Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,373
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A sea rescue charity is taking a lone survivor and the bodies of two dead migrants found at sea to Spain, it said on Wednesday, after clashing with Italy over what should be done with them. Source: Hiiraan Online
  2. Qatar has invited the international community to join forces to find radical solutions to the crisis in Somalia so that it can maintain its sovereignty and achieve national reconciliation, noting the efforts and concrete steps taken by the east African country for the benefit of the Somali people. Source: Hiiraan Online
  3. Last month’s killing of three people at the volatile border of Isiolo and Garissa has kindled violent confrontations between communities living in the two counties. Source: Hiiraan Online
  4. Bosaso[Puntland Post]-Tababarkaan ayaa loo qabtay ganacsatada bagaashleyda ee Magaalada Bosaso. Tababarkaan ayaa ujeedadiisu aheyd kor u qaadida xirfadda ganacsatada yar yar. Waxana ka soo qeyb galay 60 ganacsato kana socday in ka badan 55 ganacsi oo ku yaala Bosaso waxana lagu tababaray ka soo qeyb-galayaasha mowduucyada kala ah ; Hal-abuurka Ganacsi (Business Entrepreneurship) . Istaraatiijiyadaha kobcinta Ganacsiga yar yar (Small business Growth strategies) Xisaabaad-ka ganacsiga (Business Accountancy). Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii furey madaxa horumarinta ganacsiga BangigaAmal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud; isagoo si faahfaasan uga hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay tababarta-yaasha iyo guud ahaanba bulshada Tababarta-yaasha ayaa dhankooda boogaadiyey tababarka ugana mahad celiyey Bangigaga Amal, kana codsaday bangiga in uu soo celiyo tababarada noocaan ah. Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda Madaxa Suuq-geyntaBangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Muuse Siciid Xasan oo si faahfaahsan ugu hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato, diyaarna u yahay inuu markasta garab istaago ganacsiga. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Bangiga Amal Oo Tababar U Qabtay Ganacsatada Bagaashleyda ee Boosaso. appeared first on Puntland Post.
  5. The winner of the BBC News Somali Young Female Poet 2018 award is 18 year old Shugri Jama Ibrahim, a form three Student from Bosaaso, Somalia. Shugri's winning poem explores old Somali culture and the cultural utensils that were in use in nomadic life. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay lacago Bishii April 2018 lagu qabtay Garoonka Aadan cadde ee magalada Muqdisho. Lacagtan ayaa waxaa lahaa dowlada Imaaraadka carabta waxa uuna qorshaheedu ahaa in lagu qalqal galiyo dalka, iyadoo loo adeegsan lahaa caqabadaha dowlada Somalia, maadaama labada dal ay isku khilaafsan yihiin arrimaha Siyasaada. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu wareystay Barnaamijka todobaadlaha ee BBC Al-Arabiya ayaa sheegay in dowlada Somalia ay weli heyso lacagtaas oo ku dhow 9 malyuun iyo 600 oo kun oo dollarka Mareykanka isla markaana ay ku jirto keydka Dowlada Somlaia. Waxa uu sheegay Wasiirka in sababta ay dowlada Somalia u wareejin la’dahay lacagtaasi ay tahay inaanu jirin xiriir sidaa usii buuran oo xiligaan kala dhexeeya Imaaraadka. Cawad waxa uu carab ***** in dowlada Somalia aysan dano gaara ka laheyn lacagta Imaaraadka ee iminka ku jirta Keydka Bankiga Dhexe, hase yeeshee ay muhiim tahay in dhiibisteeda ka hor xal laga gaaro faragalinta. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in lacagtaasi lagu celiyo sifo sharci ah, balse ay dowlada Somalia marka hore dooneyso in laga wadahadlo xadgudubka. Haddalka Wasiir Cawad ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay weli jirto xiriir xumo ka dhex oogan dowlada Somalia iyo Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u qiray in ciidamadda xooga dalka aysan u diyaar-saneen in masuuliyadda amaanka dalka ay kala wareegeen AMISOM. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, Cabdi Saciid Maxamed Cali oo wareysi siiyay Africa Center for Strategic Studies, ayaa tilmaamay in dowladda wali ku guuleysan inay diyaariso ciidamadda, laakiin ay socoto dadaalo lagu dhisayo. “Qorshaha kala guurka ee dalka uga baxayaan AMISOM waa mid ay isku raaceen dowladda Federaalka, maamuladda, AMISOM, dalalka ciidamadda ku tababarucay howlgalka iyo Beesha Caalamka kadib shirkii London ee bishii May,” ayuu yiri Cabdi Saciid. La-taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in awoodda al-Shabaab ay wali jirto, islamarkaana ay u suurageli karto waqti walba inay fuliso weeraro, isagoo ku nuux-nuux saday inay fekerkooda ay ka “iibiyeen” shacabka Soomaaliyeed. “Tan iyo 2007-dii markii ay ciidamadda AMISOM soo galeen Soomaaliya amaanka dalka kuma jirin gacan Soomaaliyeed. Waxaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan al-Shabaab caasimadda. Balse, wali waxay yihiin kuwa meelo badan oo dalka ah jooga,” ayuu xusay. Mar