-
Content Count
206,406 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee uu gobalka Geeska Afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen isbedello iyo isdiiddooyin sida fooraha hadba jiho ka imanaya. Taas oo mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno suurtagalnimada in gobalku uu ka bogsado boogaha mililka yeeshay ee abid hagardaamada ku ahaa horusocodkiisa, midnimadiisa siyaasadeed iyo xitaa is raacsanaantiisa dhuleed. Tusaale ahaan, soddon sano ka hor cidina ma’ay filayn go’itaankii Ereteriya, madaxbannaanidii Koonfurta suudaan iyo in Soomaaliya ay noqon doonto dawlad Federaal ah oo ay maamul-gobaleedyadu baarqab yihiin, goballadii woqooyina ay ka dhismi doonto Somaliland oo dawladnimo iyo nidaam maamul oo ay u madaxbannaantahay. Waa laga yaabaa in lagu doodi karo in kala go’a dalalkani uu xal u yahay dhibaato ka timi wadajirkii siyaasadeed oo suurtageli waayey. laakiin waxa ay weli saadaal aan fiicnayn u tahay sida ay u adagtahay in dalalkani ay yeeshaan wada noolaanshiye dhaqaale iyo iskaashi horumar, xitaa haddii ay noqonayso iyaga oo kala madaxbannaan. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana marnaba quus lagama joogo suurtagalnimada in xidhiidh dhaqaale iyo iskaashi horumar keenaa uu dhexmaro dalalka Geeska Afrika, iyo in uu dhaco isbeddel dalalkan ologga ah u fududeeya in ay irmaansadaan khayraadkooda ceegaaga, lana jaanqaadaan horumarka dunidu u hayaantay. Taas oo Ifafaalaheedu aad u soo muuqdo intii uu talada dalka Itoobiya qabtay raysalwasaare Abiy Axmed, oo isbedello saamaynta iyo xawliga duufaanka leh ku soo biiriyey saaxadda siyaasadda iyo diblumaasiyadda gobalka ee fadhiidka ahayd. Abiy Axmed oo la aaminsan yahay in uu dhabartaabasho ka haysto dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka, ayaa isbedello illaa gunta ah ah ku samaynaya dabeecaddii siyaasadeed iyo nidaamkii talo ee dalkiisa iyo diblumaasiyadda gobalka Geeska Afrika. Waxaa xiise gaar ah leh, in colaaddii guunka ahayd ee Itoobiya iyo Eriteriya uu maalmo yar gudahood u beddelay saaxiibtinimo ku sii siqaysa iskaashi Istaraatijiyadeed. Isaga oo durbadiiba bilaabay dadaallo uu doonayo in dalkan ay deriska yihiin laga qaado cunaqabatayntii ay qaramada Midoobey saartay. Taas oo u muuqata in ay daarantahay laba sababood oo isbarkan: – In Itoobiya ay hesho marin biyood u soo labeeya Jabbuuti, oo aan sida dekedaha Mombasa, Soomaaliya iyo Somaliland uga baahanayn dhaqaale buuran oo ku baxa dhismaha dekedda, jidadka, nabadgelyada, diyaarinta shaqaalaha iyo dhammaystirka kaabayaasha loo baahan yahay. – In Maraykanka uu helo jid uu u maro dalka Eriteriya oo uu danaynayo istaraatijiyaddiisa dhinaca badda. – Imaaraadka Carabta ayaa isna si weyn u danaynaya dekeda Ereteriya oo uu imikaba joogo. Waxa ay dhinac ahaan isku dan ka yihiin Maraykanka, dhinaca kalana joogitaankiisa xeebaha Ereteriya waxa ay kaalin weyn ka qaadanaysaa ammaanka qarankiisa, xoojinta dagaalka ay Imaaraadka iyo xulafadiisu kaga jiraan Yemen iyo dano ganacsi. Itoobiya waxaa ka socda korriin dhaqaale oo ah kan ugu xawaaraha badan Afrika iyo inta badan ee dunida, sida ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF saadaalinaysana, sannadkan oo keliya waxa uu kordhayaa qiyaas ah boqolkiiba 8 iyo badh. Sidaa awgeed si ay uga feejignaato in nasiibdarrada bad la’aanta ee haysataa ay dabarto horumarkeeda, waa in ay heshaa dekedo ka badan laba iyo saddexba. Talisyadii kala dambeeyey ee Itoobiya, weligoodba waa ay dareensanaayeen muhiimadda ay dekeduhu u leeyihin. Laakiin Abiy Axmed, waxa uu dekedahaas raadintooda u adeegsanayaa xeelad ka duwan tii uu dalkiisu hore u mari jiray; waxa uu markan rabaa in uu iskaashi iyo danwadaag la yeesho dalalka gobalka ee dekedaha leh. Waxa uu hore heshiisyo ula galay Jabbuuti, Suudaan, Kenya iyo Soomaaliya, ka horna waxa jiray heshiis Itoobiya kula jirto Somaliland iyada oo dhowaanna ku soo biiray heshiiska Ereteriya oo dekeddeedu noqonayso tan labaad ee isticmaalkeedu ugu soo dhaqsan karo marka Jabbuuti laga yimaaddo. Taakada ugu culus ee maanta hortaalla danahaas isbarkan ee ay Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ka leeyihiin Ereteriya, waxa ay noqotay cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee saaran dalkaas oo diidaysa xidhiidhada iyo heshiisyada ay la geli lahaayeen. Waxaa muuqata in Raysalwasaare Abiy Axmed ay labada saaxiib ee kale u igmadeen in uu qodaxdaas jidka ka duwo. Taas oo ay Itoobiya dadaalkeeda ku jirto, iyada oo ka faa’iidaysanaysa xubinnimadeeda imika ee kursiga kaltanka ah ee golaha ammaanka Qaramada. Laakiin kursigaasi kelidii kuma uu filnaan, oo waxaa qasab noqotay in qaadista cunaqabataynta taageero looga helo dalalka kale ee gobalka, gaar ahaan dalalka IGAD oo marka horeba dhibta ka dhex dhacday qaar iyaga ka mid ah iyo Ereteriya ay ahayd sababta ugu muhiimsan ee Ereteriya cunaqabataynta loo saaray. Madaxweynaha Ereteriya oo dhiirrigelin ka helaya saddexdan saaxiib ayaa xodxodasho ka dhex bilaabay Bariga Afrika, dadaal uu doonayo in uu ku helo taageeradooda si cunaqabataynta looga qaado. Soomaaliya oo madaxweynaheedu saddex dharaarood marti u ahaa madaxweyne Isaias Afawerki, ayaa noqday hoggaamiyihii labaad dalalka IGAD, ee ku baaqay in Ereteriya cunaqabataynta laga qaado. Waxa aanay u eegtahay in Itoobiya oo uu raysalwasaaraheedu dhowaan Muqdisho booqday iyo Maraykanku ay madaxweyne Farmaajo ku qanciyeen in uu taageero dadaalkan. Kenya iyo Ereteriya iyaga marka horeba xidhiidhkoodu ma’ uu xumaan, waana suurtagal in maalmaha soo socda labada dal laga arko dhaqdhaqaaq diblumaasiyadeed oo qaadista cunaqabataynta la xidhiidha. JABBUUTI Ereteriya in lagu soo celiyo xayndaabka Bariga Afrika iyo beesha caalamku cidda ugu badan ee ay walaaca ku haysaa waa dalka Jabbuuti oo colaad dhinaca xuduudka ahi u dhexeysay sannadihii u dambeeyey, dhul ay leedahay iyo maxaabiis ciidanna ku jiraaan gacanta Ereteriya. Waxa kale oo ay Jabbuuti ka xumaan kartaa in Itoobiya oo muddadii ay colaaddu u dhexeysay Ereteriya, boqolkiiba 95 waxa ay dibadda ka soo dejisato soo marisa dekedda Jabbuuti ay hadda kaddib ugu yarana u qaybin doonto Jabbuuti iyo Casab oo Ereteriya ah. Isla markii fooraha isbeddelku bilowday, ayaa Jabbuuti ay isku dayday in aan cidlo lagaga tegin, waxa aanay Qaramada Midoobey ka dalbatay in la heshiisiiyo iyada iyo Ereteriya, laakiin cidi ma dhegeysan. Iyada oo ay taasi taagan tahay ayaa uu soo baxay baaqa Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in cunaqabataynta laga qaado Ereteriya. Tallaabadas oo ay aad uga xumaatay dawladda Jabbuuti. Waxa ay filaysay xidhiidhka isirka ah iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya, oo lagu daray shirarkii dawlad-dhiska ahaa ee ay Soomaalida u qabatay, in ay noqon doonaan abaal Soomaaliya ku qasba in ay maanta garab istaagto, laakiin ay u aragto in ay ku hungawday. Waxaa meel xun maraya xidhiidhka Jabbuuti ay la leedahay dalka Imaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku leh isbeddelladan ka socda gobalka. Sida oo kale Maraykanka oo isagu saldhig ciidan oo muhiim ah ku leh Jabbuuti ayaa aan la dhacsanayn in madaxweyne Geelle uu saldhig milateri siiyo dalka Shiinaha oo loollan weyni u dhexeeyo. In