-
Content Count
206,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad maanta Muqdisho ku dhex-maray ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia. Dagaalkan oo ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa xasilinta iyo ciidammo millateri ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa isku dhaca ciidamadan. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaan uu ahaa mid culus oo ay ciidamadu isku adeegsanayeen hubka noocyadisa kala duwan, iyadoo intii uu dagalaku socday uu xaryinnaa isku socodka gadiidka ee isgoyskaas. Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa fariisin ciidan ku leh ciidamada xasilinta caasimadda, iyadoo ciidamada kale ee ay isku dhaceen u soo dhex-galay muran aan weli la ogeyn wuxuu ku saabsanaa. “Dagaalku wuxuu socday muddo kooban, hub kala duwan ayayna ciidamadu isku adeegsadeen, waxaanan arkay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaallamay iyo saddex kale oo dhaawac ah,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta. Hay’adaha amniga dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin iska-horimaadka maanta Muqdisho ku dhexmarya ciidamada kawada tirsan Dowladda Somalia, inkastoo iska-horimaadyo noocacn oo kale ah ay Muqdisho dhawr jeer ugu dhexmareen ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia. Xaaladda Isgoyska Towfiiq ee uu dagaalku ka dhacay ayaa haatan daggan, iyadoo laga dareemayo weli dhiillo colaadeed oo u dhexeysa ciidamadii uu iska-horimaadku dhexmaray oo qaarkood ay weli ku sugna yihiin halkaas. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxay dhibane u noqotay iska-horimaadyada dhexmara ciidamada dowladda iyo weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho, kuwaasoo khasaare badan ay kasoo gaarto shacabka. PUNTLAND POST The post Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Maanta Muqdisho ku dhexmaray Ciidanka DF appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay halkaas ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya. Isku dhacaan ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku aadan sida uu ku bilowday iyo khasaaraha ka dhashay. Dad goobjoogyaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaaro soo kala gaaray ciidamadoo ku dagaalmay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho. Sida la xaqiijiyey waxaa geeriyooday laba askari halka 3 kale ay ku dhaawacmeen dagaalkaas. Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay isku dhaca ciidamadaan iyada oo sidaan oo kalana ay tira ka dhowr jeer ciidamada dowladdu ay ugu wada dagalameen magaalada Muqdisho. Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada Xasilinta Muqdisho oo halkaas ku baaro gawaarida. Maahan marklii ugu horeysay oo ay Muqdisho ku dagaalaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana sabab u ah ciidamadaas oo intooda badan ah kuwa maleeshiyo ah oo aan ka amar qaadan saraakiisha Ciidamada ee Dowladda Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa dhibane u ah qaraxyada Al-Shabaxab iyo is rasaaseynta ciidamada Dowladda Soomaaliya mana jirto ilaa hadda tallaabo sharci ah oo laga qaaday ilaa hadda. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Isqab qabsiga ka taagan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Maaliyadda uu kusime Magacaabay ka hor safar uu ugu ambabaxay Magalada Brussels, isaga oo ka qeyb galay shirka halkaasi ka socda. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasaaradda Maaliyadda kusime uga dhigay.inta uu maqan yahay ku xigeenkiisa waxaana tallaabadaas kasoo horjeestay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda. War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayuu ku sheegay in Warqada Wasiirka Maaliyadda uu kusimaha uga dhigay Wasiir kuxigeenka ay tahay mid ka hor imaaneysa Xeer hoosaadka Golaha Wasiirada oo kala cadeynaya xilalka iyo Masuuliyadda Wasaaradda. Loolanka u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee ku aadan shaqada Wasaaradda ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer arrimo ay isku qabteen ku baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim Waxa uu ku baaqay in howlaha Wasaaradda loo socodsiiyo sida Sharciga ah. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Speaking at the first day of the Somalia Partnership Forum in Brussels on Monday, senior United Nations officials commended the country’s government for its efforts in political reform, security, economic development, and recovery and humanitarian assistance – while flagging the need for further progress and international support for these efforts. UN Under-Secretary-General for Political Affairs Rosemary DiCarlo praised Somalia’s leadership for the steps it has taken in developing a political roadmap for inclusive politics, especially with regard to preparations leading to the ‘one person, one vote’ elections in 2020-2021, and advances in its constitutional review process. “The Federal Government of Somalia would need to continue its efforts in building constructive relations with all those who would benefit from its leadership: the federal Parliament, Federal Member States, political groups and civil society,” said Ms. DiCarlo. “This will ultimately help to stabilize the political environment, achieve further progress and strengthen Somalia’s resilience against pressures that risk undermining its unity,” she added. The Horn of Africa country is facing a range of political, developmental, security and humanitarian challenges as it rebuilds after decades of armed conflict and climate-related shocks. Taking place in the Belgian capital, the two-day Forum also spotlighted the importance of supporting a nationally-owned and led reconciliation processes. Ms. DiCarlo noted that further progress is needed to strengthen the constitutional, legal and institutional foundations of the Somali Federal State, including allocation of powers and resource sharing. “Despite the challenges that may arise, it is critical that these processes are conducted in an inclusive, consensual manner to ensure ownership by the Somali people,” she said, adding that the UN is committed to advancing inclusive politics in Somalia. “We are providing technical, financial and logistical support, and we strongly support nationally-owned and -led reconciliation processes, including the national reconciliation framework,” Ms. DiCarlo concluded. In his remarks, UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia Michael Keating encouraged the international community to “keep Somalia on the agenda,” and noted that the inclusive approach in Somali politics needs to be extended to building national security in an effort to build trust. “I cannot commend the Government enough for its commitment to a genuinely holistic approach, to recognizing that it is not only about military and operations, it’s also about building institutions, rule of law, accountable local governance, reconciliation and countering violent extremism,” he said. UN
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xajka iyo ammaanka. Ugu horreyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa culimada wuxuu siiyey warbixin guud oo ku aadan ammaanka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha u qabsoomay xukuumaddiisa. Si taas la mid ah, culimada ayaa iyaguna dhankooda waxay Kheyre usoo jeediyeen talooyinka ku aadan ammaanka iyo sidoo kale arrimaha xajka. Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ku qancay talooyinkii ay siiyeen culimadan. “Waxaan kulan saacado qaatay la yeelannay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuu naga dhageystay talooyin aan u gudbinnay oo amniga iyo Xajka ah, wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo talooyinkaan, wuu na qanciyey” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kala hadleen arrimaha xajka iyo sidii dowladdu u fududeyn laheyd. “Waxaa Ra’iisul Wasaaraha is weydaarsanay talooyin badan, waxaa kala hadalnay arrinta Xajka in sida ugu fiican lagu xalin karo, sidoo kale waxaa la wadaagnay cabashada bulshada, runtii Ra’iisul Wasaaraha aad ayuu nooga qanciyay, wuxuuna balan-qaaday waxyaabo badan oo laga cabanayo wax laga qaban doono”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Muran iyo is qab qabsi ayaa ka jiray muddooyinkii u dambeeyay arrimaha Xajka, gaar ahaan arrinta shirkadaha diyaaradaha iyo qiimaha xajka ee sanadkan oo horay dowladda go’aan uga soo saartay, waxaana muranka iyo jahwareerka xilligan ka taagan arrimaha xajka uu saameyn ku yeeshay waqtigii la diyaarinayay viisaha xajka inuu dib u dhaco. