Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Adis Abba (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Mashruuca weyn ee biyo-xireenka Renaissance Dam ee dalka Itoobiya Simegnew Bekele ayaa isaga oo meyd oo ku jira Gaarigiisa laga helay fagaaraha Masqal ee magaalada Addis Ababa. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta geeridiisa oo aan caadi ahayn, wwaxaana baaraya Booliiska Addis ababa iyadoo meydkiisa ay qaadeen qeybta demni baarista, waxaana la dhigay Isbitaalka St. Paul. Dadweyne isugu soo baxay goobta laga helay meydka Injineerka gacanta ku hayey Biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo ay isku hayaan dalka Masar, ayaa ka murugooday geeridiisa, waxaana jirta naxdin ku saabsan inay noqon karto in la dilay. Simegnew Bekele waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, ( the Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD), kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, wuxuuna noqon doontaa Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Dhismaha Biyo-xireenkaasi oo la bilaabay sannadkii 2011-kii waxaa ku baxaysa kharaj dhan 4.7 Billion oo Dollar, waxaana la filayaa inuu soo saaro Koronto awoodeedu dhan tahay 6,000 oo megawatts. Telefishanka Itoobiya ETV ayaa sheegay in Booliska ay arrinta gacanta ku hayaan, isla markaana uu socdo baaritaan. Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.
  2. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare. Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kula ballamay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo ka ahaa kulanka goob-joog inay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Somalia. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo Qaabilay Wafdi ka Qayb-galaya Shirka Horumarinta Waxbarashada Sare appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Jaamac Xuseen Xasan [Nuuni] oo ahaa filim-qaade iyo dagaalyahan ka tiran kooxda Daacish ee Soomaaliya. Eedeysanahan la xukumay ayaa waxay ciidamada amniga Somalia waxay gacanta ku digeen isagoo miino dhigayay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku lahaayeen dulleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay raad-raac ku sameeyeen eedeha lagu soo oogay eedeysanahan ay saxan yihiin ayna ku rideen xukun xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah. “Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada waxaa u caddaatay dhamaan eedihii lagu soo oogay oo ahaa inuu ka tirsanaa inuu falal amni-darro ah ka waday gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Shuute. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa sheegtay inuu qirtay dhammaan dambiyada lagu soo oogay eedeysanaha la xukumay eeka tirsanaa Kooxda Daacish, uuna xabsigiisa uu yahay mid ciidan oo aan cafis lahayn. Jaamac Naani ayaa la sheegay inuu ka tiranaa Kooxda Daacish uuna horay ula soo shaqeeyay Al-shabaab, isla markaana uu kasoo dagaalay buuraha Galgala ee Gobolka Bari, uuna Koonfurta Somalia u yimid fulinta Qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada ay xukunno dil iyo xabdi daa’in ah ku xukunto xubno ka tirsan kooxda Somalia ka dagalamaa ee Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku riday eedeysane ka tirsan Ururka Daacish appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ku qasbanaatay iney banaanka dhigto Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ku fadhiyay xilka Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, kaas oo ka baxay xafiiskiisa muddo ka badan sanad kadib. Wuxuu ka mid ahaa tiro wasiiro ah oo hawsha loo idmaday si aan saluug mug leh laheyn u waday kana qeyb qaatay howlo badan oo ay qabatay wasaaradiisa, balse todobaadkaan wuxuu abuuray qalbi kicin dhan walba. Marka laga tago inuu jaamacad ku taala magaalada OSLO kasoo baxay kuna takhasusay xisaabaadka iyo Kimistariga, hadana si dheer loogama faalloon awoodiisa waxbarasho iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay inuu maamulo hay’ad sidaan u baaxad weyn. Dhamaadkii bishii MAY ayey aheyd markii uu ka badbaaday isku day shaqo joojin ah kadib markii Baarlamaanka laga geeyay qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada kaas oo Baarlamaanka ka codsaday in la weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay. Dugsiyada Waxbarahada ee ku yaalla Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay, sidoo kalana waxaa lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay deeqo waxbarasho oo hoos yaallay Wasaaraddiisa. Deeqaha Waxbarasho ee la musuq maasuqay isla markaasna wasiirka lagu eedeeyey ayaa waxaa kamid aheyd deeqdii Waxbarasho ee dalka Masar laga helay taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday inuu bixin doono lacagta diyaaradda ee ardaydaas kadibna uu Wasiirka iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ay lacago ka qaadeen Ardayda. Waxaa la xasuustaa in lacagtii laga qaaday Ardayda dib loogu celiyey iyagoo ku sugan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Sida uu amray madaxweyne Farmaajo. Xilligaas Farmaajo ayaa Ra’isulwasaare Kheyre ka dalbaday inuu xilka ka qaado Wasiirka balse Kheyre oo