-
Content Count
206,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka hadlayay arrinta la xiriirta wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay. Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa. Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in xafiiska siyaasada Hant- Dhowrka qaranka iyo kan xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin, balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuqa. Wasiir ku-xigeenka Arrmaha Dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono maxkamad sharci ah, si ay u bilaabato dhageysiga dacwadda loo heysto, sharcigana loogu kala baxo. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey wadday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo siyaasiyiin badan oo xilal haye xabsiga loo diray qaarna laguw ado baaritaan. Axmed Cali Daahir waxa kale oo uu sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono mas’uuliyiin kale oo ku kacay musuq-maasuq, kuwaas oo uu baaritaan ku socday muddo. Hoos ka dhageyso codka xeer ilalaiyaha guud ee qaranka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Cod-Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-qaranka.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeestay Xeerka jinsiga ee La-dagaalanka Kufsiga oo xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ansixisay. Culimada ayaa soo saaray 12 qodob oo ay sheegeen inay ka cabanayaan, kuwaasi oo xeerka ku jira balse ka horimanaya shareecada islaamka. HOOS AKRHISO 12 –KA QODOB 1 – Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah. 2 – Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay. 3 – Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso. 4 – Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga (ha ahaato eray ama ficil). 5 – Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay. 6 – Xeerka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanayo. 7 – Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi. 8 – Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta. 9 – Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba. 10 – Xeerka, keliya waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan. 11 – Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxay ogoshay xal. 12 – Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hadalka Jabuuti ee ah inaysan aqoonsaneyn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah. Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” DP World ayaa sheegtayn in go’aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti. ‘ “Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World. DP World waxay sidoo kale sheegtay in go’aanka Jabuuti ay ku diiday go’aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faa’iiday. Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London. Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka fuliya howlgalo lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaleysiga ah uga howlgala gudaha magaalada. Ciidamada ayaa la sheegayaa in mudada ay ku guda jiraan howlgalada inay gacanta ku dhigaan Hub noocyo badan leh kuwaa oo inta badan gacanta u gala Saraakiisha hogaamisa ciidamada. Xogtu waxa ay sheegeysaa in Saraakiisha hogaamisa ciidamada ay howlgalka kula wareegan inta badan Hubka la qabto, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay ka iibiyaan Ganacsatada iibisa Hubka sharci darada ah, halka qaarna ay Hubkaasi ku keydsadaan hooygooda. Saraakiisha qaar ee katirsan hay’adaha amaanka ayaa lasoo sheegayaa inay leeyihiin Hub, kuwaa oo u kala dhiibta Saraakiil kale, Wasiiro, Xildhibaano iyo Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho oo iyagu ku ilaalsada Hoteeladooda. Suuqyada lagu iibiyo Hubka ayaa waxaa lagu arkayaa hubka noocyadooda waaweyn, waxaana xusid mudan in halkaasi ay si wada jira Hubka uga iibsadaan Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada ee hubka kusoo qabsada howlgala iyo Al-Shabaab oo dhinac ah. Sidoo kale, Saraakiisha qaar xiliyada laga eryo shaqada ayey isticmaalan Hubkooda kuwaa oo ku dooda in Hubka uusan aheyn mid dowladeed, waxa ayna isweydiintu tahay halkee ayuu ka keenay? Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan Hubka gaarka ay u leeyihiin Saraakiisha kula xisaabtamin halka ay ka keenaan, taasi oo horseedi karta amni darro iyo dalka oo dib ugu laabto Hub uruursi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee u dagaalama gobonimada gobolka Soomaalida ee Ethiopia ay xoogga ku haysato ayaa soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda gobolka iyo is-marin waaga ka taagan madaxweynaha maamulka Cabdi Iley iyo ciidamada federaalka Ethiopia. Hoos ka aqriso bayaanka. Bayaan ONLF Dawlada Federalka Itoobiya ayaa ciidankeeda ku amartay in magaalada Jigjiga la weeraro si gacanta loogu dhigo maamulka kajira gobolka Soomaalida Ogadenya. Talaabadan aan loo wada dhanayn ee ay qaaday Itoobiya ayaa galaafatay inay dad badan naftooda ku waayaan, sidoo kalena fawdo, xasilooni darri, iyo boob hantiyeed u horseeday. Shacabka Soomaalida Ogadenya ayaa ka filayay dawlada Itoobiya xasilooni iyo nabadgaliyo inay heli doonaan balse taas badelkeeda waxay kala kulmeen duulaan iyo weerar awood ciidan loo adeegsaday. Waxay Jabhada ONLF rumaysantahay in xal kasta oo ku meelgaadh ah oo laga gaadho gobolka Soomaaliyeed uu iman karo oo kaliya hadii laga qaybgaliyo xal u helista gobolka dhinacyada ay khusayso sida Jabhada ONLF, Dawlada Dhexe iyo dhamaan qaybaha kale ee daneeya xal uhelida Gobolka Soomaaliyeed. Talaabo kasta oon loo wada dhanayn laguna heshiinin, waxay sii cakiri kartaa xaalada gobolka ka taagan, sidoo kalena waxay horseedi kartaa cawaaqib aan lasaadaalin karin mustaqbalka saamaynta ay yeelan karto. ONLF waxay ugu baaqaysaa Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu joojiyo talaabo kasta oo militari oo ka dhan ah Soomaalida Ogadenya isla markaana uu ku dhawaaqo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaalada Gobolka Ogadenya, taas oo ay kamid tahay wada hadal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo ONLF, arintan oo u horseedi karta shirwayne qaran oo loogu gogol xaadho sidii isbedal guud oo loowada dhan yahay loogu soo dabaali lahaa Gobolka Soomaalida isla markaana looga arinsan lahaa mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. ONLF waxay shacabka Soomaalida Ogadenya ugu baaqaysaa inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isla markaana aysan ogolaanin in dadyaw kale oo iyaga aan ahayn inay u yeedhiyaan mustaqbalkooda ay xaqa u leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, goobaha diimaha lagu caabudo iyo hantida shacabka ee sida gaarka ah loo leeyahay waa in laga difaacaa kuwa danaha gaarka ah wata ee bartilmaameedsanaya. ONLF waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dagaalka ka socda xadka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Dagaalkan ayaa hadii uu sii socdo keeni kara xasilooni darro saamaysa xidhiidhka u dhexeeya labada qawmiyadood ee dariska ah. Waxaa dhamaan xubnaha ONLF ee gudaha Ogadenya ku sugan laga codsanayaa inay xaalada dejiyaan oo ay ka qayb qaataan sidii xasilooni iyo nabadgaliyo loogu horseedi lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qaybqaataan sidii shacabka loogu wacyigalin lahaa ixtiraamka iyo ilaalinta nafta, maalka iyo goobaha diimaha ee ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gudaha Ogadenya. Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ONLF.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay xoojineyso howlaha ka socda Safaaradeeda Somalia iyo dhammaan Safaaradaha kale oo ay ku leedahay Africa. Dowladu waxa ay sheegtay inay xooga saari doonto ballaarin ay ku sameyso Safaaradaheeda si loo xoojiyo shaqooyinka ka dhex socda. Wasaarada Arimaha dibeda kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay furi doonto 12 xarumo diblumaasiyadeed oo dalalka afrika ah sadexda sano ee soo aadan. Xarumaha ayey Wasarada ku sheegtay inay u qaadan doonto xitaa howlwadeeno cusub si loo kaamilo shaqooyinka diblumaasiyadeed ee kadhex socda Safaaradaha iyo xarumaha kale. Waxaa sidoo kale jira xafiisyo ka shaqeeya arimaha dibeda oo ay ku leedahaya magaalada kismaayo iyo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland kuwaasi oo qudhooda la filaayo in la hormariyo. Sidoo kale, Wasaarada ayaa sheegtay in aysan jirin xarumo uga furan dalalka Afrika qaarkood,taasina ay adkeyneyso in ay dalalka xiriir fiican la yeeshaan. Ugu danbeyntii, Wasiirada Arimaha Dibeda kenya Monica Juma ayaa sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya dowladaha kale ee Africa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku beenineyso eedeymaha musuq maasuq ee keenay in la galo xarunta wasaaradda kadibna lasoo xiro wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud. Hoos ka aqriso bayaanka wasaaradda. War saxaafadeed (Faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya August 05, 2018 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda. Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda. Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.
