-
Content Count
206,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo. Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda. Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya waxayna kala yihiin xarumahaas: Khadiijo Haji, Ceel Baande, Dhamase, iyo Dhuuntoow. Sidoo kole waxay sheegeen in xarunta Shirkadda ku lahayd deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah. Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso. Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas. Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi. Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/cod-hormuuud-1-1.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu todobaadkan safar ka yahay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in todobaadkani uu booqasho laba cisho ah ku tagi doono magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,isagoona todobaadka soo socda gaari doono Khartuum. Safarka Madaxweynaha uu ku tagi doono magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan ayaa waxaa laga soo xigtay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa goorta uu gaaro magaalada Khartoum la kulmi doona dhigiisa sudan oo ay kawada hadli doonaan isbedelada ka socda Gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa u kala dabqaadi doona madaxweynayaasha Sudan iyo Eriterea oo mudooyinkaan uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed sababay in labada dal ay kala xirtaan xuduudaha. Dhinaca kale, socdaalka Farmaajo uu ku tagi doono dalka Sudan ayaa kusoo beegmi doona xili uu kasoo laabtay booqasho Seddex cisho ah oo uu ku gaaray magaalada Asmara ee dalka Eriterea. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan, sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalliya C/Qaadir Macalin Nuur. Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sudan Cumar Hassan Axmad al-Bashiir. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in safarka Suudaan ay ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Suudan October Sanadii 2017. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan dib usoo cusbooneysiiyay Safaradiisii tirada badnaa ee uu ku tagayay Wadamada Caalamka isagoo Isniintii kasoo laabtay Dalka Eritrea oo uu saddex maalmood ku sugnaa, wuxuu kaloo 19-kii Bishan dib uga soo laabtay Magaalada Brussels ee dalka Biljim halkaas oo uu uga soo qeybgalay shirkii arrimaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka jamhuuriyadda Soomaaliyaoo ay u tartami karaan shirkadaha daabacaacadda ee guud ahaan dalka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u ku saxiixanyahay,wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa lagu shaaciyay qandaraaskan cusub naqshadeynta calanka Soomaaliya. Naqshadeynta calanka ayaa looga jeedaa sidii midabkiisa buluugga asalka ah loogu celin lahaa,calanka Soomaaliya oo mudadii burburka dalka ay daabaceen shirkado kala duwan,kuwaasoo qaatay midabka buluugga ah,balse ku kala duwan khadda la isticmaalay oo qaar khafiifyahay,qaarna madow-xigeenyahay,halka qaar kalena buluug saa’id ah yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in uusan khad kala duwan yeelan midabka buluugga ah ee lagu yaqaanno calanka dalka,islamarkaana lagu celiyo midabkiisa asalka ah oo lumay wixii ka dambeeyay burburkii dalka,sida ku xusan qoraalka lagu shaaciyay qandaraaska naqshadeynta calanka. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka dalka appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Ware oo la hadlaayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn la’ yahay Al-Shabaab. Hoggaamiye Waare ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqa u diidan yihiin maamulka iyo ciidamada yar ee ka hoos shaqeeya. Waxa uu Waare sheegay in deeganada ay maamulaan ay ka jirto dhibaato ka dhalatay Wadooyinka xiran iyo weerarada Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dhaqdhaqaaq ciidan daruufo jira aawgood. Waare, waxa uu sheegay in culaysyada jiraa aanay ku koobnayn Hirshabeelle balse ay ka wada jiraan wadanka, waxa uuna carab ***** inuu aaminsan yahay in dhibka ugu badan uu yahay mid heysta maamulkiisa. “Waxaanu ku dhex jirnaa dhibaato kala ceyn ah tan ugu daran waxa ay naga heysataa dhanka Al-Shabaab oo xitaa dhaqdhaqaaqa noo diiday” Waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin jidadka mudada dheer u go,doonsan Al-Shabaab iyo weerada dhaba galka ah ee lagu dilo Mas’uuliyiinta maamulkaas Sarakiisha iyo Askarta. Docda kale, Waare ayaa cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howl geli doonaan si wax looga bedelo Amanka deeganada maamulka Hirshabelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Horumar Summer School offers programming designed for immigrant and low-income families Source: Hiiraan Online
