Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ku lahaa Isku soo dhawaanshaha Ethiopia iyo , iyadoo uu dhaqaalo uu ku bixiyay sidii labada dhinac heshiis ay u gaari lahaayeen, Imaaraatka inuu la dhinac noqdo Ethiopia iyo Eritrea waxaa qasbay markii uu waayay heshiisyadii dekadaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Eritrea iyo Somalia ayaa hadda yeelanaya xiriir isku soo dhawaansho, waxaana 15 sano kadib ay is dhaafsanayaan safaarado, iyagoo safiiro magacaabi doonaan. Siyaasadda Cusub ee Gobolka, ayaa timid markii heshiisyo ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea, Imaaraatka Carabta ayaana hogaanka labada dal guddoon siiyay Bilado kadib heshiiskoodii. Golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in shirkadda DP World aysan ka shaqeyn karin dalka, waxaana sharcigaasi uu horyaala madaxweynaha Somalia oo aan wali saxiixin. Haddii Eritrea ay ka shaqeyso isku soo dhawaanshaha Imaaraatka iyo Somalia, waxaana la ogeyn sida xaalka Shirkadda DP world noqon doono. Wasiirka warfaafinta Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Eritrea iyo Somalia ay ka shaqeyn doonaan horumarka dalka geeska africa. “Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya. Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya. Booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ku yimid Somalia 16 June 2018 iyo heshiisyadii afarta dekadood ee uu la galay madaxweynaha Somalia, ayaa dhalisay shaki badan, maadaama ka hor booqashada Abiy ee magaalada Muqdisho, uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka Carabta. Waxaa sidoo kale Booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho ka hor, Imaaraatka Carabta ay bangiga Ethiopia ku shubeen dhaqaalo gaaraya 3 milyan oo doolar, taasi oo la sheegay in lagu kabayay dhaqaalaha Ethiopia. Imaaraatka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho, markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Somalia, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Somalia, laakiin ma aysan joojin dhaqdhaqaaqii ka socday qaar kamid ah gobolada dalka. Waxaa jirtay dacwad dowladda Somalia ka gudbisay Imaaraatka Carabta oo loo diray Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, taasi oo ku aadaneyd inay faragelin toos ku hayaan Somalia. Ka sokow Imaaraatka in xiriirka u la lahaa Somalia uu xun yahay, haddana xulufada Sacuudiga ayaa hogaanka Somalia ku xaq liya inay Qatar taageersan yihiin, laakiin dowladda waxay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii dhexmaray sanad ka hor Qatar iyo Xulufada Sacuudiga. Isbaheysiga Cusub ee Gobolka oo Xulufadda Sacuudiga ay wadeen ayaa Caqabad ku noqon kara danaha Wadamada Turkiga & Qatar ka leeyihiin wadamada geeska Africa, gaar ahaan Somalia. W/Q. Maxamed Ciise Maxamuud
  2. Garoowe (Caasimadda Online) – Raisul Wasaaraha xukumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe oo ah xarunta dhexe ee maamul gobolleedka Puntland. Iyada oo ay tahay markii ugu horreeysay ee uu Ra’isulwasaare Kheyre booqdo Puntland hadana waxaa loo soo dhaweyey si diiran oo ka duwan qaababki hore ee loo qaabili jiray Raisul Wasaareyaashii hore. Waxaa jidadka si weyn ugu soo baxay shacab wata labada calan ee Soomaliya iyo Maamul Gobolleedka Puntlad. Hase ahaatee, arintan oo aan ahayn mid ku cusub maamulka Puntland marka uu soo booqdo mas’uul ka tirsan dowladda dhexe hadana waxaa is qabaneyn muxubada ay muujiyeen iyo sida ay ficil ahaan ula falgalaan Muqdisho. Waxaa caadi noqotay in Maamuka Puntland ay wax walba ku khilaafaan dowladda dhexe iyaga oo su’aal ka keenaa amarada iyo shaciyadda ka soo baxa goleyaasha dowladda dhexe. Waxaa ugu daran marka ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe sida in ay yihiin nidaam ka madax banaan! maamulka hadda talada Garowe haya ee uu xilkaasa dhamaanayo waxa ay hormuud ka noqdaan iska horkeenidda dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federal-ka ilaa uu hoggaamiye ka noqday urur iskaashi ay sameysteen maamul gobolleedyada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland. Hadaba, soo dhaweyntii la yaabka lahayd ee Maamulka Land loogu sameeyey madaxweyne Farmaajo iyo midda maanta Kheyre soo lama oran karo waa laba wajiileyn dhaqan u noqotay Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee xilalka kahaya Somaliland, waxayna kawada hadleen colaada Takaraq ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland. Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo IGAD waxaa hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeen wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Raisedon Zenenga, halka siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee Somaliland xilalka kahaya uu hogaaminyay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wafdigan kawada hadleen afar qoddob oo ku saabsan arrinta Tukaraq, kuwaas oo kala ah, in xabadda la joojiyo, in maxaabiis leysdhaafsado, in arrimaha gargaarka la ogalaado iyo in muranka xuduuda laga wado hadlo. Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo ayaa isna sheegay in ay afartaas qodob kawada hadleen, ayna bari la kulmi doonaan Madaxweynaha Somaliland, Baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada. Wafdigan ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid xukuumadiisa waxayna kawada haldeen colaada Tukaraq iyo sidii xal nabadeed loo gaari lahaa. Dhawaan ayaa Danjire Michael keating Garowe ka sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka telagelin doonto Odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda. Danjire Michael keating ayaa dhawaan Garowe kula kulmay Issimada Puntland waxayna kawada hadleen arrinta Tukaraq. Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale dhexmara. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay iyo IGAD oo la kulmay siyaasiyiinta Sool ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
  4. Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Eritrea ayaa hadal uu warbaahinta ku siiyay magaalada Asmara ee xarunta dalkaas wuxuu ku sheegay in kulamadii ay yeesheen isaga iyo dhiggiisa ay noqdeen kuwo miro-dhal ah. Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo labada qaran ee Somalia iyo Eritrea dan u ah. “Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda ku saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno, xiriirkaas oo aan taariikhi ahayn balse laga mamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa kus heegay in labada dal ay ogsoon yihiin in mustaqbalkoodu uu isku xiran yahay, maadaama buu yiri aanu nahay laba waddan oo walaalo ah, isla markaana ku yaalla hal gobol. Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa sheegay inay ku heshiiyeen isaga iyo dhiggiisa xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka. “Iskaashigan wuxuu faa’iido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka siman-nahay caqabado isku mid ah,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Farmaajo oo intaas ku daray. “Iskaashiga wax-tarka leh ee ay Dowladda Soomaaliya doonayso waa mid sahlaya in labadeenna Qaran ay si buuxda u wada-shaqeeyaan, shacabkeenuna ay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.” Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay soo dhaweynayso heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhex-maray Waddamada Eritrea iyo Itoobiya. Isgaoo tilmaamay inay hubaal tahay in Gobolka Geeska Afrika oo dhan uu ka faa’iidi doono waagan cusub ee saaxiibnimada iyo wadajirka gobolka ku asteysan. “Eritrea waxay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, Somalia, waxay diyaar u thay inay kala shaqeyso Eritrea danta labada dowladooda iyo midda labada shacab shacab iyo guud ahaan shucuubta ku nool gobolka,” ayuu ku daray hadalkiisa. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa ku baaqay in cuno-qabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale ee saaran Ertirea laga dul-qaado si loo helo is-dhex-gal dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suuro-geliya ganacsi xor ah, kaasoo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Eritrea ay la Saxiixdeen Heshiisyo Miro-dhal ah appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilligii Berri-samaadka ee ay Dowladihii Rayidka iyo tii Kacaanka majaraha u hayeen Talada dalkeenna, waxay Hay’addaha Ammaanka ahaayeen kuwo Nidaamsan oo lagu jiheeyey Shaqaooyin Cayiman oo lagu xoojinayo Ammaanka iyo Nabad-sugida dalka. Ciiddanka Nabad-sugidda oo xilligaasi la oran NNS-ta waxay ahaayeen kuwo leh Hay’ad Guud, Maamul Nidaamsan iyo Ciiddamo dhar-cad ah, kuwaasi oo si qarsoodi u gudan jirey Waajibaadkooda. Waxaana ugu hawl adkaa Ciiddanka NSS-ta ee Dabagalka Ajaaniibta iyo Dembiyadda Qorsheysan iyo kuwa hawlahooda Xooraansiga ku koobnaa goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Suuqyadda, Baararka, Hoteelladda