Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Authorities have shut off Internet access in eastern Ethiopia amid an outbreak of violence there, residents said on Wednesday, a sign of the challenges facing reformist Prime Minister Abiy Ahmed in containing ethnic tensions in parts of the country. The residents, one speaking from Oromia region and the other from the city of Harar, said the connection had been down for three days — the first time access has been cut off since parliament lifted a state of emergency in June. Ethiopian government spokesman Ahmed Shide did not immediately respond to a phone call and a text message seeking comment on the shutdown, which was reported on Tuesday by digital rights group Access Now. Violence broke out on Saturday in Jijiga, the capital of Ethiopia’s Somali region, with mobs looting properties owned by ethnic minorities. Security officials shot dead four people, a witness told Reuters. The government said unrest had been stoked by regional officials. The residents in Oromia and Harar said they were concerned the violence could spread from the Somali region into other parts of eastern Ethiopia, in part because tit-for-tat ethnic reprisals were one part of the unrest that roiled the country for three years until the resignation of Prime Minister Hailemariam Desalegn in February. The government had imposed emergency rule in February, a day after Hailemariam’s resignation after three years of street protests and violent unrest. Since replacing Desalegn in April, Abiy has turned politics and the economy on its head in the country of 100 million people but continuing ethnic violence poses a challenge to his reform drive. Nearly 1 million Ethiopians are currently displaced from their homes due to ethnic violence in the Somali and Oromia regions and elsewhere, according to the United Nations. The government’s move to shut down the Internet amid the latest violence over the weekend suggests a continuation of a knee-jerk reaction to unrest in recent years. Abiy, a 41-year-old former army officer, has pledged greater freedoms. In the four months since he took office, the government has released political prisoners and lifted a ban on opposition groups. During the protests before Abiy took office, the government frequently switched off the Internet, sometimes for several months at a time, in Oromia, a large region that surrounds the capital Addis Ababa and extends east all the way to the Somali region. Halting the ability of young people to organize demonstrations or strikes online or on social media, using smartphones, was a strategy used to contain protests. Ethiopia, a country of 100 million people, is one of the few countries in the world that still has a state telecoms monopoly, which makes shutting off the internet more simple than if there were multiple telecoms providers. Source: Reuters
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa amar ku bixisay in hawada laga saaro Interneedka dhamaan laga isticmaalo deegaanada Soomaalida. Dowlada ayaa sheegtay in muddo Seddex cisho ah aan deegaanada Soomaalida laga isticmaali karin wax interneed ah. Dowladu waxa ay tilmaantay in jarista Interneedka ay ula gol leedahay xasilooni kusoo dabaalida deegaanada Soomaalida oo iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada Militeriga. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee shaqooyinkooda ay ku xiran tahay ayey dowlada Ethiopia ku wargalisay in laga doonaayo dulqaad maadaama Interneedka uu ka qeybqaadanaayo xasilooni darada ka jirta dhulka Soomaalida. Dadka dibad-baxa dhiga iyo kuwa aadka uga faa’iideysanaaya rabshadaha ayaa muuqaalo ay kasoo duuban dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulka ku baahiya Facebook iyo Youtube. Dowlada oo dabacsanaan u muujineysa shacabkeeda ayaa tiri “Waxaanu ku wargalineynaa shacabka iyo shirkadaha inay muujiyaan dulqaad dheeri ah, maalmaha seddexda cisho ee aanu hawada ka saari doono Interneedka waxaanu ula gol leenahay xakameynta xaalada kacsan” Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay ku dhawaaqday in maamulka cusub uu waxbadan ka duwanaan doono kii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ Wargeys lagu magacaabo Foreign policy ayaa warbixin uu ka qoray Somalia ku sheegay in haddii ay dalka ka baxaan ciidanka AMISOM ay Al-shabaab sida ugu dhaqsiyo badan ula wareegayso awoodda guud ee Somalia. Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya aysan lahayn ciidammo sugi kara amniga guud ee dalka haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika, waxaana sidoo kale warbixinta lagu xusay in ciidamada AMISOM oo ka socda Dalalka; Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi aysan wax la taaban karo ka qaban Soomaaliya 10-kii sano ee ay joogeen. “Soomaaliya waa sidii adigoo nadiifiniya Doofaar, waad nadiifineysaa isagana wuu sii wasaqoobayaa,” ayuu yiri sarkaal u dhashay dalka Uganda oo si gaar ah ula hadlay wargeyska Foreign Policy, wuxuuna is-bar-bar-dhigay Somalia iyo Afghanistan. Isagoo sheegay in sida Talibaan ay awoodda dalkaas sida ugu dhaqso badan ugula wareegayaan haddii ay ciidamada NATO baxaan, ayay Somalia ula wareegayaan Al-shabaab haddii ay AMISOM ka baxdo. Qoraal wargeyska ayaa lagu xusay in Somalia ay ku sugan yihiin saraakiil badan oo tababarayaal ah, kuwaasoo ka kala socda Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo dalal kale, balse aan horumar laga sameyn dhismaha ciidanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in haddii si dhab ah loo dhiso ay si aad ah uga tayo badnaan lahaayeen kuwa ajaanibta ah ee dalka ku sugan. “Ciidamada Qaranka Somalia waxay noqon karaan kuwa aad wax-tar u leh,” ayuu yiri khabiir ajnabi ah oo kasoo shaqeeyay in ka badan 20 dal, haatanna la-taliye u ah Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia. Wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya la-taliye Wasaaradda Difaaca DF, ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidamada Somalia laga dhigi karo ciidamo wax-tar leh, balse uusan suuro-gal ahayn habka loo dhisayo. “Waa sir shaacsan in xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ay kireystaan Al-shabab si ay u dilaan ama u cabsi-geliyaan kuwa siyaasadda kula loolama,” ayuu yiri khabiirkan, isagoo xusay in tusaalaha ugu wanaagsan uu yahay Weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Dayax Hotel halkaasoo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin badan. Warbixintu oo soo xiganaysay C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo kasoo noqday afhayeen iyo la-taliye Wasaaradda Amniga Somalia ayaa isna yiri; “Shaki iigama jiro in Al-shabaab ay ku dhex-jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay ku dhex leeyihiin ‘kula-jira kaala jirayaal.” Ugu dambeyn, Warbixnta ayaa lagu soo gunaanaday hadal uu yiri la-taliyaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia oo ahaa – Halkan hub waad ka iibsan kartaa – bulsho caalam ahaan ma aanan soo taageereeyn wax aan ahayn shabakado dambiileyaal ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay inay Qabsanayso Somalia haddii ay baxaan Ciidanka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  4. Gaddoon dhowe (Caasimadda Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, diyaarado dowladda Kenya ay leedahay ayaa xalay duqeyn geystay khasaaro dhimasho duqeyntu waxay ka dhacday duleedka magaalada Beled Xaawo. Tuulada duqeeyntu ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Laan-qurac, deegaanasi ayaa waxaa uu hoos yimaada deegaanka Gaddoon dhowe. Dadka ku dhaqan deegaanakasi ayaa u sheegay warbaahinta in duqeeyntaasi uu ku dhintay nin reer miya ah oo marayay deegaanka ay Duqeeyntu ka dhacday. Goobta ay duqeeyntu ka dhacday ayaa waxaa gaaray dad ka ag dhawaa waxayna goobta kusoo arkeen meydka Ruuxaasi Shacabka ah oo halkaasi duqeeynta ku dishay . Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa si toos ah ubeegsaday dad shacab xoola dhaqata ah oo xilligaas doonayay in ay kasoo adeegtaan Gaddoon dhowe, dowladda Kenya ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn ku heysa shacabka gobolka Gedo. Duqeymo bilo ka hor ka dhacay degmada Ceelcadde iyo deegaannada hoos yimaad ayaa sababay dhimashada tobaneeyo ruux iyo in ay bakhtiyaal boqolaal neef oo u badan Ari iyo Geel. Caasimada Online Xafiiska Baardheere Caasimada@live.com
  5. Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabaab ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa iska fogeysay dil xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu khaarijiyey Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar. Ganacsatada oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaanada Puntland ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen agagaarka Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso, laakiin Al-shabaab-ta Gobolka Bari ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka Ganacsadaha. Warka kasoo baxay Xarakada Shabaabka ayaa lagu caddeeyay inaysan iyagu lahayn mas’uuliyadda dilka Ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna warbaahintooda u sheegeen in ciidamadoodu aysan geysan dilka lagula kacay ganacsadaha oo ay ku tilmaameen nin muslim ahaa. Shacabka magaalada Boosaaso ayaa maanta hadal haya falka dilka ah ee lagula kacay Maareeye ku xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Goolis. Waa markii ugu horeysay muddooyinkan ee Al-shabaab ay beeniso inaysan shaqo ku lahayn dil ka dhacay magaalooyinka dalka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  6. Kuala Lumpur (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia ayaa cabasho kasoo gudbiyey Safaaradda Soomaaliya ay halkaas ku leedahay. