-
Content Count
214,677 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sanadkii 1991 waxa ay kooxo hubeysan Somalia ku afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Waxaa qarxay dagaallo sokeeyo oo horseeday gaajo ba’an; ugu yaraan waxaa la dilay saddex boqol oo kun. 1992, golaha amniga ee Qaramada Midoobay waxa ay sameeyeen hawgal oo ujeedkiisu ahaa sidii cunto loogu geyn lahaa dadka Jamhuuridda Somalia. Hase ahaatee, maalintii ugu horreeysay kolonyadii garaarka waxa ay bilaabeen in ay la kulmaan caqabado uga imanaayey dagaalyanahada hubeysan ee maxaliga ah. Cuntada kaliya waxaa lagu gudin karay in lacag la siiyo maleeshiyada. Taas waxaa dheeraa, cuntada xataa ma gaari jirin dadka baahan. QM waxa ay go’aansatay in ay sameyso ciidamo nabad ilaalin ah oo ay ka mid ahaayeen 20 dal, Mareykanka wuu ku jiray. Hase ahaatee, farogalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya ee caalamiga ah waxa ay mushtamaca kala kulmeen dagaal uu hoggaaminayey madaxii isbahaysiga qaranka Somalia (Somali National Alliance) ama SNA, Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo dagaal ku iclaamiyey nabad ilaaliyaashii. Dagaalka u dhexeeya ciidamada QM iyo kooxaha hubeysan waxa uu bilowday markii la qabsaday Raadiyihii SNA-da taas oo ay ciidamada nabad ilaalinta UN-ka ku sheegeen in ay kicin waday. 5-tii bishii Juun ciidamada nabad ilaalinta waxaa soo gaaray khasaarihii ugu horreeyey. Markii ugu horreeysay waxaa weerar qorsheysan lagu dilay 24 askari oo Pakistani ah, isla maalintaas kaddib waxaa weerar lagu qaaday dhawr kooxood oo nabad ilaaliyeyaal ah. Iyaga oo ka jawaabaya, ciidamada cirka ee Mareykanka waxa ay duqeymo u geysteen xarumaha kooxaha hubeysan iyaga oo burburiyey xaruntii Isbahaysiga qaranka Soomaaliya, raadiyihii iyo gurigii Caydiid. Hase ahaatee, ficilkii ceynkaas ahaa kaliya wax uu si xumeeyey xiriirkii dadweynaha iyada oo ay dhalisay in bulshada go’aan dagaal ka gaaraan Mareykanka. Hase ahaatee, hoggaankii QM waxa ay go’aan ku gaareen in la soo qabto iyada oo madixiisa la dul dhigay 25 kun oo dollar-ka Mareykanka ah. Soo qabashada Caydiid waxaa hawlgalkiisa loo xilsaaray ciidamada gaar ah ee Mareykanka iyada oo kooxda xeeladda gaarka ah lagu soo daabulay Soomaaliya (Tactical Ranger Forces). Kaddib markii ay sameeyeen dhawr hawgal oo muran dhaliyey, laguna khasaaray, Mareykanka waxa ay si KMG ah uga wareegeen Caydiid iyaga oo beegsaday saaxiibadiis. Hadafka Mareykan-ka waxa uu ahaa soo qabashada Cumar Salaad oo ahaa la taliyaha Caydiid, October 3-deedii 1993, kaddib saddex maalin oo ay dheceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Mareykanka waxa uu qorshaha ahaa in la joogo dabaq saddex fookh/biyaano ah oo xataa sida la sheegay Caydiid ku jiray. Mareykanka oo halkaas ugu magacdaray xaafadda Badda Madow, waxaa daganaa inta badan taageereyaasha Caydiid kuwaas oo haystay hub wanaagsan. Sida laga soo xiganayo dhawr khiyaas oo la sameeyey dagaalyahanada waxa ay tiradooda u dhexeeysay 2 kun ilaa iyo lix kun. Mareykanku waxa uu qorsheeyey in 160 ciidamada gaarka ah ay ku hawlgalaan laakiin wanaag uma ballan qaadin isku daygaas. Hawlgalka waxa uu bilowday 3pm (Galabkii). Ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya Helicopter ayaa bilaabay in ay ku soo dagaan dhismaha waxa ayna bilaabeen in ay hub ku rideen daaraddiisa. Hase ahaatee, wax daqiiqad ka yar waxaa jug culus ayaa uga timi dhisme kaas ku dhawaa ciidamadii gaarka ahaa. Jawaabtii kooxaha hubeysan waxa ay la yaab aan wanaagsaneyn ku noqotay Mareykanka. Hase ahaatee, ciidamadii gaarka ahaa waxaa u suurtagashay in ay qabtaan Cumar Salaad iyo 23 ka mid ah Isbahaysiga Qaranka Soomalya laakiin Maxamed Faarax Caydiid guriga ma joogin. Horjoogeyaashii kooxihii dableyda ahaa iyo ciidamadii waday waxa ay galeen gaarigii Hammer-ka kaas oo yimi goobtoo hawlgalka, laakiin wadaddii xornimada ayaa ku noqotay mid dheer. Saacado gudohood, jidadkii Muqdisho waxaa la wada dhigay jidgooyooyin, iyaga oo wajahayey caqabaddi labaad, kolanyadii Mareykanka waxaa lala beegsaday duqeymo culus. Intii ay ciidamada Mareykanka wadeen iska caabinta waxaa la soo riday diyarad Helicopter ah oo siday 6 askari. Ciidmadii gaarka ahaa waxaa loo diray in ay badbaadiyaan diyaaradda soo dhacday waxa ay dagaal qaraar kala kulmeen kooxihii hubeysnaa. Iska horimaan fool ka fool ah ayaa qarxay waxaana la sheegay dhawr saac godhood in la’iskuriday lixdan kun oo rasaas ah. Saacad walba waxaa xumaanayey xaaladda sideetanka ciidamada Mareykanka ee hareereysnaa. Rasaasta ka yaraaneysay, biyaha iyo daawada. Waxa ay saqdii dhexe ku baxsadeen kaddib markii ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah oo ka socday nabad ilaaliyeyaashii. Dhammaan dagaaladdii ka dhacay jidadka Muqdsho, ciidamada gaar ah waxa ay ku dileen 18 halka 84 kale dhaawac soo gaaray. Intaas waxaa dheer kooxaha hubeysan waxa ay bur buriyeen diyaaraddii Black Hawk, saddex gaariwada qafilan ah iyo hal kuwa xamuulka ah. Dabaaldagga carruurta Soomaaalida kaddib markii la soo riday diyaaraddii Black Hawk Marka la qiimeeyo in ciidamada ugu wanaagsanaa ee gaarka ahaa ka qeybgaleen hawlgalka, natiijadii ka dhalatay waxa ay ahayd ‘MASIIBO’. Guuldaraddii Soomaaliya waxa si xanuun badan u liqay wasiirkii difaaca ee Mareykanka Les Aspin kaas oo durbadiiba is casilay. Wixii ka dhacay Muqdisho waxa ay dhaliyeen jawaab bulsho oo Mareykanka ah taas oo uusan ka jawaabi kareyn madaxweyne Bill Clinton. Amarkiisa, waxaa lagu joojiyey dhammaan hawlgaladdii uu Mareykanka ka waday Soomaaliya, bishii Maarso 31-keedii, waxaa loo qorsheeyey bixitaankii ciidamadii ugu dambeeyey ee Mareykanka. Waxaa la soo gabagabeeyey heshiis lala galay hoggaamiyihii kooxaha hubeysnaa ee Soomaaliya, Caydiid. W/Q: Joel Savage W/T: Caasimada Online
-
Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal xoogle oo dhanka siyaasada, nabad galyada, dhaqaalaha iyo dawladnimada ah kadib curashadii hogaanka dalka loogu doortay Mudane Madaxweyne Muxamed Cabdullahi 8/2/2017. Dawlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaa leh hadaf cad oo guud ahaan dalka ku soo dabaalaya nidaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo ee burburtay 1991-kii. Mudo ka yar laba sanadood markaad eegta waxqabadka halkay dawladu dalka ka qaaday iyo halkay maanta gaarsiisay, waa mid qofkii damiir leh oo iimaan leh oo wadaniyad lihi ku farxo kuna faano kuna qanco. Mudadu yaraa oo wax qabadku badanaa! Mahad alle weeye. durba ciidamadii qarankaa inoo dhismay oo bilaw fiican ah, durba hawadeenii ayaan lasoo wareegnay rag haysatay, durba caasimadeenii ayaa aduunkii kusoo dhiiraday oo nabad laga dhigay, durba diyaaradihii aduunka oo nabada ka faa iidaysanaya iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee taaba gashay, ayaa garoonkeenii Adan Cadde saf uugu jira. Durba dawladihii dariska ayaa inoola dhaqmaya siday inoola dhaqmi jireen markayno xiniinyaha lahayn shalay ee aynu ahayn dawlad jirta, durba wadamadii aduunka haday ahaan lahaayeen reer galbeed, dunidii carbeed, tii muslimka, Aasiya iyo Afrika oo dhan ayaa inagu soo qamaamaya iyagoo raba xiriir iyo wax wada qabsi dhulkena hodanka ah in ay la yeeshaan. Durba Afrika iyo aduunkaba waxaa ka socda codkeena iyo soo jeedinteena, oo aad arkaysaan in taladii madaxweynaheena Farmaajo lagu nabadeeyay, Ethiopia, Erataria, Jabuuti, Suudaan, Masar, Uganda, iyo Kenya iyo Soomaaliya. Waxaan ka qaadanay kuna biirinay heshiiskaa qaarada oo talo la qaatay oo hirgashay. Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa jecel yahay dawladan fadaraalka ah ee samata bixinaysa dalkeena hooyo. Waxay dawladu la kulantay dhibaatooyin aan la xisaabin karin, oo dalkeena dhex yaala; nina kama sugayo in ay maalin ku xaliso dhib soo jiray ku dhawaad nusqarni. Hadaan soo qaadano bal hada hal dhib oo ka mid ah kuwa ay wajahayso dawladeenu ayaa wuuxu yahay. CAQABADAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA: Maamul goboleedyada ama dawlad goboleedyada fadaraalka Soomaaliyeed, waxaan wada ogsoonahay in ay ka dhasheen xiligii dalka Ethiopia ay ka talinayeen TEGREEGII cadawga Soomaaliyeed ahaa. Waxay inoo soo gudbiyeen waxay ugu yeereen fadaraal, oo dalkeena laga aqoon, fadaraalku waa nidaam jira dunida oo dawlado ku dhisan yihiin, laakiin lama gato badeecadkastoo suuq taal ee wixii adiga kaa anfacayaa laga taa oo baahidaada ah iyo dantaada. FADARAAL macnaheeda waxa uu yahay, dad aan waxbadan wadaagin oo aan is qaadan karayn, wax u dhaxeeya oo lagu haynkaro ayaa layiraahdaa FADARAAL. Hadaba Ethiopia tusaale ahaan waa kala diin, kala af, kala dhaqan, dawladna way rabaan wadaag ah oo ka dhaxaysa, hadaba waxaa xal u ah nidaamka fadaraalka waana qaateen. Markay timaado inaga soomaalida ah waxaynu nahay dad isku isir ah, isku diin ah, isku af ah, isku midab ah, wax kala duwaansho ahi majiro soomaali waa uun soomaali mahadaa illaahay baa iska leh. Hadaba sidaa ayaynaa waahoreba u qaadan fadaraal maadama dalkeena uusan uqabin baahi. Hadaba dadbaa ku andacooda oo qiil uuga doondoona fadaraalka, dadkeenaa laysugu keenayaa oo dawladnimo ayaan ku dhisanaynaa iyo wax lamid ah, kolkaa hada waa iskuwada raacsanahay in aan wadano nidaamka fadaraalka ah. Hayeeshee maha mid inaga inaga yimid oo aynu xal u aragnay, ee waa mid TIGREE inoo keenay kuna dhisay maamul goboleedyada dalkeena. hadafkiisuna Tigreega waxa uu ahaa qaab cusub oo u keeni kara soomaali mudo dheer in ay is fahmi waydo, kuna jirto fadaraal qablilaysan oo aan ahayn fadaraalka dunidu taqaan. Hadba waxaan leenahay haraadigii Tigreegu, waxay hore u ahaa yeen caqab hortaagan in dawlad dhexe oo xoogleh oo fadaraal ahi ka dhalato dalkeena, waadna aragteen in dawlad walba oo tan ka horaysay ay dhaqaaqi wayday oo lugaha ay ku dhageen. Maxaa yeelay nin walba madaxweyne ayaa loogu yeeraa, bilwalbana malaayiin doolar ayuu helaa, markaa ma doonaayo dawlad xoog leh oo dalka ka dhalata, qabiilkiisii uu ka dhashayna wuu isku hareereeyay xarantayna la cunaan. Markii dawladani dhalatay, markiibii dagaal bay ku qaadeen, dhan walba ah. Dagaalka dawlada lagu qaaday in aysan hirgalin, waxaa ugu daran Puntland oo waxayba gaareen heer, dawlad goboleedyadii dalka ay isu keenaan oo shaqadii dawlada dhexe ee fadaraalka ah qabtaan iyagu sidii iyagoo dalka xukuma oo soomaali dooratay. Hadafkoodu waxa uu ahaa in laga tuuro kursiga hada faramaajo, hadii lagu guul daraystana doorashada soosocota ay iyagu hogaanka sare ku guulaystaan. waxayna ka dhameeyeen dawlad goboleedyadii oo dhan mashruucaas. Soomaalidaa ku maah maahda “Sirmaqabe saabaa biyo u cesha” Dawladeenii waxay ku baraarugtay dhagarta intay qodontahay, kolkaas ayay go aan satay in dawlad goboleedyada boodhaka laga jafo, waajibna ay tahay in laysla jaan qaado oo loowada adeego danta dalka iyo dadka ayadoo laraacayo rabitaanka shacabka oo ku salaysan maslaxda dalkeena. Dawladnimadu macaanaa! halmar unbaa la arkay shantii shaydaan ee tigreega hoos fadhiday, oo gudoomiyaha samaystay, oo kolba ku shiraayay gobolada dalka, oo noqday, oo libaax ku dhax dhacay!! hadee miyaan ka sheekayn karaaba fiigoodii ilaa kenya waa sii marayay waa maqlaynay. caqli xumo waa nimanka fahmi waayay hade awlaba tigtee ayaa meesha idinku hayay isgiina daadkaa qaaday. waxaa layiri “Dawaco meeshay malabsi uuga baratay, ayay macaluul uugu bakhtidaa” Dawlad layskuma taag taago, hadaba dawladeenu si weyn ayay uuga guulaysatay dawlad diidkii isbahaysi ee soomaali hortaagnaa waana lakala adkaaday. dawladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ayaa guulaystay. Waxaan idin waydiinaa soomaaliyeey, away ningii Gaas ahaa ee madaxda u ahaa maamul guboleedyada dalkeena? Mar labooqday isagoo kusugan waxaan dhaamin sariir hoosteed! ayaa niman akhyaara oo reer Puntland ubadan ay booqdeen gurigiisa. Waxay warsadeen Mudane madaxweyne Dr. Gaas, waydan olole xoog leh ayaad waday, goboladii dalkana waad isku dubariday, shirar badan baad qabatay, laakiin ayaamahan laguma hayo, edeb ayaad yeelatoo saaxafada xataa ma ka hadashid, marka aqoontaadii miyaad boodhka ka jaftoo ku bartay edebtaan kaa muuqata iyo gaabsashadaan? Wuxuu yiri Dr. Gaas jawaaab nin wali qosol aflabadii yeeray “Adeerayaal dhirbaaxadii shariifsakiin ku dhacday ayaa ishaa iiyeeshay aamuskana ibartay” Waji cusub iyo dhagar loo dagay dawlada fadaraalka, marlabaad, ayadoo laga duulaayo doorashada 2020 dalkeena hadii illaahay idmo. Markay arkeen in markaan laga adkaaday, waxay badasheen shaadhkii, khamiis cad ayaa loo soo xirtay Madaxweyene farmaajo iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Waxay xasuusan yihiin isbadalka socda iyo wixii shariifka ku dhacay. Waxaa lagu guulaystay in madaxtooyada Soomaaliya, laga dhaadhiciyo, in ay Puntland majaraha u qabtaan Dr. Gaas kadib 2019, dad taageersan dawlada fadaraalka ah, oo kabadalan tii Dr. Gaas. waxaana lagu beer laxawsaday in loo hayo nin baari ah oo lashaqaynaya dawlada fadaraalka ah amarkeedana u hogaan samaya. waxaana lagu salaaxay in xisbi nabad iyo nolo taageersan oo codsiinaya 2020 laga hirgalinaayo Puntland. Dawladu waa u guuxday saxankaa loo saaray madaxa kore ayayna ka cayaareen! Waxaa loo soodiray Mogdisho nin daganaa, oo taksiile ka ahaa maraykanka, marna meelaha caruurta lagu hayo ku lacag qaadan jiray, laakiin hada sheegta in uu yahay milyaneer!! aduunkoo dhan laga yaqaan, ayaamahana qaybinaayay, laaluush lagu doorto Puntland gudaheeda iyadoo shacabku is waydiinaayo halkee katimid lacagtaani? Ninkan oo lagu magacaabo Maxamuud Khaliif Jabiye. Jabiye oo ah mid ay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane Cumar Sharmarke amray saaxiib kii Dr. Gaas fulinta mashruucaan laga soo qaaday Mogadishu, kharashkana Gaas waa diiday waxaa jira tuhun dhanka Sharmarke ah. Dawladu waxay soo siisay Maxamuud Khaliif gaariga aan xabadu karin, diyaarad ayay Mogadishu uuga soo qaaday kuna keenta garoonka magalada garoowe, jabiye iyo baabuurkaas, Dr. Gaasna waa soo dhaweeyay guushaas. Cumar oo malaayiin doolar ka helaya dawlada Emaradka saaxiibo uu ku leeyahay ayaa salaxday Puntland iyo jubaland codkooda 2020. markii ninkan la diray jabiye uu Mogdisho kula kulmay madaxda qaranka u saraysa, ee arinkii hirgalay ayaa waxaa xaflad gaara dhigtay Hagbadleyda Puntland, waxaana Mogadishu laga dhaadhiciyay in markaan ay tahay markoodii ninkanina yahay mid daacad u ah dawlada fadaraalka ah. Waxaay heleen waxay rabeen oo dadban, waxayna doonayaan in ay lumiyaan kalsoonida shacabka Puntland ku qabaan