Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray murankii dhanka xajka ahaa ee u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Xukuumada. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane; C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xal laga gaaray murankii Xajka. Wasiir Ashkir ayaa sheegay in fududeeynta arintaaasi ay kaalin ka qaateen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha. Wasiirka ayaa sheegay in la kordhiyay sanadkaan diyaaradaha Xujeeyda ee aada Xajdka islamarkaasina laga dhigay 5-Diyaaradood. Waxaa ugu baaqay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee leh diyaaradaha ay fuliyaan amarka Xukuumada Soomaaliya. “Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo, kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan” Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Wasaarada Xajka ee Sucuudiga ay si fiican u la shaqeeysay islamarkaasina ay u mahad cilinayaan. “wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan, laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir Muran laga cabsi qabay in sanadkaan ay baaqdaan Xujeeyda Soomaaliyeed ayaa taagnaa baryihii la soo dhaafay inkastoo hadda wasaarada ay sheegtay in la xiliyay arintaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Murankii Xajka oo xal laga gaaray iyo Xujeeyda Soomaalida oo Baxaya appeared first on Puntland Post.
  2. Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sarkala katirsan Al-Shabaab iyo 6 kamid ilaalo isaga la socotay. Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) ayaa u sheegay warbaahinta Goordhow in ay dileen Macalin Deerow oo ahaa sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab una qaabilsanaa Jidgooyooyinka loo dhigo Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM. Howlgalkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafaale oo qiyaastii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Koofur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in laga soo Furtay hub ay wateen Dagaalamayaashaasi la dilay ee Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan lagu dilay sarkaalkaasi kadib markii ay horay u la socdeen xogta sarkaalkaasi oo ku sugan deegaankaasi. Majiro Wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi iyaga katirsanaa iyo askartii la socotay ee la dilay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Sarkaal katirsan Al-Shabaab iyo 6-ilaaladiisa ah oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  3. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Eritrea, sida ay goordhow ku dhawaaqday dowladda dalkaas. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa qoraal goordhow uu soo dhigay barta twitter-ka ku shaaciyey booqashadan, oo uu sheegay inay ku timid casuumad uu madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki u fidiyey Farmaajo. “Madaxweyne Afwerki casuumad uu u fidiyey darteed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho saddex maalmood qaadan doonta waxa uu ku tagayaa Eritrea. Waftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay beri subax kasoo degaan Asmara” Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyey booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu berri ku tagayo dalka Eritrea. Farmaajo ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee booqda Eritrea, oo marar badan lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, inkasta oo eedeymahaas u muuqdeen kuwa ay hindistay Ethiopia. Booqashadan ayaa imaneysa ayada oo Caasimada Online ay noqotay warbaahintii ugu horreysay ee horey u shaacisay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu dhexdhexaadin ka dhex waday Soomaaliya iyo Eritrea. Halkan ka aqri warkii aan arrintaas ka qornay 21-kii July.. Dalka Somalia ayaa waxaa ku nool Qowmiyad kasoo jeeda dalka Erateria kuwaa oo kor u dhaafaya 800 oo qoys, halka dalka Erateria ay ku noolyihiin muwaadiniin badan oo u dhashay Somalia. Geesta kale, Booqashada Farmaajo ee magaalada Asmara ayaa faraj u fureysa Qowmiyadaha labada dal, waxaana xusid mudan in xiriirka labada dal uu noqonaayo mid soo laabta sanado badan kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. At least one police officer was killed and two others sustained serious injuries while another three are missing after a vehicle they were travelling in was ambushed by al-Shabab militants in the coastal Lamu county on Thursday, police said. Coast Regional Police Commander Noah Mwivanda confirmed the incident in Milihoi area, which paralyzed transport in the region. There were six police officers in the vehicle, he said. Mwivanda said Somali militants ambushed the police officers who were returning to their camp in Mpeketoni after regular patrols in al-Shabab-prone areas. He said the ambush prompted a fierce gunfight with insurgents, who later vanished into the forest. “Our officers have been injured and might need referrals,” he told Xinhua by phone. The police commander said two officers have