laba ka mid ah saddexda saaxiib ee Ereteriya aanay ka raalli ahayn Jabbuuti, waxa ay meesha ka saari kartaa fursaddii ay Jabbuuti kaga hortegi kari lahayd in duufaanka isbeddel ee socdaa uu danaheeda burburiyo. Waxaa intaa dheer khatarta ka iman karta siyaasadda labagardaaqa ah, ee ay Jabbuuti dalkeeda isugu keentay quwadadha is diiddan. Taas oo Inkasta oo ay ka heshay faa’iido dhaqaale iyo dano siyaasadeed, haddana ugu dambaynta iyada isku rogi karta. Si kastaba ha ahaato ee, halka imika la joogo, muhiimadda dalka Jabbuuti weli waa ay ka xoog badan tahay in sidaa kediska ah loo baalmaro, waana suurtagal in waxa socdaa uu yahay keliya in la baraqnugleeyo, ugu dambayntana ay dhacdo in Jabbuuti la siiyo dammaanado ugu yaraan cabsida ay qabto dejiya. Lagana shaqeeyo sidii uu madaxweyne Geelle u raaci lahaa geeddiga socda. Inkasta oo ay arrintani u baahan tahay in dano badan laga wadahadlo, oo ay ugu horreyso in wax la iska yidhaahdo xidhiidhka Jabbuuti iyo Ereteriya, iyo in la dejiyo cadhada uu Imaaraadku u qabo Jabbuuti, haddana in walaaca Jabbuuti la bogsiiyo waxaa muhiim ka sii dhigaya, Jabbuuti oo ah xarunta urur gobaleedka IGAD ee hadda kaddib bu’da u noqon doona shaqada soo xero-gelinta iyo cunaqabatayn ka qaadista Ereteriya, ee maalmaha soo socda bilaabmaya. Dalka Jabbuuti waxa uu gobalka iyo dunidaba u leeyahay muhiimad istaraatijiyadeed oo dhinaca dhaqaalaha iyo ammaankaba taabanaysa. Jabbuuti iyo Yemen ayaa ah labada dal ee ugu dhow marinbiyoodka Baabul Mandab, oo leh muhiimad dhuleed, siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan, ahna marinka ugu muhiimsan ee isku xidha qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Laakiin xaalka siyaasadeed ee imika ka jira Jabbuuti oo ay ugu horreyso; Quwadaha kala danaha ah ee ay isu keentay, xidhiidhka aan fiicnayn ee ay la leedahay dalalka duufaanka Geesku danta u yahay iyo dhaqanka xukun ku dhegga iyo isbeddel la’aanta ah ee ka jira, ayaa ka dhigaya dal aan sidii la rabay ugu gorgortami karin muhiimaddiisa, waaba haddii uu ka badbaado in duufaanku uu jiidho ee. Waxaa qalad siyaasiya ahaa in dawladda Jabbuuti ay si degdeg ah u taageertay isbahaysigii Carabta ee go’doonka geliyey dalka Qatar, iyada oo aan ka fikirin danaha ay ku waayi karaysay oo ay ugu horreysay in dalka Qatar ciidamadiisu ay ahaayeen kuwa ku dhex jira Jabbuuti iyo Ereteriya. Waana tii sababta u noqotay in Qatar ay ciidamadeeda kala baxdo xuduudka, kaddibna dalka Ereteriya uu si degdeg ah u qabsado dhul dheeraad ah oo ay Jabbuuti leedahay. Waxa kale oo qalad kaas hore ka sii weyn ahaa, in Jabbuuti ay haddana si degdeg ah isugu dhacaan dalka Imaaraadka Carabta oo ah kan ugu xarakaadka badnaa xulafadii Qatar ka soo horjeedday, labadaa tallaabo ee ay Jabbuuti israacisay waxa ay si isku mid ah uga wada fogeysay dalalkii muhiimka u ahaa ee carabta oo ay marka hore xidhiidh aad u fiican la lahaan jirtay. Waxaa maanta la gudboon Jabbuuti in ay casharkaas hore wax ka barato oo ay mar kale ka taxaddarto in duufaanka hadda socda ay la jaanqaadi kari weydo, oo ay cadow cusub ku samaysato. Si kastaba ha ahaato ee madaxweyne Geelle waxa uu weli haystaa fursad uu dalkiisa kaga badbaadin karo duufaanka dhacaya, waxa aana ugu horreeya in uu adkeeyo xidhiidhka uu la leeyahay Itoobiya, in uu ka shaqeeyo sidii ay u dhammaan lahayd colaadda ka dhaxaysa Ereteriya ama ugu yaraan loo suurin lahaa, iyo in uu dejiyo khilaafka u dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo meesha ku jirta sida uu u soo dhoweysto Maraykanka oo isbeddelka socda lug weyn ku leh. Waxa iyaduna talo muhiima ah in uu mar kale ka fikiro isku wadka quwadaha is diiddan ee uu isu keenay iyo in talada dalka uu furfuro, gacanta dadkana ku soo celiyo si aanay u lumin is midnimada iyo xasiloonida guduhu. MARAYKANKA Maraykanku raalli kama uu ahayn saldhigga ciidan ee uu Shiinuhu ka samaystay Jabbuuti oo uu isagu hore ugu lahaa. Mana sii eegan karo in ay sii socoto saamaynta Shiinaha ee gobalkan muhiimka ah ku soo badanaysa. Sidaa awgeed xidhiidh uu Maraykanku la samaysto Ereteriya waxa uu Shiinaha kaga caabbin karaa in uu gaadho xeebaha Ereteriya iyo in uu badda cas si buuxda u hantiyo. Isaga oo maanka ku haya in Berbera oo ah furdad muhiim ah oo badda cas ku taallaa ay sida oo kale ka xidhan tahay Shiinaha, maadaama oo Imaaraadka oo Maraykanka la xulafo ahi deggen yahay. Shiinuhu waxa uu muddo ku hawlanyahay qorshe uu ku samaynay jid ganacsiyeed lagu magacaabo Jidka xariirta ah ee Shiinaha, kaas oo la doonayo in uu noqdo jid isku xidha Shiinaha, iyo dalal muhiimka ah ee Aasiya, qaarad la mooddo Hindiya, Iiraan, Yurub, dalalka Carabta iyo Geeska Afrika. Jidkaas oo bad iyo berriba marayaa waxa uu qorshuhu yahay in uu soo maro badda cas oo uu ka soo gelayo jihada woqooyi ee Masar, soona marayo marinbiyoodka Baabu-mandab, isaga oo ku dhowaanaya Ereteriya, Jabbuuti iyo Somaliland oo ugu durugsan, illaa uu u soo gudbo badweynta Hindiya oo la filayo in uu magaalada Muqdisho ku baydho ama ku dhowaado, kaddibna Nairobi tago. Cunaqabataynta hubka oo laga qaado Ereteriya, waxa ay dariiqa u bannaynaysaa iskaashi milateri oo uu Maraykanku la yeesho, waanay u dhowdahay in uu saldhig ka samaysto. In Ereteriya la soo dhoweystaa waa guux muddo ka dhex socday madalaha lagu go’aamiyo siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, gaar ahaan xisbiga jamhuuriga dhexdiisa. Boqol maalmood ka yar ayaa laga joogaa markii iyada oo aanu Abiy Axmed weli isbeddelkan keenin, uu xildhibaan Dana Rohrabacher oo ah ruugcaddaa ka tirsan xisbiga talada haya ee jamhuurigu, warqad xidhiidhka Ereteriya ka hadlaysa u qorayey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Xildhibaan Dana Rohrabacher oo 30 kii sano ee u dambeeyeyna ka tirsanaa golaha wakiillada, waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Michael Pompeo kula taliyey in Maraykanku uu xidhiidh adag la samaysto dalka Ereteriya, oo istaraatiyad muhiim ah leh. Lagana shaqeeyo sidii uu ula yeelan lahaa iskaashi milateri. Waxa uu si badheedh ah ugu dooday in ay taasi tahay tab fiican oo lagaga hortegi karo saamaynta soo kordhaysa ee uu Shiinuhu ku leeyahay gobalka, oo ay ka mid tahay saldhigga mialteri ee ay Jabbuuti siisay. In Ereteriya ku soo noqoto saaxaddu waxa ay Maraykanka u leedahay dano kale oo ay ugu muhiimsan tahay in Iiraan uu ka ilaaliyo badda cas si uu u sugo danihiisa marin biyoodka baabu-mandab, isla markaana u adkeeyo nabadgelyada Israa’iil iyo xulafadiisa khaliijka. ITOOBIYA Itoobiya waxa ay marka hore ku socon jirtay istaraatjiyad ah in cududdeeda ciidan ay hagto diblumaasiyaddeeda iyo xidhiidhadeeda, laakiin taasi waxa ay u abuurtay colaad badan iyo in ay dhexgeli kari weydo dalalka gobalka oo ay doonayso in ay iyadu hoggaamiso. Marka aynu eegno tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed, waxaa cad in uu jidkaas hore ka baydhay. Waxaa ka muuqda in uu tirtirayo wixii colaad iyo kala waabasho ahaa ee ka dhexeeyey dalkiisa iyo guud ahaanba dalalka bariga Afrika, waxa aanu bilaabay fikir ah in dano is dhaafsiga iyo dhaqaale wadaaggu uu noqdo ka hagaya diblumaasiyadda cusub ee Itoobiya, taas oo haddii uu ku guulaysto, ka dhigi doonta dal si laga raalli yahay caynaanka ugu qabta