in ay iska Daayaan Maseyrka. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tell:0634466339 Source