Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khyre booqday deegaanada Puntland oo uu hadda ku kala bixinayo magaalooyin kale duwan waxa ay noqotay mid muran siyaasadeed abuurtay. Xasan Cali Kheyre oo booqday Puntland markii ugu horreeysay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, ayaa ku bilowday jawi qurux badan isaga oo loo sameeyey soo dhaweyn heer sare ah. Yeelkeede, booqashadiisa waxaa bar badow u yeelay siyaasiyiinta Maamulka Puntland oo cambaareyn kala dul dhacay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhalleeceyntan ayaa ka soo bilaabatay hadal u Garacd ka jeediyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isaga oo tilmaamay in aysan fileyn sida uu u dhaqmay Xassan Cali Kheyre! Maxaa sabab u ah? Maalinimaddii salaasada waxaa degmada Garacd laga dhagax dhigay Deked cusub oo halkaas laga dhisayo waxaana ka qeyb qaatay Madaxweynaha Puntland, isimada iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame. Hase ahaatee, waxaa ka baaqday Kheyre oo ay maamulka Puntland filayeen in uu ka qeyb-qaato dhagax dhigga Dekedda Garacad, sababo aan la shaacin awgeed balse loo badinayo in aysan ku jirin qorshihii uu u aaday deegaanadaas. Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukumadda Xassan Cali Kheyre ayaa noqday shaqsigii labaad ee dhaliila Kheyre isaga oo bartiisa Facebook-ka ku soo weeraray. Waxaa lama filaan noqotay in ay isku wada raaceen Siyaasiyiinta Puntland eedeenta loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha markiisii kowaad booqashada ku jooga deegaankooda. War Saxaafadeed ay soo saareen golaha Puntland Focus Group ee ay ku bohoobeen siyaasiyiinta u tartameysa xilka madaxweyne ee Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyey ka baaqashadii Raisul Wasaaraha ee dhagax dhigga Dekedda Garacad. Saameynta ay arintaas ku yeelaneyso booqashada Kheyre ee Puntland? Eedemahaas sidaas u culus ee ay isku raaceen siyaasiyiinta Puntland iyo isimadooda waxa ay qalbi jab ku abuurtay Kheyre oo aan fileyn in sidaas ku dambeeyo boqashadiisii hilowga lahayd ee uu ugu ambabaxay Puntand. Waa eedeemo ay suurtagal tahay in ay bilowdo khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha Puntland oo hore caan ugu ahaa hagardaaminta dowladnimada Soomaaliya haddii ay tiisa meelmari weydo in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Dhacdooyinkan ayaa su’aal ka keenaya hab-dhaqanka Siyaasiyiinta Puntland maadama markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo booqday deeganaas si meeqaam sare ah loogu qaabilay oo aysan ka dhalan wax carqalad ah kuna soo dhammaatay guul, farxad iyo reyn reyn! Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo boolis ah, oo ka socda maamul-gobaleedyada dalka ka jira ayaa shalay lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo laga qaaday ciidamadii dowladda Soomaaliya ee horay ugu sugnaa Isgoysyada muhiimka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka howl gelayeen ciidankaan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay ku jiraan saraakiil amni ayaa xaqiijiyay in ciidankaan oo muda 3-bil ah tababar uu uga socday dalka Jabuuti soona dhamaystay haatan in lagu soo celiyay magalada Muqdisho si ay uga howl bilaabaan. Tallaabada amniga Muqdisho loogu wareejiyo ciidamo ka yimid gobollo kale ayaa ah bahdilkii ugu dambeeyey ee dowladda ay ku sameyneyso shacabka Muqdisho, ee horey loo duudsiiyey xuquuq kasta oo ay lahaayeen. Waa cayaar lagu sameynayo garaadka reer Muqdisho in loo sheego in amni ay sugi kari waayeen dadkii magaalada ku dhashay ay sugayaa ciidamo xitaa aan aqoon sida la isaga gudbo laba isgoys oo is xiga oo magaalada ka mid ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yariisow oo kasoo jeeda gobolka ayaa ah nin magac ahaan un u magacaaban, oo aan wax talo iyo awood ah ku lahayn gobolka, kana hadli karin bahdilkan. Keenista ciidamo aan magaalada u dhalan waxay sidoo kale tahay tallaabo ay dowladda kusii xaqiijineyso qorshihii ahaa in magaalada ay tahay magaalo aysan dad gaar ah deegaan u lahayn oo ay tahay magaalo Soomaalida oo dhan maamulkeeda uu ka wada dhaxeeyo. Waxay sidoo kale tani fursad cusub siineysaa Al-Shabaab, oo ay u fududaan doonto inay weeraro ka badan kuwii hore ka gaystaan magaalada, maaaama ciidan aan aqoon u lahayn ay amnigeeda sugayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ Dowlada Jabuuti ayaa ku tilmaantay wax aad looga naxo in madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado dalka Eritrea cunna-qabataynta hubka ee saaran, iyadoo weli uu jiro khilaafka xadka ee u dhexeeya Dowladaha Ertirea iyo Jabuuti. War-saxaafadeed kasoo Saxay safaarada Jabuuti ee Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in Somalia ay xaq u leedahay inay xiriir siyaasadeed iyo mid kaleba ay la yeelato dalkii ay doonto, balse ay tahay wax aan la aqbali karin in xilligan in caalamka laga dalbado in cunno-qabteynta hubka laga qaado dalka Eritea oo haysta dhul ballaaran oo ay leedahay Jabuuti. “Waxaa suuro-gal ahayn in Madaxweynaha Somalia uu War murtiyeedkiisa kusoo hadal-qaado arrimaha khilaafka xadka ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea, isla markaana ku baaqo in labada dal ay khilaafkooda wadahadallo ku xalliyaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho. Sidoo kale, Safaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in inay wanaagsanaan lahayd in Madaxweyne Farmaajo uu codsigiisa ku daor inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal. Xukuumadda Jabuuti ayaa ku celisay inay aad uga xun tahay in iyadoo ay ciidankeedu naftooda ku weynayaan daafacida Dowladda Soomaaliya laga toogto dhabarka, iyadoo u hiilinaysa Eritrea oo dhibaato ku ah Geeska Afrika oo dhan. Dhanka kale, Jabuuti waxaa uga dhigay