-
Content Count
206,406 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xilka looga qaaday Shan ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Garsoorayaasha. Garsoorayaasha waayay xilkooda ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid aan loo marin sharcida. Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud (Dr luu), ayaa sheegay in xil ka qaadistooda aan loo cuskan qodobada sharciga waxa uuna tilmaamay in dhaliisha ugu badan ay tahay mid ay dusha ka saarayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Dr luu waxa uu arrin sharci daro ah ku tilmaamey xilka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistooda ay ku qanci lahaayen waa haddii loo mari lahaa sharciga. Dr luu, waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii ay dembi galeen ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday” Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada ay ka doonayaan inay cadeyn u keenaan sharciga ay u cuskadeen xil ka qaadistooda. Si kastaba ha ahaate, Dr luu ayaa cadeeyay inaysan aqoon saneen go’aanka loo cuskaday xil ka qaadistooda, waxa uuna tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan bayaaninta waxa loo cuskaday.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi uga yeertay xubnaha ugu sareeya Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia. Dowlada ayaa la sheegay in u yeerida ay ula gol leedahay talo jeedin maadaama Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar uu ku jiro xabsi guri ku yaalla magaalada Addis Ababa. Xubnahaani oo la sheegay in tirro ahaan ay iminka gaarayan ilaa Sodon xubnood ayaa waxaan kamid aheyn 3 Xubnood oo iyagu aan looga maari Karin ku sugnaanshaha magaalada Jigjiga kuwaa oo si KMG ah usii haya maamulka. Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa aadista magaalada Addis Ababa oo looga yeeray asbuuci tagay. Uyeerista xubnahaani timid ka dib markii Militeriga Ethiopia ay la tageen Madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa. Qorshaha u yeerida xubnaha ayaa waxaa leh Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo hirgalinaaya amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo isagu lahaa fekerka loogu yeeray xubnaha. Warar hoose ayaa sheegaya in xubnahaasi la faray inay tallo siiyaan Madaxweynihii xilka laga tuuray Cabdi Cumar, iyadoo tallo diidmo kadib la filaayo in laga gaaro go’aan. Sidoo kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa iminka ah mid dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto maadaama la dajiyay shacabkii kacdoonka sameynaayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalin Karin waxa kasoo bixi doona kulanka magaalada Addis Ababa uga socda dowlada Federaalka iyo xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia ee hadda ku sugan Addis. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa xalay hadal uu ka jeediyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si adag ugu dhaliilay siyaasadda xukuumadda haatan ka dhisan magaalada Muqdisho. Mudane. Juxaa ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay xilligaan dheelliday,kadib markii ay isku-milmeen awoodihii saddexda gole ee dowladda(Garsoorka,Baarlaamanka & Xukuumadda),islamarkaana ay xukuumaddu af-duubtay dhammaan awoodihii dalka. “Dheelli baa ii muqda,dheelliga ii muqdaana waxa weeye isku-milan awoodeed,waxaa isku-milan awooddii xukuumadda,iyo tii Garsoorka iyo tii Baarlamanka. Waxaa adag hadda tiraahdid waxaa shiraya golihii wasiirada iyo golihii Baarlamanka,maadaama golaha wasiiradu uu intiisa badan hadda sii noqonayo gole Baarlamanka” ayuu yiri Juxaa. Sigaasigan ayaa sheegay in isku-milanka golayaashaasi uu halis gelinayo, nidaamkii dowladnimo ee dalka,sidoo kalena meesha ka saarayo isla-xisaabtankii iyo tala-wadaagii golayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ay xukuumaddu maroorsatay. “taasi waxay khatar ku tahay, in dooodi dhacdo oo dood isu miisaaman dhacdo, oo aan qolo la saqlayn talada,waxayna khatar ku tahay dowladnimadii Soomaaliyeed ee tala wadaaga ahayd ee la dhiraan-dhirinayey” ayuu raaciyay Cabdi Faarax Juxaa. Siyaasigan ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso dowlad goboleedyada dalka,isagoo sheegay in ay ridday madaxweynayaal maamul goboleed,kuwa kalena ay hadda isku-dayeyso in ay xilka ka tuurto. Juxaa wuxuu xukuumadda Xamar ka dhisan uga digay in ay soo fara-geliso doorashada madaxtinimada dowladda Puntland ee sannadka 2019 “Puntland doorashay gelaysaaa,doorashada ay gelaysa wa arrin iyada gaar u ah,waa arrin taabanaysa masiirkooda,rabitankooda iyo mustaqbalkooda,waxaan dowladda Federaalka ah iyo cid kasta oo keliba ka codsanaynaa ugana digaynaa in aysan arrintaa faraha la soo gelin” ayuu yiri Juxaa. Dhinaca kale wuxuu si kulul u dhaliilay siyaasadda arrimaha debadda xukuumadda Soomaaliya oo ku tilmaamay mid”qarda-jeex ah“wuxuuna ku eedeeyay in ay xasaradaha caalamka dhex yaacayso arrimo aan loo dirsan af-hayeen ka noqotay,islamarkaana aan xukuumadda Xamar lagu aamini karin siyaasadda arrimaha debadda ee dalka. PUNTLAND POST The post Juxaa oo sheegay in ay isku-milmeen golayaashii dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkiih hore ee Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay ololihiisa doorashada Puntland 2019,islamarkaana cadeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2019. Musharax Juxa oo ololihiisa ku shaaciyey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada,ardaydii uu deeqaha waxbarasho u diray xiligii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland iyo musharaxiin kale. Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sababta uu isku sharaxay ku saleeyey labo arimood oo kala ah aragti iyo fikir ku wajihi karo caqabadaha horyaala Puntland oo uu tilmaamay hadii u furadda helo uu wajihi karo iyo mid labaad oo ah inuu saldhig iyo hormuud u yahay dhaqdhaqaaqa jiil cusub kaas oo ay aragti dheer hogaaminayso. Juxa hadii la doorto waxaa uu sheegay in wax weyn ka qaban doono amaanla,Kobcinta dhaqaalaha,Saldhiga Barnaamijka wadajir ah bulsho kaaso ah oo uu doonayo inuu horseed u noqdo Puntland oo heshiis ah oo isku calool fiyow iyadoo ay dhaqanku ugu horeeyaan,waxaa kale oo uu sheegay inuu xooga saari doono halitaanka adeega bulshada oo dhamaystiran sida Caafimaadka,Waxbarashda,Biyaha iyo wixii lamid ah. Musharaxiintii kala qaybgalay xaflada oo ay kamid ahaayeen Cali Xaaji Warsame,Khaliif Ciise Mudan,iyo Jamiilo Siciid Muuse ayaa ku amaanay Juxa inuu yahay siyaasi aragti fog leh kuna amaanan inuu hogaamiyo Puntland. Xafladda waxaa sidookale ka hadlay dadkii u soo joogay waxqabadkiisii uu ka gasytaya dhanka waxbarashada xiligii uu ahaan wasiirka waxbarashada Puntland iyo ardaydii uu deeqaha waxbarasho ugu diray dalka dibadiisa waxaana ay ku amaaneen inuu ahaa shaqsi ku sugnaa u cadaalad samaynta dadka Puntland islamarkaana mirihii uu soo saaray ay hada ka muuqdaan waxbarashada Puntland. Juxa oo ah shaqsi inta badan aan ka bixin dalka shaqooyin tiro badana kasoo qabtay ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyey Puntland gudeheeda uga dhawaaqay musharaxnimadiisa. PUNTLANDPOST.NET The post MUSHARAX CABDI FAARAX JUXA OO KU DHAWAAQAY INUU U TAAGAN YAHAY XILKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 2019. appeared first on Puntland Post.
