Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,416
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mandera South MP Adan Kullow held a meeting with the local security leaders and community elders to address the insecurity problem that has pervaded the region stifling development. Source: Hiiraan Online
  2. Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, the Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), has concluded a weeklong extensive tour of Forward Operating Bases in all the six sectors where AU troops operate. Source: Hiiraan Online
  3. xKanyiri blamed the August 8 attack that left six KDF soldiers dead on the local al Shabaab network. Source: Hiiraan Online
  4. Most coverage of Ilhan Omar, the thirty-five-year-old state legislator who won the Democratic primary in Minnesota’s Fifth Congressional District last night, has focussed on her identity. She was born in Somalia, and she came to the United States when she was twelve, knowing only two phrases of English: “hello” and “shut up.” Now her primary victory makes her likely to become the first Somali-American and one of the first two Muslim women (along with Michigan’s Rashida Tlaib) in Congress. But stories about these “firsts” tend to miss Omar’s certainty about who she is, and the rightness of her desire to “expand what is politically possible,” including cancelling student debt, banning private prisons, increasing the number of refugees admitted to the U.S., and cutting funding for “perpetual war and military aggression.” She supports passing a national bill of rights for renters, the End Racial and Religious Profiling Act, and automatically registering every eighteen-year-old to vote. These are the stances Omar is referring to when she speaks, as she does often, about “a politics of moral clarity and courage.” Source: Hiiraan Online
  5. The African Union peacekeeping mission and Somali forces on Wednesday launched military operation in Lower Shabelle region to flush out al-Shabab terrorists. Source: Hiiraan Online
  6. According to history, the Punt Civilization is an unknown and mysterious civilization that existed in Africa centuries and centuries ago. Many readings will describe it as an early civilisation that existed long before the development of a culture that found it necessary to record its history. Source: Hiiraan Online
  7. Paul Pogba and Jose Mourinho are no longer on speaking terms after the Manchester United boss told the Frenchman to hand in a transfer request if he wanted to leave the club ‘again’. Source: Hiiraan Online
  8. Mandera South MP Adan Kullow has accused police officers of taking bribes and permitting terrorists to carry out attacks in Kenya. Source: Hiiraan Online
  9. The Ethiopia’s Ministry of Defence has deployed additional troops in Shelabo area in eastern part of the country in an attempt to defend the recently discovered crude oil fields in Somali regional state of Ethiopia, eyewitnesses have said. Source: Hiiraan Online
  10. The Somali National Army (SNA) on Wednesday killed 11 al-Shabab militants including four commanders during a military operation in areas in southern Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  11. Canada Border Services Agency officers have the authority to charge a traveler with a criminal offence for refusing to provide the password to their device. Source: Hiiraan Online