la su’aalay inuu qeexo heerka ay gaarsiisan tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida aysan u diyaarsaneen inay amaanka dalka kala wareegeen inuu ka meer-maaray inuu sharaxo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qorshaha kala guurka uu yahay mid waqti badan u baahan si loo fuliyo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul-istaagay caqabadaha sababay inaan la fulin qorshahii dalka looga saari lahaa AMISOM, wuxuuna ku kala sheegay; amniga, dhaqaalaha, kala qeybsanaan siyaasadeed iyo awooda hay’addaha dowladda oo “liidata” – Muxuu yahay qorshaha kala guurka? – Qorshaha kala guurka oo ay isku raacsan yihiin dhinacyadda ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, iyo dowladda ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay kala ah; in amaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed; dhisitaanka hay’addaha dowladda iyo joogtaynta taageerada. Ugu horeyn, in amaanka dalka lagu wareejiyo ciidamo Soomaaliyeed ayaa ka hor inta aan la wareegin waxaa lagu heshiiyay in ciidamada AMISOM kordhiyaan howlgalada Al-Shabaab ka dhanka ah, si ciidamada marka lagu wareejinayo amaanka ugu fududaato gacan ku haynta meelaha Al-Shabaab laga qabsaday. Dhismaha hay’addaha dowladda, ayaa waxaa iyaddana hoos-imaaneysa in fulinta qorshaha amniga qaranka, oo ay kamid yihiin, in la diyaariyo ciidamo Boolis ah, tayenta hay’addaha cadaaladda iyo dib u habayn lagu sameeyo adeegyadda Bulshadda. Joogtaynta taageerada, waxay tahay in beesha caalamka dowladda ka caawiso arrimo badan oo ay kamid tahay inay bixiso dhaqaalaha ku baxaysa howlahaan la qabanayo, oo ay ugu horeyso; xasilinta, la dagaalanka ferkada “xagjirnimada” iyo isla xisaabtanka. – Sida loo fulinayo qorshaha bixitaanka AMISOM – Qorshaha kala guurka ah ee AMISOM dalka looga saarayo ayaa waxaa loo kala qeybiyay illaa saddex qeybood oo ku eg illaa iyo sanadka 2021, oo ka bilaabaneysa sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2018, sida laga soo xigtay La-taliyaha Amniga Qaranka. Wajiga koowaad, waxaa ay socon doontaa laga bilaabo waqti xaadirkaan, illaa iyo bisha June ee sanadka 2019. Wajiga labaad, wuxuu bilaaban doonaa bisha July ee sanadka 2019 illaa sanadka 2020. Wajiga saddexaad oo ugu dambeeya ayaa wuxuu bilaabanayaa bisha Janaayo 2021 illaa iyo December 2021. Sikastaba, dhamaan qodobadaan lagu heshiiyay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka midna ma aysan ka dhaqan-gelin, sida uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka sheegay shirka arrimaha Soomaaliya ee Talaadadii lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Brassels ee dalka Belgium. Xigasho: Garowe Online
  8. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times ayaa warbixin ka qoray wareysi uu la yeeshay amiir Imaaraati oo 31 jir ah, Sheikh Rashid Bin Hamad al-Sharqi, kaasi oo bishii May ka cararay dalka Imaaraatka, iskana dhiibay Qatar. Amiirka ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan muran ka dhex oogan Amiirada dalkiisa, ku lug lahaanshaha Abu-Dhabi ee been-xalaaleynta lacagaha iyo sida Imaaraatka u maal-geliyaan amiirada Qatar ee dibad-joogga ah. Amiir Rashid bin Hamad al-Sharqi, oo ah wiilka maamulaha Imaaradda Fujairah, ayaa maamulayey warbaahinta dowladda tan iyo 16-kii bishii May, markaasi oo uu si yaab leh uga soo degay garoonka diyaaradaha Doha, isaga oo magan-galyo doon ah, oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto. Amiirka ayaa shaaca ka qaaday in xiisad ay ka dhex oogan tahay amiirada Imaaraadka, gaar ahaan ku lug lahaanshaha Abu Dhabi ee howlgallada Milatari ee dalka Yemen. Waxa uu sheegay in amiirada imaaradda Abu Dhabi aysan wax latashi ah la sameyn maamulayaasha Inaaradaha kale, ka hor inta aysan ku biirin dagaalka Yemen. Waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Imaaraati ah oo lagu dilay Yemen ay badankood kasoo jeedaan Imaarado yaryar sida Imaaradda Fujairah. Amniirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay marti-geliso amiiro kasoo cararay dalka Qatar, kuwaas oo ay ka dhigaan amiirada saxda ah ee Doha. Amir Rashid ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay ku lug leedahay been-xalaaleyn lacago loo kala gudbiyo dad uusan aqoon iyo dalalka ay kasoo jeedaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia uu xiriir toosa kala dhexeeyo maamulka Somaliland. Wasiir Cawad oo wareysi gaara siinaayay BBC Al-Arabiya ayaa xaqiijiyay inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland. Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay la shaqeynta maamulada ka jira dalka, waxa uuna cadeeyay in xiriirka ay la leeyihiin Somaliland aysan dayici doonin. “Xiriirkeena Somaliland wuu wanaagsan yahay waxyaabaha jira waxaanu ku dhameyn doonaa is afgarad” Waxa uu Cawad carab ***** in dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay saxdo dhammaan tabashooyinka yar ee jira, sidaa aawgeed ay sixi doonaan waxyaabaha dhiman. Geesta kale, Cawad ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inay qaatan wadahadal si loo saxo fahan xumida jirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Cadale (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno tuulooyin ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, Barakacan ka bilowday Cadale ayaa waxa uu yimid kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen beello wada dega degmada Cadale, islamarkaana dhowr jeer oo hore la isku dayay in waan waan la dhexdhigo. Qof ka mid ah dadka deegaanka degmada Cadale ayaa sheegay in dagaal beeleedkii ka dhacay halkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hadda xaaladda ay tahay mid degan. Dhanka kale wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in tuulooyinka hoos yimaada Cadale ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dadka shacabka, markii dambane Al-Shabaab ay qabsadeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoona halkaasi ka qaatay xoolo. Hoos ka dhageyso mid ka mid ah dadka degmada Cadale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/wareyso-caddalle-maxamed.mp3 Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  11. Afrika waa qaarad sabool ah, waxaa naga saran masuuliyad inaan caawino. Waa hal ku dhig dhagaheenna ku badan kumannaan sawir, muqaallo, boggaga hore ee wargaysyada, idaacadaha caalamiga ah iyo codsiga hayadaha gargaarka lagu ayido. Sheekooyinka hal dhinac laha ah ee lasoo xulo iyo sawirrada qarracanaka wato, iyagoo isticmaalayo, ayay qalbigeenna ku tallaaleen hal sawir oo ay Afrika leedahay kaas oo ah faqri. Balse xaqiiqdu waxay tahay in Afrika ay biisho dunida hodanka ah ee aan iyada la biillin. Afrika waxaa dunida kale kasoo galo $161 bilyan oo isugu jiro kaalmo, deyn iyo lacagaha ay diraan Afrikaanka dibadaha ku nool. Dhinaca kale Afrika waxaa sanad walba dunida kale ka aaddo $203 bilyan. Aan jajabinno caddaadka aan xusnay. Afrika waxaa kaalmo loo siyaa $19 bilyan laakiin intaas saddex laabkeed ($68 bilyan) ayay shirakadaha waaweyn ee ree Galbeedku dibadda ooga bixiyaan si xatooya ah. waxaa ka mid ah qaabka ay lacagtaas ku qaataan ka been sheegid faaiidada ay helaan si loogu dhaafo canshuurta dowladda, ka been sheegid caddadka alaabaha ay soo dajiyaan ama ay dhoofiyaan si aan loo canshuurin iyo siyaabo kale oo wada sharci darro ah. Aqoon la’aanta shaqaalaha, qalab la’aan, xil gudasha la’aanta madaxda iyo musuqa baahsan ee qaaradda ka jiro ayaa sahlay inay shirkadu xadaan adduun sidaas u badan. Shirkad xadayso bilyans sanad walba ayuu madaxweynaha dalka laga xadayo waydiista deyn iyo kaalmo, halka uu raadin xal uu ku ilaashado xoolahiisa. Qurbajoogta Afrika ee ku nool Galbeedka ayaa sanad walba dira lacag dhan $30 bilyan taas oo in badan aan ka maqalno idaacadaha ree Galbeedkuna noogu manno sheeegto laakiin qurbajoogta ree Galbeedka ee ka shaqeeyo shirakadaah ka howl galo Afrika ayaa Galbeedka usoo diro $32 bilyan oo doolar. Midda qurbajoogteennu soo dirto waan maqalnaa laakiin ma maqalno midda dalalkeenna ka baxdo noomana xisaabsano walow ay ka badan tahay midda aan helno. Dowladaha Afrikaanka ah waxaa deyn loo siyaa balaayiin doolar oo loogu manno sheegto walibana shardi looga dhigo in ay talada wax ka siiyaan deyn bixiyaha laakiin caddadka aan u bixinno dulsaarka sanad walba ayaa ka badan deynta aan helno haddana cod kuma lihin mana sheegan karo. Tusaale, sanadki 2015ki Afrika waxaa la siiyay deyn dhan $32.8 bilyan laakiin waxay dulsaar ahaan u bixisay $18 bilyan. Waa in ka badan kalabar deynti ay heshay. $9 bilyan oo kale waxay dulsaar u siisay shirkado iyo shaqsiyaad deymo gaar ah leh. Bixinta dulsaarka ayaa dalal badan ka dhigay kuwo u shaqeeyo dowlado shisheeyo kaliya. Gaana, tusaale ahaan, 30% lacagta kasoo gasho dalkeeda waxay ku bixisaa dulsaarka deynta ay qabto. Dalka Musambiik, halki doolar oo uu helaba waxaa saran 21 doolar. Cilmibaaris kale waxay tustay in halki doolar ee cawimaad loo bixiyaba lagu baddalo siddeed doolar oo miiska hoostiisa la marsiiyo. Hayadaha gargaarku xatooyada nadiif kama aha. Waxaa jiro hayado waaweyn oo ay leeyihiin dowlado gaar ah kuwaas oo maalgaliyo deymaha la siiyo waddamada Afrika iyadoo loo yeelayo waji gargaarka. Tusaale, hayadda UKAID, ayaa bixiso lacago deyn ah oo ay siiso shirkado furayo iskoollo iyo isbitaallo. Ujeedka ayaa ah inay hayaddu bixiso lacagta raasamaalka ah, shirakadaha la siiyayna ay furaan adeegyo anfaco dadka deegaanka. Laakiin shirkadaha furo adeegyadaas iyo hayadda maalgalisayba waxay rabaan inay wax usoo noqdaan taasoo keentay in la tahli waayo adeegyadoodi. Waddamo badan oo ay ka mid yihiin Yugaandha iyo Kiinya ayaa albaabbada u laabay iskoollada sidaas lagu furay ka dib marki la arkay inay dhiig-miirati yihiin. Intaas waxaa dheer kheyraadka sidiisa lagu xado sida macdanta, dahabka, dhirta iyo kalluunka. Isku dar kheyraadka ay xadaan shirkada shisheeyo ayaa lagu qiyaasay $32 bilyan sanadkiiba. Sidoo kale, $36 bilyan ayaa lagu qiysaasay lacagta Afrika magdhow ahaan ooga heli lahayd shirakadaha ree Galbeedka ee wasaqeeyo hawadeeda. Waddamada