Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Elwaq (Caasimadda Online) – Reports from Elwaq Somalia say that this Morning KDF forces killed two Hormuud Telecom Employees in that Town. Kenyan Defense Forces hanged the Two Hormuud Telecom Staff at Dhuuntow Village between Dhamase and Elwaaq and also Burnt Telecom’s Communication Mask. One of the Victims named Abdirahin Hassan Ali,also wounded another one called Bahar Somalilanders,Photos From the scene shows that KDF burnt all Hormuud Equipments . Other reports said that when they (KDF) hanged two staff feted Explosives at the Building of the Telecommunication and Exploded, which caused Shutting Communication links. Hormuud Telecom Officials who spoke to Mustaqbal Radio said that they lost Staff and damaged their properties in Gedo Region. The Official said KDF Troops previously destroyed Hormuud Communication Masks in El Baande,Dhamase, Khadijo Hajji and Dhegalab Villages. September-18-2017; Kenyan Defence Forces destroyed Hormuud’s Khadijo Hajji Branch, between Blad Hawo and El waq Gedo Region Somalia. On January-22-2018; KDF Exploded Hormuud’s Branch in El waq Gedo Region On March-3-2018; Kenyan Defense Forces destroyed Hormuud Telecom’s Branch in Dhamase, in Gedo Region. Peace keeping Mission AU’S peace mission in Somalia has limited mandate regards to the mission’s work in Somalia, but Kenyan Defense Forces in this mission committed violence and abuse of power in Jubaland Regions. Some times KDF shot dead Civilians Intentionally, destroyed their properties and stay without Accountability.
  2. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Michael Keating oo wada-hadal gaar ah ay yeesheen. Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga iyo xaaladda deegaanka Tukaraq , halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland. “Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay danjire Michael Keating .. waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, ha noqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, ha noqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda , waxaasoo dhan baan ka wada hadlana.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo kulanka marka uu soo dhammaaday la hadlay warbaahinta. Cabdiweli, waxaa uu inta ku daray in arrinta Tukaraq ay ku dheeraadeen ka hadlideeda, wuxuu caddeeyay Puntland inaysan wada-hadal ka gali doonin deegaannadeeda ee u sheegay inay ku suganyihiin Soomaaliland, “Waxaa uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaaladda deegaanka Tukaraq oo uu maamulka Soomaaliland kusoo duulay, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland ka tirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.” ayaa lugu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyadda Puntland oo kulanka looga hadlay. Gabagabadii, Danjire Michael Keating oo warbaahinta la hadlay ayaa boggaadiyay horumarka ka jira Puntland , waxaa kalo uu ammaanay xaaladda amni ee gobolka Mudug, isagoo ku dhiirrigaliyay ciidamada isku dhafka ee labada dhinac shaqada muhiimka ah ee ay ka qabteen amniga,sidoo kale Michael Keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka talagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qeyb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda. Dhanka kale Ergeyga gaarka ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa kulalo kula leh xarunta PDRC ee Garoowe qaybo ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo siyasiyiinta mamaulkaas. Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafey ergeyga booqasho ku joogey xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu u kuurgalayey barnaamijka qorshaha nabadeynta beelaha ku wada nool magaalada Galkacayo kaas oo ay qayb ka tahay Qaramada Midoobey. Kulankaan uu kula jiro qaar ka tirsan Issimada Puntland ee ku sugan Garoowe ayaa weli socda. Ergeyga ayaa sida la ogaadey kulanka uu la leeyahay Issimada waxaa diirada lagu saari doonaa colaada Tukaraq iyadoo la filayo iney u dhibaan qoraal ku aadan mowqifkooda. Kulankii madaxda Soomaalida loogu qabtey Brussels ayaa waxaa kasoo baxay qodob khuseeya colaada Tukaraq iyadoo la filayo in Micheal Keating xoojinayo sidii qodobkaas u noqon lahaa miro dhal.