-
NEW YORK (AP) — First lady Melania Trump’s parents were sworn in as U.S. citizens on Thursday, completing a legal path to citizenship that their son-in-law has suggested eliminating. Source: Hiiraan Online
-
Jacqueline Parlevliet, Head of United Nations High Commissioner for Refugees, UNHCR, Sub Office in Yemen, has extended deep thanks to the Emirates Red Crescent, ERC, for supporting its commissioners. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire has suspended Deputy Foreign Minister, Mukhtar Mahad Daud over misuse of public funds, stepping up his fight against corruption amongst his cabinet. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has issued a series of amendments to the Supreme Court judges, following the recommendation from the Chairman of the Supreme Court Mr. Baashe Yusuf Ahmed. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS – When a Minneapolis nurse needed a kidney transplant, he didn’t have to look far. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday condemned recent attack on a mosque in Mogadishu's Hamar Jajab district in which one person was killed. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia - Five Red Crescent aid workers were kidnapped by suspected al-Shabaab militants in southwestern Somalia on Thursday, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Authorities in northwestern China were poised to begin demolition of a mosque Friday despite protests by hundreds of members of the country's Muslim Hui ethnic minority determined to preserve the newly built structure. Source: Hiiraan Online
-
On Thursday, Saudi Energy Minister Khalid al-Falih said the current diplomatic spat between the Kingdom of Saudi Arabia (KSA) and Ottawa would not affect Saudi oil sales to Canada. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaasha Ciidamada Soomaaliuya ayaa shalay magaalada Muqdisho waxa ay uga qeyb galeen Munaasabad lagu midaynayay ciidamada NISA iyo booliska, oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiishiiiyo Ciidankii hubaysnaa ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sir doonka qaranka. Ciidamadaan ayaa haa kuwii sugi jiray amaanka magaalada Muqdisho ee laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada looguna magac daray ciidanka Xasilintaoo si weyn loogu xasuusto howlgaladii Bishii ramadaan ka dhacayey Gudaha Magalada Muqdisho. Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta oo si wadajir ah u la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay si weyn ugu mahadcelinyaan Ciidamadaan oo lagu xasuusto dardar gelinta howlaha amniga Caasimada. Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay Ciidankaan in aanay ahayn kuwa la dhaqan celinayo lakiin si toos ah u bilaabi doonaan ugana qayb qaadan doonaan xaqiijinta amniga marka ay bartaan shuruucda Booliiska Soomaaliyeed. Hoos ka Dhageyso Codadka Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Taliyeyaasha-Ciidamada.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii 2009-2014 Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay 09 Augost 2018 ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019. Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe. “Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,” sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa oo hadalkiisa ku daray, “Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya”. Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah. “Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yiri Juxa. Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xiran sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada. “Waxaan kala saari doona hay’adaha dawladda sare sida garsoorka fulinta iyo sharci dajinta.. Waxaan idinku matali doona taariikhdiinna himiladiina tabashadiina maqaamkina iyo miisaankiina,” Murashax Juxa ayaa hadalkiisa ku daray. Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas. “Dadka reer Puntland iyo Somaliland waa dad nabad ku nool o ka shaqeeyay horumarkooda kana tilmaaman Soomaaliya. Madaxwayne Muuse oo ah nin ciidan ah garanayana dhibaatada colaada waxaan leeyahay si nabad ah uga bax gobollada Sool iyo Sanaag. Arrintan waxaa go’aankeeda iska leh dadka reer Sanaag iyo Puntland. Muuse biixi oo go’aanka nabadda iyo colaadda gobolladaas gacanta ku haya waxa ku codsanayaa inu nabad uga baxo gobolladaas.” Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay faraha kula jirto burburinta nidaamka federaalka, sidoo kale ay faraha la gashay Jaahwareer dhinaca arrimaha Dibadda ah gaar ahaan Canada iyo Sucuudiga oo uu sheegay in xukuumadda Muqdisho aysan wax door ah ku lahayn. Wuxuu ka horyimid tallaabada lagula saftay Sucuudiga ee looga soo horjeestay Canada oo ku tilmaamay inuu yahay waddan martigaliyay dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatadii waddanka ka dhacday. “Federalku wuxuu ku samaysmay dadaal ay Puntland dawr wayn ku lahayd. Dhismahiisuna waa mid socda waxase muuqata dheelli. Dheelligaas oo ah awoodda garsoorka fulinta iyo kii sharci dajinta oo isku qasan. Taas oo khatar ku ah inay dhacdo dood loo siman yahay o ku dhacda talo wadaag. Sidoo kale maamul gobolleedada waxaa ka jro faragalinno ay u baahan tahay in wadaddeeda sharciga ah loo maro. Arrimaha dibadda oo u astaysan dawladda federaalka waxaa ka muuqda qarda jeex oo ay ugu dambaysay khilaafka Canada iyo Saudi Arabia. Labada dal oo mid walba xiriir nagala dhaxeeyo. Eretrtia iyo jabuuti sidoo kale Qatar iyo Imaraadka . Waxaa la yaabka ah in dawladda federaalka ah ay mar walba dhex gasho kiis walba o dawladaha adduunka ka dhex dhaca” Murashaxa ayaa sidaas ku sheegay khudbadii uu jeediyay. Ugu dambayn wuxuu ka digay in DFS ay faragalin ku samayso doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019. Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda. Xigasho: Garowe Online
-
Ra’igayga gaaban Waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo xiisadaha ka taagan dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho ee magacyada badan leh (Soomaali Galbeen, Ogaadeeniya, DDSI, K5). Marka hore Xusuuso Dr. Abiyot Axmed arrinta Soomaalida mooyee dhammaan arrimihii kale ee aayaha Itoobiya la xidhiidhay si nabad iyo miyyir ah ayuu u waajahay. Waxaa ka mid ah: tii Ereteriya, tii Massar, tii Suudaan, tii maxaabiis Itoobiya iyo is cafinta, tii Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Marka xiga Weerarkii Oromadu bilihii la soo dhaafay ku haysay Soomaalida ee foosha xumaa waxba kama uusan qabannin. Waa sax Soomaalida lafteed colaadda Soomaalida iyo Oromada qayb ayey ku ahayd, inkasta oo aan shacabka lagu eedi karin ee uu maamulkii Cabdi Ilay, ka xukuumad ahaan, ka dambeeyay weerarkii ay Liyuugu bilowgii ku qaadeen Oromada; lagana yaabo in ay gacmo saddexaad ka dambeeyeen, sida Tigreega oo markay ku la ciirtay ka shaqeeyey isku dhaca Soomaalida iyo Oromada. Tan kale Dr. Abiyot Axmed si kicin ah ayuu u sheegay in shidaalka gobolka Soomaalida ay dadka deegaanku 5% ku leeyihiin, iyadoo la filayey in ay billowdaan wada haddalo u dhexeeya ONLF iyo Itoobiya, khayraadkuna wadalka uu qayb wayn ka ahaa. Waxaana xigay Ciidan Milatari ah oo xoog ku qabsaday maamulkii jiray, iyagoo aan sababta sheegin! Waxaa la’isla dhex marayey waxay ciidanku ka hortagayeen qorshe qarsoodi ah oo uu Cabdi Ilay ku dhawaaqi rabay oo ahaa in ay baarlamaanka DDSI cod u qaadaan go’itaanka gobolka – lama hubo arrinkan. Intaa innagoo maskaxda ku haynna; Waxaan rabaa bal in aan suureeyo sida ay wax noqon karaan – waa odoros, ilaahay swt ayaa garan kara sida ay noqon doonto, laakiin waxaa inoo bannaan in aan saansaanta socota ka fahanno waxa xigi doona. Dareenka Soomaaliyeed ee ah duullaanka dhul ballaadhsi ee Oromada Ugu horrayn dadka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaa jira dareen iyo hadal hayn ah in ay Oromadu duullaan soo tahay, ayna waddo dhul ballaadhsi, waxaa arrintaa loo daliishan karaa sida ay dadka ku nool DDSI uga midaysan yihiin in ay Oromo qabsatay, xataa ciidanka qaranka Itoobiya waxay aaminsan yihiin in uu Oromo yahay – waa sida ay ii sheegeen dhammaan dadkii aan la hadlay ee gudaha joogay. Gobollada kale ee Soomaalida waxaa ka dhacay dilal ka dhan ah Oromada sida Boosaaso, Puntland. ONLF iyana fikirkaas ayey qabtaa, waxayna aaminsan tahay Itoobiya oo ay aqlabiyaddu (majority; Oromo » 40%) xukumayso way ka qalafsan tahay tii ay 30ka sano la dagaalamayeen ee ay inta yaru (minority; Tigree » 6%) u talinaysay. Itoobiya Dareenkaas ma aysan tixgalinnin Itoobiya dareenkaas ma aysan tixgalinnin! Waxayna si lama filaan ah u soo daabushay ciidankii difaaca uga jiray aagga Baadhame oo gaasas ah, haddana waxay ku suganyihiin dhulka Soomaalida. Kollayna ciidanka farahaas leh duullaankoodu ma sahlana! Gaashaan dhigga Itoobiyana wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suuro gal ah si amniga iyo kala dambaynta loo soo celiyo. Waxaana loo fassiran karaa hanjabaad. Sida la’iska dhex marayo, Cabdi Ilay wuxuu waday mooshin ah go’itaan, laakiini lama hubo. Waa sababta soo dedjisay soo galintaanka Milatariga Itoobiya ee gobolka. Ogow, waa laga baaqsan karay, sababtoo ah, qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ayaa ogol hadday 2/3 (saddex meelood labo) golaha deegaanku ansixxiyaan go’itaan, in ay dawladda Federalku 3 sano gudohood ku qaban qaabiso afti dadwayne oo dhammaytir u ah codbixinta baarlamaanka deegaanka ee go’itaanka. Haddii marka uu qorshahaas waday xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu baarlamaanka mariyo, loomana baahnayn in ciidan milatari ah lagu dalbado. Ku darso, Dr. Abiye Axmed wuxuu maalin dhawayd sheegay in ay Soomaalidu (Saami ahaan) shidaalka dhulkooda ku leeyihiin 5-10%. Arrintaasu Soomaalida mucaarad iyo