Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabhadda ONLF ayaa maanta magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal adag kala hor jeedday dowladda Itoobiya,sida ay daabacday laanta Afka soomaaliga ee BBC. Qoraal ka soo baxay ONLF oo BBC-du soo xigatay ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee ku beegan 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee as’aaska ugu dhigaya wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. PUNTLAND POST The post ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeello oo kamid ah Siyaasiyiinta taageersan dowlada Somalia ayaa sheegay in muddo intaa kabadan aysan Somalia u laaban colaad. Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in wadamo badan oo dhaca qaarada Africa ay soo mareen xaalada ay iminka ku jirto Somalia, hase yeeshee aanu jirin mid sida Somalia kusii daba-dheeraatay colaada. Somalia ayuu sheegay in laga doonaayo inay ka shaqeyso aayaheeda waxa uuna tilmaamay in wadan waliba ay dhistaan dadkiisa. “Dad waliba dalkiisa isagaa dhista waa in Soomaalida ay gartaan in dalkooda uu u baahan yahay, waa inay u raadiyan xal si looga nabadgalo dhibta taagan” Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in burbur waliba oo ku dhaca dal dhisan ay sabab u yihiin dadkiisa, gaar ahaan Siyaasiyiin uu tilmaamay inuu ka lumay damaca. “Siyaasiyiintu ha u naxaan dalkooda yeysan dhibaato u horseedin dalka oo hadda leh rajo wanaagsan oo wax looga qabankaro dhibaatooyinkii uu soo maray” Isagoo dhibaatooyinka ka duulaya ayuu sheegay in Somalia xiligani aysan u wanaagsaneen 3 arrin oo uu ku tilmaamay inay tahay Qaran dumis kuwaa oo kala ah:- 1-In dadka u hanqal taagaya nabadda iyo midnimada lagu ababiyo is hortaaga dowladnimada iyadoo shacabka laga dhiganaayo jaranjaro. 2-In la dafiro isbedelada ka jira dalka iyadoo dadka dowladnima doonka ah la tuso sawiro aan munaasib aheyn kuwaa oo looga been abuurayo Qaranimada. 3-In Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka fogaadan in loo adeegsado talaabooyinka ay Shisheeyuhu ku doonayaan inay ku burburiyan Somalia, iyadoo la fiirinaayo dano gaara. Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu tilmaamay in burburka dal jira uu yahay mid loo adeegsado dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dhibaatooyinka ka jira Somalia ay kaalin weyn ka qaaten dad caan ah. Sidoo kale, waxa uu ka digay in Dowladnimada lagu doorsado burbur iyo dhibaatooyin aan laga soo kabsan oo loo horseedo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga Salaad Cali Jeello, ayaa qaba dareen ah in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ay mar waliba isku dayayaan inay qafiifiyaan howlaha dowlada, si ay u helaan dhaliilo muuqda oo loo jeediyo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Siyaasiga Salaad Cali Jeelle
  3. Ciidamada badda dowladda Puntland ee(PMPF) qeybtooda la-dagaallanka argagixisada ee sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan Calmadow ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo iyo ceelka lagu magacaabo”Ceel unkud” oo hostaga buuraleeyda Calmadow. Sarkaal sare oo ka tirsan cutubyada la-dagaallanka argagixisada ee ciidamada(PMPF) ayaa Puntland post khadka taleefonka ugu sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab laga saaray saldhig weyn oo ay ku lahaayeen buurta Habar-humbulo ee degaanka Calmadow,islamarkaana laga qabsaday kaydii raashinka iyo sahay kale. Kooxdii Al-shabaab ee buurta ku jiray ayaa halkaasi ka cararay,kadib markii ay ciidamadu weerar xooggan ku qaadeen,waxaana sarkaalkan sheegay in aysan wax iska caabin ah la kulmin. Degaanka Al-shabaab laga saaray ee buurta Habar-humbulo ayaa waxaa ku yaalla ceelka”Ceel unkud” oo il-biyood muhiima u ahaa malayshiyaadka ka dagaallama buuraleeyda Calmadow,maadaama kooxdu ay go’doon ka yihiin dhinaca laamiga xiga. Ciidamada dowladda Puntland ee PSF iyo PMPF ayaa maalmahan dambe sare u qaaday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fulinayaan buuraleeyda Calmadow ee gobolkaasi Bari. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo ee Calmadow appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegaya inuu socdo qorsho Sarkaalka Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), looga wareejinaayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qalbi-Dhagax, oo ku nool magaalada Nairobi ayaa sababo amni uga howlgali doona dalka Eriterea oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Ururka, isla markaana ku leh Xafiisyo waaweyn. Xogtu waxa ay sheegeysaa in Qalbi-Dhagax uu ku biiri doono Saraakiisha ONLF ee ka howlgasha magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea. Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa la sheegay in magaalad Asmara uu ugu wareegi doono dalab kaga imaaday Saraakiisha kale ee halkaa ku sugan. Mid kamid ah Saraakiisha ayaa inoo xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax amni ahaan ay u wanaagsan tahay inuu kusii nagaado magaalada Asmara, inta laga helaayo isbedelo guulo usoo hoyinkara Ururka. Waxa uu Sarkaalkasi sheegay in Qalbi-Dhagax xiligaani uu miisaan ku dhex leeyahay Ururka sidaa aawgeed ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka warqabaan xaaladiisa amni. Waxa uu intaa raaciyay in Saraakiisha Nairobi iyo kuwa Asmara ay isku mid yihiin isla markaana Sarkaal waliba uu xaq u leeyahay inuu la shaqeynkaro kuwa kale. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay la tashiyo la sameyneyso madaxda Ururka, waxaana suuragal ah in xubno muhiima ay ONLF ka helaan maamulka cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Itoobiya DAMACII MASAARIDA IYO BARAARUGGII XABASHIDA Sidii aynu horayba u soo sheegnay Itoobiya waxay soo martay ku dhawaad sadex boqol oo sano oo tafaraaruq iyo go’doon ah. Waxaa hoos u dhacay wax walba oo ay xittaa ka mid tahay diintii masiixigu. Waxaa la xiray boqolaal kaniisadood kolkii la waayey wax gala. Islaamkii ayaa dhan walba u faafay isaga oo u fidaya sifo nabada. Dhul waynihii xabashida ayaa bilawgii qarnigii 18aad illaa dhamaadkii qarnigii 19aad u ekaa qaabka ay maanta soomaaliya u egtahay. Dalku waxa uu u kala qaybsanaa afar waaxood iyo gobolo yaryar oo ay madax dhaqameed ka talinayeen. Gondor oo ahayd caasimaddii xabasha waxaa ka talinayey Raas Ali oo ahaa Oromadii islaamtay. Gojom waxaa haystay Raas Goshu. Tigray waxay u xirnayd Ras Ubye. Shawo oo ah gobalka ay Adis Ababa ku taalana waxaa ka ariminayey Wason Sagad iyo wiilkiisii Sahle Selasse. Dhamaan gobaladaani col ayay usu ahaayeen mana jirin wax midaynayey. Badan kooduna waxay ku dhisnaayeen taageerada Oromada ama Turkida. Iyada oo uu xaalka xabashidu sidaas yahay ayaa waxaa bilowday is balaarintii Masaarida ee bilowgii qarnigii 19aad. Masar ayaa xilligii Mohamed Ali waxay samaynaysay koboc dhaqaale iyo mid siyaasadeed, sidaas daraadeed ayay lahayd damac dhul ballaarsi si ay u sii kordhiso dakhligeeda. xilligaa ayaa ahaa wakhtigii la bilaabay dhismaha kanaalka Suways oo masar u soo jiidi doona magac iyo manfac labadaba. Mohamed Ali waxa uu duulaan ku qaaday dhulka iminka loo yaqaan Sudan. Laga bilaabo 1820 ilaa 1830 waxa uu ku qabsaday inta badan dhulkii Sudan illaa uu gaaray xuduuda Itoobiya. Waxaa markiiba bilowday isku dhac u dhaxeeyey xabashida iyo Masaarida, maxaa yeelay waxaa jirey damac uu qabay Mohamed Ali oo ahaa inuu qabsado dhulka Xabashida si uu u gaaro isha wabiga Niilka. Inkasta oo qunsulkii Ingiriiska ee Qaahira uu arintaas ugaga digay masaarida una sheegay inaan laga yeeli doonin qabsashada Itoobiya, haddana sanadkii 1838 ayay ahayd markii ugu horaysay ee ay Masaarida isku dheceen qabaa’ishii xabashida ee xuduuda Sudan, illaa ay markii dambe dagaaladu qiilqiil ka geliyeen magaaladii Gonder. Dagaaladii ka socday duleedka Gonder ayaa istaagay ka dib kolkii ay reer galbeedku ku qanciyeen Masar inay dagaalka dib uga baxdo. Dagaaladii Masaaridu waxay sabab u noqdeen baraaruggii xabashida ee qarnigii 19aad gaar ahaan qabaa’shii xuduuda ku teedsanayd, maxaa yeelay Masaarida ayay u arkayeen cadow aan iyaga kala soocayn. Waxaa jirey Oday dhaqameed la oron jirey Kenfu oo u talin jirey reekiisa. Kenfu waxa uu oday ka ahaa gobalka Kwara waxa uuna dagaalo ba’an la galay Masaarida. Odaygani waxa uu samaystay ciidan beelaad xoog badan oo iasaga ka amr qaata. Kolkii uu Kenfu dhintay waxaa xukunkii ka dhaxlay wiil uu adeer u ahaa oo la oran jirey Kasa. Kasa waxa uu la wareegay ciidamo isaga daacad u ah laguna carbiyeeyey diin iyo la dagaalankii Masaarida. Kolkii uu arkay damacii Masaarida waxa uu uguntaday unuu mideeyo dhulkii xabashida. Wuxuu ka bilaabay xukunkii Wollada ee Raas Ali oo uu taladii ka tuuray. Wuxuu sidoo kale taladii kala wareegay Rases Gosha oo ka talinayey Gojom. Boqrkii Shoe, Hayle Malakot oo ahaa aabihii Menelik ayuu isna markii dambe taladii ka qaaday. Wax yar ka bacdi Kasa waxa uu isu caleema saaray boqorkii boqorada Xabashida wuxuuna la baxay Todros. Cidda keliya ee u dhimanayd ayaa ahayd Ubyihii Tigray oo dagaal xumi u dhaxeeyey. Dhawr qarni ka bacdi ayaa Tedros markii ugu horaysay wuxuu ku guulaystey in dhulkii xabashida intiisii badnayd hal meel looga taliyo.Tedros waxa uu bilaabay inuu Dadkii islaamka ahaa cadaadiyo gaar ahaan Oromadii. Wuxuu isku dayey inuu dadka oo dhan diinta ka badalo, laakiin intii uusan taas ku guulaysan ayaa xukunkii waxaa ka tuuray Ingiriiska oo qabsaday Caasimadii dawladdiisa. Waxaa la sheegaa Tedros inuu is dilay intii uusan Ingiriisku soo gaarin. Waxaa xusid mudan inaynu sheegno kolkii la caleemo saaray boqor Tedros, warqaddii uu u diray boqoraddii Inhiriiska Quen Victoria. Wuxuu yiri ” Awoowayaashey, boqoradii Itoobiya waxay hilmaameen Rabigood kolkaas ayuu Rabi xukunkoodii ku wareejiyey Gallaha (Oromo) iyo Turkida. Laakiin Rabbi aniga ayuu i abuuray, wuxuuna isiiyey awood. Wuxuu iga soo qaaday meel hoose, wuxuuna ifariisiyey halkii awoowayaashay. Awoodaas ayaan Gallihii ku saaray. Turkidii waxaan u sheegay inay dalkayga iiga guuraan. Way diideen, hadda ayaanuna is