iyo Goobaha kale ww Adeegyadda Ganacsiga. Hawl-gudashadooda ayaana ahayd mid miro-dhal ah, oo aysan cid kale la wadaagi jirin, ma ahayn NSS-ta ciiddan argagax geliya Bulshadda ama geysta xad-gudubyoi kale, marka laga reebo Dembiilayaasha ay baacsiga ku hayaan iyo kuwa uu raadku soo galo. Xilligaasi, Ciiddanka NSS-ta ma ahayn kuwo xulashadooda kooban tahay, balse waxa xubahooda laga kala keeni jirey qeybaha kala duwan Bulshadda, looma eegi jirey qaababka waayadan dambe lagu shaqaaleysiiyo. NSS-ta ma aysan ahayd Ciiddan ku hubeysan Hubka muuqda iyo Gaadiidka Teknikadda ee lagu rakibo Qoryaha Culus, waxaana Ogaalkayga ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, iyado oAskari kasta lagula xisaabtami jirey hubka uu ku hawl-geli jirey. Sugidda Ammaanka oo ah Muraayadda Qaranka ayaa waxay Somalia ku kasbatay inay ka mid noqoto dalalka ugu Sirdoonka fiican, balse, tan iyo burburkii Dowladnimo waxa uu Ciiddankii NSS-ta noqday mid ku dhex milmay Xaalladihii taagnaa. Dowladihii KMG ilaa Dowladda Federalka waxay bilaabeen Dib-u-dhiska iyo Dib-u-habaynta Ciiddankaasi oo magacii NSS-ta ee lagu yaqiinay lagu beddelay Ciiddanka Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA, DFS waxay xalay shaacisay in Ciiddankii NISA ee Gobalka Banaadir la kala diray, laguna wareejiyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka Banaadir. Qaar ka mid ah Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay noqon doonaan kuwo dhar cad ahaan ku shaqeyn doona. Xeeldheerayaasha Ammaanka ayaa sheegay in Nidaamkaasi yahay mid Heer Caalami ah oo la jaanqaadi kara Istaraatijiyadda rasmiga ee Ciiddankaasi loo yegleelay inay ku gutaan Hawlaha loo xil-saraay ee Ammaanka iyo Sirdoonka. Waa hubaal in culaysyo laga dareemi karo sida ay Ciiddanka horey uga tirsanaa Taliska NISA ee Gobalka Banaadir, waxaana la filan kara qaladaad farsamo iyo caqabado kale, haddii aysan Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ee Khibradda leh u furin Ciiddankaasi Tababaro sare loogu qaadayo Aqoontooda iyo Hawl-fulinta cusub ee ay ugu adeegayaan Bulshadda Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Isbedelkaasi ma waxa uu noqon doonaa Tijaabo KMG ah, mise Qorshaha Ciiddankii Nabadsugidda Gobalka Banaadir si rasmi ahaan ayaa loogu biiriyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka ? Isha: Dalsan Radio Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay cidda doorashada soo socoto u matali doonto marka uu dalka qaato doorashada Xisbiyada. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane;Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Maanta ka qeyb galay siminaar uu soo qaban qaabiyey Guddiga Madaxabnaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqi doonto xisbiga ay doorashada uga qeyb qaadan doonto. Kamaal Daahir Guutaale oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo khudbad ka jeediyey Siminaarkaas ayaa bogaadiyey shaqada uu hayo Guddigga doorashooyinka madaxabanaan. Kamaal ayaa kulnkaas ka sheegay inay u baahan yihiin inay dowladda Soomaaliya dhaqso ku dhawaaqdo xisbiga doorashada u matali doono iyo musharaxooda isago sheegay inay tartan adag la geli doonaan. Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi oo khudbadda qaatay Kamaal kadib ayaa isna halkaas ka jeediyey jawaab culus isagoo sheegay inay dowladda Soomaaliya soo wado xisbi tayo leh oo noqon doono midka ugu sareeyo dalka sida uu hadalka u dhigay. Mahadi ayaa sheegay inay wadaan howsha diyaarinta xisbiga isla markasna ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan. Sidoo kale Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaliya ayaa kulanka ka sheegay in musharaxa xisbiga dowladda uu noqon doono Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa markii ugu horeysay oo uu Mas’uul dowladda ka tirsan ka hadlo xisbiga ay dowladda hadda talada heyso sameysan doonto iyo hadda hoggaanka u noqon doonto inkastoo la saadaalinayo inuu xisbigaas noqon doono mid ay ku tartamaan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Waxaa macquul ah in madaxda ugu sareyso dalka ay sameystaan xisbiyo kala duwan maadaama Soomaaliya looga bartay in aad loogu loolamo kursiga madaxweynimo. Waxaa laga war sugayaa xisbiga ay dowladda ku dhawaaqi doonto iyo qaabka uu noqon doono iyadoo la ogyahay inuu aad usoo dhow yahay waqtiga la sheegay inay ku eg tahay diiwaan gelinta xibsiyada .
