Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kowdii bishan Agoosto ayay Puntland labaatan jirsatay. Labaatan sanadood waa ammin dheer oo uu maamul ku hanaqaado. Afar maamul baa Puntland soo maray tan iyo 1998-kii. Isku celcelis ahaan maamulkiiba wuxuu talada hayay shan sanadood. Asaasayaashii Puntland waxay hoosta ka xarriiqeen laba ujeeddo: 1) Dhowrista midnimada siyaasadeed iyo Dhuleed ee Soomaaliya, iyo 2) U qareemmidda hab federaaliisam oo noqon kari lahaa, sida ay qabeen, mid Soomaalidu ku baraari karto kaddib guuldarradii taladii siyaasadeed oo hal meel ku urursanayd ( centralised ). In maamulkii doodad federaalisamka soo bandhigay uusan maanta lahayn maamul baahsan iyo dowlad dadku la xisaabtami karo waa guuldarro siyaasadeed oo sahashay lunsiga lacagtii carruurta wax lagu bari kari lahaa, bukaanka lagu dawayn lahaa, ciidammada mushaar loo siin lahaa, deegaanka nabaadguur lagaga dhowri lahaa, tusaale ahaan. Farriinta ka muuqata sooyaalka siyaasadeed ee Puntland waa sidan: Maamul isagaba aan maamul-baahin iyo isla xisaabtan ku salaysnayn uma doodi karo wanaagga habka federaaliisamka iyo maamul suubban toonna. Xasiilloonidii siyaasadeed oo uu Maxamed Abshir Muuse SSDF II kaga soo saaray waayihii adkaa ( 1991-1998) waxay dhabbaha u xaadhay wadatashagii fududeeyay unkiddii Puntland. Laga billaabo 2005tii, markii Cadde Muuse xilka la wareegay, Puntland waxay gashay marxalad lagu tilmaamo hagbad siyaasadeed: marba beel ka mid ah beelaha Puntland buu madaxweynuhu ka soo baxaa. Habka awoodda loola kala wareegayo wuxuu Puntland u nugleeyay maamul-xumo baahsan,wuxuu sahlay in xoogag argaggixiso fadhiisinno ka samaystaan qeybo ka mid ah Puntland Muran Dhuleed Maamul kasta oo Puntland soo maray wuxuu la daalaa-dhacayay dhibaatooyin u gaar ah iyo kuwo uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay. Maamulkii ugu horreeyay wuxuu la kulmay weerar siyaasadeed lagu wiiqayay sharciyaddiisa kaddib markii Jaamac Cali Jaamac uu sheegtay inuu madaxweynaha Puntland yahay; maamulkii labaad waxaa soo foodsaaray kacdoonno ka billowday gobolka Bari gaar ahaan Galgala oo uu maamulkaasi macdan-baaris ka waday. Maamulki seddexaad waxaa ku soo baxsaday dhibihii dagaallada xagjirku alooseen kuwaas oo keenay laynta indheergaradka Puntland. Wuxuu maamulkaasi aad iskugu howlay sidii ciidanka nabadsugida Puntland oo loo yiqiin PIS u hoostagi lahayd dowladda waayo taliyihii PIS wuxuu isu arkayay inuu ka madaxbannaanaa dowladda Puntland. PIS iyo kuwii ka dambeeyayba waa ciidammo lagu sameeyay wadatashi la’aan. Maamulkii Faroole wuxuu kaloo la kufaa-kacayay budhcadbadeed degtay degmooyin Buntland ka mid ah. Maaamulka afraad, oo waqtigiisu sii dhammaanayo, wuxuu dhaxlay xaalad siyaasadeed oo Puntland u ekeysiiyay sallad qof uu suuqa la tago. Seddexdii arrimood oo uu u banbaxay – dib u habaynta ciidammada; dib u habaynta shaqaalaha rayidka, iyo samaynta wadatashi isu soo celin kara dadkii Puntland wada samaystay 1998kii – midnaba muu ku guulaysanin. Ciidammo beeleedyada mushaarka ku qaata magaca Puntland waxay iskugu jiraan kuwo jira iyo kuwo aan jirin. Way gadoodaan hadduu maamul isku dayo inuu hubiyo tirada dhabta ee ciidammada. Maamulladii hore way sii adkeeyeen dhibaatadan markii ay wax ka qaban waayeen. Waa midda Puntlad u nuglaysay awoodda siyaasiga afku waranlaha ah oo si fudud u kala daadin kara hey’adihii labaatanka sano lagu soo tiir iyo tacab-beelayay. Dhinaca kale