Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,373
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabuuti (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo inuu dhaco dagaal dhex maro dowladaha Jabuuti iyo Eereteriya kadib muddo labada wadan ay qaboojiyeen xiisadii u dhaxeysay. Dowladda Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa inay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u dirtay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah dalka Ereteriya. Labada dowladood ayaa waxaa u dhaxeyso xurguf ka dhalatay muran ku saabsan dhul xuduudka ku yaalla waxayna hadda wararka sheegayaa inuu Maxamed Siyaad Ducaale danjiraha Jabuuti u jooga Qaramada Midoobay waraq uu u qoray Guterres ku sheegay in ay doonayaan hannaan nabadeed oo lagu dhammeeyo xurgufta wakhtiga dheer u dhexaysay Jabuuti iyo Ereteriya oo ku muransan dhul xuduudka ku yaalla. Dowladda Jabuuti ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in muranka dhulka xuduuda ku yaalo lagu kala baxo maxkamadda Adduunka ama qaab kale oo dhexdhexaadineed si loo helo xal nabadeed oo u cuntami karo labada dowladood. Dowladda Jabuuti ayaa Eretariya ku eedeysay inay wado daansani isla markaasna ay sii wadaan heysashada dhulkooda waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay wax aan la aqbali karin. “”Ciidamada Ereteriya waxay sii wadaan haysashada dhulka Jabuuti. Maxaabiista dagaalku waa arrin aan wali laga xisaabtamin, waxa wali socota haddidaada ciidamada ee ka imanaysa dhanka Ereteriya, waxaana saraysa halista loogu jiro isku dhacyo mar kale qarxa,” ayuu yiri Maxamed. Danjiraha ayaa Qaramada midobaay si deg deg ah uga codsaday in la keeno farsamo nabadeed oo cusub si loo xaliyo xiisadaan laga yaabo inay gaarto meel halis ah iyo dagaal cusub oo labada dowladood dhexmaro. Waxaa Sanadkii 2010 falshimay dhex dhexaadin ay dowladda Qatar ka dhex sameysay labadooda waxayna arrintaas keentay inay Qatar ciidamadeeda ka qaadato xuduuda lagu muransan yahay. Qatar ayaa ka carootay markii dowladda jabuuti ay si cad ula safatay Isbahesyiga Sacuudiga hoggaamiyo oo xayiraad saaray dalka Qatar. Wixii ka dambeeyey go’aankaas ay gaartay Qatar waxaa kor u kacday halista ah in ay isku dhacaan Ereteriya iyo Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  2. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maantay soo bandhigtay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad ee dugsiyada Sare ee Puntland. Agaasimaha Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Axmed Maxamuud Warsame Axmed Saahid oo akhriyey natiijada Imtixaanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay guul weyn ka gaartay hanaanka Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray dhamaan ardayda gashay imtixaanka ee qalin jabiyey waxaana uu kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan. Halkaan Hoose ka dhegeyso codka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Agaasimaha-waaxda-Imtixaanaadka-wasaaradda-waxbarashada-axmed-saahid.mp3 Puntlandi.com The post (Dhegeyso)Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay Imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Khartoum (Caasimadda Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay baraha Bulshaday qabsaday muuqaal naxdin leh ayaa waxaa arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlay dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya. Maxamed Maxamuud Fiidow oo ah U-qeybsanaha Warbaahinta ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalladda Khartoum oo wareysi siiyey Wargeyska Al-tayyar ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in muuqaalkaas lagu sameeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Fiidow ayaa sheegay inaysan Soomaaliya wax xiriir ah la laheyn Muuqaalkaas waxuushnimada ah ee lagu faafiyey baraha Muqdisho kaasoo ahaaa kufsi loo geystay Gabar. Muuqaalkaas marka lagu baahinayey Baraha Bulshada ayaa waxaa la sheegay inay arrintaas ka dambeeyeen dad kasoo jeedo dalka Suudaan, sidoo kalana waxaa la sheegay inuu falkaas ka dhacay dalka Suudaan dhexdiisa balse arrintaas dowladda waa ay beenisay. Suudaan ayaa tilmaamtay in muuqaalkas lagu sameeyey dalka Soomaaliya isla markaasna aysan Suudaan lug ku laheyn. Labadii Maalin ee lasoo dhaafay dhacdadaan ayaa si weyn looga hadal hayey warbaahinta dalka Suudaan welina Wasaaradda Arrimaha Gudah si rasmi ah ugama hadlin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cameey Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa xubnaha wasiirada loogu qeybiyay xeerka cilmi-baarista denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha daahsoon,maadada denbiga loo adeegsaday,goobta iyo goorta la geystay denbiga. Golaha xukuumadda Puntland ee loo qeybiyay xeerkan ayaa ansixintiisa u ballamay Kulanka xiga ee Khamiista todobaadka soo socda. “Golaha xumuumadda Dowladda Puntland ayaa loo qeybiyay Cilmiga barista danbiyada. Xeerkan oo dalku baahiweyn u qabo ayaa qeexaya habka caddaynta danbiilaha dahsoon,maadada loo adeegsaday,goobta iyo goorta ayay golahu si qoto dheer uga doodeen waxaana loo balamay kulanka xiga ee golaha xukuumadda in lagu meel mariyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee khamiista maanta ah. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo loo qeybiyay xeer ku saabsan baarista denbiyada appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo khamiis ah waxaa maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida xukun ay ku riday askar tiradooda ay gaareyso 18 askari,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qal-qal ka dhex wadeen ciidanka ka tirsan Guutada 14 October iyo in ay gadood ka sameeyeen xarunta Generaal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobalka Banadir. Xerilaalinta ayaa waxaa ay askartan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen boob la sheegay in ay ka geysteen xerada,iyagoona sidoo kale sheegay in cadeeymo arimahaasi ku saabsan ay ka hayaan. Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askartan lagu soo eedeeyay in ay wax ka ogaayeen hub la sheegay in la gala baxay xerada Generaal Gordon iyo in ay qal-qal ka dhex abuuri rabeen askarta ka tirsan Guutada 14 October oo la as aasay Qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale askartaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay arrimo qabiil ka dhex wadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya taasoo lagu qalqal gelinayey ciidamada. Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in Sideed iyo tobankan askari maanta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan. Dhawaan ayay aheyd markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay,iyadoona maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalbka sida ay askar ku xukuntay in arintaasi ay wax ka ogaayeen. Ciidamadani waxay kala yihiin: 1- Xuseen Baashi Cawad Canshuur 2- C/wali Ibraahim Maxamed Xasan 3- Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur 4- Ismaaciil Saciid Muuse Xiir 5- C/wali Faarax Ismaaciil Maxamuud 6- C/shakuur Maxamed Xirsi Cali 7- Fatxi Aadan Cali Yuusuf 8- Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige 9- C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne 10- Maxamed Axmed Dhalac Cabdi 11- C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi 12- C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise 13- Daahir Maxamuud Gurxan Cali 14 – Axmed Jaamac Siid Cali 15- Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac 16 -Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi 17 -Cali Maxamed Abyan Cilmi 18- iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac. Askartan ayaa ku dooday 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo hore loo ruqseeyay markii xilli Ramadaan ah ay isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. A total of 450 undocumented migrants were held across Turkey on Thursday, according to security sources. In the northwestern province of Edirne, 102 migrants were rounded up in Yenikadin, Orhaniye, Bosnakoy and Meric districts, said the coast guard sources, who asked not to be named due to restrictions on speaking to the media. The migrants were from Egypt, Iraq, Libya, Somalia and Pakistan. In the northwestern port city of Canakkale, 39 in a sinking rubber boat were rescued by the Turkish coast guards. Separately, 302 undocumented migrants — including Afghan, Pakistani and Bangladeshi nationals — were rounded up in Ipekyolu district of eastern Van province after they attempted to illegally enter Turkey, the sources said. Turkey has been a main route for refugees trying to cross into Europe, especially since 2011 when the Syrian civil war began. Among the migrants held in 2017 in Turkey, the majority came from Pakistan — around 15,000 — followed by Afghans at around 12,000. Syrians totaled about 10,000. There has been a 60 percent increase in migrant flow since 2016. The number was 31,000 in 2016. The post Somalis among 450 undocumented migrants held across Turkey appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Doha (Caaimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay wado dadaal ay dhaqaale badan ugu raadineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hormariyo dadka iyo dalka. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo. “Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad “In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar. Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya. Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”. Hadalka kasoo yeeray dowladda Qatar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro loolan u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya. Isbaheysiga uu hoggaamiye Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada sida ay hadalka u dhigeen. Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay inay dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadato Khilaafka dowladaha Khaliijka halka Imaaraadka ay ku dadaaleyso inay Soomaaliya xiriirka u jarto dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
  8. Maamulka Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq ayaa warbixin kasoo saarey koox ay sheegeen magac been abuur inay ku isticmaalayaan magaca Towfiiq General Trading kuwaas oo qandaraasyo kaga qaata dowladda Puntland,Hay,addaha samafalka iyo Kuwa caalamiga ee fadhigoodu yahay deegaanada Puntland. Maxamed Axmed Muuse madaxa suuq-geynta iyo ganacsiga Shirkadda Towfiiq oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay jiraan dad si sharci daro ah ugula macaamila Dowladda Puntland iyo Hay,addaha kale magaca Shirkadda Towfiiq General Trading. “Waxaan ku ogaanay dad ka cabanaya mashaariic lagu qaatay magacayagga oo qaarkood xafiiska noogu yimid,qaarna ay telefonada naga soo wacayaan,iyadoo aysan shirkadda Towfiiq ka galin wax dembi ah laakiin aan ku qancin weynay cid kale inay isticmaashay magaca,arrintaas oo ah dembi dhinaca sharciga caalamiga iyo dhaqanka suuban” Ayuu yiri Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Towfiiq. Maxamed Axmed Muuse ayaa ugu baaqay Hay,addaha Caalamiga sida kuwa UN-ka,NGO’ska iyo Dowladda Puntland inay iska hubiyaan isticmaalka magacaas been abuurka, wuxuuna sidoo kale farey kooxda isticmaasha magacooda inay samaystaan magac u gaara oo ay leeyihiin islamarkaana ay ka waantoobaan magaca shirkadda Towfiiq General Trading. Shirkadda Towfiiq waxaa la asaasay sanadkii 1992-dii, waxayna ka mid tahay shirkaddaha waaweyn ee fara ku tiriska oo ka jira dalka Soomaaliya. Abshir Dhiirrane PUNTLAND POST. The post Shirkadda Towfiiq oo ka digtey sifo sharci dara oo loogu shaqeysto magaceeda appeared first on Puntland Post.
