-
Content Count
206,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda. Farmaajo oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.” Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka. Ugu dambeyn, Shirkan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia, Maxamed Mursal, RW Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waa in is-beddel lagu sameeyo Qaabka loo Sugo Amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wajir County woman representative Fatuma Gedi has cautioned chiefs against mediating in cases of sexual violence meted on schoolgoing girls. Source: Hiiraan Online
-
Qeybo ka mid ah shacabka magaalada Garoowe ayaa diidmo adag ka muujiyay barnaamij loogu magacdarey diiwaangalinta shacabka oo qorshuhu ahaa subaxnimaddii horre ee maanta in laga bilaabo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garoowe ka dib markii looga shakiyay inuu baalmarsan yahay sharciga,nidaamka dowliga iyo kan dowlada hoose. Qeybo ka tirsan bulshada magaalada Garoowe oo isugu jira Aqoonyahano,Odoyaal iyo Dhalinyaro oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu jirey qorshe hadafkiisu yahay sidii dad badan looga qaadi lahaa sawir faro iyo sawir indho oo ay wado Hay,add laga leeyahay dalka Talyaaniga oo magaceeda la yiraahdo ITALIAN AGENCY FOR DEVELOPMENT COOPERATION taasoo ay sheegeen dadkii la hadlay warbaahinta inaysan habayaraatee wax xafiis ah ku lahayn deegaanada Puntland Dadka xaafadaha 1Augsto iyo Halgan ee magaalada Garoowe ayaa wararku sheegayaan saaka inay joojiyeen iskudaygii u horeeyay oo ahaa hay,addu inay ku bilowdo barnaamijka loogu magacdarey diiwaangalin shacab ka dib markay ku micneeyeen hoosgalis ujeedadiisu aysan cadeyn. Dhinaca kale Warbaahinta PUNTLAND POST xiriiro kala duwan la samaysay xubno ka tirsan masuuliyiinta maamulka Degmada waxay u sheegeen inaysan waxba kala socon marka laga reebo cabasho uga timid qaar ka mid ah dadweynaha islamarkaana ay u kuurgali doonaan. Soo ifbixida barnaamijkan ayaa wararku sheegayaan inay dhalisay kulamo degdeg ah oo looga arrinsanayo kuwaas oo ay wada qaateen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Maamulka Gobolka Nugaal,Maamulka Degmada iyo Saraakiil ka socota hay,adda Italian Agency, mana jirto xog faahfaahsan oo ilaa iyo hadda laga hayo natiijada shirkaas, wallow warar madax banaan tibaaxayaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha inay si hoose hay,adda uga gacan siinayeen arrinta ay diidmada ka muujiyaan shacab badan oo ku nool magaalada Garowe PUNTLAND POST The post Garowe:-Shacab diidmo ka muujiyay barnaamij ay wado Hay,ad laga leeyahay Italy. appeared first on Puntland Post.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Markab ayaa waxaa saarnaa saanad u badan hub ka kooban dhowr nooc, agabka ciidamada iyo waxyaabio kale, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka. Warar aanu ka helnay dadka deagaanka ayaa sheegaya in illaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabaab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi iyo haddii khasaare uu soo gaaray. Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale oo kooxda ay fuliso,m ayada oo horey inta badan weeraro dhinaca dhulka ah ula beegsan jirtay ciidamada dowladda iyo Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabilaada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, waxaana uu xalay la kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Muddullood. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada dalka, arrimaha nabadgelyada Muqdisho, xiriirka dowladda iyo odayaasha dhaqanka iyo arrimo kale iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan uu u guuray Madaxweynaha. Qaar ka mida odayaasha shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qaabilay isagoo Dareyska ciidamada ku lebisan, isla markaana uu isagu dalbaday inuu la kulmo. balse kulanku uu ahaa mid looga hadlay arrimo gaara oo quseeya madaxweynaha iyo beesha. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kulamada isbarbar socda ay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha u raadinayeen inay la yeeshaan Beesha Muddulood, taasoo dhalisay shaki ah inuusan xiriirkooda sidii hore ahayn. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin, hase ahaatee qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulamo la yeelan doono odayaasha iyo waxgaradka beelaha kale oo ay ugu horeyso Beesha Habar Gidir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa lagu qoray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Shabakadda Caasimadda Online ayaa arrintaas dabagal ku sameystay waxaana xiriir toos ah la sameynay xafiisyada labada Mas’uul. Sida ay noo kala xaqiijiyeen xubno ka kala tirsan labada Xafiis ilaa hadda ma jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Inkastoo labada Mas’uul ay ka dhaxeyso shaqo isla markaasna lagu kala duwanaan karo waxyaabaha qaar haddana ma jiro ilaa hadda sida aan xogta ku helnay Khilaaf gaaray Mooshin. Baraha Bulshada ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo ku amray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu xilkiisa iska casilo kadib markii ay is khilaafsan, mana aheyn ilaa hadda wax arrintaas xaqiijin karo. Baraha Bulshada ayaa lagu qoray inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inaysan is khilaafi doonin isaga iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabo, wuxuuna Kheyre ku tilmaamay inuu yahay nin shaqadiisa kasoo bixi karo dalkana anfici karo. Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Ciidammada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellaha Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas. Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose. “waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas. Ciidammada Xoogga dalka oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa sii kor dhiyay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose iyo Gobolada kale ee Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimdda Online) – Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad Lagu gowracay & Alshabaab oo sheegatay Wararka laga helayo degaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof oo midkood la gowracay. Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dhacay weerarkaasi iyadoo maleeshiyo hubeysan ay weer ku qaadeen goob Jaayga lagu sameeyo oo ay ku dileen laba qof oo midkood ay gowraceen. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi iyadoo intaas ku dartay inay ku dishay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Hay’adaha amniga oo ku saabsan weerarka ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa maanta shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso. Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xirsi Tima-cade ayaa lagu sheegay in golaha deegaanka degmamada Garowe la dhisayo 22/08/2018 ilaa 25/08/ 2018, halka golaha deegaanka degmada Boosaaso la dhisi doono 28/08/2018 ilaa 01/09/2018. Sidoo kale warqadan ayaa lagu war-galiyay cidii ay quseyso dhismaha golayaashaa deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso in ay mudadaas ku soo diyaariyaan golaha deegaanka degmooyinkaas. Degmooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa muddo dhowr bilood ah aan la hayn gole deegaan, kadib markii Madaxweynaah Puntland kala diray, waxaana la dhaafay xiligii la dhisi lahaa golayaashaas oo ahayd muddo 45 cisho ah. Shir shalay ka dhacay xrunta gobolka Nugaal oo ay ka soo qeyb galeen maamulka Nugaal, Isimada gobolka iyo waxgarad kale ayaa looga hadlay sidii golaha deegaan oo tayo leh loo dhisi lahaa. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka Gorowe iyo Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duhurnimadii maanta ayaa waxaa darawal ka mid ah kuwa gaadiidka dadweynaha ee Muqdihso lagu dilay Suuqa Kaaraan, gaar ahaan goobta laga raro gaadiidka, waxaana toogtay askari ciidamada DF ka tirsanaa. Dilka ayaa yimid kaddib markii ninka la dilay uu u diiday askariga inuu siiyo lacag uu weydiistay.Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka ciidamada inuu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday. Sidoo kale, Askariga oo ka carooday lacagta darwalkan uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday. Askariga dilka gaystay ayaa markiiba ka baxsaday goobtii uu falkaas ka geystay, waxaana goobta gaaray ciidammo booliis ah oo maydka ruuxii la dilay gaarsiiyay saldhigga. “Darwalka waxaa loo dilay 5-kun oo shiln oo Somali ah, taasoo uu askariga weydiistay, sababtoo ah shan kun maanta wax la isku dilo ma ahan, iyadoo markiiba uu goobta ka baxasday askarigii dilka geystay,” ayuu yiri ruux ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay. Ugu dambeyn, Ma ahan wax cusub in Muqdisho ay askar ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ku dilaan dad shacab ah oo ay ku jiraan wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo mooto Bajaaj-ta. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Ciidamada DF oo Dhowr kun oo Shillin Somali ah u dilay Nin Darawal ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaamka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawaabayeen su’aallo ka imaanayay ka qeybgalayaasha. Wasiir Ku-Xigeenka oo ka hadlayay qodobada aas-aasiga u ah. Dastuurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada. “Sida aad ogtihiin Dastuurka Soomaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaamka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan. Waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Dastuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi. Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xiligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsanyihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xiligan socota isagoona tilmaamay in uusan jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka. Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay aragtida Qareenada ee Dastuurka. Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doonta qabashada Doodaha ay shacabka fursad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo. PUNTLAND POST The post Dood ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo Maanta lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin, Odayaal dhaqameed, Culumo, aqoonyahanno iyo Haween ayaa kasoo qeybgalay xaflad ka dhacday magaaladda Muqdisho oo afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Mogadishu Clan loogu caleema saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo afar bilood ka hor geeriyooday. Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay ay muhiim tahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, waxa uuna u hambalyeeyay afhayeenka cusub. Axmed Cabdi kaahiye (qoorqoor) wasiiru dowlaha howlaha guud oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay door muhiim ah kasoo qaateen odayaasha dhaqanka walina ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada ay doorkooda ka qaataan. Qoorqoor ayaa intaas ku daray in uu si fiican u yaqaano afhayeenka cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu si fiican ula shaqeeyo qeybaha kala duwan ee dadka uu matalo, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhageysato fariimaha dhaqanka Soomaaliyeed. Siyaasi Salaad Cali Jeele, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiye Cadde Gaabow, ugaasyo iyo odayaal dhaqan oo xafladda ka hadlaya ayaa dhammaantood hambalyeeyay afhayeenka cusub ee beelaha Mogadishu Clan. Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad ayaa isna soodhaweeyay afhayeenka cusub waxa uuna ballanqaaday in ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan. Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiye oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka codsaday dhammaan odayaasha dhaqanka ee Mogadishu Clan in ay ku garab galaan xilka cusub ee loo caleema saaray maanta. Xildhibaanada kasoo qeybgalay munaasabadda waxaa ka mid ahaa, Xildhibaana Mahad Salaad, Xildhibaana Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geele Ugaas.
