-
Content Count
206,416 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Minnesota (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u muuqata in ay noqon doonto gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka Mareykanka kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada horudhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga ee kursiga shanaad ee Minnesota talaadadii. Ilhaan Cumar oo ay da’deedu tahay 36 ayaa ah Soomaali Mareykanka ku soo gashay qaqaxootinimo iyada oo da’yar, waxa ay ka adkaatay lix musharax si ay u buuxiso booska uu hadda ugu jiro xisbiga Jamhuuriga Keith Ellison. Ellison waxa uu go’aansaday in uu u tartamo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota halkii uu ku soo laaban lahaa Congress-ka; waxa uu la kulmay eedeemo la xiriira tacadiyo maxali ah maalmihii ugu dambeeyey ee ol’olihiisa. Ilhaan Cumar waxa ay u muuqataa in ay hadda iyada cid aan ahayn ku soo bixi doonin kursigaas bisha November doorashada dhici doonta. Waxa ay ku biiri doontaa Rashida Tlaib oo noqotay gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka. Tlaib waxa ay doorashooyinka horudhaca ah ku guuleysatay toddobaadkii hore si ay u bedesho Jogn Conyers oo Jamhuuri ah kaas oo fadeexado lagu helay kaddibna is casilay. Congress-ka waxa ay hadda leeyihiin laba xildhibaan oo Muslim ah – labada oo uu ka mid yahay Ellison waa rag. Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horreeysay oo Soomaali American ah oo loo doorto kursiga xildhibaannimo ee gobolla Minnesota ama kursi dhan oo loo tartamo oo Mareykan ah. Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolka Minnesota. Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minnesota Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka. “Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yiri Erdigan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed. Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’. Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn. Tallaabadan uu Erdigan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan. Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil uu soddog u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha uusan hoos ugu dhici lahayn. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay Muqdisho Casharaf ugu sameeyay Wafdigii Dowlada Eritrea. Casho sharaftaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaana loogu sameeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada Eritrea Cismaan. Xafdladaasi waxaa ka soo qeeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, Wasiiro Gudoomiyaal iyo xubno kale. Gudoomiye Yariisoow oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho ay caan ku tahay soo dhoweeynta Madaxda ka socoto Wadamada Caalamka. “Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.” Ayuu Yiri Eng Yariisoow Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Duqa Muqdisho oo Casho sharaf u sameeyay Wafdigii Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
In Somalia, poverty is forcing women into sexual exploitation as men from the country who’ve emigrated to the west return to take advantage of them. Many of the women are refugees who are lured by the offer of a better life abroad. Source: Hiiraan Online
-
Mandera is prone to outbreaks of chikungunya, cholera, dengue fever and polio because of proximity to Somalia and the nomadic lifestyle of residents. Source: Hiiraan Online
-
The port of Sète in Hérault and Corsica both say they are ready to welcome the ship Aquarius, which is carrying 141 Africans rescued from the Mediterranean – however this would depend on the French government’s go-ahead. Source: Hiiraan Online
-
UN says favorable weather improves food security in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Favorable weather conditions experienced during the main (Gu) rainy season combined with a large-scale humanitarian assistance have improved the food security situation in Somalia, the UN said on Tuesday. Source: Hiiraan Online -
