-
Content Count
206,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The national government will revert to the old boundaries of three constituencies within Wajir to end disputes and bloodshed. Source: Hiiraan Online
-
Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Maxaa sababay isbaddalkaan? Yaa dabada ka riixayo, dan baa noogu jirto mise faaiido? Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo jawaabaha su’aalahaan. Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869’ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo ‘taalladii horumarka’. Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in haddii deyn qabuhu bixin waayo deynta lagu leeyahay dalkiisa uu xoog kula wareegi karo midka uu daynta ka qabo. 14 sano ka dib Ingiriisku sidaas ayuu yeelay oo wuxuu la wareegay kanaalki oo dhan. Arrintaas wali waa jirtaa laakiin si dadban ayaa loo qaataa. Sida Shiinuhu hadda u qaatay xeebaha Siira-Laanka halkaan ka eeg. 150’ki sano ee xigay dunidu waxay u arkaysay Badda-Cas farac yar oo ka mid ah marinka Suweys. Muddadaas waxaa dhacay dagaalo waaweyn iyo qalaalaase ballaaran laakiin labo jeer kaliya ayuu xirmay marinka Suweys sidii loo furay. Mar waxay ahayd1956’di oo loo yaqaan qalalaasihii Suweys. Qalalaashaan ayaa yimid ka dib marki uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyay kanaalka ka dib markii uu Ingriika iyo Maraykanku uga baxeen ballamo ahaa inay dhaqaale xooggan siin doonaan. Ka dib Ingriiska ayaa isku dayay inuu xoog kula wareego markale inkastoo uu Maraykanku ku diiday. Kanaalka ayaa xirnaa intii u dhaxaysay Oktoobar 1956 iyo Maarso 1957. Marki xigtay waa dagaalki Carabta lagu ihaanaysatay ee loo yaqaan dagaalki lixda bari ee ay la galeen Yuhuudda. Markaan kanaalku wuxuu xirnaa lix sano oo xiriir ah. Badda-cas waxay sidoo kale u adkasatay dhibaatooyinki ay geesanayeen burcad badeeda soomaalida iyo kooxaha kale ee aagga ka dhawaa. Burburki Soomaaliya, soo bixiddi burcad badeedda, dhaqadhaaqa kooxaha mayalka adag ee ka howl gala Soomaaliya iyo Yemen iyo Xuutiyiin Yemen ka dagaalama midnaba ma carqaladayn marinka cariiriga ah ee Baab-Al-Mandab ee ku yaal dhinaca koonfureed ee illinka Badda-cas. Bab-Al-Mandab waa meesha ay isugu yimaadaan Badda-cas iyo badweynta Hindiya. Wuxuu dhaxeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritereeya. Waxaa uu marriin u yahay maraakiibta ku safarto badda Hindiya kuna socoto midda madhitereeniynka iyagoo u marayo Badda-cas. Marinkaan waxaa maro sanadki badeeco qiimaheedu yahay 600 oo bilyan oo doolar oo uu ka mid yahay shidaal. Maalin walba waxaa maro shan milyan oo fuusto oo shidaal ah. kala bar ganacsiga Yurub ay la leedahay Aasiya wuxuu maraa marinka Suweys. Ahmiyaddaas uu leeyahay ayaa keentay in dunida oo dhan ay dantoodu ku xirnaato gacankaan yar. Waxaa xil gooni ah la iska saaray inuusan carqaladoobin isu socodka ganacsiga dunida ee marayo marinkaan. Waxaa xeebaha Soomaaliya la keenay tobannaan kun oo ciidamo ah oo sugayo amniga ganacisga ku xiran Badda-cas iyo midda Hindiya ee Soomaaliya marayso. Balse wax ka hooseeyo dantaas gaar ah la iskama saarin Geeska Afrika. Siyaasiyiinta iyo dowladaha kaliya maahan waxa illaaway ahmiyadda Geeska Afrika ee xataa cilmi-baarayaasha ayaa ka maagay inay u fiiro yeeshaan waxa ka socdo mandhiqaddaas. Alex De Waal oo ah khabiir ka faalloodo siyaasadda Geeska