kale waa qaataan magdhowgaas laakiin Afrika cidna ma siiso iyaduna ma doonato, inaysan warba u hayna laga yaabo. Dadka boobayo qaarada Afrika maahan caddaan iyo Aasiyaan kaliya ee Afrikaan badan ayaa dhinacooda ka wado xaalufinta qaaradda. Waxaa jiro 165000 oo ah Afrikaan aad maalqabeen u ah. Hantidoodu marki la isku daro waxay gaaraysaa $860 bilyan. Hasa ahaatee xoolahooda waxaa ka faaiido ree Galbeedla, Afrikana waxay ka qaadaan mooyee wax badan kuma caliyaan. Tusaale, sanadki 2014ki $500 bilyan oo ay leeyiin maalqabeennada Afrikaanka ayaa taallay malja’yada canshuuraha (tax heavens) oo ah jasiirado uu maamulo Ingriisku. Lacagtaan waxay ka shaqayn lahayd qaaradda dhexdeeda. Waxaa lagu maalgalin lahaa adeegyada bulshada ee kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha. Waa lacag haddii ay tujaartaas qaaradda galiyaan looga maarmi lahaa maalgashi shisheeye. Nasiib-darro waxaa ka faaido ree Galbeed kaliya halka dadka laga dhex tabcay qaarna laga xaday ay gaajo la ildaran yihiin Maxaa xal ah Xalka dhabta ah wuxuu gacanta ugu jiraa madaxda Afrika. Laakiin uma socdaan inay xal u helaan mushkiladda qaaradda haysato. Marka waa inaan u cabannaa kuwa aan ka cabanayno si ay dhibka noogha khafiifiyaan kolleey naga deyn mahayeene. Midda ugu horrayso waa in qaaradda Afrika laga raabaa suuqa xorta iyo u oglaanshaha shirakadaha shisheeye inay u tartamaan mashaariicda dowladaha Afikaanka ah waayo malaha awood iyo aqoon ay isaga eegaan heshiisayada ay galayan kulana xisaabtamaan shirakdaha waaweyn ee ay leeyihiin dowladaha waaweyn. Arrintaan Afrikaanka dhexdooda xataa dhib ayay isku hayaan, tusaalana waxaa kuugu filan in shirkadaha Kiinya iyo Itoobiya ay si siman kula tartamaan shirkadaha Soomaaliya mashaariicda lagu hormarinayo Soomaaliya. Qoloba qoleey ka daran tahaye, innagu waxaan ugu hoosaynaa Afrika xagga awoodda iyo aqoonta sidaas darteed inaan galno hsehiisyo caalami ah oo muddo dheer soconayo waqtigaan waxa laga dhexli doono waa waxa haysto qaaradda inteeda kale. Labo deeqaha la siiyo qaaradda Afrika waa in loo arkaa magdhow laga siinayo xoolahooda la boobayo ee aan laga dhigin cawimaad iyo kaalmo abaal wadata. Ugu danbayna waa in xal loo helaa malja’yada canshuuraha ee lagu qarsado lacagaha laga soo xado Afrika si qaaraddu u hesho maalgashi dadkeedu leeyahay. Dhabta ayaa ah in Afrika oo adduunka uga diiwaan gashan culays gacanta lagu hayo ay tahay midda lagu dul noolyahay ee biisho caruuraha raaxada ku nool. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  12. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Brussels ee caasimada dalka Biulgimka ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasi Cali Khaliif Galeydh. Kulankaan ayaa sida la sheegay waxaa codsaday Madaxweyne Farmaajo in uu la qaato Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif. Kulanka ayaa qaatay saacado badan waxaana looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo Soomaaliland. Kulanka kadib Faysal ayaa la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay in guul uu ku soo dhamaaday kulankii dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo. “Runtii Madaxweynaha isaga ayaa naga codsaday kulanka waana ka aqbalnay, waxaan u sheegnay in xilligan aanan loo baahneyn dhibaato, waxaanu siinay aragti waalidnimo, maadaama aan ka weyn nahay, waxaanu ka codsanay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, nabada ayaanu ka shaqeynaynaa, Farmaajo hadii uu diyaar u yahay horay u socod haka furo Hargeysa Safaaradda Soomaaliya.”ayuu yiri Faysal. Madaxda Soomaalida ayaa ka qeeybgalay Shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay Brussels . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Farmaajo Feysal iyo Galeyr oo ku Kulmay Brussels appeared first on Puntland Post.
  13. Munaasabad ay maanta ku qabatey magaalada Garoowe BBC Somali waxay abaalmarino ku gudoonsiisay hablo ku tartamay gabayadda hal abuurka gaar ahaan kuwa galay kaalmaha 1aad,2aad iyo 3aad, waxaana kaalinta 1aad gashay Gabadh magaceeda la yiraahdo Shukri Jaamac Ibraahim oo ka timid magaalada Bosaso. Kaalinta 2aad iyo 3aad waxaa galay labo gabdhood oo magacyadooda la yiraahdo Nimco Xasan Tooxyare oo gashay kaalinta 2aad iyo Miski Warsame oo gashay kaalinta 3aad. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Xubno ka tirsan gollihiisa Wasiirada,Siyaasiin,Musharaxiin iyo Tafatiraha guud ee Laanta Afsomaliga BBC ayaa ka qeybgalay xafladda gabdhaha lagu gudoonsiiyay abaalmarinta. Tan iyo Intii uu noqday Tafatiraha guud ee BBC Somali Cabdulaahi Sheikh Cabdirasaaq waxaa kusoo kordhey Laanta Af somaliga barnaamijyo wax tar u ah bulshada oo uu ka mid yahay tartanka hablaha hal abuurka, waxaa kale oo BBC iska dhex arkey dadka Puntland oo muddo ku dhaw 7 sano aan iska dhex arag ka dib markey ku yeesheen wakiil toos ah oo uga soo warama Gobolladda Puntland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:-Bbc Somali oo Abaalmarin gudoonsiisay 3 hablood oo ku tartamay Gabayo. appeared first on Puntland Post.