ROME – The NGO Doctors Without Borders (MSF) said on Tuesday that most of the 105 people on board the Aquarius migrant vessel who came from Eritrea and Somalia were suffering from chronic malnutrition. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (HOL) - Three Somali-American candidates won their primaries in Minnesota on Tuesday in important elections around the U.S. Source: Hiiraan Online
-
Authorities in the Kingdom of Saudi Arabia have cause to be returned some 27,000 livestock – sheep and goat – to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Nine people dead, several hurt as Al Shabaab attack farmers
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least nine people have been killed and several others wounded in clashes between Al-Shabaab and local fighters, near Jilib town in Middle Jubba region Source: Hiiraan Online -
During Hassan Sheikh Mahmoud administration Somalia ranked among the world’s most corrupt countries. Hassan sheikh M started with the corrupt process of bribing Somali MPs during the federal election by cash handout. The former Governor of the Central Bank of Somalia Ms. Yusra Abrar also resigned from her position after less than two months on the job citing that the Central Bank of Somalia was not allowed to function free of interference from the President’s office. Likewise, a U. N. report on Somalia released in July 2014, stated that eighty per cent (80%) of the withdrawals from the country’s Central Bank was used for private purposes. Prolonged absence on foreign visits and the waste of resources on airfares and hotels. While civil servants and members of the Somalia armed forces in the four years of his presidency were paid less than two years’ worth. Insecurity was also a major issue; the instability at time greatly restricts business. Corrupt government officials tolerated illegal activities in return for bribes. Dysfunctional institutions facilitate an environment of lawlessness, and the absence of any form of regulatory framework hinders prospects of economic competitiveness. Business is based on patronage networks, and tight monopolies dominate the market. Somalia’s Provisional Constitution criminalizes several forms of corruption (including abuse of office, embezzlement and bribery); however, implementation these were not on Hassan Sheikh agenda they were is non-existent. The governing elite is continuously being involved in allegations of embezzlement of public funds from the already meagre Somalian coffers. Finally, it reached a point that bribery was commonplace in all sectors, and procurement contracts frequently involve corruption and close family and friends of Hassan Sheikh. Hassan Sheikh Administration were incapable of protecting property rights. The construction boom the country is currently witnessing has further fuelled conflict as title deeds are either unavailable or forged). Forced evictions by both private and public actors, coupled with the absence of land deeds and corruption was common during Hassan Sheikhs Presidency. Land owned by the government were given to private individuals and some was sold another major problem for the government of Hassan Sheikh Mahmoud. And get up to 30,000 plots were sold illegally by his Administration. Since 2012, public land has been privatised without any transparency. This includes lands owned by ministries, local government, the custodial corps, government hotels, and schools. Some notable places are Hotel SYL, Hotel Uruba Hotel. Businesses were likely to face extensive corruption in the customs sector. Bribery was common when clearing goods through the Mogadishu port. Generally, the diversion of revenue from ports is very common; for instance, revenue from the Mogadishu port totalled more than USD 5.5 million per month during 2013 (to put this in perspective, the Somali central bank in 2014 received an average of USD 4.6 million per month) Public procurement in Somalia holds high corruption risks for business. The majority of public tenders are treated as confidential. “Secret contracting,” where officials or family members close to the Hassan Sheikh would get the deals in complete absence