dawlada fadaraalka ah ee Mogadishu fadhigeedu yahay, waxayna ogyihiin sida shacabka Puntland u rabaan madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaare khayre oo ay uugu soo dhaweeyeen Puntland, taasoo ay kaxumaayeen hadana ku dadaalayaan kala shaki galin iyo fidno dhexmarta. Waxay shacabka Puntland ku faraxsan yihiin isbadalka dalkeena ka dhacay, waxayna doonayaan isbadal ka dhaca Puntland iyo in laga baxo hagbada 20 jirsatay ee dikteeytar ee Garoowe. Dadku waa garanayaan in baabuurka lasiiyay Jabiye oo ah isla noocii ay Baydhabo ka dijisay uu yahay mid lasiiyay Dr. Gaas mid lasiiyay cumar oo ka dhigan ninkii doontuu saaraa bad wayn dhexdeed dalooliyay!. markaa waxaan leenahay waa gool haduu u hirgalo quruxbadan oo laga dhaliyay Mogdisho 2020 doorashada. Waxaanse lasaadalin karin siyaasada Mogadishu oo ah mid qodo dheer. Dadka Puntland maha dad loo soo hulaabto oo lamaro, waxaana ka go an isbadal dhab ah sanadka 2020 (no more hagbadleey) hor istaagta dawlad Soomaaliyeed oo dalka o dhan hanata. Waxaan higaadin doonaa hab usocodka isbadalka dalkeena, anigoo idiin soo bandhigi doono arrimaha siyaasada ee qarsoon. W/Q: Yuusuf Cumar mashruuc5@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Badanaa ma hadal badna madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee, waxa uu mar mar tuurtaa hadallo NAANEYS noqda saameyn weynna yeeshaa, Waxaa aad loo xusuustaa hadalkiisii ahaa “siyaasiyiinta xanaaqsan!” iyo “waali ayey ku dhawyihiin!” Hadaba, inta badan waxaa ka soo falceliyey oo baraha bulshada siiba Facebook soo tiigsada siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynenimada 2017. Aqri sida uu uga soo falceliyey hadalkii ugu dambeeyey ee uu nairobi ka sheegay Farmaajo. Wuxuu Cabdiraxmaan yiri:- Saaxibkey ayaa i waydiiyey ra’yigayga ku aadan khudbad uu xalay jeediyey Madaxweyne Farmaajo. Waxaan ku iri Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waalida Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Waalida ninkii soo maraa laga waraystaa”. Waxay kaloo tiraahdaa “Xilku wuxuu u baahan yahay Xikmad”. Abwaan Dhoodaan oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri “Barashada xaggeediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane Xikmada asaageen watee, xoogga lagu yeesho Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?” Hadaba waxaa is weydiin mudan, waa maxay xikmadda ku jirta in CC Shakuur durba ka soo falceliyo hadallada kulkul ee Farmaajo? Dowladda ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay leedahay mucaarad tiro ahaan badan, xooggan oo dal iyo dibadba ku nool, taas waxa ay muujineysaa in hadaladda sarbeebta ah ama weerar siyaasadeedka ah ee labadooda ka soo baxa in aysan si gaar ah shaqsi ama koox kuwaas ka mid ah ku socon. Maxaa keenay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul oo waliba aflagaado qaawan wadata uga soo jawaabo? Halkan waxaa ka muuqata in siyaasiga doonayo in uu bulshada ka iibiyo in farriimaha Farmaajo kaligii ku socdaan oo aysan jirin siyaasiyiin kale ama mucaarad kale oo uu ula danleeyahay. Caadiyan, Madaxweyne Farmaajo waxaa uga dhib badan ugana miisaan culus CC Shakuur xildhibaano badan, Daljir, Dhaamujadiid, Cumar Cabdirashiid oo la fahansan yahay in uu gadaal ka hago Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse siyaasiga waxa uu doonayaa in uu ISKA SARREEYSIIYO intaas oo dhan oo uu MUCAARADNIMADA kaligii qaato! Maxay Faa’ido u leedahahay CC Shakuur? Haddii ay u suurtagasho in uu bulshada ka iibiyo in Madaxweyne Farmaajo isaga ku dhaga hadlo oo uu farriimaha siyaasadeed ku rido! Waxaa halkaas uga soo baxaya MUDNAANTA mucaaradnimo in la siiyo isaga oo uu noqdo HALBEEGGA kuwa naqdiya dowladda!! W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot), ayaa shaaciyay in wali gacanta ciidamada cirka ay ka maqan yihiin dhismooyinkii iyo xarumihii ay daganaan jireen ciidamada Cirka ee dalka. Taliye Dable-Beyloot ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay in shirkado gaar ah ay gacanta ku hayaan dhulkii iyo xarumihii ay lahaayeen ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya. Shirkadaha gacanta ku haya dhulka iyo xarumaha ciidanka Cirka ayuu tilmaamay inay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah iyo Dad ajaaniib ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay soo wareejiyaan. Shirkadaha ay leeyihiin Soomaalida iyo Ajaaniibta ayuu qaarkood sheegay, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay arimahaasi wax ka qabato. Taliyaha ciidamada cirka ayaa tilmaamay in haddii shirkadahaasi dowladda ay la og tahay loo baahan inay cadeyso “Dowladda haddii ay la ogtahay waxba ma dhibeyso, oo KMG waa lagu heysan karaa, laakiin haddii aan lala ogeyn waa dhibaato”ayuu yiri Taliyaha. “Wey badan yihiin shirkadaha, hal iyo labo maaha, Soomaali iyo ajaaniib ayay ka kooban yihiin”ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada cirka dowladda Soomaaliya Generaal Dable-Beyloot. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Al- saacdicuun waa koox diineed ka soo diga-rogatay Jamacaada Al- Dacwah Walhijra, ama Jaamacada Muslimiinta (sida ay isku yaqaanaan) ama Jaamacada Altakfiir Walhijra (sida loo yaqaan) laakiin magaca beddelatay ee la baxday الصادعون بالحق”, oo Af-keenna marka lagu fasiro noqoneysa “kuwa aan xaqa la gabban” Sanad ka hor ayaan maqaal ka qoray kooxdaas, http://aawarsame.so/Blog/194-2/, laakiin waxaan maanta ka hadlayaa ma aha iyaga iyo waxa ay u taaganyihiin ee waxaan doonayaa in aan ka hadlo muxuu fikirkoodu ugu faafayaa si xawli ah? Aniga oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxdan iyo sida xirfadaysan ee ay uga faa’iidaystaan warbaahinta baraha bulshada, ayaa subax aan sii dheerayn waxaa i soo wacay nin dhallinyaro ah oo ka walwalsan sida ay dhallinyardii ugu hoobteen qaadashada fikirka kooxdan. Waxaan u kuurgalay sababta uu fikirka kooxdaan sida aadka ah ugu faafayo. Waxaa ii soo baxday in uusanba jirin fikir kale oo kooda dhinac yaal. Fikir la’aan Dunida Islaamka, Carabta iyo Afrikaba waxaa ka socda doodo aan kala go’in oo fikir iyo aydoolijiyad la isku hayo dhinaca fikirka diiniga ah ee ay hor boodayaan kooxaha Islaamiyiinta kala duwan, Ikhaawanul Muslimiin, duruqu Suufiya, Salifiyada iyo Caqlaaniyiinta. Dhinaca kale iyana waxaa jira Qowmiyiin, Calmaaniyiin, Liibaraaliyiin midigta xiga, Sooshaalista bidixda xiga, doodaha la xariira boor ka jafista fikirka Islaamiga ah iyo sida ay iskula jaanqaadi karaan dawladda casriha ah, gaar ahaan nidaamka dimoqoraadiga. Soomaaliya kama jiro suuqa fikirka iyo mid afkaareed toona. Ma jirto cid xiisanaysa fikirka oo aasaas u ah nolasha bani’aadamka, xil, xoolo iyo xoog aysan fikir iyo aragti hagaynin waa tacab qasaaro oo burbur horseedi kara Fikirku waa kan gundhiga u ah nolosha bulsho, dhaqan, siyaasad iyo dhaqaale, suugaan, masraxiyad, sheekooyinka, doodaha iyo qoraalladu waxay ka midyihiin hidde tebinta bulshada. Waa muraayadda ay jiilalka iyo faca mustaqbalka ka dheehan karaan fikirka, dareenka, dooqa, himillada iyo hamiga awooweyaashood. Fikirka oo ah curiyaha aragtida, nolosha isbedelkeedana horseeda wuxuu ka noqday dalkeenna saylad macaamiil la’aan ah. Kooxihii Islaamiyiinta ee kala duwanaa sidii ay u