Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,373
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka waxa amaanta ka furmay shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga. Madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka, ayaa shirk aka qeyb galaya. Dhinaca kalena qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee dalka ayaa iyaguna ka hadlay shirkaasi Brussels iyo xaaadda waddanka. Kamaal Daahair Guutaale ayaa Idaacadda VOA ee Somalia kaga waramay sababta keentay inay dacwadaan ka gudbiyaan dowladda dhexe. Kamaal ayaa sheegay inay muhiimda koowaad siiyeen ka hadlidda Weerarada AL-Shabaab kaga imaanayo shacabka Muqdisho. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dacwad ka gudbiyeen Ciidamada Xasilinta oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan sharci aheyn. Wuxuu kale oo sheegay inay aad u dhibtay in la joojiyey shirarkii Mucaaradka ay ku qabsan lahaayeen Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro, wuxuua kaloo tilmaamay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaaday tallaabo sharci darro ah kadib markii uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda Sare iyo kuwii racfaanka. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Kamaal oo dhameystiran: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/843ed33f-aeb7-47e5-af0b-cf890fc7a559_48k.mp3
  2. Brussele ( Caasimadda Online )- Wafdigii ka socday dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu laabtay shirka arrinaha somalia ee ka furmay caasimadda dalka Belgium ee Brussele. Wasiirka Dastuurka ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels. Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka. Wafdigaan ayaa bilowgii shirkaan isaga baxay kadib markii la sheegay inay ku qanci waayeen ajandaha shirka oo la sheegay in wax laga badalay. Shirka ayaa hadda si rasmi ah u socdo kadib waanwaan ay beesha caalamka la yeesheen Axmed madoobe iyo wafdigiisa Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa maalmihii dambe is khilaafaanaa. Khilaafkaas ayaa gaaray inuu Axmed Madoobe soo celiyo taliye uu Farmaajo u magacaabay jubbaland.
  3. A court in Neuchâtel last week found a Somali mother guilty of submitting her two daughters to female genital mutilation in a landmark case in the Alpine nation. Source: Hiiraan Online
  4. Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey kulan dhawaan dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu sheegay inay arimo badan ku faaqideen. Siyaasi Buubaa wuxuu tilmaamay in arimihii ay kawada hadleen Madaxweyne Muuse Biixi ay kamid ahaayeen sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayna isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland. Siyaasigan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka codsaday inuu la hadlo dadka ay iska garanayaan degaanada Puntland si xal loogu helo xiisada gobalka Sool, wuxuuna tilmaamay inuu madaxweynuhu codsigan usoo gudbiyey maadama ay jiraan dad badan oo reer Puntlandna oo ay soo wada shaqeeyeen marar kala duwan uuna dad badan ka garanaayo degaanadaas. Buubaa ayaa baaq nabadeed u diray ciidamada isku hor fadhiyo gobalka Sool, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaan dagaalka ayna iskugu yimadaan miiska wada hadalka si loo baajiyo dhiig daata, isagoo dhanka kalena iftiimiyey inay arintan dadaal nabadeed ka geli karaan Dawadaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Dhanka kale Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sidoo kale kala hadlay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday degaanka Gacan libaax ee sida aadka loogu cambaareeyey xukuumada Muuse Biixi iyo sidoo kale isbadelka ka dhacay Itoobiya oo uu sheegay inay saamayn weyn ku yeelan doonto Soomaaliland. PUNTLAND POST The post Buuba oo sheegay in Muuse Biixi ka codsaday inuu la hadlo reer Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Harvests from 550 farms in Salahley, 80 km south of Somaliland’s capital Hargeisa, have been destroyed by pests. Source: Hiiraan Online