Afrika qorayna buug uu kaga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, dhaqaalahiisa iyo aminigiisa ayaa yiri “Badda-cas waxaa xaqiray cilmi-baarayaasha iyo khuburada ka faallooto siyaasadda. Sida loo xaqiray waxaad ka arki kartaa marki aad baarto waxa laga qoray gobalka. Google Scholar waxaa uu soo sarayaa 37 ciwaan kaliya marki aad galiso Badda-cas oo lagu daray nabad iyo amni halka usoo saarayo 530 ciwaan marki aad galiso Gacanka Carbeed”. Alex ayaa ku daray in buuggi ugu danbeeyay ee qiimo leh ee laga qoray mandhiqaddaan la qoray 1985’ti. Arrintaas ayaa ku tusayso in ahmiyaddii gobalku raacay dhammaadki dagaalki qaboobaa. Tani waxay ku tusaysaa in gobalka aysan cidna isku shuqlin muddo dheer. Alex waxaa uu u aaneeyay xaqiraadda Badda-cas inay ku taal labo gobal oo kala duwan: Bariga dhexe iyo Afrika kuwaas ay yartahay waxa mideeyo oo isku meel jihayn karo. Marar dhowr ah ayaa la isku dayay in la sameeyo madal u gaar ah Badda-cas. Sanadihii 70aadki iyo 80aadki Sacuudiga iyo Masar ayaa mid walba mar gooni isku dayay inuu dhiso madal ay ku midaysan yihiin dalalka ku deedsan xeebaha Badda-cas. Laakiin labada isku dayba ma aysan guulaysan. Sababta ugu muhiimsanayd ee guuldarrada keentay ayaa ahayd kala qaybsanaanti uu keenay dagaalki qaboobaa iyo su’aal ahayd inay madasha Israaiil xubin ka noqonayso. Dhawaan qorshihii markale ayaa lasoo nooleeyay. Ergayga gaarka ah ee Yurub u xilsaaran Geeska Afrika ayaa soo jeediyay in dib loo dhaqaajiyo madasha Badda-cas maadaama uu marinku aad muhiim ugu yahay ganacsiga Yurub la leedahay dunida kale. Waxaa raacay Masar oo marinka Badda-cas u aragto farac ka mid ah kannaalka Suweys. Hasa ahaatee su’aalihii hore ayaan meesha wali ka bixin sida ka mid noqoshada Yuhuudda, sida laga yeelayo waddamada gobala awoodda ku leh laakiin aan Badda-cas daris la ahayn sida Itoobiya iyo kaalinta ay ku yaalanayaan wadamada aysan marin Badda-cas laakiin dano waaweyn ku leh gobalka sida Imaaraadka. Si looga jawaabo su’aalahaan, midowga Afrika ayaa billaabay qorshaha ‘Waaga Badda-cas’ taasoo leh hadaf ballaaran laakiin aan lahayn nuxur rasmi ah. Wakiilka u qaabilsan midowga Afrika arrimaha amniga, nabadda iyo wada-tashiga istaariyadaha ayaa ku sheegay hadalkiisi uu ku furay shir ka dhacay Khartuub Octoobar 2017’ki in waddamada ku yaal geeska Afrika oo ay ku jiraan Kiinya iyo Yugaandha dhammaantood la isgu yeeray si loo falanqeeyo sida looga wada faaiidaysan lahaa fursadaha ka buuxa Geeska Afrika. Qalbiga ku haay in Soomaaliya dad u matalo shirkaas joogeen. Wakiilka ayaa sheegay in sida kaliya ee looga faaiidaysan karo fursadaha yaallo mandhiqadda ay yihiin midaynta qorshaha guud, midka ganacsiga, kan siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha. Sidoo kale wakiilka ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Geeska Afrika lagu soo daray dalalka muhiim u ah gobalka laakiin mudda dheer ka qatanaa ka qaybnoqoshada shirarka looga hadlayo arrimaha gobalka. Dalaalkaas ayuu wakiilku ku sheegay kuwa kuwa bariga dhexe laakiin ma uusan sheegin in Israaiil ku jirto iyo in kale. Dhibka ugu weyn ee hadda jiro ayaa ah inuusan jirin dano isku mid ah oo mideeyo waddamada horboodayo kacdoonkaan cusub. Inti lagu jiray dagaalki qaboobaa, Soofiyeedka iyo Maraykanku labaduba isku dan ayay ka ahaayeen marinkaan. Laakiin hadda waxaa muuqato in waddamada