galeen ganacsiga, samafalka iyo siyaasadda waxa ay mudnaanta siiyaan ilaalinta danaha ay ku hawlan yihiin. Waa jiraan culimo ganacsato u badan oo dadka xoogaa wacdi ah ku tuurtuura, oo aan raadeyn badan lahayn. Iyadoo aysan awalba Soomaaliya ka jirin loolanka dhinaca fikirka iyo aragtida siyaasadda ayaa haatan waxaa la oran karaa siyaasadda Soomaalida waxa ay ku sifowday waxa uu aqoonyahankii Faransiiska ahaa Jean Bayart ugu yeeray siyaasadda caloosha (Politics of The Belly). Kolkii kooxda keli ah ee fikir iyo aragti suuqa la taagan ay Al-saaciduun noqoto, waxaan marna la yaab lahayn in jiilka dhallinyarada ee u ooman fikirka iyo aragtida ay dhinacooda u jabaan. Dalkeena oo ay dhallinyaradu 70% ka badan yihiin, waxay ka daaleen colaadda, cabsida, qabiilka, nacaybka, waxaa kaloo aad u niyad jebinaya dhaqanka siyaasadeed ee calool u shaqaysiga ah. Dhaqaale-yahankii Ingiriiska u dhashay John Maynard Keynes oo ahaa hindisaagii aragtida (Macroeconomics) ayaa laga reebay In uu yiri “fikir ayaa taariikhda beddela, laakiin dhibku kama jiro curinta fikir hor leh, ee waa ka guurka kan lagu dhegganyahay”. Horumarka bani’aadamka waxaa aasaas u ah feker wax curiya, suugaan xaaladda ka warranta iyo aragti garaadka dhista, sida uu jirka ugu baahanyahay raashin tamar siiya ayuu garaadka iyo caqliguba ugu baahanyihiin fikir iyo aragti kobcisa, sida ay ruuxdu ugu baahan tahay cibaado kor u qaadda. Haddii aan fikirka iyo aragtida la tixgelin waxaa meesha ka baxaya, kobaca caqliga iyo garaadka iyo awoodda in uu samay karo qiimayn dheellitiran, dhaliil cilmiyeysan, dulqaadka lagu aqbalo aragti kala duwan. Waxaa mar kasta sii murjinaya dhibaatada dalkeena ka taagan waa in caadifad iyo xamaasad lagu wajaho arrimo iyo hawlo fikir qodan, aragti qoto dheer iyo ka fiirsasho badan u bahaan. Ma sahlana in aan dhibka ka baxno ilaa iyo inta aan caqliga ka adkeysiino caadifadda, khuraafaadka aan cilmi ka horgeyno, lana helo siyaasad fikir, aragti iyo faham ka duulaysa oo aan ka baxno siyaasada xagey ka bishisahay maanta?? Mahadi ha adiin sugnaato, Jimco suubban W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-271118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
kaftanka maanta, dheeraad…W/Q Axmednuur Guruje Aduunyada wax walba waxbaa Ku dheeraada ,hadii aan dheeraas aan laga saarina dhabqiya, Jacaylka beentu waa Ku dheerad Soomaalidu aduunka waa Ku dheeraad Ganacsiga kootadu waa Ku dheerad Dhoofka tahriibku waa Ku dheeraad Heesaha koombituurku waa Ku dheeraad Faladagan fanka waa Ku dheeraad Hargaysa biyo la aantu waa Ku dheeraad Doorashada kordhintu waa Ku dheeraada Siyaasada hagbadu waa Ku dheeraad Maxamuud xaashina kulmiye waa Ku dheeraad . Source
-
Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa. Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya. Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen. Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga. Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso. Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara? Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin. Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo. Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne. Mohmoud O Osmaan Email: mohoomer@gmail.com Mobile: +252634129326 Thank you. Source
-
Qof ahaan waxa aan bartay isaga oo bare ka ah Kulliyaddii Tababarka Macallimiinta Hargeysa, 2001-2003 ayay ahayd. Gu’gii 2004-2005 ayuu bare iigu ahaa dugsiga sare ee Aljasiira. Laba saacadood oo is-xiga ayaan ka dhigan jiray maaddada Bayoolajiga. Macallin aftahan ah, aqoon leh, ardaydana guubaabiya ayuu ahaa. Waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii doorka ka qaatay hal-tebinta cilmiga Sayniska. Dhanka kale waxa uu qabtay xilal ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.Hannaankii waxbaristiisa oo isoo jiidatay awgeed waxa aan ku maamuusay maanso magaceeda la yidhaahdo Bariidiyo Salaan. Tan iyo waagaas oo laga joogo 14 gu’ ayaanu lahayn is-aqoon iyo xidhiidh toos ah oo ku salaysan qaddarin iyo xurmo. Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu noqday Hormoodka Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiga ee Jaamacadda Hargeysa. Markii uu xilkaas qabtay waxa ay ka koobnayd laba dhudood oo kala ah: Bio/Chemis iyo Physio-Maths. Waxa uu ku kordhiyay laamo ay kamid yihiin: Nutrition, Biomedical Sceince iyo Statistics Professor Axmed Maxamed Cadaad waxa uu ka mid ahaa dad aan u bandhigay inay soo akhriyaan, weedhna ka yidhaahdaan buugga Quraanka iyo Sayniska. Hilaad ku siman 2011kii ayay ahayd. Weedh-maamuuskiisa ayaa u dhignaa sidan: ”Aqoon-sayniseedka iyo aqoonta Quraanka ee uu buuggani dadka ku kordhinayaa waa mid qotodheer, oo mug iyo baaxadba leh, oo korinaya ama kobcinaya fahmo-garashadooda (intelligence), dareennadooda aragga, urinta, maqalka, dhadhanka iyo taabashada. Waxa ay indha-indhaynaysaa waxyaalaha Eebbe-abuurka ah (nature). Waxa ay kobcinaysaa sidii ay dadku ugu fiirsan lahaayeen gedgeddoonka Eebbe-abuurka. Waxa ay daah-rogaysaa awoodda Eebbe ee ku mooro-duugan carro-edeg. Waxa ay kordhinaysaa waxa ugu cabbir yar sida atamka illaa waxa ugu weyn ee ifka Alle ku abuuray. Buuggani waxa uu soo bandhigayaa aqoon saynisku ogaaday xilliyadan dhaw, Quraankuna ka warramay 1400 sano ka hor, taas oo saamayn ku yeelan karta dadka sayniska yaqaan ee aan Islaamka ahayn. Waxa aan u soo jeedinayaa aqoonyahannada Culuumta sayniska ka soo dheegay Quraanka iyo duco ballaadhan oo qotodheer oo ah in uu Ilaahay cilmi-baadhis sayniseedka ku qotonta ka dheegista sayniska Quraanka in uu u fududeeyo, hilaadin iyo hanweynna Ilaah ku abuuro. Hambalyo iyo bogaadin muhiim ah oo u qalanta, isla markaasna ay mutaysteen ayaa aan u soo jeedinayaa. Waxa kale oo ay mudan yihiin in lagu ammaano inta ifka ka joogta aragtida ebyan ee ergada u ah uunka arlada ku uumman oo idil. Maadaama oo aynu nahay ummad 100% Islaam ah, waa ay habboon tahay waanan taageersanahay in mustaqbalka Culuumtan lagu daro manhajka kulliyadaha sayniska iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadaha dalka, haddii Alle idmo. Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu istaahilayaa isla markaasna uu mutaystay in loogu yeedho ”Cilmi-baadhe” ”researcher”. Waxa aan ku bogaadinayaa dedaalkaa dheeraadka ah ee uu sameeyay, aniga oo horena ugu bartay in uu yahay hal-abuur gabayaa ah (creative poet). Buuggan uu amuumaday ee ibdaac ahaan uga soo maaxday waa hawl qaali ah oo qiimo iyo qaayo ugu fadhida dadka oo dhan. Waxa aan ku dhiirrigelinayaa in aanu ka daalin, kana niyad-jebin, tifaf-tirka buugga, sidoo kalena uu u qori lahaa buugaag kale oo inna anfaca if iyo aakhiroba. Waxa aan ku guubaabinayaa in uu wacneeyo, oo uu wanaajiyo buuggan. Himiladaaduna ha ahaato in aad gaadho heerka qoraayada caalamiga ah (International Historian Status)” Bare Sare Axmed Maxamed Cadaad, Hormoodkii Hore (Dean) Ee Kulliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Hargeysa Source
-