been hospitalized while the search for the other three is ongoing. A Kenya Red Cross official who requested anonymity said that the attack has paralyzed operations along Garsen-Lamu Road. All public service vehicles from Mombasa to Lamu are stuck at Mkunubi area while commuter buses from Lamu have been barred from leaving. Hundreds of passengers were stranded on the road as security forces engage the militants in heavy shootout. Al-Shabab militants have changed tactics and resorted to using improvised explosive devices to carry out attacks in parts of the coastal and northeastern regions, according to police. The militant group is believed to have fighters operating in the area’s Boni forest that has poor communication network and terrains, slowing down police operations. Source: – Xinhua
  5. Facebook Inc CEO Mark Zuckerberg’s fortune tumbled by US$16.8 billion in late trading WednesdayChip Somodevilla/Getty Images It’s official. Facebook Inc. just had the biggest stock-market wipeout in American history. Shares tumbled 19 per cent on Thursday to close at US$176.26 after sales and user growth disappointed investors the day before. The drop translates to a US$119.4 billion decline in market capitalization, the largest-ever loss of value in one day for a U.S. traded company. Chief Executive Mark Zuckerberg’s fortune took an almost US$16 billion hit. Analysts who follow Facebook were blindsided Wednesday when Chief Financial Officer David Wehner said revenue growth rates would decline in the third and fourth quarters. They asked frequently on an earnings conference call with executives for more information on exactly how the company’s financial future had changed so dramatically. “I think many investors are having a hard time reconciling that deceleration,” Brent Thill, an analyst at Jefferies LLC, told Facebook executives, asking for a little more clarity on the reasoning. “It just seems like the magnitude is beyond anything we’ve seen, especially across a number of the tech (companies) we cover.” Before the results, Facebook had 44 buy ratings, two sells and two holds. A few analysts tempered their outlook Thursday. For Facebook, financial stumbles are rare. The last time the company missed revenue estimates was the first quarter of 2015. But the results followed a period in which data-privacy issues came under harsh scrutiny, with Chief Executive Officer Mark Zuckerberg testifying before U.S. Congress for hours on the company’s missteps. The quarter was also marked by Europe’s implementation of strict new data laws, which Facebook said led to fewer daily visitors in that region. The company was bombarded by public criticism over its content policies, especially in countries such as Myanmar and Sri Lanka where misinformation has led to violence. And it continued to suffer fallout from investigations into Russian manipulation of the platform during the 2016 U.S. presidential election. All of those problems are hitting amid a harsh truth for the company: Facebook, the social network with 2.23 billion active monthly users, can’t grow forever. “The core Facebook platform is declining,” said Brian Wieser, an analyst at Pivotal Research Group. Facebook said it had 1.47 billion daily active users in June, compared with the 1.48 billion average of analysts’ estimates compiled by Bloomberg. The company’s user base flatlined in its biggest market, the U.S. and Canada, at 185 million daily users, while declining 1 per cent in Europe to 279 million daily users. Overall, average daily users increased 11 per cent from the period a year earlier. Revenue increased 42 per cent to US$13.2 billion in the quarter. Analysts projected US$13.3 billion. The social network still holds one of the world’s most valuable sets of data on what people are interested in, and makes that audience easily available to advertisers. The company remains in a dominant position in mobile advertising alongside Alphabet Inc.’s Google. “As we have written about extensively, the advertising industry – and digital advertising no less – has limits to growth, which we think is the primary factor constraining Facebook’s revenue opportunity,” Wieser said in a note after the earnings. “Deceleration such as management guided toward suggests that while the company is still growing at a fast clip, the days of 30%+ growth are numbered.” Wehner gave three different reasons why the company’s revenue growth would decline: currency headwinds, greater investments in new kinds of content-sharing, like disappearing videos, and greater user control over privacy — a direct response to criticism the company has fielded. After the General Data Protection Regulation went into effect in Europe, Facebook started asking people to check their privacy settings and make sure they wanted to share certain kinds of data. Facebook is rolling out a version of those protections to the rest of the world. If users choose to share less