-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—At least 22 people have been killed and dozens injured when suicide explosions hit popular eateries in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu The blasts took place late on Saturday after suicide bombers blew themselves up at busy restaurant and hotel in the town, leaving 22 people dead, a policeman said. Hussein Mohamed said 35 other people had been injured, some seriously. The attack was claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab through its website. The group says it has killed 20 people, mostly soldiers. The al-Qaida-linked al-Shabab extremist group, which controlled Baidoa between 2009 and 2012 before being driven out by Ethiopian-backed government forces, still holds parts of southern and central Somalia. The blasts came a day before Somalia marks the first anniversary of the deadliest attack in its history, a truck bombing that killed more than 500 people in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun Kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxa koowaad oo ahaa mid bambo gacmeed ah ayaa waxaa lagu weeraray mid kamid ah hotelada ku yaalla Baydhabo, halka kan kale la lagu weeraray maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada,isla markaana waxaa ku dhintay dad u badan Shacab oo ku sugnaa goobaha la weeraray. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo,waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 30 ruux oo kale ,kuwaasi oo ahaa dad shacab ah oo iska fadhiyay Xarumaha weerarka lagu qaaday. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay qaraxyadaasi ay waxyeelo kazoo gaartay dad shacab ah,isla markaana la dhigay goobta caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Baydhabo. Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shafiir Xasan Sheekh Aadn oo ka hadlay qaraxyadii shalay ayaa waxa uu tacsi u diray Ehelada dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadaasi Waxaa uu Alle Shariif Xasan ugu baryay intii ku dhimatay in uu Alle u naxariisto,kuwa dhaawaca ahna uu Caafimaad deg deg ah siiyo. Qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegatay Ururka Al Shabaab. Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah seddex Nin oo isku aabo iyo isku hooyo ah kuwaas oo ku sugnaa meesha uu Qaraxa ka dhacay. 1 – CABDI XASAN CABDI 37 jir ah 2 – XUSEEN XASAN CABDI 35 JIR 3 – ISGOOWE XASAN CABDI 24 JIR AH Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Maanta oo kale 14-kii Octobar ee sanadkii hore ee 2017 Waxa Muqdisho ka dhacay mid kamid ahaa qaraxyadii ugu waxyeelada badnaa ee dunida ka dhaca. Wali Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibada ayaa dareemaya saameeynta qaraxaasi uu ku yeeshay. Hadda Warbaahinta Puntland Post ayaa halkaan idin kaga soo gudbineyso warbixin la xariirto sanad kadib iyo qaraxaasi oo wali aan ka go’in qalbiyada umadda Soomaaliyeed. Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho Xasan Maxamed Samatar Cowke ayaa diyaariyay warbixin arintaasi la xariirta. Hoos ka dhageyso https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Warbixin-Cowke-PP-Qaraxii-14-ka-Octobar-maanta-oo-kale-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Warbixin: Dadka Soomaaliyeed oo wali ay ka go’in xusuustii qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan €100 milyan. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka. “Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre. Midawga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 mliyan (Boqol Milyan oo Yuuro) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday €100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Xildhibaan hore, Cabdi Barre oo aan la xiriirnay ayaa si aad ah u dhaliilay ballanqaadka Khayrre oo uu ku tilmaamay mid xilligiisii ka dib dhacsan in halagaa sheego un loo yiri: “Sanad ka hor wixii la fulin waayay, maanta fulin maayaan, waa hadal ay dadka ku madadaalinayaan, daryeelkii ay agoonta siin waayeen sanad ka hor, xaaladoodana ay agaan waayeen, waxey maanta u sheegayaan waa halagaa sheego, waana hadal malaggii galay.”