Puntland waxay ku guuldarraysatay wax ka qabashada muran dhuleedka u dhexeeya Garoowe iyo Hargeysa. Marnaba Puntland may fahmin sida Hargeysa ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay laba dal kala noqoto haddii uu xitaa go’aankaas keenayo in dad dega Sool loo arki doono shisheeye. Maamulkii Cadde Muuse buu ahaa kii fududeeyay in Somaliland ay ku soo fiddo dhul markii hore ay ka talinaysay Puntland. Sanadkii 2005tii markii Puntland iyo Somaliland ay Adhicadeeye maxaabbiis isku dhaafsanayeen wuxuu Jeneraal Carays ku dooday “In labada maamul ay ku dagaallamayaan dhulkan abaarta ah”. Maamulkii Faroole wuxuu dan u arkay in reer Sool ay ka madax-bannaanaadaan Puntland inkastuu seddex xildhibaan ku qabsaday maamulkii Khaatumo oo ku ololeeyay guuldarradii siyaasadeed ee Puntland. Maamulkisii iyo kan Somaliland waxay iska kaashadeen xakamayntii aragtidii Khaatumo oo,qayb ahaan, ku salaysnayd collaysiga Puntland iyo Somaliland, inkastoo Khaatumo iyo Puntland uu wada hadal u socay ka hor doorashadii uu Gaas ku guulaystay Janaayo 2014tii. Maamulka uu hoggaamiyo Cabdiweli Gaas wuxuu ku adkaystay inuu wakiil federaal ka yahay dadka dega dhulka beesha caalamka ugu suntan “Dhul lagu muransan yahay”. Go’aankani wuxuu Puntland siiyay awoodda ay ku soo magacawdo xildhibaannada iyo senatarrada ka imanaya dhulka lagu muransan yahay. Weerarkii Somaliland ku soo qaaadday Tukaraq iyo go’aankii Somaliland ku shaacisay inay Yoocada tagayso ayaa Puntland ku qasbay inay ciidan iskugu keento duleedka Tukaraq. Dadaalladii la waday may keenin ilaa hadda in labada maamul mid uun kan kale u tunaasalo ama miiska keeno wax dagaal baajin kara. La yaab bay ahayd in siyaasiyiinta qaarkood sida Juxaa iyo Cali Xaaji Warsame Somaliland ku eedeeyaan inay colaadda shidday. Nabadi may dhex oollin labada maamul awalba. Mid ka mid ka ah iimaha siyaasadeed ee Puntland ragaadiyay waa u adeegsiga hey’adaha siyaasadda xallinta loollanka siyaasdeed oo dhexmaray beelihii taageeri jiray jabhaddii SSDF. Marnaba may dhicin in loolannada siyaaseed oo dhexmara beelaha kale loo furdaamiyo sida loo dhammeeyay loollankii dhexmaray Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf. Puntland ma laha xeer lagula dhaqmo dadka ku tunta danaha iyo xuquuqda dadka. Samafaleyaal Inkastoo reer Punland ku hungoobeen siyaasiyiintooda marnaba may noqon dad illooba waxa ay la wadaagaan Soomaalida. Dad tiro badan oo ka kala yimid qeybaha Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaa degay gobollaada Puntland ka arrimiso wax baddana ku biiriyay koboca dhaqaalaha gobollada Puntland. Sanadkii 2015tii dadka Puntland waxay si niyadsami leh u soo dhoweeyeen oo wax u tareen dadka ka soo qaxay dagaalka Yemen oo badankood ahaa Soomaali markii hore Yemen u qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya awgiis. Mar kale dadka Buntland waxay intii karaankooda ah yabooh u direen ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkii 14kii Oktoobar 2017kii ka dhacay Muqdisho. Dhaqaalaha Sida uu ku dooday dhaqaaleyahanka Maxamed Dalmar Puntland may laha siyaasad lacageed oo ka madaxbannaan tan Soomaaliya. Ilaa hadda may cadda sida Puntland uga badbaadday sicir-bararka naafeeyay dhaqaalaha gobolka la deriska ah ee Somaliland. Waa suurtogal in farogelin la’aanta suuqa – tusaale ahaan isku day la’aanta goynta sicirka sarrifka – uu ka hortagay sicir-barar. Sidoo kale waa suurtogal in xogta laga ururiyo wax