  9. The State of Qatar has invited the international community to join forces to find radical solutions to the crisis in Somalia so that it can maintain its sovereignty and achieve national reconciliation, noting the efforts and concrete steps taken by Somalia at all levels for the benefit of the Somali people. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) – Shirkii dhawaan ku soo dhammaaday dalka Belgium-ka xaruntiisa Brussels waxa uu ahaa mid wajiyo badan. Bilowgii shirkaas waxaa dhacay wax aan la fileyn sida in ay madasha ka dudeen waftdigii Jubbaland ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madobe iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo gacan qaaday madaxweyne Farmaajo. Hadaba, waxaa baraha bulshada qabsaday sawiradda ay Faysal Cali Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh la galeen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dad badan oo ka mid kuwa adeegsada baraha bulshada ayaa midba si gaar ah uga hadlayey walow la’isku raacsanaa hal arin! Maxay tahay? Faysal Cali Waraabe ma aha shaqsi ay siyaasadiisu saadaalin gasho ama fadhiso! Hase ahaatee, waxa uu kulanka isaga iyo Farmaajo uu u diray farriin dhallinyarada Somaliland taas oo ay hore isaga indha iyo dhaga tiriin! Ma aha arin cusub in siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee gooni u goosatada ah ay la kulmaan kuwa dhiggooda ah ee Koonfurta, waxaa dhacday in ay madallo badan isugu yimaadaan iyaga oo ay ka muuqato saaxiibtinimo iyo muxubo badan, waa arin taban in hormuudka Soomaaliyeed sidaas isugu soo hirtaan, yeelkeede, maxaa loo qaldaa oo loo marin habaabiyaa jiilka cusub, gaar ahaan kuwa Goboladda Waqooyi? Siyaasiga Somaliland marka uu Hargeeysa joogo waxa uu ku beeraa jiilka soo koraya ee Somaliland cabsi “Apprehension” ku saabsan Koonfurta isaga oo isugu dara run iyo been. Yeelkeede, taas oo ay jirto isla siyaasiyiintii cuqdadda ku abuurayey bulshada ay matalaan iyaga oo ku meelmarinaya siyaasadooda kala qeybtinta jiilalka aan dhalan markii uu dalka ka dhacay dagaaladdii sookeeye ayaa isla iyagii Hotel-lada 5 Star-rada ah kula khaxweeyaya madaxda ay shaarica ku muujiyaan in aysan wax wadaagi karin! Tusaale, bilowgii sanadkii 2017, waxaa Hargeysa lagu xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo lagu eedeeyey maxaad Muqdisho u booqatay oo isula sawirtay Madaxweyne Farmaajo. La yaab, Faysal Cali Waraabe waxa uu si shaaric ah wareysi uu siiyey Universal Tv ku yiri: “Dowladdan (Somaliland) waa daciif ee anigu waan toogan lahaa!” Waxa uu ula jeeday Coldoon oo uu ka xumaaday in ciqaabtiisii lagu koobay xarig! Faysal sidoo kale waxaa laga hayaa “Wiilka Soomaaliya ku dhasha waxaa nooga dhaw midka ku dhasha Itoobiya! Ku darso Faysal waa ninkii yiri: “Qofkii Soomaaliya laga maqlo carrabka halaga gooyo! Haka reebin! Markii ay fanaanadda Xamda Yar timi Muqdisho waa kii lahaa “Gabdhaha yar yare e Somaliland ka taga ee Muqdisho aada Facebook ka caawa”! Hadaba, soo a aha farriinta Faysal ee ah la fiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan in ay ku cibro qaataan dhallinrada Somaliland? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Cadan (Caasimadda Online) – Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi ayaa sheegay inay Yeman ka badbaaday hal arrin oo ay kala mid noqon rabtay Soomaaliya. Madaxweyne Haadi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da xilli uu ku sugnaa Magaalada Cadan ayaa sheegay inay Somaaliya kala mid noqon lahaayeen amni darada iyo xasilooni la’aanta haddii aysan garab ka heli laheyn Isbahaysiga Sacuudiga. Hadalkaan ayuu Haadi sheegay kadib markii la waydiiyey su’aal aheyd haddii uu ka shanleynayo adeegsiga iyo faragelinta dalkiisa ay ku sameeyeen Isbaheysiga Sacuudiga wuxuuna ku jawaabay ” Maya, kama shanleynayo sababtoo ah haddii aanan garab ka heli laheyn isbaheysiga Sacuudiga waxaan noqon laheyn Soomaaliya oo kale” Wuxuu sheegay inay dalka Yeman ka dhici lahaayeen Dagaallo Sokeeye, sida kan Somalia ragaadiyey tan iyo sannadihii 90-aadka ee Qarnigii hore, waa sida uu hadalka u dhigay. Isbaheysiga Sacuudiga iyo Dowladda Yeman ee uu madaxweynaha ka yahay Haadi ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qeybo kamid ah oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Xuutiyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee duullaanka ku ah jiritaanka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dib dalka ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
  13. As one of the best World Cups ever ends in Russia, football's biggest tournament must now prepare for its most controversial, in Qatar in 2022. Source: Hiiraan Online