  6. Warar isa soo taraya oo laga helayo caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta midowga Yurub ayaa tibaaxaya in waftigii Jubbaland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha maamulkaas ee Axmed Madoobe ay isaga bexeen shirka waxyar kahor inta uusan furmin. Wali ma cadda sababaha keentay in ay tallaabadaas qaadaan walow ay jiraan tababshooyin ku saabsan sida ay qabaan wax ka badal lagu sameeyey qodobaddii shirka in lagu gorfeeyo loogu talalagay. Hore waxaa loo ogaa in maamulka Jubbaland ay uu ka caga jiidayey ka qeybgalka shirka Brussels oo la filayey in aysan u safrin Belgium-ka. Hase ahaatee, madaxweyne Axmed Madoobe iyo waftig balllaaran ee uu hoggaaminayo wey u safreen waxaana la filayey in maanta galinka dambe uu madasha ka jeediyo khudbad. Cagajiidka maamulka Jubbaland waxa ay ahayd mid hore loo fahansaaa maadaama khilaafka kala dhexeeya dowladda Federal-ka uu maalinba maalinta ka dambeeysa sii xoogeysanayey. Waxaa u dambeeysay taliyihii ay dhawaan Jubbaland ka soo celisay madaarka Kismaayo kaas oo ay Dowladda dhexe u magacowday guutada 43-daa ee Jubbaland fadhigoodu yahay. Maamulka uu Axmed Madoobe gadh wadeenka ka yahay waxa ay ku andacoodeen in aan la gala tashan, yeelkeede, taliyuhu waxa uu ka dagay magaalada Garbahaareey oo ah xarunta Gobolka Gedo kana tirsan maamulka uu ka arrimiyo Axmed Madoobe! Hadaba sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa in Axmed Madobe ka boxo shirka? Waa laba waxyaabood ayaa muuqan doonta haddii ay Jubbaland shirka ku soo laaban weyso oo aysan ka qeybgalin. 1 – In uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dowladda Federal-ka iyo Jubballand oo ay arintu gaareyso barako ma leh. 2 – Haddii ay dhacdo, in ka maqnaanshaha shrika ay ku koobnaato Jubbaland oo ay maamulada kale sidooda uga sii qeybgalaan, waxaa wiiqamaya golihii iskaashiga ee maamul Gobolleedyadu sameysteen taas oo iftiimin doontaa in aysan jirin wax badan oo ka dhexeeya sida masaaliixda. Su’aasha ayaa ah, golaha iskashiga Maamul Gobolleedyada ee uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ma waxa ay shirka Brussels ka qeybgaleen iyaga oo aan ka sii wada tashan? Caasimada Online Xafiiska Bresels Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen,ayaa goordhow shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku xigeen oo lagu kala magacaabo Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/Qaadir Maxamed Nuur. Warqadda shaqada looga joojiyay labada Taliye ku xigeen oo lagu qeexay sababta shaqo joojinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ay ka dhaceen weerarro ay geysteen Al-shabaab. Shaqo joojinta ayaa la sheegay inay ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay Agaasimaha Hay’adda NISA iyo ku-xigeenkiisa koowaad ninka lagu magacaabo C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac). C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa diiday shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana sidoo kale laga mamnuucay dhamaan Xafiisyada hoostaga Hay’adda NISA. C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa wax kama jiraan ka dhigay wareegtada kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda, waxaana aad looga cabsi qabaa in ciidamada labada mas’uul ay dhexmarto isku dhac. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in mudooyinkan uu khilaaf ka dhexeeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Ku-xigeenkiisa koowaad, kadib markii uu kala xigsaday Ra’isul wasaare Kheyre. Khilaafka Agaasimaha Hay’adda iyo C/Qaadir Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa Ra’isul wasaare Kheyre oo xiriirka u jaray Agaasimaha isagoo kalsooni siiyay Jaamac oo ahaa ku-xigeenka koowaad horayna ula goostay dhaqaale xoogan. RW Kheyre ayaa la xaqiijiyay in howlaha khuseeya Hay’adda NISA uu kala xaajoon jiray ninka la yiraahdo Jaamac, taa oo sabab u noqotay khilaaf raagay oo sababay xil ka qaadista. RW Kheyre ayaa aad uga soo horjeeda Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Xuseen, halka Madaxweyne Farmaajo uu ka aaminsan yahay Agaasimaha oo markii hore ku imaaday rabitaankiisa. Sidoo kale, C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa horay u musuqay lacag la sheegay inay laheyd Hay’adda NISA taa oo lagu qabtay xili uu ka dhoofi lahaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waana qeyb kamid ah sababta loogu sameeyay shaqo joojinta. Sababta ugu weyn ee khilaafyada soo kala dhexgala Madaxda Hay’adaha amaanka ayaa waxaa loo sababeeya Ra’isul wasaare Kheyre oo aan mudnaanta siin mas’uulka ugu sareeya Hay’adda amniga, waxa uuna si gaara