-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada keydka ee maamulkaasi. Waxaa xilkaan loo magacaabay G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ). Wareegtada hoos ka akhriso. Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. 2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - The European Union (EU) has pledged that the trade bloc will remain committed to supporting the Somali people and government in rebuilding their country in spite of Monday's attack on its convoy in the Somali capital. Source: Hiiraan Online
-
Tan iyo markii dhidibbada loo taagay dowlad goboleedka Puntland waxaa lagu taamayey in mar uun laga gudbo nidaam siyaasadeedka qabiilka ku dhisan loona gudbo nidaamka doorashada xortaa iyo axsaabta badan ku dhisan. Nasiib daro iyo nasiib wanaag midka ay doontaba ha ahaatee wali Puntland kuma guulaysan inay nidaamkaas ka guurto. Ka guurid la aanta nidaamkaani waxa ay tilmaam iyo astaanba u noqotay mid ka mida wax yaabo badan oo Puntland ka khaldan. Dhaleecaynta ugu horaysa ee siyaasiga xil-doonka ahi uu kan kursiga kolkaas ku fadiya uu dusha uga tuuraa waa in uusan wali nidaamkan ka guurin. Haddii aniga lay doorto sanadka ugu dambeeya bilaabi maayo nidaamka dimuquraadiyaynta ee waxaan bilaabayaa sanadka ugu horeeya, waa halhayska musharaxa xildoonkaa. Madaxwayne Gaas isagu waxaa uuba ka dhigay miisaanka la saari doono dawladdiisa. Qormadaani kuma saabsana maxaa looga guuri waayey nidaamkaan, ee waxay ku saabsan tahay maxaa looga guurayaa? Xaggeese looga guurayaa? Xalse ma ku jiraa nidaamka la rabo in looga guuro kolka lagu jaan-gooyo wadciga aynu iminka ku sugannahay? MUXUU YAHAY NIDAAMKA AYNU KU DHAQMAYNAY LABAATANKII SANO EE LASOO DHAAFAY? Cid walba oo dimuquraadiyadda u taqaan bixinta codka iyo xulashada hoggaanka oo kaliya, ayaa u taqaan nidaamka qabaligaa ee aynu ku dhaqano inuu isna yahay qaybsiga kuraaska xildhibaannada iyo xulashada musharaxa oo kaliya. Qolyahaani waxa ay hilmaansan yihiin amaba ay is hilmaansiinayaan in labadaan nidaamba ay ka guda wayn yihiin sida ay ula muuqdaan. Bulsho waliba waxa ay leedahay nidaam siyaasadeed ka turjama noloshooda iyo daruuufaha ku xeeran. Sidaas daraadeed waxa aynu nahay bulsho ka mida bulshooyinka raacatadaa oo lagu yaqaano inay lee yihiin dhaqan iyo xeer ku haboon daruuftooda. Waxa aynu lahaaan jirney hoggaamiyayaal la dooran jirey ooo gudoonka lahaan jirey iyo guurti talada maarayn jirtey. Waxa aynu lahayn xeer-beegti garsoorayaal ahaa iyo xeer kol hore la qabyo tiray. Waxa aynu lahay qaab iyo nidaam loo xalin jirey khilaafyada. Waxa aynu lahayn goob iyo geed looga doodi jirey amuuraha xasaasigaa ee kolkaas taagan, dood dheer ka gadaalna waxaa laysku raaci jirey hadba meesha loo bato oo uu shir-gudoonku ku ducayn jirey. Dhaqan-siyaasadeedkaan ayuu ahaa midkii uu la yaabay professor I.M. Lewes ee uu ka qoray buugiisa Pastoral democracy (dimuquraadiyaddii raacatada). Inkasta oo dhaqankii miyiga badankiisii laga yimid kolkii magaalooyinka la soo galay, haddana dhaqan-siyaasadeedkii raacatadu waa waxa kaliye ee wali saldhig u ah siyaasadda maamullada Soomaalida. Kolkii dawladdii dhexe ay duntayna waa nidaamka kaliye oo inoo shaqeeyey, maxaa yeelay waxa uu ahaa mid aynu anagu hindisnay. Dhaqamadii iyo xeerarkii ajnaanibta ee toobal-caarada inagu ahaayi waxa ay la dumeen dawladdii dhexe. Puntland waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wanaagsan ee dhaqan siyaasadeed kaani ka jiro. Dhaqan kaani waxa uu gobolka u horseeday xasilooni-siyaasadeed oo ah waxa ugu weyn ee nidaam siyaasiya lagu qiimeeyo inuu hirgasho. Wuxuu kale oo uu xal u helay mashaakilaad siyaasadeed oo aynu soo wajahnay. Haddaba waxaad ogaataa xulashada xildhibaanka iyo doorashada musharaxu waa qayb yar oo ka mida nidaam siyaasadeedka raacatada ee aynu ku dhaqano. Qabiil