Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,373
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya weerarada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geystaan wadada Makka Al-Mukarama oo aad u mashquul badan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka ugu saxmada badan magaalada Muqdisho ayaa gasha Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo xarumo kale oo ay leedahay dowlada. Weerarada ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmihii tagay ay dowlada Somalia ka digeysay amni darro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ayna ciidamada amaanka xireen inta badan waddooyinka magaalada. Weerarada ayaa waxaa maleeshiyada u fududeeya milkiilayaasha goobaha ganacsi ku leh hareeraha laamiga Makka Al-Mukarama, kadib markii maleeshiyada ay ku amartay in Kaamiradaha ku xiran wajiga hore ee goobahooda ka nacsi ka fureen. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay jareen Kaamiradaha qarsoon ee ku xiran goobaha Ganacsi ee ku yaalla wadada Makka Al-mukarama ee saaran Xarunta Villa Somalia. Maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay in Goobaha Ganacsi qaarkood ay ku amreen inay jaraan Kaamiradaha, halka qaarna ay diideen inay jaraan. Inta ugu badan Kaamiradaha ay maleeshiyada Jareen ayaa ku yaalla Wasaarada Arrimaha Gudaha ilaa Isgooska Banaadir, sida laga soo xigtay qaar kamid ah milkiilayaasha Goobaha laga jaray. Kaamiradaha qaar ayaa ku dhagan goobaha hortooda, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan aheyn kuwo shaqeeya, sababo la xiriira Hanjabaado loo jeediyay milkiilayaasha Goobaha. Kaamiradaha qarsoon ee iminka shaqeeya ayaa ku yaalla keliya qaar kamid ah Hoteelada waaweyn ee saaran laamiga, waxaana xusid mudan in xitaa Hoteelada yaryar lagu amray inay jaraan, kuwaa oo hadda aan qaarkood shaqeyn. Wadada Makka Al-mukarama ayaa kaalinta koowaad kaga jirta waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay isticmaalan Madaxda dowlada Federaalka. Wakhtiyo kala duwan ayey Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka macluumaad ka heleen Kaamiradaha qarsoon oo iyagu duubay falal amni darro oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarama kuwaa oo ugu badan Qaraxyada dhacay. Kaamiradahaasi ayaa horay u duubay macluumaadka Gaadiid dhowr ah oo isku qarxiyay Wadda Makka Al-Mukarama, halka qaarkood ay duubeen muuqaalka maleeshiyaad geystay dilal, waana sababta ugu weyn ee dowlada Somalia ay uga hortagi la’ dahay weerarada. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in wixii ka danbeeyay furitaanka Kaamiradaha ay maleeshiyaadka ku guuleysanayeen weerarada ay ka geystaan wadada Makka Al-mukarama, gaar ahaan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada saran laamiga. Geesta kale, waxaan weli arrintaani ku baraarugin dowlada Federaalka oo inta badan mas’uuliyiinteeda ay isticmaalan wadada Makka oo laga jaray Kaamiradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia. Magaalada Brussels ayaa waxaa jooga wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo. Shirka magaalada Brussels wuxuu daba socdaa shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka. Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale. Madaxda dalka ayaa la filayaa in shirka ay kusoo bandhigan waxyaabaha ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal. Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doona saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka. Seddexda shir kale ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha. “Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Jabuuti (Caasimada Onlien) – Xarunta caalamiga ah ee Atlantic Council ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya, uu halis gelinayo dalka Djibouti. Warbixintan oo uu diyaariyay Kelsey Lilley oo ah agaasimaha Atlantic Council ee Afrika, wuxuu ku iftiimiyay in Ereteriya la wareegi doonto inta badan ganacsiga Itoobiya u soo dega ama ay dhoofiso, iyadoo Ereteriya uga dhowdahay ugana haboontahay Itoobiya, marka la garab dhigo dekedaha Djibouti, waxaanu heshiiskani sida warbixintu sheegtay oo saamayn toos ah ku yeelanaya Djibouti uu walaac geliyay Madaxweyne Geele oo uu dalkiisu kooto ku haystay badeecadaha kala duwan ee Itoobiya 95%. “Sannado badan Djibouti waxay ahayd cidda ku guulaysatay colaadii Itoobiya iyo Ereteriya. Dalkan yare ee leeg gobalka New Jersey oo dadkiisu ka yaryihiin hal milyan oo ruux wuxuu leeyahay istaraatajiyad juquraafiyadeed oo faa’iido leh. Xeebteedu waxay kulmisaa badda cas iyo gacanka Cadmeed, oo ah goob istaraataji ah oo ay iskaga gooshaan ganacsiga dunidu. Iyadoo ay dekedo ka jiraan Suudaan, Somaliland iyo Ereteriya, haddana adeegyada horumarineed ee Djibouti, degenaanshaha siyaasadeed iyo maalgashiga saaxiibtinimada leh ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan gobalka intisia kale. Natiijo ahaan, Djibouti waxay ku naalootay inay kooto ku haysato badeecadaha u socda ama ay dhoofiso dalka bilaa dekedda ah ee Itoobiya.” Sidaas ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay “Maraykanku, sidoo kale wuxuu ka lahaa dano fog ammaanka Djibouti oo ay ku jiraan saldhiga Milatari ee Maraykanka ee qaaradda oo ah goobta lagula dagaalamo argagixisada bariga Afrika iyo jasiirada Carabta. Ilaa 4000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan saldhigaas,oo isticmaala madaarka ay wada jirka u isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee weerada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya. Iyadoo hoosta laga xariiqayo ahmiyada istaarajiyadeed ee ay u leedahay Pentagonal, wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa booqday Djibouti April 2017, wax yar uun ka hor furitaanka saldhiga milatari ee u horeeyay ee China ku leeyahay Djibouti. Waxa iyaguna saldhigo cabiro kala duwan ah ku leh Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sucuudiga.” Warbixinta waxa lagu sheegay in ganacsiga Itoobiya 95% uu maro Djibouti, taasina ay ka dhigtay Djibouti mid kooto ku haysata Itoobiya, “Itoobiya iyo Djibouti waxay samaysteen xidhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka fog danaha guud. Markii dagaalka xuduudku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Ereteriya sannadkii 1998, Itoobiya waxay weyday dekedii Ereteriya, waxaanay si weyn isugu halaysay dekedaha Djibouti inay waxna kala soo degto waxna ka dhoofiso. Qiyaastii 95% ganacsiga Itoobiya, wuxuu maraa Djibouti. Djibouti lafteedu waxay isku halaysay jaarkeedan culus oo ay ka keensatay biyo iyio koronto. Faa’iidada ay Djibouti ka hesho dekedahaaeda Itoobiay waxa lagu qiyaastaa sannadkii 1 bilyan oo dollar, waana ahmiyada miisaaniyadda dawladda Madaxweyne Geele. Laakiin Itoobiya waxay u heshay qorshahan si qoto dheer waxaanay danaynaysay inay is balaadhiso oo ay hesho adeegyo dekadeed. Maraykanka sidoo kale, oo aan aad ugu qanacsanayn saaxiibtinimada madaxweyne Geele, gaar ahaan damaciisa inuu kiro ka soo saaro saldhigyo badan oo shisheeye intii suurtoga ah, oo uu ku jiro ogolaanshaha uu China ugu ogolaatay saldhig kilo mitiro u jira kan Maraykanka, wuxuu sababay in Maraykanku meesha ka baxo.” Warbixinta waxa lagu sheegay in xiisada u dhaxaysa Ereteriya iyo Djibouti ee aan weli xalka la oo helin ay soo noqon karto, ka dib markii ay Qatar kala baxday ciidamadeedii kala dhex joogay “Xuduudka galbeed ee Djibouti wuxuu noqday dhul milatari ilaa markii isku dhacu bilaabmay sannadkii 2008. Qatar ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiso, waxaanay