Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The U.S. National Arena Soccer Team challenged Brazil last summer in front of a sold-out crowd at CenturyLink Arena in Downtown Boise. Source: Hiiraan Online
  2. Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Cali Xasan Cawil oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay inay qaar ka mid ah warbaahinta la hadleen maxaabiistii Somaliland ay ku qabatey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo uu sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha ay usoo jeediyeen maamulka Hargeysa iyo dhibaato loogu geysto xabsigaas. Taliye Cali Xasan wuxuu sheegay saaka ku booqdeen xabsiga Hargeysa isaga iyo qaar ka mid ah eheladda maxaabiistaas, Islamarkaana ay su,aaleen sababta ku kaliftey warbaahinta inay u gudbiyaan xog aan sax ahayn,Isagoona ku sifeeyay eedeymaha maxaabiistu usoo jeedisay kuwo ujeedadoodu tahay sidii loogu ogolaan lahaa maandooriyaha la yiraahdo qaadka oo uu sheegay mamnuuc inuu ka yahay xabsiyadda Somaliland. Maalin ka hor Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baahisay wareysi ku saabsan xaaladda maxaabiista kasoo jeeda Puntland ee ku xiran xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa ka dib markey xiriir telefonka lasoo sameeyeen qaar ka mid ah maxaabiistaasi Wariye Abshir Dhiirrane oo ah tafatiraha warbaahinta PUNTTLAND POST. Riix halkaan wareysigii maxaabiista. Maxaabiista ayaa wareysigoodii ku sheegay inay ku haysato xabsiga Hargeysa xaalad ka baxsan hab dhaqanka maxaabiista iyo bini,aadamtinimada ka dib markey ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland inay si joogto ah ugula kacaan falal isugu jira Jirdil,Handadaad,Daryeel xumo caafimaad,Cunto la,aan iyo Dhibaatooyin kale. Isku soo wada duuboo hadalka maanta kasoo yeeray Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu xaqiijinaya cabashadii ka timid maxaabiista Puntland looga qabtey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo 12 ka mid ah iminka lagu hayo xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa. Abshir Dhiirrane PUNTLAND POST The post Somaliland oo xaqiijisay wareysigii maxaabiista Puntland ee ku xiran Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  3. A police officer has been killed and two others injured after a vehicle they were travelling in was ambushed by Al Shabaab militants at Milihoi area in Lamu County on Thursday. According to a police source, the police land cruiser was returning to the police base in Mpeketoni after transporting prisoners to Hindi area when the officers were accosted by the militants. A 30-minute shoot-out is reported to have ensued between the police officers and the Al Shabaab militants before the terrorists set the police vehicle on fire. The militants also torched a private vehicle whose occupants fled and abandoned it amid the gun fight. A crackdown by various security organs in the area was immediately launched to hunt down the militants. Transport in the area was also paralysed following the operation. Source: – Citizen TV
  4. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns in the strongest terms possible the murder of a Somali Journalist in Mogadishu on Thursday 26 July 2018 the latest in a series of attacks against the press in Somalia. The incident happened around 3:10 PM local time, when a policeman on service a checkpoint near Peace Garden shot two times Abdirizak Kasim Iimaan on the head in Hamar Jajab neighborhood in Mogadishu. He was pronounced dead few minutes after he was shot .Abdirizak Kasim Iimaan has been working with London based SBS TV in the Somali capital as cameraman and sometimes as technician. SBS TV Director in Mogadishu Mohamud Dhakane Nur confirmed the killing of Abdirizak Kasim Iimaan and told NUSOJ that the late Abdirizak was riding a Bajaj when he was shot and killed by the Policeman. We are at Madina hospital where the body of Abdirizak was brought to, indeed we don’t know yet why he was killed, Mohamud added. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns in the strongest terms possible and calls for the Somali government to probe the incident urgently and bring the justice the policeman who behind the killing of an innocent cameraman. “On behalf of NUSOJ, I am strongly condemning the assassination of cameraman Abdirizak Kasim Iimaan and I urge the Somali security agencies to launch urgent investigations relating to the shocking killing.” Mohamed Ibrahim Moalimuu the General Secretary of NUSOJ said “Abdirizak was not armed, so there can’t be any excuse for the assassination of a civilian person who did not any violent crime, therefore we urge Somali authorities to leave no stone unturned in determining the motive for Abdirizak’s killing and finding and prosecuting the man who was responsible” Moalimuu added . We share with the sadness families and friends of Abdirizak Kasim Iimaan and we journalists have to stand our unity, defend our rights and work together with harmony to achieve getting save environment in which we can work freely. Mahir Jama Aden President of NUSOJ said. The killing of Abdirizak becomes the first incident in which a media worker was killed in Somalia in 2018. The security situation of journalists seemed to improving in the first half of the year, but this is another major setback of development of Somali media. Source: NUSOJ
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga. Ra’isul wasaaruhu waxa uu si guud uga hadlay amniga iyo hanaanka ugu sahlan ee lagu sugi karo, iyadoo wixii mas’uuliyad ah ay dusha saran doonaan Hay’adaha amniga. Wasiirka amniga gudaha xukuummadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in amniga Caasimadda lagu wareejiyo booliiska. Goluhu waxa ay isla oggolaaden in mas’uuliyada amniga caasimadda lagu wareejiyo Booliiska, in dhammaan ciidanka xasilinta la hoos geeyo booliiska si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo in ciidanka nabad-suggiddu ay mas’uul ka yihiin helidda xogta sir-doon ee gacan ka geysaneysa adkeynta amniga. Golahu waxa uu faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo ciidanka Guutada 14-ka Octoober si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyada oo goluhu ku war-geliyay wasaaradda maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October. Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Taliyaha Booliska dalka lagula xisaabtami doono dhammaan dhacdooyinka amni darro ee kadhaca magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, amarka Wasiir Ducaale ayaa u muuqanaaya mid meesha ka saaraya amarkii Madaxweynaha ee amniga Muqdisho loogu wareejiyay Militeriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Faysal oo Hargeysa lagu soo dhaweeyayGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo laga baqayay in xabsi loo taxaabo ayaa maanta bedelkeedii si aan horey u dhicin loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, iyadoo Garoonka diyaaradaha loo dhigay rooga cas ee madaxda loo goglo. Faysal Cali Waraabe oo ka soo noqday shirkii Soomaalida Brussels oo uu ka qeyb galay ayaa boqolaal dadweynaha Hargeysa ah kula hadlay meel fagooro ah, isagoo ka hadlay kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, sidoo kalana dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi iyo Baarlamaanka Somaliland. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay kulankii ay isaga iyo Cali Khaliif Galeyr la qaateen Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in ay Farmaajo horey xiriir wanaagsan ula haayeen hadana ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka Tukaraq iyo in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka, wuxuuna intaas ku daray in uu ka dhaariyay in uu Puntland ku taageero dagaalka Tukaraq. Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa aad u dhaalilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuuna sheegay in 7 billood oo uu xilka hayay uu dib udhac weyn ku yimi Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay mid wada shaqeynta ka jecel in leys-caayo, isagoo ugu goodiyay in hadii ay tayo xumo ku arkaan xukuumadda Muuse ay ka tashan doonaan. Baarlamaanka Somaliland oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta eedeymo u marinayay Faysal Cali Waraabe ayuu ku tilmaamay kuwa sharci daro ku fadhiya kuraasta muddo 14 sano ah, sidaas darteed aysan ahayn in laga xishoodo. Muuse Biixi ayaa dhaawaan sheegay inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii shirkii Soomaalida Brussels Faysal Cali Waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib la isaga arko. Faysal Cali Waraabe oo muddo dheer hogaamiye ka ahaa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa lagu tilmaamaa mid hadba u janjeera xisbiga talada haya. PUNTLAND POST The post Faysal Cali Waraabe oo Roog cas loo goglay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay magaalad Muqdisho ku toogteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray. Dilka Xildhibaankan hore oo la sheegay inuu ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir,ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo watay buugaag. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in maleeshiyada dilka geystay ay ka baxsadeen goobta. Malaeeshiyada ayaa dilka kadib sidoo kale marxuumka ka qaatay Moobil uu xiligaa ku hayay gacanta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal. Geesta kale, magaalada Muqdisho keliya maanta waxaa lagu dilay dad tiro ahaan gaaraya 18 qof waxaana xusid mudan in ragga dilalka geystay ay dhamaantooda baxsadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan barihii Koontaroolada Muqdisho oo ay fadhin jireen ciidamada Xasilinta Maanta ku wareejisay Ciidamada 14 October ee la sameeyey Qarixii Zoobe ka dib. Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritan ku sameenayo Gawaarida ku dhex socdo gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo feejigan isla markaasna si adag ku baarayo Baabuurta. Durba dadka reer Muqdisho ayaa falanqeyn iyo sifooyin ka bixiyey ciidamada 14 October ee lasoo dhigay jidadka Muqdisho waxaana soo baxay laba tilmaam oo ay uga duwan yihiin ciidamadii Xasilinta Muqdisho ee fadhin jiray meelahaas. Labadaas tilmaam ayaa kala ah: 1) Balwad La’aan: Ciidamada 14 October ee lasoo dhigay Baraha baaritaanka ee Muqdisho ayaa arkayey iyagoo aan isticmaaleyn Balwad. Ciidamadaan ayaa intooda badan ka siman inaysan balwad laheyn, halka kuwa balwadda leh ee ku jirana aan loo ogoleyn inay Balwada Isticmaalaan inta ay ku jiraan shaqada taasoo noqotay wax ku cusub Dadweynaha Muqdisho gaar ahaan kuwooda ku dhex wato Gawaarida raaxada iyo kuwa dadweynaha. Taas badalkeeda Ciidamadii Xasilinta ee jidadkaas baaritaanada ka sameyn jiray ayaa habeen iyo maalin si joogta ah balwada u isticmaali jiray, waxayna arrintaas keentay in mararka qaar ay jidadka iska xirtaan iyagoo dhibsanayo inay Gawaarida baaraan iyo inay Lacago ku helaan qaabkaas waxaana uga fududtaay inay jidadka ku Xiraan Biro iyo Caagag ayna dadka u sheegaan inay xiran yihiin oo ay tahay (Kala Wareeg). Xiritaanka jidadka ayaa mararka qaar gaar u ahaan jirtay Ciidamada halkaas fadhiyo iyagoo aysan ka warqabin taliyaasha ugu sareeyo ciidamadaas. 2) Laaluush La’aan: Ciidamada 14 October ayaa durba lagu arkay inay joojiyeen Laaluushkii ay ciidamada Xasilinta ka qaadan jireyn Xarumaha lagu baaro gaawaarida. Ciidamadii Xasilinta ee Xarunta Xisbiga lagu xareeyey ayaa looga bartay inay Laaluush ka qaadaan Baabuurta isticmaasho waddooyinka Muqdisho gaar ahaa kuwa Alaabaha wado ee kasoo qaado Suuqa Bakaaraha isla markaasna geeyo qeybaha kala duwan ee Muqdisho. Dabeecadda Ciidamada Xasilinta ayaa ahaan jirtay markii ay arkaan Baabuur alaab ama raashin wado inay qoryaha ku taagaan isla markaasna ay ku amraan inuu meesha isaga laabto iyadoo ujeedkooda yahay sidii ay ku heli lahaayeen Lacago Laaluush ah. Darawalka Gaariga ayaa markaas ku qasban inuu ka laabto oo uu baabuurkiisa dhigto meel u dhow si uuu la hadlo ciidamada waxaana loo sheegaa markaas inuu bixiyo lacag haddii uu rabo inuu jidka maro ama uu dib isaga laabto. Darawada ayaa ku qasbanaan jiray inay lacagtaas bixiyaan maadaama jid kasta ay ciidamadaas joogeen isla markaas uu laaluushka ahaa nashqad ay isla ogyihiin dhammaan ciidamadaas ku sugan jidadka kala duwan. Midda ugu daran ayaa ah inaan la baareyn gaariga Xamuulka wado haddii uu lacag dhiibo waxaana laga yaabaa in mararka qaar ay fasaxaan Baabuur qarax wado oo Luush badan bixinayo. Ciidamada Cusub ee hadda lasoo dhigay jidadka ayaa Maanta la arkayey iyagoo si siman u baarayo Baabuurta Raaxada iyo kuwa Xamuulka sida iyagoo aan wax shuruud ah ku xireyn haddii