-
Content Count
206,416 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Trump. Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay taleefishinka NBC ayaa laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay “mQofna iima sheegin arrintan”, isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor. Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad. Trump oo isniintii fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa dhaleeceeyay haweenaydan, wuxuuna sheegay in ay eedeysay kaliya markii iyada shaqada laga eryay, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay in ay tahay qof aanan karti lahayn. Garyaqaanka Trump ninka lagu magacaabo Rudy Giuliani ayaa sheegay in laga yaabo in haweenaydan ay sharciga jabisay maadaamaa ay duubtay wada sheekeysi sir ah. Omarosa Manigault iyo Trump ayaa is bartay xilligii uu daadihiyaha ka ahaa barnaamijka The Apprentice, waxayna sidoo kale la taliye uga noqotay arrimaha Afrikaanka Amerika xilligii ololaha doorashada 2016-kii. Ma ahan markii ugu horeysay oo cajal sir ah laga duubo Trump, lagana baahiyo warbaahinta.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag. Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore. ESTV Isbadalada dhacay waxaa ka mid ah shir weyn oo aqoonyahanada deegaanka ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jig Jiga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen xubno sare sare oo ka mid ah maamulka. Shirkan oo wixii lagaga hadlay, iyo qodobadii kasoo baxay si toos ah looga baahiyay taleefishinka ESTV ayaa waxaa qodobadii lagu heshiiyay shirka ka hor akhriyay wariye Buurgaabo oo ka mid ahaa wariyeyaashii caanka ahaa, balse muddo u xirnaa maamulka, wuxuuna yiri “Waxaan soo jeedinaynaa in sharciga la hor keeno dadkii ka dambeeyay burburinta xarumaha diinta, maadaamaa dhibaatooyinka dhacay ay sabab u tahay maamul xumadii kasoo jirtay deegaanka, waxaan soo jeedinaynaa in ciidanka ay noqdaan dad aqoon leh, oo bulshadana kalsoonideeda haysta”. Shirka ayaa xitaa looga hadlay arrimo xilli aad xasaasi u ahaa in laga hadlo sida arrimaha Liyuu Booliiska, wuxuuna Buurgaabo shirka ka yiri “Waxaan aaminsanahay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin ciidan dowladeed, oo aysan ahayn ciidan uu shaqsi leeyahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in ay xasilooni kusoo dabaalaan”. Shirka ayaa dhanka kale lagu taageeray guddoomiyaha cusub ee xisbiga talada haya Axmed Shide Maxamed, waxaana loogu baaqay in xisbiga sameeyo isbadal heer kasta ah. Hadalo Qeexan Dadkii shirka ka hadlay ee aqoonyahanada ahaa ayaa mid mid ah uga hadlay wax ay sheegeen in ay muddo la aamusnaayeen, iyaga oo qaarkood ka sheekeeyay dhibaatooyin si shaqsiyan ah loogu geystay, waxaana ka mid ah nin yiri “Waxaa la’iga soo qabtay magaalada Addis Ababa, waxaa isoo qabtay dowladda Federaalka, hadda waan socon kari la’ahay, loowyaha ayaa nalaga garaacayay”. Waxaa xitaa goobta ka hadlay madaxweyne ku xigeenka deegaanka Mudane Xamdi Aadan Cabdi , madaxweyne ku xigeenka , ahna wasiirka arrimaha deegaanka , wuxuuna yiri “Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabursanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaa dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa”. Hadaladan waa kuwa aad uga duwan kuwii horey looga bartay madaxda deegaanka iyo dadka ku sugan gudaha deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