muxaafidba way dhibtay, waxayna u aragtay in Oromada la naas nuujinayo. Waa dabkii oo baasiin lagu sii shubay! Oromada Dhanka kalana, dad Oromada xog’ogaal u ah waxay ii sheegeen in ay leeyihiin dhulka Soomaalidu deggan tahay annagaa lahaan jirnay! RW Dr. Abiyot Axmed hal marna kama uusan hadlin colaadda Oromada iyo Soomaalida oo meeshii ugu xumayd maraysa, marka laga reebo maalin uu yidhi waan ognahay dadka colaadda hurinaya, tallaabo cadna waan ka qaadi doonnaa dadkaas. Maalmihii xigayna wuxuu weerar sharci darro ah ku billaabay maamulkii Soomaalida. Waxaa la soo sheegay in uu yidhi ciidankii Liyuu Boolis ee Soomaalida ha la kala diro, hubkana ha dhigeen – laakiin lama hubo. Liyuu Boolis Ciidankii Liyuu Boolis way gadoodsan yihiin, waana ciidan xoog leh oo dhisan, tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 30,000 ilaa 60,000 oo Soomaali miidhan ah. Waa ciidan 10 sano jir ah oo aad u tababaran, hubka fududna si waafi ah u haysta. Sida aan wararka ku helaynno, waxay isku uruursadeen aagag gaar ah, waxayna wacad ku mareen in ay dagaalamayaan. Wayna diideen in ay hubka dhigaan. Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) CMC ama Cabdi Ilay hadda wuxuu joogaa Adis Ababa, waxaana si khasab ah ku kaxaystay ciidanka Milatariga Itoobiya. Ismaan dhaaf darranna wuxuu kala dhexeeyaa RW Dr. Abiyot Axmed. War aanan hubin ayaa sheegaya in la’is mari la’yahay. Waxaa kale oo Adis Ababa jooga Axmed Madoobe iyo Yuusuf xaaji; rag kalana waa la sheegaya laakiin lama hubo. Raggaas waxay meesha u joogaan sida la sheegayo dhex dhexaadin iyo wada hadal. ONLF Jabhadda ONLF waa 34 sano jir (1984). Waa urur waayo aragnimo dheer u leh la dagaalanka Itoobiya, wayna ka hor imaadeen fara galinta millatari ee Itoobiya ay ku samaysay dhulka iyo maamulka Soomaalida; iyo saamigii shidaalka (5%) ee dhulka Soomaalida, waxayna sheegeen in ay caqab ku tahay wada hadalladdii la sugayey. Waxaa kale, maalmihii dhawayd kacdoonkii Oromo-diidka ahaa, dadku waxay siteen calankii ONLF. Liyuuga ayaa lulaya calanka ONLF. Waxaad mooddaa colaaddii u dhaxaysay ONLF iyo Liyuuga mid ka culus ayaa timid oo labadoodaba hal saf ka dhigtay. Haddaba maxaa xigi kara? Waxaan u kala qaadayaa 1) Xal Milatari (Xoog) 2) Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed) Xal Milatari (Xoog) Hadday Itoobiya isku daydo in ay xiissadan xoog ku xalliso, maxaa dhici kara? Ugu horrayn jabhadda ONLF waxay helaysaa fursad qaali ah iyo shacbiyad ay ku dardar galiso hawlaheedii gobanimodoonka ahaa oo markaan la’isla wada ogol yahay; iyo waliba hub iyo ciidan Liyuu ah oo aad u fara badan. Fursaddaasna ma dayici doonaan sida muuqata, sababtoo ah, waxaa soo deg degaya waxa khayaanooyin u’eg oo RW Dr. Abiyot Axmed ku kacayo sida: saamigii shidaalka; soo daalubidda Milatarigii Baadhame, wax ka qabasho la’aanta weerrarada Oromada iwm. ONLF waan urur siyaasad ahaan qaan gaadhay, si fududna u abaabuli kara dagaallo Itoobiya ka dhan ah. Waxay heli doonaan saldhigyo dhaw oo Soomaalida dhexdeeda ah, iyadoo Soomaalida Jamhuuriyadda iyo maamulladooda si fudud looga iibin/dhaadhicin karo khatarta iyo duullaanka Oromada iyo dhul ballaadhsigeeda. Dadka deegaanku (dadka reer DDSI/reer Soomaali Galbeed/reer Ogaadeeniya) iyaguna waxay u dhaga nuglaan doonaan farriimaha sheegaya in ay dhulkooda ka difaacdaan Oromada wuxuushta ah (erayga “wuxuushta” anigu ma dhihin ee waa sida dadka lagu hawl galin doono) ee dhul ballaansiga doonaya, waxaana adkaan doonta in maamul Oromada ka dab qaata oo DDSI loo sameeyey uu saldhigto. Dagaal waxaa billaaban doona leh ujeeddooyin is huwan. Waa dagaal isugu jira gobanimo doon iyo qowmiyad iska celin. Waa dagaal shacabku uu gali doono! Xusuusnow, dagaallada noocaas ku billowda, waa kuwa ugu ba’an uguna khasaaraha badan, sababtoo ah, waa dagaal uu galayo shacab wax walba leh oo anshax la’aan ah. Waxaa suurowda in uu dhiiggu sidii biyihii meel walba u qul-qulo. Wax yaabaha dhici doona waxaa ka mid ah, shacabka Soomaalida ayaa aad u layn doona Oromada, kadib sharciyadda ayaa faraha ka bixi doonta, dowladduna (Itoobiya) waxay si suuq madaw ah u hubayn doontaa shacabka Oromada, si ay isu difaacaan. Iyaguna dadka Soomaaliyeed ayey ka aar goostaan doonaan! Kadib Soomaalida waxaa gacan siin doona fawdada, waxayna heli doonaan hub iyo saanad hor leh. Kadib waxa dhici doona lama sawiran karo – waa baaba’ iyo hoog. Ciidanka Itoobiya waxay geysan doonaan burbur iyo baaba’ xoog leh, sababtoo ah, waxaa qabsan doona dagaal lagu gubto oo kor iyo hoos ah, waxaana laga yaabaa in ay waayaan Soomaali gadh qaada, oo ay xabbadda isaga dhigaan – sidii hore u dhici jirtay. Waxay miciinsan doonaan hubka waawayn iyo duqaymaha diyaaradaha, kadibna waxaa halaagmi doona uun (makhluuqaad) wixii meelahaas ku nool! Oo ay iyaguna ku jiraan. Taasu waa natiijada laga yaabo in ay dhacdo hadday Itoobiya maanta xiisadda taagan xoog ku xalli is dhahdo – waa aragtidayda. F.G. wax yaabaha ka sii dambayn doona kama hadlayo. Waxaa kale oo aanan Halkan kaga hadlaynin colaadda Oromada iyo Soomaalida dariska la’ah, ma ku fidi doontaa Soomaalida kale. Oromaduse ma Soomaali gaar ah ayey col la yihiin, mise Soomaali oo dhan waa isugu mid. Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed) Sida kale ee xissadan lagu xallin karo waa in si ay Itoobiya hawshan si nabad ah u gasho. In ay Itoobiya xiisaddan si naba ah u xalliso ma fududa, sababtoo ah, waxaa kow ka ah in ay soo laabato kalsoonidii shacabka reer DDSI. Kalsoonidii shacabka reer DDSI ma soo laaban karto ilaa ay arrimahanu dhacaan: 1) In ay ciidamada milatarigu laabtaan 2) In weerrada Oromada la hakiyo 3) In ay Itoobiya si dhab ugu guntato colaadda Oromada iyo Soomaalida 4) In uu Ra’iisul wasaare Dr. Abiye Axmed raalli galin bixiyo 5) In ciidanka Liyuu Police sidooda loo daayo 6) In Cabdi Ilay la soo daayo oo uu dadka la hadlo, xilkiisana lagu celiyo ilaa laga tashanayo cidii badeli lahayd 7) In Soomaalidu nafis dareento si ay Oromadu nafis u dareemayso 8) In dib loo billaabo wada haddalladii ONLF iyo Itoobiya 9) In uu RW Dr. Abiye Axmed saamiga ugu badan ee shidaalka dhulkooda, u ogolaado Soomaalida Lambarrada 1, 5 iyo 9 uma fududa Itoobiya in ay ogolaato! Ugu dambayn, waxay ila tahay in ay Soomaalidu meel ay joogtaba u diyaar garawdo colaad iyo nabadba. W.Q. Maxamuud Cabdisamad Xareed soodir@outlook.com
-
HORDHAC Dhawaan waxaa xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee wadamada Saudi Arabia iyo Canada kadib markii dowladda S.Arabia ka carootay hadal kasoo yeeray dowladda Canada kaas oo ku aadanaa in Canada ay ka xuntahay dad u dooda xuquul aadanaha oo xarig loogu gaystay S.Arabia. Dowladda Sacuudigu waxay amartay in dalkeeda uu 24 saac uga baxo safiirka Canada iyadoo sidoo kale joojisay dhamman wixii ganacsi kala dhexeeyay Canada,waxaana ugu danbayntii arrintu gaartay in S.Arabia hakiso duulimaadyadii tooska ahaa ee S.Airline ay ku tagi jirtay Toronto. Dowladda Canada waxay ku adkaysatay hadalkii horay ay u sheegtay, waxayna ku dhawaaqday in dhankeeda ay tallabo qaadi doonto iyadoo laga cabsi qabo in arrintaan ay saaamayn ku yeelato ardayda S.Arabia u dhashay ee Canada wax ku barta iyo kuwa magangalyada-siyaasadeed ugu nool dalkaan. SOMALIDA IYO SACUUDIGA KADIB BUR BURKII DOWLADDII DHEXE EE SOMALIYA. Burburkii dowladdii dhexe ee Somaliya kadib dadka Somaaliyeed waxay kala barteen dowladaha daneeya wanaagga Somaliya iyo kuwa jillaafeeya. Kumanaan qaxooti Somaaliyeed ah ayaa dantu ku kalliftay in ay u cararaan dibadaha si ay u helaan noolal dhaanta midda markaas ay ku jireen. Somalida timid S.Arabia waxay la kulmeen noolal ka liidata midda Somalida timid Canada ay la kulmeen. Waxaa qaar badan oo ka mid ah ku seexdaan kuna soo toosaan wal wal iyo walbahaar kadib arrimo la xiriira xagga sharciyadda. Waxaa inta badan dhacda in S.Arabia ay masaafuriso dadka Somaaliyeed iyadoo laga yaabo in goobta markaas lagu celinayo ama la gaynayo ay ka jirto nabad galayo xumo taas oo dhaawac ku ah xuquul aadanaha. S.Arbia waxay markay doonto furtaa markay doontana xirtaa xoolaha Somaliya oo ay ku tiirsanyihiin malaayiin Somaaliyeed. Maanta in badan oo shacabka Somaaliyeed ah waxaa niyadooda ka guuxaya “Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni”. Su,aasha aan had iyo goor is waydiiyo ayaa ah haddii xilliyadii adkaa ee nasoo maray sidaas ay noola tacaamushay dowladda Sacuudigu goorma ayaa Sacuudigu Same noo Sameeyay? MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIYA Dowlad kasta oo jirta waxay wakiil ka tahay shacabka waxayna marwalba eegta meesha maslaxadu ugu jirto dalka iyo dadka ay wakiilka ka tahay. Waxay ku fiicnayd in dowladda Somaliya ay fiiriso kana fakarto dadka iyo dalka maslaxada u haya dadka Somaaliyeed. Canada majiro farqi u dhexeeya qofka labaatan qarni ku noolaa iyo midka labada maalmood jooga. Waxaa Somalidu qabtaan shaqo la qabto midda ugu sarraysa iyo midda ugu hoosaysa, waxayna ku xiran tahay qof walba iyo dadaalkiisa iyo meesha uu is dhigo. Inkastoo dal kasta u madax banaan yahay arrimiisa hadana go,aanka dowladda waa mid aan aamisanahay inuu ku jiro deg deg iyo ka fiirsasho la,aan, waa mid aan isleeyahay wuxuu u baahanyahay in dib loo eego, waa mid naxdin galiyay malaayiin Somaaliyeed oo soo dhawayn wanaagsan iyo hab dhaqan fiican kala kulmay dowladda Canada. GUNANAD. Dowladda Somaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay il gaar ah ku eegto Dalalka soo dhawaynta wanaagsan u muujiya dadka Somaliyeed iyo in go,aan kasta oo gaarayso uu ahaado mid la lafa guray oo dhinacyo badan laga eegay. Mahadsanidiin, Duran Xasan-yare Aw-Aden Edmonton, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kooxda dawladda Islamiga oo loo yaqaanno (IS) ama Daacish, ayaa si la dareemi karo bilihii