dagaalladii ay la gashay Waddanka Eritera ciidammo fara badan, iyadoo weli uu jiro murankii dhuleed ee u dexeeyay, iyadoo aan la ogeyn jawaabta ay dowladda Somalia ka bixin doonto hadalka kasoo baxay Jabuuti. Ugu dambeyn, Jabuuti waxaa kaga sugan Somalia ciidammo fara badan oo ka tirsan halwgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka hawl-gala deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post JABUUTI: Waan ka xunnahay in Farmaajo uu si Indho la’aan ah u taageero Dowladda Eritrea appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay safaaradda Djibouti ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay sida ay Soomaaliya u codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea iyo taageerada indho la’aanta ah ee Muqdisho ay siiyay Asmara, waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in sidaasi uu Farmaajo sameeyay xilli wiilashooda iyo gabdhahooda ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya Qoraalka waxaa uu u qornaa sida: Djibouti ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay codsigii madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabateyntii loo saarey 2009kii kaalinteeda qaska ay ka waddo dalalka dariska ah gaar ahaan taageeradeeda Al-shabaab iyo kooxo argigixiso ah oo Djibouti qas ka wada. Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay. Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed. Djibouti waxaa dagaalka uga dhintay rag iyo haween geesiyaal ahaa, welina murankii waa jiraa, sidaasi darteed waxaa sidhab ah u qaadatay taageerada indho la’aanta ah ee walaalaheen Soomaaliya ay siiyeen Eritrea iyaga oo u dooday in Eritrea xor looga dhigo dhibka ay ku heysto gobolka. Kama ogolaaneyno wada hadalkaas khatarta ah xilli wiilasheenna iyo gabdhaheenna ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida.
  5. Tehran (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada ugu awoodda badan milatariga Iran ayaa diiday yabooha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu wada hadal toos ah la yeesho hogaamiyayaasha Iran, isaga oo sheegay in Tehran aysan weligeed wada hadal la yeelan doonin waxa uu ugu yeeray “Sheydaanka Weyn” Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Ali Jafari ayaa hadalkan ku sheegay warqad furan oo lagu daabacay wakaaladda wararka Iran ee Fars. Jafari ayaa sheegay in iimaanka islaamiga ee dhabta ah ee Iran uu ka dhigayo dalkaas mid ka duwan dalalka kale ee adeecayaasha Mareeykanka ah. Jafari ayaa sidoo kale Trump ugu yeeray inuu yahay “madaxweyne aan xirfad lahayn”, kaasi oo rajadiisa ah inuu kulan la yeeshay madaxda Iran la gali doona qabriga. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran. Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani. “Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo” Trump ayaa xusay inuu kulamadii fool-ka-foolka ahaa ee uu dhowaan la yeeshay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tusaale u yihiin diblomaasiyad toos ah oo lala yeesho dalal loo arko inay cadow ku yihiin danaha Mareykanka. “Sidaa darteed waan la kulmayaa Iran, haddii ay doonayaan inaan kulano. Ma aqaan haddii ay diyaar u yihiin. Waxaan filaa in hadda xaalka ku adag yahay, balse watqi kasta oo ay diyaar yihiin waan la kulmayaa” Madaxweyne Trump ayaa dhowaan ka baxay heshiiskii lixda dal ee Mareykanka uu ka midka ahaa ee sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay heshiis hal dhinac ah oo aan dan ugu jirin Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland. Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland. Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo. War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in uu diido horumarinta Puntland. “Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka. Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland” Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran Arbaca, August 1, 2018. 1 – Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen. 2 – Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer. 3 – Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya. 4 – Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland. 5 – Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad. 6 – Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi. Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin: Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale) Cali Xaaji Warsame Faarax Cali Shire Jamiila Saciid Muuse Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Khalif Ciise Mudan Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) Saciid Cabdullahi Deni Dr. Maxamed Salaad Qoryooley
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn bulshadu u hadal haysaa hadalkii xalay uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa ee uu ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Juxa oo hadda ah murasharax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa ku dhalliilay Xassan Cali Kheyre ka baaqashadiisii degmada Garacad oo lagu dhagax dhigayey dekedda halkaas laga dhisayo. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kana tirsanaa xukumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa ciwaan uga dhigay hadalkiisa weedhan: Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. Waxaana uu ula jeeday in Kheyre diiday dhagax dhigga dekedda Garacad! Hase ahaatee, shacabka baraha bulshada adeegsada ayaa si carro leh uga falceliyey qoraalkii Juxa iyaga oo ku tilmaamay hadal aan laga fileyn wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha. Dadka sida weyn u cambaareeyey hadalka Juxa sida ka muuqata qoraalada waxa ay u badnaayeen reer Puntland oo su’aal ka keenay ahmiyadda ay leedahay in xilligan deked laga dhiso degmada Garacad! FALCELINADDII QORAALKA JUXA!