The Chief of Defence Forces (CDF) of the Somali National Army (SNA), Maj. Gen. Abdiweli Jama Hussein ‘Gorod’, has instructed his troops to ensure compliance with the International Humanitarian Law, when conducting military operations in the country. The CDF warned that soldiers who disregard the law will be prosecuted. He also distributed the “Code of Conduct for Combatants’ to the local army to familiarize them with combat rules, which guides on how to protect civilians and their property, limit destruction and respect civilian property during combat, among other rules. The Humanitarian Law regulates the conduct of forces in armed conflict and seeks to protect the rights of civilians who are not participating in hostilities. “When you want to maintain security and you are fighting insurgents (Al-Shabaab), there are international laws to be observed which must to be safeguarded,” Gen. Abdiweli cautioned the soldiers. “The religion of Islam ordains that. The people you are protecting, those you are fighting with and those you are fighting for should be very clear to you.” Senior officials of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) joined the army chief and troops to discuss the tenets of the International Humanitarian Law, at the General Gordon Military Academy in Mogadishu on Monday. AMISOM is spearheading training of the Somali National Security Forces on International Humanitarian Law and Human Rights. “The rules apply to situations of war and these are officers and soldiers who are going to conduct operations soon. The idea is that they ensure compliance with applicable international obligations; rules that protect the victims of war; rules that limit the effects of armed conflict; rules that restrict methods and means of warfare,” explained Dr. Omar Abdulle Alasow, the Senior Advisor to AMISOM on International Humanitarian Law and Human Rights. Dr. Omar noted, that the briefing was part of a series of trainings being offered by AMISOM to the SNA officers, to improve their knowledge on human rights issues and ensure compliance with the International Humanitarian Law. “Somalia is state party to international conventions; is state party to the Geneva Convention and they have an obligation to respect and ensure respect for International humanitarian law governing the conduct of warfare,” said Dr. Omar. He observed that the joint nature of operations between AMISOM and the SNA has compelled the AU Mission to conduct a series of trainings for the army, to create awareness and ensure compliance. Separately, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Mr. Simon Mulongo, held a security meeting with the Federal Minister of Defence, Mr. Hassan Ali Mohamed; CDF Maj. Gen. Abdiweli and other top SNA officers. The meeting focused on the implementation of the Transition Plan. “Our interaction with the Minister of Defence and the CDF is basically to heighten the operational plans for the purposes of executing the transition plan because AMISOM and the SNA are supposed to work together in the Comprehensive Approach to Security of Somalia,” stated Mr. Mulongo. On his part, Maj. Gen. Abdiweli hailed the collaboration between the SNA and AMISOM, which he noted had allowed for joint planning. He expressed optimism about efforts being undertaken to build the capacity of the SNA to take charge of the country’s security. “When you want to achieve something, you have to plan and prepare and then you execute the plan and this is part of those efforts,” Gen. Abdiweli remarked. Sources: AMISOM
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidammo ka tirsan Guutada qeybta 12-ka April ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Bar Koontarool ku leh deegaanka Calamada ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Al-shabaab, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay shanta nin oo uu ka mid ah dhaawac yahay. Sidoo kale ciidanka waxa ay qabsadeen gaarigii raggaas ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Baabuur Safar ah. Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Argagaxisada ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah. Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta Argagaxiso ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool. Al-Shabaab dhankooda kama hadlin warka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku aadan in la qabtay Shan ka tirsan,kuwaas oo weeraray Xarun Ciidan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga CC Shakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta aadka uga soo horjeeda siyaasada dowlada Somalia ayaa waayadani culeyska saaraya sida jahwareer amni loogu ridi lahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somali. CC Shakuur oo inta badan ku sugan dalka dibadiisa ayaa codkiisa mucaaradnimo kusoo koobay ka hadalka arrimaha amniga. CC Shakuur oo naawilaaya in mar un uu qabto mid kamid ah xilalka ugu sareeya dalka ayaa u muuqda mid ay ka luntay diirada, waxa uuna sabab u noqonayaa halis amni darro oo usoo dagdagta dadka reer Muqdisho. CC Shakuur, waxa uu inta badan shaqo iyo dhaliil siyaasadeed ka dhigtaa arrimaha amniga waxaana xusid mudan in arrintaasi ay ku dhalatay kadib weerarkii lagu qaaday hooygiisa xili uu kulan kula jiray Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan garabka mucaaradka. Tan iyo weerarkii lagu qaaday laguna dhaabacay CC Shakuur waxa uu naceyb xoogan u qaaday Hay’adaha amniga dalka gaar ahaan Hay’adda Nabadsugida oo xiligaa u dhigtay cashar lama ilaaban ah. Haddaba CC Shakuur ayaa u muuqda mid caqabad ku ah amniga iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho maadaama uu xooga saaro arrimaha Gobolka waxaana tusaale u ah Seddex qodob oo kala ah: 1-In dhaliishiisa amni ay tahay mid ku kooban amniga Muqdisho, waxa uuna durbaanka u garaacayaa sida jahwareer amni loo galin lahaa Muqdisho oo xudun u ah dalka. 2-Ka hor inta aan la burburin ciidamada xasilinta wax uu ku qeyla dhaaminaayay inaan dhismaha ciidamadaasi loo marin sharci waxa uuna si joogta ah ugu baaqayay in la kala diro ciidamada, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamada keliya ee arrimaha amniga looga cabsan jiray ay ahaayen kuwa xasilinta. 3- Goortii la burburiyay ciidamada xasilinta waxa uu CC Shakuur mar kale ku qeyla dhaamiyay in Taliska Booliska aysan ka raali noqon in lagu soo daro ciidamada xasilinta oo uu ku eedeeyay inaysan u qalmin Boolis, waxa uuna qodobkaani muujinayaa in CC uusan Muqdisho u ogoleyn amni iyo xasilooni isaga oo fiirsanaaya danihiisa Siyaasadeed. Sidoo kale, CC Shakuur waxa uu Xildhibaanada qaar dhaqaale ku siiyaa inay ka hadlaan wax waliba oo lagu bahdili kara sumcada dowlada Somalia, si ay ugu sahlanaato inuu ku cod darsado Xildhibaanada jeedineysa dhaliilaha. Su’aasha ugu badan ee kadhalata dhaliilaha CC Shakuur ayaa waxaa kamid ah sababaha uu uga hadli la’yahay dhacdooyinka kale ee kadhaca Gobolada dalka, halka ay dhaliishiisu tahay mid ku kooban Gobolka Banaadir. Dhinaca kale, CC Shakuur oo gaashaan u ah dowladaha carbeed ayaa u muuqanaaya mid loo adeegsanaayo burbur ka dhaca Somalia, maadaama dhaliishiisu tahay mid aan xikmadeesneen. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Dadka Somaaliyeed ee deegaanka Somaali-galbeed waxa ay taariikh dheer ku leeyihiin Qowmiyadaha dega Geeska Afrika sida; halgankii Diinta Islaamka, kii Gobanima-doonka iyo dhismihii dawladihii ka hana qaaday Geeska Afrika 5 tii Qarni ee lasoo dhaafay, waxaana lagu yaqaanaa; Somaali-ku faan, Gumaysi-diid, Dagaalyahan-nimo, Hal-abuur, Qab iyo Isla-wayni iwm. Nasiib daro Qarnigii 20 aad markii uu baxay Gumaysigii reer Galbeedka waxaa u bedelay Gumaysi AMXAARO & TEGREE oo isu daba maray kana dilay Qiyamkii, Qabkii, Somaali-nimadii iyo Midnimadii, una adeegsaday wax kasta oo lagu Gumayn-karo sida; 1-Gobalka oo lagu magacaabay magac Qabiil (Ogaden) si beelaha kale loo dareen-siiyo in aysan talo iyo awood ku laheen. 