Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,839
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The world stands on the brink of failure when it comes to holding global warming to moderate levels, and nations will need to take “unprecedented” actions to cut their carbon emissions over the next decade, according to a landmark report by the top scientific body studying climate change. Source: Hiiraan Online
  2. Britain has cautioned against premature withdrawal of African Union troops from Somalia, saying such a move could be detrimental to the stability of the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  3. Lawmakers for a regional state in Somalia shelved a vote of confidence against their president on Sunday in what appeared to be a tactical retreat following talks with the embattled leader who had to cut short of a trip in Mogadishu amid the looming vote Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (HOL) – The Al-Qaeda linked al-Shabab group warned the Somalia’s independent education umbrellas against direct collaboration with the government which is struggling to shake up the country’s education system wrecked by decades of conflict in its efforts to introduce the country’s new education curriculum across the country. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo bandhigay warbixin xog badan ka bixisay madaxda kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya iyio beelaha ay kasoo jeedaan. Haddaba magacyada hoos ka aqriso. Sheikh Cabdulqadir Muumin waa hoggaamiye hore al-Shabaab ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxa uu oday dhaqameed u yahay beesha Cali Saleebaan, Majeerteen, Daarood waxa uu si weyn u abaabulay hoggaanka DAACISH isaga oo adeegsanaya qaab dhaqan qabiil. Inta badan saraakiishiisa waa weyn waxa ay ka soo jeedaan Cali Saleebaan/Daarood, walow uu Muumin uu isku dayey in uu ku soo daro shaqsiyaad ka soo jeeda bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qabiilada Mogadishu Clan, kuwaas oo ku badan Al Shabaab. Muumin waxa uu haystaa laba dhalasho oo ay midi tahay UK waxa uuna ku biiray Al Shabaab 2010kii. Waxaa jirta xan sheegeysa in uu xanuunsan yahay. – Mahad Macaim Jajab (Oo Sidoo kale loo yaqaan Caaw Geele), waa hoggaamiyihii hore Dacwada ee AL-SHABAAB, waana ku xigeenka Amiirka. Sida Muumin, waxa uu ka soo jeeda Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood. Sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo. 2018 waxa uu ahaa mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo Hub Soomaaliya ka soo galay Yaman. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015 markaas oo uu ahaa ku xigeenka dhaqaalaha AL-SHABAAB buuraha Golis. Waxa uu saldhiggiisu yahay gobolka Bari. – Cabdiraxmaan Faahiye – oo sidoo kale loo yaqaan (Axmed Aadan, Khaalid, Yacquub iyo Burane), waa Ciise Maxamuud/Majeerteen. Waxaa sidoo kale la warinayaa in uu yahay ku xigeenka Muumin. Waxa uu ka dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Bosaaso ka dhacay bishii Maajo 2017. Waxa uu ka soo jeeda Dishiishe, Daarood. – Abuu Yusuuf, sidoo kale waa Majeerteen/Daarood waana muwaadin Mareykan ah, waxa uu qaabilsan yahay arrimaha dibedda. – Cabdixakiim Dhuqub, waxa uu hore u ahaa macallin School iyo hoggaamiye Al Shabaab oo gobolka Bari ah. Waxa uu ahaa isku xiraya Al Shabaab iyo koox si gaar ah dagaal yahanada u soo daabusha ilaa iyo 2014/2015. Waa jufada Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood waana Ina adeerka Muumin. Dhuqub waa madaxa arrimaha siyaasadda ee DAACISH. – Xamse Farey waa madaxa Dacwada, waxa uuna ka bedelay Mahad Macallin. Waa Majeerteen/Daarood. – Macallin Bashiir oo sidoo kale loo yaqaan (Cabdullaah Buur) waa Majeerteen/Daarood waxaana sidoo kale la wariyey in uu ahaa madaxa Dacwada ee ISIS. -Cabdiqani Luqmaan waa madaxa hawlgaladda Militariga. Waa midkood Cali Saleebaan ama Leelkase. – Abu Xafsa waa Gaaljecel/Mogadishu Clan waana ku xigeenka Luqmaan. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 30 jir waxa uuna xubin ka ahaa Al Shabaab-ta gobolka Hiiraan. Waxaa ka qabaa in uu yahay diiwaan galiyaha dagaal yahanada Koonfurta Soomaaliya oo uu kala shaqeeyo in loo yaqaan Jabal. – Fahad Aboole waa Ogaadeen/Darood waana madaxa saadka ISIS. – Xamsa waa abaanduule ciidan, waa Xawaadle/Mogadishu Clan. – Jacfar Dabashan waa abaanduule Ciidan. Waa Cismaan Maxamuud/Majeerteen/Daarood. – Cabdirashiid oo loo yaqaan sidoo kale (Mukhtaar), waa madaxa haynta hubka waxa uuna xiriir la leeyahay kooxaha sida sharcu daradda ah ku soo galiya ee ka shaqeeya gobolka Waqooyi Barri (Cauluula iyo Qandala). Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in uu madax u yahay amniyaadka (Waaxda sirdoonka iyo mukhaabaraadka). -Xubnaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Cabdiwali Maxamed Aw Yusuf “Walah” Waa Jifida Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan/Majeerteen/Daarood; Abshir Maxamuud Mire Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan (Abshir Gardheere); Jaamac Ismaaciil Said Saalax oo sidoo kale loo yaqaan (Jaamac Dheere); Axmed Cumar Cali “Beerdhagax” (Waxaa looga shakinsan yaahy in uu hubka keeno); Cabdiraxmaan Yusuf Maxamuud Aadan; iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya Cabdi Xoosh ayaa si kaftan ah banaanka ku soo dhigay xubnaha ugu saameynta badan ee xildhibaanada ah eek u jira xukumadda Nabad Iyo Nolol. Xoosh oo badanaa adeegsada cauyaaraha ayaa ku tilmaamay Wasiir ka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan in uu yahay Maxamed Saalax-ha Nabad iyo Nolol, xilli uu ugu hambalyeynayey kursigii Barlamaanka ee uu maanta ku soo guuleystay. Sidoo kale, waxa uu Lionel Messi ku tilmaamay Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Baare, halka uu Sheekh Nuur ku tilmaamay Neymar. Dhinaca kale isaga oo sii wada sifeynta xubnaha waa weyn ee Nabad iyo Nolol, waxa uu Cabdifataax Ibraahim Geeseey ku tilmaamay Ronaldo, halka uu Luka Modric ka dhigay Aadan Isaaq, oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta. Halkaas kuma joogsan, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, Khadiijo Diiriye ayuu ku tilmaamay Eden Hazarda- iyo macallinka kooxda Nabad iyo Nolol! Wasiir Cabdi Xoosh waxa uu ka mid yahay wasiiradda ugu saameynta badan ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya.
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, balse maamulka Puntland ayaa ka joojiyay. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, balse hadda ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku sheegay sababta ay u joojiyeen shirkaas in weli xiriirkii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid go’an oo aan wanaagsaneyn, sidaas darteed aysan aqbali karin in dowladda ka howl-gasho deegaanada Puntland. Kulanka oo uu ka qeyb geli lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid ay su’aalo ku weydiin lahaayeen ardayda jaamacadaha Puntland, iyada oo lagu qaban lahaa Jaamacada PSU. Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan weli dhankiisa kama hadlin go’aanka Puntland ay ku joojisay kulankaas, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee kuraasta Xildhibaanimo ka helaaya Golaha Shacabka. Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay baadi-goobka Kuraasta Golaha Shacabka, si ay uga gaashantaan Xildhibaanada Mucaaradka. Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu Hoggaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa Seddex meelood laba meel iyo bar xiligaani ka tirsan Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay Xukuumadu sifeyneyso Wasiirada aan xubinta ka aheyn Baarlamaanka Somalia. Wasiiro ku-xigeenada oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa qudhooda sii kordhinaaya tirada Wasiirada, balse warbixinteena ayaan diirada ku saareynaa keliya Wasiirada Xildhibaanada ah. Qorshooyinka ay Xukuumada ka leedahay in kuraas Xildhibaanimo ay helaan Wasiirada aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka ayaa ah mid lagu wiiqayo awooda Xisbiyada Mucaaradka ee codadka ku dhex leh Baarlamaanka. Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu danbeeyay Wasiirada sida sahlan uga midka noqday Golaha Shacabka waxaana qadka kusoo jira Wasiiro kale oo ku biiri doona Baarlamaanka. Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee iminka qeybta ka ah Golaha Shacabka ayaa dhan 17 Wasiir oo aysan ku jirin Wasiir ku-xigeenada oo qaarkood Xildhibaano ah. 1- Wasirka Maaliyada. 2- Wasirka Qorsheynta. 3-Wasirka Gashandhiga. 4-Wasirka Amniga gudaha. 5-Wasirka Diinta iyo Awqafta 6-Wasirka waxbarashada 7-Wasirka Ganacsiga iyo warahadaha 8-Wasirks Kalumeysiga iyo Kheyradka Badda 9-Wasirka Dekadaha iyo Gadiidka badda 10-Wasirka Beeraha 11-Wasirka Gargaarka iyo ka hortaga Musiboyinka 12-Wasirka Xanaanada Xolaha 13-Wasirka Biyaha iyo Korontada. 14-Wasirka Batrolka iyo macdanta. 15-Wasirka Howlaha Guud iyo Guriyenta. 