Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) –Mas’uul ka tirsan Wasaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa, iyadoo uu dadaal loogu jiro in damaanad looga sii daayo Maxkamadda Gobolka Banaadir. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa. “Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi xoogan laga qabaa in maleeshiyada Al-Shabaab ay weeraro xoogan ka geystaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Cabsida ugu badan ayaa timaaday kadib markii hey’adaha UN-ka u qaabilsan amaanka ee Xalane ku sugan ay soo saareyn digniin ku aadan inay Al-Shabaab weerar culus ka geysan rabto Magaalada Muqdisho gaar ahaan jidka Makka Al-Mukarama. Digniinta kasoo baxday UN-ka ayaa loo kala diray shaqaalaha u shaqeeyo ee Xamar ku sugan iyadoo loo sheegay inay Shabaab weeraro culus geysan rabaan. Warbixinta digniinta ee soo baxday ayaa lagu sheegay in weerarka laga geysan rabo Makka Al-Mukarama iyadoo la xusay inaan si rasmi ah loo ogeyn bartilmaameedka uu ku wajahan yahay. UN-ka ayaa sheegay inay warbixintaan ka heleen illo wareed isla markaasna waxay sheegeyn inaan saacad iyo waqti rasmi ah la ogeyn balse uu dhici doono weerarkaas inta u dhaxeyso 24 – 48 saac. Shaqaalaha Ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ee UN-ka u shaqeeyo ayaa looga digayey inay goobahaas u dhawaadaan. Maahan markii ugu horeysay oo ay Saraakiisha Amniga UN-ka soo saaraan digniino amni waxayna inta badan noqdaan kuwa aan u dhicin sida ay u sheegeen halka mararka qaar aysan waxba dhicin. Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab ka geysteen Soomaaliya ayaan inta badan laga warhelin waqtiga iyo meesha lala beegsanayo maadaama ay heystaan sirdoon aad u tababaran. Saraakiisha Amniga UN-ka ayaa horey u sheegay inay Shabaab weerar kusoo qaadi rabaan Xarunta Xalane isla markaasna loo adeegsan doono qaar kamid ah Baabuurta Gaashaaman ee AMISOM kuwaas oo looga furtay dagaalo culus oo ka dhacay saldhigyo ay AMISOM ku leedahay Gobolada dalka. Ma cada sida uu xaalku noqon doono waxa ayna digniintaani hadal heynteedu tahay mid taala goobaha aadka u mashquulka badan. Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyey oo ay Muqdisho ka sameeyaan ka fuliyeen agagaarka Madaxtooyada wuxuuna weerarkaas isugu jiro ismiidaamin iyo rasaas toos ah. Halkaan hoose ka akhriso Digniinta kasoo baxday UN-ka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Ankara (Caasimadda Online) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtoodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya. Faahfaahinta tallaabadaas ayaa wax yar ka dib la shaacin doonaa, sida uu wargaeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet u sheegay wasiirka maaliyadda. “Subaxnimada Isniinta iyo wixii ka dambeeyaba hay’adaheena waxay qaadi doonaan tallaabooyinka muhiimka ah, waxa aan shaacinaynana suuqyada ayaan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Berat Albayrak. Jamcihii ayay lacagta Turkiga ee Iira lumisay 20% qiimaheedii marka lagu sarifayo doolarka. In kabadan 40% ayayna qiimo beeshay sannadkii hore. Albayrak ayaa sheegay in dalku uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas” isla markaasna ay qorshaha ugu jirto in ay gacan siiyaan bangiyada iyo gancsatada yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah, kuwaas oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay qiima dhaca ku yimid lacagta Iira. Ballan qaadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyneha Turkigu uu qiima dhaca lacagta dalkiisa ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dalkiisa. Recep Erdogan ayaa mar kale ku baaqay in dadka Turkida ahi ay gadaan doolarka ay hayaan oo ay ku iibsadaan lacagta Iira-da si loo xoojiyo sarifka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlaayay heshiisyada ay la galeen dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo heshiisyada. Wasiir Sacad, waxa uu tilmaamay in wixii ka danbeeyay heshiisyada labada dhinac aanu la fulin, balse ay iminka bilaabi doonan dadaalka lagu dhaqan galin lahaa heshiiska. Waxa uu sheegay in qodobada ugu weyn ay