  3. Gaas iyo Keating Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan ariimaha Soomaaliya Michael Keating oo maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Gaorwe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Kulanka Madaxweyne Gaas iyo Danjire Michael Keating oo ka dhacay madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa ka goobjoog ka ahaa wasiiradda arimaha hudaha iyo horumarinta Reer Miyiga, Deegaanka, qorsheynta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne Gaas oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Danjire Keating ay kawada hadleen xaalada Tukaraq, nabadeentii ka socotay Gaalkacyo, iyo nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynha Puntland ay kawada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq. Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka telagelin doonto Odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda, sidoo kale Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cadsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata gobolka Mudug. Dhanka kale Michael Keating ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula qaatay Issimo iyo Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin colaada Tukarq iyo doorashada Puntland 2019. Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale dhexmara. Beesha caalamka iyo dowladaha deriska ayaa wada dadaalo nabadeed oo wax looga qabanayo xaalada colaadeed ee gobolka Sool oo Puntland iyo Somaliland ay isku hayaan gacan ku hayntiisa. PUNTLAND POST Garowe The post Garowe:- Gaas iyo Keating oo kawada hadlay xaalada Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  4. Donald Trump can be heard discussing with his personal lawyer how to buy the rights to the story of a Playboy model, who says she had an affair with the now president, on a tape released Tuesday by CNN. Source: Hiiraan Online
  5. President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo has announced the establishment of a National Economic Forum, through a presidential decree. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) –Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka oo ay ku jirto jaamacadda umadda ee dowladdu gacanta ku heyso. Wasiirka ayaa ku dooday in in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo inay buuxiyeen shuruudo fara badan. “Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay ma jirto oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay oo tayada waxa ay bixinayso, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in xitaa Jaamacadda Umadda ay ka mid tahay,taas oo hoostagta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in marka la isu tago,qodobo la dejiyo islamarkaana lagu heshiiyo ay bilaaabi karaan aqoonsiga Jaamacadaha. Dalka waxaa ku yalla Jaamacado ka badan 50 kuwaasi oo qaarkood bixiya taqasus gaar ah, inta badan waxaa lagu eedeeyaa tayada waxbarashadooda in aysan gaarsisaneyn heerkii loogu tala galay. Halkaan hoose ka dhageyso codka Wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Cod-Waxbarashada-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Somalia’s civil war wrenched the country in many ways. Families were torn apart, the rule of law faded away, government institutions collapsed, and education came to a standstill, to name but a few of the setbacks the country faced because of the violence. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahaan socdo hadal heyn xooggan oo ku aadan inay dhawaan dhici doonaan isbadalo dhanka amniga ah, waxaana la filayaa inuu tallaabadaan qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida ay xogta hoose iyo xanta sheegeyso Is bedelada ayaa la filayaa inay saameyso Taliyeyaal ciidan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase yeeshee waxaa baraha bulshada qabsaday sheekooyin ku saabsan is bedelada iyo shaqsiyaad loo wado in la magacaabo. Kaddib qaraxyadii labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho Madaxweyne Farmaajo ayaa u guuray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga halkaas oo uu dhawaan mar u guuray kadibna uu sameeyey isbadal dhanka ciidamada ah. Guuritaanka madaxweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa la filayaa inuu keeno inuu Madaxweynaha isbadal ku sameeyo Taliyaasha Ciidamada Amniga. Madaxweyne Farmaajo ayaa is rasmi ah u go’ansaday inuu la wareego qeyb ka mid ah awooddii uu siiyey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay ugu horeyso midda Amniga oo uusan Madaxweynaha markii hore go’aan ku laheyn kadib markii uu Arrintaas xukuumadda uga fadhiistay. Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa si toos ah u hoos imaanayey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaana hadda lagu xareeyey Xarunta Xisbiga iyadoo isgoysyada ay joogeen la keenay ciidamo Militari ah oo ka tirsan Guutada 14 October oo la sameeyey kadib Qaraxii Soobe ka dhacay. Madaxweynaha ayaa ka sheegay kulamo uu la qaatay Hey’adaha Amaanka inay lagama maarmaan tahay in isbadal lagu sameeyo istiraatiijiyada sugida amniga Caasimadda Muqdisho. Sida ay xogta ku bixiyeen Diblomaasiyiinta reer galbeedka oo fadhigooda yahay Xalane oo si hoose u ogaaday arrintaan Madaxweynaha ayaa shaki la’aan sameyn doono isbadal dhanka amniga ah maalmaha soo socdo. Taliyaasha sida gaarka ah isha loogu hayo in xilka laga qaadi doono ayaa ah Taliyaha Ciidamada Xogga dalka Cabdiweli Xuseen Jaamac (Gorod) kaasoo la filayo in lagu badalo General Indha Qarshe oo dhawaan dalka kusoo laabtay. Sidoo kale warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo in Taliyaha NISa Xuseen Cusman lagu badali doono Wasiirkii hore ee Amniga dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud G/Sare Khaliif Axmed Ereg. Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe wado kulamo joogto ah oo la doonayo in wax badan looga badalo amniga waxaana macquul ah inay soo bixi karaan Taliyaal kale oo xilka laga qaadi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Itoobiya ROGAAL CELINTII MUSLIMIINTA IYO AASAASKII DAWLADDII ADAL. Kolkii laga guulaystay muslimiintii reer Zaylac dawladdoodiina la riday, suldaankoodiina la dilay, dadkii waxa ay u kala firxadeen dhan walba. Qaraabadii iyo eheladii Suldaan Sacadu-diin iyagu waxay u baxsadeen dhankaas iyo Yaman, waxayna magan u noqdeen boqorkii yamaniyiinta ee ahaa Ahmed bin Al-asraf. Dadka halkaas gaaray ayaa waxaa ku jirey wiilashiii Suldaanka sida Sabru-dii, Jamaalu-diin, Ahmadu-diin, iyo Mansuur. Wax yar ka bacdiba wiilashii Ilma Sacadu-diin waxay go’aan sadeen inay dalkii dib ugu laabtaan halgan rogaal celinana ay dib u bilaabaan. Waxay taageero waydiisteen boqarkii Yamaniyiinta oo isna si gobanimo leh usoo jiscimay. Waxay dalka dib ugu soo noqdeen sanadkii 1415 kii. Markiiba waxa ay bilaabeen abaabul dagaal iyo inay dawlad aasaasaan taas oo loo bixiyey Adal, suldaankeedii koobaad na uu noqday Suldaan Sabru-diin ibn Sacadu-diin. Magaalada Dakkar oo waqooyi galbeed uga toosan magaalada Harar ayaana saldhig looga dhigay. Adal waxay dagaalo waawayn la gashay boqortooyadii Xabashida iyada oo taageero ka helaysa dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa dhulkii Zaylac. Inkasta oo aanay ku guulaysan inay dib usoo celiso dhamaan dhulkii horay looga qabsaday, haddana waxa ay ku fara adaygtay dhulkii ay dawladda cusub ka aasaastay. Waxaa xusid mudan in dhamaan wiilashii uu dhalay Suldaan Sacadu-diin ay ku dhinteen goobo dagaal iyaga oo difaacay dhulkii muslimiinta. Kii ugu dambeeyay oo ahaa Ahmedu-diin ayaa lagu diley isaga oo dib u xoraynaya gobalka Dawaara oo ka mid ahaa dhulkii reer Zaylac horay looga qabsaday. Wuxuu shahiiday sanadkii 1445. Wax iska caabintii muslimiintu intaas kuma aysan ekayn ee waxaa halgankii halkiisii ka sii waday caruurtii ay dhaleen ilma Sacadu-diin iyo rag iyo amiiro kale oo dagaal yahano ahaa. Madaxdii halgankaas doorka wayn ka qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Mohamed, Garaad Maxfuud, Garaad Aaboon iyo IImaan Axmed Gurey. HALGANKII IIMAAN AXMED GUREY IYO DOORKII SOOMAALIDA. Sida uu kitaabkiisa Futuux Al-xabasha uu ku qoray Shihaabudiin Axmed ibnu Abdulqaadir oo la kulmay IImaan Axmed Gurey waxa uu yiri “xilliga uu soo baxayo Iimaanku waxaa gayigii muslimiinta ka jirey fawdo wayn, waxaa la xalaashaday xaaraantii. Waxaa batay fisqigii, khamaarkii iyo heesihii. Waxaa layska daayay difaacii iyo dagaalkii Xabashida. Waxaana batay iskhilaafkii iyo xukun iska tuuristii.”Xilligaas waxaa xukunka gacanta ku hayay Suldaan Abubakar Suldaan Maxamed oo ahaa tafiirtii Sacadu-diin. Suldaanku wuxuu taageero xoog leh ka helayey qabaa’shii Soomaalida. Iyada oo ay jirto xaalad noocaasa ayuu Iimaan Axmed Gurey soo baxay iskuna duba riday shucuubtii, una carbiyey sidii ay isaga dhicin la haayeen cadawga qura ee ay lahaayeen. Inkasta oo IImaanka iyo qaybo kamida qabaa’shii Soomaalidu markii hore isku dhaceen haddana markii dambe Soomaalidu waxa ay noqotay cidda laf-dhabarka u ahayd jihaadkiisii. Waxa uu waraaqo u kala diray dhamaan qabaa’ishii, gaar ahaan Soomaalidii si ay uga qayb qaataan halganka. Qabaa’ishii Soomaaliyeed ee sida mugga leh ugaga qayb qaadatay halgankaas kuna yimid dalabkii Iimaanka waxaa ka mid ahaa Geri, Bartire, Mareexaan, Harti, Xarle, Yabare, Jiraan, Gurgure, Mogadishu Clan Iyo Masare. Iimaan Axmed markii uu isku duba ritay guutooyin ciidammaa oo u badan dadkii raacatada ahaa sida Soomaalida iyo Canfarta, ayuu u jihaystay dhulkii Xabashida isga oo wacad ku maray inuusan dib usoo noqon illaa uu ka furto dhulka Xabashida oo dhan. Goobtii ugu waynayd uguna horaysay ee foodda laysku daray ayaa ahayd Shimbirakore oo noqotay dagaalkii uu ku xaqiiqsaday boqorkii Xabashidu Lebna Dengel in Iimaan Ahmed iyo ragga la socdaayi aanay ahayn rag la loodin karo. Goobtaan ayaa guushu ku raacday IImaanka iyo raggiisii iyaga