-
Content Count
210,848 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta markii saddexaad lasoo taagey Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalkaasi. Xubno katirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya ayaa ka qeybgalaya dhageysiga Maxkamadda ay dhageysanayso dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud, iyadoo aan la ogeyn xiliga rasmi ahaan go’aan laga gaari doono. Xeer ilaalinta dacwadaha ku soo oogtay Cabdi Maxamuud Cumar, aya dalbatay in la siiyo 10 maalin oo kale, si ay usoo dhameystiraan cadeymaha buuxa ee eedaha loo heysta Cabdi Maxamuud. Waxey noqoneysaa markii 4-aad ee Maxkamada Addis ku taala la soo taago Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida. Cabdi Maxamuud Cumarayaa lagu xiray Addis Ababa bishii lasoo dhaafay ee August, maalmo kadib markii uu xilka iska casiley, sidoo kalena Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaadey isaga iyo mas’uuliyiin kale xasaanadda. Waxaa lagu soo eedeeyay Cabdi xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, oo u dhaxeeyay qowmiyadaha degan DDSI iyo musuqmaasuq. Kiisaskan oo aad u culus, ayaa hadii lagu helo Cabdi Maxamuud waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi sanado badan ah, waxaana uu dhawaan codsaday in la cafiyo, isagoo baaqaas u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed ayaa markii uu xilka la wareegay balanqaadey in cadaaladda la marsiin doono cid walba oo dembi ka gashay shacabkiisa. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Sida lawada og yahay Puntland waxay siweyn isugu diyaarinaysaa Doorashada Madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019 iyo xulista xildhibaanadda kamid noqonaaya aqalka wakiilada oo ah kuwa iyagu doorta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa maadama aysan Puntland weli u gudbin doorasho muwaadin weliba codkiisa dhiibto. Xulista Baarlamaanka Gollaha aqalka Wakiiladu waxay ka kooban yihiin 66-xildhibaan oo lagu saleeyey qaab Gobal oo hadana Beelaysan, tusaale Gobal weliba wuxuu leeyahay tiro cayiman haba kala badnaadeene hadana waxay ku salaysan yihiin qabaail oo Beel weliba waxay qaadataa tiro layaqaan wallow ay jiraan Beello reer Puntland ah oo aan Baarlamaanka ka dhex muuqan iyo kuwo u kala qaata qaab meerto ah. Xiligan oo kale waxaa Puntland laga dareemaa xulista xubnaha kamid noqonaaya gollahan sida hadaba ka muuqata guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaa guud ahaan degaanada Puntland xiligan ka socda rucla orodka loogu jiro xubnaha Baarlamaanka waxayna dadka doonaaya inay noqdaan xubin Baarlamaan ay arjiyadooda u geystaan isimada iyo nabadoonada beelaha oo iyagu ah kuwa iskaleh soo saarista iyo doorashada xubnahan. Musuq-maasuqa Qaar badan oo kamida Dadka u ordaaya Baarlamaanka Puntland ayaa aaminsan inay tahay meel ay dhaqaalle xoogan ka tabci karaan mudada kooban ee ololaha doorashadu socoto, waxayna iyaguna bixiyaan lacago ay ku laaluushaan odayaasha dhaqanka iyo dadka saamaynta kuleh beelaha si ay ugu soo xullaan xubin Baarlamaan, sababta musharaxa xildhibaan uu lacagtiisa ugu bixinaayo sidii uu u heli lahaa xubinta waa un inuu isaguna hello laaluusha uu ka qaato musharixiinta u tartamaaya madaxtinimada Puntland, waxaa la oran karaa masiibadda laaluushku meel walba way gaartay kasoo billow xildhibaan, oday dhaqan iyo mid doonaaya Madaxweyne. Musharixiin durba siisaadiliyey inay laaluushi doonaan xildhibaanada Qaar kamida musharixiinta u ordaaya madaxtinimada Puntland ayaa sii saadaliyey inay laaluushi doonaan baarlamaanka si ay u gaaraan halka ay hiigsanayaan iyagoo weliba xalaaleeyey bixinta laaluushka. Mushrax Faarax Cali Shire oo dhawaan lagu weydiiyey magaalada Qardho inuu Baarlamaanka siin doono laaluush iyo in kale ayaa ku juwaabay inuu bixin doono maadama loo fadwooday ayna suurtagal u ahayn inuu Madaxweyne noqdo haduusan baarlamaanka laaluushin, musharax Faarax ma cadayn cida u fadwootay bixinta laaluushka. Sidoo kale Mushrax Saadiq Eenow ayaa yiri hadal kaas u eg oo ahaa inuu siin doono baarlamaanka hadiyad si ay Madaxweyne ugu doortaan, lama yaqaan waxa ay hadiyadaasi la micno tahay. Niyad jabka Dadweynaha ee Doorashada Dadweynaha reer Puntland marka aad la sheekaysatid waxay quus ka muujinayaan inay soo baxaan Dad u qalma hogaamintooda iyagoo taas ku sababeynaaya musuq-maasuqa iyo laaluush kala qaadashada aan laga xishoonayn ee ka muuqata doorashadan iyo kuwii ka horeeyeyba Tusaalle Dadka qaar ayaa ku oranaaya Musharax hebel waa nin wanaagsan oo u qalma hogaaminta Puntland, waxna ka bedeli kara Dalka hase ahaate jeebkiisu ma buura, taasi waxay la micno tahay inaan la dooran doonin nin aan lacag xoogan wadan oo aan meel kasta laaluush ku awdi karin. Musharax Hebel ayaa soosocda oo qiimihii u sarreeyey ku baayacaaya Baarlamaanka: Kalmadan waxaa adeegsada taageerayaasha musharixiinta doorashadda marka ay dadweynaha ka gadaayaan musharaxooda, waa