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa waxaa ka jiro musuq maasuq xoog leh oo ku saabsan bixinta Baasaboorada Soomaaliya iyo dhammaan Documentiyada ay dadka Soomaaliyeed uga soo baahdaan. Qaar ka tirdan ardayda ku nool dalka Malaysia oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay Safaaradda ka qaado ardayda iyo dadka caadiga ah lacag xad dhaaf ah marka ay usoo baahdaan Baasaboorada. Halkii Baasaboor ayey safaaradda lacag ahaan dadka uga qaadaa ku dhawaad 300 oo Dollar halka wadamada kale ee Soomaaliya safaaradaha ku leedahay laga qaado lacag u dhaxeyo 140 – 150 Dollar. Sidoo kale waraaqaha iyo Documentska ay dadka Soomaaliyeed iyo ardayda uga soo baahdaan safaaradda Malaysia ayaa laga qaadaa lacag gaareyso ilaa 80 Dollar halka Safaaradaha kale dadka Caadiga ah iyo ardayda laga qaado inta u dhaxeyso 10 – 20 Dollar iyadoo ay xusid mudan tahay in Safaarado ay kamid tahay midda Soomaaliya ee Ankara aan wax lacag ah laga qaadin ardayda uga soo baahdo waraaqaha iyo Documents-ka . Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa waxaa Safiir ka ah Dr. Abukar Abdi Osman Mardadi waxaana muuqato in musuq maasuqaan uu isaga ku lug leeyahay maadaama aan safaaradda laga sameyn karin wax uusan isaga ka war qabin. Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan xooli ku waday la dagaalanka musuq maasuq ku aadan isla markasna usoo xirtay mas’uuliyiin badan ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia iska dhaaf in tallaabo laga qaado. Qaar ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada lagu hayo haddii ay dowladda Soomaaliya dhab ka tahay la dagaalanka musuq maasuqa. Caasimada Online Xafiiska Kuala Lumpur Caasimada@live.com
  7. Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laga helay Meydadka dhalinyaro la sheegay inay kasoo jeedan dalka Ethiopia. Meydadka Dhalinyaradani oo labo ah ayaa la sheegay inay kasoo jeedan qowmiyada Oromo waxaana Meydkooda ka muuqda dhaawacyo kala duwan. Dad dul tagay Meydadka ayaa sheegay in mid kamid ah labada ruux qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay. Ruuxa labaad ayaa la sheegay in loo dilay qaab silac ah, waxaana oogada jirkiisa qariyay dhaawacyo kala duwan. Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya. Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labadaasi ruux laga kaxeystay goob ay ku qayilaayen, iyadoo falkaasi ay geysteen afar ruux oo la socday gaari nooca raaxada ah. Maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda, kaasi oo la sheegay inuu ku qeyla dhaaminaayay “Garoowe iyo Boosaaso anagaa leh”. Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda. Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka gobolka Bari uu shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Qarmada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka waxa ay marwaliba sheegaan iney ka go’antahay dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse waa waxba kama jiraan, sidaasi waxaa lagu yiri Maqaal lagu daabacay Wargeyska Foreign Policy Todobaad ayaa laga joogaa markii Golaha Qaramada Midoobay ay isku raaceen in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ilaa bisha May sanadka 2019-ka. “ Doofaarka sidiisaba daahir ma noqdo, Soomaaliyana waa sidaas oo kale, waa nadiifinee hadane waa wasaq” waxaa sidaasi yiri Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale la barbar dhigay Soomaaliya dalka Afghanistan isagoo sheegay in Taalibaan ay la wareegto meel walbo oo Ciidamada Afghnaistan ay baneeyaan. Xaaladda amni ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinka ka sii dambeysa qaraxyo iyo dilal aan kala joogsi laheyn ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deegaano kala duwan oo dhaca Soomaaliya. Markii ugu horeysay AMISOM waxaa Soomaaliya laga howlgeliyay 2007-dii waxyna dagaal la galeen Al Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa loo sii kordhinayay sharciga ay ku joogayaan Soomaaliya, hada waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 22,0000 oo askar kuwaa oo ka socda dalalka kala ah Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Sierra Leone. In xiligan AMISOM loo kordhiyo