dalalka Geeska Afrika. Itoobiya waa dalka ugu dhulka ballaadhan, ugu dadka badan, ugu dhaqaalaha buuran, ugu cududda weyn, dawladnimadeeduna ugu gun dheertahay, dhammaan dalalka Geeska Afrika. Arrimahaas oo dhammaantood ah furayaasha u soo jiidi kara horumarka, kana caawin kara in ay hoggaamiso Geeska. Marka aynu soo ururinno, jidka cusub ee ay Itoobiya dooratay, waxa uu ka dhigi doono quwad diblumaasiyad qabow iyo xoog dhaqaale ku hoggaamisa gobalka Geeska Afrika iyo guud ahaan bariga qaaraddan. Marka ay sidaas tahay Itoobiya faa’iido aan la soo koobi karin ayaa uu u wadaa dufaanka isbeddel ee dhacayaa, waxa aana hubaal ah in tubta uu qaaday hoggaamiyahooda dhalinyarada ahi uu ka dhigi doono dal qaaradda iyo dunidaba meel sare ka gaadha, waa se haddii uu ka badbaado saddex isdiiddo oo aan la dhayalsan karin. KURSIGA OO AANU KU DHEGIN Dhibta ugu badan ee Afrika ka taagani waa kala tagga weyn ee ku dhex jira da’da talinaysa iyo da’da dadka loo talinayo, tusaale ahaan da’da dadka Afrika celcelis ahaan waxa ay noqonaysaa 19 iyo badh sano jir, laakiin celceliska da’da hoggaamiyeyaashoodu waa 65 sano. In da’da talinaysaa ay u taliso jiilkii ay awoowga u noqon lahaydna waxa ay sababaysaa isla jaanqaadi waa iyo in uu meesha ka baxo xooggii cusbaa ee la qabsan kari lahaa duruufaha uu la noolyahay oo uu inta badan uga faham badan yahay cid kale oo kasta. Waxaa iyaduna xusid mudan in Inta badan ee hoggaamiyeyaasha soo maray ama hadda jooga Afrika ay yihiin dad marka hore maamuus ku lahaa dalalkooda; iyaga oo da’ yar ayaa ay halgankii gobannimo doonka kaalin geesinimo iyo hoggaamineed ku lahaayeen ama markii ay xukunka qabteen ayaa ay horumar iyo isbeddello loo baahnaa keeneen, laakiin dhammaantood magacaas iyo maamuuskaas taariikhdooda waxa ay ku tirtireen habdhaqankoodii siyaasadeed ee dambe, kaddib markii ay diideen in xukunka uu ka kaxeeyo wax aan ahayn wed ama xoog ka awood badan. Marka aynu eegno Itoobiya inkasta oo ay tahay dal guun ah, haddana waxa ay caan ku ahayd hoggaamiyeyaal boqortooyo iyo kuwo xukunka xoog ku haysta waqtiyo dhaadheer, waxaa u dambeeyey raysalwasaare, Meles Sinawi oo ahaa Abiy Axmed saaxiibkii ama macallinkiisii siyaasadda. Waxa uu xukunka Itoobiya magacyo kala duwan ku hayey 21 sano, isaga oo aan weli u diyaar ahayn in uu ka tagana waa uu geeriyooday. Raysalwasaare Abiy Axmed waa in uu ka feejignaadaa kursi ku dheg uu ku tirtiro taariikhdiisa, isla markaana abuura jawi ay kaga soo horjeestaan dadkiisu. Waa in uu dalka ka abuuro nidaam talowadaag ah oo xukunka lagu yimaaddo doonista dadka. Haddii kale sida hoggaamiyeyaashii ka horreeyey ee Afrika ayaa uu qoomi doonaa magaca uu ku helayo isbeddelka uu dalkiisa ka hirgeliyey. QAWMIYADIYAHA Waxaa aad u suurtagal ah in mid ka mid ah sababaha uu raysalwasaare Abiy Axmed u ogolaaday heshiiskii dhul u celinta Ereteriya, ay tahay in uu qaybiyo qawmiyadda Tikreega ee muddooyinkii u dambeeyey haysay talada, abuurtayna nidaam ay adagtahay in ay xukunka ka fogaato. Dhulka ay Itoobiya iyo Ereteriya ku muransan yihiin, sida uu dhigayo heshiiska uu imika ogolaaday raysawasaare Abiy Axmed, haddii dib loogu celiyo Ereteriya, dad aad u badan oo ka mid ah qawmiyadda Tigreegu waxa ay raaci doonaan Ereteriya. Waana xeelad uu Abiy Axmed ku yarayn karo xooggii qawmiyaddan ee culayska ku keeni lahaa nidaamka cusub ee uu damacsan yahay. Qawmiyadda Oromada oo boqolkiiba 60 ay muslimiin yihiin, waa tan ugu badan qawmiyadaha dalka Itoobiya, waxa aana lagu qiyaasaa in ay ugu yarana boqolkiiba 40 ka tahay tirada guud ee dadka dalka. Nasiibdarro, hore tiradaas aadka u badani qawmiyadda Oromada uma ay saamixin in ay hoggaamiso Itoobiya. Waxa se laga yaabaa in aynu dhowaan maqalno Raysalwasaaer Abiy Axmed oo dastuurka dalka wax ka beddela, si uu u suurtageliyo in doorasho toos ah, ama si uun sida hadda ka duwan, uu ku yimaaddo hoggaamiyaha dalku. Waayo, waa sida keliya ee uu ku dammaanad qaadi karo in Oromadu ay xukunka Itoobiya qabato. Nidaamka imika jiraa waa baarlamaani, oo hoggaamiyaha la soo dooranayaa waxa ay ku xidhantahay hadba isbahaysiyada ka dhex jira baarlamaanka. Qarnigii 16naad waxa ay Oromadu bartilmaameedkii ugu weynaa u ahayd addoonsigii lagu hayey dadka madow ee Afrika, intii ka dambaysayna waxa ay ku hoos nolaayeen talisyo kiristaan u badan oo cadaadiskii iyo cabudhintii ay kala kulmeen geyeysiisay in tiro badan oo ka mid ahi ay ka baxaan diinta Islaamka, iyo in dadka qawmiyaddani ay aad uga yaacaan Itoobiya oo ay daafaha dunida u kala tacabbiraan. Waa arrin iska dabiici ah in dadku marka ay xorriyad iyo xoog helaan, ay bilaabaan in ay ka aargoostaan ciddii ay dhibaatada iyo cabudhinta ka tirsanayeen ama u arkayeen in ay u soo raacday ciddii dhibaatada ku haysay, waa se haddii aanay helin hoggaamiye karti leh oo xakamayn kara, si aanu aargoosi iyo is colaadsi u dhicin. Itoobiya waa dal ay ku dhaqanyihiin qawmiyado aad u kala fog isir ahaan, badankoodana colaado guun ahi u dhexeeyaan. Nidaamkii Abiy Axmed ka horreeyey waxa uu dalkan ku hayey gacan bir ah oo keentay in wada noolaanshiyuhu uu qasab noqdo. Laakiin, isbeddellada uu raysalwasaaruhu wado, waxaa ka dhalanaya in Itoobiya ay noqoto dal aad u furfuran. Waxa aana hubaal ah in ay taasi keeni doonto in aanay is raacsanaanta dhuleed iyo midnimada bulsho sidii hore ahaan doonin iyo in amnigu dabci karo. Khatartaasi waxa ay barbar taallaaa dheefta aadka u badan ee ka dhalanaysa isbeddelka uu wado raysalwasaaruhu. In uu dhibtaas dalka ka badbaadiyaana waa ay ka bilaabmaysaa in uu ugu horreynba ka adkaado qawmiyaddiisa, oo ah tan ugu badan, lagana yaabo in ay uurkutaallada ugu badan qabto. Waxa muuqata in raysalwasare Abiy Axmed qaatay qorshe ah in uu isbeddelkiisa ku kaxeeyo xawaaraha dabaysha. Waa qorshe sax ah marka la eego dal Itoobiya oo kale ah oo ay ka soo jirtay dawlad xididdo aasatay oo cid gaar ah u xidhay dhammaan hay’adihii xoogga lahaa ee qaranka; dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasaddaba. In uu isbeddelkiisu noqdo sida dubbe uu madaxa kaga garaacayo maska, si aanu u helin fursad uu ku soo kacaa, waa xeelad fiican oo uu kaga badbaadi karayey cid kasta oo laga yaabo in ay ka hor iman lahayd. Waxa aanay fursad u siisay in uu masaafad aad u dheer jaro inta aanay gagabgoynin awooddii soo talinaysay, ee aanay wax iska weydiiyaan xukun hayntiisa. Waxa se muhiim ah in xawaaraha uu isbeddelkiisa ku wadaa aanu raysalwasaaraha illowsiinin muhiimadda ay leedahay wadashada ugu yaraan dadka aan la dhacsanayn ee weli talada xisbiga iyo tan dawladdaba awoodda ku leh, oo ay run tahay in ay fursad uun sugayaan, iyo in aanu illaawin in uu xukunka ku yimi sifo ku meelgaadh ah oo xal raadin iyo raalligelin looga dhigayey kacdoonnadii socday. Wax badanina waxa ay xidhanyihiin, hadba sida uu siyaasadda gudaha u maamulo iyo sida ay dalalka imika Abiy Axmed garbaha hayaa ula sii wadaan hawsha. SOOMAALIYA Soomaaliya kama qadayso danaha ku jira jidka cusub ee uu gobalku qaaday; ugu horreyn waxa ay haysataa marinnada biyood ee Itoobiya u baahan tahay oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku teedsan yihiin xuduudka. Itoobiya oo ku dhaqanta siyaasad ah iyada oo in uun xurmaynaysa Soomaaliya, dano ay is dhaafsanayaanna