ay ahaan laheyd lacago laaluush ah iyo Arrinta cusub ee Muqdisho laga bartay ee ah (Kala Wareeg). Qubarada ku takhasusay dhinaca ciidamada ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee keenta Laaluush iyo shaqo xumada ciidamada ay tahay Cunista Balwadda qeybaheeda kala duwan taasoo ciidamada ka dhigto kuwa aan kasoo bixin masuuliyaddii la saaray iyo sugidda Amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. A police officer has been killed and two others injured after a vehicle they were travelling in was ambushed by Al Shabaab militants at Milihoi area in Lamu County on Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay Seddex ruux oo la socday gaari nooca BL-ka. Maleeshiyada oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa gaariga kala degay Seddexda ruux oo la sheegay inay ahaayen shacab kuwaa oo isla goobta ku dilay. Gaariga BL-ka ee dadka lagala dagay ayaa xiligaa ahaa mid maraayay Isgoyska Baar Ubax Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir. Gaariga ayaa la sheegay in rarka uu u waday meel aan sidaa uga sii fogeyn tarabuunka, haseyeeshee dilka Sedexdaasi ruux ayaa noociisa noqonaaya mid ku cusub magaalada Muqdisho. Goobjooge halkaa ku sugnaa ayaa sheegay Seddexda ruux ay BL-ka kala dageen laba maleeshiyo oo ay wehlinayeen laba kale, waxa ayna sidaa ku dileen dadka la sheegay inay shacabka ahaayen. Dilkan oo niiciisa aan sanadahaani ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia siyaabo kala duwan loogu eedeeyay inay ku fashilintay amniga. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan weli ka hadal dilka noociisan ku cusub magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns in the strongest terms possible the murder of a Somali Journalist in Mogadishu on Thursday 26 July 2018 the latest in a series of attacks against the press in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (PP) ─ Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu dilay Muqdisho Wariye C/risaaq Qaasim Iimaan oo ahaa filim-qaade u shaqeynayay TV lagu magacaabo SBS oo xaruntiisu magaalada London ee caasimadda dalka Britain. Suxufigan ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somalia oo ku sugnaa bar-koontarool oo ku taalla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u toogteen. Dilka suxufigan ayaa waxaa cambaareeyay ururka NUSOJ oo sheegay inuu ka mid yahya dhibatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in baaritaan dhaqso ah lagu sameeyo dilka marxuumka. Agaasimaha xafiiska SBS TV ee Muqdisho, Maxamuud Dhaqane Nuur ayaa u xaqiijiyay warbaahinta geerida marxuumka, isagoo sheegay in maydkiisa uu yaallo haatan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. “Marxuum C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu saarnaa Mooto bajaaj markii la tooganayay, waxaana dilay askari booliis ah,” ayuu yiri Maxamuud Dhaqane oo hadalkiisa ku daray. “Ma garanayno illaa hadda sabab loo dilay marxuumka, waana fal aad nooga nixiyay.” Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo ka hadlay dilka wariyahan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Muqdisho, waxayna xuseen inay tani ka mid tahay dhibaatooyinka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay ka hawlgalaan. “Anigoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaan si adag u cambaareynaynaa dilka wariyahan loo geystay, waxaana sidoo kale ugu baaqaynaa hay’adaha amniga dowladda Somalia inay baaritaan dhaqso ah oo hufan ku sameeyaan sida uu dilkan ku dhacay. Wuxuuna ahaa dil aan aad u naxnay,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Nuur [Macallimuu] oo warbixin kasoo saaray dilka wariyahan. Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa hadalkiisa ku daray. “C/risaaq ma ahan qof hubeysan, Sidaa daraadeed ma jirto cudur-daar loo haysto in la dilo qof shacab ah oo aan dambi gelin. Waxaanan ka codsanaynaa madaxda hay’adaha amniga dowladda Somalia inay arrintan baaraan, ciddii mas’uulka ka ahaydna la hor-keeno sharciga.” .Ugu dambeyn, C/risaaq Qaasim Iimaan wuxuu noqonayaa suxufigii ugu horreeyay ee Somalia lagu dilo sannadkan 2018-ka. Waxaana dilkan uu ku soo beegmayaa iyadoo bilihii u horreeyay sannadkan ay amniga suxufiyiinta ka hawl-gala Somalia uu soo hagaagayo, balse dilkan ayaa wuxuu walaac kale ku beerayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wariye u shaqeynayay Telefishin oo Maanta lagu Toogtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) Golaha wasiirada ayaa magacaabay illaa seddex safiir oo dowladda Somalii u matali doono qaar ka mid ah dalalka dunida. Safiiradaan oo muddo badan la sugayey ayaa la magacaabay maanta inkastoo aysan gaarin intii la filayey maadaama ay banaan yihiin ilaa in ka badan toban safiir boosaskooda. Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo. Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa. Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan. Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga qaaday. Safiiradaan ayaa intooda badan halmar shaqo joojin lagu sameeyey waxayna qaadatay in booskooda in la buuxiyo waqti badan. Wixii warar ah ee kusoo kordha dib kala soco inshaa Allah
  14. A Somali man who made a throat-cutting gesture towards a welfare officer outside a courtroom has been jailed for contempt of court after telling a magistrate the matter was none of his business. Source: Hiiraan Online
  15. Waa tallaabo wannaagsan in xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada! Waxbarashada ka hana qaaday dalka 1991 kaddib, waa miraha dadaal ay bixiyeen aqoonyahano isu xil qaammay daboolidda adeegga waxbarashada ee dalka ka maqnaa! Tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo qeyb ka mid ah dugsi sare waxaan ku soo qaatay dalka ayadoo adduunka ma aqoonsanno na leeyahay. Nasiib uma yeelan in aan jaamacadaha gudaha wax ka barto laakiin waxaan hubaa in arday aad u tayo sareeya ay ka soo baxeen. Qaarkood shaqooyin heer sare ah ay hayaan, halka qaarkood ay tacliin sare u aadeen waddamo kale. Tayada waxbarashada waa hooseyn kartaa macquul maadaama ay wasaaraddii meesha ka maqneyd muddo, qowlaysatana ay ku soo dhex dhuumman karaan hase yeeshee taas aqoonsi darro ma keenni karto, oo wasaaradda ayadaa diiwaan gelisa, qalinjebinta ardayda tagta, tasdiiqisa shahaaddooyinka. Mar dhow waxaan sugaynaa wasiir dhaha baasaboorka Soomaaliya ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha baasaboorada adduunka. Sidoo kale wasiir dhaha lacag Soomaaliga ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha adduunka. Intaan dugsi sare ku jiray waxaan Xamar ku arki jiray arday Kenya wax ku soo baratay oo mar walba iska weyneysiiya ardayda gudaha. Hadda waxaan arkaa dad nasiib u helay waxbarasho dibadaha ah, oo weliba lagu aaminay mas’uuliyad wasiirnimo in ay ku jeesjeesaan ardayda gudaha wax ku baratay. Kheyre/Farmaajo way ku mahadsan yihiin in ay wasiirkaan niyad jabka wada ay la xisaabtameen. Waxaan wax ku bartay dibadda xitaa dugsi sare qeyb ka mid ah, haddana weli waxaan qirayaa in ay iga dadaal, dulqaad iyo karti badan yihiin ardayda dhowr isbaaro ka tallaabay, xabado ka wareegtay, jidgooyo ag maray, ama nafsadooda halis geliyay ayadoo ay xabbad socoto si ay wax u bartaan. Weliba ayagoo aan heysan tas-hiiaad/agab ku filan! Guuleysta! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah xoogagga waddaniyiinta ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka . Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska. “Barnaamijkan isxilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.” Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka. “In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay dhammaan xoogagga isxilqaamayaasha Soomaaliyeed ee sida waddaniyadda leh ugu istaagay dalkooda tan iyo xilligii burburkii dowladdii dhexe, kuwaas oo gacan ka geystay hawlaha nabadeynta, bilic soocelinta, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo guud ahaan dadaallada samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Munaasabaddan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye waxaa goobjoog ka ahaa taliyeha ciidanka xoogga Dalka, Taliyeha Booliska, Saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka Sida iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga Qayb-qaato qorshaha Horumarita Waddanka appeared first on Puntland Post.