of transparency and oversight, it was a common practice By: Abdullahi Mohamed Hurie Abdullahi.hurie12@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 8-dii Febraayo waxa uu la kulmay mucaaradad aad u culus oo uga timid dhinac badan oo kala dano ah. Hase ahaatee, waxaa ugu xoogan mucaaradnimada uu ilaa iyo hadda la soo taaga yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa murashixiintii uu madaxweyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii 2017. Mucaaradnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gaartay heer uu khal khal amni galiyo magaalada Muqdisho taas oo keentay in dowladdu weerarto hawgii uu daganaa kaddina soo xirto. Hadda oo uu socdaallo uu ku sheegay booqashooyinka jaaliyadaha dibedda waxa uu inta badan duraa dowladda isaga oo waliba si gaar ah u bartilmaameedsada Farmaajo oo aan ka hadal xukumadda ama waaxaha kale ee dowladda. Hadaba, halkee ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kala qaaday Madaxweyne Farmaajo? Su’aashan kore ah mid si weyn uga dhex guuxda maskaxda dadka daneena siyaasadda Soomaaliya iyo waliba shacabka guud ahaan balse xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa uga jawaabi doonnaa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga saaray liiska golaha wasiirada kaddib markii uu ku soo daray R/W Kheyre Kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre 23-kii Febaaro 2017, Kheyre waxa uu bilaabay qorshihii uu ku sii dhisi lahaa golihiisa wasiirada. R/W Kheyre markii ugu horreeysay ee uu isku aadiyo xubnihiisa golaha wasiirada (His first Draft) waxaa ka soo muuqday Cabdiramaan Cabdishakuur oo uu ka dhigay wasiirka arrimaha gudaha. R/W Kheyre waxa uu ku wargaliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu u magacaabay wasaaraddaas taas oo uu soo dhaweeyey balse waxa uu u sheegay in magacaabistaas Farmaajo ka aqbali doonin. Hase ahaatee, waxaa dhacday arintii uu ka baqayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana laga reebay liiskii dambe ee rasmiga ahaa iyada oo laga doortay Yusuf Garaad Cumar oo noqday wasiirka arrimaha dibadda. Xogtan hoose waxa ay Caasimadda ka heshay shaqsi ka tirsanaa dhallinyarada baraha bulshada kala shaqeeya siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aynaan sababo jira awgeed u xusi karin magaciisa. Wixii intaa ka dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu galka kala baxay seeftiisa isaga oo u soo ban baxay mucaaradda madaxweyne Farmaajo oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Egreyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondos ayaa bogaadiyey tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya ay u qaadday dhanka dib u soo kabashada iyo horumarinta hay’adaha dowladda. Rondos ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u jehaystaan dhanka horumarka, gacanna ay ka geystaan sidii ay dadkooda mustaqbal wanaagsan ugu abuuri lahaayee. “Soomaaliya waa ay socotaa, tallaabooyinkanna waa caddeymo ka dhan ah kuwa shakiga gelinaya horumarka Soomaaliya. Waxaan idiin rajaynayaa horumar loo dhan yahay iyo mustaqbal ifaya.” Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan waddamada Geeska Afrika ayaa daba socda hadallo iyo dhambaallo beesha caalamku ay ku bogaadisay horumarka ka socda Soomaaliya, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoona ay sii kobceyso kalsoonida Beesha Caalamku ay ku qabto Dowladda Soomaaliya. Horey waxaa u soo saaray dhambaallo bogaadin iyo kalsooni xambaarsan, Hay’adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka maraykanka iyo Qaramada Midoobey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baraawe (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii dambe bilaabay inay qorshooyin cusub u keenaan halkii laga keeni lahaa lacagaha ay siiyaan Maleeshiyada u dagaalanto. Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay hadda lacago Kumanaan kun oo Dollar ku amreen inay bixiyaan qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed. Deegaanka Marya Gubaay iyo Shan Tuulo oo hoos tagto ayaa lagu amray Beelaha dagan inay bixiyaan lacago kumanaan Dollar ah oo mushaar ahaan loo siin doono Ciidamada Al-Shabaab. Beelaha halkaas dago ayaa lagu amray inay beel kasta bixiso lacag gaareyso 30 kun oo Dollar si loo caawiyo weerarada iyo dagaalka ay ku jiraan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo lagu laayo shacabka Soomaaliyeed. Kulan xasaasi ah oo Al-Shabaab iyo odayaal kasoo jeedo beelahaas ku dhex maray Deegaan u dhow Degmada Baraawe ayaa looga wada hadlay qaabkii lacagahaas loo bixin lahaa iyo waxa lagu qaban doono. Al-Shabaab ayaa odayaashaas ugu hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ay Beelahooda ka keeni waayaan lacagaha la dul dhigay oo ah Isbaaro dadban. Saraakiisha Al-Shabaab ee kulankaas ka jeediyey khudbadaha ayaa tilmaamay in lacagahaas mushaar ahaan loogu siin doono ciidamo cusub oo ay Al-Shabaab usoo tababartay sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Ururka Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana weli maamulka Koonfur Galbeed u suurta geli la’ inuu ku shaqeeyo Baraawe oo Caasimad u ah maadaama ay tahay meel go’doonsan oo ay Al-Shabaab kor ka ilaashadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Sharif Xasan Sheekh Aadan, oo magaalada Baydhabo ka bilaabay lole uu ka kasbanayo odayaasha beelaha kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, ayaa waxaa arrintaasi gacan weyn ku siiyay xildhibaano ka mid ah baarlamaanka federaalka oo magaalada Muqdisho ka qaatay diyaarad gaar ah oo uu usoo diray Shariif Xasan. Sharif Xasan iyo odayaasha dhaqanka ayaa aad u kala fogaa mudooyinkii u danbeeyay oo ay ku dhaliilayeen maamulkiisa mid fadhiid ah loona baahan yahay isbadal cusub, iskana hor wareejiyaan Shariifka, waxayna arrintaani muujineysaa u dikar garowga Sharif Xasan ee doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sharif Xasan lacago u qeybshay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha Digil & Mirifle si loogu soo xero galigyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed maadama uu markale yahay musharax u taagan qabashada xilkaasi. Odayaasha lacagaha loo qeybshay ayaa loo adeegsaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaasi oo laga wacay magaalada Muqdisho si ay u kala fur furan Odayaashasi oo qaarkood diiday in ay la kulmaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dhaliilsan yahiin qaabka maamulka Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo iyaga oo Warbaahinta horey ugu sheegay in loo baahan yahay isbadal Hoggaanka Maamulka ah madaama Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawaan la filaayo in any ka dhacdo Magaalada Baydhabo. Xildhibaanada Magaalada Baydhabo tagay si ay u kala fur furan Odayaasha dhaqanka, Koonfur Galbeed uguna soo xera galiyaan Sharif Xasan, waxaa kami ah Xildhibaan Aadan Ibrahim Dhaayow, Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarrow, Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow, Xildhibaan Isaaq Cali Subag iyo xildhibaano kale oo aad u taageersan Shariif Xasan. Waxaa xoogeysanayay isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Sharif Xasan kaasoo ololahooda laga dareemayo magaalooyinkna Muqdisho, Nairobi iyo Baydhabo, iyadoo doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed la filaayo in ay qabsoonto bisha 11-aad ee sanadkaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeysanayo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka tirsan ee xilka looga qaadayo arrin la xiriirta musuq maasuq kadib markii ay dowladda bilowday dagaal arrintaas ku saabsan oo la doonayo in lagu yareeyo. Warark hadda ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa muujinayo in xilkii laga qaaday Agaasimihii Waaxda Dhaqancelinta Maleeshiyada laga soo qabto ururka Al -Shabaab u qaabilsanaa Wasaaradda Amniga Gudaha. Mas’uulka xilka laga qaaday ayaa lagu magacaaba Cabdirashiid Ibraahin Maxamed oo loo yaqaano (Karanle). Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan sababta keentay xil ka qaadista lagu sameeyey Mas’uulkaan ayaa haddana waxaa la isla dhex marayaa inay tahay arrin ku saabsan musuq maasuq la sheegay in lagu ogaaday. Dowladda federaalka soomaaliya ayaa dhawaanahanba waday olole ay shaqo joojin iyo xilka qaadis ay ugu sameyneyso masuuliyiinta lagu soo eedeeyo lunsashada lacagaha qaranka iyo gudasho la’aanta shaqadooda. Mas’uulkii ugu dambeeyey ee shaqo joojin lagu sameeyey ayaa ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo lagu eedeeyey arrimo musuq maasuq ku saabsan. Kiiska loo heysto Mukhtaar ayaa ugu dambeyn keentay in Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu soo saaro digreeto uu shaqada kaga joojinayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Rotterdam (Caasimada) – Xog ay heshay caasimada online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee qurba joogta lagala noqday dhalashadii uu ka haystay wadanka uu ka yimid. Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida hantida ku haystay magaalada Rotterdam ayaa dowladda Holland kala laabatay dhalashadii, kadib markii lagu yeeshay deymo badan iyo canshuur xad dhaaf ah oo uu ka jawaabi waayay bixintooda. Warku wuxuu intaa ku darayaa in guddoomiye Cumar oo labo sano ka hor yimid Muqdisho iyadoo aan laga war qabin, isagoo xiligaasi ahaa madaxii shirkad Gargo usoo qaadi jirtay Somalia, hase ahaatee musalaftay, waxaana xiligaasi ku qasaaray Soomaali fara badan oo alaabahooda ku xayirmay dekadda Retherdam ee dalka Holland. Bilowgii bishaan Agoosto ayaa la hubiyay in dowladda Holland ay dhalashadii kala laabatay, kadib markii uu ka jawaabi waayay fariimaha waaxda canshuuraha ee dowladda Holland. Mas’uuliyiinta degmooyinka Muqdisho iyo kuwa xukuumadda federaalka ayaa intooda badan haysta dhalashada wadamada Yurub iyo Ameerika, iyadoo dowladda marka ay xil u magacaabsyaana aysan hubinin taariikhdooda, balse lagu soo xulo aqoon hoose iyo qaabka 4.5 oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Rotterdam Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ciidamada dowlada Kenya dhibaatooyin badan ku hayaan shacab Soomaaliyeed ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golahaasi. Senator Axmed Macalin Nadiir, ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan inkiri karin dhibta ay ciidamadeeda ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu Senator Axmed Macalin Nadiir, tilmaamay in dhibaatooyinka ugu badan ay tahay mid ay ciidamada u geystaan shacabka ku nool xadka ka dhexeeya Somalia iyo Kenya kuwaa oo loo geysto dhibta ugu badan. Waxa uu cadeeyay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka dhan ah shacabka ka fuliyaan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah loola beegsado dadka reermiga ah ee ku sugan gobolladaasi. Senator Axmed Macalin Nadiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd halkaasi, loona baahanyahay in dowladda dalkaasi ay magdhow ka bixiso burburka hantidaasi. “Kenya wax badan waa looga aamusay suuragal maaha in looga aamuso khaladaadka muuqda waa inay magdhaw ka bixisaa burburinta xarunta shirkada iyo xasuuqyada ka dhaca Jubbooyinka” “Intaan kasii badan uma dulqaadan doono baabi’inta ay nagu heyso Kenya waa in si dhaqsi ah ay uga hadashaa burburinta xarunta iyo xasuuqa shacabka maadaama ay jiraan cadeymo” Geesta kale, Senator Axmed Macalin Nadiir waxa uu cadeeyay in ka baarlamaan ahaan ay aad uga xub yihiin dhibta ay Kenya ku heyso Somalia, wuxuuna dowlada Somalia ugu baaqay inay wax ka dhahdo dhibaatada muuqata. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Maaliyadda xukuumada Somalia Abdirahman Duale Beyle, ayaa shaaca ka qaaday in deyn cafinta Somalia la dul dhigay shuruudo adag. Wasiir Beyle oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in dowlada Somalia deyntaasi laga cafin doono keliya marka ay kasoo baxdo shuruuda la duldhigay. “Somalia waxaa deyn cafinta lagu xujeeyay shuruudo adag, waxa uu heshiisku yahay in deynta laga cafiyo waa haddii ay kasoo baxdo” Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in shuruudahan ay hordhigeen EU-da iyo World Bank, isla markaana ay rajeynayan inay kasoo baxaan shuruuda si looga gudbo deymaha horyaal Somalia. Wasiir Beyle waxa uu xusay in arrintan kaliya looga gudbi karo juhdi iyo dadaal dheeri ah, waxa uuna meesha ka saaray in qaab kale ay ku imaankarto cafinta deymaha marka laga soo gudbo shuruuda. Waxa uu tilmaamay in shuruudaha qaar ay yihiin kuwo u sahlan dowlada Somalia, hase yeeshee Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia ayuu sheegay inay xalin doonaan shuruudaha badi. Sidoo kale, Wasiir Beyle oo ka daabsanaaya shuruudaha ayaa si guud u sheegay inay yihiin kala ceyn isla markaana ay ka kala imaanayaan EU-da iyo World Bank. Haddalka Beyle ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaraha ay sheegen in Somalia ay xal buuxa u heshay deymaha lagu leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