Borobogaandada ugu badan ee suuqa loo geliyo musharixiinta, Bal u fiirso la oran maayo musharax hebel waa nin wanaagsan oo ay ka go’an tahay inuu Dadka iyo Dalka wax u qabto, Waxa kaliya ee lagu gaddo musharixiinta madaxtinimada Puntland waxay noqotay hebel wuxuu bixinaayaa laaluush xoogan. Maxaa laga fillaayaa hogaan laaluush lagu doortay? Xildhibaanka laaluushka kusoo baxay waa inuu doortaa Madaxweyne uu laaluush ka qaatay si uu u hello dhaqaalihii ka baxay, sidoo kale madaxweynaha laaluushka kusoo baxay waa inuu dhacaa hantida dadweynaha si uu uga hello ugu yaraan dhaqaalihii kaga baxay laaluushkii doorashada, taas waxay la micno tahay inaysan dadweynuhu wax badan ka sugi doonin madaxda laaluushka kusoo baxda. Arintan ayaa ah dhaqan ay Dadweynuhu ka barteen doorashooyinkii horay uga soo dhacay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kuwaas oo mar walba ay Baarlamaanka wax doorta dooranaayeen hadba ninka ugu jeebka roon musharixiinta, mana muuqata tab illaa hada lagaga gudbaayo arintan foosha xun halka ayba sii xoogaysanayso. Waxaa ku xiga doona qoraal kale oo kaga hadli doono sida looga gudbi karo musuq-maasuqa iyo kala qaadashada laaluushka xiligan xasaasiga ah ee doorashada. Puntland Post The post Doorashada Puntland 2019: Musharax hebel qiimaha u sareeya ayuu ku baayici doonaa xildhibaanada!! appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiru-dowlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa todobaadkan booqasho ku yimid Soomaaliya, waxayna tagtey magaalooyinka Hargeysa iyo Somaliland. Haddaba, Harriett Baldwin waxaa ay wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog News, ee magaalada waxaa qaaday Axmed Weli Xuseen. Akhriso Halkan: Goobjoog News: Maxaad Ka Wada hadasheen Madaxda Dowladda? Harriett Baldwin: Haa, waan ku faraxsanaa inaan Muqdisho soo booqdo oo aan ra’iisul-wasaaraha kula kulmo Villa Somalia, sida aad ogtahayna UK waxay saaxiib dhaw waqti dheer la ahayd dadka Soomaaliyeed, waxaan halkaan joognay sannado badan innagoo taageereynay geddi-socodka nabadda iyo ammaanka islamarkaana xaqiijinaya gargaar bini’aadannimo oo ku filan inay gaarto dadka ku jiray xilliyadii adkaa, waxaana sidoo kale u sii joognaa halkaan sidii aan mustaqbalka qeyb uga noqon lahayn horumarinta dhaqaalaha kala-guurka amniga, iyo Boliiska waliba rajadeennu waa inaan la sii joognaa dadka Soomaaliyeed sanada na soo aaddan. Goobjoog News: Kaalintiinna Ee Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada? Harriett Baldwin: Waxaan kulanka la qaatay ra’iisul-wasaaraha anigoo ka socda boqortooyada Ingiriiska waxaan sidoo kale uga hadalnay wadahadalladaas arrimo ku saabsan waddamadeenna, tusaale ahaan muddo 300 oo sano ah waxaa jiray wada-xaajood ku aaddan Scotland sidii ay u qeyb uga noqon lahayd dalka Ingiriiska ama Scotland ay u noqon lahayd dalka madax-bannaan, arrinta muhiimka ah waxay tahay inaan xallinnay arrimahaas ee ka jirtay boqortooyada Ingiriiska innagoo u mareyna qaab dimuqraadiyadeed, dood, in loo qaado afti, doorashooyin marka waa muhiim in dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada inay ka wadahadlaan doorka muhiimka ah ee uu siinayo dastuurka si loo helo Soomaaliya xasilloon oo nabad ah. Goobjoog News: UK, ma taageysaa in Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya? Harriett Baldwin: Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan marka la eego xilliga kala guurka ah ee lagu gaarayo xaalad deggan oo amni ah dalkan ka hirgasha, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka shaqeyneyno adiguna waad ku saxan tahay inaad iftiimiso kaalinta qaramada midoobay, usbuucii hore waxaa ka dhacay Newyork shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, waxaana awood u helay inaan shir guddoomiyo isu-imaatin calami ah oo ay qeyb ka ahaayeen saaxiibbo badan oo ka kala yimid adduunka oo Soomaali ah , waxaan isleeyahay rajo wanaag ayaa jira ee horumarka la gaaray ah gaar ahaan horu-kaca dhaqaalaha, waxaan isleeyahay wali caqabado ayaa jira marka la eego xilliga kala guurka labadaba ciidamada Soomaaliya laakiin UK iyo beesha caalamkaba waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha lana sii adkeeyo joogitaankooda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan arrimaha aad I weydiisay. Goobjoog News: Ma Jirtaa Xanta Ah In UK Aqoonsaneyso Somaliland? Harriett Baldwin: Maya, UK uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waana gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo. Goobjoog News: Sidee Loo Baaqsan Karaa 14 October? Harriett Baldwin: UK waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee sannad-guuradiisii 1aad ay nagu soo fool leedahay waxaana garab taagannahay dadka Soomaaliyeed, waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliyeed markaas ayaan heleynaa Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah mustaqbalka waana ka guuleysan karnaa argagixisada sida Alshabaab.