iibsadayaasha (consumers ) aan si joogto ah loola wadaagin dadweynaha, sidaas darteedna ay adag tahay in laga warhayo sicir-bararka. Inkastoo Puntland ay qaado Canshuuraha kala duwan haddana ma aha hab isku dubaridan, marka la eega khaas ahaan canshuuraha Berriga. Dabaqadda siyaasadda Puntland way ogtahay in cashuuruhu keenaan isla xisaabtan. Waxay u eg tahay in deeqaha sandareerada ah ay siyaasiyiintu kaga kaaftoomeen dejinta hab canshuuraha berriga loo ururiyo oo loo dhowro. Inkastoo Puntland ay leedahay xusuus hay’adeed haddana may ku guulaysanin inay hesho hab sida kan Somaliland Compact u ah, kaas oo Puntland u sahli lahaa in si gaar Beesha caalamku uga kaalmayn lahayd dhinaca horumarinta. Kalluumaysatada Buntland waxay ka cawdaan maraakiib ay Puntland shatiyo kalluumaysi siisay. May cadda sida loo maamulo lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumaysata shisheeye la siiyay. Hay’adaha u xilsaaran ururinta iyo kala saafidda xogaha bulshada laga soo ururiyo, sida PDRC, iyo SIDRA, way ka gaabiyeen horumarinta baarisyo ku saabsan siyaasadda dhaqaalaha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo barakacayaasha. Buntland waxay hoy u tahay barakacayaal tirobadan – barakacayaasha ugu tirada badan haddii dadkii Muqdisho colaadaha uga soo hayaamay 1991kii aad ku darto. Geddisley siyaasadeed Labaatan sano kaddib aasaaskii Puntland reer Buntland waxay ka welweslan yihiin waxa uu keeni doono isbeddelka dhici doona sanadka dambe haddii xildhibaannada Barlamaanka Puntland ay doortaaan madaxweyne cusub ama kan hadda haya dib loo doorto. Dad badan baa qaba in Puntland ay ku guuldarraystay in xisbiyo siyaasadeed la sameeyo. Waxay moog yihiin in dad beelo iskugu abaabulay siyaasadda aysan marnaba ku dooranaynin siyaasi barnaamij; Heybtiisa beeleed baa ka awood-badan hiraalkiisa siyaasadeed. Dad aan heshiis ku ahayn ilaalinta hantida dadka ka dhexeysa iyo la dagaallanka lunsadeyaasha marnaba ma u u noqon karaan tilmaanta maamul suubban. Waa cashar ka mid ah casharrada ugu waaweyn oo ay reer Puntland barteen tan iyo 1998kii. Dadkii koonfurta ka soo qaxay baa Puntland dhistay marka aad daaraha eegto. Daaraha iyo suuqayadu may ah halbeegyada keliya oo la soo qaadan karo. Ka shaqaynta hay’adaha dowladda, u qareemidda danyarta, la dagaallanka sinnaan-darrada iyo siyaasiyadda dhowrista deegaanka baa ka mid ah halbeegyada ugu waaweyn. Labaatan sano kaddib may cadda meesha Puntland ay u socoto. Puntland may laha xisbiyo gacan-ku-rimis ah oo u dhigma kuwa Muqdisho ka jira oo isu diwaangeliyay isuna diyaarinaya doorashada 2021ka. Puntland waxay la-hayste u noqotay geddisley siyaasadeed ( political entrepreneurs) ku kaltanta hoggaanka siyaasadda maamul-goboleedka. Waa dhibaato ay la wadaagto maamul-goboleedyada kale; waa mid furdaaminteeda laga sugayo dadka Puntland samaystay. Jean Monnet, oo horseed ka ahaa samayntii Midowga Yurub, wuxuu ka tagay ereyadan: “Ma jiro wax suurtooba dad la’aan; ma jiro wax waara hay’ado la’aan.” Buntland may laha hay’ado dhammeeya murannada siyaasadda sida kii dhaliyay inuu Cabdiraxmaan Faroole ka tago samaynta hab siyaasadeed ku salaysan xisbiyada. Puntland kuma sii gurguuran karto hay’ado magac-u-yaal ah. Waa farriinta sanadguurada labaatanaad u siddo dad badan oo aan ku niyadsamayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Puntland. W.Q. Liibaan Axmad The post Halkee Bay Puntland U Socotaa? appeared first on Puntland Post.