oo ka guulaystay ciidamadii boqorka oo lagu qiyaasayey laba boqol oo kun. Maalintaas Soomaalida waxaa uga dhintay halkaas in ka badan sadex kun oo nin. Wixii ka dambeeyey Shibirakore, Iimaan Ahmed waxa uu hantiyey inta badan dhulkii Xabashida Ilaa uu ka gaaray Tigray iyo Askum, Harada Tana iyo Xuduudka Nuubiga iyo Kassala oo Suudaan ah. In kasta oo uu wacad ku maray inuu qabto boqorkii Xabashida haddana boqorku waxa uu dhintay isaga oo baxsada oo buura galeena. Lebna Dangal intii uu baxsadka ahaa waxa uu fariin u dirsaday Boortaqiiska oo ahaa markaas awoodii ugu waynayd reer galbeedka, isaga oo ka codsaday inay dawladiisa badbaadiyaan. GEERIDII IIMAANKA IYO GURYO NOQODKII MUSLIMIINTA. Dawladii Boortaqiisku waxa ay ka soo jawaabtay dalabkii Boqorka waxa ayna u soo direen afar boqol oo nin oo ku hubaysan hub casriya oo ahaa madaafiic iyo banaatiikh. Meesha ay Iimaanka iyo raggiisu ku dirirayeen warmo iyo seefo. Ciidanka Boortaqiiska waxaa watay wiil uu dhalay sahamiyihii waynaa ee Vasco Da Gama oo la oran jiray Cristopher Vasco Da Gama. Dagaal kharaar oo dhex maray labada dhinac ayaa jab wayn loogu gaystay ciidankii Iimaanka laguna khasbay inay dib u gurtaan. Iimaanku kolkii uu arkay sida xaalku yahay ayuu fariin u dirsaday Baashigii xukumayey Zabid oo ahaa wakiilkii Turkiga ee Yaman kaas oo u soodiray sagaal boqol oo Turki si wayn u hubaysana. Gurmadkii Turkigu waxa uu dib usoo celiyey niyaddii muslimiinta waxaana mar labaad laysaga horyimid dagaal kharaar kaas oo ay guushii ku raacday Iimaanka iyo ciidankiisii. Waxaa goobtaas lagu dilay ku dhawaad labo boqol oo ciidankii Boortaqiiska ah oo uu ku jiro taliyahoodii Cristopher Da Gama. Guushaas ka bacdi Iimaanku waxa uu salka dhigay harada Tana halkaas oo uu ka dhistay saldhiggii looga talin lahaa Xabasha. Iimaanku, Inta uu jiscimay ayuu dib ugu diray ciidankii Turkida halkii ay markii hore ka yimaadeen iyaga iyo hubkoodii cuslaaba. Nasiib daro Iimanku waxa uu uqaatay in guushaani ay tahay mid kama dambaysa laakiin sidaas ma noqon. Khaladkaas farsamo ee uu Iimaanku galay ayuu ka faa’iidaystay Boqorkii Dhaxalka la wareegay ee Gelowdewos. Waxaa isa soo uruur saday wixii ka haray Boortaqiiskii iyo guutooyin uu Boqorku ka soo uruurshay dhulkii Xabashida.Waxay weerar ku soo qaadeen ciidankii Iimaanka, waxaana u suura gashay inay jabiyaan, halkaasna ku dilaan Iimaankii iyo kumanaan muslimiintii ka mida sanadkii 1543. Jabkii muslimiinta iyo geeridii Iimaanka waxaa ka dhashay jahwareer xoog leh iyo in si aan habaysnayn looga soo baxo dhulkii muddada la furanayey. Wax yar ka gadaal waxaa dib loogu soo noqday halkii halganku ka bilowday iyo magaaladii Harar. Waxaa taladii muslimiinta la wareegay Amiir Nur Mujaahid oo ahaa geesi ay qaraabo ahaayeen Iimaan Axmed. Amiir Nur Waxa uu wacad ku maray inuu usoo aarayo Iimaankii oo walibaba uu ugu aarayo boqorka xabashida, taas oo Alle u rumeeyey. Dagaalo waawayn oo uu ku qaaday dhulkii xabashida gaar ahaan dhulkii islaamku lahaan jirey sida Bale, Hadiya iyo fatagaar, waxaa aakhirkii u suurowday inay goob isaga horyimaadaan boqorkii xabashuda Gelowdewos oo uu ku jabshay isaga iyo ciidankiisiiba. Goobtaas ayaa dhacday sanadkii 1559kii. Amiir Nur waxa uu Harar ku soo noqday isga oo guul ku cimaamadan watana madaxii Galewdewos. Amiirku sanadkaas ayuu dumaalay Bactiya Garaad Maxfuud (dilwambara) oo ahayd afadii uu ka dhintay Iimaan Axmed Guray. Bactiya oo ahayd geesiyad duulaamada ka qayb qaadan jirtey, horay ayay u diiday in Amiir Nur ama cid kalaba ay dumaasho iyadoon boqorka xabashida loogu aarin Iiman Axmed. 1567 ayaa Amiir Nur waxa uu ku dhintay magaalada Harar. Wixii intaas ka dambeeyey labada shacbiba waxay la daalaa dhacayeen daadad Galla ah ama Dadka Oromada maanta loo yaqaan ah oo kusoo rogmaday dhulkii, labada dhinacba. IS BALAARINTII GALLAHA (OROMADA) Qoomiyadda Oromada oo waagii hore loo aqoon jiray Galla ayaa ah Xaamiyiin ay bah-wadaag hoose iyo af-wadaagba yihiin Soomaalida iyo kuwa kale ee Kushiitiggaa, sida Beejaha, Saahaha, Siddaamah, Canfarta iyo Rendinlaha. Xiligii ay muslimiinta iyo xabashiduba ku mashquul sanaayeen dagaaladii waawaynaa ee u dhaxeeyey, Oramadu waxa ay ku soo fidaysay qaybaha koonfureed ee dhulka Xabashida iyo gobalkii Bale. Ilaa ay aakhirkii dhinac walba ugaga bexeen dhulwaynihii labada shacab. Gallaha ama Oromada ayay ahaayeen kuwii uu Amiir Nur darbiga ugaga wareejiyey magaalada Harar si aysan u qabsan. Dhawr goor ayaa Amiirku dagaal ugu baxay qolyahaan, dagaalkii ugu dambeeyey ee uu Amiir Nur la galana waxa uu ahaa kii uu ku qaaday kolkii ay go’doomiyeen magaalada ee ay ka dhalatay macaluushii Harar ku habsatay. Amiirku kolkii uu ka soo noqday dagaalkaas, ayuu u dhintay daacuun kii ka dambeeyey macaluusha. Oromadu waxay kala xireen amaba kala dhex galeen muslimiintii iyo xabashiddii dagaalku ka dhaxeeyey taas oo sababtay in qolo waliba ay iskeed ula tacaasho qulqulka Oromada. Waxay