fiirinayey Saaxiibtinimada qotada dheer ee kala dhaxeyso Cabdiraxmaan ayaa ku adkeystay in wasiirka la siiyo fursad kale waxaana hadda timaaday fursadaan iyadoo taas ay keentay inuu Farmaajo ku amro Kheyre inuu xilka ka qaado. MAXAA KEENAY IN XILKA LAGA QAADO: Wasiirka ayaa ku dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn hal jaamacad oo ku taalla Muqdisho oo aysan ka marneyn xitaa Jaamacadda Umadda. “Ma jirto jaamacad aan (jaamacad) ahaan u aqoonsanahay oo aan dhihi karo jaamacaddaan waan aqoonsanahay tayada ay bixiso, sababtoo ah marka hore waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal iney soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah” ayuu yairi isagoo la hadlayay Talafashinka Somali Cable. Haddaba aan fiirinno Saddex Arriimod oo keentay in si dhaqso ah xilka looga qaado: KACDOONKA SHACABKA/DHALINYARADA: Hadalka ah inuusan aqoonsaneyn waxey kicisay dareen badan oo bulshada ah haba ugu badnaaato dhalinyaradii waxbaratay, kuwaas oo waqti iyo qarash badan galiyay jaamacadaha la sheegay inaan la aqoonsaneyn. Aqoonsanaan la’aanta waxey ka turjumeysaa iney xukuumadda ay waxba kama jiraan ka dhigeyso darajo walba oo ay gaareen ardayda, sidoo kalana waa mid saameyn ku yeelaneysa waalidiin badan oo waqti badan ku bixiyay sidii ay caruurtooda wax u baran lahaayeen. Xilka qaadista waxey dajineysaa qalbi badan oo aan seexan iyo sidoo kale walaac badan oo ku yimid dadka ay saameyneyso sheekadaan. SAAMEYNTA XUKUUMADDA: Tirada ugu badan shaqaalaha Xukuumadda ee ka shaqeeyaha xafiisyada kala duwan waa kuwa kasoo baxay jaamacadaha uu wasiirka ku tilmaamay inuusan aqoonsaneyn, waana wax is diidaya in xukuumadda shaqaaleysiisay (Shaqaale) aan digriigooda waxbarashada la aqoonsaneyn. INAAN LA QALALAASEYN WAXBARASHADA: Go’aanka wasiirkii hore wuxuu qalalaase ku ahaa waxbarashada dalka, inkastoo quluub badan la dareensiiyay sida ay waxbarashadooda tahay, sidoo kalana la taabsiiyay sida ay jaamacado badan u yahiin kuwa aan ku socon wadadii saxda aheyd hadana wuxuu noqon karay qalalaase abuur. Jaamacadaha ku yaalla caasimadda waa kuwa kor u dhaafaya 30, sidaas darteed waxey ugu yaraan kaalin ka qaateen fahamka bulshada iyo dhamaan dhalinyarada. Qalalaase weyn ayuuna ka dhex dhalin lahaa bulshada dhexdeeda maadaama goobahaas ay yahiin kuwa daboola baahiyo bulsho oo dhinacyo badan. Go’aanka xilka qaadista wuxuu badbaadiyay qalalaase dhinacyo badan oo ku imaan lahaa waxbarashada iyo bulshada xiriirka la leh dhinac walba oo ay ka yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay saqdii dhexe ee xalay u boodeen Hooyga Agaasime ka tirsan Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS. Ciidamadan oo la socday gaadiidka loo yaqaan Cabdi-Bilaha ayaa amar ka heystay Xukuumada Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in loo heysto kiis cusub. Agaasimaha ay ciidamada kala baxeen Hooygiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaarada Gargaarka kaa oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur. Ciidamadan ayaa lasoo bixida Agaasimaha kadib ula dhaqaaqay dhanka Xabsiga, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in loo heysto arrimo musuq-maasuq. Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka Hooyga Agaasimaha halkaa ka qaatay Dokumiinti la sheegay inuu khuseeyay kiiska musuqa iyo Kumbiyuuter uu ku diyaarinaayay howlaha waaxdiisa. Howlgalkan ayaa ka dhacay Hooyga Agaasimaha oo ku yaalla Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana iminka la la’yahay Xabsiga uu ku xiran yahay Agaasime Daahir Maxamed. Kiiska xariga Agaasimaha ayaa salka ku haya inuu gacan bidixeeyay gargaar ay dowlada Somalia ugu tallo gashay dadka barakacayaasha ah. Sidoo kale, waxaa loo heystaa Agaasimaha inuu isdabamariyay dhaqaale dhan $84,000 oo dollar-ka Mareykanka ah. Docda kale, Kiiska lagu xiray agaasimaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin badan oo ku xirnaa ninkaani loo xiray musuqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. The Norwegian investment fund for developing countries (Norfund) has set up a $10 million kitty to support small businesses in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. The Justice for Abdirahman Coalition has announced a new scholarship in honour of the man who died after a violent altercation with Ottawa police in 2016. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia’s state-building efforts, including initiatives to strengthen security and rebuild the political system, have proceeded steadily since the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmajo in February 2017. Source: Hiiraan Online