data with Facebook, that could hamper the company’s ad-targeting abilities, making it less attractive to marketers. While privacy was an issue in Europe, politics played a role in North America, which is the company’s most lucrative advertising market. Facebook disrupted some business by putting in place new rules to get all political advertisers to verify their identities. The company may have halted more ad purchases than expected as it applied a broad definition of what’s considered “political.” After the earnings report, executives worked to explain the potential of Facebook’s other properties, not just the main social network, to fuel growth. The company owns three other properties with more than 1 billion users: WhatsApp, Messenger and Instagram. Together, the entire Facebook suite of products has 2.5 billion unique monthly users, the company disclosed for the first time. Of the newer endeavors, Instagram’s business model is the most mature, and likely contributed meaningfully to revenue in the quarter, analysts have said. Zuckerberg called it an “amazing acquisition,” saying Instagram grew twice as fast as it would have by being part of Facebook, without explaining his methodology. The company doesn’t break out Instagram’s revenue. Facebook has said it will increase spending to make investments in video content, and on new bets like artificial intelligence and virtual reality. The company is also rapidly expanding its real estate around the world to accommodate a hiring spree, which includes thousands of new workers to help combat foreign election manipulation on the site. The company said headcount was 30,275 as of June 30 — an increase of 47 per cent year over year. Before the results were announced, Facebook’s shares had closed in New York at US$217.50, a record high, and had gained 23 per cent this year. The revenue guidance from the company was “unprecedented,” said Gene Munster, an analyst at Loup Ventures, in a note to investors. But Facebook, which reported sales growth averaging 50 per cent the past 10 quarters, may just be lowering the bar so it can win back confidence in future quarters. “The company has a track record of resetting revenue growth and expense expectations only to turn around and exceed those expectations the following quarter,” Munster wrote. Source: – Financial Post
  6. Ethiopians in Washingon area have been waiting for the arrival of Abiy Ahmed to celebrate him and to express their support for the reform measure that his government is undertaking. He and his entourage including his foreign minister Workeneh Gebeyehu and Lemma Megersa, arrived at Dallas International airport Washington DC, today and they had to attend a reception ceremony organized at the Ethiopian Embassy. As they enter the embassy, a lone man was outside protesting waving Ethiopian flag outlawed by the Ethiopian government. Kassahun Yilma, who is Ethiopian Satellite Journalist, says that the person who was protesting today at the Ethiopian embassy, his name is Shimeles, has been protesting the Ethiopian government for a long time. In September 2014, he dared to enter the Ethiopian embassy, lowered government flag and raised the Ethiopian flag that is popular among many Ethiopians – an incident that prompted embassy staff to draw a gun and fire. But today he was not protesting against prime minister Abiy Ahmed. He was rather protesting, according to Kassahun Yilma, that Tamagne Beyene, a well-known activist who used to be a comedian, is left out from the reception event at the Ethiopian Embassy. When the prime minister sees Mr. Shimeles protesting alone outside the Ethiopian Embassy, he refused to go in and approached the protesting lone man and told him that he will not go in while he is protesting. The prime minister finally convinced Mr. Shimeles and they went into the reception event together. At the end of the event, the prime minister met him again and hugged him. Source: borkena
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Danjiraha Qadar ee Somalia Xasan bin Xamsa Asad Haashim. Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Wasiirka waxaana diirada lagu saaray xiriirka labada dal, Bilaabida howlaha Qadar ee Somalia iyo in Qadar ay ka dhabeyso ballanqaadyada ay u sameysay Somalia, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida. Danjire Xasan bin Xamsa Asad Haashim waxa uu kulanka ka sheegay in Qadar ay ka dhabeyneyso hirgalinta dhamaan ballanqaadyada ay u sameysay Somalia, waxa uuna sidoo kale Wasiir Cawad ku wareejiyay warqad uu uga waday dhigiisa Qadar. Intaa kadib Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia si Wasaarada ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah. Danjire Xasan Xamsa waxa uu sheegay in gaariga uu yahay hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar. Gaariga ayaa waxaa lagu biirin doonaa gaadiidka martida looga soo qaado Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,sida uu kulanka ka sheegay Danjiraha. Dowlada Qadar ayaan inta badan aan fulin ballanqaadyada dhaqaale oo ay u sameyso Somalia, xili dowlada Somalia lagu eedeeyo in si toosa ay ula safatay Qadar.