la soo dhaafay u kordhinayey weerarrada ay ka gaystaan Soomaaliya, ka dib khasaarihii kooxda ka soo gaaray halka xuddunta u ahayd ee Suuriya iyo Ciraaq, dabayaaqada sannadkii hore. Sheegashadii ugu weynayd, ayey bishii Luulyo ku sheegteen inay dileen ama dhaawaceen 14 askari oo ka tirsan askarta Soomaaliya, weerar bambo oo ka dhacay Shabeelaha Hoose ee koofurta Soomaaliya. Qaybta warqabadka ee BBC ayaa uruurisay xog la xiriirta weerarrada ay daacish ka gaysatay Soomaaliya, intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, taasoo muujinaysa arrimo xiiso leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay kooxdu ka waddo dalka. Weerarrada ay kooxdu sheegatay ee Soomaaliya badankood waxay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday sirdoonka Soomaalida iyo ciidanka amniga, ayadoo qaarkood si aan qarsoodi lahayn loo duubay oo ay u dheceen dharaar cad. Ayadoo kooxdu ay hore u sheegatay weerarro badan oo ka dhacay magaalada caasimadda ka xigta dhinaca koofur galbeed ee Afgooye, ayaa badi dadka ay dhawaanahan dileen waxaa la sheegay inay u badnaayeen agagaaraha Muqdisho. Kororka weerarrada Xogta warbixintan ku xusan waxay ku salaysan tahay hadallo rasmi ah oo kooxda IS ay ka sii daysay maxaddadahooda ay ku leeyihiin barta telegram. Sida ay xogtu sheegayso, IS waxay sheegatay 39 weerar oo ka dhacay Soomaaliya, intii u dhaxaysay 1 Janaayo – 31 Luulyo. 27 ka mid ah weerarrada waxay dheceen bilihii Maajo, Juunyo iyo Luulyo, waa sare u kac aad u weyn marka la barbar dhigo bilaha kale. Waxay kaloo ka duwan tahay sannadkii 2017, markaasoo IS ay sheegatay 21 weerar oo ka dhacay Soomaaliya sannadka oo dhan. IS waxay ku tilmaantay weerarradaas badidood “khaarajin” ama “khaarajin toogasho”. Waxaa iyagana jira qaar loo adeegsaday waxyaabaha qarxa. Marka la eego bartilaameedyada, kooxdu waxay inta badan weerartay askar ka tirsan booliska iyo milateriga soomaalida. Waxaa iyagana weerarrada lala beegsaday ciidanka sirdoonka iyo shaqaalaha dawladda. Inkastoo tiro ahaan ay sare u keceen dhaqdhaqaaqyada IS ee Soomaalida, ayaa haddana noocyada weerarradaas waxay yihiin kuwo heerkoodu hooseeyo oo muujinaya awoodda xaddidan ee kooxdu ku dhex leedahay dalka. Tani waxay gaar ahaan run noqonaysaa marka la barbar dhigo jihaad doonayaasha uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Soomaaliya gudaheeda, waa kooxda Al Shabaab, kuwaasoo qaraxyo iyo weerarro waaweyn ku qaada bartilmaameedyada ciidanka iyo dawladda, iyo kuwa ciidamada Afrikaanka. Xaqiiqadii, joogitaanka Al Shabaab waa caqabad weyn oo ku hor gudban awoodda ay IS u leedahay inay horumariso hawlgalladeeda dalka gudihiisa. Aag beddelasho Mintidiinta IS ee Soomaaliya waxay sameeyeen dhaqaaq weyn oo ay kaga soo ruqaansadeen waqooyiga bari ee dalka, ayagoo soo aaday dhinaca koofureed. 39ka weerar ee ay sheegteen, 23 ka mid ah waxay ka gaysteen magaalada Muqdisho. Dhowr kuwaas ka mid ah waxaa laga gaystay gudaha ama agagaarka suuqa Bakaaraha oo ku yaalla bartamaha Muqdisho. Laba kaclaynta weerarrada IS ee Muqdisho waxay aad u soo shaac bexeen Maajo 2018. Isla wakhtiayadaas, Daacish waxay sheegatay 9 weerar oo ka dhacay Afgooye iyo 3 ka dhacay magaalada Boosaaso. Warbixinnadu waxay sheegayaan in arrinta yaabka leh ay tahay ka soo guuridda ay kooxda IS ka soo guurtay Puntland, oo ah halkii markii hore lagu ogaa, oo ay soo aadday koofurta. Dhaqaaqaas waxaa loo aanaynayaa inuu yahay istaraatijiyad looga gol-leeyahay in looga faa’iidaysto nabadgelyo la’aanta ka jirta koofurta Soomaaliya. Warbaahinta IS Wararka ugu badan ee IS ay ka sii deysay Soomaaliya waxaa la sii daayey intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, waxaana sii deysay “wakaaladda wararka” ee iskeed isku caleemo saartay ee kooxda (AMAQ). Amaq warbixinnadeeda waxay leeyihiin naqshad iyo muuqaal iyo luqad ka duwan wararka IS ee ay sii daayaan xafiis goboleedyada iclaamka u qaabilsan kooxda. Wararka Amaq waxay u yara eg yihiin hanaanka ay warbaahinnadu wax u tabiyaan, mana laha astaamo muujinaya borobagaando IS, sida tixraac diimeed, amaan guul lagu sheeganayo, aflagaaddo loo gaysanayo kooxaha ka horjeeda, iyo magacyo la siinayo gobollada iskood ay magacyada ula baxeen. In badan oo ka mid ah warbixinnada Amaq ee Soomaaliya waxaa la socday weerarrada la sheegayo, ama fiidiyowyo muujinaya wixii meesha ka dhacay. Badi waxay muujinayeen wax u muuqda toogashooyin bartilmaameedyo, kuwaasoo badankood af-saar ah. Waxaa laga duubay meelo dadweyne isugu yimaadaan, ayadoo ay dharaar cad tahay. Video ay Amaq soo saartay 19 Luulyo ayaa muujinaya nin toogasho ku dilaya sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, xilli maalinnimo ah, isgoyska Siinaay, halkaasoo u muuqata inay tahay meel saxmad badan. Fiidiyow kale oo la duubay 29 Juun wuxuu muujinayaa in rag dharcad ah ay toogasho afsaar ah ku dilayaan laba nin, meel waddo