  14. Luuq (Caasimadda Online) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in degmada Luuq ee gobolka Gedo ka afduubteen Labo guddoomiye Tuulo, kadib weerar lama filaan ah oo ay halkaasi ku qaadeen. Afduubka ayaa ka dhacay gaar degmada Luuq, iyadoo laba guddoomiye tuulo oo ka tirsan degmada Luuq ay qafaasheen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sidoo kale lala qafaashay wiilal ay dhaleen. Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta la afduubtay uu ka mid yahay Gudoomiyihii tuulada Shaatilow oo lagu magacaabi C/llaahi Kuusow Maxamed iyo guddoomiyaha tuulada Caddaley Axmed Cumar ooo uu wehliyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale ka mida gudoomiyaha tuulada Baakaale wiil uu dhalay iyo gaarigi gudoomiyahaasi, balse gudoomiyaha tuuladaasi la waayey. Dadka gacanta Alshabaab ku maqan ayaa kala ah Laba guddoomiye iyo laba wiil oo ay kala dhaleen guddoomiye ay qafaasheen iyo mid kale oo ay waayeen, waana afar qof. Waxayna arrintan ahayd mid cabsi ku riday dadka degaanka oo ay tahay markii ugu horeysay ee afduub noocan ah ay Alshabaab ku dhaqaaqaan. Tuulooyinka Shaatilow ee degmada Luuq ayaa u jira jirta 18-km, halka Deagaanka Caddiley isna u jiro Luuq u jirta 21-km. Lama oga halka rasmiga ah ee Al-shabaab la aadeen guddoomiyeyaashan, iyadoo lasoo sheegayo in hadda ay howlgallo wadaan ciidamada dowladda federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  15. News from southern Somalia, Gedo region, indicate that that members of the Al-Shabaab militia group have kidnapped two elderly men. Source: Hiiraan Online
  16. Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo wajahayo wadahadalka lagula jiro maamulka Somaliland. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuusan xalka ku jirin sida uu Farmaajo u wajahayo sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay Soomaaliya kasii mid ahaadaan. Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo. Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey mar uu ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka in kulamo iyo wadatashi lala yeesho shacabka Soomaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa la qasbayo ” shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ma rabaan inay Soomaaliya ka go’aan balse waxaa xoog ku heyst oo qasbayo Muuse Biixi, sidaas darteed haloo sameeyo kulamo iyo wadatashi” ayuu yiri Gaas. Cabdiweli Gaas ayaa carabka ku adkeeyey inaysan jirin wax la yiraahdo Somaliland iyo Soomaaliya balse ay Somaliland tahay dhulkii Soomaaliyeed, wuxuu yiri “Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa”ayuu yiri C/weli Gaas. Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweyne Farmaajo uu shalay kulan la yeeshay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr oo matalayey Maamulka Somaliland. labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii deeqaha Beesha Caalamka loo qeybsan lahaa iyo sidii loo xoojin lahaa wadahadalka labada dhinac, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka ka taagan Takuraq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Brussels (Caasimada Online) – Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa sheegay in ay marti-gelinayaan shirka Waxbarashadda Soomaaliya,waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in la kobciyo garaadka Aqooneed Ee Bulshadda Soomaaliyeed. Jasem Al-Budaiwi ayaa Dalalka Caalamka Ugu baaqay in ay Waqtigaan usoo jeestaan sidii loo garab istaagi lahaa Bulshadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in hada diyaar u yihiin in kasoo Kabtaan Dagaaladii Wajiyadda Badnaa Ee Dhex-maray. ” waxaan sii wadi doonaa inaan anigoo Wadajir ah islamarkaana kaashaneeyno , saaxiibada Qaramada Midoobay ee taageeraya Soomaaliya ee dhinac walba ah, waxaanu mas’uul ka nahay dadka Soomaaliyeed, waxayna u baahan yihiin inay dareemaan sida ay uga go’an tahay heerarka bulshada iyo dhaqaalaha, Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa xusay in tan iyo Sanadkii 2017 ay bixiyeen Lacago gaaraya 50-Milyan taasi oo qeeyb ka Aheed jawaaib ka bixinta Baaqyo Caalami ah oo kasoo yeeray Beesha Caalamka ,sidaasi oo ay tahay ayuu’Madaxda dalkeeynawaxaa ay ku kalsoon yahay Bulshadda Soomaaliyeed waana aaminsanahay ineey isku tashan doonaan’’ Hadalkaan ayuu ka sheegay Jasem Al-Budaiwi Magaalada Brussels Ee Dalka Belgium halkaasi oo lagu qabtay Shir dhaqaalle loogu Yabaahay Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Washington DC (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, ayaa maanta ka war sugaya in sharciga magangalayada ee ku meel gaarka ah ee ay ka heleen waddanka Mareykanka in loo cusboonaysiin doono iyo in kale, taasi oo mamulka Trump uu maanta ku dhawaaqi doono. Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday dalaalo lagu dalbanayay in dadkaasi waqtiga loo kordhiyo, oo 21 Senator oo ay hor kacayaayn labada gabdhood ee laga soo doorto gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin inta badan dadkaasi ayaa waxa ay warqad u direen maamulka madaxwayne Trump. Warqaddaasi waxay Senatoradu ku codsadeen in dadka Soomaalida ah loo kordhiyo muddada sharcigooda, iyada oo la eegayo xuquuqda bini’aadamka iyo duruufaha ka jira waddanka Soomaaliya. Maxamuud Muuse Xasan oo looyaqaan BBC oo u ol’oleeyaa arrimaha dadka Somaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka ayaa waraysi uu BBC siisay ku sheegay in dadkan laga hadlayo ay ka mid yihiin kuwo Maraykanka ku noolaa in kabadan 20 sano oo shaqaysta, canshuur bixiya isla markaasna qoysas ku samaystay, waligoodna aan dambi galin. Isha: BBC Somali