kala yihiin dadajinta dhismooyinka Saldhiga iyo Dekadda oo uu sheegay inay muhiim u yihiin Somaliland. Dekadda Bebera ayuu sheegay in dowlada Imaaraadka ay ku sameyn doonto dhismooyin hor leh oo looga maarmi doono Dekadaha kale ee Somalia, halka la doonaayo in dhismaha Saldhiga la dadajiyo. “Waa arrin labada dhan muhiim u ah in la dhiso Dekadda iyo Saldhiga, horay uma jirin heshiis lawada galay oo la fuliyay insha allah waanu fulin doona kuwa aan hadda galnay” “Imaaraadku waa uu nooga dhaw yahay dowladaha kale waxa aanu kawada shaqeyneynaa danaheena sidaa darted waxa aanu shirkii ugu danbeeyay ee kadhacay Abu Dabai ku go’aaminay in la howlgaliyo heshiisyada” Sacad, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee aan loo dhaqan galin heshiisyada ay tahay dib u dhacyo ku imaada wadatashiyo la qorsheenayay in laga yeesho hanaanka loo mari lahaa dhismooyinka. “Sababta ugu weyn ee hirgalin la’aanta ayaa ah inaanu wali qabsoomin wadatashiyo kama danbeyn ah oo lagu wajihi lahaa qaabka loo wajahaayo hirgalinta heshiisyada” Sidoo kale, waxa uu sheegay in heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland uusan saameyn doonin qeyla dhaanta ka imaaneysa dowlada Somalia waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa inta badan ka caga jiida hirgalinta heshiisyada ay la gasho Somaliland, maadaama uu muran kala dhexeeyo dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasiamada@live.com
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Caasimadda Online waxa ay heleysaa xogo hoose oo ku saabsan xaaladdii colaadeed ee u dhexeysay maamulada Puntland iyo Somaliland eek u saabsaneyd Goboladda Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Tan iyo bilowgii sanadkan labada maamul waxa ay ku dagaalamayeen deegaanka Tukaraq oo ay ilaa iyo hadda isku horfadhiyaan. Hase ahaatee, waan waan ay beesha caalamku ka dhex bilowday ayaa muddo hakad galiyey collaadii u dhexeysay labada maamul. Hadaba, maxaa ugu dambeeyey xaaladdaas? Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan, beesha caalamka ayaa ku qancisay labada maamul in ay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiya Tukaraq. Somaliland waxa ay aqbashay in ay ciidamadeeda ka qaaddo Tukaraq oo ay dib ugu noqoto halkii ay markii hore ka soo duuleyn oo ah tuulada Kambadha oo Laas Caanood waxyar u jirta. Dhinaca Puntland waxa ay iyaguna joogi doonaan halka ay hadda ku sugan yihiin ee God Qaboobe. Hadafka ugu weyn ee laga gaadhay heshiiskan ayaa noqonaya in labada maamulba ay ka fogaadaan Tukaraq oo ah deegaan uu yaalay KASTAM ilo dhaqaale oo xoog leh uga soo xeroon jiray labada maamul. Deegaanka u dhexeeya labada ciidan, gaar ahaan Tukarqa waxa ay noqon doontaa aag ciidamada ka caagan (Buffer Zone). Hase ahaate,wali labada dhinac ama beeshii caalamka ee ku dhex jirtay ma aysan xaqiijin heshiiska lagu kala qaadayo labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Isbeddellada siyaasadeed oo hadda ka socda Itoobiya way ka duwan yihiin kuwii dhacay 1974kii, markii boqortooyadii Xayle Salaase ciidammadu ay afgambiyeen, iyo 1991kii, markii Ehadeg ( EPRDF) ay ridday taliskii Mengistu Xayle Maryaam. Isbeddellada socda waa kuwo ay ka dambeeyaan Amxaarada iyo Oromada – labada qowmiyadood oo ugu tirada-badan Itoobiya. Oromadu waa qowmiyadda dhaqan ahaan, af ahaan iyo deegaan ahaan soo xigta Soomaalida, waana qowmiyadda ay Soomaali badan oo Itoobiya ku nool ay hadda ka cabanayaan. Ma Soomaalida ayuu taliska TPLF( Jabahadda Xoreynta Dadka Tigre), oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF, u adeegsaday wiiqista kacdoonka Oromada mise Oromada ayaa barakicin siyaasadeed ku wadda Soomaalida? Jawaabta su’aashani may ka maarmayso dib-u-milicsi taariikheed oo kooban. Christopher Clapham, oo bare-sare ka ahaa Jaamacadda Cambridge, wuxuu isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 1991kii ku tilmaamay soo afjaristii taladii siyaasadeed oo ka soo jeedday Shewa qarnigii 19aad kaddib markii Menelik uu noqday embaradoorkii Itoobiya sanadkii 1889kii. Dhaqdhaqaaqa ururka isbeddelkii dhacay 1991kii udub-dhexaadka u ahaa waxaa loo yaqaannaa Wayaane; wuxuu ka soo jeedaa gobolka Tigray. Tigray iyo Shewa may aha oo keliya magacyo goboleed: sida magaca Finfine qofka u xusuusiyo qowmiyadda Oromada , Shewa iyo Tigray waxay qofka kala xusuusiyaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigre. Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed: Summadda awoodda siyaasadeed ee Oromada Oromadu kaalin mug leh bay ku lahayd ridistii taliskii Dergiga. Jabahadda Xoreynta Oromo ( Oromo Liberation Front) wuxuu ka mid ahaa isbahaysiga EPRDF hase ahaatee cudud siyaasadeed bay EPRDF adeegsatay si ay OLF uga reebto in ururka Oromadu uu kaalin ka qaato kalaguurkii siyaasided ee 1991kii. Labaatan sanad gudahood bay Oromadu la kulantay niyadjab saamayn ba’an ku yeeshay haybtooda siyaasadeed Itoobiyaan ahaan. 1977kii Mengistu wuxuu shirqool ku dilay Jeneraal Tefere Benti oo noqday hoggaamiyihii Dergiga markii la dilay Aman Andom Eritreeyaan ahaa. Leenco Lata , oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii OLF, ayaa sanadkii hore ( 2017kii) waraysi dheer siiyay bare-sare Ezekiel Gebissa. Wuxuu xusay in ururka OLF uu soo jeediyay in ay tahay in askarta TPLF aysan keligood noqonin ciidammada qaranka iyo in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo ay qowmiyadaha Itoobiya oo dhami u dhan yihiin. Isias Afwerki, oo markaas ahaa hoggaamiyaha ururkii EPLF, ayaa ku gacan-sayray soo jeedintii OLF. Waxaa xigtay in ciidammadii OLF xero lagu xereeyay si askarta ururka TPLF u nqodaan ciidammada qaranka ee Itoobiya inkastoo ciidammada ururku ka soo jeedaan hal qowmiyad. Lata wuxuu intaas ku daray in xilligaas OLF ay miiska soo saartay laba hindise oo ururku doonayay inay qayb ka noqdaan siyaasadda xilliga kala-guurka: gobannimadoon ( decolonisation) iyo dimuqraadiyadayn ( democratisation). “Kelitalis cusub baa kelitaliskii hore beddelay. Waannu guuldarraysannay militari ahaan hase ahaatee waannu guulaysannay urur ahaan. Waan in dulmiga lagu hayo Oromada uu joogsado ama Itoobiya may sii jireyso” buu yiri Lata. Isku sargo’naan la’aanta tirada Tigreega iyo awooddooda siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa u cuntami weysay Oromada. Ka qaybqaadashada geeddi-socodka siyaasadda may u keenin Oromada horumar muuqda oo dhanka siyaasadda ama dhaqaalaha ah. Lata wuxuu rumeysan yahay inay jiraan xoogag badan oo aan ku faraxsanayn awoodda siyaasadeedka Oromada. Tusaale ayuu u soo qaatay in dowladaha reer Galbeedku 1991kii u arkayeen Oromada dad Muslimiin ah sidaas darteedna ay dan u arkeen in arrimaha kalaguurka siyaasadda Itoobiya ay kala hadlaan TPLF iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Eritreeya ( Eritrean People’s Liberation Front) oo waqooyiga Itoobiya ka soo jeeda, Masiixiyiin ah kala-sarrayn hay’adeedna leh ( hierarchy ). Leenco Lata: Hoggaamiye hore ee OLF; cilmi-baare nabadeed hadda Herman Cohen, oo ahaa diblomaasigii Maraykanka u qaabbilsanaa siyaasaddii kalaguurka Itoobiya, ayaa OLF ku soo xerogaliyay, sida Lata sheegay, halkudhigga: Dimuqraadiyad haddii aysan jirin, iskaashi muu jiro. “Reer Galbeedka, Suudaan iyo EPLF waxay dantooda u arkayneen in OLF ay ka qaybqaadato dowladda cusub ee Itoobiya. Shir London ka dhacay 1991kii, oo jabhadihii hubaysnaa ee Itoobiya ay ku kulmeen, ayuu Lata ku tilmaamay mid EPRDF loogu fududaynayay inay awoodda siyaasadeed hanato. “Ballanqaadyo iyo hanjabaadyo wada socday bay OLF la kulantay” buu yiri Lata. Casharka Soomaalida Itoobiya ka baran karo ( mar labaad ama mar seddexaad ) xogta Lata la wadaagay bare-sare Gebissa waa: bulsho kala qabysani ama qorshe siyaasadeed aan lahayn waxay u nugushahay fulinta go’aammada shisheeyaha. Waqtiga uu Lata ka hadlayay – 1991kii – Soomaalida Itoobiya may lahayn urur kaalin ku lahaa ridistii taliskii Dergiga. Dhibaatooyinka Soomaalida Itoobiya haysta qaarkood Dhibta kowaad waxay la xiriirtaa awood-yarida siyaasadeed ee Soomaalida. Oromadu waxay qayb ka tahay isbahaysiga dalka hadda u taliya. Xisbiga Dowlad Deegaanka Soomaaliya Itoobiya muu dhaafsiisna aalad TPLF ku adeegato. Tusaale xasuuqa ba’an oo Soomaalida loo geystay muu