ah, xilli maalin ah. Kooxdu waxay sheegtay inay dileen labo “shaqaale maaliyadeed” oo u shaqeeya xukuumadda Soomaaliya, suuq Muqdisho ku yaalla. Fiidiyow la sii daayey 7 Maajo ayaa isna muujinayey rag dharcad ah oo tooganaya qof la sheegay inuu ka mid yahay sirdoonka Soomaaliya, ayadoo qofkaas uu saarnaa gaari caasi ah. Mar kale, weerarkan wuxuu dhacay dharaar cad. Inta badan ragga weerarka qaaday gadaashooda ayaa filim laga duubayey ama meel cabaar u jirta. Marka laga soo tago fiidiyowyada Amaq, kuwaasoo badidood kooban, muuqaalladoodana ay yihiin kuwo sidii loo soo qaaday ah, IS waxay ilaa hadda soo saartay hal filim oo weyn oo borobogaando ah, kaasoo loogu tala galay Soomaaliya, bishii Disembar 2017. Fiidiyowgaas wuxuu kiciyey weerarro in lagu qaado bartilmaameedyo reer galbeed intii lagu guda jiray munaasabadda masiixiyiinta ee dhamaadka sannadka iyo dabaaldegga sannadka cusub. Haddaba ayadoo Amaq ay tahay halka rasmi ahaan looga sii daayo waxyaabaha ay IS baahiso, ayey haddana xaqiiqada ah in warbixinnadaas ay ka muuqdaan Amaq oo qura, halkii laga sii deyn lahaa xafiis goboleedyada iclaamka ee IS ay ku leedahay Soomaaliya waxay ka turjumaysaa qaabka weerarradaas ay u samaysan yihiin oo ah kuwo hooseeya. Warar ku xaddidan in Amaq ay tabiso oo kaliya, ayaa iyadana ah waddo kale oo muujinaysa in IS aysan lahayn Walaayad, ama gobol, iyadu ay xukunto oo ku yaalla Soomaaliya. Warbixinnada Amaq looma isticmaalo ereyga “Wilaaya”, halka wararka ka soo baxa gobollada loo isticmaalo. Joogitaanka IS ee Soomaaliya IS ama Daacish waxay ku dhawaaqday in ay koox ku leedahay Soomaaliya dabayaaqadii 2015. Xubnaha kooxdaas waxay badankood ka tirsanaan jireen kooxda ay xafiiltamaan ee Al Shabaab. Sidaasoo ay tahay IS weli sare uma aysan qaadin joogitaankeeda, oo ma aysan gaarsiin heer ay “Wilaayad” ama gobol yeeshaan, taasoo micnaheedu yahay laan- goboleed rasmi ah. Inkastoo kalmadda “Wilaaya” ay dhowr goor ka soo muuqatay warar ay warbaahinta IS qortay , ama kuwa ku xiran qolyaha sii baahiya wararka ay Internetka galiyaan, isticmaalka kalmaddan wuxuu u muuqdaa mid si kama’ ah u dhaca ee aan caadi ahayn. Tan iyo dabayaaqadii 2015, IS waxay u muuqatay inay ka taxadaraysay in kalmadda “Wilaaya” ay u adeegsato qolyaha gobollada ee ay gacan saarka leeyihiin, gaar ahaan xilli tiro badan oo ka mid ah wilaayaadkooda ku yaalla Sacuudiga iyo Aljeeriya ay guuldarrooyin soo wajaheen. Marka la eego xagga hogaanka, wadaadka uu fadhigiisu ahaa UK, Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa aad loo sheegaa in uu yahay madaxa kooxdaas mintidiinta ah ee Soomaaliya. Muumin iyo Dagaallameyaal kale ayaa Shabaab ka goostay Oktoobar 2015, waxayna ka soo muuqdeen fiidiyow, ayagoo ugu yaboohaya daacadnimadooda hogaamiyaha IS, Abuubakar Al-Baqdaadi, markaasoo ahayd markii ay IS ugu awoodda badnayd. Yaboohaas waxaa isla markiiba ku xigay olole xagga iclaamka ah oo IS ay ku bartilmaameedsanaysay dagaallamayaasha Shabaab inay soo goostaan. Raggii soo goostay waxay taliye ku xigeenka Muumin u doorteen Mahad Macallin. Muumin wuxuu dhinaca kale ku dadaalay inuu dagaallameyaal ka qorto Al Shabaab, uuna joogitaan adag ku yeesho gudaha dalka, ayadoo ay Al Shabaab uga awood badnayd gudaha. Waa si la mid ah arrinta IS ka qabsatay dalal ay Yemen ka mid tahay, halkaasoo kooxdu ay ku guuldarraysatay inay gudaha ugu faafto deegaannada kale ee dalka, joogitaanka Al Qaacida darteed. Maraykanku wuxuu rumaysan yahay in Daacishta Soomaaliya ay hubka ka hesho Yemen. Inkastoo IS dhaqdhaqaaqeeda Soomaaliya sannadkan ay kordhisay, haddana waxaa weli mugdi ku haya oo haraynaya kooxda uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Al Shabaab. Warbixin lagu qoray wargayska todobaadlaha ee al-Naba, bishii Luulyo 2018, waxay kooxdu kaga warrantay sida taageerayaasha IS ee Soomaaliya ay u dileen ama u qabteen wax ay ugu yeereen “Yuhuuddii jihaadka Soomaaliya” oo ah kalmad ay Daacish u isticmaalaan Al Qaacida. Al Shabaab ayaa si aan gambasho lahayn ugu ugaarsatay mintidiinta IS gudaha dalka, ayagoo xataa dilay, ama xiray xubno ayaga ka tirsan oo sida la sheegay doonayey inay IS ku biiraan. Isha: BBC
-