2-Waxaa loo kala qeybiyey Qabiil-Qabiil iyo Deegaan-Deegaan, halka Qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay Mid-Mid yihiin (Qeybi oo Xukun). 3-Waxaa loo diiday in ay Talada iyo Go’aanada dawladda dhexe wax ku yeeshaan, kana mid noqdaan Isbahaysiga EPRDF. 4-Waxaa Madax looga dhigay kuwii dadka ugu liitay uguna damiir xumaa oo dadkoodii Gun ka dhigay, Gobalkoodina ka dhigay xarumo Ciidamada Fedaraalku degaan kuna Ciaabaan ama ku Dilaan ciddii ay rabaan sida uu qiray Madaxweynihii hore ee Gobalka “in ciidankii Tegreegu ku qasbeen Ciqaabta dadkiisa”. 5-Waxaa Gobalka loo sameeyay Maleeshiyaad aan laheen Sharci iyo Asluub qabata oo dilay ama duleeyay qof kasta oo wax-gal ahaa, Somaalina ahaa (Liyu Police). 6-Waxaa denbiile-yaal iyo Arga-gaxiso laga dhigay Wiilashoodii shalay ahaa Mujaahidiin Gobanima-doon ah, laguna amray in mid kasta iyo qoyskiisa lagu Ciqaabo ama lagu Toogto hortooda (ONLF). 7-Waxaa lagu diray oo cadaawad iyo Karaahiyo la dhex-dhigay Walaalahooda degan Jamhuuriyada oo lagu eedeeyay in ay sabab u ahaayeen dib u dhaca iyo dagaalada ka dhacay Gobalka, loona soo dhaweyn karin qaraaba-nimo, halka Gobalka NFD ee Kenya uu soo dhaweeyay Walaalahood Jamhuuriyadda, dagaaladii Sokeeye kadib. 8-Waxaa lagu amray Maamulkii Gobalka in uu Taageero, Xaruna u noqdo Maamul-gobaleedyada Somaaliya, si uu uga qeyb-qaato kala qaybinta, kala goo-goonta iyo colaad ka hurinta Jamhuuriyada Somaaliya. 9-2017 markii uu xoogaystay kacdoonkii OROMADA ee ka dhanka ahaa Rajiimkii TEGREEGA Somaalida waxaa loo adeegsaday in lagu jebiyo kacdoonka Oromada, waxaana la dhex-dhigay Fitnada Qabiilka, Qowmiyada iyo Deegaanka ee ilaa maanta socota. 10-Isbedelkii Siyaasadda Ethiopia ee sanadkan waxa uu abuuray rajo ah; in Qowmiyadaha Ethiopia ay ka xoroobi karaan Gumaysigii haystay 5 ta Qarni ee Amxaarada iyo Tegreega, lkn qaar ka mid ah Qowmiyada Somaalida ayaa weli raba in ay u shaqeeyaan Rajiimkii dhacay ee Tegreega. Hadaba dagaalka Somasli-galbeed iyo Oramada waxaa lagu sheegay in uu ka dhashay; khilaaf dhul deegan ama Shidaal laga helay Gobalka ama Beeshii haysatay maamulkii hore oo ka baqeysa in Maamulka laga wareejiyo loona qabsado tacadiyadii dhacay xilligii Tegreega! Laakin waxaa muuqda in labada Qowmiyadood ay Wakiil uga yihiin dagaalkooda Rajiimkii Tegreega oo raba in uu kusoo laabto Xukunka Ethiopia ama ay kala go’go’do (الحرب بالوكالة) (الفتنة نائمة لعن الله من ايقظها). W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan. Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland oo waayadan isku horfadhiyay jiidaha dagaalka Tukaraq. Xiisadan ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid culus, kadib markii ciidamada Puntland ay ilaa saaka aroortii isku fidiyeen deegaano dhowr ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen ciidamada Puntland oo saaka ku sii qulqulaya waqooyiga iyo koonfurta Tukaraq. Waxa ay sheegen in ciidamadu ay wateen Gaadiid dagaal iyo Hub kala ceyn ah isla markaana ay fariisimo ka sameysteen goobo hor leh oo ku dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Dhaqdhaqaaqa dagaal ee hadda ka socda Tukaraq ayaa cabsi ku beertay Shacabka ku nool deegaanada gobalka Sool. Sidoo kale, Ciidamada ayaa rasaas goosgoosa ridaaya iyadoo aanu jirin sabab keeni karta in rasaasta leys weydaarsado. Dhinaca kale, bilihii ugu dambeeyey waxaa deegaka Tukaraq ee Gobolka Sool isku horfadhiyay ciidamada labada dhinac oo isku haya lahaanshiyaha Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti. Dowladu waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in kaalin weyn laga qaato xalinta Khilaafka maadaama labada dal ay kala dhexeyso calaaqo. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia ay heshiisiin doonto dowladaha Eriterea iyo Jabuuti. Waxa uu sheegay in Somalia ay qaadan doonto kaalinta ugu weyn ee xalinta khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay raali ka tahay inuu sii taagnaado khilaafka. “Dowlada Somalia waxa ay heshiisiin doontaa dowladaha Eriterea iyo Jabuuti si khilaafka daba dheeraaday looga gudbo” “Kaalinteenu waxa ay noqon doontaa mid leysugu soo dhaweynaayo labada dal, Somalia waxba uma aragto warqada halka mar kasoo baxday Jabuuti ee khuseysay dhaliisha laga muujiyay hadalka madaxweynaha” Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Somalia ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho khilaafka labada dal, waxa uuna rajo ka muujiyay xalinta khilaafka. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dowlada Jabuuti ay goor sii horeysay ka carootay haddal uu saxaafada la wadaagay Madaxweyne Farmaajo kaa oo adduunka looga dalbanaayay in laga shaqeeyo sida cunaqabateynta looga qaadi lahaa Eriterea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Somalia ayaa dib u habeyn ku sameyneysa Dastuurka dalka oo la sheegay inuu yahay mid aan dhameystirneen. Sixitaanka Dastuurka ayaa waxaa gacanta kula jira gudiyo dhinacyo badan ka socda oo Wasaarada Dastuurka dalka kala shaqeynaaya sida loo baabi’in lahaa qodobada caqabada ku ah dalka ee ku jira Dastuurka. Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay qodobo dhowr ah oo la sheegay inay iska horgeynayaan dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo ay Dastuurka ku dartay dowladii hore. Guddiga oo la faray inay hagaajiyan Dastuurka ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia la wadaagay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka kuwaa oo horseed u ah khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya DFS iyo maamulada. Wasaarada Dastuurka Somalia iyo Guddiyada u xilsaaran sixitaanka Dastuurka oo ka duulaya qodobada khaldan ee ku jira Dastuurka ayaa la sheegay in tirada qodobo ah ay u gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka si looga saaro Dastuurka. Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isku raacay inay muhiim tahay in Dastuurka laga saxo qodobada Khilaafyada abuura maadaama aan la ogeyn inta uu KMG sii ahaan doono. Waxa ay sheegen inay muhiim tahay Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista, iyaga oo gudiyada ku adkeeyay in xal kama danbeyn ah loo helo qodobada khilaafka dhaliyay. Qodobada la doonaayo in laga saaro Dastuurka ayaa ka hor imaanaya awooda dowlada Somalia, iyadoo awood gaara siinaaya maamul Goboleedyada ka jira dalka isla markaana hoostaga dowlada. Mid kamid ah mas’uuliyiinta qeybta ka ah guddiga ayaa sheegay in leysku raacay in qodobada qaar laga saaro Dastuurka si dowlada Somalia ay u noqoto mid Dastuur ahaan ku sareysa. Sidoo kale, Qodobada hadda ku jira Dastuurka ayaa inta badan muran iyo khilaaf Siyaasadeed ka dhex abuura dowlada Somalia iyo maamulada, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in dowladii hore ay wax ka bedeshay dastuurka. Talaabada qodobada looga saarayo Dastuurka dalka ayaa ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dowlada Somalia ay khilaaf iyo is hortaag kala kulanto maamulada oo iyagu aan tixgalin siin dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo fool leh uu u ambabaxo dalka Shiinaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Shiinaha, waxa ayna casuumaadan qeyb ka tahay casuumadaha kale ee uu ka helo dowladaha saaxiibada la ah Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu gaaro dalkaasi la kulmi doona dhigiisa iyo madaxda kale, waxaana lasoo sheegaya in mas’uuliyiinta wehlin doonta ay u badnaan doonaan Wasiir. Waxa uu Farmaajo inta uu dalkaasi joogo ka qeybgali doonaa shir Madaxda Africa uga furmaayo dalkaasi kaa oo looga hadli doono hormarinta ganacsi ee Africa. Waxa ay si gaara Shiinaha uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal, Ganacsiga, Siyaasada, Ammaanka, iyadoo ay horay u jireen heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal. Booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Shiinaha ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku tago dalkaasi, isagoo horay u booqday dalal kale oo dhowr ah isla markaana heshiisyo ganacsi kala dhexeeya Somalia. Geesta kale, Shiinaha ayaa Somalia horay ugu ballanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono burburka waddooyin iyo dhismooyin waaweyn ah isla markaana muhiim u ah dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
