-
Content Count
206,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nigeria, Africa's most populous nation, will be the first on the continent to receive Google's free public Wi-Fi service, the company has announced Source: Hiiraan Online
-
Zimbabwe goes to the polls Monday in its first election since authoritarian leader Robert Mugabe was ousted last year, with alleged ballot fraud and the likelihood of a disputed result clouding voting day. Source: Hiiraan Online
-
Due to its strategic positioning in connecting the Middle East, Asia, Europe and Africa, the Horn of Africa region has been a focal point for many foreign actors throughout history. Ethiopia’s location to this strategically significant route led many countries to establish cordial relationship with the country. Source: Hiiraan Online
-
Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda xoreynta Tigrayga Ethiopia ee TPLF ayaa ku hanjabtay inay dhulka ay degaan dadka Tigrayga uu ka go’ayo dalka Ethiopia intiisa kale, xilli ay jirto xiisad ka dhex oogan ayaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Debrestion Gebremichael oo ah madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigrayga ayaa khudbad uu u jeediyey dad isugu soo baxay garoonka kubadda cagta magaalada Mekelle waxa uu uga digay in la ixtiraamo dastuurka dalka Ethiopia. “Laba mid ayaa dhici doonta in annaga iyo qowmiyadaha kale aan Ethiopia ugu wada noolaano si xushmad leh, ama inaan burburino Ethiopia, oo koox walba ay dal sameysato” ayuu yiri Debrestion Gebremichael isaga oo xiran koofiyad uu ku sawiran yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi, oo asna Tigray ahaa. Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ethiopia ayaa cinwaan ka dhigay “TPLF waxay dib usoo saartay siyaasaddii xornimada ee sanaddii 1976-kii” “Dadka Tigrayga iyo TPLF iyo Eritrea waxa ay si iskula mid ah ula dagaalameen hal cadow, waxaana Tigrayga ay hadda diyaar u yihiin inay la kulmaan walaalahooda Eritrea” ayuu yiri Debrestion Gebremichael. Tigrayga oo ku dhowaad 25 sano xukumayey Ethiopia, ayaa hadda ay u muuqataa in taladii iyo awooddii ay dalka ku lahaayeen ay agacnta ka baxday, waaxana ay aad u dhibsanayaan siyaasadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee talada dalka oo dhan looga qeyb-gelinayo qowmiyadaha kale. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hadda ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in qaar badan oo ka mid ah dalalka deeqda bixiya ee caawiya NISA ay iminka ogaadeen xaqiiqda aan la qaadin karin ee ah dhimshada NISA. Si kastaba, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoralkisia ku sheegay in NISA aysan maanta dhiman balse ay dhimatay maalintii, sida uu sheegay, ay ka leexatay hadafkeeda rasmiga ah ee la dagaalanka argagixisada, loona adeegsaday in lagu weeraro siyaasiyiinta. Some donor communities have come 2 the brutal realisation of the demise of the National Intelligence & Security Agency (NISA). NISA hasn’t died today but it died when its main focus was diverted from the objective of fighting against terrorism and used to attack politicians. — AbdirahmanAbdishakur (@AAbdishakur) July 27, 2018 Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa waxaa hadda kor hor gurigiisa ku weeraray ciidamo ka tirsan NISA, halkaas oo dagaal ka dhacay lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isagana lagu xiray. Hay’adda NISA ayaa waxaa toddobaadyadii tagey ka dhex jiray qalalaase, ayada oo qaar ka mid ah xubnaha sare ee hay’adda xilalka laga qaaday, xafiisyadoodana loo dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Somaaliya iyo Qatar waxa ay wadaagaan Astaamo Siyaasadeed, Bulsho iyo Dhaqan-dhaqaale, Qatar na waxa ay kasoo gudubtay go’doomintii iyo cadaawadii ugu ba’need ee soo marta dawlad yar oo Qatar oo kale ah, Astaamaha ay wadaagaana Qatar iyo Somaaliya waxaa ka mid ah: 1-Qatar waa dawlad yar dad ahaan iyo dhul ahaan, waxa ayna deris la tahay dawlado ka badan dad ahaan iyo dhul ahaan oo doonayey muda dheer in ay liqaan ama qaataan kadib Xorriyadeedii. 2-Waxa ay leedahay Khayraat ka badan dadkeeda oo aysan haysan dawladaha dereska la ah sida Gaaska dabiiciga. 