howlgalka Soomaaliya waxaa laga leeyahay ujeedooyin kale iyo in la marin habaabiyo waqtiga saxda ah ee Soomaaliya ka baxeyso taa oo meesha ka saareysa rajada ah in Soomaaliya ay ku tashato ciidamadeeda. Ciidamada Soomaaliya waxaa loo aqooni jiray “Libaaxyada Africa” waxaana taageero siin jiray Midowgii Suufiyeet, waxaa aad u qalabeysnaa xarumaha Militry-ga waxaana ciidamada tababar ku qaadan jireen Taangi iyo hub culus iskaba daa iney ku dagaalamaan. Burburkii kadib ciidankii ayaa burburay mana jirin taageero ku filan oo ay heleen xitaa ma aysan heysan Fooneeyaha iyo qalabka isgaarsiinta ee ciidanka ku xeriiraan, waxey isticmaali jireen shirkado isgaar-siineed oo si qaas ah loo leeyahay, ciidanka qaarkood waxey ku howlgalaan dacas. “Reer Galbeedku waxey tababareen ciidamadii ugu xumaa aduunka waana ciidamada Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya” professor Stig Jarle oo xeriirka caalamiga ka dhiga Jaamacada Norwegian University of Life Sciences ayaa sidaasi u sheegay Wargeyska Foreign Policy. Dowlado kala duwan ayaa taageera Ciidamada Soomaaliya, saldhigyo Military ayeyna ku leeyihiin dalka ujeedo ahaan iyo siyaasad ahaan waa ay kala duwan yihiin, dal walbana xulufo gooni ah ayuu hoos ku wataa iyo Istaraatiijiyad gaar ah, waxaa kamid ahTurkiga, Mareykanka iyo Britain, Imaaradka Carabtana wuu joojiyay maadama khilaaf kala dhaxeeya dowladda wuxuu lahaa saldhig sidoo kale Mareykanka wuxuu hakiyay taageeradii cunnada iyo shidaalka uu siin jiray CXD isagoo sabab uga dhigay musuq. La-taliye ajnabi ah oo la shaqeeya wasaaradda Gaashandhigga ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda laga dhigo karo kuwo awood leh balse aan loo diyaarsaneyn, wuxuuna la taliyahan diiday in magaciisa la daabaco isagoo la soo shaqeeyay in kabadan 20 wadan. Qof walbo oo Soomaali ah wuu ogyahay in AMISOM aysan rabin iney ka tagto Soomaaliya, waxeyba noqon doonaan hay’ado amni oo si gaar ah loo leeyahay oo calooshood u shaqeysta. Jawaab cad looma hayo cida Ciidamada Xoogga dalka siisa hubka, -Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub waxey bixiyaan hub yaryar, lakiin wadamada Khaleejka iyo Masar ayaa si furan Soomaaliya ugu iibiya hubka iyagoo soo marsiiya badda ama hawada, waxaana loo diiwaan geliyaa Ciidamada Dowladda laakiin waxey u gacan galaan maleeshiyo beeleed iyo in lagu kala iibsado suuqa madoow. “ Wax shaki ah kama qabo in Al Shabaab ay xeriir leeyihiin hay’adaha Dowladda Federalka Soomaaliya sir bandanna ay og yihiin” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo ahaa La-taliyihii iyo Afayeenkii hore ee wasaaradda Amniga oo wareysi la yeeshay Wargeyska FP. Al shabaab waxey soo dhexmaraan bar-kontaroolada ciidamada Dowladda iyagoo sita Uniform-ka ciidanka , weerar iyo qaraxyo ayeey fuliyaan, maalmo ka hor xafiiska taliye ku xigeenka NISA waxaa u dhacay askar xeriir la leh Al Shabaab. “Wey iska cadahay in xubno katirsan dowladda ay sirta la wadaagaan Al Shabab xitaa kuwo beesha caalamka xiriir ayaa kala dhaxeeya Al Shabaab” waxaa sidaasi sheegay sarkaal la shaqeeya wasaaradda Gaashaandhigga . Ujeedka xiriirka loola yeelanayo Al Shabaab ayaa ah in ay khaarijiyaan cid waliba oo ka hor timaada dano siyaasadeed uu wato siyaasi ama mucaarad ku ah, waxaana tusaale kuugu filan weerarkii Hotel dayax ay ku qaadeen Al Shabaab oo siyaasiyiin kala duwan ay ku shirayeen. “Dhisidda Ciidamada Xooga Dalka waxay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee beesha caalamka marka loo eego siyaasiyiinta Soomaalida ” E.J. Hogendoorn ayaa yiri ah oo sarkaal sare oo katirsan Ururka falanqeeya xasaradaha caalamig adduunka ee ‘International Crisis Group’ (ICG) Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
  9. Authorities have shut off Internet access in eastern Ethiopia amid an outbreak of violence there, residents said on Wednesday, a sign of the challenges facing reformist Prime Minister Abiy Ahmed in containing ethnic tensions in parts of the country. Source: Hiiraan Online
  10. The Republic of Djibouti has expressed its condemnation and denunciation of the Canadian interventions in the internal affairs of the Kingdom of Saudi Arabia. Djibouti affirmed its absolute solidarity and full stand with the Kingdom in countering such interventions and confronting all those who seek to infringe on its sovereignty. Djibouti Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation expressed, in a statement today its full confidence in the wise leadership of the Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud and his government in defending the rights of Arab countries and the Islamic world.