  9. Baraha bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee Soomaalida waxay tan iyo 24kii Luulyo hadal hayeen kulankii Abu Dhabi ku dhex maray hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, iyo dalka ay martida u ahaayeen ee Iimaaraadka carabta. Ka sokow sawirrada la isla dhex marayey ee Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo dhaxal sugaha Abudhabi, Sheekh Maxamed Bin Zayed Aala Nahyan, waxaa la isweydiinayey su’aalo jawaabahooda hadba gees loo qaadayey. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya waxay soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku sheegtay inuu soo baxay ka dib kulankii madaxdaas. Hadalkaas oo Af Ingiriis ku qornaa kuma xusnayn qodob micne weyn oo siyaasadeed leh, marka laga reebo “in labada hogaamiye ee Ethiopia iyo Eritrea ay u riyaaqeen xikmadda boqor salaam Binu Cabdulcasiis, boqorka Sacuudiga, ahna khaadunka labada masjid ee barakayan, iyo baritaarka mudane Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulxasiis, amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, ku xigeenka guddoomiyaha golaha wasiirrada ahna wasiirka difaaca ee iyagu abaabulay horena u sii riixay heshiiska nabadeed, sababna u ahaa xiriirka wanaagsan ee ay faa’iidada ugu jirto dalalka jaarka ah iyo geeska Afrika”. Qaybtaas ayaa u muuqanaysa in duluc muhiim ah ay ku qarsoon tahay, taasoo ah inay u janjeeraan dhanka Sacuudiga iyo Iimaaraadka marka laga hadlayo khilaafka ka taagan Khaliijka, laakinse aan eegno dhowr qodob oo muhiim ah oo kulankan ku taxalluqa. Danta uu Iimaaraadka ka leeyahay Itoobiya iyo Eritrea Si aan u nimaadno jawaabta su’aashan, aan dib u milicsanno galaangalka uu Iimaaraadku ku lahaa geeska Afrika. Labada waddan ee Iimaaraadku uu joogitaanka iyo mashaariicda waaweyn ku lahaa waxay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Soomaaliya Xiriirka dawladaha Soomaaliya iyo Iimaaraadka ayaa soo xumanayey tan iyo markii ay kala boodeen dalalka Khaliijka – waa Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo dalal ay hogaamiyaan, iyo Qadar oo dhinaca kale ah. Mowqif dhexdhexaad ah ayey ku dhawaaqday Soomaaliya inay ka qaadatay. Laakinse waxay xaaladdu faraha ka baxday markii dawladda Soomaaliya oo ka caraysnayd macaamilka Iimaaraadku la leeyahay Somaliland iyo maamul goboleedyada, misna garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde lagu qabtay malaayiin doollar oo caddaan ah oo shandado lagu waday. Dawladda Soomaaliya waxay la wareegtay lacagtaas, Iimaaraadkuna waxay sheegeen in ay ahayd mushaarka ciidan ay iyagu tababareen oo qudhiisa cidda ay hoos yimaadaan uu muran ka taagnaa. Iimaaraadku waxay ka guureen Muqdisho, waxayna baneeyeen dugsi tababar oo ay gacanta ku hayeen. Waxaa isla wakhtiyadaas isku dhacay maamulka Puntland iyo tababareyaal ka socday Iimaaraadka oo iyaga qudhooda halkaa ka huleelay. Arrin kale oo xusid mudan waxay ahayd saldhigga uu Iimaaraadku ka dhisanayey Berbera iyo heshiiska DP world ee dekedda Berbera, oo labadaba sii fogeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Iimaaraadka. Itoobiya heshiiskaas qayb ayey ka ahayd, waxaana sida la sheegay ay ku lahayd saami 19% ah. Jabuuti Jabuuti waxay horraantii sannadkan ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii kala dhaxeeyey DP World ee ay ku maamulaysay marsada kontaynarrada ee Dooraale. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo BBC ay wax ka weydiisay arrintaas wuxuu sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan, ayna u arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka. Laakinse wuxuu intaa ku daray “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la isku ixtiraamaa sida loo kala saami badan yahay”. Talaabooyin diblomaasiyadeed oo la doonayey in arrintaas lagu qaboojiyo ayaan suurto galin. Bacdamaa mashaariicda Iimaaraadka ee labada dal ay halkaa ku istaageen, wixii markaa ka dambeeyey Iimaaraadku wuxuu eegeegayey wadiiqo kale oo uu ku soo galo geeska Afrika, mar haddii dalalkii Af-soomaaliga looga hadlayey uu lumiyey. Waa halkaas halka ay u arkaan dadka arrimaha carabta iyo gobolka falanqeeya sababta uu aadka ugu danynayo inuu taageero buuxda la garab istaago Eritrea oo dekedo leh iyo Itoobiya oo aan dekedo lahayn laakin galaangal xooggan ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gobolkaba. Isu taggooda ayuu u arkaa cudud u beddeli karta tii Soomaaliya iyo Jabuuti. “Siyaasadda geeska Afrika hadda ayey laba kaclaynaysaa, siyaasad muuqata ayey Itoobiya la soo bixi doontaa, baarqabka geeska Afrikana waxay khaliijku u aqoonsan doonaan Itoobiya, waana albaabka ay ka soo geli doonaan geeska Afrika” sidaa waxaa yiri Dr Xasan Al Basri oo falanqeeya arrimaha gobolka iyo kuwa carabta iyo islaamka, kana mid ah jaamacadda Axqaaf ee dalka Yemen. Xasan Al Basri wuxuu kaloo qabaa in heshiiskan uu u saamaxayo Itoobiya in dekedda Casab oo muddo dheer ay ugu dambaysay ay isticmaasho, “laguna wiiqo dekedda Jabuuti oo mar hore ay Iimaaraadku ka soo ambabaxeen, ayadoo tii Soomaaliyana aysan xiriir fiican la lahayn”. Soomaaliya arrintaas jawaab taxaddar leh ayey ka bixisay. hadalkan waxaa bartiisa Twitter ku qoray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka madaxdan Saamayn ma ku yeelan karaa Soomaaliya? Seddexda waddanba dano ayey ka leeyihiin Soomaaliya. Itoobiya waxay xuduud dheer la leedahay Soomaaliya. Taariikh dheer oo colaado iyo faragelin leh ayaana soo martay. Arrimaha siyaasadda iyo milateriga Soomaaliya waxaa la sheegaa inay galaangal weyn ku leedahay. Eritrea waxay taageertaa dhinaca Itoobiya ka soo horjeeda ee siyaasadda Soomaaliya. In badan waxay hoy u ahayd