-
Content Count
214,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey” Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda. Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero dhanka Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeysay. qorshaha lagu kala diray Guddiga Maaliyadda. Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub Tallaabadan ayaa ka dhigan in dhammaan xubnihii Guddigaas oo u badnaa Mucaaradka in la kala diray, taasoo muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in kala dirista Guddigan ay Xukuumadda gadaal ka riixeysay, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis. Waa markii u horeysay ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa magacaabay Hanti Dhowraha guud ee maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Digreetadan oo ku taariikheysney d 27 November oo shalay ku beegneyd ayaa waxaa Hanti Dhowraha Jubbaland loogu magacaabay Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Axmed Madoobe Oo magacaabay Hanti Dhowraha Jubbaland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi ka kooban 20 xubnood oo ka socda hoggaanka sare ee ONLF ayaa Sabtida soo socota oo ku began 1-da December ku wajahan dalka Ethiopia. Xubnahani ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, sida uu sheegay Afhayeenka Jabhaddaasi. Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda dalka Eritrea. ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmra bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka. The post Wafdi ka socda Jabhadda ONLF Oo booqanaya dalka Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shacabka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay arigtidooda ka dhiibteen dib u dhaca doorashada ee golayaasha wakiilada iyo deeganka waxaana ay shacabka qaarkood sheegen in golayaasha wakiiladu oo sharci dajintii dalka ah ay iyagu muddo badan sharci daro meesha ku fadhiyaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo iyo doodo ayaa ka yimid sharciyadda uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa cuskanaya qodobo sharciyeed, taasoo ah in Guddoonka aanu awood u laheyn inuu kala diro Guddi ka mid ah Golaha Shacabka. Xubnaha Guddiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo la tashanaya kuxigeenadiisa kadibna waxaa ogollaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xee rhoosaadka Golaha Shacabka. Sida lagu magacaabay oo kale, waxaa guddiga lagu kala diri karaa marka uu Guddoomiyaha soo jeediyo, Golahana uu aqbalo. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka, horayna u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaankii KMG ayaa sheegay in haddii go’aan la gaarayo ay tahay midka Golaha uu gaaro. “Haddii go’aan ama qaraar la gaari karo waa midka Golaha uu gaaro, go’aan uu Gole shacab gaaro ayaa lagu kala diri karaa, Guddi ha noqdo ama Guddoomiye ha noqdo, go’aan gaaris arrinteeda la hal maasha waxaa is ka leh Golaha Shacabka, asiga ayaa awood u siinaya cid kasta ha noqotee”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa. C/weli Muudey ayaa sheegay inuu Guddiga kala diray, kaddib markii uu la tashtay Guddoomiye kuxigeenka labaad, isla markaana uu Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda soo kala dhex galay khilaaf. Go’aanka kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa sabab u ah, kaddib markii Guddiga dhowaan soo bandhigay warbixin lagu sheegay in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda, isla markaana ay laanta Fulinta sameysay wax is daba marin iyo lacago la lunsatay. Dadka odorasa arrimahan oo kale ayaa sheegaya in khilaafka Baarlamaanka dhexdiisa uu sababi karo in mar kale Golaha noqdo mid qalalaaso siyaasadeed, kaasoo saameyn ku yeesha kulamadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu si adag uga Hadley dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ee ay shalay ku dhawaaqeen kominshanka doorashooyinku. Xibsiga UCID waxaa uu dib u dhacaas ku tilmaamay arrin aan la aqbali Karin isla markaana waxaa uu mas’uulyadeeda dusha u saaray xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada amnigu ay qabteen Maskaxdii ka dambeysay weerarkaasi. Sidoo kale taliska NISA ayaa tilmaamay in ninkaasi la horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag. “Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu ku soo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi, Waxaana la horgayn doonaa sharciga”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda NISA. Sagaalkii bishan November ayey aheyd markii weeraro qaraxyo ahaa lagu qaaday dhismaha Hotel Saxafi, kaas oo ay ku dhinteen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Al Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi. The post Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Hotel Saxafi Oo la qabtay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka. Laba xisbi mucaaarid ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha kumeel gaadhka ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin doorasho dambe oo ay qabtaan guddida hadda joogta, haddii kuwa hadda jooga la kala dirana loo baahan yahay in loo sinaado tirada xubnaha guddida cusub. Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay shacabka ugu baaqayaan banaanbaxyo, haddii mar dambe muddo kordhin aan laga heshiin loo sameeyo baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka Somaliland. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo degaanka taasi oo la filaayay in ay qabsoonto bisha march ee sanadka soo socda. Goobjoog News, Somaliland. Source: goobjoog.com
-
Two herders from Wajir County, who were kidnapped Al-Shabaab militants a week ago, have been released after five days of negotiation between two clans in Somalia. Wajir County commissioner Loyford Kibaara confirmed their release saying the herders arrived safely in Khorof Kharar on Wednesday. The herders were abducted on Thursday after they resisted to pay zakat (a form of Islamic offering) to the militant group. The unknown number of militants, who accused the herders of grazing animals on the Somali border, also took away six camels belonging to the herders. The abduction prompted elders from Degodia-Fai that reside in Wajir to visit the Marehan elders in Somalia to negotiate for the release of the two who were abducted along the Kenyan border while grazing their animals. They managed to secure the release of the victims but were not allowed to take back their camels. Mr Kibaara said the government had stepped up security in border towns including Konton, Riba, Khorof Kharar and Qarsa. “We have deployed security personnel on the border areas to prevent a similar incident,” he said. He called on the residents to be on the lookout and always share information with security agencies so as to fight terrorism in the county that has for many years be a target of Shabaab militants. Thei release of the herders, comes a week after an armed gang kidnapped an Italian, Ms Silvia Romano Constanca, a volunteer with a charity, in Chakama, 60km from the coastal town of Malindi, an area popular with Italian tourists and expatriates. The whereabouts of the 23-year-old remains unknown. The post Al-Shabaab frees two Kenyan herders after negotiations appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-29112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka. Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan. Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan: Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya. Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro, b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah, n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda. Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga26. .. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo waxa ay ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Howlgalladan ayaa daba socda kadib markii shalay qaraxyo laga maqlay nawaaxiga garoonka degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Ciidamada Jabuuti ayaa ee AMISOM ayaa ka qeybqaadanaya howlgalkaan, waxaana ciidanku isku faafiyeen xaafadaha degmada Buulo-burde. saraakiisha ammaanka degmada Buulo-burde weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle islamarkaana ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulkaasi, Maxamed Cabdi Waare iney joojiyaan isbedalka badan ee uu ku sameeyo maamulka Hiiraan. Xildhibaan Aadan Axmed oo ka mid ah mudanayaashan oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhoweynayey Madaxweyne Waare ayaa sheegay in meesha uu ka baxay waxqabadkii laga sugayey madaxda maamulka Hiiraan. Waxa uu sheegay in isbedalkan uu gaaray xilligii ugu badnaa oo maamul walba isaga oo aan waxbo qaban meesha laga saaro. “Mudane madaxweyne waxaan nahay xildhibaannadii ugu badnaa oo hadda ku sugan B/weyne maadaama deegaan doorashadeenna ay tahay, caqabadda ugu weyn waa in la kala diro maamulka Hiiraan isaga oo aan waxbo qaban” ayuu yiri xildhibaanka. Maamulka Hirshabelle ayaa isbedalkii ugu badnaa ku sameeyey maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ku dhowaad 5 mas’uul loo magacaabay gobolkaasi wax ka yar Labo sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A 20-member delegation composed of senior leadership of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) will arrive in Ethiopia on Saturday. Among members of the delegation include chair of the Front, Mohamed Umar, according to Spokesperson of ONLF. The Front’s army last week returned to the Somali regional state from their base in Eritrea after the ONLF had reached an agreement with the government of Ethiopia. The government and the Front signed a peace deal in the Eritrean capital Asmara last month. The two sides reached a historic deal that allowed the ONLF to undertake peaceful political struggle in Ethiopia. The post ONLF Senior Leadership To Arrive In Ethiopia On Saturday appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ilaah ha u naxariisto’e C/ raxman Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxay la soo kici lahaayeen luxudka haddii ay ka war hayaan, dalkii mid-na uu xoreeyey. mid-na salka u dhigay xaalka uu ku sugan yahay maanta. Akhrista-yaal maansadan dheeri, waxay banaanka soo dhigaysaa, amuuro lagu goblamay, oo uu dhigay askarigan Meesha walaaqay, laga soo bilaabo halgankii, ummadu ay moodaysay in ay wax korordh-sanayso, ee ay qoriga degta saareen, noqon waayey wixii ay ku talo galeen, isaga oo horsed ka ahaa, in alaale intii dib u dhac ka timi, haday tahay dagaalo sokeeye, boob, is nacsiin, qaybi oo xukun, hadba gaashaan buur u samayso, qabyaalad daaha goosatay, been iyo xaaraan aan laga xishoonayn, waxay ku taabsii-naysaa maansadani, xaqiiqdda taagan iyo sidda ay askartu dariiqii uga duday ummadda, imikana ay gobola dhami Meesha ka baxeen, inta kale-na ay sii kala jeedo, markaa waxan idinka codsanayaa in aad akhridaan, iyadda baa isu kiin sharixi doontee Dood weeye qoto-dheer, dareen-keeda wadatoo, Deeleey waa ramad, xoor laga dur-duurtaa, Iska daadi maahee , rag baa loo dul joogaa, Duunya-diisa ay tahay, dambar-keedda lisa’oo, Wax kale-ba u daaq tegin, doolaalad ugu iman. Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derder maaha sheekadu, dafdaf-tana laguma gallo, Duuduub-na waa bello, dul ka xaadis weeyaan, Ma cadeyso denbigoo, halka doogtu ay tahay, Ma dilaacsho diirkee, wuu sii dahaadhaa, Qalin duure weeyoo, dube weyn la soo kacay, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Cidda uu duraa-yiyo, xumba-diisa doob-tiyo, Gol daloola-diisaa, uu ku daahay haraguu, Nin da’ weyni wuu garan, ilimaha daloolee, Dabaylaha wax qaadiyo, duufaan habeen-nimo, Midka daadka soo rogga, ee dumiya moos-yadda. Wixii hore-ba daayoo, imikaa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Tani waa dardaa-rane, waxay tidhi da’ laydani Xalay goor dambay tahay, dawakhaad ku kacayoo, Dam-dam iyo durbaan baa, docdda layga tumayoo, Is diid-siiyey dhawr jeer, misna doonay aragood, Naftu dayrisoo tidhi, waxba haysku daaline Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derma-daadda sii jiif, dana-haaga maahee, Waa lays derde-rayaa, debedaa-ba haw bixin, Duul baa ku nooloo, wixii aanay doonayn, Dabin bay u qoolaan, iyakaa dambaa-bidha, Dugaag bay u loogaan, way dalamsa-daanoo, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Diir-kiyo laf-taba liqa, Dibna-hoodda dhiig iyo, Inta darib baruura ah, ka deldelan can-koodaa, Markaad dacal ka eegtaba, jidh dubaaxi-yaayoo, Diirnaxaaba kuma yaal, inta daabka lala dhacay, Inta dayrka lagu gubay, inta Dayaca lagu dilay , Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Inta ay dayuuradi, dusha sare ka timi, Ku dam siisay qumbulado, baabbi’isay degelkii, Da’ kastoo ku noolayd, dumar iyo caruutii, Kuwa dirca lagu sido, indhoolaha wax deyi karin, duunyaddii dhamaan-teed, kolay tahay dameeraha, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Dhiin iyo lo’doo dihin, dalawaddi irmaanayd, Laxdda dooxa loo dhigay, darartii riyaha iyo, Diiqo iyo karuurkii, iyakoon wax dhamin dhishay, Inan diib is marisoo, tima-dabatay quruxoo, ku dekaysa buul caws, waa hore is daayeen, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Source
-