arkaynaa.” Boqor Tedros oo ay yarad aqoonta uu caalamka iyo siyaasaddaba u lahaa, waxa kaliya ee uu wax ku qiimaynayeyna ay ahad diinta masiixiga, waxa uusan ogayn in xilligaas uu socday dagaalkii Crimea ee u dhaxeeyey Ruushka oo dhinaca iyo Turkida, Ingiriiska iyo faransiiska oo dhinaca kalaa. Kolkii uu wax jawaaba ka waayey Ingiriiskii waxa uu xiray qunsulkii Ingiriiska Xabasha u fadhiyey oo uu diiday inuu sii daayo, taas ayaana sababtay in Ingiriisku qabsado caasimadiisii xukun kana ka tuuro. CALEEMA SAARKII BOQOR YOHANES IYO CAQABADDII MUSLIMIINTA. Kolkii uu dhintay boqor Tedros waxaa bilowday loolan iyo dagaalo u dhaxeeya madaxdii gobalada. Ciidammadii ingiriiska ee dalka qabsadayna waxay ka baxeen dalka iyada oo ay dagaaladaasi socdaa1868. Dawladdii Masaarida iminka waxaa u muuqday fursad ka fiican middii hore. Waxaa u muuqday inay ka tilaabaan kobtii Ingiriisku ka tilaabay oo ahayd kor iyo gobalka Tigray ayna qabsadaan dhulkii xabashida. Waxay dadajiyeen qorshe ay horay u wadeen oo ay xeebaha badda cas kula wareegayeen. Sanadkii 1865 waxay dawladdii Tukiga ka kiraysteen Dakadaha Musawac iyo Sawaakin. Sidoo kale waxay qabsadeen Tojora. 1870 kiina waxa ay la wareegeen xeebaha Somaliya ee Zaylac, Barbara illaa Cape Guardafui. Intaas kuma ekaan ee waxay gudaha ugaleen dhulkii xabashida dhinaca waqooyi. Mar Dambana waxay la wareegeen magaaladii Harar. Itoobiya iyada oo khilaafkeedii gudaha ku mashquulsan ayay ku baraarugtay damaca cusub ee Masaarida. Sanadkii 1872 waxaa taladii qabsaday Boqor John IV (Yohanes). Yohanes intii uusan talada la wareegin waxa uu ahaa horjoogihii Tigraay waxaana uu dagaal ba’an kala dhexeeyey boqor Tedros. Kolkii Ingiriisku ku duulay Tedros waxay taageero ka heleen dhulkiisana sii mareen Yohanes. Markii uu Ingiriisku ka baxay Itoobiya 1868 waxa uu ku wareejiyey Yohanes badi hubkii uu watay iyo waxii uu ka furtay Tedros, taas ayaana u fududaysay Yohanes inuu xilka la wareego. Yohanes waxa uu bilaabay abaabul wayn iyo in dadka dagaal diimeed loo carbiyo. Waxaa bilowday nacayb iyo cadownimo loo qabo muslimiinta, cadawnimadaas oo la mid ahayd tii waagii IIman Axmed. Waxaa midoobay dhamaan dadkii xabshida iyaga oo u diriraya diintooda. Cadowgooda koobaadna uu yahay Masaarida iyo Islaamka. Waxaa dhacay dagaalo aad u culus oo dhex maray masaarida iyo xabashida ku waas oo ay ku guulaysteen Xabashidu. Masaaridii ayaa lagu khasbay inay dib uga gurtaan dhulkii Xabashida aakhirkiina heshiis ayaa labada dhinac dhex maray. Kolkii laga gol roonaaday Masaaridii,Yohanes oo ahaa Boqorkii boqorada iyo Menelik oo Shawo ka talinayey waxa ay bilaabeen cadaawaddii ugu waynayd ee dad muslima lagula dhaqamo Itoobiya gudaheeda. Shirkoodii midawga diimaha ee ay qabteen sanadkii 1878 ayaa waxaa ka soo baxay in dadka oo dhami ay qaataan diinta masiixiga. Wixii diidana lala diriro. Waxaa la weeraray dhamaan qabaa’shii oromada ahayd ee horay u islaamay. Waxaa diintii laga badalay reerka Wollo oo saldhigoodu ahaa Gonder. Waxaa la masiixiyeeyey IImaan Mohamed Ali iyo IImaan Abba Watta oo ahaa madaxdii qabiilka. Waxaa muddo dagaal lagula jirey muslimiintii Reer Jimma oo diiday dalabkii masiixiyaynta. Sanadkii 1880 waxaa la masiixiyeeyey nus malyuun Oromaa, waxaana diinta laga saaray 50,000 oo muslimiina. Jeneral Charles Gorden oo ahaa wakiilkii Ingiriiska ee Sudan, waxa uu yiri “Yohanes waxa uu lahaa hal ujeedo taas oo ahayd inuu muslimiinta masiixiyeeyo”. DUULLAANKII MAHDIYIINTA IYO DILKII YOHANES Inta aynaan ka bixin xilligii uu boqor Yohanes talinayey, waxaa habboon in aynu xusno wixii dhex maray Daraawiish tii reer Sudan iyo iyo dawladdii Xabashida. Bartamihii qarnigii 19aad ayay Daraawiishtu ka soo baxeen bariga Sudan. Waxay ahaayeen culumo diimeed oo uu aasaasay Mohamed Ahmed Mahdi. wax yar gudahoodna waxay noqdeen xoog aan la loodin karin. Inkasta oo ay dagaalo aad u waawayn ingiriiska la galeen, haddana waxay duullaan khasaare ba’an gaystay ku qaadeen dawladdii Xabashida. Waxay cagta mariyeen dhul badan, waxayna baabi’iyeen magaalooyin doora oo ay dab sureen. Illaa ay ka qabsadeen caasimaddii hore ee xabshida ee Gonder, kabacdina ay usu laabeen dhanka waqooyi iyo gobolka Tigray, halkaas oo dagaalkii Matemma uu ku dhex maray iyaga iyo boqor Yohanes. Waxay jabsheen ciidamadii boqorka, isagiina waxaa gaaray dhaawac halisa oo uu udhintay, ciidankii boqorka ee jabay waxay u jabeen dhankii caasimadiisa halkaas oo daraawiishtii ugaga dabatageen khaaaro wayna ugu gaysteen. Waxaa la sheegaa inay qabsadeen maydkii boqorka kaas oo ay gadaalkii la tageen caasimadoodii Ummu-Durmaan. Mahdiyiintu waxay ahaayeen xoogaggii ugaystay Xabashida khasaarihii ugu badnaa marka laga yimaado dagaaladii IImaan Ahmed. In kasta oo aysan ujeedadooda koobaad ahayn furashada Itoobiya, haddana waxaa la yiraahdaa haddii aysan u leexan lahayn dhanka Masar oo ay ku duuleen, Itoobiya qiilqiil ayay gelin lahaayeen. La soco qaybta 5aad. Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 4aad appeared first on Puntland Post.