Dalku Wuxuu u baahan yahay karti- hogaamineed oo qoto dheer oo ka mudh-bixi karta dabeylaha siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaalilaan iyo mandaqada. Waxaa Xukuumadihii kala danbeeyey ee JSL ay caadeysteen in kolba dib loo dhigo Doorashooyinka iyaga oo indhaha ka qarsanaaya cawaaqib xumada ay ku reebayso habka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waxay arintani baabiisay sumcadii iyo karaamadii Somalilaan, Gaar ahaan hab maamuuskii gaarka ahaa iyo hab dhaqankii Siyaasadeed ee Caalamku Somalilaan ku qaabili jirey. Hab maamuuskaas ( Somaliland Special Arrangement ) Wuxuu hada ku danbeeyey in uu meesha ka baxo. Waxaana dhamaan mashaariicdii Horumarineed ee Somalilaan la siin jirey lagu xawilay Somali-Weyn si loogu soo mariyo, taana waxaa keenay Siyaasad xumadii xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyey . Galaan galkii siyaasadeed ee caalamiga ahaa ee Diblomaasiyiinta Somaalilaan ay ictiraafka ku raadin jireen ayaa isna sii wiiqmay oo meesha ka baxay, maadaama aan la hubin in doorasho dhacayso sanadka danbe iyo in kale . Dabcan sida Madaxweyne MBA shirkiisii Jaraa’id kaga dhawaajiyey wuxuu qiray in doorashooyinka is barkani ay u baahan yihiin mudo 10 bilood ah ugu yaraan oo loogu diyaar garoowo, sidaa daraadeed waxaa aan caad saarneyn oo ummadda u cadaatay in aanay Doorashooyinku marnaba ku dhaceyn waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay. Nasiib daro doorasho kasta oo Somaalilaan ka dhacday midna kumay dhicin waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay .Bal u- fiirso caadooyinka mudo kordhineed ee hoos ku taxan: A ) Silsilada taariikhda muddo kordhineed ee Golaha Baarlamaanka JSL ee maanta kuraasta ku fadhiya : 1. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 2. Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 3. Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 4. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo aheyd 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 5- Mar Shanaadkiina dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka soo bilow 28/4/2019 ilaa iyo ??? B) Taariikhda mudo kordhineed ee Madaxweynayaashii iyo Madax-weyne ku xigeenadii JSL soo maray. 1- Madaxweyne Cigaal ka soo bilow 1995 ilaa iyo 2002 2- Madaxweyne Riyaale ka soo bilow 2008 ilaa iyo June 2010 3- Madaxweyne Siilaanyo ka soo bilow Juune 2015 -27/10/2017 4- Madaxweyne MBA isagana ka filo in mudo loo kordhiyo hadii la nool yahay ? C ) – Goleyaasha deegaanka JSL iyagana waxaa muddada loo kordhiyey 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 D ) – Golaha guurtida iyagana waxaa mudo kordhitii ugu danbeysay loo kordhiyey 28/4/2018 ilaa 28/4/2020. “Waa in Goleyaasha qaranku ka waan toobaan Mudo kordhinta aan la garaneyn Sababeynteeda. Waana in ay ixtiraamaan caqliga bulshada rayidka ah, karaamadda musharaxiinta cusub ee soo cartamaaya iyo dooca iyo dareenka daneeyayaasha Somaalilaan ee beesha caalamka” Xisbiyada qaranku iyaga oo ka duulaaya awoodaha Dastuuriga ah ee ay leeyhiin , hadii ay Xukuumada kula heshiin waayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto.Talo qaran oo aan ka hor-imaneyn dastuurka way ku baaqi karaan, waayo goleyaal xeer dejineed ( guurti iyo Wakiilo) ku fadhiya kuraasta mudo kordhin waqtigoodii iyo maandheytkoodiba uu dhamaaday go’ aanka masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? ma mid xalaal ah oo waafaqsan dastuurka mise mid aan waafaqsaneyn? wuxuu noqonayaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka qaranka. Sidaa daraadeed Dimuqraadiyada Somaalilaan sheeganaysaa xalaal ma noqonayso hadii ay dalka sii wadaan oo sii maamulaan Sadex Gole oo maandheytkoodii doorasho iyo mudooyinkii la doortay uu ka dhamaaday. Doorashooyinka aan waqtigii loo cayimay ku dhacayni waxay dhaawac iyo dhiig bax ku yihiin mar kastaba Geedi socodkii Dimuqraadiyada JSL lagu majeeran jiray. Allaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee CIGAAL ee magaaladda Hargeysa, guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay munaasibad lagu abaal-mariyey inuu noqday Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018 .Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan. Masuuliyiinta ka soo qayb-galayaashii soo dhawaynta Guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadashay shir jaraa’id ka dhacay madaarka Cigaal ayaa guddoomiyaha Telesom ugu hambalyeeyey guusha Somaliland iyo Shirkadda Telesom uga soo hooyatay hogaanka dhinaca isgaadhsiinta ee Afrika. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa isna dhankiisa waxaa uu u mahadnaqay dhamaan shacabka Somaliland, shaqaalaha shirkadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay guushiisa. Halkan ka daawo warkan: https://youtu.be/awtZ7AHmKRc Qaran News
-
Sida ay shaaciyeen gudigii uu Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafkii u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa la dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac. Inkastoo labada dhinac aysan weli war kasoo saarin. Arrinta ayaa ku soo aadeysa xilli ku dhawaad sanad uu muran weyn u dhexeeyey dolwadda dhexe iyo maamulada oo xataa gaaray in uu meesha ka boxo wada shaqeyntii u dhexeeysay. Maamulada waxa ay sameysteen gole iskaashi iyo guddoomiye metala, hase ahaatee waxaa ka baxay laba ka mid ah kuwii sameeyey golaha sida Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xassan oo ay dowladda ka taqalustay. Sida uu warbaahinta la wadaagay Fareelo oo ah Senator loona igmaday In uu hoggaamiyo gudigii Aqalka ee u kala dabqaadayey labada dhinac, maamulada waxa ay si guud oo cabasho ah u soo gudbeen sideed qodob halka mid walba gaar kuwo isaga u gooni ah soo bandhigay oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe. Hase ahaatee, dhammaan qodobada ay soo bandhigeen, marka si qotodheer loo qiimeeyo, waxaa soo baxeysa in maamulada aysan la gole imaan wax lagu qanco ilaa ay ka gaadhay ‘Wax aad sheegto ha waayin”, oo ay is-dhiibeen. Aan is dul taagno qodobadii ugu diciifsanaa ee ay la gole yimaadeen maamulada 1 – Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. Haddii aad qodobkan is dul taagto waxaa ku soo baxaya in maamulada aysan ahayn kuwo waaqici ah ama xushmeynaya garaadka bulshada Soomaaliyeed, waayo, waxaa marag ma doonta ah in xukumadda hadda jirta tahay tii ugu horreeysay oo ahmiyadda kowaad siisa dib u dhisidda ciidamada qalabka sida, sirdoonka iyo Booliska. Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhisay gudiga Amniga Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Maamul Gobolleedyada, guddigaas waxaa la’isla meel dhigay qodobo badan oo wax ku ool Qaranka u ahaa, hase ahaatee, khilaafkii ay dhaliyeen Maamulada ayaa hakad galiyey. Ma ahayn qodob mudnaa in ay la horyimaadaan bulshada Soomaaliyeed! Waxaa sidoo kale xusid mudan, in mucaaradka, gaar ahaan xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah kuwa u durbaan tumayey Maamulada uu dowladda Farmaajo ku eedeeyey in ay xoogga saartay dhisidda ciidamada taasna tahay tusaale kalitalisnimo! Ogow, waa markii ugu horreeysay 27 sano kaddib oo ay ciidamada mushaar toos ah qaataan. 2 – Ka heshiinta qaabka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. Lagama heshiin nidaamka doorasho!? Waa qodob mudan in lagu qoslo! maxaa laga heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee ay dowladda iyo dowlad gobolleedyada ku yeesheen Baydhabo? Miyaan laga heshiin In 2021 nooca doorasho ay noqoto MID XIRAN (Proportional representation)? Haddii aan la’isku waafaqinse, maxay shirkii Baydhabo loogu xusi waayey in aan lagu heshiin ama ay bulshada ugu sheegi waayeen? Dhammaan su’aalahaas waxa ay jawaab uga baahin yihiin hoggaamiyeyaasha hadda ku haray maamulada ee ka tirsanaa Golihii Iskaashiga Maamulada! 