ay jiraan, in ay isticmaasho dekedahaas. Waxa ay aad uga fiicantahay sidii ay marka hore Soomaaliya ka baqaysay ama ay ku socotayba oo ahayd, in Itoobiya ay abaal la’aan ku isticmaasho dekedaha Soomaaliya. Mar labaadka, Istaraatijiyaddii hore ee Itoobiya, waxa ku dhisnayd aragti daciifinaysa dawladda dhexe ee Muqdisho, korna u soo kicinaysa maamul-gobaleedyada iyo xoogagga siyaasiga ah ee hadba ka soo horjeeda dawladda. Haddaba, haddii ay run noqoto saadaasha ah in hadda kaddib, diblumaasiyadda Itoobiya ku socon doonto dano is dhaafsi ay la yeelato dalalka gobalka iyo in xooggeeda dhaqaale ay ku hoggaamiso diblumaasiyadda, waxaa yaraan doonta cabsidii ay ka qabtay Soomaaliya oo xoogaysata. Taasina waxa ay dawladda Federaalka Soomaaliya siin doontaa fursad, ay kaga badbaaddo culayskii kaga imanayey Addis Ababa, oo ay ugu horreyso maamul-gobaleeddadii ay ku naaxin jirtay. Illaa hadda waxaa muuqata in Abiy Axmed uu jidkaas ku socdo, oo si ka duwan raggii ka horreeyey, uu isagu xoogga saarayo in uu xidhiidh toos ah la samaysto dawladda Federaalka Soomaaliya. Iyada oo la ogyahay in uu Muqdisho ku tegey, safar noqday markii ugu horreysay muddo soddon sano ku dhow, ee hoggaamiye dal kale uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho, isaga oo ka jawaabaya casuumad rasmi ah oo uu diray madaxweyne Soomaaliya ka talinayaa. Tegitaankii Farmaajo ee Ereteriya, ma’ uu ahayn sabab la’aan. Waxaa qasab ah in ay ka soo shaqaysay cid ka mid ah dalalka riixaya isbeddelka socda, gaar ahaan Maraykanka, Itoobiya iyo / ama Imaaraadka. In uu Madaxweynaha Soomaaliya tago Ereteriya, oo isaga oo aan u joojin cabashada Jabbuuti, uu ku dhawaaqo in dalkaas laga qaado cunaqabaynta, waa tallaabo ay hubaal tahay in ay soo dhoweyn doonto kala fogaanshiyihii Soomaaliya iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka shookaanta u haya isbeddelka socda. Waxa aanay Soomaaliya ku kasbanaysaa in ay ugu yaraan qabowdo xiisaddii diblumaasiyadeed ee u dhexeysay iyo dagaalkii uu imaaraadka oo soo maraya mucaaradka Muqdisho ku hayey dawladda Farmaajo. Waxaa iyaduna jirta in Farmaajo taageeradiisa qorshaha saddexda dawladood ee Ereteriya garab istaagay, uu ka dheefayo in Soomaaliya heerkeeda gobalku kor u soo kaco, heshiisyo iyo iskaashiyo kala duwanna ay la gasho dalalka gobalka, taas oo ah jid ay u mari karto in ay dib u soo ceshato kaalintii muhiimka ahayd ee ay gobalka ku lahaan jirtay. In dalku uu fursado ka dhex helo dalalka la ologga ahi, waxa ay leedahay waxtar ay ugu yartahay, in uu door muhiim ah ka ciyaaro diblumaasiyadda gobalka iyo in uu galaangal u yeesho dalalka qaaraddiisa iyo dunidaba. Waana suurtagal in aynu aragno dalalka gobalka, oo markooda iyaguna ku baaqaya in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran. Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ka soo waajahaysa isbeddelka ka socda gobalku waa, in laga faa’iidaysan karo taagdarradeeda iyo dib-u-dhaca jira. Tusaale ahaan in heshiisyada dawladaha ay la gelaysaa noqdaan kuwo ay ku dulman tahay oo aanay gorgortan badan ka geli karin, sababo la xidhiidha cabsida ay ka qabto farogelinta dalalkaas ama hay’adaha dawladda ee heshiisyadaas gelaya oo aan lahayn aqoontii iyo kartidii loo baahnaa, una bislayn gorgortanka ay u baahan yihiin heshiisyada dabeecaddaas lihi. Dawladda Soomaaliya si ay uga badbaaddo heshiisyo lagu saxeexo kala sarrayn iyo sadbursi, waxaa la gudboon in ay dhaqso u diyaariso dhammaan shuruucda khusaysa maalgashiyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo iskaashiyada kale. Waxaa muhiim ah in ay keento waayo-arag iyo dad u diyaarsan heshiisyada caalamiga ah. Sida oo kale waxaa muhiim u ah in ay fursaddan uga faa’iidaysato dejinta xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalka Imaaraadka Carabta oo wax badan yeeli karo danaheeda. Waxaa iyaduna run ah in helitaanka Soomaaliya ee dheefahaas iyo danahaas aynu xusnay, uu ku xidhan yahay in Itoobiya ay si dhab ah u beddesho Istaraatijiyaddeeda guud ee ku jihaysan Soomaaliya, taas oo aan weli caddayn. Waayo, Itoobiya waxa ay weligeedba Soomaaliya ka lahayd, aragti iyo istaraatijiyad ku qotonta amniga qarankeeda. Sidaa awgeed tallaabooyinka uu illaa hadda Abiy Axmed qaaday, keliya waa calaamad niyadwanaag. Welina waxa aynu dhowraynaa shaqada xigta ee uu ka qabto istaraatijiyadda Itoobiya ee ku waajahan Soomaaliya, oo ka gun dheer, kana kakan in inta uu imika sameeyey ay noqoto mucjiso wixii jiray oo dhan xal u keenaysa. Waxa iyaduna xusid mudan in taagdarrada dawladnimada Soomaaliya, iyo awooddii diblumaasiyadeed oo aan jirin, ay caqabad ku yihiin in Soomaaliya ay ku guulaysato isu soo jiidka danaha isdiiddan ee shisheeyaha iyada gacansiiya. Kuwaas oo ay ugu horreyaan Maraykanka iyo saaxiibkii (Imaaraadka) oo dhan ah iyo Turkiga iyo saaxiibkii (Qatar) oo dhanka kale ah, laguna sii dari karo Shiinaha oo isna hadda Soomaaliya iyo gobalkaba u soo heensaystay. SOMALILAND Qaabkii dastuuriga ahaa ee uu madaxweyne Rayaale xilka ula wareegay dhimashadii Cigaal kaddib, iyo doorashooyinkii xigay, waxa ay Somaliland ku soo jeediyeen indhaha dunida. Gaar ahaan xilligaas oo ay Soomaaliya qarka u saarnayd in uu magaceedu tirtirmo. Sida oo kale, duruufihii ammaanka dunida ee xilligaas taagnaa, sida argagaxisada iyo budhcad badeedka, oo Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ahaayeen halka ay khatartooda ugu badani ka imanaysay, ayaa ay Somaliland ku kasbatay sumcad keentay in dunida ay ka hesho wada-shaqayn fiican. Go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo wadahadalka kula furay Soomaaliya, waxa uu daciifiyey ilayskii ugu weynaa ee diblumaasiyadda Somaliland, kaddib markii uu abuuray weji cusub oo ay dunidu Somaliland kula macaamisho. Waxa uu meesha ka saaray su’aashii ka taagnayd sida loo la macaamilayo Somaliland, taas oo Somaliland marar badan u noqon jirtay naruuro ay ku hesho hab macaamil aad u heer sarreeya. Wadahadalladu waxa ay dunida geliyeen rejo cusub, oo ah in ay ka soo bixi karto natiijo dib u soo celisa midnimada Soomaaliya, waxa aanay sababtay in Somaliland lagu cadaadiyo in jidka keliya ee u furani uu yahay in ay Soomaaliya isla meel dhigaan sida uu noqonayo masiirkoodu. Somaliland muddadii ay jirtay marinka ay dibadda ugu gudubto, xadhiga ay sii mariso dano badan oo ay dunida ka rabto iyo saaxiibka ay weheshataa waxa uu ahaa dalka Itoobiya. Waxa ay ka haysatay wax aqoonsi u eeg, kaddib markii uu ogolaaday in ay Somaliland xafiis diblumaasiyadeed ka furato Addis Ababa iyo in baasaboorka Somaliland si la mid ah baasaboorrada kale ee dunida, uu ugu bixiyo dal-ku-galka. Isbeddelka ka socda Geeska Afrika haddii uu u guulaysto sida uu socdo, waxa ay Somaliland halis u tahay in uu ka soo oodo marinkii diblumaasiyadeed ee Itoobiya oo aad muhiim ugu ah. Waxa kale oo uu cidhiidhi gelin karaa rajadii ahayd in Imaaraadka Carabtu uu marin kale u noqdo Somaliland. Waayo, taageerada uu Farmaajo siiyey qorshaha Itoobiya ee Ereteriya ku aaddan, oo lagu daro aragtida ah in xidhiidhka gobalku ku dhisnaado iskaashiga horumar, waa albaab adag oo soo xidhi kara diblumaasiyadda Somaliland. Dambaabidhada qorshaha cusub ee raysalwasaare Abiy Axmed, haddii ay Jabbuuti dhaawacday, waxa uu