  12. President Trump’s decision to double steel and aluminum tariffs on Turkey — and reports that broader sanctions are being considered — mark a dangerous escalation. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ka wado olole siyaasadeed oo laga leeyahay dano waaweyn. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo xilkaas iska casilay Bishii April ee sanadkaan markii uu cadaadis weyn kala kulmay madaxda ugu sareeyo dalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Baarlamaanka Soomaaliya u diray Beesha Caalamka ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey in Baarlamaanka Soomaaliya uu noqday mid fadhiid ah oo aan shaqada qaban tan iyo markii uu isaga ka baxay meeshaas oo uu hoggaamiye ka ahaa ilaa 5 sano oo xiriir ah. Jawaari ayaa arrintaas uga gol lahaa sidii uu Beesha Caalamka uga heli lahaa garab maadaama uu doonayo inuu midkooda u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya ama Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhawaan la filayo inay dhacdo doorasho xasaasi ah. Jawaari ayaa la kulmay xubno isugu jira Xilldhibaano ka tirsan BFS iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo uu kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo doorashadda Koonfur Galbeed iyo mida guud ahaan dalka ee 2020. illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimadda Online u sheegay in Jawaari uu doonayo inuu sameysto Isbaheysi isaga gaar u ah, kaasoo uu doonayo inuu ugu tartamo doorashadda la filayo inay ka qabsoonto dalka sanadka 2020. Doorashadda Soomaaliya ee 2020, taasoo la filayo inay noqoto qof iyo cod ayaa waxaa haatan la dareemayaa in dowladda iyo mucaaradka ay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay ku doonayaan inay iskugu diyaarinayaa codbixintaas taariikhiga ah. Jawaari ayaa saldhigtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya kadib markii ay ka hor imaadeen Xildhibaano badan oo ballanqaadyo ka heystay dowladda dhexe ayaa ilaa waqtigaas wado kulamo kala duwan oo uu halkaas kula yeelanayo siyaasiyiin, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka fakaraya sida laga yeeli lahaa shirkadda DP World oo la sheegay inuu ka idlaaday wakhtigii loo siiyay ballaarinta Dekadda Berbera ee Somaliland. Shirkada DP World oo uu ka dhacay wakhtiga ay qabsatay ayaa iminka waxa uu muran kala dhexeeya Somaliland kadib markii ay shirkadu dalbatay in loo kordhiyo xiliga. Agaasimaha guud ee shirkada Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa Somaliland ka codsaday in mudada halka sano oo ay ku ballan qaadday in ay ku ballaarineyso Dekadda kana dhamaaday loogu sameeyo wakhti kordhin. Waxa uu agaasimuhu ka dalbaday maamulka in loogu daro muddo 2 sanno oo dheeri ah, taasi oo abuurtay khilaaf cusub oo ka dhex curta Somaliland iyo shirkada DP World. Agaasimaha oo qoraal la wadaagay Somaliland ayaa sheegay in muddo kooban ay ku fulin doonaan ballanta dayacantay, hase yeeshee ay iminka u baahan yihiin laba sano oo dheeri ah. Maamulka Somaliland ayaa diidan dalabka wakhti kordhinta waxa uuna maamulka ku andacoonayaa inaanu jirin wakhti dheeri ah oo ay ku bixin doonaan arrinta Dekadda. Go’aanka maamulka Muuse Biixi kadib Agaasimaha shirkada Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa warqad faragalin ah la wadaagay Hoggaamiyihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo si maamulka hadda jira uu kala hadlo wakhti kordhin dheeri ah oo lasiiyo shirkada. Warqada ayaa la sheegayaa in ay ku qorneyd in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ka dhaadhiciyo in DP World wakhti loo kordhiyo looguna daro 2 sano. Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inay kawada hadlan arrinta shirkada waxaana aad u adkaan doonta inay isku fahmaan wakhti kordhinta. Sidoo kale, Siciid Xasan Cabdullahi, oo ah Maareeya Dekadda Magaalad Berbera ayaa sheegey in shaqada Dekadda Berbera ay 40%sare uga kacday sidii ay ahayd ka hor inta aysan la wareegin DP World. Ma cadda sida ay Somaliland ku aqbali doonto arrinta wakhti kordhinta shirkada, waxa ayna tani kusoo aadeysaa xili dowlada Somalia iyo Somaliland ay isku khilaafsan yihiin Heshiiska Imaaraadka lagu siiyay Dekadda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Tani waa qormadi shanaad ee aan ku eegayno loollanka loogu jiro la wareegidda gacan ku haynta siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Qormadaan waxay si gooni u eegaysaa dadaalka ay Itoobiya ugu jirto inaysan ka mid noqon kuwa la qaysanayo ee ay ka mid noqto kuw wax qaybsanayo. Marki laga hadlayo qaybsi iyo saamayn lagu yeesho dalalka Geeska Afrika waxaa nagu soo dhaco kaliya waddamada waaweeyn sida Maraykan, Ruushka, Turkiga, Shinaha, Iiraan ama kuwa lacagta leh sida Imaaraatka iyo Qatar. Waxa meesha ku jiro ee aan ilowsannahay ayaa ah waddamada gobalka ku yaal ee tartanka qaybta ah. Sidaasi waxaa yiri Allison Fedirka oo fadhigiisu yahay Washiton kana faallodo siyaasadda caalamiga ah. Waddamada gobalka ee uu mudane Allison sheegay waa Itoobiya oo waqtigaan qaadday tallaabooyin ay wax ooga baddalayso siyaasaddeeda gudaha, midda dibadda, dhaqaalaheeda iyo xariirka kala dhexeeyo dalalka ee dunida. Aqoonyahannada ka faalloodada siyaasadda gobalku waxay aaminsanyihiin in ujeedka ugu weyn ee raysulwasaaraha cusbi yahay siduu qayb weyn ooga heli lahaa awoodda mandhiqadda si taasi uu helo wuxuu ku dadaalay inuu goobjog ka ahaado geedka wax lagu qaybsanayo. Maahan marki ugu horraysay ee Itoobiya ay ka qayb qaadato qaybsiga Bariga Afrika. Intii u dhaxaysay 15’ki Nofember 1884 iyo 26’ki Febarayo 1885’ti waxaa magalada Baarliin ee dalka Jarmalka ka dhacay shirki ay isugu yimaadeen dublamaasiyiin matalaysay guumaystihii ree Yurub. Shirkaan waxaa lagu go’aaminayay sidii Afrika loo guumaysan lahaa iyo waddan walba intuu goosan lahaa. Shirkaan lagu jeexjeexay xuddudaha manta u yaallo Afrika, laguma casuumin ruux, shirkad ama dal Afrikaan ah oo aan ka ahayn Itoobiya. Waxaa xusid mudan in magaca shirkaas loo bixiyay uu ahaa mid qurux badan oo aan waxba ka duwanayn kuwa maanta la isticmaalo. Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii loo heli lahaa ganacsi xor ah oo ay yeelato qaaradda Afrika in meesha laga saaro in dhowr dal kaliya isku koobaan ganacsiga iyo kheyraadka qaaradda madow. Sababta shirkaas loogu ogolaaday Itoobiya maahayn jeceyl gooni ah oo loo qabay iyo saaxiibtinimo gaar ah oo kala dhaxaysay ree Yurub ee waxay ahayd inay isu muujisay inay tahay dal jira oo inuu wax qaybsado mooyee aan isaga lagu darsan karin kuwa lakala goosanayo. Arrintaas waxaa suura galiyay in Itoobiya ay ka jirtay dowlad boqor leh laakiin dhul ahaan aad u yar. Boqorkaas wuxuu ku dadaalay siduu dalkiisa uga bixin lahaa sawir muujinayo inuu yahay awoodda ka jirta Bariga Afrika iyo in dadyowga dariska la ahaa ay ahaayeen kuwa isaga hoos yimaado oo taladooda ay tahay in isaga wax laga waydiiyo. Sidoo kale, kaniisadda dalkaas ayaa ahayd mid caan ka ahayd Yurub sumcad weyna ku lahayd masiixiyiinta majaraha u haysay guumaystaha Yurub. Halka qowmiyadihii ku noolaa Bariga Afrika aysan warba ka ahayn waxa ka socdo dhulkooda, Itoobiya waxay xusulduub ugu jirtay helidda dhul iyo dad is wata oo ay qaaadato. Maanta kama duwana waqtigaas. Itoobiya dad, dhaqaale, ciidan iyo awood kalaba iyadaa ugu hoorrayso mandhiqadda. Ma jiro dal kale oo daris la ah oo ku dhaco inuu isku garab dheerariyo. Taasi waxay u suura galisay inay isu muujiso inay tahay odaga ka taliyo carrigaan haddii lagu diirrado in laga dul boodana ay wax gaysan karto. Taasi waxay keentay inay noqoto labaatanki sano ee lasoo dhaafay albaabka laga soo galo Soomaaliya matalaadda soomaalidu ku lahayd dalalka caalamka. Maraykanka, Turkiga, Sacuudiga, Imiaaraatka