3 – Faragelin la’aanta doorashooyinka maamullada iyo kuwa dowladda dhexe Halkee ayey dowladda farogelineysaa? Djibouti, Kenya mise Uganda? Dowladda Federal-ka ah iyada ayaa u leh awood dastuuri ah in ay korjoogteyn ku sameyso dhaq dhaqaaqyada maamulada hoos yimaada marka laga soo tago afarta waaxood ee ay iyada kaliga ku tahay. Dabcan, dareenka iyo rabitaanka shacabka, dowladda dhexe kama hor imaan karto laakiin waa haddii ay ku qanacsan yihiin! Shariif Xassan, Madoobe iyo Gaas midna shacabkiisu marabaan mana ah kuwo lagu kalsoonaan karo in ay ridaan doorasho daahfuran! Waa waajib saaran dowladda in ay farogaliso si loo adkeeyo xasilloonida dalka oo dhan. Dhammaan qodobada kale marka aad si dheer u qiimeyso waxaad ogaaneysaa in hoggaamyeyaasha hadda ku haray maamulada u muuqdaan kuwo taagnaa “Mar Yaa Naga Dhammeeya Khilaafka”, oo isa soo dhiibay. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga khayraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Guud ee ciidamada cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali. Kulanka ayaa wuxuu ku saab-sanaa cabashooyin uu talisku usoo gudbiyay Gollaha oo ku aadan dhul uu ciidanka cirka leeyahay oo ay ka haystaan shirkado gaar loo leeyahay oo isugu jira Soomaaliya iyo Shisheeye. Marka uu soo dhamaaday shir, Senator Ilyaas Cali Xasan, oo ah gudoomiyaha Guddiga ayaa wuxuu warbaahinta la wadaagay qodobadda ay isla afgarteen Taliye Cali, iyo sida muhiim ay u tahay in loo dhaqan-geliyo. Dhinaciisa, taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in aysan jirin cid sii haysan karta dhulka ciidanka cirka iyo kuwa danta guud. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofeysane.mp3 The post Digniino loo diray shirkadaha degan dhulka ciidanka cirka DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland: Muddo Kordhis iyo Dib u Dhac Waxay Noqdoon Arrimo Caadi Ah Guddiga Doorashooyinka Somaliland (NEC) iyo dhamaan xukuumadaha kala duwan ee dalka soo maray waxaad moodaa in ay ka dhigteen muddo kordhis iyo dib u dhac wax caadi ah. Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deggeenada ee la filayey in la qabto bisha seddexaad ee sannadka soo socda, oo laga yaabo in dib loo dhigo, waa in la qabto. NEC xilligan fadhiya oo uu saxiibkay Siciid Cali Muuse, ka yahay af-hayeen, wax alaale wax kale oo loo xil saaray ma jirto. Ma aha wasaarad, wakaalad, ha’ayad, maxkamad, iskuul, jaamacid, ciidan, ama qayb kale oo ka mid ah laamaha dawlada. Xilkoodu waxa kaliya uu yahay, waa qabanqaabinta, maamulka iyo hirgelinta doorashooyinka golaha deggaanadda, wakiilada iyo ta madaxweynaha. Wax kale oo loo diray ma jiraan. Markaa siday ku dhacdaa, maanta oo misaaniyad ahaan dalku taagan yahay Al-xamdullilah, oo la haya farsamo aan waddamada kale ee Afrika laga isticmaalin iyo ummada hiil iyo xoogba la barbar taagan, in dib loo dhigo doorashooyinka? Markuu dalku iska leetay, ee aan waxba la isla hayn, ee siduu nin berri yidhi “beerka loo jiifay”, ayaa doorashooyin la qaban jiray. Madaxweynihii hore, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”, siddeetan (80) cod, ayuu ku qancay! Khali Wali! Haddii guddiga NEC ee maanta fadhiya ay doorashooyinka laba sannadood ka hor lagu heeshay in la qabto, ay qaban kari waayaan, dee ha iska rawaxaan. Somaliland ma weydo khuburo hawshaa qaban kara. Muddo kordhis iyo dib u dhac, waa wax la iska caadiyaystay Somaliland. “Waar muddo ii kordhi”. “Waar dib iigu dhig”. Waxaad maanta qaban kartid maanta, maxaad berri ugu dhigan? Waddamada hore u maray waxay badaanaa ku sheegaan dalalka soo koraya, musuq-maasuq iyo wahsi, “corruption & idleness”. Weynu ka xanaaqnaa “stereotype” kaas oo kale. Run ahaantiina Somaliland waxay soo qabsatay 30kii sannadood ee ina soo dhaafay, cid gaadhasaa way iska yar tahay. Lakiin, waxaad moodaa in maanta dadka dalku xilka u dhiibtay wakhtigan xaadirka ah in ay noqdeen dad wahsi badan oo kursi jacayl hayo. Musuq-maasuqa iyo wahsigu waa waxyaabaha dal iyo dadba burburiya. Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu yidhi “handaraab” baan ku qabanayaa maaliyada dawladda “public spending” anigu waxaan odhan lahaa “quful ku xidh”, asxaabtan NEC iyo Golaha Wakiiladana ka soo hurguf meesha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-271118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray hadalkii maanta kasoo baxay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ee ahaa in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni, ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka kasoo baxay Aqalka sare, balse taa macnaheeda uusan aheyn in Khilaafka la dhameeyay. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in la xaliyay qeybaha ugu horeeya ee tabashooyinka dowlad goboleedyada, balse ay wali harsan yihiin waxyaabo badan iyadoo dowladda laga doonayo dhaqan gelinta qoraalka kasoo baxay aqalka sare. Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qodobo kale oo aqalka sare aysan kusoo darin siddeeda qodob ee loo baahan yahay in xal laga gaaro, waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa maqan qoraalka. Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta dowladda Soomaaliya iyo fulinta qodobada kasoo baxay golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare. Galmudug iyo Puntland ayaa ah maamulada kaliya ee harsan ee la doonayo inay ka jawaabaan hadalka kasoo baxay golaha aqalka sare oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada dalka. Halkan ka dhageyso codka Xirsi Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codka-Wasiiru-Dowlaha-Madaxtooyada-Jubbaland.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
African Utility Week gets seal of approval from U.S. Department of Commerce for greater American presence at the event Mother City to welcome back 10 000+ energy and water professionals The 19th edition of the multi-award-winning African Utility Week conference and exhibition in Cape Town has obtained official U.S. Trade Fair Certification from the U.S. Department of Commerce, paving the way for a greater American participation at the event in Cape Town from 14-16 May next year. Along with the recently acquired, co-located event POWERGEN Africa, the event gathers the largest group of power, energy and water professionals in the African market. “We are delighted to announce that U.S. Trade Certification has been granted, with the United States officially endorsing the event. We are looking forward to working with the U.S. Commercial Service over the next few months to facilitate U.S. participation at the event” says Edgar Baron, International Sales and Business Development Manager for Spintelligent, the organisers of African Utility Week. He adds: “U.S. exhibitors will be able to connect with 10 000+ attendees from over 80 countries over the 3-day exhibition and conference and generate leads and qualified business enquiries showcasing their innovative solutions