-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda federaal-ka Soomaaliya ay gebi’ahaanba la wareegtay gacan ku haynta ammaanka magaalada Baydhaba oo la filayo in bisha dambe ay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ka dhacdo. Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa amnigeeda xooggiisa suga ciidamada Amison gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya. Hase ahaatee, intii ay ciidamada Itoobiyanka ah ku sugnaayeen Baydhaba waxa uu taliskooda hoos tegi jiray saraakiisha Itoobiyaanka ah, gaar ahaan Tigrayga, kuwaas oo ay soo magacaabeen taliskii hore ee Ethiopia ee qowmiyadda Tigrayga oo iminka meesha laga saaray. Taas, waxa ay sabab u noqotay in uu maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u adeegsaday caburinta siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo waliba in uu ka amar qaadan waayo dowladda dhexe ee Sooomaaliya. Si kastaba, saraakiisha Tigrayga ayaa lagu warramayaa in iminka la beddelay, lana keenay kuwa ka amar qaadanaya dowladda federaalka, kadib markii arrintaas ay dowladda xiriir kala sameysay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
1998-kii si looga hortago in Soomaaliya ay midowdo xiligaa oo ay ku jirtay marxalad burbur ah, dowladii Itoobiya ee Tigreega hogaaminayay waxey u soo jeedisay urur goboleedka IGAD oo wadamada Geeska Africa ku midoobeen in lix qabiil maamul goboleed loo kala qeybiyo Soomaalida. 20-sano kadib Ergayga xilka ka sii dagaya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa Golaha Amaanka ka jeediyay hadalkiisii ugu dambeeyay waxaana uu yiri “ kaliya waxaa dhisan maamul goboleedyo Federalka Soomaaliya katirsan, waaxana ugu dambeysay Hirshabelle, laakiin majiro nidaam dhameystiran oo Soomaaliya ka dhisan” Danaha siyaasiyiinta baahan waa waxa dhibaatada ku haya nidaamka Federalka Soomaaliya, waxey doonayaan iney noqdaan maamulo kamadax banaan dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo dhowr jeer ay xiriirka u jareen, awoodo dheeri ah ayey isa siiyaan sida iney toos ula macaamilaan dunida inteeda kale iyagoo u soo bandhigaya Kheyraadka Soomaaliya kawada dhaxeeya. “ Soomaaliya waa iney wax ka faa’idaa isbadalla bulsho iyo midka dhaqaale ee ka socda wadamada Geeska Africa, waa xiligii ay Soomaaliya kaalinteeda ka ciyaari laheyd oo doorkeeda ka qaadan laheyd masraxa gobalka iyo kan dunida” sidaasi waxaa Wargeyska The Star u sheegay Mohamed Ahmed Jimale oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxba kama oga Soomaali badan soo jeedintii Itoobiya ee IGAD oo laga soo abaabulay magaalada Addis Ababa, sidoo kale lama oga khudbadii Xayla Salaasa uu ka jeediyay magaalada Qabri Dahar oo dhacda dowlad deegaanka Soomaalida sanadii 1956-dii xiligaa waxa uu Xayla Salaasa sheegay in Soomaaliya lagu dari doono Itoobiya, taa oo Itoobiya u sahleysa iney isticmaasho badda iyo dhulka Soomaaliya. Nidaamka Federalka ee Soomaaliya laga dhisay waa fikrad katimid Itoobiya ee ma ahan mid ay xal u aragtay Soomaalida, madaxda maamul goboleedyada waxey aad u jecelyihiin iney kulan la qaataan madaxda Kenya , Itoobiya, Amiirada Carbeed ee Imaaradka Carabta / Sacuudiga iyo Ajaanibta kale ee danaha kaleh Soomaaliya. Midowga Yurub waxa uu amaanay maamul goboleedyada sidoo kale taageero ayuu meel u saaray wuxuuna la kulmiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirar caalami ah ayaa dhamaantood madaxda Soomaalida la isugu keenay sidaas ay tahayna kama muuqan farxad iyo ka faa’ideysiga fursadaha wanaagsan ee Federalka uu leeyahay, balse waxey noqdeen siyaasiyeen is fiirsada. Weji Cusub Shaxda is eedeynta waxey u egtahay mid dhamaan rabta, Dowladda Soomaaliya waa mid awood leh waxaa garab taagan dowlado shisheeye, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre waxey noqdeen madax khiyaali ah, maxaa yeelay waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka ka socda geeska Africa oo lama filaan ku noqday. Dowladda Soomaaliya waxey iska diiday in Khilaafka kala dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada lagu xaliyo magaalooyinka Addis Ababa ama Nairobi, waxaana fariin cad ay ku noqotay koox walba oo dano gaar ah ka laheyd u kala gar qaadida Soomaalida. Ugu yaraan ololaha loogu talagay in Soomaaliya lagu burburiyo ee ku dhisan qabiil qaatay Federalka wuxuu u egyahay mid sii lumaya, waxaana maamul