  11. Wararka naga soo gaaraya Magalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Xaafado ka tirsan Magaaladaas laga helay meydadka labada Nin oo u dhashay qowmiyada Oromada. Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay Meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya. Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas. Dilka dadkaas ayaa ku soo aadaya xilli War ka soo baxay Maamulka gobolka Bari Shacabka gobolkaas looga digay in ay dhibaateeyaan dadka ku dhex nool gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Oromada.
  12. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa digniin culus siisay hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay Magaalada Adis Ababa. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa loo soo sheegay inuu faraha kala baxo arrimaha maamulka Soomaalida Itoobiya hoos tagto. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe. Axmed Madoobe oo Safar ku joogo Magaalada Adis Ababa ayaa waday olole uu ku doonayey inuu ku dhexdhexaadiyo dowlada Federaalka Itoobiya iyo Maamulka deegaanada Soomaalida ee Itoobiya kadib khalalaaso siyaasadeed oo halkaas ka taagnaa. Axmed Madoobe ayaa doonayey inuu maamulka sii hayo Cabdi Iley oo hadda ku jiro gacanta Militariga Itoobiya Balse nasiib darro si qasab ah ayaa xilka looga qaaday habeenkii uu Axmed Madoobe gaaray Adis Ababa subaxii xigay. Ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa weli gacanta ku haya Ammaanka magaalada Jigjiga waxaana intooda badan laga soo saaray xarumo muhiim ah oo laga dajiyay magaalada waxaana aad u yar isu socodkii dadka iyo gaadiidka. Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa gobollada kala aaday waxa ayna ciidamadu yihiin kuwo wali xir xiraaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo iyagu garabsiiyay Madaxweynihii hore ee xariga loogu abaalmariyay. Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa gaaraya ilaa 15 kuwaasi oo loo heysto inay jabsheen sharciga ciidanka. Sidoo kale, boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee maamulka ay tahay mid xasilooni u ah dhulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Adis Adabab Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa telefoon kula xiriiray Amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad Al-thani, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Qatar; iyagoo ka wadahadlay arrimo kala duwan. Madxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar sida gaarka ah u daneeyaan. Xiriirka labada hoggaamiye ayaa yimid, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku taageereyso mowqifka dowladda Sacuudiga ay xiriiirka ugu jartay dalka Canada iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labadaasi dal ka dhex taagan.