walba waxa uu leeyahay magaalo looga dambeeyo, maleeshiyaad ka amar qaata, warbaahin afkiisa ku hadasha iyo kaabayaal dhaqaale oo uu isagu fan-gareeyo iyo kuwo kale oo uu maanka ku hayo sida jidad, dekado, Airabooro, jaamacado, isbitaalo iy ceelal. Shantii sanana qabaa’ishaan oo dhan ayaa doorta hoggaamiye aan lahayn kalmadda ugu dambaysa laakiin guddoon ridaa. Nasiib wanaag uma dirirno si jaantaa rogana ee dhaqan-siyaasadeed keena raacatada ayaa maareeya khilaaf-hoosaad yadeena. Haddaba qof walba oo jecel inaynu nidaam cusub u guurno waa in uu ogaadaa miisaanka uu leeyahay nidaamka aynu ka guurayno, iyo khatarta ka imaan karta midka aynu u guurayno. NIDAAMKA DOORASHADA IYO ASXAABTA BADAN. Dadka jecel inaynu nidaamkaan dhakhso ugu guurno waxa ay ka kooban yihiin saddex qolo. Kow, ajaanib aan dhaqanka iyo xaalkeena midna aan xog buuxda uhayn oo inagu dirqiya inaynu dhakhso uga guurno nidaam ka qabaligaa ( kuwaani waa kuwa uu Joseph Stiglits madaxwayne ku xigeenkii hore ee World Bankigu ugu yeero la taliyayaal la taliya kuwo uga aqoon badan waxa ay ka talinayaan laakiin aan cidina dhagaysan taladooda) Labo, dad ay ceeb ula muuqato waxa aynu ku dhaqmayno oo jeclaan lahaa in aynu mar’uun ka guurno waxa ula muuqda badawnimada. Saddex, dad soo arkay meelo nidaamka dimuquraadiyaddu si wanaagsan uga hirgashay kuna dooda inaynu dhabahooda dhakso u qaadno. Haddii aynu u jawaabna qolada u dambaysa waxa aynu xasuusinaynaa in dalalka nidaamkaan sida waafigaa uu ugugu shaqaynayaayi ay u soo mareen dariiq dheer. Dr. Francis Fukuyama oo ah siyaasad-yaqaan iyo bare sare oo caana ayaa waxa uu ku sheegay kitaabkiisa Political order and political decay in dawladaha caalamka ka jiraayi mid waliba sadexda qaybood ee uu nidaam siyaasadeedka casrigaa ka koobanyahay (state, rule of law and democracy) uu midkood dawlad-dhisiddiisa casrigaa ku bilaabay. Waa kolkii la hirgalinayey dawladaha casrigaa ee maanta caalamka ka jira (modern state). Fukiyama waxa uu yiri Germany oo ah meesha aabaha u ahayd modern state-ka dhistayna kan ugu fiican waxa ay ka bilowday dawlad-dhisideeda casrigaa dhismaha dawlad xoog badan, ka bacdina waxa ay uga gudubtay Rule of law oo ah saraynta sharciga, ugu dambayna waxay qaadatay dimuquraadiyadda kolkii uu dagaalkii labaad ee dunidu uu dhamaaday. Ingiriisku waxa uu ka bilaabay dawlad-dhisidiisa casrigaa saraynta sharciga ka bacdina waxa uu ku xijiyey dhisidda dawlad xoog leh ugu dambayna boqolaal sano ka bacdi ayuu dimuquraadiyadda hirgashey bilowgii qarnigii tagey. Afrika oo ah meesha uu nidaam siyaasadeedka ugu taagta darani ka jiro ayuu Fukuyama ku tilmaamay inay sabab u tahay halka ay wax ka bilaabeen oo ah is doorashada iyaga oo aan horay u lahaan jirin dawlado xoog leh iyo sarayn sharci toona, maxaa yeelay waxay ahaayeen bulshooyin qabaa’il ku dhisan ka hor intuu uusan gumaystuhu u imaan kaas oo aan isna hay’ado caga fiican ku taagan uga tagin. Haddaba bal ka waran marka aad doonayso dal burburay oo aan muddo soddon sanaa arag wax dawlada iyo bulsho qabaliya inaad dawlad-dhisidda uga bilowdo dimiquraadiyadda iyo nidaamka axsaabta badan oo aad kusoo aragtay meel uu ka shaqaynayo, laakiin aadan aqoon sida uu ugu shaqeeyey. Ka waran marka aad rabto inaad furto axsaab siyaasadeed iyada oo aysan jirin wax afkaar siyaasadeeda (political Ideology) sow markaas afkaarta iyo waxa siyaasad lagu abaabulaba (political mobilization) qabyaalad noqon maayaan, meedayse ku dhaqankii qabiilkii ee aad ka guuraysay? Dhanka kalana Professor Poul Colliar oo ah caalim ku xeel dheer Africa iyo dhaqaala yahan caana ayaa cilmi baaris uu sameeyey ku sheegay in dalalka fakhrigaa ay dimuquraadiyadu khatar ku tahay gaar ahaan haddii dakhligoodu ka hooseeyo saddex kun qofkiiba sanadkii. Waxa uu yiri nidaamkaani waa midka xasilooni darada u horseeda dalalka fakhrigaa