dhinacyo ka hor jeeda kooxaha ay u aragto inay Itoobiya u janjeeraan ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu xantaa inay xataa gabaad siisay maxkamadihii islaamiga iyo Al Shabaab. Si kale marka loo yiraahdo, waxay labada waddanba dagaalkooda u soo rareen Soomaaliya (proxy war) oo ay xulafo ku lahaayeen. Kooxda ilaalinta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay waxay dhowr jeer warbixin-sannadeedyadooda ku sheegeen in labada dalba ay jabiyeen cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ayagoo hub soo galiyey dalka. Halkaa waxaa ka muuqata inay leeyihiin dad saamayn leh, sida hogaamiyeyaal, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan. Intaa waxaa dheer Itoobiya oo hadda olole xoog leh ugu jirta sidii ay u noqon lahayd awood gobolka hogaamisa, xag dhaqaale, xag milateri iyo xag bulsho (waa dalka ugu dadka badan gobolka). Iimaaraadka wuxuu cayaari karaa laba arrimood middood ama labadaba. – Inuu u adeegsado Itoobiya iyo Eritrea wixii dano ah ee uu ka leeyahay Soomaaliya. – Inuu labada dal ka dhigto jaranjaro diblomaasiyadeed oo uu kula heshiiyo Soomaaliya. Qodobkan labaad ayaa keenaya caqabad kale oo ah loollanka kala dhaxeeya Qadar, oo saamayn weyn ku leh dawladda Soomaaliya, dhinaca kalena aad ugu dhow Turkiga oo ah saaxibka 1aad ee Soomaaliya. Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu leeyahay madmadow badan maxay tahay danta Iimaaraadku ugu jirto inuu Soomaaliya u soo maro Itoobiya, wuxuu yiri Xasan Al basri “waxaan is leeyahay Iimaaraadku wixii dano ah ee uu Soomaaliya ka leeyahay wuxuu u soo mari doonaa Itoobiya, waxaanan qiyaasayaa in sidaas la fahmi karo. Xataa heshiisyadii Muqdisho ku dhex maray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa laga dheehan karay inuu ahaa heshiis uu Iimaaraadka gadaal ka soo riixayey” ayuu yiri Al Basri. Soomaaliya waxay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, xilli ay adkayd inay ku taagnaato mowqifkaas. “Meesha ay Iimaaraadku ka hinaaseen waa siyaasadda Muqdisho oo u gacan haatinaysa Dooxa iyo Ankara. Waxaa marka fiican in la yara dejiyo ayadoo la eegayo wadciga iyo xaaladda iyo duruufta siyaasadda Soomaaliya oo maanta ugub ah meesha ay marayso. Waxaan u baahannahay degenaansho siayaasadeed, maanta in aan la kala safanno awoodo laba garab ah wax dan ah oo noogu jira ma jirto ayuu yiri Al Basri. Iminka oo ay u muuqato inaysan Soomaaliya sinnaba uga fursan doonin mowjad diblomaasiyadeed iyo culays u baahan xisaabtan siyaasadeed oo ku soo fool lehna, waxaa muhiim ah in ay hesho aragti fog oo dhaafsiisan isqabqabsiga hadda taagan iyo istaraatijiyad tilmaamaysa halkii looga sii gudbi lahaa sida uu ku talinayo Xasan Al Basri “boholo badan ayey qodi karaan Iimaaraadka, waxaana roon inay dawladda Soomaaliya boholahaas ka foojignaato, oo xiriirka ay Dubai la leedahay ay degdeg u soo celiso, dhexdhexaadnimadii ay ku socotayna ay ku soo laabato”. Laakinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay sidee dhexdhexaadnimadii loo soo celin karaa, haddiiba arrintaas ay ka caraysiinayso Qadar oo siyaasad ahaan ku daaban Turkiga oo saaxib dhow la ah Soomaaliya. Mar kale Xasan Al Basri. “Dhibka halka uu nooga imaanayo waxa weeye, meeshii koox mucaarad ah ama maamul goboleed inta lacag la soo siiyo dawladda xiriirka loo jarayo, dhibka halkaa ka imaanaya in aan ka foojignaano ayaa muhiim ah. Qadar haddii xiriirka loo yara gaabiyo isma lihi wax saamayn ah oo muuqata ayaa ka imaanaysa”. ISHA BBC Somali
  10. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday maanta wasiirka waxbarashada xukuumadda Somalia, C/raxmaan Daahir Cismaan, iyadoo aan la magacaabin wasiirkii bedeli lahaa. Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday wasiirka waxbarashada, inkastoo aan la sheegin sababta ka dambeysa xil-ka-qaadistiisa. Isla wareegtada ayaa lagu sheegay in Xilka Wasaaradda Waxbarashada uu si ku smi ah u sii hayn doono Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada DFS, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir. Dhanka kale, xil ka qaadista Wasiirka ayaa loo maleynaya inay soo da-dajisay hadal uu shalay Warbaahinta siiyay oo ahaa inaysan jirin jaamacad ay dowladdu aqoonsan tahay gabi ahaan jaamacadaha ku yaalla dalka. AKHRISO HADALKA WASIIRKA EE KU SAABSAN JAAMACADAHA DALKA Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ku sababeeyay aqoonsi la’aantooda dhanka Jaamacadaha dalka inay tahay iyadoo aanay jirin jaamacad buuxisay hannaankii looga baahnaa dhanka waxbarashada iyo dhismaha jaamacadaha. Xil ka qaadista Wasiirkan ayaa waxay imaanaysaa xilli xalay lagu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaaday wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Somalia, kuwaasoo laga qaaday Ardayda wax ka barta Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo RW Somalia uu xilka ka qaado wasiir ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo horay xilalka uga qaaday dhawr wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsan kuwaasoo uu ku bedelay kuwo kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Somalia appeared first on Puntland Post.