  14. WASHINGTON [07/18/18]—U.S. Senator Tina Smith (D-Minn.) led 21 of her Senate colleagues—including fellow Minnesota Senator Amy Klobuchar—in urging the Trump administration to extend humanitarian protections for hundreds of Somali nationals who have taken refuge in Minnesota Source: Hiiraan Online
  15. Brussels (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa wadahadal xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Brussels ee dalka Biljamka. Wada hadalkaan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay wada hadalka labada dhinac iyo sidii ay ku heshiin lahaayeen, sida loo qeybsanayo deeqaha iyo sidii loo xalin lahaa Dagaalka Takuraq ee madada badan la isku hor fadhiyo. Feysal Cali Waraabe oo u waramayey idaacadda BBC Somali ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac isla markaasna wax kasta miiska korkiisa lagu dhameeyo. Feysal Cali Waraabe oo la waydiiyey waqtiga dib loo bilaabayo wada hadalka ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen in si dhaqso ah loo bilaabo. Sidoo kale mar wax laga waydiiyey dagaalka Takuraq ayuu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu isaga lug ku leeyahay dagaalkaas, wuxuuna Feysal sheegay inuu Farmaajo ka dhaartay inuusan dagaalkaas wax lug ah ku laheyn. Wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka Takuraq isla markaasna dooda taagan lagu dhameeyo si wada hadal ah. Feysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey inaan shirka marnaba lagu soo hadal qaadin magaca Somaliland marka deeqaha la yaboohayey oo lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa ku dooday inay iyagaba Somalia ka mid yihiin isla markaasna ay qeybtooda rabaan. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga wadahadlo sidii dhaqaalaha soo qeybsan lahaa isla markaasna ay Somalia waligood wax la qeybsan jireen. Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo ka wada hadleen qeybsiga dhaqaalaha isla markaasna ay wax badan isla meel dhigeen. Wuxuu intaa sii raaciyey “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay”. Isagoo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos loo weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay “Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya”, laakinse mar labaad markii su’aasha lagu celiyey ayuu yiri “annagaa Soomaali isu keennay, annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaado, NFD ha timaado, Ogaden ha timaado, bal markaa na waaya, laakin inta intaa lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, innagu dadka waan isku keennay”. Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen “innagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii xabaal wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray” ayuu yiri. Haddaba halkaan hoose ka daawo Wareysiga Waraabe oo dhameystiran: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Djibouti would be prepared to pay DP World compensation of “more or less half a billion dollars . . . as early as next week” to settle a dispute over control of the city’s Doraleh container terminal. In an interview with the Financial Times, Aboubaker Omar Hadi, chairman of Djibouti Ports & Free Zones authority, rejected talk of arbitration to settle a long-running dispute over the most modern port in east Africa, saying that DP World had to accept it was no longer involved in running the facility. “For us arbitration is over,” he said. “They have to sit down with us, take their money and go.” Last week, Djibouti opened the first phase of a $3.5bn free trade zone in which China Merchants Group and Dalian Port Authority have a stake. DP World, a Dubai-based ports and logistics company, said the new facility was in violation of its exclusive 30-year concession to run Doraleh and warned that it was considering legal action. DP World said in a statement: “This is yet another clear example by the Djiboutian government of violating its contractual obligations and the rights of foreign investors.” In February, Djibouti seized Doraleh after accusing DP World of deliberately under-using the port in favour of other regional terminals, including Berbera in Somaliland, which DP World also runs. “They were trying to control more and more ports in the Red Sea,” said Mr Hadi, adding that DP World had shown no interest in using Doraleh to its full capacity. “That’s when we started saying there’s something wrong here,” he said. Both Doraleh and Berbera are on the Red Sea, a narrow waterway separating the east coast of Africa from the Gulf and a thoroughfare for 30 per cent of world shipping cargo. Mr Hadi said that the amount of compensation Djibouti was prepared to pay was subject to detailed calculations, but would be based on the net present value of DP World’s annual profits and dividends over the remaining 20 years of the concession. DP World refused to comment. In the past it has rejected accusations that it purposefully starved Doraleh of traffic, saying it had consistently argued that the region needed several competing ports. Last year, DP World won an arbitration case against Djibouti, which had claimed it had paid bribes to win the original concession. The dispute between Djibouti and DP World is part of a wider strategic manoeuvring in which several countries and companies are jostling for shipping routes. Djibouti, wedged between Eritrea and Somalia, has marketed itself as a base for both cargo shipments and military bases, part of whose rationale is to fight piracy in the waters off Somalia. The US, China, France and Japan all have military bases in Djibouti within a few miles of each other. Landlocked Ethiopia, the second-most populous country in Africa with 105m people, also needs access to ports. It has expressed an interest in swapping shares in its airline and telecoms companies in return for a stake in Doraleh, something Mr Hadi said Djibouti had accepted in principle. In May, Ethiopia took a 19 per cent stake in Berbera port in which DP World holds a 51 per cent stake. The self-declared-independent government of Somaliland has the other 30 per cent. This month, Ethiopia concluded a peace agreement with Eritrea, bringing to a close 20 years of hostility and giving it access to Assab and Masawa ports, also on the Red Sea. Source: – Financial Times
  17. Ambassador of Kuwait to the European Union, NATO, Belgium and Luxembourg, Jasem Al- Budaiwi, has announced that Kuwait is to host a Donors Conference in Support of Education in Somalia. “We, in Kuwait, firmly believe that education is one of the most important, if not the most important tool, in combating extremism, terrorism, and poverty,” he said speaking in a Forum on Somalia Tuesday evening. “This conference in Kuwait, will serve as a cornerstone to secure the future generations of Somalia, and we call upon the international community, to join our efforts and actively participate in it. Once you educate a child, you educate a generation,” said Kuwait’s top diplomat in Brussels. Al-Budaiwi noted that this Forum is an “excellent opportunity for the international community to renew its commitment to supporting Somalia’s stability and development. ” “Together, my friends, we will continue the efforts of the United Nations in supporting Somalia’s transitional phase in every aspect. We have a responsibility towards the Somali people and they need to feel our commitment on the social and economic levels, and in their day to day life,” he stressed. He pointed out that in 2017 only, the State of Kuwait provided USD 50 million in response to international calls to support the humanitarian situation in Somalia. Furthermore, Kuwait has provided USD 1.5 million in agricultural technical assistance, as well as grants worth USD 28 million allocated to airport development. In addition, the Kuwait Fund recently decided to ease the debt burden of Somalia.