and build partnerships at the leading power, energy and water expo in Africa.” The U.S. Commercial Service/ITA team will be providing export assistance to U.S. exhibitors. B2B matchmaking meetings with utilities, energy providers and Government officials will be available to U.S. exhibitors. Apart from the official U.S. country pavilion at African Utility Week and POWERGEN Africa showcasing specialised technology and services for the utility, metering, renewable and water industries, country pavilions from Germany, India, Denmark, France and Canada have already confirmed their presence at the 3-day event in May 2019 at the CTICC in Cape Town. At least four more country pavilions are expected on the exhibition floor. Industry support A multi-award-winning conference and exhibition, African Utility Week and POWERGEN Africa has already secured early support from industry stalwarts including Conlog, Dromex, Landis+Gyr, Sumitomo and Utility Systems as platinum sponsors and Aberdare and Sulzer as gold sponsors. Along with multiple side events and numerous networking functions the event also boasts a five track conference with over 300 expert speakers, focusing on industry disciplines such as: thermal generation, water, renewables, revenue cycle management and metering, transmission and distribution as well as project finance and investment. The African Utility Week and POWERGEN Africa expo offers an extensive Knowledge Hub programme that is CPD accredited, free to attend, and offers hands-on presentations that take place in defined spaces on the exhibition floor. They discuss practical, day-to-day technical topics, best practices and product solutions that businesses, large power users and utilities can implement in their daily operations. African Utility Week and the co-located POWERGEN Africa is the flagship energy event organised by Spintelligent, a multi-award-winning Cape Town-based exhibition and conference producer across the continent in the energy, infrastructure, mining, real estate and agriculture sectors. Other well-known events by Spintelligent include Future Energy East Africa, Future Energy Nigeria, the Utility CEO Forums, Agritech Expo Zambia, Nigeria Mining Week and DRC Mining Week. Spintelligent is part of the UK-based Clarion Events Group and African Utility Week and POWERGEN Africa form part of Clarion Energy, which runs over 40 events that cover the oil, gas, power and energy sectors, making it one of Clarion Events’ largest portfolios. Dates for African Utility Week and POWERGEN Africa: Conference and expo: 14-16 May 2019 Site visits: 17 May 2019 Location: CTICC, Cape Town, South Africa Website: http://www.african-utility-week.com Twitter: https://twitter.com/AfricaUtilities #AUW2019 Linkedin: African Utility Week Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya. Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Sacuudiga, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga dhexe ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga dhexe ee dalka. Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda. Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. “Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo. Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda. Dhageyso wareysi uu Beyle siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Beyle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa ku wargeliyay musharrixiinta xilka madaxweynaha ee imaanaya guud ahaan gobolka Nugaal in ay laba maalmood ka hor imaatinkooda sii ogaysiiyan maamulka. Mudane Gu’jir ayaa Sidoo musharrixiinta u sheegay in aysan qabsan karin shirar iyo xaflado aysan ka war-qabin guddiga amniga gobolka Nugaal. Tallaabadan ayaa loo qaaday sida guddoomiyuhu sheegay sugidda amniga musharrixiinta iyo guud ahaan amniga gobolka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo amarro duldhigay musharrixiinta appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti u qabatay Hay’adaha wali ku shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dalka gudahiisa loogu soo celinayo Hay’addaha fadhigoogu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana shaqeeyan arimaha Soomaaliya. Xoghayaha ayaa sheegay in Hay’addaha la doonayo inay usoo guuraan magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa aan dowliga aheyn oo xorriyad u heysta inay magaalada ka dagaan magaalada halka ay doonaan, sida uu sheegay. Xoghayaha ayaa isaga oo ka jawaabayay Hay’addaha Sheega in amaanka Muqdisho uusan wanaagsan, ayaa cadeeyay in hay’adahasi qaarkood ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Libya oo uu sheegay inay amaan ahaan ka hooseeyaan Muqdisho. Hay’addo badan ayaa hadda xarumo ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hay’adaha kale uu sheegay in looga baahan yahay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna ku shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The reference to a “poisoned chalice” was most notably used in Act I, Scene VII of Shakespeare’s Macbeth, when Macbeth is contemplating the consequences of murdering King Duncan. Macbeth broods as follows: “…that we but teach bloody instructions, which, being taught, return to plague the inventor:this even-handed justice commends the ingredients of our poison’d chalice to our own lips.”With respect to the usage of the phrase herein,while the “inventor” of the “bloody instructions” or “poison’d chalice” is the previous Kulmiye government of President Silanyo, the real victims of imbibing the said chalice are the people of Somaliland which had voted the said government into power and are left to suffer the consequences of its actions. As we approachthis first anniversary of Muse Bihi’s assumption of the Presidency of Somaliland, we must ask what the future has in store for the country. It is an undeniable fact that the previous administration has passed on to its successor a poisoned chalice regarding the almost uniformly negative legacy they have bequeathed with respect to both the domestic and foreign consequences its policies. The government of Muse Bihi has succeeded the most corrupt, most cynical and most divisive government in the short modern history of Somaliland. Accordingly, the vast majority of the people were happy that a new leadership assumed power on 13 December 2017 in the expectation that there would a major change in the outlook for the country, not to mention a complete overhaul of domestic politics from division and tribalism towards unity and reconciliation which have been the country’s ethos and the foundation of its national success in an increasingly fractured and restive region. This expectation was occasioned, in large part, because of perceived differences between the new President and his predecessor despite the fact that they were both Kulmiye Party stalwarts and candidates. Firstly, Muse is perceived as a staunch nationalist who is irrevocably committed to Somaliland’s independence; whereas his predecessor’s commitment to this cause was called into question by his own public statements during the 2010 presidential campaign, not to mention his pro-federalist positions during the SNM struggle. Secondly, Muse