danaha leh ay aad u kala damac duwan yihiin. Sagaashamaadki, danaha siyaasadeed Carabta ka laayeen Geeska Afrika wuxuu ahaa kaliya kuwa la xariiro diin. Ha noqoto la dagaalanka Al-qaaidda ama faafinta afkaar iyaga u gaar ah iyagoo u maray mashaariic kheyri ah. Laakiin hadda waxaa jiro damac dhaqaale oo ay adag tahay in la mideeyo. Qaybta xiga waxaan ku eegi doonnaa, haduu Eebbe idmo, quwadaha ku tartamaya Soomaaliya iyo sida ay kusoo galeen. Ibrahim Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmednuur Tarsan loogu magacaabay Safiir oo cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo nagacaabay. Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan shalay go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay. Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa xilli uu ahaa la-taliyaha madaxweynaha bilihii ugu dambeeyey. Inkasta oo aan la xaqiijin ayaa haddana wararka qaar ay sheegayaan in odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ay magacaabista Tarsan kala hadleen madaxweyne Farmaajo. Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee QM Nikki Haley ayaa weerar culus ku qaaday madaxda dalalka Carabta iyo islaamka, oo ay ku sheegtay inaysan dhab ka ahayn taageerada ay sheegtaan inay u hayaan dadka Faalstiiniyiinta. Haley ayaa sheegtay in madaxda dalalkan aysan hadalladooda u eg geesinimada iyo la-jirka Falastiiniyiinta raacin wax taageero lacageed ah oo dadka Falastiin ay u baahan yihiin. Haley ayaa sheegtay in dalalka carbeed sida Masar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ay mar walba ka hadlaan taageeridda Falastiin, sidaas oo ay tahay aysan siin taageero lacageed oo ku filan. Safiirka Mareykanka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yahay inta lacageed oo dalalkaas oo ay wehliyaan dalalka Algeria, Tunisia, Pakistan, Oman, Iran iyo Turkey, ay siiyeen ama siin hay’adda QM ee UNRWA oo ah hay’adda qaabilsan tagaeeridda qaxootiga Falastiin. “Dhammaan hadallada ay dalalka Carbeed iyo Islaamka uga hadlaan halkan QM, waa eber, ma siiyaan Falastiin quudin, dhar, ama waxbarasho. Waxay sameeyaan kaliya inay dalalka kale ee caalamka dhalleeceeyaan” ayay tiri Haley. Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Nusseibeh ayaa sheegtay in Haley ay ku saxan tahay dhalleeceyntan, ayna qasab tahay in dalalka carbed ay sidan iska beddelaan. Washington ayaa ah xukuumadda lacagta ugu badan siisa UNRWA. Si kastaba, sanadkan waxay bixineysaa kaliya 60 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar 350 milyan oo dollar oo ay horey u ballan-qaaday. Tan iyo markii xukunka uu yimid madaxweyne Trump, Mareykanka ayaa caddeystay sida ay uga go’an tahay garab-istaagga Yahuuda gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta, inkasta oo xukuumadihii isaga ka horreeyey ee wejiga daboolan jireen. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Hordhac Maqaalkan waxaan ku falanqayn doonaa xaalada amni ee magaalada muqdisho iyo barnaamijkii xasilintu xalkuu ka dhacay. Maqaalkan sidoo kale waxaan ku tilmaami doonaa xil gudasho la,aanta ay hogaaminayso qorshe xumada hay,addaha amniga. Caasimada muqdisho waxay marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaas oo galaaftay nafta shacab badan oo soomaaliyeed xalka qaar kalana ay ku waayeen qaybo jidhkooda ka mid ah qaraxyada. Masuuliyiintii is xigxigay ee soo