-
The family of a 15-year-old girl who was gang raped by three men in Wajir early this year will have to wait longer for justice after the case was adjourned to August 10. Source: Hiiraan Online
-
Financial troubles, staffing shortages and high demand threaten to halt the only free private ambulance service in Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn Puntland looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa olole ee ay wadaan murashixiin tiro badan oo doonaya in ay u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaas. Waxaa loolanka ku jira rag miisaan culus ku leh siyaasadda deegaanada Puntland iyo waliba guud ahaan dalka sida Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Juxa, Cali Xaaji Warsame iyo kuwo kale. Waloow aysan si rasmi ah u shaacin, waxaa Iyana la filayaa in ay loolamaan madaxweynaha haatan talada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Musharixiinta waxaa sidoo kale ka mid ah General Maxamd Siciid Xirsi Moorgan. Hadaba waa maxay Guuxa ugu weyn ee ka jira Puntland? Garowe oo ah caasimadda maamulka Puntland waxaa hadda ku sugan oo walina ku soo qul qulaya murashixiinta tartamaya waxaana ka socda is xulufeysi. Sida ay Caasimadda Online xogo hoose ku heshay, siyaasiyiinta waa weyn ee Puntland waxaa sanadkan ka go’an laba arrimood. KOW – Hadal haynta ugu weyn ee ka dhex jirta siyaasiyiinta waa in uusan soo laaban Cabdiwali Cali Gaas oo uu hadda xilka ka sii dhammaanayo Midda Labaad: In sanadkan madaxtinimada la dhaadfiyo beesha Maxamuud Saleebaan oo intii ay Puntland jirtay soo haysay talada. Kaliya, waxaa si KMG ah madaxweyne aan ahayn beesha Maxamuud Saleebaan u soo qabtay Maxamed Cabdi Xaashi oo ku xigeen u ahaa AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cabdi Xaashi waxa uu ahaa Sool clan waxa uuna xilka hayey wax ka yar shan bilood!! Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Prof. Gaandi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaladaadka istaraatiijiga ah oo ay gashay dowladda federaalka Soomaaliya, mar uu wareysi siiyey Universal TV. Prof. Gaandi ayaa qaladaadka dowladda u kala qaaday mid Istaraatiiji ah iyo mid siyaasadda ah, waxaana warbixintaan kusoo qaadaneynaa Qaladaadka Istaraatiijiga oo uu Prof-ka ka hadlay. 1) Amni Prof. Gaandi ayaa sheegay inuu amniga ahaa muhiimada koowaad ee laga sugayey dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in laga sugayey dowladda inay gacanta ku dhigto amniga, wuxuuna xusay inay arrintaas dowladda ku fashilmatay oo aysan waxba ka qaban. 2) Dib u heshiisiinta Prof. Gaandi ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed soo mareyn dhibaato iyo dagaalo badan loona baahan yahay in la heshiisiiyo lana iloobo wixii soo dhacay. Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan xoogga saarin dib u heshiisiinta. 3) Dhameystirka Dastuurka: Prof. Gaandi ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya ku fashilan tahay inay Dastuurka ka saarto kumeel gaarnimda isla markaasna la gaarsiiyo dalka qof iyo cod, wuxuuna sheegay inaan weli jidkaas la qaadin . 4) Maqaamka Muqdisho Prof. Gaandi ayaa qodobka afaraad ee Istaraatiijiga ah oo ay ku fashilmatay dowladda ku sheegay inay tahay maqaamka Muqdisho. Wuxuu tilmaamay laga soo bilaabo dowladdii Carto in cid kasta ay ka leexaneysay lagana gaabinayey in maqaamkaas la caddeeyo. Gaandi ayaa aaminsan inay dowladda Soomaaliya ee hadda jirto qaaday wadadii dowladahii hore. 5) Adeegga Garsoorka Gaandi ayaa qabo inay dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay wax ka qabato adeegga Garsoorka oo uu u arko inay tahay qodobada ugu muhiimsan markii nabad la helo kadib. 