sida oo kale daciifinayaa Somaliland, laakiin macnuhu ma’aha in uu ilayskii rejadu demay. Somaliland waxa ay u baahantahay in ay sida ugu dhaqsaha badan dib u habayn iyo xoojin ugu samayso siyaasaddeeda arrimaha dibadda, iyo in ay dardargeliso dhaqdhaqaaqyadeeda diblumaasiyadeed oo aanay ku hallayn wasiirka oo keliya, balse ay abuurto qorsheyaal cilmiyeysan iyo aragti xeeldheer oo hagta siyaasadda dibadda. Waxaa weli u furan in ay ka faa’iideysato xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo labadaba ay ka muuqato in ay Somaliland danaynayaan, isla markaana ay xukuumadihii hore ee Somaliland xidhiidho fiican la bilaabeen. Waxa kale oo muhiim ah in ay ka shaqayso, sidii ay Abiy Axmed ugu qancin lahayd muhiimadda ay u leedahay ammaanka iyo horumarka dhaqaale Itoobiya, maadaama oo ay Itoobiya laftigeedu danaynayso dekedda Berbera. Dalka Imaaraadka Carabta oo ay imika xooggan tahay diblumaasiyaddiisa Geeska Afrika, xidhiidh fiicanna la yeeshay Somaliland, ayaa isna ah fursad weli furan. Siyaasiga xariifka ahi, waa ka marka ay xaaladdu ku soo fool adagtahay, iskaga qanca in uu jab roodhi ah qaato, marka uu isheeda arkana aanay qancin wax ka yar warshadda furinku. Waxaa muhiim ah in Somaliland ay ku xisaabtanto in Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa isbeddelka cusubi ay cadaadis intii hore ka badan saarayso diblumaasiyadda Somaliland, sidaa awgeed Somaliland si aanay fursadaha u furan u dayicin waa in ay: – Dawladaha aynu soo xusnay ka codsato in Soomaaliya lagu cadaadiyo in ay culayska ka yareyso Somaliland. Gaar ahaan dhinacyada bani’aadamnimada, ammaanka, horumarka iyo dhaqaalaha. – Dawladahan ay ku qanciso, in inta wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya meel ku dhammaanayaan, Somaliland la siiyo jid diblumaasiyadeed ku meelgaadh ah, oo u suurtagelin kara in ay dunida u marto. – Cidhiidhsato sidii aan looga reebi lahayn horumarka iyo iskaashiyada dhaqaale ee ka alkunmaya Geeska Afrika, ugu yaraanna wixii iyada ka khuseeya ay wada xaajoodkooda kaalin ku yeelato. – Ka shaqayso in wadahadalladii ay dhaqso u bilowdaan, cid dhexdhexaadisa oo dhinacyada culays saari karta, isuna jiidi kartana la raadiyo. Sida oo kale, waa in ay wada hadallada ugu diyaargarowdo si ka cilmiyeysan, kana qorshe fiican, sidii ay yeeshay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo oo aynu ku tilmaami karno in ay martay jid guul-darraystay. – Ugu dambayn waa in ay niyadda ku hayso in midnimada gudaha ee Somaliland oo imika maqan iyo dawlad wanaaggu ay yihiin laba fure oo wanaajin kara siyaasadda arrimaha dibadda. Dhammaad W/Q: Kamaal Marjaan
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khilaaf Siyaasadeed heer xun gaartay oo ka dhex aloosan dowladaha Djibouti iyo Eritrea. Khilaafkan ayaa waxaa xalintiisa ballanqaaday dowlada Ethiopia oo xiriir wanaagsan la leh labada dal ee Djibouti iyo Eritrea. Dowlada Djibouti ayaa Eriterea ku eedeysay inay awood Militery ku heysato dhul baaxad weyn oo ku yaalla xadka labada dal, halka Eritrea ay ku adkeysaneyso inay leedahay dhulka ay sheeganeyso Djibouti. Dowladaha isku howlay wadahadalsiinta Djibouti iyo Eritrea ayaa waxaa iminka ku biiray Kuwait iyo Masar oo iyaguna calaaqo wanaagsan ay kala dhexeyso labada dal ee khilaafkooda uu sii fogaaday. Dowladaha kusoo biiray wadahadalsiinta labada dal ay sidoo kale qeyb ka ah wadamada u bahoobay baacsiga Qadar, waxaana xusid mudan in Eritrea ay garab u tahay xulufada Sacuudiga. Sidoo kale, gogosha wadahadalsiinta labada dal ayaa waxaa dhigi doona dowlada Ethiopia oo garabsan doona dowladaha ku biiray wadahadalka. Lama saadaalinkaro natiijada kasoo bixi doonta wadahadalka u furmi doona dowladaha Djibouti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatooyinkii hore oo ay soo martay. Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo Soomaaliyadii hore iyo tan iminka jirta, isagoo tusaale usoo qaatay kala danbeyntii hore iyo mida hadda jirta. Waxa uu tilmaamay in Somalia ay adkaan karto inay ku laabato halkii ay horay u taagneed, waxa uuna cadeeyay keliya in Somalia ay booskeedi hore ku laaban karto xiliga la helo dhalinyaro buuxisa booska SYL. “Somalia waxa ay booskeedii hore dib ugu laaban kartaa marka aanu helno dhalinyaro buuxin karta booskii ay naga faarujiyeen SYL” “Somalia markii la eego sanadihii aan soo dhaafnay iyo hadda farqi ayaa u dhexeeya balse ma aanu gaarin halkii aynu rabnay” Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu Xarunta Villa Somalia kula qaatay dhalinyaro badan oo uu ka xog wareysanaayay xaalada dalka iyo tabashooyinkooda. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in umad dhan laga dhexwaayo dhalinyaro buuxisa booskii SYL, waxa uuna ku guubaabiyay dhalinyarada inay la imaadan dhabar adeeg. Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada hadda jirta ay ahmiyad gaara siiso dhalinta Soomalaiyeed qeybahooda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa inta badan baraha bulshada si aad ah looga hadal hayaa warar sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Xuseen Cusmaan uu iska casilay xilkiisa. Warqad lagu muujinaayo is casilaada oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay tahay mid uu qoray Agaasimaha, inkastoo aan la xaqiijin Karin caafimaad qabka warqadaasi. Qoraalka warqada oo u muuqda mid aan fadhin ayaa waxa ay si toosa ugu soctaa Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, iyadoo lagu muujiyay sababta ka danbeysay dalabka Agaasimaha ee ku aadan Is casilaadiisa. Warqada ayaa waxaa lagu xusay in sababta is casilaada Agaasimaha NISA ay tahay mid ay ka danbeysay shaqo xumu kaga imaaday dhanka Aggaasimaha madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin iyo nin magaciisa lagu sheegay C/llahi Aadan Kulane. Warqada oo la sheegay inay tahay mid been abuur ah ayaa waxaa sameynteeda la xaqiijiyay inay ka danbeeyen dhinacyo aad uga xun shaqooyinka ay hayaan maamulka iminka gacanta ku haya NISA. Warqada oo ay ku jiraan khaladaadyo dhowr ah ayaa waxaa sameynteeda kaalin weyn ka qaatay xubno ka tirsan mucaaradka oo iyagu ka didsan shaqooyinka Hay’adda kuwaasi oo dhaliilo badan tabanaayo. Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa waxaa caado ka noqotay baahinta warqado been abuur ah oo lagu waxyeeleynaayo shaqooyinka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Axmed Shide Wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya. Axmed Shide waxaa Guddoomiyaha u doortay Golaha dhexe ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya (XDSHSI) oo maalmihii ugu dambeeyay shir uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya. Xilka Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxaa horey u hayay Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida. Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa loo qorsheynayaa in uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya doorashada soo socota oo ay ka dhiman tahay labo sano. Xilka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hadda sii haya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) oo horey u ahaa Wasiirkii maaliyadda maamulkaas. Axmed Shide Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxa uu ka soo jeedaa beesha Akishe ee Soomaalida Magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale ee dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ah oo qalalaase ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey ayaa haatan xasiloon. Ammaanka magaalooyinka dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa gacanta ku haya ciidamada Milateriga iyo Booliska Federaalka. PUNTLAND POST The post Itoobiya:- Guddoomiye cusub oo loo doortay Xisbiga Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