-
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye ku xigeenka ciidanka xasilinta caasimadda u magacaabay,Gaashaanle sare Cabdixamiid Maxamed Axmed(Dirir). Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysan 14 October ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa lagu magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. Dhinaca kale shir ay maanta Garoowe ku yeesheen laamaha amniga gobolka Nugaal ayaa lagu go’aamiyay in la qaado hawlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka dhaca boosaska dhulka iyo seerayaasha. Hawlgalka ayaa sida shirka laga sheegay la qorsheeyay in uu bilowdo maalmaha soo socda,waxaana digniin culus loo diray dhammaan qolyaha hubaysan ee caadaystay boobka iyo dhaca dhulka ku xeeran magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka xasilinta Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Marka ayaa la kulmay qaar kamid ah shacabka magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose. Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku nool magaaladaasi, isaga oo ku boorriyay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka si Gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalkaba looga tirtiro Al Shabaab. Amaanka magaalada Marko ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya. Booqashadaan madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Marko ayaa aheyd booqasho lama filaan ah. Hoos ka daawo sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Shacabka Marko appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan dawladnimada, damin karaan iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo Waxbarasho lacag la’aan ah u balan qaaday Agoontii Qarixii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Muqtara Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya horayna uga mid ahaa saraakiisha sar sar ee Al-Shabaab ayaa ka hadlay qarixii shalay galinkii dambe ka dhacay Baydhabo. Abuu Mansuur ayaa sheegay in qaraxaasi dhacay uu aad uga xunyahay isaga oo sheegay in masuuliyada qaraxaasi ay leedahay Al-Shabaab. Kooxdii uu ka tirsanaa ayuu ku dhaliilay in dhiiga dadka Soomaaliyeed ay si micno daro ah ay ku daadiso maalinkasta. Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka hortagaan oo ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka ay u geeysanayaan Al-Shabaab. Shalay galinkii dambe ayaa qaraxyo mataano ahaa oo qasaare geeystay waxa ay ka dhaceen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Hoos ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muqtaar Rooboow ” Al-shabaab dadkii waa xasuuqeen ee Shacabku ha iska dhiciyaan” appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is marking the first anniversary of one of the world's deadliest attacks since 9/11, a truck bombing in the heart of Mogadishu that killed well over 500 people. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa mar kale si adag uga hadlay kiiska ku saabsan Wariyaha weli lagu la’yahay gudaha Safaaradda dalka Sacuudiga ee ee Jamal Kashoqgi. Madaxweynaha Mareykanka ayaa wareysi uu siiyey CBS Maanta ku yiri ” Waxay noqon doontaa tallaabo adag oo laga qaado Sacuudiga haddii ay ku cadaato inay Safaaradeeda Turkiga ku dhex dishay Qoraaga Jamal Kashoqgi”. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay inay Sacuudiga si weyn isaga fogeeneyso ku lug lahaanshaha Kiiskaas balse wuxuu sheegay inay macquul tahay in Sacuudiga uu arrintaas sameeyey taasna ay keeni doonto tallaabo adag oo aan horey loo arag oo uu Mareykanka ka qaado Sacuudiga. Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale ku celiyey hadalkii ahaa Inay Mareykanka hub siiso Sacuudiga taas badalkeedana laga rabo lacag maadaama uu sheegay in Sacuudiga shaqo loo qabanayo lana sugayo amaankeeda. Qoraaga Reer Sacuudi ee Jamal Kashoqgi ayaa 2-dii Bishaan October lagu af duubtay Qunsuliyadda Sacuudiga ay ku leedahay Istanbul waana wadanka uu asal ahaan kasoo jeedo balse uu uga soo cararay inaysan ka jirin Xuriyad sida uu isaga horey u sheegay maadaama uu fikrad ahaan kasoo horjeeday qoyska haya Xukunka dalkaas. Gabadha uu dhawaan guursan rabay ee uu waraaqda Nikaaxa u sameenayey ayaa ku adkeysatay inuu qoraagaan galay Gudaha Safaaradda Sacuudiga isla markaasna ay muddo badan banaanka u taagneyd ayna jirin sheegashada Sacuudiga ee ah inuu Safaaradda kasoo dhex baxay. Kiiska Wariyahaan ayaa qaatay waqti badan waxayna si hordhac ah u sheegeen sirdoonka dalka Turkiga in Qoraagaan lagu dilay Safaaradda dhexdeeda isla markaasna cad cad loo jaray kadib markii ay Kiiskaas dartiis Turkiga diyaarad khaas ah ugu imaadeen 15 kamid ah