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday inay ka shaqeyneyso sida ay Somalia ku heli laheyd amni iyo xasilooni kadib kororka ku imaaday weerarada ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho. Maxamed Ciise Al-suwaydi oo ah Safiirka dowlada Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da, ayaa sheegay in dowladiisa aysan ka raali noqon doonin in maleeshiyaadka Alshabaab ay qasaan amniga Somalia, waxa uuna cadeeyay inay wadaan qorshooyin cusub. Waxa uu safiirka sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaalida iyo dadaalka lagu doonayo in lagu so celiyo Midnimadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia. Maxamed Ciise Al-suwaydi, oo ka hadlaayay shirka lagu soo gabagabeeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay la xaajooto Somalia isla markaana kala shaqeyso sida amniga, dhaqaalaha iyo xasiloonida. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Dowladda Imaaraadka waxay had iyo jeer safka hore kaga jirtay dadaalka Beesha Calaamka ee lagu taageerayo Somalia iyo sidii loo soocelin lahaa Nabadda iyo Deganaansha Ummaddooda wey naga go’an tahay inaan sii wadno dadaalada xalka loogu raadinaayo Somalia” Waxa uu Danjire Maxamed Ciise Al-suwaydi carab ***** in Somalia ay ka taageerayan dhinacyadda Tababarka Ciiddamadda, Dhaqaalaha, Loojistikada, Gargaarka Samafalka iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia. Waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Heshiiskii ay DFS iyo Mamaul-gobaleedyadda kala saxiixdeen bishii December 5-dii ee sannadkii hore, waxa kale oo uu tilmaamay inay taageerayaan qorshaha Horumarinta Qaranka, gaar ahaan sidii Dib-u-habayn loogu samayn lahaa Ammaanka ay DFS ku hawlan tahay. Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjiraha ayaa ku soo beeegmaya iyadoo aan weli la xalinin Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Ethiopia has appointed its first ambassador to Eritrea in two decades in the latest sign of rapprochement after a border war, the state-affiliated Fana news agency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. Farmaajo iyo Abiy Wixii ka dambeeyey booqashadii Raysal wasaaraha Itoobiya uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo war-murtiyeedkii muranka dhaliyey ee ay Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaaruhu wada jirka u qabteen, waxaa jirey doodo iyo falanqaymo ay bulshada Soomaaliyeed ka bixinayeen siyaasadda iyo wadada cusub ee uu Raysal wasaare Abiy Ahmed ku hagayo dalkiisa iyo qorshaha uu usoo bandhigay madaxda Soomaalida ee ay iyana duuduubka u liqeen. Qormadaan iyo dhawr qormo oo kale oo ka dambayn doona ayaa ah taariikh iyo raadraac kooban oo ku saabsan taxanaha Itoobiya dad iyo dal. Ujeedada qormadaan ayaa ah inay kuu fududayso faham kugu filana kaa siiso taariikda dad waynaha Itoobiya iyo xirriikii uu la lahaa bulshooyinkii ku xeernaa ee ay Soomaalidu ka midka ahayd. Dulucda qormadaani maahan mid loogu talagalay inay cadaawad abuurto ama boogo horay u bogsaday ay xanuunkoodii dib usoo celiso, ee waa taariikh iyo taxane ay leeyihiin boqolka milyan ee aynu dariska nahay, loona baahan yahay in loo yeesho dhugmo iyo kasmo dheeraada. BILOWGII TAARIIKHDA IYO HAYAANKII XAAMIYIINTA Sida ay qabaan raadraacayaasha taariikhdu kumanaan sano dhalashadii nabi Ciise ka hor ayay ahayd markii ay ka soo talaabeen badda cas qabaa’il Xaamiyiina oo xoolo dhaqataa, kuwaas oo salka dhigay waqooyiga dhulka iminka loo yaqaan Itoobiya, xeebaha Ereteriya iyo bariga Suudaanta maanta. Qabaa’ishaan oo bah wadaag la ah Soomaalida ayaa la rumaysan yahay inay ka soo kicitimeen buuralayda Qooqaasiya (Caucasus) oo ah dhulka jooga sareeya ee u dhaxeeya badda madow iyo badda Caspianka, sabab aan illaa haddeer la cayimin. Qabaa’ishaan oo ay ka mid yihiin Beejaha, Agoa iyo Saahaha ayaa wali waxaa laga helaa dhulkii aynu tilmaanay. Inkasta oo qabaa’shaani dhaqato ahaayeen aan ilbaxnimo ka samayn dhulkii ay daganaayeen, haddana waxay isir wadaag ahaayeen ilbaxnimadii Kush iyo Nubia ee ka hana qaaday Suudaanta manta, caasimadana ay u ahaayeen magaagaalooyinka Kerma iyo Meroe. Waa