  14. Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xaaladda magaalada Jigjiga oo saacadihii ugu danbeeyay aheyd mid kacsan kadib markii ciidamada Militeriga Ethiopia laga soo saaray xarumihii la geeyay. Ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa weli gacanta ku haya Ammaanka magaalada Jigjiga waxaana intooda badan laga soo saaray xarumo muhiim ah oo laga dajiyay magaalada waxaana aad u yar isu socodkii dadka iyo gaadiidka. Qaar badan oo ka mid ah dadkii degenaa magaalada ayaa gobollada kala aaday waxa ayna ciidamadu yihiin kuwo wali xir xiraaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo iyagu garabsiiyay Madaxweynihii hore ee xariga loogu abaalmariyay. Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Militeriga Ethiopia ayaa gaaraya ilaa 15 kuwaasi oo loo heysto inay jabsheen sharciga ciidanka. Sidoo kale, boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Wajaale ayaa u tallaabay dhanaka Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas haddana dadka ka cabsi qabay in rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee maamulka ay tahay mid xasilooni u ah dhulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  15. Maydka labo nin oo Oromo ah ayaa la keenay cusbitaalka Dowladda ee magaaladda Bosaso sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka. Labadaan nin ayaa mid ka mid ah waxaa laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha Boosaaso, isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad la ii sheegay in lagu dilay xarun ama xafiis ay maamulaan dadka ka ganacsada tahriibta. Da,da labadaan nin ayaa qiyaastii u dhaxaysa 20 sano jiro. Xiisada ka jirta dalka Itoobiya ee u dhaxaysa Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromadda ayaa u muuqata mid ku faafeysa Gobolka,Iyadoona dhawaan Dowladda Jabuuti ay kala baxdey dalka Itoobiya muwaadiniinteeda ka dib markii la dilay muwaadin u dhashay dalkaas. Dhacdadaan ayaa noqonaysa middii labaad oo todobaadkan gudihiisa ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya. Abshir Dhiirrane PUNTLAND POST The post Oromo lagu dilay dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Dikreeto kasoo baxday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland ayaa lagu kala saarey labo urur oo wadaniya ka dib markey isku mid ka noqdeen magacyadda Ururadooda, waxayna arrintoodu gaartey heer inay soo dhexgalaan Hay,adda ku shaqada leh arrintan iyo Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal. Xukun kasoo baxay Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal iyo Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa rasmiya loogu go,aamiyay lahaanshaha magaca hadda ka dib inuu lahaan doono ururka Himillo Relief and Development Organization, Islamarkaana la baabiyo gabi ahaan-ba ururkii kale oo ku haystay magaca kaas oo la oran jirey Himilo Organization For Development. Deegaanada Soomaalida waxaa kusoo badanaya Ururo samafal iyo Shirkaddo ganacsi oo aanu jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya magacyadda ay isticmaalayaan, waxaana inta badan ka dhasha jahwareer iyo isqabqabsi. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baahisay 19 July ee sanadkaan warbixin ku saabsan cabasho ay ka gudbisay Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq General Trading urur si sharci daro ah u isticmaalaya magaca shirkaddu ay iska leedahay, Halkan riix si aad uga akhrisatid. Akhriso qoraalka Wasaaradda Qorsheynta Puntland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Puntland oo Go,aan ka gaartey labo Urur oo magac isku qabsadey appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan agagaarka SOS ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo gaaraya ilaa Seddex Qarax ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo la socday kolonyo gaadiid dagaal. Qaraxyadda ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado kala dambeeyeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa koowaad uu qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan . Qaraxyada kale ayaa dhacay daqiiqado ka dib waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore. Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhaawac oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay fureen Ciidamada AMISOM. Khasaaraha soo gaaray AMISOM ayaa la sheegay inuu gaarayo Afar dhaawac ah kuwaasi oo xiliga ay kasoo dageen gaadiidka lala eegtay Qaraxyada kale, halka Seddex kale oo shacaba ay ku dhawacmeen Qaraxa. Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku nafwaayen Qaraxyada oo ahaa kuwo qorsheysnaa. Geesta kale, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. The Republic of Djibouti has expressed its condemnation and denunciation of the Canadian interventions in the internal affairs of the Kingdom of Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) - Africa Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) convoy hit a landmine on Wednesday morning in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