  8. Mid kamid ah dabaaldegyadii Puntland Mahada kowaad waxaa iska leh Allihii suura geliyey in nidaam maamul laga yagleelo gobaladii la isku oran jirey waqooyi Bari xili Soomaaliya inteeda kale la daalaa dhacaysay babur iyo Dawlad la’aan baahday, sidoo kalena ay gobaladani kala mid ahaayeen burburka iyo maamul xumada guud ahaan qaybaha kale ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale sharaf iyo amaan mudan isimada, waxgaradka iyo shacabka reer Puntland oo dhidibada u taagay maamul goboleed, kaasoo ay uga gol lahaayeen in ay dadkooda ka badbaadiyaan fow- dada iyo maamul la‘aanta ka dhashay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya bilwogii sagaashan-naadkii. Baahida loo qabay in la helo adeeg bulsho, garsoor, amniga , dhaqaale kobcin iyo in loo gudbo hirgalinta nidaamka axsaabta badan ayaa ahaa kuwo laga dheehan karay axdi qarameedkii la qoray asaaskii maamulka Puntland. Hadaba qaangaarnimada dawladnimo oo tusaale ay u tahay sida hufan oo ay ula kala wareegeen shanta madaxweyne iyo u dabaal-dagida sanadguuradii labaatanaad oo aan maanta u dabaal degayno, ma la oran karaa Puntland waxay gaartay halkii ay istaahishay? maxaase sabab u ah in laga miro dhalin waayo wacadkii ay mareen madaxdii soo hogaamisay Puntland? Maadaamaa horukaca ummadeed lagu cabbiro sida mamulkeedu u hufanyahay uguna adeego bulshadiisa. Dawlada Puntland oo dadku ay ka dhur-sugayeen mudo dheer ayaa in badan oo waxgarad ahi la amakaagsan yihiin isku milnaanta golayaasha dawliga ah, kuwaasoo dhumiyay qaab dhismeedkii sharciyeed ee loo dhisay ee ahaa in midba midka kale la xisaabtamo. Gudosho la’aanta waajibaadkii loo ig-maday iyo luminta hanaanka dawladnimo ayaa meesha ka saartay dhawrista xuquuqda bulsho iyo midii sharciyeed. 20-Sano kadib Hadaba sida ku cad heshiiskii iyo axdigii la saxiixay asaaskii Puntland oo ujeedadiisu ahayd ka xoroobida wax kasta oo hor istaagi kara sharaf ku noolaanshaha bulshada isku isirka ah iyo dhamaystirka dawladnimo taam ah ayaa noqday ”fari kama qodna faanoole” wax kaqabad la’aanta arimaha asaasiga u ah jiritaanka ummada ayaa loo sababayn karaa hufnaan la’aan iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira hay’adaha dawliga ah. Puntland malaha maxkamad dastuuri ah oo tayaysan sidaa darteed waxaa caado noqotay in dawladii timaadaba ay udhaqanto ”la jiifiyaana banaan” iyadoo markaa meel marsanaysa hadba qaabka ay rabto inay ula tacaasho wixii caqabado ka hor yimaada. Si loo gaaro xal waara iyo midnimado Puntland waxaa laga maarmaan ah in la dhagaysto tabashada shacabka sidoo kalena la helo xeerbeegto ka jid bixisa tubta loo dhaqaaqayo. Waxaa la oran karaa Puntland waxay samaysay horumar marka la eego xaaladaha ay ku jireen qaybaha kale ee Soomaaliya hase ahaatee lama oran karo waa la gaaray horumarkii laga rabay Puntland marka la eego wakhtiga ay jirtay oo ah 20-sano. 20-sano kadib waxaa Puntland lagu haystaa meel caasimada Garowe u jirta 70-Kiilo miter ,halka maalinkii la asaasay ay joogtey meel 70-kiilo mitir u jirta magaalada Burco, 20-sano kadib Puntland waxay dib u hubaysay meeleeshiyaad beeleedyo si ay ula dagaalamaan maamulka Somaliland oo kusoo duulay ama qabsaday qayb balaaran oo kamida Puntland waxayna taasi muujinaysaa inay Puntland ku guul-daraysatay inay dhisto ciidan Dawladeed oo dhaba 20 -sano kadib iyadoo madaxweynihii yimaadaba uu kala diro ciidankii uu Dalka ugu yimi ama ay kala yacaan marka ay waayaan xaquuqdoodii yarayd. 20-sano kadib Puntland waxay la daala dhacaysaa bixinta mushaaraadka shaqaalaheeda iyo ciidankeeda, 20-sano kadib waxaa weli madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dooranaya xildhibaano ay soo xulleen odayaasha beeluhu. Hadaba dariiqan makusii socon kartaa Puntland? Runtii jawaabtu waa maya, hadii aan dib loo eegin dariiqa ay Puntland kusoo socotay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa loo baahan yahay in wax badan laga bedelo nidaamka Dawladnimo ee ku dhisan musuq-maasuqa, nin jeclaysiga , horay u socod la’aanta iyo aragtida gaaban, waa in la dejiyaa arag tida Puntland ee mudada dheer, si loo helo xal waara iyo midnimado Puntland waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto tabashada shacabka sidoo kalena la helo xeerbeegto ka jid bixisa tubta loo dhaqaaqayo, Baarlamaanka oo lagu soo doorto wadaninimo, hufnaan iyo Alle ka cabsasho ayaa waxay fure unoqon kartaa in shacabka iyo dawlada Puntland ay gaaraan halka ay istaahilaan. PUNTLAND POST The post Puntland:- 1-dii Agoosto dhalanaye maxaa dhacay? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo xilka uu dhowaan ka qaaday Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday iyo wixii dhex maray Ra’iisal wasaaraha. Wuxuu sheegay inuu telefoon kusoo wacay ra’isul wasaaraha, oo kala hadaly arrintii uu Jaamacaha ka sheegay, isaguna uu u sharaxay ujeedkiisa siduu ahaa. “Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici hadalka oo khalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday…” ayuu yiri Wasiirka la eryay oo u waramay Idaaacadda Goobjoog. Mar uu ka hadlay waxa sababay inuu ku dhawaaqo inuusan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ak jira ayuu sharaxaad dheeraad ah bixiyey wasiir Cabdiraxmaan Daahir, wuxuuna yiri: “Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood: Halkaan hoose ka akhriso wareysiga oo dhameystiran Ugu horeyntii, waxaa Cabdiraxmaan Daahir wax ka weydiiney qaabkii loo ceriyey iyo haddii ay jirto cid la soo xiriirtay? Jawaab: Haa, waxaa isoo wacay ra’isul wasaaraha, arrintii aan Jaamacaha ka dhahay, waana u sharaxay ujeedkeyga sida uu ahaa. Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici karto qofka hadal uu dhahay oo qalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday, intaas ayaa ku dhihi karaa ee Fadlan ha isii cadaadin. Su’aal: Waxaa Maxay Sababta Aad U Dhahdey Jaamacadaha Ma Aqoonsanin? Jawaab: Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood: (1). In Jaamacadda ay leedahay board of directors oo hal qof aaney jeebka ugu jirin, oo aanu markii uu rabo xerin sida ardey kumannaan ah ay waxbarasho la’aan ugu dhacdo. (2). in ay hubiso tayada macalimiinta, oo midka ugu hooseeya uu heysto Master oo aqoontiisa la sii hormarinayo. (3). Inay hubiyaan siyaasadda maaliyadeed ee Jaamacadda iyo Manjadka. (4). Iyo Jaamacadda Qalabka leedahay, tusaale ahaan haddii caafimaad ay dhigayan ama Injineerinka, waxaa ay u baahanyihiin qalab….intaas marka la hubiyo aya aqoonsi la bixiyaa. Hadda ma jirto hey’addii, mana jirto qorshe dhow oo arrintaas ah, sidaas ayaan ula jeeday. Su’aal: Maxaa Keenay Inaan Manhaj Af-Soomaali Ah Soo Saartaan Xilli Dunida AfKa Ingiriiska Ku Wada Xiriirto? Jawaab: Luqadda waa means ee ma aha muhiim, waxaa muhiim ah tayada manhajka iyo falsafadda fog ee laga leeyahay. 3-maado keliya ayaa Af-Soomaal lagu dhigi-doonaa oo kala ah: Science-ka( biology, Physics, Chemistry), Social Stadies-ka oo arrimaha bulshada ah iyo Xisaabta, inta kale caadi, oo Carabi iyo Ingiriiska luqad ahaan ayaa loo baran-doona. Teeda kale dalal badan oo Shiinaha ku jiro afkooda ayey wax ku bartaan waxbarashadana qiimo ayey leedahay, waxaan intaas kuugu darayaa waxaa hadda dalkeenna jooga ardey wax ku soo bartay Carabi iyo Ingiriis oo aan cilmi iska dhaafee, luqaddii ay wax ku soo barteen ay dhib ku tahay. Su’aal: Dhaqan-gelinta Manhajka Makala Hadasheen Dalladaha? Jawaab: Haa, in Af-Soomaali manhajka laga dhigo waxaa ay ku qorantahay sharciga waxbarashada dalka, arrintan waxaa heshiis ku ah dalladaha iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada iyo xey’adaha taageera, waxa diyaar ahaa buugaagtii fasalka 1aad ilaa 4aad, waana in laga dhaqan-geliyaa iskuul walbo oo Soomaaliya ku yaallo. Su’aal: Markii aad Timid, waxaad ka sheegatay shaqaalo badan iyo Howl yar, Maxaad Ka tagtay? Jawaab: Waa Su’aal fiican. Waxaan ka tagay arrimo badan, horta wasaaradda hadda waxaa jooga 10 agaasime iyo 10 waaxood, oo agaasimaeyaashii tirada badnaa waa ceyriyay. Waxaan aad u wanaajiyey xiriirka wasaaradda iyo dhigooda maamul goboleedyada, waxaa aad u wanaagsan xiriirka wasaaradda iyo dalladaha dalka ka jira, waxaan qalabeeyay wasaaradda oo hadda lama sugayo saxiix hebel, waxaan ka dhigay hey’ad iyo xafiisyo wada shaqeeya. Imtixaanaadkii mideysan oo dibadda lagu daabici jiray, waxaan ku daabacney, ku habeyney, kuna keydiney gudaha dalka iyada oo ay wasaaradda bixisay maaliyadda iyo qarashka ku baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga, wuxuu ku soo dhaweeyay dhagax dhiga dekadda Deegaanka Garacad oo ka tirsan gobalka Mudug ee Puntland. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay mihiim tahay in shacabku uu isku tashado oo dalkooda dhisto si loo gaaro buu yiri hor mar waxaana uu shacbka reer Puntland uga mahad celiyey sida ay u soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Puntland. ”Waxaan soo dhawaynayaa mashaariicda horumarinta dalka guud ahaan, gaar ahaan mashruuca Dekedda Garacad oo uu maantay uu dhagax dhigay Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdule. In kastoo aan dareemi karo niyad jabka uu shacabka ku reebay ka maqnaashaha Raysal Wasaare Khayre ee munaasabadda dhagax dhigga Dekedda Garacad, Shacabka Puntland, hoggaankiisa dhaqanka iyo xukuumadda waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin soo dhaweeynta Wasiirka Koowaad ee Xukuumada hadda jirta iyo wafdigiisa. Isla xisaabtankuse waxaa loo maraya sida ku cad shuruucda dalka.” sidaa waxa yiri Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaliya. Hadalka xildhibaanka ayaa yimid xili uu Raysal wasaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre uu ka baaqday dhagax dhiga Dekada cusub ee Garacad oo ka tirsan gobalka Mudug ee Puntland . Cabdiqani Boos Puntland Post The post Senator Maxamuud Mashruuc oo soo dhaweeyay dhagax dhiga Dekada Garacad appeared first on Puntland Post.