”Now is the time to switch from crisis mode to investment mode in Somalia,” he added. Source: KUNA
  18. A high-level gathering of representatives from the Somali government and the international community, including the United Nations, ended in Brussels with renewed commitment to support the Horn of Africa country’s progress in a range of areas, such as state and peace-building efforts. Somali Federal Government for the first time has held discussions with religious groups and urged them to take part in the fight against Al-Shabaab, who lately have increased the attacks against the government. Officials from 58 countries and six international organisations were present for the adoption of the so-called Mutual Accountability Framework of the New Partnership for Somalia (MAF) at the Somalia Partnership Forum, to be implemented over the next six months. The MAF details the joint commitments of Somalia and its international partners in the areas of political reforms, security, economic development, and recovery and humanitarian assistance, as the country rebuilds after decades of armed conflict and climate-related shocks. “Somalia opens a new chapter of its history, with the potential to fundamentally transform its future,” the UN Political Affairs chief, Rosemary DiCarlo, said in a session ahead of the MAF’s adoption. The Under-Secretary-General added that the country’s security transition plan – which allows for Somalia to gradually assume responsibility for security across the country, including progressively transferring tasks from the African Union Mission in Somalia, AMISOM – represents remarkable progress in Somalia’s state building process Ms. DiCarlo praised Somalia’s political leaders, many of whom were present at the forum, while noting that the implementation of the MAF’s commitments would not be possible without the allocation of adequate financial resources. The MAF provides for Somalia and its international partners to agree on and take stock of progress in jointly achieving key objectives to strengthen the country’s state-building and peacebuilding processes. It is considered a bedrock of partnership for the country’s development. “The United Nations is fully committed to Somalia’s future, and will support implementation of the plan,” Ms. DiCarlo said, also stressing that the world body will work closely with the African Union and all other partners. The UN official flagged that over the next six months Somalia will need to advance its preparations for the ‘one person, one vote’ elections in 2020-2021 and the constitutional review process, and ensure solid agreements are in place regarding the allocation of powers and resource-sharing between the central government and federal member states. The political roadmap, Ms. DiCarlo highlighted, will also need to provide for gender-inclusive politics, and a significant engagement with civil society and private sector actors. Organized by the Federal Government of Somalia, the European Union and Sweden, the Forum is a recurring international gathering to promote peace and development processes in the Horn of Africa country. This week’s forum follows on from gatherings held in London and Mogadishu over the past two years. Another high-level meeting will be held in six months’ time to take stock of the outcomes of the Brussels meeting. Source: UN News Centre
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu oggolaaday in Ciiddamo aan tiradooda la sheegin loo soo dirayo Somalia, kuwaasi oo uu dhawaan Tababar ugu soo xiray Xarunta Tababarka ee Taaageerida Hawlgalladda Ammaanka oo ku taalla Degaanka Singo ee Degmadda Nakaske ee dalkaasi. Jeneral Muhoozi waxa uu tilmaamay in Kooxda Ciiddamadda Dagaalama ee (Battle Group 25) ku biiri doonaan Hawlgalka AMISOM ee mas’uulka ka ah Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia. Guutadaasi waxaa Taliye u ah Kolonel Paul Muwanguzi, Waxaana Kuxigeenkiisa noqonaya Kolonel CK Asiimwe. Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay soo diraysaa Ciiddamo kale oo ka madax bannaan kuwa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddamo Khaas u ah Ilaaladda Xarumaha DFS, kuwa QM iyo Gelbinta Madxda Sare ee DFS iyo kuwa Hay’ddaha QM ee ku sugam Somalia. Ciiddanka Ilaaladda Xarumaha DFS iyo kuwa QM waxaa Taliye loogu soo magacaabay Kolonel Stuart Agaba, halka Ku-xigeenkiisa loo magacaabayGaashaanle Edward Mugisha. Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay Akhlaaq Wanaag iyo inay daacad u noqdaan Hawlgalka loo dirayo, isla marfkaana ay hoos u dhigin Sharafka dalkooda. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 6,000 oo Askar ka socota Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waana Waddanka ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia, marka loo eego Dowladaha kale ee Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Suchitra Durai iyo wafti ay hogaaminaysay. Waxayna ka wada hadlayn xiriiirka qotada dheer ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan labada dawladood. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Hindiya ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa iska xaal waraystay xaaladaha labada wadan iyo xiriirka wadashaqeneed ee ka dhaxeeya, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya, si shacabka labada dal ay u kala faa’iidaystaan. Suchitra Durai ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre u sharaxday qorshaha ay dawladda Hindiya doonayso in ay kula shaqeyso Soomaaliya, sidoo kalena waxay u soo bandhigtay mashariic dhowr ah oo ay dawladda Hindiya ka hirgalin doonto Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay kulanka ku weheliyeen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir Dawlaha Arrimha Dibadda ayaa madaxda Hindiya ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya ula shaqeyaan, waxayna ku dhirigaliyeen shaqooyinka horumarka leh ee ay ka wadaan dalka.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmo ka hor Agaasimaha guuda ee NISA uu shaqo ka joojin ku sameeyeey Laba ku xigeenadiisa ah ,kuwaas oo kala ah:Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamad oo mudo ahaa Taliye-ku-Xiggeenka Dhinaca Sirdoonka NISA iyo G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur Jaamac. Labadaba waxaa hadda lagu haystaa inay ku takrifaleen awoodda hay’adda. Agaaimaha Nabdasugidda ayaa waxaa uu labdodababa ku sameeyey shaqo ka joojin, waxaana la sugayaa inuu madaxweynaha xilalka ka xayuubiyo si loo maxkamadeeyo. S/Guuto Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa loo haysataa edeymo badan oo saldhigoodu yahay inuu siduu rabo u isticmaalay awooodda xafiiska, waxaa kaloo loo tiiriyey inuu lug ku lahaa qarraxyo magaalada ka dhacay iyo ka ganacsi dadka la soo xeray ama la daayey. Sido kale G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur ( Jaamac ) oo ahaa Taliye xigeenka Dhinaca Maamulka iyo Maaliyada NISA ayaa lagu eedeeyey arrimo ka mid yihiin: musuq maasuq, qaatayna hantida Hey’adda, taas oo uu u isticmaalay si gaar ah, dilal iyo qaraxyodad ay ku la’deeen. Warar kale ayaa sheegaya in raggaas la maxkmadeyn rabo suuragalna ay tahay in la geeyo maxkamadda cidamada qalabka sida si luu xukumo iyadoo u cuskaneysa khalkhal gelinta amaanka. Labada taliye xigeen ee xilka laga qaaday ayaa ka hor imaaday xil ka qaadista lagu sameeyey iyagoo ku andacoonayo inuusan taliyaha awood u laheyn inuu xilka ka qaado. Wararka qaar ayaa sheegayo in xil ka qaadistaas uu ka dambeeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sida uu dastuurka qabo madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u leh in xil ka qaadista iyo magacaabista dhammaan xilalka ciidamada noocyadooda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Waxaa ka mid ahaa dad sida weyn ugu dhib qabey xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, waayo waxaa ka soo gudbaa saddex Jidgooyo oo kala ah warshadaha, Wadnaha iyo Makka Almukarama hase yeeshee Shaley iyo Maanta waxay ahaayeen Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Waxaa moodaa in uu Dhamaadey Ereygii Kala wareeg oo maalmahaan Magaalada aad ugu soo batey. Saakey waxaa Dhagaheyga ku maqaley Haweeney la Hadley Haween kale waxay tiri “Muddo Labailood isma anaan arag Calashaan wadooyinka Xiran marka walaal Wadooyinkii waa la furey ee Jimcaha soo socota Aniga ayaa ii Marti qaadan tahay” Tii kal waxay leedahay. “ Aleyle Waa farxad iyo Reyntey mar hadii ay Dowladii Jidgooyadii ay qaadey marka waxaan ku leeyahay “ Ibna aadan is waayey Jid gooyaa kala geysey walaal waa inoo Jimaca hadii uu Eebe Idmo “ Ma yara dadka Dhibaatada ka soo gaartey Xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.. Sidoo kale Saakey Quraacdii waxaa la ii keeney Khudaar aan mudooyinka aan Cunin markii aan weydiiyey Saaxiibtey waxay tiri “Wadooyinkii baa la furey marka waxaana Magaalada soo galey Gawaari fara badan oo sida Khudaar waxaa ka sii daran Khudaarta aad bey u jabtey Nus Doolar baad ku xaabsaneysaa intaas oo Khudaar kala duwan.“ Furnaanshaha Wadooyinka waxay sahashey in Bukaanada ay gaaraan Goobaha Caafimaadka sidoo kale Dhaqaatiir Xarumahood oo mudo Dhowr Bilood ah aysan soo fariisan Wax bukaan ayaa shaley iyo Maanta waxaa Buux dhaafiyey dad Bukaan ka dib markii ay waayeen meel ay u maraan Isbitaalada. Xirnaanshaha wadooyinka waxay kaloo ay saameeyn ku yeeshee Goobaha Waxbarashada , mar aan la Xiriirey Mid ka mid Macalimiinta Jaamacadaha Magaalada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arkoo Furnaanshaha Wadooyinka waxaana uu yiri “ Maalinkii waxaa Dhigi jirey ilaa Afar Xiisadood oo Casharo ah , waxaana ku soo uruurey intii ay Wadooyinka Xirnaayeen in aan Maalinkii aan dhigo Hal Xiso sidaa Darteed waxaan Dowlada uga mahadcelinayaa in ay Fududeysey Isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka. Xirnaanshaha Wadooyinka waxay iyana aad u saameysey Suuqa Weyn ee Bakaaraha ,waxaana Suuqaas maalin kasta u Dukaameysi Tagi jirey ilaa Kumanaan Qof oo ka kala Imaan jirey Daafaha Magaalada, hooyo Bacadle ku leh Bakaaraha ayaa iyana Tiri” Bilooyinkii ugu dambeeyey waa nala Ceejiyey, sidaa darteed Shaley maanta Suuqa Waa Shab Shab”. Saameynta kale ee