3-Waxa ay ka fur-furantahay ama ka fir-fircoontahay dadka iyo dawladaha deriskeeda ah. 4-Waxa ay Dhul, Dhaqan, Luqad, Qaraabo iyo Galaan-gal ku leedahay dadka iyo dawlaha deriska la ah. 5-Waxa ay xiriir iyo saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku leedahay dawladaha waawayn ee dunida gaar ahaan ku leh codka Viitada. Qodobadaas ayaa keenay in walaalaheed deriska la ah Xasdaan, iskuna dayaan mar badan in ay tirtiraan ama ay qaataan iyaga oo adeegsaday wado kasta oo ay ku gaari karaan hadafkaas sida: 1-Inqilaab melatery oo ay isku dayeen ilaa 4 jeer kadib Xornimadii Qatar. 2-Go’doomintii ugu wayneed oo la saaray sanad ka hor kadib markii laga xiray Dulka, Hawada, Ganacsiga iyo Dhaq-dhaqaaqii dhaqaalaha, lana eryey dhammaan Jaaliyadihii Qatar ee ku noolaa dawladaha deriska. 3-Waxaa lagu eedeeyey in ay taageerto Arga-gaxisada Hoyna u tahay Arga-gaxiso. 4-Waxaa lagu furay Dicaayado iyo Borabagando loo adeegsaday xarumo Cilmi-baaris, kuwo Warbaahin, Xatooyo Macluumaad iyo Tashwiis lagu furay Warbaahinta Qatar. 5-Waxaa Olole iyo dadaal dheer loo galay, dhaqaale fara badana lagu bixiyey in lagu qanciyo dawladaha caalamka gaar ahaan kuwa waawayn in ay ka qeyb-qaataan Go’doominta Qatar. Qatar waxa ay halgan dheer u gashay, dhexdana u xiratay in ay ka guulaysato, kana gaashashamato culayska iyo cadaadiska ay saareen walaalaheed deriska la ah iyada oo adeegsatay wado kasta oo ay uga guulaysan-karto sida: 1-In ay gasho heshiisyo difaac Melatery, Saldhigna siiso dawladaha Mareykan iyo Turkey. 2-Waxa ay xoojisay Ganacsigeeda iyo kaydkeeda Cuntada. 3-Waxa ay xoojisay xiriirkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Diplomaasi ee Caalamka, waxa ayna soo ceshatay xiriirkii Iran ee Carabtu horay u goysay. 4-Waxa ay xoojisay Warbaahinteeda iyo Saamaynteeda Adduunka gaar ahaan TV ga Aljazeera oo dagaalka ugu wayn ka dhashay. 5-Waxa ay Dacwad iyo Ashtako ka dhan ah dawladaha go’doominta u gudbisay Golayaasha iyo Maxkamadaha Adduunka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay. Go’doomintii Qatar Sanad kadib waxa ay ku guulaysatay helitaanka: 1-Magac dheer; dawladda ugu yar Adduunka uguna Magac dheer, uguna saamaynta badan. 2-Karti, Adkaysi, fir-fircooni iyo Galaan-gal dheeraad ah. 3-Kala garasho Cadaw iyo Saaxiib, Kasbasho Saaxiiba Cusub iyo Suuqya Cusub. 4-Hanashada Marti-gelinta Ciyaaraha Koobka Adduunka 2022, kadib markii dagaal dheer loo galay in la dhaafiyo laguna sunto Arga-gaxiso, waxa ayna noqotay dawkadii Carbeed ee ugu horeysay ee hanata marti gelinta Koobka Ciyaaraha Adduunka. 5-Waxa ay ku guulaysatay Dacwadii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ka dhanka aheed dawlada Emaaraatka. Hadaba Somaliya maxay ka bara kartaa Qatar: 1-Sida loola dhaqmo deriska haddii uu kaa tiro iyo awood badsho. 2-Sida looga faa’iidaysto Khayraatkaaga iyo Hantidaada looguna kasbado Saaxiibo. 3-Sida loo galo dagaal Diplomaasi looguna adkaado, loogana maarmo dagaal Milatery iyo mid Hubb. 4-Sida loo kasbado Saaxiibo Dunida loona yeesho Magac dheer iyo Maamuus. 5-Sida Dunida maanta Tira badan, Ciidan badan iyo Hubb badan uga Qiimo iyo Macna badantaha Tayada badan, Dhaqaalaha badan iyo Aqoonta badan. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Djibouti yaa ka jawaabtay dareenka falanqeeyayaasha siyaasadda ee aaminsan in isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socdaa ay go’doomin doonaan Djibouti. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo tan iyo markii ay wada hadal bilaabeen Ereteriya iyo Itoobiya bilaabay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed, ayaa wuxuu meesha ka saaray in waxyaabaha socda ay go’doomin karaan Djibouti. “Kuwa filaya in arrimaha dhacayaa ay sababi doonaan in Qaramada Midoobey ay go’doomiso Jabbuuti. Waxa aan si deggen ugu sheegayaa, in ay nabaddu marka koowaadba dan u tahay kuwii sannadahaas oo dhan iyagu burburinayey/dhaawacayey.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Yuusuf oo shalay qoraalo dhawr ah ku baahiyay twitterka, waxaanu intaas raaciyay “Djibouti waxa ay sii ahaan doontaa dal albaabadiisu u furan yihiin nabad, aan ku imanayn in laga gorgortamo danaheeda qaran.” Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dalka koowaad ee isbedelada uu la yimid raysalwasaaraha Itoobiya ay saamaynayaan noqon doonto Djibouti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu is qiimeeyo toddobadii bilood ee uu talada dalka hayay. Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay dalka dibadiisa ka dib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Farmaajo kula kulmay dalka Beljamka ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Faysal oo saaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu filayn soo dhawayn noocan ah laakiin, uu fahansan yahay in ay jirto wax dadweynaha soo kiciyay taas oo u muuqata in uu u jeedo shakiga bulshadu ka qabtay in loo xidho kulankii uu Farmaajo la qaatay. Guddoomiyaha ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha uu Somaliland la soo qabtay ilaa wakhtigii AHUN Cabdiraxmaan Tuur oo uu tilmaamay in uu arrimaha qaranka kala shaqayn jiray madaxweyne kasta. Waxa uu sheegay in aanu la’aantii Siilaanyo meelmariyeen Saldhigga iyo heshiiska DP World isaga oo sheegay in uu madaxweyne Biixi si weyn uga difaacay Soomaaliya markii dadaallada diblamaasiyadda iyo saxaafadda lagaga dheereeyay xukumadda Biixi taas oo gaadhsiisay in dadku is waydiiyo in Faysal noqday afhayeenka Madaxweyne Biixi. Ujeedadiisa Shirka Brusells wuxuu ku sheegay in madaxda Soomaaliya oo ah qurbejoog Somaliland cudqad ugu haya maxaa Siyaad Barre loo riday ay beesha caalamka ku cadaadinayeen in aan Somaliland deeq la siin iyada oo aan xukumadduna wax dadaal ah ku samayn sidii ay beesha caalamka ugu qancin lahayd in aanay dhegaysan Somalia oo Somaliland loo wado deeqaha “Inta aynu iska yuurursanay Hargeysa iyo Madaxtooyada ayaynu nidhi anagu baryi mayno ninka lacagta bixinaya, markaas ayaa nalala soo hadlay oo nala yidhi waar dee taga oo dadka dhaqaalaha bixinaya u taga sidaas ayaanu ku tagnay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo sheegay in $500 oo milyan oo la bixinayo Somaliland la siinayo ilaa $200 Milyan taasna ay tahay guul ay soo hooyeen isaga iyo Cali Khaliif. Waxa kale o uu cudur daar u sameeyay sawirro uu la galay safiirka Somalia ee Midawga Yurub waxaanu sheegay in uu yahay nin ay ehel yihiin oo seedigii ah taageerana siiya carruurta Somaliland ee Liibiya ku xanniban “Innaga (Somaliland) sharci innoo yaalla oo la yidhi Wallowayn ha salaamin ma jirin.. dawladnimada Somalilandna meel Faysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha.. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal. Guddoomiyaha UCID oo yidhi “Anigu ma ihi nin Somaliland looga baqayo,” waxa uu cudur daar u sameeyay kulankii Farmaajo oo uu sheegay in uu ahaa mid codsigiisu ka yimid Farmaajo oo ay aqoon shakhsi ah isu lahaayeen. Waxa uu sheegay in Farmaajo ka dhaartay in uu taageerayo durbaanka daaroodiyada ee lagu abaabulayo dagaalka Tukaraq iyo in uu wax hub ama taageero ah siiyo Cabdiwali Gaas. Waxa uu sheegay in ay isla garteen in uu dadka u sheego in aanu dagaalka Tukaraq ahayn mid beeleed sidoo kalena dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda in uu iska dhawray eedo uu u jeediyo xukumadda madaxweyne Muuse kadib markii madaxweynuhu dhawaan sheegay in uu amakaag ka qaaday kulanka Farmaajo “”Annigu la ficil tamimaayo Muuse Biixi Kursiga ayuu noo fadhiyaa”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa uu u soo jeediyay in aanu ku mashquulin kulanka Farmaajo iyo Faysal ee uu qiimeeyo waxqabadkiisa todobada bilood ee uu xilka hayay “Todobadii bilood ee Muuse Biixi kursiga hayay ha is qiimeeyo..Faysal baa Farmaajo isla sawirray caqli maahee.” Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalbatay in dowladda Somalia ay raali gelin buuxda ka bixiso dhacdadii bishii April ee sanadkan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, taasi oo la xiriirtay Diyaarad Imaaraadku lahaa oo lagu xanibay garoonka. Dalbka raali galinta ayaa waxaa soo jeediyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash oo sheegay in dowladda Somalia ay hada qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka. Dr. Anwar Gargash oo u muuqday mid uu is khilaafayo haddalkiisa ayaa marka hore sheegay in Somalia ay ka dalbanayaan inay bixiso raali galin, halka qodobka labaad uu ka sheegay in Somalia ay qiratay inay khalad ka gashay Imaaraadka. Anwar Gargash, waxa uu horay u sheegay in dowlada Imaaraadka ay lacagtaasi u waday meel kale balse ay u gacangashay dowlada Somalia, isagoo xiligaa hadalkiisa ku muujinaayay mid ay ku khaldanaayen maadaama aysan wargalin dowlada Somalia, mana cada sababta uu isku khilaafayo haddalka Imaaraadka. Erayada adag ee uu adeegsanayo Anwar Gargash waxa uu daba socdaa wadahadalka ay dowlada Eriterea ay ka dhex abuureyso Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna dhoolatus u yahay in Somalia ay ku khasbanaan doonto aqbalaada wax waliba oo kaga imaanaya dowlada Imaaraadka sida in raali galin ay bixiso iyadoo dulman. Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta in dowladda Somalia ay ku xad gudubtay dowladdiisa. Anwar Gargash, waxa uu sheegay in Somalia ay ku khasban tahay inay cafis ka dalbato Somalia si xal iyo waan-waan looga dhexsameeyo labada dal oo uu sheegay inuu weli ka dhexjiro khilaaf. Wuxuu sheegay Gargash isaga oo ka hadlayay xarunta cilmi baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayaa wuxuu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu xalinayo khilaafka labada dowladood. Madaxda Dowlada Imaaraadka carabta waxa ay inta badan si maldahan isugu dhexyaaciyan hadalada iyo eedaha ay u jeediyaan Somalia, taas oo ugu wacan inay ku fashilmaan dhamaan danihii ay ka lahaayen Somalia. Sidoo kale, Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa dhankiisa ka sheegay in Somalia ay ku abaal-dhacday Imaaradaka carabta isagoo tilmaamay inaysan ka helin abaal gudkii ay ka filayeen. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa xooga saareysa wadada ay Somalia ku bixin laheyd raali galin iyadoo qarineysa khaladaadka ay ka gashay Somalia oo ahaa mid lagu duminaayo qaranimada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muddo dheer waxaan wax ka baarayay sababta dowladi u horumarto midna udib dhacdo, amaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee kadanbeeya horumarkaas iyo sidoo kale habka ugu habboon ee dowlad ku horumarto, sidoo kale waxaan wax badan ka baadhay cawaamisha keenta horumar bulsho iyo mid dowladeed,haddaba somalia oo ah dal muddo dheer burbursan sidee unoqon karaa mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan ee kuyaal dunida?. Aniga oo ka jawaabaya su’aashaas, waxaan jeclahay in aan soo bandhigo marka hore muuqaal guud oo ah somalia caqabadaha haysta, fursadaha horyaalla, iyo xalka loo baahantahay. Tobanaan cilmi baarayaal aduunka kazoo kala jeeda ayaa 20 kii sano ee ugu danbaysay ku ahaa mashquul si ay wax uga ogaadaan sababaha keena horumar iyo dib-udhac dowlad ku yimaadda, gaar ahaan waxaa la ogaaday dowlado markoodii hore ahaa kuwo dib dhacsan oo waqti kooban kamid noqday mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida tusaale: Singapore, turkey, Malesia iyo IWM. Waxaan kaga duwanahay dad badan oo waqti badan geliyay cilmi baaris kusaabsan kobaca iyo horumarka dowladaha, eray bixinta ah, dowlad horumarsan ama dib-dhacsan waxaan aaminsanahay in lagu beddelo eray bixintaas maamul horumarsan ama maamul dib-dhacsan, ujeedkaas waxaa uu tilmaan uyahay in hormarku ama dib dhacsanaantu ay ka timaaddo cidda wax maamulaysa hadii awood uu u yeesho hoggaanka maamulaya shirkadda,bulshada, amaba dowladda hab maamul wanaagsan oo leh hufnaan iyo isla xisaabtan wanaagsan waxaa uu horseedi karaa maamulkaas in uu soo saaro bulsho wacyigeedu sarreeyo oo leh horumar dhaqaale, deganaanshiyo siyaasadeed, waxaan hubaa hadii lahelo tilmaamaha kor kuxusan in dalkaas gaari karo horumar lamid ah sida kuwa kale u horumareen, hadii xatooyo dhaqaale iyo musuq meesha yimaaddana wax walba afka ayay ciidda lagelayaan, waxaana luma markaas kalsoonida bulshada waxaa ay dareemaan bulshadu niyad jab “psychological defeat”. Farqiga u dhexeeya dowlad horumartay iyo mid dib-dhacsan maaha yaraanta ilaha dhaqaalaha oo kaliya ee waa kumaamulida garaad aqoonaysan”Smart education” maamul wanaag ama maamul xumo jirta owgeed ayaa wax hagaajin karta ama wax xumayn karta, tusaale waxaa u ah