ilbaxnimadii uu taariih yahankii waynaa ee Herodotus ee noolaa qarnigii shanaa Ciise ka hor uu ku xusay kitaabkiisa taariikda, ee uu u yaqaanay Itoobiyaankii cimriga dheeraa. DHIDIBBA TAAGGII ILBAXNIMADA IYO HIJRADII SABA’IYIINTA Saddex ilaa siddeed boqol oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise ayaa mar kale waxaa badda cas ka soo tilaabay qabaa’il hayaana oo ka soo kicitimay gobalka Ma’rib ee dalka Yaman. Hijradaan ayaa waxaa loo aanaynayaa dumistii uu dumay biyo xireenkii waynaa ee Ma’rib iyo daaddadkii ka soo rogmaday, waana qisada uu quraanku ka waramayo ee ay suuratu Saba kusoo aroortay. Qabaa’ishaan oo ahaa Saamiyiin ayaa waxay iyana salka dhigeen dhulka jooga sare leh ee waqooyiga Itoobiyada maanta. Xabashida, Tigreega iyo Guraagaha ayaa ka mid ahaa qabaa’ishaas hayaanka ku yimid. Si ka gadisan Xaamiyiintii ay dhulka ugu yimaadeen oo ahaa xoolo dhaqato, qolyahaan dambe waxa ay ahaayeen qodoto dalaga beerta. Waxay ka yimaadeen gobol ay ka jirtay ibaxnimo iyo wax soo saar qodaalka ku salaysan. Markiiba waxay isku fidiyeen dhulkii sare ee beerista iyo qodaalka ku wanaagsanaa, wax yar ka gadaalna waxay noqdeen bulsho isku filan, taas oo u fududaysay inay dhidibada u taagaan dawlad iyo nidaam siyaasadeed bulshada kala haga. Waxay dhiseen dawladdii loo aqoon jirey Axumateka ee saldhigeedu ahaa magaalada Aksum. Magaca Axumate ayuu ahaa magacii loo aqoon jirey boqortooyadii dhulkaas ka talin jirtey kaas oo waagii dambana isu badalay Abyssinia oo ah Xabasha ama Abasha oo ay laatiinku dhawaaqa ka xumeeyey. Magaca Itoobiya ayaan marna loogu yeeri jirin dhulkaan iminka loogu yeero wixii ka horeeyey bilawgii qarnigii labaatanaad. Itoobiya oo ah kalmad giriiga micnaheeduna yahay wajiyadii gubnaa ayaa loo aqoon jirey dhulkii ay ka talin jirtay boqortooyadii iyo ilbaxnimadii Kuush ee aynu kor ku xusnay oo ahaa qayb kamida Masar iyo Sudaanta maanta. Waa dadkii uu Herodotus ku sheegay in ay ahaayeen kuwii ugu quruxda badnaa ugu cimriga dheeraa uguna dahabka badnaa ee uu arko. Eeg taariikhada Herodotus buugga saddexaad. QAADASHADII MASIIXIYADDA Inkasta oo ay jiraan dad ku dooda in diinta Yuhuudu ay horay u soo gashay dhulkaan intii aanay masiixiyaddu soo gaarin amaba aanay imaanin Saba’iyiintu, haddana Xaamiyiintii iyo Saba’yiintii hayaanka ku yimid midkoodna ma uusan lahayn wax diina marka laga reebo inay ahayeen mushrikiin asnaamta caabudda sida laga helay qodaal lagu sameeyey magaalada Aksum iyo aga gaarkeeda. Si kastaba ha ahaatee waxaa la rumaysanyahay in bartamihii qarnigii afraad ay masiixiyaddu soo gaartay boqortooyadii Aksumka. Waxay u badantahay inay ka soo gashay dhanka Masar iyo magaalada Elexenderia. Waxaa jirta qiso la wariyo oo oranaysa in diinta Masiixiga ay ku fidiyeen boqortooyadaan laba wiil oo walaalaa asalkooduna Giriig ahaa, kuwaas oo boqorkii Esana aqalkiisa ka khidmayn jirey. Ka bacdi, qaadashadii diinta Masiixiga laga qaatay aqalkii boqortooyada waxa ay sababtay in dhamaan dadkii lagu xukumo inay qaataan masiixiyadda. Madhabka Yacquubiga ayuu noqday midka ka hirgalay dhulkii xabashida maxaa yeelay Masar ayaa laga haystay madhabkaas. Waxaa Elexenderia looga soo diri jiray baadari noqon jirey midka ugu sareeya diintooda, kolka uu kaasi dhintana ku kale ayaa laga soo diri jirey isla Masar. Caadadaas ayaa waxa ay ahayd midaan is badalin xittaa kolkii islaamku la wareegay Masar. Hawsha ugu wayn ee uu baadarigaani qaban jirey ayaa ahayd duubista boqorka cusub. Haddii uusan baadarigu duubina sharciyadda boqorku ma aysan qumi jirin. Aksum waxa ay noqotay dawlad masiixiya oo si wacan looga yaqaanno caalamkii kale ee masiixiga gaar ahaan Romankii reer galbeedka iyo kuwii barigaba. Boqortooyadii Aksumku kuma ekaan dhulkii xabashida ee waxay u tilaabtay jaziiradii carbeed waxayna qabsatay Yeman oo ay xukumi jireen Ximyariyiin tii. Waxay xukunka ka tuureen boqorkii Ximyarka Dii-Nawaaz ee haystay diinta yahuudda. Waxaa la sheegaa in qabsashadooda Yaman ay ka dhalatay ka dib markii ay sidaas ka dalbadeen dawladdii Byzantinka oo ahayd Roomankii bari ee looga talin jirey Constantinople, si ay ugu hiiliyaan masiixiyiintii reer Najraan oo ciqaab iyo cadaab ba’an ba uu ku hayay boqorkii Ximyarku. Waana qolada ay ku soo aroortay suuratul Ukhduud ee hogagga naartaa lagu guri jirey. Gadaalkii dambana ninkii Yaman qabsaday waa tii uu isku dayey inuu Kacbada dumiyo, ee suuratul Fiil ka sheekaysay. QOYSKII ZAGWE IYO XUKUNKII XAAMIYIINTA Laga soo bilaabo illaa aasaaskii dawladda waxaa talada hayay ilbaxnimadana iska lahaa qabaa’ishii Saba’iyiinta ahaa ee Yaman ka soo haajiray. Faafitaankii masiixiyaddu waxa uu sababayn in diintii ay soo galaan taladiina ay wax ku yeeshaan shucuubtii dhulka loogu yimid. Qabiilka Agowga oo ahaa qabiil tiri iyo tayaba lahaa ayaa noqday dadkii masiixiyadda