u dhaweystaa ku-xigeenada, isagoo waxkama jiraan ka dhiga Madaxda ugu sareysa. Geesta kale, Khilaafka sababay shaqo ka joojinta uu sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u tahay faragalinta iyo kala sooca uu Ra’isul wasaare Kheyre ka dhexwado Hay’adaha amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Bresels (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Bresels ee Wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi ay shirkii isaga baxeyn. Xubnaha Wafdiga Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa waxaa la sheegay in daqiiqadihii u dambeeyey ee furitaanka shirkaas ay ka baxeyn,iyaga oo ka cabanaya in isbedel lagu sameeyey ajandayaasha shirka. Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Jubbaland ayaa go’aasaday in aysan ka qeyb gelin, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka. Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe. Madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hoolka ku jira oo shirka ka qeyb galaya. Wararkii u dambeeyey ee haatan Bresels naga soo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in uu socdo qorsho lagu xalinayo madaxda Jubbaland si ay shirkaasi uga qeyb galaan,waxana arrintaana ay kusoo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Jubbaland taas oo ka dhalatay Magacaabistii taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Bresels Caasimada@live.com
  9. Eritrea reopened its embassy in Ethiopia on Monday in further evidence of a rapid thaw between two countries that a week ago ended two decades of military stalemate over a border war in which tens of thousands died. Source: Hiiraan Online
  10. Brussels (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay ka qeybgelayaan Madax ka socota Somalia iyo Beesha Caalamka. Shirkan oo soconaya muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha amaanka,Dhaqaalaha,Siyaaasadda iyo horurmarka ay sameysay Dowladda Federaalka ah. Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka. Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya. Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale. Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Europe ayaa wadajir u shirguddoominaya kulanka maanta.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin isugu jira xildhibaanno iyo Xisbiyada siyaasadeed qaarkood ayaa War-murtiyeed ka kooban 22 Qodob kasoo saaray magaalada Muqdisho. Qodobadaas ayaa lagu eedeynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaabka ay shaqeyso, waxayna u badan yihiin: cambaareyn, baaq, ugu yeerid, ka cabasho iyo caddeyn, waxaana lagu soo beegay shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada Brussels ee maanta furmaya. Xisbiyada Wadajir, Daljir, Horusocod iyo Kulan ayaa war murtiyeedka ay soo saareen ka koobnaa illaa 22 qodob, waxaana lagu soo beegay ka hor shirka Brussels ee maanta furmaya, iyadoo nuqul ka mid ah loo diray Brussels. War murtiyeedka ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ku qaaday xarumaha dowladda iyo goobaha shacabka, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana ay tilmaameen in weerarkaas ay daciiftinimo muujiyeen. Sidoo kale waxaa war murtiyeedka looga hadlay xirnaanshaha waddooyinka iyo in dowladda Federaalka ay xirtay waddooyin badan, isla markaana la xadiday dhaq dhaqaaqa dadka, waxaana xirnaanshaha waddooyinka saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo ganacsiga oo hoos u dhac laga dareemay. Xisbiyadan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in xakameynta xoriyadda hadalka iyo in dowladda Federaalka ay xadiday dhaq dhaqaaqa siyaasiyiinta, isla markaana loo diiday mucaaradka shirarka iyo kulamada, taasoo ay ku tilmaameen inay xadgudub ku tahay qodobada dastuurka. Xisbiyadu waxay sidoo kale muujiyeen walaacooda ku aadan “Khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya maamul goboleedyadda iyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya” kaas sida ay sheegeen ka dhashay aragtidda Dowladda Faderalka ah ee maamulka dhexe. War murtiyeedka Xisbiyadda ayaa Dowladda faderalka ah waxaa uu ku eedeeyay “in ay faragalineeyso arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan magacaabistii Taliyaha qaybta 43 aad ee ciidanka Xogga Dalka”. Waxaa ku xusan war murtiyeedka in Dowladda ay taliyaha magacowday iyada oo aan la tashan