xataa ku guulaysatay inay fududayso maxaabiistii la is dhaafsaday sannadkii 2016, ka hor intii aanay ciidamadeeda kala bixin xuduudka Djibouti iyo Ereteriya iyadoo ka xumaatay go’aankii ay labada wadanba kula safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta khilaafka wadamada Khaliijka.” Warbixinta machadkan oo ka hadlaysa dhaqaalaha Djibouti ka soo gala saldhigyada, lacagtaas oo sii xoojinaysa in Madaxweyne Geele talada sii hayo, waxaanay tidhi “China waxa la soo weriyay inuu sanandkii saldhigooda ka bixiyo 20 milyan oo dollar oo ah ilaa sannadka 2025, kuna darso oo xisaabta kuma jirto in ka badan 1 bilyan oo dollar oo uu China ammaahiyay. Maraykanku wuxuu bixiyaa sannadkii 70 milyan oo dollar oo ilaa ugu yaraan lix sannadood oo dambe ah, Faransiiskuna wuxuu bixiyaa 30 milyan oo dollar sannadkii oo ay ku jiraan arrimahooda ciidan. Faa’iidooyinkaasi waxay gacan ka gaystaan wax u muuqda dhaqaale barwaaqo ah. Djibouti koritaankeeda dhaqaale waxa la rajaynayaa inuu noqdo 7% mustaqbalka dhow. Laakiin sidaas oo uu yahay dhaqaalaha Djibouti, dadka badankiisu waa foqoro hoose, aan horumarin waxaanay la haystayaal u yihin keli-talisnimada madaxweyne Geele. In ku dhow rubuc dadka waxay ku noolyihin saboolnimo qayral caadi ah, waxaanay Djibouti ku xuntahay xuquuqda siyaasadda iyo xuquuqda shacabka” Sidaas daraadeed, machadku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiska labadan wadan ee Itoobiya iyo Ereteriya aanu war wanaagsan u ahayn Djibouti, waxaanay warbixintu tilmaamaysaa inay Ereteriya u waregi karaan Itoobiya iyo Maraykankuba, “Wada hadallada nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya, war xun bay u yiiin Geelle, oo horumarka dalkiisa ku xidhay in uu dekedda ugu fiican u noqdo dalalka dhaqaalahoodu weynyahay, sida Itoobiya. Iyadoo loo malaynayo inay sii socdaan dedaalada in xaaladu caadi noqoto, Itoobiya waxay sida ugu dhaqsaha badan ikhtiyaar ugu heli doontaa inay isticmaasho dekedaha Ereteriya oo aad ugu dhow, kana haboon kuwa Djibouti. Iyadoo aan la filayn in Itoobiya ay joojiso isticmaalka dekedaha Djibouti dhammaantood, ikhtiyaar ayay haddana leedahay. Ereteriya xataa waxay muujin doontaa inay noqoto saaxiib soo dhaweeya milatariga shisheeye sidii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta dekedda Casab si uu u fuliyo dagaalada Yemen. Mid ka mid ah caqabadaha Itoobiya soo waajahaya haddii ay ka tagto Djibouti, ayaa ah inay waajib ku tahay inay dib u celiso in ku dhow 3 billion oo dollar oo ah amaahada China ee lagu dhisay jidka tareenka dhawaan la furay ee isku xidhaya Addis Ababa iyo Djibouti.” Warbixintu waxay sheegtay in haddii ay dalalka shisheeye ee Djibouti ku sugani raacaan Itoobiya oo ay u wareegaan Ereteriya in taasi halis gelin doonto il dhaqaale oo muhiim u ah dalka Djibouti. “Sannadahan u dambeeyay” ayaa lagu yidhi qoraalka, “Imaaraadka Carabta oo kordhiyay danahooda gobalka Geeska Afrika waxay sii adkeeyeen xaaladii adkayd ee Djibouti. Imaaraadka Carabtu wuxuu saldhig ka helay Ereteriya, wuxuu saldhig milatari iyo deked ka helay Somaliland iyo dhawr dekeadood oo Puntland ah. Laakiin xidhiidhka Djibouti iyo UAE wuu kacsanaa ilaa February 2018 markii ay Djibouti laashay heshiiskii shirkadda DP world ee gacan ku haynta dekedda ugu muhiimsan Djibouti. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamay in UAE ay door ka ciyaartay isfahamka Itoobiya iyo Ereteriya. Iskaashiga koraya ee ay Imaaraadka Carabta ee Itoobiya oo dhawaan dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 19% oo ay ku wada jiraan DP world iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah marag u ah kala duwnaanshahiyaha gobal ee hoosta in laga xariiqo mudan.” Ugu dambayn warbixinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele heshiiskan u arko inuu khatar ku yahay, waxaana lagu soo gunaanaday in mar kasta oo uu sii xoogaysto xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ay soo deg degayso inay soo gaabnaato istaraatajiyada iyo ahmiyada Djibouti, iyadoo xalinta colaadani sii xoojin doonta degenaashaha gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  4. Garbahaarey (Caasimadan Online) – Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow, oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka ee guutada 43-aad, oo uu dhowaan Kismaayo ka celiyey Axmed Madoobem, ayaa isaga iyo ciidankiisa waxa ay billaabeen abaabul dagaal oo xooggan. Ujeedada laga leeyahay isbedelka hoggaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ah in lagu dardar galiyo sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed . Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada garbahaareey ee Gobolka Gedo hakaasi uu kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10 Aad iyo ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al-shabaab ay uga sifeyn lahaayeen Gobolka Gedo iyagoo si dhuumaaleysi ku yimaada mararka qaar deegaanadaasi. Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka Xoogaa dalka Janaraal Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada waxaana uu sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab ay heegan ugu jiraan. “Ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow. Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray, islamarkaana xogwareystay xaaladaha ay ku suganyihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxa uu xusay in Dowlada Soomaaliya ay ka go,antahay ogaashaha iyo daryeelidda Ciidanka qaranka waxaana uu kula dar daarmay in ay ku shaqeyaan Soomaalinada taana looga Bixi karo ka adkaanshada Kooxaha Caadeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed. “Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyar garoowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo”. Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Howlan sidii loo dhisi lahaa dhamaan ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Marka ay ka baxaan Dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu dhamaada howlgalka ay ku Joogaan Gudaha Dalka.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa todobaadkii labaad oo xiriir ah magaalada Muqdisho ka dhacay laba weerar oo sida loo soo diyaariyey iyo sida loo fuliyeyba ay isku ekaayeen. Weerarka koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha kaa oo dhacay Sabtidii ay bisha Luulyo ahayd 7. Weerarka labaad oo dhacay Sabtidii xigtay ee bishu ahayd 14ka Luulyo, ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo ayaa la socdeen maleeshiyo ku hubeysnaa qoryaha fudud waxa uuna ka dhacay afafka hore ee xarunta madaxtooyada Somalia. Qaraxyadan ayaa waxaa isku eedeeyay Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia, Hay’adaha amaanka, Taliyayaasha amra ciidamada ku sugan goobaha ay wax ka dhaceen, waxaana loo qabtay Saraakiil la sheegay inay fududeeyen weerarka. Weerar waliba oo dhacaa waxaa ku lug yeesha Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka dowlada Somalia oo si dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo aan la horgeyn sharciga. Saraakiisha qaar oo mushaar ahaan u qaata lacag aan ku filneyn qoyskooda ayaa wata ilaalo kabadan 4 ilaa 5 kuwaa oo maalintii isticmaala lacag ku dhow 1,500 oo lagu bixiyo qaad iyo balwadaha kale, waxa ayna su’aashu tahay halkee ayey ka imaadaa lacagtaasi? Haddaba Amniga magaalada Muqdisho ayaa ku xiran 3 arrin oo aysan fulinkarin DFS kuwaa oo kala ah: 1-In Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay kasoo hormuuqdan Saraakiisha waaweyn ee looga shakiyo ku lug lahaanshiyaha weerarada ay qaadan Al-Shabaab. 