  2. Dubai (Caasimadda Online) – Xaakimka Dubai oo isla markaana ah Madaxweyne Kuxigeenka dalka Imaaraadka ayaa si dadban u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibedda maamulka Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka hoggaanka u haya. Qoraallo isdabajoog ah oo uu Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-makhtuum soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku caddeeyey sida uu uga xun yahay in uu dalkiisu gacan ku yeesho khilaafyada iyo dagaallada gobolka ka socda, halkii ay ahayd in hoggaanka waddanku uu xoogga saaro arrimaha gudaha ee dalka. Qoraallada uu bartiisa soo geliyey Sheekh Maxamed ayaa dad badani u fasirteen dhalleecayn dadban oo ku wajahan siyaasadaha Abu Dhabi. “Noloshu waxa ay i bartay in lug ku yeelashada siyaasadda caalamka Carabtu tahay wakhti lumis, micno darro iyo hanti lumis…haddii qofku doonayo in uu wax u qabto dadkiisa, waa in uu xoogga saaraa danta dalka…taariikhda ayaa taas ka marag kacaysa. Waana labo mid uun: in qofku sameeyo waxqabad la taaban karo ama in uu la soo taagnaado hadal maran, bogag iyo weedho bilaa qiimo ah,” “Siyaasiyiinta caalamka Carabtu waa buux, waxase yar dadka aqoonta u leh maamulka iyo maaraynta. Dhibaatadeennu waa maamul la’aan ee ma aha khayraad la’aan…u fiirso dalalka Alle ku mannaystay saliidda, gaaska, biyaha iyo dadka laakiin aan fursadda u helin horumarka, isla markaana aan awood u lahayn inay dadkooda u suurtageliyaan adeegyada asaasiga ah sida waddooyinka iyo korontada.” “Caalamkeenna Carbeed, siyaasigu waa kan maamula dhaqaalaha, waxbarashada, warbaahinta iyo ciyaaraha, wallow ay shaqada saxda ah ee siyaasigu tahay in uu dhaqaaleyahanka, aqoonyahanka, ganacsadaha iyo qofka xirfadda warbaahineed leh u suurtageliyo nolol tii hore ka fudud oo dhaanta.” Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho ay kursiga uga laaleyso Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wakhtiga uu kasii dhamaanayo. Dowlada ayaa la sheegayaa in kursigaasi oo dhawaan loo gali doono doorasho ay u wadato musharax cusub oo horay xil uga soo qabtay dowladii hore. Xogtu waxa ay sheegeysaa in musharaxa ay wadato dowlada Somalia uu yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa lasoo warinayaa in lagu cadaadinaayo xukunka maamulka Jubbaland, waxa ayna dowladu wadaa qorsho ay isbedel ugu sameyneyso Hoggaamiyayaasha maamulada oo iyagu caqabad ku ah howlaha dowlada. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la filayaa in ololihiisa uu ka bilowdo magaalada Muqdisho oo dhawaan lagu wado inuu soo gaaro, sida aan xogta ku heleyno. Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa musharaxiin kale oo iyaguna u taagan tartanka xukunka maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed oo iyaguna la filaayo in doorashadoodu ay dhacdo dhawaan. Ma cadda musharaxiinta kale oo dowlada Federaalka ay u wadato maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed,inkastoo la xaqiijiyay inay garbineyso mid laba musharax maamulkiiba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu Berri kasoo dago garoonka Aadan Cadde. Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyagoo iska wareysan doono xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku ku jiro. Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig. Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Shaqaallaha rayidka ah ayaa kasoo horjeestay xilka ka qaadis dhawaan uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda. Muran badan ayaa ka dhashay xilka ka qaadista Cali Maxamed Cali oo ahaa xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ugu dambeyntii soo faragalay Guddiga shaqaallaha rayidka ah. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ayaa waraaq u qoray 5-tii bishan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa si rasmi ah uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyahaya waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dowladda u yaalo. Wuxuu guddiga sheegay in xoghayaha xilka laga qaaday uu markii hore ku imaaday magacaabis Ra’isulwasaare haddana loo baahan yahay inuu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaado. Guddiga ayaa ku dooday inaysan ansax aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Debadda maadaama aan loo marin sida ay sheegeyn wadadii saxneyd isla markaasna aysan jirin sababo kale oo keeni karo inuu xilkiisa ku waayo. Guddiga ayaa ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xilkiisa loogu soo celiyo xoghayihii joogatada ahaa ee Wasaaradaas Cali Maxamed Cali. 26-ka Bishii July ayey aheyd markii xilka laga qaaday Cali Maxamed waxyana wasaaradda xilkaas u magacowday Danjire Saciid Xaaji Maxamuud. Sidoo kale xoghayihii xilka laga qaaday ayaa isna loo magacaabay waqtigaas La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda. Akhriso: Warqaddii xilka looga qaaday Xoghayaha Joogtada ah Waraaqda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda
  6. Laba Maalmood oo rabshado ay ka dhacayeen magaalooyinka ugu waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey hogaanka cusub ee dalkasi. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska casilay xilka iyodoona loo magaacabaya madaxweyne Cusb dawlad Deegaanka Soomalida itoobiya. Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar. Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida. Isaga oo Warbaahinta la hadlayey Madaxweynaha Cusub ayuu sheegay in isbedel weyn uu la imaan doono,isla markaana uu ku Shaqeyn doono aragtida Shacabka Soomaalida Itoobiya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ururka ONLF Oo Si Adag Uga Hadley Madaxweynaha Cusub Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. Somalia is rarely described as on the musical vanguard but there was a time, before its turmoil, when the Horn of Africa nation bustled with an electrifying mix of the world's sounds. Source: Hiiraan Online
  8. The August 7 midmorning attack on US embassy in Kenya and Tanzania brought al Qaeda to the limelight. It shaped Kenya’s war on terror and how Kenyans thought about their own security. Source: Hiiraan Online
  9. President Uhuru Kenyatta will hold talks with his US counterpart Donald Trump on August 27 in Washington, the White House confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU, Aug. 6 (Xinhua) -- The UN migration agency and the European Union are this week training over 60 migrants who opted to return to Somaliland from Libya instead of continuing their journeys to Europe, the UN agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Amid a diplomatic spat between Saudi Arabia and Canada, a pro-government Saudi Twitter account shared — and then deleted — a digitally altered image that appeared to show a plane flying toward the skyline of Toronto, Canada’s largest city. Source: Hiiraan Online
  12. The European Council (EC) has decided to extend the mandate of EU NAVFOR Somalia Operation Atalanta to curb piracy until 31 December 2020. Source: Hiiraan Online
  13. Kenya police have announced a new security measure which will see camels join the country’s animal policing unit which already has dogs and horses as part of it. Source: Hiiraan Online
  14. Security forces in Ethiopia’s eastern Somali region on Monday shot dead four people who were protesting against the looting of their shops and homes during unrest at the weekend, a witness said. Source: Hiiraan Online
  15. A military coalition battling Houthi rebels secured secret deals with al-Qaeda in Yemen and recruited hundreds of the group's fighters, a news report said on Monday. Source: Hiiraan Online
  16. Jigjiga (HOL) - Ahmed Abdi Mohamed has emerged as the new President of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia, following the Ethiopian Ministry of Information’s announced that embattled Somali regional President Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley) has agreed to step down from power after a bloody weekend in Jigjiga, the capital of the Somali regional state in eastern Ethiopia, where at least 30 people lost their lives. Source: Hiiraan Online
  17. The Minister for Information for the Somali region of Ethiopia Idris Ismail has confirmed to the BBC Somali Service that regional President Abdi Mohamud Omar has handed over power and has agreed to step down. Source: Hiiraan Online
  18. Ciidanka PSF oo hawgalkii maanta ku jira Ciidanka sida gaarka ah u taba-baran ee Puntland(PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Hawgalka oo ciidanku ka fuliyay buuraleeyda Calmadow ee gobolka Bari ayaa mudadii uu socday Al-shabaab looga sifeeyay degaannada; Madarshoon,Karin-xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ka tirsan buuraleeyda Calmadow ,sida lagu xusay warbixinta ciidanka PSF. Qoraalka ka soo baxay ciidanka ee PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay malayshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi laga saaray,islamarkaana ay hawlgalladu sii soconayan ilaa iyo inta Al-shabaab laga sifaynayo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland. “Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri warbixinta PSF. Warbixintu waxay intaas raacisay”ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo”. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  19. Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday. Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida. Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale. Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka. Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka. Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen. Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha DDS Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goor-dhaw is-casilay, iyadoo xilka madaxweynaha maamulkaas oo ay rabshado ka jiraan loo magacaabay wasiirkii maaliyadda maamulkaas, Axmed Cadi Maxamed. Is-casilaadda Madaxweynaha muddada badan soo xukumayay maamulkan ayaa looga jawaabayaa qalalaasaha ka taagan killilka shanaad, waxaana la filayaa in isbedelkan uu sababo xasillooni dhaqso ah. Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Cabdi Maxmauud Cumar uu cadaasi xooggan kala kulmay odayaasha dhaqanka deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, isagoo ugu dambeyn go’aansaday inuu xilka isaga dago. Magacaabidda mas’uulka cusub ee bedeli doona madaxweynaha xilka iska casilay ayaa waxay ku timid kulan ay yeesheen guddiga maamulkaas, sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray in ciidammo millateri ah ay buuxiyeen magaalada Jigjiga. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay u muuqataa mid horseedi doonta in xaaladda magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas ay caadi kusoo laabato, maadaama kacdoonka uu dhaliyay diidmo la diidan yahay madaxweynaha xilka ka dagay. Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirir-dhabe ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, kuwaasoo intooda badna Soomaali ah, kaddib iska-horimaadyo dhex-maray ciidamada iyo qowmiyadaha ku nool magaalooyinkaas. Ugu dambeyn, Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa muddo la Daalaa-dhacayay dhibaatooyin dhanka maamulka ah, kaddib markii lagu eedeeyay madaxweynaha is-casilay inuu isticmaalay awood xad-dhaaf ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii maamulka DDS Itoobiya oo is-casilay iyo mas’uul kale oo la… appeared first on Puntland Post.
  21. Turkish students are volunteering in Niger and Somalia as part of a Turkish Cooperation and Coordination Agency's (TIKA) 2018 Experience Sharing Program program. Source: Hiiraan Online
  22. Dirir-dhabe (PP) ─ Wararka laga helayo Magaalada Dirir-dhabe ee dhulka Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa shegaya in halkaas maanta lagu dilay in ka badan sagaal qof oo Soomaali ah, tiro kalena lagu dhaawacmay. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Liyuu Police-ka ahaa eek u sugnaa magaaladaas ay isaga baxeen, sidoo kalena ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan Millateriga Federaalka dalka Itoobiya, si xiisadda taagan loo joojiyo. Magaalada Dirir-dhabe oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah eek a tirsan dhulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxay rabshadaha ka taagani ka billowdeen markii xiiado ay dhaceen magaalada xarunta ah ee Jigjiga. Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Dirir-dhabe ayaa la sheegay inay ku jireen hooyo iyo ilmo ay dhashay, waxaana dhammaantood dadka la laayay ay kasoo jeedeen dalka Jabuuti, taasoo keentay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaawaco gudaha Jabuuti. Talyiaha booliiska Jabuuti ayaa sheegay inaysan jiri doonin cid dambe oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya lagu dhibaateeyo gudaha dalka Jabuuti, isagoo sheegay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay Itoobiya dib ugu laabato, balse qofkii raba uu dib u laaban karo. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Qoysaska Sooaalida ah ee Dirir-dhabe ku nool, gaar ahaan kuwa deggen xaafadaha ay dadka aan ahayn Soomaalidu ku nool yihiin ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda si ay uga nabad-galaan rabshadaha socda. Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay maanta xasiloon tahay magaaladaas, inkastoo dhallinyaro kasoo jeeda dadka kale ee aan Soomaalida ahayn ay isku urursanayaan goobo gaar ah, inkastoo aysan jirin wax isku dhacyo ah oo dhacay. Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay ku xakameyso dhibaatooyinka sii kordhaya ee haatan ka jira Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ciidammo aad u hubeysan oo Gudaha u galay Dirir-dhabe iyo Xaaladeeda oo kasii dartay appeared first on Puntland Post.
  23. Jigjiga (Caasimadda Online) – Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen. Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba. Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase) Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey. Magacaabistan ayaa waxa ay imaaneeysaa iyada oo muddo 3-maalmood ah xaalad cakiran ay ka taagneed Guud ahaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato. Sidoo kale magacaabistaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada Militariga Itoobiya ay Maanta galeen Magaalada Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  24. Diridhabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo. Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan. Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay. Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah. Caasimada Online Xafiiska Diridhabe Caasimada@live.com