6) Tiro Koob Ugu dambeyn Gaandi ayaa qodobka ugu dambeeyo ku sheegay inuu yahay tiro koob laga sameeyo dalka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qabaa inay arrintaas dowladda ku fashilmatay waqtigana uu ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wefdi ka socdey urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana ay kulan la qaateen madaxda labada maamul, wada hadalka ayaa la xiriirey in ay labada dhinac oggolaadaan qorshe IGAD iyo UNSOM ay soo dejisey oo xaaladda lagu dejinaayo. Sida aan ogaanay waxaa qorshahan si weyn u soo abaabuley dowladda Ingriiska, waxaana uu dhigayaa sidii dagaal danbe aanu u dhici lahayn, qorshahan ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dowladda Ingriiska. War saxaafadeed ka soobaxay UNSOM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay la kulmeen, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey, Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Sool, sidoo kale waxay Hargeysa kula kulmeen, Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalland Dr. Sacad Cali Shire, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, hoggaamiyaasha UCID iyo Waddani. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinacba waxay soo dhaweeyeen in nabad lagu dhameeyo xaladda, waxaana ay soo dhaweeyeen qorshaha IGAD-UNSOM, warka ka soo baxay ergada qorshaha nabadda wada ayaa sheegay in todobaadyada soo socda wadahadalku sii socon doono. Wararka ayaa sheegaya in qorshahan cusub ee xaaladda lagu dejinayaao uu dhigaayo in isu socodka labada maamul, ganacsiga iyo is-dhexgalka sidii hore uu ahaa loo soo celiyo, in dadka uu saameynta ku yeelatey colaadu loo oggolaado in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo, in ciidamada la kala qaado oo Somaliland ay dib ugu laabato xeryahoodi hore, gobolka Soolna laga dhigo mid ka caagan ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay aad usoo dhaweysato Somalia oo uu sheegay inay wadaagan dhaqan isa shabaha. Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu xaqiijiyay in marka la eego wadamada kale ee afrikaanka ah ay aad uga soo dhaweystan Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dhib badan isla markaana lala noolaankaro. Abiy Axmed oo ka qeybgalaayay kulan ay Madaxtooyada Addis Ababa ku yeelanayeen qaar kamid ah Xildhibaanada dalkaasi oo ay ku jireen kuwo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somalia oo xiligaan u bisil nabadda iyo midnimada. Waxa uu sheegay in Ethiopia aysan ka raali noqon doonin in la kala jaro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan sida ay Somalia dib ugu midoobi laheyd. “Ethiopia baalmadow kama gali doonto Somalia waxaanu horay u ballanqaadnay ka shaqeynta horumarka Somalia, haddana waxaan xaqiijinayaa in Somalia iyo Ethiopia ay isugu imaan doonaan wadada wanaaga”. “Waayo Soomaalida waan kasoo dhaweysanaa wadamada kale waxaana u sabab ah inaanu wadaagno dhaqan, midab iyo diin” Sidoo kale, Abiy Axmed waxa uu kulankaasi ka cadeeyay in mudada uu hayo xilka ay xooga saari doonaan ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo midnimada Somalia. Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqda mid lagu dhiirigalinaayo dowlada Somalia oo iminka ku dadaaleysa dib u hagaajinta arrimaha horumarka dalka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha West Burco Clan ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah. Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha doorashada iyo qabaalika ee Somaliland. Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.” Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa” Dhinaca kalana, boqorka oo Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan. Michael Walls arimaha dhaqankeena meel buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.” Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha West Burco Clan shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee West Burco Clan oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta West Burco Clan meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.” Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha West Burco Clan ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta West Burco Clan ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu West Burco Clan ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonnaa warbixin Kooban oo aan ka qornay Guddoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka Soomaaliya laga soo billaabo 1960-2018. Waa muhiim in la haayo xogta Garsoorka annagoo u kuur galeyna inaan helno war bixin wax ku ool ah oo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan bahda garsoorka. Waxaan si hor dhac ah idiinla wadaagi doonnaa warbixin kooban oo aan ka helnay Xafiiska warfaafinta ee Garsoorka Gobolka Banaadir. Gudoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka (Hogaanka Garsoorka). Alto Boronaajo (Talyaani 1960) raxman Sh.Cali Siciid (1968) Maxamud Sh.Axmed (1969) Axmed Shire (1974) Xasan C.laahi Faarax (1976) Maxamed Axmed Xuseen (1985) Axmed Xasan C.le Xasan (1988-1991) Adan Gaab (2000) Sh.Maxamuud Sulaymaan (2002) Yuusuf Haaruun (2004) Maxamuud Cumar (indhabuur 2007-2011) Caydiid Ilka xanaf (2011-2016) Garyaqaan Ibraahim iidle Suleyman (2016-2018) Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed (2018). Xafiiska Warfaafinta Garsoorka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ka dalbaday in la hakiyo musuq uu sheegay in lagu hayo hantida Qaranka. Raila Amolo Odinga, waxa uu Kenyatta u xaqiijiyay in boob lagu hayo hantida Qaranka, gaar ahaan kuwo ku jira Bankiga. Odinga, waxa uu Kenyatta qudhiisa ku eedeeyay inuu lunsado dhaqaale xad-dhaaf ah, balse ugu baaqay inuu qirto musuqa uu ka galaayo Qaranka. “Hantida Qaranka waxa ay u dhexeysaa Kenyatta iyo madaxda ka hooseysa waxaa nagu adag inaanu indhaha ka qabsano waxa dhacaaya”. “Waa inaan banaanka keena musuqa lagu hayo hantideena si meesha looga saaro tuhunada iyo boobka lagu hayo hantida”. Sidoo kale, Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijiyay in boobka socda ay u hayaan cadeymo sidaa aawgeed la doonaayo in la xaqiijiyo boobka tagan. Haddalka Raila Amolo Odinga, ayaa imaanaya xili uu dib usoo noqonaayo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Uhurro Kenyatta. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Eritrea, which signed on Monday a deal with Somalia to establish diplomatic ties, has long been accused of supporting Islamic militants who are seeking to topple the interim government in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Moyale was once again the epicentre of carnage as a week’s worth of it left around 50 people dead earlier this month. The town and its environs, hotly contested between the Borana Oromo and Garri Somali peoples who inhabit the area, often sees disputes lead to communal clashes. However, the severity of what has transpired goes beyond the templated shootout among pastoralists. Civilian areas have been targeted, women and children have died, infrastructure has been damaged. The federal government has been slammed for what is deemed to be its lackadaisical approach to the conflict. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland, oo Juxa uu kasoo jeedo. Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isaga oo kaga jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland. Kheyre ayaa maanta ka baaqday munaasabaddii dhagax dhigga dekaddaas, ayada oo sida la sheegay uu cadaadis uga yimid siyaasiyiinta Galmudug oo dekaddaas u arkay inay halis ku tahay dekedda Hobyo, oo dhismaheeda uu socfo. Juxa ayaa qoraalkii uu soo dhigay Facebook, oo uu cinwaan uga dhigay “Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. ku yiri “Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?” Kheyre iyo Juxa ayaa horey ay xiisad uga dhaxeysay, ayada oo Juxa xilka wasiirka arrimaha gudaha ku waayey, markii ay is-qabteen Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda, oo sida la sheegay la wareegay shaqadiisa, isaga oo tagaeero ka helaya Kheyra, inkasta oo markii dambe loo beddelay xafiiska Kheyre. Yaxye iyo Kheyre ayaa isku beel ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Popular Contributors