dowladaha aan soo sheegay halka ay joogeen xilli dhow iyo maanta meesha ay gaareen. United Nations Development Programme waxaa jira halbeeg ama “standard” ay ku eegaan horumarka dowlad gaarto waxaana kamid ah. – ka qayb galka muwaadinka wax soosaarka dalka . – Danaynta dowladda baxnaaninta caafimaad ee muwaadinkeeda iyo heerkiisa nololeed. – Danaynta heerka wax barasho: “sida aan lasocono halbeegga wax barasho waa midka ugu muhiimsan oo laga eego bulsho ama dowlad horumarkeed ama dib dhacsanaanteeda, dalka somalia dowladdiisii dhexe markii ay burburtay wax walba waa ay laburbureen”. Qodobbo aan u arko in ay kamaqan yihiin dowladnimada dalkeena somaliya, hadii ay innoo hagaagaanna ay kamid noqon karto mid kamid ah dowladaha ugu horumarsan dunida. 1. Is dhaliilid nafteenna ah “Self criticism” waxaa waajib ah in aan is dhaliilno oo aan si hoose u eegno halka aan joogno, halka aan hiigsanaynana hoosta aan kaxaeiiqno su,aalana iska waydiino si aan horay ugu socono hadii heerkeenu hooseeyo sidii aan usii dar dargali lahayn. 2. Doonis “volition” Doonis waa awoodda ugu wayn ee qof ama ummad haysato, ummad haysata Doonis majoojiso joogtaynta in ay raadiso waddada horumarka lagu gaaro ilaa ay u dhabowdo doonisteedu, taas beddelkeed ummada soomaaliyeed waddada horumarka ma eegaan ee iyagaa ayaa is eedeeya oo kaliya, waa inaan ogaanaa is eedayntu hadii ay badato waa tusaalaha dib dhacsanaan mid kamid ah. 3. Garaad aqoon leh ” Scientific mind” dhibkeena ugu wayn hadii aan soomaali nahay ma aaminsanin in aqoon iyo garaad wax lagu gaaro, waxaanu nahay bulsho caadifadaysan “emotional society” waa in aan ogaanaa qofkii cilmi haysta waa horumaraa qofkii jahli hoy unoqdana waxaa uu ahaadaa mid dib dhacsan oo kabayra waddada guusha iyo hormarka, dhamaan dowladaha ahaa kuwo dib dhacsan ee manta hormarsan waxaa ay siiyeen mudnaanta waxbarashada. 4. Daganaashiyo siyaasadeed, “political stability” hoggaamiyaha bulshdiisa ku hogaamiya deganaashiyo siyaasadeed oo ay hoos imaanayaan cadaalad, deganaashiyo dhaqaale, sinaan, hufnaan, eex la,aan, awoodda hoggaamineed aan lakeli noqon oo yeesha lataliyaal kuhaboon aqoona uleh waxa ay kala talinayaan, waxaa uu noqdaa mid bulshadiisa ku hoggaamiya waddada guusha oo ah mid lahubo halka ay tagayso oo ah horumar iyo barwaaqo sooran. 5. xoriyad “freedom” qof kastaa waxaa uu dhashay isaga oo xor ah, waana hibo ilaahay siiyay qof kasta, sidaa daraadeed cidina kama hor istaagi Karto, qof xor ahna ma aqbalo adoonsi iyo kelitalisnimo, sidaas awgeed ummadaha xorta ah waa kuwo tiigsada hormar, ummada soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay isku tashato si ay oga xorowdo faragalin dabadeed oo lawadaagta siyaasadooda gudaha. 6. dhaqan galinta qaanuunka ” law enforcement” sarraynta sharciga lana dhaqan geliyaa una sinnaadaan dadku iyadoon lakala soocin waa qodobo kamid ah dowladnimo wanaaga iyo hufnaanta, waana waxa ay kugaari garto somalia horumar wanaagsan iyo cadaalad saraysa. 7. Shaqo “Job” bulshada soomaaliyeed dadkeedu ama xubneheeda shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa dowladda oo si joogta ah u shaqeeya iyagoo kutiirsan naftooda iyo awooddooda, hankooduna sareeyo iyo ku kalsoonaanta dalkooda waxaa ay noqon kartaa markaa makaas somalia mid kamid noqota dowladaha ugu horumarsan dunida, waxaa ayna si fudud u gaari kartaa barwaaqo sooran dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed. 8. Wadaniyad ” nationalism” wadaniyadu si guud marka loo eego waa dareen jacayl oo aad u qaado wadankaaga iyo adigoo lajeclaada wax kasta oo wanaag ah lana naca wax kasta oo aan u qalmin, waana tilmaan abtirsi dal iyo dad ama mid kamid ah labadaas . Ugudanbayn Somalia waxaa ay u baahantahay isku kalsoonaan waxaa ayna ku gaari kartaa, isku tiirsanan dhaqaale si xal waara loogu helo daganaashiyo la,aanta iyo faragalinta siyaasadeed, qodobada aan kor kusoo xusay waa kuwa ugu muhiimsan oo aan is dhihi karo si guud waa kuwa kanoqo kara qayb samata bixinta ummadeena soomaaliyeed iyo kuhorumarkeeda. Abdiaziz Nur Abi Mohamed Candidate PhD program faculty Economic and Social Studies department political science neelain university Sudan – khartoum.