  11. Afgooye (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada. Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 11 kale waa rag. Sargaalka la hadlay warbaahinta maxaliga ah oo diiday in aan magaciisa la deegsado ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye. Howl galadan ayaa ujeedkooda yahay xaqiijinta amniga Afgooye, ka hor safarka Madaxweynaha ku tagayo. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maanta safar dhulka ah ku tagi doono Afgooye, halkaasoo dhowr cisho uu joogi doono. Madaxweyne Farmaajo ayaa degmada Afgooye u joogi doona howlaha isku dubaridka iyo abaabulka ciidamada, sidii deegaanada Al-Shabaab loogu qaadi lahaa guluf dagaal, inkastoo Afgooye qudheeda muddooyinkii u dambeeyay marti gelineysay weeraro Al-Shababa ku soo qaadayeen. Xaalada degmada Afgooye ayaa ah mid caadi ah, iyadoo dadka ay hadal hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ay gashay magaalada iyo diyaar garowga loogu jiro soo dhoweynta Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Doorasho cod iyo qof waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1969, 40 sano kadib waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, sida lagu ansixiyay shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay oo ay yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada. Dowladdo KMG ah oo dalka soo maray waxaa baarlamaankooda soo xulayay odayaal dhaqameedyo, laakiin baarlamaanka hadda dhisan ee labada gole, hab ka duwan odayaal dhaqameedyada ayaa lagu soo xulay, waxaana xildhibaan kasta u codeynayay 51 ergo oo beeshiisa laga soo xulay. Laakiin doorashada Hal qof iyo codkii, wey ka sii duwan tahay doorashooyinkii u dambeeyay, sida uu sheegayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye. “Nidaamkani wuxuu uga dawanaan doonaa qofka doortaha ah inuu inta tago xisbigiisa iyo xildhibaankiisa doorto isaga oo fiirinaya fahamsana inta aan horey u sheegay, taasi waxay imaaneysaa side qofka wax dooranaya ee muwaadinka ah loo gaarsiiyaa fariin sax ah oo ku saabsan doorashada iyo kaalinta uu ku leeyahay, xaqa uu leeyahay iyo waajibaadka isaga laga rabo.” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Sabriye. Caqabado muuqdo iyo kuwa daahsoon ayaa horyaala doorasho qof iyo codkii ah, kuwaasi oo u baahan in laga gudbo ka hor sanadka 2020, waxaana ka mid ah hagaajinta ammaanka, Qabyo tirka Dastuurka Dalka, meel marinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya habraaca doorashada, Fahamsiinta dadka doorashada iyo waxa ay tahay, bislaashaha siyaasiyiinta iyo midnimadooda, dhameynta Danaha is diidan ee u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, tirakoobka dadka codeynayo iyo arimo kale. Prof Maxamed Muuse Mataan oo ah Barre ka ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho qaarkood, ayaan weydiiyay caqabadaha daahsoon ee imaan kara waqtiga doorashada, haddii la xaliyo caqabaha loo wadajeedo oo amaanka uu ugu horeeyo. “Kuwa daahsoon way imaan karaan runtiii waa kuwo farsamo ku imaan kara ama ha ahaato dhaqaalihii iyo farsamo ahaan hadii degmada Afgooye oo kale dadkiisa la tira kobo, hadana la baxo oo Baraawe la tago, waxaa suuragal noqon karta inay Afgooy ka tagaan dadkii halkaasi lagu tira koobay, waa arrin laakiin laga shaqeyn karo.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Muuse Mataan. Doorashadan waxaa ku tartami doona axsaab siyaasadeed, 4 September sanadkii 2016 Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka ayaa saxiixay sharciga axsaabta dalka oo Lixdii June 2016 baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, 11 Xisbi ayaa la diiwaan geliyay sida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ay sheegeen. Kuma qanacsana Xisbiyadda qaar sharcigan, maadaama ay aaminsan yihiin in laga soo min guuriyay sharciga axsaabta ee dalka Kenya, dhankoodana ay gudbiyeen warqad ay ku cadeynayeen meelaha u baahan in laga saxo. Guddiga doorashooyinka waxay horey u shaaciyeen in loo baahan yahay 139 Milyan oo Dollar, si looga gudbo dhammaan caqabaha hor taagan doorashada cod iyo qofkii ah, Baarlamaankana wali looma gudbin sharciga doorashooyinka dalka si Labada Gole ay u ansixiyaan, ma jirto Maxkamad Dastuuri ah oo kala saari doonta haddii qodobada doorashada la isku qabto ama murun ka yimaado doorashada. Prof. Maxamed Muuse Mataan ayaan markale weydiiyay inay jiraan waxyaabo la taaban karo oo ilaa iyo hadda la gaaray, si doorashadaasi ay u dhacdo. “Wallaahi hada dowladan inta ay jirtay, dowladihii hore waa laga yaabaa, waxaan xusuustaa in la sameeyay sharcigii axsabaha, ugu yaraan hadii aan la tagi Karin degmooyinka iyo tuulooyinka, waxaa lagu qaban karaan xarumaha maamul goboleedyada, ugu