2-In dowlada Somalia ay hir galiso sharci taliyayaasha iyo saraakiisha ciidan lagu tooganaayo, haddii lagu caddeeyo in wada shaqeyn ay kala dhexeyso Al-Shabaab. 3-Dowlada Somalia oo xukuno sanado badan ku rida Saraakiisha lagu tuhunsan yahay inay u janjeeran Al-Shabaab. Dowlada Somali oo og xaqiiqda dhabta ah ayaan awood u laheyn in sharciga ay horgeyso Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku jiraan dhamaan Hay’adaha amaanka. Saraakiisha ugu badan ee sida dhow ula shaqeeya Al-Shabaab ayaa ah kuwa la buunbuuniyo ee kasoo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida xorta ah ku dhexmara magaalada Muqdisho, hase yeeshee dowlada qudheeda ayaa u muuqata mid iska indha tireysa xaqiiqda dhabta ah. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo aasaas ahaan ku dhisan hab qabiil ayaa aad uga cabsi qabta in heer Maxkamadeed ay la gaarto kuwa u qaabilsan Amniga ee la shaqeeya Al-Shabaab. Geesta kale, Dowlada Somalia qudheeda ayaan u jilicsaneen amni ka dhalinta magaalada Muqdisho, marba haddii uusan shaqeyneynin sharciga oo aysan muuqan Taliyayaal iyo Saraakiil ii xukun ku dhacaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdiho (Caasimada Online) – Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdulahi Warsame oo ka mid ah aqoonyahannada ka faalooda Arimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu dar dargaliyo siyaasaddiisa ku aadan Afrika taasi oo uu tilmaamay in ay qeyb ka tahay safiirka cusub oo arbacadii uu Madaxweynaha Maraykankau soo magacaabay Soomaaliya, kadib 9 bil oo safaaraddooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd. Waxaa uu sheegay Cabdiwaaxid Cabdulaahi Warsame in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto uu ahaa nin kasoo shaqeyay Afrika gaar ahaan Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah. “Yamamoto waa nin si weyn u yaqaanno arimaha soomaaliya ka horna waxaa uu ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa mana aha nin saaxada Afrkca ku cusub wax badana waa suuragal in uu ku soo kordhiyo”. Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto xilli safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay muddo aheyd Safiir la’aan Yamamoto ayaa ah nin qabiir ku ah xaaladda Afrika gaar ahaan geeska qaaradda oo muddo uu ka soo shaqeeyay. Halkan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/WAREYSI-GARYAQAAN-CABDIWAXID-CABDULAHI-WARSAME-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Mooyaale (Caasimada Online) – Magaalada Mooyaale waa dhul Strategic ah oo dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, laakiin ay maamusha dowlada Itoobiya, waxaase halkaasi ka qarxay Dagaal kulul Oo udhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida oo salka ku haysa xiriirka maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo. Soomaalida ku nool Mooyaale waxaa soo weeraray ururo hubeysan oo katirsan Oromada sida ONLF iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaalida u gaarsanaya, xasuuq badan ayaa halkaasi loogu geystay shacab u badan oo haween iyo caruur isugu jira islamarkaana ah Soomaali. Cadaawad fog oo loo qabay Soomaalida ayaa lagala dul dhacay markii taliska Itoobiya uu cafis u fidiyay jabhadaha hubeysan ee Oromada iyadoo wax dib u heshiisiin ah lakala dhex dhigan iyaga iyo Soomaalida waxaana ujeedka loo dilayo ay tahay dadka Soomaalida in lagala wareego Magaalada Mooyaale oo isku xerta deegaano kala duwan islamarkaana ah goob muhiim ah. Ra’isul wasaaraha Itoobiya markii uu xilka la wareegay ilaa imika waxa uu wadaa isbadal waxaana uu sabab u noqday in shacabka Soomaaliyeed ee reer Mooyaale la laayo, maadamada Oromadii oo hubkeedii wadata lagu dhex daayay Magaalada iyadoo liiska argagixsada laga saaray dhowr ururu oo halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed. Dagaalka ayaa sidoo kale saameeyay deegaano ku dhaw dhaw Mooyaale oo Soomaalidu ku nooshahay, ciidamada taliska cabdi ileey iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu xasuuqayo shacabka oo qaarkood hadda u barakaceen dalka Kenya. Taliska Itoobiya wali colaadan dagaal sooma dhex gelin mana jirto wax war ah oo uu ka soo saaray, iyadoo geesta kale aysan jirin cid caawineysa Soomaalida oo aad loo laaynayo, Xiisadaan u dhaxeysa Qabaa`iladaan ayaa salka ku haysa arimo la xiriira maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  8. During the 16th sitting of the executive branch of the government it was discussed the uplifting of the country’s education system. The cabinet singled out the training of teachers and establishment of technical institution across the country. This is according to a terse statement by the presidential spokesman forwarded to Somaliland News Agency (Solnanews.com) for distribution to newsrooms. The cabinet meeting was chaired by the head of state H.E Musa Bihi Abdi. It was also confirmed that mushrooming private schools should follow the national curriculum of education and stop teaching foreign syllabus. It emphasized that training and uplifting of teachers know how should be a priority and should start earnestly. The government highlighted the importance of equipping school with educational materials that will promote learning in schools. The press release from the presidential mansion confirmed that the government will implement polytechnic schools in all regions of Somaliland. Solna
  9. Dubai-based DP World has commenced a legal battle with Djibouti over termination of a contract to manage the Doraleh Container Terminal. DP World said it has commenced an arbitration against the government of Djibouti before the London Court of International Arbitration, following Djibouti’s decision in February to terminate a contract for running the port facility. The Dubai-based company said it issued its statement after “reports of the opening of the first phase of the Chinese built International Free Trade Zone, in violation of DP World’s exclusive management rights.” The firm insisted that its concession agreement for the Doraleh Container Terminal (DTC) remains in force, warning that the government’s seizure of the facility does not give the right to any third party to violate the terms of the concession agreement. “DP World reserves the right to take all available legal actions, including claims for damages against any third parties that interfere or otherwise violate its contractual rights,” a DP World spokesperson said. DP World, Ethiopia and Somaliland partnered this year to develop the Port of Berbera. Two weeks ago, DP World said it is considering setting up a logistics facility in Ethiopia to handle goods from the new port of Berbera to other landlocked African countries. Last week, Djibouti commissioned a $3.5 billion port built by China’s Dalian Port Corporation. This is one of several new ports and trade facilities Djibouti is developing to create a free zone. Djibouti said the free zone will be jointly operated by Djibouti Ports and Free Zones Authority and China’s Merchants Holdings Company. “Our strategic location and world-class facilities have seen Djibouti’s importance as a trade hub recognised globally,” Aboubakar Omar Hadi, chairman of the Djibouti Ports and Free Trade zone. In January, Mr Hadi said that they were in talks with French shipping company CMA CGM to develop a $600 million new container terminal in its biggest port Doraleh, as it seeks to become the regions sea and air transport hub for the continent. “We are going to build the Doraleh International Container Terminal that will target transhipment. This is a new plan. We are in discussions with CMA CGM and we hope to break ground in September for the new container terminal project and its construction expected to take two years,” Mr Hadi said. The East African