-
Incessant attacks on Nigerian waterways are not only sabotaging the nation economy but giving Nigeria bad image before the international community. Source: Hiiraan Online
-
Wasiiru-dowlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa todobaadkan booqasho ku yimid Soomaaliya. Haddaba, Harriett Baldwin waxaa ay wareysi gaar ah siisay Goobjoog News, waxaa qaaday Axmed Weli Xuseen. Akhriso Halkan: Goobjoog News: Maxaad Ka Wada hadasheen Madaxda Dowladda? Harriett Baldwin: Haa, waan ku faraxsanaa inaan Muqdisho soo booqdo oo aan ra’iisul-wasaaraha kula kulmo Villa Somalia, sida aad ogtahayna UK waxay saaxiib dhaw waqti dheer la ahayd dadka Soomaaliyeed, waxaan halkaan joognay sannado badan innagoo taageereynay geddi-socodka nabadda iyo ammaanka islamarkaana xaqiijinaya gargaar bini’aadannimo oo ku filan inay gaarto dadka ku jiray xilliyadii adkaa, waxaana sidoo kale u sii joognaa halkaan sidii aan mustaqbalka qeyb uga noqon lahayn horumarinta dhaqaalaha kala-guurka amniga, iyo Boliiska waliba rajadeennu waa inaan la sii joognaa dadka Soomaaliyeed sanada na soo aaddan. Goobjoog News: Kaalintiinna Ee Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada? Harriett Baldwin: Waxaan kulanka la qaatay ra’iisul-wasaaraha anigoo ka socda boqortooyada Ingiriiska waxaan sidoo kale uga hadalnay wadahadalladaas arrimo ku saabsan waddamadeenna, tusaale ahaan muddo 300 oo sano ah waxaa jiray wada-xaajood ku aaddan Scotland sidii ay u qeyb uga noqon lahayd dalka Ingiriiska ama Scotland ay u noqon lahayd dalka madax-bannaan, arrinta muhiimka ah waxay tahay inaan xallinnay arrimahaas ee ka jirtay boqortooyada Ingiriiska innagoo u mareyna qaab dimuqraadiyadeed, dood, in loo qaado afti, doorashooyin marka waa muhiim in dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada inay ka wadahadlaan doorka muhiimka ah ee uu siinayo dastuurka si loo helo Soomaaliya xasilloon oo nabad ah. Goobjoog News: UK, ma taageysaa in Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya? Harriett Baldwin: Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan marka la eego xilliga kala guurka ah ee lagu gaarayo xaalad deggan oo amni ah dalkan ka hirgasha, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka shaqeyneyno adiguna waad ku saxan tahay inaad iftiimiso kaalinta qaramada midoobay, usbuucii hore waxaa ka dhacay Newyork shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, waxaana awood u helay inaan shir guddoomiyo isu-imaatin calami ah oo ay qeyb ka ahaayeen saaxiibbo badan oo ka kala yimid adduunka oo Soomaali ah , waxaan isleeyahay rajo wanaag ayaa jira ee horumarka la gaaray ah gaar ahaan horu-kaca dhaqaalaha, waxaan isleeyahay wali caqabado ayaa jira marka la eego xilliga kala guurka labadaba ciidamada Soomaaliya laakiin UK iyo beesha caalamkaba waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha lana sii adkeeyo joogitaankooda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan arrimaha aad I weydiisay. Goobjoog News: Ma Jirtaa Xanta Ah In UK Aqoonsaneyso Somaliland? Harriett Baldwin: Maya, UK uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waana gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo. Goobjoog News: Sidee Loo Baaqsan Karaa 14 October? Harriett Baldwin: UK waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee sannad-guuradiisii 1aad ay nagu soo fool leedahay waxaana garab taagannahay dadka Soomaaliyeed, waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliyeed markaas ayaan heleynaa Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah mustaqbalka waana ka guuleysan karnaa argagixisada sida Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Puntland ayaa sharaxaad ka bixiyey sababtii ka dambeysay iney baajiyaan shir uu magaalada Garoowe ku qaban lahaa wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay sababta shirkaasi u joojiyeen ahayd xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn. Waxa uu tilmaamay maadaama la joojiyey wadashaqeyntii la joojiyey aanay xaq u lahayn wasiirada xukuumadda in shirar ku qabsadaan deegaannada Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Wasiir-Qarjab-kaga-hadlay-Joojinta-shirkii-Warbixin-Cawil-cali-jamac-8-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Deadly airstrike has targeted an Al Qaeda linked Al Shabaab camp in southwest of Somali capital Mogadishu. The airstrike took place last night in Kunyo Barrow area, some 65km west of Mogadishu. The fighter jets targeted a camp runs by Al Shabaab, causing untold number of casualty, according to a witness, who asked to be anonymous. It is unclear who carried out the attack. Kunyo Barrow in Lower Shabelle region is an stronghold of Al-Shabaab. There was no word from Al Shabaab over the bombing. Last week, U.S. military says it killed nine al Qaeda linked al-Shabab militants in drone airstrike in southern Somalia. The U.S. Africa Command said one militant was also injured in the strike. The raid was carried out in coordination with the Somali government The U.S. has conducted more than 20 such airstrikes in Somalia this year. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Iskaashatada gaadiidleyda dekadda Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey hab maamulka dekaddaasi. C/laahi Cali Faarax, afhayeenka iskaashatadan ayaa Goobjoog u sheegay in lacago aad u badan laga qaado gaadiidleyda hadane aanu dekadda ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ah, wuxuuna ka dalbaday dowladda iney soo farogeliso musuqmaasuq uu sheegay in dekadda uu ka jiro. Waxa uu sheegay in marar badan ay cabashadooda gudbiyeen, balse aanay dowladda waxbo ka qaban. Dowladda ayuu tilmaamay in loo baahan yahay iney wax ka qabato cabashada ay qabaan, islamarkaana aan indhaha laga laaban. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cabdullaahi-Cali-Faarax-afhayeenka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–At least three people have been killed and four others injured in an attack on bus in central Somalia, a witness said. The attack happened near Galkacyo town, after gunmen opened fire on minibus carrying passengers, leaving 3 people dead, a witness said. He says the bus was heading to Hobyo town. The victims were taken into hospital for medical treatment. It is unclear why the civilians were targeted. Somali regional officials in the town were unavailable to reach on the phone for comments on the attack. There was no immediate claim of responsibility for Monday’s gun attack on civilian bus in central Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Weeks after announcing additional funding to the AU Mission in Somalia to combat terrorism, the United Kingdom has reiterated its commitment to aiding AMISOM through its transition. At a meeting with the AU Special Representative for Somalia on Saturday, visiting UK Minister for Africa Rt. Hon. Harriet Baldwin cautioned, that a premature withdrawal of troops from the Horn of Africa country could be detrimental to the country’s security. She called for a conditions-based, gradual withdrawal of the troops, based on the strength of the Somali security forces. “As you know, the UK has been consistent in saying that in terms of transition to both the Somali National Army and the Somali Police; that this needs to be done on a condition basis, rather than on an artificial time table,” said the minister. Discussions between Minister Baldwin and Ambassador Madeira centred on current developments on the security front, the transition and the prevailing political situation in Somalia. Amb. Madeira expressed gratitude at the outstanding support accorded to AMISOM by the UK government. “Let me effectively thank your government through you, for the immense support we have been receiving from her Majesty’s government. Not only in terms of training; in terms of military support; particularly in the ISR (Intelligence, Surveillance & Reconnaissance),” Madeira stated. He highlighted critical areas of support by the UK government, including troops’ training on countering improvised explosive devices (IEDs). The indiscriminate use of the explosives by anti-government elements, remain the deadliest threat to civilian populations in Somalia. Minister’s Baldwin’s visit to Somalia follows a three-nation tour of Africa by British Prime Minister Mrs. Theresa May last August. While in Kenya, Mrs. May announced a new package of funding to AMISOM worth 7-million pounds, to fight terrorism. “We are leading international efforts to ensure that AMISOM has the funding it needs to support its vital battle against terror,” noted Mrs. May in Nairobi. In Somalia, Minister Baldwin said the UK will continue rallying the wider international community, to provide consistent funding to AMISOM. PRESS RELEASE
-