aha mid laga hadlayo ama keenay baaqyo ku saabsan baaris. Herman Cohen, oo ka halwgabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, wuxuu qoray in dowladda Itoobiya ay aloostay colaadda Soomaalida iyo Oromada dhex taalla hadda. Waa dood ay qabaan dadka u kuurgala arrimaha Itoobiya. Soomaalida Itoobiya looma arko dad xaqooda raadsanaya; waxaa loo arkaa aalad ka mid aaladaha TPLF ay ku seeta-dheeraysanayso. Fashilkan mas’uuliyaddeeda waxaa leh hoggaanka iyo xisbiga DDSI. In xubno ka tirsam DDSI ay isku howlayaan la jaanqaadista isbeddelka Addis Ababa ka dhacay waxay muujinaysaa in weli hoggaamiyeyaasha Soomaalida Itoobiya ay diyaar u yihiin inay aalad cusub u noqdaan Ururka Dimuqraadiga Dadka Oromada (Oromo People’s Democratic Organisation), oo uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guddoomiye u yahay. Saamayn-badnida siyaasadeed ee OPDO waxay soo muuqatay markii Lemma Megersa, madaxweynaha maamulka Oromiya ahna guddoomiye ku xigeenka OPDO, uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ciidammo federaal gobolka u soo dirtay inkastoo Oromiya aysan codsi u dirin dowladda dhexe. Opride, oo u dooratay Lemma Megersa qofka sanadkii 2017kii, ayaa xustay in Abiy Axmed ka mid yahay kooxda ugu dhow madaxweynaha dowlad deegaanka Oromada iyo inuu Abiy Axmed lafdhabar u ahaa dadaalladii lagaga dhigayay idaacadda Oromiya mid barnaamijyadeedu aysan ku koobnayn baahinta waraka ku saabsan horumarinta balse noqotay idaacad u guntatay soo bandhigista musuqmaasuqa madaxda dowladda dhexe. Cabdi Maxamuud Cumar , madaxweynihii hore ee DDSI, wuxuu xoogga saaray kasbashada kalsoonida kaadiriinta sarsare ee TPLF .Wuxuu gaaray heer uu illoobo gaboodfalka milishiiyada Oromada, Qeerroo, kula kaceen Soomaali badan. Wuxuu doorbiday inuu u doodo dadka Tigreega oo gobolka Amxaarada lagu dhibaateeyay. Wuxuu u qareemiddaas danaysiga siyaasadeed ku salaysan ku mutaystay in Tigrai Online ay Cabdi Iley u dooratay Qofkii Sanadkii 2016kii. Markii Abiy Axmed noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya TPLF way ka badaabdin waysay Cabdi Maxamuud Cumar in lagu qabso khasbo gaboodfal iyo, markii dambe, iscasilaad. Dhibaatada labaad oo Soomaalida Itoobiya haysata waa mid hoggaamineed; waa arrinta uu Dhoodaan ku lafaguray gabaygiisa Galaal-xoor: kac gardaadi wiil lama yidhaa, xaaduq gaamuraye inuu gumaradiisii dhaxlaa, looga gudayaaye kama yara hoggaan gobannimaa, gaasa-bixintoode adigoon ujeeddada gaddiyin, taa haddaad garato soco waa galaal-xooristii, gaafaguursiga e Dhoodaan oo iftiiminayay tuducyada kor ku xusan wuxuu sheegay in karti-laawe uu dadka la soo hor istaagi karo “Anigoo reer hebel ah baa talada leh”! “Haddii qoys uu ka fiirsado qofka wiil u gardaadin doona ( bannaan-bixinaya) maxay bulsho uga fiirsan la’dahay qofka hoggaamin doona ?” bay doodda Dhoodaan ahayd welina tahay. Cabdi Iley oo la fadhiya hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael Itoobiya waxay gashay waji siyaasadeed oo hor leh. Waxaa Soomaalida Itoobiya la gudboon inay kuwa weli talada u haya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ku qanciyaan inay talada dadka la wadaagaan. DDSI waa gobolka keliya oo sida, dowladda Itoobiya, lagu eedeeyay in dowladdiisu ku gaboodfashay Soomaalida ka fikrad-duwan siyaasad ahaan. Waa sababta keenaysa in DDSI ku suntanaato maamul budhlayaal ah ( paramilitary administration). Guuldarrada siyaasadeed ee DDSI ka dhacday maamulka ayaa geystay waase mid Soomaalida oo dhan la huwiyay. Arrimuhu sidaas kuma sii socon karaan. Waa in Soomaalida Itoobiya ay abaabusho shir wadatashi iyagoo xoogga saaraya maamulka suubban, wax ka kororsiga gefefkii maamulka DDSI iyo la xisaabtanka dowladda federaalka itoobiya. Halista ugu weyn oo hadda jirta, sida Faysal Rooble oo gorfeeya arrimaha Kililka Soomaalida, uu ku dooday dhowaan, waa gobolka Soomaalida oo ay dowladda federaalku ka dhigi karto meel ciidammo federaal oo badan la keeno waayo ciidammada jooga soohdita Itoobiya ay la leedahay Eritreeya may sii joogayaan halkaas. Taas macnaheedu waa: Soomaalida waxaa loo ekeysiin karaa cadawga