  8. Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay. Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda. Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta. Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay. Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?. Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo. “Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri. Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay. Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday. “Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin. Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey. MAXAY TAHAY SABABTA AAN LOO SHEEGIN XIL KA QAADIDDA WASIIRRADA? Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri. Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen. ISHA BBC Somali
  9. Large numbers of youth who had been radicalised and tricked into joining the al shabaab terror group in Somalia are now returning home in droves. Source: Hiiraan Online
  10. It’s official. Facebook Inc. just had the biggest stock-market wipeout in American history. Shares tumbled 19 per cent on Thursday to close at US$176.26 after sales and user growth disappointed investors the day before. Source: Hiiraan Online
  11. Four prisoners have died in northern Ethiopia following days of riots that have seen jails set on fire in several cities. Source: Hiiraan Online
  12. Uganda’s constitutional court on Thursday, July 26, approved removing the presidential age limit of 75 years, a ruling that would potentially allow President Yoweri Museveni to extend his three-decade rule. Source: Hiiraan Online
  13. Ethiopians in Washingon area have been waiting for the arrival of Abiy Ahmed to celebrate him and to express their support for the reform measure that his government is undertaking Source: Hiiraan Online
  14. Mandera governor Ali Roba has urged residents to hold the newly sworn in CECs accountable as it is their right to get services. Source: Hiiraan Online
  15. At least one police officer was killed and two others sustained serious injuries while another three are missing after a vehicle they were travelling in was ambushed by al-Shabab militants in the coastal Lamu county on Thursday, police said. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah. Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen. Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas. March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa. April 1, 2017: Waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday. May 3, 2017: Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, geeridiisa kadib waxaa su’aalo laga keenay amniga wasiirka sida uu ahaa! October 12, 2017: Cabdirashid Cabdullahi Maxamed oo ahaa wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa istiqaaladiisa u gudbiyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa uu ka sheegtay shaqo la’aan iyo in howlihiisa cid kale isla qabato! November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi. Wasiirka waxaa lagu dul sameeyay guddiyo iyo hey’ado qabanayey shaqadeeda, waxaa ka dhamaaday dul-qaadkii! November 26, 2017: Waxaa xilka laga qaaday wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Iiman Cabdullahi Cali, lama shaacin wax sabab ah. January 4, 2018: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa shaqada ka ceyriyay 3 wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa”, Yusuf Garaad marka laga reebo, labada kale waa hareeyay khilaaf, gabadha waxaa ay isku dhaceen rugta ganacsiga halka Juxa ay si shaskhsi ah isku fahmi waayeey Kheyre! Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo qoraal soo saaray waxaa ay sheegeen in aan loo sheegin xilka qaadista taas oo protocol ahaan hadal badan laga keenay, waxaa kale oo ay soo jeediyeen arrimo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada. Yusuf Garaad waxaa uu la dardaarmayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad waxaa uu yiri “waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda” Cabdi Farax Juxa waxaa uu isna ku dardaraamay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”. January 21, 2018: Cabdiraxmaan Yarisow oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, April 24, 2018: Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed MursalShiikh C/raxmaan , waxaa uu murashax u ahaa afhayeenka baarlamaanka. April 24, 2018: Wasiirka Tamarta Saalim Caliyow Ibrow, waxaa uu isku casilay tartanka afhayeenka golaha shacabka. Waxaa kale oo isla sababtaas xukuumadda Kheyre uga tagay Ibraahim Isaaq Yarow(Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta), Cali Sheekh Maxamed Nuur(wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka), Cabdi Casis Xasan Maxamed(wasiiru dowlaha warfaafinta). May 2018: Wasiirka wasaradda howlaha Guud & Dib u dhiska xukumadda soomaaliya Eng saadiq abdulaahi cabdi ayaa ka mid ah wasiirada la ceyriyay. July 9, 2018: Qoraal ka soo baxay xafiiska Kheyre ayaa shaqada loo ceyriyay wasiirka diinta iyo awqaafka Xasan Macalin Xuseen. Wasiirka waxaa uu sababsaday arrimaha xajka, maareynta, lacagta iyo cidda qaadeysa xujeyda. July 26, 2018: Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii waxaa looga qaaday wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wasiirka waxaa lagu ceriyay kadib markii uu sheegay in wasaaradiisa aaney aqoonsaneen jaamacadaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasmadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan kadib Digreeto kasoo baxday Ra’isulwasaare Kheyre. Wasiirkii hore ee Waxbarashada ayaa la rumeysan yahay inuu xilkiisa ku waayey hadalkii uu sheegay ee ahaa inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo ee soo shaqaanayey 30-kii sano ee dalka qalalaasaha ku jiray. Midda sida weyn ay madaxda u dhibsadeyn ayaa aheyd hadalkii Wasiirka ee ahaa inaysan dowladda xataa aqoonsaneyn jaamacadda Umadda oo la ogyahay inuu Madaxweyne Sharafeed ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weliba ay jaamacadda wado howl weyn oo cilmi baaris gudaha ah oo ay ka qeyb galayaan Qubaro ajaanib ah. Cilmi baaristaas ayaa la filayaa in dhawaan lasoo bandhigo. Haddaba isla markii xilka laga qaaday Wasiir Cabdiraxmaan waxaa bilowday olole xooggan oo lagu doonayo xilkaas. Waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa laba shakhsi oo si weyn loogu saadaalinayo inuu midkood noqon doono Wasiirka Waxbarashada. Ra’isulwasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa raba in uu xilkaas u magacaabo xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre halka Goodax uu aad u daneenayo in loo dhiibo wasaaradda Amniga Gudaha oo ah xil aan banaaneyn. Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna daneenayo in xilkaas loo magacaabo xildhibaan Nuur Idow Beyle oo ay Villa Soomaaliya ka caawisay sidii uu u noqon lahaa xildhibaan. loolanka u dhaxeeyo labadaan shakhsi ayaa aad u adag maadaama ay labaduba yihiin kuwa xiriir fiican oo weliba dhow la leh dowladda Soomaaliya. Waxaa labadooba rajo fiican leh Xildhibaan Nuur Iidow Beyle maadaama Goodax Barre uu ku qanacsan yahay in isku shaadheyn la sameeyo isla markaasna uu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha. Waxaa macquul ah inay dowladda Soomaaliya waqti badan geliso magacaabista xilkaan banaan isla markaas ay si weyn uga fiirsan doonto maadaama ay ku badatay xil ka qaadis iyo magacaabis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in heshiiska ay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in laga gaaray muranka xajka uu yahay mid aan jirin, islamarkaana xaaladda ay weli cakiran tahay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in weli dowladda Sacuudiga ay ku adkeysaneyso in kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo ay dadka Soomaalida usoo qaadaan xajka. Waxaa jira shuruudo badan oo laga doonayo shirkadaha diyaaradaha ee xajka u qaada dadka, kuwaas oo aysan weli buuxin shirkadaha kala ah Ocean, Freedom iyo African. Wasaaradda xajka Sacuudiga ayaa ku adkeysaneysa inaysan hayn waqti ay baaritaan ugu sameyso shirkadahan, sidaas darteedna waxay dalbatay in sanadka xiga un ay usoo diyaar garoobaan. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeen hore warqad u diray wasaaradda xajka Sacuudiga, isaga oo sheegay inuu si shaqisyan ah damaanad uga noqonayo shirkadahan. Warqaddaas ayaan weli laga soo jawaabin. Dadka aqoonta u leh arrimahan ayaa la-yaab ku tilmaamay warqadda, ayaga oo sheegay in ra’iisul wasaaraha uusan fahamsaneyn nidaamka duulimaadyada, islamarkaana damaanad shaqsiyad aan lagu ogolaan karin duulimaadyada shirkado aan la baarin. Waxa ay sidoo kale la-yaab ku tilmaameen sababta Kheyre ugu kala eexanayo shirkado Soomaaliyeed oo uu ka dhaxeeyo loolan ganacsi. Dowladda ayaa soo jeedisay shirkadaha ay diideen Sacuudiga ay dadka geeyaan Nairobi iyo Jabuuti, kadibna ay halkaas ka qaadaan shirkadaha diyaaradaha Jabuuti iyo Kenyan. Tani ayaa macnaheedu yahay in dowladda door bideyso in macaashka duulimaadka xajka ay qaataan shirkado diyaaradeed oo shisheeye, halkii ay ka qaadan lahaayeen Jubba iyo Daallo, maadaama shirkadihii dowladdu wadatay la diiday. Ayada oo la heli karo shirkado Soomaaliyeed oo dadka si toos ah u gayn kara Sacuudiga, maxaa qasabaya in shirkado ajnabi ah la siiyo qandaraaska? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo raysalwasaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruurnimo iyo qoyskiisa. Wariyuhu waxa uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo raysalwasaare Abiy Axmed. Waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay raysalwasaaraha iyo warar dadku inta badan isla dhexmaraan. In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diiwaangashan raysalwasaare Abiy Axmed Cali ay sheegayaan in uu dhashay sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano, wariyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee raysalwasaaraha. “Abiy Axmed, sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobalka dadkiisu muslimiinta u badan yihiin ee Oromiya” ayaa uu weriyuhu ku yidhi, warbixintan oo iyada oo fiidyow qoraallo wehelinayaan ah, 21kii bishan julaay lagu faafiyey barta ay BBC qaybteeda afka ingiriisigu ku leedahay internetka. Diinta Ugu horreyna waxa uu wariyuhu ka hadlay diinta uu aaminsan yahay raysalwasaaruhu oo dadku inta badan hadal geliyaan, “Aabihii waa Muslim, hooyadii waa Kiristaan, Abiy Axmedna waa Kiristaan aaminsan mad-habta Protestant ka” ayaa lagu yidhi warbixinta uu sii daayey barnamaijka BBC News Afrika. Laakiin waxaa la sheegay, maadaama oo uu deegaanku muslimiin u badanyahay, aabihiina muslim yahay, in Abiy Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu aabihii sheegay in uu akhriyi jiray aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah. Magaciisa runta ah, macnaha magaca iyo habdhaqankiisii carruurnimo Magaca raysalwasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah erey afka oromada ku jira oo macnihiisu yahay, ‘Kacaan / kacdoon’. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhigan yahay u beddelay aabihii, “Aniga ayaa ‘Abiy’ ku odhan jiray, aniga oo soo gaabinaya magaciisa” ayaa uu idhi raysalwasaaraha aabihii oo BBC da u warramayey. Sida caadiga ah, waxa uu Abiy Axmed aabihii iyo hooyadii kala shaqayn jiray kana caawin jiray hawlmaalmeedka shaqo ee guriga iyo nolosha qoyska la xidhiidha. Waxa uu ahaa wiil aad u furfuran oo sida uu aabihii sheegay, ‘Cid kasta la saaxiiba’. Axmed Cali oo ah raysalwasaaraha aabihii ayaa isaga oo weriyaha la hadlaya waxa uu yidhi, ‘Ha u qaadan in awoodda iyo madaxnimada uu gaadhay ay igu kallifayso in aan ammaantiisan iyo wanaaggiisan sheego. Laakiin runta ayaa aan kuu sheegayaa ee ficilladiisa oo dhami waxa ay ahaayeen kuwa fiican”. Raysalwasaaraha aabihii Axmed Cali oo ka warramaya dareenkii dadka deegaanku ay ku qaabileen xilka inankiisa loo dhiibay ayaa yidhi, “Markii uu ka soo muuqday talefishannada, dadku jacayl badan ayaa ay u qaadeen. Sida waalidka oo kale ayaa ay u jeclaadeen” Waxbarashadii Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu geeddiga waxbarasho ka bilaabay dugsiga hoose ee degmada Bashaashaa, oo weli shaqeeya. Laba nin oo ay walaalo yihiin ayaa uu wariyaha barnamaijka diyaariyey waraystay, “Dhammaantayo waa uu naga duwanaa, waxa uu ahaa nin waxa ku cusub aad ugu fiirsi badan” waxaa sidaa yidhi, mid ka mid ah labadiisa walaal ee warramay. Waxa aanu intaas ku sii daray, in Abiyot aanu isku koobin waxbarashada dugsiga ee sida oo kalana uu diintiisa baran jiray. “Waxa uu ku dadaalay in uu raaco dugsiga iyo waxbarashada diintiisa labadaba” ayaa uu yidhi ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha oo jooga degmada Bashaasha, isaga oo la hadlayey BBC News Africa. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Abiy Axmed yaraantiisii aanu ahayn carruurta jecel in ay waqtigooda ciyaar ku wada qaataan, balse uu ka jeclaa ag-joogga dadka waaweyn, “Inta la ciyaarayo isagu waxa uu ka doorbidi jiray, oo uu la joogi jiray dadka waaweyn” ayaa uu yidhi Abiy walaalkii oo aan warbixinta magaciisa lagu sheegin. “Isaga oo carruur ah ayaa uu sida dadka waaweyn u dhaqmi jiray” ayaa uu yidhi, isaga oo sida oo kale sheegay in uu ahaa carruurta ay dadku inta badan jecel yihiin. Walaalkiisa kale oo isaga oo hareer fadhiya wariyaha la hadlay ayaa isna sheegay in dabeecadaha ay ku arki jireen Abiy Axmed markii uu yaraa ay ka mid ahayd, awood iyo karti uu u lahaa in uu dib u heshiisiiyo carruurtu marka ay is dilaan. Oo uu xidhiidhkooda saaxiibtinimo soo celiyo. Walaalkiisa hore ee dhinac fadhiyey ayaa inta uu hadalka ka boobo odhanaya, “Marka ay walaalihii is dilaan isaga ayaa ahaa ka isu keena ee dib u soo celiya xidhiidhkooda” Isaga oo intaas ku sii daray in uu ahaan jiray ruux nabadda jecel. “Waan ku faraxsanahay raysalwasaare Abiy Axmed, waan ku faraxsanahay in la doortay” Waxaa isna sidaas yidhi, Tamir Kasmer oo ah wadaadka ka masuulka ah kaniisadda ee deegaankan. Waxa aanu intaas ku sii daray in uu aad ugu faraxsanyahay tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed. Kaddib, Khudbaddii uu raysalwasaare Abiy Axmed bishii lixaad ee sannadkan ka jeediyey isu soo bixii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa fagaarihii ka dhacay weerar bambaane oo ay laba qof ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen. Wariyaha ayaa raysalwasaaraha aabihii weydiiyey, sida uu maalintaas dareenkiisu noqday, waxa aanu ku jawaabay. “Markii aan warkaas maqlay, naxdintii aan qaaday awgeed, laba maalmood ayaa aan xanuunsanayey” Aabo Axmed Cali waxa uu sheegay in uu naxdintii jaahwareeray oo uu isku dhexdaatay, “Waan ooyay, aniga oo moodaya in aan sidaas ku waayey [Inankayga]” ayaa uu yidhi. Waxaa laga yaabaa in