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimadda Online) – Shirka Brussels ayaa maalintii labaad galay, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo dhinacyo badan oo quseeya mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socda. Wajiga labaad ee shirka ayaa maanta noqonaya qeybta madaxda caalamka, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku soo biiri doono. Qeybtii koowaad ee shirka ayaa waxaa shalay shir guddoomiyay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden. Khudbadihii shalay looga hadlay shirka ayaa waxaa si aad ah diiradda loogu saari arrimaha ammaanka, siyaasada, doorashooyinka sanadka 2020, arrimaha dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo qaabkii ay ugala wareegi lahaayene ammaanka. Maanta waxaa lagu wadaa in shir guddoomiyeyaasha ka mid noqdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa loo dhaadhici-doonna isla xisaabtan inuu dhex maro Soomaliya iyo hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Midowga Afrika. Shirka, Xilliyada hore waxaa dhici-doona shir wasiirrada ah oo looga arrinsanayo haweenka, nabadda iyo amniga. Waxaa kale dhici-doona waxaa loo yaqaano“Private public partnership” oo looga hadlo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda iyo shirkadaha iyo hey’adaha gaarka ah. Waxaa shirka sidoo kale ka hadli-doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Federica Maria Mogherini oo ah haweeney Talyaani ah taas oo wakiil iyo madaxweyne ku-xigeen ka ah midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo amniga. Margot Elisabeth Wallström, waa haweeney kale, oo wasiirka arrimaha dibadda ka ah dalka Swden. Rosemary Anne DiCarlo, waa haweeney 3aad, waxaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey kala shaqeysaa arrimaha siyaasadda. Smaїl Chergui, oo ah diblomaasi Aljeeriyaan ah oo ka socda midowga Afrika, nabadda iyo amniga. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belguim ayaa shalay laga waayey furitaanka shirka iyo xarunta shirka uu ka dhaceyey. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in ajendaha shirka laga reebay madaxweyne Farmaajo oo khudbad markii hore ku lahaa furitaanka shirka, waxaana loo bedelay maalinta 17-ka ee xiritaanka shirka inuu ka qeyb galo, kana hadlo, iyadoo arrintaas ay ka shaqeeyaan la-taliyeyasha madaxweynaha. Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Soomaaliya shalay ku metelay shirka, isagoo jeediyay khudbadii dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay dhowr wasiir oo shirka ka jeediyey horumarka xukuumadda ee dhinacyada kala duwan. Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Brussels ayaa sheegaya in uu xarunta shirka gaaray madaxweyne Farmaajo oo maanta qeyb ka ah shirka, gaar ahaan marka laga hadlayo qodobka ku saabsan shirkadaha gaarka ah iyo ganacstadda oo uu khubad ka jeedinayo xilligan, wuxuu kaloo ka hadlay shir-doceedka dumarka iyo kaalinta nabadda iyo amniga. Qaar ka mida xubnaha shirka Brussels ka qeyb galaya ayaa saxaafadda u sheegay in sababta uu madaxweyne Farmaajo uga baaqsaday munaasbadii furitaanka shirka ay ahayd iyadoo aanu heyn wax uu la wadaago beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kasta Magaalada Muqdisho ka fuliso qaraxyo qorsheysan oo lala eegto xarumaha ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya iyo Hoteelada ay jiifaan madaxda Dowladda. Waxaa mar kasta la is waydiiyaa sababta keentay qaraxyadaas inaan laga hortagin iyadoo la ogyahay in