goboleedyada Soomaaliya ay lumiyeen quruxdii ay lahaayeen iyagoo cadow u arkay dowladda Federalka Soomaaliya. Soomaaliya mar walba nasiib ayeey leedahay oo waxaa ku dhirirsan xeebta ugu dheer Africa dhul qani ahna wey ku fadhisa, waxaana Dowladda Soomaaliya ay heshay fursad ay kaalin weyn kaga qeyb qaadato heshiisiinta Eritrea iyo Djibouti. Itoobiya iyo Kenya majecla in Soomaaliya midowdo oo xoog yeelato, laakiin waxba uma dhimi karaan hadii Soomaalida dhexdeeda isku tashato. Itoobiya waxey soo dhameysatay Somaliland oo xeriir dibloomaasi u ogolaatay sanadii 1991-kii, waxaana ay ka caawisaa qalabka iyo tababarada Militery ee maamulka Hargeysa, waxaana marwalba Itoobiya ay raadisaa sidii Muqdisho iyo Hargeysa ay u kala noqon lahaayeen labo dowlad oo kala madax banaan, iyadoo wali Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah. Jimcaale oo ah gudoomiyaha jaamacadda Umadda ayaa markale yiri “ khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ma dhamaanayo ilaa laga dhameystiro dib u eegista dastuurka oo qeexaya awoodaha” Jimcaale ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka Dalka waxaana uu sheegay in Soomaaliya laga dhiganayo mashruuc aan dhamaan oo shisheeyaha wataan, sidoo kale wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa mar yiri “ Soomaaliya waa mashruuc” “ Ma rabo inaan dhaleeceeyo awoodaha shisheeye maxaa yeelay anaga ayaa ogolaanay in aan noqono mashuur aan dhamaan, ilaa laga helo madax dhab ah Soomaaliya dhibkaan kama baxeyso” Jimcaale ayaa hadalkan yiri. Masiibada xalka la mooday Nidaamka Federalka ee Soomaaliya wuxuu ku noqday caqabad waana dowladii ugu dambeesay ee qaadata nidaamkan iyadoo dadkeedu ay hal yihiin, ma jirin baahi loo qabay in la dhiso Federal. Federalismka waxaa loogu talagalay in uu isbadal wanaagsan ku soo kordhiyo siyaasaddam dhaqaalaha iyo dhibaatada amniga ee dalka ka jirta, dhamaantood meesha ayey ka baxeen oo mid walba xal gooni ah buu rabaa, waa dhib cusub oo Soomaalida loo abuuray. Soomaalida uma aysan codeyn Federalism-ka, xitaa kuma aysan iman dalab ka yimid dowladii xiligaa jirtay, waa natiijo ka dhalatay danaha Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya. Aqoonyaho badan oo Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keeniyay nidaamkan waxaana ay sheegeen in uu shaqo kaga u abuurayo kumanaan qofood dal dhaqaalihiisu ay ka yimaadaan deeq bixiyaal caalami ah. Danjire Micheal Keating hadaladiisii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa “ Soomaalida iyaga ayaa xalisan kara dhibkooda” Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mangeste Xayle Maryam waxa uu Soomaaliya u arkaa cadowga kaliya ee wadankiisu leeyahay,. “Soomaaliya waxey u sii kala qeyb sami doontaa lix maamul goboleed oo ka sii faracma shanta maamul ee hadda jirta, wada shaqeynta dowladda Federalka wey soo afjarmi doontaa ilaa inta ay ka heshiineyso Soomaalida” sidaas ayaa lagu yiri maqaal lagu daabacay wargeyska the Star. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Star
-
Sida laga wada dharagsan yahay, bisha dambe doorasho ayaa ka dhici doonta Koonfur Galbeed, oo waxaa dhammaaday waqtigii madaxweyne Shariif Xasan. Doorashadan waxa ay wajiyo badan u leedahay dowladda federaal-ka ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabduulaahi Farmaajo. Doorashada waxa ay ku soo aaday xilligii ugu fiicnaa ee ay dowladda dhexe rabi lahayd maadama bil laga joogo goortii ay maamul gobolleedyadu xidhiidhka u jareen dowladda dhexe, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Dhinaca kale doorshada kuma koobna Koonfur Galbeed oo waxaa iyaguna doorasho gali doona Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmadug, inkasta oo qaarkood ay naga xigaan bilo. Hase ahaatee, halbeegga guusha Nabad iyo Nolol waa doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed sababaha hoose dartood. 1 – Awoodda Axmed Madoobe oo daciifi doonta Haddii dowladdu ku guuleysato xaqiijinta in doorashada Koonfur Galbeed looga adkaado Shariif Xasan, uuna ku soo boxo hoggaamiye iyada daacad u ah ama danta qaran ka shaqeeya waxa ay fursad fiican u heli doontaa sidii ay meesha uga saari lahayd Axmed Madoobe oo qudhiisa culuys iyo kacdoon bulshada reer Jubbaland ah la daalaa dhacaya. Sababtu waxay tahay dowladdu waxay heli doontaa kalsooni ay doorashada Jubbaland ku faro-gelin karo, una xaqiijin karto in Axmed Madoobe uusan ku shuban. 