Sirdoonka Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo ka dambeeyey fulinta qaraxii 14 Oct sanadkii hore oo dad badan ay ku dhinteen. Qoraal ka soo baxay Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee ahaa xukunka dhagar-qabahaasi uuna akhriyay Dhamme Muumin Xuseen C/llaahi kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sidatan. Taariikhdu markay ahayd 01/01 2018,waxay Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Xasan Aadan Isxaaq Cali 23 jir ah Ina Xaawo Maxamed Cali, ku dhashey Bay,kaasoo Xafiiska Xeer-lilaalinta Ciidanka Qalabka Sida ku soo eedeeysay in uu ka tirsanaa Alshabaab,mas’uulna ka ahaa 2 gaari qarax ah ee 14/10/2017 ku kala qarxay Isgoyska Soobe iyo Waddada Dan-wadaagaha,sidoo kale waxaa lagu dacweeyey in gaariga ku qarxay Waddada Danwadaagaha uu isaga gacantiisa ku waday, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad gaaraya 776 ruux. Taariikhdu markay ahayd 06/02/2018 Dambiile Shabaab Xasan Aadan Isxaaq Cali waxay Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah, oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo waddada DanWadaagaha 14/10/2017. Maanta oo ay tariikhdu tahay 14/10/2018, ayaa waxaa lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha xukunkii dilka ahaa. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland,Maxamuud Axmed Caynab oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa ka warbixiyay xaaladda roobabka deyrta ee degaannada gobolkaasi. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan gobolka Gardafu’ intiisa badan aysan ka da’in roobabka deyrta,marka laga reebo dhulka sii jeedka buuraleyda ah ee ay kamid yihiin Muudiye iyo Hursade,halkaas oo ay ka da’day hogol lagu diirsaday. Sidoo kale mudane Caynab oo aan wax ka weydiinay duufaanta la saadaaliyay in ay gobolka ku soo wajahantahay? Ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan wax dabayl iyo duufaan ah arag,balse ay bulshada ku nool gobolka digniin ku siiyeen in ay taxaddar dheeri ah ka yeeshaan. Wuxuu intaas raaciyay in cimilada xilligaan ee gobolka Gardafu’ ay u muuqato jawi roobaad,iyadoo dhinaca xeebaha xiga laga arko saylaamo(madaxyo roobab meel fog ka muuqda) islamarkaana wakhti kasta roob la filan karo. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xusay warar laga helayo dhanka dalka Cummaan oo sheegaya in duufaantii laga cabsi qabay ay isu’ rogtay roobab mahiigaan ah oo dabaylo aan badneyn wata. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay duufaantii laga digay ee xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muddo sanad ah ayaa laga joogaa qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe, in ka badan 1000 qof ayaa ku waxyeeloobay, si looga jawaabo madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Kheye waxaa ay jeediyeen khudbado dhaar ahaa, safaro dalalka dariska ah iyo shirar aan kala go’ laheyn! Labo maalin ka hor qaraxa Zoobe, October 12-keeda waxaa shaqada ka tagay wasiirka gashaan-dhigga iyada oo qaraxa kadib, 29 October, 2017-kii xilka laga qaaday taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali-Shanbalooshe iyo taliyaha booliiska Cabdixakiim Daahir Saacid, madaxda waa ay goob walba ka sheegaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo aargudasho, 12 bil kadib, welina dagaal lama qaadin, waxaana fashilmay dhammaan qorshayaashii aargoosiga ahaa!! Raad-raaca Qaraxii Zoobe: Qaraxa: Isgoyska Zoobe, waxaa 14-kii October ee sanadkii hore ka dhacay qarax sababay khasaare naf iyo maal leh, xogta rasmiga ah ee dowladda federaalka ah waxaa ay sheegtay in guud ahaan waxyeelada gaartay illaa 642 qof. Khasaare Maaliyad: Sida ay Goobjoog News ogaatay qaraxii October 14-keeda waxaa ka dhashay qasaare dhaqaale, hantida wax ku noqoray waa 80 xarumo ganacsi ah oo isugu jira carwooyin, hoteello, xafiisyo, dukaanno, xawaalado, shirkado, kaalimo shidaal, madbacado, maqaayada iyo kuwa kale. Hadaba burburka dhaqaale ee ka dhashay qaraxii October 14 ka dhacay isgoyska Soobe ayaa waxaa lagu qiyaasay iney ka badantahay $6,500,000. Gurmad dal iyo dibad: Gudmad badan ayaa dhacay, dowladda federaalka ah waxa ay dhaawacyo badan u qaaday dibadda, waxaa ay caawinaad ka heshay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Imaaraadkaadka, Itoobiya, Kenya, Djibouti, Qatar, Midowga Yurub iyo Mareykanka, Gudaha dalka, waxaa kale oo baraarug galay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhiig, nadaafad iyo gudmad kale u sameeyay dadka waxyeellada soo gaartay, dowlad goboleedka Puntland ayaa maamul iyo shacaba waxaa ay soo direen gudmad iskugu jira lacag iyo dawo, waxaa intaasi dheer Soomaalida ku nool Kenya iyo dunida