maamulka Jubbaland taasi oo xad gudub ku ah qodobka 20 aad ee Qorshaha Amniga Qaranka. Xisbiyaddu waxay sheegeen in Khilaafka khaliijku uu saameeyn ku yeeshay Amniga iyo xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in Dowladda faderalka ah ay hesho Malaayiin dollar oo hoos u dhigaya Xasiloonidda. Xisbiyaddu ma aysan sheegeen Wadanka ay Dowladdu lacagtaan ka hesho, iyo Tiradda Lacagta midna. “Waxaan cambaareeyneeynaa cune qabateeynta Horumarka iyo gargaarka ee Dowladda faderalku kusoo rogtay Somaliland, waxaan ku boorineeynaa in Dowladda faderalku soo celiso macaamilka gaarka ah ee Somaliland” ayey Xisbiyaddu ku sheegeen war murtiyeedkooda. Xisbiyaddu waxay Dowladda faderalka ah ku Booriyeen in ay Dooshooyinka 2020 ku dhacaan si sax ah oo aysan ka daba marin waqtigii loogu talogalay. Waxayna ku adkeeyeen Dowladda in aysan ka leexan Nidaamka Qof iyo cod ee Doorashadda. Iyo in ay ogolaato Nidaamka Xisbiyadda badan ee Doorashadda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso 22 qodob oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdonka ee NISA ayaa shaqadii ka joojiyey laba ka mida ku xigeenadii Hay’adaasi oo ahaa kuwii ugu awoodda badnaa NISA. Qoraal uu soo saaray maanta Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey labadii ku xigeen ee NISA, kuwasoo kala ah: Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur. Shaqo ka joojinta labada sarkaal ee ka mida kuwii ugu sareeyay NISA oo hore hay’adda dhowr bilood u maamulayey si KMG ah ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyay maamulka sare ee NISA, isla markaana ay wada shaqeyn waayeen agaasimaha. Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.
  13. Brussels (PP) ─ Madaxweynaha Somalia iyo kuwa mamaul-gobaleedyada daka, ayaa waxay wada gaareen xarunta dalka Belgium ee Brussels, si ay uga qayb-galaan sirka caalamiga ee maanta ka furmaya magaaladaas. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya hoggaamiyayaal ka kala socda dowladaha taageera Somalia iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga iyo Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo dublamaasiyiin kala duwan. Inta uu socodo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalladaha Amniga, horumarka, geeddi-socodka AMISOM iyo doorashadda Somalia ee 2020-ka oo la qorsheynayo inay noqoto mid qof iyo cod ah. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobaleedyada ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah ugu soo bandhigaan shirkaas qorshayaal dhinaca ammaanka Somalia iyo dib-udhiska ciidamada Qaranka la xiriira, waxayna beesha Caalamka ka codsan doonaan malaayiin Doollar oo dib loogu dhisayo ciidanka Qaranka, si ay hawl-galka AMISOM ugala wareegaan sugida amniga iyo deggenaashaha Somalia. Sidoo kale, Shirka Brussels ayaa lagu falan-qeyn doonaa tallaabooyinka lagu taageerayo ammaanka iyo xasiloonida iyo horumarka Somalia, iyadoo lasoo warinayo in dhaqaalaha lagu taageerayo arrimahaan si weyn looga doodi doono inta uu shirku socdo. Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay shirweyne ka dhacay magaalada Brussels waxay dowladaha Midowga Yurub ballan-qaadeen 100-milyan oo Euro oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka. Ugu dambeyn, shirkan caalamiga ee maanta ka furmaya Brussels, waxaa lagu lafa-guri doonaa natiijooyinkii kasoo baxay kulankii ugu dambeeyey ee golaha amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Baydhabo. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Horumarka iyo Amniga Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Brussels appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Geeska Afrika waxaa si xowli ah uga socda beryaan dhismaha Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale xoogan oo wax looga bedelayo nolosha iyo horumarka Shucuubta Geeska Afrika, kadib markii ay is bedeshay Siyaasada Gudaha iyo Dibadda ee Ethiopia, Jabuutina furtay; Dekedo, Khad Train iyo Xarun Ganacsi Free ah, Eritreyana kusoo biirtay tartanka dhaqaalaha Gobalka, RW Abiy Ahmed na uu soo bandhigay qorshe looga guurayo Taariikhdii Cadaawada iyo Colaadaha Gobalka, laguna yareynayo Hubka iyo Ciidamada Gobalka, laguna dhisayo Siyaasad fur-furan, kaabiyaal Dhaqaale xoogan iyo fursado Shaqa abuur! Dawladda Somaaliya ayaa 18 Sano dadaal dheer ugu jirta soo celinta iyo dib