  6. Jigjiga (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan magaalada Jigjiga iyo deegaano ku xeeran ay ka dhacday boob hantiyadeed ayaa waxaa iminka soo baxaaya in deegaanada maamulka DDSI laga bilaabay dib u celinta hantida shacabka. Ololaha dib u celinta hantida shacabka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday guud ahaan magaalooyinkii qalalaasuhu ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey. Sida ay soo warinayaan dadka deegaan waxa ay dib u celinta ugu xoogan iminka ka soctaa magaalada Godey, waxaana hantidooda loo celinayaa dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn oo boobka ugu badan loo geystay ganacsigooda. Boobka ayaa ahaa mid ay geesten dhalinyaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka caraysan xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia. Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudiga arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta degaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Ethiopia. Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba 80% u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd. Waxaanu ugu baaqay shacabka degaankaas Soomaalida Ethiopia ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo ay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey. Waxa ay wararku intaa ku darayaan in ay duulimaadyadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa ay iyaguna dib u bilaabmeen. Talaabadaani ayaamuujineysa inay tahay mid lagu doonaayo ka hortaga colaado intaa kasii xoogan oo dhexmara Soomaalida iyo Oromada. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasaimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iran ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Turkiga ay ku garab istaageyso baacsiga ay ku heyso dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Trump. Iran ayaa sheegtay in ay taageero kasta ay la garab taagnaan doonto dowlada turkiga,xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeya mareykanka iyo turkiga. Iran waxa ay sheegtay isbahesi dhexmaraa Iran iyo Turkiga ay caqabad u horseedi doonto Mareykanka waxa ayna ka digeen inay kusii dhiirtan faragalinta Turkiga. Wasiiraka Arimaha dibeda iran Bahram Qassemi oo magaalada Dahran kula hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in Iran ay aad usoo dhaweyneyso maxkamadeynta ay Turkiga ku heyso baadariyaal. Bahram Qassemi, waxaa uu dhaleeceyay mowqifka mareykanka waxaana uu sheegay in cunaqabateynta mareykanka ee ka dhan ah turkiga aysan wax tari doonin. “Haddii uu Trump kusii adkeysto faragalinta Turkiga waxaanu qaadi doonaa talaabo waliba oo dowlada Turkiga ay ku quusi doonto Mareykanka” Mr Bahram ayaa dhankale tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in dowlada iyo shacabka turkiga ay maareyn doonan cadaadis walba oo kaga yimaada xuduudaha iyo dibada oo ku aadan xaaladan. Mr Bahram, isaga oo sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan balse aysan awoodin. Mareykanka ayaa maalin ka hor waxaa uu canshuur siyaado ah saaray biraha kaga yimaada Turkiga,waxaana madaxweyne Trump uu sheegay in waqtigan uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal. Geesta kale, Madaxweyne Erdogan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay in uu halis ku jiro xiriirka wada shaqeyn ee u uu dalkiisa la leeyahay mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Jowhar (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa la siiyey amar culus oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii dambe xoojisay weerarada iyo dilalka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Jeneraal Jim Owoysigire oo ah Taliyaha ugu sareeya howgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa ciidamada amar deg deg ah ku siiyey inay qaadaan weeraro aan kala joogsi laheyn oo dalka looga saarayo Xarakada Al-Shabaab. Generaalka ayaa qabo in sababta ay u istaageen howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay inaysan mideysneyn ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida isla markaasna ay tahay in loo midoobo weerarada la qaadayo. Wuxuu tilmaamay in si deg deg ah loo wiiqi karo awoodda Al-Shabaab haddii ay is kaashadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxaa uu ka hadlayay saldhigooda ay ku leeyihiin magaalada Jowhar, waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay howgal deg deg ah oo Al-Shabaab ka dhan ah . Howlgalka AMISOM ayaan wax weerar ah ku qaadin Saldhigyada Al-Shabaab tan iyo markii Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. AMISOM ayaa taas badalkeeda kasoo baxday goobo ay horey ugu sugnaayeen taasoo keentay inay is ballaariyaan Al-Shabab oo hadda ku sugan goobo cusub oo markii hore laga saaray. Ciidamada AMISOM ayaa la siiyaa mushaar aad u badan, waxayna heshiis ku yihiin dowladaha ciidamada usoo diray Soomaaliya inaan si dhab ah loo wajihin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab maadaama haddii taas la helo ay imaaneyso in AMISOM dalka laga saaro. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  9. U.S. President Donald Trump appears to be leading by example with his aggressive habit of imposing economic sanctions abroad when he's aggrieved, but his reliance on a blunt tool could set a dangerous geopolitical trend. Source: Hiiraan Online