hogaaminayay hay,addaha amniga ee heer fadaral waxay ku guul daraysteen hirgalinta qorshe hanaqaada oo ka hirgala magaalada muqdisho sidoo kalana ka sal balaadhan kala xidhka magaalada muqdisho iyo adeegsiga caro iyo jidh gooyayaan lagu xidho jidadka magaalada muqdisho . Dhamaan qorshayaashii mudada gaaban ka shaqaynayay sidoo kalana noqon waayay kuwo si buuxda u xakameeya falalka amni daro ee Alshabaab wado dhamaan qorshayaashaasi waxay ahaayeen kuwo u muuqday awood kala badsi dhanka hay,addaha amniga sidoo kalana waxaa meesha ka baxday maamul daadajintii laamaha amniga Maxaa hortaagan amni iyo xasilooni ka hanaqaada magaalada Muqdisho? Carqaladaha hortaagan amniga magaalada muqdisho Ayaan ku koobnayn falalka amni daro ee Alshabaab laakiin waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysata hay,addaha amniga iyo hogaamka dalka soomaaliya oo aan fahansayayn xilka iyo isla xisaabtanka. Hadii aan saddex ka tilmaamo waxyaalaha Alshabaab u sahlaya inay fuliyaan falalka amni daro Hawl gabka Hay,adda Nabad Sugida Iyo sirdoonka qaranka gaar ahaan unuga Counter Intelligence Maamul daadajin la,aanta Hay,addaha amniga ee heer Gobol , heer Degmo ilaa heer xaafad Kala shikiga iyo wada-shaqayn la,aanta hay,addaha amniga iyo shacabka Falalka amni daro ee Alshabaab ka fuliso magaalada muqdisho waa kuwo muujinaya fashilka siyaasad xumada taala hay,addaha amniga . Si kastaba ha ahaatee madaxda dalka somaliya waxay fashalka hay,addaha amni dusha u saaraan hogaanada hay,addahaas kuwaas oo ku waaya xilkooda magacaabista masuulka cusubna wa keento natiijo wax ku oon ah waxaase su’aal mudan in lays waydiiyo xalkay wax ka qaldan yihiin . Xalka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho {counter-terrorism strategy} Kooxaha xagjirku waa kooxo ku soo badanaya dalalka sidoo kalana waa kuwo waxyeelo iyo hagardaamo ku ah xasiloonida daleed iyo dawladeed sidaa darteed dalalka aduunku waxay samaysteen istaratajiyado looga hortagay kooxahana. Hadii aan u eegno xaalka magaalada muqdisho iyo xeelada lagaga guulaysan karo kooxda Alshabaab waxay noqonaysaa istaratajiyad ka kooban Afar (4) tiir oo kala ah Dib u habaynta hay,addaha amniga gaar ahaan ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida Maamul daadajinta hay,addaha amniga Hirgalinta Barnaamijka Booliseynta Bulshada {Community policing} Diyaaarinta barnaamij ka hadlaya hagar-daamooyinka Alshabaab ku hayso shacabka soomaaliyeed W/Q: Abdirahman Jacob Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Borama, Awdal
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Asmara ee dalka Erateria u kictamo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweynaha Erateria Isaisa Afwerki ayaa casuumada u sameeyay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo ujeedka casuumaadu tahay sida lagu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo sanado badan ahaa mid mugdi galay. Booqashada Madaxweyne Farmaajo magaalada Asmara ee dalka Erateria ayaa la rumeysan yahay inay irdaha u fureyso wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dal, waxaana xusid mudan in caasimadaha labada dal ay ku kala noolyihiin Qowmiyado badan oo aanu kawarqabin labada dal. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara oo noqoneysaa tii ugu horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku taga dalkaasi ayaa faraj u noqoneysa in labada dal ay iska cawiyaan arrimaha Argagixisada, Ganacsiga, Amniga, Siyaasada, Safarada, Dhaqaalaha iyo la socodka xaaladaha Qowmiyadaha ku kala nool Asmara iyo Muqdisho. Xiriirka soo cusboonaanaya ee labada dal ayaa sidoo kale meesha ka saaraya tuhunkii ahaa in Dowlada Erateria ay garabsiiso argagixisada Somalia ee Al-Shabaab. Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa kaalin weyn ka qaadanaya isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Erateria oo isku haya waxyaabo aan sidaa usii buurneyn. Dhinaca kale, Siyaasiyiinta ka faaloota arrimaha Gobolka ayaa qaba in xiriirka labada dal uu soo laabanaayo xili munaasib ah, maadaama dal waliba uu doonaayo inuu la dhaqmo dalka kale. Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimad Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayaan deegaanada Jubbooyinka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer uu ku celcelshay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay wax ka qabato awoodaha ay Shabaab ku yeelaneyso Jubbooyinka, hase yeeshee aanu u muuqan dadaalka dowlada. Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin Jubbooyinka isla markaana ay doonayaan in awoodooda kusii faafiyaan deegaada muhiimka ah. “Dhowr jeer arrintaan waxaanu gaarsiinay dowlada Somalia ma noo muuqato dadaalo ay kula dagaalameyso Shabaabka oo aan la socno inay kusii xoogeysanayaan deegaanada” “Awoodahooda waxa uu gaaray inay qaadan weeraro joogta ah taasi waxaa u sabab ah inaanu jirin dhaqdhaqaaq ay dowlada Somalia kawado goobaha ay gacanta ku hayaan Shabaabka” Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay in wixii ka baxsan magaalada Muqdisho aysan moodin inay ka tirsan tahay Somalia, taasina ay ugu wacantahay inay ka jiifato amni ka dhalinta deegaanada ku jira gacanta Shabaabka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay halis ugu jiraan in deegaanada ay hadda ka arimiso Jubbaland ay gacanta u gasho Al-Shabaab, waxa uuna ku baaqay in leyska kaashto ciribtirkooda. Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayuu ku eedeeyay inay luminayaan heshiiskii ahaa in si wada jira loola dagaalamo Al-Shabaab oo si caadi ah uga buuxa deegaanada maamulka. Geesta kale, waxa uu ka digay in Jubbaland lagu fiirsado duulaanka Al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu ka jiifan doonin ciribtirka Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen taliyihii hore ee ciidamada birmadka qeybta Gobolka Mudug ee Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi). Marxuumka ayaa la toogtay xili uu ka soo baxay masaajidka Dulqarnayn ee magaalada Gaalkacyo oo uu ku tukaday saladii Cishe mana jirto cid wali sheegatay dilka Taliye cabddirashiid. Dilka taliyahaani ku baxay gacanta maleeshiyo hubeysan ayaa waxaan wali ka hadal maamulka Puntland. Waxaa horay magaalada Gaalkacayo dilal iyo qaraxyo loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyadoo sidoo kale dilal qorshahaysan lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale, Xiliga la dilaayay taliyihii hore ee ciidamada birmadka Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi) lama aysan socon ilaalo waxaana loo badinayaa dilkiisa inay ka danbeeyen maleeshiyada Alshabaab. Dhinaca kale, dilka marxuumka kadib waxaa halkaa meydkiisa kasoo qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland qeybta Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa waxaa kusoo gebogeboobey shirweyne caalami ah oo ku saabsanaa kormeerka iyo qiimaynta Afrika (Monitoring and Evaluation Conference for Africa- Evidence to Action) waxaana kasoo qayb galay 37 waddan oo Afrikaan ah iyo khuburo ka socotey hay’ado iyo Jaamacado kala duwan Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiha ah ee dawladda Puntland gaar ahaan Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta (Department of Monitoring and Evaluation) ayaa shirka ku meteleysey guud ahaa Soomaaliya Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo tayayn lahaa, laysuguna xiri lahaa kormeerka iyo qiimaynta ay sameeyaan Dawladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo sidoo kale in laysku xiro kormeerka, qiimaynta iyo cilmi barista la sameeyo iyadoona intii shirku socdey goobta laysku weydaarsadey Daraasado kala duwan oo laga sameeyey qaaradda Afrika. Waxa shirka aad loogaga dooday in guud ahaan Dalalka Africa ay yeeshaan Wasaaradda Koormeerka iyo Qiimaynta. (Ministry of Monitoring and Evaluation) Waxa soo bandhigay guulihii ay gaareen Dalalka leh Wasaaradaha Koormeerka iyo Qiimaynta sida South-Africa, Ghana, Benin , Sudan iyo Uganda. Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa hirgalisay nidaamka kormeerka iyo qiimaynta puntland ( Monitoring and Evaluation System) kaddib markii waaxda kormeerka iyo Qiimaynta la tayeeyey islamarkaana dib casriyayn lagu sameeyey, loona shaqaaleeyey shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh shaqada Qiimaynta iyo Kormeerka Ugu danbayntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay qodobbada hoos ku xusan In Manhajka Jaamacadaha lagu daro barashada Kormeer iyo Qiimaynta oo ah heerka kowaad iyo heerka labaad ee Waxbarashada Jaamacadaha. (Bachelor and Master’s degree in Monitoring and Evaluation) In la dhiso aqoonta. tayada iyo xirfadda, ee xirfadlayda kormeerka iyo qiimaynta. In la joogteeyo qabashada shirkan oo sanadkiiba hal mar ah (Sanadka danbe waxa casuumaadda shirka fidisay dalka Ghana) In laysku xiro xogaha koormeerka iyo qiimaynta (M&E Reports) iyo cilmi barista (Research) In xogaha lala wadaago dadwaynaha iyo cid kasta oo ay khusayso. In go’aan gaarista lagu saleeyo xogaha kormeerka iyo qiimaynta (Evidence based decision making) The post SHIRKII UGU HORREEYEY EE KORMEERKA IYO QIIMAYNTA AFRICA OO NAIROBI KU SOO XIRMAY. appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tayeeyo waxbarashada dalka. “Cid waliba oo kasoo shaqeysay waxbarashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa sharaf iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedihiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganayana waxa aan idiin sheegeynaa in dawladiinu idin aqoonsantahay hase yeeshee xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin. “Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yihiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqeyneynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixtiraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhaweeyaan sida madaxweynaha loosoo dhaweeyo oo garoonka diyaaradaha ay idiin istaagaan”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay ka qeyb galayaasha munaasabadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM). “Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.