16-Wasirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. 17-Wasirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. Wasiirada kor ku xusan ayaa gabi ahaan xubno ka ah Baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku tiirsan yihiin Wasaaradaha ugu tayada badan. Dhinaca kale, waxaa jira Wasiir ku-xigeeno iyo Wasir Dowlayaal iyagana ka tirsan Golaha BFS kuwaa oo ka tira badan 17-ka Wasiir ee aan kor kusoo xusnay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inuu abaabuli doono shir beeleed, mar haddii aanay doorashadii baarlamaanku wakhtigeeda ku qabsoomayn. Faysal oo hadal ka jeediyay madal uu nin murashax ahi ku soo bandhigay hankiisa murashaxnimo, wuxuu sheegay in dalku marayo xaalad adag, waxaanu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi, isagoo ugu horayn ka hadlaya doorashada baarlamaanka oo aan muuqan wuxuu yidhi “Maanta doorasho ma soo muuqato, wax doorasho ah oo madaxtooyada iyo baarlamaanka ka socotaa ma jirto, baarlamaanka maanta jooga shan sano ayaa la doortay; adduunka ma jiro wakhtigiisu ka dhammaadaa hadda 13 sano ayay joogaan, waa la iska daayay sheeko doorasho.” Isagoo ka hadlaya wada hadaladii burburay ee xisbiyada wuxuu yidhi “Markaan xajka ka nimdi ayaan bilaabay inaan dadka isu keeno, Waddani ayaan u tagnay, madaxweynaha odayaal ayaan u diray oo idhi balan ka soo qabta saddexda xisbi ah way ka soo qabteen, Waddani ayaanu haddana u tagnay waar idinkuna ka baxa hala kala diro komishanka ayaanu ku nidhi, iyaguna [KULMIYE] ha ogolaadaan in sagaal laga dhigo, waanu u sheegnay saddexda xisbi, anaga iyo kulmiye ayaa saddex jeer shirnay way ka soo dhaqaaqi waayeen dhexdhexaadintaan keenayna way diideen, tii Waddanina way diideen, doraad ayuu hadalkii naga xidhmay.” Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi “Dalkani laba qodob ayuu ku socday oo adduunka laga iibin jirnay nabadgelyo iyo dimuqraadiyad is bed-bedelaysa, labaduba maanta khatar ayay ku jiraan oo waa taas oo qabiil ayaa loo baxay oo jabhado ayaa la samaystay, dimuqraadiyadiina waa taas oo biriiga loogu joogsaday” Waxa uu intaas ku daray “Haddii madaxweyne Biixi uu rayigii qaatay ee Rayaale aan ka diidnay oo la yidhi adaa u badan baarlamaanka ee halaguu fadhiyo ma fadhiyayo, baarlamaankuna ma fadhiyo Muusena ma fadhiyayo, shir beeleed ayuun baan ku dhawaaqaynaa, haddii asxaabtii la baabiiyay oo doorasho dhici weydo dalku wuu baa’abayaa, maalin aynu ka xunahay ma jirto, Waxaanu islahayn Muuse 27 kii sannadood ayuu koray qaladaadka ayuu ka faa’iidaysan doonaa oo wadadii lagu jabay ayuu ka leexan doonaa hadduuse tii maray annagu u dulqaadan mayno.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgalo lagu baadi-goobayo Askar ka tirsan ciidamada Kenya kuwaa oo aan lagu heyn nolol iyo geeri. Askartan ayey dowlada Kenya sheegtay in lagu waayay weeraro iyo dagaalo toosa oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhex dagaalanta Somalia iyo Kenya. Howlgalka lagu raadinaayo Askarta oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo meel loo raaco Askartaas. Qoraalka ay Wasaarada ku amreyso raadinta Askarta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Askartaas oo gaaraya Saddex la waayay 24kii July 2011kii, xilligaas oo ay wadeen sahay. Askartaasi ayaa xiliga ugu war danbeysay dowlada Kenya sahay u siday ciidanka Kenya ee jooga sohdinta Somalia, waxaana la cadeeyay inay ka lumen Jihada isla markaana 60km gudaha u galeen Somalia. Wasaarada Difaaca Kenya ayaa Saddexda Askari magacyadooda ku kala sheegtay:- 1- Said Abdulaziz Haji, oo ahaa Darawalka gaariga. 2-Jonathan Kipkosgei Kangogo. 3-Evans Mutoro oo isna ahaa Saad wadayaasha. Kenya ayaa rumeysan in Seddexdaasi Askari ay gacanta u galeen ciidankii dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Darawalka oo Soomaali ahaa ayaa go’aansaday in uu la joogo Ciidanka Soomaaliya,waxaana labada Askari kale ee Kenyaanka ah ay go’aansadeen in ay baxsadaan sidaas ayeyna ku dhuunteen. Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaiserry,ayaa sheegay in Siciid C/Casiis ay Dowladda Soomaaliya isaga iyo Gaarigiisiiba ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, labadii Askari ee kalena ay sidaas ku maqanyihiin. 