iyo Shiinaha intaba waxay maalgalin xooggan iyo xariir wanaagsan la samaysteen Itoobiya inta aysan u gudbin gobalka intiisa kale. Darajada ay Itoobiya ka heshay dunida waxaa keenay sida ay iyadu isu karaamaysay. Halka dalalka kale ee Afrika Carabtu u yeeriyaan waxa ay rabaan iyagoo isticmaalayo lacag, Itoobiya lacagtana waa la siiyaa mana dhacdo inay si muuqato cid u taageerto ama u muuqato mid loo sheegay go’aanka ay qaadanayso. Tusaale, khilaafki Khaliijka dhammaan waddamada mandhiqaddu, sida Jabbuuti, Suudaan iyo Eritareeya, si dagdag ah ayay dhinac u raaceen laakiin Itoobiya iyada oo dhammaan dalalkaas oo dhan xisaab xooggan ka qabto ayay diidday inay dhinac raacdo. Khilaafki ugu danbeeyay ee Kanada iyo Sacuudiga, Soomaaliya iyo Eritareeya waxay garab istaageen Sacuudiga iyagoo canbaareeyay Kanada. Itoobiya inay wax dhaceenba kama soo qaadin waayo shaqo u taal uma aragto, Sacuudigana waxay u aragtaa dal ay siman yihiin oo aan wax u yeerin karin. Farqiga ayaa ah, in Itoobiya u kala soocan yihiin maalgashi, taageero dhaqaale iyo aan ku yeesho. Arrintaan maahan mid ku kooban hab dhaqanka dowladda ee waa mid shacabku qayb ka yahay. Halka Soomaalidu waddanki waxyar taro ay hiil iyo hooba u hurayaan, shacabka Itoobiya uma arkaan in xaq loogu leeyahay taageero gooni ah. Tusaale, Turkiga soomaalida maanta wuxuu u joogaa meel ay u hurayaan wax walba oo ay karaan ilaa aan maqlay xataa culimo leh haddaan awoodno waxaan ku wareejin lahayn talada dalka. Waxaan hubaa haddii maanta cod kalsooni loo qaado madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Turkiga in soomaalidu codka siin lahayd midka Turkiga. Saas oo ay tahay kala bar maalgashigaTurkigu ku leeyahay Afrika wuxuu galiyay Itoobiya. Halka innagu kaalmada aadane ee Turkigu na siiyo aan u aragnay mid uu ku mutaystay in dalka lagu wareejiyo, Itoobiya harumarinta tamarta, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee uu Turkigu dhulkeeda ka wado waxay u aragtaa kaliya xariir iskaashi oo labo dal oo siman ka dhaxeeyo. Sidoo kale, Sacuudiga waxaan ku garab istaagnay xoogaa uu kabo qasanadda dowladda isagoo dhinaca kale diiday inuu noo furo suuqiisa xoolihii soomalaidana jidka kusoo celiyay. Halka Itoobiya uu ogolaaday inay suuqiisa u iib keeni karto alaabaha Itoobiya lagu sameeeyo, uu ka furay maxjar ugu weyn geeska Afrika kaasoo lagu qali dooni xoolaha Soomaalida, uu maalgaliay beero gaarayo kummaan hektar una oggolaaday lacag kale oo maalgashi ah. Qatar oo aannan ogayn wax maalgashi ah oo ay dalkeenna ku samaysay marki laga reebo saliid iyo timir masaakiinta loo qaybiyo, waxay saamayn xooggan ku leedahay go’aammada dalkeenna halka Itoobiya oo ay maalgalisay biyo biyoxireenkeeda ugu weyn Afrika aysan eray ku dhihi karin. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu is yiraahdo Itoobiya waa dal dhisan oo aan ciwimaad u baahnayn sidaas ayaana keentay in maalgashi kaliya lagu yeesho siyaasaddana u badaxbannaanaato. Itoobiya xagga faqriga waxba nama dhaanto. Sanadki labada kun, Itoobiya waxay ahayd dalka saddexaad ee dunida ugu saboolsan. Dadkeedu in badan 50% ayaa ku noolaa saboolnimo xad dhaaf ah. Hadda 31% ayaa ku nool wax ka yar hal doolar maalinki. Waxaa ka jiro shaqo la’aan baahsan, dib u dhac xagga tignoolajiyadda ah, xorriyad la’aan iyo daganaansho la’aan siyaasadeed. Sida aan horay u sheegnayba waxa keenay in Itoobiya loo arko dal aan ka quursan karin, waa sida iyada iyo dadkeeduba u dhaqmaan. Marki dowladdi isu diyaarisay kuna guulaysatay inay fadhiisato miiska mandhiqadda lagu qaybsanayo, tallaabada xigto waa in shicibka lagu qanciyaa inay kor u baxaan. Si shacbakeeda ay ugu qanciso inay dhul cusub boobaan madaxda Itoobiya