  20. A 23-year-old Minneapolis man who is now the second Minnesotan released from prison for trying to join ISIS has been ordered to serve extra time in a halfway house after admitting he bet on soccer matches last month. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay xubno ka howlgala Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa laga dajiyay Hub farabadan. Xogtu waxa ay tibaabeysaa in Hubkaasi lagu waday Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka nooca yaryar ee agabka daabula. Hubka laga dajiyay Dekadda ayaa lasoo warinayaa inay ku jiraan noocyada meelaha fog wax ka gumaada. Saraakiil ciidan oo ka tirsan Militeriga Imaaraadka ayaa la socday Markabka kuwaa oo Hubka u daabulay meel ka baxsan Dekadda, sida aan xogta ku heleyno. Xogo hoose ayaa muujinaaya in Hubkaasi loogu tallo galay in lagu xero Saldhiga Imaaraadka ee dhawaan laga dhismaha bilaabay duleedka magaalada Berbera. Saldhigan oo aan wali gaarin heerkii loogu tallo galay ayaa waxaa marba marka xigta la geeya Hub iyo agab dhismo, waxaana xusid mudan in halkaasi ay ka socdan howlo aan laga warqabin. Geesta kale, dowlada Imaaraadka carabta ayaa saanad Militery u ballanqaaday maamulka Somaliland oo dhawaan hubkii ugu badnaa kula dagaalamay Puntland. Ma cadda in Hubkaasi lasiiyay Somaliland iyo inkale wallow arrintaani ay imaaneyso xili dowlada Imaaraadka ay dhex dabaalaneyso mowjado siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa qaraxyo lagula eegtay goor-dhaw isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo Qaraxyada kaddib la sheegay in ciidamadu ay fureen rasaas xoog badan. Qaraxyadan oo aan la ogeyn inay ahaayeen kuwo dhulka lagu aasay iyo kuwo si toos ah loola beegsaday, ayaa yimid xilli ay kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadu wateen ay marayeen isgoyskaas oo aad u mashquul badan. Illaa hadda lama oga khasaaraha ay geysteen qaraxyadaas, balse ciidammo badan oo AMISOM ka tirsan ayaa la sheegay inay waddada hareeraheeda isku fidiyeen, iyagoo dhinacyada u ridaya rasaas fara badan. Goobjoogayaal ku sugna halka uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen saddex qarax oo culus, xilli ay ciidamada AMISOM halkaas marayeen, dhammaan ganacsigiina uu xirnay. “Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jira xaafadaha ku dhaw isgoyska SOS, mana la garanayo khasaaraha ay qaraxyada iyo rasaasta xigtay sababeen,” ayuu mid ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa markii ay Qaraxyadu dhacayeen. Degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Qaraxyadu ka dhacaan inta badan, waxaana qaraxyadan intooda badan lala beegsadaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Ma jiro hadal kasoo baxay AMISOM, balse Qarxyada ayaa intooda badan waxaa la sheegaa inay geysteen xoogag ka tirsan Ururka Al-sabaab oo dagaal kula jira Dowladda iyo AMISOM. Wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxyadan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE idmo. PUNTLAND POST The post Qaraxyo is-xiga oo ciidamada AMISOM lagu eegtay Xaafad ka tirsan Degmada Huriwaa appeared first on Puntland Post.
  23. Jigjiga (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ka danbeysay in xilka laga qaado Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Maxamuud Cumar ee iminka ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inaysan ku kicin talaabo aysan ka raali aheyn dadka deegaanka, balse ay jirto qeylo dhaan kaga imaaday dhanka shacabka. Dowlada ayaa tilmaantay in isbedalka ka dhacay dhulka Soomaalida Ethiopia uu yahay mid dan weyn ugu jirto shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Wasiirka warfaafinta dowladda Ethiopia Axmed Shidde ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu safarkiisii ugu horeeyey ku tagay Jigjiga ahayd sidii xal weyn looga gaari lahaa hoggaaminta deegaankaasi, waxa uuna tilmaamay inuu dhageystay qeyla dhaan kaga imaaday dhanka shacabka. Axmed Shidde, waxa uu sheegay in culeysyo ay yimaadeen, islamarkaana cabashada dadka ay sii badatay, isaga oo tilmaamay in koox yar ay Jigjiga iyo deegaanno rabshado ka sameeyeen. “Isbedelka dhacay waxa uu ku imaaday rabitaanka shacabka Soomaalida, dowladu waxa ay maqashaa shacabka sidaana waxa ay ku qaaday talaabo isbedel ah oo dani ugu jirto shacabka” Axmed Shidde, waxa uu sheegay in cabashooyinka xitaa ay halis galiyeen amniga qaranka, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia aysan diyaar u aheyn Qatar amni darro oo kaga imaada dhanka shacabka. Dhinaca kale, waxa uu Mr Axmed Shidde sheegay in cid walbo oo ka dambeysay dhibaatooyinkii ka dhacay Jigjiga lagula xisaabtami doono, isla markaana loo saaray guddi baaritaan degdeg ah ku sameeya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  24. MOGADISHU (Reuters) - Four Somali brothers have imported dozens of Holstein Friesian cows, the world’s top milk producing breed, hoping the high-risk strategy can build the war-torn country’s dairy industry from scratch. Source: Hiiraan Online