2013kii Al-shabab ayaa sheegtay in ay dishay Kangogo,kaddib markii Dowladda Kenya ay dib uga dhacday muddo ay u qabatay in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya. Waxaana ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heyn Askarigii kale ee la baxsaday mr Kangogo,waxaana dowladda Kenya ay raadineysaa halka uu ku dambeeyo. Dhinaca kale, Kenya ma rumeysno in Al-Shabaab ay si sahlan ku dili karto Askarteeda, waxaana jiray dhaqaale qoondo ah oo Kenya ay siin jirtay Al-Shabaab taa oo markii la jaray ay maleeshiyadu bilaabeen inay weeraro ku qaadan Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Great Britain's Mo Farah claimed his maiden marathon win in only his third race with victory in Chicago. The 35-year-old, who was third in this year's London Marathon... Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku faanay in xukuumaddiisa ay ku guuleysatay inay 21 bilood oo xiriir ah si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, xitaa ayada oo aan dib u dhigin oo waqtigii saxda ahaa laga helay. Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kormeer uu maanta ku tegay Bangiga dhexe ee dalka, halkaas oo uu kula kulmay guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya. Kulan uu labada mas’uul la yeeshay, ayaa looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka. “Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay joojiyeen kulan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu uga qeybgali lahaa Wasiir Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Kulanka oo ahaa mid maalmahaani la abaabulaayay ayaa waxa uu u dhaxeyn lahaa Wasiir Qorshaynta iyo ardayda Jaamacadaha Garowe. Kulanka ay hakiyeen ciidamada Puntland oo uu ka danbeeyay maamulka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaare Kheyre. Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulankaasi ka jeedin lahaa Khudbad lagu dhiiri galinaayo ardayda, hase yeeshee warar hoose oo aan ka heleyno dhanka laamaha amaanka ayaa sheegaya in hakinta kulanka uu yahay mid daba socda go’aanka ay maamul Goboleedyada dalka ku hakiyeen la shaqeynta dowlada Dhexe. Mid kamid ah Saraakiisha amaanka Garoowe ayaa inoo xaqiijiyay in amarka lagu hakiyay kulanka uu ahaa mid kaga imaaday dhanka Taliska Booliska, waxa uuna carab ***** in go’aankaasi uu yahay mid xoojinaaya qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo ee sida KMG ah loogu hakiyay xiriirka dowlada Dhexe. Sidoo kale, waxaan arrintan ka hadal maamulka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in Hoolka iyo kulanka qabsoomidiisa ay dhaqaale xoogan ku bixiyeen ardayga Jaamacadaha. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Puntland ku hakisay kulanka dhexmari lahaa Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo Ardayda ayaa cirka kusii shareeri doona khilaafka dowlada Dhexe iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. NORTH MANKATO — A diverse set of foreign languages are taught at area colleges, but until last month they didn't include one of the languages most frequently spoken in the region. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo dalka ka maqan ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo,kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo Garoowe lagu qaban lahaa,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Puntland. WasiirJamaal oo maanta Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan caawo kulan ku qaban lahaaa xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe,kulankaas oo la qorsheeyay in ardada jaamacadda ay khudbado ugu jeediyaan,wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo heer Federaal ah. Mas’uuliyiinta kulanka laga joojiyay ayaa kala ah;WasiirJamaal oo ka hadli lahaa deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo,Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya,kana hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020 iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ah la taliyaha Ra’iisalwasaare Xassan Cali Kheyre,islamarkaana ka warbixin lahaa waxqabadka xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa la sheegay in ay xidhiidh la sameeeyeen, madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ka codsadeen in kulanka loo fasaxo,hase yeeshee ma suurta-gelin dalabkaas,sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah. Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in go’aanka madaxweyne Gaas ee kulanka lagu joojiyay uu salka ku hayo,khilaafka madaxda Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee hakiyay xidhiidhka wada-shaqeynta Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo kulan ka joojiyay mas’uuliyiin heer Federaal ah appeared first on Puntland Post.