qabsadeen caasimadii Xabashida ee Gonder ilaa iyo Tigray. Dhanka kalana waxa ay go’doomiyeen Harar oo ay dhan walba ka mareen. Dadkaani badan koodu markii dambe waxa ay qaateen diinta islaamka inkasta oo kolkii dambe qaybo ka mida dib loo gaaleeyey xilliyadii Boqorradii Tedros,Yohans, iyo Menelik oo ka talinayey dhulka xabashiada qarnigii 19aad. Sida ay qabaan dad-yaqaano iyo taariik yahannada darsa taariikhda geeska Afrika, qawmiyadda Oromada ayaa si lamida qawmiyadihii kale ee Xaamiyiinta la aaminsan yahay inay ka soo tilaabeen badda carbeed, ayna ahaayeen racii labaad ee soo tilaaba. Waxay dageen geeska Afrika iyo dhulka ay iminka Soomaalidu ku nooshahay. Taariikh yahanadaan ayaa qaba in Soomaalida oo ah racii sadexaad ee Xaamiyaanta iyo qolyihii ugu dambeeyay muhaajiriintii soo tillaabay, ay si tartiib tartiiba in muddaa usoo riixayeen Oromada, kaas oo ugu dambayn tii sababay qulqulkoodii ay ku maasheeyeen dhulka Xabasha qarnigii 16aad. La soco qaybta saddexaad. Mohamed Ahmed Elmi. The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 2aad appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Waxaa uu Sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan dowlada Soomaaliya ay Al-Shabaab u fududeeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho iyo gobalada. Siyaasiga ma sheegin magacyada Shaqsiyaad ka ka tirsan dowlada,balse waxaa uu ifiyay in ay jiraan dadka ku lug leh fududeynta qaraxyada iyo weerada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan dalka. Sidioo kale waxaa uu tilmaamay in dadka xogta siiya Al-shabaab ay jiraan,isagoona tusaale u soo qaatay jidadka ay mararka qaar ay xirto dowlada soomaaliya,islamarkaana ay hadana dhacaan qaraxyada iyo weerarada tooska ay Al-shabaab ka fuliyaan dalka,taasi ayuu ku sheegay in ay tahay mid aad loogu xumaado. “Argagixisada waxay nafteeda gudaha dowladda ku leedahay taageero ay xog ku heli karaan, haddii ay yihiin dad heli kara xogaha oo amniga ka mid ah iyo kuwa macluumaadka heli kara”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Waxaa uu sheegay in dowladda ay sameysay dadaal badan, isla markaana la soo xiray waddooyinka, haatan ay bilaabatay in la iska wareysto sababta Al-Shabaab ku soo gudbeen oo ay qaraxyo u sameeyaan”. Salaad Jeelle ayaa caddeeyay in dad aan ammaanka khibrad u aheyn xilal loo dhiibay, loona baahan yahay dadka khibradaha leh howsha amniga loo xilsaaro. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale waxaa uu odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay la shaqeeyeen dowlada federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay taageeran dowlada,si buu yiri looga adkaado Al-Shabaab.. Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin is bedelo loogu sameynayo laamaha ammaanka, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa loo xiray saraakiil iyo askar, halka shaqooyinka laga fariisiyay saraakiil ay Taliye kuxigeeno ku jiraan. Saraakiisha la xiray ayaa waxaa la filayaa in lasoo taago Maxkamad isla markaasna lagu ciqaabo wixii Maxkamadda la horkeeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Milatariga Soomaaliya General Gorod. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in arintaasi ay sabab u noqotay kadib markii Taliyaha iyo Madaxweynaha uu kulan dhexmaray muddo saacado ah islamarkaasina ay ka wada hadleen dagaalo ay Al-Shabaab soo qaadeen iyo howlgaladii lagu qaadi lahaa Al-Shabaab oo sidii loogu talagalay aan u bilaaban. Inkastoo aan wali si rasmi ah faafinta dowlada lagu soo saarin Xil ka qaadista Taliye Gorod ayaa hadddana waxaa soo baxaya ilo laku kalsoonaan karo oo sheegaya in Taliyaha Xilka laga qaaday. Sidoo kale warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu xilkaasi u magacaabay General Indha Qarshe oo horay u ahaa Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda waxa uu ku suganyahay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho halkaasi uu kulamo kula leeyahay Taliyaashada Ciidamada Milatariga Soomaaliya isaga oo kala hadlaya dagaal lagu qaado Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar dhiig badan ku daatay ku qaaday Saldhiga ciidamada Dowlada Somalia ee deegaanka Baar Sanguuni ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka mid ka mid ah raggii fuliyay Ismiidaamintii Isniintii todobaadkaan lagu qaaday Saldhiga. Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarka Ismiidaaminta Saldhiga Ciidamada Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose uu kamid ahaa ragii fuliyay Xasan Macalin Cabdi Maxamed oo ku magacdheer Jaamac ama Mucaad. Xasan Macalin Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu ahaa nin ka mid ahaa laba ruux oo isku qarxiyay Xerada Baar Sanguuni, xilli Shabaab halkaasi ay weerar toos ah ay ku qaadeen. Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in Xasan uu ka soo jeedo Beesha Luwaay ee degta Koonfurta Somaliya, da’diisa waxa ay aheyd 23-sano jir ka tirsanaa guutada Ismiidaaminta Al Shabaab. Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in naftii halige Xasan uu kaxeynaayay gaariga isku qarxiyay xerada ciidanka Militariga iyo kuwa Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni. Xasan Macalin Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ee Alshabaab ayaa sheegay in sababta uu isku qarxiyay ay tahay arrimo la xiriira sidii dalka iyo diinta cadowga uu isaga difaaci lahaa, sida uu ku sheegay wareysiga. Sidoo kale, naftii halige Xasan Macalin Cabdi Maxamed, ayaa dhalinyarada ka tirsan AlShabaab ugu baaqay in inta ay ka danbeeyan aysan ka raali noqon dowlada iyo AMISOM. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa sheegtay in weerarkaasi Shabaab uga dishay inkabadan 80 Maleeshiyo, halka ay Alshabaabka ka sheegen inay dileen ilaa 27 Askari oo ku sugneyd Saldhiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kulan khaasa kula yeeshay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre. Michael Keating iyo Kheyre ayaa kulankaasi uga wadahadlay sida Somalia ay uga gudbi laheyd dhibaatooyika amni darro iyo la dhaqanka qeybaha kala duwan ee shacabka. Michael Keating, waxa uu Kheyre usoo jeediyay inaanu shacabka Soomaaliyeed loo adeegsan awoodo aysan xamili Karin,sida dhibta ay ciidamada ku hayaan shacabka iyadoo dhibaatooyinkii ay wali yihiin kuwo aan waxba iska bedelin. Ra’isul wasaare Kheyre iyo Michael Keating ayaa kulankooda kadib isla gartay dhowr qodob oo uu Kheyre ballanqaaday inuusan ka weecan doonin kuwaa oo kala ah:- 1-Inaan howlaha amniga lagu saleyn 4.5 si looga gudbo amni darro kusii baahda Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan dhaqan galin qodobkan oo ahmiyad u lahaa xaqiijinta amniga Muqdisho. 2-In dowlada Somalia ay kala qaado awood qeybsiga Siyaasada ee ku saleysan qabiilka iyo Amniga maadaama amniga uusan xiriir la yeelankarin qabiilka. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan dhaqan galin qodobkan waxa uuna howlaha Siyaasadeed iyo tan amni ku saleeyay hanaan khabiil, waana tan la rumeysan yahay inay soo dadajineyso fashilka amni ee xiligan ka jira Muqdisho. 3-In wakhti hore la sameeyo guddiyo u kuurgala suuragalnimada doorasho nin iyo codkiisa ka hor inta aan la gaarin 2020. Ra’isul wasaare Kheyre ma uusan sameyn guddiga ay sameyntiisa kuwada heshiiyen Michael Keating. 4-In DFS ay si toosa howlaha muhiimka ah ula wadaagto QM si ay qeyb uga noqdaan dadaalada lagu hormarinaayo Somalia. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre qodobkani ka dhigay mid aan ahmiyad u laheyn dowlada Somalia, maadaama dowladu tahay mid ka fogaaneysa faragalinta shisheeye. Qodobada ay ku heshiiyeen Ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo Michael Keating, ayaa u muuqda mid aan weli ka dhaqan galin Xafiiska Ra’isul wasaaraha waxa ayna tani muujineysaa in Xukuumada Somalia ay ka fogaaneyso ku shaqeynta talooyinka shisheeye. Sidoo kale, Michael Keating, ayaa kulamadii ugu danbeeyay ee ka dhacaayay Muqdisho iyo caasimadaha Gobolada dalka ka sheegayay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay dhaqan galiso qodobada lagu wada heshiiyo. Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa goor sii horeysay sheegay in dowlada Somalia aysan dhageysan doonin talooyinka shisheeye ee aan danta ugu jirin Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Addis ababa (Caasimada Online)-Waxaa maalinimadii shalay magaalada Abu Dhabi kulan weyn ku yeeshay madaxda ugu sareysa ee dalalka Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka carabta. Madaxdan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirkooda, Gobolka, Ganacsiga iyo Dekadaha, waxa uuna wadahadalkan meesha ka saarayaa rajada Somali. Wadahadalka iyo isku soo dhawaanshaha Seddexda dal ayaa la rumeysan yahay in saameyn weyn uu ku yeelan doono Somalia oo dhawaanahaani saaxiib la ah dowlada Ethiopia. Xiriirka Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa aasaas u noqon kara burburka Somalia waxaana xusid mudan in ujeedka ugu weyn ee Imaaraadku yahay in labadaasi dal loo isticmaalo burburka Somalia. Heshiiska Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka waxa uu imaanayaa xili uusan wanaagsaneyn xilligaan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo Eretria iyo Ethiopia lagu indha sar caadinaayo dhaqaale xoogan si ay ugu sahlanaato kala dhantaalida Somalia. Dhinacyada ay labadaasi dal u marayaan burburka Somalia ayaa waxaa kamid ah “Abuurida qalalaaso siyaasadeed , Hub galinta Somalia, Dagaalo Somalia looga furo xuduudaha iyo in la fashiliyo ganacsiga badda”. Imaaraadku waxa uu doonayaa in suuq yari dhanka Dekada ah uu ku rido dalalka Jabuuti iyo Somalia, isagoo xooga saaraya ganacsiga Dekadaha Eretria oo aad ugu dhow Ethiopia. Imaaraadka oo khilaaf uu kala dhexeeyo Somalia ayaa dhisaaya labada Dekad ee Eriteria si hoos u dhac ugu imaado Dekadaha Somalia iyo