ee dimiquraadiyadda u yaqaanaa is-doorashada. Ogow waxaa jira in kabad soddon dawladood oo africaana oo ku dooda inay ku dhaqmaan nidaamkaan laakiin waxa ay sameeyaan ay tahay doorashooyin ay ku shubtaan. Colliar waxa uu leeyahay nidaamkaan ayaa kali-talisyadii hadda u fahmeen qaab ay xukunka ku haysan karaan kolkii markii hore cadaadis lagu saaray inay doorashooyin qabtaan. GUNAANAD Shaki kuma jiro inaan la qabo wawalka uu qabo qof walba oo reer Puntland ah, ee ah go’aaminta ay masiirka ummadda go’aaminayaan lixdan iyo lix xildhibaan oo calooshood u shaqaystayaala, shantii sanabana mar doorta musharax usoo shaqo tahey inuu ka macaasho masaakiin la daalaa dhacaysa nolol maalmeed kooda. Sidaas daraadeed ayay khasab inagu tahay inaynu qaab xulashadeena wax ka badalno. Waxaan ka afeefanayaa inaadan qormadaan u fahmin in nidaamka aynu ku dhaqano aan laga gudbi karin iyo inuu yahaya kan ugu fiican. Waxaan leeyahay waxaa laga gudbi kara kolka aynu dhisno wax yaabihii kaabayey dawladnimada iyo dheelitirayaashii dimuquraadiyadda (ogow waxa aynu ka hadlaynaa maahan waxa loo yaqaqn liberal democracy oo ah nidaamka xoriyaadka mudlaqa ah ee waa modern state doorasho iyo axsaab ku dhisan) Waxaa lagama maarmaana inta taas ka horaysa inaynu hoggaankeena u doorano si ka gadisan sida aynu iminka u doorano inaga oo tixgalinayna dhaqan-siyaasadeed keena, kana duulayna inaan ka hortagno inay wax inoo dooraan koox yar oo codkooda ka baayac-mushtara. Waxaa dhici karta inaad is waydiiso maxaa nidaamka axsaabta badan ku jaban Somaliland-ba guul iyo sumcad ayay ku heshaye? Waa run in Somaliland dhawr doorasho oo ay xisbiyo badan oo axsaab beeleedihi ka qayb galeen ay qabatay, laakiin ha hilmaamin mar walba oo ay doorasho qabtaanba waxa ay u sii dhawaanayaan dhamaad keedii iyo inay sabab u noqoto xasiloono daro baahsan amaba qaran-jab. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Puntland:- Nidaamka axsaabta badan xal ma inoo yahay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii September 2018 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar iyo dad shacab ah. Dilalka ugu badan ee bisha September ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar iyo shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka. Dilalka noo diiwaan gashan ee Bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 27 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan. Dilalka dhacay ayaa noocooda ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka. HOOS KA AKHRISO DILALKA DHACAY BISHII SEPTEMBER 2018 1-Sep 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku toogtay Askari la sheegay inuu kamid ahaa qeybta Minishiibiyada xili uu ku sugnaa Suuqa. 2-Sep 2, 2018, Kooxo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta degmada Hodan ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku howlanaa shaqo maalmeedkiisa, waxaana halkaa ka baxsaday dilka kadib maleeshiyada. 3- Sep 3, 2018, Ilaalada Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada Ciyaar ka socotay Garoonka u soo daawasho tegay gaar ahaan Wiil taageero u ahaa Kooxda ku ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid, waxaana lagu Magacaabi jiray Marxuum Cabdifitaax Muuse. 4- Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafada Jamhuuriyo lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Militeriga Somalia. 5-Sep 4, 2018, Rag la socday gaari noociisa lagu sheegay Kaarib ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaran ku dilay Askari ka tirsan dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa. 6-Sep 4, 2018, Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada, iyadoo dilka kadib ay ka baxsadeen goobta. 7-Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa Qaran, waxa uuna dilkiisa ka dhacay Xaafada Jamhuuriyo. 