  10. Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa war kasoo saartay dhawaan xoolo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga. Wasaraadda deegaanka, dhirta iyo biyaha ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen looga helay arigan, xanuunka xoolaha ku dhaca ee (Rif Valley Fever RVF) lagu magacaabo. Xoolihii Sucuudiga laga soo celiyay ayaa tiradoodu waxa ay dhameed 27,000 oo neef, waxaana la keenay dekadda Boosaaso ee Puntland. Xoolaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sacuudiga lagu gowraco Ciidil Adxaha waxayna xujeYda Caalamka ku heli jireen qiimo raqiis ah. Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore isticmaali jirtay qorsho ah in Xoolaha Soomaaliya aan Sacuudiga la keenin isla markaasna la sheego inay yihiin kuwa jiran balse waxay fasixi jirtay Bisha Dulxajji maadaama xujey badan ay halkaas tagayaan isla markaasna xoolo badan la gowracay, Xoolaha Soomaaliya ayaana ahaa kuwa kaliya ee lagu dabooli jiray baahida Xujeyda. Sanadkaan, Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay soo celiyey xoolihii loogu talagalay xujeyda ee sanad kasta halkaas la geyn jirtay waxaana soo baxayo warar sheegayo in dowlado kale ay Sacuudiga ka dajiyeen xoolo badan taasna ay keentay in laga maarmo kuwa Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa cuna qabateyn xoog leh ku heyso ganacsiga Xoolaha Soomaaliyeed waxayna taas badalkeeda jaanis siisaa dowladoo waaweyn oo aan tayo ahaan gaari karin xoolaha Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Sacuudiga Caasimada Online Xafiiska Makka Al-Mukarama Caasimada@live.com
  11. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Saraakiisha ammaanka dowladda Itoobiya ayaa su’aalo weydiinaya mas’uuliyiintii ugu sarraysay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey ee fadhigiisu ahaa magaalada Jigjiga. Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in saraakiisha sirdoonka iyo kuwa melleteriga ay xabsiyo gaar ah kula kulmeen wasiirro, xildhibaano iyo qaar kamid ah qoyska Cabdi ileey. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socday Xafiiska Abiy Axmed ay qeyb ka ahaayeen su’aalo weydiinta, inkabadan 50 qof oo ah mas’uuliyiintii maamulka ayaa lagu hayaa xabsiyo kuyaal magaalada Addis Ababa. Taliyiihii Ciidamada Liyuu Booliska iyo Xaaska Cabdi Ileey ayaa la sheegay in jirdil ay kala kulmeen saraakisha Itoobiya sida ay sheegeen mucaaradka Itoobiya. dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa wali Bandaw adag ku haya shacabka ku dhaqan magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur, goob joogayaal ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya ay diideen in shacabka ay isaga barakacaan magaalada. Magaalada Dhagaxbuur melleteriga Itoobiya waxay xireen boqolaal dhalinyara ah oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin xoogaga ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed ee ixtilaalka kujira. Inta badan deegaannada dhulka Soomaaligalbeed hadda wax maamul ah kama jiro waxaana dadka kadeed ku haya melleteriga Itoobiya kadib markii uu burburay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey. Xaaladda deegaanadaas ayaa maalmihi iugu dambeeyey aheyd mid dagan kadib khalalaaso halkaas ka dhacay laba maalin kaasoo keenay inuu is casilo madaxweynihii hore isla markaasna la doorto mid cusub oo booskaas buuxin doono. Madaxweynaha cusub ee Itoobiya ayaa wado isbadalo waaweyn oo uu ku sameenayo maamulada hoostago dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana muuqato in cadaadis xoog leh la saaray Tikreyga iyo Soomaalida. Dad badan ayaa ku dhintay rabshado halkaas ka dhacay oo u dhaxeeyo qoomiyadaha Soomalida iyo Oromada inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay inay halkaas geysan ciidamo Federaalka ah oo ka madax banaan labadaan qoomiyad. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  12. Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Maxkamadda Sare ee Aala Sacuud ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xalay oo Axad aheyd ay dhalatay Bisha Arafo oo tobanka maalmood ee ugu horreeye ay leeyihiin Fadli gaar ah. Guddiga arrimaha Xajka iyo raad raaca bilaha ayaa xaqiijiyay in xalay oo Axad aheyd ay bishu dhalatay, durbadiiba dowladda Sacuudiga waxay iclaamisay in ciidul adhxaa ay noqon doonto maalinta Talaadada ee ku beegan 21 Agoosto 2018 halka maalinta isniinta ay xujeyda muslimiintu istaagi doonaan Banka Carafo oo ah gudasha rukniga ugu weyn ee arkaanta Xajka. Qaar badan oo kamid ah dowladaha qaaradda Asia ee muslimiintu leeyihiin ayaa dhankooda iclaamiyay in maalinta arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul adhxaa, dowladaha Arbacada ciidda iclaamiyay waxaa kamid ah Malaysia,indonesia, Pakistan, Burunaay iyo Banghaladheesh. Waa Muusimkii 2-aad oo malaayiin qof muslimiin ah ay ka maqanyihiin Xajka kuwaas oo arrima siyaasadeed loogu diiday in beytka ilaahey ay booqdaan, dowladaha imaaraatka carabta iyo Sacuudiga ayaa dadka kasoo jeeda dalka qadar udiiday in xay Xajiyaan. Caasimada Online Xafiiska Makka Al-Mukarama Caasimada@live.com
  13. When Malians go to the polls in the country's runoff presidential election on Sunday, threats of terror attacks again will be on their minds, just as they were two weeks ago during the first round of elections when terror attacks disrupted several polling stations across the country. Source: Hiiraan Online
  14. A refugee couple in Tucson were arrested by authorities and are facing numerous charges of falsifying immigration documents, including lying to federal officials about the husband’s involvement with an African terrorist organization, officials said Friday. Source: Hiiraan Online
  15. Alarmed by the political and security turmoil that occurred in the Ethio-Somali Regional State last week, oil companies engaged in oil exploration projects in the region have evacuated their staff to Addis Ababa, it was learnt. Source: Hiiraan Online
  16. The commander of African Union Mission in Somalia, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in the conflict-torn country to conduct permanent joint operations with the Somali National Army against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  17. Unye (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo. Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah. Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka. Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi. Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo. Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine. Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda. Erdogan ayaa tilmaamay inay Alle yihiin haddii uu Mareykanka leeyahay lacagta Dollarka ah. Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.