The commander of African Union Mission in Somalia, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in the conflict-torn country to conduct permanent joint operations with the Somali National Army against Al-Shabaab. “The Force Commander tasked the forces with intensifying the training and mentorship of their SNA counterparts through joint planning, co-ordination and execution of operations in line with the AMISOM transition plan,” a statement issued by AMISOM officials noted. Owoyesigire, who is the former commander of UPDF air force, was yesterday speaking to a section of AMISOM troops at Johwar. The AMISOM chief has also embarked on the security assessment of all major operation camps of troops to discuss broad strategic plans geared towards rebuilding the state and government in Somalia. Securing the Mogadishu-Johwar supply route is the other urgent assignment that Owoyesigire gave the troops. The AMISOM commander said joint security operation with the Somali National Army will improve peace, security and also equip Somali forces with the necessary skills for sustainable stability of the country. “Owoyesigire further urged the troops to strengthen relations with the local community through co-operation with the regional administration and undertaking of quick impact projects to address pertaining social infrastructural challenges,” AMISOM officials said yesterday. Owoyesigire also held talks with Hirshabeelle state president, Mohamed Abdi Ware at Jowhar town. “Discussions focused on the security situation in the region,” AMISOM officials noted in a statement. Owoyesigire also assessed troops in Baidoa, Beletweyne and Baledogle operational bases. The mandate of AMISOM was in July extended by the United Nations Security Council resolution 2434 underscoring a gradual and conditional withdraw of boots by 2020. There are over 21, 000 African Union troops in Somalia, with Uganda contributing the largest portion. Besides Uganda, there are troops from Kenya, Djibouti, Ethiopia and Burundi. Source: – New Vision
-
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Sunday, the latest dissident movement to aim for an end to hostilities in the wake of reforms. The Ogaden National Liberation Front (ONLF) launched its bid for secession of the Somali Region, also known as Ogaden, in eastern Ethiopia in 1984. In 2007, Ethiopian forces waged a large-scale offensive against them after the group attacked a Chinese-run oil facility, killing 74 people. But the ONLF was among two other groups that were removed by parliament from a list of banned movements – part of a reform drive being led by Prime Minister Abiy Ahmed, who has extended an olive branch to dissidents. In a statement, the ONLF said it had “taken into account the positive steps taken by the Ethiopian government to lay the groundwork for talks and peaceful negotiations”. The group “will cease all military and security operations to find a available and lasting solution to the Ogaden conflict”, it added. The region the ONLF operates in contains four trillion cubic feet of gas and oil deposits, the government says. China’s GCL-Poly Petroleum Investments has been developing two gas fields since 2013. Abiy, who took office in April, is presiding over a bold push to shake the African nation of 100 million people from decades of security-obsessed rule. He has also acknowledged and condemned widespread abuses by security forces, likening it to state terrorism, as well as forging peace with Eritrea, with which Addis Ababa has been locked in a lengthy military standoff that followed a 1998-2000 border war in which 80,000 people are thought to have died. Source: Reuters
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kadib shir maalmihii la soo dhaafay ka socday magalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa ugu dambeyn, waxaa shirkaas lagu magacaabay gudoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia. Axmad Shide oo ah wasiirka Isgaarsinta ee Ethiopia, ayaa loo magacaabay xilkaas, isaga oo beddelaya madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey. Axmed Shide ayaa sii heyn doona guddoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia, xilli xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaano ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceen. Isbedelka cusub ee uu la yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saameyn ballaaran waxa uu ku yeeshay dalka Itoobiya, iyada oo uu bilaawady dagaal u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Somalia ay si rasmi ah xiliyada habbeenkii u fasaxday shaqeynta Dekadda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaaya amaro adag oo la duldhigay gaadiidka xamuulka ka qaada Dekadda kuwaasi oo sanadihii ugu danbeysay ahaa dhaqan. Gaadiidka Dekadda ka shaqeyn doona 24saac ayaa waxa ay DFS kusoo rogtay amar ah inaanu banaanka Dekadda loo ogolaan doonin Gaari buuxa iyo gaadiidka dhamaadka ah. Amarkan ayaa waxaa soo saaray Taliska Ciidanka Booliska, gaar ahaan Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidankaasi oo amar ku bixiyay inaan Dekadda ka dhex bixikarin gaadiidka waaweyn ee sida saa’idka ah loo raro. Kulan maanta Dekadda Muqdisho ku dhexmaray Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa laga soo saaray amar ah inaan Dekadda uusan kasoo dhex bixikarin gaadiidka xamuulka ee sida aadka ah loo soo raray. Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in waddooyinka Muqdisho aan lagu arag gaadiid sida rar xad dhaaf ah. Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka ayaa sheegay in Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho ay dhibaato aad u weyn ku hayan dadka shacabka iyo isku socodka gaadiidka kale ee isticmala waddooyinka. Sidoo kale, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay iyo in Gaari waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo Jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay. Gaadiidka rarka badan saran ee kasoo baxa Dekadda ayaa intooda badan ku rogmada Wadooyinka Muqdisho waxaana ka dhasha qasaaro isugu jira naf iyo maal.
-
Muqdisho (Caasimada Online) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay, isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday. “Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday, hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka. Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka. Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda. “Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa. Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda. “Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed” Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.