  17. Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha qarsoon,shayga loo adeegsaday denbiga,goobta iyo goorta falku dhacay. Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland khamiista maanta ah ee uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in dood dheer kadib la ansixiyay xeerkan oo ay soo diyaarisay hay’adda cilmiga denbiyada(The Bureau of Forensic Science). Xeerkan la meel mariyay ayaa todobaadkii hore loo qeybiyay xubnaha Golaha wasiirada Puntland,waxaana lagu tilmaamay mid bulshada loogu adeegayo oo baahi weyn uu dalku u qabay,sida ku xusan qoraalka ay xukuumaddu soo saartay. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso. Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto. Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey. Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase la gudboon madaxda dowlada si loo wanaajiyo wadashaqeynta heyadaha amaanka? Falastin Axmed Iiman, oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa warbixin baaritaan oo xasaasi ah ka diyaarisay khilaafkan. Hoose ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Khilaafka-NISA.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimadda Online) – Kulankii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe ayaa keenay inay Somaliland ku fakarto ansixinta sharci mamnuucayo in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi inay la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baasha Maxamed Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in sharcigaas loo qeybiyey Xildhibaanada Golaha ayna u codeeyeen ansax ahaanshihiisa isla markaasna wixii hadda ka dambeyso aan lala kulmi karin madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Sharcigaan ayaa qorayo inaan gebi ahaaba laga qeybgeli karin shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, oo ay soo qaban-qaabiso Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland. Guddoomiye Faarax ayaa yiri “Sharciga ayaa ka dhigaya Dambiile iyo Qaran-dumis, siyaasigii reer Somaliland oo la kulma madaxda dowladda Federaalka, ama ka qeybgala kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya”. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawan dalka Biljamka uu Siyaasiga reer Somaliland Feysal Cali Waraabe uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay arriimo ay ka mid tahay qeybsiga deeqaha Beesha Caalamka, Dagaalka Takuraq iyo sidii loo dardar gelin lahaa wada hadalada labada dhinac. 18-kii May 1991-dii Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale balse wali kuma guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah iyadoo ay cadaadis xoog leh kala kulanto dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristoow, waxaa xaqiiq ah in qaraxyada inta eeysan dhicin, inbadani sii ogyihiin, balse aaneey dad eey muhiim tahay ineey gaarsiiyaan, aaneey lawadaagin. Qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada (civil servants-ka) waxeey iisheegeen in mararka qaar inta aanu qaraxba dhicin, dadka qaar oo isla dowlada ushaqeeya, fariimo (Messages) loosoo diro, iyadoo loosheegayo xitaa meelaha lagusoo maqan yahay. Dadka fariimahaa loosoo dirayo iyagoon cidkale usheegin ayey goobihii si tartiib ah ufiraaqeeyaan, ama umaba soo shaqo tagaan wasaaradii ama xaruntii eey joogeen, waa hadii goor hore ay helaan fariinta’e. Dadkaa qaar waxeey “Si aan dambi-iskuqiris aheyd” ugu doodaan, in hadhoow iyaga laqabsanayo, oo qaraxyada ayaad wax ka ogtihiin, ama wax ka abaabushaanba ladhahayo, hadii eey siisheegaan. Waxaad isweeydiisaa, waxa eey ku muteeysteen, in fariimaha nuucaa ah loosoodiro! Sirdoonka caalamiga ah nuucyadiisa kala duwan ee Xarunta Xalane buux-dhaafiyey, kuwaasoo kawada madax-bannaan dowladnimada Soomaaliya, iyo mas’uuliyiinta qaar ee hey’adaha Qaramada Midoobay (UN), ayaa marka baabuur qaraxyo lagasoo buuxiyey magaalada kujiraan, waxeey fariimo udiraan shaqaalahooda, iyo dadka siyaabaha kaladuwan ulashaqeeya (Jawaasiistooda), iyagoo usheegaya in magaalada baabuur qaraxyo sida kujirto, waliba ugusii dara in goob heblaayo, iyo goob heblaayo macquul tahay in lagalo. Dadkaa fariimaha loosoo dirayo xarumaha amniga magaarsiiyaan intooda ugu badan, kuwaa fariimaha asalkooda soodirayana hey’adaha ammaanka kalama shaqeeyaan waxa eey ogyihiin, maxaayeelay dantoodabaa sidaa kujirta. Malaayiinta