  16. -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaaro hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed. Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika. The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika appeared first on Puntland Post.
  17. GAROWE (HOL) - Jamal Mohamed Hassan has been elected as a member of Lower House following a by-election held on in Garowe, the administrative capital of Puntland state. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada gobolka Banaadir,kuwaa oo ka cabanayay dhac iyo boob ay Suuqa ku hayaan rag hubeesan ku labisan dareeska Ciidanka dowlada. Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaa oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka kale ee Suuqa usoo adeeg doonta. Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada . Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah. Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in il gaar ah kusoo fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha uu sheegay in ay tahay halka ugu badan ay isugu yimaadaan bulshada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah xaaladan wax looga qabto. Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada. Suuqa Bakaaraha ayaa noqday goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad ah oo wata dareeska ciidanka kuwaa oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, waxa ayna dhac u geestaan ganacsatada Suuqa iyo sidoo kale dadka usoo dukaameesiga taga.
  19. MOGADISHU (Caasimada Online)– Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has received credentials from ambassadors of Germany and France at his office in the state house in Mogadishu In a statement released by the presidency, Somali President Farmaajo welcomed received the new Ambassadors of France and Germany Aline Kuster-Menager and Annett Gunther. Mr. Farmaajo wished the heads of diplomatic missions success in their work and expressed confidence that their work would contribute to strengthening ties and developing cooperation between the countries. The President assured his readiness to contribute to deepening of friendly relations between Somalia,of France and Germany, after meeting at his office in the state house in Mogadishu. “President Farmaajo today receives credentials from the new French and German Ambassadors to Somalia Aline Menager and Annett Günther respectively. HE Farmaajo encouraged them to work closely in improving the bilateral ties between Somalia and their respective countries”. Germany and France have joined the western countries reestablishing their long absence diplomatic presence in Somalia as the Horn of Africa country is recovering decades-long bloody conflict. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for his welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The trio sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between their nations and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Somalia has been on its way to make a diplomatic come back across the world after more than two decades of war and extremists violances by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya. Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo. Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal. Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirada France iyo Germany appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka. Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo. Ra’iisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda. “Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay Hannaanka Maaliyadda Somalia oo Maanta lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaamineyso Harriett Baldwin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa lagu soo qaaday arrimo badan, oo u badnaa sida UK ay gacan u siiyo Somaliland. Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin oo iyadu goobta ka hadashay ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland” ayey tiri. Waxaa sii raacisay “ Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”. Caasimada Online Xafiisaka Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Hawaasa (Caasimadda Online) – Magaalada Hawaasa ee wadanka Itoobiya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii ay lahaayeen madaxda Xisbiga talada haya waxaana looga arrinsanayay sida laga yeelayo maamulka hadda jira. Xisbiga EPRDF ayaa su’aalo adag weydiiyay xukuumadda uu hoggaaminayo Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay isbedello dhanka maamulka ay ku tallaabsanaysay. Khudbado ay madasha shirka ka jeediyeen afarta Xisbi uu ku mideysan Hoggaanka Talada Itoobiya haya ayay ku dhaliileen qaabka uu Abiy Axmed dalka u maamulayo balse waxay taageereen in uu talada sii hayo. Shirkii ka dhacay magaalada Hawaasa ayay dhinacyadu isku raaceen in labada sano ee soo socota uu Abiy Axmed sii hoggaamiyo xisbiga taas oo ka dhigan in uu R/wasaare kasii ahaanayo Itoobiya. Talooyinka xukuumadda loosoo jeediyay waxaa kamid ahaa in mucaaradka ay xukunka ka qeybgeliso islamarkaana ay waxka qabato dagaalka u dhaxeeya qowmiyadaha ee kasii holcaya wadanka Itoobiya. Siyaasiyiin ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in meesha ay ka baxday cabsidii laga qabay in Abiy Axmed uu waayo guddoominta Xisbiga EPRDF. Sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiya qarka ufuushay dagaal sokeeyay kadib kacdoon shacbi ah oo ay dhigeen qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu waaweyn wadanka balse iscasilaadii R/wasaarihii hore iyo maamul isbedel layimid ayaa baajiyay burburkii lafilayay in uu ku yimaad dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiisaka Adis Ababa Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaamineyso Harriett Baldwin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa lagu soo qaaday arrimo badan, oo u badnaa sida UK ay gacan u siiyo Somaliland. Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin oo iyadu goobta ka hadashay ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Turkish authorities have concrete information on the disappearance of prominent Saudi journalist Jamal Khashoggi, who has been missing for six days, a deputy chairman of Turkey’s ruling AK Party said on Sunday. Source: Hiiraan Online