-
Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Caawa ka dhacay Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la eegtay Goob dad badan ay ku sugnaayeen. Maqalka qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa aad u kala duwanaa iyada oo Jugta qaraxa laga maqlay Guud ahaan Muayaa aad u yar marka loo fiiriyo dadka Goobta ku sugnaa. inta la xaqiijiyay ilaa 4 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 10 kalena waa ay dhaawacmeen sida ay sheegeen dad lagu kalsoonaan karo. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxida loo yaqaano Somali Coffee oo ku taala Agaagarka Isgooyska Shaqaalaha wadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo qiimeeynayay qasaaraha ka dhashay Goobtaasi qaraxa ka dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
A huge explosion was heard in the center of Somalia’s capital Mogadishu on Sunday evening. Initial reports say a car laden with explosives detonated at gate of Italia Restaurant along Maka Al-Mukaramma road. The real casualties of the explosion are yet not clear. This story is developing Source: hol
-
Eritrean airline makes first flight to Ethiopia in 20 years
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Eritrea’s national airline has made its first commercial flight in two decades to Addis Ababa, the capital of neighboring Ethiopia, the latest step in a surprise peace process between the former foes that began just two months ago. An Eritrean Airlines plane carrying the country’s transport and tourism ministers on Saturday landed at Addis Ababa Bole International Airport, where it was welcomed by senior Ethiopian officials. Ethiopia’s own flag carrier, Ethiopian Airlines, had made its first commercial flight in the other direction, landing in Asmara International Airport on July 18. Once a province of Ethiopia, Eritrea seceded in 1993 after a long independence struggle. A row over the demarcation of the shared border triggered a brutal 1998-2000 conflict that left 80,000 people dead before evolving into a bitter cold war. But in a surprise move in June, Ethiopia’s new reformist Prime Minister Abiy Ahmed announced he would finally accept a 2002 United Nations-backed border demarcation, paving the way for peace between the two nations. He then paid a historic visit to Eritrea, during which he and President Isaias Afwerki declared an official end to the war. Afwerki reciprocated with a state visit to Ethiopia just days later. Embassies have since been reopened and phone lines between the two countries have also been restored. Eritrean Airlines currently has only one leased airplane. “The new route will expand existing regional flights of the airline to Cairo, Khartoum, Jeddah and Dubai,” Eritrea’s Information Minister Yemane Gebre Meskel said on Twitter. Last month, Ethiopian Airlines chief executive Tewolde GebreMariam revealed his state-owned company was in talks to buy a stake in Eritrean Airlines as part of efforts to boost commercial ties between the two countries, which were once each others’ biggest trading partners. Ethiopia’s flag carrier is the most profitable in Africa and in recent years has been buying shares in other African airlines. Source: – AFP -
The Ethiopian government has formally submitted a request to the Government of Djibouti to take the role of a mediator with Eritrea to resolve the border conflict and tension between the two countries concerning the border strip of Ras Dumera. According to Meles Alem, the Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs, the Ethiopian government has submitted its request to the Djiboutian government expressing an interest to mediate between the two countries for the betterment of the relation between the two Horn of Africa countries on the shores of the Red Sea. But, many doubt this saying that Djibouti is disappointed by Ethiopia’s move of peaceful engagement with Eritrea while Eritrean government showed no initiative of abiding by international laws which includes stopping claimed support to terrorist organizations. Again, because Ethiopia did not confer with Djibouti while requesting the UN Secretary General Antonio Guterres and the UN Security Council, which Djibouti ardently opposed. Apart from Ethiopia, the President of Somalia, Mohammed Abdullahi Mohammed (Formajo), during his historic visit to the Eritrean capital, Asmara, after 15 years of stalled relations between Somali and Eritrea, stressed that he wants the nine-year-old sanction on Eritrea to be lifted and pledged to be part of the process. The reason for Mohammed to push the agenda of lifting of the sanction is the contribution it would have on the economic integration of the Horn region. The Djiboutian part stresses that it is not right to raise the agenda of raising the sanction while Eritrea is still occupying the Djiboutian territory and