doollar ee lagucuno magaca Soomaaliya (The Somalia project), weeysoo afjarmayaan hadii eey Soomaaliya xasisho, dalkoo dhanna uu dowlad Soomaaliyeed gacanta uwada galo, sidaa daraadeed, iska daa in dowlada lagu caawiyo qarax kahortagiisa’e, waxaaba lagayaabaa in waxkastoo xaalada Soomaaliya ay hadda kujirto, loogusii heynkaro lasameeyo, iyadoo afka-baarkiisana laga dhahayo Soomaaliya ayaan caawinnaa, oo dhaqaalaha intaa la eg ayaan sanad kasta kubixinaa. Waxaa hadda kahor dhacday markii Al-Shabaab galayeen Villa Soomaaliya, in dadkii kudhintay uu ka mid ahaa Diblumaasi Jabuutiyaan ah, kadibna Mobile-kiisa lagahelay fariin dhaheeysa, “5-Daqiiqo gudaheed uga bax Villa Soomaaliya!”. Sida caadadaba inoo ah, baaritaankaa wixii lagu ogaaday, ummada loomasoo bandhigin. Malaha caddaanka marka qaraxyada dhacaan baara, ee xalane kayimaada, ayaan iyagana waxba kalawadaagin, wixii eey ogaadeen. Waxaa sidoo kale jirtay, in habeen habeenada ka mid ah “Wiil” fariin loosoodiray. Fariintu waxeey laheyd sidan: “Halkeed joogtaa hebeloow?”. Wuxuu kujawaabay “Hotel hebel”. Waxaa lagu yiri: “Oo Hotel hebel soow qarax kama dhicin?”. Wuxuu ugu jawaabay, “Maya!”. Dhowr daqiiqo kabacdina hotel-kii oo dhanbaa qarax lagariiray, xabadina jiho kasta isqabsatay. Fariimahaa waxaa la iixaqiijiyey ineey xitaa soogaraan rag agaasimayaal guud ka ah wasaaradaha dowlada, kuwaasoo gaarigooda iyo istaafkooda uyeerta, wasaaradahana isaga baxa, dadkana hotelada ku qaabila, iyagoon shaqaalaha kalee wasaarada waxba uga sheegin. Dhanka kale waxaad lawada socotaan in 7-dii bishii Juun ee 2016-ka ay ciidamada dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigeen shan sargaal oo ka tirsan Ciidamada Amisom iyo toban ruux oo Soomaali ah oo agab military kala gadanaya. Horay waxaa u jiray eedeeymo dhowr jeer loo jeediyey ciidamada Afrika ee Soomaaliya jooga, oo ah in ay iibsadaan sahayda ciidanee lasiiyo, balse markaa ayaa si dhab ah loogu qabtay iyaga oo fal xatooya ah ku jira, waxaase yaab lahaa in isla funaanadihii ciidamadaa Amisom xirnaayeen markaa laqabanayey, eey iyana xirnaayeen ciidamadii Al-Shabaab looga qabtay dagaalladii kadhacay Puntland dhamaadkii bishii Maarso ee 2016-ka. Waxaaba taa kasiidarnaa wargeyska afka dheer ee The East African ayaa bishii November 2017-kii wuxuu qoray inuu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka Soomaaliya. Aqristoow waxaan taariikhdu markii eey aheyd 5-tii bishii Maajo ee 2014-ka qoray qormo aad uga agdhaweyd tan aan hadda qalinka uqaatay ee ciwaankaa kore leh. Qormadaa aan halkan kulifaaqay cinwaankeedu wuxuu ahaa:Yaa ka dambeeya falalka amni-darro ee ka dhaca Muqdisho? Qormadaa waxyaabihii aan uga hadlay waxaa ka mid ahaa: kala dilashada boosaska shaqo iyo mashaariicda waaweyn. Ciidamada shisheeye oo falalka amni-darro sii huriya, si eey waligood ujoogaan dalka, dhaqaalaha eey kasameeyan darteed. Calooshood-u-shaqeeystayaasha dalka jooga. Qaraxii hotel Jazeera. Askartii (2000) la ruqseeyey iyo duqeyntii xigtey ee magaalada Xamar kadhacday, iyo ugu dambeyn weerarkii Villa-Soomaaliya ee larabay in lagu khaarijiyo madaxda dalka ugu sareeysa. Nasiibdarro! Hadaad qormadaa dib-u-aqriso, waxaad moodaa in maantadan la qoray. GABAGABO IYO GUNAANAD Waxa Caasimada kasocda, wax cidkasta fahmikarto maaha. Al-Shabaana waa kaar lagu qaraabto, waxkastoo Xamar kadhacana Al-Shabaab mawada fuliso, ama ugu yaraan kaligeed mawadafuliso, laakiin weey wada sheegataa. Taliyihii horee NISA Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare wuxuu hore u yiri: “Beledkaan UGUS/Al-Shaab oo kaliya wax kuma dilaan kumana qarxiyaan!” Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamulihii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ku dagalaamayo halkaas. Ciidamada dagaalka uu dhaxeeyo ayaa ka wada tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalka hadda ka socdaa Xaafadda Kaawo Godey ayaa Degmada Dharkeynley. Sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimadda Online dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaco iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Ciidamada Dagaalamayo ayaa u abaabulan hab qabiileed, wuxuuna dagaalkaan salka ku hayaa muran dhanka dhulk ah oo u dhaxeeyo Ciidamadaan . Rasaasta ayaa weli halkaas lagama maqlayaa wuxuuna dagaalkaan galayaa maalintiisi labaad inkastoo Maanta uu ka culus yahay dagaalka sidii shalay oo kale. Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay. Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Reports from Elwaq Somalia say that this Morning KDF forces killed two Hormuud Telecom Employees in that Town. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin ka duwan middii uu Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ee xilka laga qaaday Maanta usoo diray Jaamacadaha ku yaalo dalka Soomaaliya. Madaxweynaha janhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan la xaqiri karin doorka ay aqoon- yahaniinta Soomaaliyeed ka geesteen mudadii fogeed oo uu dalka bur bursanaa horumarinta waxbarashada. Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada ku amaanay inay hirgeliyeen Iskuulo iyo jaamacado ay kasoo aflaxeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan. “ Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka ku yaala waxey guteen doorkii dowlad looga baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan yiri mar uu maanta ka qeyb galayay munaasabad ka dhaceysay Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye. Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir. Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ka yahay Madaxweyne Sharafeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor imaaday xil ka qaadistii lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo kuwa kale oo la doonayo in xilka laga qaado. Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, Sabriye ayaa si toos ah ugu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inaysan sharciga waafaqsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaasha degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir iyo kuwa hadda miiska saaran, eaan isaga ka war-hayn. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo cugsanayo sharciga oo qabo in xil ka qaadista iyo magacaabista Gobolka Banaadir lagala tashto Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Yariisow u sheegay in arrintaan tahay mid baal marsan sharciga isla markaasna wuxuu si cad ugu qeexay inay tahay in qofka xilka laga qaadayo lasoo gudbiyo dambiyada iyo qaladaadka uu galay kadibna laga tashto tallabada uu mudan yahay. Wasiirka ayaa tilmaamay in waraaqda xil ka qaadista Mas’uulka lasoo raacsiiyo dambiga uu galay iyo sababaha shaqada looga ceyrinayo. Wasiir Sabriye ayaa Yariisow u sheegay in haddii aan sidaas la sameynin uu madaxda sare u gudbin doono inaan lagu tixgelin shaqada uu dowladda u hayo taasna ay ugu dambeyn keeni doonto inuu iska casilo xilkaas. Sida sharciga qabo qofka xilka hayo lagama qaadi karo illaa lagu helo dambi cad iyo sabab uu ku waayey xilka , balse xil ka qaadista Jagooyinka Soomaaliya ayaa ku dhisan saaxiibtinimo iyo nin jecleysi waxayna arrintaas mararka qaar keentaa in xilka laga qaado Guddoomiye degmo oo ka shaqo iyo tayo wanaagsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waqti isku dhow xilkii ka qaaday Guddoomiyii Degmada Hodan iyo Midkii Degmada Xamarweyne iyadoo aan saxaafadda, Shacabka iyo iyagaba loo sheegin sababta keentay xil ka qaadistooda taas aheyd midda ka xanaajisay Wasiir Sabriye. Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqday mashruuc gaaban oo lagu qanciyo dadka Dowladda Soomaaliya saaxiibada la ah waxayna taas keentay in Gobolka lagu soo kordhiyo xilal aan horey uga jirin inta la xasuusto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxakamada ciidammada dawladda ayaa saaka xukun xabsi daa’in ah ku riday eedeysane Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysanaa inuu ka tirsan yahay kooxda la baxday khilaafada islaamka. Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo. Ciidamada Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidamada daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose. Sidoo kale waxaa la sheegay in eedeysanuhu u qaabilsanaa kooxda Daacish samaynta qaraxyada. Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’im. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa wuxuu intaas raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com