Ciidamada dowladda u qoran ay ka badan yihiin kuwa Shabaab ka tirsan isla markaasna ay dowladda heysato fursad ka wanaagsan midda Al-Shabaab heysato. Haddaba waxaan halkaan kusoo gudbineynaa 4 waxyaabood oo asaas u ah inaan laga hortagin qaraxyada Al-Shabaab: 1) Ciidamada Dowladda: Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaai intooda badan aheyn kuwa ay ka go’an tahay inay qaraxyadaas ka hortagaan waxaana sabab u ah arrimaha soo socdo: – Ciidamada Dowladda ma heystaan mushaar ku filan iyo mid joogto ah – Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa isticmaalo mukhaadaraad mana ka cabsan Alle iyo dowlad midna, intooda badan ma gutaan waajibaadka diiniga ah ee Alle saaray, taasna waxay keentay inay qaataan laaluush isla markaasna ay fasaxaan qaraxyada iyo maleeshiyada Al-Shabaab. – Ciidamada dowladda oo aan heysan tababar fiican oo ku filan – Dowladda Soomaaliya oo aan muhiimadda siinin ciidamada dowladda taas badalkeedana ay xoogga saarto mushaarka Shaqaalaha rayidka ah. – Ciidamada Dowladda midna uma dagaalamaan wadan iyo Diin, midaasna waxay keentay inaysan daacad ka noqon la dagaalanka Al-Shabaab. – Taliyaasha Ciidamada qaarkood oo la shaqeeyo Al-Shabaab. – Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya oo aysan ka go’neyn inay si dhab ah u wajahaan ururkaan baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed. 2) Sirdoonka Al-Shabaab oo ka halisan kan dowladda: Ururka Al-Shabaab ayaa heysto sirdoon ka fiican midda dowladda, taasna waxay keentay inaan inta badan la ogaan howgalada ay rabaan inay fuliyaan halka sirdoonka dowladda ay awoodi la’yihiin inay helaan xogta dowladda Soomaaliya. 3) Mas’uuliyiinta dowladda Qaarkood oo Al-Shabaab ka tirsan: Waxaa la rumeysan yahay inay Al-Shabaab dowladda ku dhex leedahay mas’uuliyiin fikirkooda ku shaqeeyo, midaasna waxay sahashay inay Shabaab hesho xogta dowladda oo dhameystiran. 4) Shacabka iyo dowladda oo aan isku xirneyn: Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya kama dhaxeeyo wax xiriir ah waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dadka dhexdooda kasoo abaabulaan waxay rabaan maadaama ay dadka cabsi geliyaan isla markaasna ay dilayaan ciddii arrimahooda soo farageliso. 5) AMISOM oo aysan daacad ka aheyn howgalka: Howgalka Midowga Africa (AMISOM) daacad kama ahan in meesha laga saaro Al-Shabaab, waxayna markasta kasoo baxaan goobaha cusub ee lagala wareego Al-Shabaab maadaama ay qaataan mushaar aad u badan ayna doonayaan inuu mashruucaan usii socdo. Sidoo kale waxaa jiraan waxyaabo badan oo aan inta lagu soo koobi karin balse inta ugu muhiimsan waa shantaan qodob haddii la xaliyana ay suurta geli karto in laga hortago qaraxyada Al-Shabaab Inshaa Allah sida ay qabaan qubarada xagga ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe waa caasimada Puntland, waa magaalo laga sawirto horumarka iyo dib u dhaca hadba ka jira degaanada Puntland, magaaladan ayaa si xawli ah u koraysay sanadihii danbe iyadoo ku faaftay dhinac walba, koritaanka Garowe waxaad dareemi kartaa markii aad mudo kooban ka maqnaatid. Amaanka caasimada Puntland ayaa ah si guud mid aad u wanaagsan, waxayna kamid tahay magaalooyinka ugu nabad galyada fiican Soomaaliya hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waana magaalo ka nabad gasha qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka socda qaybaha kale ee Soomaaliya. Nabad gelyada ka jirta Garowe sababteeda ugu weyn waxaa leh bulshada ku nool magaaladan oo ah kuwa ay ka go’an tahay inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyagoo meel uga soo wada jeedaa cid kasta oo ay u arkaan inay khal-khal ku abuuri karto amaanka caasimada Puntland. Maxaa maalmahan iska badelay amaanka Garowe? Maalmihii u danbeeyey waxaa dadweynaha ku nool Garowe ay khaati ka taagnaayeen dhalinyaro u socota koox-koox oo moobilada iyo waxa ay wataan ka furnaaya dadweynaha, dhalinyaradan oo ku hubaysan tooray iyo mindiyo ayaa xitaa hada bilaabay inay dadweynaha maalinka cad moobilka kaga furtaan bartamaha magaalada, waxaana xiligan kusoo kordhay dhaliyaro gawaari wadata sida mootada loo yaqaan Bajaajta iyo gaariga Probox. Warbaahinta PUNTLAND POST oo arintan u kuur gashay ayaa ogaatay in xaafad walba oo Garowe ku taal ay dadweynaha siiba gabdhaha ay ku adkaato inay kasoo danaystaan meel banaanka ka ah guryahooda. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar dhibaatooyin ay dhaawacyo iyo jirdil kamid yihiin u geystaan xiliyada ay dadka furanayaan, waxbana kuma ahan inayba qofka nafta ka qaadaan. Maxaa sabab u ah amaan xumada kusoo siyaadey Garowe? Sababta ugu weyn ayaa ah Booliskii loogu tala galay sugida amaanka caasimada oo ahayn kuwo sidii looga baahnaa u shaqaynaaya, waxaana jirin gabi ahaanba roondadii ay ciidamadu hameenkii ku samayn jireen xaafadaha kala duwan ee magaalada, sidoo kale waxaa habacsanaan aad u weyn laga dareemayaa gudigii nabad galyada oo ay hormuud u yihiin gudoomiyaha gobalka Nugaal, duqa caasimada iyo taliyaha qaybta booliska gobalku, ciidamadii nabad galyada ayaa noqday kuwo fadhiid ah oo fiidka hore bar kantarool dhigta wadada laamiga ee marta bartamaha magaalada mudo yar kadibna ka kala hurda doonta. Lama oga waxa sababay habacsanaanta iyo fadhiidnimada ka muuqata hay’adihii nabad gelyada magaalada Garowe waxayse kusoo aadaysaa xili masuuliyiintii arimahan u xil saaraa oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobalka Nugaal ay ku mashquulsan yihiin arimaha degaanka Tukaraq iyo collaadaha ka aloosan gobalka Sool. Wax yaabaha kale oo loo sababaynaayo waxaa kamida fariisimaha booliska oo ah kuwo aad u yar iyo magaalada oo aad u balaaratay, Garowe waxaa ku yaal oo keliya sadex saldhig boolis oo kala ah saldhiga dhexe, saldhiga bariga magaalada iyo saldhiga koofureed oo ku yaal kantaroolka magaalada laga soo galo, waxaa sidoo kale gabi ahaanba meesha ka maqan wada shaqayntii booliska iyo dadweynaha, iyadoo xiliyadii hore ay laamaha nabad gelyadu samayn jireen isku xir iyo wada shaqayn kala dhaxaysa dadka ku nool xaafadaha iyadoo ay boqolkii guribana ka jiri jireen gudiyo si joogta ah u wada xiriiraan hay’adaha nabad galyada, halka ay iminka adag tahay inaad heshid telefoon aad kala hadashid Booliska wada shaqayniba ha joogtee.. Xagee ayey aadaa dhaqaalaha lagu bixiyo amaanka caasimada? Sida ay ogaatahay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa bil walba si joogta ah loogu bixiyaa ku dhawaad toban kun oo doolar roodaynta iyo sugida nabad gelyada, waxaana naloo xaqiijiyey inay kharashaadkan si joogta ah uga baxaan khasnadaha Dawlada lamana oga waxa lagu bixiyo dhaqaalahan hadiiba wixii loogu tala galay sidan looga ardan yahay. Gabagabadii Garowe waa muraayadii Puntland waxaana loo bahan yahay in mar walba ay noqoto magaalo lagu barto xasilooni iyo horumar, waana in iyadoo lawada socda Dawlada, dadweyne iyo waarid wax laga qabtaa dhalinyaradan dhibaatada ku ah amniga caasimada. PUNTLAND POST The post Aminiga Garowe, fadhiidnimada Booliska iyo dhaqaalaha ku baxa amniga caasimada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada AlShabaab ayaa goordhow baahisay magaca mid kamid ah maleeshiyaadkii fuliyay weerarka ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia. War qoraala oo kasoo baxay maleeshiyada Alshabaab laguna baahiyay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka gaar ahaan Idaacada Andulus ayaa lagu sheegay in raggii weerarkaas geystay uu ka mid ahaa, isl markaana uu isqarxiyey Maxamed Xuseen Sheekh Rooble. Naftii haligahaani fuliyay ismiidaaminta ayaa lagu naaneesi jiray Deeqoow Xiirane waxa uuna muddo fog ka tirsanaa Alshabaab. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in naftii haligahaani da’diisu ay aheyd 24 Sanno jir, isla markaana uu ku dhashay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe. Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhawaan soo bandhigtay Magacyada laba ka mid ah ragii isku qarxiyey Xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Geesta kale, weerarka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad lix ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo xiliga weerarka ku sugnaa eeryada uu weerarka ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Nin dhalinyaro ah oo abaahiis ku dilay Gobolka Jubbada Hoose. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Shariif Kalar oo ahaa Aabihiis. ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta uu wiilkaasi dhalinyarada ah uu Aabihiis u dilay. Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaasi iyaga oo hadda weeydiinaya su’aalo ku saabsan sababta uu aabihiis u dilay. Ninkaan ayaa dilka Aaabihiis u adeegsaday Baangad uu qudha kaga Jaray Allaha u naxariistee Aabihiis Cabdullaahi Shariif Kalar. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ay dib warbaahinta ugu faah faahin doonaan qaabka uu falkaan u dhacay iyo sababta uu Aabihiis u dilay Wiilka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Jubbaland oo qabtay Nin Aaabihiis Dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa mar kale ka hadashay lacagaha Shilin Soomaaliga ee la filaayo in dhawaan lasoo daabaco si meesha looga saaro lacagta hadda la isticmaalo. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in si dhaqsi ah lagu soo daabici doono lacagta cusub ee la shaqo galin doono. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyl, ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in lacagta cusub ay soo daabacaan, sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxa uu intaa ku daray in xiligaan loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama DFS lagu leeyahay lacag farabadan oo deyn ah. Wasiir Beyle oo wax laga weydiiyay xiliga lasoo daabacaayo lacagta ayaa sheegay in qorshaha saxda ah uu yahay in gudaha Sanadkaan lasoo daabici doono lacagta cusub ee Shillinka Soomaaliga ah. “Gudaha sanadkaan ee aan ku jirno ayaan soo daabici doonaa lacagta waxaan qireynaa inay nagu adkaan doonto bixinta lacagta lagu soo daabacaayo tan cusub waayo waxaa nalagu leeyahay lacag badan” Si kastaba ha ahaatee Wasiir Beyle ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Brussles kula qaatay Mas’uuliyiin ka kala socotay Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta, kaas oo ahaa mid ay uga wad hadleen qorsha lacagta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The rogue Somalia regime is at it again this time it has ordered airlines ferrying pilgrims to Islam holy site Mecca to deposit pilgrimage money into a suspect account owned by that country ministry of religious affairs. The Somalia regime has established a new office and christened it (Pilgrimage Affairs) the suspect office confirmed that it represents the Somalia government ministry of religious affairs. The aforementioned office has prepared memorandums of understanding forms to be filled by airlines plying the lucrative Mecca route. Worse still, the suspect agreement instruct airlines to forward the travel expense of every pilgrim amounting to $3300 per head. Hence the pilgrims’ ticket money will fall into the wrong hand since the Somalia government does not have a transparent system of accountability. This year pilgrims are about 9900 in number of which 3000 of them are from the Republic of Somaliland, thence the rogue Somalia regime wants the pilgrimage money of Somaliland pilgrims to be deposited in the suspect account. The government of Somaliland seems to be in the dark following Somalia’s government ploy to harass airlines to hand over air tickets money to a suspicious office created by crooks to fleece the innocent pilgrims from Somaliland of their hard earned monies. This is yet another clandestine plan of the Somalia government to hijack the pilgrimage affairs of the people of Somaliland. Horn
-