  11. Garissa town residents have welcomed a third weekly flight to Nairobi by Freedom Airlines. Source: Hiiraan Online
  12. Garissa town residents have welcomed a third weekly flight to Nairobi by Freedom Airlines. Source: Hiiraan Online
  13. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire on Thursday sacked the country's Education Minister, Abdirahman Dahir Osman. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa habeenkii xalay ahaa Salaadii Maqrib kadib la weeraray Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Caanood, weerarlkaan ayaa ka dhacay warshadda caanaha ee degmadda Hodan. Janaraal Canood ayaa watay Gaari nooga aan xabadaha kalin iyo gawaari kale oo ciidan. Gaarihii abaanduulaha ayaa waxa lagu hor jaray gaari kale oo ciidan halkaasna la isku rasaaseeyay. Dhawacyadii illaaladiisa iyo isaga ayaa u baxsaday dhanka Villa Somalia. Lama oga inta ku dhimatay ama ku dhawacantay weerarkaas. Gaariga Rasaasta laga furay ayaa la sheegay inuu ahaa Nuuca ay soomaalida u taqaan qooqan oo ay saarnaayeen Ciidamo hubeysan oo aan ka la garaneyn cidda ay ka tirsan yihiin. Weerarkaas ayaa ka dhacay meel aan ka fogeeyn wasaaradda Gaashandhiga oo maalmahan danbe saldhig u ahayd Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxaa halkaas ku yaalo oo aan sidaas uga fogeyn xiradii ay Imaaraadka ku tababari jireen ciidamada oo ay dhawaan kala wareegtay dowladda Soomaaliya kadib khilaafkii imaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Prime minister is traveling to the United States tomorrow, his chief of staff Fitsum Arega confirmed on his Twitter page. This will be his first trip to the United States as prime minister of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. Some 46 people from the Coast have gone missing as the war on terror and criminal gangs intensifies. Source: Hiiraan Online
  17. Conference organisers, SMi Group are delighted to announce that three new presentations, led by Royal Canadian Air Force, EU Training Mission Somalia and NATO Support and Procurement Agency have been added to the three-day agenda for Military Airlift Air-to-Air Refuelling 2018. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir. Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Digreetadan. Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in si qaldan loo fasirtay hadal ka soo yeeray oo ahaa in aanu aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalla oo ay ku jirto Jaamacadda Umadda oo ay dowladda maamusho. Wasiirka Waxbarashada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in Jaamacadaha dalka ay door weyn ka qaateen horumarka Waxbarashada dalka, isla markaana ay socoto nidaamkii lagu qiimeynayay. Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ayaa si weyn u gilgilay qeybaha baraha bulshada oo ay ka socotay jawaab celin xooggan iyo dhaliil loogu jeedinayay hadalkiisa, waxaana dad badan ku tilmaameen inuu ahaa hadal si fudud uga baxay. Mar dhow la soco Digreetada
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka oo u sii maraysa Shirkadda DP Worldf waxay sannadihii 1990-aadkii bilaabeen inay maalgashi ballaaran ku yeeshaan Geeska Afrika, iyagoo Deked Weyn ka abuuray dalka Jabuuti iyo inay mid kale kala shaqeeyaan Is-maamul-gobaleedka Somaliland oo iyagu sheegta inay ka go’een dalka Somalia. Laakiin, Xiisadaha haatan ka dhex taagan Dowladda Imaaradaka iyo Dowladaha Somalia iyo Jabuuti waqti badan kuma qaadanin Imaaraadka inay Heshiis la galaan Ethiopia iyo Eritrea, si ay galangal xooggan ugu yeeshaan Mandiqadda Geeska Afrika. Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxay doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea. Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo ay ka soo degaan Badeecadaha ay u baahan yihiin dadka Ethiopia. Xiriirka noocaasi ayaa u muuqda mid daaqada ka bixi doona, maadaama ay Ethiopia la heshiisay Eritrea oo ay horey uga dhexeysay caddowtooyo gaamurtay. Laakiinse, Heshiiska Nabadda ee uu bilaabay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay inta badan Ganacsiga ka soo gudbi doonaan Eritrea, halkii ay horey Jabuuti u soo mari jireen. Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo dhawaan ka heshiiyey Colaadii dhex martay 20-sanno ka hor waxay shalay si wadajir ah booqasho ugu tageen dalka Imaaraadka, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey, laguna abaal mariyey Billad Sharafta Nabadda. Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-nahyaani waxa uu daraad la kulmay RW Abiy Axmed iyo Madaxweyne Efewerki, wuxuuna ku bogaadiyey Heshiiska Nabadda ee Taariikhiga ee ay Ethiopia iyo Eritrea wada gaareen. War-murtiyeed saddex geesood ah ayaana laga soo saaray Shirkaasi kadib waxaa lagu muujiyey xiriirkii dheeraa ee u dhexeeyey Imaaraadka, Ethiopia, Eritrea iyo Danaha saddexdooda Waddan. Madaxda Ethiopia iyo Eritrea waxay bogaadiyeen doorka Imaaraadka Carabta ka ciyaartay Heshiiska ay wada gaareen. Dowladda Imaaraadka waxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay taageertay Dadaalka Nabadda ee Ethiopia iyo Eritrea. Bihsii June ee la soo dhaafay, Imaaraada waxay Ethiopia siiysay Kharaj dhan 3 Billion oo Dollar oo isugu jirta Kaalmo iyo Maalgashi, waxayna Tallaabadaasi astaan u tahay Taageeradda xooggan ee ay Imaaraadka u hayaan RW cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed. Shirkadda DP World ee Imaaraadka waxay galangal ugu jirtaa sidii ay isugu ballaarin lahayd Dekeddaha ku yaalla Somalia ilaa Sudan, waxayna DP World qorsheynaysaa