Jabouti, waxaana xusid mudan in Ethiopia ay horay u isticmaali jirtay Dekadda Dooraale ee dalka Jabouti. Dadka aqoonta fog u leh dalalka isku soo dhawaaday ayaa sheegay in Somalia ay iminka cagta saartay wadada burburka. Gobolka ayaa wixii ka danbeeyay sanadii 2005 cagta saarayay horumar dhan waliba taasi oo mugdi iyo colaad usii abuurtay Soomaalida oo la rumeysan yahay in badankooda loo adeegsado burburinta Somalia. Sidoo kale, Axmed C/risaaq Qamsa waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo waxbadan kala socda arrinta gobolka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya arrintaan si weyn u saameyn karto. Waxa uu tilmaamay in dalalka gobolka oo horumar sii gaaraya ay Soomaaliyana weli kasoo kabsan la dahay burburkii 1991. Waxa uu sheegay in si weyn u saameyn karto Jabuuti, maadaama dhaqaale badan ka heli jirtay dhanka Ethiopia oo isticmaalayey dekadaheeda. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia oo dhex maquureysa xili xun ayaa waxaa la gudboon in xiriir degdeg ah ay la sameyso Eretria si ay u kala dhantaasho halista ay Imaaraadka la damacsan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Addis ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaada in dowladiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta. Abiy waxa uu sheegay in xalka Ethiopia uu yahay mid ku jira kasbashada dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka iyo Sacuudiga. Waxa uu Abiy Axmed cod dheer ku sheegay in la kulankiisa dhaxalsugaha Imaaraadka iyo Madaxweynaha Eriteria ay bilow u tahay horumarka Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in Ethiopia ay garaneyso halka ay ka raadin laheyd horumarkeeda. “Ethiopia meel waliba gacanta ayey galin doonta waxaa naga go’an inaan raadino wadada horumarka Ethiopia, anagu cidina duulaan kuma nihin ee waxaanu baadi-goobeynaa waxa naga maqan” Abiy waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka ay Ethiopia ka heshay Imaaraadka dhaqaale xoogan, hase yeeshee uusan heli doonin dowlad u bedeli doonta Imaaraadka” “Halka ay dantu nabido ayaan gacanta galin doona Ethiopia maslaxadeedu waxa ay ku jirtaa garabsashada Imaaraadka iyo Eriteria, waxaanu ogaanay inaanu hormar gaareynin hadii aanu wanaajin Eriteria” Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa qiray in muddo kooban ay Imaaraadka uga heleen balaayiin lacag ah waxa uuna talaabadaasi ku muujiyay mid ku khasbeysa danta inay u jilicsanaadan Imaaraadka. Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqanaaya mid mugdi galinaaya heshiiskii kala dhexeeyay Somalia maadaama ay garabsaneyso Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  16. Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusoglu on Tuesday ruled out his country's compliance with U.S. sanctions on Iran, a move that threatens to exacerbate tensions between the NATO allies. Source: Hiiraan Online
  17. Michael Scott Moore is a journalist who traveled to Somalia to write a book about the history of piracy in the horn of Africa. It did not go as planned. Source: Hiiraan Online
  18. he United Arab Emirates (UAE) on Tuesday called on the international community to support a landmark peace deal signed earlier this month between Ethiopia and Eritrea. Source: Hiiraan Online
  19. Exactly two years ago today, at the front steps of a centretown apartment building in Ottawa, Abdirahman Abdi, a 37-year-old Somali Canadian man with mental health issues, was beaten to death by an Ottawa police officer. Source: Hiiraan Online
  20. Feysal Yusuf and Abdikani Abdi don’t know who might be watching them these days, but it wasn’t college basketball recruiters on the first Saturday morning of July. Source: Hiiraan Online
  21. Ethiopian Airlines Enterprise is emerging as the flag bearer of plans by Africa’s fastest-growing economy to open up to foreign investors after decades as a closed shop. Source: Hiiraan Online
  22. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah, kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki. Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano. Ka hor heshiiskaas, ayaa sidoo kale Imaaraadka waxay 3 bilyan oo dollar siisay dowladda Ethiopia, oo ah saaxib dhow oo ay gobolka ku leedahay. Haddaba maxaa lagu qiimeyn karaa kulanka saddex geesoodka ee maanta Abu Dhabi ku dhexmaray Eritrea, Ethipoia iyo Imaaraadka. Muxuu yahay hadafka xilliga fog ee Imaaraadku uu ka leeyahay Geeska Africa. Su’aallahaasi iyo kuwo kale ayaa waxaa faaqiday Prof. Cabdi Ismacil Samatar, oo barre ka ah Jaamacadda Minnesota. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/8fc45984-9d25-4897-9407-25cd3df9c199_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