Guddiga Doorashooyinka Somaliland (NEC) iyo dhamaan xukuumadaha kala duwan ee dalka soo maray waxaad moodaa in ay ka dhigteen muddo kordhis iyo dib u dhac wax caadi ah. Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deggeenada ee la filayey in la qabto bisha seddexaad ee sannadka soo socda, oo laga yaabo in dib loo dhigo, waa in la qabto. NEC xilligan fadhiya oo uu saxiibkay Siciid Cali Muuse, ka yahay af-hayeen, wax alaale wax kale oo loo xil saaray ma jirto. Ma aha wasaarad, wakaalad, ha’ayad, maxkamad, iskuul, jaamacid, ciidan, ama qayb kale oo ka mid ah laamaha dawlada. Xilkoodu waxa kaliya uu yahay, waa qabanqaabinta, maamulka iyo hirgelinta doorashooyinka golaha deggaanadda, wakiilada iyo ta madaxweynaha. Wax kale oo loo diray ma jiraan. Markaa siday ku dhacdaa, maanta oo misaaniyad ahaan dalku taagan yahay Al-xamdullilah, oo la haya farsamo aan waddamada kale ee Afrika laga isticmaalin iyo ummada hiil iyo xoogba la barbar taagan, in dib loo dhigo doorashooyinka? Markuu dalku iska leetay, ee aan waxba la isla hayn, ee siduu nin berri yidhi “beerka loo jiifay”, ayaa doorashooyin la qaban jiray. Madaxweynihii hore, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”, siddeetan (80) cod, ayuu ku qancay! Khali Wali! Haddii guddiga NEC ee maanta fadhiya ay doorashooyinka laba sannadood ka hor lagu heeshay in la qabto, ay qaban kari waayaan, dee ha iska rawaxaan. Somaliland ma weydo khuburo hawshaa qaban kara. Muddo kordhis iyo dib u dhac, waa wax la iska caadiyaystay Somaliland. “Waar muddo ii kordhi”. “Waar dib iigu dhig”. Waxaad maanta qaban kartid maanta, maxaad berri ugu dhigan? Waddamada hore u maray waxay badaanaa ku sheegaan dalalka soo koraya, musuq-maasuq iyo wahsi, “corruption & idleness”. Weynu ka xanaaqnaa “stereotype” kaas oo kale. Run ahaantiina Somaliland waxay soo qabsatay 30kii sannadood ee ina soo dhaafay, cid gaadhasaa way iska yar tahay. Lakiin, waxaad moodaa in maanta dadka dalku xilka u dhiibtay wakhtigan xaadirka ah in ay noqdeen dad wahsi badan oo kursi jacayl hayo. Musuq-maasuqa iyo wahsigu waa waxyaabaha dal iyo dadba burburiya. Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu yidhi “handaraab” baan ku qabanayaa maaliyada dawladda “public spending” anigu waxaan odhan lahaa “quful ku xidh”, asxaabtan NEC iyo Golaha Wakiiladana ka soo hurguf meesha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Source
-
Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Mudug aya sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay si lama filaan ah uga baxeen magaalada Xarardheere. Al-shabaab oo muddo ka badan 10 sano gacanta ku hayey magaaladaasi ayaa sheegaya ina sababta ay uga baxeen ay tahay cabsi ku saabsan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado, waxaan dadka degaanka ay sheegeen in magaalada cabsi xoog leh ka jirto, iyadoo dhaqdhaqaaqu yaraaday. Maleeshiyada Al-shabaab ee ka baxay degmada Xarardheere ayaa la sheegay inay isugu tageen duleedka magaaladaasi iyagoo magaalada ay ku soo hareen dad shacab ah oo keliya. Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa duqeyn cirka ah lagu qaaday xerooyin iyo goobo ay Alshabaab ka joogaan agagaarka magaalada Xarardhere, iyadoo lagu dilay maleeshiyo boqolaal ah sida uu Mareykanku sheegay. Caasimada Online Xafiiska Xarardheere Caasimada@live.com
-
The US military says it has killed three al-Shabaab extremists with an airstrike in central Somalia as it continues to attack a new base of operations for the al-Qaeda-linked fighters. The US Africa Command statement says Tuesday’s airstrike was carried out “in the vicinity of Quy Cad near Debatscile” in the Mudug region. The US last week reported several airstrikes in Mudug killed 50 al-Shabab extremists. The group recently relocated to the region as a key training and planning base after the US and allies increased pressure and surveillance further south. The US military has carried out at least 36 airstrikes this year against al-Shabaab, one of Africa’s deadliest Islamic extremist groups, which continues to stage deadly attacks in the capital, Mogadishu, and other cities. The post US airstrike in central Somalia kills three Al-Shabaab militants appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay ogaadeen gurigii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xarunta wadaadka C/Welli Cali Cilmi Yare. Taliska ciidamada booliska ee Galmudug ayaa sheegay in howlgal labadii maalin ee lasoo dhaafay laga waday magaalada Gaalkacyo ay ku ogaadeen halka laga soo qorsheeyay weerarka iyo gurigii ay ku sugnaayeen ragga weerarka geystay. Sidoo kale Taliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag kale oo la rumeysan yahay inay abaabulka weerarkaasi wax ka ogaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Ragga la qabtay oo hadda baaris ay ku socoto ayaa waxaa soo gashay xog la xiriirta inay soo dhaweeyeen ragga weerarka ka dambeeyay iyaga oo ka keenay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo. Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale oo ay ku raad joogaan dad kale oo tuhunka weerarka uu soo galay. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