markaba ay maskaxda ku soo dhacdo dareenka ah, maadaama oo degmada uu raysalwasaaruhu ka soo jeedaa ay sidaas u yar tahay, dadkuna wada garanayaan, weliba yaraantiisii dad badani jeclaayeen, sidee uu dareenkoodu noqon doonaa haddii uu imika soo booqdo isaga oo raysalwasaare ka ah dalka Itoobiya oo dhan. Su’aal isla dareenkaas la xidhiidha ayaa uu wariyuhu weydiinayaa, raysalwasaaraha aabihii oo ku jawaabay, “In aan dhinaciisa ka dhaqaaqo ma dooni doono. Waa aan dhunkan doonaa” Wadaad kaniisadda oo isagana isla su’aashan uu wariyuhu weydiiyey, ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya ku jawaabay, “Aad baa aan u farxi doonaan. Waa aan u heesi doonaa” Gabadh lagu magacaabo Samiira oo iyaduna deegaanka ka mid ah, ayaa iyada oo qoslaysa wariyaha ku tidhi, “Wax kasta oo aan awoodo waxa aan isugu geyn lahaa, sidii aan u salaami lahaa” Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Somaliland ka leedahay ujeeddo uu ku sheegay sidii ay u go’doomin lahaayeen, oo cuno qabatayn u saari lahaayeen Somaliland. Wasiir Sacad oo ugu horayn ka hadlaya arrimaha xajka wuxuu yidhi “Sida aan warka ku hayo waxba iskamay bedelin xajkii,Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaana inoo qaabilsan,markaas wax la inaga joojiyey ma jirto”. Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Inaga ayaa Somaliya la midoownay,inaga ayaana dib ugula soo laabanay xoriyadeenii si shuruud la’aan cadaadis iyo dulmi badan oo la inagu hayey dartood,hagardaama ay Somaliya inagu haysaana maaha wax cusub ee waa joogto haddii ay noqoto hagardaamo dhaqaale,hagardaamo siyaasadeed iyo hagardaamo farsamaba,ujeedaduna waa sidii ay inoo godoomin lahaayeen,oo cuno qabatayn inoo saari lahaayeen,shaqo kalena ma leh,laakiin ku guulaysan maayan,sababtoo ah Somaliland xaq bay ku taagan tahay,xaqaana guulaysta”. Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay in isbedel ku yimid xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka ayaa ku jawaabay “In Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamku sii hagaago mooye,wax is bedela oo dib u dhaca oo ku yimid ma jirto,waxaana Beesha Caalamka ugu baaqayaa in xaqa aanu u leenahay aqoonsiga inay na siiyaan,Somaliya kama mid nihin,kamana mid noqon doono,laba dal oo jaara ayaanu nahay Caalamkuna uu ka war qabaa,waxaanu qabsanay iyo horumarkaynu gaadhnay Caalamku uu ka dharagsan yahay ee Ictiraafkaas aanu uga fadhino Caalamka waanu ka filaynaa”. Mar aanu wax ka weydiinay haddii Somaliya ku adkaysato inay kaligeed maamusho Maamulka Hawada mawqifka Somaliland, wuxuu ku jawaabay “Wixii lagu heshiiyey haddii la hirgelin waayo,wixii laga maarmi waayo ayaanu yeeli doonaa,waana laga taashan doonaa,hawadeenana in cid aan inaga ahayni maamusho ogolaan mayno”, Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay eeddo ay u soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada ayaa yidhi “Anigu Xildhibaanada kalama yoo-yooltamayo Saxaafadda labadaba xil baa saaran,oo xil qaran baa saaran,muwafin kasta oo reer Somaliland xil baa saaran,mana wacna in Saxaafadda la iskugu jawaabo,ee si nidaam iyo baratakool leh in la isku baraarujiyo ayaa haboon.”
  21. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi waxa uu ahaa mid ka mida hoggaamiyeyaashii ugu siyaasadda qotada dheeraa ee soo mara mandiqadda Geeska Africa qarnigan 21-aad. Zenawi waxa uu talada Itoobiya 1991-kii ku qabsaday jabhado hubeysnaa oo uu hormuud u ahaa isaga oo saldhigiisu ugu weynaa ahaa Soomaaliya. Xilligaas waxa uu la dagaalmayey oo uu xukunka ka tuuray madaxweynihii kacaankii derkiga ahaa hogaaminayey Mengistu Haile Mariam. Meles waxa uu ka hirgaliyey Itoobiya nidaamka Federaal-ka ah ee ku dhisan qowmiyadaha, waxa ayna sumad u noqotay Itoobiyadda casriga ah. Ka hor inta uusan geeriyoon Meles oo lagu eedeyn jiray farogalintii qaawaneyd ee uu ku hayey siyaasadda Soomaaliya waxa uu dalkiisa gaarsiiyey horumar ballaaran laguna tilmaami karo kii ugu baaxadda weynaa ee uu dal ka sameeyo Bariga Africa. Itoobiya waxaa hadda lagu tilmaamaa China-ha Africa marka la eego sida uu dhaqaaleheedu u kobcayo. Hadaba, halkee ayey gaarsiisneyd heerkiisii waxbarasho? Sida laga soo xiganayo Dr Saadiq Enow oo soo noqday wasiirkii caafimaadka ee Puntland, Meles Zenawi waxa uu ku noolaa Muqdisho kahor inta uusan qabsan Itoobiya oo uu ka waday dhaq dhaqaaqiisii jabhadeynta. Zanawi oo daganaa Hotel Curubo waxa uu galay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed isaga oo iska diiwaan galiyey kuliyadda caafimaadka (Medicine) balse wuu ku guuldarreystay in uu wado, hadana waxa uu iska diiwaan galiyey kuliyad kale iyadiina wuu ku fashilmay! Taas oo ay jirto, hadana waxa uu ku guuleystay siyaasaddii dalkiisa! Dr. Saadiq Eenow waxa uu markaa is barbar dhig ku sameynayey siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkood haysta shahaadooyinka ugu sarreeya ee tacliinta sida PhD-da balse ku falshilmay siyaasadda! Ayaga oo aqoon ilaah siiyey, ayey intii ay bulshadooda ku bad-baadin lahaayeen ka doorbideen qabyaalad iyo qoys jaceyl. Soo lama oran karo Meles oo ku fashilmay waxbarashadiisii waxa uu ku guuleystay siyaasaddii, halka siyaasiyiinteena ay ku guuleystay waxbarashada oo qaarkood ay haystaan PhD-yo ay ku guuldarreysteen siyaasadda? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga Somalia xabsiga loo taxaabay. Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada ee xiray ayaa waxaa la sheegay inuu iska dhigay taliyaha ciidamada Xooga dalka Cabdiweli Jaamac Gorod. Sarkaalka falkaan ku dhaqaaqay oo ah Korneel ayaa lagu magacaabaa Yaasiin, isagoo ka howlgali jiray gobolka Gedo oo uu taliye ugu ahaa 53 askari balse markii dambe usoo wareegay magaalada Muqdisho sida uu sheegay sarkaal ka tirsan milatariga Somalia. Waxaada dambi barista ee CID-da ayaa la sheegay in iminka ay baaris ku heyso xiriiro sarkaalkan uu la sameeyay saraakiil ajaaniib ah isagoo iska dhigayay Gen. Gorod. Sida laga soo xigtay ilo milatari Korneel Yaasiin ayaa ku noolaa dalka Mareykanka kahor inta aanan loo qoran ciidamada milatariga Somalia. Falkaan ayaa ah kii ugu horeyay ee noociisa ee uu sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga iskaga dhigo inuu yahay taliyaha ciidamada Xooga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirka Waxbarashada looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan. Xil ka qaadista ayaa imaneysa xilli Wasiirka uu ka sheegay warbaahinta in uusan aqoonsaneyn dhamaan Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto Jaaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay maamusho Dowlada. Hadalka wasiirka ayaa dad badan aad uga xumaaday, haba ugu badnaadeen ardaydii jaamacadaha dalka wax ku baratay ama kuwa hadda ku baranaya. Hadaba xil ka qaadista wasiirka ma hadalkaas ayaa sababay? Hadii ay tahay in wasiirka xil ka qaadistiisa uu ku muteystay hadalka uu ka sheegay warbaahinta waxaa la oran karaa waa mid caddaalad darro ah, sababahan soo socda awgood: -In ka badan 60 lixdan jaamacadood ayaa u diiwan gashan wasaaradda waxbarashada sida uu sheegay wasiirki hore, laakin marka aad milicsato tayada waxbarasho ee ay ugu deeqaan ardayda soomaaliyeed waa mid aad ugu liidata in loo aqoonsado heer jaamacadeed, sida xaqiiqda ah jaamacadaha dalka badankood waxay u furanyhiin qaab ganacsi ah, waxaadna ka dareemi kartaa kumannaaka sida fudud bil kasta kaga qalin jabiya iyo heerka aqoontoodu gaarsiisantahay, tiiyoo ay u dheertay in luuqado aysan si fiican u garaneyn wax lagu baro, agabka waxbarashada oo gaabis ah iyo tababaro ku filan oo aysan helin, wallow ay jiraan jaamacado dhowr ah oo waxoogaa tayo ahaan wanaagsan heer jaamacadna soo gaaray, laakin inta badan waa kuwa ka hooseeya heerka tayo jaamacad, waana macquul hadalki wasiirka inan la aqoonsan mar hadii aysan buuxin shuruudihi jaamacad lagu noqon lahaa. Run sheeg waa Ceeb sheeg! -Wasiirki waxbarashada ayaa horumar dhanka waxbarashada kusoo kordhiyay dalka iyadoo ay ugu danbeysay daabacaaddi manhajka dugsiga-hoose, waxaa howshiisa socoto midka dugsiga dhexe sido kale diyaarinta iyo isku daba-ridka imtixaanaad mideysan oo guud ahaan dalka si hufan uga dhacay. Su’aashuse waxey tahay ma ficil baa xil la isaga qaadaa mise hadal? -Hadii uu xisaabtan jiro oo wasiir kasta hadalkiisa iyo ficilkiisa lagula xisaabtamayo, wasiirka waxbarashada ayaa u muuqda shaqsi kasoo baxay howshii loo xil saaray, laakin hadii hadal xil la iskaga qaadayo,15-kii bishan July-2018 wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta si cad uga sheegay in dadka ka hadla xirnaashiyaha wadooyinka muqdisho ay yihiin kuwa ay ka dhex hadlayaan Alshabaab, taaso gef weyn ku ah shacabka soomaaliyeed oo la tacaalaya dhibaatada jid-xirnaashaha marka ay ka hadlaan dhibta heysatana sidaasi lagu tilmaamo! waana hadal ka saameyn badan hadalki wasiirki waxbarashada. Hadii ficil la isaga qaadayana, wasiirka amniga ayaa ah mid ku fashilamy howshiisa loo igmaday, iyadoo shacabka soomaaliyeed maalin walba dhiigooda daadanayo xilli la sugayo inuu amaankooda wax ka qabto. Si kastaba ha ahaatee, Waxaa muuqata xukuumadda Xasan Cali kheyre inaysan u degsaneyn mabaadi’ ama qodobbo oo uu wasiir xil ku weyn karo. yeelkeede, dhamaan wasiiradi laga qaaday xilalka ma cadda illaa iyo hada sababta ka danbeysay, marka laga soo tago hadalada dadka ay isla dhexmaraan. W/Q: Abdinasir Safaana Email:Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. MINNEAPOLIS - Saying there is insufficient evidence, the Minneapolis City Attorney's Office says no charges will be filed in connection with a bogus 911 call from Minnehaha Park that led to four Somali-American teens being detained by police. Source: Hiiraan Online
  25. On the two-year anniversary of Abdirahman Abdi’s death during an altercation with two Ottawa police officers, it came to light that his family is suing the police services board, the two officers involved and police Chief Charles Bordeleau for $1.5 million. Source: Hiiraan Online