2 – Puntland oo go’doon siyaasadeed filan karta Hadii ay dowladdu ku guuleysato doorashada Baydhaba, sida kor ku xusan waxa ay fursad u heli doontaa in ay is bedel ka sameyso Jubbaland, taas oo go’doomin siyaasadeed ku keeni karta Puntland – waa haddii uu Gaas waqtiga dheereysto ama soo booxo hoggaamiye ku aragti ah. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo meesha ka baxa, waxay burburin doontaa isbaheysiga dowlad goboleedyada ee hadda awooddooda ku xiran tahay iskuduubnidooda. Si kastaba, haddii uu soo boxo mid ka duwan oo danta qaran u jan jeera, waa guul weyn oo dowladnimada u soo hoyatay. 3 – Hir-Shabeele iyo Galmudug waxay arki doonaan tusaale. Haddii ay dowladda u hir-galaan labada qorshe eek or ku xusan, maamullada ka taliya GalMudug iyo HirShabelle, waxa ay ku noqon doontaa Weysha gowrac, dibgiga ha ku quustee. Guusha ay dowladda ka gaadho Koonfur Galbeed ee dhabbaha u xaartay guulaha kale ee Jubbaland iyo Puntland, cibro qaadasho ayey ugu filnaan doontaa labada Maamul ee GalMudug iyo HirShabeelle. Waxaa xusid mudan in labadan maamulba ay ka tabardarran yihiin maamullada kale marka la eego in si fudud lagula tacaali karo, waayo waxay ka kooban yihiin beelo badan oo is-diidan, oo haddaba madaxdooda qaar ka mid ah ayaa dowladda raacsan, ha ku timaado hab beeleed ama mid dan shaqsiyeedba. W/Q: Mustafa Ahmed Suleymaan Boorama, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shaqada laga eryay qaar kamid ah Ilaalada gaarka ahaa ee Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Ilaalada shaqada laga eryay ee la socday Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsanaayen qeybta dharcadka ee gaarka ah, waxaana lasoo sheegayaa in shaqadooda ay ku waayen muran dhexdooda ah. Muranka ay shaqada ku waayen ayaa la xaqiijiyay inuu salka ku hayo is qabqabsi ka dhashay cida noqon laheyd madaxa amniga dharcada la socta Ra’isul wasaaraha taa oo soo dadajisay shaqo ka eryinta shaqsiyaadkas. Xubno kamid ah shaqsiyaadka la eryay ayaa damac ka galay xilka uu hayo Madaxa amniga Ra’isul wasaaraha, iyadoo goortii lagu fahmay laga eryay shaqada. Xilka leysku hayo ayaa waxaa horay u faarujiyay madaxii amniga Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre Ayuub Cali Farey oo goostay xili uu kamid ahaa wafdi dibadda u raacay Ra’isul wasaaraha. Xogtu waxa ay muujineysaa in ilaaladaasi iminka lagu wareejiyay xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, halkaa oo ay ka shaqeyn doonaan maadaama ay waayen shaqadooda. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo dacwad ku saabsan eryinta Ilaalada la gaarsiiyay ayaa ka gaabsaday inuu faragalin ku sameeyo howsha ka socta xafiisyada ka hooseeya ee ka shaqeeya amaankiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka la kordhiyay tirada Ilaalada dharcada ah ee lasocta Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii lagu biiriyay xubno hor leh oo laga soo kala xulay Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaayay barnaamij loogu magac daray daah furnaanta maaliyadeed ee dalka ayaa u digay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiinta isku daya inay ka dabatagaan shaqsiyaadka u xiran musuq-maasuqa. Ra’isul wasaare Xasan Cali ayaa daahfurka barnaamijka ka sheegay in xukuumadiisu aysan u dulqaadan doonin in dad Soomaaliyeed ay xabsiyada ugu daba tagaan dadka u xiran arrimaha la xiriira masuq maasuqa. “Anagu ma aqbaleyno inaad faragalisaan shaqsiyaadka u xiran musuqa, dowlada ayey u xiran yihiin iyada ayaana looga danbeynayaa howshooda” Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu faray hay’addaha ammaanka iney xabsiga dhigaan maxkamadahana u gudbiyaan cid walbo oo lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq. Kheyre, waxa uu xusay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin wax isdaba marin iyo in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ah. Waxa uu intaa raaciyay in Hay’adaha amniga ay mar u qabaan inay xiraan isla markaana la xisaabtamaan xitaa mas’uuliyiinta isku dayeysa inay marmarsiyo u sameeyan kiiska loo heysto kuwa musuqa dhanka ka dhigtay. Waxa uu carab ***** in ay jiran dad Soomaaliyeed oo doonaya in qof dambiile ah ay ku soo daayaan qaab qabiil, balse arrintaasi aysan aqbali doonin. Dhinaca kale, mas’uuliyiint ayuu ugu baaqay