u dhiska Ciidankii Qaranka Somaaliya ee ugu tayada badnaa Geeska Afrika 1960 – 1990, lkn weli laguma guulaysan sababta ugu horreysana waa in uusan jirin Dhaqaale xoog leh oo lagu dhiso! Madax ka tirsaneed dawladihii Madaniga iyo Kacaankii Oktober waxa ay ii sheegeen in Ciidanka lagu dhisay 1960 kii Miisaaniyada dawladda 40% , 1980 kiina la gaarsiiyey ilaa 60% Miisaaniyada dawlad faqiir ah oo ku tiirsaneed Mucaawino iyo Deymo shisheeye, halka kaalmada la siin-jiray na ay ugu badneed Hubka, Tababarka iyo Qalabka Ciidanka, deeqaha waxbarashada dibadana ay ugu badneed tababarka Ciidanka, dib u dhacna uu ku yimid Mashaariicdii horumarineed, kaabayaashii dhaqaalaha iyo fursadihii shaqa abuurka! Intaas waxaa dheeraa reer Galbeedka oo kasoo horjeeday dhismaha Ciidan Xoog leh oo Somaaliya yeelato 1960 kii ilaa maanta oo marti loogu yahay kadib markii uu bur-buray Midawgii Sofeeti oo noo dhisay Ciidankii hore ee aan Magaca uga kasbanay Gobalka! Hadaba dadka iyo dawladda Somaaliya waxaa horyaal laba khiyaar oo adag: 1- In ay dhistaan Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale Xoogle leh oo ay kula tartamaan is-bedelada Gobalka Geeska Afrika, ugana qeybqaataan qorshaha cusub ee dhismaha mustaqbalka Gobalka???. 2- In ay kow ka dhigtaan dhismaha Ciidan Qaran oo leh Awoodii iyo Magacii hore oo kale iyada oo aan marti looga noqonayn London iyo Brussels??? -Ma dhici kartaa in hal mar lawada dhiso Ciidan Xoog leh iyo Dhaqaale Xoog leh??? -Ma dhici kartaa in tartanka iyo isbedelada Gobalku na sugaan inta aan Ciidan iyo Dhaqaale ka dhisanayno??? -Ma dhici kartaa in aan Xoog uga hor tagno Damaca dawladaha Gobalka? Mise waxaan u baahanahay Caqli iyo Cilmi aan uga hor tagno???. -Maxaa la gudboon dadka iyo dawladda Somaaliya oo u leh hor-tebin iyo Istaraatiijiyad lagula tartamo, loogana qeybgalo isbedelada Gobalka Geeska Afrika??? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
  15. Agaasimaha Ha’ada Nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo katirsan Ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Digreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo NISA saraakiishooda ka tirsanaa. Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday Ha’adaha amaanka Soomaaliya . Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya. Todobaadkii hore ayeey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil katirsan ciidamada NISA si wax looga weeydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi. Hoos ka Aqriso Digreetada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo Shaqada laga Joojiyay appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hoggaamiyenimo ee maamulka ay siyaasadooda u adeegsadan muuqaalka ciidamada. Maamulka ayaa sheegay in sharciga la marin doono musharaxii ololihiisa gaarka ah u isticmaalo isla sawirida ciidamada amaanka ee ku sugan gudaha iyo jiida dagaalka. Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ololaha doorashada Hoogaamiyenimo ee Puntland ay mamnuuc ka tahay in leysku sawiro ciidamada. Waxa uu taliyaha sheegay in Musharaxiinta ay ka mamnuuc tahay inay sawiro la galaan ciidamada ku sugan dhufeysyada sida kuwa jooga jiida dagaal ee Tukaraq. “Musharaxiinta waa ka mamnuuc in ololohooda doorasho ay u adeegsadan isla sawirida ciidamada ku howlan sugida amniga, waxaanu musharax waliba ka dooneynaa inuu nala dhooro sharciga, haddii ay dhici weydo waanu xiri doonaa” Waxa uu intaa ku daray in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda. Waxa uu sheegay in maalin ka hor uu deegaanka Tukaraq gaaray musharax ciidamada ugu deeqay shidaal isla markaana xili uu shidaalka ciidamada ugu deeqayey uu isku sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere. Sidoo kale, waxa uu sheegay in amarka lagu mamnuucayo isla sawirida ciidamada difaaca uu yahay mid kasoo baxay maamulka sare, waxa uuna ka digay in la khilaafo amarkaasi. Haddalka Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa imaanaya iyadoo musharaxiinta u taagan doorashada 2019 ay ku qulqulayaan furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. Canada’s largest full-line department store chain, the Hudson’s Bay Company, has pulled clothing, shoes and other merchandise bearing Ivanka Trump’s fashion brand from its website and said it would wind down their sale in its stores across the country. Source: Hiiraan Online