Waxaa 58 gu’ laga joogaa xornimo beenaadka Somalia, yeelkeede, si xornimo beenaadkaa loogu beddelo mid dhamaystiran oo run ihi waxay ku xiran tahay inaan xor ka noqotid waxyaabo ay ka mid yihiin inaad noqoto dal midaysan oo dhanka uu u socdo iyo wixii u dan ah yaqaanna. DOWLADDA MALLA MUCAARADI KARAA? Dabcan haa, weliba dowladdu waxay leedahay iimo waawayn oo sheegis, ifin iyo hoga tusaaleeyn u baahan, si loo saxo waxyaabaha faraha badan ee ka khaldan dowladda, kuwaasoo nasiib xumo uu ka il duufo mucaaradka Soomaaliyeed oo ay ka muuqato in aan ujeedkooduba ahayn in wax la saxo oo ay dowladnimadu hana qaaddo, balse sida dhaqan ahaan lagu yaqaan mucaaradnimada Soomaalida ka hadla moowjado gaagaaban, iyagoo eeganaya dano yar yar oo shakhsi oo ay isla iyagu burburinayaan. Tusaale ahaan, haddii ujeedka aad mucaarad u tahay ay tahay inaad xil iyo xoolo hesho, laakiin aadan ogolayn inaad fursad siiso marka uu qof kale booska fadhiyo, ama aad dumiso nidaamkii oo dhan kaddibna aad la mid noqoto sidii DIBI GEESA wayn oo lo’dii harka ka saaray isna aan uga harin. Siyaasiga Soomaaliyeed ama aqoon ha sheegto ama diine waxay u bateen ka darayaal kursi doon ah oo aan wax dan ah ka lahayn dhibka shacabka ee kusii taageerayaal sida ay markasta u kala qaybinayaan, dhib jireed iyagu ugu gaysanayaan ama iskaga hor keenayaan. Haddii moowduuca guda galo, waxaa ilaa shalay Facebook la dhex wareejinayaa Al Shabaab Sako ku dhex qaybiyay magaalada Muqdisho, iyadoo aan dan laga lahayn wixii shacabka u dan ah ayayna dad moodaya in ay qofaf ku xumaynayaan baraha bulshada wiifinayaan, bal akhri kelmadda Cali Dheere oo ah afhayeenka Al Shabaab. Afhayeenka Al-Shabaab Cali dhere oo la hadlayay dadka la sheegay inay reer Muqdisho yihiin ee ay lacagaha u qeybiyeen ayaa isagoo la hadlayay yiri” KA RAALI AHAADA JIDKII IYO WIXII AAD SOO GASHEEN (SAFARKA) HADDII AAN AWOODNO MEESHIINA MUQDISHO AYAAN IDINKUGU KEENI LAHAYN IDINMA SOO LUG’GOYNEYN, WAXAAN RAJAYNAYNAY INAAN GURYIHIINA IDINKUGU KEENO IDINKOON LA IDIN SOO DHIBIN LAAKIN WADANKII (MUQDISHO) CADAW AYAA NAGA HAYSTA.” Waxaa warkii dadka la kacay oo si aysan mas’uuliyad, xeerin, danta istaraatijiyeed ee isaga xitaa ugu jirta inuu AS xayaysiiyo iyo hubsiino Abdiraxmaan Abdishakuur Warsame oo bartiisa Facebook kusoo xarriiqay wax si otomaatig ah u noqonaya iidhehda iyo faafinta dacaayadda Al Shabaab oo aan iyagu dhihinba Sako ayaan Xamar ku qaybinay, isagoo soo qoray sidatan: MA DOWLAD BAA LA MUCAARADAYAA MISE SHABAAB BAA LOO DANAYNAYAA?! Su’aashaa oo ah midda ay ka il duufeen dad badan oo ay la tahay inay dowladda mucaaradayaan, balse ay aad uga hoos baxday dhowr sababood oo ay middood tahay faafinta been cad oo aysan dan umadeed ku jirin waxaa qayb ahaan is waydiiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo laftiisu ka mid ah dadka dowladda mucaarada, balse wax badan ka waaqicisan lana oran karo markan wuxuu gartay biya dhaca dhabta ah ee sheekada, isagoo soo qoray: ”Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha lacag Zako ah ku qeybinaya dadka faafinaya ma dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayay ugu daneynayaan mise Shabaab ayay buunbuunin iyo suuq geyn u sameynayaan?! Anigu waxaan qabaa dhaliilaheenu in ay noqdaan kuwa wax dhisaya. Dalka iyo dadkana aan u turno oo cadow in uu qabsado yaanan horseedin. Fashilka amni ee jirana aan kula xisaabtano hay’adaha iyo dadka ka mas’uulka ah!” Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Xigasho: Hadalsame.com
-
Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Guddoomiyaha gobolka Nugaal War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in Garowe lagu qaban karin shir aan ogolaansho looga haysan Guddiga amniga gobolka. Maamulka Nugaal ayaa Hoteeladda iyo goobaha kale ee la isugu yimaado faray in cidkasta oo shirk u qabsanaysa ay wataan ogolaanshaha Guddiga amniga gobolka. Sidoo kale maamulka gobolka Nugaal ayaa warbaahinta ka cosaday in ay kala shaqeeyaan amniga iyo ilaalinta dhaqanka wanaagsan, wuxuuna Wasaarada Warfaafinta ka codsaday in ay soo gudbiyaan hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka diwaan gashan gobolka . Go’aanadan ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay amar ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu joojiyay kulan ay Garowe ku qaban la haayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey). Kulankaas sababihii loo joojiyay ayaa warar aan helnay sheegayaan in ay kamid tahay in aan la socodsiin masuuliyiinta Puntland, iyadoo horey Puntland u sheegtay in ay hakisay xiriirkii wada shaqayneed ee dowladda federaalka. Hoos ka akhriso qoraalka gobolka Nugaal PUNTLAND POST The post Maamulka Nugaal oo soo saaray go’aano appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay inay Dayniile noqoto degmada kaliya oo ay ku taalo Saldhig Militari. Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in degmada ay noqoto xero milateri. “17-ka degmo ee Gobolka Banaadir degmada Dayniile ayaa ka jirto degmo ay Ciidamo Milateri degan yihiin, in degmo ay Milateri degenaadaan wax socon karo ma ahan, mana loo dulqaadan karo”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow oo intaa ku daray in Madaxda dalka haddii aanay arrintan ogeyn ay ogeysiinayaan. Wuxuu Degmada Dayniile ku tilmaamay inay noqotay mid uu booqdo Taliye kasta oo ciidamada loo soo magacaabo isla markaasna uu sheego inuu booqday Xarumo Militari oo ku yaal Degmada Dayniile. “Maalin kasta Wasiir cusub iyo Taliye cusub ayaa la soo magacaabaa, shaqo kasta uu qabto wuxuu dhahaa waxaa soo kormeeray xeryaha ciidanka Dayniile, horta Dayniile yaa habaaray oo degmooyinka kale u duceeyay, haddii ay noqonayaan in ciidan ay degmada joogaan waa ciidanka booliska oo shacabka kalsooni ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow. Degmada Dayniile ayaa waxay ka tirsan tahay 17 degmo ee Gobolka Banaadir waxaana ku yaalo Xeryo Militari oo ay kamid yihiin Kulliyaddii Jaalle Siyaad, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xarumo kale oo ay daganaan jireyn Ciidamadii Dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Hadalka Mustaf Dhuxulow ayaa hadal heyn weyn ka dhex abuuray Baraha Bulshada ee Soomaalida, wuxuuna noqday hadal fasiraad kala duwan laga bixiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaahira (Caasimadda Online) – Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar. Xillibaannada ayaa dugsiyada Quraanka lagu barto ku sheegay meel laga soo saaro waxay ugu yeereen xagjirnimada, iyagoona usoo jeediyay wasaaradaha howshoodu tahay arimahaas iney albaabada isugu laabaan dugsiyadaas. Qoraalka ay soo saareen xillibaanadan katirsan baarlamaanka wadanka Masar waxay ku sheegeen in manaahijta laga dhigo dugsiyadaas ay mamnuucayaan arimo badan oo ay igu u arkaan xalaal, sida heesaha, isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo arimo kale. Dadweynaha Islaamka ee ku kala sugan Daafaha adduunyada ayaa si weyn uga hor imaaday tallaabada ay soo jeediyeen baarlamaanka Masar oo ah mid aan laga fileyn. Arintan ayaa muujineysa dagaalka lagu soo qaaday diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ee kunool wadanka Masar, waxayna muujineysaa wejiga dhabta ah ee maamulka afgembiga uu hogaamiyo Siisi. Siisi oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xoogga Masar ayaa dalkaas afgambi ku qabsaday markii uu jagada ka xoogay Maxamed Mursal oo Maalin cad ay doorteen Shacabka Reer Masar. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan. Dadka degmada ayaa ku war geliyay guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-kii bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan. Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa. Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha,waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda. Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow. Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maxkamad halkaasi ku taala ay goordhow biloowday dhageeysiga dacwada loo heeysto madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar. Maxkmada ayaa kal hore muddo 14-cisho ah dib u dhigtay kiiska dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar iyada oo dib maanta u biloowday. Maxkmada ayaa waxaa hadda ay si toos ah u dhageeysaneeysaa marqaatiyaal kala duwan oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu galay dambiyo kala duwan. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heeystaa dilal ,xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, iyo eedeeymo kale. Ciidamada dowlada Itoobiya 27-dii bishii Agosto ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Maxamuud Cumar. Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhowaan sheegtay in wiilkeeda jirdil baahsan loogu geeysto gudaha xabsiga iyada oo sheegtay in gudaha xabsiga uu ku xanuunsanayo. Maxkamada ayaa laga yaabaa in ay ku xukunto xukun aad u aad u adag sida ay sheegayaan dad arimahaan si dhow u la socda. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dhageeysiga Dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqday maxkamada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Maxkamada ayaa waxaa goordhow ka bilowday dhageysiga Kiiska loo heysto Cabdi Cumar oo dhawaan lagu soo oogay tacadiyo uu kula kacay dadka shacabka. Maxkamada ay ka socto dhageysiga dacwada ayaa waxaa ku sugan Qareenada iyo qaar kamid ah qoysaska Ex Madaxweyne Cabdi Cumar, waxaana halkaa ka muuqda dukumiintiyo lagu diiwaan galiyay kiiska dacwadaha maxbuuska. Dacwadda dhageysigeeda ay maanta bilaabatay ayaa horay u baaqatay muddo 14 cisha ah oo shalay ku ekeyd, waxaana la filayaa in maanta dacwada Cabdi Cumar looga gudbo dhageysiga eedeymaha. Eedeysane Cabdi Cumar ayaa si gaara loogu heystaa kiisas la xiriira dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, balse waxa uu waxkama jiraan ka dhigay dhamaan eedeymahaasi. Cabdi Cumar, waxa uu ku doodayaa in shaqsi ahaantiisa uusan ku tagri falin awooda maamulka, hase ahaatee wax waliba oo dhacay ay ku imaaden talaabooyin lagu ilaalinaayay degnaanshaha dhulka. Ciidamada Koofi casta Ethiopia ayaa Cabdi Maxamuud Cumar kala soo baxay magaalada Jigjiga iyagoo u gudbiyay guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto. Ma cadda halka ay maanta saldhigan doonto dacwada Cabdi Cumar oo u muuqaneysa mid marba marka xigta sii adkaaneysa waxaana xusid mudan in Maxkamada la horgeeyay Hub iyo Dukumiintiyo ku marqaati furaaya Cabdi Cumar.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Somalia ayaa ay si kulul uga hadashay Khilaafka Siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxda Qaranka Iyo kuwa maamul goboleedyada. Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in khilaafka labada dhinac uu yahay mid hoos u dhigaaya dadaalada lagu hormarin lahaa Somalia. Harriet Baldwin, waxa ay tilmaantay inay aad uga xun tahay in Khilaaf ceynkaasi ah uu soo kala dhexgalo Madaxda Qaranka iyo maamulada, waxa ayna ka digtay in xal loo waayo khilaafka. Harriet Baldwin, waxa ay sheegtay in Saddex Boqol oo sano kahor ay dhexdooda uu ka jira khilaaf, isla markaana ay dooneyso inay la qeybsato khibrada ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay, waxa ayna tilmaantay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay midowga Somalia. Harriet Baldwin, oo walaac ka muujisay Khilaafka ayaa ku talisay in wax walba iyo tabashooyinka jira lagu xaliyo miiska wadahadalka. “Khilaaf waxa uu ku imaada si fudud waxaa aad u adkaata in xal loo helo khilaaf, walaaca aan ka muujineyno khilaafka bedelkiisa waxaanu dalbaneynaa in xal loo raadiyo” Waxa ay Harriet Baldwin sheegtay inay ku baaqeyso in leysla fahmo khilaafka jira iyo xalkiisa isla markaana laga wada hadlo iyadoo dib loo eegayo maslaxada shacabka. Sidoo kale, waxa ay bidhaamisay in khilaafyada ceynkaasi ah ay hakiyaan dhamaan shaqooyinka muhiimka ah, balse waxa ay qirtay in Madaxda dalka ay uga danbeyn doonaan arrimaha Somalia. Dhinaca kale, Harriet Baldwin ayaa mar kale ku baaqday in xal loo helo walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhexeeya dowlada iyo maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin laga diyaariyay weerarada argagixiso ee ka dhaca caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay in hoos u dhac uu ku imaaday kadib markii la wiiqay awoodaha Kooxaha Argagixiso. Warbixinta oo si wad jira ay usoo saaren Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la wiiqay awoodaha Kooxaha argagixiso 3-dii sano ee la soo dhaafay. Waxaa lagu sheegay warbixinta in weeraradii dhacay sanadii 2017kii ay 23% ka yaryihiin kuwii dhacay sanadkii ka horeeyay ee 2016kii. Warbixin lagu qoray bogga Europeansting ayaa waxaa lagu sheegay in Sanadkii 2017 ay dhaceen 8,584 weerar oo heer caalami ah marka la bar bar dhigo sanadkii 2016ki oo ay dhaceen 11,150 oo weerar ah,waxa ayna dhimashada ka yartahay 7,000 oo qof. Waxaa warbixinta lagu qeexay in weeraradaas ay ka kala dhaceen ilaa 100 dal oo kala duwan balse kuwooda ugu khasaaraha badnaa ayaa si gaara uga dhacay wadamada kala ah Ciraaq, Afghanistan, Hindiya, Pakistan iyo Philippines. Shanta dal ee kor ku xusan isla markaana ay ka dhaceen weerarada ugu badan ayaa ah 59% weerarradii la fuliyay sanadii 2017kii. Waxaa lagu sheegay warbixinta in dalalka ugu badan oo ay ka dhacday dhimashada ay kala yihiin; Afghanistan, Ciraaq, Nigeria, Somalia iyo Syria. Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarada ugu badan ay geysteen Xagjiriinta Daacish, hase yeeshee waxaa awoodooda lagu wiiqay dagaaladii adkaa ee ka dhacay Ciraaq iyo Syria. Weerarada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalada Daacish ayaa sanadkii 2017kii hoos u dhacay haddana waxaa jira dalal ay aad u kordheen weerarrada iyo dhimashadaba waxaana ka mid ah; Masar oo ay dhimashada korodhay 124%, Soomaaliya oo ah 100%, iyo Philippines oo ah 20%. Si kastaba ha ahaatee, waxaa leysku raacay in hoos u dhac weyn uu ku imaaday howlgalada argagixiso ee qalqal galiyay adduunka.