inteeda kale, oo dhammaantood muujiyay isku duubni. March 4, 2018: Xaflad lagu soo gabagabeeyey gurmad qaran, waxaa ka hadlay guddoomiyahooda Cabdullahi Shirwac isaga oo yiri ““Waxaa ugu muhiimsan oo horta aan qabanay waxaa waaye dad gaaraya 1,357-Qof ayaan gaarnay oo aan isleeyahay waa tiradii ugu badneyd oo dadka dhibaatada gaartay ah,waxaan kale oo aan u gargaarnay dad kale oo shaqo abuur loo sameeyay oo iyagana gaaraya 234-Qof oo ganacsatada yar yarka iyo warantada u badan,Qoysas aad u liitana oo labaatameeyo ku dhow iyagana shaqo abuur ayaan u sameynay si carruurtooda biil u hesho,waxaynu tira koobnay dadkaasi aan kuu sheegayo oo noogu kala qeybsan siyaabooyin kala duwan Agoon,dhaawac,dhimasho iyo dad shaqo abuur u baahan ayaan sameynay,” Abaabul Iyo Olole Dagaal: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ka khudbeeyay meelo badan, sida xaflado, isaga oo la jooga ciidamado iyo hadal uu ka jeediyay goobta qaraxa, dhammaantood waxaa uu ballan-qaaday aargudasho. Madaxweyne Farmaajo oo taagan goobta uu qaraxu ka dhacay ee Zoobe waxaa uu yiri“Argagixisadu waxa ay hiigsanaayaan in ay damiyaan ileyska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa wadada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena”. Khudbad kale uu shacabka la hadlay waxaa uu yiri“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka rabnaa haddii aan annaga oo madaxdii dalka ah aan isla qaadannay qorshe mideysan, iyagana waxaan ka rabnaa iney kaalintooda ka qaataan, garabna siiyaan ciidamada geesiyiinta ah oo ku jira aagagga hore, dhallinyarada Soomaaliyeed waa iney ka qeybqaataan xoreynta goobaha weli gacanta ugu jira Al-shabaab, hooyooyinka Soomaaliyeed waa iney doorkooda muujiyaan oo caanaha iyo biyaha ka dabogeeyaan wiilasha iyo gabdhaha ku jira aagga dagaalka, culimada waxaan ka sugeynaa iney ku baraarujiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta in Al-shabaab aanay diin shaqo ku lahayn, fanaaniinta waxaan ka rabnaa iney bulshada guubaabiyaan”. Khudbad 3aad uu ciidanka la jooogay wuxuu yiri “Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al-shabaab, qibradeedii waad leedihiin, wadaniyadeediina waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad istaagan oo xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah iney hormuud idiin noqotana waad haysataan oo annaga ayaa kow ka ah inaan ciidamadiina dagaalka idiin la galno, shacab wanaagsan oo soo jeeda waad heysataan oo idin dabataagan oo garab idiin siinaya, wax inoo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaallo, maskaxdii iyo aqoontii iyo qibraddii umad ay sugeysay ee shacabka Soomaaliyeed sugayeen waa idinka, marar badan badanna waan idiin sheegay, hadana waan idiin kugu celinayaa, cid kale oo Soomaaliya u maqan ma jirto oo idinka ahayn, waxaan idin ka codsanayaa waajibaadkiina sida uu yahay oo ugu dhaarateen inaad u fulisaan, oo aad ka fogaataan wax walbo oo dalkaan burburiyey, waxaan idiin sheegayaa annaga inaan idin horkacno” Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Marnaba qof Soomaaliyeed yuusan ku fekerin in quluubta umadda Soomaaliyeed xuduud kala leedahay, sidaasi darteed waxaan codsanayaa in annaga oo isku duuban kulligeen in qofna aanu isku dayin inuu is yiraahdo maalin, Labo maalin, isbuuc dib u dhigin, yaan guryaha naloogu soo gelin, sababtoo ah waxay nagu xukumeen dil kulligeen”. Booqashooyin: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa October 22keedii waxa uu bilaabay booqasho 4 maalmood ah uu ku tagay gobolka gaar ahaan dalalka Uganda, Itoobiya iyo Djibouti, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweyne Farmaajo oo saxaafadda la hadlayey markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab “Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.” Booqashada madaxweynaha waxaa ka dhashay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay dalka soo galaan November 1-deeda wixii ka dambeeyay, kuwaas oo la sheegay in ay saldhig ka dhigan-doonaan Shabeellada Hoose. Bishii ugu horeysay qaraxa kadib, waxaa uu Farmaajo labo-jeer khadka telefanka kula hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa kale oo jirtay in ra’isul wasaaraha uu safar ku tagay Turkiga isaga oo inta badan xoogga saaray amniga. Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada: October 22, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah. Shirka oo muddo todobaad ah ka socday Muqdisho, ugu dambeyntii war-murtiyeedkii la soo saaray waxaa qodobadiisa ka mid ahaa La-dagaalanka Argagixisada: (1). In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada. (2). In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. (3). Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho. Dhismaha Ciidan Qaran (1). In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture) (2). In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah. (3). Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka. (4). Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017. AMISOM: Madaxa howlgallada AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan howlgallada AMISOM iyo waxyaabaha kaga aadan dagaallada ay dowladda Federaalka ku dooneyso iney dalka kaga saarto Al-shabaab “Waxaan leenahay Hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaa darteed waxaa waajib nagu ah inaan xoogeena isku geynno si aan u wajahno Al-shabaab, innaga oo isticmaaleyna Hal ciidan oo awood leh oo wajahaya, muwaadin kasta wuxuu leeyahay door uu arrintaan ka ciyaaro, taasi oo la rabo in xaqiiyo in Soomaaliya ka nabad qabto argagaxisada, waxa amuhiim ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ciyaaraan door wanaagsan maxaa yeelay ciidamada oo kaliya Al-shabaab kama saari karaan deegaannada haddii aysan bulshada soo gudbin xogta ku saabsan Al-shabaab una soo gudbin hay’adaha ammaanka” AFRICOM: Ciidamada Mareykanka gaar ahaan AFRICOM waxaa ay sanadkii hore qaadeen weerarro gaaraya 34, 12 ka mid ah waxaa ay dhaceen wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe. Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah in October 14, 2017-kii aheyd maalin madow, oo aan ka go’eyn qalbiga umadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo qoran in aan loo aargudin dadkii xaq-darrada lagu laayey! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhw gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose. Madaxweyne Farmaajo ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose. Amaanka magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xiran isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Marko. Magaalada Marko waxaa dhowaan laga saaray dhaq dhaqaaq hubeeysan ee Al-shabaab oo in muddo ah maamulayay degmadaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo guutada 14-Octobar oo ah dhalinyaro ka dhalatay kadib qarixii 14-kii Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka dha dhacay Muqdisho oo iyagu halkaasi fariisin ku leh. Faah Faahin dib Puntland Post ugala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka appeared first on Puntland Post.
-
Marka (Caasimadda Onlin) – Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gaaray Magaalada Marka. Wafdi uu hoggaaminyo Madaxweynaha oo isugu jiro Xildhibano iyo Taliyaal ciidan ayaa gaaray Magaalada Marka. Wafdiga Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Marka iyadoo la adkeeyey Ammaanka Magaalada. Ujeedka Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu u dhiira gelin lahaa Ciidamada 14 October oo dhawaan halkaas dagaal kula galay Kooxda Al-Shabaab oo ay dhibano u aheyd Magaalada Kismaayo. Ciidamadaas ayaa dhawaan dib u heshiisiin u sameeyey Beelo halkaas ku dagaalamay, wuxuuna Madaxweynaha halkaas kula hadli doonaa Ciidamadaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe. Ciidankan ayaa hawlo kooxaha argagixisada ah looga sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso. Madaxweynaha ayaa safarkiisa kusoo aadiyey 14 October oo ku beegan Maalintii Musiibada ka dhacday Isgoyska Soobe kadib markii hal qarax lagu dilay 600 qof oo Soomali ah oo aan waxba galabsan. Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir CC Shakuur oo muuqaal uu uga hadlaayay Qaraxii 14 October soo dhigay bartiisa faceboo ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed. CC Shakuur, waxa uu sheegay in Qaraxaasi aan la orankarin masiibo waxa uuna tilmaamay in masiibo la dhihi karo dhibaato ka baxsan gacanta bani’aadamka, hayeeshee taasi ay tahay mid ay geesteen dad Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in mas’uuliyada 1,000 qof ee kudhimatay weerarka Zoobe ay qaadi doonaan waxa uu ku tilmaamay kuwa qaaday mas’uuliyada amni ee dadka dhintay. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anigu ma ihi dadka arrintaas ku tilmaamaya masiibo, masiibo waxaa lagu qeexaa inay tahay dhibaato ka baxsan gacanta bani’aadamka, laakiin xasuuqan iyo weerarkan waxaa geystay dad Soomaaliyeed oo diin sheeganaaya oo nagu deegaan ah, mas’uuliyaduna waxaa gabay kuwii difaaci lahaa 1,000 qof ee dhintay”. Weerarka Zoobe ayuu ku sheegay laba qodob oo kala ah:- Mas’uuliyad ficil weerar oo Soomaali ay geysatay iyo Mas’uuliyad ay Soomaali gabtay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu CC Shakuur carab ***** inay farxi doonaan maalinta si rasmi ah cadaalada loo horgeeyo dhamaan dadkii ku lugta lahaa weerarka oo qaarkood aan gacanta lagu heyn. Dhibaatooyinka ceynkaan ayuu sheegay in looga gudbi karo Al-Shabaab oo laga dabar gooyo dalka, isagoo intaa raaciyay “In dad mas’uuliyada qaada uu alle dalka u bixiyo” HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CC SHAKUUR