La taliyihii hore ee madaxweyne Trump Omarosa Manigault Newman ayaa si qarsoodi ah ku duubtay wada sheekeysi dhexmaray iyada iyo agaasimaha Aqalka Cad John Kelly, iyada oo kadibna cajalkii ku faafisay warbaahinta. Balse dhibka jira ayaa waxa uu yahay in wada sheekeysiga uu ka dhacay Qolka Sirta ee Aqalka Cad, halkaas oo ah bugcadda xogteeda loogu illaalinta badanyahay Maraykanka, waxaana suurtogal ah in haweenaydan ay jabisay habraaca amniga ee dalkaas. Ma cadda sababta Mr Kelly uu gabadhan u geeyay Aqalka Sirta marka horeba, halkaas oo ah darajada ugu sareysa ee amniga Maraykanka. Waxaase jiray in dad kale oo la shaqeeya xitaa uu halkaas ku waraystay sida uu qorey wargeyska Axios. Haweenaydan ayaa sheegtay in sababta ay wada sheekeysiga u duubtay uu ahaa in aysan aaminsanayn madaxweynaha iyo agaasimaha in ay hadhoow runta ka sheegi doonaan sababtii ay shaqada oga tagtay, sidaas darteedna ay u baahnayd caddeymo. Balse go’aankeeda ah in ay duubto hadalka, kadibna faafiso ayaa dibadda usoo saaray arrimo muhiim ah, waxaana la’isweeydiinayaa waxyaabaha banaan iyo kuwa reebban ee ku saabsan Qolka Sirta. Qolkan waxaa la dhisay sanadkii 1961-dii, waana halka lagu hayo sirta loogu illaalinta badanyahay ee Maraykanka, kana dhacaan shirarka aadka xasaasiga u ah ee lagu kala warqaato si maalinle ah, waana qolka ay kasoo fulaan xogaha madaxweynaha maalin kasta loo sheego. Sida uu qabo Steven Aftergood oo ka tirsan ururka seynisyahanada Maraykanka, kaas oo ku taqasusay sirdoonka dowladaha ayaa yiri “Waa bugcadda ugu xasaasisan ee ku taala gayiga Maraykanka”. “Waa halka laga bixiyo amarada ciidamada Maraykanka, xitaa amarada la xiriira hubka Niyuukleerka, waana halka hawlgalada sirdoonka ay fuliyaan lagala socdo” ayuu intaas ku daray. Qolkan waxa uu aad usoo caan baxay kadib markii Aqalka Cad uu soo bandhigay sawirro muujinaya madaxweynihii Maraykanka Barack Obama oo Qolka Sirta kala socda hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacida Cusama Bin Laden. Marka laga tago in ay tahay meel nabdoon oo uu madaxweynaha kala socon karo arrimaha banaanka ka dhacaya, waxa uu qolkan leeyahay nidaam lagu kala hufi karo xogaha sirta ah. Saacad saacad, iyo maalin kasta, ayaa askarta isku badasha illaalada qolkan ay indhaha ugu hayaan waxyaabaha waaweyn ee adduunka ka dhaca, kuwaas oo laga yaabo in ay Maraykanka micno u samaynayaan, si madaxweynaha loogu gudbiyo kuwa muhiimka ah. Waxa uu ku yaalaa gunta hoose ee Aqalka Cad, waxana uu ka koobanyahay dhawr qol sida ay sheegeen dadkii halkaas shirarka uga qeybgalay. Waxa kaliya ee qolkaas loo ogolyahay dadka haysta ogolaanshaha amni ee ugu sareeya.. Dadkan waxaa kala xula hay’adaha sirdoonka Maraykanka, waxaana xitaa la baraa sida ay tahay in ay u dhaqmaan marka ay qolkaas ku jiraan. Qofna looma ogola in uu la galo taleefoon ama xitaa qalab elektaroonik ah “Taleefoonka waxaad ku rideysaa sanduuq yar oo banaanka yaala, furaha ayaad shirka la galaysaa” ayuu yiri Brett Bruen oo ka tirsanaa maamulkii Obama. Hase yeeshee ma jirto meel la isku baaro marka laga galayo Aqalka Sirta, sida uu sheegay Mr Bruen. Siyaabo kale ayaa sharciga loo dhaqangaliyaa, iyada oo dadka halkaas galaangalka u leh ay iyaga is xilqaamaan. Dad badan ayaa aad ula yaabay xogta ay duubtay, misne faafisay, balse waxaa la sheegay in xogta ay faafisay aysan ahayn sir weyn oo mamnuuc ay ahayd in la faafiyo, hase yeeshee waxaa la isku waafaqsanyahay in ay jabisay sharciyada Aqalka Sirta. Isha: BBC
-
Popular Contributors