  23. Kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudiga amniga ayaa lagu go’aamiyay in guud ahaan magaalada Muqdisho amaankeeda lagu wareejiyo ciidan milatari ah gaar ahaan guutada 14-ka Octobar oo dhowaan tobabar loo soo xiray. Guutadan 14-ka Octobar ayaa ciidanka xooga dalka kusoo biiray kadib qaraxii isgoyska Zoobe, waxaan loogu tala galay inay noqdaan ciidanka difaaca shacabka sida uu madaxweynuhu horay u sheegay. Amaanka magaalada horay waxaa u sugayay ciidamo lamagac baxay xasilinta-caasimada oo ka madax bannaanaa ciidanka intiisa kale, wallow ciidankan ay wax badan oo horumar ka sameeyeen xaga amaanka magaalada Muqdsiho hadana waa ay ku fashilmeen inay magaalada ka dhigaan mid ka caagan qaraxyada iyo dilalka qorsheesan. Hadaba magaalada Muqdisho ma u baahan tahay ciidan Milatari? Marka aad eegto magaalaooyinka ugu amaanka badan caalamka, sida Tokyo, Helsinki, Singboor Sydney IWM, ma ahan kuwa ay amaankooda sugaan ciidamo militiri ah, xaqiiqidi waxaaba adag inaad aragto iyagoo magaalada gaaf wareegaya, inkasto aysan la mid aheyn magaalada Muqdsiho laakin waa xaqiiqi caalamka ka jirta inaysan ciidamo milatari amaanka magaalada ku tiirsaneyn, mar hadii aysan jirin cadow leh awood muuqata oo soo weerari kara magaalada. Inta badan amaanka magaalooyinka waa weyn ee caalamka waxaa suga ciidamada sirdoonka ee dharcadka loo yaqaan, kuwaasoo meel walba taagan, xariir dhowna la leh boliiska, kana howl badan ciidanka intiisa kale. Dadka inta ay iska ilaaliyaan boliiska in kabadan wax ay ka baqaan ciidanka dharcadka. Sida caadada ah, Ciidanka milatariga ayaa inta badan shaqadoodu tahay sugiga amaanka xuduudaha dalka iyo in loo adeegsado marka ay jiraan baahiyaha gaarka ah. Dadka ku xeel dheer arimaha amaanka ayaa waxey sheegeen in magaalada Muqdisho u baahantahay ciidan sirdoon dharcad meel walba taagan kuwaasoo buuxiyay shuruudihii ciidannimada, cadowguna uusan ka dhex aqoonsan karin dadka kale, si la mid ah ciidamo booliis ah kuwaasoo si dhow ula shaqeeya sirdoonka dalka, kadib waxaa yaraan doonta fursadaha cadowga kusoo dhexgalo shacabka, mar hadii uusan kala garaneyn shacabka iyo ciidanka, maxaa yeelay hadaba cadowga dowlada lagama garto shacabke’e! Isku soo wada duub, dowladda waa inay xoogga saartaa dhisida ciidan sirdoon oo tayo iyo takhasusba leh kuwaaso keeni kara xogta cadowga ka hor fulintooda falka, inta waqti badan lagu bixin lahaa dhisadda ciidamo fara badan oo natiijadoodu noqoto Hal bacaad lagu lisay. W.Q Abdinasir Safaana Email:Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Ankara (Caasimadda Online) – Shirkadda Dhismaha ee laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Limak Holding ayaa beenisay inay ku lug laheyd dhismaha Safaaradda Mareykanka ee dhawaan laga howlgeliyey Magaalada Qudus sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Anadolu. War Saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Limak Holding gebi ahaanba lagu beeniyey inay shirkadaan ka qeyb qaadatay Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem “ Warbixinada sheegayo inay Shirkadda Dhismaha ee Limak Holding ka qeyb qaadatay mashruuca dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Qudus waa mid aan dhab aheyn” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Sida lagu sheegay war saxaafadeedka Limak Holding ayaa Shirkadda Desbuild oo ah Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka kala shaqeeneysay dhanka dhismaha muddo 5 sano iyadoo u fulisay mashariic badan oo ay ka mid yihiin Dhismaha Safaaradaha Mareykanka ee Baghdad, Beirut, New Zealand iyo Belize. “ Markii lasoo gudbiyey qandaraaska Masharuuca Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem waxaan Shirkadda Desbuild ku wargelinay inaysan shirkadda marnaba ka qeyb qaadan Karin howshaas” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka. Shirkadda Desbuild ayaa sheegtay dhankeeda inaysan Shirkadda Limak ka qeyb qaadan Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Qudus. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Raysal wasaare-xigeenkii hore ee dawladda Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi, oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland ayaa cafis Madaxweyne ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ridwaan, ayaa la sheegay inuu codsi uu ku dalbanayo saamaxaad u soo qortay xukuumadda Somaliland, taas oo la sheegay in Madaxweyne Biixi ka aqbalay. Warqad fulin saamaxaad madaxweyne ah oo uu qoray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu hayadaha ammaanka ee dalka ka dalbaday inay fuliyaan islamarkaana dhaqan geliyaan saamaxadda madaxweyne Biixi u fidiyay muwaadinkan. Ridwaan, ayaa xilkaas raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya iyo weliba wasiirka diinta iyo awqaafta wuxuu hayay 17 January 2014 – 6 February 2015, Waa siyaasigii labaad ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee sannad gudihiisa Hargeysa ku yimaada cafis madaxweyne. Hore waxa sanadkan Hargeysa u yimid wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo isna soo dalbaday saamaxaad. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com