-
Allaha u naxariistee Korneyl Gabi-gabiKorneyl Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi oo soo noqday taliyihii ciidamada Birmadka gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay magaada Gaalkacyo. Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa salaadii Cishe kadib taliye Gabi-gabi dilay xili uu ka soo baxay masjid ku yaala bartamaha magaalada Galkacyo. Kooxihii dilka taliyaha geystay ayaa baxsaday, waxaana magaalada Gaalkacyo caawa howlgalo kawada ciidama Booliska isku dhaf ah ee qaabilsan amniga maagaaladaas, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay dilkaas. Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas. Gaalkacyo ayaa bilihii udambeeyay amnigeedu sidii hore dhaamay, kadib markii loo sameeyay ciidamo Boolis iyo Milateri ah oo Puntland iyo Galmudug ku midoobeen. PUNTLAND POST The post Korneyl Gabi-gabi oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Caawa ayaa waxaa madoobaaday Dayaxa inta badan Wadamada Caalamka gaar ahaan wadamada dhaca Geeska Afrika. Dayaxa ayaa markii hore qeyb qeeyb u soo madoobaanayay inkastoo markii dambe guud ahaan uu madoobaaday. Muslimiinta dunida ayaa u dareeray Goobaha cibaadada gaar ahaan Masaajida iyaga oo tukaday Salaada loo yaqaano Salaad Qusuuf ama dayax madoobaad. Culumada ayaa dadka ka wacdinaya Masaajida iyaga oo u sheegaya in ay alle u laabtaan. Sidoo kale wadamada kale ee xiligaan ay u tahay maalin ayaa la sii saadaalinayaa in ay dayaxu uu madoobaado. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dayax Madoobaad laga Arkay Caawa inta badan Wadamada Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo dib ugu laabtay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan magaalada Brussles kulasoo qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid uu dalbaday Farmaajo sidaana ay ula kulmeen, isagoo meesha ka saaray inay kala hadleen arrimo gaara. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku adkeystay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, hase yeeshee uu iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay dagaalka. Faysal cali waraabe ayaa sidoo hadalkiisa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumada Muuse Biixi uu hogaamiyo ay todobadii bilood ee ay xilka haysay waxba laga weydiin waxa ay qabatay xili uu sheegay in marmarsiyo laga dhiganayo “Faysal ayaa Farmaajo la kulmay”. Faysal Cali Waraabe, waxa uu si cad u sheegay in laysla xisaabtami doono wakhtiyada soo aadan, waxa uuna arrin aan Xukuumada khuseyn ku sheegay la kulankiisa ku aadan Farmaajo. HOOS KA DAAWO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaada ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu mas’uul xil hayay ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug. Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista. Waxa uu Guddoomiyaha sheegaya inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay). Waxaa uu sheegay Gudoomiye Jaamac Xayle Hogaamiye ku xigeenka uu warqad kasoo qoray Magaalada Muqdisho in ay soo gaartay laguna sheegay in xilka looga qaaday, taasina aysan sharci aheyn. Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay gaareen ay arintaasi kasoo horjeedo ayna tahay Sharci daro. Dhinaca kale, Hogaamiye ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay), ayaa bilihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa howlaha maamulka Galmudug, waxaana uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Sharci dejiye ka tirsan golaha wakiilada Minnesota, Steve Drazkowski ayaa Ilhaan Cumar oo u tartameysa aqalka congress-ka Mareykanka ka gudbiyey dacwad ah inay si qaldan u adeegsatay lacag loogu deeqay ololaheeda doorasho. Drazkowski, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aal ka keenay lacag dhan 2,250 oo dollar oo Ilhaan ay bishii November ee 2016 siisay xafiiska garyaqaanada Kjellberg Law Office. Xafiiska oo ku taqasusay sharciga qoyska ayaa ka shaqeeyey kiiskii furriinka Ilhaan ee 2017-kii. Drazkowski ayaa sheegay in lacagtaas ay ahayd lacag Ilhaan loogu deeqay doorashadeeda, balse ay u adeegsatay arrimo qoys oo ayada u gaar ah. Qareenka Ilhaan oo leh xafiiskan ayaa ku gacan seertay eedeymaha loo jeediyey kalyantigeeda. “Tani gebi ahaanba waa been. Waxaan Ilhaan siiyey talo la xiriirta maareynta xasaradaha. Lacagta ay isiisayna waxay ahayd mid taas loogu talo-galay ee ma ahayn mid furriin la xiriirta” ayey tiri qareenka Ilhaan, Carla Kjellberg. Sidoo kale qoraal ay soo saartay ayay Ilhaan ku sheegtay in eedeymahan ay yihiin kuwa been abuur ah. Drazkowski ayaa sheegay in Ilhaan ay leedahay taairikh xadgudubyo lacagta ololaha doorashada ah, oo tani aysan ugu horreyn. Bishii tagtay waxaa lagu ganaaxay Ilhaan 1,100 oo dollar markii ay diiwaan gelin weysay danaheeda dhaqaale. Sidoo kale bishii May 2017 waxaa lagu ganaaxay 1,000 dollar kadib markii xilli dambe un ay shaacisay lacag la siiyey ololaheeda doorasho. Bishii November ay 2017 ayaa 150 dollar oo ganaax ah waxay ku muteysatay diiwaan-gelin lacageed oo xilligeeda ka daahday. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ay ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow. Weerarka ayaa ahaa mid qorsheysan oo muddo laga shaqeynayey, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka Amnina ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA da u sheegay, in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macallin Deerow. “Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan maleeshiyadii la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. Ayuu yiri Wasiir Xasan. Macallin Deerow ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Waajid iyo deegaanada ku dhow, halkaasi oo la sheegay inuu dad badan ku dilay. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/35e40b08-2f73-423b-b3ec-406752512067_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
The soporific seaside town of Berbera is slowly changing as it takes on a major role on the Red Sea shipping route, allowing breakaway Somaliland to dream of prosperity and even recognition. Source: Hiiraan Online
-
Sydney (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia. Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey. Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn. “Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio. Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran. Warkan ayaa imanaya ayada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Sydney Caasimada@live.com
-
Gunmen shot dead a former legislator in Mogadishu on Thursday evening. Ali Mohamed Abdi, who was a member of the 9th Federal Parliament of the country, was shot dead by gunmen who attacked him at his home. Source: Hiiraan Online
-
Gunmen shot dead a former legislator in Mogadishu on Thursday evening. Ali Mohamed Abdi, who was a member of the 9th Federal Parliament of the country, was shot dead by gunmen who attacked him at his home. Source: Hiiraan Online
-
Eritrea says Somalia's president will visit the country on Saturday as yet another rivalry in the Horn of Africa region may be coming to an end. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqashadii ugu horeeysay bari ku tagay Magaalada Asmara ee caasimada dalka Erateria. Booqashadaan Madaxweyne Farmaajo uu ku Tagaya Asmara ayaa waxaa xaqiijisay dowlada wadankaasi Erateria. Wasiirka Warfaafinta ee Dowlasa Erateria Yemane Meskel ayaa ku xaqiijiyay Bartiisa Twitterka in Madaxweyne Farmaajo uu Bari ka dagayo Asmara. Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki isaga oo la qaadan doono kulan saacado qaata. Booqashadaan haddii Madaxweyne Farmaajo uu bari ku tago Asmara ayaa noqoneeysa booqashadii ugu horeeysay uu ku tago dalkaasi. Booqashadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili Dhowaan heshiis taariiqi ah uu dhexmaray Itoobiya iyo Eriterea. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqashadii ugu horeeysay Ku Tagaya Asmara appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay. Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda. Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta. Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay. Dadweynuhu xaq ma u leeyihiin inay ogaadaan sababta loo eryayo wasiirrada? Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?. Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo. “Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri. Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay. Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday. “Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin. Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey. Maxay tahay sababta aan loo sheegin xil ka qaadidda wasiirrada? Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri. Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen. Mala oran karaa waa falsafad siyaasadeed oo u degan dowladda hadda jirta?. Taasi waa su’aal aanan durba laga jawaabi karin, maluhuna waqtiga ka jawaabi doono. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Maxaa diiday in xukuumadda Soomaaliya ay sharaxaad ka bixiyo wasiirada ay xilalka ka qaado? appeared first on Puntland Post.