qowmiyadaha kale ee Itoobiya u/ku midoobi karaan. Dhowaan dowladda Itoobiya waxay u dhaqaaqaysaa soo saarista gaaska ku jira gobolka Soomaalida inkastoo siyaasadda dowladda dhexe ay xasillooni-darraysiisay gobolka iyadoo ku adeeganaysa maamul aan xilkas ahayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay hoggaan u raadiya xaqa kaga maqan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo in awoodda dowladda dhexe aan loo adeegsanin la dagaallanka soo bixista hoggaan ka shaqeeya danta Soomaalida Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u arrimmiso. W/Q:- Liibaan Axmad PUNTLAND POST The post Faallo:- Maxaa la gudboon Soomaalida Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaba Dibadda ee dalka Eritrea, Cusmaan Saalax oo uu ka mid yahay la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Eritrea oo lagu magacaabo Yemane Ghebreab ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo kulammo la leh madaxda dalka. Wararka ayaa sheegayain wafdigan ay hordhac u yihiin booqasho la filayo inuu madaxweynaha Eritrea Issaise Afwerki ku yimaado Muqdisho, waxaana wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka xubno uu hoggaaminayo RW Somalia, Xasan Cali Khayre. Xubnaha Wafdiga ayaa Waxay kulammo la qaateen Ra’iisul Wasaare Khayre, iyagoo kala hadlay xiriirka labada waddan, iyadoo boqoashadan ay daba-socotaa booqasho uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku tagay dalka Eritrea. Sidoo kale, Wafdigan ka socda dalka Eritrea ayaa waxay noqonayaa wafdigii ugu horreeyay oo ka socda dalkaas oo soo gaara Muqdisho, inkastoo dalkan oo ku yaalla Geeska Afrika lagu eedeyn jiray inuu taago kooxda Al-shabaab. Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo booqashada la filayo inuu Muqdihso ku yimaado madaxweynaha Eritrea. Ugu dambeyn, Wixii kasoo baxa kulammada socda waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Ertirea oo soo gaaray Muqdisho, kulana la qaatay Khayre appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU (HOL) - A high-level delegation from Eritrea has arrived in the country to hold talks with the Somali government aimed at bolstering the existing relations between Somalia and Eritrea. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasomada Somalia soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eriterea. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax, waxaana kamid ah xubno diplumaasiyiin ah. Wafdigaani ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumadda Somalia Axmed Ciise Cawad. Safarka Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax iyo xubnaha wehlinaaya ayaa shir uu albaabada u xiran yahay la qaadan doona Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Safarka Wafdiga ka socda Eriterea ku yimid magaalada Muqdisho ayaa daba socda socdaal dhawaan uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood,waxaana wafdigan hordhac u yihiin Wafuud kale oo Eriteriyaan ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Cusmaan Saalax, ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaan doono muddo laba casho waa hadii aanu wax isbedelin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar madax-banaan ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay dib u fasaxday shaqooyinkii ka socday Safaarada Imaaraadka carabta ee Somalia. Wararku waxa ay sheegayan in Safiirka dowladda isu taga Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Cismaan Al Xamaadi uu ka shaqo bilaabay safaarada, kadib markii laga dulqaaday xayiraad muddo kooban saarneyd. Diplumaasiyiinta Imaaraadka ee ka howlgali jiray Safaarada ayaa iyaguna la sheegay inay dib usoo shaqo galeen inkastoo ay ka yaryihiin tiradii hore. Shaqooyinka Safaarada oo xiligaan aad u kooban ayaa waxaa laga soo saarin fiisooyinka, waxaana xusid mudan in howlaha ka socda ay yihiin kuwo aan sidaa usii weyneen. Mid kamid ah howlwadeenada Safaarada ayaa inoo xaqiijiyay in Safiir Al Xamaadi uu wakhtigiisa inta badan ku dhameysto socdaal dibadda ah, taasi oo muujineysa in shaqooyinkii hore aysan ka dhex socon Safaarada. Sidoo kale, waxa uu howlwadeenkan tilmaamay in Safaarada ay xiligaani tahay mid magac u yaal ah oo aan qumaati u shaqeyn maadaama uu wali jiro khilaaf Siyaasadeed u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka carabta. Docda kale, Safaarada Somalia ee dalka isu taga imaaraadka ayaa wali saameyn khilaafka labada dal waxaana si qumaati ah u socda shaqada Safaarada Somalia ee dalkaasi maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin ganacsato badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre oo magaalada Muqdisho uga qeybgalaayay munaasabda ayaa amar ku bixiyay in la daryeelo dhalinyarada Soomaaliyeed. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inuusan maqli karin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka cabanaaya xarumaha Dowlada, gaar ahaan mas’uuliyiinta xilka ku haya madaxa dhalinyarada. Kheyre waxa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in la qanciyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uuna cadeeyay in mas’uul waliba lagula xisaabtami doono sida uu ula dhaqmo shacabka. Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ku sugnaa munaasabada xuska maalinta dhallinyarada aduunka Agoosto 12 ayaa ku amray in uu codsiyada shaqo ka qabto Kun dhalliyaro Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in laga doonaayo inuu shaqaaleysiiyo 1,000-ka dhalinyaro, isagoo faray in laga doonaayo inuuu si cadaalad ah ugu qeybiyo shaqooyinka. “Guddoomiyaha Gobolka oo i horjooga waxaan farayaa inuu shaqaaleysiiyo Kun dhalinyaro waxaan waliba ku adkeynayaa inaanu baalmarin cadaalada oo si siman uu dhalinyarada u shaqaaleysiiyo” “Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo Kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah”. Ra’isul wasaare Xasan Cali ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo ee xiligan loo ballanqaaday. Sidoo kale, waxaa adkaan kara in Guddoomiyaha Gobolka uu mar qura shaqaaleysiiyo Kun dhalinyaro oo miisaaniyad gaara ku baxeysa. Geesta kale, Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Cadaado (Cadaado)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia, ayaa sheegaya in halkaa lagu xirxiray Odayaal dhaqmeed aad u badan. Odayaasha ayaa la sheegay inay xirxireen maleeshiyada Al-Shabaab ee halkaa ku dhuumaaleysta, kadib markii ay ka wateen goobo lagu shaaho iyo Hooygooda. Odayaasha oo tiradooda lagu sheegay ilaa Shan Oday ayaa waxaa si gaara loogu xiray Tuulo lagu magacaabo ximcadde oo hoos tagta Degmadda Ceelbuur oo Al-shabaab ay maamulan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in da’da Odayaasha ay u dhexeyso 65 ilaa 70, waxaana lagu eedeeyay amar diido ka dhan ah Al-Shabaab. Sababta ugu weyn ee xarigooda ayaa la sheegay inay tahay diidmo lacago diyo ah iyo Hanjabaado ay is dhaafsadeen xubno ka tirsan Shabaab. Nabadoon Maxamuud Daarogobeey oo ka mid ah Odayaasha Degmadda Guriceel, ayaa sheegay inay la’ yihiin Odayaasha balse lagu wargaliyay inay u xiran yihiin Al-Shabaab. Dhinaca kale, Maleeshiyada ayaa diiday in la booqdo Odayaasha waxaana aad u adkaan doonta in laga warqabo. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  13. NAIROBI (PSCU) — President Uhuru Kenyatta said he is ready to lose more friends in the current war against corruption. The President said he had lost many friends over the last few weeks ………. Source: Hiiraan Online
  14. A hippopotamus attacked and killed a tourist from Taiwan who was taking photographs on the shore of Lake Naivasha. Source: Hiiraan Online
  15. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) forces this week intensified joint operations to flush out terrorists in villages near Qoryooley in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Somali security forces are searching for five aid workers who were kidnapped by gunmen in the south-west of the country. Source: Hiiraan Online
  17. Islamophobic incidents have increased after Johnson’s column disparaging veils worn by women, says Muslim Council Source: Hiiraan Online
  18. nu Çiftçi is a young, good-humored, excited and idealist woman. She is an obstetrician and gynecologist. On her YouTube channel, she talks about the difficulties of being a woman in the geographies she has visited. She is self-confident and witty. Source: Hiiraan Online