8- Sep 5, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa xaafada Baar Ha’idhaafin ee degmada Waaberi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa NISA. 9- Sep 11, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka suuqa Khudaarta degmada hodan ee gobolka banaadir ku toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan Firinbi oo da’adiisa lagu qiyaasay 60 sano jir. 10- Sep 11, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda KPP ee Degmada Hodon ku dilay xubin ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cumar Xasan Ganey. 11- Sep 12, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha qeybta Khudaarta ku dilay qof shacab ahaa oo la sheegay inuu kamid ahaa xamaalatada Suuqa. 12- Sep 16, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga oo magaciisa lagu sheegay Baliil, ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka Carwa Liimon ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada oo lagu magacaabi jiray Fanax. 13- Sep 17, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa afaafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha ku weeraray C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi oo halkaa looga qaaday dhaawac culus. 14- Sep 17, 2018, Kooxo ku hubeysnaa mindiyo ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dilay nin Oday ahaa oo da’diisa lagu sheegay 45 Jir, kaa oo xiliga la dilaayay kusii jeeday Suuqa Bakaaraha. 15- Sep 18, 2018, Mid ka mid ah ilaalada General Sheegow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Millatariga Somaliya ayaa Muqdisho ku toogtay gabar yar oo lagu magacaabo Deeqo Daahir Cali, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay agagaarka isbitaalka Recep Tayyip Erdogen. 16- Sep 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa suuqa Bakaraaha ku dileen Nin la Sheegay inuu ka shaqeeyo rarista Gaadiidka ka howlgala isgooska Suuqa Bakaraha ee Muqdisho. 17-Sep 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ku toogtay suuqa beerta gaar ahaan dhanka degmada Xamar Jajab meel aan sidaas uga fogeyn afafaaka hore ee xerada ciidanka Afasiyooni waxaana lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu. 18-Sep 21, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax ku dhextoogtay Aamina Xuseen Xasan oo gudaha fasalka loogu dhex galay. 19-September 21, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Xaafada Seybiyano ee Degmada Hodan Gobalka Banaadir ku dilay Dayax Iimaan Xasan Jiirow oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda farsamada maamulka Xamar. 20-Sep 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgooska Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa kuwa rara gawaarida BL-ka. 21-Sep 24, 2018, Ciiadamo ka tirsan dowlada ayaa nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay nin doonaayay inuu u dhaco guri ku dhow Saldhiga kaa oo inta badan laga wada garanaayo degmada. 22- Sep 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masjidka Xareed oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho ku dilay Maxamuud Cabdi Maadhiin oo ka tirsanaa howlwadeenada Shirkada Isgaarsiinta Somtel. 23- Sep 25,2018. Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xaafada taleex agagaarka Madaxtooyadii hore Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan ku toogtay qof shacab ah. 24- Sep 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Qof Shacab ah, dilkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka masjidka Cabdalo iyo Cawa wareer ee ku yaalla degmada Warta-nabada xili qofkaasi uu fadhiyay goob lagu cabo shah. 25- Sep 27, 2018, Nin ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan AK47 ayaa waxa uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay qaraabo ahaayen, dilka ayaa ka dhashay kadib markii labaduba ay ku murmeen maandooriye ay isticmaalayeen. 