refusing release Djiboutian prisoners. At the discussion of the agenda at the UNSC during which Tekeda Alemu, Ethiopian Ambassador to the UN, raised the support for the lifting of the sanction, Djibouti said that the reasons of the sanctions were not the Ethiopian-Eritrea border problems, and the sanctions should only be lifted or continued for the reasons they were imposed. In a statement the Eritrean government issued regarding the sanction, it stressed that it is not about raising the sanction but about why sanction at the first place. The disputed area between the two countries was occupied by Qatari Military with a peacekeeping mission. But, both sides started to claim control over the mountain and island of Dumera. Meles, who said that the normalization of the relation with Eritrea was never meant to harm any other party, indicated that Ethiopia wants to support restoration of peace between the two countries. Tekeda told the UNSC that, “The Djibouti Foreign Minister was in Addis Ababa last week to deliver the message of President Guelleh to my Prime Minister and he was able to conduct very productive and useful discussions, both with Prime Minister [Abiy Ahmed (PhD)] and his counterpart, Foreign Minister [Workneh Gebeyehu (PhD)]. “Ethiopia has expressed its readiness to do whatever is necessary to contribute to the normalization of relations between Eritrea and Djibouti and it is our firm commitment this is critical for peace and security in our region.” It was immediately after his return from a visit to Asmara that Prime Minister Abiy submitted a request to the visiting Guterres for the lifting of sanction on Eritrea. Source: – The Reporter
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali. Qaraxa oo aad u xooganaa isla markaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay kana soo horjeeda Baar Italy Café oo ku yaalla Shaleemo Somali. Saraakiisha amaanka ee Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen. Xogta ayaa sheegeysa in gaariga qarxay uu ahaa mid meesha la soo dhigay, iyada oo aan laga warqabin, kadibna uu qarxay, goobta qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay tahay maqaaxi mashquul badan oo dadweyne kala duwan isugu yimaadaan. Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana sawirro la soo qaaday ay muujinayaan burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida Somali Coffee. Dhinaca kale, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.
-
MOGADISHU (HOL) - A huge explosion was heard in the center of Somalia's capital Mogadishu on Sunday evening. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Qaraxan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Shaleemo Soomaali, waxaana la soo sheegayaa in lala beegsaday maqaaxi ku taalla halkaasi oo dadka ay aad uga cunteyn jireen. Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad dhawaan la furay oo kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu qaraxaasi ka dhashay,waxaan wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday. Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya dowlada Somalia iyo kuwo shacab ah. Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa. Sidoo kale, warar aan sidaa loo sii xaqiijin ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho uu gaarayo ilaa Shan ruux, halka dadka dhaawacana uu maraayo ilaa Sideed ruux oo u badan shacab. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in la furo waddooyinka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya. Qaraxaan oo ahaa mid u cuslaa maqalkiisana laga maqlay Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho, Qaraxaan ayaa ahaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana uu ka dhacay maqaayad la yiraahdo Somali Coffe oo ku taala Meel u dhow wadda Shaqaalaha oo katirsan Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd goob aad u mashquulsan badan. Qaraxa oo Goordhow dhacay Faah Faahin intaa ka badan lagama heli karo . Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan si ay uga qayb galaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore Riek Machar. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax. Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed. Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelanaya madaxda urur gobaleedka IGAD ee shirka ka qayb gelaya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Khartuum appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayada oo qaraxa inta badan laga wada maqlay degmooyinka magaalada. Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, meel u dhow Shineemo Somalia. Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.. Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya dhanka isgooska shaqaalaha wadada makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran wadada Makka Al-Mukarama. Naga filo faahfaahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada ay dishay raggii ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta oo u muuqday mid jiheyn u sameynaayay dilka Rag watay gaari oo maanta lagu dilay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ragaasi ay ahaayen kuwo ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh. Wasiir Daahir Geealle waxa uu sheegay in toogashada ay fuliyeen ciidamada amniga isla markaana ragaasi ay ahaayen kuwo ku hubeysnaa hubka fudud xili ay wateen gaari raaxo. Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyaga iyo ciidanka ammaanka ay maanta is rasaaseyn ku dhexmartay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, ragga la toogtay ayaa waxa ay ahaayeen laba nin oo ka tirsan Al Shabaab balse wax luga kuma aysan laheyn dilka Maxamed Maxmuud Sheekh, sida ay qireen Hay’adaha amaanka. Marka laga soo tago toogashada labadani ruux waxa ay ahaayen rag habbeenkii hoyday magaalada Muqdisho balse ka imaaday daafaha magaalada. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen ragga la dilay iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay dilkii xalay koox hubeysan ay ugu geysteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo mid aan ku wanaagsaneyn dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, islamarkaana uu yahay mid dadka looga cabsi galinayo inay Masjidka tagaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey wasiirka cusub ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kusoo biiray wasirrada xukuumadda. Dikreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu shaaciyey isku shaadeyn uu sameeyey Kheyre, oo Goodax uu qeyb ka noqday. Wasaaradda Waxbarashada oo hore looga eryey Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa loo magacaabay Goodax Barre halka Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda laga bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Bidhaan Warsame. Hadaba, qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Cabdi Xoosh ku sifeeyey Goodax Barre ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ee Lionel Messi. “Mudane Cabdullaahi Goodax Barre (Messi) ayaa ku soo iiray kooxda Nabad iyo Nolol. Waa sidii ugu wanaagsaneyd. Hambalyo saaxiib!!” ayuu yiri Xoosh Jabriil. Hadalka Xoosh Jabriil ayaa loo arkaa inuu kala jeedo in Goodax uu yahay nin siyaasadda iyo kala dhigdhigideeda ugu wanaagsan sida Messi ugu wanaagsan yahay kubbad. Waxaa sidoo xusid mudan in Goodax siyaasad muddo fog ah oo cajiib ah uu usoo dheelay inuu xil wasiir helo, isaga oo bilooyin taageere weyn u ahaa xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush. Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llaahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono. Arrintaan ayaa muujineyso inay dowladda Soomaaliya sare u qaaday la dagaalanka musuq maasuqa ka dhanka ah, ayada oo sidoo kale shalay saacado la xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale horey loo xiray illaa dhawr mas,uul oo lagu helay musuq maasuq kuwaas oo qaarkood xabsiga la dhigay halka qaarna damiin lagu sii daayey.
-
Afgooye (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan cidamada Dowladda Somalia ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Weerarkaan oo mas’uuliyaddiisa dusha looga tuuray Al-shabaan ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dilo taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo gaadiidkiisu ay meeshaas marayeen. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas lagu waayay laba wiil oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa Koontarool gaarigan lagu joojiyay ka hor intii uusan qarxin. “Baabuurka qarxay waxaa watay xubno ka tisran Al-shabaab, waxayna isku dayayeen inay weeraraan gaadiid ciidan oo maray koontarool lagu joojiyay, markii la ogaaday in la fahmay ayayna is-qarxiyeen,” ayuu yiri Cali Nuur oo intaas ku daray weerarkan uu ahaa mid culus. Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ahayd saldhig ku dhaw xaruntii hore ee wakaaladda biyaha Afgooye ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid culus oo xaafadaha degmada Afgooye oo dhan laga maqlay. “Gaadiid ciidan oo watay sarkaal ka tirsan millateriga ayaa goobta maray, wax yar kaddibna waxaan maqalnay qarax weyn oo sababay dhimashada qof rayid ah, laba askari iyo laba qof oo loo maleynayo inay gaariga wateen,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta. Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daray in dhaawacyo fara badan ay ka dhasheen qaraxa, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda loo qaaday Xamar si loogu daweeyo, wuxuuna qaraxan ka mid noqonayaa kuwii ugu saameynta badnaa ee Afgooye ka dhaca dhawaanahan. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan, iyadoo maalmo ka hor uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa degmada Afgooye Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuu ka baaqdo safarkiisa Afgooye. PUNTLAND POST The post Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (PP) ─ Xaaladda Magaalada Jigjiga ee xarunta Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa maanta daggan, kaddib rabshado khasaare nafeed iyo mid hantiyeed sababay oo shalay ka dhacay magaaladaas. Balse wararka ayaa sheegaya in xiisadi ay maanta ka taagan tahay Magaalada Dirir-dhabe oo ka tirsan kuwa ugu muhiimsan maamulka DD Soomaalida ee Itoobiya. Goobjoogayaal ku sugan Jigjiga ayaa sheegay in ganacsiga maanta uu dib u furmay, balse lagu arkayo gudaha degmada ciidammo fara badan oo kuwa rabshadaha ka hor-taga ah. Mas’uuliyiintii maamulka DDS Itoobiya ayaa la sheegay in qaarkood ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada, waxaana kaloo ku sugna ciidammo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya oo shalay galay degmadaas. “Ciidamada millateriga Itoobiya waxay ku sugan yihiin saldhigyo ku yaalla gudaha magaalada, balse goobaha ay shacabku isugu yimaadaan waxaa ku sugan ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa maamulka,” ayay sheegeen qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaas oo ay warbaahintu la hadashay. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga ay ku dhinteen in ka badan 10-qof, sidoo kalena ay ciidamada amnigu kala baxeen guryahooda 29-qof oo ay Soomaali yihiin 21 ka mid ah. Dhanka kale, Magaalada Dirir-dhabe ayaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay xiisad la mid ah middii shalay Jigjiga ka dhacday, taasoo u dhexeysa shacabka magaaladaas iyo ciidamada millateriga Itoobiya oo la sheegay inay isku dayeen inay gudaha u galaan, balse ay shacabku ka hor-yimaadeen. Shacabka Dirir-dhabe ayaa sheegaya in rabshadahan oo ka dashay gadood ay sameeyeen shacabka magaalada uu ku dhintay hal qof, badanna ay ku dhaawacmeen, inkastoo ay xaaladdu ay si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayso. Ugu dambeyn, Xiisadaha ka taagan Magaalooyinka Maamulka DDS ee Dalka Itoobiya ayaa waxay imaanayaa xilli ay jiraan xiisado colaadeed oo aad u culus oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. PUNTLAND POST The post Xaaladda Jigjiga oo Maanta Dagan iyo Xiisad laga soo sheegayo Magaalada Dirir-dhabe appeared first on Puntland Post.
-
Jijiga (Caasimadda Online) – Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen ayaga iyo shacabka, markii ay rabshaduhu ka billaabanayeen Jigjiga ayaa la sheegayaa inay weli magaalada ku sugan yihiin. Dad kala duwan oo BBC ay la xiriirtay ayaa u sheegay in ciidanakaas ay shalay isku dayeen inay ka baxaan magaalada, hase yeeshee dad caraysan ay ka dalbadeen inay hubka wareejiyaan. Ciidanka ayaa markaa ka dib waxaa khasab ku noqotay inay dib ugu laabtaan xeryahooda. Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askarii oo milateri ay ku jiraan. Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska. Ilaa 100 askari askar lagu qiyaasay ayaa iyagana la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegay in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka. Sawirka guud ee xaaladda Jigjiga iyo maanta? Shalay iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya xaaladda Jigjiga, sida ay sheegayaan dad ay BBC la xiriirtay. Marka la eego waddooyinka, ayaa waxaa laga bilaabay nadiifin iyo in laga guro qashinkii ka dhashay rabshadihii shalay magaalada ka dhacay. Waddooyinkaas waxaa jooga oo gaar ka haya booliska rabshadaha ka hor taga oo sita Budhadh, laakinse aan cidna waxyeello u gaysan. Waxaa iyagana waddooyinka u soo baxay dadka ka soo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn, ee shalay naftooda u cabsaday. Dadkaas waxay eegeegayaan burburka gaaray meheradahoodii iyo hantidoodii shalay ku burburtay rabshadihii dhacay. Waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen kaniisad ka mid ah seddexda kaniisadood ee Jigjiga ku yaalla, iyo 5 masaajid oo dadkaas lagu magan galiyey. Kaniisadaha middood ayey dadka deegaanku sheegeen in ay weli gubanayso oo uu qiiq ka baxayo. Waxaa iyana la sheegayaa in aysan magaalada soo gelin khudaarta, xaabada, caanaha iyo waxyaabaha kale ee dibadda uga imaan jiray ee suuqyada lagu gado. Makhaayadaha iyo meheradaha ganacsiga ayaa iyagana la sheegayaa inay weli irdaha u xiran yihiin. Internetka ayaa isna weli magaalada Jigjiga ka go’an. Booliska rabshadaha ka hortaggo oo la geeyay waddooyinka Jijiga Dadweynaha ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in saaka waddooyinka magaalada ay ku arkeen booliska rabshadaha ka hortaggo oo ku sugan meel kasta. Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo wato burar oo u socdo tobbaneeyo ay gaaf wareegayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan. Booliskan qabo koofiyadaha qafilan ayaa la sheegay ina yihiin Soomaali. Weli waxaa magaalada ka maqan Internet-ka oo saamayn nolosha dadka.
-
Popular Contributors