waxay billaabeen dhiirrigalinta in kor loo baxo lagana gudbo isku koobidda xudduudda dalkaas. Mudane Abiy, mar uu u jawaabayay wiil kasoo jeedo beelaha yaryar ee Itoobiya kaasoo yiri innaga ree hebel ah ismaamul gooni ah ayaan rabaa, waxaa uu yiri waxaan rabnaa inaad Muqdisho aad u shaqo dagto adoo gurigaada kasoo toosay adna inaad xaafad isku koobto ayaad rabtaa. Sidoo kale, markii uu sheegay inuu celinayo dhulkii ay Eritareeya ka haysteen waxaa looga yeeray baarlamaanka waxaana la waydiiyay su’aalo adag oo arrintaas la xariiro. Abiy waxaa uu yiri xudddaha hadda noo yaal waa kuwo ay dhigeen guumaystihi ree yurub mana ahan mid lagu saleeyay caddaalada iyo danaha dadka daggan dhulkaan. Wuxuu yiri isagoo arrintaa tusaalaynayo, Oromada Borena ee dagen Itoobiya waxay dhaqan ahaan iyo dhalasho ahaanba isaga dhowyihiin Oromada dagggan Kiinya. Sidaas darteed, in laga gudbo xudduud beenaadkaan waa lama huraan. Hadallada mudane Abiy waxay u muuqdaan kuwo meesha kasaarayo aqoonsiga xuddudaha hadda jira oo qaarkood uu xoog ku haysto. Meesha kasaaridda xuddudaha waxay u ogolaan doontaa Itoobiyaanku, inay sheegtaan dhul cusub si loo ballaariyo dhulka Itoobiya ay ku fadhido. Ha ku kadsoomin eyada macaan ee arrintaan loo marayo. Luuqadda la isticmaalayo ee ah ganacsi, maalgashi, wada-noolaansho iyo xariir iskaashi waa mid lagu yaqaan guumaystaha waana kii ay isticmaali jireen guumaystihi ree Yurub. Khulaaso Geeska Afrika waxaa kasoo cusboonaaday loollan u dhaxeeyo waddamo duullaan ah. Duullaankaan wuxuu ku wajahanyahay sidii loo hanan lahaa siyaasadda mandhiqadda iyo gacan ku haynta khayraadkiisa. Duullaankaan oo u qaab eg midkii guumaytihi ree Yurub Afrika ku qabsaday ayaa u dhaxeeyo waddamo is diiddan oo is garab yaacayo. Culayska ugu badan wuxuu haystaa Soomaalida. Soomaaligalbeed mid laga samray ayay u muuqataa oo waxaan qabatinnay magaca ‘Soomaalida Itoobiya’. Soomaaliland waxay ka lulataa meel halis ah ka dib markay gashay heshiis xero ciidan lagu siiyay Imaaraat oo dillaal u ah waddamo dhowr ah. Jabuuti waxay khatar ugu jirtaa in Shiine la wareego maadaama ay gashay deyn ay adagtahay inay iska bixiso. Soomaaliya oo kasoo kabanaysay burbur daashaday muddo badanna ahayd halaqyo galeen waxay u muuqataa mid masiirki ka lumay oo hadba dal xig siiyay meel i jiheeyo. Itoobiya oo ah cadowga kaliya ee dhulkeennu halista ugu jiro, waxay u middiyo lisanaysaa inay boobto dhul cusub oo soomaaliyeed. Soomaaligalbeed waxay ka heshay shidaal kasaaro faqriga. Jabuuti waxay rabtaa inay ka dhigato meesha ay ka dhoofsato shidaalka ay kala soo baxdo Soomaaligalbeed. Soomaaliya oo ay ku jirto Soomaaliland waxay rabtaa inay kula shirkowdo waddamada duullaanka ah oo ay dhaqaalo xooggan ka hesho dadkeedana shaqo uga abuurto. Inkastoo sawirka aan bixiyay u muuqdo mid madow, haddana waxaan qabaa in aannan jabin. Taariikhdu waxay na baraysaa in Soomaali dhul qabsato mooyee aysan jirin dhul iyada laga qabsado. Oromada maanta u dhiilo-culanayso inay qabsato dhul soomaaliyeed, iyadoo intaan ka badan, ka cawaansan kana dad cunsan ayay soomaalidu kala wareegtay dhulka ugu weyn Soomaaliya maanta. waddamada Carbeed ee aan islaannimada u aaminnay iyaguna na iibsaday, horay ayay u sameeyeen intaas oo kale laakiin waa ka cifannay. Baarurugga dadkeenna, adkaysiga dabiiciga ah ee soomaalidu u dhalatay iyo tirada wali dammiirkodi noolyahay oo lagu daray sida aan daacadda u nahay iyo sida naloo khiyaamay, ayaa keeni doonto in aannan u baabi’in sidii loo rabay. Hasa yeeshee inaan ku baraarugno halista nagu soo wajahan waa mid lama huraan ah. Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  16. In Somalia dastuur buuxa yeelato waa waxa ugu badan oo ay dhaqaale ku bixiyaan beesha Caalamka. Dastuur arrintiisu waxaa ay taagneyd tan iyo 2004. Mar walba waxaa la dhisaa gudi dastuur, waxaa jira wasiirka dastuurka iyo hay’addo madaxbanaan oo arintaa ku howlan, malaayiin dollar ayaa lagu bixiyaa arrintan. Maxamed Yuusuf oo ah sharci yaqaan ku nool Kenya oo aad ula socda howsha dastuurka ee Somalia ayaa u sheegay MEP in lacag ka badan 300milion lagu cunay dastuurka Somalia 14kii sanno ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in lacagtaas xoogeeda ay ku dhacday akoono ay lee yihiin shaqsiyaad qaas ah. Wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in 5 ilaa 10 sanno oo kale laga yaabo in dad qaas ah ay iska biishan howsha dhameystirka dastuurka Somalia. Wuxuu ugu baaqay dowlada hada jirta iney ka dhabeyso dhameystirka dastuurka. “Waxaan hubaa in waqti kooban lagu gunaanadi karo, laakiin dad ayaa raba iney sanado badan biishan ayuu yiri sharci yaqaan Maxamed Yuusuf. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
  17. Hararghe (Caasimadda Online) – Maamulka Oromada Ethiopia ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhinteen weeraro hor leh oo markale ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika. Waxay sheegeen in Ciidamada Soomaalida Liyuu Booliska ay xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, sida ay hadalka u dhigeen. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaannada ku dhow xadbeenaadka ay wadaagaan gobollada Oromia iyo Somaligalbeed. Si kastaba, waxaa soo baxday in mas’uuliyiin ka tirsan Qoomiyada Oromada ay faafiyeen warar aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in weerarkaas lagu dilay ilaa 40 qof oo shacab ah taasoo ah wax ka fog xaqiiqda jirta. Afhayeen u hadlay Maamulka Qoomiyadda Oromada oo lagu magacaabo Negeri Lencho ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis lagu dilay 4o qof oo oromo ah halka dadkii kaso badbaaday weerarkaas ay wakaaladaha Wararka u sheegeyn in tiradu tahay 10 qof balse laga badbadinayo. Madaxda faafinayo arrintaan ayaa doonayo inay sare usii qaadaan xurgufta ka dhaxeyso qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo hadda gaartay meel sare iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan xasuuqyo kala duwan oo keenay inay dadka barakacaan. Isbuucii lasoo dhaafay tobaneeyo qof Soomaali ah ayaa ku baxay gacanta ciidamada melleteriga itoobiya iyo maleeshiyo daacad u ah maamul goboleedka gobolka Oromia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  18. Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa dalka Kenya gudaha u galay qaar kamid ah xaasaska Horjoogayaasha Al-Shabaabka Somalia gaar ahaan qeyta ka dagaalanta Gobolada Jubbooyinka. Xaasaskan oo wata boorsooyin waaweyn ayaa la sheegay inay gaarayaan 16 Xaas kuwaa oo galay degaanka Malindi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay uga dhuumanayaan ciidamada amaanka. Haweenkan ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kala shaqeyn doonaan amni darada qeybo kamid ah dalka Kenya, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay fulin doonaan weeraro lidi ku ah amniga xarumo dowladeed. Dowlada Kenya oo arrintaani walaac gaara ka muujisay ayaa sheegtay inay wado dadaalo looga hortagayo falalka amni darro oo ay wadaan Haweenkan. Kooxda Al-Shabaab ayaa awood argagixiso ku dhex leh dalka Kenya, waxaana xusid mudan in Saldhigyo qarsoodi ah ay ku dhex leeyihiin Gobolka Waqooyi bari Kenya. Sidoo kale, Haweenkan ayaa lasoo warinayaa inay isugu jiran Soomaali iyo Kenyan u dhaxa Horjoogayaal waaweyn oo xilal muhiima ka haya Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn sida ay dowlada Kenya uga gaashaman doonto khataraha kaga imaankara Haweenkaasi