-
Muqdisho (Caasmadda Online) – Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha lagu dilay Suuqa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Busteejada Gaadiidka laga raro. Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay. Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka Ciidamada in uu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday. Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday. Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan. “Askariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo ma’ahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.” Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay. Meydka Askariga ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan,waxana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey. Ma aha wax Cusub in Muqdisho Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta lagu dilo,waxana ilaa iyo hadda jirin cid Maxkamad loo soo taagay dilalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Limu (Caasimadda Online) – Xaalad lama filaan ah ayaa qabsatay nin Kirishtaan ah oo dalka Itoobiya magaalo ku taallo ka sheegtay inuu yahay Nebi, markii uu ku fashilmay inuu soo nooleeyo qof dhintay sida uu sheegtay, kadibna si xun loo dilay oo haddana xabsi la dhigay. Sheekadan ayaa ka dhacday degmada Limu ee galbeedka Itoobiya, halkaasoo uu ku dhintay Nin la yirahdo Belay Biftu Isniinti lasoo dhaafay, markii uu shil galay. Laakiin Qoyski ninka dhintay oo tacsi u fadhiya ayaa waxaa goobtii tacsida ka kacay nin sheegtay inuu Nebi yahay oo uu soo Nooleynayo ninka afar maalmood ka hor dhintay. marki reerki Belay uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada aaday qabuuraha dadka diinta kirishtanka aaminsan lagu aaso oo uu ninka ku aasnaaa. Ninkan nabinimada sheeganayo oo lagu magacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faago si uu howshiisa uu u wato. Meydka marka la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu meydka ku jira marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey. Ugu dambeynti, ninki nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkina wuxuu yiri “waxba lama sameyn karo”, markiba wuxuu isku dayay inuu goobti ka dhaqaaqo waxaase ninkan waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay gacan qaad ayaana halki ka dhacay Markiba goobti waxaa yimid boolis warka la gaarsiiyey ninki beenaalaha ahaa oosida loo garaacayey in la dilo qarka u saaraan ayay ka soo gaareen, Booliska degmada limu ayaana ninki hadda gacanta ku haya. Ninkanna shaqadiisu rasmiga ah waxaa la ogaaday inuu yahay xirfadle caafimaad oo ka shaqeeyea xafiiska caafimaadka degmada. Muuqaal ficilka ninkan laga duubay oo baraha bulshada la geliyeyna waxay noqotay mid sii weyn loo hadal hayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Iranian President Hassan Rouhani on Sunday cautioned U.S. President Donald Trump about pursuing hostile policies against Tehran, saying “America should know ... war with Iran is the mother of all wars,” but he did not rule out peace between the two countries, either. Source: Hiiraan Online
-
CrimsonLogic, a Singaporean digital solutions company, appointed by Djibouti Port and Free Zone Authority (DPFZA), a port of entry for over 99 percent of Ethiopia’s import, is to implement Port Community Systems (PCS), The Reporter has learnt. Source: Hiiraan Online
-
Eighteen people have been killed in an attack by suspected Boko Haram jihadists in the Lake Chad region, a Chadian military source said Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Somali security forces on Saturday rounded up several suspects following the car bombing in Mogadishu in which one security official was killed and three others injured. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya shaqo ka fadhiisin July 10, 2018 lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta maareeyaha ay khilaaf ka dhex abuurtay Madaxtooyada Somalia oo ku kala aragti duwan go’aanka shaqada looga fadhiisiyay maareeyaha. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa aad u dhaliilsan go’aanka Yuusuf Jaalle looga fadhiisiyay shaqada, halka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar oo go’aankan qaatay ay ku qaaxeen tallaabo sax ah. Madaxweynuhu waxa uu ilaa iyo iminka amrayaa in dib loo fasaxo shaqada maareeye Yuusuf Jaalle oo dhawaan la hakiyay. Madaxtooyadu waxa ay wali ku murunsan tahay shaqo ka fadhiisinta Yuusuf Jaalle, taa oo sababtay in xitaa hakat uu ku imaado qorsho ay Madaxtooyada ku dooneysay isbedel dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo xafiisyo dhowr ah. Shaqo ka joojinta ayaa waxaa isla waday Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Oomaar oo mas’uulkaani ku eedeeyay inuu ka gaabiyay howsha loo igmaday, iyadoo ay horay u jirtay dacwado badan oo ka imaanayay maareeyaha. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dib uga arinsanaaya shaqo ka fadhiisinta maareeyaha waxaana suuragal ah in dib loogu fasaxo shaqadiisa, sida uu iminka yahay qorshaha socda. Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa April 26, 2017 magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya. Dhinaca kale, mas’uuliyiin sidaa oo kale ku waayay xilalkooda ayaa horay muran uga dhex abuuray madaxda ugu sareysa ee dalka, waxa ayna tani sii xoojineysaa muranadii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
After a two-day high-level meeting on Somalia in Brussels, representatives of 58 countries and six international organisations are convinced that the Horn of Africa country is on the path to recovery. Source: Hiiraan Online