-
The second annual Somali cultural festival, which took place Saturday at Ottawa City Hall, featured a travelling exhibit from the Somali Museum of Minnesota. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika. Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka. “Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.” Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda. Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.
-
Some foreign fighters within Al Shabaab ranks are returning home in droves citing poor living conditions and mistreatment, according to intelligence reports. Ten Al Shabaab returnees recently surrendered to Kenya Defence Force (KDF) in Amisom’s Sector II. One of the returnees, Omar Said Omar, from Lamu told security agents that poor living conditions, mistreatment by indigenous Somalis within Al Shabaab ranks and lack of salaries had forced most foreign fighters to flee. “The miserable conditions we have been living in are the same that made me leave my home. They are the same conditions I have to live through everyday,” Omar said. He told security agents that he was recruited into Al Shabaab by his uncle, a madrassa teacher in Hindi, after their father disappeared from home. The Class Eight drop out was offered employment after sitting exams in 2014 to enable him take care of his five siblings. His uncle lived a very comfortable life, a reason he suspects his mother never inquired much about the job. “I know we were poor back home but it was better to go back home or even die. No matter how hard things were back home, I never went for three days without food or a week without showering,” another returnee Sheikh Abdul from Panda Nguo said. The two admitted that none of the returneeshave anything financial or material gain to show for their time with the terrorists, contrary to the promises by their recruiters when they joined. Unlike Omar and Abdul, Rama Mohammed from Mombasa joined Al Shabaab in pursuit of religious ideology and quest to fight for Jihad. He, however, realised Al Shabaab was not engaged in Jihad. “I know I did everything to escape and come back home, but I’m afraid to face my mother. How do I tell her I killed other people’s mothers? She would never forgive me,” Rama said. The man is desperate for his mother’s forgiveness because she has been unwell since he left. “Janaa is at her feet, that is the only Jihad I now seek,” a sobbing Rama added. The returnees say that Al Shabaab support looting and pillaging the local population for wealth which is usually a reserve of the leaders while leftovers are given to the local Somali fighters. This leaves the foreign fighters desperate and frustrated. Aerial bombardment on the terrorists positions by Kenya Defence Force (KDF) and US Forces has further forced foreign fighters to return home. Omar, Abdul and Rama are among the 10 militants who surrendered to the KDF troops in the Southern sector last month and are currently undergoing rehabilitation, psychological support and security debriefs at a secluded area before re-integration back into the society. Source: – Standard digital
-
A family who arrived in the country on false passports and embarked on an asylum fraud have won a battle against deportation. Hassan Farid Shireh was sponsored by his wife Rahma Mayrane Dimbil to join him in New Zealand after she became a refugee. But their fraud was uncovered and she fled to Australia, fearing she would be stripped of her citizenship. They had arrived in New Zealand in 2002 with their four-year-old son on fake Djibouti passports. Dimbil later claimed asylum as a Somali who had fled Mogadishu in 1990, saying she was at risk of serious harm from his family because they opposed the marriage due to her low caste. She then sponsored Shireh’s re-entry to New Zealand under a different name, but their dual identities came to light after he got his residency. In 2013, they were sentenced to nine months’ home detention and 150 hours of community service for supplying information knowing it to be false or misleading, producing a certificate of identity knowing it to have been obtained fraudulently and producing a visitor’s visa knowing it to have been obtained fraudulently. Her refugee status was cancelled but her citizenship prevented her from being deported. She later moved to Australia with their daughter, in fear that her citizenship would be revoked if she remained in New Zealand. A Ministry of Business, Innovation and Employment memo said that seeking to deprive her of her citizenship while she was in Australia could cause difficulties for the Australian authorities by leaving her stateless. A Deportation Liability Notice was served on her husband last year but his appeal to the Immigration and Protection Tribunal was successful. It found it was not in the best interests of his three sons, who remained with him when his wife left, for him to be deported, as they would either have to move to Somalia with him or stay without a parent in New Zealand. “They will leave the first world environment in which they have been raised, where they have friends and where they have educational opportunities available to them,” it ruled. “They would relocate to a comparatively volatile under-developed environment where they will live in poverty, will clearly be perceived as outsiders and where they will have no access to ongoing education of a similar quality to that they have received to date. “If their mother returned to New Zealand to care for them, she may face proceedings to strip her of her New Zealand citizenship, and she may herself become liable for deportation.” It said none of the children were implicated in their parents’ wrongdoing yet the consequences for them of their father’s deportation would be profound. The tribunal heard Shireh speaks Somali and Arabic and worked as a bilingual tutor and teacher aide for the children of refugees and migrants in Auckland schools. He was studying for a degree in social work when the charges were laid and had spells in and out of work since he was convicted. Source: – radionz