  18. President Tayyip Erdogan denied on Saturday that Turkey is in a currency crisis, dismissing a plunge in the lira as ‘fluctuations’ which have nothing to do with economic fundamentals. Source: Hiiraan Online
  19. The European Union has asked Saudi Arabia to shed light on the arrests and charges facing women human rights activists, saying that the detainees should be granted due process to defend themselves. Source: Hiiraan Online
  20. Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa gaashaanka ku dhuftay warar kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen inay qabteen xubno ka tirsan ururkaasi, oo ku sugnaa gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Sabtidii ayaa Cabdi Muuse, oo ah taliyaha ciidamada maamulka Galmudug ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud wuxuu saxaafadda u sheegay inay qabteen 10 qof oo ka tirsan jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dalka Ethiopia. Taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kasoo carareen dalka Ethiopia, islamarkaana ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen magaalada Balanbale, isaga oo intaas u daray in loo gudbin doono magaalada Dhuusomareeb. Si kastaba, ONLF oo arrintan uga jawaabtay qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ayaa sheegtay in warka kasoo baxay Galmudug uu yahay mid been abuur ah, oo aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan jirin xubno ka mid ah ururka oo lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay jiraan rag hubeysnaa oo Galmudug ay qabteen, balse waxaan caddeyn in raggaasi ay ka mid yihiin ONLF iyo in kale. Bishii August ee sanaddii 2017 ayaa Galmudug waxay qabatay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah ONLF, kaasi oo Xamar oo loo soo wareejiyey, kadibna loo sii gacan geliyey dowladda Ethiopia. Qalbi-Dhagax ayaa kadib lasii daayey bishii June ee sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya guuxa iyo carada ay Garaadada, waxgaradka iyo dhallinyrada beesha Sool clan ka muujinayaa isku shaandheyntii uu golaha wasiirada ku sameeyey Xassan Cali Kheyre dhawaan. Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan waxaa shalay baaqday kulan magaalada Muqdisho ay isugu imaan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland ENG Cabixakiim Cabdullahi Xaji Cumar Camay, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dowladda Federal-ka ah. Sida ilo wareedyadu sheegayaan ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo cambaarey lahaa isku shaandeyntii uu sameeyey Xassan Cali Kheyre ee uu ku bedelay wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Arintaas ayaa sida la sheegay looga hadli lahaa kulanka iyaga oo u arkay in bedelka wasiir Cabdiraxmaan ku yimi RW Xassan Cali Kheyre oo ku qancinayey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Siyaasiyiinta, isimada, waxgaradka iyo dhallinyarada beesha Sool clan ayaa sida la sheegay u arkay tallaabadaas mid meel ku dhac ku ah maadama wasiirkii xilka hayey ay aad ugu qanacsanayeen. Hase ahaatee, qof la soo xiriiray Caasimadda Online oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in beeshu aad uga niyad jabtay qaabka uu u dhaqmay RW Xassan Cali Kheyre walow aysan beeshu diidaneyn in uu RW sameeyo isku shaandhweyn isaga ka timaada balse waxa ay ka xumaadaan u hoggaansankii amarkii Cabdiweli Cali Gaas. Sida uu u hadalka u dhigay shaqsiga nala soo xiriiray ayaa sheegay in wasiirka hadda loo magacaabay wasaaradda Kalluumeysiga oo isla beesha Sool clan ka soo jeeda uusan ahayn shaqsi aqoon leh marka lala bar bar dhigo wasiirkii uu Cabdiweli Gaas bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Wasiirka hadda ay hadda beesha Sool clan aad uga biyo diiday waa xubin ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Waxaa yaab leh sida dadkii Soomaaliyeed loo soo dhex galay, Itoobiyaankii ay Reer Galbeedka iyo AMISOM soo galbiyeen ee Soomaaliya soo geliyeen baa maanta raba inuu Soomaaliya qabiil iyo jees-jees isaga hor keeno, waxaan aqriyay qoraal aan ula yaabay oo qoray nin isku magacaabay Maxamed Abshir Nuur kaasoo sida uu sheegay uu uga jawaabayay qoraal uu qoray Maxamuud Cabdi Sammad Xareed oo cinwaankiisu ahaa Saadaasha Xiisadaha Ka taagan Soomaali Galbeed!