was not directly implicated in the blatant and naked corruption of the Silanyo government whereby the senior members of the regime enriched themselves through the exercise of their official powers, so the new President assumed office with the perception of ‘clean hands’. Thirdly, Muse was known as a strong leader willing to take hard decisions and unwilling to suffer fools; whereas his predecessor had been ill for much of his term and was indeed largely absent from day-to-day management of national affairs which had become delegated, perforce, to a ‘kitchen cabinet’ of family members and senior governmentofficials. The components of this poisoned chalice can be summarised as follows: Ø With respect to foreign policy, the previous government severely compromised the country’s strong independence stance by entering into a pointless and counter-productive policy of dialogue with the successive, illegitimate and unrepresentative so-called governments in Mogadishu. By conferring some level of legitimacy upon these rogue, foreign sponsored regimes in Mogadishu under the aegis of the so-called dialogue, the Silanyo government hadcommenced the process to subjugate Somaliland’s quest for recognition to the whims of the reigning regimein Mogadishu. Ø In addition, the Silanyo government deliberately sabotaged the campaign for international recognition by abandoning it as the focus of its foreign policy. Instead, foreign policy was focused upon maximising foreign aid receipts and the marketing of national assets for the enrichment of government officials and their acolytes. When this effort required the subordination of the country’s national interest to the dictates of the Mogadishu ‘government’ of the day, this was accepted. Thus, for example, Somaliland students wishing to apply for the foreign scholarships extended by donor countries had to travel to Mogadishu in order to do so; while Somaliland Haj pilgrims had to travel to the holy sites as part of the Somalia delegation since no serious effort to secure Saudi agreement to a Somaliland delegation was made or even contemplated. Ø The assault of the Silanyo administration upon Somaliland’s independence stance are also evident in the deliberate downgrading of the creditable achievements of the Egal and Rayalle governments in securing key supporters for the country throughout Africa, e.g. Ethiopia, Kenya, Ghana, South Africa and Senegal. Instead, countries with an avowed hostility to Somaliland’s quest for recognition, such as Turkey, were actively wooed and their overt attempts to compel Somaliland’s acquiescence to Mogadishu’s sovereignty accommodated, and even quietly encouraged. Ø With respect to national security and domestic unity, the alienation of the majority population in the Sool&Sanag regions through the naked, tribal and divisive support of the President’s clan in land & pasturage disputes with other resident communities in these regions has resulted in exacerbating divisive feelings in these key border areas. The overt tribalistic tendencies of the Silanyo government, evidenced by the loud trumpeting of its tribal “Cheegaan” alliance by its Isaaqstalwarts and supporters, have lead to the splintering of the unity and national ethos that it had inherited from the two previous administrations. Ø With respect to economic policy and financial strategy, the Silanyogovernment effectively abandoned any effort at developing and enacting any policy at all. It left economic and financial affairs to the whims and dictates of itsmajor donors and supporters in the business community, thereby abrogating its statutory responsibilities. Indeed, the only significant action the previous government took with respect to the economy was to impose sales taxes and increase customs duty which hurt the small traders as well as impose income taxes which hurt public sector employees. The Silanyo government also failed to take advantage of the lifting of the livestock ban by the Arab Gulf states to implement procedures and regulations to both modernise and streamline the sector to prevent future bans and also to bring it within the control of local authorities and local stakeholders, i.e. pastoralists, merchants and exporters. Instead, the entire livestock sector was delivered into the hands of a few foreign, principally Saudi, merchants which have a key interest in keeping the local players weak, divided and disorganised. Thus, Muse Bihi has inherited a toxic brew of (an arguably treasonous) subjugation to Mogadishu; regional & international isolation and subservience to foreign donors and investors externally; a worsened security situation in the eastern regions and increased fragmentation and social frictions domestically with a negative economic environment characterised by high inflation and rapidly depreciating currency. This is the poisoned chalice that the current Kulmiye government has inherited from its predecessor.It is a mammoth task to overcome the major wounds inflicted upon the country by the previous government and it will require a sustained national effort to effect the changes required; nevertheless, this is what the situation requires and what the people of Somaliland expect from their new government. This mission will require skill, tenacity, patience and true patriotism from Muse Bihi and his team. The new President’s patriotism and patience are not in question and he must assemble a team with the requisite skills, tenacity and public spirit to work with him to bring the country back on track. The single greatest asset the new administration has is in the patience and political maturity of its people which have consistently chosen to protect their hard won peace and independence in the face of all provocations by internal and external forces seeking to subvert their wishes. Muse and his government must proven themselves equal to the task facing them and thus worthy of the support they have secured at the ballot box. It is most disturbing that Muse Bihi and his government have not undertaken any significant initiatives, domestically or externally, to address and reverse the disastrous policy outcomes listed above. One calendar year is more than sufficient to at least commence the process of mitigating and overcoming the obstacles to the country’s continued progress, yet there has been no concerted effort to design, espouse and implement such a strategy. This lack of a coherent and effective strategy to address the nation’s negative position, externally and domestically, has not gone unnoticed by the public as well as by Somaliland’s enemies. This is demonstrated by the increasing groundswell of frustration domestically as many voices are being raised imploring the government to take corrective steps, as well as by the growing assertiveness of the Mogadishu regime in confronting Somaliland militarily as well as diplomatically at every turn. Muse Bihi and his government must take this matter to heart and treat it as the national security issue that it is since nothing less than the independence, not to mention the very existence, of Somaliland is at stake. Ahmed M.I. Egal November 2018 Qaran News