yaraan waa in meesha laga durqo oo sanaadiiq la geeyo xarumaha maamul goboleedyada.” Ayuu markale yiri Prof. Mataan. Fullinta balanqaadyadda ay sameeyaan madaxda inta ay ololaha ku jiraan ayaa badan, balse dhaqan gelinta balamaha ayaa laga sugayaa madaxda hadda taladda dalka haya, maadaama badankood ay horey balamahan u qaadeen. W/D:- Mohamed Isse Mohamud Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday kulankii la filayey inay halkaas ku yeeshaan Golaha Wasiirada. Sida xogta lagu helayo Shirka Golaha Wasiirada ayaa u baaqday Khilaaf Xoog leh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Khilaafka xoogiisa ayaa dhashay kadib markii uu Ra’isulwasaare Kheyre diiday inuu dhagax dhigo Dekad laga furayo Magaalada Garacad. Madaxweyne Gaas ayaa markii dambe go’aansaday inuu kaligiis ka dhigo waxayna arrintaas keentay khilaaf iyo inay Isimada kasoo jeedo Puntland hanjabaad u diraan Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu saresyo Maamulka Puntland ayaa xalay dhan lahaa kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga wada hadlayey diidmada Kheyre iyo sida laga yeelayo kulanka Golaha Wasiirada. Dood dheer kadib madaxda Maamulka Puntland ayaa isku raacay inaan kulankaas lagu qaban karin Magaalada Garoowe waxaana Kheyre loo sheegay inuu baajiyo. Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu kala tagay waxaana sidaas ku baaqday kulankii Golaha Wasiirada oo intooda badan la filayey inay Maanta ka dhoofaan Magaalada Muqdisho. Khilaafka ayaana sii xoogeystay iyadoo hadda Kheyre uu xuska sanadguurada Puntland uu uga qeybgeli doono Boosaaso Xilli Cabdiweli Gaasna uu uga qeyb geli doono Magaalada Garoowe. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inuu Kheyre Puntland u quuri waayey Qaando Shamiito ah taasoo muujineyso halka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Puntland iyo Kheyre. Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug. Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..” Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday mashruuc cusub oo ka dhan ah Carruurta gaar ahaan kuwooda gabdhaha ah. Degmada Yaaqshiid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ay muujinayaan Dadka Degmadda oo ku aadan Caruur la Afduubtay isla markaasna laga rabo madax furasho Dadka deegaankaas dagan ayaa cabsidaas darted joojiyey inay carruurta u diraan dugsiyada iyo Iskuulada sida ay idaacadaha Maxaliga ah u sheegeen qaar ka tirsan dadka halkaas dagan. Cabdulqaadir Sheekh cusmaan oo ka mid ah Dadka Degmadda Yaaqshiid ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in Qoyskiisa gabar laga Afduubtay, walina ay la’yihiin . Wuxuu sheegay in gabadhooda oo aheyd 12 jir ay ka waayeen wax war ah balse markii dambe la ogaaday in la afduubtay. Wuxuu intaas ku daray inay gabadhaas kasoo hadashay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose. “cabsi badan ayaa nagu jirta, waayahaan gabdhihii waa lagadanayaa, madaxfurasho ayaa laga qaadayaa dhib intaas ka weeyna wuu imaan karaa, marka walwal ayaan dareemeeynaa” Cabdulqaadir Sheekh cusmaan. Meesha uu Afguubkaan ka dhacay waa xaafadda carafad ee Degmadda Yaaqshiiq, sidoo kalana waxaa jiro ilmo kale oo la afduubtay oo laga qaaday lacag. Mashruucaan ayaa ah mid Xamar ku cusub baryahaan waana dabeecad jiri jirtay xilligii dalka ku jiray dagaaladii sokeeye balse hadda waxaa muuqato in dib loo soo celiyey. Dhawaan ayey aheyd markii Gabar laga afduubtay Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano la heystay muddo kadibna lagu soo tuuray laamiga. Arrintaan weli ma aysan ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ah meesha cabsida hadda ka taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Guud ayaan dalka Denmark ayaa waxa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay sharci lagu mamnuucayo in bulshada dhexdeeda lagu xirto Indho-shareerka. Baarlamaanka dalka Denmark ayaa tallaabadan meel mariyay bishii May ee sanadkan,waxaase la qorsheynayaa in galinka dambe ee maanta uu dhaco Mudaharaad lagu diidan yahay tallaabadan oo ay ka qayb qaadanayaan dumarka Muslimiinta ah oo ka dhego-adaygaya in ay sharcigaan cusub u hoggaansaman. Booliska dalka Denmarka ayaa wixii hadda ka dambeeya awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka saaraan goobaha bulshadu ay ku kulanto,sida uu dhigayo shircigan,Sidoo kalena Saraakiisha ayaa xaq u leh in ay dul dhigaan ganaax $160 doollar ah marka koowaad ee dambiga la galo. Laakiin haddii uu qof afar jeer sharcigaas jabiyo waxaa lagu ganaaxi karaa $1500 Dollar oo doollarka Maraykanka ah. PUNTLAND POST The post Dalka Denmark oo laga mamnuucay indha-shareerka appeared first on Puntland Post.