  10. Damascus (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London, waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla K/galbeed ee dalka Syria. Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria. Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu Hurayrah Al-Somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb. Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka. Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore. Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid). Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  11. Families have lost everything in the aftermath of Cyclone Sagar. Cash aid is the fastest way to help them. “I am 80 years old, and I have never seen a storm like this in my lifetime,” says Habane Abdi. He is a longtime resident of Somaliland´s Awdal region. He lives in one of over 50 villages in the region that were severely hit by the tropical cyclone Sagar between the 16th and 19th of May this year. This past May set monthly records for rain and extreme weather all across Somalia. Cyclone Sagar – the country´s first ever storm of such magnitude – dropped a year’s worth of rain on the country in just a few days, and added a new dimension to the pre-existing humanitarian response actions taking place in the country. First drought, then a cyclone “After two years of severe drought, the cyclone has crippled the livelihoods of people who were recovering from the droughts,” says Ibrahim Omar, who leads the Norwegian Refugee Council´s (NRC) operation in Somaliland. “Sagar has destroyed crops and livestock. Lives were lost, and due to the flooding it has been difficult to reach out to people in need.” The National Disaster Management Authority, NADFOR, estimated that 49 people have been killed, and over 70 are still missing. Nearly 168,000 people were directly affected by the cyclone and around 277 hectares of land have been destroyed. More than 10,000 people had to flee their homes to save their lives. Thousands of people are in dire need of support to rebuild their livelihoods. Cash is smart aid NRC has been a long-time advocate for cash aid in humanitarian crises. It has proven to be one of the most efficient and dignified ways to support people in need. Sagar has ruined livelihoods, destroyed homes, and contaminated waters, long term issues that compound existing hardships. With cash, families have been able to buy what they need right away. Sahra Cige, 41, and her family of six have been among those worst hit in region. “The storm ruined our home and all of our belongings. For the first few days after the storm, all of us and our neighbours had to sleep in a school nearby,” she says. Sahra has been receiving cash assistance for two months as part of our emergency drought response funded by the Somali Humanitarian Fund (SHF). When the storm hit, the cash became their only way to access food. There is a growing need for this type of aid in humanitarian situations like Somalia. Ibrahim Omar The fear of waterborne diseases The humanitarian need is great in Somaliland. In addition to destroying what’s left of peoples’ livelihoods, Sagar has piled cases of illness upon a population that is still struggling to cope after the country´s worst drought in 20 years. Several cases of diarrhea have been reported in the area. “These communities already lack access to clean water and proper latrines. This is worsened by the dead livestock that is likely to contaminate the water streams,” says Omar. Cash, like any other form of aid, is most efficient when combined with other kinds of humanitarian assistance. In Somaliland, we provide people with cash along with hygiene kits, life-saving aid like shelter, and aqua tabs to purify water. This is one step towards working to prevent waterborne disease and helping people rebuild their lives. Source : NRC
  12. Faransiiska oo ku guuleystay koobka adduunka 2018 Xaflad lagu soo xirayay dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka ee sanadkan 2018 ayaa maanta ka dhacday magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Faransiiska ayaa 20 sano kadib markii labaad taariikhda ku guuleystay dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka, kadib markii uu 4-2 ugu awood sheegtay Kurawaatiya oo markii ugu horeysay timi cayaarta kama dambays ah koobka adduunka. Goolkii ugu horeeyay ee Faransiiska Cayaarta oo ahayd mid xiiso babnayd waxaa goolka furitaanka la hormaray daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore Faransiiska, kadib markii laad la soo tuuray ay ku dhacday weeraryahanka Kurawaatiya Mario Mandzukic, balse Kurawaatiya ayaa goolka barbaraha la timid toban daqiiqo kadib, balse toban daqiiqo oo kale kadib waxaa lagu helay gool kulaad uu gool u badalay Antoine Griezmann, waxay cayaartu qeybtii lagu kala nastay 2-1 uu Faransiisku hogaanka ku hayo. Pogba Markii leysku soo laabtay Faransiiska ayaa ku bilowday dardar wuxuuna qadiiqadihii 59 iyo 65 la yimi labo gool oo ay kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Kylian Mbappe. Kylian Mbappe Kurawaatiya oo xaaladu ku xumaatay ayaa goolkeeda labaad la timi daqiiqadii 69-aad isku dayo kale oo ay seeyeena ma awoodin in ay goolal kale dhashadaan. Cayaarta ayaa ugu dambayn ku soo dhamaatay 4-2 oo guul lama ilaawaan ah uu ku gaaray Faransiiska oo ku guuleystay koobka adduunka ee sanadkan 2018. Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa xulka Faransiiska gudoon siiyay koobka adduunka ee 2018, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Faransiiska iyo ra’iisul wasaaraha Kurawaatiya, laacibkii ugu fiicnaa tartankan ayaa la siiyay hogaamiyaha xulka Faransiiska Luka Modric, halka gool dhilyaha la siiyay Harry Kane oo Ingiriiska u cayaarayay, sidoo kale Kylian Mbappe oo Faransiis ah ayaa la siiyay abaalmarinta laacibkii ugu yaraa tartankan. Kylian Mbappe oo dhukanaya koobka adduunka Dalka Faransiiska waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn oo lagu taageerayo ku guuleysiga koobka adduunka ee sanadkan 2018. Dabaaldegyada Faransiiska Koobka adduunka ee kan xiga ayaa sanadka 2022 lagu qaban doonaa dal yaraha Qadar oo horey ugu guuleystay martigalintiisa. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo 20 sano kadib ku guuleystay koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