-
Carabtu waa halista ugu badan ee ay wajahayaan wadamada ku yaala bariga Africa maanta, waxaase sidoo kale ku hoos jira faa’iidooyin ku xiran hadba sida ay noqoto xeelada dal walba. Dowladda Eritrea ayaa ku biirtay dalalka sida ka fiirsi la’aanta ah ula saftay Sacuudiga oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Canada, taas oo salka ku heysa arrimaha xuquuqul insaanka. Eritrea waxey luuqad adag ku dhaleeceysay Canada iyadoo ugu baaqday Sacuudigu inuu qaado talaabo jawaab ah, arrintaan waxey timmid iyadoo Asmar uu booqasho ku joogo wasiirka Arrimaha dibada ee Sacuudiga Caadil Aljubeyr. Wararku waxey sheegayaan in Asmara ay yabooh lacageed iyo dhismayaal dowladeed ku badalatay go’aankeeda, sidoo kale Itoobiya ayaa u guurtay dhanka Sacuudiga iyo Emirate iyadoo toos u qaadatay qadiyadaha labbadaas wadan arrintan waxey keentay in lagu abaalmariyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xiri doonta Addis Abbaba iyo Dekadda Casab. Somalia oo markii hore u badneyd dhanka Qatar hada waxey u muuqata iney u leexatay dhanka Sacuudiga iyo Emirate-ka iyadoo daba fadhida Itoobiya, lama sheegin waxa ay Somalia ku badalatay iney Sacuudiga la safato oo ay Canada u colaadiso waana arrin lagu micneyn karo fashil siyaasadeed oo dibbada ah. Dadka aadka ula socda xaalada gobalka ayaa sheegaya in Somalia ay hortaalo labbo arrimood, mida koowaad waa iney si xirfadeysan uga dabaalata shirqoolada Carabta mida labaadna waa in go’aamadeeda siyaasiga ah ay dano guud uga dhex jeedo. Siyaasadu waa dan, dano ku gaar. Abdullahi Osman Farah
-
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Sunday, the latest dissident movement to aim for an end to hostilities in the wake of reforms. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somali security forces have on Sunday shot and killed a gunman, thought to be a member of the Al-Shabab terrorist group in Mogadishu. Mohamed Abukar Islow, Somalia’s security minister, said the security forces killed an Al-Shabab assassin armed with a pistol, who previously assassinated a civilian at Suq Bacad market in the capital. “Our security forces killed a culprit, shortly after he shot dead a civilian man in Suq Bacad market in Mogadishu”, Islow said. He says the security forces would continue targeting Al Shabaab members, accusing group’s assassins of killing unarmed civilians in the capital of Mogadishu. In the aftermath of the killing, Somali government security forces sealed off at the crime scene and launched an operation to hunt down other suspects. No arrest has been reported yet. Mogadishu has witnessed an increase of rampant targeted assassinations, mostly on the elders involved in the election of the current lawmakers from the militant group amidst tight security in the city in past weeks. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
KISMAYO, Somalia (Caasimada Online) – At least 3 people have been killed and two others injured in an accident at a quarry in the south of Somalia’s Kismayo town. The sides of the quarry, where people were digging for rocks and sand for use in building-materials, caved, a miner, Mohamed Hussein, said. Hussein says miners had been working hard when a quarry wall crashed, leaving 3 of his friends dead “I was lucky to be outside of the cave when a large stone crashed as we were digging sides of the quarry”, he said. Hussein told Caasimada Online that one of the victims is believed to be seriously injured. The quarry is often packed with casual workers hoping to make living from the building boom, which was badly destroyed by decades of civil war. Caasimada Online Kismayo News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaanno Juxa waa siyaasi , macalin iyo suxufi, wuxuu Khamiistii ku dhawaawaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Wuxuu qudbadiisa ku duray taliska xilligaan ka jira Puntland, dowladda Federaalka ah iyo Somaliland wuxuuna u muuqda nin kalsooni badan heysta. Puntland waxey aadi doonta doorasho madaxweyne sanadka soo aadan, waxaa jira musharaxiin badan oo hada ku dhaawaqay iney xilka u taagan yihiin, qaar kale ayaa la filan karaa bilaha soo aadan, sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa isna laga yaaba inuu dib isu sharaxo. Puntland waxaa ku furan dagaal, waxaa liita xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka ah, musuq ayaa ku baahay , waxaana kaloo hortaala iney u gudubto marxalad ay shacabku wax dooran doonaan mustaqbalka dhow. Juxa waxaa lagu tilmaama inuu lee yahay Aragti siyaasadeed oo cad, dadka yaqaana waxey sheegaan inuu laxaw badan u hayo hormarinta Puntland, markale lala bar bar dhigo madaxweyne Gaas. Dad ku sugan Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo aan la xiriirnay ayaa aaminsan in Juxa uu mudan yahay doorashada sanadkaan, waxaana ay sabab uga dhigayaan labbo arrimood. Mida koowaad waa inuu dhinac u dhici doono macaamilka Puntland iyo Dowladda dhexe, mida labaadna waa in Puntland ay heli doonto jiil badan oo wax bartay. Wuxuu qudbadiisa ku diiday in masiirka madaxtinimada Puntland uu noqdo mid saddex beelood ku kooban oo ah Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud. Arrintaan waxaa la qaba inta badan shacabka reer Puntland. Hadii uu Juxa kusoo baxa doorashada soo aadan waxaa meesha ka bixi doona kaltankii beelaha ee dhaqanka ka noqday Puntland, madaama hada la aaminsan yahay in la joogo xiligii Cismaan Maxamuud, tani waxey Puntland u ekeysiin kartaa maamul xukunkiisu reer walba iyo qof walba u furan yahay. Juxa oo shaqsiyad adag leh ayaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale taageero ka heysto siyaasiyiin kasoo jeeda koonfurta Somalia iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo la filaayo iney ku garab siin doonaan qorshihiisa doorashada. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa ay Xukumadda Dowladda Federalka ah magaalada Muqdisho ku daah furtay Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu dhawaan madaxweynaha digreeto ku soo saaray. Golahaas waxaa ku mideysay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ah oo ka soo talo bixin doonnaa sida ugu wanaagsan ee dalka lagu kobcin karo dhaqaalihiisa iyo cilmi baaris ay ku sameyn doonnaan ilaha dhaqaalaha kaga sameyn karo mustaqalka dhaw iyo kan fog. Hase ahaatee, taas oo ay jirto ayaa waxaa jirta su’aal muddo taagneyd oo aan laga jawaabin. Dhaqaalaha dalka ma Muqdisho Oo Kaliya laga sameeynayaa? Su’aashan waxa ay caqabad ku ahayd dowladihii ka horreeyey midda ay hadda hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo xusuustaa shirarkii is daba joogga ahaa ee ay qaban jireen siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada reer Muqdisho ee ay kaga dhiidhin jireen wax ay ku tilmaameen ‘Kaaga Kula Lihim Keygana kaalihi!” Reer Muqdisho waxa ay ku doodi jireen in ilaha dhaqaale ee dalka aysan isku si dowladda uga faa’ideyn dadweynaha oo ay ku kooban tahay Muqdisho sida Dekedda iyo madaarkeeda. Dekedaha iyo madaarada M/Gobolleedyada aysan waxba dowladda ka soo gaaran xataa aysan maamulin. Hadaa muxuu soo kordhinayaa golaha dhaqaalaha qaranka ee la magacaabay? Sida muuqata,golahan waxaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobolleedyada oo laga tala galiyey. Haddii sida saxda ah looga shaqeysiiyo waxa uu meesha ka saari doonaa ku tirsanaantii Muqdisho oo waxaa baahi doona awoodda dhaqaale ee dowladda Federal-ka ah. Waxa uu golaha ka soo talo bixin doonaa sameynta canshuur mideysan oo laga qaado ilaha dhaqaale ee dalka oo dhan taas oo sahli doonta in dhaqaalaha dalka si deg deg ah ugu kobco. Haddii uu guuleysto ujeedka laga loo sameeyey golaha dhaqaalaha Qaranka waxaa sidoo kale lagu daweyn doonaa dooddii muddada badan ay reer Muqdisho qabeen, kaaga kula lihi, keygana kaa lihi!