  19. The Turkish lira has fallen almost 9% in early trading on Monday as investors fear the country’s financial crisis will spread to European markets. Source: Hiiraan Online
  20. Migrants in distress at sea have told their rescuers that several ships passed them by without offering assistance, a European aid group said Sunday while seeking safe harbor for a rescue vessel with 141 migrants aboard. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamo ka mid ah Qaarada Yurub iyo Ameeriko ayaa waxaa ka socda wadatashi ay wadaan Golaha isbdel-doonka Jubbooyinka,bkuwaas oo doonaya in ay isbedel dhanka hoggaanka ah lagu sameeyo Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Xubin ka mid ah Golahaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Maxamed Shiino,oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in ay weli Soomaaliya iyo Wadamo ka mid ah Yurub iyo Ameeriko ka wadaan shirar gooni gooni ah oo ka dhan ah Maamulka Jubbaland. Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu yahay mid kaliya ku kooban Magaalada Kismaayo, isla markaana uusan aheyn mid ay u dhan yihiin dadka ku nool gobolada Jubbooyinka, sidaas daraadeedna ay wadatashi la sameynayeen dadka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Qaaradaha Ameeriko iyo Yurub. Wareysiga oo aad u dheeraa ayaa waxa uu soo hadal qaaday isbedelada xooga leh ee ka socda Itoobiya iyo saameynta ay ku yeelatay,waxaana uu sheegay in taasi ay muujineyso in uu go’ay xiriirkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala dhaxeeyey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killinka Shanaad. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Wareysi-cabdirisaaq-xuseen-maxamad-shiine-oo-xubin-ka-ah-hogaanka-golaha-is-badal-doonka-jubooyinka.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Asmara (Caasimada Online) – Jabhadda ONLF waxa ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo u sababeeysay dhawr arrimood oo ay ugu weyn tahay is-bedelka Itoobiya ka dhacay. Hase ahaatee, waxaa su’aalo la iska weydiiyey wax xilligan ku soo beegay xabad joojinta halka dhinac ah maadama aysan Itoobiya iyadu tallaabaas qaadain. Waxaan fallanqeyntan kooban ku eegi doonnaa laba qodob oo keeni kara tallaabada ONLF, anaga oo kaashaneyna xogaha aan heleyno. 1 – Dowladda Eritrea oo laga yaabo in ay ku cadaadisay ONLF xabad joojita Sida laga war qabo Eritrea iyo Itoobiya oo muddo col ahaa waxa ay dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo dhinaco badan taabanaya oo uu amniga ka mid yahay. Iyada oo taas laga shidaal qaadanayo, Eritrea oo muujineysa in ay u hoggaansantay heshiiskii ay Itoobiya la gashay , waxa dhici karta in ay Jabhadihii xarumaha ku lahaa dhulkeeda ku cadaadisay in ay joojiyan dagaalkii ay ka qaadi jireen wadankeeda kuna dhawaaqaan xabad joojin, waxaa kuwaas ka mid ah ONLF. 2 – ONLF oo u sii gogol xaaraneysa in lagu wareejiyo maamulka gobolka Soomaali Galbeed Tan iyo markii uu qalalaasaha galay gobolka Soomaali Galbeed waxaa soo baxayey tuhunno kala duwan iyo cidda sida tooska ah talada Jigjiga u qaban doonta markii la riday Cabdi Maxamuud Cumar. Hase aaatee, waxaa muuqata in dhaq dhaqaaqyo badan ka jiraan gobolkaas iyo dhinacyo badan oo u xusul duubaya qabashada talada Soomaali Galbeed. Si ay ONLF oo fursad ugu hesho ka hadalka masiir maamul oo ay hormuud ka tahay, waxaa dhici karta in xabad joojitii ay sameysay ugu gogol xaaratay. Dhinaca kale, waxaa wali loo dhagtaagayaa falcelinta ka timaada Itoobiya ee ku saabsan tallaabaddii ay ONLF qaadatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiid badda ee Soomaaliya, Maryan Aways Jaamac ayaa sheegtay in dowladda ay wado qorshe ay dib ugu soo celineyso dekadaha guud ahaan ee dalka ku yaala inay shaqeeyaan xilliga habeenkii. “Waxaan dooneynaa inaan hir-gelino qorshe ah in dekadaha guud ahaan ee dalka ku yaala ay noqdaan kuwa 24-ka saac shaqeeya, waxayna kamid tahay qorshayaasha u degan dowladda, ayna dooneyso inay fuliso,” ayay u sheegtay warbaahinta. Waxay tilmaantay in talaabadda ay hadda kamid tahay qorshayaasha u degan dowladda, ayna dooneyso inay ku dhaqaaqdo sanadaha nagu soo food leh, si bay tiri sare loogu qaado dhaqaalaha guud ahaan ee dalka, kaasoo haatan meel dhaxaad ah. “Talaabadaan oo aan u aragno inay tahay mid muhiim u ah dhaqaalaha dalka, sarrena u qaadeysa, ayaan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ku fulino,” ayay raacisay Marwo Maryan Aways Jaamac, Wasiirka Dekadaha iyo Dekadaha Soomaaliya. Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa xili habeenimadii Sabtidda ay dowladdu ku dhawaaqday in Dekadda wayn ee Muqdisho ay shaqayn doonto habeen iyo maalin [24 saac], taasoo la sheegay inay sarre u qaadeyso Dakhliga dalka. Dekadda Muqdisho oo ah tan kaliya ee dowladda Federaalka gacanta ku hayso ayaa waxaa maamusha shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waana isha dhaqaale ee kaliya oo ay dowladdu ka heshay dakhliga ugu badan sanad walba. Su’aasha haatan taagan waxay tahay sida dowladda qorshahaan uga fulin karto dekadaha hoos-yimaada maamulada dalka, maadaama la ogyahay inaanu fiicnayn cilaaqaadka dowladdu la leedahay dowlad goboleedyadda qaar ee ka jira dalka. Isha: Garowe Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dowlada Somalia todobaadkii tagay isku shaandheyn ku sameysay Xukuumada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Armaan oo ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF. Armaan oo wareysi gaara siinaayay Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad usoo dhaweynaayo xil ka qaadista uu ra’iisul wasaare Kheyre ku sameeyay. Xildhibaan Armaan waxa uu sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay qeyb weyn ka tahay isbedelada ka socda dalka waxa uuna tilmaamay inuu ku qanacsan yahay isbedelka dhacay. “Xilka waa meerto cidna si gaara uma laha waana soo dhaweynayaa isbedelka lagu sameeyay Golaha waayo waxaa laga mideysan yahay in wax la saxo” “Waan soo dhaweynayaa waana ku qanacsanahay inaan waayo xilkii la ii igmaday muddo hore” Armaan waxa uu tilmaamay in wada shaqeyn wanaagsan ay soo dhexmartay isaga iyo golaha mudadii uu joogay xafiiska Golaha Wasiirada oo uu u gu horreeyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay in loo adeego shacabka waxa uuna cadeeyay in howlihii uu qaban lahaa ay shacabka u qaban doonaan kuwa isaga ka danbeeya. Haddalka Armaan ayaa muujinaaya inay muhiim tahay in qof walba uu ku qanco magacaabida iyo xil ka qaadista lagu sameyn karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia gaaray Afhayeenka Jabhada ONLF Abdulkhadir Hirmooge (Cadaani) iyo xubno ka tirsan Jabhada. Afhayeenka Jabhada oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan maamulka Soomaalida iyo Dowlada Ethiopia. Afhayeenka iyo xubnaha ku wehlinaaya safarka ayaa marti qaad ka helay dowlada Ethiopia waxaana lagu wadaa in halkaa ay kuwada kulmaan madaxda ugu sareysa dowlada iyo kuwa ismaamulka Soomaalida. Afhayeenka ayaa ka hor inta uusan tegin magaalada Addis Ababa ku dhawaaqay xabad joojin dhinacooda ah xili uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Hirmooge iyo xubnaha ku wehlinaaya safarka ayaa Inta ay ku sugan yihiin Magalada Adis Ababa kulamo gaar gaara la qaadan doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Ethiopia oo uu ugu horeeyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed iyo madaxda maamulka Soomaalida oo intooda badan xiligaani ku sugan magaalada Addis Ababa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Afhayeen Hirmooge uu hordhac u yahay wafdi heer sare oo ka tirsan ONLF kuwaasi oo kasoo kala bixi doona magaalooyinka Asmara iyo Nairobi. Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho lagu wadahadalsiinayo Xisbiga gacanta ku haya ismaamulka Soomaalida iyo Jabhada ONLF, waxaana la filayaa in wadahadalka kadib Jabhada kasoo dhex muuqan doonto maamulka Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee, dadaalka dowlada Ethiopia ayaa u muuqda mid isbedelo hor leh u horseedi kara deegaanka Soomaalida oo maalmahaani laga dareemayay xasil daro.