  16. Afgooye (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada. Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 11 kale waa rag. Sargaalka la hadlay warbaahinta maxaliga ah oo diiday in aan magaciisa la deegsado ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye. Wuxuu tibaaxay inay kusoo wareejin doono Hay’addaha amaanka ee Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si buu yiri loo marsiiyo baaritaano dheeraad ah, islamarkaana loo horgeeyo Maxkamadda ciidamadda Qalabka sida. “Ciidamada amaanka ee degmada Afgooye kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen, waxay gacanta kusoo dhigeen 11 ruux Kuwaasoo aan hubinay inay yihiin Al-Shabaab,” ayuu Taliye Nuunow raaciyay hadalkiisa. Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada, oo saacadaha soo socda la filayo inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo, oo shalay aka baaqday booqashadiisa Afgooye. Lama ujeedka dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka uu Farmaajo halkaasi ku tagayo, balse, waxaa la sheegayaa inay tahay dar-dar gelinta howlgaladda ka dhanka Al-Shabaab, iyo waliba sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuuliyiinta degmadda. Waa markii labaad oo uu Farmaajo booqdo Afgooye, isagoo safarkliisii ugu horeeyay ku tagey bishii May ee sanadkii hore 2017, markaasoo kulamo kala duwan kula soo yeeshay madax kala gedisan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Saxaafadda iyo baraha bulshada waxaa laga hadal hayay su’aal uu weyddiiyay Weriye Farhan Max’ed Jimcaalle ee ka tirsan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku hadasha R/W Kheyrre, taas oo ahayd in uu marti ku yahay Garoowe. Haddaba waxa aan isla falanqeyn doonnaa ugu yaraan shan su’aal oo ka muhiimsaneynd kuwaas, oo la weyddiin karay mudane Kheyrre. Waa markii ugu horreysay oo uu wasiirka koobaad kasoo hor muuqanayo warbaahin aan ahayn tan dowladda tan iyo markii uu xilkan qabtay, islamarkaana si toos ah loo weyddiinayo su’aalo. Haddaba shantan su’aal ayeey ahayd in la weyddiiyo ra’iisul wasaaraha intii la weyddiin lahaa marti ku ahaanshiyihiisa Garoowe. 1)Qirashada qaladkii Dhiibistii Qalbi Dhagax:- Madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay sida ay caddeeyeen madaxda jabhadda ONLF in ay qalad ahayd dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, taas oo dhanka kale ay golaha wasiirrada oo uu Kheyrre madaxda u yahay ay ku sheegeen in ay sax tahay, ONLF na ay tahay jabhad Argiggixiso, haddaba su’aasha ah halka uu ka taagan yahay dhiibista Qalbi Dhagax ayeey ahayd in laga weyddiiyo su’aal sidoo kalena uu ka hadlo dhanka madaxweynaha iyo qirashada qaladkaas. 2) Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo doorashada 2021-ka:- Mahdi Khadar oo ah wasiir kuxigeenka koobaad ee Soomaaliya ayaa meel fagaaro ah ka yiri in uu soo socdo xisbi weyn oo soomalida oo idil u furan, kaas oo uu madax ka yahay mudane Farmaajo, haddaba sidee bay isku waafiqi karaan hadafka Kheyrre ee doorashada xigta iyo hadalka Mahdi Khadar? su’aashaas iyana waxa ay ahayd mid kale oo muhiim ah islamarkaana dad badan ay u baahnaayeen. 3) Khilaafka Isaga iyo madaxweynaha iyo kaalinkii burburinta ciidanka xasillinta:– is qabsi xooggan ayeey warbaahinta baahisay, kaas oo laga garan karay in uu jiro kaddib markii hoos loo dhigay dhammaan qorshayaashii ammaan ee uu mudane Kheyrre atooraha ka ahaa, in arrinkan wax laga weyddiiyo ayaa ka mudneyd in uu weriyaha ku mashquulo marti ku ahaanshiyihiisa Puntland. 4) Qalqalkii la geliyay xajka sannadkan:- taariikhda markii ugu horreysay ayeey Soomaaliya qarka u kortay in aysan wax diyaarad ah oo xajka aadda aysan ka duulin gebi ahaan dhulka ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taas na waxaa sabab u ahaa harddan la siyaasadeeyay oo ganacsatada u dhaxeeyay, doorka xukuumaddiisa ay ku lahayd qal qal gelinta xajka iyo sida ay wax u dheceen iyana waxa ay ahayd su’aal kale oo muhiim u ahayd in weriyaha uu weyddiiyo mudanaha. 5) Qaabka xukuumaddiisa ay u casisho wasiirrada:– ma jiro wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyrre oo si qurux badan shaqada looga eryay, laga soo bilaabo min Yuusuf Garaad illaa wasiirka waxbarashada, nidaamka ceyrinta mas’uuliyiinta iyo sababta ay noocaas ku doorteen? dhammaan waa su’aalaha wax laga weyddiin karay ra’iisul wasaare Kheyrre intii uu socday wareysigii uu siiyay barnaamijka caawa iyo caalamka ee TV ga BBC laanteeda la hadasha dadka Afka Soomaaliga ku hadla. F.G:- Khibraddeydu ma gaarsiisna in aan wax u sheego qof sida Farxaan M. Jimcaale oo kale, ha yeeshee waa su’aalaha aan is leeyahay waa uu ilduufay weyddiinteeda W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. The Darushifa Rehabilitation Centre in Nairobi’s Eastleigh area has been closed, director of the National Authority for the Campaign Against alcohol Drug Abuse (Nacada) Vincent Muasya aka Chipukeezy has said. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo. ​Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda. Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya waxayna kala yihiin xarumahaas: Khadiijo Haji, Ceel Baande, Dhamase, iyo Dhuuntoow. Sidoo kole waxay sheegeen in xarunta Shirkadda ku lahayd deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah. Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso. Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas. Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi. Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/cod-hormuuud-1-1.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu todobaadkan safar ka yahay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in todobaadkani uu booqasho laba cisho ah ku tagi doono magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,isagoona todobaadka soo socda gaari doono Khartuum. Safarka Madaxweynaha uu ku tagi doono magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan ayaa waxaa laga soo xigtay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa goorta uu gaaro magaalada Khartoum la kulmi doona dhigiisa sudan oo ay kawada hadli doonaan isbedelada ka socda Gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa u kala dabqaadi doona madaxweynayaasha Sudan iyo Eriterea oo mudooyinkaan uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed sababay in labada dal ay kala xirtaan xuduudaha. Dhinaca kale, socdaalka Farmaajo uu ku tagi doono dalka Sudan ayaa kusoo beegmi doona xili uu kasoo laabtay booqasho Seddex cisho ah oo uu ku gaaray magaalada Asmara ee dalka Eriterea. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan, sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalliya C/Qaadir Macalin Nuur. Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sudan Cumar Hassan Axmad al-Bashiir. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in safarka Suudaan ay ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Suudan October Sanadii 2017. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan dib usoo cusbooneysiiyay Safaradiisii tirada badnaa ee uu ku tagayay Wadamada Caalamka isagoo Isniintii kasoo laabtay Dalka Eritrea oo uu saddex maalmood ku sugnaa, wuxuu kaloo 19-kii Bishan dib uga soo laabtay Magaalada Brussels ee dalka Biljim halkaas oo uu uga soo qeybgalay shirkii arrimaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka jamhuuriyadda Soomaaliyaoo ay u tartami karaan shirkadaha daabacaacadda ee guud ahaan dalka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u ku saxiixanyahay,wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa lagu shaaciyay qandaraaskan cusub naqshadeynta calanka Soomaaliya. Naqshadeynta calanka ayaa looga jeedaa sidii midabkiisa buluugga asalka ah loogu celin lahaa,calanka Soomaaliya oo mudadii burburka dalka ay daabaceen shirkado kala duwan,kuwaasoo qaatay midabka buluugga ah,balse ku kala duwan khadda la isticmaalay oo qaar khafiifyahay,qaarna madow-xigeenyahay,halka qaar kalena buluug saa’id ah yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in uusan khad kala duwan yeelan midabka buluugga ah ee lagu yaqaanno calanka dalka,islamarkaana lagu celiyo midabkiisa asalka ah oo lumay wixii ka dambeeyay burburkii dalka,sida ku xusan qoraalka lagu shaaciyay qandaraaska naqshadeynta calanka. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka dalka appeared first on Puntland Post.
  23. Jowhar (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Ware oo la hadlaayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn la’ yahay Al-Shabaab. Hoggaamiye Waare ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqa u diidan yihiin maamulka iyo ciidamada yar ee ka hoos shaqeeya. Waxa uu Waare sheegay in deeganada ay maamulaan ay ka jirto dhibaato ka dhalatay Wadooyinka xiran iyo weerarada Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dhaqdhaqaaq ciidan daruufo jira aawgood. Waare, waxa uu sheegay in culaysyada jiraa aanay ku koobnayn Hirshabeelle balse ay ka wada jiraan wadanka, waxa uuna carab ***** inuu aaminsan yahay in dhibka ugu badan uu yahay mid heysta maamulkiisa. “Waxaanu ku dhex jirnaa dhibaato kala ceyn ah tan ugu daran waxa ay naga heysataa dhanka Al-Shabaab oo xitaa dhaqdhaqaaqa noo diiday” Waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin jidadka mudada dheer u go,doonsan Al-Shabaab iyo weerada dhaba galka ah ee lagu dilo Mas’uuliyiinta maamulkaas Sarakiisha iyo Askarta. Docda kale, Waare ayaa cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howl geli doonaan si wax looga bedelo Amanka deeganada maamulka Hirshabelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  24. The African Union (AU) announced its mission in Somalia will continue working to ensure the security and stability of the country, consistent with the UN''s decision to remain there until 2019. Source: Hiiraan Online
  25. Horumar Summer School offers programming designed for immigrant and low-income families Source: Hiiraan Online