-
U.S. President Donald Trump said on Sunday he would allow the federal government to shut down if Democrats refuse to back his demand for a wall at the Mexican border and other major changes to immigration laws his administration wants. “I would be willing to ‘shut down’ government if the Democrats do not give us the votes for Border Security, which includes the Wall! Must get rid of Lottery, Catch & Release etc. and finally go to system of Immigration based on MERIT! We need great people coming into our Country!” Trump said on Twitter. The Republican president has used the threat of a government shutdown several times since taking office in 2017 in a bid to get his priorities in congressional spending bills, especially funding for a wall along the southern U.S. border. A disruption in federal government operations in the months before November congressional elections could backfire on Trump if voters blame Republicans, who control Congress, for the interruption in services. Trump wants Congress to pass legislation that addresses immigration issues, including the border wall, changing the way visas are allotted and other immigration restrictions. Although Republicans control Congress, disagreements between moderates and conservatives in the party have impeded a speedy legislative fix. Standoffs over spending levels and immigration led to a three-day government shutdown, mostly over a weekend, in January and an hours-long shutdown in February. The Republican president has made tougher immigration laws a centerpiece of his administration, from the first ill-fated travel ban on people from predominantly Muslim nations to the current battle raging over the separation of illegal immigrant children from their parents at the U.S.-Mexico border. A federal judge on Friday urged the U.S. government to focus on finding deported immigrant parents so it could reunite them with their children who remain in the United States. Trump has requested $25 billion to build the border wall and $1.6 billion has already appropriated for the project. U.S. House of Representatives Speaker Paul Ryan said lawmakers were considering an appropriations measure seeking an additional $5 billion for the wall. However, its passage in the U.S. Senate, where Republicans have a slim majority, is a long shot. Lawmakers met with Trump last week to discuss the appropriations process to fund the government by the September deadline. “We really just want to get the military funded, on time, on budget on schedule this year. And that’s the primary concern,” Ryan said Wednesday on Fox News. Source: Reuters
-
Asmara (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan uu sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Cabdikariim Qalb-dhagax iyo in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso. Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayuu Maxamed Cumar ku sheegay inuu madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, islamarkaana uu si shaqsi ah isaga raali-gelin uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo qaladaadkii ka dambeeyey ee dhacay. Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa yiri “Madaxweynuhu waxa uu raali galin kabixiyay haddalka kadhacay dowlada iyo xarigii sanadkii hore loo geystay Sarkaalka ka tirsan Jabhada ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax)”. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya waxa uuna aad usoo dhaweeyay in dowlada Somalia ay garwaaqsatay hadalkii khaladka ahaa ee kadhacay. Isagoo kulanka ka hadlaayay ayuu yiri “Kulanka wuxuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul, waxaan isla gaarnay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, arrintaas waxaan u maleynaya in golaha wasiirada ay ku dhawaaqeen, balse Baarlamanka ayaa sheegay in Ururka aanu aheyn Argagixiso” “Madaxweynaha horeyna wuu u sheegay inuu aqoonsan yahay oo uu racsan yahay go’ankii Baarlamaanka, Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuu arrintaas ka xun yahay raali gelina ka bixinayo”. Madatooyada Soomaaliya weli ka aysan hadlin hadalka kasoo baxay ONLF. Dhageyso wareysiga guddoomiyaha ONLF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ururka ONLF Ayaa xaqiijisy in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu raali galin ka bixiyay dhiibistii Dowlada Soomaaliya ay Itoobiya u dhiibtay Cabdi kariin Qalbi-Dhagax. Gudoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta VOA-da ayaa arintaasi xaqiijiyay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isku arkeen Magaalada Asmara ee caasimada Ereteria. Admiral Maxamed Cumar Cusmaan Gudoomiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu raali galin ka bixiyay in Dowlada Soomaaliya ay ururkooda u aqoonsatay Mid arga gixiso. Dowlada Soomaaliya ayaa Cabdikariin Sh Muuse Qalbi Dhagax oo katirsan ONLF ku wareejisay Dowlada Itoobiya Sanad iyo Bar ka hor. Itoobiya ayaa dhowaan sii deeysay Qalbi Dhagax waxaana sidoo kale heshiis wada gaaray Dowlada Itoobiya iyo ONLF iyada oo ugu dambeeyntiina ONLF laga saaray Liiska Arga gixisada ee Dalka Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post ONLF:- Farmaajo Raali Galin ayuu ka bixiyay Dhiibistii qalbi dhagax appeared first on Puntland Post.
-
I don’t intend to bore you with background details about the blockage slapped on Qatar, the middle-ground position the Federal Government of Somalia (FGS) took, and the domestic and regional controversy that FGS’s decision had precipitated. We all know the political pressure borne on FGS as a result. While its sports infrastructure is underdeveloped, Somalia is well developed as an arena for regional rivalries and proxy wars. As the Gulf blockade progressed, soon gloves came off as FGS and UAE dropped all pretenses to diplomacy, trading hard hitting jabs, burps, accusations and counter accusations of undermining each other’s interests. Somali social media was bombarded with real, fake, and not-so-fake news strategically pushed by Qatar, UAE, and the FGS trying to reach for each other’s jugular. Enter DP world Berbera port deal aimed at inflicting maximum damage on FGS leadership; FGS’s in kind reciprocal parliamentary vote outlawing DP World activities in Somalia; and later, FGS’s interception and confiscation of UAE’s USD millions in cash at Mogadishu Airport, forcing UAE to make drastic moves that included ending military cooperation agreement with FGS, closing of a health center at the vicinity of the Villa Somalia, and repatriating its equipments and military hardware infrastructure from Mogadishu and Bosasso. On the domestic front, relations between the regional administrations and FGS turned nasty. Presidents of Galmudug, Hirshabelle and Southwest found themselves in the eye of FGS storm and had been left frantically fighting for political survival. Whereas Galmudug and Southwest’s survived to tell the story, Hirshabelle’s Waare wasn’t as lucky. It appears even those who survived the FGS machinations are not out of the woods yet. With three regional administrations gearing for presidential elections, FGS is running over drive to instigate the most tyrannical political coupe to weed out the three incumbent president’s one after the other. Qatar’s dark-hole cash is part of the bargain here. It’s not clear if UAE’s will channel similar cash in time to save some among the three. In an infamous nocturnal commando-type raid elements loyal to the FGS wounded and scared the hell out of a hitherto non-descript lone political oppositionist and former presidential candidate after executing a number of his gourds in cold blood, leaving destruction in their wake. In surprise and unprecedented move in Somalia, FGS sought the cooperation of Parliamentary leadership to have the immunity of three parliamentarians waived to pave way for their investigation and prosecution for treasonable accounts relating to aiding an enemy of the state. Controversies, political losses, and strained diplomatic relations aside, with Gulf diplomatic crisis turning a year (since 5 June 2017) and with so much in stake (diplomatically, politically, economically, culturally, security) for FGS and Somalia, isn’t it time FGS took stock of its position on the crisis? It’s been an open secret that Qadar dark-hole cash has provided a lifeline to FGS as it used the money to finance the ouster of the former speaker of parliament and the installation of his replacement. The opposition accused the FGS of using Qatari money to raining down havoc and suppressing dissident voices in Somalia. Other than that however, as the gulf crisis protracted, people began to question the rationale of the FGS of Somalia. What happened to the principle of bargaining from a position of strength? Is pubic being taken for a ride? How does a raw deal look life if all that Somalia got for its risky stand on the gulf crisis is two hundred thousand grand grants in pledges that has yet to materialize, a year down the line? If the situation continues to play out as it’s, the FGS’ stand will go down in the annals of history as scam of the century. While brokers’ pockets have been lined with millions in illicit cash, the country and its people would be left to bear the brunt of the gulf crisis to harvest a raw deal. The FGS must push the Qataris to urgently pay whatever peanut pledges they made in return for FGS’s stand on the gulf crisis to avert public backlash. It’s very unfortunate for FGS if there’s any truth to the rumors in town that the Qataris have made PM Kheyre’s exit a precondition to releasing the financial pledges it made to the FGS. If that’s absurd demand is the cause of the delay, someone has got to call their bluff and tell them they have no right to make such demands on us and should quit interfering in our internal affairs. Time is not on the side of the FGS. Ali Mohamed “Jeego”
-
U.S. President Donald Trump said on Sunday he would allow the federal government to shut down if Democrats refuse to back his demand for a wall at the Mexican border and other major changes to immigration laws his administration wants. Source: Hiiraan Online
-
Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib. Hubaashii, booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo waftigayga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee reer Ereteriya, kuwaas oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne, Waxaan ku kalsoonnahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labadeenna qaranba dan u ah. Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno. Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah. Waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka. Iskaashigani waxa uu faa’ido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay caqabado isku mid ah. Iskaashiga waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan. Waxaan doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran, wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan. Dawladda Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka. Ereteriya waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan shucuubta Geeska Afrika. Si taas loo gaaro, waxa aannu ku baaqaynnaa in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha. Waad mahadsan tihiin.