inay ka fogaadan inay booqdan ama isku dayaan in kiiska danbiilayaasha dafiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaya afduubka loo geysanayo carruurta iyo dhalinyarada da’da yar. Afduubka ka bilowday magaalada Muqdisho ee lagu hayo da’ yarta ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka lagula kaco afduubka ayaa intooda badan laga kaxeystaa goobaha cibaadada, Ganacsiga iyo banaanka kore ee guryaha, waxaana falkaasi geysta dad ku socda Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj. Degmooyinka ugu badan ee afduubka uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Warta-nabada, Dharkiinley iyo Wada jir, inkastoo maamulada gacanta ku haya degmooyinkaasi aysan ahmiyad siin ilaalinta shacabka ku hoos nool. Sidoo kale, degmooyinka qaar ayaa xilliga habeenkii ah waxaa laga mamnuucay in ay maraan Mootooyinka loo yaqaano bajaajka, maadaama ay korortay afduubka loo geysto dhalinta. Maalmo un ka hor ayey aheyd markii wiil da’diisa lagu khiyaasay 11 sano jir lagu afduubtay xaafada Xamar Jadiid ee Degmada warta-nabada ee Gobalka Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho oo bilo ka bogsatay falalka ceynkaan ah ayaa iminka u muuqaneysa mid mar kale marti galineysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
At least 20 people were killed and 60,000 displaced in ethnic clashes flaring since last week in the western region of Benishangul-Gumuz. Source: Hiiraan Online
-
Ururka bulshada Soomaaliyeed ee Yurub(European Somali Assosiation) ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 01-Oct-2018 warbixin ku saabsan la dagaallanka musuqmaasuqa u gudbiyeen baarlamaanka reer Yurub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo dad ka madaxbannaan xukuumadda federaalka oo qeyb ka noqda ciribtirka musuqa ka jira Soomaaliya. Inkastoo Madaxda ugu sarreeysa Villa Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay had iyo goor ku celceliyaan in ay la dagaallamayaan musuqa ayaa haddana, waxaanan la dafiri karin in weli uu ka dhex jiro hay’ado kamid ah dowladda. Musuqa oo ragaadiyay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa in 10-kii sano ee dambe sababta uu kor ugu kacay in ay tahay isagoo helin cid isku xil saartay in ay ka hortagto. Haddaba, mareegta Goobjoog News waxay la hadashay guddoomiyaha ururkani Danjire Maxamed Caalim waxaana ugu horreeyn weydiinnay waxa xilligaan ku kallifay in ay soo saaraan warbixintani la xiriirta musuqa oo baarlamaanka reer Yurub iyo xafiisyo ay ku jiraan madaxda ugu sarreeysa dowladda ay u gudbiyaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/DANJIRE-MCAALIM-01-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed. Maanta ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM(Jabuuti iyo Itoobiya) iyo ciidanka dowladda oo isku dhinac ah iyo Alshabaab uu ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde. Ilo wareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca Millateriga ah, lamana oga illaa hadda cidda wadday iyo dalka ay laga leeyahay. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhasheen dagaalka iyo duqeynta. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/duqeynta.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Markabka oo sida shixnad dhuxul ah ayaa ka baxey deked ku taalla Koonfurta Soomaaliya iyada oo uu ku xirtey dekad ku taala dalka Ciraaq, sida laga soo xigtey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay. Danjiraha Soomaaliya ee jimciyadda quruumaha ka dhaxeeysa Abuukar Daahir, a oo war qoraal ah kasoo saarey arrinkani ayaa sheegay inay dowladdu cambaareyneyso, isagoo dhanka kale ugu baaqey hay’adda ku shaqada ah leh inay baaraan kiiska dhuxusha. Markabkani oo aan wali la sheegin halka uu ka qaadey Dhuxusha ayaa waxaa uu ku xirtay dekad lagu magacaabo Umm Qasr, iyadoo u saaran yihiin 200,000 oo Kiisha oo dhuxul ah. Safiir Baalle ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darrada ee dhuxusha Soomaaliya. Wuxuu intaas ku sii daray in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo kiiska Markabka. Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkani 2018-ka warbixin ay soo saartay ku mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha kaddib shir heer caalami ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho, kaasi oo xubno ka socdey dalalka caalamka ay ka soo qeyb galeen. Xukuumadda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dhuxusha ay u tahay Xarakada Al-Shabaab isha ugu badan oo ay ka hesho dhaqaalaha, xilli ay ka dhoofiyaan qaar kamid ah dekadaha ugu waa wayn dalka, gaar ahaan kuwa ay iyaga maamulaan. Warkaan ku saabsan in Markab dhuxul sida oo ka baxey Koonfurta Soomaaliya uu ku xirtey dekad ku taala Ciraaq ayaa sare u qaadaya walaac laga qabo in awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab ay korodho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) —– The EU Training Mission in Somalia has strongly condemned suicide bomb attack on its armored convoy in Mogadishu, leaving two people dead. “EU convoy was hit by explosion on Monday in Mogadishu. Sadly, civilians in the vicinity of the attack are reported to be among the casualties”, said in statement by EU traning mission in Somalia. The EU says no personnel of EUTM-S were injured and the convoy returned safely to the base in Somali capital. “Our troops did not fire a single shot after an attack on EUTM-S”. “This shows once again that Somali civilians pay the highest price from the terrorist threat in the country.” “We express our condolences to the families of those affected at this difficult time”, said in the statement. The attack will not deter the EU’s commitment to support the Somali authorities and people in their efforts to build a more stable and prosperous future. European Union Training Mission Somalia works to develop and strengthen Somali defence institutions, through the provision of strategic military advice to the Somali National Army HQ and the support of military training. The EU military mission operates in close cooperation and coordination with the other international community actors in the area, such as the United Nations, the African Union Mission in Somalia (AMISOM), US, UK and Turkey.” Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada Online
-
Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow caawa ah nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar ka dhacay magaalada Boosaaso lagu dilay 4 Ruux oo u dhashay dalka Ethiopia. Dilka oo si gaara uga dhacay xaafada Saantoos oo ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa waxaa geystay dhalinyaro ku hubeysnaa qoryo oo rasaas ooda uga qaday. Afartan qof oo hal meel lagu dilay ayaa si gaara uga soo jeeday qowmiyada xabashida waxaana lasoo sheegayaa in xiliga dilkooda ay ahaayen kuwo wada shaahayey. Weerarka lagu dilay ajaaniibta ayaa waxa uu khasaaro dhaawac kasoo gaaray dad kale oo ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka. Kooxihii ka dambeeyay dilalka ayaa sidoo kale goobta isaga baxsaday inta aysan gaarin ciidamada amaanka oo ku baxay rasaasta. Maamulka Puntland ayaan wali ka hadal dilka Afartan ruux ee ajaaniibta ah waxaana aad looga cabsi qabaa in dilkaasi uu ka dhashay aanooyin daba dheeraada. Dhinaca kale, ammaanka magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkan ahaa mid aan wanaagsanayn, waxaana sii kordhaaya dilalka isdaba-jooga ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu hadlay dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo dagaalamayaash Al-shabaab ee ku sugan qeyb kamid deegaanka Maamulkaas. Waxaa uu sheegay Qalbi Dhagax in uu diyaar u yahay xalinta dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo Al-shabaab,isla markaana uu carabaabay in uu isku keeni doono labada dhinac. Sidoo kale Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay in uu tagi doono goobaha Al-shabaab ku sugan yihiin si uu wada hadal ula soo sameeyo,uuna diyaar u yahay waxkasto oo lagu xalin karo dagaalkaas. Wuxuu xusay Qalbi Dhagax in muddo dheer uu kusoo guda jiray halgan xornimo doonka ah isla markaasna ay muhiim tahay in siyaasiyiinta, madaxda maamuladda, culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradkuba ay ka shaqeeyaan in xal waara laga gaaro colaadaha u dhaxeeyey umadda Soomaaliyeed. “Deegaankan aan joogno waxaa la sheegaa inay dagaal kula jiraan dowladda Puntland ururo sida Daacish iyo Shabaab, ee runtii waxaan jeclaan lahayn yacni illaahay markuu dadka sameeyey khilaaf markuu yimaado illaahay kitaabkiisa in loo noqdo ayaa illaahay ugu tala galay ee in lays dilo looguma tala galin yacni iyaga [Daacish iyo Shabaab] laftigooda aniga waxaan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo haday ogol yihiin iyaga iyo maamullada colaadda kala dhaxeysa inaan isu keeno” ayuu yiri Qalbi Dhagax. “Waxaan rabnaa culimadda, siyaasiyiinta, maamulka iyo waxgaradka umadda Soomaaliyeed in ay iyaguna xalka noocan oo kale ah raadiyaan xabad kuma kala rayn karno, anagaa xabad waligayo soo wadnay xabad laguma kala rayn karno” Sidaasi waxaa yiri Qalbi Dhagax. Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa tilmaamay in uu weligiis soo dagaalami jiray,uuna horey ula soo dagaalamay Cadow Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qalbi Dhagax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Qalbi-dhagax-.mp3Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay munaasabadda daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad layska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah, hase yeeshee la taaganyahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin. Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dawladda in ay ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo joogtaynta sababihiin dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta. Barnaamijka daah-furnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in ay si daah-furan ula socdaan hannaanka loo maamulo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu inay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye. Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dhaliyey dood weyn oo ku aadan in Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay kasoo horjesteen in Balcad iyo Afgooye lagu daro Muqdisho maadaama ay deegaan ahaan xisaabsan yihiin Maamuladaas. Markii ugu horeysay waxaa arrintaas ka hadlay Maamulka Hirshabelle oo si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Eng. Yariisow. Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa marka ugu horeysa ka hadlay kulan dhexmaray Madax ugu sareeysa Hirshabeelle iyo guddiga Aqalka Sare ee kasoo tala bixinta khilaafaadka maamulkaasi. Waxaa uu sheegay Afhayeenka in hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeell,kaasi oo ah in Degmada balcad lagu daro Caasimada Muqdisho. Sidoo kale waxaa arrntaan kasoo hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle, wuxuuna sheegay in Duqa muqdisho laga doonayo in Muqdisho aysan ka rabin ballaarin balse ay u baahan tahay Muqdisho in maqaamkeeda la raadiyo. Dhanka kale waxaa arrintaas ka hadlay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Maxamed Aadan Fargeeti ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintaan uga hadlayo, wuxuu sheegay in Xuduudaha ay tahay arrin Dastuuri ah oo go’aankeeda u taalo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The battle for the billions in the miraa business has taken off into airspace, with some airlines resorting to brazen anti-competitive behaviour to gain an edge over their rivals. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dab kusii shiday Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug oo u kala jabay laba qeybood oo kala ah Cadaado iyo Dhuusamareeb. Madaxeynaha Galmudug Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Gudoomiyihii Degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisi kuwaas oo lagu tirinayey inay la safan yihiin Garabka Madaxweyne ku xigeenka Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisi waxa uuna magacaabay Gudoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen cusub. Xaaladda Galmudug ayaa u muuqato inay kusii socoto Fowdo waxaana suurtagal ah in Maamulkaas uu burburo haddii aan laga soo gaarin oo aan xal loo helin khilaafkaan mudada badan soo socday. Madaxweyne Xaaf ayaa saldhig ka dhigtay Caasimadda Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo ay ku xooggan yihiin Ururka Ahlu Sunna oo dagaal dheer deegaanadaas kula galay Al-Shabaab. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xaaf: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Three people were killed in a suicide car bombing by Islamist group al Shabaab which hit a European Union armored convoy in Somalia’s capital Mogadishu on Monday, police and an emergency service worker said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Warsangali gaar ahaan Dubays ayaa digniin culus usoo jeedisay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan kaasoo lagu eedeeyey inuu iibsaday Kursiga Xildhibaano oo ay Beeshaas laheyd uuna iska casilay Ex-xildhibaan Daahir Cali Faarax. Beesha Warsangali Daraood oo waraaq u kala dirtay Xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soommliya, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka ayaa ku wargelisay inuu Wasiirka Jamaal wado qorshe dagaal looga dhex hurinayo Beesha Dhexdeeda. Beesha ayaa si cad u sheegtay inay cabasho ka tahay Wasiir Jamaal oo ay ku eedeysay inuu musuq maasuq ku hayo Booska Xildhibaano ee hadda u banaan Beeshaas. Sidoo kale Dowladda ayey ku eedeysay inay faragelin toos ah ku heyso buuxinta Booskaas banaan oo uu hadda socdo qaban qaabada doorasho loogu tartamayo ciddii buuxin laheyd Kursigaas banaan. Digniintaan kasoo baxday Beesha East Sanaag Clan ayaa kusoo aadeyso xilli ay Maanta baaqatay Doorashadii la filayey in loogu tartamo booskaas. Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inuu jiro qorshaha uu wasiir Jamaal kursiga ku imaanayo isaga oo intaasi raaciyey inay sidoo kale jiraan wasiirro kale oo raadinaya inay kuraas ka iibsadaan xildhibaannada golaha shacabka. Xildhibaankii is-casilay ee Daahir Cali Faarax waxaa uu noqday qunsul ka noqday dalka Djibouti. Xiriir aan la sameynay uddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka nooma suuro-gelin inaan helno wax jawaab ah, guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ku jirtaa imtixaan adag, oo haddii ay ka gudbi weyso imtixaanka kuraastan la buuxiyo, waxaa adag inay dadka Soomaaliyeed iyo axsaabta dalka aaminaan doorashada 2020-ka. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxday Beesha East Sanaag Clan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Tubta siyaasadda loo dhan-yahay oo ay qeyb ka ahaayeen Beesha Caalamka. Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray. “Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri RW Khayre. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu qabtay Shir looga hadlay Dawlad-Wanaagga iyo Doorashooyinka 2020 appeared first on Puntland Post.
-
Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab Agaasimihii hore ee hay’adda waddooyinka Puntland (PHA-NESHA) oo hadda u tartamaya xubin ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, oo laga soo doorto degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ah meesha dad ahaan Xildhibaanku uu ka helayo kalsoonida Nabadoonada, Waxgaradka, dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Soo dhaweynta Murashaxa Xildhibaanka Eng. Maxamuud , waxaa ka qayb qaar kamid ah Bulshada Gaalkacyo qaybaheeda kala duwan, waxaana markii uu Murashaxu soo gaaray halka laga soo galo magaalada uga hor tagay boqolaal dadweyne ah. Eng. Maxamuud ayaa salaamay oo gacan qaaday dadkii bannaanka magaalada soo dhaweynta ugala hortagay, wuxuuna u jeeday khudbad kooban oo iskugu jirtay mahadcelin, waxa uu doonayo iyo waxyaabaha uu bulshada u qaban doono haddii la siiyo kalsoonida Waxgaradka, Nabadoonada iyo Isimada Degmada Burtinle iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Soo dhaweyn kadib Musharaxa ayaa booqday Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo oo Bulshada Gaalkacyo ay qaab isku tashi ah dhisme buuxa iyo qalabayn ugu samaynayaan. Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab ayaa dhismaha Garoonka kubadda cagta Cawaale Stadium si horudhac ah ugu deeqay 50 kiish oo Shamiito ah, waxaana uu xusay inuu taageeradiisa bahda ciyaaraha sii wadi doono. Eng. Maxamuud ayaa siyaasadda kusoo jiray muddo, isagoo soo noqday xubin kamid ah Golihii ugu horreeyay ee degmada Gaalkacyo, sidoo kalena 6 sano ahaa Agaasimihii hay’adda waddooyinka Puntland ( PHA-NESHA ). PUNTLAND POST The post Musharax Xildhibaan Eng. Maxamuud Cabdinuur oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, ayaa markale codsatay in cunna-qabateynta hubka laga qaado dowladda Eritrea si loo gaaro xasiliooni dhinaca gobolka Geeska Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tegay dalka Eritrea wuxuu codsaday in cunna-qabateynta hubka laga qaado, balse waxaa hadalkaas ka carootay Dowladda Jabuuti, inkastoo markii dambe madaxweynuhu uu arrintaas kala hadlay madaxda dalkaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ka jeediyay khudbad ayaa dalbaday in cunna-qabateynta laga qaado Eritrea. Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay muhiim tahay in cunna-qabateynta laga qaado Dalka Eritrea si loo gaaro Gobolka Geeska Afrika oo xasilloon. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo isagana shirka Qaramada Midoobay ka qayb-galaya ayaan ka hadlin weli saameynta ay uu dalkiisa ku yeelan karo hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Somalia ee ku aaddan cunna-qabateynta hubka ee saaran Eritrea. Ugu dambeyn, Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti ayaa dhawr sanadood waxaa u dhexeeyay dagaal, laakiinse dadaalo badan oo la sameeyay lagu guuleystay in la xaliyo colaaddaas, inkastoo aysan jirin heshiis ay kala saxiixdeen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo la Weydiistay in Cunna-qabteynta Hubka laga Qaado Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Kulanka 9aad kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka oo maanta ay soo xaadireen 168 Xildhibaan ayaa la sii wadey dooddii xeer-hoosaadka golaha, waxaa kale oo maanta la qeybiyey hindise sharciyeedka nidaamiya naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismaha iyo maamulka dhulka, oo ay soo diyaarisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta. Arrimaha uu ka hadlaayo hindise sharciyeedkan waxaa ka mid ah: horumarinta naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhulka Soomaaliyeed iyo kheyraadkiisa, hannaanka diiwaan-gelinta shirkadaha dhismaha, ilaalinta deegaanka, qaabka bixinta qandaraasyada iyo arrimo kale. Arrimaha lagu faah-faahiyey waxaa ka mid ah: Seerooyinka Dhulka Magaalooyinka, oo ay ka mid yihiin qeybinta guud ee dhulka(land zoning iyo physical planning, oo u kala baxa: Warshadeed iyo xirfado(Industrial and Artisanal Handcraft), Ganacsiga(Commercial zone), Danta guud(public purpose), loo seereeyey waddooyin, dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha, jardiinooyinka iyo goobaha nasashada, barxadda gaadiidka la dhigto(Parking Area), xarumaha adeegyada caafimaadka, xarumaha xafiisyada dowladda, garoomada cayaaraha iyo xarumaha Sportiga, saldhigyada booliiska iyo xabsiyada, xeryaha ciidamada qalabka sida, masaajidyada, qabuuraha, maxkamadaha iyo goobaha taariikhiga ah. Waxaa kale naqashadaha lagu muujinaa goobaha adeegga sida: marinka xargaha korontada, xargaha Telefoonnada, isgaarsiinta iyo laliska telefoonada, isgaarsiinta iyo xargaha khadka internetka badweynta, biyo-gelinta iyo tubooyinka, bulaacadaha, waddooyinka iyo buundooyinka, tilmaamaha xaafadaha iyo isgoysyada muhiimka ah. Waxaa arrimaha qaabeyn-doonta wakaalad ay dhisi-doonto wasaaradda, waxaana xubno ka noqon-doona Injineero iyo khubaro kala duwan, waxaana la soo saari-doonnaa sharciyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markab dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ka degay dekedda Umu Qasr ee ku taalla dalka Ciraaq. Safirika ayaa sheegay in dhuxusha saaran markabkan ay gaareyso laba boqol oo kun oo jawaan, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay aad uga xun tahay xagudubkaasi lagu sameeyey. Safiirka ayaa sheegay inay arrintan ku war-geliyeen dowladda dalka Ciraq iyo hay’adaha qaabilsan ee dusha kala socda xayiraadda saaran Soomaaliya ee mamnuuceysa in dalka laga dhoofiyo dhuxul. Abuukar Baalle ayaa sheegay in dowladda ay ogtahay halka dhuxushaas laga qaaday, balse ay wadaan baaritaan rasmi ah, oo ay ku shaacin doonaan. Si kastaba xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhuxushaas laga qaaday dekadda Kismaayo. Xiriir aan la sameynay maamulka Jubbaland waa ay diideen inay ka hadlaan arrintan, waxayna sheegeen inaysan maqal wax eedeyn ah oo dowladda ay u jeedisay Jubbaland. Maamulka Jubaland ayaa horey loogu eedeeyey inay dhuxul dhoofiyaan dekedda Kismaayo, ayna xiriir hoose la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo dhuxushan ka sameysa geedaha laga jaro gobollada Jubbooyinka. Abuukar Baalle ayaa wareysi arrintan ku saabsan siiyey idaacadda VOA. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/f7877b6a-3571-41aa-a6c6-255f1fc619c2_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The political impasse between Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmajo’ and regional federal leaders is being attributed to suspicions that Mogadishu is sponsoring candidates to depose the regional presidents in the forthcoming regional elections. Source: Hiiraan Online