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab. “Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.” Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumada Somalia amar ku siiyay in gargaar caafimaad ay la gaarto dhaawacyada culus ee dadkii ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen Al Shabaab. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Al Shabaab. waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.” Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka amni daro ee Al Shabaab ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Shabaab oo uu tilmaamay inay bartilmaameed ka dhigteen shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga si feeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayeen. Waxaa halkaasi ku dhintey 7 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, iyadoo qaraxa Labaadna lala eegtay maqaayadda Beder oo la xaqiijiyey in Saddex qof oo uu ku jiro Nabadoon caan ah ku dhiteen. Saraakiisha caafimaadka ee Baydhabo ayaa sheegay in dhaawaca uu gaarayo 20 qof oo shacab ah. Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa xukun dil ah waxa ay saaka ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu qabtay isaga oo wada gaari NOHA waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe. Xasan Aadan Isaaq Cali, ayaa lagu toogtay Fagaaraha Iskuul Buluuziyo Degmada Xamar Jajab, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali horay ugu xukuntay dil toogasho ah iyadoo maanta oo ku beegan xiliga xasuuqa 14 October lagu fuliyay dilka. Waa xukunkii ugu horeeyay oo dil toogasho ah oo ay fuliso Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka Madaxtinimada Somaliya loo doortay. Qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe ka dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafaya 500 ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 ruux. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku ridaa ciidamada lagu eedeeyo dilalka iyo xubnaha Shabaab ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta xiran dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo aammaanka sugaya, gaadiidkana celinaya. Ciidamo Booliis ah ayaa gaadiidka dadweynaha u sheegaya in waddooyinka aan la ogoleyn maristooda, iyadoo shacabka ay yihiin kuwo lugeynaya. Dadka qaar oo aan la sheekeysannay ayaa inoo sheegay iney filayeen xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama maanta ay ku beegan tahay 14 October oo ah maalin dadka Soomaaliyeed iloobi karin, kadib qarax ay boqolaal qof ku dhinteen oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Madaxda dowladda federaalka ayaa la filayaa iney yimaadaan Taallada 14 October oo laga dhisey halkii qaraxaasi uu ka dhacay sanadkii tagey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goordhow xukun dil ah ku fulisay mid kamid ahaa dadkii ku eedeeysnaa weerarkii sanad ka hor maanta oo kale 14-kii Octbar sanadkii 2017-ka dhacay Muqdisho . Maxkmada ayaa saaka oo Axad agh dil ku fulusiay Xasan Aadan Cali oo 32 jir ahaa loona heeysto in uu wax ka soo abaabulay weerarkaasi dadka badan ay ku dhinteen. Sida ay sheegtay maxkmada ayaa sidoo kale Xasan Aadan Cali waxa uu masuul ka ahaa gaarigii ku qarxay degmada Wadajir isla maalintii 14-ka Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka. Goobta toogashada ayaa aheyd iskuul Boloosiyo degmada Xamar Jajab ee Muqdisho waxaa u soo daawasho tagay qaar kamid ah Dadka Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada ciidamada oo toogtay nin ku eedeeysanaa qarixii 14 Octobar appeared first on Puntland Post.
-
Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2018, waxaana sanad kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe. Qaraxaasi ayaa sababay geerida in ka badan 600 qof oo shacab ah, iyo dhaawac aad u badan, sidoo kalena waxaa halkaasi ku burburay hanti gaareysa malaayiin doolar. Maalintaan waa maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin mideysan qalbiyada dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusayaa maalintan madow, waxaana la filayaa in dad isugu jira shacabiyo mas’uuliyiin isugu yimaadaan bartamaha Isgoyska Zoobe oo laga taagay Taallo loogu talogalay in xilli walbo lagu xusuusto dhacdadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com