26- Sep 30, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado oo la socday Mooto ayaa gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, waxaana lagu magacaabayay marxuumada Caa’isho Cali Saneey. 27- Sep 30, 2018, Kooxo ku hubeysned bastoolado ayaa magaalada Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa degmada kaa oo la oran jiray Ayuub. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha September ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cumar Cabdullaahi Faraweyne Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa loo magacaabay xil cusb oo taliyenimo Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne loogu magacaabay Taliyaha ciidanka kaydka Puntland. Ciidamada keydka ayaa ah ciidamo beelaha Puntland keeneen oo boqolaal kamid ah ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka jirto colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo mar soo noqday Taliyha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Gaas Guddoomiyaha gobolka Nugaal ka qaaday 24-kii bishii hore ee September. Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii u dambeeyay magacaabay Taliyeyaal ku cusub Puntland oo ay kamid yihiin Taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka, Taliyaha Xasilinta Nugaal iyo Taliyaha ciidamada keydka. Hoos ka akhriso digreetada Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Puntland:- Cumar Faraweyne oo Taliye loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST saaka ka helayso deegaanka Gawaan oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in waaberigii uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey shilkaas waxaa ku dhintay Lix ruux, halka dad kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey mid kamid ah isbitaalada ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee xarnuta Gobolka Mudug. Shilkan ayaa sababta keentay lagu sheegay in wadooyinka qaar ee gobolka mudug ay haatan yihiin kuwo burbursan, iyada oo dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay ay u gurmadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Koonfurta gobolka Mudug. Cabdiqani Boos Puntland Post The post 6 Qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Koonfurta Gobalka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Wararka maanta oo Talaado ah ka imaanaya deegaanka Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Al-shabaab iyo sidoo kale dad iskood isku abaabulay oo ah dadka deegaanka. Xiisaddan maanta lasoo sheegayo ayaa daba socoto dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deeganno ku dhow Aadan Yabaal. Dagaalladii shalay dhacay waxaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen 6 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Al-shabaab ayaa la sheegay iney doonayaan iney qabsadaan deegaannadii shalay lagu dagaallamay iyo sidoo kale Aadan Yabaal, iyadoo dadka deegaankana ay difaac xirteen. Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa muddooyinkaanba ka jiray shacab is abaabulay islamarkaana doonaya iney la dagaallamaan Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay Saddex ruux oo u dhalatay Itoobiya, kana soo jeedda qomiyadda Oromada. Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay weeraraan goob ay dadkaan ku sugnaayeen, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Labo kale. Goob joogayaal ayaa sheegay in goobtaasi ay isaga baxsadeen raggii weerarkaasi ka dambeeyey. Dadkan la weeraray ee Oromada ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi socoto ku ahaayeen oo ay doonayeen iney kasii tahriibaan. Ciidamada ammaanka Puntland oo gaaray halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgal illaa iyo hadda natiijadiisa aan la shaacin. Dilalka loo geysanayo dadka Oromada ah ayaa kusoo badanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boqol iyo