The BBC Somali radio services held a debate between two members of the Somaliland parliament. The discussion concerned the vulgar words some people use while speaking through the media. The moderator of the talks BBC Somali service reporter Mr.Ahmed Saeed Ige asked the MPs if this new trend is democracy or poor management. The two MPs in the talks are Hon.Abdirahman Mohammed also known as Abdirahman Hoog and Hon. Abdillahi Hussein Ige (Balaaki) who are members of the Somaliland lower house of parliament. First to answer the reporter’s question was Hon.Abdirahman Hoog who had this to say “First and foremost democracy has representatives who are elected by the people those representative are us MPs so that people from a constituency when they have any problem they have to go to their MP and tell him their plight thence the MP will debate their affairs in the house. However these days we have unscrupulous people on the loose pretending to know about democracy and seeking self publicity stand in front of television stations to talk about what they have no knowledge.” On his part Hon.Balaaki said “My opinion is that democracy is broad and can be interpreted differently by various people, however these people speaking on television can be classified into two. One group has good motives and the other has sinister agenda; but the group that is preaches good to the public are better for promoting peace and security an endeavor for democratic institutions.” Speaking about those who seek self publicity Hon.Abdirahman Hoog debated “Self glorification is a Somali slang meaning that some people are used by politicians, businessmen and women, government and the opposition to represent them in front of the camera to promote their opinions and views. These kind of people do not avail themselves at TV stations however send their subordinates’ to spew venom for them. They claim we from clan A suggest than clan B be remove from the agenda. We should either follow democratic principles or continue to wallow in cheap clans’ politics.” Hon.Balaaki stated “It good when we hold press conferences to complain about anything, we should do it in a civilized manner instead of using vulgar language which may not help the matter and could incite the masses. We have to be careful in front of the camera to what we say as it may be interpreted negatively by others.” When Abdirahman Hoog was asked about the country’s media view majority of members the Somaliland parliament as self seekers who do not represent the interests of their constituents and are in the house for their personal enrichment he said “Yes it’s partly true, there is a Somali saying that says the person with insight is the worst in terms of his affairs you know me very well my name is Abdirahman Hoog and I always talk about the rights of citizens but I will not support those traditional elders spewing venom in front of the camera. They should talk about district and regions instead of clan interests.” Member of Parliament Balaaki suggested “I never thought that the democratic system Somaliland embraced will be mixed up by useless tribal politics which have no place in the 21stcentury.” Horn
-
Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii xoogeysanayaa dagaalada u dhexeeya Soomaalida iyo Oro,ada Ethiopia, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Ururka ONLF. ONLF ayaa sheegtay inuu sii kordhayo khasaaraha dhimasho iyo mida dhaawacba ee ka dhashay dagaalka balse aysan jirin cid mas’uuliyad gaara iska saartay badbaadinta shacabka. ONLF waxa ay sheegtay in tirada dhimashada iyo khasaaraha dhaawaca ee ka dhashay dagaalka labada maalin socday aan la xisaabi Karin waxa ayna dhaliisha iyo difaac la’aanta shacabka dusha ka saaren maamulka hadda haya talada. Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in Ururka uu dagaalkan bayaan ka soo saaray, wuxuuna tilmaamay dagaaladii ugu dambeeyay inay ku dhinteen 50 qof oo Haween iyo caruur ay ku jiraan. Afhayeenka Ururka ONLF waxa uu intaa ku daray in Oromada ay nolosha iyo guryaba ku gubeen qoysas Soomaaliyeed, hase yeeshee ay taasi ku imaaday mas’uuliyad daro heysata madaxda hadda ka jirta dhulka DDSI. Waxa uu Afhayeenka oo u waramaayay VOA sheegay in hadii ay sii socdaan dagaaladan u dhaxeeya qabaa’ilada Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, waxa uuna ka digay in dadka macaashka ku qaba colaada ay faraha kula sii jiran howlaha ceynkaasi ah. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaa wax aad looga xumaado ah, marka ay dadkani is garabsan lahaayeen oo ay is anfici lahaayeen, is caawin lahaayeen, heshiin lahaayeen, in iyaga dhexdooda ay diriraan, waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan rayidka.” Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dhibta ugu badan ay ku dhacdo Soomaalida, waxa uuna taasi ku sheegay arrin halisteeda leh oo aan loo dulqaadan Karin. Haddalka kasoo yeeray ONLF ayaa u muuqanaaya mid maamulka DDSI loogu tilmaamayo mas’uuliyad darada heysata oo ay ka gaabiyeen xalkeeda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirka Brussels ay dani ugu jirto Soomaalida waxa uuna carab ***** in cida laga doonaayo ka faa’iideysigeeda ay tahay Soomaalida. Waxa uu tilmaamay in shirka noocaani ah uusan si sahlan kusoo mari doonin Soomaalida waxa uuna ka digay inay noqdaan kuwo aan ka faa’iideysan shirka. “Shirka sanadkiiba mar ayuu soo maraa Somalia waxaa nasiib darro ah inaan garan weyno danteena oo aan ka faa’iideysan weyno fursadaha na horyaal” Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bilaa shuruud looga faa’iideysto shirka maadaama uu yiri dantu tahay mid ay leedahay Soomaalida. Madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan adkeysi oo aysan meel uga dhicin sharafka Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in ujeedka uusan aheyn mid isaga u gaar ah. Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lamid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka. Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya mid lagu dhiiri galinaayo madaxda kale ee kusugan madasha shirka Brussels, waxaana xusid mudan in maalinimadii shalay ay shirka ka baxeen wafdiga maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa daboolka ka qaaday inay muuqato ka faa’iideysi la’aanta Soomaalida shirarka adduunka. Wasiir Axmed Ciise waxa uu sheegay in Soomaalida oo isku mowqif ah ay tageen madasha shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka, balse ay markii danbe soo baxeen cilado yar. Waxa uu Wasiirka tilmaamay in muhiimada Shirka yahay in Soomaalida ay helaan waxyaabo badan oo ay u baahi qabto sida maalgashi iyo hormarinta baahiyaha ku xeeran Qaranimada Somalia. Waxa uu Wasiir Axmed Ciise carab ***** in madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa Gobolada laga doonaayo inay marka hore muujiyaan dulqaad si buu yiri meesha looga saaro tabashooyinka hadda jira. Waxa uu cadeeyay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo lagu wada kalsoonaan doono hase yeeshee ay ku xiran tahay in la muujiyo dulqaad, maadaama waxa laga wada tashanaayo ay tahay masiirka Umadda Soomaaliyeed. “Maanta waxaan u gudbeynaa wajiga labaad, waxaa shirka kaoso bixi doona war-murtiyadeed lagu wada qanci doono waa inaan dhankeena kala imaana sabar iyo dulqaad aan ku aqbali laheyn heshiisyada dhacaaya” Wasiir Axmed Cawad ayaa adduunka ku dhaliilay inaysan ka dhabeyn ballanqaadyada loo sameeyo Soomaalida, waxa uuna dalbaday in laga jawaabo wixii ballanqaad ah. Sidoo kale, dadka dhan ayuu sheegay inay wada yihiin walaal, isla markaana ay muhiim tahay in la garto ahmiyada dalka iyo dadka maadaama ay hormartay dunida. Geesta kale, waxa uu Wasiirka ku baaqay in Soomaalida ay u midowdo wax wada qabsigeeda maadaama dunida ay garabtaagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Convictions Upheld for Women Who Raised Money for Al-Shabab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
federal appeals court has upheld the convictions and prison sentences of two women who used an internet chat room to raise several thousand dollars for the Somali militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online -
House of Commons Immigration Committee to meet today after increasingly tense month on the issue of asylum claimants Source: Hiiraan Online