qaatay markii dambana taladii dalka la wareegay. Agowgu waxa ay Ahaayeen maguurtadii dalka laaogu yimid oo ahaa Xaamiyiin. Waxa ay dhiseen dawlad sal-balaaran sanadkii 900 waxayna talada hayeen ilamaa 1270 kii. Waxay ahaayeen qoladii ugu horaysay ee dawladnimada ku fidiya dhulka joogga hoose leh iyo harooyinka. Maxaa yeelay iyaga ka hor xukunka xabashidu waxa uu ku koobnaa dhulka sareeya ee Tigray iyo Eriteriya. Qoyskaan waxaa ugu magac dheeraa boqorkii Gebre Lalibela oo ah boqorkii dhisay kaniisadda Lalibela oo ah halka ay u xarmadaan masiixiyiinta Itoobiya. Waa kaniisad ka samaysan buur la qoray oo loo qoray sidii mactabkii waana astaanta Ityoobiyada maanta. FIDITAANKII ISLAAMKA Waxaa cid waliba ogtahay in muslimiintu soo gaareen Itoobiya iyada oo aanu islaamku gaarin Maadina. Waa hijradii koobaad iyo labaad ee ay saxaabadii Nabigu SCW ku tageen dalkaas markii ay u adkaysan waayeen ciqaabtii ay ku hayeen Quraysh oo xilligaas mushrikiin ahayd. Majirto cid xaqiijin karta in saxaabadii ay halkaas diin ku fidiyeen iyo in kale iyo inay uga tageen wax mujtamaca oo islaamka u nasab sheegta. Waxaase laysku raacsan yahay in meeshii ugu horaysay oo uu mujtamac islaami ka samaysmay ay hayd jaziiradda Dahlak oo iminka ka tirsan Ereteriya. Kuwaan ayaa ahaa askar uu soo diray amiirkii muslimiinta Omar ibn Khadaab ka dib markii ay burcad badeed xabshiyihi caqabad ku noqdeen isku socodkii badda cas. Wixii intaas ka dambeeyey diinta islaamku waxay si tartiib tartiiba ugu fidaysay geeska Afrika iyada oo xagga xeebaha kasoo galaysay. Kolkii xukunkii khilaafada islaamka ay la wareegeen qoyskii Amawiyiintu ayna dhaceen dagaalo waawayn oo ay xukunka ku adkaysanayeen, waxaa bilowday hayaan iyo hijro ay samaynayeen cid walba oo xukunkooda ka soo horjeeday. Sida uu qabo taariikh yahankii waynaa ee Xaafid Al-maqriisii noolaana qarnigii 14aad, dad yawgii ugu horeeyay ee usoo haajiray dhinaca xabashida ayaa ahaa qoyskii reer Banii Haasim gaar ahaan Cuqayliyiin tii, kuwaas oo dagay halka la oran jiray Jabara oo ku taalay xeebaha Erateriya. Waa qoyskaan cidda aasaastay dawladdii Jabara ee ay iska lahaayeen Jabrtiyiintu markii danbana isu badashay Awfaat qarnigii13aad, ka gadaalna noqotay Adal. Waxaa sidaas si lamida iyana dawlad ka aasaasay gobalka Shawo oo ah halka ay iminka ku taal caasimadda itoobiya muhaajiriin ka soo haajirtay dhulkii barakaysnaa, ku waas oo ahaa qoyskii reer Makhsuum ee uu Khalid ibn Waliid ka dhashay. Islaamkii ayaa si aada ugu faafay dhulkii jooga gaabnaa ee xabasha ilaa ay dawladihii ama saldanadhii islaamku gaareen ilaa 7 saldanadood. Dhulkaan ayaa waxaa caalamka islaamka looga yaqaanay Bilaadu Zaylac maxaa yeelay Zaylac ayaa ahayd marsada ugu wayn. Saldanadihii dhulkaas ka talinayey islaamkana fidinayey waxaa ka mid ahaa Jabara, Shawo, Awfaat, dawaara, Baali, Hadiya iyo Adal. DAWLADDII SULAYMAANIYIINTA IYO BILOWGII CADAAWADDA Sanadkii 1270kii waxaa xukunkii dhulkii xabashida la wareegay qoyskii Sulaymaniyiinta. Boqorkii ugu horeeyay ee talada qabta ayaana ahaa Yakuno Amlak. Kaas oo samaysatay dacaayad uu isaga iyo qoyskiisuba doonayeen inay dalka ku xukumaan. Waxa ay sheegeen inay yihiin tafiirtii Nabi Sulaymaan iyo Boqoradii Balqiis ee reer Saba. Arintaas ayaa waxaa ka qayb qaatay baadarigii ugu sareeyey diinta oo la oran jirey Takle Haymanoot. Sababta arinkaas loo samaynayey ayaa ahayd in boqorka cusubi uu ahaa nimaan taariik wanaagsan ku lahayn mujtamaca dhexdiisa. Wuxuu ahaa burcad-birri dadka furan jirey iyo dhiig yacqb caana. Waxaa kale oo la sheegaa inuu walaashiis qabi jirey. Dhanka kalana waxa uu xoog kula wareegay talada isaga oo dilay boqorkii ugu dambeeyey qoyskii Zgawiyiinta oo ahaa Za-IIlmaknun. Haddaba si loo sharciyeeyo falkaas aan ku qumanayn diinta masiixiga oo ah in la dilo boqorka oo agtooda ka ahaa axad barakaysan, ayaa sababtay in Yakuna Amlak qoyskiisa iyo qawmiyadda Xabashidaba loogu abtiriyo Nabi Sulaymaan si anay cidiba xukunka ugu la loo lamin. Qoyskaan ayaa ka ariminayey dhulka xabashida illaa iyo 1974 markaas oo kii ugu dambeeyey oo ahaa boqor Haile Selasse talada laga tuuray. Sida ka muuqata dhalashada qoyskaan waxa ay samaysteen nasab diimeed, waxayna isku magacaabeen inay yihiin ilaaliyaasha iyo fidiyayaasha diinta masiixiga. Waxay bilaabeen olole wacyi galina oo dadka lagu nacsiinayo Islaamka. Islaamka iyo Masiixiyadduba wixii ka horeeyey qoyskaan waxay si nabada ugu noolaayeen dhulka, iyaga oo uu ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan. Islaamka ayaa waxa uu u faafayey si nabada mana jirin waxa khatara oo uu ku ahaa boqortooyadii xabashida. Waxay kale oo Sulaymaaniyiintii bilaabeen in dadkii caawaanta ahaa khasab lagu masiixiyeeyo gaar ahaan qabaa’ishii Xaamiyiinta oo uu Agowgu u waynaa. Waxay bilaabeen dagaalo iyo hujuummo