  13. The defection of an Emirati prince to Qatar has provided a rare glimpse into tensions among the rulers of the United Arab Emirates and added an awkward complication to its feud with Qatar, its regional rival. The prince, Sheikh Rashid bin Hamad al-Sharqi, 31, is the second son of the emir of Fujairah, one of the smaller and less wealthy of the seven monarchies that form the United Arab Emirates. Until recently, he ran Fujairah’s pro-government media operation. Early on the morning of May 16, Sheikh Rashid unexpectedly turned up at the airport in Doha, the capital of Qatar, asking for asylum. He told Qatari officials that he feared for his life because of a dispute with the rulers of Abu Dhabi, the oil-rich city-state that dominates the U.A.E., as Sheikh Rashid and a Qatari close to the ruling family confirmed in interviews. A representative of the Emirati Embassy in Washington declined to comment, and the rulers of Fujairah could not be reached. Sheikh Rashid’s flight to Doha appears to be the first time in the nearly 47-year history of the U.A.E. that a member of one of its seven royal families has publicly criticized its rulers, according to scholars of the region. In an interview with The New York Times, Sheikh Rashid accused Emirati rulers of blackmail and money laundering, though he provided no evidence to support his claim. He also spoke publicly about tensions among the Emirates that were previously discussed only in whispers — notably resentments over Abu Dhabi’s leadership of the U.A.E.’s military intervention in Yemen. The rulers of Abu Dhabi, he charged, did not consult the emirs of the other six Emirates before committing their troops to the war, now three years old, against an Iranian-allied faction in Yemen. But soldiers from smaller emirates, such as Fujairah, have filled the front lines and accounted for most of the war deaths, which Emirati news reports have put at a little more than 100. “There have been more deaths from Fujairah than anywhere else,” Sheikh Rashid said, and he accused Abu Dhabi of hiding the full death toll. He said he decided to give the interview in the hope that public attention to his case would protect his family in Fujairah from pressure by Abu Dhabi, and he appeared to hope that threatening further disclosures might give him leverage against Abu Dhabi as well. “I am the first in a royal family going out of the U.A.E. and telling everything about them,” he said. But his arrival in Doha has also posed a dilemma for Qatar, in part because of uncertainty surrounding Sheikh Rashid’s dispute with Abu Dhabi. The U.A.E. and Saudi Arabia have led a campaign to isolate Qatar, cutting off all diplomatic and trade relations in an effort to pressure the tiny petroleum-rich monarchy to adhere to a common foreign policy and join their crackdown on political Islam. Adding to the pressure, Abu Dhabi has played host to a handful of exiled members of the Qatari royal family, playing up their criticism of the current emir and promoting them as alternative leaders. Qatar, however, has declined to publicly acknowledge Sheikh Rashid’s presence. The Qatari close to the royal family confirmed that Qatar had allowed Sheikh Rashid to stay, but a government spokesman declined repeated requests for comment. Scholars of the region say Qatar is likely to fear escalating its confrontation with the U.A.E. by appearing to sponsor a dissident royal in exile. But the Qatari said the government was also uneasy about the details of Sheikh Rashid’s dispute with Abu Dhabi. In the interview, Sheikh Rashid accused Abu Dhabi intelligence agencies of blackmailing him with the threat of releasing embarrassing videos of a personal nature. He called the videos “fabricated” but he declined to disclose the content of the material, raising the possibility that, if they emerged, the video might embarrass his Qatari hosts as well. Sheikh Rashid also claimed that the intelligence agencies had pressured him to transfer tens of millions of dollars on their behalf to people he did not know in other countries, which would appear to violate Emirati and international laws against money laundering. “They said, ‘send money here’ and ‘send money there’ as part of their agenda,” he said, adding that he had transferred as much as $70 million total to Jordan, Lebanon, Morocco, Egypt and Syria, and as far away as India and Ukraine. He was unable to provide evidence corroborating the accusation, saying that invoices for those transactions remained in Fujairah. By his own account, Sheikh Rashid began refusing further requests this spring when an Emirati intelligence operative brought up his family, the rulers of Fujairah. Sheikh Rashid said he interpreted the operative’s comments to mean that the agencies wanted him to seek to replace his older brother as crown prince. Scholars who study the Persian Gulf said the leaders of the other Emirates had often grumbled privately about Abu Dhabi’s dominance of the U.A.E. and its foreign policy. “It is rare for such elite politics to spill out so publicly in the U.A.E.,” said David B. Roberts, a professor at Kings College London who studies the Persian Gulf. Source: The New York Times
  14. Former President Barack Obama is visiting his father’s homeland of Kenya before heading to South Africa, where he’ll take part in events honoring Nelson Mandela’s birthday. Obama meets Kenya’s president, Uhuru Kenyatta, and opposition leader Raila Odinga on Sunday before attending the inauguration of a sports and vocational center founded by his sister, Auma Obama, on Monday. The center in Siaya County will provide educational and economic opportunities to help young people serve their communities and shares a similar mission to the former president’s Obama Foundation. “Given that his own mission under the Obama Foundation is to inspire and empower people to change the world, his attendance at this event at our ancestral home, where our father was laid to rest, is of great significance to me,” Auma Obama said last month. Artists painted murals of Obama on the streets of his father’s hometown of Kogelo, while some bars advertised a drink called the “Obama brew.” On Twitter, Kenyans are using hashtags like #Obamareturns and #Obamakaributena, which means ” Obama welcome again” in Swahili. The former president and his sister share a father but have different mothers. The siblings have a close relationship. Auma Obama attended his 2009 inauguration and was a big part of her brother’s 2015 visit to Kenya. During that visit, his sister rode in the presidential limousine after he landed at the airport. She introduced him to a crowd of nearly 5,000 Kenyans waiting to see Obama. South Africa From Kenya, Obama will head to South Africa later in the week to meet with President Cyril Ramaphosa and to speak at an event in honor of the late Nelson Mandela’s birthday in Johannesburg. He’ll also take part in a town hall with 200 new leaders of the Obama Foundation in Africa. “President Obama looks forward to meeting these emerging leaders for the first time, hearing about the extraordinary work they are doing across Africa, and discussing how the Obama Foundation can support their civic leadership development,” said Katie Hill, a spokeswoman for the former president. Source: – CNN