  18. In late June, top military officials from Mali, Sierra Leone, South Sudan and dozens of other African countries gathered to discuss defense strategies and security threats. Source: Hiiraan Online
  19. One of three schoolgirls who left the UK to join ISIS in Syria is feared to have been killed in an airstrike. Source: Hiiraan Online
  20. Mr Mohamed Hassan Mumin, a peace elder from Wajir County who dressed former US President Barack Obama in traditional Somali outfit in 2006, is now seeking to meet him. Source: Hiiraan Online
  21. A liberal woman of color with zero name recognition and little funding takes down a powerful, long serving congressman from her own political party. Source: Hiiraan Online
  22. When he took office as the Director of Public Prosecutions, many were not sure about Noordin Haji’s ability to deal with the big fish in the war on corruption. Source: Hiiraan Online
  23. National Assembly Majority leader Aden Duale has told elected leaders to stop blackmailing independent institutions mandated to fight graft. Source: Hiiraan Online
  24. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) will train traffic police officers in Mogadishu and the federal states on managing road traffic which is on the increase in major towns. Source: Hiiraan Online
  25. Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia, si ay Kalsooni uga helaan qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed. Khabiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xiriir cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinayso Kharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay. Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq.comee laga leeyahay dalka Qatar waxa uu ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin. Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata. Sirdoonka Imaaraadka waxay kaloo doonayaan inay Odayaasha Beelaha isbahaysi la noqdaan, si ay iyagana daacadnimo ugu taageeraan Danaha Imaaraadka ee gudaha Somalia. Khabiirka qoray Warbixintan ee C/llaahi Faarax Mire waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Imaaraadka Carabta waxba ka soo qaadin Go’aankii Beesha Caalamka ee ugu baaqay Dowladda Imaaraadka inay xushmeyso Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Khabiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Imaaraadka joojinin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia iyo Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Dekedda magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka mamnuucday Imaaraadka maamulista Dekeddaha ku yaalla dalak Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in Joogitaanka Imaaraadka ee xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ay xaqiiqdii tahay sidii ay Imaaaraadka u dhisi lahayd Ciiddan Ammaan oo ay maalgeliyaan, si ay u kontoroolaan Dowladda Xeebaha Bariga Somalia. Barlamaanka Europe waxay dhawaan soo saareen Qaraar ku eedeeynayo Dowladda Imaaraadka inay faraha kula jiraan Deganaansho La’aanta Somalia, waxaana looga baaqay inay xushmeeyaan Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Barlamaanka Europe waxay tilmaameen in Dhexdhexaadnimadda Somalia ee Khilaafka Khaliijka sababtay inay Dowladda Imaaaradka jarto Deeqihii ay DFS ku taageeri jireen. Bishii Maarso 27-dii ee sannadkan, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Abukar Osman oo ka hadlay Kulankii Golaha Ammaanka ee QM waxa u ugu baaqay in la soo-afjaro Xadgudubka ay Dowladda Imaaraadka ku hayaan Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia. Danjiruhu waxa uu tilmaamay in Heshiiska Imaaraadka ee Dekedda Berbera uu yahay mid wax kama jiraan ah oo aysan DFS oggolaan doonin. Sidoo kale, DFS waxay ashtako ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo ku baaqay in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka DFS iyo Imaaraadka waxa uu meel xun gaaray, kadib, Malaayiin Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka soo dhiibtay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Muranka Lacagtaasi oo dhamayd 9.6 million oo Dollar ayaana sababtay inay labada dhinac kala boodaan, iyadoo ay Goobjoogayaashu rumeysan yihiin in Lacagtaasi la doonayey in Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni looga abuuro Somalia. ISHA: Al-sharq.com