QUEBEC’S proudly Francophone separatists may want to learn some Arabic. On August 5th, as Canadians enjoyed a long weekend, Saudi Arabia abruptly expelled their ambassador and froze.... Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian army has taken over the security of the volatile eastern Somali region after heavy fighting over the weekend left an unknown number of civilians dead and thousands displaced. The region’s president Abdi Mohamoud Omar, commonly known as Abdi Illey, was forced to resign on Monday and replaced by his finance minister Mr Ahmed Abdi Mohammed. According to state-owned ESTV website, Mr Abdi was arrested and flown to the capital Addis Ababa on Tuesday. “Officials from the Somali region in Ethiopia have confirmed to us reports of the arrest of Abdi Mohamoud Omar,” ESTV reported. Mr Abdi was seen arriving at the Bole International Airport aboard a yellow military helicopter. He was not handcuffed. Following uprisings in the region, the army and the federal police were ordered to enter the region to maintain peace at the invitation of the Somali Regional Council, the government said. The deployment led to standoff between the federal forces and the region’s paramilitary Liyu police and sparked protests by residents in the regional capital Jigjiga and Dire Dawa. It is reported that dozens of people died. Property was also looted including banks and businesses as well as targeted killings of non-Somalis, according to AFP. The Patriarch of the Ethiopian Orthodox Tewahedo Church, Abune Mathias, told state-affiliated Fana Broadcasting that seven churches were set ablaze and priests killed in the attacks. “Prime Minister Abiy Ahmed deplores the violence and destruction of property in Jigjiga and Dire Dawa. He expresses his condolences for the tragic loss of lives. These tragedies and cycle of violence must end,” Mr Fitsum Arega, chief of staff of the Prime Minister said Monday. Ethiopia is divided between ethnically demarcated federal regions that are intended to give different ethnicities a degree of self-rule but have been criticised for exacerbating ethnic tensions. Conflicts The Somali region, also known as Ogaden, is the second-largest and has been bedevilled by conflict lasting two decades with the government fighting the rebel Ogaden National Liberation Front (ONLF) that is seeking secession of the oil-rich region. Ethiopia discovered an estimated 4.7 trillion cubic feet of gas and about 13.6 million barrels of associated liquids at the Calub and Hilala gas fields in the Ogaden Basin about four decades ago. The country, however, is yet to begin exploiting these resources due to communal conflicts and lack of infrastructure. In June, the country began test-production undertaken by Chinese oil and gas exploration company Poly-GCL Petroleum Holdings Investment Ltd that saw three wells at the Ogaden basin generate 150 barrels of crude oil. Rashid Abdi, Horn of Africa director at the International Crisis Group (ICG) think tank in Nairobi, said on Twitter that Prime Minister Abiy’s predecessors had relied on the regional president to pacify the Somali region and keep Islamist Al-Shabaab militants in neighbouring Somalia from entering Ethiopia. But since taking office, Abiy has announced major reforms that Somali regional authorities believe would disrupt their hold on power, Mr Abdi said. “They distrusted his reform agenda, concluded he was intent on disrupting the cosy arrangement that allowed the (Somali region) leader untrammelled power,” he said. Rights groups have repeatedly accused the Somali regional government led by president Abdi Iley of committing rights abuses. Last month, Human Rights Watch said regional authorities ran a secret jail where suspected members of a separatist group are tortured, raped and starved. Source: – The East African
-
Kenyan MPs urge TSC to post more female teachers to Garissa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Two MPs from Garissa have asked the Teachers Service Commission (TSC) to post more female teachers to girls only schools so as to enable them address their issues. Garissa Woman Rep Anab Subow and Ijara MP Sophia Abdinoor urged the government to employ more female teachers as part of affirmative action. Speaking Monday at Fafi Girls Secondary School in Fafi Constituency during the school’s parents’ day, the two lawmakers said that for a long time, girls schools in the area have been disadvantaged because they lack enough female teachers compared to boys schools. In Garissa County, out of the 11 girls’ schools, only four have female headteachers. PERFORMANCE AFFECTED Mrs Abdinoor said the current number of female teachers in girls’ schools in the region is very low, something she said is impacting negatively on the performance of the girls. She said that at a personal level, there are issues that girls can discuss freely with female teachers as opposed to their male counterparts. She said that very few girls’ schools in the region are led by headmistresses. “I am appealing to the Ministry of Education to seriously look into this matter because it is one of the biggest contributors to the poor performance among the girls,” she said. She challenged Form Four leavers joining colleges to take up teaching as a profession, noting that they are the ones who will save the region from the current problem of insufficient teachers. The Garissa woman rep, on her part, said that for girls are more comfortable sharing their issues with female teachers. Source: – Daily Nation
-
Popular Contributors