  15. Abu Harira Somali, a Somalian commander of Tahrir al-Sham, was gunned down by unidentified assailants on the Idlib-Saraqib road. The sources further pointed to the intensified assassination attempts on the lives of terrorist commanders and tensions among militants, adding that at least four terrorist commanders have been assassinated in the region only in the last few days. Other sources, meantime, said that heavy fighting is underway between ISIL and Tahrir al-Sham in Western Idlib, adding that Tahrir al-Sham has captured a number of ISIL members in Sahl al-Orouj region following the clashes. Local sources in Southern Idlib reported on Thursday that one of the senior commanders of Tahrir al-Sham Hay’at terrorist group, namely Mohamed al-Iraqi, was assassinated by unknown assailants near the town of al-Khowin. They also reported that two military vehicles of Tahrir al-Sham were destroyed and a number of militants were killed and wounded during the ISIL terrorists’ attack on the road linking the village of Nayrab to the town of Sarmin in Southeastern Idlib. Meantime, the commander of the terrorists’ security committee in the town of Qala’at al-Maziq in Northwestern Hama was killed after unknown assailants fired at him. Terrorists are now in panic and frustration after reports said that the Syrian army will launch imminent military operations in Idlib province. Source: Fars News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa shalay weerar culus oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay Qaraxyo uu ka dhacay afafka hore ee xarunta Villa Somalia. Qaraxan ayaa waxaa laga dhexlay dhibaatooyin kala duwan, waxaana go’ay dhamaan waddooyinka ku hareersanaa goobta uu weerarka ka dhacay shalay. Dhibaatooyinka laga dhexlay weerarka shalay ayaa waxaa kamid ahaa in gabi ahaan maanta la jaray isticmaalka gaadidka wadadaasi marayay kadib weerarka, iyada oo markii horeba ay yaraayeen gaadiidka isticmaalayay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa maanta waxaanan jirin dhaqdhaqaaq wadadaasi ka jira. Ciidanka koofi guduuda ayaa maanta oo Axad ah la arkayay gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowladda iyaga oo u diidaya inay wadadaasi maraan, xitaa iyaga oo wata aqoonsiyo. Ciidamada ayaa wadada hormarta Villa Somalia xitaa ka mamnuucay inay maraan gaari gacanada iyo kuwa dameerka, halka wadad ceel gaabta meel ku dhow Buundooyinka lagu jaray Gaadiid dagaal, Dhagxaan iyo sheega baabuurta. Dhaqanada cusub ee laga dhexlay weerarkii shalay ka dhacay aaga Villa Somalia ayaa waxaa kamid ah in shacabka wadadaasi lugtooda ku mara xitaa loo diiday maanta. Waxa ay arintaani dhibaato ku noqoneysaa hadii ay sii socoto dadka rayidka ah ee degan degmooyinka ka dambeeya Madaxtooyada gaar ahaan degmada Hawlwadaag ee u soo shaqo tago Suuqa Xamar Weyne, maadaama dadka oo dhan aysan wada heysan aqoonsiyo. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa mar waliba oo ay dhacaan Qaraxyo dhibaatada ugu badan kala duldhacda dadka shacabka ah, waxa ayna su’aashu tahay yaa u maqan shacabka Muqdisho. Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa sii laba jibaareysa talaabada ay ku adkeyneyso amnigeeda maadaama maalmahaani ay marti galisay Qaraxyo iyo weeraro toosa oo aad u xoogan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Istanbul (Caasimada Online) – Maanta waa July 15keeda, waxaa 2bo sano laga joogaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan askarta dalkaaasi ay sameeyey afgambi dhicisoobay, waxaa uu ahaa afgambigii 7aad ee ka dhaca dalkaasi. Afgambigan dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen saraakiil daacad u ah dhaqdhaqaaqa Gülen oo 2014kii lagu daray liiska argigixisada, waxaa ku dhintay 250 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000. Kooxdan Gülen , waxaa ay saacado yar gudahood gacanta ku dhigeen madaxtooyada, xarumaha baarlamaanka iyo sirdoonka iyo goobo kale oo muhiim ah. Dadkii ka dambeeyey afgambiga ee gacanta ku hayey waxay aaminsanayeen in afgambiga la soo afjari doono subaxa hore iyadoo la isticmaalayo awood, waana rajada ay qabtay kooxda Gulen waxayna ugu magac dareen afgambiga “hawlgalkii biriqda” taasi oo markii dambe guul-darro ku dhamaatay. Dhinaca kale, Dadka reer Turkey waxaa ay diideen afgambigaas, waxaa guuleystay rabitaankooda iyo jaceylka ay u qabaan hoggaamiyahooda Recep Tayyip Erdoğan, iyaga oo bad-baadiyay hey’adaha dimoqoraadiga ah, waxaana maalintaas noqotay mid taariikhi ah. Dadka inay ay weli jecel yihiin waxaa kugu daliil ah markii Erdoğan dartiis dastuurka loo badalay sanadkii hore, lagana guuray nidaamkii baarlamaaniga ahaa oo loo guuray nimaad madaxweyne, si taas looga miro dhaliyo waxaa ay shacuubta Turkiga aqlabiyad 52.6 ku doorteen doorashadii bishii hore June 24, hadda waxaa uu madaxweynaha soo dhisay xukuumad, waxaa lagu wadaa in xaaladda deg-deg ah la qaado todobaadka soo socda 2 sano kadib, Turkigana waxaa uu cagta saaray waddadii horumarka iyo hoggaaminta. Inkasta uu dalkaasi dagaal kula jiro argigixisada, NATO-na uu ciidan badan siiyay, hadana dhaqaalaha dalkaasi waa mid adag, sanadkii tagay waxaa uu noqday dalka ugu korista badan xagga dhaqaalaha adduunka, waxaa xoogan hey’adaha kala duwan, waxaa intaas dheer shaqo abuur badan. Dalka Turkiga, waxaa uu sidoo kale maalgeshi u aaday caalamka, dalalka ay maalgeshteen waxaa ka mid ah Soomaaliya, waxaa uu dalka ka fuliyay mashaariic badan oo ay ku jiraan dhismaha jidad, Isbitaallo, Dekadda iyo Airportiga Muqdisho halka Turkish Airways ay tahay diyaaradda keliya ee caalamiga ah ee ka soo degta Muqdisho, iskuna xirta Soomaaliya iyo Yurub. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  18. Siyaasi Cabdullaahi Dahab oo ka tirsan xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa dhaliilay hannaanka xukuumadda Muuse Biixi u maaraysay colaadda ka aloosan degaanka Tukaraq iyo siyaasadda arrimaha debadda ee Somaliland. Cabdullaahi Dahab ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu amray dagaal qorshe la’aan ah,dabadeedna uu beesha caalamka ka diiday,xalkii nabad looga dhalin lahaa colaadda Tukaraq,balse markii xaaladdu sii xumaatay uu miciinsaday ergo qabiilaysan oo nabad ka raadiya dhinaca Puntland,sida uu hadalka u dhigay siyaasigan. Mudane Dahab wuxuu sheegay in ergo-qabiileedka Muuse Biixi u diray Puntland ay la shir tageen hadal aan qaban meesha oo ah in qabiilkoodu ka wakiil yahay Somaliland,islamarkaana ay sidaas nabad ku raadinayan,taasina ay ku soo hungoobeen. “Waad ogtihiin,ergo qabiil oo qabiilaysan oo weliba runtii qabiilkii ballaadhnaa ee dhibku ku dhacay ee halkaa degganaa aanay ku jirin ayaa loo diray Puntland. Waxay la tageen hadal aan qaban meesha oo ah in ay iyagu ka wakiil yihiin Somaliland nabadna doonayaan,waa wax cajaa’ib ah weeye,waad maqasheen jawaabta la siiyay”,ayuu yiri Cabdullaahi Dahab. Sidoo kale wuxuu sheegay in ergo-qabiileedkii madaxweyne Biixi u diray dhinaca Puntland ee ku soo hungoobay ay haddana xalka colaadda Tukaraq ka raadiyeen,magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay. “Guddigii ay halkaan ka dirtay ee Puntland tegay ee aan laga soo dhoweyn ee sidaad ogaydeen loola hadlay Muqdishuu joogay maanta,waa waxyaalaha innagu cusub ee ugubka ah ee aynu sheegayno ee qaranka ku cusub”,ayuu sii raaciyay Mr.Dahab. Xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi ayuu sidoo kale ku tilmaamay “mid baryootan kaga jirta” dagaalka ka aloosan Tukaraq ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland,taasoo uu sheegay in ay dhaawac weyn ku tahay sumcadii iyo karaamadii lagu yaqaannay Somaliland. Siyaasigan ayaa dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu wefdi aan cidna lagala tashan u diray shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya”gol-daloolladu waxay ka imaanaysa, iminka taladii baan jirin,taladii qaranku wada-lahaa meesha way ka baxday. Ma garan karno sida hadda wax u socdaan. Brussels waad ogtihiin shir baa ka jira,xukuumaddu cid bay u dirtay oo wefdi bay u dirtay”. Mar uu ka hadlayey siyaasadda arrimaha debadda Somaliland, ayuu sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi uu albaab kasta ku soo xirmay,kadib markii madaxweyne Biixi uu ku fashimay hannaanka loo wajahayo siyaasadda arrimaha debadda iyo la-macaamilka dalalka caalamka. Ugu dambaytii, siyaasigan ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ku taliyay, in talada Somaliland si wadajir ah looga tashado,haddii aan sidaa la yeelina Somaliland ay burbur ku sii socoto,islamarkaana midnimadeedii wiiqmayso,sida uu hadalka u dhigay. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee uu arrimahan uga hadlay PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Daawo:-Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi ku eedeeyay xal la’aanta dagaalka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  19. Warbixintan waxaan ka soo uruurinay dad wakhtiyo kala duwan lagu xiray xabsiga Jeel Ogaadeen. Magacyadooda waxaan u qarinnay sababo amaankooda la xiriira. 1996 ayaa la aasaasay xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, laakinse ay dadku u yaqaanaan “Jeel Ogaadeen”. Xilligaas waxaa madaxweynaha killilka ahaa Khadar Macallin Cali. Waxaa dhismaha xabsiga qandaraas lagu siiyey Ibraahim xaad oo ka mid ahaa ganacsatadii xilligaas ugu dhaqaalaha roonaa. Waxaa magaalada Jigjiga laga fogeeyey xilligaa 5-6 KM, dhinaca qorrax ka soo bax ee togga Faafan, laakinse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la oran karaa wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada. Labada nin – ee ninna uu qandaraaska dhismaha xabsiga bixiyey, ninna uu dhismihiisa qandaraaska ku qaatay – labada isaga ayaa markii dambe lagu xiray. Qiyaastii ilaa 50 askari ayaa habeenkii waardiyeysa. Laba meel oo kala durusan ayaa laga kala waardiyeeyaa. Gaar hayaha hore, qiyaas hal KM ah ayuu u jiraa. Wuxuu leeyahay hal albaab oo weyn oo u sii jeeda dhanka waqooyi. Qaybaha xabsiga Wuxuu u qaybsamaa seddex qaybood oo ragga loogu tala galay, iyo seddex qaybood oo dumarka loogu tala galay. Qaybta ugu hoosaysa waxaa lagu xiraa dadka laga soo qabto jabhadda ONLF, waana meesha ugu xun. Qaybta dhexe waa qaybta lagu xiro dadka “rajada leh”, ee la aaminsan yahay in mar uun ay soo bixi doonaan. Qaybta seddexaadna waxa lagu xiraa siyaasiyiinta, ganacsatada, xubnaha maamulka ka soo shaqeeyey iyo duqeyda. Waxaa ku yaalla meel yar oo masaajid ah oo lagu tukado. Dadka ka soo baxay xabsigaas waxay sheegeen in halkii qol lagu xareeyo ilaa 800 oo qof. Xataa dhulka, hal taako oo ka banaan lama helo. Qaybaha dumarka ayaguna waa la mid. Kiisaska qaar, xataa waxaa la sheegay in dumarka carruurtooda lala xiri jiray. Toddobadii sano ee aannu soo dhaafnay, ma jirin maxbuus ay eheladiisu soo booqdeen. Horraantii todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa markii ugu horraysay loo fasaxay tiro cayiman oo dad ah inay soo booqdaan dadkooda halkaa ku xiran. Sheekooyinka naxdinta leh 2013 maxaabiistii xilligaas xabsiga ku xirnayd waxay sheegeen in maamulka Bakoorado looga soo iibin jiray “Fooqdheere” oo isla Jigjiga gudaheeda ah, ka dibna uu maxaabiista ku amri jiray inay is garaacaan, haddii ay diidaanna uu ku dalban jiray rag u diyaarsanaa inay garaacistaas fuliyaan. Xilligaas waxaa loo yaqaannaa, sida ay maxaabiistii waagaas xabsiga ku xirnayd noo sheegeen “xilligii geerida iyo garaaca”. Xilliyadii sannadahaa ka dambeeyey ee aadka loo ugaarsan jiray ONLF ayey maxaabiistu sheegeen in maamulka xabsiga uu soo rogay in cunnada iyo biyaha laga jaro maxaabiista, waxaana 24kii saac la siin jiray cunno hal mar oo qura, taasoo ahayd canjeerada loo yaqaanno Daafida oo la mariyey “Widdi”. Inta la xaqiijiyey, 18 ruux ayaa markii la soo daayey ee ay biyo afka saareen, ama naf baxay ama isbitaal loola cararay. Sheekooyinka naxdinta leh ee maxaabiistu ka sheekeyeen waxaa ka mid ah „Gidhibka”. Waa meel biyo xireen ah oo ku taalla duleedka magaalada, waxaana la dhisay xilligii uu dalka maamulayey Mingiste. Ujeeddada loo dhisay biyo xireenkaas waa arrimo la xiriira tacbashada beeraha. Bisha ugu qabow sannadka ayaa dadka inta la uruuriyo halkaa lagu guri jiray. Dadkii halkaa la geeyey waxay u badnaayeen dad looga shakisanaa inay xubno ka yihiin al Shabaab. Hase yeeshee dad kalena waa ku jireen. Jirdilka Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa ku yaalla 8 qol, oo afarna ragga loogu tala galay, afarna dumarka. Ma jirto cid nooga warrantay waxa lagu muto gudaha qolalkaas. Dadkii lagu xiray markii aan arrimahaas weydiinnay way naga aamuseen, qaarna wayba ka naxeen markii ay soo xusuusteen. Qolalkaas waxaa lagu sheegay in kiiba uu si ciriiri ah u qaado hal qof. Qofka kaliya ee naga ogolaaday in aan magaciisa sheegno waa Suldaan Fowsi Suldaan Maxamed Cali oo xabsiga ku xirnaa muddo dheer. Wuxuu noo sheegay in shantii sano ee ugu dambeysay muddadii uu xirnaa, lagu hayey kaligii qol ciriiri ah oo uu ku qiyaasay laba mitir. Wuxuu kaloo sheegay in muddo bil ah maalin kasta bakoorado ay ku garaaci jireen “laba nin ilaa ay ka daalaan”. Wuxuu intaa ku daray in loo diiday inuu qaato dawooyinka xanuunnada dhiig karka iyo macaanka, taasna ay keentay in araggiisa ay wax u dhinto. “Ilaa maanta way igu soo kacdaa jugtii berigaa igu dhacday” ayuu yiri Suldaan Fowsi. Waxaa kaloo jiray nin sidii bakoorad loogu garaacayey dhiig sii daayey, laakinse hadda nool oo aan magaciisa qarinay. Dhanka kufsiga dumarka ayaa la sheegay in uu joogto ka dhex ahaa xabsiga. Maxaa loogu bixiyey Magaca “Jeel Ogaadeen” Xabsigaas waxaa la yiraahdaa “xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida”, hase yeeshee sababta jeel Ogaadeen loogu bixiyey ayaa ah maadaama dadka ku xirnaa 60% ay ahaayeen dad ka soo jeeda deegaanka Nogob. Waxay u badnaayeen taageerayaasha ONLF. Waxaa kaloo aad loo soo xiri jiray sanooyinkii u dambeeyey macallimiinta dugsiyada quraanka iyo culumada, kuwaasoo lagu tuhmo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin. Magaca waxaa bixiyey dadka aan beeshan u dhalan oo la yaabay tirada aadka u badan ee reerka magacaas leh ee madaxweynuhu ka soo jeedo kaga xiran xabsigaas. Imisuu qaadaa Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu munaasabadii Ciiddul fitriga sheegay in 22000 oo ruux ay seddex sano ka hor ku xirnaayeen xabsigaas. Wuxuu intaa ku daray in 1500 ay iminka ka soo hareen. Inkastoo uusan dhisme ahaan ka weynayn 100 mitir oo dhan kasta ah, haddana dadkii ka soo baxay waxay aaminsan yihiin in tirada maxaabiista halkaa ku jirtay ay u dhaxaysay 33000 – 35000 oo qof. Waxaa jira dad ku dhex dhintay xabsiga sababo la xiriira daryeel la’aan. Todobaadyadii u dambeeyey, sida laga soo xigtay maamulka, waxaa aad loo hadal hayey in laga dhigayo masaajid, laakinse weli dad aan tiradooda la ogayn ayaa ku xiran. Haddiise masaajid laga dhigo, halkaa miyuu ku hari doonaa magacii u baxay xabsigaas? ISHA: BBC Somali
  20. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ku dileen dulleedka degmada Nin la sheegay in uu horay uga tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya. Laakiin Al-shabaab dhinacooda sheegay in qofkan ay dileen uu ahaa ku-simihii taliyaha nabad-sugida degmada Afgooye. Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudle Mad Nuur , waxaana la dilay xilli uu kusii jeeday beer uu ku lahaa tuullo hoos timaada degmada Afgooye. Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in sidoo kale ay horay u sii kaxeysteen gaari yar oo uu watay marxuumka. Laakiin maamulka gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Ninkan uusan ka tirsaneyn nabad-sugida Soomaaliya, laakiin uu ka mid ahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Gudooomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa sheegay in ninkaasi uusan ka tirsaneyn Nabad suggidda uuna ahaa Generaal hore oo ka tirsanaan jiray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa ka hadlay Waddooyinka ay xiran ee Muqdisho iyo hadal-haynta bulshada ee ku aaddan xiridda waddooyinkan, kuwaasoo sheegay inay dhibaatooyin ku yihiin xiridda wadooyinka la xiray. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in markii waddooyinka Muqdisho ay ciidamadu xiraan ay soo dhex-galaan Al-shabaab, iyagoo iska dhigaya shacabka, isla markaana ka cabanaya in waddooyinka loo furo. Sidoo kale, Wuxuu ka hadlay Weerarradii Qaraxyada ku billowday ee Xamar ka dhacay isagoo sheegay inay yihiin kuwo la doonayo in cabsi lagu geliyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana shacabka lagu dhibaateeyo. “Dhab ahaantii Al-shabaab waa annaga oo kale, dadka ayay ku dhex-jiraan waliba way ka hadashiiyaan, markii waddooyinka la xiro, iyagoo shacab iska-dhigaya ayay qayliyaan si waddooyinka loo furo,balse Dowladdu way ka hor-tagtay fal kasta oo ay isku-dayeen inay fuliyaan,” ayuu yiri Wasiir Ducaale. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Alshabaab Qaraxyada waxaa u sahlay qayla-dhaanta shacabka iyo siyaasiyiinta oo u muuqda inay yihiin kuwo laga hadal-siinayo, si dhibaatooyin loo geysto.” Dhanka kale, Weerarradii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxay imaanayaan iyadoo sidoo kale Qaraxyo noocan oo kale ah ay toddobaadkii hore ka dhaceen Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaarooyin nafeed. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxay halis u noqotay Qaraxyada iyo weerarrada ay geysanayso Al-shabaab, kuwaasoo dhibaatooyin badan ay kasoo gaarto shacabka, waxaana Qaraxyadan ay dhaliyeen sababta ay ugu suuro-gashay Al-shabaab inay waddooyinka oo xiran Qaraxyo geystaan. DHAGEYSO; Hadalka Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/DHAGEYSO_Wasiirka_Amniga_Qaranka_DF.mp3 PUNTLAND POST The post Wasiir Ducaale oo Sharaxay Sababta ay Al-shabaab Qarxyada uga Geysanayso Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. KIsmaayo (Caasimadda ONline) – Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya maamulka isku magacaabay Jubbaland ee kajira magaalada Kismaayo iyo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay in ay garoonka diyaaraaha Kismaayo ka celiyeen Jeneraal Cali Bogmadoow oo Farmaajo uu usoo magacaabay taliyaha guutada 43-aad ee ciidamada dowladda. Taliyaha cusub ayaa markii loo diiday in uu caga dhigto magaalada Kismaayo wuxuu ka dagay dhanka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo halkaas oo uu ka sheegay in si xun loola dhaqmay. Wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonaan deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyagoo aan cidna uga heybaysaneyn wuxuuna ku eedeeyay maamulka Axmed Madoobe in uu ku kacay fal halis ku ah wax uu ugu yeeray jiritaanka dowladnimo. “Falka dhacay maahan wax ku haboon dowladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiin,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarrey ayaan u duulnay,waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Bog-madoow. Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbalanad ayaa isna ku eedeeyay Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre in ay ku dhaqaaqeen fal ay ku kala qeybinayaan maamulka ‘Jubbaland’. “Madaxda dowladda waxay soo magacaabeen taliye cusub iyadoo taliye Saxardiid Muqdisho ku suganyahay, taliyaha lasoo magacaabay wuxuu halis gelin karaa ammaanka deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland sidaas ayaan uga celinay Kismaayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Qoraal bishii lasoo dhaafay uu Axmed Madoobe udiray Farmaajo ayaa muujinayay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ee ku aaddan arrinta ciidamada. Maamul goboleedyada kajira Soomaaliya ayaan aqoonsaneyn dowladda Fadhiidka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxayna maamulladaasi ka amar qaataan itoobiya iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Abu Harira Somali, a Somalian commander of Tahrir al-Sham, was gunned down by unidentified assailants on the Idlib-Saraqib road. Source: Hiiraan Online
  24. Former President Barack Obama is visiting his father's homeland of Kenya before heading to South Africa, where he'll take part in events honoring Nelson Mandela's birthday. Source: Hiiraan Online
  25. Croatia iyo France Maanta oo Axad ah indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta adduunka ayaa ku sii jeeda magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaas oo ay ka dhici doono cayaarta kama dambaysta koobka adduunka 2018. Cayaarta kama dambaysta koobka adduunka ee snadkan 2018, waxaa isku wajihi doona Xulalka qaramada Faransiiska iyo Kurawaatiya oo ka soo haray 32 dal ee tartanku u bilowday, waxaana hubaal ah in dal ka tirsan qaarada Yurub uu markii afraad oo xiriir ah ku guuleysan doono dhacdad ugu weyn kubbada cagta adduunka. Faransiisku ma aha markii ugu horeysay ee uu soo gaaro cayaarta kama dambaysta koobka adduunka ama uu qaado, wuxuu ku guuleystay sanadkii 1998, halka looga guuleystay 2006, laakiin Kurawaatiya waa markii ugu horeysay ee ay timaado cayaarta kama dambays ah koobka adduunka. Faransiiska ayaa guul soo laabasho ah ka gaaray Kurawaatiya markii uu 2-1 ku garaacay rubuc dhamaadkii koobka adduunka ee sanadkii 1998 oo uu ku guuleystay, sidoo kale Faransiiska ayaa guul daro la’aan kala kulmay Kurawaatiya shan kulan oo ay horey uwada cayaareen. Faransiisku waa dalkii lixaad ee gaara cayaarta kama dambaysta koobka adduunka seddax jeer ama wax ka badan, kadib Jarmalka oo siddeed gaaray, Barasiil oo todoba gaartay, Talyaaniga oo lix gaaray, Arjentiin oo shan gaartay iyo Holland oo seddax gaartay. Xulka Kurawaatiya ayaa hal talaabo u jira in ay taariikh layaab leh u sameeyaan dalkooda oo xaalado dagaal iyo burbur soo maray, waxayna doona yaan markooda in ay ka aarsadaan Faransiiska oo guuldaro baday rubuc dhamaadkii koobka aďduunka sanadkii 1998. Cayaartan kama dambaysta waxaa dhexdhexaadin doona garsooraha reer Arjentiin ee Nestor Pitana, waxaana caawin doona Hernan Maidana iyo Juan Belatti oo labaduba u dhashay Arjentiin, halka garsooraha 4 aad uu noqonaya Bjorn Kuipers oo u dhashay Holland Laacibiinta labada xul ayaa qaarkood khibrad u leeyihiin tartamada kama dambaysta, waxaana kamid ah hagaamiyaha Xulka Kurawaatiya Luka Modric iyo sidoo kale laacibiinta Faransiiska ee Paul Pogba iyo Antoine Griezmann, lama saadaalin karo xulka ku guuleysan kara koobka aduunka ee 2018. Taariikhda koobka adduunka Koobka kubadda cagta ee adduunka ee maanta lagu soo gabagabeyn doono dalka Ruushka waa kii 21-aad tan iyo markii ay cayaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waxaana cayaara kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta ee adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA, Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Dalalka martigaliyay koobka adduunka 1930-2018-ka. Uruguay -1930 Italy -1934 France – 1938 Brazil – 1950 Switzerland -1954 Sweden – 1958 Chile – 1962 England – 1966 Mexico -1970 West Germany -1974 Argentina -1978 Spain-1982 Mexico- 1986 Italy – 1990 USA -1994 France- 1998 South Korea iyo japan –-2002 Germany – 2006 South Africa-2010 Brazil – 2014 Russia -2018 martegeliyaasha sanadkan. Sida loogu kala guuleystay Koobka adduunka. 1930: Uruguay 1934: Italy 1938: Italy 1950: Uruguay 1954: West Germany 1958: Brazil 1962: Brazil 1966: England 1970: Brazil 1974: West Germany 1978: Argentina 1982: Italy 1986: Argentina 1990: Germany 1994: Brazil 1998: France 2002: Brazil 2006: Italy 2010: Spain 2014: Germany 2018- France and Croatia midkoob baa ku guuleysan doona. PUNTLAND POST The post Warbixin:- Cayaarta kama dambaysta koobka adduunka 2018 appeared first on Puntland Post.