  7. MOGADISHU (HOL) - Former Somali national football team goalkeeper, Ahmed Abdalla Moalim Mohamed has died after a protracted illness, the Somali Football Federation has confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa marba mid kula kulmayo xubnihii kula tartamayey Musharnimada kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwii sida weyn usoo can bixiyey ololihii loogu magac daray “No More Abgaal”. Xasan Shiikh ayaa kulamo is cafin ah wuxuu la kala qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyadoo uu kasii horeeyey midkii uu la yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Kulanka Xasan iyo Cabdiraxmaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi.. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka. “ Waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey. Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo. Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay” Kulankii Fiqi iyo Xasan Shiikh Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiinti sida weyn uga soo horjeeday Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna qeyb ka ahaa qorshihii uu Farmaajo ugu guuleystay Doorashada Soomaaliya ayaa booqday gurisga uu Xasan Shiikh Maxamuud ka dagan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Hon Ahmed Fiqi ayaa booqashadaas kadib boggiisa rasmiga ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo booqashadii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ugu tagay gurigiisa iyo haddii ay labada siyaasi heshiiyeen. Fiqi ayaana bartiisa Facebook soo dhigay sawirka labadooda oo isla sawiran iyo hadalada hoos kaaga muuqdo “ Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay” Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha. “No More Abgaal” iyo Shakhsiyaadkii waday: Waxaa jirtay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku baaqayeen is beddel intii muddo ah, is beddelkaas oo la doonayey in lagu beddelo hoggaankii jiray waqtigaas ee Xasan Shiikh Maxamuud , balse intii ololaha lagu jiray ayaa waxaa soo baxay koox ku shiraakowday inay qabiileeyaan is beddelka oo billaabay inay faafiyaan hal ku dhig qabiil naceyb ah oo oranaya “no more Abgaal” ama “Abgaal dambe maya”. Shakhsiyaadka howshaas horkacayey waxaa kamid ahaa: Axmed Macallin Fiqi (Habar Gidir) Abshir Bukhaari (Habar Gidir) Cabdiraxmaan Caynte (Murusade) Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Habargidir) Xasan Macallin (Murusade) Xuseen Macallin (Murusade) Cabdullaahi Sanbaloolshe (Xawaadle) Saabir Nuur Lugeey (Habar Gidir) waxaa loo xilsaaray inay suuqa geliyaan “no more Abgaal” Xasan malaga raali geliyey “No more Abgaal”? Siyaasadda malahan saaxiib joogta ah balse waxay leedahay dan joogto ah, waa oraahda siyaasadda iyo siyaasiyiinta lagu qeexo. Sidaa darteed “No more Abgaal”? waxay u muuqataa in laga soo gudbay isla markaasna hadda ay isku soo dhawaanayaan siyaasiyiintii ku loolami jiray maadaama Maanta la isku dan yahay. Waxaa muuqato in Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Fiqi ay markaan Xasan Shiikh kasoo gashay dantooda maadaama ay dowladaan ka waayeen xilalkii ay filayeen. Labadaan siyaasi ayaa Shalay Xasan Shiikh uga hiiliyeen No More Abgal, maantana isaga ayaa lala heshiiyey taasna waa qeyb kamid ah siyaasadda oo danley iska ah.
  9. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,Xassan Cali Khayre oo hadal kooban barxadda magalada Garoowe uga jeediyay kumanaan shacab ah oo u soo baxay soo dhoweyntiisaa ayaa si weyn ugu mahadceliyay dowladda iyo dadweynaha reer Puntland ee maanta aan u kala harin soo dhoweyntiisa. Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre ayaa ku ammaanaya Puntland in ay xuddun u ahaan jirtay halgankii gobannima-doonka Soomaaliya ee Daraawiishta,islamarkaana bulshadeedu qeyb laxaad leh ka qaadatay xorriyadda iyo qarannimada dalka Soomaaliya. Mudane. Khayre wuxuu sidoo kale bulshada reer Puntland ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin il-baxnimada,xasiloonida iyo horumarka guud ahaan dadka Soomaaliyeed,isagoo xusay in shacabka Puntland ay fahamsan yihiin,sida loo xoojiyo dowladnimada iyo tiirarkeeda loogana ilaaliyo wax kasta oo maja-xaabinaya hanaqaadkeeda iyo horumarinteeda. Wefdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan loo gelbiyay dhinaca xarunta madaxtooyada Garoowe,halkaas oo isaga iyo madaxweyne Gaas ay saxaafadda si wadajir ah ugula hadli doonaan. Socdaalkaan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaare Xassan Khayre ku yimaado degaannada Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan ayaa sida warar ku sheegayan ku qotoma u kuurgalka xaaladaha ka jira Puntland iyo sidoo kale ka qeybgalka sannad-guurada 20 aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland sannadkii 1998. Sidoo kale wararka ku xeeran safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dhagax-dhigidoono deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaasoo maalintii shalay ahayd la geeyay ciidamo xooggan oo horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha. Hoos ka daawo hadalka Kheyre Faahfaahinta:- kala socoPuntland Post The post Kheyre oo ka hadlay fagaaraha Barxadda ee Garowe appeared first on Puntland Post.