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysnaa ay weerar ku qaaden gaari ay la socdeen dad shacab ah. Dadka la socday gaariga la weeraray ayaa xiligaasi kusii jeeday magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, iyadoo weerarka uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, Afar kalena way ku dhaawacmeen, waxa uuna xiligaa gaariga maraayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo. Weerarka gaariga ayaa yimid kadib markii ay darawalka gaariga ku amreen inuu istaago, balse amarka uu ka dhego adeegay. Saraakiisha Amaanka Galmudug ayaan wali ka hadal weerarka lagu qaaday gaariga iyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Si kastaba ha ahaatee, deegaanka lagu weeraray gaariga ayaa waxaa waayadan isku hayay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo ku heshiin waayay dhul daaqsimeed. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday inay kasoo horjeeddo musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa billowday dood lagu taageerayo ayada oo qiil laga dhigayo in xubno horey Al-Shabaab uga tirsanaa ama ku dhowaa ay xilal hayaan iminka. Waxaa tusaale loo soo qaatay Sheekh Shariif, oo madaxweyne soo noqday, Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland, iyo Zakariye Ismaaciil Xersi oo ah madaxa sirdoonka NISA. Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu eego qormadan sababta Zakariye iyo Roobow aysan isku mid u ahayn, islamarkaana Zakariye loo aamini karo, oo aan loo aamini karin Roobow. 1 – Zakariye ma qasbaneyn – Markii uu Zakariye dhowr snao ka hor kasoo goostay Al-Shabaab, oo uu dowladda isku soo dhiibay, wuxuu sidaas ku sameeyey doorashadiisa, iyo inuu ogaaday in Al-Shabaab aysan dan u ahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ma jirin cadaadis saarnaa oo go’aankaas ku qasbay. Hase yeeshee Roobow, wuxuu kasoo baxsaday Al-Shabaab ama laga bad-badiyey, ayada oo naftiisa ay halis ku jirto, oo u baahan dowladda. Inkasta oo Al-Shabaab ay is-khilaafeen, haddana muddo ayuu iskiis u ahaa argagixiso, oo ma dooran inuu dowladda isku dhiibo. 2 – Zakariye waa is-caddeeyey – Zakariye markii uu dowladda usoo goostay, wuxuu si cad u cambaareeyey Al-Shabaab, una sheegay inuu ka baxay. Sidoo kale wuxuu cambaareeyey falalka argagixiso. Roobow warkiisa wuxuu u ekaa nin laba qalbiyeyn ay ku jirto. Xitaa inuu isa soo dhiibay ma sheegin, ee wuxuu yiri “Dowladda wada-hadal ayaa na dhex-maray”, ilaa hadda Roobow ma cambaareyn falalka argagixisanimo. 3 – Zakariye waqti ayuu sugayey – Ka hor inta aan xilka madax sirdoonka NISA laga dhigin, Zakariye sanado badan ayuu dowladda la shaqeynayey. Wuxuu dalka ku biiriyey macluumaad badan oo Al-Shabaab ku saabsan, oo nolol badan ay ku bad-baaday. Waxaa gudbay waqti badan oo dowladdu ku ogaatay inuu daacad yahay. Roobow sanad ka yar ayaa kasoo wareegtay markii uu soo goostay welina lama yaqaan waxa u qarsan. 4 – Zakariye wuxuu ku dhex-jiraa DF – Zakariye, waxa uu ku dhex jiraa dowladda, oo dhinac ugama baxsana, wayna fududahay in la ogaado, xitaa haddii qaladaad laga arko, balse Roobow wuxuu doonayaa inuu maamulo 3 gobol oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin. Bal qiyaas, hadduu madaxweyne noqdo, oo saddexda gobo gobol ee Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose uu hoos geeyo Al-Shabaab. Sidaas darteed Roobow iyo Zakariye isku mid maaha, qiilna loogama dhigi karo in Roobow lagu aamino saddex gobol. W/Q Saciid Axmed Cabdullahi London, United Kingdom Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filaa inuu maalmaha soo socda ogolaado hindise cusub oo noqon-doona Istaraatiijiyad ay Mareykanku ku Maal-geshtaan qaaradda Afrika. Qorshahan Maalgeshiga Mareykanka ee Afrika, waxaa dejiyey shakhsiyaad ku jira Congress-ka, qorshaha ayaa ah mid lagula dagaalayo saameynta dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Shiinaha ka wado qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo Saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Qorshahan waxaa uu badal wanaagsan u yahay maalgeshiga Shiinaha”. Qorshahan maalgeshiga Mareykanka oo loogu magac daray “Adeegsiga wanaagsan ee maalgeshi keena horumar”, waxaa ku baxaya $60 billion. Dalalka Afrika ee ka faa’ideysanaya maalgeshiga Mareykanka waxaa ka mid ah dalalka bariga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com