Shabaabka ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay halkaa ku qabteen gawaari nooca xamuulka oo lagala soo baxsaday DDSI. Gaadiidkan ayaa lasoo sheegayaa inay ku rarnaayen alaabo lagala soo baxsaday maamulka, kuwaa oo la doonaayay in lagu kala iibsado deegaanka Balanballe. Gacan ku dhigista Gaadiidka iyo alaabaha saarnaa ayaa waxaa saxaafada uga warbixiyay Taliyaha ciidanka Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali. Taliyaha oo u waramaayay idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xuduudda lagala soo gudbay dhowr iyo toban gawaari ah, xilligana ay gacanta ku soo dhigeen gawaari aan tiro yareyn. ”Gaadiidka qaar waxa ay hadda ku jiran gacanteena darawalada oo aan wareysanay waxa ay inoo sheegen inay lasoo baxsadeen sidaa aawgeed anaguna inta aysan galin magaalada ayaanu gacanta ku dhignay” Waxa uu sheegay taliyaha in gaadiidka qaar loola gudbay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna cadeeyay inay ku guda jiraan baadi-goobka halka gaadiidkasi ay hadda ku sugan yihiin. Sidoo kale, Taliyaha ciidanka Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali ayaa baqdin ka qaba in gaadiidka lala soo baxsaday ay wadan alaabo muhiim u ah maamulka, hase yeeshee baaritaano kadib ayuu sheegay inay la xiriiri doonaan maamulka. Si kastaba ha ahaatee, gaadiidkan lala soo baxsaday ayaa kusoo beegmaya xili gaadiid kale oo xamuula isla markaana lala soo baxsaday lagu qabtay todobaadkii tagay deegaano hoostaga Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  20. Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani has said Qatar is standing by its "brothers in Turkey" as he announced a $15bn investment into the country's financial markets and banks. The emir's comments on Wednesday came after holding talks with Turkish President Recep Tayyip Erdogan in Ankara, Turkey's capital. Turkey is currently grappling with a currency crisis and heightened tensions with the United States, its NATO ally. Sheikh Tamim is the first foreign head of state to visit Ankara since the stand-off with Washington began last week. "We stand by the brothers in Turkey that have stood with the issues of the Muslim World and with Qatar," Sheikh Tamim said in a tweet. "As part of the important talks that I held in Ankara on Friday with His Excellency President Erdogan, we announced a $15bn deposit package and investment projects in the country, which has a strong and solid productive economy." Erdogan and Sheikh Tamim also discusses ways to improve their strategic cooperation. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay degaanka Basra oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadan oo qeyb ka ah ururka 14-ka October ayaa galabnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku biiray ciidamo horay usii joogay deegaanka Basra. Ciidamadan ayey dowlada Somalia u dirtay inay ku biiran ciidanka dowladda ee hawlgalka lagula dagaalamayo xagjiriinta Al Shabaab ka wada degaanka Basra. Degaanka Basra oo Al-Shabaabka ay ku leeyihiin Saldhigyo qarsoodi ah ayaa waxaa shalay ka dhacay hawlgal gaar ah ay fuliyeen ciidamo is-garabsanayay. Ciidamada qaaday howlgalka ee is garabsanaaya ayaa isugu jiray ciidanka xoogga dalka, kuwa AMISOM iyo ciidanka Mareykanka oo fuliyay duqeymo. Ciidanka maanta ka baxay xerada Gen. Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay inay gaarayan ilaa 300 boqol oo askari, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka, kuwa ciidanka xambaara iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta. Dhinaca kale, qorshaha dowlada ayaa ahaa in ciidankani deegaanka Basra la geeyo habbeenimadii xalay hase yeeshee sababo jiray aawgeed ayey maanta u gaaren. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Ujeeddada qormadani maahaa inaan ka hadlo taariikhda qarannima-doonka Soomaaliyeed (taa waxaa leh taariikhyahannada ku takhasusay iyo dadkii goobjoogga u ahaa ooy weli qaar noolyihiin). Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagihii loo qeybiyey xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dhammaadka bishii Soonka. Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galayey Barnaamijka Dood Furan oo ay dadweynaha su’aal ku waydiinayeen ayaa kamid ah dadkii kasoo qeybgalay doodaadaas wuxuu Wasiirka Waydiiyey su’aal muhiim aheyd oo ah Waxa ka jiro in xildhibanada Baarlamaanka loo qeybiyey lacag aan aheyn middii mushaarka, hadidi Wasaaradda Maaliyadda lasoo marsiiyey iyo haddii uu isaga xataa lacagtaas wax ka qaatay maadaama uu kamid yahay xildhibaanada? Wasiirka Maaliyadda Ducaaale ayaa arrintaas uga jawaabay inay tahay been abuur aan sal iyo baar midna laheyn. Wuxuu ugu baaqay dadkii kasoo qeybgalay doodaas oo u badnaa arday inay iyaga baaritaan sameeyaan halkii ay sheegi lahaayeen warar ay ka maqleyn dad kale oo ku sugan fadhi ku dirirka sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inaysan jirin lacag la siiyey xildhibaanada isla markaasna aysan santuuqa Wasaaradda Maaliyadda ka bixi karin lacag aan lasoo marsiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa lacag siin dadka xafiiskiisa kusoo booqdo ee lacagaha waydiisto maadaama uu sheegay inaysan ku jirin heshiiska in lacag aan la ansixin la bixin. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in la siiyey lacag ay ku sheegeyn inay tahay xaqqul ciid dhammaadka bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay inkastoo wasiirka uu hadda arrintaas inkiray. Lacagtaas la siiyey xildhibaanada ayaa la sheegay inay aheyd abaalmarintii kaga soo aaday mooshinadii meesha looga saaray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi. Halkaan hoose ka daawo Jawaabta uu bixiyey Beyle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/39212115_440310739811223_805428942071660544_n.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wajahn yahay magalada Jabouti ee xarunta dalka Jabouti. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu ka ambabaxo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo gaari doona dalka Jabouti. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo mudada uu Madaxweynaha ku nagaan doono Jabouti la kulmi doona dhigooda dalkaasi. Magaalada Jabouti ayaa waxaa loogu diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa oo halkaa ku nagaan doona muddo laba cisho ah, sida aan xogta ku heleyno. Xogta aan heleyno ayaa waxa ay tilmaameysaa in booqashada Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay salka ku hayso xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhigiisa Jabouti kala hadli doona dhex dhexaadin la doonaayo in laga dhex sameeyo Jabouti iyo Eriterea oo khilaaf diblumaasiyadeed uu ka dhexeeyo. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigiisa Jabouti la wadaagi doonaa wixii kasoo baxay kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatay Wafdi ka socda dalka Eriterea oo uu kala hadlay wadahadal laga dhex abuuro Jabouuti iyo Eriterea. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la rajeynaa inuu soo afjaro mad madowga siyaasadeed ee ka dhex jira labada dal, kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay Asmara, kaasi oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Ethiopia’s new Prime Minister Abiy Ahmed has electrified his country with a range of reforms since he took office in April, including the release of hundreds of political prisoners. Source: Hiiraan Online