  10. Asmara (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale dib usoo nooleeysay ka hadlidda lacagtii ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay markii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli ay taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Madaxweyne Farmaajo, Khere iyo Jawaari. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan lacagtaas lasoo marsiin wadadii sharciga aheyd waxayna ku dooday inay aheyd wax aan lagu wargelin in lacag intaas la eg diyaarad lasoo saaro waqti xasaasi ah. Dr. Anwar Gargash oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay laba arrin oo xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka kala dhaxdeyo Soomaaliya xilli uu Farmaajo joogo Asmara. Midda koowaad ayuu Dr. Anwar Gargash ku sheegay inay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan raagelin. Wuxuu sheegay in lacagta 9-ka Malyan ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ay aheyd mid loo waday Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwii ay iyaga tababari jirtay oo hadda la kala diray. Isagoo Khudbad ka jeedinayey Xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka isla markaasna ay hadda ka sugayaan raali gelin buuxda. “Waxaan ka sugeynaa dowladda Soomaaliya inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” ayuu yiri wasiirka Midda labaad Wuxuu ku sheegay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka labada dowladood oo soo jiitamayey muddo badan. Ma uusan sheegin cidda ama Dowladda dhex dhexaadintaas ka dhex sameeneyso Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya balse waxaa loo badinayaa inay tahay dalka Eratariya oo uu Safar ku joogo Madaxweyne Farmaajo. Dowladda Imaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn saartay midda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar. Khilaafka ayaa cirka sii galay markii dowladda Imaaraadka Carabta ay garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada taaso keentay inay dowladda Soomaaliya gasho jahwareer siyaasadeed oo miisaankeeda ka badan. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa goor dhoweyd soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe. Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir Hamaan ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay,madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland,saraakiil ka socotay madaxtooyada,xubno matelayay bulshada rayid ah ee Puntland,siyaasiyiin,waxgarad,ganacsato iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Wefdiga ra’iisul wasaare Khayre oo ka kooban xubno ka tirsan xukuumaddiisa,qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya,saraakiil sare oo ka socda Villa Soomaaliya,xubno kamid ah ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa haatan loo gelbiyay dhinaca barxadda weyn ee Garoowe oo la ciir-ciiraysa kumanaan shacab ah ,waxaana la filaya in ay wax yar kadib saxaafadda si wadajir ah ula hadlaan ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxweyne Gaas . Socdaalkaan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaare Xassan Khayre ku yimaado degaannada Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan ayaa sida warar ku sheegayan ku qotoma u kuurgalka xaaladaha ka jira Puntland iyo sidoo kale ka qeybgalka sannad-guurada 20 aad eek a soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland sannadkii 1998. Sidoo kale wararka ku xeeran safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dhagax-dhigidoono deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaasoo maalintii shalay ahayd la geeyay ciidamo xooggan oo horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaruhu ku tegayo degaankaasi. Faahfaahinta:- kala soco Puntlandpost The post Wefdiga ra’iisul wasaare Khayre iyo barxadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu ku casuumay madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas. Garoonka Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiintan madaxda sare ee maamulka Puntland iyo sidoo kale dadweyne badan. Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay doonayaan iney kaga qeybqaataan soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha. Magaalada Garoowe oo dhan waxaa lagu xardhay boorar uu ku dheggan yahay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu booqdo magaalooyin kale oo Puntland ah, dhanka kalena wuxuu ka qeybgali doonaa sanad-guuradii 20-aad ee aas-aaska maamulka Puntland oo dhici doonta 1-da bisha August. Wafdiga Ra’iisul wasaaaraha ayaa waxa kamid ah qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo tageerayaal kale oo la sheegey in qaarkood muddo asbuuc ah kaga soo horeeyeen magaalada Garoowe kuwasoo la filayo iney ka qayb qaataan soo dhaweynta loo sameynayo wasiirka Kowaad ee xukuumadda FS. Xasan Cali khayre oo safarkaan u ah midkiisii ugu horeyeey oo uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilka loo magacaabey Febuary 2017, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli Puntland ay ku jirto xaalado coladeed iyo kuwo siyaasadeed, sida doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan maamulkaan sanadka 2019. “Madaxweyne Gaas waxuu isaga sii jeedinayaa booqashada Khayre cadaadiska ka haysta furumaha Tukaraq iyo doorashooyinka taasoo uu rabo inuu maalmo shacabka reer Puntland isaga mashquuliyo,” sidaas waxaa yiri siyaasi ku sugan magaalada Garoowe oo diidey in aan magaciisa xusno. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqashadiisa Garoowe waxaa lagu tiilmaamey mid ku soo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka haystaan culeyso siyaasdeed iyo kuwo amni. Waxaa tusaale u ah fashilka ku yimid qorshihiisii xasilinta magaalada Muqdisho kaasoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dabada ka riixayey, iyadoo amniga xarunta dowlada Soomaaliya lagu wareejiyey ciidamada booliska kulankii maalintii khamiista golaha wasiirada yeesheen.. Dadka la socda siyaasada Villa Soomaaliya ayaa aaminsan in marka laga soo tago codsiyada horey ugaga yimid xubnaha golayaasha kaga jira dowlada Federaalka Puntland in Khayre booqasho ku tago maamulkaan ayaa haddana waqtiga ay dhaceyso waxaa loo dhihi karaa iney tahay fursad shacabka indhahiisa uu kaga weecinayo culeysyada ka jira Muqdisho. Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale dalab hordhigey imaanshaha R/W Khayre ee magaalada Garoowe isagoo horey ugu sheegey inuu geynayo Garacad halkaasoo uu rabo in loo soo dhagax dhigo dakad la sheegey in laga dhisayo tuuladaas. Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kala hadlay dalabka kaga yimid Gaas ee ku aadan dhagax dhiga Dakadda Garacad xildhibaano kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo kasoo jeeda gobolka Barri “Puntland” kuwasoo welwel ka muujiyey booqashada RW Xasan Cali Khayre ku tagayo tuuladaas. Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay u sheegeen Khayre in dhagax dhig kale oo dowlada Feederaalka ku sameyso dekad kale ay caqabad ku tahay qorshaha la damacsan yahay in dekad lagaga dhiso degmada Hobyo taasoo Madaxweyne Famaajo uu dhagax dhigey January 2018, halka mudaniyaasha kasoo jeeda gobolka Barri ee Puntland Ra’isal wasaare Khayre dhinacooda u sheegeen in Madaxweyne Gaas dakado kale dhisayo halka uu ku guuldareystey in dakada Boosaso qorshihii lagu balaarin lahaa ama weli la bilaabin iyadoo dib u dhac weyn ka jiro uu sabab u yahay. Ugu dambeyn, booqashadaan ayaa ah midii labaad ee mas’uul sare oo ka tirsan DF Soomaliya ku yimaado Puntland tan iyo intii ciidamada Somaliland January 8, 2018 qabsadeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool. Isha: Garoowe Online
  13. Asmara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku joogo Magaalada Asmara ee dalka Elatariya, waxaana durba bilaabatay saameyn xoog leh oo uu safarkaan ku yeelan doono xiriirka u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Afwerki, waxayna Casuumaadaan kusoo aaday xilli ay taagan tahay hadal heyn ku aadan inay Imaaraadka heshiiska Soomaaliya usoo mari doonto dowladaha Itoobiya iyo Eretariya oo ay sanado badan kadib heshiisiisay. Sababta ay dowladda Imaaraadka u heshiisiineyso dowladaha Itoobiya iyo Eretariya ayaa loo fahansan yahay inay tahay sidii cadaadis loogu saari lahaa dowladda Jabuuti oo dhawaan dalkeeda ka ceyrisay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayey dadka ku xeel dheer siyaadda ku tilmaameyn inuu carqaladeyn doono ama xumeyn doono xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya. Madaxweeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaan ku farxin socdaalka Asmara maadaama xurguf dhuleed uu ka dhaxeeya waxaana reer Jabuuti ay hadda hadal hayaan in Safarka Farmaajo uu dhabarjab ku noqon karo. Dr. Maxamed Xasan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo siyaasadda ku takhasusay ayaa tilmaamay inay qalad aheyd inuu Farmaajo waqtigaan Asmaro tago maadaama ay taagan tahay xiisadda ka dhaxeyso Imaaraadka iyo Jabuuti. Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle weli ma uusan ka hadlin arrintaan balse sida xogta lagu helayo waxay arrintaas ku noqotay lama filaan . Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dardargelin ku wado loolanka ay ku dooneyso inay kula wareegto Xeebaha Geeska Africa waxayna hadda arrintaas isku khilaafsan yihiin dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii laga diiday dalabkeedii ahaa in xiriirka loo jaro dalka Qatar. Sidoo kale waxay hadda diyaarinteeda wadaa sidii buuq iyo qalalaaso siyaasadeed loogu furi lahaa dalka Jabuuti iyadoo la isku dirayo iyada iyo Eretariya oo uu muddo badan ka dhaxeeyey muran dhanka dhulka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Diyaaradda sidday wefdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa haatan soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Maxamed Abshir Hamaan. Mas’uuliyiinta dowladda,siyaasiyiin,waxgarad,ganacsato iyo dadweyne aad u fara badan oo garoonka diyaaradaha ku sugayay ra’iisul wasaare Khayre iyo wefdigiisa ayaa haatan ra’iisul wasaaaruhu salaam la dhex qaadayaa gudaha garoonka caalamiga ah ee Maxamed Abshir Hamaan. Wefdiga ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhow loo soo gelbinaya dhinaca magaalada waxaana maanta Garoowe buuxiyay dadweyne ku lebisan calamada Puntland iyo Soomaaliya oo wata boorar lagu xardhay sawirka ra’iisul wasaare Khayre. Amniga magaalada oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa sugaya ciidamada kala duwan ee Puntland oo ay u horreeyaan Booliiska,iyadoo uu yar yahay socodka gaadiidka shacabka,islamarkaana wadooyinka qaar ay xiran yihiin. Faahfaahinta goor dhow kala soco Puntlandpost The post Diyaaradda sidda Wefdiga ra’iisul wasaaraha oo hadda Garoowe soo caga-dhigatay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu soo baxay amar lagu mideynaayo Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somalia ee gobolka Banaadir ayaa waxaa arrintaasi dhaliilo kala duwan ka muujiyay Siyaasiyiin iyo dad shacab ah. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan dowlada ayaa sheegay in tilaabadaan mideynta ah ay dhabar jab iyo Sharaf dhac ku tahay taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu tilmaamay in tilabadaan ay ka hor imaanayso dhismihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uuna carab ***** in labada ciidan aysan iskumid ka aheyn dhanka tababarka. Nuqul kamid ah haddalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ahaa “Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka, gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah”. Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas dabagal ku sameeyaan” ayuu Yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu diray baaqaan”Waxaan kaloo ugu baaqayaa Taliska Ciidanka Booliska in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto” Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu sheegay in ciidamada Nabadsugida Somalia ay ku fashilmeen howlaha amni ee Gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in indha adeegooda ay ku bahdili karaan Booliska. Sidoo kale, waxa uu ka digay in Saraakiisha taliska Booliska ay aqbalaan qorshaha loogu daray ciidamada Nabadsugida oo uu sheegay inay keeni karto dhibaatooyin aan iminka muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya lagu dilay bartamaha suuqa weyn ee Bakaraaha xilli hore oo Axadda maanta ah. Sarkaalkan oo magaciisa lagu koobay Laba/xididgle.Maalin ayaa sida wararku sheegayan lagu dilay qeybta khudaarleeyda ee suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in dilkiisa ay fuliyeen laba dhalinyaro ah oo baastoolado ku hubaysan,kuwaasoo durbadiiba goobta isaga baxsaday. Sarkaalka la dilay oo sida la xaqiijiyay ka tirsanaa saldhigga Booliiska degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaanay jirin cid dilkiisa ilaa iyo haatan loo qabtay iyo cid sheegatay toona,waxaase arrintaan qeyb ka tahay amni-darro sii kordhaysa oo magaalada Muqdisho laga soo sheegayo,iyadoo isla saaka uu qarax khasaare geystay ka dhacay degmadaasi Hodon,gaar ahanna xaafada Galmudug loo yaqaanno. Qaraxa saaka oo gaari nooca raaxada ah loogu xiray askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay hal askari,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray sida ay xaqiijisay warbaahinta magaalada Muqdisho oo xigaynaysa goobjoogayaal. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  17. Asmara (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia, Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Asmara ayaa ka hadlay kaalinta Dowladda Eritrea ka qaadan karto in lasoo celiyo xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta . Geelle oo wareysi siinayay VOA-da, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu marxalado kala duwan marayo, isla markaana ay yihiin laba dowaladood oo walaalo ah. “Xukuumadda Eritrea iyo Imaaraadka waa laba waddan oo isku xiriirkoodu uu wanaagsan yahay, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Somalia iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen,” ayuu yiri Wasiir Geelle. Sidoo kale, Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Abriil ee Sannadkan markii Ciidamada Amniga Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Arrintaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay dublamaasiyiinteeda oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka dublamaasiyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeyn, Is-beddelka ka bilowday Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Somalia. DHAGEYSO: Wareysiga Daahir Maxamuud Geelle uu siiyay VOA-da http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Wareysi-Daahir-Geelle-Safarka-Madaxweynaha-ee-Asmara.mp3 PUNTLAND POST The post WASIIR GEELLE: Eritrea waxay isu soo dhaweyn kartaa Soomaaliya iyo imaaaadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Ganacsiga u gudbiyeen Xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Kheyre. Wararku waxa ay sheegayaan in dacawada Ganacsatada ay tahay mid salka ku heysa in Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu caqabad ku yahay ganacsigooda. Dacwada Wasiir oo gaartay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lasoo sheegayaa in lagu hayo baaritaan lagu xaqiijinaayo xaqiiqda dacwada. Waxa ay Ganacsatadu ku eedeysay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye inuu ka hor istaagay howlo Ganacsi oo dhowr ah, taasina ay ugu wacan tahay inay gudbiyaan dacwada. Mid kamid ah Ganacsatada oo dacwadaasi nooga xog waramay ayaa sheegay in Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye uu ku kordhiyay lacagaha sharci darada ah ee ku dhacda Xafiiskiisa, xili ay dowlada Somalia ka qaado lacago canshuur ah. “Ma suuragaleyso inaan bixino canshuur hadana nalaga qaado lacago sharci daro ah uma dulqaadan doono baacsiga uu nagu hayo Wasiir Maareeye” Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayay ka dalbadeen inuu baaritaan ku sameeyo Wasiirka iiyo Wasaaradiisa oo ay sheegen inay rug u noqotay sharci darro. Sidoo kale, Dacwadan ayaa daba socta mid hore oo Ganacsatadu ay uga cabaneysay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo faragalin ku haya Ganacsatada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inuusan ka raali noqon doonin musuq-maasuq, waxaana xusid mudan in Wasiiro dhowr ah ay xilkooda ku waayen musuqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (HOL) - One person has been killed and another one sustained injuries after a bomb fitted in his vehicle went off as it moved in Mogadishu’s Hodan district on Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  20. Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) uu shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteeriya,halkaaso uu ku joogo booqasho rasmi ah oo mudda saddex maalmood ah qaadanaysa,ayaa waxaa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka labada waddan halkaas kula leeyahay madaxda ugu sarraysa dalka Ereteeriya. Kulamada uu madaxweyne Farmaajo la qaadanayo dhigiisa waddanka Ereteeriya Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda Asmara ayaa salka ku haya sidii xiriir wanaagsan ay Soomaaliya ula yeelan lahayd dalkaasi Ereteeriya oo tan iyo intii waddan madax-bannaan loo aqoonsaday aan xiriir fiican la lahayn Soomaaliya. Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo shalay kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika,sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Sidoo kale Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood,sida lagu daabacay SONNA. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay mid xiriir fiican ay ku samaysan karaa labada waddan oo in mudda ah aan wax xiriir ah ka dhexayn,iyadoo Ereteriya lagu eedayn jiray in ay taageerto ururada argagixisada ah ee Soomaaliya ka dagaallama. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Ereteriya oo safaarado is-dhaafsanaya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqasho seddex cisho ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaaday xubno ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid ee horay usoo maamulay dalka. Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo mar soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Somalia kana tirsan garabka Damul-Jadiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay socdaalka iyo xiriirka uu Farmaajo la sameynayo Eriteria. Cali Balcad, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab xiligaan ay dowlada Somalia xiriir ula sameyso dalka Eriteria, waxa uuna tilmaamay in Eriteria ay dhibaato ku heyso dalka Jabouti. Cali Balcad, waxa uu sheegay in xiligaan loo baahan yahay in laga fiirsado cida ay dowlada Somalia la sameyneyso xiriirka, waxa uuna cadeeyay in isbedelada ka jira Gobolka uusan faa’iido ugu jirin Somalia. Cali Balcad waxa uu sheegay in sababta uu uga hor imaanayo xiriirka cusub ee labada dal ay tahay mid ku saleysan laba arrin oo kala ah in Eriteria ay dhul balaarsi ku heyso dalka Jabouti oo uu tilmaamay inay walaalo dhow la yihiin Somalia iyo in Eriteria ay wado dabino ka dhan ah Somalia, sida uu hadalka u dhigay. Cali Balcad, waxa uu sheegay in dowladii hore ay iska fogeyn jirtay arrimaha ceynkaani ah, sidaa aawgeed ay dowlada hadda jirta ku degdegtay xiriirka Eriteria. Sidoo kale, Cali Balcad ayaa Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in latashiyo uu la sameeyo Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele, si aanu u xumaan calaaqada Somalia iyo Jabouti. Haddalka Cali Balcad, ayaa imaanaya xili dowladii hore ee Damul-Jadiid ay aad uga soo horjeeday la dhaqanka dowlada Eriteria, iyadoo sababta lagu sheegay in maamulkii hore ee Damul-Jadiid ay ka shidaal qaadan jirtay Ethiopia oo aan xiligaa xiriir kala dhexeen Eriteria. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray,kadib markii uu qarxay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen,sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu marayay agagaarka xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliya ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafada loo yaqaanno Galmudug. Goobjogayaal ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid gaariga lagu xiray oo u muuqday in meel fog laga hagayo. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay,waxaana halkaas haatan ka socda baaritaan ku saabsan xogta qaraxan iyo sida uu dhacay. Maalmahan dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo mas’uuliyiinta dowlada iyo shacabkaba. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Galmudug ee Degmda Hodan ayaa sheegaya in halkaa uu kadhacay Qarax lagu soo xiray gaari raaxo. Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inay la socdeen ilaa Seddex ruux oo loo badinaayo inay ciidan ahaayen waxaana lasoo sheegayaa inuu soo gaaray khasaaro kala duwan. Gaariga oo ahaa Kaarib ayey Goob joogayaashu sheegay inuu Qarxay xili uu halkaasi marayey, waxaana waxyeello ay soo gaartay dhammaan dadkii gaarigaasi saarnaa. Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay. Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaaya Gaadiidka raaxada ee lagu xiro Qaraxyada waxana asbuucii tagay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhimashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Starting Tuesday, travellers from Europe, the Middle East and Africa will have to provide fingerprints and photos when they apply to visit, work or study in Canada, if they don’t want to be turned away at the border. Source: Hiiraan Online
  25. A family who arrived in the country on false passports and embarked on an asylum fraud have won a battle against deportation. Source: Hiiraan Online