waawayn oo ay ku qaadeen saldanadihii muslimiinta oo aan markaas u diyaarsanayn dagaal iyo difaac toona, marka laga reebo saldanaddii Awfaat oo isla xilliayaadaan dhidibadda loo taagay. Dagaaladaan ayay Sulaymaaniyiintu wadeen illaa bilowgii qarnigii 15aad markaas oo ahayd kolkii ay xididada u siibeen dawladdii Awfaat ayna dileen suldaankeedii Sacadudiin. Goobta suldaanka lagu dilay ayaa ahayd magaalada Zaylac oo ahayd meeshii ugu dambaysay dhulkii saldanadda. Waana xilligaan markii ugu horaysay ee la arko magaca Soomaali oo qoran. Wuxuu ka mid ahaa magacyada qoomiyado badan oo lagu xusay gabay faana oo loo tirinayey boqorkii guulaystay Nugus Yashaaq. Wixii xilligaas ka dambeeyey Soomaalida ayaa laf-dhabar u ahayd dagaaladii wax iska caabinta ee dhexmarayey dawalddii Adal iyo Xabashida gaar ahaan halgankii Ahmed Gurey. La soco qaybta labaad. Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 1aad appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal la sheegay in waayadan laga dhexwaday Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta. Wadahadalka oo marar kala duwan leysku fahmi waayay ayaa waxaa la xaqiijiyay in fashilkiisa ay sabab u noqotay dowlada Imaaraadka carabta oo dano Siyaasadeed ka leh Somalia. Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo wareysi siinaayay BBC Al-Carabiya ayaa sheegay in wadahadal ay labada dhinac ka dhexwaday dowlada Sacuudiga balse uusan mirro dhalin. Waxa uu qiray Wasiirka in wadahadalka uu fashilmay isla markaana ay dowlada Imaaraadka carabta la imaaday shuruudo adag. Waxa uu sheegay inuu wali jiro khilaaf hase yeeshee xalkiisa uu imaan doono goorta ay qaladaadka jira ay garwaaqsato Imaaraadka. Waxa uu sidoo kale, Wasiirka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay sii wadi weysay wadahadalka laga dhex abuurayay Somalia iyo Imaaraadka sidaana uu ku hakaday. Dowlada Somalia ayaa aad uga soo horjeeda inay u hogaansamato qodobo gaara ay dooneyso dowlada Imaaraadka inay kula heshiiso, si aan heshiiska kadib looga talaabin qodobada la kala xariiqday. Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo madax-banaanineeda, waxaana iminka hakat ku jira xiriirka iyo dhamaan shaqooyinkii ka dhexeeyay labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Farmaajo Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr. Kulanka oo ahaa mid wakhti kooban qaatay ayey uga wadahadleen sida lagu soo nooleyn lahaa wanaagii u dhexeeyay dowlada Somalia iyo Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa labada mas’uul u ballanqaaday in dowlada Somalia ay dib u wanaajineyso maamulka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan xumeyn, balse laga fahmay xumaan. “Anigoo ku hadlaaya magaca dowlada waxaan diyaar u nahay inaan xalino tabasho waliba,shacabka Somaliland waa cad nagamid ah Soomaaliyana meel kuma kala tagto” “Waxaan diyaar u nahay wadahadal iyo inaan wanaajino maamulka Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu dooneynaa in Siyaasiyiintiina aadan hurin khilaafka oo aad taageertan wado waliba oo leysugu soo dhawaan karo” Madaxweyne Farmaajo waxa uu Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr u cadeeyay in Somalia iyo Somaliland aysan in diidaneyn, hase yeeshee ay jiraan dad ka dhex shaqeeya colaada labada dhinac. Waxa uu Farmaajo hubaal ka dhigay in wax waliba ay hagaageyso waa haddii la helo siyaasiyiin labada dhinac ah oo si wanaagsan u wajaha xalinta tabashooyinka. Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay aqbaleen in dowlada Somalia ay kala shaqeyn doonaan wado waliba oo lagu xalinkaro khilaafka Somalia iyo Somaliland. Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay sidoo kale ballanqaaden in siyaasadooda aysan u eegi doonin danahooda gaarka ah, iyaga oo carab ***** inay u kala dabqadi doonaan laba dhinac. Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhamaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho. Inta uu kulanka socday waxa ay Seddexda mas’uul isku raaceen in Soomaalidu aysan is khilaafsaneen balse cida is khilaafsan ay tahay madaxda oo qaab ku saleysan baahidooda u roga Siyasada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. UNITED NATIONS (AP) — Djibouti is asking Secretary-General Antonio Guterres to help peacefully resolve a border dispute with Eritrea following the recent end to that nation's 20-year border dispute with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  25. Mohammed Issa Al Suwaidi, UAE Ambassador to the Kingdom of Belgium, EU and Luxembourg, has reiterated the UAE's commitment towards the people of Somalia and its support for efforts aimed at bringing unity, security and stability to Somalia and addressing security, political and developmental challenges in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online