Labatan qoys oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ay soo wajahday xaalado adag oo dhanka nolasha ah. Waxa ay sheegeen in gargaar aysan helin waqti badan oo ay joogeen degaanka ay ku noolyihiin, iyagoo sheegay in dhowr jeer ay u cawdeen maamulka deegaanka Garilley oo ay ku sugan yihiin. Maxamed Maxamuud Guddoomiyaha deegaanka Garilley ee gobalka Gedo ayaa dhankiisa sheegay in dhankooda awood aysan u laheyn in qoysaskaas ay caawiyaan balse ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo caawin lahaa. Waxaa soo badanaya maalmahan dambe cabashada ay qabaan barakacayaasha ku nool gobolka Gedo, kuwaasi oo u badan dadkii kasoo laabtay xerayaha qaxooti ee Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Qoysas-ka-soo-laabtey-Xeryaha-Qaxootiga-Kenya-oo-ku-dhibaateysan-deegaanka-Geriley-ee-Gobolka-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in si daah furan u dhisto guddiga la dagaalanka musuq maasuqa. Waxa uu sheegay Caalim in guddigan tiro ahaan aan laga dhigi Sagaal xubnood, balse la gaarsiiyo illaa 50 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada. Dowladda ayuu sheegay iney tahay tan laga baarayo Musuqa, sidaasi darteedna xubnaha guddigan muhiim yihiin iney ka yimaadaan maamul goboleedyada, culimada, dhallinayarada iyo Haweenka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-MAXAMED-MAXMUUD-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha amniga Jubbaland ayaa kulankoodii Billaha ahaa waxay kaga hadleen arrimo u badan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo isku raacay in la xoojiyo. Sarreye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ah la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabihii la isku raacay. Waxa uu tilmaamay in la isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Jubbaland iyadoo la gaashanaya dowladda federaalka iyo cid walbo oo gacan ka geysaneysa. Sidoo kale, Dhuumaal ayaa sheegay in golaha amniga Jubbaland isku raacay in la adkeeyo amniga deegaannada lagala wareegay Al-shabaab, sidoo kalena la qabto deegaanno kale oo hor leh. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka mid ah Jubbooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa si rasmi ah u joojisay ka ganacsiga daawada loo isticmaalo cudurka TP-da oo saa’id loo kala iibsado. Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia Fawsiyo Abuukar Nuur, oo soo saartay amarka lagu mamnuucay isticmaalka daawada ayaa sheegtay in cudurka TP-da uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah. Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOA-da daawooyinka laga ganacsado ee TP-da ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan. “TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka. Wasiiradu waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Somalia ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da. Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan isla markaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xustay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgallo ay maalmihii ugu dambeeyey ka sameeyeen magaaladaasi. Jeneraal Muxyadii Axmed Muuse oo ah taliyaha ciidanka xasilinta Garoowe ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin dhallinyarada dhibka ku hayso magaalada. Wuxuu tilmaamay taliyaha in hadda ay dad kusoo qabteen howlgalladii ay sameeyeen, kuwo kalena ku raadjoogaan. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhallinyarada dhibka geysata islamarkaana ka cararta magaalada usoo qaban doonaan waalidkii dhalay. Waxaa Garoowe si aad ah ugu soo batay falalka amni darri, iyadoo dhallinyaro mindiyo ku hubeysan ay dhib ku hayaan dad shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taliyaha-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha degaanka waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxada ugu sareeysa Puntland in ay boobayaan hantida dowladdii dhexe Soomaaliya oo ay ka mid tahay Xeradii siinaay ee ciidanka xoogga dalka. Xildhibaan Ibraahin Jabriil Ciise oo kamid ah golaha degaanka waqooyiga gaalkacyo ee puntland ayaa sheegay in dhulkaas lagu wado iib iyadoo cidba meel ay jaratay, waxa uu sheegay in hantida maguurtada ah ee dowladdii dhxe aysan sax aheyn in shaqsiyaad ay iibsadaan. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale iibka xeradan ay kaalin ka geysanayaan waxgarad iyo ganacsato Puntland ah. Madaxda Puntland ayuu sheegay iney wax kala socdaan arrintan, islamarkaana ay si gaar ah ugu eedeynayaan madaxweyne Gaas uu dhulkaasi bixiyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Xildhibaan-Ibraahim-Jibriil-Ciise-Golaha-deegaanka-gaalkacyo-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source: Hiiraan Online
-
It’s well known by now that President Donald Trump isn’t particularly popular in Europe: He has withdrawn from the Paris climate accord and the nuclear pact with Iran, imposed punitive tariffs on steel and aluminum imports from the European Union, and questioned nato’s usefulness. For a bloc that functions (or doesn’t, if you ask its critics) through unanimity and consensus building, Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas, the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas,Puntland the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
-
ome 852,000 children aged between six and 17 years are out of school this year, the Education ministry has said. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government on Monday called on Iraq to launch urgent investigations into a ship carrying 200,000 bags of charcoal smuggled out of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si KMG ah gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda loogu doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud, xisbigaas oo la filayo in uu maalinta Khamiista ah si rasmi ah shaaca looga qaado. Xisbiga cusub waxaa ku midoobay saddex Xisbi oo kala ah Daljir, xisbiga Peace and Development Party (PDP) iyo kutladda Horusocod iyo waliba siyaasiyiin kale. Tallaabadan ayaa ka dhigan in 80 xildhibaan iyo ka badan ay ka mid yihiin xisbigan maadama Daljir ay ku leeyihiin labada gole xubno, PDP oo ahaa Daamjadiid iyo waliba Horusocod oo ay sameysteen xubno ka tirsan golaha shacabka. Dhaq dhaqaaqa Xisbigan waxa uu si weyn u saamenyn doonaa dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaana suurta-gal ah laba dhibaato oo xisbigan uu ku noqon karo dowladda 1 – Mooshin Xisbiga cusub oo hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka waxa ay abuuri karaan mooshinno ka dhan Ra’iisul Wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka ama Madaxweynaha. Waxa ay haystaan sida la sheegay 80 xildhibaan, taasi oo macnahaeedu yahay inay mooshin kasta oo ay doonaan ay si deg deg ah u gayn karaan baarlamanka. Ka sokow xildhibaanada ay haystaan, waxaan shaki ku jirin inay heli karaan xildhibaanno kale, oo dowladda kasoo horjeeda. Sidaas darteed layaab ma noqon doonto haddii toddobaadyada ama bilaha soo socda aan maqalno mooshin la geeyey baarlamanka. 2 – Xoojinta Maamul Gobolleedyada Iyada oo uu hore u jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyey dowladda Federaal-ka Soomaaliya, hadana waxa uu Xisbigan siin karaa awood Dowlad Gobolleedyada oo lagu tuhmayey in ay horeba xubno ka mid ah soo kiciyeen kana dambeeyeen war murtiyeedkii Kismaayo ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray. Waxaa sidoo kale aan xog ku helnay in dhammaan madaxda xisbiyada mucaaradka ay tagi doonaan shirka madax goboleedyada ee 10-ka October ka furmaya Garoowe, isbaheysina la dhisan doonaan madax goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com