For the past two months, Ethiopians and Eritreans have been trying to make sense of their governments’ sudden declaration of peace. After 20 years of hostility, citizens on both sides of the border are waiting to see what the momentous rapprochement will mean and what the two leaders will do next. Source: Hiiraan Online
-
The Harlesden Neighbourhood Plan proposes to bring 600 new homes and 200 new jobs to the area by 2033 by redeveloping several major sites while "protecting the individuality and diversity of the neighbourhood in the face of large-scale new developments". Harlesden is home to London's second largest Jamaican population and is a melting pot of Irish, Brazilian, Polish, west African and Somali communities among many more. Source: Hiiraan Online
-
The reluctance of western and other powers to act against Djibouti’s increasing arms trafficking activities poses an existential threat to the security of the Horn of Africa and imperils ongoing efforts to end long-running conflicts in the region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, 12 Aug (PL) The commander of the African Union Mission in Somalia in Somalia (AMISOM), General Jim Owoyesigire, has ordered his troops to conduct permanent joint operations with the national army (SNA) against the Al Shabab group. Source: Hiiraan Online
-
Three people died on the spot and 2 others were seriously injured on Monday morning when a civilian vehicle they were travelling in stepped on a land mine. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay warbixin kashiftay sir badan oo ka dhan ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee weerarka ku qaaday dalka Yemen. Warbixintaan ku qorneyd afka Carabiga ayaa waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online waxayna u qorneyd sidaan: Warbixin sir ah oo ceebeysay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen Al-Jazeera ayaa heshay warbixin sir ah oo ay soo diraariyeen shakhsiyaad Militari ah oo la shaqeeyey Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen, warbixintaas oo ku saabsan Xaaladaha xabsiyada, xarumaha qarsoodiga ah iyo dadka sida qasabka ah loo wato. Warbixintaan sirta ah ee la helay ayaa wadato caddeymo isugu jiro dadka xabsiyada ku jiro iyo qaar ka tirsan ciidamada Xulafadaan ee maamulo xabsiyada, waxayna warbixintaan sirta ah xoojisay baaritaanadii hore ee Associated Press. Warbixintaan ayaa shaaca ka qaaday qaar ka mid ah dambiyada ka jiro xabsiyadan qarsoodi ah ee koonfurta Yemen taasoo ay maamusho Imaaraadka Carabta oo isku badalay Bakhaaro lagu iibiyo jirka bini’aadanka, cabsi gelinta Maxaabiista iyo dadka lasoo afduubay iyadoo loo marayo jirdil iyo Xayiraad. Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Magacyada Goobaha, Qolalka qarsoodiga ah, dadka la xiray oo la dilay kadib jirdil iyo cadaab loo geystay, magacyada dadka maqan, magacyada Mas’uuliyiinta sameeyey xadgudbkaan iyo Su’aalo la waydiiyey Maxaabiista. Kufsi Qalab loo adeegsaday Warbixintaan la helay ayaa lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee Cadaabka jirdil ka ah ee ka jiro xabsiyada ay maamusho Imaaraadka oo ku yaalo dalka Yemen. Xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro kufsi dadban oo loo adeegsaday qalab sida ulo Nimanka iyo Gabdhaha loo isticmaalo iyadoo laga gelinayo xubinta taranka halka raggana laga geliyo xubinta Saxarada, sidoo kale waxaa ka jiro kufsi toos ah oo ay sameeyaan shakhsiyaad. Sidoo kale xabsiyadaan ayaa waxaa ka jiro cadaab kii ugu xumaa oo ah in dadka maqaarka looga siibo Koronto sida Xabadka, Kilkilaha iyo xubnaha taranka. Sidoo kale waxaa maxaabiista lagu garaacaa Ulo, Fiilooyin iyadoo looga garaacayo qeybaha kala duwan ee jirka bini’aadamka si gaar ah madaxa . Cusbo iyo Suugo kulul: Sidoo kale daldalaada waa mid kamid ah waddooyinka lagu ciqaabo Maxaabiista, sidoo kalana waxaa kamid ah ciqaabta maxaabiista in cusbo iyo suugo kulul looga shubo meelaha dhaawacan ee jirka, hurdada iyo daawada oo loo diido. Sidoo kale aaladaha loo isticmaalo ciqaabta maxaabiista ayaa waxaa kamid ah Dharbaaxyo , Haraati, Biyo kulul oo lagu shubo jirka, Cay iyo aflagaado. Gubista Lafaha Xabsiyada qarsoodiga ah ee hoos yimaada Kormeeraha amniga Gobolka Aden Cali Saleh oo daacad u ah Imaaraadka Carabta, dadka maxaabiista ah ayaa waxaa lagu soo rogay ciqaab joogto ah oo ka kooban: Maqaarka oo looga siibo biro kulul iyo Koronto, Lafaha oo lagu burburiyo dhagxaan iyo gubista lafaha, Jirka oo lagu gubo Balaastiko dhalaaleyso, Maxaabiista oo la geliyo goobo lagu magac daray (Cadaadiye) sidoo kalana waxaa lagu xiraa qalab lagu dhibaateeyo xaniinyaha dhanka kalana waxaa cirbado looga mudaa ciyadaha hoostooda. Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa waxaa hormuud u ah nin lagu magacaabo Cowd Rishad kaasoo lagu naaneyso (Bahal), sidoo kalana waxaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dilalka loo geysto maxaabiista. Ninkaan ayaa u qaabilsan Imaaraadka in la qariyo dadka la dilay iyo kuwa lasoo qabtay, wuxuuna inta badan howshaas u adeegsadaa in kale oo lagu magacaabo (Cali Al-Imaaraatiye). Sidoo kale waxaa cadaabta kamid ah inay maxaabiista ka cabanayaan nadaafad darro, daryeel caafimaad la’aan, iyo inaan xabsiyada laga heli karin biyo nadiif ah. Dil Jirdil ah: Warbixinta ayaa lagu xusay magacyada 47 qof oo ku dhintay xabsiyada kadib jirdil xooggan oo loo geystay, 19 kamid ah ayaa waxaa dilkooda Mas’uul ka ahaa Hoggaamiyaha Amniga u qaabilsan Imaaraadka oo lagu magacaabo Yusran Al-Maqtari. Halka isbaheysiga uu fuliyey dilka 6 qof. Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay magacyada iyo meesha ay ku yaalaan Shan Qabuur oo lagu aaso dadka ay dilaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dhanka kale waxaa warbixinta lagu xusay magacyada 26 qof oo aan ilaa hadda la garaneyn waxa ay ku sugan yihiin, waxaana kamid ah 3 qof oo Ajnabi ah. Xabsiyo Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay 27 Xabsi oo isugu jiro kuwa hore iyo kuwa cusub kuwaas oo ku yaalo Aden, Hadramout, Socotra iyo Jaziirada Muyun oo ku taal Baabu Mandab. Waxaa sidoo kale jiro xabsi ku yaal dalka Eretria oo ay saldhig Militari ku leedahay Imaaradka Carabta taasoo lagu sheegay warbixinta lana geeyo qaar kamid ah dadka laga soo qabto Yemen. Daldalayaal Imaaraadka u dhashay Dadka soo diyaariyey warbixintaan ayaa soo bandhigay Magacyada iyo naaneysyada daldalayaal mas’uul ka ah ciqaabta loo geysto Maxaabiista, waxaana shakhsiyaadkaas kamid ah kuwa naaneystooda ay muujineyso inay jinsiyad ahaan kasoo jeedaan Imaaraadka sida “Al-Shaxi” iyo “ Balooshi” oo ah Naaneysyo laga isticmaalo Imaaraadka. Baarayaal Mareykan ah Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu xusay in cadaabta ka jirto xabsiyada Yemen oo ay gacanta ku hayaan Imaaraadka ay soo kormeereyn ilaa 22 baarayaal oo ka kala socday Mareykanka, Suudaan , Sacuudiga iyo kuwa kasoo jeedo Imaaraadka. Halkaan ka akhriso warbixinta oo Carabi ah oo ay qortay Al-Jazeera تقرير سري يفضح التحالف السعودي الإماراتي باليمن
-
Popular Contributors