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan gudihiisa soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xassan Shiekh ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii 2017-da ku maqnaa Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara. Hase ahaatee, waxa uu u muuqdaa mid hadda u soo jeystay dhaq dhaqaaq siyaasadeed in uu bilaabo iyada oo hore loo shaaciyey in uu hoggaamin doono kooxo badan oo dowladda mucaarad ku ah. Maxaa isku soo beegay imaanshihiisa Muqdisho, la kulankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa? Dhawaan ayey ahayd markii uu siyaasiga mucaaradnimada caanka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna looga adkaaday doorashadii 2017 ay isku arkeen Ankara, Turkiga. Walow ay baraha bulshada ku shegeen in kulankoodu daarnaa is xog wareysi iyo isla darsidda siyaasadda dalka hadana waxaa si fudud looga dhadhansan karaa in ay ku soo heshiiyeen qodobkan. IN XASSAN SHIEKH YIMAADO MUQDISHO Waa qodob dhammaan dadka siyaasadda ku xeeldheer ay fahi karaan maadama Cadiraxmaan Cadbdishakuur ku fashilmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee uu ka bilaabay Muqdisho iyada oo sababtay xassilooni daro iyo in isaga la xiro. Taas iyaga oo ka shidaal qaadanaya ayey isku soo afgarteen in Xassan Shikeh Maxamuud dardar galiyo dagaalka siyaasadeed ee lagu mucaaradayo dowladda hadda jirta maadama uu xasaanad leyahay; kow, uu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, laba, uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia – The African Union peacekeeping forces’ army chief, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in Somalia to speed up fighting against Al Shabaab. Lt. Gen. Owoyesigire, urged African Union forces to carry out fresh offensive against Al Qaeda-inspired group of Al Shabaab in south and central Somalia. He says the permanent joint operations would wipe out the remnants of the group’s fighters battling the weak-western backed government of Somalia. The joint operations will improve peace and security in the conflict-torn country, Owoyesigire said. “African Union will equip Somali army forces with the necessary skills for sustainable stability of Somalia”, he said. He also hailed the cordial working relations existing between African Union (AMISOM) forces and Somali army troops, in the effort to rid the country of Al-Shabaab The African Union forces have been battling al-Shabab fighters for 10 years. There are over 21, 000 African Union troops in Somalia, with Uganda contributing the largest portion. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baarlamanka Somalia wuxuu ku jiraa maalmihiisii fasaxa, ma uusan fariisan mudo 100 cisho ka badan, inkastoo ay aheyd in xilligaan ka hor lasoo laabto hadana Xajka ayaa sii dheereyay fasaxa mudanayaasha Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu isagu wali ku jiro shaqadii xukuumadda ee uu xubinta ka ahaa. Markii dib loogu laabto maalmihii Jawaari waxaa guddoonku uu qaban jiray shaqooyin gaar u ah Baarlamanta inta fasaxa lagu jiro si loo sii hormariyo howlaha iyo xirfada Baarlamanka, laakiin hada taasi ma muuqato. Mursal wuxuu hada xoogga saaraya arrimaha xukuumada, isagoo bilaabay galaangal dhanka awood qeybsiga ah, si kale markii loo yiraahdo in wasiiro laga dhigo xubno uu isagu wato oo ay saaxiibo dhow yihiin. Xubno ka tirsan Baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaan weydiinay hadii ay iska warhayaan guddoomiye Mursal waxaana ay sheegeen iney ugu war dambeysay isagoo dhinac kahaya shaqada xukuumadda. Maalmo badan kadib gudoomiye Mursal ayaa la arkay isagoo tababar usoo xiraya ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu tababaray xarunta Turksom ee Muqdisho. Gudoomiye Mursal iyo Ra´iisul wasaaare Kheyre ayaa la sheegay iney wadaan qorshe lagu dhimaayo kulamada Baarlamaanka si aaney u suurto galin in xukuumada mooshin laga keeno. Markii uu xilka qabtay Mursal ayaa laga filayey inuu isku keeno XIldhibaanadii ku kala tagay khilaafkii ka dhashay mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ee Is casilay balse waxaa muuqato inuusan arrintaas weli wax tallaabo u qaadin. Fadhi ku dirirka Xildhibaanada Soomaaliya ayaa noqday “ Meel ku sheega Guddoomiye Mursal?!!” Xigasho: Wargeyska Muqdisho Evening Post oo ah wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa shalay xukunno adag ku ridday laba qof oo shacab ah oo lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dil geysteen. Xaakimka maxkamadda Al-shabaab ee degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan,ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah kaga dhawaaqay,xukunka labada nin oo midkood lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil isugu daray afar haween ah,halka kan kale lagu eedeeyay in uu kufsaday laba haween ah,balse uusan dil geysan. Labada eedaysane oo aan magacyadooda la shaacin ayaa xaakinka maxkamadda Al-shabaab amray, in min boqol jeedal la karbaasho,waxaana islamarkiiba xukunka lagu fuliyay labada nin,iyadoo goob fagaare ah lagu karbaashay. Eedaysanaha kowaad ee Al-shabaab ku eedaysay kufsiga iyo dilka ayaa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ganaax ah,waxaana xaakimku sheegay in ninkaas ay cafiyeen eheladii uu dumarkooda laayey. Inta badan degaannada Al-shabaab gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga fuliyaa xukunno adag oo la marsiiyo dadka lagu eedeeyo denbiyada kala duwan. Laakiin warbixinno ay soo saareen qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda insaanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab tacaddiyo baahsan ku hayaan dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku karbaashay laba qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya. Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka ee NASA, ayaa maanta waxa ay fulisay qorshaheeda hawada sare oo ay dirtay dayax-gacmeedkii ugu dhawaa cadceedda, sida qorshaha lagu wado. Gantaalka xambaaraya dayax-gacmeedkan ayaa la ganay, waxa uuna si nabad ah uga kacay, saldhigga NASA ee lagu magacaabo Cape Canaveral oo ku yaalla Florida, muddo ayuuna safar kusii jiri d\oonaa. Waxaa lagu guuleystay safarkan naadirka ah, iyada oo maalin kahor uu yimaaday hakad aan lasii saadaalin, walaxdan hawada sare loo diray ayaa noqoneysa tii ugu dhaqsiyaha badneed ee aadunuhu sameeyo. Qorshuhu waxa uu yahay in la gaaro halka ugu dhaw ee qoraxda, lagana gudbo guud ahaan meeraha dhulka. Dayax-gacmeedkan oo jaraya Saacadiiba 690,000km/h, ayaa waxa ay ku qaadan doontaa inuu cadceedda gaaro muddo lix isbuuc ah. Dr Nicky Fox oo ah cilmiyahanad udhalatay Ingiriiska kana shaqeyneysa mashruucan ayaa sheegtay in aaladani ay u jirsan doonto cadceedda 4cm uun. Sidoo kale waxa ay sheegtay in xawaaraha dayax-gacmeedkani uusan inaba caadi aheyn, oo tusaale waxa ay ku cadeysay in magaalooyinka Tokyo iyo Newyork oo isu jira 10,842km uu hal daqiiqo ay ukala safri karto aaladani. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa shaacisay,xilliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka Shahaadiga ah Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise ayaa lagu sheegay,in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe si rasmi ah loo shaacin doono, maalinta isniinta ah ee ku beegan 13 bishaan August 2018. “Dhammaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh, ardayda iyo waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta isniinta ah in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018″ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Kharashka ku baxay sannadkan, imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa waxaa iska kaashaday,dowladda iyo shacabka Puntland,waxaana laga maarmay kharashaadkii laga heli jiray hay’adaha deeqbixiyaasha ah,sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan The post Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo la shaacinayo appeared first on Puntland Post.
-
Buqaqable (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi. Dambiilaha koowaad ayaa kufsaday 4 dumar ah wuxuuna dil u gaystay 2 kamid ah dumarkii uu falk kufsiga ah kula kacay isagoona ugu dambayntii dambigiisa ka hor qirtay Maxkamada Islaamiga ah. Dambiilaha labaad ayaa isaguna Fal Kufsi u geystay 2 Dumar Ah, falkaas oo uu isaguna ka hor qirtay Maxkamadda horteeda. Qaadiga Maxkamada ayaa goobta fagaaraha ah ka aqriyay dacwadaha loo haystay labada dambiile waxayna maxkamaddu ku xukuntay in min 100 Jeydal lagu dhufto iyo in laga qaado diyada dadka ay dileen kadib markii ehelladii lahaa dhiigga dumarka ladilay ay qisaastii ka cafiyeen ayna diyo dalbadeen. Sidoo kale dambiilayaasha mid kamid ah waxaa lagu xukumay sedax sanadood oo xarig ah halka midka kale laba sanadood xarig ah lagu xukumay sababa laxiriira fasaadka ay geysteen. Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Beled-Weyne Caasimada@live.com
-
Popular Contributors