Xirnaanshaha Wadooyinka waxayna iyana ku imaaneysey Dadka qabsanaya Aroosada , waxaa la arkeyey intay Xirnaanayeen Wadooyinka Gawaari galbineysa Aroos oo loo diidey in ay Gudbaan waxaana Qofka aroosaya ka bixi jirtey Laba Kharasha oo a, kharashka Kala Wareega Gawaarida waxaa la arkayey Gabar Aroosad ah ooTaaj-ka u Xiran yahay oo Goyneysa Wadada si ay u raacdo Gawaarida kale ee Dhinaca kale ku Diyaarsan ee Kala Wareega sidaa Darteed Shaley iyo Maanta Gawaarida Aroosyada sida si Faraxd leh ayey ugu Baashaalayaan Wadooyinka.Waxaana Shaley iyo Maanta ay Wadooyinka ay ahaayeen kuwa BALI BALI AH AMA KU DUR DURI. Ugu Dambeyn Shacabka Muqdisho weli waxaa u Taagan far , waxay Dowlada Federaalka ay ka Codsanayaan in dib loo Furo Wadooyinka Xiran ee Jid cadyaasha iyo kuwii la Xiray laga soo Bilaabo Xiligii Ramadaanka marka waxaa ka rajeyneynaa in Dowlada ay u Dheg raariciso Codsageena , sidoo kale waxay Shacabka soo jeediyey in Dowlada la Timaado Siyaasad Hufan oo Amniga lagu sugayo W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa mucaarad aad u adag oo kaga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale. Waxaan warbixintaan ku eegeynaa mucaaradka ka jira Soomaaliya iyo haddii uu yahay midkii saxda ahaa ee dan ugu jirto shacabka iyo Dalka. Mucaaradka sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inuu dowladda tuso qaladaadka ay leedahay isla markaasna uu soo bandhigo qaabka loogu gudbi karo iyo sida uu xalka ku jiro. Taas badalkeeda mucaaradka ka jira Soomaaliya wuxuu xoogga saaraa arrin midaas ka duwan waxayna u kala baxaan laba qeybood: Qeybta 1-aad: Xil doon Qeyb ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda waa kuwa ay kaliya u muuqato sidii ay ku heli lahaayeen xilal iyo mansab, midaasna waxay keentay inay ka hadlaan kaliya waxa ay iyaga dantooda ku jirto. Mucaaradkaas ayaa faagfaago boogo ay dowladda Soomaaliya leedahay, tusaale ahaan waxaad arkeysaa Wasiirka Arrimaha debadda ayaa tagay Kigali wuxuu soo saxiixay heshiis oo laga yaabo inuu ganacsatada Soomaaliyeed dhibaato u keenoo qof mucaarad ah oo ka hadlay majiro. Balse mucaaradkii waxay ka hadlayaan wiilal 17 jiro ah oo cayaaro soo cayaaray bajaaj baa la saaray ayey leeyihiin, laakiin kama hadlayaan waxyaabaha muhiimka ah oo ay dowladda soo saarto. Kama hadlayaan nidaamka IMF ay dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirto ee sameeneyso iyo dhibaatada ay Soomaaliya u keeni karto balse waxay ka hadlayaan Xasan Cali Kheyre oo cunug oonayo Xambaarsan oo isisoo sawiray. Mucaaradkaas maahan mid dhisayo dalka Soomaaliya iyo mid raadinayo danta Shacabka balse kaliya wuxuu raadinayaa sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ama uu u heli lahaa xilka uu raadinayo. Qeybta 2-aad: Lacag doon Mucaaradka labaad ee ka jira dalka Soomaaliya waa mid lacag doon ah oo kaliya fiirsado sidii uu lacag ku heli lahaa wuxuuna la safanayaan cid kasta oo lacag siineyso, waxayna qeybtaan mararka qaar isticmaalaan laba waji oo laba dhinac lacag uga qaataan. Sifooyinka ay Mucaaradka jaga doonka ah kusoo sheegnay oo dhan way wadaagaan labada qeyb ee uu mucaaradka Soomaaliya u qeybsamo. Waxaan kuwaan tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa Madaxda Maamul Goboleedyada oo dowladda Imaaraadka lacag kasoo qaatay isla markaasna ka hor imaaday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka. Sidaas darteed siyaasiyiintaas waxay ku dadaalaan sidii ay u fulin lahaayeen dalabaadka dowladda Imaaraadka Carabta waxaana kaliya u muuqato lacagtaas ma jirto dan ay ka leeyihiin dowladnimo iyo shacab Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. HARGEISA— A high level delegates from Uganda on Wednesday begins an officials working visit to Somaliland’s capital. The mission was highlighted by a private meeting with the president of Somaliland, Musa Bihi Abdi, at his presidential mansion. This is the first visit embarked to Somaliland by Ugandan parliamentarians and government officials ever since its inception in the 1990’s. The current minister for foreign affairs, Dr. Sa’ad Ali Shire briefed the media on the topics discussed during the meeting between the president and Ugandan delegates. This is the beginning of establishing a bilateral relations between the two countries said the foreign minister as the president has welcomed the delegation to Somaliland. Dr. Said revealed that this is a fact finding delegation from Uganda which will further know the real situation on the ground.
  25. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada. “In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka, wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda doorashooyinka 2020-ka. “Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.” Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi. “Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo gaarista horumarka aan higsanayno.” Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo masuuliyiin kale. Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Wacad ku maray inay Dhageysanayaan Talooyinka Shacabka appeared first on Puntland Post.