….anigu sabab qabiil looga dhigo qoraalka Xareed iigama muuqan mana arkayn wax keeni kara in beel lagu saleey xataa haddii ay ku dheehnayd sababta oo ah waxa uu ka hadalayo ayaa ahaa dhibaato iyo gar-daro guud ahaan lagula kacay magaca Soomaaliyeed isla markaasna ay baahi u qabeen inay helaan qof Soomaali oo xog ogaal ah oo falanqeeya si ay ur ugu baxdo waxna uga ogaadaan hirka cusub ee cadownimmada ku salaysan eek u bilowday dadka Soomaaliyeed markii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisal Wazaaraha Itoobiya. Dagaallada iyo colaadda lagu soo qaaday Soomaalida waa ay ka horeeyeen wax badan duullaankii ay ciidammada federal-ka Itoobiya ku soo qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya maalintii sabtida ahayd ee August04, 2018, waxaana si baahsan dagaalka looga soo qaaday dhammaan dhulka Soomaalidu degto ee dhaca xudduuda labada dal, iyadoo waliba la sheegay in dadka duulaanka soo qaaday ay ahaayeen ciidammada dowladda federalka Itoobiya oo dharkii soo bedeshay, kuna dagaal galayay magaca qoomiyadda Orommada, waxayna baab’iyeen deegaano dhan dadkii ku noolaa hantidoodiina dhaceen, dagaalkaas ilaa iyo hadda dhab uma joogsan, dadka shacabka ah ee Soomaalida ah ee ku nool xudduudahana waxay wali qabaan walaac xagga ammaanka naftooda iyo hantidooda ah iyadoo aysan dowladda Abiy Axmed qaadan wax talaabo ah oo wax ku ool ah, waxaana la oran karaa waxaa xiisadaha qaboojiyay iska caabbin aan xoog badnayn oo ay sameeyeen shacabkii xuddudaha ku noola oo aan haysan dowlad garab istaagta iyo duni u soo gurmata. Qoraalka xareed guud ahaan qeexayay baaxadda dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, waa suuro gal marka qoraal nooc uu qoray Xareed oo kale ah la qorayo inay soo galaan magacyo beelo iyo ashkhaas waana ay ku jireen magacyo beeleed iyo shakhsiyaad, taasina ceeb ma aha laakiin sida xaaladda Soomaaliya ay tahay ayaa wax badan macnahoodii bedelaysa, waana midda uu hadda ka faa’idaystay Maxamed Abshir Nuur oo aanan anigu rumaysnayn inuu Soomaali yahay laakiin labo un mid u qaatay A) nin ka mid ah sir-doonka Itoobiya oo kala qaybinta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed ee la burburiyay wali ka shaqayniya, B) Orommada buux dhaafisay dalkii ee af-Soomaaliga bartay ee maalin kasta iyagoo beelo Soomaaliyeed sheeganaya aan baraha bulshada ku arkayno oo raba inay kala geeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan taas cadayniya Af-Soomaaliga uu wax ku qoray iyo sida uu afka ugu balaarinayo hanjabaad uu Soomaalida (Ogaadeenka) u dirayo iyo dhiiri gelinta uu Orommada siinayo, iyo mansabka KHabiirnimmada uu sheeganayo. Farta cas waa afka Soomaaliga ee muujinaya inuusan Maxamed Abshir Nuur Soomaali ahayn ama waxaa kaloo farta cas ay muujinaysaa sida uu iskugu dayayo inuu qariyo dulmiga iyo waxa lagula kacay dadk Soomaaliyeed ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya ama Soomaalida kale ee deggan xuddudaha labada dal. Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen. Qof Soomaali ah ma oranayo “qabiilka loo yaqaan” waayo ogaadeen waa qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed isla markaasna aan ka baxsanayn Soomaalinimada uu iska dhigayo qofka wax soo qoray (Maxamed Abshir Nuur) inuu u dhashay, mana oranayo Ogaadeen baad buunbuuninaysaa waayo waxaa uga filan inay Soomaali yihiin isagana uu yahay Soomaali qabiil ahaan uma uusan arkeen ee Soomaali buu u arki lahaa, maamulkii Cabdi Max’ed Cumar wuxuu doona waa ku dhaaliila karaa layskumana haysto, laakiin dagaallada ay Orammada ku hayso Soomaalida waa mid caam ah oo ka horeeyay wixii sabtigii hore ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ma aha sida ninkan Soomaaliga iska dhigaya ee ummadda Soomaaliyeed raba inuu kala qaybiyo hadalka u qorayo, bal iska dhaaf Itobiya ee dalkii gudihiisii ayeey Orommadu hawlo dhallan rog ah ka wadaa wax iska qabanayana aysan jirin. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’; “Waawareey Orammadii soo socota” nin Soomaali ah oraahdaas ma qorayo waayo cabsidaas maba yaqaan, Soomaalida deggen Itoobiya waligood Itoobiya oo dowlad ah oo qoomiydaha kale oo dhan ay hal dhinac ka soo jeedaan bay keligood la dagaalayeen oo iska celinayeen ONLF keliya ayaa sutida u haysay, laakiin sida ka muuqata hadalka ninka khabiirka isku sheegaya isagaa la soo bajin jiray, iska dhaaf qoomiyad keliyee dadka Soomaaliyeed haddii ay Itoobiya oo dhan isa soo raacdo ma aha dad waligood loo cagajugleeyay ama ka baqa nacabkooda iyo ciddi colaad kala dhexeyso. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma; Horta ninkan khabiirka ah eeg sida uu u qoray “Af-jarma” Midda kale way fiicnaan lahayd inuusan dhicin dagaal daba dheeraada laakiin taasi waxay ku xirantahay in cidda gar-darrada wadaa ay joojiso gar-darrada haddii kale dan buu u daba dheeeraan. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya; Oraahda kore wuxuu ka wadaa miyaa Oroma ayey Soomaalida ka amar qaadanaysaa, is-maamulka Soomaalida wixii lagu heshiiyo oo maamulllada Federal-ka ah ay isku waafaqaan buu kaalintiisa ku leeyahay laakiin cidna si gaar ah ugama amar qaadanayo, ninkii ina yaqaanna waa ogyahay taas. Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada. Sidee buu u qoray “Jabhad” eeg sidee buu u qoray “Jaan-Qaadi” Tan kale wuxuu si xanaaq ama caro ka muuqato u inkirayaa in ONLF ay dalka Itoobiya sharci ka tahay, wuxuna si cad Soomaalida uga saarayaa inay ka mid yihiin maamulada Itoobiya ka jira wuxuuna wali sii wadayaa ereyga Ogaadeen, “OGaadeenimada madax martay” isagoo afka ka leexinaya Soomaalida xanaaqsan ee lagu soo gar-darooday. Waxaa shaki la’aan ah in qof Soomaali ah oo ka naxaya dadkiisa iyo dalkiisa uusan maanta ka hadleen magac beel maxaa yeelay waxa xudduudaha dalka ka dhacay waa danbi si simman dadka Soomaaliyeed looga galay mana ku hadleen waxa uu ka hadlay KHabiirka Orammada ama ciidammada sir-doonka Itoobiya ee magac Soomaaliga ku-raad-gadanaya, waliba sida aan qiyaasiyo isagoo Soomaaliya jooga. Waxaa ayaantaan aad u soo kordhaya dad badan oo Itoobiyaan ah oo dalkii muddo dheer joogay si aan sharci ahayn, mujtamacii Soomaaliyeed dhex galay afkii bartay oo iyagoo dalkii jooga Ummaddii iyo Qaranimadii Soomaaliya gudaha kala dagaalamaya oo duulaan ku ah, waxaana yaab leh in dowladda Farmaajo iyo KHeyre ay ka hadlaan khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Kanada oo aysan ka hadlin waxa dadkooda ku haysta xuddudaha dalka…..Puntland iyo Somaliland Tuke-Raq bay isku haystaanmid kastana waxay ku andacoonaysaa inay xudduudeeda sugayso guryahoodiina waa loo daba maray!…Labada Marada Isku Haysata Hooyadood waa Sida Laftaas!….. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay is hortaagen Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan oo safar aan laga sii warqabin ku tagay magaalada Hargeysa. Ciidamada amaanka ayaa Cabdi Casiis Xildhibaan ka celiyay Garoonka Hargeysa xili uu doonaayay inuu gudaha u galo magaalada. Ciidamada ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan ku wargaliyay inuu yahay ajnabi lagana doonaayo inuu la imaado warqadaha fasaxa ee uu ku galaayo magaalada, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay magaalada Muqdisho. Afhayeenkii hore Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa safar maalmo qaatay ku joogay magaalada Garoowe, hase yeeshee qoraal uu sii dhigay beejkiisa ayaa loo sababeeyay diidmada uu kala kulmay ciidamada amaanka Garoonka Hargeysa kadib markii uu qoraal aan munaasib aheyn kasii hormariyay safarkiisa. Cabdi Casiis Xildhibaan oo lagu sii sugaayay Garoonka Hargeysa ayaa saacado kooban lagu hayay Garoonka, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay Muqdisho. Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer Garoomadeeda ka celisay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo safaradooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah. Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale, ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa xilka looga qaaday Afhayeen Cabdi Casiis Xildhibaan, kadib markii hadalo dhaawacaaya dowlada uu la wadaagay warbaahinta madaxabanaan. Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Casiis Xildhibaan oo xilkii laga qaaday ayaa tan iyo markii uu xilkiisa waayay ahaa mid u dhexeeyay magaalada Muqdisho iyo Gobolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya. Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay u tageen madaxda mucaaradku dalalka gobalka isku wakhti, laakiin guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu saxaafadda ka soo muuqday isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah dalalka deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah jabhadda ONLF. Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna khamiistii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, welina lagama hayo wax war ah oo la xidhiidha ujeedada socdaalkiisa iyo cid uu la kulmay. Socdaalka masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wakhtigan gobalka Geeska Afrika ka socdaan dabaylo isbedel oo ka bilaabmay Itoobiya, laakiin si yar si yar ugu faafaya gobalka Geeska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dareenka laga qabo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in mar hore ay sii dajiyeen howlaha la xiriira doorashada, waxa uuna carab ***** inaanu jiri doonin wax juujuub ah. Waxa uu sheegay inuu jiro nidaam doorasho oo kala xakameyn doono musharaxiinta iyo cod bixiyayaasha lana doonaayo in cid waliba ay dhowrto. Musharaxiinta loolanka qeybta ka ah ayuu sheegay inay leeyihiin xoriyad gaar ah, hase yeeshee uusan aqbali doonin in lagu tagrifalo xoriyada xadeysan. Musharaxiinta iyo shacabka ayuu u xaqiijiyay in Doorashada Puntland ay ku dhici doonto xiliga loogu tallo galay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga dib u dhac ku imaada Doorashada. “Waxaa iigu muhiimsan inaan xaqiijino in doorashada ay ku dhici doonto wakhtigeeda, waa haddii aanu dhicin sabab kale, waayo waxaa na xakumaaya dastuur iyo sharciyo noo yaal” Sidoo kale, C/weli Gaas, mar uu Madaxtooyada maamulka kula shiraayay qeybaha maamulka u qaabilsan Doorashada iyo mas’uuliyiin kale ayuu dafiray in la qorsheynaayo dib u dhac lagu sameeyo Doorashada. Haddalka C/weli Gaas, ayaa mugdi galinaaya shakiyo markii hore ay qabeen musharaxiinta iyo shacabka Puntland kaasi oo ahaa dib u dhac ku yimaada doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com