inay 10 ilaa 12 Dekedooda ka hirgeliso dalalka Bariga Afrika ee kaabiga ku haya Badda Cas. Markaynu u soo daadegno Danaha Imaaaradka ee Ethiopia iyo Eritrea kadib, Khilaafkii Somalia iyo Jabuuti kadib, waxaa hubanti ah in Heshiiskii Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi la gaaray Madaxda Ethiopia iyo Eritrea inay taasi dhabaha u furayso in ay Ethiopia Hawlaha Ganacsiga u adeegsan karaan Badda Eritrea, taasi oo ah Tallaabo lagu doonayo in lagu naafeeyo Kaalinta Jabuuti ee Wax-is-dhaafsiga Badeecadaha ee ay haatan udubka u tahay Badeecadaha laga isticmaalo Bariga Afrika. Dowladda Imaaraadka waxay kaloo ku haminaysaa inay Ethiopia iyo Eritrea ifiyaan Xiisadda kala dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Jabuuti iyo in maalgashigaasi sii hurin karaan colaadaha haatan ka socda gudaha Somalia. ISHA: Masrawi and R. Dalsan
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Abu-Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta waxa dorraad ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea. Wuxuu gunaanad u ahaa dedaal aan si rasmi ah loo garanayn cidda dabada ka riixaysay oo ay ugu dambayn labadan wadan ku saxeexeen heshiis taariikhda galay. Dad badan oo isweydiinayay su’aal ahayd dalka dhexdhexaadiyay Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa helay jawaabta oo ah inay guulaysatay diblomaasiyadda Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga oo u muuqda in Maraykankuna hoosta kala wado. Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Aferwerki, waxaanu ammaanay heshiiska dhex maray Ereteriya iyo Itoobiya, isagoo bilad sharafta ugu saraysa dalka UAE guddoonsiiyay labadan hoggaamiye. Heshiiskan labadan wadan oo ay dunidu si weyn u soo dhawaysay waxa la aaminsanyahay inuu wax weyn ka tari doono degenaanshaha mandaqada gobalka Geeska Afrika, waxaanu geesta kale gobalka Geeska Afrika ku soo kordhin doonaa isbedelo siyaasadeed oo cusub. Meelaha la aaminsanyahay in heshiiskani saamayn ku yeelan doono waxa ka mid ah Somaliland iyo Djibouti. Djibouti waxa ay la baaxaa degaysaa walaac siyaasadeed oo ay ka qabto heshiiskan. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraaq u diray bishan safiirada djibouti ee dibadda u jooga, waxaanay Djibouti ka digaysaa in si fudud Ereteriya looga qaado cunaqabataynta. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa warbixin uu qoray oo ku saabsan walaaca Djibouti ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu ku yidhi “Toddobaadkii hore, diblumaasi reer Jabbuuti ah [wasiirka khaarajiga Djibouti], ayaa ka murugooday in Itoobiya ay kursiga ay ku fadhido ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, u isticmaashay in ay ka dhigato cadaadis ay ku doonayso in cunaqabataynta laga qaado Eriteriya.”, wuxuuna wargeysku intaas raaciyay “Haddii Ereteriya cunaqabataynta laga qaado, wasiirka khaarajiga Djibouti Maxamed Cali Yuusuf wuxuu qirsanyahay inuu saamayn taban ku yeelan doonaa wadankiisa.” Wargeyska Daily Nation oo warbixintiisa sii wataa, soona xiganaya warqadaas wasiirka khaarajiga Djibouti oo ay saxaafadu heshay wuxuu yidhi “War kooban oo uu siiyey ergadiisa dibadda [safiirada], oo warbaahintu heshay, Maxamuud Cali Yuusuf [Wasiirka khaarajiga ee Djibouti] waxa uu ku andacooday in Ereteriya weli laga rabay in ay joojiso habdhaqankeeda-dagaalka u eeg ee ay kula macaamilayso deriskeeda iyo in Itoobiya ay khalad ku geli karto aqbalaaddaas degdegga ah ee ay ku soo xerogelisay.” Djibouti waxay dareensantahay inaanu heshiiskani war wanaagsan u ahayn. Qodobka koowaad ee Djibouti warwarka geliyay ayaa ah dalka dhexdhexaadiyay Itoobiya iyo Ereteriya oo ah Imaaraadka Carabta oo heshiiskan hirgeliyay dhawr bilood uun ka dib markii ay Djibouti laashay heshiiska ay shirkadda DP world ee dekeda Dooraale. Waxa ay Djibouti arkaysaa in Imaaraadku heshiisiinta labadan wadan ku bixiyay maalgelin iyo dedaal diblomaasiyadeed, ujeedadiisuna u weynina tahay inuu Djibouti wiiqo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Dhowaan markii khilaafka khaliijku qarxay, oo ay Jabbuuti u baydhay dhinaca Sucuudiga, ayaa ay dawladda Qatar la baxday ciidamo ka joogay xadka u dhexeeya Djibouti iyo Eriteriya. Waxaa fursaddaas ka faa’iidaystay Ereteriya oo qabsatay dhul dheeraad ah oo ay Jabbuuti leedahay. Taas oo sii adkaysay colaadda dhinaca xuduuda ah, muddada dheer labada dal u dhexeysay, iyada oo ay Djibouti dhowaan sheegtay inay Ereteriya xuduudka la isku haysto soo dhoobtay ciidamo. Qodobka labaad ee walaaca ku abuuray Djibouti ayaa ah in Itoobiya u wareegto dekedda Ereteriya, maadaama oo ay Djibouti kooto ku qabsatay ganacsiga Itoobiya ee Djibouti ka dhoofa ama ka soo dega, taas oo macnaheedu yahay in Djibouti tahay dalka keliya ee ka faa’iiday colaadda Itoobiya iyo Ereteriya. Sidoo kale waxa suurtogal ah in dalal reer galbeed ah oo uu Maraykanku kow ka yahay ay saldhigyo milateri ka samaystaan Ereteriya, taas oo wiiqaysa saldhigyada hadda ka furan Djibouti, ayaa iyana noqon doonta dhaawaca kale oo soo gaadha Djibouti. Imaaraadka Carabtu hore ayay u balan qaadeen inay Djibouti ku celin doonaan noloshiisii hoosaysay ee ay ku sugnaayeen intii aanay DP world cududeeda ku biirin horumarka dekeda Djibouti. UAE waxay u muuqataa inay doonayso inay si uun u *****so hanjabaadaas. Dalka labaad ee uu saamaynta ku yeelanayo heshiiskani waa Somaliland. Waxa dhawaan si rasmi ah dekedad Berbera ula wareegay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP world, oo saami dhan 19% ka siisay Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera. Suuqa ugu weyn ee ay DP ugu tallo gashay dekedda Berbera waxa weeye Itoobiya. Dad badan ayaa aaminsan in heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya uu saamayn ku yeelanayo fikirkii DP world ay ku doonaysay in kadinka Itoobiya noqdo Berbera. Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxa ka dhexeeya xidhiidhka sababta u noqday in UAE ay la wareegto dekedda Berbera islamarkaana saldhig ciidan laga siiyo Berbera. Waxase iyana xiiso leh in Imaaraadka Carabtu uu ka soo shaqeeyay heshiiskan, iyadoo DP world ay tahay shirkad ay leedahay UAE, waxaana markaas soo baxaya arrin u baahan fasir badan oo ah ujeedada rasmiga ah ee Imaaraadka Carabta iyo DP world ka leeyihiin dekedda Berbera,iyadoo ay marka horeba jireen dad reer somaliland ah oo su’aalo ka qabay dhumucda xidhiidhka Somaliland iyo UAE. Si kastaba ha ahaate, Djibouti iyadoo dareensan halista soo waajahday waxa ay bilowday dedaalo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay kula heshiiso dalka Ereteriya. Waxaanu wasiirka khaarajiga Djibouti safaro ku marayaa wadamo badan si uu taageero ugu helo dalabka ay Djbouti u gudbisay Qaramada Midoobay ee ah in la dhammeeyo khilaafka xuduudeed ee Djibouti iyo Ereteriya. Djibouti waxa laga dareemayaa in ay doonayso inay ka gaashaamato inaanu saamayn taban ku yeelan heshiisku, haddii uu ku yeeshana ay saamayntaasi noqoto mid khatarteedu yar tahay ama la xakamayn karo. Laakiin waxa muuqata inaanay Somaliland weli dareemin amaba si culus u garwaaqsan saamaynta uu heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ku yeelan karo. Waxa dawladda Somaliland looga baahanyahay inay samaysato qorshe iyo diyaar garow ay kaga gaashaman karto saamayn kasta oo taban oo uu heshiiskani ku yeelan karo, waxaanay arrimahan kaga gudbi kartaa habacsanaanta diblumaasiyadeed ee waayadan dambe ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo meesha laga saaro iyo la tashi ballaadhan oo uu madaxweynuhu arrinta kala yeesho saaxiibbada iyo dadka aqoonta u leh arrimahan si loo raadiyo xal ay Somaliland kaga baxsan karto dhib ka dhalata isbedellada xawaaraha ku socda ee gobalka ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid oo Sacuudiga leeyahay, kaasi oo marayey Badda Cas, islamarkaana u gaystay waxyeello, sida ay sheegeen isbaheysiga Sacuudiga iuu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen. “Markab saliid oo Sacuudigu leeyahay ayaa waxyeello yar ay kasoo gaartay weerar ay soo qaadeen Xuutiyiinta” ayaa lagu yiri bayaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda Sacuudiga. Lama shaacin nooca markabkan iyo qaabka loo weeraray intaba. Taleefishinka Almasirah ee Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay ku baahiyey twitter-ka inay beegsadeen markabka Dammam oo socday xeebta galbeed ee Yemen, mana bixin faahfaahin intaas dheer. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale gantaallo ku garaacay gudaha Sacuudiga. Sacuudiga ayaa hakiyey dhammaan maraakiibtii siday saliidda uu dalkaas dhoofiyo ee la mariyo marinka Bab Al-Mendab kadib weerarka, sida uu sheegay wasiirka tamarta dalkaas, Khalid al-Falih. Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa mid ka mid ah sababaha ay dagaalka uga wadaan Yemen ku sheegay inay ilaaliyaan marinka Badda Cas, oo ay maraan maraakiibta saliidda bariga dhexe iyo badeecadaha geeya Yurub, ayada oo lasii marsiiyo kanalka Suez. Waxay horey u sheegeen in sidoo kale ay fashiliyeen weeraro kale oo ka dhan ahaa maraakiib bilihii April iyo May ee sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ambassodor Maxamed Xuseen Awliyo oo horay usoo noqday Safiir ayaa aad u dhaliilay dhismaha maamul Goboleedyada ka jira dalka. Ambassodor Awliyo oo waraysi gaara siinaayay tv-ga rtn ayaa sheegay in dhamaan hogaamiyayaasha maamulada ay yihiin kuwo markii dantooda ay ka waayen dowlada dhinac isku buusay. Waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaasha hadda haya maamulada ay horay usoo noqdeen Ra’isul wasaaraha dalka waxa uuna tusaale usoo qaatay C/weli Gaas, Cali Khaliif iyo Shariif Xasan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore. Awliyo, waxa uu tilmaamay in C/weli Gaas markii uu waayay xilka Madaxweynaha Somalia ee uu isku soo sharaxay uu noqday Madaxweyne Beeleed, sida uu hadalka u dhigay, halka Galeyr uu u galay Somaliland, marka uu xil ka waayay Somalia. “Mid waliba marka uu waayo xilkii uu u hayay dowlada waxa uu muska u maraa reerkiisa oo uu u noqdo Madaxweyne maamul, taasi waa mid noo sii horseedeysa dhibaato”. “C/weli Gaas waa Madaxweyne beel horay waxa uu u ahaa Ra’isul wasaare Qaran waxa uu doorbiday inuu noqdo Hogaamiye beeleed anigu ma orankaro Hogaamiye Soomaaliyeed waayo waxaa halkaas dega beelo macruuf ah” Ambassodor Awliyo, oo sii wata wareysigiisa tv-ga ayaa sheegay in Somalia ay dhibaatooyin ku hayaan maamulada sii kala fogeynaaya Soomaalida halkii laga sugaayay inay isku soo dhaweeyan Soomaalida kala luntay. Sidoo kale, waxa uu ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin xitaa qodobada Dastuurka waxa uuna arrin aad u xun ku sheegay inay isla awood dhigaan dowlada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Ambassodor-ka ayaa ka digay in Hogaamin beel loo dhibaateyo Qaran jira, waxa uuna lama huraan ka dhigay shaqeynta awood dowladeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Hay’adaha amaanka Kenya waxa gudaha dalkaasi galay gaadiid raaxo iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay in ku dhawaad afar gaari nooca raaxada ah ay ku jiraan magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera. Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay inay la socdan maleeshiyaad loo diyaariyay ismiidaamin iyo weerar toos ah kuwaa oo iminka la xaqiijiyay inay ku diyaarsan yihiin gudaha magaalada. Saraakiisha Booliska Kenya waxa ay xaqiijiyeen in gaadiidkaasi ay yihiin kuwo ay horay u dhaceen Al-Shabaabka isla markaana laga bedelay taarikada si loogu weeraro xarumo muhiim ah oo aan la carabaabin. Maleeshiyaadka la socda gaadiidka iyo kuwo kusii diyaarsan gudaha magaalada ayaa isticmaali doona ID-karo been abuur ah si ay ugu sahlanaato galiinka goobaha uu ku wajahan yahay weerarka. Sidoo kale, Hay’adaha amaanka ayaa ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago halista ka dhalankarta weerarada. Ma cada sida uu xaalku noqon doono waxa ayna arrintaan kusoo beegmeysaa iyadoo maalmahaani ay dowlada Kenya direysay digniino dhanka amaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo xalay Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018. Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday. Wasiirka, ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka. Halkaan Hoose ka Akhriso Tobanka Arday ee Ugu Sarreysa Imtixaanka
  25. 10-kii sano oo tagay waxaa shacabka Soomaaliyeed ku habsaday dhibaatooyin fara badan oo intooda badan ku cusub dhaqanada Soomaaliyeed. Dhaqamadaas xumaanta u saaxiibka ah waxaa intooda badan loo tiiriyaaa ururka loo yaqaano Al-Shabaab oo gacan saar la leh urur weynaha Al-Qaacida. Ficilada ay ummada Soomaaliyeed kula kacaan waxaa ka mid ah gowraca, dil wadareed (Qarax) iyo mid shakhsiyadeed (Madax jebis), hanitida baadka ah ay ka qaataan ganacsatada iyo beeralayda iyo kuwa kale oo tira badan. Xadgudubyadaas ay u geeysanayaan ummada Soomaaliyeed guud ah haddana waxay u daran yihiin deegaanada qaarkood, taasoo keentay in su’aala badan la iska weydiiyo mabda’ diineedka ay sheegteen. Al-Al-Shabaabka jooga inta u dhaxaysa Moqdisho iyo Baydhabo waxay canshuur ka qaataan gawaarida xamuulka ah oo ka shaqeeya wadadaas. Ganacsada iska leh gawaaridaas waxay bixiyaan lacag gaaraysa 1,300 dollar safar walba, Lacagtan oo ay ugu magac dareen khidmo, tani waxay reer Baydhabo usaamaxaday inay helaan badeeco ay ku maareeyaan noloshooda. Hase ahaatee Al-Shabaabka jooga deegaanada ka baxasan Baydhabo gaar ahaan kuwa jooga gobolka Bakool waxa ay ka Al-Shabaabsan yihiin kuwa jooga inta u dhaxaysa Mogidisho iyo Baydhabo. Al-Shabaabka jooga Bakool waxay ganacsatadii deegaankaas u diideen inay soo rartaan gawaari amaba isticmaalaan wadooyinka goboladaas ayagoo ku sababeeyey inay wadanka heystaan cadow ay ula jeedaan Itoobiyaanka ku sugan deegaanada Xudur iyo Waajid. Tani waxay sababtay in shacabkii ku dhaqnaa deegaankas ay ku noolaadaan wax hawada loo mariyey oo keli ah, taasoo shacabkaas aan dakhli buuran laheyn awoodin inay iibsadaan badeecadaas hawada la mariyey. Al-Shabaabka deegaanadaas waxay dab qabadsiiyeen kumanaan tan oo raashiin oo ay iska lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed islamarkaasna dileen amaba gowraceen dad ka badan 500 qof 4 tii sanoo ugu dambaysay, waxay baasuukayaal la dhaceen gawaari yer yer oo deegaankaas u socday iyo xadgudubyo tiro badan aan halkaan kusoo koobi karin. Hadaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, Itoobiyaanka jooga Baydhabo ma guuto Al-Shabaab kamid ah baa mise Al-Shabaabka bakool baa ka Al-Shabaabsan kuwa Baydhabo gawaarida u fasaxay ??? Dowladda dhaxe waxay iloowday shacabkeedii ku dhaqnaa gobolada ka baxsan Banaadir, waxayna ku halaysay amaanka shacabkaas dhibaataysan dad lagu sheegay madax maamul goboleed oo kursi celis dhinac u dhaafi waayey. Yaa u maqan shacabkaas loo diidey inay xitaa gaari dameer wax ku qaataan ? Anoo soo gabagabaynaya Waxaan halkaan kusoo jeedinayaa 3 fikradood oo aan isleeyahay isbedel guud dhanka amaanka ah ayey keeni karaan waana sidaan hoos ku xusan : Waxaan wax walba ku saleynay awood qeybsi astaantiisu tahay wax loo yaqaano 4.5, anagoo raadraac ugu jirno xil iyo saaxad ka muuqasho qabiil. Hadaba maxaa noo diidaya inaan xitaa ku salayno shaqada amniga qaranka 4.5. Tani waxaan ula jeedaa in qabiil kastaba deeganka uu kasoo jeedo kasoo xureeyo cadowga Al-Shabaab isla markaasna matalaad siyaasadeed uusan ku yeelan dowlada dhaxe ilaa inta deegaankiisa cadowga heysta kasoo xuraynayo. Dowlada dhaxena ay dhanka saanada ka taageerayso. Awoodaha ugu weyn oo isbedelka keena waxaa ka mid ah kacdoon shacab, dowlada dhaxe waxaa looga baahan yahay inay soo saarto siyaasado ay ku isticmaali karto awoodahaas shacabku uu leeyahay. Daacadnimo, maamul wanaagsan, hufnaan dhaqaale iyo wax qabad muuqdo oo dowlada dhaxe iyo kan maamul goboleedkaba laga helo waxay horseed u noqonaysaa kalsooni laga helo shacabka Soomaaliyeed. Shacab xun ma jiro balse maamul xunbaa keeni shacab xun. Shacabka Turkiga oo kaaraha isku dhigay kama mawaadinsana shacabkeena, balse waxaa meesha ku jira sababta keentay inuu naftiisa quuro oo ah maamul wanaag uu naftiisa ku iibsan karo ayuu ka arkay dowladiisa. Waxaa jira ganacsato iyo shaqsiyaad ganacsi ka sameeya sidii amni daro kusii ahaan lahaa wadanka, haddaba dowlada dhaxe waa inay shaqsiyaadkaas il gaar ah ku eegtaa oo cadaalada la tiigsataa. Sareeynta sharciga waxay nagu horseedaysaa in la helo amni waara oo ay ku naaloodaan shacabka Soomaaliyeed. Wabilaahi Towfiiq. W/Q: Hassan Adan Abukar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid