-
Content Count
206,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa socdaalka ku wehliyay, qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya,Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho,Maamulka Gobolka Karkaar kan degmada Qardho, Duubabka dhaqanka iyo Dad weyne aad u tiro badan, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan,calanka Puntland iyo kan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa markii ay halkaas gaareen ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya. Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. “Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaaray Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawaynta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada. PUNTLAND POST The post Warbixin:- Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ee Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool ugu magacownaa Somaliland,Cabdi Khayre Dirir. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi oo ku taariikhaysan 31 July eek u beegan arbacada maanta ah ayaa lagu yiri”Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool”. Digreetada xilka looga qaaday,Cabdi Khayre Dirir ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool loogu magacaabay,Cabdirashiid Xuseen Cabdulle(Gargaar),waxaana guddoomiyihii hore lagu amray in uu si niyad-sami ah xilka ugu wareejiyo ninka cusub ee la magacaabay” Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool”,ayaa lagu yiri digreeta. Gobolka Sool oo ay isku-haystaan Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kacdoon ay bulshada gobolkaasi ku diiddan yihiin maamulka Somaliland,islamarkaana ay uga dalbanayaan in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka,gaar ahaanna magaalada Laascaanood ee xarunta ah. Muddaharaadyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Laascaanood iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool ayaa shacabku ku muujiyeen sida ay u diiddan yihiin joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolkaasi,waxaana sidoo kale dagaallo culus ka dhaceen degaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland. Colaadda gobolka Sool ka aloosan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq 8 jennaayo ee sannadkaan 2018,xilligaas uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Somaliland ayaa qabsashada Tukaraq qiil uga dhigtay safarka madaxweyne farmaajo uu ku yimid Puntland iyo socdaal ka horreeyay oo wasiirka Qorshaynta Soomaaliya uu ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo uu ka soo jeedo. Somaliland ayaa xilligaas dowladda Federaalka ku eedaysay in ay daan-daansi ka waddo degaannada SSC. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran. Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani. “Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo” Trump ayaa xusay inuu kulamadii fool-ka-foolka ahaa ee uu dhowaan la yeeshay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tusaale u yihiin diblomaasiyad toos ah oo lala yeesho dalal loo arko inay cadow ku yihiin danaha Mareykanka. “Sidaa darteed waan la kulmayaa Iran, haddii ay doonayaan inaan kulano. Ma aqaan haddii ay diyaar u yihiin. Waxaan filaa in hadda xaalka ku adag yahay, balse watqi kasta oo ay diyaar yihiin waan la kulmayaa” Madaxweyne Trump ayaa dhowaan ka baxay heshiiskii lixda dal ee Mareykanka uu ka midka ahaa ee sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay heshiis hal dhinac ah oo aan dan ugu jirin Mareykanka. Warkan oo muuqaal ah iyo wararkii ugu dambeeyey hoos ka daawo.
-
Xaflad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay degaanka Garacad ee hostaga degmadda Jarriiban ee Gobolka Mudug,taasoo lagu dhagax-dhigay dhismaha deked Cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo. Munsabadda waxaa kasoo qaybgalay madaxweynaha dowladda,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) gudoonka Golaha wakiiladda,xildhibaanno,wasiiro,xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah,kuwa maxaliga ah,saladiinta dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax-dhagay dekedda cusub ayaa sheegay in dhismaha dekadaani qayb kayahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta soo ajiibtay munasabadda dhagax dhiga dhismaha Dekedda cusub ee Garacad,waxaana uu ku dhiiriyey howlwadeenadda iyo guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda in looga bahanyahay taabagelinta howlaha socda. Dhammaan mas’uuliyiinti dowladda iyo madaxdii dhaqanka ee munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka isku-tashiga ah ee lagu dhisayo dekedda cusub ee degaanka Garacad,waxaana ay bulshada ku dhiiriyeen in si fiican looga qayb qaato dhismaha dekedda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo deked cusub ka dhagax-dhagay Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir Muuse Maxamed ayaa dhawaan faray Hay’adaha amaanka lagu inay kusoo xiraan Saraakiishii dhowr ah. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amar ku bixiyay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Saraakiisha ka danbeysay xariga Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Nuur oo loo heysto dacwo inuu musuq maasuqa lacag ay laheyd Wasaaradda. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa amarkaani soo saaray kadib markii uu si hordhac ah u dhagaystay dacwada agaasimaha. Gudoomiyaha ayaa amray in marka hore lasoo xiro laba sarkaal oo ka tirsan CID kuwaa oo amray xariga Agaasimaha. Saraakiisha la amray in lasoo xiro ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiin mursal. Haddaba amarkaas kadib ayaa lasoo xiray labadii sarkaal ee fasax la’aanta usoo xiray Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxaana soo baxayo in dib loo soo daayey. Dhank kale Daahir Nuur ayaa loo gudbiyey Xabsiga dhexe waxaana la filayaa in 45 cisho kadib lasoo tago maxkamad si loo arko caddeymaha muujinayo inuu musuq maasuqa lacag dhan ilaa 84 Kun oo Dollar oo ay laheyd Wasaaradda Gargaarka. Dacwadda ka dhanka ah Agaasimaha ayaa waxaa horey usoo gudbyey Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka oo muddo badan dabagal ku hayey arrintaan sida ay noo xaqiijyeen saraakiil ka tirsan Xarunta dambi Baarista CID. Sababta ay Maxkamadda Gobolka Banaadir u xirtay Saraakiisha soo qabtay Agaasimaha kama dhigno inuusan Agaasimaha dambi laheyn balse arrinta loo xiray ayaa ah inay ninkaas soo qabteen iyagoo aan waraaq amar ah ka heysan Maxkamadda Gobolka. Sida aan xogta ku helnay lacagta la musuq maasuqa ayaa looga faa’ideystay waqtigii kala wareegga ahaa oo ay ku jirta Wasaaradda Gargarka maadaama ay is casishay Wasiir Maryan isla markaasna ay xoogaa qaadatay in booskaas loo magacaabo Wasiir kale. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaaliyeed ee reer Kenya Faarax Macallin Darwaar ayaa si aan caadi ahayn uga hadlay jaceylka ay dadka reer Eritrea u qabaan umadda Soomaaliyeed. Faarax Macallin oo caan ku ah naceybka Itoobiya iyo hadallada aan gambashada lahayn ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya. Macallin oo si gaar ah uga faalooda is beddelada ka dhaca siyaasadda gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan hoose. Eritrea, the only country in the world that has absolute unconditional love for Somalis because of shared history&struggle. Shop owners in three different shops in Asmara on realising I was ethnic Somali hugged me&sobbed out of love.They didn’t allow me to pay for my shoppings. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) July 30, 2018 “Eritrea waa dalka qura ee aduunka ku yaal ee jaceyl xad dhaaf ah oo shuruud la’aan ah u qaba Soomaalida oo ay sabab u tahay sooyaalka iyo halganka ay wadaagaan. Dukaanleyaal saddex kala duwan ah oo ku yaal Asmara ayaa dhawaan mar ay ii aqoonsadeen in aan ahay Soomaali hab isiiyey oo ugu soo xoomay jaceyl dartiis. Wey ii ogolaan waayeen in aan iska bixiyo lacagtii aan ku dukaameystay. Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo uu shalay soo gunaanay madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah oo uu saddex cisho ku joogay dalka Eritrea kaddib markii uu casumaad ka helay dhiggiisa Isias Afwerki. Waxaa xusud mudan in dhawaan uu isa wasiirka warfaafinta Eritrea oo sharraxayey sidii diiranneyd ee loogu soo dhaweeyey Asmara madaxweyne Maxammed Cabdullahi Farmaajo ka hadlay kalgaceylka ka dhexeeya labada ummadood ee Eriteriyaanka iyo Soomaalida. Halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay xalay ku yeesheen ku yeesheen xaruntooda New York waxay muddada ugu kordhiyeen ciidanka AMISOM, iyadoo la gaarsiiyay joogitaankooda Somalia illaa 31-ka May, 2019-ka, kaddib qoraal dheer oo ay soo saareen kulankooda ayay ku shaaciyeen arrintan. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo horay ay Dowladda Federaalka Somalia ugu dhawaaqday in la dhimayo iidamada AMISOM, kuwaasoo lagu wado in sannadkan dhammaadkiisa ay 1,000 oo askari oo ka mid ah ay Somalia ka baxaan. Sidoo kale, Dowladda Somalia ayaa sheegtay in qorshaheedu uu yahay inay la wareegaan ammaanka dalka oo dhan marka la gaaro sannadka 2020-ka oo lagu wado inay dhammaan ciidamada AMISOM isaga baxaan Somalia. Golaha Ammaanka ayaa dood waqti qaadatay kaddib waxay isla garteen in dib loo dhigo ka bixitaanka iyo dhimista Ciidamada AMISOM ee Somalia ka hawl-gala, kuwaasoo ka taageera Dowladda Somalia dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in dhimista ciidamadan la billaabo marka uu dhammaado xilliga cusub ee loogu kordhiyay hawl-galkooda, iyadoo dib loo dhigay inay Somalia ka baxaan sannadkan 1,000 oo ka tirsan AMISOM. Wakiilka Dowladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay, Karen Pierce oo isagu qaraarkan u gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ku filan si ay u diyaariso millateri awood u leh in ciidamada AMISOM ay kala wareegaan Amniga. Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia oo tiradoodu tahay 20,626 Askari ayaa waxay ku sugan yihiin qaybo badan oo dalka ah, iyagoo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay in ay xukunka ka tuurto Dowladda Somalia ee uu caalamku aqoonsan yahay. PUNTLAND POST The post Ciidanka AMISOM oo Mudada loo kordhiyay iyo Qorshahii lagu dhimi lahaa oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta sheegay in shakhsiyaad iyo masuuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland ay lunsadeen hanti iyo lacago kala duwan. Guddida oo warbixin dheer ka hor akhriyay golaha wakiillada ayaa sheegay in sannadkii 2017-kii shakhsiyaadka hantida iyo lacagaha lunsaday ay ka mid ahaayeen dad masuuliyiin ka ahaa xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo, iyagoo xusay wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan). Guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland Naasir Cali Shire ayaa sheegay in lacago badan oo ka baxay Khasnadda dawladdu ay ku baxeen meelo aan loo baahnayn isla markaana la lunsaday inta badan lacagahaasi. Wuxuu xusay in lacag dayn ah oo gaadhaysa 1.6 Milyan oo doollar ay qaateen shakhsiyaadkaasi ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland, iyadoo lacagaha qaar ay ku baxeen Telefoonno iyo shidaallo dheeraad ah oo la isticmaalay. 7.5 Milyan oo doollar ayaa ku baxay dhismayaal la sheegay in la dhisay sannadkii 2017-kii hase ahaatee guddiga waxuu sheegay in waxaa ay soo arkeen iyo dhaqaalaha baxay ay aad u kala fog yihiin. Goobaha uu guddiga soo arakay ee ay walaaca ka muujiyeen dhaqaalihii la sheegay in uu ku baxay ayaa waxaa kamid ahaa: Roogga cagaaran ee la dhigay garoonka kubadda cagta ee magaalada Laascaanood kaasi oo la sheegay in ay ku baxday lacag dhan 182-kun oo doollar. Dhismaha Jeelka wayn ee Burco oo ay ku baxayso 1.5 Milyan oo doollar, iyadoo weli uu socdo dhismaha jeelku. Dhismaha wasaaradda hawlaha guud ee magaalada Burco, waxaa ku baxday lacag dhan 175-kun oo doollar (Uma dhiganto lacagtaasi meesha aanu soo aragnay ayuu yidhi guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Naasir Cali Shire). Dhismaha dugsiga xirfadlayaasha magaalada Buuhoodle waxaa ku baxday 20-kun oo doollar, laakiin ma jiro dugsigaasi oo lama dhisin. Dhismaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal waxaa ku baxday 70-kun oo doollar. 88,800 oo doollar oo loogu talo galay roogga cagaaran ee garoonka kubadda cagta ee Burco oo aan weli la dhisin. Dhulka Lineka Booliska magaalada Hargeysa oo uu iibiyay wasiirkii hore wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Marreexaan ayaa waxaa laga iibiyay shirkadda Dahabshiil waxaana laga siiyay 920-kun oo doollar hase ahaatee waxaa la lunsaday 380-kun oo doollar oo kamid ah lacagtaasi. Waasaaradda xannaanada xoolaha oo iibsatay Shaybaadh (Lab) balse la waayay. 194-kun oo doollar ayaa la siiyay dhismaha garoonka kubadda Cagta ee Shulaac oo magaalada Hargeysa laga dhisayo. Ugu dambeyntii, Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland ayaa Xeer ilaaliyaha guud ugu baaqay in uu baaris iyo dabagal ku sameeyo hantidaasi ay sheegeen in la lunsaday. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garcad (Caasimadda Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug. Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo. Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug. Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..” Wuxuu intaas ku daray in iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre ku sugan yahay Puntland aanu haddana tegin Garacad oo xaflad lagu dhagax dhigayo dekad ay ka socotay maanta, wuxuuna si kulul u yiri: “Madaxda Soomaaliya waxaan u heysannay iney yihiin madax qaran, laakiin taa mid ka duwan ayeey na tuseen”. Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta gaaray magaalada Qardho ayaa ka baaqsaday dhagax dhigii la qorsheeyay ee dekadda degaanka Garacad oo reer Galmudug ay uga digeen iyagoo u arka in looga soo horjeedo dekadda ay doonayaan inay ka dhistaan Hobyo. Waxa uu sheegay inay arrintaas kala xisaabtami doonaan marka uu dib u laabto haddana ay ku ixtiraamayaan martida uu yahay. Hadalkaas marka laga sheegayey xafladda waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga xariga ka jaray Dekadda la doonayo in halkaas laga sameyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Dood dheer oo ay arintan ka yeesheen kaddib Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Golaha ayaa isku raacay in arintan ku saabsan dhimista ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kaddib qoraal dheer ay soo saaareen. Waxaa uu qorshuhu yahay in wixii ka danbeeya 31-da May 2019-ka dib loo bilaabi doono dhimista ciidamada AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka. Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan gaba gabada sanadka 2020-ka, kaddibna ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka. Laakiin waxaa wali muuqanaya in ay jiro baahi loo qabo in ciidamada AMISOM ku sii sugnaadaan gudaha dalka iyaga oo difaacaya dowladda xoogagga hubeysan gaar ahaan Al-shabaab. Dhanka kale Danjiraha UK u joogta QM, Ambassador Karen Peerce ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ku gaareen Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM iyo in dib loo dhigo in Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan gudaha Somalia. Ambassador Karen Peerce oo dalkeeda ku lug lahaa Qaraarka Golaha Ammanka waxay xustay inuu Go’aankaasi oggolaanayo in dib loo dhigo Xilliga Kala-guurka ee Hawlgalka AMISOM si waqti munaasab ah loo siiyo inta ay Ciiddanka Somalia ka awoodi karaan inay la wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia. Waxay intaasi ku dartay in Dib-u-dhigistaasi ay Ciiddanka AMISOM u oggolaanayso inay ugu diyaar garoobaan Xilliga saxda ah oo ay kaga bixi doonaan Somalia, waxayna rajo xooggaan ka muujisay inay AMISOM sii wadi doonaan Hawlgalka lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Garacad (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug. Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo. Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug. Sidaas awgeed Madxweynaha Puntland ayaa u baxay Garacad isagoo dhagax dhig u sameeyey Dekad halkaas laga sameyn rabo. Dhagax dhigga kadib ayaa waxaa Garacad lagu qabtay xafladay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee deegaanada Puntland. Qaar ka tirsan isimada Puntland oo xafladaas khudbad ka jeediyey ayaa hanjabaad u diray Ra’iulwasaare Kheyre iyagoo ku eedeeyey inuu uga baxay ballantii aheyd inuu kasoo qeybgalo xafladda furitaanka. Isimada ayaa ku dooday in ilaa saaka jidadka loo taagnaa Kheyre isla markaasna ay si lama filaan ah u maqleyn inuu ka baaqday. Waxay sheegeyn inay arrintaas kala xisaabtami doonaan marka uu dib u laabto haddana ay ku ixtiraamayaan martida uu yahay. Hadalkaas marka laga sheegayey xafladda waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo isaga xariga ka jaray Dekadda la doonayo in halkaas laga sameyo. Idaacadda BBC-da ayaa Kheyre xalay waydiisay inuu marti ku yahay Magaalada Garoowe iyo in kale wuxuuna ku jawaabay inuusan marti ku aheyn balse hadalka kasoo yeeray isimada ayaa bixinayo micno kale. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Maxamed Sheekh ayaa waxaa si rasmi ahaan loogu magacaabay La-taliyaha Sare ee Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Siyaasadda ee dalka Koonfurta Suudaan. Muwaadinkaasi waxa uu La-taliye dhinaca Samafalka Aadminimadda haatan ka ahaa Urur-gobaleedka IGAD, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, isagoo markii dambe u soo wareegay Dhismaha QM ee magaalladda New York. Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain, kana soo jeeda magaalladda Baraawe oo la hadlay Radio Dalsan ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu bishan July 2-dii Tartan u galay Xilka cusub ee La-taliyaha Xoghayaha Guud ee IGAD ee Arrimaha Siyaasadda dalka Koonfurta Suudaan, isla markaana uu Kaalinta Koowaad ka galay dadkii imtixaanka u galay Xilkaasi. “Markii uu Kolonel Gabre ka tagay IGAD, waxaa la soo bandhigay inuu Xilkaasi bannaan yahay, kadibna, waxaan Imtixaan la galay Tartamayaal ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD. Waxaa Wareysi la ila yeeshay bishii July 2-dii, Waxaana noqday qofkii ugu sarreeyey Tartamayaashii kale ee doonaysay Xilkaasi” ayuu yiri Nuur Maxamed Sheekh. Nuur Shekh ayaa ayaa ku guuleystay Xilka La-taliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda Koonfurta Suudaan ee Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Maalin kadib tartan furan Hawsha La-taliyaha waxay doorkiisa noqonaysa La-talinta Ergayga IGAD EE Koonfurta Suudaan ee horumarinta dhinaca Siyaasadda ee dalkaasi iyo guud ahaan Gobalka iyo inuu dhamaan qeybaha ay khuseyso Arrimaha Koonfurta kala shaqeeyo sidii loo hubin lahaa inay si hagaagsan u socdaan Geeddi-socodka taageeradda ka geysanaya hirgelinta Natiijadda soo baxa iyo Heshiiska socda ee dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, La-taliyaha Cusub ee IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Koonfurta Suudaan, Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain waxa uu ku dhashay magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose, waana Mas’uulkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo Xil Sare ka qabta Urur-gobaleedka IGAD oo la asaasay bishii Janaayo ee sannadkii 1986-kii. Ururkaasi waxaa xubno ka ah 8 Waddan oo ku yaalla Bariga Afrika, kuwaasi oo kala ah: Somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Koonfurta Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay isbadel Ballaaran ku sameysay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ka howlgalla qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ku yaalla Bariga iyo Waliba Galbeed Afrika. Waxa ay sheegtay dowladda Mareykanka in ay kordhisay Ciidamada dhulka ee ka joogga Afrika,islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan howlgallada ay waddaan Ciidamada dalalka Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamtay Ciidamadeeda ay siiyay qalab casri ah si aanay khasaare uga soo gaarin weerarrada iyaga ka dhanka ah. Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser ayaa War uu soo saaray waxaa uu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay bedalleen qaabka ay uga shaqeyn jireen qaaradda Afrika , Maadaama Ciidamada Mareykanka dhowr jeer ay waxyaalo kasoo gaartay Weeraro hubeysan. Taliyaha ayaa xusay in Kooxaha Hubeysan ee ay ka midka yihiin Al-Shabaab, Daacish iyo Bokoxaram ay adeegsanayaan Xeelado Khatar ku ah Ciidamada Mareykanka. Taliyaha ayaa ugu dambentii xusay in ay xoojin doonaan Weeraradda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyaan Liibiya iyo Soomaaliya , sidoo kalena ay sare u qaadi doonaan taageeradda Ciidamada Labada dal. Sanadkaan Gudihiisa Dowladda Mareykanka waxaa looga dilay Askari Weerar Al-Shabaab ay ka geysteen duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbadda Hoose. Sidoo kale Sanadkii hore Mareykanka hal Askari ayaa looga dilay Soomaaliya, kaasoo ay beegsadeen Al-Shabaab xilli howlgal qorsheysan ay ka fulinaayeen gobolka Shabeellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah oo ay leeyihiin maamul Goboleedyada dalka laga howlgeliyay magaalada Muqdisho iyagoo xalay ka bilaabay isgoysyada caasimadda inay amniga sugaan. Ciidamadan oo ah Boolis tababar socday muddo saddex bilood ah ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti ayaa markii ku soo laabteen magaalada Muqdisho waxaa la dejiyey xarunta Gaadiidka Booliska Muqdisho ee degmada C/casiis, waxayna bilaabeen howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda. Wararka ayaa sheegay in ciidamadan ka yimid dalka Jabuuti ay qaar ka mida deganadooda ku laabteen, laakiin intooda badan ay Muqdisho ka howlgelayaan xilligan, iyadoo arrintan lagu tilmaamay midlagu tijaabinayo. Amniga Muqdisho oo hadda lagu wareejiyay ciidamada Booliska ayaa u muuqda mid marna lagu tijaabinayo ciidamo gaara, iyadoo xukuumadda ay u caalweysan tahay sugidda caasimadda. Ciidankaan qaar kood ayaa la dhigay Isgooysyada muhiimka ah ee gobalka Banaadir halkaas oo ay ka bilaabi doonaan waajibaadkooda ku aadan sugidda Amaanka magaalada . Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii Xasilinta waxa ay ka daad guraysay magaalada Muqdisho iyada oo dib logu celiyay xeryahoodii halka maalmihii la soo dhaafayna magaalada lagu arkayay ciidamo aan badnayn oo sugaya amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The closure of the Kenya-Somalia border in Mandera at the height of insecurity five years ago could be costing the country at least Ksh2 billion ($20 million) annually, as smugglers have a field day sneaking substandard goods in and out the country. Source: Hiiraan Online
-
A group of deaf football players in Somalia's capital, Mogadishu, have set up their own league after being blocked from joining existing teams. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug. Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo. Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug. Diyaargarow soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhagax dhigga Dekeda Garacad ayaa la sheegay inay ka socotay degaanka Garacad, basle waxaa hadda tegi doona madaxweynaha Puntalnd iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Maamulka Puntland ayaa muddo soo waday qorshaha dhismaha dekadda Garacad oo loo heysto in looga soo horjeedo dekadda Hobyo ee Galmudug ololaha ugu jirto dhismaheeda, waxaana sida dekadda Hobyo dhowr jeer halkaasi la geeyay ganacsato ajnabi ah oo sheegay inay dib u dhisayaan. Sababaha baaqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Garacad ayaa lagu tilmaamay culeys siyaasadeed iyo saameyn ka dhalan karta haddii uu dhagax dhigo, maadaama uu horay ugu baaqday dhagax dhigga Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, halkaasoo bilo ka hor ay tageen wafdi ka socday Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda, kuwaasoo dhagax dhigay Dekeda Hobyo. Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu ka baaqdo safarka Garacad iyo dhagax dhigga Dekeda laga hirgelinayo halkaas. Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tagaya degmada Qardho, halkaasoo uu ku booqanayo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib ugu soo laaban doona magaalada Garowe oo la qorsheynayo in Khamiista uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmahan ba ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyayay BBC-da waxaa uu uga hadlay dib u dhiska ciidammada, xilliga ciidammada Amisom ay ka baxayaan dalka iyo xiriirka kala dhexeeya maamul goboleedyada. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu xafiiska la wareegay waxa uu ballan-qaaday in muddo 2 sano ah ay kaga adkaan doonaan Al Shabaab, balse waxaa weli socda weerarrada uu ururkaasi ka fuliyo gudaha caasimadda Muqdisho. BBC-da ayaa wareysigaan ku waydiisay Kheyre inuu marti ku yahay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Ra’isulwasaaraha oo ka xanaaqay Su’aasha la waydiiyey ayaa bixiyey jawaab ah inuusan marti ku aheyn Garoowe balse ay tahay Magaalo ka tirsan dalka Soomaliya. Kheyre ayaa dhawr jeer lagu celceliyey su’aal ah inuu xiriir aan fiicneyn dowladda kala dhaxeeyo Maamul Goboleedyada, waxaana muuqatay inuu su’aashaas dhawr jeer ka leex leexday. Haddaba hallkaan hoose ka daawo Wareysiga uu Kheyre bixiyey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/38056441_334698500423056_1844981301682110464_n.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ay booqasho ku tagaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta. Madaxweynayayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa caasuumad ka helay dhigooda dalka Eriterea Afwerki oo kaalin weyn ka qaadanaaya isbedelka Gobolka. Booqashada magaalada Asmara ayaa waxaa ku hormari doona Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta. Madaxweynaha Jabuuti iyo dhigiisa Eritrea Afwerki ayaa kawada hadli doona arrimaha Gobolka iyo sida xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhexeeya labada dal oo meel xun gaarsiisan. Madaxweyne Afwerki oo heysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Jabuuti ayaa doonaya inuu dib ugu celsho dalka Jabuuti waxa uuna socdaalka Madaxweyne Ismaaciil Geele yahay mid ku qotoma arrimahaasi. Madaxweynaha dalka Kenya ayaa isna arrimo gaara kala hadli doona dhigiisa Eriterea Afwerki waxaana socda dadaal lagu xoojinaayo xiriirka Eriterea iyo Kenya. Dalka Eriterea waxaa dhawaan booqasho ku tagay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed Ali oo heshiis taariikhi ah la soo galay madaxda dalkaasi Afwerki. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay soo gaba gabeeyay booqasho uu ku joogay dalkaasi ayaa Afwerki lasoo galay heshiis ka kooban afar qodob kaa oo meesha ka saaray khilaafka labada dal. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea oo xiligan miisaan ku dhex leh Qaarada Africa ayaa ku dadaaleysa sidii ay xiriirka diblomaasiyadeed ula sameyn laheed dalalka deriska ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa ku Wajahan Goordhow Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose. Qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoos ee Maamulka Koonfur Galbeed. Amaanka Degmada Afgooye ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi tagay ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya oo sugaya Amaanka Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo gaaraya Magaalada Afgooye si uu kulamo u la qaato Madaxweyne Farmaajo. Degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaana Al-Shabaab ay mararka qaar ay la wareegaan Qeeyb kamid ah gacan ku heeynta Degmada Afgooye oo 30-KMG u jirta Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Gobolka Sh/Hoose. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), ayaa sheegay in isbedelka lagu sameeyay Hay’adaha amniga dowlada Somalia ay waxbadan ka bedeli doonto amniga dalka. Waxa uu Wasiir Ducaale, sheegay inay muhiim tahay in dib u sixid lagu sameeyo hanaanka shaqo ee Hay’adaha waxa uuna carab ***** in ciidamada Xasilnta si toosa loo hoos geeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ku khasban tahay inay hagaajiso hanaan waliba oo la xiriira dhanka amniga waxa uuna aad usoo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan isbedelka. “Ciidamada NISA qeybta xasilinta waxa ay si toosa uga amarqaadan doonaan taliska Booliska si amniga Muqdisho lagula xisaabtamo Booliska” “Nabadsugida dharcada ayaa ku filan wixii macluumaad ah ee ku saabsan Gobolka shaqada sidaa ayay ku socon doontaa waa inaanu la imaanaa isbedel dhab ah” Waxa uu carab ***** in Nabad Suggida lagu soo koobay kaliya qaybta Sirdoonka ee dharcadka ah kuwaasi oo la kordhin doono cadadkooda. Sidoo kale, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in isbedel waliba oo dhaca uusan yeelan Karin saameyn waa haddii aan la helin wada shaqeynta Hay’adaha amaanka iyo shacabka. Ducaale ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan amniga magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid muhiim ah. Arrintaani ayaa imaaneysa kadib markii Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Saadaq Cumar Xasan laga dhigay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir ciidankii Nabad Suggidana, halka Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin laga dhigay Taliyaha qaybta taraafikada Gobolka Banaadir. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta lagu wadaa in uu safar cirka ah ku tego degaanka Garacad ee xeebta gobolka Mudug,halkaasoo ay ka socoto diyaarinta munaasabad la sheegay in deked cusub looga dhagax-dhigayo degaankaasi. Socdaalka madaxweyne Gaas ee Garacad ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in uu dhagax-dhigayo dekedda cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo,taasoo horay loo qorsheeyay in ra’iisul wasaare Kheyre dhagax-dhigo,haye yeeshee uu ka baaqsaday. Wararka waxay intaas ku darayaan,in sababta ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre uga baaqsaday dhagax-dhiga dekedda Garacad ay la xiriirto,cadaadis ka dhashay cabasho ka timid maamulka Galmudug oo sheegay in deked kale oo gobolka Mudug laga dhagax-dhigaa ay caqabad ku noqonayso dhismaha dekedda Hobyo oo uu horay u dhagax-dhigay madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Gaas iyo wefdiga ku wehelinaya safarka Garacad ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan,halkaas oo ay goor dhow ka duulayan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo saaka u safraya degaanka Garacad appeared first on Puntland Post.